-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay dalka Jabuuti, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu martiqaad ka helay dhiigiisa dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna joogi doonaa muddo hal cisho ah. Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka, sida lagu sheegay qoraalka. Sidoo kale inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah. Safarka madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin uu maalmahan waday, waxaana socdaalkiisii ugu dambeeyay uu dhowaan ku tegay waddanka Eritrea. Ujeedka ugu wayn ee safarkan ayaa daaran xaaladda ay wajaheyso Soomaaliya, sida arrinta Itoobiya iyo sidoo kale beddalka howlgalka ATMIS oo dhacayo sanadka cusub. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid diblumaasiyadeed oo ka dhalatay heshiiskii badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka. Inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar hal maalin ah ku tegey dalka Jabuuti. Qoraal ka soo baxay Madaxyooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ee caasimadds Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in labada Madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka. “Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia. “Inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah” ayuu sii raaciyay Qoraalkaasi. Safarka Madaxweynaha ee Jabuuti ayaa imaanaya maalmo kaddib markii uu ka soo noqday Safarkiisi dalka Eritrea oo aysan xiriir wanaagsan lahayn waddanka Jabuuti. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada-hadlaya danaha Wadaaga ah ee labada dal iyo Arrimaha Gobolka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib markii nin hubeysan uu gowracay xaaskiisa. Ninka eedeysanaha ah ee loo haysto falka ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan, wuxuuna nafta dhaafiyay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Fowsiyo, taas oo ahayd hooyada 5 carruur ah. Goobjooge la hadlay Telefishinka Universal ayaa ka warbixiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay inay salka ku hayso hinaaso darteed, ama maseer uu qaaday ninka “Xaafaddan waxaa ka dhacday arrin la yaab leh cid gurigan daganeyd odeygeedii baa wuxuu sameeyay islaantiisii buu nafta dhaafiyay, wuuna bireeyay” ayuu yiri goobjoogaha. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray eedeysanaha gacanta lagu dhigay, isaga oo weli ku sugan guriga uu dilka ka gaystay oo ku yaalla agagaarka xarunta Baambeyda. “Gabadha maydkeeda waxaa loo qaaday C.I.D, isagiina ma cararin, meelna ma aadin wuxuu sameeyay markii arrinta la ogaaday buu yiri gabadhii maydkeedii qolkan ayuu ku jiraa” ayuu sii raaciyay. Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhashay muranada qoyska ayaa indhowaanahan kusoo badanayay magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah dalka.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa. Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo dhowaan la magacaabay iyo sidoo kale xubno ka tirsan Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana ugu horeyn garsoore ka tirsan maxkamada sare ee dalka uu kulanka ku dhaariyay xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada iyo sidoo kale xubnaha ka tirsan Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Dhinaca kale kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay colaad beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada dalka, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xiligan dhiiga muwaadiniin Soomaaliyeed aano qabiil loo daadiyo, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo. Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha ay quseyso in dadka walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wada hadalka lagu dhameeyo. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa mar kale Ibrahim Aadan Ali Najah u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose. Tan ayaa noqoneysa markii afaraad oo uu xilkan qabto. Magacaabista Najah ayaa lagu dhawaaqay kadib markii digreeto rasmi ah ay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Ibrahim Aadan Ali Najah ayaa horey uga soo shaqeeyay gobolka, isaga oo caan ku ah dadaalladiisa ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga. Magacaabista ayaa timid xilli Gobolka Shabeellaha Hoose uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin amni-darro iyo adeegyo bulsho oo u baahan dib-u-habeyn. Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dhacdadii foosha xumeyed ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii lagu dilay 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka, sababo la xiriira aano qabiil darteed. Wasaaradda arrimaha gudaha HirShabelle oo wargeegto soo saartay ayaa shaqada ka fariisisay guddoomiyihii Ceel Baraf, Yuusuf Xasan Xuurshow oo loo haysto falkaasi. Wasiirka arrimaha gudaha gudaha HirShabelle Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay in guddoomiyaha laga shakiyay, isla markaana ay ku socoto baaris la xiriirta dhacdadaasi. “Qofka hadii laga shakiyo shaqada dowladda masii wadi karo, guddoomiyaha Ceel Baraf dilkii Askarta ayaa looga shakiyey, ilaa baaris amni uu ka maraayana shaqada waa laga joojiyey” ayuu yiri Wasiir Cabdi Daahir Guure (Karoore). Wararka ayaa intaasi kusii daraya in guddoomiyaha xabsiga la dhigay, kadib markii ay soo qabteen ciidamo ka tirsan kuwa HirShabelle oo baaris ku haya sida ay wax u dhaceen. Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.
-
Mogadishu (HOL) —Three Somali men have been recognized in New African magazine’s annual list of the 100 most influential Africans of 2024. The prestigious list, which celebrates individuals making transformative contributions to the continent, includes a celebrated Somali filmmaker and two prominent climate advocates from Kenya. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay go’aanka Soomaaliya ee ciidanka looga reebay howlgalka cusub ee AUSSOM oo sanadka cusub ka bilaaban doonto gudaha dalka, kaas oo ay meel-mariyeen golaha ammaanka QM. Wakiil u hadlay Itoobiya aya shaaca ka qaaday in garab istaagi doonaan Soomaaliya, isaga oo qirray in sanadihii lasoo dhaafay isbaddel weyn kusoo kordhay dhanka ammaanka, wuxuuna tilmaamay in doorkeeda ay ka qaadan doonno dhinac istaagga horumarkaas. Itoobiya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadeeda muddada dheer ee ay joogeen dalka ay naftooda u hureen nabadda Soomaaliya, welina ay sii wadi doonaan garab istaagooda. “Itoobiya oo ay wehliyaan Dalalka safka hore waxa ay hormuud ka ahayd taageerrada amniga Soomaaliya, si loo dhiso hay’adaha dowladeed si ay u qaataan mas’uuliyadda, waxa aan bixinay naf hurnimadii ugu qaalisaneyd iyada oo aan taageerro ka heleyno Bulshada Caalamka” ayuu yiri wakiilka u hadlay dowladda Itoobiya. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in horumar wayn la gaaray sanadihii u dambeeyay, kadib guullo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay halis ku yihiin amniga gobolka, “Wiilashada Itoobiya oo ay garab socdaan saaxiibadood Qaaradda waxa ay si dhab ah uga qayb qaateen xasilinta Soomaaliya, Sanadihii lasoo dhaafay waxa aan aragnay horumar dhiirragelin ka muuqato” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa kale oo uu yiri “Waxa aan rajeyneynaa in lasii wado horumarkaas iyada oo si wadajir ah loo wada gaarayo loogana wada shaqeynayo, waxa aan aaminsanahay in si daacadnimo ku dheehan tahay in lagu gaari karo hadafka ah la dagaalanka Argagixisada, Itoobiya waxa ay diyaar u tahay doorkeeda uga aaddan howlalka xiga ATMIS”. Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeyso xurguf xooggan oo ka dhalatay heshisikii badda, inkastoo ay haatan ay labada dal usocdaan wada-hadallo hadanne sidaas oo ay tahay Soomaaliya ayaa ku adkeysatay go’aanka lagu reebay ciidanka Itoobiya.
-
Golaha ammaanka qaramada midoobey ayaa saacado ka hor ansixiyay howlgalka cusub ee AUSSOM, kaas oo badeli doona kumanaanka askari ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuna midaysan magaca ATMIS, kuwaas oo shaqadoodu ay ku egtahay 31-ka bishan December. Intii uu socday kulanka lagu ansixinayay howlgalkan cusub dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay dalabkeedii ahaa in ciidamada Itoobiya aanay u qalmin inay dalka sii joogaan ama xoogagga cusub ee Soomaaliya imaanaya ay kamid noqdaan, maadaama hab-dhaqankoodu aanu la jaanqaadi karin danta JFS. Golaha ammaanku si buuxda ayuu u tixgeliyay rabitaanka dowladda Soomaaliya, Itoobiyana si rasmi ah ayaa looga reebay howlgalka, balse wakiilladii Addisa ababa kulanka ku matalayay waxay sheegeen in Soomaaliya aanay weligeed xasili doonin ayaga la’aantood. Waxay intaa ku dareen in Soomaaliya ay food ku soo hayaan mowjado qulqulatooyin ah oo jilba u dhigi doona dowladnimada beesha caalamku ay ku tiir iyo tacab beeshay ee sanadaha badan la yabyabayay, islamarkaana qaranimada Soomaaliya waqti dhow lays weydiin doono. Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay in kooxda Al-shabaab ay hadda aad u soo xoogaysanayso oo ay dhul cusub qabsanayso, taas oo ah mid ka durugsan xaqiiqda taalla fagaaraha muuqda. Inkastoo taliska ilaalinta deriska wanaagga iyo ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah ka arradan ee Abii Axmed ku guuldarraystay meelmarinta damiciisii ahaa in ciidankiisu sii joogaan dalkan ay luggooyada ku yihiin, haddana hadalka Addis ababa waa farriin xambaarsan xasrado ay damacsanyihiin inay Soomaaliya ka oogaan. Lama ogga sida arrintani ay u saamaynayso heshiiskii Ankara, kaas oo labada dal ay hoos ugu dhigeen xiisaddii ku dhowaad sanadka ka dhex aloosnayd, balse dhinaca Addis ababa ku biirista howlgalka cusubi ahmiyad gaar ah ayuu u lahaa, sida ay ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen. Ciidanka Itoobiya waxay Soomaaliya tobanaan sano ku joogeen magaca nabad ilaalin aan qorshohooda ku jirin in lagu guulaysto, waxayna xeeldheereyaashu qabaan in dhib kastoo Soomaaliya ka dhacay ay Itoobiya gadaal ka taagnayd laga soo billaabo jabhadihii ay soo hubaysay ee dalka burburiyay 1991-kii. Si kastaba ha ahaatee Itoobiya oo xuduud la leh dhammaan dowlad goboleedyada, islamarkaana kumanaan askari oo sharci darro ah iyo dublumaasiyiin maamullada dalka gaar ula macaamilaahi ay Soomaaliya u joogaan ayaa wax walba u huraysa sidii ay dowlad dhiska Soomaaliya u cuuryaamin lahayd, dowladda Soomaaliyana waxaa laga sugayaa inay qorshe ka yeelato hagardaamooyinka Addis ababa ay maleegayso. Source: goobjoog.com
-
President Hassan Sheikh Mohamud has once again demonstrated why he is a formidable leader and ahead in the region’s diplomatic game. When Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed signed a Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, some people thought it was a done deal. But by the time Abiy showed up in Ankara, that agreement was as good as dead. The president didn’t just outsmart Abiy, he backed him into a corner and made him walk away from his own mess. Source: Hiiraan Online
-
La-taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee amniga qaranka , Xuseen Macallin ayaa sheegay in aysan jirin wax go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray dalalka ka mid noqonaya hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya. La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya lee dahay sharciyadda go’aan ka gaarista dalalka kamid noqonaya hawlgalka cusub ee Nabad-ilaalinta ee Soomaaliya ee AUSSOM kaasi oo bilaaban doona dhammaadka sannadkani. “Dowladda Soomaaliya waxay leedahay sharciyada ay ku go’aamiso dalalka ka qaybgalaya howlgalka AUSSOM… Go’aanka ayaa dhawaan lagu dhawaaqi doonaa, isagoo la waafajinayo mudnaanta qarankeenna— ruuxda baaqa Ankara waa mid xooggan oo weli nool” ayuu yiri Xuseen Macallin. Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu si rasmi ah u ansixiyay hawlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS. Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Ingiriiska, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka uu ka aamusay Mareykanka oo shir-guddoominayay Fadhiga sababo la xiriira walaacyo ku saabsan Maalgelinta. Halkaan ka akhriso hadalka La-taliyaha PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shacisay in aan go’aan kama danbays ah laga gaarin dalalka kamid noqonaya Hawlgalka AUSSOM appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo dhabarjeedin, bahdil, iyo caqabado kala kulan tahay dhinacyo badan, musuqmaasuqa xarkaha goostay iyo khilaafaadka gaaray dagaal iyo kala irdhow, waxay shirkii Ankara ku aqbashay in Siyaasadda Soomaaliya ku tiirsanaato, laga hago Addis Ababa, Ethiopia. Khudbaddii Madaxweyne Xassan ka jeediyay Shirka Ankara waxay beenisay, tirtirtay dhammaan dareengelintii wadanninimo iyo iska difaaca dhul boobka, gardarrada, iyo cadowtinnimada qotadadheer ee Ethiopia u hayso Soomaaliya. DFS kama kasbay wax maslaxad ama faa’ido ah heshiiskii Ankara. Waxaa halis ku jira difaaca gobannimada, madaxbannanida iyo Midnimada Soomaaaliya. Source: Hiiraan Online
-
The United Nations Security Council authorized an African Union stabilisation and support mission in Somalia – known as AUSSOM – on Friday that will replace a larger AU anti-terrorism operation from Jan. 1, 2025. Somalia’s security has been underwritten by foreign resources since Ethiopia invaded in 2006, toppling an Islamist-led administration but galvanising an insurgency that has since killed tens of thousands of people. The European Union and United States, the top funders of AU forces in Somalia, wanted to reduce the number of AU peacekeepers due to concerns about long-term financing and sustainability, sources told Reuters in June. Negotiations about the new force had proven complicated, they said. The United States abstained from the U.N. Security Council vote on Friday over its funding concerns. The remaining 14 council members voted for the resolution. Source: Reuters The post UN Security Council authorizes new Somalia peacekeeping mission appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo laba jeer dalka ka soo noqdey ra’iisal wasaare, ayaa muddo dheer kaidb ka hadley arrimaha siyaasadda ee dalka kadib markii uu ka aamusnaa 6-dii bilood ee u danbeysey oo ay dalka ka dhaceen isbeddelo waaweyn. Sharmaarke ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, ku tilmaamey isbeddaladii waaweynaa ee dhacaayey sanadkan 2024, sida dastuurka oo la beddelo, dhisidda guddiyo u baahnaa wadatashi, dagaalo lagu qaado dowlad goboleedyada, doorashooyinkii dowlad goboleedyada oo la qaban waayo marka laga reebo Puntland, doorashooyin la boobo, qaar kamid ah madaxdii dowlad goboleedyada oo maxkamad u jarto waaran in la soo xiro, ciidamadii xooga dalka oo Kenya u talaabey kadib markii arrimo siyaasadeed lagu dagaalamay, in ay ahaayeen khadad cas oo la jiiray. “Waxaa laga talaabsadey khadad badan oo lama taabtaan ah sanadkan 2024, kuwaas oo abuuray xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo dalka oo dhan ah. Marna kama adkaan karno fakhriga mana wajihi karno khataraha dibadda ka yimaada haddii aan la helin isku duubni gudaha. Allaah bulshadeena ha ku hanuuniyo xasiloonida & isku duubnida siyaasadeed 2025 & wixii ka dambeeya.” Qoraalkan oo u muuqda mid uu dib ugu furaayo doodihisi siyaasadeed ayuu ku soo aadiyey dhamaadka sanadkan 2024. Cumar Cabdirashiid ayaa si joogto ah uga hadli jirey isbeddalada siyaasadeed iyo khataraha dalku wajahayo, waxaana uu bixin jirey talooyin, waxaana hadda muuqata in uu mar kale dib ugu soo laabtey fagaarayaasha siyaasaddsa.
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Mudane Abdi Dahir Guure Karoore, ayaa maanta ku dhawaaqay shaqo joojin rasmi ah oo lagu sameeyay Guddoomiyihii Degmada Ceelbaraf, Yuusuf Xasan Xuurshoow. Go’aankan ayaa yimid kadib qiimeyn dheer oo lagu sameeyay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday degmadaas ee lagu dilay Askar ka tirsaneyd ciidanka dalka. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku dhawaaqay in Yuusuf Xasan Xuurshoow uu si ku meel gaar ah uga joojiyay xilka Guddoomiyaha Degmada Ceelbaraf. Wasiirka ayaa sheegay in talaabooyinkan ay muhiim u yihiin sugidda amniga, ilaalinta sharafka ciidanka, iyo soo celinta kalsoonida dadweynaha ee maamulka deegaanka. Dowladda Hirshabelle waxay mar kale xaqiijisay inaysan marnaba aqbali doonin waxyeelada amniga iyo nolosha dadka ku nool deegaannadeeda. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Rotana, the internationally renowned hotel management company, has announced plans to construct the first five-star hotel in Somalia, marking a major economic and urban development milestone. Source: Hiiraan Online
-
KAMPALA, Uganda — Somalia’s U-17 football team celebrated a dramatic 4-2 penalty shootout victory over South Sudan on Friday, clinching third place in the CECAFA qualifiers for the 2025 Africa Cup of Nations (AFCON). The thrilling encounter at Nakivubo Hamz Stadium ended 2-2 after regular time, showcasing the resilience and determination of the Somali side. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — The United Nations Security Council has approved the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), marking a shift in Somalia's security landscape as the country takes greater control over its stability. Resolution 2767 (2024), adopted with 14 votes in favour and one abstention by the United States, replaces the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). This new mission is set to begin in January 2025, with operations concluding by June 2025. Source: Hiiraan Online
-
Dayax-gacmeed ay NASA leedahay ayaa taariikh cusub sameeyay kadib markii uu ku dhiirraday isku daygii ugu dhawaa ee waligiis loo sameeyo in loogu dhowaado qorraxda. Saynisyahannadu waxay heleen farriinta dayax-gacmeedka Parker Solar Probe xilli fiid ah Khamiistii (11:00 habeenimo saacadda Washington, oo u dhiganta 05:00 GMT Jimcaha), ka dib markii uu maalmihii la soo dhaafay ka maqnaa isgaarsiinta intii uu ku jiray marinkiisii kululaaa ee ugu dhowaanayey qorraxda. NASA waxay sheegtay in dayax-gacmeedku “badqabo” oo uu si caadi ah u shaqeynayo ka dib markii uu maray masaafo dhan 3.8 milyan mayl (6.1 milyan km) oo u jirta wareegga sare ee qorraxda Dayax-gacmeedku wuxuu galay jawiga sare ee qorraxda maalintii Kirismaska, isagoo u adkaystay heerkul daran iyo shucaac halis ah, si uu u kobciyo fahamka cilmiyeed ee ku saabsan sida qorraxda u shaqeyso. NASA waxay markaas sugaysay si welwel leh farriinta dayax-gacmeedka, taas oo la filayay in la helo 05:00 GMT, 28-kii Disembar. Dayax-gacmeedku, oo ku socda xawaare dhan ilaa 430,000 mayl saacadii ama (692,000 kiiloo mitir saacadiiba), ayaa la kulmay heerkul gaaraya ilaa 1,800F (980C), sida lagu sheegay bogga NASA. “Barashadan dhow ee Qorraxda waxay u oggolaanaysaa Parker Solar Probe inuu sameeyo cabbiraado ka caawinaya saynisyahannada inay si wanaagsan u fahmaan sida maaddooyinka ku jira aaggaas ay u gaari karaan heerkul ahaan ilaa malaayiin darajo, raadraacaana asal ahaan dabaysha qorraxda (oo ah maado qulqul joogto ah oo ka baxaya Qorraxda), iyo in ay ogaadaan sida qaybaha tamarta badan leh loo gaarsiiyo xawaaraha u dhow kan iftiinka,” ayay tidhi hay’adda. Dr. Nicola Fox, madaxa cilmiga sayniska ee NASA, ayaa hore ugu sheegtay BBC-da “Qarniyaal badan, dadku waxay baranayeen Qorraxda, laakiin ma dareemaysid jawiga meel ilaa aad dhab ahaantii u tagto oo aad booqato. “Sidaas darteed, ma dhadhamin karno jawiga xiddigeenna ilaa aan dhex duulno.” Xigashada Sawirka,NASA Qoraalka sawirka,Dayax-gacmeedka ayaa dul maray aag cimileedka sare ee qoraxda. Dayax-gacmeedka Parker Solar Probe ayaa shaaca laga qaaday sanadkii 2018, isagoo u jihaystay bartamaha nidaamkeenna qoraxda. Waxa uu hore ugu dhawaaday Qorraxda 21 jeer, isagoo markasta kusii dhawaanaayay, balse booqashadan ciidda Kirismaska waxay ahayd tii ugu rikoodh jabinta badnayd. Markii ugu dhaweyd, dayax-gacmeedku wuxuu masaafo dhan 3.8 milyan mayl (6.1 milyan km) u jiray dusha sare ee Qorraxda. Inkastoo masaafadaasi aysan u muuqan mid aad u dhaw, Dr. Fox ayaa arrinta u muujisay si fudud: “Waxaan 93 milyan mayl u jirnaa Qorraxda, marka haddii aan Qorraxda iyo Dhulka hal mitir isugu keeno, Parker Solar Probe wuxuu 4cm u jiraa Qorraxda – taasna waa inuu u dhawaaday.” Dayax-gacmeedku wuxuu la kulmay heerkul gaaraya 1,400C iyo shucaac awood u lahaa inuu burburiyo qalabka elektarooniga ah ee saarnaa. Waxaase uu ku badbaaday gaashaan dhumucdiisu ahayd 11.5cm (4.5 inch) oo laga sameeyay walxo kaarboon ah, hase yeeshee xeeladdiisu waxay ahayd inuu si degdeg ah u galo una baxo. Runtii, dayax-gacmeedku wuxuu u dhaqaaqay si ka dheeraysa wax kasta oo ay dadku farsameeyeen, isagoo ku socday 430,000 mayl saacadiiba – taas oo u dhiganta inaad London ilaa New York ku tagto wax ka yar 30 ilbiriqsi. Xigashada Sawirka,NASA Qoraalka sawirka,Parker Solar Probe Maxaa keenay dadaalkan oo dhan si loo “taabto” Qorraxda? Saynisyahannadu waxay rejeynayaan in qalabkan hawada sare ku socda uu ku dul maro jawiga sare xidigaheenna – koroonaha – uu soo ururiyo xogta xallin karta halxiraalaha muddo dheer jiray. “Koroonaha aad ayuu u kulul yahay, mana garanayno sababta,” ayay tiri Dr. Jenifer Millard, oo ah cirbixiyeen ka tirsan Fifth Star Labs ee Wales. “Dusha Qorraxda waxay heerkulkeedu gaarayaa ku dhawaad 6,000C, laakiin koroonaha, oo ah jawigan dabacsan ee dibadda ee aad arki karto inta lagu jiro qorrax-madoobaadka, wuxuu gaarayaa malaayiin darajo – taasoo ka sii fog Qorraxda. Haddaba, sidee buu jawigaasi u kululaadaa?” Hawlgalkani wuxuu sidoo kale ka caawin karaa saynisyahannada inay si fiican u fahmaan dabaysha qorraxda – oo ah qulqulka joogtada ah ee walxaha korontaysan (danabaysan) ee ka soo burqanaya koroonaha. Marka walxahani ku falgalaan goobta magnetka ee dhulka, cirka waxaa kasoo muuqda iftiin qurux badan oo loo yaqaan aurora. Laakiin cimilada hawada bannaan ee aadka nooga sarraysa ee loo yaqaan “space weather” waxay sidoo kale sababi kartaa dhibaatooyin, sida in ay curyaamiso nidaamyada korontada, elektarooniga, iyo nidaamyada isgaarsiinta. “Fahamka Qorraxda, dhaqdhaqaaqeeda, cimilada hawada bannaan, iyo dabaysha qorraxda aad ayuu muhiim ugu yahay nolol-maalmeedkeenna Dhulka,” ayay tiri Dr. Millard. Xigashada Sawirka,PA Media Qoraalka sawirka,Muuqaalada cajiibka ah ee koonkan ee dhulka ka dhaca waxaa sababa dabaylaha qoraxda. Saynisyahannada NASA waxay wajahayeen sugitaan walaac leh xilliga Ciidda Masiixiga iyadoo dayax-gacmeedku xidhiidhka uu la leeyahay dhulka uu go’naa. Dr. Fox waxay filaysay in kooxda ay u soo diraan farriin sheegaysa in dayax-gacmeedku uu nabdoon yahay. Waxay hore u qiratay inay ka walwalsan tahay isku-dayga geesinimada leh, balse waxay kalsooni ku qabtay dayax-gacmeedka. “Waan ka walwali doonaa dayax-gacmeedka. Laakiin dhab ahaantii waxaan u qaabaynay si uu ugu adkeysto dhammaan xaaladaha adag ee sii adag. Waa dayax-gacmeed yar oo aad u adag Bbcsomali Qaran News
-
Dagaal ayaa ka socda deegaanka Jiicbor ee gobolka Mudug sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ee halkaasi ku sugan. Dagaalka ayaa ka bilowday dhul daaqsimeed muran xooggan uu ka taagan yahay. Isbuucii hore ayaa sidoo kale deegaankaan waxaa ka dhacay dagaal sababay khasaare kala duwan. Dagaalka oo u dhaxeeya laba beelood oo wada dega halkaasi ayaa sababay khasaare xooggan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray labada dhinac, inkastoo tirakoob rasmi ah wali la helin. Sidoo kale, hanti badan ayaa la burburiyey, halka qoysas badan ay ku khasbanaadeen inay guryahooda ka barakacaan sababo la xiriira cabsi dagaalka sii socda. Deegaanka Jiicbor ayaa muddo dheer ahaa goob lagu muransan yahay, waxaana colaaddan cusub ay baqdin gelisay dadka deegaanka ee nabadda jecel. Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ku fashilmay in ay hakiyaan dagaalkaan oo heshiis dhex dhigaan beellaha dagaallamaya. Source: goobjoog.com