Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,876
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ottawa (HOL) - More than a dozen soccer teams from four different age categories took part in the inaugural tournament remembering an Ottawa community leader. Source: Hiiraan Online
  2. Ottawa (HOL) - More than a dozen soccer teams from four different age categories took part in the inaugural tournament remembering an Ottawa community leader. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU (HOL) - Somali opposition has welcomed the suspension of intelligence director Fahad Yasin and condemned President Mohamed Farmaajo's decision to reinstate the embattled spy chief in office. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war-murtiyeed soo saaray ayaa halmbalyo u diray taliyaha kumeel gaara ah ee Hey’adda NISA Sarreeye Guud Bashiir Maxamuud Jaamac, isagoo u rajeeyey inuu guul ka gaaro mas’uuliyadda culus loo idmaday. Warqadda kasoo baxday xisbiga UPD ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu yahay qofka mas’uulka ka ah dhammaan hey’adaha fulinta dalka. “Ra’iisul Wasaaraha waxa uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadanna waxa ay albaabka u fureysaa xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga. Xisbiga UPD ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay Ra’isulwasaare Rooble ku garab siiyaan dadaallada uu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda NISA. Sidoo kale, Xisbiga ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ka waantoobo carqadaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble. “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waa in uu ka waantoobaa carqaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday,” ayuu mar kale yiri qoraalka. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii NISA, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kahor yimid tallaabadaas. The post Xisbiga Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay xil ka-qaadista Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online.
  5. Taalibaan oo Guul ka gaadhay Dagaalkii ay la gashay Kooxda Dooxada Banjshir ee uu hogaamiyo Ahmed Massoud Ciidamada gaarka ah ee Taalibaan Kooxda Taalibaan ayaa maanta sheegatay inay si buuxda u maamusho Afghanistan, ayaga ku dhowaaqay inay ku guuleysteen dagaalkii muhiimka ahaa ee Dooxada Panjshir, oo aheyd halkii ugu dambeysay ee ay joogeen kooxo diidan xukunkeeda. Kadib markii ay Afgahnistan inteeda kale qabsadeen, islamarkaana dalka ka baxeen ciidamadii shisheeye, Taaliibana ayaa u jeesatay dagaal ka dhan ah ciidamo mucaarad ah oo isku urursaday buuraha Dooxada Panjshir. Taalibaan ayaa maanta guul ka sheegatay dagaalkaas, waxaana afhayeenkeeda uu ka digay isku dayo kale oo looga hor-imanayo xukunkooda, isaga oo ku booriyey ciidamadii hore ee amniga ee dalka inay kusoo biiraan taliska kooxda. “Ayada oo aan gaarnay guushan, dalkeena waxaa si buuxda looga saaray dagaal halis ah,” ayuu yiri afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid, oo shir jar’aaid ku qabtay Kabul. “Imaaradda Islaamiga ah aad ayey xasaasiyad uga qabtaa muqaawaminada. Qof kasta oo isku dayo inuu billaabo muqaawamanimo, si xoog leh ayaa loo dhufan doonaa. Mid kale ma ogolaan doonno,” ayuu yiri. Sawir ay Taalibaan ku baahisay baraha bulshada ayaa muujinaya dagaalyahandeeda oo ku sugan xafiiska barasaabka gobolka Panjshir. Jabhadda Iska-caabinta Qaranka (NRF) ee Panjshir — oo ka koobneyd maleeshiyo diidan Taalibaan iyo ciidamadii hore ee Afghanistan — ayaa Axaddii qiratay guul-darro xooggan, waxayna ku baaqeen xabad-joojin. Kooxda ayaa Isniinta qoraal twitter ah ku sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay weli haystaan “goobo muhiim ah” oo ka mid ah dooxada, waxayna wacad ku mareen inay sii dagaalami doonaan. Ciidamada NRF waxaa ku jira kuwa daacad u ah Ahmed Massoud – wiilka hoggaamiyihii caanka ah ee diidanaa soviet-ka iyo Taalibaan Ahmed Shah Massoud, iyo ciidan ka haray dowladdii hore ee Afghanistan. Qaran News
  6. Kismayo (HOL) - Jubaland's regional government has lent its support to Prime Minister Roble in his decision to suspend Fahad Yasin, the Director-General of Somalia's National Intelligence and Security Agency (NISA). Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa xoggaanka Villa Soomalaiya ayaa haatan ka sii dareysa, waxaana ay ka dhalatay, kadib markii uu Rooble shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda NISA, kadibna uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo. Siyaasiga mucaaradka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah uu taxliiliyey go’aannadan ayaa shaaciyey inay labada dhinac ku kala duwan inuu mid u hiiliyey cadaaladda, halka midka kalena uu hor istaagayo cadaaladdii, sida uu hadalka u dhigay. “Go’aanada Rooble iyo Farmaajo waxay ku kala duwan yihiin, midna caddaaladda ayuu u hiiliyey, xuquuqda muwaadinka buu ilaaliyey, damiirkiisana waa u nadiif, halka kan kale uu caddaaladdii hor istaagay, xuquuqdii muwaadinka ku tuntay, damiir gubanaya saaxiibkiis ku difaacay,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aanka kasoo baxay madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday uu u muuqdo mid uu ku taageerayo Fahad Yaasiin, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah. “Waa laba midkood; in uu Fahad la ogaa afduubka iyo dilka Ikraan, ama uu ka arradanyahay damiir masuuliyadeed, damqasho waalidnimo iyo dan qaran,” ayuu raaciyey. Gabagabadii hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa xusayn in arrintan ay tahay mid guud, isla-markaana labada go’aaan midka taageero bato uu geli doono diiwaanka taariikhda. “Siyaasiyiinta, ciidanka, bulshada Rayadka ah, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabkaba labada go’aan kii ay taageeraan ayaa taariikhda loogu diiwaan gelinayaa,” Si kastana siyaasiiyinta mucaaradka ayaa taageero weyn u muujiyey ra’iisul wasaaraha, iyaga oo taageeray tallaabadii uu shaqada uga joojiyey agaasimihii hay’adda NISA The post Maxay ku kala duwan yihiin go’aanada ay kala qaateen FARMAAJO iyo ROOBLE? appeared first on Caasimada Online.
  8. Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda u helaan dhalinyaradii dhowaan lagu afduubtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Dadaallada lagu soo daayey dhalinyaradan oo saddex ahaa, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ku heyb ah Ikraan Tahliil ayaa waxaa ka qeyb-qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ee maamulka HirShabelle. Sidoo kale arrintan waxay ku timid wada-hadallo dhex-maray odayaasha iyo waxgaradka labada beelood, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhalatay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax. Dhinaca kale siyaasiga caanka ah ee Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa soo dhoweeyey dadaallada guuleystay ee lagu soo daayey dhalinyaradaasi, wuxuuna u mahad-celiyey odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo sidoo kale mas’uuliyiinta deegaanka. “Waxaan bogaadinayaa in uu miro dhalay, dadaalkii iyo howsha hagar la’aanta ahayd ee ay qabteen odayaasha dhaqanka, mas’uuliinta iyo aqoonyahannada labada beelood ee walaalaha ah, oo saaka ku guulaystay in ay xorriyadoodii u soo celiyeen seddexdii dhallinyarada ahayd ee lagu haystay degamada Baladweyne, iyaga oo bad qaba” ayuu yiri. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa odayaasha dhaqanka, masuuliinta iyo qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax oo muujiyay dadaal dheeraad ah,”. Ugu dambeyn Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa ku baaqay in la wada ilaaliyo wanaaga iyo darisnimada, lana adkeeyo nabad-geylada deegaanka. “Waxaan mar kale ugu baaqayaa in walaalaha wada deggan deegaanka ay ilaashadaan daris wanaagga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka wada dhaxeeyo, lana adkeeyo nabadgelyada iyo wadajirka bulshada wada daggan Degmada Baladweyne, ayuu raaciyey. Si kastab arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay haatan soo shaac-baxday xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan, taas oo sababtay in shaqada laga joojiyo agaasimihii NISA. The post Wararkii ugu dmabeeyey ee xaaladda dhalinyaradii loo afduubtay kiiska IKRAAN appeared first on Caasimada Online.
  9. Jubaland ayaa soo dhaweysay shaqado joojinta uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo magacaabida Taliyaha KMG ah ee NISA. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in lagu boggaadinayo doorka iyo go’aanka uu ra’iisul Wasaare Rooble ka qaatay kiiska sarkaal Ikraan Tahliil. Jubaland waxay caddeysay in Ra’iisul Wasaare Rooble mas’uul ka yahay amniga doorshada iyo hirgelintya qorshayaasha amni ee dalka. Sidoo kae Jubaland waxay ku eedeeysay madaxweyne farmaajo, inuu xagal-daacinayo go’aanada iyo mas’uuliyadaha Ra’iisul Wasaaraha, taasi ay sababi karo carqalad ku timaada doorashada dalka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo taageertay Rooble, eedeyna u jeedisay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  10. Maamul goboleedka jubalaand ayaa tageeray taallabadii rooble uu xilka kaga qaaday taliyihii NISA ee Fahad yaasiin. Jubbaland ayaa sheegtay in go’aanka Rooble uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin, ay ku qanacsan tahay Jubbaland. “Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil” aya lagu yiri war saxaafadeed kaso baxay xafiiska madaxweynaha jublaand. Hoos ka akhriso War saxaafadeedka Jubbaland Source: goobjoog.com
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu caddeeyey mowqifkooda ku aadan khilaafka ka dhashay shaqo joojinta lagu sameeyey agaasimihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka. Jubbaland ayaa ugu horreyn soo dhoweysay go’aanka uu Rooble ka qaatay maareynta kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay inay dileen dagaalyahanada Al-Shabaab. Sidoo kale Jubbaland ayaa ra’iisul wasaaraha ku boggaadisay shaqo joojinta uu ku sameeyey Faahad Yaasiin, kaas oo khilaaf ka dhex-dhaliyey Villa Soomaaliya. “Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland. Warsaxaafadeedka ay soo saartay Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan amniga doorashooyinka iyo qorshayaasha amniga dalka uu mas’uul ka yahay Rooble. Dhinaca kale Jubbaland ayaa madaxweynaha ku eedeysay inay qaranimada ay kala weyn tahay saaxibtinimada iyo danaha gaarka ah, sida ay hadalka u dhigtay. “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu si buuxda ugu bidhaamiyay umadda Soomaaliyeed & Dunidaba in shakhsi uu ka weyn yahay Qaranka Soomaaliyeed, dulmiga & cadaalad darrada garab buuxa u yahay” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Jubbaland ayaa loogu baaqay hay’adaha amiga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inay raacaan awaamiirta uu soo saaray Rooble. Jubbaland Waa maamulkii ugu horreeyey ee war kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxyday Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay shaqo joojintii agaasimihii NISA. The post Jubaland oo war culus kasoo saartay xiisadda culus ee ka dhex-qaraxday Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda haatan ka taagan Villa Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertay, kadib qoraallo liddi isku ah oo ka soo kala baxay xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, kuwaas oo la xiriira kiiska lagu heysto hay’adda NISA. Ra’iisul wasaare Rooble oo qaaday tallaabada hore ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda NISA, isaga oo mid kale oo KMG ah magacaabay, waxaase ka horyimid madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday, waxba kama jiraana ku tilmaamay. Haddabada Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA? Ciise Dhoolo-Waa oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer shuruucda sirdoonka, dastuurka iyo amniga, isla-markaana u waramay VOA ayaa ka hadlay sharciyan qodobada ay isku hayaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha oo markale fooda is daray, xilli lagu jiro kala guur. Aqoonyahankan ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu sharci iyo xaqba u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo agaasimaha NISA ama xittaa uu ka qaado, isaga oo tilmaamay in madaxweynaha uu isna xaq yeelanayo oo kaliya markii golaha wasiirad ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado, sida uu hadalka u dhigay. “Marka aad fiiriso sharciga ama dastuurka ra’iisul wasaasaraha Soomaaliya sharci iyo xaq labadaba isagaa u leh inuu shaqada ka joojiyo xittaa inuu shaqada ka qaado. Madaxweynaha kaliya waxaa laga rabaa hal wax markii golaha wasiirada oo uu ugu sarreeyo Prime Minister-ku ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado buu madaxweynuhu yeelanayaa xaqa ah in isagu uu yahay qofka sameynaayo Operation-ka ama magacaabis ha noqoto ama ha noqoto ka qaadidi,” ayuu yiri Mr. Ciise. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wax weliba ay ka bilaabmayaan, kuna dhammaanayaan ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa. “Golaha xukuumadda ayaa leh , waxaana ugu sarreeyo Prime Minister-kam sidaas darteedna Prime Minister-ka ayey ka imaaneysaa oo soo ogolaanayo in taliye hebel laga dhigo taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed ama ciidanka Booliska oo kale. Marka sidaas darteed waxaan anigu qabaa sharcigana uu qabaa in wax walba ka bilaabmaan oo ay xitaa ku dhammaadaan xukuumadda,” ayuu hadalkiisa raaciyey aqoonyahay Ciise Dhoolo-Waa. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ay isku qabteen shaqo joojinta uu Rooble ku sameeyey agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo uu horey ugu qabtay in 48 saac uu ku caddeeyo ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax. The post Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA? appeared first on Caasimada Online.
  13. Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa sheegay in dhacdooyinka 48-saac ee u dambeeyay muujiyeen in dowladda Federaalka Soomaaliya gashay fashil iyo fawdo siyaasadeed. Qoraal uu soo geliyay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in madaxweyne Farmaajo oo raja-beel ka noqday kursiga uusan waxba xeerinayn taasina tilmaamayso” fashil dowladnimo iyo fawdo siyaasaeed”. Ex. Wasiirk Juxaa ayaa muujiyay in shaqa-ku-celinta uu Farmaajo u sameeyay Fahad Yaasiin ay xaaladda uga sii darayso, xilli ay taagantahay fadeexadda ka dhalatay kiiska, Ikraan Tahliin Faarax oo ka tirsanayd hay’adda NISA taas oo raq iyo ruuxba la waayay. “Madaxweyne Farmajo waxaa mudadii xil-hayntu ka dhamaatay 8-dii Febraayo 2021, waxaana keli ah oo is-af-garad siyaasadeed oo xil-gaarsiin ah iyo kalsooni xilliga kala guurka ah ku jooga RW Rooble.” Ayuu yiri juxaa. Sidoo kale, Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Hay’adaha Dawladda, xoogagga siyaasadda iyo Beesha Caalamkuba ayuu Juxaa ka dalbaday in ay Ra’iisul wasaaraha gacan buuxda ku siiyaan xilliga adag ee kala guurka. PUNTLAND POST The post JUXAA: Dhacdooyinkii u dambeeyay waxay muujiyeen fashil dowladnimo iyo fawdo siyaasaeed appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin u diray saraakiisha Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu isugu yeeray shir deg deg ah, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya dhammaan saraakiisha Booliska, sida taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo dhammaan talisyada kale. Lama shaacin ujeedka kulankan, balse waxa ay u badan tahay in looga hadlayo xaaladaha soo kordhay iyo xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Sidoo kale waxaa la filayaa in taliska booliska uu soo saarayo go’aanno culus oo la xiriira xaaladda taagan iyo amniga guud ee dalka, maadaama ay xiisaddu ka dartay. Arrimahan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu shaqadii ka joojiyey agaasimihii guud ee NISA, sidoo kalena madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu dhammaaday uu kasoo horjeestay, taas oo keentay inay ka sii darto xiisada ka jirta dalka. Khilaafka haatan soo shaac-baxday ayaa durbo saameyntiisa laga dareemay dalka waxaana la ogeyn halka uu dambeyn doono muranka ka dhashay shaqo joojinta Fahad Yaasiin iyo dilka la sheegay inay xoogaga kooxda Al-Shabaab u geysteen Ikaraan Tahliil Faarax. Si kastaba dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa walaac ka muujinayo xiisadda kasii dareysa ee haatan ka dhex-qaraxday hoggaanka Villa Soomaaliya, taas oo si weyn looga dareemayo Muqdisho. The post Xijaar oo shir deg deg ah isugu yeeray saraakiisha Booliska Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo wareysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da, ayaa tallaabo saxan ku tilmaamay shaqa-joojinta Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyay Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin. Dr. Cabdiweli Gaas oo sidoo kale Ra’iisul wasaare ka soo noqday Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin tallaabo kale oo u furnayd Ra’iisul wasaare Rooble, ayna tahay in lagu taageero go’aankiisa, si dalka loo badbaadiyo. Ex. Ra’iisul wasaare Gaas, ayaa tilmaamay in Agaasimaha NISA uusan macluumaad lagu qanci karo ka bixin baaritaanka kiiska Ikraan Tahliin Faarax, islamarkaana ka jawaabi waayay su’aalihii laga rabay. Sidoo kale, wuxu sheegay in Fahad Yaasiin baal-maray dalabkii Ra’iisul wasaaraha, ee ahaa in warbixin dhammaystiran laga siiyo Kiiska Ikraan Tahliil, kadib markii uu Fahad sheegay in warbixinta uu ka hor-jeedin doono Golaha Amniga Qaranka. Ugu dambayntii, Cabdiweli Gaas ayaa uga digay Madaxweyne Farmaajo in uusan carqalad ku samayn go’aanka Ra’iisul wasaaraha, ugana sii darin xaaladda ka dhalatay Kiiska Ikraan Tahliin Faarax. PUNTLAND POST The post Dr. Cabdiweli Gaas: Rooble wuxu qaatay go’aan saxan waana tallaabada keliya oo u furnayd appeared first on Puntland Post.
  16. To be a police officer in Afghanistan takes a particular kind of courage. Mina (not her real name) was tasked with conducting body searches at a checkpoint on the road leading to Kabul airport when I met her in 2014. Source: Hiiraan Online
  17. The downfall of Somalia's military government in 1991 led to a series of crises for the Somali people in terms of security, the economy and social services overseen by decaying government institutions and administrations. Source: Hiiraan Online
  18. Saadi Gaddafi, son of Libya's late dictator Muammar Gaddafi, who was overthrown and killed in a 2011 uprising, has been freed from jail, a justice ministry source confirmed to AFP Sunday. Source: Hiiraan Online
  19. Golaha Midowga musharraxiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aanka Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyey Agaasimaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Golaha ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid fure u noqon doona caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay, wuxuuna Goluhu ka horyimid warqadda ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo oo lagu buriyay go’aankii Ra’iisul wasaare Rooble. “Goluhu wuxuu u arkaa qoraalka ka soo baxay Maxamad C/laahi Farmaajo oo ah Madaxweyne xilkiisu dhamaaday mid lagu carqaladeynayo cadaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil, lagu qalqal gelinayo amniga dalka iyo kan doorashooyinka”. Ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Musharrixiinta. Sidoo kale, waxay sheegeen in Ra’iisul wasaare Rooble uu masuul ka yahay amniga dalka iyo kan doorashooyinka, islamarkaana Goluhu ku garab taagan yahay go’aanka uu cadaaladda ugu raadinayo ehelka Ikraan Tahliil. PUNTLAND POST The post Midowga Musharrixiinta oo soo dhoweeyay shaqa-joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharraxiinta Madaxweynaha ayaa boggaadiyay go’aanka uu RW Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixinta ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankaas uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. “Goluhu waxa uu u arkaa in Go’aankaan shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta. Xaanshida kasoo baxday Musharixiinta ayaa taageero loogu dalbay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Shacabka, Golaha Wadatashiga qaranka, Beesha Caalamka & dhinacyada taageera Soomaaliya. Golaha Midowga Musharixiinta oo jawaab ka bixiyay go’aanka kasoo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka qaatay shaqo joojinta Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxa uu caadeystay in uu saaxiibkiis kala weyn yahay Xuquuqda Muwaadinka, Dastuurka Dalka & Danta Qaranka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta. Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka Midowga Musharixiinta. The post Midowga Musharixiinta oo war kasoo saaray go’aankii RW Rooble appeared first on Caasimada Online.
  21. Guinean special forces staged a coup on Sunday, capturing President Alpha Conde and announcing a nationwide curfew "until further notice" as well as the replacement of governors by the military. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynaha mudda xilkeedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid shaqa joojinta Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyay Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in shaqa-joojinta uu sameeyay Ra’iisul wasaare Rooble ay baal-marsantahay Dastuurka dalka, islamarkaana ay waxba kama jiraan tahay. Madaxweynaha ayaa ku amray Agaasimaha Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Fahad Yaasiiin Xaaji Daahir, in uu sii wado hoggaaminta hay’adda, wuxuuna ka dalbaday in uu Golaha Amniga Qaranka horkeeno warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda, in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka. Halkaan ka akhriso Wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta Taliyaha HNSQ iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah; Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida; Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba; Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga. Wuxuu soo saaray qodobadan; 1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka. 2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay. 3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka. 4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka horyimid Shaqa-joojinta Rooble ku sameeyay Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kasoo horjeestay shaqa joojintii uu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta uu ku sameeyay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri” Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta AgaasimahaHay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah; Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida; Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba; Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga. Wuxuu soo saaray qodobadan; 1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka. 2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay. 3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka. 4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka. The post Farmaajo oo diiday Shaqa joojintii lagu sameeyay Taliyaha NISA appeared first on Caasimada Online.
  24. Golaha midawga musharixiinta ayaa soo dhaweyay go’aanka Ra’iisul wasaaraha dalka Xilka uu kaga qaaday Taliyihii nabad sugidda qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Midawga musharixiinta ayaa sheegay in ay go’aanka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha uu sidoo kale fure u yahay sidii ay Ikraan Tahliil Cadaalad ku heli laheyd. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Midawga musharixiinta Source: goobjoog.com