Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,886
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa qaatay mowqif lama filaan ah, oo u ku furay doorashada Aqalka Sare, isaga ballan-qaaday inaysan dhici doonin in musharax laga hor istaago inuu kasoo muuqdo liiska musharaxiinta. Go’aanka Guudlaawe ayaa ka duwan dhammaan madax goboleedyada kale oo horey liiska musharaxiinta ugu xiray siyaasiyiin gaar ah, ayaga oo u diiday muwaadiniin badan oo xaq u lahaa. Guudlaawe oo khudbad ka jeediyey daah-furka Kalfadhiga Baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in musharax kasta oo soo buuxiya shuruudaha musharaxnimo uu xaq u leeyahay inuu u tartamo kuraasta maamulkaas kasoo galeysa Aqalka Sare. “Waxaa hortiina ka ballan-qaadaya in Liiskaas aan kusoo dari doono Musharax kasta oo soo buuxiya shuruudihii, oo aan dhihi doonin hebel aan jeclahay oo liiska u xirayaa iyo hebel aan necbahay oo liiska ka reeba,” ayuu yiri. “Muwaadin kasta oo kusoo baxo musharaxiintan in uu nagala shaqeyn doono horumarka HirShabelle haddey nabad-gelyo tahay iyo haddey horumar tahay oo uu noqon doono Senator noo dhago nugul ayaa rajeynayaa.” Sidoo kale waxa uu xusay in si xor iyo xalaal ah u dhici doono tartanka Aqalka Sare, ayada oo uu kula dardaarmay mudaneyaasha HirShabelle inay si human u kala xushaan tartamayaasha. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guudlaawe ay cadaadis xooggan saartay Villa Somalia kadib markii uu diiday inuu liiska musharaxiinta ka saaro Muuse Suudi, taas beddelkeedna ay ku qasabtay inuu furo liiska, si loolan adag loo geliyo Xaaji Muuse. Maamulka HirShabelle ayaa noqonaya maamulkii u horeeyay aan si toos ah u faro-gelin musharaxiinta Aqalka Sare, sida kal hore ka dhacday doorashooyinka maamulada kale ay qabteen, kuwaasi oo laga reebay shaqsiyad ay is-hayeen, halka ay kusoo baxeen dad hore loo sii ogaa. The post Cali Guudlaawe oo go’aan lama filaan ah ka qaatay liiska musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ballan-qaaday in uu muwaadin walba oo xaq leh, buuxiyana shuruudaha looga baahan yahay musharaxnimo ku soo dari doono liiska musharaxiinta Aqalka sare. Madaxweyne Guudlaawe oo hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu furayay kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in uusan ku soo xuli doonin liiska Aqalka Sare nin jeclaysi iyo nin nebcaysi midna, hase ahaatee uu ku soo xuli doono caddaalad. Wuxuu xusay in go’aanka qofka ka mid noqonaya Aqalka Sare ay leeyihiin Baarlamaanaka Hirshabeelle oo doorasho ku kala saari doona tartamayaasha Aqalka Sare, wuxuuna ugu baaqay xilhibaannada in ay ku kala xushaan aqoontooda iyo khibradoona. Munaasadda uu hadalkan ka jeedyay Guudlaawe waxaa ku sugnaa rag doonaya in ay ka soo dhexmuuqdaan liiska tartamayaasha Aqalka Sare oo la filayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo. Hoos ka eeg muuqaalka hadalka Guudlaawe. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo si ka duwan maamullada kale ku soo xuli doonta Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  3. MOGADISHU (HOL) - Engineer Mohamed Omar Salihi who advised President Mohamed Farmaajo in the maritime case with Kenya died Wednesday morning in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  4. Gudoomoyihii hayadda shaqaalaha dawlada ee xilka maanta laga qaaday Farxaan Aadan Haybe ayaa yidhi:- “Isbedelku waa dabciga nolosha oo ah in ay maalinba si u egtahay, waxa taas la mid ah sunnaha dawladnimo oo ay aasaas u tahay in xilku qori isu dhiib yahay oo qofba inta Allah u qadaro joogayo, Ilaahay ha ku asturo inta masuuliyad xilleed loo magacaabay maanta oo uu ugu horreeyo gudoomiyaha xilka aan ku wareejin doono. Madaxwaynuhuna waa ku mahadsan yahay go’aankiisan xilka qaadista, waayo isaga ayuunbaa isla xilkan hore iigu xushay. Dalka waxaan ka soo qabtay xilal badan oo kala duwan oo wasiirnimo iyo xilkan aan wareejin doonaa ka mid yihiin, markaa uma hamuun qabo xil ee waxaan ku faraxsanay inaan qarankayga u soo shaqeeyay intii itaalkay iyo awooday ah”. Source
  5. Odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa isla qaatay in ay dhankooda nabad ka qaataan colaada ka taagan deegaanada Saaxmaygaag iyo Sangajabiye. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo maanta kulan la qaatay nabadoonnada iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku go’aamiyay in ay dhankooda nabad taaqaan oo ciidanka iyo hantida ka soo saaraan deegaannada colaadu ka dhacdayn, waxaana go’aankaas la qaatay nabadoonnada iyo waxharadka kale. Sidoo kale Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa garabka kale iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay iyaguna nabad qaataan. Hoos ka eeg muuqaalada waxgaradka Nugaal PUNTLAND POST The post Gaorwe: Islaan Ciise oo go’aamiyay nabad laga qaato colaada Saaxmaygaag iyo Sangajabiye appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo mudd ka badan labo bil la la’yahay ayaa waxaa la shaaciyey inay u gacan gashay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab, sida ay sheegen saraakiil amni oo la hadlay VOA. Barnaamijka Bandhigga VOA oo toddobaadkan si gaar ah diirada loogu saaray kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxaa lagu shaaciyey in Al-Shabaab ay u wateen Ikraan Tahliil gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan Dhoobley. Sidoo kale waxaa shaki weyn laga muujiyey in Ikraan ay nooshahay, ayada oo ilo wareedyo kala duwan ay sheegayaan inaysan xiligaan nooleyn, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Xogta la helay ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan NISA ay shirqooleen Ikraan, islamarkaana u gacan geliyeen Al-Shabaab. Ma cadda weli haddii NISA ay ogaatay xubnahaas, iyo tallaabada laga qaaday haddii la aqoonsaday. Dhanka kale, Hooyada dhashay Ikraan oo la hadashay Barnaamijka Bandhiga VOA-da ayaa u sheegtay inaysan aaminsaneyn in Al-Shabaab ay wateen inanteeda Ikraan Tahliil, inkasta oo sidaas ay u sheegeen saraakiil. Waxay weli ku adkeysaneysaa inay ku maqan tahay gacanta taliska NISA, oo ay hore u qabteen Camerada ayada oo raaceysa gaari laga leeyahay taliska NISA. Xogtaan ayaa kor u sii qaadeysa walaaca laga muujinayo in Al-Shabaab ay si weyn ugu dhex milmatay hay’addaha dowladda, maadama gabadha lagu watay gaari ka diiwaan gashanaa hay’add kamid ah kuwa dowladda. The post Ikraan Tahliil ma waxay u gacan gashay Al-Shabaab? (Dhageyso Xog xasaasi ah oo laga helay NISA) appeared first on Caasimada Online.
  7. MOGADISHU (HOL) - Somaliland is considering a request by the U.S and other international refugee agencies to host Afghanistan refugees, deputy foreign affairs minister Liban Yusuf Osman has said seemingly negating earlier remarks by information minister Saleban Ali Koore. Source: Hiiraan Online
  8. Taalibaan oo shaacisay inay hareereysay Ahmed Mascud & Ciidankiisa Hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Taalibaan ayaa ku dhowaaqay in dagaalyahanadooda ay hareereeyeen gobolka ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee Panjshir, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad uu wato Ahmed Mascuud, oo uu dhalay hoggaamiyihii caanka ahaa ee la dagaallamay kooxdaas ee Ahmed Shah Masoud. Amir Khan Motaqi oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa shaaciyey in ay isku fidiyeen hareeraha gobolka kaliya ee ka soo horjeeda maamulkeeda. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay kooxda ka soo horjeeda inay si nabad ah isku soo dhiibaan, iyaga oo ka faa’iideysanaya cafiska ay kooxda fidisay, kadib la wareegitaankeeda Kabul. “Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay hoy u tahay dhammaan dadka reer Afgaanistaan,” ayuu yiri Amir Khan Motaqi. Hoggaamiyahan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Taalibaan ay dadaal badan samaysay, si ay wada-xaajood ula gasho hoggaamiyeyaasha xoogagga mucaaradka ee Panjshir, laakiin wuxuu shaaciyey inaan wax natiijo ah laga gaarin, taas oo uu ku tilmaamay “nasiib darro”. Si kastaba ciidanka uu hoggaaminayo Ahmed Mascuud oo uu dhalay hoggaamiyihii hore ee la dagaallamay Taalibaan Ahmed Shah Masoud iyo dhowr kun oo ka tirsan malayshiyaadka dooxada Panjshir iyo haraadiga ciidankii Afghanistan ayaa hada la dagaallamaya Taalibaan. Qaran News
  9. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xilka qaadis, bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha Somaliland ayaa wareegto uu soo saaray xilalkii ka qaaday mas’uuliyiinta kala ah. (Xilka qaadis) 1. Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Biyaha, 2. Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Wasaarada Macdanta iyo Tamarta 3. Yuusuf Mire Maxamed (Boos), Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha 4. Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 5. Axmed Muumin Seed Habane, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha 6. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble, Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 7. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka 8. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Wakiilkii Somaliland ee Dalka Itoobiya 9. Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyihii Hay’adda Shaqaalaha Dawladda 9. Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, Guddoomiyihii Baanka Dhexe. Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa wareegtada ku magacaabay mas’uuliyiinta kala ah. (Magacaabis) 1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. 4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. 7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. 8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. 9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta. 11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha. 12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. 16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska. 17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga. 18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose. 19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda. 20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. 24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe. 25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiis xukuumadda appeared first on Puntland Post.
  10. Xafiiska hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa ku amray hay’adaha dowladda in ay soo gudbiyaan dhamaan mashaariicda iyo heshiisyada dhulalka dadweynaha ee ay galeen. Hanti dhowrka guud oo maalmihi la soo dhaafay daba galka guryaha iyo hantida dadweynaha ayaa ku amray in Hay’adaha dowladda muddo bil ah oo ku eg 2/10/2021 ay ku soo gudbiyaan Heshiidyada guryaha iyo dhulalka dadweynaah. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Source: goobjoog.com
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga ODM, Raila Odinga ayaa kulan la qaatay ganacsatada Soomaalida ee Nairobi, waxaana kulankaas ku saabsanaa hadal maalin dhaweyd uu jeediyay Raila oo ay ka caroodeen qaar kamid bulshada ka soo jeeda Ismaamulka Mandheera. Xoghayaha gudiga ganacsatada Islii, Cumar Axmed oo kulankaas goob joog ka ahaa ayaa idaacada VOA-da u sheegay in Raila Odinga uu faah-faahin ak bixiyey hadalkaas, kaasi oo dadka qaar u dhigeen in hoos loogu dhigayo metelaada ismaamulka Mandheera. “Waxaa laga hadlay hadal uu dhawaan yiri oo metelaad ahaa, oo dadka si kale u qaateen, oo uu ka soo qaatay dadka degna Mandheera, taasna wuxuu yiri waxaa usoo qaatay labo meel oo midna dad yar tahay midna dad badan tahay ayey aheyd ee igama aheyn in Mandheera wax la duudsiiyo, taasna wuu cadeeyaay” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay inay kala hadleen Raila Odinga cabashooyin dhowr ah oo ay ka qabaan canshuuro xad dhaaf ah oo lagu soo rogay, maadama uu yahay hogaamiye siyaasadeed u dhuun-daloola arrimaha dalka. “Hogaamiyaha hadda dowladda kuma jiro, laakiin waa nin Siyaasi ah oo la socda arrimaha wadanka oo mug ku leh, cilaaqad hoose ayey ku leeyihiin madaxda dowladda, markaa waxaa damacnay in aan ka faa’iideysano fursada uu haysto.” The post Raila Odinga oo faah-faahin ka bixiyay hadal ay ka caroodeen Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  12. Halkan ka ogow; Liiska Masuuliyiinta Madaxweyne Biixi Xilalka u magacaabay iyo Beelaha ay kasoo jeedaan. (Xilalka & Qabiilkiisa.) Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. ARAB – SAMANE. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. East Burco Clan – BICIIDE. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. ARAB – REER ADAN. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Sool clan – BAHARSAME Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. East Burco Clan – AXMED FAARAX Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. SACAD MUUSE – MAKAAHIL. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. HABARYONIIS – SACADYOONIS Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Sool clan – REER HAGAR Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. Awdal Clan – MAXAMED CASE Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta. Gabiley Clan – CIISE MUUSE Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha. Awdal Clan – HABAR-CAFAAN. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. East Burco Clan – CIMRAAN Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. ARAB – SUBEER CELI Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. East Burco Clan – AADAN MADOOBE Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. West Burco Clan – MUUSE ISMAACIIL. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska. CIIDAGALE – REER GOBDOON. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga. Gabiley Clan – Ciise Muuse ⁹ Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose. CIIDAGALE – DANWADAAGO. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda. GABOOYE Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. Awdal Clan Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. Gabiley Clan – SACADMUUSE Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. TOLJECLO Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. ARAB Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe. HABARYOONIS – ISAXAAQ Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. SACADMUSE – NUUX ISMAACIIL. ISAAQ – 19 Awdal Clan -3 Sool clan – 2 GABOOYE – 1 East Sanaag Clan – 0 CIISE – 0 Mohamed Yusuf Bakayle Source
  13. Diyaarada Fly dubay oo Saaka dib u bilowaday Duulimaadyadey ku iman jirtay Madaarka Hargeisa Diyaaradda Fyl Dubia ayaa saaka dib u bilowday duulimaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland, ka dib muddo sannad ka badan oo ay xayiraad saarnayd. Saaka, ayey qaaday rakaabkii u horreeyey, iyada oo mid cusubna keentay Madaarka Magaalada Hargeysa. Diyaaraddan, oo dhawaan ay Xukuumaddu ka qaaday xayiraadii saarnayd, ayaa soo laabashadeeda waxa soo dhawaayey bulshada Somaliland, gaar ahaan qurbo jooga iyo ganacstada oo muddadii la joojiyey duulimaadyadeeda kala kulmi jiray dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhinaca qiimaha lagu raaco diyaaraddaha kale ee dalka yimaada. Qaran News
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhoweyd waxa uu soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn ballaaran, taasi oo xilalkii kaga qaaday Mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa, kuwaasi oo isugu jira wasiiro, kuxigeeno iyo agaasimayaal. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumada, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 25-xubnood. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. 4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. 7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. 8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. 9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta. 11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha. 12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. 16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska. 17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga. 18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose. 19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda. 20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. 24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe. 25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. The post Madaxweyne Muuse Biixi oo sameeyay isku shaandheyn ballaaran + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  15. Degdeg:M/weyne Muuse Biixi oo Golihiisa Xukumada Seefta la dhexqaaday+isku-saandheyn,Xilkaqaadis,Bedelid & Magacaabid Wareegto Madaxweyne : 02/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Ku: Yuusuf Mire Maxamed (Boos), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Ku: Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Axmed Muumin Seed Habane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Ku: Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Itoobiya Ku: Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ku: Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha. 4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. 7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. 8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. 9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta. 11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha. 12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. 16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska. 17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga. 18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose. 19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda. 20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. 24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe. 25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ee qeybta ka ah askarta AMISOM ku leeyihiin Jaziirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah ah oo u dhexeeyey dagaalyahanadii weerarka qaaday & ciidamada Kenya ee ku sugnaa xerada la weeraray. Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay labada dhinac is-weydaarasanayeen, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha sar sare ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada huwanta oo isku fidiyey agagaarka Jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee koonfurta & bartamaha dalka. Si kastaba Jubbooyinka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha si aadka ay haatan ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmooyin ka tirsan gobolladaasi. The post Saldhigga ciidamada KENYA ee KUDHAA weerar culus lagu qaaday + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  17. Wareegto Madaxweyne : 02/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Ku: Yuusuf Mire Maxamed (Boos), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Ku: Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ku: Axmed Muumin Seed Habane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Ku: Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Itoobiya Ku: Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ku: Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Tir Magaca Xilka Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
  18. A Turkish military aircraft carrying the first batch of Somali female police commandos to complete special training in Turkey landed at Aden Adde International Airport in the capital Mogadishu on Wednesday. Senior government officials, the deputy chief of the Somali police force and Turkish officials welcomed them upon arrival. “You have received one of the best trainings in the world thanks to our Turkish brothers, and it is time now to serve your country and its people with honor and dignity,” said Osman Abdullahi Mohamed, first deputy police chief of Somalia. The female officers will join a special forces unit locally known as Harmacad (Cheetah). Separately, officials received over 100 Gorgor (Eagle) commandos, who also completed their training in Turkey. The Gorgor and Harmacad elite units are fighting against al-Qaida-affiliated terrorist group al-Shabab. Turkish officials who spoke at the ceremony said Turkey will continue its support to the Somali government and its people. The post Turkey-trained female Somali commandos arrive in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
  19. (SLT-Hargeysa)-Wefti uu hoggaaminayo Wasiirru dawlaha Arrimaha siyaasadda ee Wasaaradda Arrimha dibadda Itoobiya Mr Ridwaan Xuseen ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Waxa weftiga madaarka ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibadda. Weftigan ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay mucaaradku ku dhalliilay madaxweyne Biixi in xilli gobolka isbedel weyni ka socdo Somaliland tahay bilaa wasiir arrimo dibadeed islamarkaana aanay saamayn ku lahayn arrimaha gobolka ka socda. Source
  20. Dareenka iyo filashadu halkii Shalay ma joogaan. Musharrax Madaxweyne Cirro waa in aanay hodin guushii ugubka ku ahayd Somaliland iyo guud ahaan Afrikaba ee uu Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ka soo hooyey doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka qabsoontay 31 May 2021 oo Xisbiga Waddani heley tirada xildhibaanada ugu badan iyo hogaanka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland sidoo kale uu ku hantiyey badiba Maayirada Degmooyinka A da ah ee dalka. Sababtoo ah lama kala dooranayn KULMIYE, UCID IYO WADDANI ee waxa la kala dooranayey qofaf iyo haldoor ka kala sharraxnaa Xibiyadan. Sidaa daraadeed waa in aanay Gudoomiye Cirro seegin saddex arrimood: 1- Dib u qaabaynta iyo salballaadhinta dhismaha Xisbiga WADDANI. 2- Curinta iyo hal abuuridda barnaamij iyo aragti togan oo qodaxda iyo shilintaba laga guray oo Bulshada reer Somaliland laga iibiyo. 3- Xulashada haldoor iyo aqoon-yahan xambaara barnaamijka iyo aragtida Xisbiga lana jaanqaada dareenka iyo fikirka maanta oo ka duwan dareenkii iyo fikirkii shalay. ALLAA MAHAD LEH La soco … Qaybta 3aad Waxa qoray, Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden kucadeeye Source
  21. 07- 8 August 2021 waxa soo ifbaxay khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Ra’iisulwasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Xusen Rooble iyo Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isugu jawaabay warqado ka soo kala baxay xafiisyadooda. Khilaafkan oo markii hore salka ku hayay maareynta arrimaha dibada iyo doorashooyinka ayaa hadda u gudbay howlmaalmeedka wasaaradaha iyo maamulka Gobolka Banaadir. 29-kii August Waxaa soo shaac baxday Warqad taariikhdeedu ahayd 27-06-2021 oo Wasiirka warfaafinta uu ku ogolaaday in shirkad gaar loo leeyahay maqaaxi ay ka dhisato dhul bannaan oo ku yaalla Tiyaatarka Qaranka. 28-kii August wasiirka waxbarashada ayaa dib ugula noqday maamulka iskuul horey Gobolka Banaadir loogu wareejiyay. 31-kii August Wasiirka waxbarashada ayaa shaaciyay in maamulka Gobolka Banaadir laga wareejiyay warqadaha bedelashada ardayda , wasaaraduna ay ku bixin doono si lacag la’aan ah. Hanti-dhawrka qaranka oo ka falcelinayay cabashada ka soo yeertay dhulka Tiyaatarka ayaa 01- Semptember joojiyay in aan la kirayn Karin ama la iibin Karin Hanti-Qaran. 01-September maamulka Gobolka Banaadir oo ka falcelinayay go’aanka Wasaaradda waxbarashada ayaa amray in lagu soo wareejiyo maamulka laba isbitaal oo la tuhunsan yahay in xiriir la leeyihiin Wasiirka waxbarashada . Culeyska ku yimid bixinta adeegyada Bulshada ayaa la tuhunsan yahay inuu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble kuwaas oo ay la kala safteen maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiisyada Wasiiradaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday Injineer Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, taas oo hadda hortaal ICJ. Allaha u naxariistee geerida ku timid Injineer Saalixi waxaa xaqiijiyey xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. Mahdi Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in Injineer Maxamed Cumar Saalixi uu laf-dhabar u ahaa dacwadda Badda ee ka dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, “Marxuumku wuuu laf-dhabar u ahaa dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. “Isagoo dalkiisa ugu shaqeeyay si hagar la’aan ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. Marxuumka waxaa kale oo uu ahaa khabiir aqoon durugsan u leh cilmiga badda, isla-markaana ahaa shakhsiga kaliya ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf, sidoo kalena wuxuu ahaa la taliyihii arrimaha badda ee madaxtooyada. AUN Injineer Saalixi ayaa dadka ay soo wada-shaqeeyeen waxa ay sheegeen inuu ahaa shaqsi aad u dhowrsan, Af-gaaban, sidoo kalena aamin ah. The post Khabiir Soomaaliyeed oo laf-dhabar u ahaa dacwadda baddeena oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.