Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta mar kale loo doortay xubin ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Senetor Cabdiraxmaan Faroole ayaa noqday xubintii u horraysay ee maanta lagu doortay doorashada Aqalka sare ee ka socota Garoowe. Faroole ayaa 54-cod kaga guulaystay Maxamed Cismaan Colaad oo kula tartamay xilkan islamarkaana helay 11-cod oo keliya. Ex. Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa hore Puntland madaxweyne uga soo noqday 2009/2014. Sidoo kale Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa isna cod gacan-taag ah lagu doortay kadib markii ay u tanaasushay Kawsar Cabdullaahi oo la tartamaysay. PUNTLAND POST The post Garoowe: Cabdiraxmaan Faroole oo mar kale loo doortay Aqalka sare ee Baarlamanka dalka appeared first on Puntland Post.
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa haatan ka socota doorashada 11- Senator ee ka imaanaya dhanka Puntland, waxaana golaha wakiilada maamulkaas ay doorteen xildhibaankii ugu horreeeyey Puntland ee Golaha Aqalka Sare Doorashada kursigii ugu horreeyey Senatorada Puntland ee la qabtay ee ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) oo markale difaacday kursigiisa. Faroole ayaa noqonaya Senatorkii ugu horreeyey ee ka soo baxa dhanka Puntland, waxaana la tartamay musharrax Maxamed Cismaan Colaad oo laga adkaaday. Sida uu shaaciyey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Faroole ayaa helay 54 cod, halka musharraxa laga guuleystay ee Colaad uu helay 11 cod, sidaasna waxay guusha ku raacday Senator Faroole oo markale 4 sano ee socota ka mid noqonaya Aqalka Sare. Cabdiraxmaan Faroole waa madaxweynihii hore ee Puntland, waana siyaasi saameyn mug-leh ku leh Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana guushiisu ay aheyd mid lasii ogaa oo la saadaalinayey, tan iyo markii uu Saciid Deni kusoo diray liiska musharraxiinta. Sidoo kale kuraasta labaad, saddexaad, afaraad, shanaad iyo lixaad ayaa doorashadooda loo qabtay codeyn gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen 5 ka mid ah tobanka musharrax ee ku tartameysay kuraastaas, waxaana kusoo kala baxay Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntaland, musharrax Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) oo ah wasiirka dekedaha Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) oo ah wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ah guddoomiyihii hore ee gobolka Bari ee Puntland iyo Daahir Ayaanle Saciid oo ah ganacsade. Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda galayaa kuraasta xigta ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Puntland ayaa noqoneyso maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. The post Senatoradii ugu horreeyey ee PUNTLAND oo lagu doortay Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  3. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa xilalka ka qaaday afar gudgoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, sida uu sheegay afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Dheere. Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa kala ah: 1- Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir. 2- Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan. 3- Guddoomiyaha degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac. 4- Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle. Waxaa xilka guddoomiyaha degmadaas loo magacaabay Mire Salaad Dhuxulow. Afhayeenka ayaa sheeegay in xil ka qaadista ay qeyb ka tahay dadaallo lagu horumarinayo adeegyada ay bulshada ka sugayaan maamulka gobolka Banaadir, sida uu hadalka u dhigay. Xil ka qaadistan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii dhowaa ay cabasho ka jirta Muqdisho oo la xiriirta qaar ka mid ah waddooyinka magaalada oo burbursan, daadana ay buuxiyeen. PUNTLAND POST The post Cumar Finish oo xilalka ka qaaday Guddoomiyaal degmo appeared first on Puntland Post.
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Xarunta baarlamaanka Puntland waxaa haatan ka socota hadal jeedinta musharraxiinta u taagan ka mid ah noqoshada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, kuwaas oo uu horey u shaaciyey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Sentorada khudbadahooda jeediyey waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo markale doonaya inuu difaacdo kursigiisa Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Faroole ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda dalka iyo tan Puntland, wuxuuna kadib ka codsaday golaha wakiilada inay codkooda siiyaan. Aamino Jaamac Ibraahim ayaa sidoo kale hadal kooban oo ku aadan musharraxnimadeeda ka jeedisay golaha, taas oo muddo fog ka soo shaqeynesay arrimaha bulshada, waxayna si xushmad leh xildhibaanada Soomaaliyeed ee Puntland uga codsatay inay siiyaan codkooda. Sidoo kale goobta waxaa ka hadlay musharraxiinta kala ah Kowsar Cabdullaahi Xirsi iyo Maxamed Geed Maxamuud oo shaaciyeyn inay tanaasuleen, iyaga oo u mahadceliyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni & baarlamaanka Puntland. Kowsar ayaa u tanaasushay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Mudane Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), halka Maxamed Geed Maxamuud uu u tanaasulay wasiirka dekedaha maamulkaasi, Mudane Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino). Doorashada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka bilaabato Garoowe, si loo doorto 11 Senator oo ay Puntland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. The post Labo Musharax oo tanaasulay, kahor qabashada doorashada Puntland ee Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  5. Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay inay soo celiyaan xidhiishkii, iskana kaashadaan dhinacyo ay ka mid yihiin amniga, ganacsiga iyo maalgashiga. Heshiiskan ayaa daba socda wada -hadallo Raysal -wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku dhex maray magaalada Mombassa Salaasadii shalay. War qoraal ah oo uu soo saaray, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu soo dhoweeyay soo celinta xidhiidh diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xasilloonida horumarka gobolka. “Nabad la’aan, ma jiri karto barwaaqo. Aynu xoogga saarno u adeegidda dadkeenna. Tani waxay suurtogal noqon kartaa oo kaliya haddii aan si wadajir ah uga wada shaqeyno sidii aan u cirib tiri lahayn argagixisada. Waxaa la joogaa waqtigii la hagaajin lahaa ganacsiga oo la xallin lahaa arrimaha socdaalka si loo oggolaado is-dhexgalka dadka-dadka, ”ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay aqalka dowladda Kenya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa qiray xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in saaxiibtinimadu ay ku saleysan tahay “deris wanaag, iskaashi, xasillooni iyo is -ixtiraam”. “Maanta waa bilowgii xidhiidh xooggan oo qoto dheer oo walaaltinnimo. Soomaaliya waxay ku dadaali doontaa sidii loo xoojin lahaa Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga oo dan u ah labada shacab, midnimadooda iyo xasiloonidooda iyo wixii ka baxsan gobolka iyo qaaradda ”ayuu yidhi RW Rooble oo adeegsanaya turjumaan. Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku boorriyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta inuu muranka soohdinta badda u daayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Source
  6. GAROWE (HOL) - Puntland state parliament is today electing new senators following the release of the list of candidates for all the 11 seats by President Abdullahi Deni. Source: Hiiraan Online
  7. Kumanaan kun oo Askari ayay saaka Itoobiya tababar uga furtay xerada tababarada ee Bersheko ee Addis Ababa. Waxaa Itoobiya ka socda guud ahaan olole ciidanimo oo baaxad leh, kuwaas oo la carbinayo in ay difaacaab Qaranimada Itoobiya, sida ay dawladdu sheegtay. Abiy Ahmed shalay waxa ugu baaqay dhallinyarada in ay tagaan furimaha dagaalka. Source
  8. Xubno ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya, ayaa saaka ku wajahan caasimadda Puntland ee Garoowe. Lix xubnood oo ka tirsan guddigaas, ayaa Garoowe u imaanaya, si ay goob-joog uga noqdaan doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland. Doorashada Aqalka sare ayaa maanta ka dhacaysa Garoowe, waxaana haatan xarunta Baarlamanka ka socda khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilalkaas. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan gudiga xallinta khilaafaadka doorashada oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Oline) – Guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee maamulkaasi, kadib markii xalay madaxweyne Qoor Qoor uu shaaciyey liiska lix ka mid ah kuraasta taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Warqad ka soo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maanta ay si rasmi ah u billaaban doonto diiwaan-gelinta musharraxiinta liiskooda la shaaciyey ee lixda kursi. Sidoo kale guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in doorashada xubnahaasi ee Aqalka Sare la qabanayo beri oo ay ku beegan tahay 12-8-2021-ka. “Iyadoo la fulinayo waajibaadka jadwal ee doorasho heer dowladda dhexe ay soo saareen guddiga dhexe doorashooyinkla (FITT) 16-07-2021 oo ku saabsaneyd qabashada doorashada Aqalka Sare. Haddaba guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ee (GSS-SEIT) wuxuu halkan kusoo gudbinayaa jadwalka faah faahsan ee qabashada doorashada Aqalka Sare.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada ee Galmudug. Tani ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta doorashooyinka dalka, waxaana Puntland iyo Galmudug ay haatan cagta saareen dhabihii qabashada ee doorashada Aqalka Sare. Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa horey u guda-galay doorashadan, waxaana Senataro cusub lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ka kala tirsan maamuladaas. The post GALMUDUG oo shaacisay xilliga ay qabaneyso doorashada Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  10. The International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC) has warned that Somalia is on the cusp of a humanitarian catastrophe. Source: Hiiraan Online
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa haatan ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada Aqalka Sare oo maanta ka dhaceysa gudaha magaaladaasi oo xarun u ah maamulka Puntland. Sida qorshaha uu yahay xildhibaanada Puntland ayaa maanta dooran doono 11-ka Senator ee ka imaanaya maamulkaasi, waxaana u tartamaya illaa 22 musharrax oo kala ah:- Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (faroole), Maxamed Cusmaan Colaad, Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab), Kawsar Cabdulaahi Xirsi, Maxamed cabdi cisman (Majiino), Maxamed Geedi Maxamuud, Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade), Cabdulahi Maxamed Xaashi Nuur, Cabdisamad Yusuf Maxamed (Abwaan), Ismacil Mire Muumin, Daahir Ayaanle Saciid, Maxamed Cumar Maxamed, Farxaan Cali Xuseen, Hodan Isxaaq Maxamed, Saynab Ismacil Maxame, Amina Jamac Ibraahim, Cabdiqani Geele Maxamed, Cabduqadir Maxamad Yusuf, Samiro Maxamuud Xaaji Cawad, Nacima Axmad Bakar, Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yusuf Jamac. Xubnaha tartami doono ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin haatan xilal ka haya Puntland, sida wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), wasiirka dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Abwaan. Dhinaca kale ammaanka ayaa loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay meelaha muhiimka ah ee magaalada Garoowe. Puntland ayaa noqoneyso maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. The post Wararkii ugu dambeeyey doorashada Puntland ee xubnaha AQALKA SARE appeared first on Caasimada Online.
  12. Somali media reported that at least 15 people were killed and several others injured in two separate blasts in central and southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. The first of three men sentenced for conspiring with ISIS had been sentenced to 78 months in prison. Source: Hiiraan Online
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa dib u dhigay shaacinta musharraxiinta laba kursi oo ka mid ah sideeda xubnood oo uu maamulkaasi ku leeyahay Aqalka Sare ee Soomaaliya. Qoor Qoor ayaa ku dhowaaqay liiska lix ka mid ah kuraastaasi oo ay ku tartami doonaan illaa 12 musharrax, labada kursi ee dhimman ayaa waxaa haatan ku fadhiya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) & sidoo kale Senator Cabdiwaaxid Cilmi oo loo yaqaan Goonjeex. Wararka ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee dib loogu dhigay labadan kursi ay tahay in weli la’isku dhagan yahay, isla-markaana uu Qoor Qoor wado wada-tashiyo ku aadan kuraastaas, si xal looga gaaro muranka ka taagan, loona kala saaro musharraxiinta. Kursi ka mid ah labdaan kursi waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, isaga oo doonayo inuu difaacdo kursigiisa. Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug laguma shaacin, xilliga rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono musharraxiinta kuraastaas oo ka mid ah kuwa ugu saameynta ee badan, marka loo eegto siddeeda kursi ee taalla magaalada Dhuusamareeb. Dhinaca kale waxaa kursigiisii waayey guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari), kadib markii laga reebay liiska musharraxiinta, waxaase lagu soo daray saddex ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee iminka, kuwaas oo kala ah, Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), Yuusuf Geelle Ugaas iyo Samsam Daahir Maxamuud. Bukhaari ayaa ka mid ahaa Senatorada mucaaradka ah ee sida weyn uga soo horjeedo Villa Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu la safnaa guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli mudooyinkii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey muranka ka taagan kuraasta qaar ee Galmudug, waana mida dhalisay in Qoor Qoor uu lasoo daaho liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamay kuraasta Galmudug ee Golaha Aqalka Sare. The post Kursiga Xaaf iyo Qeybdiid oo ka mid noqday kuraasta dib loo dhigay iyo sababta appeared first on Caasimada Online.
  15. Somalia has rejected pressure for a diplomatic resolution to a longstanding maritime dispute with Kenya, maintaining the matter will be decided by the International Court of Justice (ICJ). Source: Hiiraan Online
  16. Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada Aqalka sare ee xubnaha galmudug ku matalaya Aqalka sare. Jadwalka guddiga ay shaaciyeen ayaa lagu sheegay in maanta oo arbaca ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta iyo bixinta qidmadda musharixiinta. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in beri oo khamiis ah ay dhaceyso doorashada 6-kursi oo ka mid ah 8-kursi Aqalka sare maamulka galmudug uu ku leeyahay. Shaacinta jadwalka ayaa timid kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor uu soo saaray liiska 12-musharax oo u taratamay 6-kursi oo ka mid ah 8-kursi ee galmudug Aqalka sare ku leedahay. Hoos ka akhriso jadwalka Doorashada Aqalka sare Source: goobjoog.com
  17. Ethiopia’s government on Tuesday summoned all capable citizens to war, urging them to join the country’s military to stop resurgent forces from the embattled Tigray region “once and for all.” Source: Hiiraan Online
  18. Waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wada in magalada Garowe ee xarunta dowlad gobaleedka Puntland ay ka bilaabato doorashada kuraasta Aqalka sare ee Puntland ku matali doona. Xarunta golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa hadda ka soconaya diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashada Aqalka sare. Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa shalay shaaciyay in arbacada maanta ah la dooran doono dhamaan 11-kursi ee Puntland ay ku leedahay Aqalka sare kadib markii uu liiska musharixiinta Aqalka sare uu soo magacaabay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni. “Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca, Haddii Eebbe Idmo”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, ayaa shaaciyay liiska musharixiinga Aqalka Sare Galmudug ku matali doonta. Qoor-qoor ayaa liiskan ku shaaciyay musharixiinta 6 kursi oo ka mid ah 8-kursi oo Galmudug Aqalka sare ay ku leedahay. Liiska la shaaciyay ayaa waxaa ka maqan siyaasiyiin sameyn ku lahaa baarlamaanki 10-aad ee dalka. Hoos ka akhriso liiska magacyada Aqalka sare u tartameyso. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu heshiis ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadib khilaaf culus oo soo kala dhaxgalay labada masuul. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu xiriir la sameeyay Rooble kadib markii uu ka jawaabay warqadii dhowaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha, kana dalbaday inay xiisadda dejiyaan. Farmaajo ayaa la sheegay inuusan fileyn jawaabtii uu Rooble bixiyey iyo dhiiranaantiisa, taasi oo wacaa ku abuurtay. Waxaa lagu warramay inuu ka cabsi qabo in haddii ay sii socoto xiisadda, uu Rooble qaadi karo tallaabooyin ay ka mid yihiin inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada, beddelo wasiirada ku dhow Farmaajo, islamarkaana kusii dhowaado xubnaha mucaaradka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inuusan weli u jawaabin Farmaajo, waxaana wararku sheegayaan inuu cabsi weyn ka qabo Villa Somalia, islamarkaana uu aaminsan yahay in dalabka heshiiska uusan daacad ka aheyn balse kaliya la rabo in lagu damiyo xiisad kadibna loo dhigo qiyaanooyin siyaasadeed culus. Xog aan helnay ayaa tilmaamaysa in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu bilaabay in uu digniin u jeediyo dhamaan shaqsiyaadka ku dhow dhow Madaxweyne Farmaajo iyo taliyayaasha ciidamada, islamarkaana uu Madaxweynaha dareemay in culeys badan saaranyahay, kaasoo wax u dhimi kara rajadiisa doorashada Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyay ayaa soo warinaya in Rooble uusan wali aqbalin dalabkaas islamarkaana uu jawaab ka bixin doono markii uu ka soo laabta dalka Kenya oo shalay ay ugu bilaabatay booqasho rasmi ah, taasoo qeyb ka ah waxyaabihii ay isku fahmi waayeen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo. The post Xog: Farmaajo oo heshiis ka dalbaday R/Wasaare Rooble appeared first on Caasimada Online.
  21. Dood weyn oo ka dhalatay $30 milyan oo uu Turkiga ugu deeqay Soomaaliya Dowladda Turkiga ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ugu deeqday 30 milyan oo dollar, taasi oo ay kala kulantay dhaleeceyn xoog leh kadib markii ay arrintaan kusoo aaday marki ay dhawaan Dowladda Turkiga sheegtay inaysan heysan wax diyaarad dab-damis ah xilli dhowr magaalo oo ku yaal dalkaas uu ka kacay dab xoog leh. Lacagta ay Ankara ugu deeqday Soomaaliya, oo bil walba la bixin doono 2.5 milyan oo dollar illaa muddo sanad ah, ayaa loo adeegsan doonaa “kabidda miisaaniyadda iyo dhisidda xarumaha Dowladda,” waxayna qeyb ka tahay heshiis ay labada dal kala saxiixdeen bishii hore. Tan iyo markii uu Turkiga sanadki 2005 u aqoonsaday “Sannadka Afrika,” Turkigu wuxuu si xooggan ula shaqeeyay Soomaaliya, wuxuuna kor u qaaday xiriirka labada dhinac ee siyaasadda, Militariga, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha. Taageerada Turkiga uu siiyey Soomaaliya ayaa waxay dhiirigelisay fikirka iyo rabitaanka Ankara ee ah inay kor u qaaddo saamaynta juqraafi ahaan, laakiin qaar ka mid ah indha -indheeyayaasha ayaa su’aal geliyey illaa inta ay socon karto saameyntiisa Gobolka marka la eego duruufaha dhaqaale ee Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa lixdii sano ee lasoo dhaafay waxay Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareyso 117 Milyan oo Dollar, waxaana xusid mudan in Turkiga uu sanadkii lasoo dhaafay iyadoo ay jirto dhaqaale xumo ka dhalatay cudurka COVID19 inuu gacan ka geystay deyn-cafinta Soomaaliya isagoo ballan qaaday ku dhawaad $ 2.4 Milyan, wuxuuna kamid noqday 116 dal oo gacan ka geystay deyn cafinta. Sanadkii lasoo dhaafay, dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya usoo dhoofisay ganacsi qiimo ahaan gaaraya $272.76 milyan halka shirkadaha laga leeyahay Turkiga ay Soomaaliya ku maal gashadeen $100 milyan. Saldhigga milatari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibadda ayaa ku yaalo Soomaaliya, waxaana halkaas lagu tababaraa askar Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee deeqdii ugu dambeysay ayaa qaar ka mid ah dadka Turkiga waxay ku tilmaameyn inay tahay mid xad dhaaf, maadaama ay kusoo aaday xilli Dowladda Turkiga ay awoodi la’dahay inay soo iibsato diyaarado lagu caawiyo dadaallada dab -damiska. “Wadar ahaan lix diyaaradood oo dab-damis ah ayaa lagu iibsan lahaa lacagtan,” ayuu yiri Alpay Antmen oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Republican People’s Party. Qaar kale oo ka tirsan dadka Turkiga ayaa soo dhoweeyay deeqdan oo ay ku tilmaameyn inay tahay mid wax badan u tari karta dal muddo tobanaan sano ah la il darnaa macluul, abaaro iyo dagaallo sokeeye. Cabdirashiid Xaashi oo horey usoo noqday wasiir iyo agaasimihii hore ee Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda, oo ah hay’ad cilmi baaris ku leh Soomaaliya, ayaa sheegay in inta badan kheyraadka qaranka ee dalka la geliyo meelaha mudnaanta leh, sidaas darteedna maalgelinta istaraatiijiyadeed ay dhaqaale uga baahan tahay dibadda. “Taageerada miisaaniyadda ee $ 30-ka milyan ah ee Turkigu ku bixinayo dadaalka dowlad-dhisidda Soomaaliya waa mid ka mid ah maalgelinta, waxayna micno weyn u leedahay Soomaaliya, oo u aragta Ankara inay tahay mid ka mid ah xulafadeeda ugu dhow,” ayuu u sheegay Arab News. “Turkigu wuxuu u arkaa inuu dib ugu soo laabanayo maalgashigiisii Soomaaliya oo ahaa qaab mug weyn oo ganacsi oo u dhexeeya labada dal,” ayuu Xaashi ku daray. Sanadkii la soo dhaafay, shirkad Turki ah ayaa saxiixday qandaraas 14 sano ah oo lagu maamulayo laguna hagaajinayo dekedda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Soomaaliya waxay sidoo kale kaalmo ka heshaa Ankara, gaar ahaan mashaariicda horumarinta iyo arrimaha bulshada, iyadoo loo marinayo Wakaaladda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga. Turkiga ayaa isbitaal ka dhistay dalka, wuxuuna dib u dhisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda. Soner Cagaptay, oo ah aqoonyahan Turki ah oo ka tirsan Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga -dhow, ayaa sheegay in ballaarinta Turkiga ee Afrika ay tahay arrin mudan in lagu ammaano Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. “Turkigu runtii wuxuu iska indho tiray Afrikada ka hooseysa Saxaraha inta badan ilaa uu ka imaaday Erdogan,” ayuu u sheegay Arab News. Qaran News
  22. Miyaa la sii daayay Amiiraddii Dubai ee aabbaheed uu xabsi guriga geliyay? Sawir la soo dhigay Instagram ayaa waxaa ka muuqda Latifa, bidix, oo ku sugan Iceland iyo walaalkeed (dhexda) iyo Sioned Taylor Ololihii lagu doonayay in amiirad Latifa, gabadha hoggaamiyaha Dubai, ay xorriyaddeeda hesho ayaa la hakiyay, kaddib markii lagu arkay Iceland. Sawirka ayaa Isniintii waxaa barta Instagram soo dhigtay haweeney Britain u dhalatay oo hore ay sawir iskala soo muuqdeen. Balse ma cadda in ay Latifa, oo aan bulshada la hadlin, ay xor tahay iyo in kale. BBC ayaa horraantii sanadkan baahisay muuqaal ay amiiraddu ku sheegeyso in aabbaheed uu xabsi guri geliyay. Taas ayaa caro ka sababtay dunida, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku baaqday in la caddeeyo in gabadhan 35 jirka ah ay nooshahay iyo in kale. Dhowr sawir oo Latifa laga qaaday ayaa markaas kaddib la arkay. Waxaa baraha bulshada soo dhigtay Sioned Taylor, taas oo sidoo kale sawir la soo gashay bishii June iyagoo ku sugnaa garoonka Madrid. Sawirrada kale ayaa la arkayay Latifa oo ku sugan suuq laga dukaameysto iyo maqaayad ku taalla Dubai. Ololaha xoreynta Latifa ayaa warsaxaafadeed ay Isniintii soo saareen waxay ku xaqiijiyeen in Latifa ay Iceland kula kulantay ina abtigeed Marcus Essabri – oo ah qofka saddexaad ee sawirka kula jira. Mr Essabri, oo ay eeddo u tahay Latifa hooyadeed, ayaa yiri: “Dib ayaanu u midownay… wax lagu farxo ayay ahayd in la arko iyadoo faraxsan, caafimaad qabta oo diiradda saareysa qorshooyinkeeda.” David Haigh, oo ka mid ah dakdii bilaabay ololaha xoreynta Latifa, ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda haatan ee Latifa ay aad u wanaagsan tahay. Sawirka Instagram ee bishii June waxaa ka muuqdaAmiirad Latifa, midig, oo ku sugan Madrid Qoyska boqortooyada ee Dubai ayaan wax faahfaahin ah ka bixin sawirkan ugu dambeeyay. Latifa, oo ka mid ah 25-ka carruur ee Sheikh Mohammed bin Rashid al Maktoum, ayaa isku dayday inay ka baxsato Dubai bishii February 2018. Muuqaal ay duubtay wxa yar kahor intaysan bixin, ayay ku sheegtay in ilaalo adag laga hayo. “Dalka kama tegin tan iyo sanadkii 2000. Wax badan ayaan codsanayay inaan safro, wax barto, oo aan wax walba oo caadi ah sameeyo. Iima oggola,”ayay tiri. Balse kuma aysan guuleysan baxsashada: siddeed maalmood markii ay k jirtay safarka Badweynta Hindiya, ciidamo ayaa qabtay doonta kuwaas oo si qasab ah uga saaray Latifa kuna celiyay Dubai. Aabbaheed ayaa markii dambe sheegay in arrintan uu u arko “howlgal samatabixin ah”. Bishii February, BBC Panorama ayaa baahisay muuqaallo ay si sir ah u duubtay Amiirad Latifa kaddibna u gudbisay saaxiibbadeed dibadda ku sugan, kaas oo ay ku sharxeysay sidii loo qabtay iyo xabsigii la geliyay kaddib markii Dubai lagu celiyay. Waxay sheegtay inaan loo oggolaan daaweyn iyo caawinaad sharci ah iyadoo ku sugneyd qasri daaqadaha iyo albaabbadu ay xiran yihiin, ayna ilaalo ka hayaan booliis. Qaran News
  23. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ugu deeqday 30 milyan oo dollar, taasi oo ay kala kulantay dhaleeceyn xoog leh kadib markii ay arrintaan kusoo aaday marki ay dhawaan Dowladda Turkiga sheegtay inaysan heysan wax diyaarad dab-damis ah xilli dhowr magaalo oo ku yaal dalkaas uu ka kacay dab xoog leh. Lacagta ay Ankara ugu deeqday Soomaaliya, oo bil walba la bixin doono 2.5 milyan oo dollar illaa muddo sanad ah, ayaa loo adeegsan doonaa “kabidda miisaaniyadda iyo dhisidda xarumaha Dowladda,” waxayna qeyb ka tahay heshiis ay labada dal kala saxiixdeen bishii hore. Tan iyo markii uu Turkiga sanadki 2005 u aqoonsaday “Sannadka Afrika,” Turkigu wuxuu si xooggan ula shaqeeyay Soomaaliya, wuxuuna kor u qaaday xiriirka labada dhinac ee siyaasadda, Militariga, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha. Taageerada Turkiga uu siiyey Soomaaliya ayaa waxay dhiirigelisay fikirka iyo rabitaanka Ankara ee ah inay kor u qaaddo saamaynta juqraafi ahaan, laakiin qaar ka mid ah indha -indheeyayaasha ayaa su’aal geliyey illaa inta ay socon karto saameyntiisa Gobolka marka la eego duruufaha dhaqaale ee Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa lixdii sano ee lasoo dhaafay waxay Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareyso 117 Milyan oo Dollar, waxaana xusid mudan in Turkiga uu sanadkii lasoo dhaafay iyadoo ay jirto dhaqaale xumo ka dhalatay cudurka COVID19 inuu gacan ka geystay deyn-cafinta Soomaaliya isagoo ballan qaaday ku dhawaad $ 2.4 Milyan, wuxuuna kamid noqday 116 dal oo gacan ka geystay deyn cafinta. Sanadkii lasoo dhaafay, dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya usoo dhoofisay ganacsi qiimo ahaan gaaraya $272.76 milyan halka shirkadaha laga leeyahay Turkiga ay Soomaaliya ku maal gashadeen $100 milyan. Saldhigga milatari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibadda ayaa ku yaalo Soomaaliya, waxaana halkaas lagu tababaraa askar Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee deeqdii ugu dambeysay ayaa qaar ka mid ah dadka Turkiga waxay ku tilmaameyn inay tahay mid xad dhaaf, maadaama ay kusoo aaday xilli Dowladda Turkiga ay awoodi la’dahay inay soo iibsato diyaarado lagu caawiyo dadaallada dab -damiska. “Wadar ahaan lix diyaaradood oo dab-damis ah ayaa lagu iibsan lahaa lacagtan,” ayuu yiri Alpay Antmen oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Republican People’s Party. Qaar kale oo ka tirsan dadka Turkiga ayaa soo dhoweeyay deeqdan oo ay ku tilmaameyn inay tahay mid wax badan u tari karta dal muddo tobanaan sano ah la il darnaa macluul, abaaro iyo dagaallo sokeeye. Cabdirashiid Xaashi oo horey usoo noqday wasiir iyo agaasimihii hore ee Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda, oo ah hay’ad cilmi baaris ku leh Soomaaliya, ayaa sheegay in inta badan kheyraadka qaranka ee dalka la geliyo meelaha mudnaanta leh, sidaas darteedna maalgelinta istaraatiijiyadeed ay dhaqaale uga baahan tahay dibadda. “Taageerada miisaaniyadda ee $ 30-ka milyan ah ee Turkigu ku bixinayo dadaalka dowlad-dhisidda Soomaaliya waa mid ka mid ah maalgelinta, waxayna micno weyn u leedahay Soomaaliya, oo u aragta Ankara inay tahay mid ka mid ah xulafadeeda ugu dhow,” ayuu u sheegay Arab News. “Turkigu wuxuu u arkaa inuu dib ugu soo laabanayo maalgashigiisii Soomaaliya oo ahaa qaab mug weyn oo ganacsi oo u dhexeeya labada dal,” ayuu Xaashi ku daray. Sanadkii la soo dhaafay, shirkad Turki ah ayaa saxiixday qandaraas 14 sano ah oo lagu maamulayo laguna hagaajinayo dekedda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Soomaaliya waxay sidoo kale kaalmo ka heshaa Ankara, gaar ahaan mashaariicda horumarinta iyo arrimaha bulshada, iyadoo loo marinayo Wakaaladda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga. Turkiga ayaa isbitaal ka dhistay dalka, wuxuuna dib u dhisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda. Soner Cagaptay, oo ah aqoonyahan Turki ah oo ka tirsan Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga -dhow, ayaa sheegay in ballaarinta Turkiga ee Afrika ay tahay arrin mudan in lagu ammaano Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. “Turkigu runtii wuxuu iska indho tiray Afrikada ka hooseysa Saxaraha inta badan ilaa uu ka imaaday Erdogan,” ayuu u sheegay Arab News. The post Dood weyn oo ka dhalatay $30 milyan oo uu Turkiga ugu deeqay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.