-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hezbollah ayaa 340 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku duqeysay gudaha Israa’iil, sida laga soo xigtay raadiyaha ciidamada Israa’iil, 11 qof ayaana ku dhaawacmay, halka waxyeello ba’ani ay gaartay goobo ay kamid tahay magaalo madaxda Tel Aviv. Weeraradan oo kamid ah kuwii uvu xoogganaa ee ay qaaddo Xisbullaah ayaa jawaab u ah Weerarada cirka ee Israa’iil ay ku hayso caasimadda Lubnaan, kuwas oo si aan kala joogsi lahayn u socda, islamarkaana keenay burbur weyn iyo barakac baaxad leh, iyadoo Wasaaradda Waxbarashada Lubnaan ay hakisay iskuullada ku yaal Beirut illaa Janaayo ee sanadka . Si kastaba ha ahaatee Israa’iil ayaa sii wadda duullaanka iyo duqeymaha arxan-darrada ah ee ay ka waddo Lubnaan iyo falastiin, dunidaba isha ayay ka daawanaysaa oo xittaa cambaarayntii haatan waa laga caajisay. Source: goobjoog.com
-
Kenyan authorities have failed to ensure justice for the killing of at least 31 people and other abuses by the police during protests throughout the country from March to July 2023, Amnesty International Kenya and Human Rights Watch said in a report released today. Over a year later, investigations have not been finalized and not a single police officer or government official has been prosecuted for the killings or other serious rights violations. Source: Hiiraan Online
-
November 6, 2024 ayaan gaaray Muqdisho oo aan moogaa laba sano iyo bar. Waxaan u tagey in aan ka qaybgalo Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho. Bandhiggaan oo ahaa midkii 8aad ee caasimaddeenna ka dhaco, ayaan markii koowaad ka qaybgalay. Waxaan halkaas la tagey buuggayga aan weli gu’ jirsan ee Halgankii Gunnimadoonka. Wuxuu ahaa safar macna weyn ii lahaa. Casuumaadda, madasha, maqaamka iyo miisaanka dadka aan halkaas kula kulmay ayaa dhammaan igu cusbaa. Munaasabaddu waxa ay socotay laba cisho. Waxaa raacay maalin kale oo soo xirid ah. Waxay se ahayd mid ka miisaan iyo mug weyn inta noo muuqatay. Hoos waxa aan ku soo koobayaa muhiimadda munaasabaddu noo lahayd iyo wixii ii baxay intii aan Xamar joogay. Muqdisho Book Faire (MBF) Dunida caadiga ah waxaa ka jira wadiiqooyin badan oo qoraaga saacida. Markii uu buugga qoro wuxuu heli karaa dillaal (agent). Dillaalka ayaa raadiya daabaacad aqbasha buugga. Markii la helo cid aqbasha, daabacaadda, suuqgeynta, xayaysiinya iyo iibinta intaba shirkaddaas ayaa dusha saarata. Waxaa kaloo jira hay’ado ka shaqeeya qiimaynta buugaagta kuwaas oo bixiya abaalmarinno kala jaad ah. Buuggii aan abaal marin helin, qorihiisu waxa uu ogyahay halka uu buuggiisu galay. Taas oo u oggolaanaysa in uu ku dedaalo hagaajinta buugtiisa mustaqbalka. Idaacadaha iyo joornaallada ayaa leh barnaamijyo looga hadlo buugta. Buugta soo baxda ayaa lagu falanqeeyaa. Qoraha ayaa la wareystaa, dad soo akhriyay ayaa la casuumaa dad weynahaba waxaa la gaarsiiyaa farriinta buuggu sido taas oo horseedda in buuggu caanbaxo. Qoraha Soomaaliyeed ma helo inantaas aan soo sheegnay midkoodna. Isagaa buugga qora, jeebkiisa ka daabaco, suuqgeeyo oo hadba meel u diyaarad ula raaco si ugu bandhigo Soomaali iibsata. Isaga oo intaas oo dhib ah maray ayay dhacdaa inta badan in aan laga iibsan wax qayb uun ka daboola lacagtii gashay iskaba daa waqtigii uga baxay e. MBF waxay buuxisay kaalin culeyska qayb ka qaadda qorayaasha Soomaaliyeed. Intii nasiib u yeelata in lagu casuumo, waxaa la dareensiiyaa qiimaha uu bulshada ugu fadhiyo. Waxaa laga yaabaa in aan laga iibsan wax badan buuggiisa laakiin waxa u ogaadaa in buuggiisu yahay sababta uu maanlintaas ku helay maqaamka iyo maamuuska la siiyay. Sidoo kale waxaa uu bartaa jaalkiisa iyo jaahyo kale oo uusan si kale ku arkeen. Waa dhiirrigelin weyn oo maanta wax loo dhigaa aysan dalkeenna ka jirin. Gallad iyo manno ayay nagu leeyihiin dadkii hindisay, kuwa maalgeliya iyo inta ka shaqaysa. Ammaanka caasimadda Safarkani wuxuu ahaa midkii saddexaad ee aan ku tago Xamar. Kan koowaad wuxuu ahaa 2009-kii. Wuxuu ahaa waqti naar la iska waraabinayay dunida oo dhanna ay xooggeeda isugu geynaysay in aan dowladda laga qabsan madaxtooyada. Meel kale oo gacan ugu jirtay ma jirin. Waa mugdi Eebbe na mootiyay! Safarkii kaas iigu xigay waxa uu ahaa dhammaadkii Feebbaraayo 2022-kii. Dabcan farqi weyn ayaa u dhaxeeyay 2009-kii iyo 2022-kii. Laakiin waxaa lagu jirey diyaargarow doorasho. Cabsi badan ayaa jirtay. Hasa-ahaatee wax badan oo aan la argagaxo ma arag. Meeshii aan doono ayaan bajaaj u raacay inta dowladdu xiratay markii laga reebo. Markii saddexaad waa Nofember 2024. Laba sano iyo bar ka dib iima muuqan wax horumar ah oo laga sameeyay ammaanka. Jidadku sidii ayay u xiranyihiin. Qaraxyadu waa yaraadeen laakiin cabsidii laga qabay ma yaraan. Huteel walba iyo maqaayad walba illinkeeda dadbaa qoryo la taagan baaritaan ayaadna mari. Waxaad dareemaysaa in aad ku nooshahay xaalad colaadeed. Dabcan horumar waa jiraa laakiin waa mid gaabis ah oo aan cudurdaar lahayn. Dhaqaalaha Waxaa si weyn suuqa ugu jirtay in dalkii ‘shiid’ ka dhacay. Shaaha lama shubto, qax ayaa socda, lama qadeeyo iyo erayo kala jaad ah oo dhammaan lagu cabbirayo lacag la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ayaa haystay baraha bulshada. Aniga oo taa maanka ku haya ayaan tagey Muqdisho. Dabcan ma haysan waqti aan ku qiimeeyo baahida rasmiga ah ee jirta. Sidoo kale, ma wada tagin xaafadaha magaalada, gaar ahaan meelaha sida rasmiga looga ogaan karay xaddiga baahida jirta. Jidka Maka-Al-Mukarrama waa mid ka soocan dalka intiisa kale. Waxaa yaalla sicirkoodu wuxuu la socdaa dunida Galbeedka. Shay walba waa qaali. Dukaan qamiisyada gado ayaan galay. Waxaan weydiiyay qiimaha koofiyadda siyaasiyiinta (dadka qaar ayaa u yaqaan koofiyadda sheekh Shariif. Dhinaca Shabaab waxaa looga yaqaan koofiyadda riddada). Wuxuu igu yiri waa boqol iyo totobaatan doollar ($170). Waa anfariiray. Anoo madaxa haysta ayaan iri oo ma dadbaa intaas ka bixiya? Wuxuu igu yirii wiilkii dukaanka joogay “waxaaba naga dhammaaday kuwii laba boqol iyo afartanka ahaa ($240). Dharku waa wadaa sidaa. Macawisuhu $50 ayay ka kacaan qaar ayaana $100 kor u dhaafa. Khamiisyada, shaatiyada iyo cimaamadaha qiimahooda waa mid waalli ah. Suudadka iyo labbiska siyaasisyiinta iyagu caqligu ma suureysan karo. Maqaayadaha waxa yaalla shaaha ayaa ugu raqiisan. Isaguna waa doollar iyo bar. Maqaayad walba dad ku filan ayaa fadhiya. Shaaha, kafeega iyo cunto intaba waa socdaan. Markii aad waxaas ku dhex jirto dareemi maysid lacag la’aanta la sheegayo. Dunida caadiga ah markii ay ku dhacdo la’aan waxa ugu horreeya ee ay jaraan waa faakihaysiga sida kafeega maqaayadaha iyo shaaha sheekada loo iibsado. Muqdisho waxa ugu badan ee suuqa leh waa intii la jari lahaa haddii ay lacag la’aani dhacdo. Haddaba sidee wax u jiraan? Haddaan dhuuxay sida wax u dhacayaan waxaa ii soo baxay dhowr arrimood oo is biirsaday. Kow, dadku wuxuu ku mammay lacag badan. Si lagu helayba kooxda yar ee jidkaan awooddo awal waxay heli jireen lacag waalli ah. Middii noocaas ahayd ayaa yaraatay sidaas ayaana keentay sheegashada. Laba, heerka nolosha ee dadkeennu raadinayo oo aan suuragal ka ahayn dal sabool ah. Dadkeennu wuxuu rabaa inuu helo dhammaan tashiilaadka laga isticmaalo dunida qaniga ah isaga oo sabool ah. Taasi waxay keentay in qofku u hanqaltaago wax uusan awoodin oo weliba uu ka maarmo. Saddex, dadka oo aan aqoon kala horumarinta baahiyaha (priorities). Tusaale ahaan, waxaa dhici karta qof laba doollar haysta oo gaajaysan in uu doorto inuu shaah uga cabbo maqaayad qaali ah halkii uu labadaas doollar la aadi lahaa meel uu kaga cuno wax uu awoodo oo gaajada ka bi’iya. In uu baahi ku seexdo laakiin loo arko nin jeeb weyn oo maqaayad qaali ah ka shaaha ayuu doortay haddana waxaa uu ka sheeganayaa lacag la’aan, busaarad iyo shaqo la’aan. Shaki ma leh in dalka ay ka jirto shaqa la’aan baahsan, dhallinyaradu quus joogto, masaakiintu mashaqaysantahay. Hasa ahaatee sawirka yaalla Maka-Al-Mukarrama ma aha mid muujinaya baahida baahsan ee dalka ka jirta markii laga reebo dadka tuugsada ee dariiqyada dhooban. Waxay u muuqataa in dhaqaalihii dalka oo dhan uu gacanta ugu jiro tira yar oo isku aag ku nool! Waxbarashada Waxaa muuqata in baraarugga waxbarashada iyo akhriksu si fiican kor ugu socdaan. Madasha buugaagta lagu soo bandhigay dadka yimid waxa ay ahaayeen dhallinyaro aad u da’ yar. Wax kale oo dan ah halkaas ma keenin e buugaagta la jabiyay in ay iibsadaan ayay u yimaadeen. Waxaa dareen gaar ah ii lahaa in aan la kulmay tira aad uga badan intaan filayay oo igu tiri “waxa aan akhrinnay buuggaada”. Dadkaasu waa da’ yar aan is iri waa labaatan iyo wixii ka hooseeya da’ ahaan. Waxa jira madallo tira badan oo qabta kulamo joogta ah. Qaar waa kuwo siyaasadda keliya looga doodo qaarna waa bun iyo buug. Waxa aan tagay mid ka mid ah oo habeenkaas lagu lafagurayay doorashada Soomaalilaan. Waxaa si gaar ah i cajab geliyay joogtaynta kulankaas oo dhaca asbuuc walba mar muddo laba sana ah. Xogaha aan kala baxay iskoolleyda aan la sheekaystay iyo ardayda jaamacadaha, waxaa jira dedaal lagu hagaajinayo tayada waxbarashada. Ugu danbayn, safarkaygu waxa uu ahaa mid abshir iyo najax ah. Waxaa ii suuragashay in aan la kulmo walaalo badan oo dunta isku kaaya xirta ay tahay buug iyo akhris. Waxaa soo bartay maqaawiir dalkeenna muhiim ah, dhallinyaro u heellan noolaynta akhriska iyo qoraalka iyo shacab u oomman horumar. Dalkeenna Allaha noo hagaajiyo! Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com
-
Dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa in ka badan 250 gantaal ku ridday Israa’iil, kuwaas oo qaarkood burburiyay guryo ku yaalla agagaarka magaalada Tel Aviv, sida ay uu xaqiijiyay millatariga Israa’il. Duqeymaha Xisbullah ayaa yimid maalmo kaddib marki ay Israa’iil mid ka mid ah duqeymihi ugu cuslaa ku garaacday bartmaha magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnaan Sabtidii. Xisbullah oo wacad ku martay in weerarki Beyruut ay uga aarguda doonto gantaallo ay ku beegsaneyso Tel Aviv, ayaa bayaan kasoo baxay ku sheegtay in ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo millatari oo ay ku yaalla Tel Aviv iyo nawaaxigeeda. Booliska Isra’il ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen gantaallada Xisbullah ay ku duqeysay deegaanka Petah Tikvah ee dhaca duleedka bari ee Tel Aviv. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ugu yaraan 250 madfac ay Xisbullah ku soo tuurtay Israa’il, kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah hawada lagu burburiyay, hase yeeshee inta la qaban waayay ayaa geystay khasaaro isugu jira burbur hanti iyo dhaawac. PUNTLAND POST The post Xisbullah oo in ka badan 250 gantaal ku garaacday gudaha Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Tel Aviv (Caasimadq Online) – Dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee dalka Lubnan ayaa Axaddii shalay in ka badan 250 gantaal ku ridday Isra’il, kuwaas oo qaarkood burburiyay guryo ku yaalla agagaarka magaalada Tel Aviv, sida ay uu xaqiijiyay millatariga Isra’il. Duqeymaha Xisbullah ayaa yimid maalin kaddib marki ay Isra’il mid ka mid ah duqeymihi ugu cuslaa ku garaacday bartmaha magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnan Sabtidi. Xisbullah oo wacad ku martay in weerarki Beyruut ay uga aarguda doonto gantaallo ay ku beegsaneyso Tel Aviv, ayaa bayaan kasoo baxay ku sheegtay in ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo millatari oo ay ku yaalla Tel Aviv iyo nawaaxigeeda. Booliska Isra’il ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen gantaallada Xisbullah ay ku duqeysay deegaanka Petah Tikvah ee dhaca duleedka bari ee Tel Aviv. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ugu yaraan 250 madfac ay Xisbullah ku soo tuurtay shalay Isra’il, kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah hawada lagu burburiyay, hase yeeshee inta la qaban waayay ayaa geystay khasaaro isugu jira burbur hanti iyo dhaawac. Ilaa afar qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dhaawacay. Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay in duqeynti cusleyd ee Sabtidi ay ciidanka Isra’il ku burburiyeen dhisme ka koobnaa sideed dabaq oo ku yaallay bartamaha Beyrut ay tirada dhimashada hadda gaarytay 29 qof.
-
Ilaahay ha u naxariisto waxaa caawa 24.11.2024 ku geeriyooday cisbitaalka guud ee hargeysa weriyihii caanka ahaa ee BBC Cabdirizaaq Xaaji Maxamed Siraad . Waxaan tacsi u dirayaa caruurtiisii , qoyska ballaadhan ee reer xaaji Maxamed Siraad , ehelkii , qaraabadii , iyo asaxaabtiisii . ilaahay janadii fardowsa ha ka waraabiyo marxuumka inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo . Cabdirizaaq wuxuu ahaa nin bashaash ahaa , kaftan badan , naxariis badnaa , oo weligii aanu jirin cid ka cabataa , oo ahaa weriyaha ugu mudada dheeraa BBC konton sano ka soo shaqeeyay . wuxuu ku dhashay magaalada Sheekh ee gobolka saaxil 1947 siduu ii sheegay , isagoo waxbarashadiisii ilaa dugsiga sare ku dhamaystay magaalada hargeysa . Cabdirizaaq bishii September 1969 wuxuu waxbarasho jaamicadeed ku tegay magaalada london , isagoo ku qalinjebiyay cilmiga Chemistry . intii uu jaamicada ku jiray wuxuu shaqo xilli dhiman ah ee loo yaqaano “Part time” ka helay laanta afka soomaaliga ee BBC London , isagoo markii danbena toos ugu biiray weriyaasha BBC oo uu ka hawlgelayay mudo konton sano ahayd . Mudooyinkii danbe wuxuu isaga dhexeeyay magaalooyinka london iyo hargeysa , Berbera , iyo magaalada Sheekh ee uu ku dhashay . Cabdirizaaq wuxuu ka dhashay qoys caan ku ah bulshooyinka soomaalida xaga diineed siiba daqiiqda magaalada Sheekh , xag dhaqan , iyo xagga siyaasada oo adeerkii Xaaji cabdillaahi gamgam iyo walaalkii Muuse Qaadi xaaji maxamed siraad ay labaduba si isku xiga uga mid noqdeen baarllamaankii ugu danbeeyay somaliya ee la soo doorto si xisbiyo badan ah lixdanaadkii . SAWIRKA ; Keydkeyga ; Marxuumka Cabdirizaaq Xaaji Maxamed Siraad iyo Axmed Saciid Cige , Hargeysa sanado ka hor . GOOBTA AASKA ; Waxaa lagu aasayaa marxuumka xabaalaha dariiqada ee magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil berito inshaa alla 25.11.2024 , sidaa uu ii sheegay wiilka adeerka uu u yahay Maxamed Muuse qaadi Xaaji Maxamed Siraad . AXMED SACIID CIGE Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta hadal ka jeediyey Kismaayo ayaa balan-qaaday in wadahadalkii dowladda federaalka uu dib ugu laaba doono hadii berri mar kale loo doorto Madaxweynaha Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa balan-qaadkaan ka hor jeediyey baarlamaankii uu dhowaan soo dhisay, isagoo ka codsaday inay berri doortaan, isagoo u sharaxay sida uu qorsheynayo in uu dib ugu soo celiyo wadashaqayntii ay Jubbaland la lehayd dowladda federaalka Soomaaliya. “Waxaa jira qodobo aan isku haynay, laakiin waxaan diyaar u nahay hadii aad i doorataan mudane gudoomiye iyo xildhibaano, inaan isku dayayo bal inaan dowladda federaalka ka wadashaqayno oo dib ugu soo noqono miis wadahadal,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Maamulka Jubbaland ayaa 10-kii bishan November waxa ay sheegeen in ay xiriirka u jareen dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhashay doorashadaan. Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka bilaabatay hadal-jeedinta musharixiinta shalay is-diiwaangeliyay oo gaaraya 4 musharrax oo kala ah: 1-Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), 2- Faysal Maxamed Mataan, 3- Abubakar Cabdi Xasan, 4- Dr Cabdi Xasan Xajiin. Musharaxiintaan ayaa maanta hortegay golaha wakiilada 3-aad ee Jubbaland, waxayna u soo bandhigeen barnaamijkooda siyaasadeed, iyagoo ka codsaday inay doortaan. Musharixiinta is-diiwaangeliyay waxaa ugu cad madaxweynaha hadda talada haya Axmed Madoobe oo shalay qaatay shahaadada, kaas oo doonaya in markii 3-aad uu sii hoggaamiyo maamulka, wuxuuna ballan qaaday inuu dhameystiri dooni shaqada u taalla, wadashaqeyntii dowlada dhexana ee soo celinayo. “Aadbaan ugu faraxsanahay inaan isku soo taago aniga oo rabo inaan dhameystiro wixii aan ka tegay, waxaana gaarsiin doonaan meel fiican” ayuu yiri Axmed Madoobe oo doonaya in mar kale uu sii hoggaamiyo maamulkaas, isagoo diidmo culus kala kulmaya dowladda federaalka.
-
Wararka aanu ka helayno magaalada Berbera ayaa xaqiijinaaya in xukuumadda Muuse Biixi ee xilka wareejinaysaa ay 10kii cisho ee ugu danbaysay ay wixii alaabo ahaa ee ay ahayf in la cashuuro oo ay khasnada dawlada ku dhacdo la sameeyay hab musq maasuq ah oo dalka ku cusub, taasi oo ay ujeedada ugu weyn ee ay xukuumadu ka leedahay ay tahay in aan xukuumadda cusubi aanaybwax kharash ah ugu iman khasnada dawladda taasi oo ay rabto in ay ku curyaamiso maamulka cusub , hadaba warbixintani oo aanu helnay ayaa u dhigan sidani. “Dakadii Berbera 10kii Cisho Ee u danbeeyay waxii bagaash iyo hantiba kasoo dagaysay dhamaan Wax cashuur ahoo laga qaaday ma Jirto Qof Kasta Warqad Free Ah Ayuu Sitaa Oo ay Soo Saxeexeen Aggasimaha guud muaadinka Iyo Agaasimaha waaxda Kastamka Faysal Dheere Gaadhi Kasta iyo shay kasta oo yaalay dhamaan warqadaasa laguso Fasaxayaa Waa Boobkii Oo Ka Gaadhsiis Ah Labadaas Week Waxa La Lunsaday Hanti Kor Udhaafaysa Malaayiin dollars”. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhowaan lagu dhawaaqo guddiga doorashooyinka dalka, kaasi oo awood u yeela doona in doorashooyinka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu qabto. 18 qof ayaa la qorsheeyey in xubnaha guddiga ay noqdaan, kuwaas oo min afar xubnood la kala siinayo afarta beelood ee waaweyn, halka beesha 5-aad la siinayo labo xubnood. Labo kamid ah xubnaha ka imaanaya dowlad goboleed kasta waxaa soo magacaabeysa dowladda federaalka, halka dowlad goboleedka la qorsheeyey in labada kale uu soo magacaabo. Go’aanka kama dambeysta ah ee dhismaha guddigaas waxaa iska leh baarlamaanka federaalka oo ansixi doona markii lasoo magacaabo, kadibna waxay ku shaqeynayaan sharciyada doorashooyinka ee BFS uu ansixiyey. Jubbaland iyo Puntland oo diidan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ayaan la ogeyn sida ay suurtagal ku noqon doonto inay soo magacaabaan labo labada xubnood ee guddiga doorashooyinka qaranka ay ku yeela doonaan. Lama oga go’aanka ay qaada doonto dowladda federaalka, si loo soo dhiso guddi ay metelaad ku leeyihiin Puntland iyo Jubbaland oo diidan gabi ahaanba qaabka ay wax u socdaan. Axmed Madoobe oo ku gacan seyray go’aankii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kana baxay shirkii ay Muqdisho ku yeesheen ayaa berri qabsanaya doorasho la sii ogyahay inuu ku soo bixi doono. Dhankiisa Saciid Deni ayaa mar hore iska diiday inuu la shaqeeyo dowladda federaalka, waxayna Puntland horay u cadeysay in shuruucda doorashooyinka ee baarlamaanka federaalka uu ansixiyey aysan khuseyn reer Puntland.
-
Salaadiinta Beesha Subar Awal , siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM ayaa maanta booqasho , salaan iyo duco ugu yimid madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro . Waxaa ay alleh uga baryeen inuu masuulyada culus ee loo doortey u dhib yareeyo . Qaran News
-
Waxaa saacado ka hor Isbitaal magaalada Hargeysa ku yaalla ku geeriyooday wariye Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa saxafi rugcaddaa ah oo in ka badan 50 sano ku soo dhex jirey warbaahinta Soomaalida iyo midda caalamkaba. Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu sanadkii 1947-kii ku dhashay magaalada Sheekh, wuxuuna waxbarashadiisa aas-aasigaa iyo midda dugsiga sareba ku qaatay magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Soomaaliland. Sanadkii 1969-kii ayuu waxbarasho jaamacadeed u tagey dalka Ingiriiska, asagoo bartay cilmiga chemistry-ga, muddo yar ka dibna wuxuu shaqo ka helay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da oo xilligaas ahayd warbaahinta keliya ee ay Soomaalidu dhagaysan jirtay, markii laga reebo Radio muqdisho iyo Radio Hargeysa oo afka dowladda ku hadli jirey. Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu kamid ahaa wariyaashii ugu codka wanaagsanaa shaqaalaha BBC-da , ayadoo lagu jeclaa war akhrintiisa deggan iyo erayada xulka ah ee uu xogaha ku gudbin jirey. Cabdirasaaq wuxuu laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ka tagey sanadkii 2019, wuxuuna xilligaas wixii ka dambeeyay u dhexeeyay magaalooyinka London, Sheekh, iyo Hargeysa oo uu maanta ku geeriyooday. waxyaabaha lagu xusuusan doono wariye Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Sirad ayaa waxaa kamida in warqad warka ku qorani uu Af-ingiriis yahay uu toos Af-soomaali ugu akhrin jirey, asagoo sadarka uu akhrinayo midka ka dambeeya sii turjuman jirey intuu hawada ku jiro, sida uu sheegay madixii hore ee laanta Af-soomaaliga ee BBC-da Cabdullaahi Cabdi Shiikh oo ay muddo dheer wada shaqaynayeen. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Weriyihii weynaa ee BBC Somali Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad ayaa la xaqiijiyey in caawa uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida Weriye Cabdirisaaq, waxaana warbaahinta dowladda lagu baahiyey tacsida geeridiisa oo ka soo baxday wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ku xigeenkiisa iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo BBC ay ka soo wada shaqeeyeen ayaa kamid ah madaxda tacsida u dirtay qoyskii uu ka geeriyooday Weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad. Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu ahaa saxafi rug cadaa ah, waxa uu kasoo hawlgalay Idaacadaha Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa, sidoo kalena waxa uu mudo fog ka tirsanaa Idaacadda BBC, laanteeda afka Soomaaliga. Weriye Cabdirisaaq ayaa muddo dheer ka tirsanaa Idaacadda BBC, halkaas oo dadka Soomaaliyeed ay kala soca jireen, wuxuuna ka mid ahaa weriyaasha ugu tebinta wanaagsan. Waayihii dambe wuxuu ka fariistay shaqada saxaafadda, maadaama uu noqday nin da’ ah, wuxuuna ku noolaa magaalada Hargeysa oo ugu dambeyntii uu caawa ku geeriyooday. Berri iyo wixii ka dambeeya ayaa lagu wadaa in meydkiisa lagu aaso Hargeysa oo Isniintii lasoo dhaafay lagu aasay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.
-
Professor Samatar was campaigning on a platform to diversify a political system dominated by one clan. Hargeisa (PP Commentary) — According to a senior member of Waddani, the political party that won the Somaliland presidential elections, Dr Ahmed Samatar, a professor of International Studies at Macalester College, “painted a misleading portrait of Somaliland’s political system”. Professor Samatar claimed that various entities politically ganged up on the President of the Somaliland Administration, Muse Bihi Abdi. “Foreign money influenced the outcome of the election,” Professor Samatar said. Dr Samatar was campaigning on a platform to diversify a political system dominated by one clan. Hillaac, the political association he founded, unexpectedly underperformed in Awdal, his hometown, and failed to qualify for political party status. In contrast, Kaah, a political association founded by Mohamud Hashi, a former member of Kulmiye, the ruling party of the outgoing administration, managed to qualify for party status. Dr Samatar blamed disunity within the Awdal political class for Hillaac’s dismal performance. Today, Abdirashid Saleebaan, the Secretary of Waddani, accused the outgoing administration of indifference to the alleged embezzlement of public assets by government officials. The illegal employment of new civil servants and excessive government expenditure during the transition are two issues the Waddani Secretary emphasised in his press conference in Hargeisa earlier today. It is common for a new incoming administration in Hargeisa to face a hefty bill from companies that the outgoing government contracted to procure goods, build facilities or deliver services. There is no policy to impose a moratorium on employment and public spending during the election period before a new administration takes over. Professor Samatar might be nursing a political defeat, but his comments on the “rottenness” of Somaliland’s political system are not wide of the mark. Highlighting the absence of laws regulating campaign funds three weeks before the election, Abdulkadir Jirde, a senior member of Waddani, told a reporter in Hargeisa that the “ruling party uses public money for campaigning.” With Waddani now in power, the onus to clean up Somaliland politics lies with the President-elect of the Somaliland Administration. According to a senior member of Waddani, the political party that won the Somaliland presidential elections, Dr Ahmed Samatar, a professor of International Studies at Macalester College, painted a misleading portrait of Somaliland’s political system. Professor Samatar claimed that various entities politically ganged up on the President of the Somaliland Administration, Muse Bihi Abdi. “Foreign money influenced the outcome of the election,” Professor Samatar said. Dr Samatar was campaigning on a platform to diversify a political system dominated by one clan. Hillaac, the political association he founded, unexpectedly underperformed in Awdal, his hometown, and failed to qualify for political party status. In contrast, Kaah, a political association founded by Mohamud Hashi, a former member of Kulmiye, the ruling party of the outgoing administration, managed to qualify for party status. Dr Samatar blamed disunity within the Awdal political class for Hillaac’s dismal performance. Today, Abdirashid Saleebaan, the Secretary of Waddani, accused the outgoing administration of indifference to the embezzlement of public assets by government officials. The illegal employment of new civil servants and excessive government expenditure during the transition were two issues the Waddani Secretary emphasised in his press conference in Hargeisa earlier today. It is common for a new incoming administration to face a hefty bill from companies in Hargeisa that the outgoing government contracted to procure goods, build facilities, or deliver services. There is no policy to impose a moratorium on employment and public spending during the election period before a new administration takes over. Professor Samatar might be nursing a political defeat, but his comments on the “rottenness” of Somaliland’s political system are not wide of the mark. Highlighting the absence of laws regulating campaign funds three weeks before the election, Abdulkadir Jirde, a senior member of Waddani, told a reporter in Hargeisa that the “ruling party uses public money for campaigning.” With Waddani now in power, the onus to clean up Somaliland politics lies with the President-elect. © Puntland Post, 2024 The post Professor Ahmed Samatar Deplores “rottenness” of the Somaliland’s Political System appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah dib ugu furay xarunta kaydka wasaaradda arrimaha dibadda oo xirneed in ka badan 30 sano kaddib dagaalkii sokeeye. Tallaabadan muhiimka ah waxay caddeyneysaa sida wasaaraddu uga go’an tahay ilaalinta dhaxalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo horumarinta nidaamyada casriga ah ee maamulka xogaha taariikhiga ah. Ku-simaha xoghayaha joogtada ah, ahna agaasimaha waaxda Asia iyo Australia, Saciid Jaamac Mire ayaa uga mahad-celiyay wasiirka hoggaaminta uu ku soo nooleeyay kaydkan casriga ah. Keydkaan ayaa hadda loogu tala-galay in si ammaan ah loogu kaydiyo dukumentiyada muhiimka ah ee dowladeed. Danjire Dr. Maxamed Cawaale, agaasimaha waaxda xasuus-dhowrka ayaa xusay in xaruntan ay tahay tiir muhiim ah oo lagu ilaalinayo taariikhda Soomaaliya loona adeegsan karo cilmi-baaris iyo horumarinta diblomaasiyadda. Dib-u-furitaanka xarunta kaydka wasaaradda waa tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo howlaha arrimaha dibadda, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta xogaha taariikhiga ah iyo abuurista jawi ku saleysan cilmi-baaris iyo xog-ogaalnimo. Hindisahan wuxuu ka tarjumayaa aragtida Wasaaradda ee ku saleysan horumarinta diblomaasiyadda iyo ilaalinta dhaxalka qaranka si loo gaaro mustaqbal waara.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida in ka badan 20 qof oo saarnaa laba dooni oo ku qalibmay badda. Wasiirka arrimaha dibadda ayaa shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dhacdadan naxdinta leh oo ka dhacday meel u dhow Nosy Iranja ee dalka Madagascar. Wasiirka ayaa sheegay in laba doon ay ku qalibmeen badda, kuwaas oo ay saarnaayeen Soomaali badan. Doonta koowaad waxaa saarnaa 32 qof, halkaas oo 9 qof ku geeriyoodeen, halka doonta labaad ay sidday 38 rakaab ah, kuwaas oo 15 qof ku dhinteen. Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehelada dadka geeriyooday, isagoo sidoo kale Alle uga baryay caafimaad dhammaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa waxyeellada ka soo gaartay shilkan. Sidoo kale wasiirka ayaa wuxuu ballan-qaaday in dowladdu si dhow ula shaqeynayso hay’adaha ku habboon ee caalamiga ah si loo hubiyo badbaadinta iyo soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee badbaaday. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina si gaar ah u iftiimiyay qatarta tahriibka, isagoo ku dheeraaday halista nafeed ku gadaaman. Waxa uuna ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan halista galaan-galka badda iyo dhibaatooyinka ku xeeran tahriibka, si ay uga badbaadiyaan naftooda qatarta iyo dhibaatooyinka la xiriira safarrada sharci-darrada ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaad arkeysaa dhowr qof oo leh siyaasi hebel wuxuu daacad u yahay madaxweyne Xasan Sheekh, oo dartiis ayuu dad badan ula dagaalay, laakiin waxaa muuqata in la isku khaldayo daacadnimo iyo guul-wadeyn. Marka laga hadlaayo xukunka, guul-wadeynta iyo daacadnimada farqi weyn ayaa u dhaxeeya. Daacadnimadu waa inaad qofka wanaagga ku kaalmeysa, khaladka ka celisa, markii uu maqanyahay iyo markii uu kula joogana aad hal qof tahay, kana foggaata inaad qiyaanto, laakiin guu-wadeynta asalkeedu waa kalsooni daro. Guulwaduhu wuxuu ka shakisanyahay kalsoonida uu ku qabo qofka madaxda ah. Wuxuu warbaahinta ka caaya ama la dagaala maalin walba dadka kasoo horjeeda ninka xukunka heysta si uu ugu muujiyo inuu dartiis u dhimanayo. Guulwaduhu dal iyo dowlad uma shaqeeyo, dana kama lahan. Kaliya waxaa la weyn, oo uu nolashiisa ka dhex arkaa qofka xukuma. Waligiis daacad ma noqdo guul-waduhu ee waa fursad gaad. Maalintii uu arko fursad kale waa ka dhaqaajiya qofkii uu iskaga dhigayay inuu dartiis u dhiman karo, waliba isagoo awoodda burburin iyo ceebeyn intii hore ka badan inuu u geysto qofkii uu la jiray. Madaxda caaqiliinta ah waa fahamsanyihiin Guulwadaha, waligoodna ma aaminaan, si walba oo ay dartood dad ugu maaggan ama ugu camiran. Sababta ay madax badan oo rajo laga qabay u lumeen gunaanadkii waa Guulwadayaasha oo qofka madaxda ah gaarsiiya inuu aamino dalkaba inuu isagu ka muhiimsanyahay. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan leeyahay Guulwadayaal badan uma baahnid ee waxaad u baahantahay dad badan oo runta ku sheegi kara, si aad dhaxal wanaagsan uga tagto. W/Q: Abdullahi Osman Farah
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dable xoogga Cali Isaaq Cabdi, oo ahaa fura-hayihii hubka ciidanka ee ururka 184-aad, guutada 18-aad ee Gorgor ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda ciidanka. Ninkan ayaa marqaati ku furay seddex kamid ah ciidanka xoogga dalka iyo taliyahooda, oo loo haysto kiis xasaasi ah. Taliyaha iyo labada askari ayaa lagu soo eedeeyay in ay sameeyeen xatooyo ka dhan ah hubka ciidanka xoogga, oo qorya gaaraya 21, nooca G3-fal. Dable xoogga Cali Isaaq ayaa fashiliyay hubkii ka baxay keydka in qeyb kamid ah la gatay hubkii, kaasi oo la siistay lacag dhan 8 kun oo dollar. Intii dhageysiga maxkamadda socotay, guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Cali Shuute ayaa ku bogaadiyay Cali Isaaq gudashada uu gutay waajibkiisa. Shuute ayaa xafiiska xeer ilaalinta faray in ammaan iyo dalacsiin loo sameeyo askarigaan oo isagu sidii ugu habooneyd uga soo baxay shaqadii loo igmaday. “Cali waxaa u soo qortaan warqad ammaan ah iyo soo jeedin dallaacad ah, gudasha uu gutay waajiibkiisa awgeed,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada xoogga dalka. Gaashaanle Shuute ayaa intaas kusii daray “Cali Isaaq waa ku ammaan tahay guuleyso sida aad waajibkaaga u gudatay.” Gudashada waajib ee uu sameeyay dable xoogga Cali Isaaq Cabdi ayaa si weyn loo bogaadiyay, maadaama ay yar tahay marka la joogo Soomaaliya in la arko askari ka hor imaanaya sharci darro uu ku kacayo taliyihiisa.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQMKYMZ5aiA-CqwZDaUwQch6vSxntP-SK85Zgr1IhfpkbMJBhF8KT2nrfs0fn357ATopHxke9ciIHGJxxEsF2L16.mp4 Xubnaha kominshanka Doorashooyinka qaranka oo uu hogaaminaayo Gudoomiyahoodu ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu yimi Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro . Kominshanka iyo Madaxweynaha cusub ayaa iska xaal wareystay shaqadii cusleyd ee doorashooyinkii ay dhawaan dalka ka qabteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Madaxweynaha cusub ee JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kominshanka Doorashooyinka ku aamanay,isla markaana ku bogaadiyey inay dalka ka hir geliyeen doorashooyin Somaliland sumcad weyn u soo jiiday. Xubnaha gudiga doorashooyinka qaranka ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Qaran News
-
Abdirashid Saleebaan: ”It has come to our attention that certain officials of the outgoing government have kept state vehicles in their houses. Number plates of vehicles have been illegally altered.” Hargeisa (PP News Desk) — The Secretary of the Waddani Party, Abdirashid Saleebaan, urged the outgoing Somaliland administration to rein in officials misappropriating public resources. In a press conference held at the party headquarters, Mr Saleebaan called for strict adherence to rules to prevent embezzlement and other forms of corruption during the transition period before the new administration takes over. “It has come to our attention that certain officials of the outgoing government have kept state vehicles in their houses. Number plates of vehicles have been illegally altered. Other illegal measures include the employment of new staff and the unauthorised transfer of funds from government accounts,” said Mr Saleebaan. The disclosure of the alleged irregularities comes to light one day after the President-elect of Somaliland, Abdirahman Abdullahi, met the outgoing President, Muse Bihi Abdi, who promised a smooth transfer of power to the new administration. “I commend the officials who adhered to the rules to protect government assets,” said Mr Saleebaan. The new administration plans to carry out an audit of government assets and civil servants to ensure it does not inherit a bloated bureaucracy. The outgoing Somaliland administration has not yet responded to the allegations made by the incoming administration. © Puntland Post, 2024 The post Waddani Party Alleges Misuse of Public Resources by Outgoing Somaliland Administration Officials appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shalay kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay hindisaha xeerka doorashooyinka qaranka. Illaa 169 Xildhibaan ayaa la sheegay inay ogolaatay xeerkan, waxaana diiday laba mudane, halka uu ka aamusay hal xildhibaan, sida uu markaas sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada codeynta oo aheyd gacan-taag. Tallaabadan uu qaaday baarlamaanka ayaa waxaa ka dhalatay falcelin xooggan, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen “wax aan socon doonin oo horey loo soo tijaabiyay”. Labada gole ayaa horey u meel-mariyay xeerka dhismaha ururada iyo xisbyada iyo sidoo kale xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha. Dhammaan tallaabooyinkan ayaa la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ee ay horkaceyso Villa Somalia, kaas oo dhaliyay xiisad siyaasadeed xoogleh, iyadoo diidan maamullada Jubbaland iyo Puntland, halka meel adag ay iska taageen xubnaha mucaaradka oo u arka qorshahaan mid muddo kororsi ku rabo madaxweyne Xasan Sheekh. Haddaba, sidee looga fal-celiyay? Cusmaan Maxamed: “Xildhibaanada way dadaalayaan, waajibaadkoodana waa ay gudanayan laakiin qof iyo cod waddankan kama soo dhowee illahay hana gaarsiiyo.” “Hadda ka hor wakhtigii Farmaajo ayaa baarlamaanka federaalku ansixiyeen xeerarka doorashooyinka laakiin may shaqeyn hadeer maxay uuga duwan tahay waxaynu soo marnay,” ayuu yiri Khadar Ismaaciil. Farxaan Axmed: “Deni iyo Axmed waa ka guuleystay Xasan haddii sharciyadii doorashooyinka la ansixiyay guul iyo gobonimo, codkeena baan ku ciil baxaynaa, kii wax inoo qaban waayana waan iska eryaynaa.” Xasan Waddani ayaa sidoo kale wuxuu yiri “Mudane guddoomiye kooram ma dhameystirna, sidee ku ansixiseen xeerka doorashooyinka qaranka?.” “Doorasho qof iyo cod ayuu dalka aaday meeshi 300 xildhibaan codayn jirtay waxaa codeynaya 3 milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah, guul Somalia,” ayuu yiri Cabdinaciim Daacad. “Xildhibanada 169 iyo 177 ma dhaafan miyaa mise meesha waxba ma yaallo, waddamada C6 waxan waa diideyn halkee loo wadaa Xasanow,” ayuu yiri Cabdullaahi oo ka fal-celiyay tallaabada uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya. Cusmaan Xaaji Cali: “Ansaxdaan xadka dhaaftay xagee laga fulin rabaa waa la is ogyahay ee waddanka halkuu kala marayo.” Xasan Kaafi: “Bal beentay noogu sheekaynayan day boqolaalkii xildhibaan ee mucaaradka ahaa ee diidanaa doorashada gacan ku samayskaa oo ay ugu horeyaan xildhibaanada Jubbaland, xildhibaanada Puntland, xildhibaanada Koonfur Galbeed, aaway meel ku sheega?”. “Xildhibaanow xaal qaado waa rag intii meesha lagu xareeyo warqad Xasan gurigiisa kasoo saarayo hor dhigayo,” ayuu yiri Yaasiin Xaaji Ismaaciil. Ciise: “Xasan Sheekh intuu kuwaan waqtiga isga lumin laha waxa u dhaanto shaqadiisa kale inuu ka raacdo ileen wax socon rabo maahan, wala wada og yahay halkey ku dambeyn doonto.”
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dadaallo lagu doonayo in dalka dib loogu soo celiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay biyaha dalka Jasiiradda Madagascar. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daud Aweis, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa faahfaahin ka bixiyay masiibadaas, isaga oo tacsi u diray qoysaska 22-kii ruux ee ku naf waayay dhacdadan. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in 48 qof oo kale la soo badbaadiyay, kuwaas oo haatan ay gacanta ku hayaan mas’uuliyiinta Dowladda Madagascar. Mudane Daud Aweis ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay si dhow ula shaqeyneyso hay’adaha caalamiga ah iyo Dowladda Madagascar si loo fududeeyo soo celinta muwaadiniintaas. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nolosha iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan xaaladaha halista ah ee ka baxsan dalka. Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku bogaadiyay Dowladda Madagascar doorka ay ka qaadatay badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto xiriirada lagu hubinayo in dadkaasi si nabad ah loogu soo celiyo dalkooda hooyo. Source: goobjoog.com