Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulamo ku saabsan Arrimaha Doorashada Aqalka Sare, wuxuu la yeeshay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeenka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame. Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha Doorashada Aqalka Sare, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Sidoo kale, Siciid Deni ayaa Gobol-gobol ula kulmay dhammaan xildhibaannada Baarlamanka Puntland, isagoo kala-hadlay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Puntland. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa, in uu maanta oo Khamiis ah soo saaro liiska xubnaha u sharraxan Aqalka Sare ee laga soo doorto Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta soo saaraya liiska xunaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Ashkir ayaa u hanjabay xubnaha uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ee ku jira guddiga doorashada Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online. Rooble ayaa xubnaha guddiga oo guud ahaan ka kooban 11, waxa uu xafiiskiisa kula kulmay Talaadadii, halkaasi oo uu kaga dhowaaqay in la baabi’iyay doorashooyinkii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi ee muranka uu ka dhashay, lana qabanayo doorasho cusub. Qaar ka mid ah afarta xubnood ee guddiga ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa Caasimada Online u sheegay in intii uu socday kulanka uu Rooble ugu hanjabay in ciddii diida inay ka qeyb qaadato doorashada cusub ee hoggaanka guddiga laga saari doono guddiga. Isla habeenkii Talaadada, ayaa wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Ashkir, oo aad ugu dhow Farmaajo, wuxuu casho u sameeyey xubnaha guddiga isaga oo mar kale ku celiyey hanjabaaddaas, sida aan xogta ku helnay. Maalinkii xigay oo aheyd Arbacadii shalay ayaa Guddiga doorashooyinka heer federaal waxa uu iclaamiyey in doorashada guddoonka xubnaha guddiga doorashada kuraasta Somaliland la qabto maalinta Sabtida ah ee soo socota, laguna qabto Afisyoone. Si kastaba, garabka Cabdi Xaashi ayaa durba soo saaray qoraal ay ku qaadaceen doorashada, ayaga oo caddeeyey inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble. Si kastaba, Rooble ayaa mowqifkiisa ku adkeystay, waxaana xalay uu Cabdixakiin Ashakir soo saaray qoraal uu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku taageerayo qabashada doorashada halka dhinac ah. Muxuu Cabdi Xaashi u diidan yahay doorashada? Doorashada ayaa ah mid Rooble uu doonayo inuu hoggaanka guddiga ugu gacan geliyo Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble. Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya. Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan. Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone? Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma iman doono xal. Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo. The post Xog: Rooble iyo Ashakir oo u hanjabay xubnaha guddiga doorashada ee Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
  3. Congratulations to all new #Somaliland MPs sworn in to the House of Representatives this morning, and also to the newly elected speaker and deputies. The UK looks forward to working with you over the next five years. pic.twitter.com/KIA8awXCT6 — Stuart Brown (@StuartBrownFCDO) August 3, 2021 Qaran News
  4. Ugu yeraan 17 qof oo ka qeybgalay xaflad aroos ah ayaa dhintay ka dib markii biriq ku dhacday, sida ay saraakiishu sheegeen dalka Bangladesh. 14 qof oo uu ku jiro arooska ayaa sidoo kale ku dhaawacmay biriqda, hase yeeshee aroosadda ama gabadha la guursaday waa ay ka maqaneyd xafladda. Xafladda arooskan ayaa ka socotay magaalada Shibgani ee dalka Bangladesh, iyadoo xilliga biriqda dhacaysay sii raacayeen doon si ay u tagaan guriga arooska loo diyaariyay. Sanad kasta, boqolaal qof ayaa biriqdu ku dishaa dalalka qaaradda Asiya. 2016 Bangladesh waxaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah ka dib markii biriq ku dishay in ka badan 200 oo qof. Bishii May ee sanadkan, maalin keliya ayaa dalka Bangladesh biriq ku dishay 82 ruux. Khubarada deegaanka waxay leeyihiin kororka biriqda waxaa sabab u ah xaalufinta deegaanka. PUNTLAND POST The post Ku dhowaad 20 qof oo biriq ku dishay Bangladesh appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaayo lama filaan ah ayaa ka socda xeendaabka siyaasadda Soomaaliya, kadib markii musharaxiin madaxweyne oo badan ay billaabeen dadaallo ay ku doonayaan inay ku noqdaan xildhibaano. Xubnahan ayaa isugu jira siyaasiyiin la rumeysan yahay inay fursad u leeyihiin in loo doorto madaxweyne, iyo kuwa rajadoodu ay yar tahay. Waxaa sidoo kale kala duwan ujeedka ay musharaxiinta madaxweyne u raadinayaan xildhibaannimada, inkasta oo si guud ay u wada sheegayaan hal ujeed oo isku mid ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta raadinaya xildhibaannimada ayaa waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkaan la kulmay odoyaasha beesha Agoonyar, waxa uuna weydiistay kursiga iyadoo la sheegay in shanta oday ee beesha ay si buuxda u ogolaadeen kursigaas, laguna wargeliyey in haddii uu doonayo aanay jirin cid kula tartami karta. Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sida la sheegay Shariif abaal weyn u haya, una ixtiraama sida aabihiis oo kale, kaasi oo aan tartan la gali doonin madaxweynaha. Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu odayaasha beeshiisa kala hadlay inuu isku sharxayo xildhibaan, waxaana wararka ay sheegayaan inaan jawaab rasmi ah la siin. Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Saciid Nuur Giriish. Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu rabitaankiisa weli ku kooban yahay isaga, mana jirto cid ka tirsan odayaasha beesha Habar Cayno oo uu kala hadlay. Waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale oo dhowr ah, balse ah kuwa aan markii horeba sidaas looga aqoon saaxadda siyaasadda dalka. Waa maxay ujeedka loo doonayo xildhibaannimada? Sababta ugu weyn ee musharaxiinta ay u raadinayaan xildhibaanada ayaa lagu sheegay inay tahay inay helaan xasaanad, sida qaarkood laga soo xigtay. Si kastaba, Inkasta oo xasaasnadda ay tahay daaha gadaashiisa la isku qarinayo, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in musharaxiinta qaar ay rumeysan yihiin inaysan haysan wax fursad ah oo lagu dooran karo, sidaas darteedna ay u raadinayaan xildhibaannimo. Musharaxiinta madaxweyne ayaa ka kooban saddex koox. Kooxda koowaad waa koox ay dhab ka tahay inay u tartamaan xilka madaxweynaha. Kooxda labaad waa musharaxiin ku raadinaya xilal hoose. Halka kooxda saddexaad ay musharaxnimada ku raadinayaa dhaqaale. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah kooxda koowaad ee rajada madaxweyne leh, ayna dhab ka tahay loolanka madaxweeynaha. Shariif ayaa raadinaya xasaanadda kadib markii sanadihii la soo dhaafay uu la kulmay dhowr weerar oo kaga yimid dhinaca dowladda, waxaana la sheegay in haddii uu ku guuleysto tartanka xilka Madaxweynaha uu iska casili doono xilka xubinimada Golaha Shacabka. Si kastaba, musharaxiinta kale, waxaa la rumeysan yahay inaysan musharaxnimada madaxweyne dhab ka aheyn, sidaas darteedna ay doonayaan xildhibaannimo. Waxaa sidoo kale jirta koox saddexaad oo ah musharaxiin xil dhan aan dooneyn balse dhaqaale raadis ah. Kooxdan ayaa saaxiibadooda iyo beelaha ay kasoo jeedaan lacag badan uga qaadanaya inay yihiin musharax madaxweyne, kadibna ayaga oo aan wax badan ka qarash gareyn lacagtaas ka haraya tartanka. Arrintan ayaa dhacday doorashooyinkii lasoo dhaafay markaasi oo ganacsato qiireysan ay lacago ku shubeen rag ku beel ah, oo kadibna xitaa aan helin hal cod, ama tartanka ka haray markii doorashadu soo dhowaatay. Si kastaba, ganacsatada ayaa sanadkan ka feejigan arrintaas, waxayna taageerayaan kaliya musharax ay hubaan inuu rajo wanaagsan leeyahay. Waxay tani horseeday in ganacsato badan ay taageeraan musharaxiin aan ku beel aheyn oo ay doonayaan inay wax ku darsadaan. Wax ay ahaataba, toddobaadyada soo socda ayey kala caddaan doonaan musharaxiinta madaxweyne ee dhabta ah iyo kuwa leh ujeedooyinka kale ee qarsoon. The post Maxay tahay sababta ay qaar ka mid ah musharaxiinta u raadinayaan xildhibaanimo? appeared first on Caasimada Online.
  6. Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta gaaray wefdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kaas oo ay hoggaamineyso Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay. Wefdigan ayaa waxa garoonka Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Ujeedka wefdigan ee ay Qaramada Midoobay u dirtay Dhuusamareeb ayaa qiimeyn waxa ay ku sameyn doonaan xaaladaha guud ee ka jira deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale Anita Kiki Gbeho iyo xubnaha la socda ayaa kulamo la qaadan doono hoggaanka Galmudug, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada iyo horumarinta maamulkaas. Socdaalka wafdiga Qaramada Midoobay ee Dhuusamareeb ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo magaaladaas laga dareemayo qaban-qaabada doorashooyinka Soomaaliya. Galmudug ayaa haatan wada dadaalkii ugu dambeeyey ee qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana madaxweyne Qoor Qoor saacadaha soo soda uu ku dhawaaqi doonaa liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo wefdi u dirtay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  7. M/weyne Xigeenkii Hore ee Somaliland oo si adag u duray Madax-dhaqameedka S/land,Soona Jeediyey Arrin Xasaasiya oo lagu xakameeyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Madax-dhaqameedka ugu baaqay inay ku ekaadaan xilka iyo masuuliyadda loo doortay, siyaasaddana aanay faraha la soo galin, waxaanu ku baaqay in la sameeyo xeer xakameeya. Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu sidoo kale ka hadlay Doorashadii Shir-guddoonka ee Shalay ka dhacday Xarunta Golaha Wakiilada, ee lagu doortay Shir guddoonka Golaha Wakiilllada ee cusub, waxaanu ugu horeyn yidhi “Inagu Somaliland ahaan waxaynu cid walba kaga horaynaa waa wax wada qabsashada, wada tashiga, isku duubnimada iyo isku tanaasulka, oo maanta Koonfurta (Soomaaliya) nidaam la’aanta iyo qorshe la’aanta ka taagan weynu aragnaa, halka inaga dalkeena uu nidaam dimuqraadiyad iyo wada tashi ka jiro, waxaa kale oo xusid mudan inaynu Doorashooyinkeena u qabsano si aad u wanaagsan, oo ah hal cod iyo hal qof ah, halka Soomaaliya aanay weli heerkaas gaadhin, sidaas darteed haddii aan u soo noqdo Doorashadii shalay ee Shir-guddoonka Golaha Wakiilada ee cusub, si fiican baa loo tartmaay, tartan wanaagsana wuu dhexmaray Musharrrixiintii kala duwanaa ee ku tartamayey Shir-guddoonka Wakiillada, sidaas awgeed ciddii ALLE u qoray ayaa Shir-guddoon noqotay, dhammaanteena weynu wada guulaysanay, masuuliyiinta Shir-guddoonka ku tartamayey ee waayey, waxaan leeyahay waad dedaasheen, balse calaf baydaan ku lahayn, Masuuliyiinta guulaystay ee Shir-guddoonka noqdayna waxaan leeyahay waa inaad isku waddaan Golaha, waana idiin ducaynayaa, waana idin hambalyeynayaa, dhammaan 82 mudane ee Golaha Wakiiladana waan hambalyeynayaa, waanan u ducaynayaa, mar haddii ay tartan hore soo galeen, oo hadda la dhaariyey, waa Xildhibaano Qaran, oo mar walba si daacadnimo ku jirto Ummaddiina ugu adeega, oo xilkiina si daacadnimo ku jirto u guta”. Mar uu ka hadlayey Madax-dhaqameedka wuxuu yidhi “Wakhtigayagii aanu ahayn Golaha, Madax-dhaqameedka dalku aad bay u koobnayeen, balse hadda Madax-dhaqameedkii aad bay u bateen, runtiina anigoo ixtiraam iyo sharaf u haya Madax-dhaqameedka dalkeena, haddana Madax-dhaqameedku waa inay ku eekaadaan xilka iyo waajibka dhaqanka ee ay Reeraha u hayaan, mana aha inay hawlaha siyaasadda faraha la soo galaan oo ay mar walba ka hadlaan, imika 82 mudane waxay Wakiil ka yihiin ummaddii soo dooratay, oo Siyaasadda ayey ugu mataalan, markaas Madax-dhaqameedku dantooda ha ku eekaadaan, Goleyaasha Sharci-dejintana waxaan ka codsanayaa inay soo saaraan Xeer nimdaamiye xakameeya Madax-dhaqameedka, oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa marka hore looga baahan yahay inay Xeerkan soo curiso, oo waliba ay iskugu yeedho Madax-dhaqameedka, kadibna u soo gudbiso Fulinta, kadibna ay Goleyaasha u soo gudbiso, sidaasna ay Goleyaashu ku ansixiyaan, haddii la soo saaro Xeerkaana waxaa hubaal ah in aanay jiri doonin Madax-dhaqameed ku hadla waxay doonaan, Waddanka Maleeshiya iyo Waddamo badan oo Caalamka ah ayaa Xeer nidaamiyahan leh, markaas Xeerkani faa’iido ayuu inoo yeelanayaa ee ha la sameeyo” Qaran News
  8. Odayaal ku sugan degmada Boocame, ayaa beeniyay warkii xukuumadda Puntland ku sheegtay in la kala qaaday dhinacyadii ku dagaallamay tuulada SAAX-MAYGAAG. Odayaasha ayaa sheegay, in aysan waxba ka jirin warkaas, islamarkaana dhankooda aysan u hoggaansami doonin amarka ka soo baxay Puntland ee lagu faray dhinacyada dagaallamay, in ay kala qaadaan ciidamada. Sidoo kale, Odayaasha ayaa tilmaamay in go’aanka lagu joojiyay degaamaynta Saax-maygaag iyo Sange-jebiye uu yahay mid baaddil ah, sidaas darteedna dhankooda aysan fulin doonin go’aankaas. Halkaan ka daawo Hadalka Odayaasha PUNTLAND POST The post Odayaasha Boocame oo beeniyay in la kala qaaday dhinacyadii ku dagaallamay Saax-maygaag appeared first on Puntland Post.
  9. Toronto (Caasimada Online) – Saraakiil Mareykan ah ayaa soo farageliyay dacwad ka socoto Canada oo uu ku lug leeyahay Madaxii hore ee Sirdoonka Sacuudiga Sacad Al-Jaabiri, taasi oo daaha ka qaadeysa shaqo sirdoon oo xasaasi ah oo qarsoon. Sacad Al-Jaabiri, Madaxii hore ee Sirdoonka oo loo masaafuriyay Canada, waxaa ka dhashay khilaaf soo kala dhexgalay Amiirkii hore ee xilka dhaxal-sug ee Sacuudiga laga qaaday Mohammed bin Nayef (MBN) iyo Dhaxal-sugaha kala wareegay ee Amiir Mohammed bin Salman (MBS). Al-Jaabiri oo muddo fog wax ka ogaa howlgalka Wadajirka ah Sacuudiga & Mareykanka ee “La dagaalanka Argagixisada,” ayaa sanadkii tagay ku andacooday in Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu u qorsheeyay shirqool dil ah, halka uu xiray labo carruur ah oo uu dhalay. Al-Jaabiri ayaa ku lug lahaa howlaha qarsoon ee Maxamed Bin Salmaan. Saaxiibkii hore, Amiir Maxamed Bin Naif, oo uu ula shaqeyn jiray ayaa xabsi guri ku jira, kadib markii laga qaaday Dhaxal Sugenimada 2017-kii waliba si afgambi ah. Sacad Al-Jaabiri waxa uu kaalin weyn ka qaatay howlgaladii uu dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ku beegsaday dad maalqabeeno ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska Boqortooyadooda. Qoraal uu diyaariyay Qareenka Al-Jaabiri oo ay aragtay Wakaaladda Wararka AFP ayaa waaxda Cadaaladda Mareykanka waxay ku codsatay “dib u dhigista dhammaan gal dacwadeedyada” maxkamadda Ontario ilaa 30-ka September si Washington ay u hesho waqti ay uga fakirto tallaabooyinka lagu ilaalinayo danaheeda. “Xiriirka Arrimaha Dibadda iyo Amniga qaranka Mareykanka waxa ay u baahan yihiin in la dabciyo marna la adkeeyo,” Sidaasi waxaa qoraal ku taariikheysan 29-kii June ku yiri Qareenka Dowladda Malcolm Ruby. Inkasta oo ay Washington in aysan “wax Mowqif ah ka laheyn kiiska” haddana waxa ay ka welwelsan tahay “Ilaalinta macluumaadka Amniga Qaranka,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay Malcolm Ruby Qareenka Dowladda. Faafitaanta siraha Warqad loo dusiyay (Lala wadaagay) Elizabeth Ricards oo ah La taliye ka tirsan waaxda Cadaaladda Canada ayaa Mareykanka loosoo jeediyay in uu si hoose ula shaqeeyo dhiggooda Canada “Si Xushamad leh”. Richards iyo qareenka Al-Jaabiri kama aysan jawaabin codsiga AFP, Halka Ruby uu qoraalka AFP u weeciyay waaxda Cadaaladda Mareykanka oo iyanna dhankeeda diiday in ay jawaab ka bixiso arrintaan. Qoraalka Ruby ayaa lagu sheegay in soo gudbinta difaaca Al-Jaabiri ay si toos ah u kicin doonto qodobbada hoos yimaada “qaybta 38 ee Sharciga Caddaynta Canada”, taas oo ku qasbi doonta qareennadiisa in ay dib u saxaan macluumaadka xasaasiga ah. Xeer-dheerayaasha ayaa sheegay in sharciga qodobkaan xasaasiga ah shaacinta macluumaadka iyo xogaha ku jira ee xasaasiga ah ay u baahan doonto in la helo fasax (Ogolaansho) laga helo qareenka guud ee Canada ama Mid maxkamadeed. “Maxkamadaha Canada waligood ma aanay arag wax lamid ah tan,” ayuu yiri garyaqaan fadhigiisu yahay Magaalada Toronto oo codsaday in aan magaciisa la adeegsan. “Halka qodobka 38 uu si KMG ah uga hortagayo gudbinta macluumaadka amniga qaranka Mareykanka haddana Dr Al-Jaabiri waxa ay kahor joogsaneysaa in uu adeegsado caddeymo udub dhexaad u ah difaaciisa,” ayuu Qareenka u sheegay AFP. Dacwadaha waxaa iska leh shirkado badan, oo ay ku jirto Sakab Saudi Holding, kuwaas oo xareynaya galdacweedka aasaaska Amiir Maxamed Bin Salman waxaana ay qayb ka ahaayeen shirkado isku xiran oo gabbaad looga dhigtay howlgalka la dagaalanka “Argagixisada” Sacuudiga iyo Mareyianka. Bishii March, Sakab waxa ay Al-Jaabiri ku eedeysay in uu lunsaday $3.47 Bilyan oo dollar, isaga oo ka shaqeynayay Wasaaradda arrimaha Gudaha Sacuudiga. Maxkamadda Massachusetts waxa ay Boston ku wargelisay in ay xayirto $29 Milyan oo dollar oo lacagiisa ah. Tani waxa ay timid kamid markii shirkado badan oo Sacuudiga laga leeyahay oo ay kamid tahay Sakab ay Canada ka dalbatay in ay xayirto sidaas oo kale si loo joojiyo dhaqdhaqaaqa hantidiisa taalla Dalkaas. Si loo caddeeyo in uusan dambi lahayn, Al-Jaabiri wuxuu leeyahay maxkamaduhu waxa ay u baahan doonaan in ay baaraan dhaqaalaha Shirkadda Sakab oo ay kamid tahay sida loo isticmaalay maalgelinta barnaamijyada howlgallada CIA, Hay’adda Amniga Qaranka ee Mareykanka iyo Waaxda Difaaca Dalkaas. Murankaan ayaa khilaaf ka dhex geliyay xubnaha boqortooyada dhexdooda, waxaana uu gaaray in la xiro shaqsiyaadka qaar, Sacad Al-Jaabiri waxa uu sanooyin badan aad ugu dhawaa dhaxal-sugihii hore Maxamed Bin Nayef oo lagu ammaano in uu ka adkaaday Al-Qaacida sanadkii 2000. Sidoo kale waxa uu Aljaabiri udub dhexaad uu ahaa Xiriirka Sacuudiga uu la yeeshay Sirdoonka Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Canada, Austarlia & New Zealand, waana tan keentay in baacsigiisa uu bato in xogta uu hayo loo af qabto. The post Maxay tahay sirta ku saabsan Maxamed Bin Salmaan ee lagu shaacin rabo Canada? appeared first on Caasimada Online.
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowlad gobaleedka Galmudug, Gaashaanlle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan ayaa shaaciyey in tallaabo adag laga qaadi doono Askariga bulshada dhexdeeda ku fura rasaasta. Guddoomiyaha oo khudbad u jeedinayay Saraakiisha iyo Askarta ciidanka xooga dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale sheegay in aan la ogolaan doonin Askari xooga dalka ka tirsan uu fasax la’aan iska aado gudaha magaalooyinka. Waxa kale oo uu sheegay inay dambi tahay in Ciidamada Milatarigu soo galaan shacabka dhexdooda, ayada oo uu sidoo kale faray hay’addaha amniga sida Booliska iyo Nabad-sugida. Guddoomiye Cabdulaahi Abuukar ayaa waxa uu ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ku amaanay guulahii ay kasoo hooyeen howl-galada ka socda gobolka Mudug ee xoreynta magaalooyinka cusub sida Camaara ee maamulka Galmudug. Waxa uu ku tilmaamay howl-galada ay ciidamada deegaanadaas kaga sifeynayaan argagixisada mid tusaale u ah soo afjarida Al-Shabaab iyo in aysan haynin Awood ay kusii joogi karaan deegaanada maamulkaas. Go’aanka uu shaaciyey Guddoomiyaha ayaa waxa uu kusoo aadaya xili ay shacabka cabasho badan ka gudbiyeen rasaasta ay ciidamada ka dhex ridaan xaafadaha iyo gudaha magaalooyinka, islamarkaana ay ku dhib qabaan iska hor-imaadyada macnaha laheyn ee dhex-mara ciidamada. The post GO’AAN culus oo laga soo saaray askarta rasaasta ku dhex furta SHACABKA appeared first on Caasimada Online.
  11. Sheikh Maxamed Xoosh oo kamid ah culimaa’udiinka Puntland ayaa si adag uga hadlay xuskii maalmo ka hor loo sameeyay as’aaskii Puntland ee kowda Agoosto. Wadaadka ayaa sheegay in xafladdii lagu xusay kowada Agoosto ay ahayd munkar iyo fisqi Ilaahay xarrimay oo u baahan in wax laga qabto sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo hadalka Sheikha PUNTLAND POST The post SHeikh Maxamed Xoosh: Xuska Agoosto waxa ka dhacay Munkar iyo Fisqi appeared first on Puntland Post.
  12. Dhawaan waxaa nagu soo fool leh doorashadda Soomaaliya. Doorashooyinkani waa kuwa ka duwan kuwii aan hore u soo arki jirnay, sababtoo ah waxaa iska cad in siyaasadda dalkeena ay noqotay mid ka cakiran sidii hore, oo saamileyaal sidaadeed oo ka badan kuwii hore, kuwaas oo heerar kala duwan leh. Tani, marka dhinac laga eego waa guul weyn, iyadoo la eegayo in Soomaaliya 2012-kii loo aqoonsaday dowlad rasmi ah, tan iyo burburkii dowladnimadeena ee 1991-kii. Doorashadu waa mid xilligeedii dib uga dhacday, waxaana ugu wacan wada-xaajoodyada xasaasiga ah ee siyaasiyiinta iyo dadkeena u dhaxeeya, midaas oo dhanka kale marka laga eego kaabeysa in mustaqbalka dalkeena ay qeyb ka noqdaan dhamaan daneyayaasha Soomaaliyeed. Siyaasadda Soomaaliya waxaa muddoyinkii dambe majaraha u hayey siyaasiyiinta dabaqadda sare, sidaas daradeed in xilligan la balaadhiyo masraxa siyaasadeed si ay qeybaha kale ee bulshadda uga soo qeyb galaan waa ahmiyad aad u weyn. Dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan siyaasada waxay lagama maarmaan u tahay horumar iyo dib-u-habeynta dowladnimada Soomaaliya. Waqti dheer, dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa loo sheegi jiray “waqtigii wuu imanayaa, waxaad tihiin mustaqbalka” balse fursadahoodii ka qeybgalka siyaasadda iyo mustaqbalka ah u qalmaan labadda midna wali ma imaan. Arrimaha ku xeeran ineysan suurtagalin himilooyinkani waa badan yihiin, balse dhamaan fursadaha, haddii ay yihiin kuwo bulsho iyo mid dhaqaale amaba kuwa kale waxay ku bilowdaan in marka hore ay dhalinyardu yeshaan cod iyo matalaad. Haddii dhalinyaradu aaney siyaasadda ku jirin, ma awoodi karaan inay qaabeyaan mustaqbalkooda, mana ku lahaan karaan saameyn muuqata aayatiinkooda. Tani waa masiibo weyn, sababtoo ah dhalinyarada waqtigoodu marwalba waa rajo ku dhisan aas-aas adag iyo kalsooni gelin ku hagta iney qeyb ka noqdaan dib-u-dhiska dalkooda. Marka maanta la eego xaaladda siyaasadeed ee dalkeena, intee ayay la eegtahay matalaadda dhalinyarada ee siyaasadda dalka? Waa tiro aad u yar. Maqnaanshiyaha iska cad ee mataaladda dhalinyarada ee labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, waxaa soo raaca xafiisyada kale ee dowladda oo go’aamada waaweyn ee dalka laga gaadho. Waxaa intaasi dheer ineysan dhalinyaradu matalaad muuqata ku laheyn ururada bulshada rayidka ah. Dhamaan qeybahan, hoggaaminta dhalinyarada iyo kaqeyb galkoodaba waa in la dhiirigaliyaa oona la taageeraa, sababtoo ah iyagaa ah qiyaastii tiro ka badan 75% bulshadda Soomaaliyeed marka loo eego qiyaasta ay bixiyaan hey’addaha caalamiga ah. Dhaliyarada Soomaaliyeed waa inay u guntadaan helitaanka mataalada ay xaqa u leeyihiin, sababtoo ah waa sida kelliya ee ay ku soo dhacsan karaan xaqooda, isla markaasna ay uga bixi karaan faquuqa bulsho. Caqabadaha heysta dhalinyarada maanta waa kuwo ay la wadagaan dhamaan qeybaha kale ee bulshada sida amaanka, balse waxaa kale oo jira caqabado iyaga u gaar ah sida shaqo la’aan baahsan iyo dhiirigalin la’aan hal-abuur. Suurtagal maahan in mustaqablka dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah tirada ugu badan bulshadeena inay matalaan dad aan fahmi karin baahiyahooga. Dabcan, siyaasadeena loogama maarmo khibrad iyo waayelayn, balse la’aanta dhiig cusub iyo garaad caboon, suurtagal maahan in la gaadho halka la hiigsanayo. Bulsho walba awoodeedu waxay la eegtahay hadba inta muwadiniintoodu la eegyihiin, bulshana waxay awood ku yeelataa markii ay matalaad dhab ah heysato oo loo dhanyahay. Ugu dambeyn, dhamaan wakiilada siyaasadeed ee dalka waxaa waajib ka saran inay wada matalaan dadkooda, waana inay ka shaqeyaan horumarinta dalka, diinta iyo dalka Soomaaliyeed. Haddii dhalinyarada la siiyo fursad ay ku matalaan dalkooda iyo dadkooda waxay ka soo dhalaali karaan waajibaadka loo idmaday. Dalkeena aan wada jecelnahay ee Soomaaliya wuxuu u qalmaa inay matalaan kuweena ugu wanaagsan, madaama aan wajaheyno caqabado waaweyn, oo ay hareer socdaan fursaddo. Dhalinyarada Soomaaliyeed waa inay u istagaan gudashada waajibaadkan culus. Abdullahi Hussein Nor (Abdalla Boss) Qoraaga waxaad kala xiriiri kartaa: Email: Abdalle707@gmail.com Twitter, @Abdaleboss, Facebook: https://www.facebook.com/abdullahi.show AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Dhalinyarada Soomaaliyeed waa inay u istaagaan helitaanka matalaada ay xaqa u leeyihiin appeared first on Caasimada Online.
  13. ILAA AY DADKA SOMALILAND HESHIIS KU NOQDAAN NIDAAMKA DAWLADNIMO IYO SIDA WAX LOO WADA YEELANAYO HORE UMA SOCON KARNO , YOOLKEENANA GAADHI MAYNO …!!! Dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu jiraa 60 sanadood, 30 sanadood waxa ay kaga lumeen midnimadii 1 July 1960 kii ee lagu dhisay jamhuuriyadii Somalia ( Somali Republic) . Soddonkii ( 30 ) sanadood ee ka dambeeyey oo ka soo bilaabmay 18 May 1991 waxa uu ahaa dal madax banaan oo dadkiisu ku heshiiyeen in ay dawladnimadii iyo xoriyadii ay ka qaateen mustacmarkii 26 June 1960 kii ay soo ceshaadan oo ay noqdaan dal madax banaan heshiiskaasi shirkii uu ka soo baxay waxa uu ka dhacay magaalada Burco 1991. Laga soo bilaabo maalintaasi ilaa maanta oo la marayo 05/Aug/2021 dalka jamhuuriyada Somaliland dib u dhis iyo dawladnimo ayaa socda, fidinta maamulka dawladeed iyo gaadhsiinta adeegyada dawlada gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa la wadaa, xukuumad waliba wax bay soo qabatay itaalkeegu in uu noqdaba geediguna waa socdaa walow aad moodo in uu gaabis jiro. WAA MAXAY CAQABADAHA UGU WAAWEYN EE SOMALILAND GUDAHEEGA IYO GUUD AHAAN DADKA SOOMAALIYEED HAYSTAA ? Dadka soomaaliyeed guud ahaan fahamkii dawladnimada ayaa ka qaloocday dabadeedna dawladnimadii ayaa noqotay meel loo fahmo in marba qolo iyo qabiil haysto, waxaana sababay sidii nolosheena ugu dhisnayd tolnimada iyo dhaqanka ayeynu maamulkii dawladnimo ugu saldhignay qabiil iyo tolnimo. Shuruucda iyo xeerarka inoo qoranina waa kuwii dawladnimada aduunka ugu casrisani lahayd oo kale , laakiin dadkeena intii fursada siyaasadeed iyo hogaamineed heshay bulshadii garaadkoogii way kobcin kari wayday wado cusub oo aan taa qabiilka ahayna waa la jeexi waayey, dabadeed waxa lagu wada qasban yahay qofkii hamoodaa in uu raadkaasi hore soo raaco inaga oo og in aanu rajo weyn laga qabeyn horumarna aanu soo wadin. Xataa maynaan yeelin hadii aynaan qabiilka ka tagayn sidee aynu si la isla ogol yahay oo qofwaliba xaqiisa ku heli karo ugu heshiina qabiilka laftiisa maadaama 60 sanadood oo soomaali dawlad ahayd dhibta jirtaa ay tahay mid kaliya oo isku mid ah isla markaana aan xalkeegii la haynin. Haddaba dadka jamhuuriyada Somaliland iyaga oo hormood u ah gobolkan Geeska Africa oo sameeyey wax badan oo wanaagsan haddana wali waxa dhiman in aan nidaamka dawladnimo iyo qaabka wax loo qaybsanayo lagu wada qanacsanayn oo marwalba cid uun wax ka maqan yihiin oo tabasho beeleed iyo mid goboleed ay tahay mid joogto ah . Seeska iyo salka dawladnimadu waa heshiiska bulshada ( social contract ) ga wax lagu dhisay in uu arko qof waliba iyo qabiil waliba in uu dantiisa yahay oo uu ku qanacsan yahay, waa halka ay ka bilaabmayso lexejeclada, wadaniyada iyo meel uga soo wadajeedsiga danta guud, waana halka ugu mudan in la hagaajiyo. DASTUURKA DALKA IYO HAB DHAQANKA MAAMUL , SIYAASADEED IYO BULSHEED OO AAN ILAA HADDA SI WANAAGSAN LA ISKUGU SIGIB TIRIN. Heshiiska bulshada jamhuuriyada Somaliland ee ugu wayni waa dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland oo ah marka laga yimaado kitaabka quraanka ah ee Alle waxa ugu weyn dalka ee lagu dhaqmayo, la isku maamulayo qofwaliba uu ka heli karo gudihiisa xuquuqda uu leeyahay. Dastuurka waxa ka soo horjeeda waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin ; 1-sida aynu u noolahay ee u soo nooleyn qarniyada badan ee aynu aduunka ku uumanayn. 2- Sida aynu isku maamuli jirnay mudadaasi dheer ee aynu umad ahaan u unkanayn. 3- Waxa aynu aaminsanahay iyo qabka uu leeyahay qofwaliba oo soomaali ahi oo ah mid isaguna toos uga soo horjeeda xayndaabka sharci iyo dastuur ee dalka u yaalla. Haddaba ilaa aynu si dhab ah dadkeena ugu bisleyno nidaamka dawladnimo oo waliba aan aheyn dawladnimadu nooca ay maanta tahay ee beeshii 30 sanadood ka hor wasiirka heshay ilaa maanta ay wasiirkoogii uun doonayso, oo aan dadku ku xisaab tamayn dantooda , waxaana ka dawo ah ; 1- Dawladnimada iyo nidaamka maamul ee dalka ka jira in qofku garan karo isna weydiin karo maxaa faaiido ah ee kuugu jira qof ahaan iyo qoys ahaan marka qabiilka laga yimaado. 2- Ku qanacsanaanta in aad dalka adigu leedahay, maamulka ka taliyaana adiga kuu adeego min Madaxwayne ilaa qofka shaqaalaha ah ee ugu hooseeyaa oo aad ka ilaashato hadimo kasta iyo hagardaamo kasta. 3- Guud ahaan la dhiso kalsoonida maamulka dawladnimo iyo dadkiisa ka dhexeeya , oo aanay noqon dawladnimadu meel u eeg in marba qabiil u soo Xoog iyo xoolaba beelaan sidii ay dalka u qabsan lahaayeen , hadii ay dalka qabsadaana aanay uga doonin in danta beeshoodu ka horeyso kuwa kale. Meelahani iyo qodobadani waa waxii baabiiyey dawladnimadii iyo maamulkii jamhuuriyadii Soomaaliya ee laga dagaalamay marwalba oo ay soo noqdaana waxba kuma aha waxii hore u soo dhacay in uu mar labaad iyo mar sadexaadba dhici karo. XALKA RASMIGA AHI MUXUU NOQONAYAA EE DADKEENU KUWADA QANCAYAAN DALKEENUNA HORE UGU MARI KARAA … Horumarka lagama qiyaaso dhaqaalaha faraha badan ee dalka yaalla, daaraha quruxda badan, boqolaalka kun ee wax bartay iwm , dabcan waa horumar laakiin wax baa ka horeeya oo ka muhiimsan oo ay tahay in dhismihiisa iyo adkeyntiisa laga shaqeeyo; 1- Waa in nidaamka dawladnimo ee dadku kuwada joogaan seeska laga adkeeyaa si aanu u iman burbur iyo dib u dhac , awooda ugu badan iyo dhaqaalaha ugu badana la galiyaa hab maamul dawladnimo oo adag oo qofwaliba aaminsan yahay in uu dantiisa yahay xaqiisana uu ku heli karo. 2- Sharci wanaagsan oo waxaa la sameeyey iyo nidaamka dawladnimo ilaaliya , halka aynu maanta kaga mashquulka nahay waxwalba oo aynu wadno in ciidamo ilaaliyaan, laakiin aduunku wuxuu marayaa in caqliga qofku ilaaliyo oo uu ixtiraamo sharciga ilaalinaya nidaamka dawladnimo ee dalka . Hadii aynu intaasi helno oo tacab badan galino waxa dhici doonta in dalkani uu waligii hore u socon doono oo uu boqolaal sano iyo kumayaal sano haduu aduunku sii jiro uu ahaan doono mid wanaagsan oo horumar, deganaansho iyo nololi ka jirto aduunkana wax qiimo leh iyo taariikh ku soo kordhiya. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Image Qaran News
  14. Hambalyo Mug iyo Miisaanle Oo Ku Socota Shir-gudoonka La-doortay Ee Golaha Cusub ee Wakiilada JSL iyo Xildhibaanka Guusha ee Guruje. Anigoo magacaygu yahay Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad, kana mida ahaa Musharaxiintii Xisbiga Waddani uga tartamay Doorashadii Golaha Wakiilada 2021 ee Gobolka Togdheer oo kaliya uu iga sareeyey musharaxii soobaxay ee aan ku xigay 75 cod oo kaliya, Isla markaasina kamida xubnaha ugu tacabka iyo maalgashiga badan Xisbiga Rajada Shacabka ee Waddani ilaa wakhtigii la aas-aasay, isla markaasina ah Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddaniya . Marka hore waxa aan halkan hambalyo mug iyo miisaan leh uga dirayaa shir-gudoonka la doortay ee Golaha cusub ee Wakiilada JSL, kuwaasi oo halgan iyo loolan dheer kadib ku guulaystay hanashada hogaanka Golaha Wakiilada JSL, oo aynu wada ognahay hirdankii iyo hawshii ka dhacday loolankii dhexmaray dhinacii xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ka sharaxnaa iyo dhinacii Isbahaysiga Xisbiyada mucaaradka ah ee haatan guushu raacday. Anigoo si guud u hambalyeynaaya dhamaan xildhibaanadii u codeeyey shir-gudoonka cusub ee Golaha Wakiilada JSL maanta doortay, waxaan halkan sigaara hambalyeynayaa Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje, oo bulshada reer Somaliland maanta u aqoonsatay inuu yahay xildhibaankii Guusha Cadaalada iyo Is-bedelka Cadaalada Qaranka Somaliland, Xildhibaan Guruuje oo maanta muujiyey heerkiisa garasho iyo aqooneed iyo bisaylkiisa siyaasadeed ee geesinimada leh, taasi oo uu maanta ku galay bogaga xasuusta leh ee taariikhda Somaliland, isla markaasina reebay dhacdo mahadho leh oo lama ilaawaan ah. Xildhibaan Guruuje ayaa waxa uu maanta ina tusay inuu yahay halyey geesiya oo ku banana geesigii abtiga ruma u ahaa ee ay hooyadii walaalaha ahaayeen ee Mujaahid Xuseen Dheere oo aynu ognahay taariikhdiisa halgan iyo doorkii uu ku lahaa halgankii xoraynta dalka. Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada JSL, Md.C/risaaq Khaliif Axmed waa hogaamiyihii ugu haboonaa uguna wanaagsanaa ee qaban lahaa xilkan gudoomiyenimo ee Golaha Wakiilada JSL, kaasi oo ku sifoobay akhlaaq wanaag, dhawr-sanaan iyo dhaqan diintu sal u tahay, taasi oo bulshadu haatan ka filayso inuu noqdo hogaamihii ugu wanaagsanaa uguna cadaali-saanaa ee soo qabta kursigan gudoominta Golaha Wakiilada JSL. Sidoo kale waxa aan halkan u marinayaa shir-gudoonka cusub ee Golaha Wakiilada JSL inay sida ugu haboon uga soo baxaan xilkaas culus ee loo doortay isla markaasina ay ku dadaalaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen sharciyada iyo xeerarka dalka uyaala ee saldhiga u ah in bulshada reer Somaliland ku kala sad-bursato khayraadkii iyo dhaqaalihii dalka halkii ay si siman ugu wada munaafacaadsan lahaayeen, taasi oo aynu tusaale usoo qaadan karno xeerka magaciisu yahay xeer No.12 oo aynu ognahay dulmiga iyo cadaalad darada uu bulshadeena reer Somaliland dhexdeeda ku hayo iyo sida uu ugu kala sad-buriyo dheefta dhaqaalaha cashuuraha dalka kasoo xarooda. Xeer Lr.12 oo soo baxay 2/3/2000, go’aan golle ku ansaxay 27/3/2000, saxeexa madaxweynaha 8/4/2000, dhaqan galayna 15/4/2000. Waa mid ka mid ah xeerashii Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal meel mariyay muddo xileedkiisii 1993-2002. Xeerkani waxa uu ka kooban yahay 22 qoddob, 22-ka qoddob waxa ku jirra 17 ilo-cashuureed oo uu waajibinayo xeerku, ilo-cashuureed kasta waxa ku qoran qiimaha laga qaadayo iyo heerarka ay ku kala duwan yihiin. 2000 qiimaha tacriifadda ee sanadkaas iyo xaddiga cashuurta tacriifadda hadda 2020 wax badan baa iske bedelay. Dhamaan marka aad eegto shuruucda maaliyadda, dhaqaalaha iyo cashuuraha S.land waa xeerka kaliyaata ee qoddobka kabka dowladaha hoose muujinaya. Dowladda S.land saddex meelood ayuu dakhli madani ah (domestic revenue) ka soo galaa; cashuuraha bariga 22.03%, cashuuraha kastamyada 68% iyo khidmooyinka dowladda dhexe 9.69%. Marka aad eegto dakhliga dowladaha hoose ka soo gala cashuuraha si isku mida sharcigu u siiyay ee ay magaalooyinkoodu ka qaataan, waxay u kala dakhli badan yihiin sida ay magaalaba magaalo uga weyn tahay ugu cufnaan dad badan tahay (population density), dadku na u badeeco isticmaal (consumption commodities’) badan yahay, gobol ba gobolka uu ka dad badan yahay waa ka cashuur-bixiye badan yahay. Xeer Lr.12 qoddobka 14aad farqadiisa 1aad waxa uu odhanayaa “Degmooyinka kastamadu ku yaaliin waxay xaq u yeelanayaan in Wasaaradda Maaliyaddu u qaado 10% oo ay ku yeelanayso Cashuurta Guud ee dowladda dhexe (Customs Duty) ka qaado furdadaasi”. Ogow kastamaddu maaha ilo-waxsoosaar, ma aha il-dhaqaale, maaha khayraad dabiiciya oo degmo gooni u yeelan karto si xuquuq cashuureed oo gooniya u hesho laakiin waa sanduuq ay dowladu dhigato meelaha dalka wax ka soo galaan ee xadadka dhulka, madaaradda iyo dekedaha, si kale kastamyadu waa jeebad lagu ururiyo lacagta cashuuraha dadban (Indirect tax) ee alaabaha iyo ummadda. Qoddobka 14 ee xeerku waxa uu jideeyay in degmooyin gaar ahi si toosa dakhli uga helaan wasaaradda maaliyadda, wuxuu sababay in Berbera iyo Gabiley oo leeg xaafado ka mid ah Borama, laascaanood iyo Burco ay hadda na afar jeer ka dakhli bataan. Dakhliga dowladaha hoose ee Berbera iyo Gabiley wuxuu 70% ku tiirsan yahay lacagta adag (hard currency) ee tooska looga siiyo kastamyadda heer qaran. Waxa xusid muddan in kabka dowladda dhexe 12.5% siiso dowladaha hoose ay dhamaan degmooyinku qaybsadaan macalaa Berbera iyo Gabiley. Hadaba waxa aynu Golaheena Wakiilada ee cusub iyo shir-gudoonkiisaba uga fadhinaa sida ay u maareeyaan ugana jawaabaan baahiyaha xadka dhaafay ee dib u habaynta shuruucda dalka ee kala duwan ee uu ugu horeeyo xeerkaas sida kootada ah deegaanada gaarka ah loogu naas-nuujinaayo. Allaa Mahad leh Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani ah Qaran News
  15. Garowe (PP News Desk) — Chairman of Transitional Puntland Electoral Commission Guled Salah said that, after careful assessment, TPEC had taken complaints from Ufayn notables into account and had withdrawn voter registration results of the district. Guled: “TPEC will send details of potential voters who registered under assumed identities to Puntland Attorney General’s Office.” “Irregularities in the voter registration process have come light. Some potential voters have registered twice using same personal details, others have assumed multiple identities to register at different venues in Ufayn, whereas 380 voters have registered at Ufayn and Qardho or Eyl under different names. We shall submit the names of the 380 voters to the Office of Puntland Attorney General” said Guled. TPEC Chairman said that one of the TPEC computers had malfunctioned. “Engineers are fixing it. We shall publish voter registration details in the computer after engineers have fixed it” added Guled. Last month, Ufayn district stakeholders threatened to withdraw from taking part in the pilot local elections if TPEC “fails to revise the fraudulent voter registration results” that substantially reduced the number of eligible voters in Ufayn. © Puntland Post, 2021 The post TPEC Withdraws Ufayn’s Voter Registration Results appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo saaray qoraal uu ku xoojinayo warqadii maanta ka soo baxday guddiga doorashooyinka heer federaal, taas oo lagu shaaciyey goorta la qabanayo doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada kuwaarsta gobollada waqooyi ee Somaliland. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa iclaamiyey in doorashada guddoonka xubnaha guddiga doorashada kuraasta Somaliland la qabto maalinta Sabtida ah ee soo socota, waxaana qorshaha doorashadaas durba ka hor yimid garabka siyaasiyiinta reer waqooyi ee Cabdi Xaashi uu hoggaamiyo. Warqad uu soo saaray wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble Cabdixakiin Ashkir ayaa lagu yiri, “Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu adkeynayaa in doorashada Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee SEIT ay noqoto mid daah-furan, laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xil-saaray.” Hey’adaha dowladda Soomaaliya, kuwooda ay khuseyso doorashada guddoonka guddiga Somaliland iyo daneeyayaasha caalamiga ah ayaa lagu faray warqada ka soo baxday xafiiska Rooble inay kor-joogteeyaan doorashada guddoonka xubnahaan oo Sabtiga soo socda la qorsheeyey inay ka dhacdo Tenedhada Afisyooni. Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa galabta shaaciyey in aysan qeyb ka aheyn doorashada guddoonka guddigaas ee la shaaciyey inay qabsoomeyso maalinta Sabtida ee 7-da bishan. “Waxay madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) halkan ugu caddeynayaan inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaadhay kulamadii aanu la yeellanay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno golahiisa Wasiiradda ah oo uu ku jiray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed maalmihii la soo dhaafay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee garabka Cabdi Xaashi. Guddiga khilaafkaan uu hareeyey ee loo soo xulay inuu maamulo doorashada kuraasta labada Aqal ee xildhibaanada Somaliland ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble. Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax-banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya. Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan. Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub ee la shaaciyey in Sabtiga ay ka dhaceyso teendhada Afisyoone? Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma imaan doono xal, sida muuqata. Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo. Qoraalka galabta ka soo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu yiri, “Waxaa Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxgaradka Soomaaliyeed iyo daneenayaasha doorashada 2021-ka la socodsiinaynaa inay muuqato in Ra’iisul Wasaaruhu ka baxay heshiisyadii la gaadhey iyo wada-hadalladii socdey.” The post Rooble oo ku adkeystay mowqifkiisa, iskana indho-tiray diidmadii Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
  17. From refugee to champion boxer and Cartier darling, Ramla Ali has fought every step of the way to get to the top. Now she’s there, Olivia Blair discovers there’s more to this woman than her backstory. Source: Hiiraan Online
  18. The diversity of the city on the fringes of Oromia and Somali regions is also a recipe for turbulent politics. Efrem Mulat describes 23 October 2019 as a "dark day" unlike any he had seen before. He was no stranger to protests and street violence - but he actually had not brushed with death. Source: Hiiraan Online
  19. Baxwal kabtanka Sanaag: Ciyaaryahanka 2 kulan dhaliyay 5 gool. (Xuquuqda sawirka Bulshaawi) Waxaa si habsamiya garoonka ciyaaraha Mire Awaare Garowe uga socda tartanka kubbadda cagta gobolada Puntland oo maraya heerka bug-baxa ama guruubyada. Xulka gobolka Nugaal ayaa maanta kulankoodii labaad la ciyaaray gobolka Haylaan oo kulankii koowaad u ahayd, waxayna ciyaartaasi ku dhamaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday Nugaal, sidoo kale waxaa dhacay kulan labaad oo dhexmaray Bari iyo Sanaag, kaas oo ku idlaaday barbardhac 2-2 ah. Ciyaartoyda Nugaal Gobolka Bari oo ciyaaray labo kulan ayaa hoggaaminayo guruubka dhimashada ‘A’ wuxuuna leeyahay 4 dhibcood, halka Nugaal oo ciyaartay labo kulan ay leedahay 3 dhibcood, Sanaag oo isna ciyaaray labo kulan ayaa leh 2 dhibcood. Sidoo kale gobolka Sool oo ciyaaray hal kulan ayaa leh 1 dhibic, halka Haylaan oo isna hal kulan ciyaaray uusan la hayn dhibco. Ciyaartoyda Bari Dhanka kale garuubka ‘B’ waxaa wada hoggaaminaya Mudug iyo Karkaar oo kulamadoodii ugu horreeyay ee tallaadadii guulo ku furtay. Labada guruub waxaa midkiiba laga rabaa 2 gobol, waxaana 4-ta gobol ee soo baxda ay u gudbi doonaan wareega afar dhamaadka tartanka. PUNTLAND POST The post Xagee marayaa tartanka ciyaaraha gobolada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  20. STUTTGART, Germany — The U.S. military’s top commander for Africa made a quiet visit to a remote base in Somalia on a recent tour through the region, meeting with commandos in a contested area where American special operators once came under fire. Source: Hiiraan Online