Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,886
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kadib markaanu aragnay Dadaalka iyo Wadan jacaylka ka muuqda Abokor waxaanu u qaadanay shaqaale ka mid ah Dawladda Hoose ee Hargaysa gaar ahaan waaxda ilaalada Dooxa iyo ka warhaynta Bilicda Dooxa Hargaysa. Abokor waxa uu si wayn uga qayb qaatay isaga iyo Gaadhi Dameerkiisa Ololihii Qashinka lagaga gurayay Dooxa wayn ee Caasimadda Hargaysa. Waaxda warbaahinta Dawladda Hoose Ee Hargaysa Source
  2. Faallo, Al-Jazeera: Xilligii Ay Soomaaliya Gargaarka U Diri Jirtay Sacuudiga (SLT-Riyadh)-Warbaahinta Al-Jazeera ayaa afka Carabiga ku qortay maqaal dheer oo ay cinwaan uga dhigeen “Soomaaliya, dalka gargaarka u diri jiray Sacuudiga”. Waxaa maqaalkaan qorey Mucaad Maxamad Al-Xaaji Axmed, oo ah qoraa carbeed oo u dhashay dhulka Falastiiniyiinta. Maqaalka waxaa uu ku billaabanayaa sharraxaad ku aadan xaaladda Soomaaliya ee maanta, oo waxaa uu leeyahay waxa laga maqlo dalkaasi haatan ayaa ah; budhcad badeed, hoggaamiye kooxeed, kooxo hubeysan, dambiilayaal hubeysan, oo way adagtahay in maanta wax wanaagsan laga maqlo Soomaaliya. Qoraaga waxaa uu sheegay in inkastoo horumar la taaban karo uu jiro, haddana waxaa weli maskaxada dunida ku qufulan dhibaatada Soomaaliya, oo intooda badan Soomaaliya tusaale ahaan u soo qaata dadka dunida markay ka digayaan in dal kale uu qaado waddada bur-burka. Balse Soomaaliyada maanta wareersan, ee kala tegtay, dhiigga qabaayaladda dhex-dabbaalatay, weligeed sidan ma ahaan jirin. Xornimadii kaddib, Soomaaliya waxaa looga yeeri jiray “Switzerland-ta Afrika”, maxaa yeelay dadkeeda waxay lahaayeen xoolo badan iyo beero wax soo saar fiican leh. Qooraaga waxaa uu leeyahay Soomaaliya waxay hormuud u ahayd dimuqraadiyadda iyo awoodda oo si nabad ah la isugu wareejiyo, wixii ka horreeyay afgembigii Siyaad Barre ee dhacay 1969-kii. Qoraaga waxaa uu sheegay in xilligii ay dhibaatada badan ka jirtay dhulka Muslimiinta, qofkii lagu badbaaday uu ahaa hoggaamiyihii “boqortooyada cadaaladda”, Axmed Ibrahim, (oo Soomaalidu ay u taqaanno Axmed Gurey). Wuxuu qabriga nebiga ka difaacay isbahaysi ka dhexeeyay xabashida iyo Burtuqiiska, kuwaas oo doonayay inay qabsadaan magaalada Madina, sidoo kalena doonayay inay qaataan Qabrigii Nebiga (SAW), si ay ugu gorgortamaan magaalada Quds oo ay Muslimiinta haysteen. Ugu dambeyntii, Axmed Gurey waxaa u suuragashay inuu ka guuleysto oo uu dilo hoggaamiyihii Burtuqiiska, Vasco Da Gama. Maqaalka wuxuu soo xigtay Qoraaga taariikhda ee Cabdulqadir Bin Cabdalla Ceydaruus, oo sheegay in Axmed Gurey, uu markii dambe gaaray guulo waaweyn, oo uu magaalooyin badan ka furtay Xabashida. Maqaalka waxaa kale oo uu sheegayaa in guulaha uu gaaray Axmed Gurey ay la mid yihiin kuwii la gaaray xilligii Saxaabada. Qoraaga ayaa wuxuu sheegay in nuxurka maqaalkiisa uu yahay in Soomaalida maanta sidan ah ay ahaan jireen dad hodan ah oo Sacuudiga gaarsiiyay gargaar, inkastoo uu sheegay in dadka qaar ay doonayaan inay arrintaasi dafiraan. Qoraaga waxaa uu sheegay in intaan la helin betroolka, Sacuudiga uu ahaa dal faqiir ah, dadkiisana waxay ku noolayeen timir iyo caano oo keliya, waxaana taariikhda ku cad, in abaar ballaaran ay ku dhufatay Sacuudiga sanadkii 1909-kii. Waxay dadka cuni jireen caleynta si ay noolashooda u badbaadiyaan. Xilligaasi, Soomaalida aad ayay qani u ahaayeen, oo xitaa waxaa la weriyaa in qofku intuu neef qasho, uu beerka keliya ka cuni jiray, inta kalena uu tuuri jiray. Taariikhdu waxay qoreysaa in Culimada Soomaalida ay xilligaasi fatwoodeen in xoolo sadaqo ah loo diro dadka Sacuudiga, waxaana xigtay in ganacsatada Soomaalida ay billaabeen inay halkaasi u raraan xoolo nool, raashiin iyo xitaa dahab. Soomaaliya maanta waxay ku sugantahay xaalad aan wanaagsaneyn, waxay ahaan jirtay dimuqraadiyad aan xasuusta ka bixi Karin, maantana waxay noqotay maamulo yar-yar oo kala taagan. Waxay horey u ahaan jirtay aag cagaar ah oo leh doomo dunida oo dhan u kala goosho, oo kaalmo gaarsiiyo, hasa yeeshee hadda noqotay dal ay ka jirto gaajo iyo rafaad, balse taariikhda aanan la hilmaami karin. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey “ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida” Tiyaatarka Qaranka, isaga oo fulinaya amarka Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta qaranka ay ka keeneen cabasho, ayaga oo isu soo bax maanta ka sameysay Muqdisho. “Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda,” Caasimada Online ayaa Axaddii shaacisay in dhulka laga iibiyey shirkad gaar loo leeyahay, balse warqadda kasoo baxday Dubbe lagu qoray in la kireeyey, si loogu qariyo xaqiiqda iibka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato. Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, islamarkaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay. Cabdi Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, islamarkaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka. “Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri Cabdi Dhuux. The post DF Soomaaliya oo ka laabatay iibintii Tiyaatarka Qaranka appeared first on Caasimada Online.
  4. MOGADISHU (HOL) - A military court in Mogadishu has handed a 10-year jail term to an ISIS cameraman barely a week after another member of the group was sentenced to 15 years. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale kulan gaar ah la yeeshay xubnaha golaha midowga musharixiinta, waxayna ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka iyo dardar-gelintooda. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sii gaar ah diiradda loogu saaray in doorashada ay noqoto mid hufan, daah-furan, isla-markaaana waqtigeeda ku dhacda. Sidoo kale xukuumadda iyo musharixiinta mucaaradka ayaa isla gartay in si wada jir ah looga wada-shaqeeyo qabsoomida doorashooyinka billowday ee 2021-ka, sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim (Macallimuu) “Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta,” ayuu yiri Macallimuu. Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Rooble uu midowga musharixiinta la wadaagay talooyin ku aaddan turxaan bixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen. Labada dhinac sidoo kale ku ballamay shirar kale, si ay usii socdaan wada-hadallada ku aadan arrimaha doorashooyinka dalka oo haatan maraya meel wanaagsan. Rooble waxaa sidoo kale kulankan ku wehlinayey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, sida wasiirka waxbarashada Soomaaliya, wasiir ku xigeenka warfaafiinta iyo mas’uuliyiin kale. Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana hadda qabsoomay intooda badan doorashooyinka xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post Midowga Musharaxiinta iyo R/Wasaare ROOBLE oo hal qodob isku raacay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ku cad warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya, waxaa la bixiyay dhul ballaaran oo ka mid ah Tiyaatarka Qaranka oo ku yaalla dhabarka dambe ee xarunta Tiyaatarka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka, islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato, islamarkaana laga sameyn doono maqaayad. Dhulka la bixiyey ayaa waxaa ka dhalatay xiisad xoogan, ayada oo qaar kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka. Haddaba, aan dib u milicsano saddex sano ka hor iyo wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu xiligaas uga walaacsanaa jiritaanka warar sheegaya ku xad-gudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho. “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo,” ayaa xiligaas lagu yiri wareegtada Farmaajo. “Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.” Tuhunada iyo dareenada ku xeeran qaabka loo bixiyay dhulka kamid ah Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa dul hoganaya su’aalo badan, ayada oo uu banaanka u soo saarayo wax ka bedelka ku yimid wareegtadii uu saddex sano ka hor ku joojiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday bixinta dhul dowladeed. Madaxweynaha ayaa xiligaas faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrimahaas inaysan bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka. Hase yeeshee Farmaajo ayaa kadib waxaa la bixiyey dhul badan ooh anti dadweyne ah, ayada Inta badan dhul boobkan looga faa’iideynayo shaqsiyaad siyaasad ahaan ku xiran madaxweyne Farmaajo ama ehel la ah, mana cadda inta uu le’eg yahay dhulka ay bixisay dowladda ee lacagta lagu qaatay. Farmaajo ayaa horey jaadka Ethiopia ugu xiray xubno ka tirsan qoyskiisa, kadib markii uu mamnuucay midka Kenya, si lacagta kasoo xaroota loogu galo olole doorasho, waxaana arrintan ka qeyliyey ganacstada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni jiray Kenya. The post Wareegtadii madaxweyne FARMAAJO iyo saddex sano kadib – Maxaa is-beddelay? appeared first on Caasimada Online.
  7. Cadho xooggan oo ka dhalatay Tiyaatarkii Somalia oo iib la geliyey+Wasiir Dubbe oo lagu eedeeyay & Xoggo kale oo xasaasiya Qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka. Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, isla-markaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay. Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, isla-markaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka. “Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri Dhuux. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaa kaloo la-yaableh wasiirka warfaafinta Prof. Dubbe warqad-buu qoray baraha bulshada oo idil ku jirta wuxuu ka hadlay baarka oo dayactir yar lagu sameynayo iyo meel bannaan oo laga dhisaayo guri weyn oo madaxda ay ku nasato, waxaa weeye nasasho ka hor meeshaan Ummadda waxay ugu fadhidaa qiimo waxaa laga hanuuni jiray Ummadda waxna looga sheegi jiray martidaa lagu soo dhoweyn jiray.’”. Abwaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrin la yaable ay tahay in maanta la haweesto golihii murtida iyo madadaallada, isla-markaana laga dhigo maqaayad. “Maanta in la haweesto Shubana uu yiraah waan iibsanayaa, Dubbana uu yiraahdo waxaa laga dhisayaa guri weyn oo maqaayad casri ah & meel ay madaxda ku nasato oo amni ay ku hesho qoraalka waa idinla qeybinayaa waxaas ayaa ku qoran,” ayuu sii raaciyey. Dhankiisa Abwaan Maka Xaaji Banaadir oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin in la iibiyo ama la kireeyo xarunta qaran ee Tiyaatarka. “Horta dadka la sheegaayo oo aan magacyadooda maqlowno meesheynee noogu yimideen, iyaga oo jaakeysan dalkana kaseynin, dadkiisana kaseynin. Ma aqbaleyno daadad noo yimid oo markii ay baxayaan na qaadi rabo” ayuu yiri Abwaan Maka Xaaji Banaadir. Sidoo kale Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah Hobolada Waabari ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka ah in ay soo faro-geliyaan arrintan, waxayna sidoo kale ka dalbatay in 24 saac gudahood ku xiraan wasiir Dubbe iyo Abwaan Shubbe. “Waxaa lasoo maray 30 sano oo burbur ah oo wadanka baaba’sanaay, maalina lama haweysan Tiyaatarta. Anigu dowladda Soomaaliyeed haddii aan Dubbe iyo ninka la yiraahdo Shube 24 saac ee soo socda jeebo aan lagu dhufan dowladda waa kasoo horjeesaneynaa,” ayey tiri Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah hobolada Waabari. Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo Caasimada Online ay horey baahisay xog ku aadan Tiyaatarka, taas oo sheegeysa in dhul ka tirsan Tiyaatarka, islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako oo ay leeyihiin rag ganacsato ah, isla-markaana laga furi doono maqaayada weyn oo casri ah. Qaran News
  8. Ibrahim Ali Ma'ow's kidneys failed to work normally 14 years ago forcing him to start a weekly dialysis session. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxda sare ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ku dhaliilay in xilalkii ugu muhiimsanaa ee dalka ay garab, saaxiibtinimo iyo dano gaar ah ugu abaal mariyeen shaqsiyaad aan aqoon u laheyn, taasi oo horseed u ah fashilka curyaamiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sida la fahamsan yahay farriintiisu si gaar ah ugu socotay Agaasimaha hay’adda Nabadsugida, Fahad Yaasiin, oo uu sheegay in xilkaas uu ku helay saaxiibtinimo kala dhaxeysa madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Hay’addii ugu sareysay Sirdoonka dalka haddii aan nin ugu dhiibo aniga isoo dhisay oo aan fiirin wax khibrad ma leeyahay?, waa ninkaan saaxibkey ah Camey ah oo wariyaha ahaan jiray aan dhaho ii qabo Nabadsugida ka waran.” “Haddii shaqada la isku siiyo wiilkaan aniga ayuu i taageersan yahay, anuu dagaalka ila soo galay, maalmihii aan musharaxa ahaa ayuu sawirkayga darbiyada ku dhajin jirey, oo aan fiirinba wax khibrad ah ma leeyahay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in fashilka curyaamiyey la dagaalanka Al-Shabaab ay qeyb ka tahay xilalka muhiimka u ah dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi oo loo dhiibay shaqsiyaad aan khibrad u laheyn. “Dad Shabaab yaqaana waa joogaan dalka, dad kasoo goostay oo taako-taako iyo geed geed u kala yaqaana, kuwo khibradeeda leh ayaa jooga oo waxa la la’yahay waa hogaan dadkii saxda ahaa u dhiiba shaqadii saxda aheyd.” The post ‘Xilal lagu bixiyey garab, dano gaar ah iyo saaxiibtinimo oo fashiliyey’ dagaalkii DF ee… appeared first on Caasimada Online.
  10. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, oo maanta kulan la yeeshay ururada siyaasadda, ayaa sheegay in aysan wax isbeddel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl Qardho iyo Ufayn. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aysan wax isbeddel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl Qardho iyo Ufayn. Warkan guddiga ayaa ku soo beegmay, xilli shalay ururada qaarkood sheegeen in doorashada hordhaca ah ee golayaasha degaanka aysan wakhtigeeda ku dhici karin. Ururada siyaasaddu waxay sheegeen in aysan weli Puntland ka dhicin wacgelin bulshado, sidoo kale aan dowladda bixin dhaqaalihii ay ugu talashagay in lagu kabo ururada. Sababa kale ee aan doorasho ku dhicin karin waxay ururadu ku sheegeen saameynta doorashada federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland: Gudiga doorashooyinka oo sheegay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacayso appeared first on Puntland Post.
  11. Shirkadda Somgas Somaliland waxa ay shaqada bilawday 2009, iyadoo ujeedkeeda ugu wayni ahaa badbaadinta deegaanka iyo soo kordhinta adeegyadda caalamiga ah ee dhuxusha looga maarmayo. Markii ay shirkadda Telesom Aragtay xaalufinta ka socda Somaliland waxay u fikirtay innay abuurto Shirkadda Somgas Company si ay wax uga qabato deegaankan la xaalufmay, dhirtan la googooyay iyo nabaad guurka ilaa imika jira, Intii ay Somgas waddanka ka bilawday Gaasta cuntadda waxa badbaaday malaayiin geed oo la jari jiray. Waxaa hoos u dhac wayni ku yimid dhuxushii iyo dhirtii qoyanayd ee la jari jiray, waxa hoos u dhacay isbeddel dareemay Wasaaraddii Horumarinta deegaanka oo Ciidankii badnaa iyo kharashkii badnaa ka dhinmay. Shirkada Somgas oo kamida Shirkadda Telesom waxay hal abuurtay Baahi wayn oo loo qabay in deegaanku badbaado dadkuna ka raystaan Dambaskii iyo qiiqii joogtadda ahaa. Mar aan wax ka waydiiyey Maamulaha Guud ee Shirkadda Somgas Sheekh Cabdiraxmaan Shaqale wuxuu ii sheegay innay markasta kor u qaadayaan Adeegyadda ay bixiyaan guud ahaan dalka oo dhan oo ay isbedel u taagan yihiin isagoo carabaabay innay keeneen Haamo si fudud looga dhex arki karo Gaasta ku jirta sidoo kalena ay wadaan Qorshayaal Geeska Africa oo dhan lagu gaadhsiinayo Gaaska Somgas. Shirkadda Somgas ayaa imika Gaasta Gaadhsiisa waddamadda aan jaarka nahay ee Putland iyo Somaliya. Shirkadda Somgas waxay xarumo waaweyn ku leedahay dalka oo dhan, waxay abuurtay shaqo abuur, waxay keentay farsamooyinkii Gaasta oo si casri ah laguugu rakibayo gurigaaga, Huteelkaaga iyo ganacsigaagaba. Xalka kaliya ee u baahan in Somgas qorshaha ku darsato waa sidii Dadkii dhuxusha ka ganacsan jiray ee miyiga camal ay kaga maarmaan loogu sameyn lahaa. Ujeedka guud ee Somgas waa badbaadinta deegaanka iyo la talaabsiga casriga caalamka. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka. Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, isla-markaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay. Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, isla-markaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka. “Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri Dhuux. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaa kaloo la-yaableh wasiirka warfaafinta Prof. Dubbe warqad-buu qoray baraha bulshada oo idil ku jirta wuxuu ka hadlay baarka oo dayactir yar lagu sameynayo iyo meel bannaan oo laga dhisaayo guri weyn oo madaxda ay ku nasato, waxaa weeye nasasho ka hor meeshaan Ummadda waxay ugu fadhidaa qiimo waxaa laga hanuuni jiray Ummadda waxna looga sheegi jiray martidaa lagu soo dhoweyn jiray.'”. Abwaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrin la yaable ay tahay in maanta la haweesto golihii murtida iyo madadaallada, isla-markaana laga dhigo maqaayad. “Maanta in la haweesto Shubana uu yiraah waan iibsanayaa, Dubbana uu yiraahdo waxaa laga dhisayaa guri weyn oo maqaayad casri ah & meel ay madaxda ku nasato oo amni ay ku hesho qoraalka waa idinla qeybinayaa waxaas ayaa ku qoran,” ayuu sii raaciyey. Dhankiisa Abwaan Maka Xaaji Banaadir oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin in la iibiyo ama la kireeyo xarunta qaran ee Tiyaatarka. “Horta dadka la sheegaayo oo aan magacyadooda maqlowno meesheynee noogu yimideen, iyaga oo jaakeysan dalkana kaseynin, dadkiisana kaseynin. Ma aqbaleyno daadad noo yimid oo markii ay baxayaan na qaadi rabo” ayuu yiri Abwaan Maka Xaaji Banaadir. Sidoo kale Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah Hobolada Waabari ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka ah in ay soo faro-geliyaan arrintan, waxayna sidoo kale ka dalbatay in 24 saac gudahood ku xiraan wasiir Dubbe iyo Abwaan Shubbe. “Waxaa lasoo maray 30 sano oo burbur ah oo wadanka baaba’sanaay, maalina lama haweysan Tiyaatarta. Anigu dowladda Soomaaliyeed haddii aan Dubbe iyo ninka la yiraahdo Shube 24 saac ee soo socda jeebo aan lagu dhufan dowladda waa kasoo horjeesaneynaa,” ayey tiri Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah hobolada Waabari. Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo Caasimada Online ay horey baahisay xog ku aadan Tiyaatarka, taas oo sheegeysa in dhul ka tirsan Tiyaatarka, islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako oo ay leeyihiin rag ganacsato ah, isla-markaana laga furi doono maqaayada weyn oo casri ah. The post Daawo: Caro xooggan oo ka dhalatay iibinta Tiyaatarka iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweyne Geelle oo Qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay Af-hayeenka Xisbiga Waddani Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismail Omar Guelleh ayaa Qasiriga Madaxtooyada ee Jabuuti ku qaabilay xildhibaan Barkhad Batuun oo ahaa xildhabaankii ugu codka badnaa xildhobaanada Barlamanka Somaliland ee dhawaan la doortay, xildhibaanka ayaa Ka soo baxay xisbiga Waddani Qaran News
  14. Meydka ninkii weerarka ku gelelefay Safaarada France ku leedahay Tanzania oo lagu aasay Daresalaam Meydka Xamsa Maxammed, oo ku dhintay is -rasaaseyn dhexmartay booliska iyo isaga, ayaa lagu aasay magaalada Dar es Salaam habeenimadii Axadda. Meydka ayaa la aasay kadib markii la geeyay Masjidka Mamuur ee Upanga ee Dar es Salaam halkaas oo loogu tukaday salaadda Janaasada. Sida uu qoray wargeyska Mwananchi, meydka ayaa markii hore la filayay in la aaso 7 -da fiidnimo balse afhayeenka qoyska Abdulrahm Hassan ayaa sheegay in meydka uu dib u dhacay sababo la xiriira baarista kiiska. Afar qof ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen isbuucii la soo dhaafay is rasaaseyn ka dhacday isgoyska waddooyinka Kenyatta iyo Kinondoni oo u dhow Safaaradda Faransiiska ee Daarusalaam. Madaxa howlgallada booliska, Liberatus Sabas, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in aan la ogeyn ujeeddada uu lahaa nink weerarka geystay. Qaran News
  15. Nin Kenya uga tegay inuu ku biiro Daacish-ka Somalia oo xukun lagu riday Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xukun 10 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday nin la yiraahdo Cabdisamad Ibraahim Cumar oo lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha gobolka Bari ee Puntaland. Cabdisamad oo ku dhashay magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda isaga oo jooga Nairobi kahor inta aanu u safrin Soomaaliya sida laga soo xigtay kooxaha dambi baarista. Cabdisamad ayaa tagay buuraha Galgala sanadkii 2016 kii halkaas oo uu si rasmi ah kooxda uga mid noqday. Sida ay sheegeen hay’adaha dambi baarista dhawr dagaal ayuu ka qaybgalay intuu joogay Puntland kuwaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish, iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo kooxda kale ee Al-Shabaab. Hay’adaha amniga ee dawladda federaalka ayaa Cabdisamad ka qabtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo uu doonayay inuu uga gudbo magaalada, balse maxkamad ciidan oo la soo taagay ayaa garsooraha maxkamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu sheegay in eedeysanaha lagu helay dambiyadii loo haystay laguna xukumay 10 sanno oo Qaran News
  16. Habka difaaca gantaallada Mareykanka ayaa dhexda ka qabtay illaa shan gantaal oo maanta lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Kabul, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, ayada oo militariga Mareykanka ay soo geba-gebeynayaan dagaalkoodii ugu dheeraa ee Afghanistan. Kadib daad-gureynta qiyaastii 114,400 qof, oo ay ka jiraan ajaaniib iyo Afgaaniyiin la sheegay inay halis ku jiraan ayaa Mareykanka iyo xulafadiisa waxaa la filayaa inay soo geba-gebeeyaan ka bixitaankooda dalkaas Talaadada, oo ah maalinka ay qabsadeen. Warbaahinta Afghanistan ayaa maanta werrisay in weerarka gantaallada laga soo qaaday qeybta dambe ee baabuur. Wakaaladda wararka Pajhwok ayaa sheegtay inay dhowr gantaal ku dhaceen qeybo ka mid ah caasimadda Kabul. Wararka horudhaca ah ma sheegayaan wax khasaare ah oo ciidamada Mareykanka kasoo gaaray weerarka gantaallada, sida uu sarkaal codsaday inaan la magacaabin u sheegay Reuters. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu mar kale ku celiyey amarkiisa taliyayaasha ee ah in ay sameeyaan wax kasta oo lagama maarmaan ah oo ay ku ilaalinayaan ciidankooda dhulka jooga kadib markii lagu wargeliyey weerarka. PUNTLAND POST The post Garoonka diyaaradaha Kabul oo gantaallo lagu weeraray appeared first on Puntland Post.
  17. Berlin (Caasimada Online) – Dalka Jarmalka waxaa maalmihii dambe kusoo badanayey dhallinyaro Soomaali ah oo halkaas ka geysanaya weeraro loo adeegsado Mindiyo, taasoo culeys weyn ku noqotay Soomaalida ku nool halkaas. Booliiska Jarmalka waxaa loo gudbiyay kiisas kala duwan oo ay ku leg yihiin Dhallinyaro Soomaali ah oo weerar ku fuliyay mindiyo, qaar kamid ah dadkaas waa ay xireen halka kuwo kale ay ku raad-joogaan. Cabdirashiid Shariif oo Soomaalida ku cusub Jarmalka ka caawiya dacwooyinka Maxkamadaha ayaa dhibaato soo korortay ku tilmaamay weerarada ay geysanayaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo falcelinta warbaahinta dalkaas ay ka sameyso. “Soomaalida kunoo Jarmalka waxaa kusoo kordhay weerarada Mindiyaha ay ku geysanayaan iyo kuwa ay isku beegsanayaan dhexdooda tan iyo June 2021, runtii saameyn weyn ayay nagu reebtay maadaama joornaallada lagu qorayo maadaama dadka dalkaan si weyn u aqristaan,” ayuu yiri Cabdirashiid Shariif. Sababaha ugu badan ee dhallinyaradaan ku kaliftay falalkaan ayaa lagu sheegay inay tahay dhibaatooyinka shaqo la’aanta, waxyaabihii ay Jarmalka ka rajeynayeen oo ay ka waayeen, safarka oo ay ku dhibtoodaan iyo isticmaalka walxaha maanka dooriya. Sidoo kale waxyaabaha ku riixayo falalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah in dhallinyaro badan loo diiday sharciga dalalka Yurub, gaar ahaan Jarmarka taasoo dhalliyarada ku kalifeyso inay ku biiraan kooxaha tuugada ah ee ka jiro dalkaas kuwaas oo kala gudbayo mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan. Seddexdii bil ee ugu dambeysay dalka Jarmalka waxaa ka dhacay dhowr weerar oo ay geysteen dhallinyaro Soomaali ah kuwaas oo loo geystay dad ajaanib ah, qaarkood Booliska ayaa toogtay halka qaar kalana gacanta lagu dhigay. The post Sababta keentay weeraradii dhallinyarada Soomaalida ay ka geysteen waddaanka JARMALKA oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Senator Xasan Xuseen Xaaji ayaa safar hawlo shaqo ugu baxay dalka Turkiga. Wasiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magalada Ankara ku soo dhaweyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya. Xasan Xuseen Xaaji ayaa inta uu ku Suganyahay Turkiga kulamo la qaadan doonno Masuuliyiin ka tirsan dalkaas isagoo diiradda Saari doonno Xoojinta Xiriirka milatari ee ka dhexeeya labada dalka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo safar shaqa ugu baxay Turkiga appeared first on Puntland Post.
  19. Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan oo codsaday in aan magaciisa la shaaciin ayaa xaqiijiyey in Taalibaan ay ku jirto diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista Golaha Wasiirrada ee cusub oo la filayo inay ka mid noqdaan dhammaan xubnaha hadda ka tirsan golaha hoggaaminta. Madaxa ugu sarreeya Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa wadatashiyo ku qabanaya magaalada Kandahar, oo loo yaqaan meesha ay ku dhalatay kooxda Taalibaan, waxaana weheliya ku-xigeennadiisa Sirajuddin Haqqani, oo ah madaxa shabakadda Haqqani, iyo Mullah Mohammad Yaqoob, oo ah wiilka aasaasaha Taalibaan Mullah Omar, ahna madaxa Guddiga militariga Taalibaan. “Hoggaanka Taalibaan wuxuu hadda kala tashanayaa qowmiyado kala duwan, xisbiyo siyaasadeed iyo gudaha Imaarada Islaamiga sidii loo dhisi lahaa dowlad ay tahay in laga aqbalo, lagana aqoonsado gudaha iyo dibedda Afghanistan,” ayuu Sher Mohammad Abbas Stanikzai, oo ah hoggaamiye kale oo Taalibaan ah ku yiri khudbad telefishanka laga sii daayay Sabtidii. Liiska xubnaha hoggaamiya Taalibaan, oo la filayo in lagu daro Golaha Wasiirrada cusub ee Afghanistan waxaa ka mid ah; 1- Mullah Abdul Ghani Baradar, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee caasimadda Qatar ee Doha. 2- Sheikh Abdul Hakeem, madaxa wada xaajoodka Taliban ee Doha 3- Sher Abbas Stanekzai, ku-xigeenka kooxda wada xaajoodka ee Doha 4- Sadar Ibrahim, oo ahaa taliyihii hore ee guddiga militariga 5- Abdul Qayyum Zakir, taliyihii hore ee guddiga militariga 6- Mullah Fazil, wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga 7- Abdul Manan Akhund, oo la dhashay aasaasaha Taalibaan Mullah Omar 8- Maulvi Noor Muhammad Saqib, madaxii hore ee cadaalada Taalibaan 9- Amir Khan Muttaqi, wasiirkii hore ee warfaafinta 10- Abdul Salam Xanafi, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taaliban ee Doha 11- Qari Deen Muhammad, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taliban ee Doha 12 – Lateef Mansoor, oo xubin ka ah kooxda wadahadalka Taliban ee Doha 13- Sheekh Qaasim, oo ka tirsan kooxda wada xaajoodka Taliban ee Doha 14- Muhammad Zahid Ahmadzai, diblumaasi hore oo Taalibaan oo joogi jiray Pakistan 15- Maulvi Abdul Kabeer, guddoomiyihii hore ee gobolka Nangarhar 16- Sheikh Abdul Hakim Sharee, oo ah wadaad saamayn badan leh 17- Noorulah Noori, maxbuuskii hore ugu xirnaa jiray xabsiga Guantanamo Bay Waxaa sidoo kale Golaha Wasiirada la filayaa inay ka mid noqdaan, xubno aan caan aheyn, ama la aqoon xilalka ay hadda ka hayaan kooxda, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Abdur Rahman, Mullah Gul agha, Ameer Haqqani, Mullah Maxamed Xasan, Sheekh Shariif, Faizullah Khan, Taj Mir iyo Xafis Majeed. Isha: VOA The post Aqriso: Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee la filayo inay Taalibaan ku dhowaaqdo appeared first on Caasimada Online.
  20. Kabul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa go’aan rasmi ah ka qaadatay xaaladda dalka Afghanistan iyo safaaradda ay ku laheyd magaalada Kabul ee Caasimadda dalkaas. Dowladda Turkiga ayaa dib u furtay safaaradda magaalada Kabul, iyadoo go’aan ku gaartay inay sii wadato joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee Afghanistan sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Dowlada Turkiga ayaa markii ay Taalibaan qabsatay dalkaas oo dhan waxay Kabul kasoo daad gureysay dad rayid ah iyo ciidamo marka laga reebo kooxo farsamo ah oo ka shaqeeneysay wada-hadaladii dhex maray kooxda Daalibaan iyo Maamulka Ankara. Erdogan oo dhawaan kasoo laabtay safar uu ku tagay Montenegro ayaa sheegay in safaaradda Turkiga ee Kabul ay u guurtay dhismaheeda Magaalada dhexdeeda ahaa kadib maalmo ay ku shaqeeneysay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Kabul. “Qorshahayagu hadda waa in aan sidan ku sii wadno joogitaankeenna diblomaasiyadeed. Waxaan si joogto ah u cusbooneysiineynaa qorshayaasheena iyadoo loo eegayo horumarka la xiriira xaaladda amniga,” ayuu yiri Erdogan. Erdogan ayaa hadalada kasoo yeerayo kooxda Daalibaan ku tilmaamay inay yihiin kuwa abuurayo rajo wanaagsan isla markaasna ay rajeenayaan inay yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed oo ku dhisan isfaham iyo wada-shaqeyn. Dowladda Turkiga iyo Taalibaan ayaa dhawaan isku fahmay in Turkiga lagu wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Kabul halka kooxd Daalibaan ay la wareegi doonto ammaanka garoonka. The post TURKIGA oo go’aan cad ka qaatay xaaladda Afghanistan appeared first on Caasimada Online.