Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. AQM5caRAscps8TTavBN95xOsmX_v1E4cAmE_yFhkfe8UAIg6d0Hls0jJDWAvfELI-MfRKM1FDtjz7VVNh0FdNsLp Qaran News
  2. Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u mamnuucday adeegyada shirkadda Khamaarka ee 1xBet, islamarkaana joojisay kaararka gaarka loo furto ee (Private Numbers). Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu mamnuucay adeegyada shirkadda Khamaarka ee 1xBet waxaana sidoo kale lagu joojiyay kaararka gaarka loo furto ee Private Numbers. Madaxweyne Deni ayaa ku amray shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan furista Private Numbers-ka sidoo kalena la xiro dhammaan kaararkii horay loo bixiyay ee Private-ka ahaa, sida ku cad Wareegtada uu soo saaray. Halkan ka akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Puntland oo mamnuucday Khamaarka 1xBet iyo kaararka gaarka ah ee Private Numbers appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) –Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa si buuxda u taageeray Madaxweynaha maanta Kismaayo lagu doortay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa Senator ka tirsan Aqalka Sare. Xildhibaanada ayaa caawa soo saaray bayaan wadajir ah oo ciwaan ay uga dhigeen, “BOGGAADIN MADAXWEYNAHA CUSUB, GUDDOONKA IYO GOLAHA WAKIILADA EE JUBBALAND.” Qoraalka ka soo baxay xildhibaanadaas ayaa lagu yiri “Anagoo ah Xubnaha Xildhibaanada Labada gole ee ku metela Dowlad Goboleedka Jubblanad, waxaan soo dhoweyneynaa doorashada madaxweynaha dowlada Jubbaland ee la Doortay llyaas Bedel Gaboose, guddoonka iyo golaha wakiilada Jubbalad.” Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku sheegay in tani ay tahay talaabo horay loo qaaday, isla markaana horumar u ah Jubbaland inuu ka dhaco isbedel siyaasadeed, kadib mudo dheer oo hoggaamka maamulkaas uu heystay Axmed Madoobe. Xildhibaanada oo baaq u diray shacabka Jubbaland ayaa ka dalbaday in ay tageeraan Madaxweynaha la doortay ee Senator Ilyaas Bedel Gaboose. “Waa in shacabku la garab istaago hiil iyo hoo maamulka cusub ee inoo curtay oo aan dhihi karno waa midkii dalka iyo dadka reer Jubbaland ee Soomaaliyeed ka samata bixin lahaa dhibaatada inagu habsatay ee 13 sano ka soo jirtay Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saareen xildhibaano heer federaal ah. Dhinaca kale, Xildhihaanada oo qoraalkaan farriin ugu diray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday in taageero lagu siiyo maamulka uu hoggaaminayo madaxweynaha Jubbland, Ilyaas Gaboose Guddoonka iyo Baarlamaanka Jubbaland. “Waxaan cambaareyneynaa falka foosha xun ee uu ku kacay saakay madaxweynihii hore ee xilku ka dhamaaday Axmed Madoobe oo weerar naf go’day oo lagu beegsaday Madaxweynaha cusub iyo siyaasiyiinta,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada Jubbaland laga soo doorto ay soo saareen. Ugu dambeyntii xildhibaanada soo saaray qoraalkaan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee la doortay Ilyaas Bedel Gaboose, inuu ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka reer Jubbaland, soona dhiso Xukuumad loo dhanyahay oo ka shaqeysa horumarka, amniga gudaha iyo la dagaalanka argagixisada iyo dhuxusha.
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan khilaaf culus uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda taagan. Axmed Madoobe ayaa dhegaha ka fureystay baaqyada loo dirayo, wuxuuna sii wataa jadwalkiisa doorasho ee dhawaan uu soo saaray guddiga doorashada Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland oo hadda doonaya in markii saddexaad dib loo doorto ayaa haatan soo dhegsaday boor uu ku muujinayo hal ku dhigga ololihiisa doorashada 25-ka bishaan ka dhaceysa gudaha magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose. Boorka oo si weyn loo soo qurxiyay ayaa lagu dhajiyay inta badan waddooyinka magaalada, waxaan lagu xardhay hal ku dhig uu sanadkaan ku ololeynayo oo ah “Karti Dowladeed iyo Karaamo Shacab”, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday boorka oo la faafiyay. Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Kismaayo, waxaana ka socda howlgallo baaritaanno ah oo ay sameynayaan ciidamada daraawiishta Jubbaland, si loo xaqiijiyo amniga doorashada, ayada oo sidoo kale la hakiyay dhaq-dhaqaaqa meelaha qaar. Khamiistii waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Jubaland, kaas oo Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan mar kale loogu doortay inuu sii hayo xilka guddoomiyaha golaha. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo hore u ahaa guddoomiyaha golaha ayaa ku guuleystay codad dhan 65 cod, halka Ismaciil Cabdi Keeroow oo la tartamayay uu helay 7 cod. Doorashadan ayaa timid xilli ay beesha caalamka walaac ka muujisay xiisadda sii kasii dareysa ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, taas oo loo arko inay saameyn ku yeelan karto dowlad dhiska Soomaaliya. Si kastaba, doorashadan ayaa muujineysa in uusan jirin tartan adag oo ay kusoo bixi karaan wejiyo cusub, waxaana iska cad in Axmed Madoobe uu xajisan doono kursigiisa doorashada madaxweyne ee dhaceysa 25-ka bishaan, waana sababta ugu dhagan yahay doorasho gaar ah.
  5. Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha xilka ka degaya ee Somaliland Muuse Biixi ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. Kulankan waxa labada madaxweyne ku wehelinayey shir guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada Somaliland. Sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland ayaa lagu casuumay kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah. Masuuliyiinta ayaa iska warsaday xaaladda guud ee maamulka Somaliland iyo sida loo qabanayo munaasabadda xil wareejinta. Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi ayaa madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Cirro la wadaagay xogta arrimaha khaaska ah ee dalka, maadaama uu xukunka ku wareejinayo. Muuse Biixi ayaa ogolaaday inuu u hoggaansamo natiijada doorashada, isla markaana uu xilka u wareejiyo si nabad ah, waana arrin si weyn loogu amaanay Somaliland. Kulanka maanta madaxtooyada Somaliland ka dhacay ayaa ah kii ugu horeeyey ee Cirro iyo Muuse ay ku kala warqaateen guushii doorashada kadib. Somaliland waxaa ka dhacday doorasho furan oo dunida dhan laga amaanay, waxaana ka dhacay isbedel weyn, iyadoo meel hoose la geeyey xisbigii dalka xukumi jiray ee Kulmiye.
  6. The death penalty against Mohamed Abshir Muse was carried out in Boosaaso earlier today. Boosaaso (PP News Desk) — Earlier today authorities in Boosaaso carried out the death penalty against Mohamed Abshir Muse, who was found guilty of killing Khaalid Cali Khaalid Aw Muuse, the deputy chairman for administration and finance at the University of East Africa in Bosaaso city several months ago. A brief statement for the media issued by the Puntland Police Division of Boosaaso stated that the death penalty was carried after the first-degree court of Bari region found Muse guilty of premeditated murder. On 29 July 2024, Mohamed Abshir Muse murdered Khalid Ali Khalid Aw Muse in the city of Boosaaso. Muse did not appeal the death penalty and stated in August that he would accept the court’s ruling. © Puntland Post, 2024 The post Man Executed in Bosaso for Murder of University Official appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Oline) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta qaatay shahaadada musharaxnimada xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ayaa ka hadlay rajadiisa doorashada 25-ka bishaan ka dhaceysa Kismaayo. Axmed Madoobe oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in sababta uu mar kale isku sharraxay ay tahay inuu dhameystiro waxyaabaha u dhiman, sida uu hadalka u dhigay. Aadbaan ugu faraxsanahay inaan isku soo taago aniga oo rabo inaan dhameystiro wixii aan ka tegay, waxaana gaarsiin doonaan meel fiican” ayuu yiri Axmed Madoobe. Mar wax laga waydiiyay natiijada doorashada uu galayo, inkastoo aanu jirin tartan adag ayaa waxa uu ballan qaaday inuu aqbali doono natiijada, haddii laga guuleysto. “Haddii layga guuleysto 100% ayaan aqbalayaa natiijada doorashada” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Jubbaland oo markiisii saddexaad u sharraxan xilkaasi. Hadalkan Axmed Madoobe ayaa loo arkaa inuu yahay ii dheh siyaasadeed uun, maadaama doorashada dhaceysa uu isagu gacantiisa ku maamulanayo, isla markaana ay bannaanka ka joogaan inta badan xubnaha mucaaradka iyo xittaa dowladda federaalka Soomaaliya. Ninkan oo mayal adag ayaa ku adkeysanaya go’aankiisa ah inuu galo doorasho dadban oo ay diidan tahay dowladda dhexe oo marar ay isku qabteen doorashooyinkii uu galay.
  8. AQMcZxVYROhcZt2sslA5xfs2JRAw77IgGivIe-ggOf_zt8dQJ6W5f-C7aPmRMxB2J9l_buOdTMovjw8w_BOUS9b5 Qaran News
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga gudaha maamulka Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa u digtay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ATMIS, waxayna ku wargelisay in diyaaradahooda aan loo isticmaali karin arrimo siyaasadeed. Jubbaland ayaa ku wargelisay QM iyo ATMIS inay galeyso doorasho, isla markaana ay ka digeyso in diyaaradahooda loo isticmaalo siyaasad, si looo fashiliyo doorashadaasi. “Dowladda Jubbaland waxay ku wargelineysaa hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) iyo ATMIS in doorashooyin muhiim ah ay ka socdaan gudaha dowladda Jubbaland. Sidaas aawgeed wasaaradda amniga gudaha waxay ku wargelineysaa in diyaaradaha UN-ka aan lo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo xasilloonida doorashooyinka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre uu damacsan yahay in uu diyaaradaha QM iyo ATMIS u adeegsado qorshe siyaasadeed oo ka dhan ah Jubbaland, ayna ka digayaan arrintaasi. Sidoo kale waxa ay wasaaraddu sheegtay inay cambaareyneyso isku dayo ay sheegtay inay waddo xukuumadda Soomaaliya, isla markaana ay ku fashilineyso doorashada Jubbaland. Ugu dambeyn Jubbaland ayaa hay’adaha caalamiga ah ugu baaqday inay ilaaliyaan sharciga dlaka ee ku dhisan nidaamka federaalka, si loo ilaaliyo xasilloonida guud. Warqaddan kasoo baxday Jubbaland ayaa ah mid uga sii hortegeyso in dowladda dhexe ay galaangal ku yeelato doorashadeeda oo dhaceysa 25-ka bishaan, taas oo ay u badan tahay in mar kale dib loogu doorto Axmed Madoobe oo gacantiisa ku maamulanayo doorashada.
  10. Mogadishu (HOL) — Somalia's Lower House of Parliament approved electoral Law on Saturday, marking a significant step toward implementing one-person, one-vote elections nationwide. Source: Hiiraan Online
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Jubbaland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay shaqaaqo maanta ka dhacday gudaha magaalada Kismaayo, kadib markii ay ku dagaalameen ciidanka ammaanka iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka. Afhayeenka booliska Jubbaland oo lagu magacaabo Dhamme Shukri Faarax Ducaale ayaa xaqiijiyay in israaseynta uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ilaalada musharixiinta, dhankoodana ay ka dhaawacmeen 2 askari. Shukri Faarax ayaa dhacdadan dusha u saaray musharixiinta mucaaradka, wuxuuna sheegay in gaari ay wateen ilaaladooda uu rasaas huwiyay ciidanka, kadibna ay sidaasi ku bilaabatay xabadda. Sidoo kale wuxuu inyaasi ku daray in ilaalada xubnaha mucaaradka ay maalmihii la soo dhaafay ku lug lahaayeen falal amniga lid ku ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay. Eedeyntan waxaa ka horreysay mid kale oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya, waxaana wasiirka amniga gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) uu sheegay in Axmed Madoobe uu ka dambeeyay, uuna weeraray shacab iyo siyaasiyiin degenaa hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. “Waxaan rabaa inaan cambaareeyo weerarka uu Axmed Madoobe ku qaaday hoteelka ay daganaayeen siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah ee magaalada Kismaayo nabadda ku joogay” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““Arritan waxa ay tilmaameysaa sida Axmed uga go’an tahay inuu dagaal sokeeye ka dhex dhaliyo dadka ehelka ah ee ku wada nool Jubbaland”. Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo ay Kismaayo ka socoto doorashada Jubbaland oo uu muran xoogan ka taagan yahay, waxaana loo ballansan yahay in madaxweynaha lasoo doorto 25-ka bishaan, iyada oo ay u badan tahay inuu isku caano shubo Axmed Madoobe.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu booqasho kadis ah ku tegay qaar kamid ah suuqyada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaaladda amni iyo horumar ganacsi ee suuqyada caasimada, isaga oo ka dukaameystay mid ka mid ah Suuqyada casriga ah ee ku yaalla Isgoyska Taleex ee degmada Hodan. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaas waqti kula soo qaatay qaar ka mid ah muwaadiniinta ku sugnaa goobaha ganacsi ee uu xalay booqday. Haddaba sidee looga falceliyay booqashada kadiska ah ee madaxweynaha? Guddoomiyaha maamulka degmada Hodan Cali Fahle oo kamid ah dadka soo hadlay ayaa yiri “Madaxwayne ku soo dhawaaw degmada Hodan iyo Taleex Hayat Super Market”. Maxamed Sabriye “Maasha allaah nabaddaas allaah ka sokow mudane madaxweyne dadaal badan baad ku bixisay”. Cali Soomaali “Suuqyada Mogdishu ma Jubba Hypermarket iyo Hayat Market leeya muu Bakaaro, Xamarweyne iya Suuq Boocle tago?”. Abuukar Cawaale oo u ololeeya in qaadka la joojiyo ayaa isna yiri “Suuqyada Qaadka soo eeg Madaxweyne oo soo arag xaaraanta aad ummadda kusoo fasaxday sideey qoysaska udumineyso”. Ifraax Maxamed “Madaxwayne magaalka shiidka ka jira ma aragtay horta mase Xayat ma dhaafin?”. Maxamed Gargaar “Mudane madaxwayne u kuur galida bulshadaada waxay abuuraysaa is-dhaxgal bulsho si dalku u gaaro nidaam qof iyo cod oo doroasha ah”.
  13. Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta fadhi wadajir ah ku ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka. Fadhiga wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Maanta yeesheen waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeennada labada aqal. Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee labada aqal ee Baarlamaanka dalka ugu qaabilsan diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu horraym Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka. Intaasi kadib, Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday xeerkani ayaa waxaa ogolaatay 169 Xildhibaan, laba mudane ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhawaaqay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo Fadhiga hadal kooba ka jeediyay ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka. PUNTLAND POST The post Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Fadhi wadajir ah ku ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka appeared first on Puntland Post.
  14. A team from Kenya's Elite Special Operations Group (SOG) conducted a meticulously planned, intelligence-driven operation in the Najo area. Police said the decisive action marks yet another victory in the squad’s unwavering mission to safeguard the nation. Source: Hiiraan Online
  15. Kismayo (HOL) — At least one security officer was killed and two others injured on Saturday in a gunfight between Jubbaland police and security guards for presidential candidate Senator Ilyas Baddel Gabose in Kismayo. Source: Hiiraan Online
  16. Baarlamaanka Puntland ayaa maanta warbixin ka dhegeystay wasiirka Caafimaadka Siciid Jaamac Qorsheel, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka. Wasiir Siciid Jaamac Qorsheel, oo ay wehliyaan wasiiru-dawlaha, Ku-simaha agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda, ayaa golaha Baarlamaanka la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka wasaaradda, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira. Intaasi kadib, xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan heerka fulinta qorshayaashii caafimaad ee wasaaradda, sababaha keena dib-u-dhac ku yimaada gaarsiinta adeegyada caafimaadka ee gobollada & degmooyinka fog iyo tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka. Sidoo kale, waxay wax ka weydiiyeen xaaladda isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku yaalla degaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn; miisaaniyadda iyo maareynta kharashaadka caafimaadka iyo sida loo hubiyo in ay si hufan u adeegaan baahiyaha bulshada; iyo heerka wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera caafimaadka Puntland. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo maanta warbixin ka dhegeystay wasiirka Caafimaadka Siciid Jaamac Qorsheel appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada kulan salaam iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kulankan waxa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare. Source
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan salaan iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kulankan waxaa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare. Qaran News
  19. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Kulankan oo ah mid salaam iyo is xogwaraysi ah ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sare, oo ay ku jiraan shir-guddoonka labada gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynaha cusub la wadaagay talooyin iyo xog ku saabsan xilwareejinta maamulka iyo sidii loo xoojin lahaa isbeddelka hufan ee hogaaminta Somaliland. Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha muhiimka ah ee mudnaanta u leh Somaliland, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo dardar-gelinta siyaasadda gudaha iyo dibadda. Kulankan ayaa astaan u ahaa sida hufan ee Somaliland ugu guulaysatay in ay maareyso doorashooyinka iyo isbeddelada hoggaamineed si dimuqraadi ah oo nabad ah. Waxaa la filayaa in xafladda xilwareejinta madaxweynenimada ay dhowaan ka dhacdo caasimadda Hargeysa. Source: goobjoog.com
  20. London (Caasimada Online) – Odoyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa warqad cabasho ah ka gudbiyey safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis, oo ay ku eedeeyeen inuu ku dhex-milmay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya. Odayaasha ayaa warqad furan u diray Rt Hon David Lammy oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, waxayna uga hadleen walaaca ay ka qabaan waxay ugu yeereen eexda dowladda Ingiriiska ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Warqadan ayaa ku eedeysay danjire Michael Nithavrianakis inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u oggolaaday inuu hadallo siyaasadeysan ka jeediyo, xilli uu ku jiray dabbaaldegga dhalashadii Boqorka Charles III ee safaaradda UK ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu ku booriyay dawladda UK in ay tallaabo ka qaado wuxuu ugu yeeray “qaswadayaasha” siyaasadda, ereygaas oo ay odayaashu u fasirteen in uu tixraac u yahay hoggaamiyeyaasha ama gobollada ka soo horjeeda qaabkiisa doorasho. Odoyaasha ayaa ku doodaya in inkastoo rajada doorasho hal qof iyo hal cod ay tahay wax lagu ammaano, haddana iyadoo aan la isku raacsanayn ay wiiqayso horumarka Soomaaliya. Waxay ka digeen in dadka dhaliila lagu tilmaamo qaswadayaal ay halis u tahay inay dhaawacdo dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya, ee u baahan isla xisaabtan, sinnaan iyo isu-duubni. Odayaasha ayaa ku baaqaya in UK ay ilaaliso dhexdhexaadnimada doorkeeda diblumaasiyadeed, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in u eexashada hogaamiye ama xisbi kasta ay ku xad gudubto madax bannaanida dalka. Waxay ku booriyeen dawladda UK inay ka fogaato falalka dublamaasiyadeed ee wax u dhimi kara sumcadda ay ku leedahay Soomaaliya ama caqabad ku noqon karta safarka dheer ee qaranku ugu jiro xasilloonida iyo dimuqraadiyadda.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay arrimo la xiriira doorashada ka socota Jubbaland, ee uu wado madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo ka biyo diiday qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh. Wasiirka batrolka iyo macdanka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ah wasiirada aadka ugu dhow madaxweynaha ayaa mashruuc faneed ku tilmaamay doorashada ka socota Kismaayo isaga oo si weyn u dhaliilay xulista xildhibaanada iyo doorashada guddoonkooda. Cabdirisaaq ayaa sidoo kale ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu doonayo in uu mar kale isku caano shubo, si uu usii hoggaamiyo maamul goboleedka Jubbaland, balse waxa uu xusay in aanay dhici doonin, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka batrolka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe aysan marnaba aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashadaasi oo uu ku tilmaamay mid boob ah. “Iyadoo la waafajinayo qorshaha dowlad dhisidda DFS waxaa ka go’an in laga gudbo doorashada dadban ee ku saleysan qabiilka loona gudbo doorasho toos ah oo qof iyo cod ah. Xukuumadu ma aqoonsan doonto natiijada mashruuc faneedka ee lagu soo xulay xildhibaanada, afhayeenka baarlamaanka iyo tan doorashada Madaxweynaha” ayuu yiri. Hadalkan waxaa ka horreeyay go’aan kale oo horay uga soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo lagu diiday doorashada Jubbaland, waxaana isna bayaankaas lagu sheegtay in aanay dowladdu aqbali doonin doorashada lagu deg-degayo ee Jubbaland. Waxaa kale oo jirta in beesha caalamka ay iyaduna ka hortimid qorshaha Axmed Madoobe, iyada oo ugu baaqday inuu kusoo laabto shirka golaha wadatashiga qaranka, si loo dhameeyo xiisadda u dhexeyso isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday qorshaha dowladda dhexe, wuxuuna sidoo kale dhegaha ka fureystay baaqyada loo dirayo, isaga oo si wata jadwalkiisa doorashada oo dhaceysa 25-ka bishan, waxaana iska cad in Axmed Madoobe uu xajisan doono kursigiisa.
  22. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar saaka lagu qaaday Hotelka Agan oo ku yaalla magaalada Kismaayo, kaas oo ay fuliyeen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland. Weerarkan ayaa sababay khasaare nafeed iyo dhaawacyo, wuxuuna xiisad ka dhex abuuray dadka deegaanka. Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku tilmaamay falkaasi mid khatar ah oo looga gol leeyahay in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Wasiirka ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda iyo in la iska kaashado nabad ku soo dabbaalida Kismaayo. Wararka laga helayo israsaaseynta ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhintay darawalkii Senator Ilyaas Gaboobe, oo dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha Jubbaland. Dhacdadan ayaa loo arkaa mid sii xumeyneysa xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan wax walba oo sababi kara gacan ka hadal dheeraad ah, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay wada-hadalka iyo xasilinta xaaladda. Waxaa la filayaa in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo sababaha ka dambeeyay weerarka iyo cidda sida rasmiga ah uga dambeysa dhacdadan argagaxa leh. Source: goobjoog.com
  23. Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) ayaa maanta meel mariyay xeer muhiim ah oo ku saabsan Doorashooyinka Qaranka. Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano badan oo ka kala socda labada Gole. Intii ay socotay codbixinta, 169 xildhibaan ayaa taageeray xeerka Doorashooyinka Qaranka, halka labo xildhibaan ay ka soo horjeesteen, midna uu ka aamusay. Xeerkan ayaa ah mid muhiim u ah habsami u socodka nidaamka doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay xildhibaanada ansixinta xeerkan, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dalka u qaadeyso dhinaca dimoqraadiyadda iyo isbeddelka. Waxaa sidoo kale xusid mudan in xeerkan uu yahay mid muhiim u ah in dalka uu u gudbo doorashooyin qof iyo cod ah oo si toos ah uga dhacda guud ahaan Soomaaliya. Waxaa la filayaa in madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixo xeerkan si uu dhaqan-gal rasmi ah u yeesho. Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada ku aaddan horumarinta sharciyada dalka. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay dagaal maanta ka dhacay Kismaayo oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Fartaag ayaa marka hore si adag u cambeereeyay falka ka dhacay Kismaayo, wuxuuna ku eedeeyay in Axmed Madoobe uu ka dambeeyay, uuna weeraray shacab iyo siyaasiyiin degenaa hoteel ku yaalla magaaladaasi. “Waxaan rabaa inaan cambaareeyo weerarka uu Axmed Madoobe ku qaaday hoteelka ay daganaayeen siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah ee magaalada Kismaayo nabadda ku joogay” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbalad uu ka hurinayo dagaal sokeeye oo la’isaga horkeenayo dadka ehelka ah wada dega maamulkaasi. “Arritan waxa ay tilmaameysaa sida Axmed uga go’an tahay inuu dagaal sokeeye ka dhex dhaliyo dadka ehelka ah ee ku wada nool Jubbaland” ayuu mar kale yiri Fartaag. Wasiirka soo sii hadlaya ayaa ciidamada joogga Kismaayo uga digay inay ku milmaan siyaasad iyo in loo adeegsado in lagu fushado dano gaar ah. Dagaalka oo daqiiqado socday ayaa si gaar ah uga dhacay aagga hotel AGAN ee ku yaalla bartamaha Kismaayo, kadib markii musharraxa oo lagu magacaabo Ilyaas Beddel Gaboose iyo ilaaladiisa loo diiday inay gudaha u galaan hoteelka oo uu ka socdo dhaq-dhaqaaq la xiriira doorashada. Ilyaas Beddel Gaboose oo sidoo kale ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa dhowaan Kismaayo uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, wuxuuna kamid yahay xubnaha sida wayn uga soo horjeedo Axmed Madoobe. Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Kismaayo ka socoto doorashada Jubbaland oo uu muran xoogan ka taagan yahay, waxaana loo ballansan yahay in madaxweynaha lasoo doorto 25-ka bishaan, iyada oo ay u badan tahay inuu isku caano shubo Axmed Madoobe.
  25. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Khamiista maanta ah soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant, iyo sidoo kale taliyaha milatariga Xamas Mohammed Deif. “Garsoorayaasha waxay soo saareen amar lagu soo xirayo laba qof, Mr Benjamin Netanyahu iyo Mr Yoav Gallant, oo loo haysto dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal oo la galay ugu yaraan intii u dhaxeysay October 8 2023 illaa ugu yaraan May 20 2024, maalintii ay xeer-ilaalintu soo gudbisay codsiyada amarka xiritaan,” ayey bayaan ay soo saartay ku tiri Maxkamadda ICC ee fadhiggeedu yahay magaalada Hague. Waxay sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo Deif, sida lagu yiri bayaanka. Amarrada xiritaan ayaa lagu sifeeyay “sir” si loo ilaaliyo marqaatiyaasha iyo habsami u socodka baaritaanada, ayay tiri maxkamada. “Si kastaba, garsoorayaasha ayaa go’aansadey in la sii daayo xogta hoos ku qoran maadaama ay u muuqato in dhaqan la mid ah kii lagu xusay amarka xiritaan uu socdo,” ayay tiri maxkamadda. “Intaa waxaa dheer, garsoorayaasha waxay u arkaan inay dani ugu jirto dhibanayaasha iyo qoysaskooda in la ogeysiiyo jiritaanka amarka xiritaan.” Dacwad-oogaha sare ee ICC Karim Khan ayaa bishii May ka codsaday maxkamadda inay soo saarto waaran qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada oo ka dhacay Gaza. Netanyahu ayaa Gallant ka ceyriyay xilkii wasiirka gaashaandhigga 5-tii November. Khan ayaa sidoo kale dalbaday waaran xiritaan oo ka dhan ah madaxda sare ee Xamas oo uu ku jiro Mohammed Deif oo looga shakisan yahay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Dacwad oogaha ayaa laalay codsigii Haniyeh 2-dii Agoosto “sababtoo ah duruufaha isbedelay ee ka dhashay dhimashada Mr Haniyeh” ee Tehran July 31, ICC ayaa goor sii horeysay sidaas ku sheegtay bayaan. Sida ay sheegtay Israel, Deif waxaa lagu dilay weerar 13-kii July ka dhacay koonfurta Gaza, inkastoo Xamas ay beenisay inuu dhintay. Tan iyo markii Xamas ay fulisay weerarkeedii October 7, 2023, oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Israa’iil, Israa’iil waxa ay dagaal ka wadday Gaza, oo ay maamusho Xamas. Wasaaradda caafimaadka dowladda Xamas ee Marinka Gaza ayaa Khamiista maanta ah sheegtay in ugu yaraan 44,056 lagu dilay 13 bilood oo Gaza uu ka socday dagaalka, halka 104,268 qof oo kale ay dhaawacmeen. Source