-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciyaartooyda u dhashay Jabuuti ee iska dhiibay Faransiiska Bilaal Xasan, Abuubakar Cilmi iyo Nasrudin Abtidoon Saddex ciyaartooy oo ka tirsan xulka qaranka ee Jabuuti ayaa magangelyo ka codsaday dalka Faransiiska halkaas oo muddo toddobaad ah ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee Paris. Mid kamid ah ciyaartooydan ayaa loo ogolaaday in uu ka baxo garoonka, Nasrudin Cabdi Abtidoon ayaa ka baxay garoonka Orly ee Paris kadib markii uu ku guuldareystay in uu raaco diyaarad ku wajahneyd Morocco halkaas oo ay kula ballansanaayeen xulka qaranka Niger xilli ay socotay ciyaaraha isreeb reebka Koobka Adduunka. Horraantii bishan ayay aheyd markii xulka qaranka Algeria ay 8-0 kaga badiyeen Djibouti. Ciyaartooyda xulka qaranka Jabuuti ayaa sii maray Faransiiska si ay u gaaraan Morocco maadama Algeria ay xiriirka diblumaasiyeed u jartay dalalka ku yaalla waqooyiga Afrika, waxaana adkeyd in loo safro Morocco. Niger waxay ka badisay Jabuuti, waxaana Jabuuti xilliggaas guri u ahaa Morocco maadamada xiriirka kubadda cagta adduunka uu sheegay in Jabuuti aysan laheyn garoon u qalabeysan ciyaar caalami ah. Dhawaan ciyaartooyda kala ah Bilal Xasan iyo Abuubakar Cilmi ayay dowladda Faransiiska ku amartay inay isaga baxaan garoonka. Waxaana saddex ciyaartooy la siiyay muddo saacado ah si ay u gudbiyaan codsigooda si loogu ogolaado in muddo saddex bilood ah ay sii joogaan halkaas oo ay kiiskooda u gudbistaan. Hay’ad u doodo arrimaha xuququul insaanka oo caawineysay ciyaartooyda ayaa ka cabsi qabtaa in ciyaartooyda kala ah Bilaal Xasan iyo Abuubakar Cilmi oo u shaqeeya dowladda Jabuuti in la xiro isla markaana loo diido in magangelyo ay ka helaan dowladda Faransiiska loona tarxiilo Jabuuti. Abuubakar wuxuu ka tirsan yahay booliska Jabuuti halka sababta Bilaal Xasan uu u magangelyada uga raadsaday Faransiiska ay tahay in lagu khasbay in fuliyo amarro xilliggii uu ka tirsanaa ciidamada ilaalada madaxtooyada Jabuuti. Garoonka diyaaradaha Orly Airport ee ku yaalla Paris “Waxaa dhibaato u geysan doontaa dowladda, Xasan waxaa lagu khasbay arrin uu diidaana sida in uu soo xiro xubno ka tirsan qoyskiisa, marka waxay yiraahdeen masii wadi karno xiritaanka dadkeena” waxaa sidaas yiri Jean-Loup Schaal, oo ah madaxa ururka xuquuqda aadanaha Jabuuti ee ARDHD. Jean-Loup Schaal wuxuu intaa ku daray in kadib guuldarradii ay ciyaartooyda Jabuuti kala kulmeen Algeria in ciyaartooyda ay cabsi ka muujiyeen sida ay noqon doonto xaaladdooda marka ay dib ugu laabtaan Jabuuti. BBC waxay isku dayday in arrintan ay wax ka weydiso xiriirka kubadda cagta Jabuuti balse uma suurogelin. Jabuuti ayaa kaalinta 182 kaga jirtaa shaxda xiriirka kubadda cagta ee adduunka. Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta markale dib u dhacday doorashada kuraas kamid ah Aqalka Sare, waxaana farriimo loo kala diray xildhibaan baarlamaanka Hirshabelle oo loogu sheegayo inaysa doorasho jirin. Xildhibaan Maxamed Xuseen Bulle oo la hadlay idaacada KNN ayaa sheegay in arrimo farsamo ay u baaqatay doorashada maanta, islamarkaana la filan karo in caawa farriimo loo kala diro xildhibaanada si loo qabto doorashada. “Cilado farsamo awgood ayey dib ugu dhacday, waxaan sugeynaa ilaa caawa, markaa anaga waxaa dhowrnaynaa in sidii kuwii hore loo doortay ay dhici doonto oo la dooran doono,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in khilaaf adag oo ka taagan kuraastaas ay u baaqatay doorashada, isagoona ku dooday in doorashada Hirshabelle ay aheyd middii ugu daah furneyd ee doorashooyinkii ka dhacay maamulada dalka. “Waxaa isleenahay arrimahaas waa iska baranbagooda, doorashada Hirshabelle waa doorasho daah-furan oo cid-walba oo wax kasoo doonatay lagu qanciyay, waxaa rajeynaynaa in labada kursi la dooran doono.” Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa xilli uu guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle uu wado in uu tallaabo ka qaado xildhibaano ku buuqay doorashadii habeen hore qabsoomi laheyd. Xildhibaanada dacwadda laga gudbiyey oo gaaraya illaa saddex xubnood, ayaa waxaa lagu qaadaya waxa uu ka qabo heer hoosaadka u yaalla baarlamaanka. “Saddex xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosaadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa,” ayuu yiri Siraaji Sheekh Isxaaq, Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle. Si kastaba, doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare ayaa mareysa heer gabagaba, waxaana lagu wadaa in kuraasta dhiman la dhameystiri doono saacadaha soo socda, haddii uusan dib u dhac kale ku imaan. The post Doorashadii Aqalka Sare ee HirShabeelle oo maanta baaqatay xilli ay xiisad jirto appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo ICJ, ayaa shaacisay waqtiga ay ku dhawaaqeyso kiiska dacwadda muran badeedka dalkeenna kala dhaxeeyo Kenya. ICJ ayaa sheegtay in bartamaha bisha soo socota ay shaacin doonto go’aanka maxkamadda ee Muranka labada dhinac. Bilawgii sanadkaan ICJ ayaa dhageysatay garta dacwadda oo ay Soomaaliya cadeymo muujinaya lahaan shiyaha biyaha ay ku soo bandhigtay halka Kenya ay diiday kasoo qeyb galka garmaqalka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hogaaminayey mas’uuliyiinta Soomaaliya ku mataleeysa dacwadda ayaa qoraal uu soo dhigay ku shaaciyay in 12-ka October ay maxkamadda ku dhawaaqi doonto go’anka. “Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 202,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Caddaalada ee Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in 12-ka bisha soo socota ee October 2021 ay si rasmiya go’aan uga gaari doonto kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa isna sheegay in uu umadda Soomaaliyeed la wadaagayo warka ku saabsan in 12-ka October ay maxkamadda ICJ shaacin doonto xukunka dacwaddaas. “Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021.” Ayuu yiri Mahdi Guuleed. Dacwadda muranka badda Soomaaliya iyo Kenya oo heerar kala duwan soo martay ayaa lagu wadaa in maxkamaddu go’aan kama dambays ah ka gaarto. PUNTLAND POST The post Maxkamadda ICJ oo go’aan kama dambaysa ah ka gaaraysa dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukunka dacwada muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay si rasmi ah Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ugu dhawaaqi doontaa 12-ka October ee 2021-ka, sida uu sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. “Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,” ayuu Mahdi Guuleed ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka. Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn. Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021. Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac. The post Goorta la xukminayo kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Jeneraalka “fashiliyay” weerarkii nukliyeerka Trump uu ku qaadi lahaa Shiinaha Janaraal Mark Milley Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa iska difaacay weerar afka ah oo lagu qaaday ka dib markii buug u qoray lagu sheegay in wicitaan qarsoodi ah oo dhexmaray isaga iyo sarkaal ka soo jeeda Shiinaha arrintaas oo uu walaac ka muujiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Wicitaanka dhexmaray labadan sarkaal bilihii October iyo January ayaa looga gol-lahaa in cabsida looga saaro militariga Shiinaha, sida uu Arbacadii sheegay Janaraal Milley. Trump wuxuu sheegay in eedeymaha ay yihiin kuwa been abuur ah isla markaana wuxuu saraakiisha Jamhuuriga ugu baaqay in janaraalka ay shaqada ka ceyriyaan. Madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in kalsooni uu ku qabay janaraal Milley. Afhayeen u hadlay Janaraal Milley ayaa sheegay in “wadahadallada telefoon ee uu la yeeshay Shiinaha ay ka mid ahaayeen in uu xaqiijiyo shaqadiisa iyo mas’uuliyadiisa ee dib u xaqiijinta ah si uu u xoojiyo istaraatiijiyadda amniga” Janaraalkan wuxuu wacay Sarkaal lagu magacaabo Li Zuocheng oo Shiinaha u dhashay, waxaana Talaadadii la soo saaray qeyb ka mid ah waxa dhexmaray ka dib buug la qoray arrintaas oo ay soo bandhigeen weriyeyaal qaabilsan warbixinada dabagalka oo ka tirsan Washington Post. Waxay arrintani dhacday kadib doorashadii Mareykanka xilliggii uu Trump diidanaa in uu aqbalo natiijada. Waxaan ninkaas lagu eedeeyay in janaraalka Shiinaha uu u sheegay in xaaladda ay degan tahay, wuxuuna u xaqiijiyay in Mareykanka uusan wax weerar ah ku soo qaadeynin. Haddii tallabadaas ay qaadi lahaayeen, “Shiinaha wuxuu marka hore jeedin lahaa digniino,” ayaa lagu yiri qeybo kamid ah buugga. Sida ku xusan buugga, janaraal Milley ayaa shaqaalahiisa u sheegay in haddii Trump uu amar ku bixiyo in gantaal nukliyeer lagu weeraro Shiinaha, in marka hore uu isaga xaqiijin doono arrintaas weerarka. Trump wuxuu ku eedeeyay janaraal Milley in uu galay ‘khiyaamo qaran’ iyo in uu jeediyay hadallo been ah. Buugga oo lagu magacaabo “Peril”, waxaa lagu sheegay in wixii ka dambeeyay dibadbaxyadii 6-dii January, in Janaraal Milley, oo ahaa Madaxa Shaqaalaha Isku-dhafka ah, “inuu si dhab ah u hubay in Trump ay la soo deristay xaalad maskaxeed oo aad u xun oo ka soo gaartay doorqashadii looga guuleystay”. Sida buugga ku xusan Milley wuxuu walwal ka qabay in Trump “uu noqdo damiir la’aan”, sida ay qoraayaasha sheegeen. “Weligaa ma ogaan kartid waxa ay tahay arrintan madaxweynaha kicinaya,” ayuu yiri Milley oo la hadlayay Shaqaalaha sare, waa sida lagu sheegay buuggaas. Janaraal Milley wuxuu qabtay kulan aan caadi ah oo si sir ah uga dhacay xafiiskiisa Pentagon, bishii january 8, si dib u eegis loogu sameeyo hannaanka tallaabada militari, sida qaadidda weerar nukliyeer. Isagoo la hadlayay saraakiisha militariga ee madaxda ka ah Xarunta Amarada Qaran ee qolka dagaalka Pentagon-ka, Milley wuxuu faray in aysan qofna amar ka qaadan karin, isaga la’aantiisa. “Waxkasta oo la idiin sheego, waxaad raaceysaan hannaanka. Anigana qeyb ayaan ka ahay hannaankas,” ayuu Milley u sheegay saraakiisha, sida buuga lagu sheegay. “Ka dib qolka oo dhan ayuu dhexmaray, wuxuuna isagoo eegaya waydiiyay dhammaantood in ay si hadal ah u xaqiijiyaan in ay fahmeen hadalkiisa”. Marco Rubio oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ugu baaqay Biden in uu shaqada ka ceyriyo Janaraalka. Arbacadii, xoghayaha Aqalka Sare waxay sheegtay: “Madaxweynaha wuxu kalsoonida buuxda ku qabaa hoggaanka iyo daljaceylka uu muujiyay janaraalka”. Waxay intaa ku dartay in madaxweyne Biden uu sidoo kale kalsooni buuxda ku qabo janaraal Milley, si uu shaqadiisa usii wato. Qaran News
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactir lagu sameynayo Buundooyinka wadada u dhexaysa Garoowe iyo Sin-u-jiif. Qeybta dayactirka lagu sameynayo Wadadan waxaa ku jira 56 Buundo oo isugu jira kuwo yaryar iyo waaweyn. Munaasabadda dhaggax dhiga waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkada dhismaha fulinaysa. Ugu danbeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa booqasho ku tegay magaalada Sin-u-jiif halkaasi oo uu inta uu joogay uu wakhti kula qaatay bulshada magaalada. PUNTLAND POST The post SINUJIIF: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax-dhigay dayac-tirka 56 buundo appeared first on Puntland Post.
-
As Somalia endeavors to recover, reconstruct, and redevelop after decades of conflict and civil war, it faces an unprecedented need for better data and statistics. Sharmarke Farah, Director-General of the Somalia National Bureau of Statistics, speaks in Mogadishu at the launch of the 2019 Labour Force Survey in Somalia. Photo by Somalia National Bureau of Statistics, used with permission. After a year and a half of the global COVID-19 pandemic, it’s nearly impossible to overstate the importance and unprecedented need and demand for data. These introductory words from the Data Manifesto of the Royal Statistical Society put it aptly: “What steam was to the 19th century, and oil has been to the 20th, data is to the 21st. It’s the driver of prosperity, the revolutionary resource that is transforming the nature of social and economic activity, the capability that differentiates successful from unsuccessful societies.” As Somalia endeavors to recover, reconstruct, and redevelop after decades of conflict and civil war, public expectations abound—not least for the creation of a better future for the citizens of Somalia through improved service delivery in education, health, housing, food, water, employment, and security. To meet these expectations, the government designed a National Development Plan 2020-2024 (the 9th National Plan since 1960), intended as an instrument to deliver much-needed socio-economic transformation for the Somali people. But for the team working on the development of the plan, one of the most frustrating aspects of the process was the dearth of data available to policy makers for baseline and planning. More infuriating was the paradox that, while data is often over-collected and fiercely competed for in Somalia, getting access to and coordinating efforts on producing transparent data remains elusive. Clearly, something is amiss. The extent of this data plight is detailed in a recent independent study, “The political economy of aid data procurement and analysis in Somalia” by Hagmann et al., as well as a policy brief based on the analysis, Who owns data in Somalia? Ending the country’s privatized knowledge economy, by Wasuge et al. The study by Hagmann et al. reveals a broken system that is out of control. Scores of donor and aid agencies operating in Somalia lacked and needed data for planning (baseline and evaluations) and accountability (third-party monitoring) purposes. But, as with most initiatives that were prompted by an urgent need and started off with the best of intentions, in the absence of regulation, they morphed into uncontrolled practices that undermined the very purposes they were meant to serve to the public. In the case of data collection in Somalia, the study describes the nature of the cut-throat “aid data business” and identifies number of thorny issues, including “continuous replication and duplication of aid data” leading to exacerbating “fatigue and complaints” among respondents. Privacy concerns also abound around the extensive collection and storage of sensitive personal data, including pictures, phone numbers, and fingerprints. But even more troubling are the distorted power dynamics that emerge, putting Somalis in the bottom of the heap and leaving them with “no decision-making power or ownership” over data. According to the study, aid agencies treat “information as power,” “jealously guard aid information,” and “keep tight control of their data.” This contrasts with the mandate of official statistics to treat datasets as public goods, as they satisfy the properties of non-rivalry and non-excludability (goods are available to all citizens). Moreover, accessibility issues were found to create information asymmetry, where selected donors, aid agencies and private firms know more than the government they are supposed to support, and which is ultimately responsible for acting to improve the situation of its citizens. The study’s conclusions are reinforced by research AidData has conducted into how leaders use data and statistics and how national statistical offices (NSOs) and donors can increase data use. In AidData’s report on Decoding Data Use, a survey of 3,000 leaders in developing countries found that these leaders used national statistics data most frequently and considered it to be the most helpful source of development data. Yet the growing demand for official statistics has not been met with a corresponding increase in the capacity of countries to deliver them—but there are paths forward to close the capacity gap, as outlined in AidData’s Counting on Statistics report. This is the situation in Somalia; despite the large outpouring of resources put into collecting data, Somalia ranks last or near last in Africa in terms of reliable statistical indicators and data products. Collected data often does not make it into official statistics, because the National Statistics Agency is not involved. The study by Hagmann et al. makes sensible recommendations to improve the situation. It’s important to note from the outset that the current situation arose due to government failure and decades of international aid institutions doing their best to fill a much-needed vacuum. For the government to fully reassume its role and regulate the sector is a challenge that will take time. That said, what is the government agency charged with country’s data doing to address these enormous issues? Since the inception of the newly independent Somali National Bureau of Statistics (SNBS) via an amended law in 2020, the SNBS has designed and operationalized a National Strategy for the Development of Statistics (NSDS, based on the Paris 21 guidelines). This NSDS is a holistic framework for addressing data limitations, mobilizing and prioritizing the use of resources, and finally integrating statistics within national policy, planning, and budget processes. The SNBS has also set for itself the ambition of becoming a centre of excellence in Africa within the next 5-10 years and a model for fragile states, through a commitment to transparency, accountability, and leveraging leapfrog advances in technology. However, a necessary catalyst to achieve these objectives will be the cooperation of international partners, humanitarian and development data producers, and data users. In line with the amended statistics act, international partners working in Somalia on data collection must be transparent and accountable to the Somali government. Importantly, the law is strengthened by the international guiding principle for accountability, transparency, and cooperation, the Aid Effectiveness Declarations, which in successive venues (Paris, Accra, and lastly Busan) over the past two decades have underscored the virtues and importance of government ownership and agency, particularly in fragile contexts. While challenges in Somalia’s data sector remain, the SNBS, on behalf of the government, has marked a milestone of progress recently by signing an agreement with the Food and Agricultural Organization (FAO) on the transfer of the Food Security and Nutrition Analysis Unit and the Somalia Water and Land Information Management to SNBS management. Under the amended Statistics Act and with guidance from its independent board, the SNBS will, in the coming weeks and months, bring more coordination reforms and regulations to improve the situation of statistics and data collection within Somalia. Sharmarke Farah is the Director-General of the Somalia National Bureau of Statistics and the former Principal Economic Advisor to the Prime Minister of Somalia. Source: aiddata.org The post Statistics development in Somalia: Challenges and opportunities in a complex environment appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya Kate KFoster. Ra’iisul wasaare Rooble iyo safiirka Ingiriiska ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu. Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa kala qeyb galay Wasiirka cusub ee Amniga Abdullahi Mohamed Nur iyo Abdi Diirshe la Taliyaha Amniga ee Ra’iisul wasaaraha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay safiirka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
-
Qodobo Ka Soo Baxay Kulan Ay Yeesheen Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiillada & Guddoomiyaha Hayada Caymiska S/land Kulankii ay yeesheen guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada iyo Guddoomiyaha caymiska qaranka ayaa imika soo dhamaaday. Qodobada ay labada dhinacba isla qaateen ee kulanka ka soo baxay waxaa ka mid ah: In ay labada dhinacba ayideen (Aqbaleen) go,aankii maxkamada sare jsl. In kulanka ay maanta iskugu yimaadeen uu hordhac u yahay kulamo is daba socda oo ay gudigu la yeelanayso madaxda caymiska qaranka. In labada dhinacba ay cabashada ganacsatada hoos u eegaan oo ay ku dhameeyaan wax la isla ogol yahay. In gudi-hoosaadka dhaqaaluhu ay qaraar ka soo saari doonaan kulanka maanta ay la yeesheen gudoomiyaha caymiska qaranka. Qaran News
-
Beledweyn (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo careysan ayaa maanta xiray waddada ugu muhiimsan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadaan oo ah kuwa aad u careysan ay rasaas ku kala ceyrinayaan dadka iyo gaadiidka isticmaalaya waddada laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ee magaalada Baledweyne. Sida wararka sheegayaan, ciidamadaan ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan soo wajahday bilooyinkii ugu dambeeyey taasoo keentay inay maanta ku dhaqaaqaan tallaabadaan. Maamulka Gobolka Hiiraan weli kama uusan hadlin falka ay ku dhaqaaqeen ciidamada Booliska, waxaana dhowr jeer oo hore lagu eedeeyey maamulka inay musuq-maasuqaan lacagaha canshuuraha ee laga qaado Beledweyne. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamo ka tirsan kuwa HirShabeelle ay xirteen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Baledweyne, iyaga oo ka cabanaya Mushaar la’aan heyso. Magaalada Beledweyne ayaa waxaa dhawaan qabsaday ciidamo ka tirsan kuwa Militariga oo sheegay inay kasoo horjeedaan qaabka awood qeybsiga Maamulka Hirshabelle iyo in madaxweyne Guudlaawe uu yimaado Magaalada inkastoo markii dambe xal laga gaaray. The post Ciidamo careysan oo maanta qabsaday waddo muhiim u ah Beledweyne iyo rasaas… appeared first on Caasimada Online.
-
Faysal Cali Waraabe Oo Toddobaadkan Ku Wajahan Magaalada Burco, Qorshaha Safarkiisa Iyo Damaca Wareejinta Kursiga Guddoomiye Ee Xisbiga UCID Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) ayaa qorshaynaya in uu toddobaadkan dabayaaqadiisa safar siyaasadeed oo ballaadhan ku tago caasimadda Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo dhawaan kasoo laabtay safar muddo qaatay oo uu dibadda ugu maqnaa ayaa waxa ay ilo-wareedyo u dhuun-daloola xisbiga UCID wargeyska Foore u xaqiijiyeen in uu safar gaar ah oo siyaasadeed ugu wajahan yahay magaalada Burco oo uu ugu bixi doono dhammaadka toddobaadkan. Ilo-wareedyadan wargeyska Foore u xaqiijiyey Safarka Guddoomiyaha UCID ee Gobolka Togdheer waxa ay intaasi ku darayaan in muddoda uu Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku sugan yahay magaalada Burco uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono siyaasiyiinta, wax-garadka, dhallinyarada iyo hogaamiyayaasha dhaqanka isaga oo kala xaajoon doona is baddalo uu doonayo in uu doorkan ku sameeyo xisbiga UCID oo bisha dambe ay ugu buuxdo sannad-guuradiisa 20aad ee maalintii dhidibada loo taagay. Xoghani waxa ay tibaaxayaan in Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID uu quudda-raynayo in uu markii afraad isu soo taago doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto dabayaaqada Sannadka dambe, si hankiisu u meel marana uu doorkan doonayo in uu la yimaaddo qorshe cusub oo uu xisbiga ku wareejiyo deegaan uu la galo heshiis ay isagana ku dhisaan hankiisa Madaxweyne isna uu xisbiga ku wareejiyo. Inkasta oo ay wali jiraan xogo tibaaxaya in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe doonayo in uu Siyaasi Maxamuud Xaashi ku wareejiyo mansabka Guddoomiye ee xisbiga UCID haddana waxa aan la saadaalin Karin sida xaaladdani noqon doonto iyada oo ay dhawaan ahayd markii Madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo wax-garad ka soo jeeda Beelaha Bariga Burco ay magaalada Dubai kulan gaar ah kula yeesheen Guddoomiyaha xisbiga UCID, kulamadaasi oo aanay wali wax rasmi ahi ka soo bixin, taa baddalkeedana xogo kale tibaaxayaan in Maxamuud Xaashi u dhaw yahay dhinaca xisbiga WADDANI. Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu badhtamaha Bisha dambe safar ku tagi doonaa magaalada Boorama ee caasimadda Gobolka Awdal oo la filayo in uu xisbiga UCID ku qabsado xaflad uu ugu dabbaal dagayo sannad-guurada 20aad ee aasaaskiisa oo ku beegan 15-ka October 2021. Xisbiga UCID ayaa ah xisbiga ugu da’da weyn xisbiyada dalka marka la eego muddada aasaaskiisa oo ku began 15-kii Oktoobar sannadkii 2001. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hore ugu guul darraystay saddex jeer oo uu u tartamay doorashooyinkii Madaxtooyada ee sannadihii 2003, 2010 iyo 2017 waxaanu mar afraad qorshaynaa in uu isu soo taago doorashadaasi. Qaran News
-
Samafale Coldoon Ayaa Waxa Saaka Waxa Xabsiga Mandheera Ku Booqday Lix Xildhibaan Oo Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Waxana Ay Kala Yihiin:-. Xildhibaan Khadar Cali xakiin Xildhibaan Axmed Khaliif Jaamac Xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf Axmed Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane Xildhibaan Axmed Maxamed Hure Xildhibaan Siciid Jaamac Cade Ujeedada Ay Xildhibaanadu Samafale Coldoon Ugu Tageen Ayaa Daran Sii Ay Wax Uga Ogaan Lahayeen Xaaladiisa Madaama oo Uu Muddo Sodon Maalmooda Ku Xidhan Yahay Jeelka Mandheera. Qaran News
-
Amesterdam (Caasimada Online) – Guddigii dhexdhexaadinta & xalinta khilaafka masjidka Quba Amsterdam ayaa shalay la kulmay jaaliyada Soomaalida Holland; kulankaasi oo ahaa mid la wada sugayay waxaa lagu soo bandhigay natiijada dhexdhexaadintii ay wadeen guddiga odayaasha Tilburg & Eindhoven. Guddiga ayaa kulanka ka hor soo bandhigay qoraal ay ku bayaaninayaan marxaladihii ay soo martay dhexdhexaadintii ay wadeen iyo darafta ay ula muuqato in laga gar leeyahay. Guddiga odayaasha Tilburug waxaa ay madasha ka sheegeen in xalay sad-dhexe ku gaareen kulan ay la yeesheen Guddi kale oo Amsterdam ka dhisan, kuna soo baxay khilaafka. Ujeedka kulanka labada guddi ee ka kala dhisan Tilburg & Amsterdam, wuxuu ahaa in laga wadahadalo suurtagalnimada in labada guddi fikir isku mid ahi ka qaadan karaan qaddiyada masaajid Quba. Guddiga dhexdhexaadinta Tilburug oo ahaa guddiga waqtiga ugu badan geliyay howsha dhexdhexaadinta, ahaana guddigii labada dhinac u qoor dhiibteen, si buuxdana ay u cadeeyeen in ay kalsooni ku qabaan natiijadii ka soo baxda baaritaankooda, waxay shalay dadweynaha ka hor sheegeen in ay go’aamiyeen in Shiikh Suldaan laga saxan yahay, ayna gar leeyihiin dhalinyarada masjidka ku haray, waxay taxliil ku sameeyeen sababihii ay go’aankaasi u qaateen, oo ay ku kaabayeen dukumintiyo & codad ay sheegeen in ay labada dhinac ka duubeen muddadii ay dhexdhexaadintu socotay. Dhinaca kale, sida aan ka soo xiganay ilo ku dhowdhow Guddiga ka dhisan Amsterdam, oo ay horkacayeen Cali Waare, Faysal, Qalinle & xubno kale, iyagu biya-dhaca doodoodu waxay aheyd, in labada guddi la middeeyo, howsha dhexdhexaadintana kow laga soo billaabo, dhalinyarada masjidka ku haray na soo wareejiyaan ammaanadii ay ummadda u hayeen si la mid ah sidii Shiikh Suldaan u soo wareejiyay, markaas kaddib na labada guddi oo middeysan ay go’aamiyaan sida laga yeelayo cidda maamuleysa masjidka, hasse ahaatee doodaasi waxaa ku gacan sayray Guddigii Tilburg oo ay ku jireen rag culimo ah, sheegayna in baaritaankooda ku saleysnaa xaq & cadaalad, ayna suurtagal ahayn in howl juhdi badan ay ku bixiyeen ogolaadaan in kow laga soo billaabo. Hoos ka daawo muuqaalkii laga duubay kulanka W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan The post Guddigii dhex-dhexaadinta Masjid Quba Amsterdam oo shaaciyay natiijadii kasoo baxday baaritaanka + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Gubta ee degmada Dayniile, waxaana lala eegtay gaari Spacio ah, sida ay sheegeen ilo degaanka ah. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka degaanka ee aan la hadalnay. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in gaariga la qarxiyey ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo ka mid ah dadka ay waxyeelada soo gaartay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo meydadka iyo dhaawaca dadka ka soo qaaday halkaasi, kadibna xiray meesha ay wax ka dhaceen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee gaaray halkaasi. Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey kii ka dhacay degmada Wadajir. The post Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ka dhacay magaalada MUQDISHO + Khsaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Samafale Coldoon Ayaa Waxa Saaka Waxa Xabsiga Mandheera Ku Booqday Lix Xildhibaan Oo Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Waxana Ay Kala Yihiin. Xildhibaan Khadar Cali xakiin Xildhibaan Axmed Khaliif Jaamac Xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf Axmed Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane Xildhibaan Axmed Maxamed Hure Xildhibaan Siciid Jaamac Cade Ujeedka Ay Xildhibaanadu Samafale Coldoon Ugu Tageen Ayaa Daran Sii Ay Wax Uga Ogaan Lahayeen Xaaladiisa Madaama oo Uu Muddo Sodon Maalmooda Ku Xidhan Yahay Jeelka Mandheera. Source
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa saakay xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka soctay Xafiiska Qaramada Midobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM). Masuuliyiinta waxa hogaaminayey Agaasimaha hay’adaha amniga iyo sharciga Mr Marco Carmignani, uuna weheliyey La taliye Sare ee arrimaha amniga Mr Jeffrey Sims, Madaxda UNSOM ee Puntland Mr Guy iyo Sarkaalka arrimaha Siyaasadda ee UNSOM Puntland Mr Abdiazis. Waftiga ayaa uga warbixiyey Wasiirka ujeedka safarkooda ay ku yimaadeen Puntland, halka Wasiirkuna uga warbixiyey xaaladda gudaha Puntland; horumarka laga gaarey dhinacyada, amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u habeynta hay’adaha dowladda iyo hirgelinta barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland iyo waliba xaaladda bini’aadantinimo ee gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta dhaggax dhigay dayactirka 8-buundo oo ku yaalla inta u dhexaysa caasimadda Garoowe iyo tuulada Birta dheer oo qiyaastii 50km dhanka koonfurta kaga beegan Garoowe. Dayactirka lagu sameynayo 8-da Buundo ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladdu ku dayactirayso Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland. Dhagax-dhigan waxa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya. PUNTLAND POST The post Garoowe: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax-dhigay 8-buundo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Kulamo ballaadhan oo ujeeddadoodu daarran tahay xodxodasho iyo isku dubbarridid xoogag is-bahaysi culus ah ayaa muddoba waxa ay ka socdaan maalmihii ugu dambeeyey magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyada oo kulamadii ugu dambeeyey toddobaadkan ka qabsoomeen magaalada Hargeysa. Sida ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen Ilo-xog-ogaal ahi, Kulamadan ayay goradda isku galiyeen siyaasiyiin iyo wax-garad ku abtirsan jiray xisbiga KULMIYE iyo xubno xilal wasiirro ah ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, muddona aan wax xilal ah hayn, kuwaasi oo qorshaynaya sidii ay rasmi ahaan ugu xuub siiban lahaayeen mucaaradad sal-ballaadhan oo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isaga laftiisu qorshaynaya sidii uu jidka ugu xaadhan lahaa muddo xileedkiisa labaad ee doorashada Madaxtooyada ee la filayo dabayaaqada sannadka innagu soo aaddan ee 2022. Siyaasiyiin ay hormuud u yihiin Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee Madaxtooyada xukuumaddii Axmed Siilaanyo ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyey ku jiraan abaabul xooggan oo ay ku wadaan jihooyin kala duwan oo ay in muddo ahba wada hadallo u socdeen kuwaasi oo qorshaynaya sidii ay ugu dambayn xoogaggaasi isugu soo biyo shuban lahaayeen xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo la filayo in uu bisha dambe dabayaaqadiisa qabsado shirweynihiisa guud. Marka laga tago kulamo gooni gooni ah oo dhinacyadan u socday waxa sidoo kale toddobaadkan Hargeysa ka qabsoomay kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen badiba xubno xilal wasiirro ah ka soo qabtay xukuumaddii Axmed Siilaanyo, siyaasiyiin ka tirsanaan jiray xisbiga KULMIYE oo muddoba saaxadda siyaasadda ka maqnaa, iyo xubno siyaalo kala duwan uga hadhay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay xilal ka hayn jireen, kulamadaasi oo dhammaantood daarnaa sidii ay hannaan midaysan cududooda ugu biirin lahaayeen xisbiga WADDANI. Kulamadan waxa garab socday oo kale kuwo beelaysan oo ay kulamo ku yeesheen siyaasiyiinta, odayaasha iyo wax-garadka beelaha Berbera, Bariga Burco iyo Degmada Dacarta kuwaasi oo ajandahoodu ahaa sidii ay hannaan midaysan ugu wajihi lahaayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka sidoo kalena ay u midayn lahaayeen dareenkooda mucaaradeed ee ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbigiisa KULMIYE doorashada Madaxtooyada ee soo socota ay dhinac uga soo wada jeedsan lahaayeen. Inkasta oo aanu wali Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ka mid ahayn xisbiga WADDANI haddana dadaalladiisii ugu dambeeyey waxa ay u janjeedhaan in uu ugu dambayn xisbigaasi kula midoobi doono cudud xooggan oo uu muddo ku dhaw sannad soo dhisayay waxaanay dadaalladani ku soo beegmayaan wakhti taageerayaasha xisbiga KULMIYE saluug weyn ka qabaan sida aanay xisbigan ugu soo hadhin dad miisaan weyn lihi maalinba maalinta ka dambaysana ay uga sii dareerayaan, qaarkoodna ka niyad jabsan yihiin sida ay xaaladdiisu tahay, arrintaasi oo ah imtixaan culus oo horyaalla hogaanka KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo isku diyaarinaya in ay galaan doorashada Madxtooyada ee innagu soo aaddan. xigasho: Foore Source
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa Khasaare xooggan oo ka dhashay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay. Qaraxa ka dhacay Buurhakaba, waxaa sida la xaqiijiyay ku dhaawacmay Taliyihii hay’adda Sirdoonka NISA ee degmadaas Xuseen Dhuubow, guddoomiye ku xigeenkii degmada Nuurow Ibraahim iyo saraakiil kale. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uusan weli ka hadlin dhacdadaas. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Qaraxyo ka dhacay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Kulankii ay yeesheen guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada iyo Guddoomiyaha caymiska qaranka ayaa imika soo dhamaaday. Qodobada ay labada dhinacba isla qaateen ee kulanka ka soo baxay waxaa ka mid ah: In ay labada dhinacba ayideen (Aqbaleen) go,aankii maxkamada sare jsl. In kulanka ay maanta iskugu yimaadeen uu hordhac u yahay kulamo is daba socda oo ay gudigu la yeelanayso madaxda caymiska qaranka. In labada dhinacba ay cabashada ganacsatada hoos u eegaan oo ay ku dhameeyaan wax la isla ogol yahay. In gudi-hoosaadka dhaqaaluhu ay qaraar ka soo saari doonaan kulanka maanta ay la yeesheen gudoomiyaha caymiska qaranka. Source
-
(SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Galbeed Mustafe Muxumed Cumar, ayaa beeniyay in shidaalka laga qodayo qeybo ka mid ah gobolka Qorraxeey ay ka dhasheen cudurro aan hore loo arag oo saameyn ku yeeshe shacabka halkaasi deggan. Mustafe Cagjar oo haatan booqasho ku maraya qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in baadhitaan lagu sameeyo cabashada shacabka ee deegaannada ee la xiriirta shidaal qodistu ay ka socoto. Shacabka degmooyinka gobolkaasi ee shidaal qodista ay ka socoto ayaa dhowaanahan ka cabanayay cuduro aan horay loo arag oo ay u sababeynayaan shidaalka. “Dhibaatooyinka shacabka ay sheegayeen muddo ayey soo taagnaayeen. Waxaa soo baxay cudurro aaggan lagu aqoonin.” Mustafe Cumar wuxuu sheegay in haddii ay soo ifbaxdo dhibaatadan caafimaad darro ay xukuumadda diyaar u tahay sidii looga hortaggi lahaa. “Haddii ay soo baxdo in wax ka duwan waxa dadka ay sheegayaan oo ah inay dillaacaan cudurro aan aaggan lagu aqoonin; xukuumadda diyaar bey u tahay in ilaa heer caalami ay la kaashato sidii loo xallin lahaa,” ayuu yidhi Mustafe. Source