Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ceelbaraf (Caasimada Online) – Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo baxday gobolka Shabeellada Dhexe una socotay gobolka Hiiraan ayaa galabta lagu laayey aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Ilaa 7 askari iyo darawalkii waday gaari ay la socdeen ayaa la dilay, waxaana badbaaday hal askari oo goobta ka baxsaday, sida ay Caasimada Online u sheegeen goobjoogayaal ku sugan Ceelbaraf. Askarta la laayey ayaa u fasax qaatay inay soo booqdaan reerahoodii oo degan gobolka Hiiraan, basle maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa jidka u galay, kuwaas oo hal goob ku dilay dhamaantood, markii laga reebo hal askari oo si naadir ah ku baxsaday. Deegaanka uu falkaan ka dhacay ee Ceelbaraf ayaa u dhow xuduudda gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle, halkaas oo muddo dheer ay ka taagneed xiisad colaadeed. Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa ku dagaalama aaggaas, askarta maanta la laayey ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan beesha Xawaadle, waxaana maleeshiyaadka jidka u galay la aaminsan yahay inay ka soo jeedaan Abgaal. Xaaladda deegaanka uu falkaan ka dhacay ee Ceelbaraf ayaa caawa aad u kacsan, waxaana aad looga naxay falka ay geysteen maleeshiyaadka jidka u galay askar soo gudatay waajib qaran oo fasax u qaatay inay soo booqdaan reerahoodii. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa loo diray aaggii uu falkaas ka dhacay, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan HirShabeelle ayaa lagu wadaa inay tagaan Ceelbaraf, si la isaga warsado wixii dhacay. Sidaan oo kale ayaa sanad iyo dhowr bilood ka hor aagga Ceelbaraf loogu laayey askar la socotay gaari shacab, kuwaas oo ka tirsanaa Danab militeriga Soomaaliya, waxaana falkaas looga naxay si lamid ah kan maanta dhacay. Maleeshiyaadka beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa iska ugaarsada xuduuda labada gobolka, HirShabeelle iyo dowladda federaalka ayaa xal u waayey dagaalka beelahaas, mararka qaar waxaa dhaca dagaallo toos ah oo dad badan ay isaga laayaan.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha dalka. Guddigan oo uu hogaaminaayay guddoomiyaha guddigga Cabdikariin Axmed Xasan ayaa waxa uu maamulka gobolka Banaadir usoo bandhigay himilooyinka iyo ahdaafta siyaasadeed oo uu ka leeyahay doorashooyinka dalka. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diirada loogu saaray doorashooyin toos ah oo ka dhaca caasimadda Muqdisho iyo doorka uu maamulka gobolka Banaadir ka qaadanaayo doorashooyinka dowladdaha hoose. Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay diyaar garowga maamulka gobolka ee dhinaca wacyigelinta bulshada, ka gacan siinta guddiga ee goobaha diiwaangelinta, goobaha codbixinta, iyo in guddiga laga gacan siiyo dhamaan hanaanka diyaarinta kheyraadka ee doorashada ku qabsoomi karto. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa guddiga u xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa iyo ka mira-dhalinta ajandayaasha iyo qorshaha doorashooyinka dalka, si gobolka Banaadir ay ugu dhacdo doorasho qof iyo cod, taasi oo qeyb ka ah qorshayaashiisa hortabinta u leh, asigoona guddiga u cadeeyay in uu ka taageeri doonno dhinac weliba. Ugu danbeyn guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha ayaa boogaadiyay hanaanka diyaar-garowga maamulka gobolka Banaadir ee ku aadan in doorasho qof iyo cod ee ka dhacdo caasimada dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddooyinkii ugu danbeeyay ay wadeen la-tashiyo bulsho, kulankaanna uu yahay kii ugu horeeyay oo ay la yeeshaan mid ka mid ah maamulada dalka. Hoos ka daawo muuqaalka
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa u dirtay wafdi si loo sii amba-qaado heshiiskii lagu gaaray magaalada Ankara ee Itoobiya u fasaxayay inay gaarto biyaha Soomaaliya. Cidda badda raadineysa waa Itoobiya, laakiin cidda safreysa ee tegayda Addis Ababa ee leh hawshii aan dhameyno waa Soomaaliya. Ninka badda raadinaaya ee baahan ayey aheyd inuu ka socod iyo baryo bato kan wax haysta. Laakiin inay Muqdisho is-xilqaameyso waa faham fudud oo ku siinaya inay weli Itoobiya lug u laaban tahay. Dhowr iyo toban askari oo kamid ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayey isbuucan Itoobiya ku dishay magaalada Doolow. Dowladda Soomaaliya ayaa arrintaas caro ka muujisay waxayna ku goodisay inay arrintan dhaawici karto heshiiskii Ankara, laakiin wax ficil ah ma raacin. Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad oo kamid ahaa wafdigii dowladda Soomaaliya u dirtay Addis Ababa oo isagoo halkaas jooga Doolow lagu laayay ciidankii Soomaaliyeed wuxuu sheegay inay arrintaas kala hadleen Itoobiya, ayna jawaab ka sugayaan, balse jawaabta Itoobiya waxay noqotay gacan saddexaad ayaa arrintaas ka dambeysa. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya jawaabta Itoobiya war kale ma dul saarin, ciidankii qaranka ee la laayay waxaa ku filnaatay gacan saddexaad ayaa arrintaas ka shaqeysay. Waa ficil kale oo Itoobiya ku muujisay in iyada u loo baahan yahay weli. Ciidamada Itoobiya ayaa sii joogaya Soomaaliya, dhinaca kalena waxaa dhacdadii Doolow ay bixisay in aysan Itoobiya weli joojin fara-gelinteeda arrimaha gudaha Soomaaliya, oo ay xitaa awoodaan inay maamul goboleed la saftaan oo ay ciidanka qaranka laayaan. Arrintaasna dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wax weyn kama soo qaadin, oo malaha fara-gelintaasi waxay u aragtaa wax aan dhib badneyn. Haddii aad ogolaatay bad, haddii ciidankaaga leyntiisa ku filnaatay jawaabta gacan saddexaad, haddii weli ay socoto fara-gelinta arrimaha gudaha, haddii cidda wafdiga direysa oo wada-hadalka raadineysa aad adiga tahay macnaheedu waa adiga dan leh, laakiin dhinaca kale weli kuma baahna. Tani waxay faham hordhac ah ka siineysa natiijada deg-degtii uu Xasan Sheekh ku galay heshiiskii Ankara. Nin ciidankaagii laayay oo aadan waxba ka qaban karin, haddii badsaada soo dagana maxaa ka qaban kartaa berri. Soomaalida waxay u baahan tahay inay dib iskaga wareysato khatarta mustaqbalka ah ee ku jirta heshiiskii Xasan Sheekh uu ku gaaray magaalada Ankara. Itoobiya weli dhab kama ahan inay la dhaqanto Soomaaliya dhisan. Sidoo kale hoggaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waa in aysan ku ciyaarin qiimaha Soomaalinimada, oo ay halkooga ku sugaan ciddii dan ka leh, sidoo kalena ay dib u eegaan qiimaha dhiigga ciidanka qaranka oo ay isla xisaabtan dhab ah ka galaan xasuuqii ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
  4. Wararkii ugu dambeeyey ee Dacawaley la xidhiidha iyo Kulanada Jigjiga ee madaxda JSL iyo Dawlada Federalka Itooboya. Sida ay iisheegeen ilo ku sugan goobta uu kulanku ka dhacay magaalada Jigjiga, waxa waftiga ka socday Somaliland kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay madaxsare oo dawlada iyo ciidanka Federalka Itoobiya. Waxaana si adag looga wada hadlay arinka Dacawaley iyo gumaadka ka dhacay. Kulanka waxa lagu heshiiyey qodobo la isla qaatay in nabad lagu soo dabaalo deegaanka Dacawley iyo inta uu saamaysay xaalada gumaad ee ka dhacday. Qorobada lagu heshiieyey waxa ka mid ah. 1. In Ciidamo dawalad federalka Itoobiya la wareegaan deegaanka dadka lagu xaquusay iyo inta u dhow. 2.In baadhis heer Federal ah lagu sameeyo waxa ka dhacay Dacawaley 3.In nawaaxi ay ka caagan yihiin (buffer zone) Liyu Booliis iyo dadka deegaanka ah ee hore iskaga horyimid la calaamadiyo. 4. Beelihii ay arintu ka bilaabmatay dib u heshiisiin laga bilaabo dhexdooda. Iyo qodobo kale. Kulankan ayaa ahaa mid hal masuul oo madaxda DDS fadhiyey, halka inta kale ay ahaayeen madaxda JSL iyo Dawalda Federalka Itoobiya. Hase ahaatee taa macnaheedu ma aha in ay is dhiganayaan dadka deegaanka xasuuqa laga geystay ee beesha Reer Sheekh Isaxaaq oo dareensan sida ciidamada Liyuu Booliis awoodooda loogu adeegsaday. Xigasho Abdillahi M Ali Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobollada ayaa maanta lagu dilay howl-gal gaar ah, sida ay goordhow shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdiraxmaan) ayaa waxaa lagu khaarajiyay howl-gal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Horjooge Abuu Cabdiraxmaan ayaa kamid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab ee 15-kii sano ee ugu dambeysay. Ninkan ayaa horjooge kasoo noqday qaybaha ay u yaqaanan zakawaadka ee boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka kooxda oo uu soo hoggaamiyay. Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo markaas si qasab ah ugu biirtay kooxda Al-Shabaab 2009-kii, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahaan iyo horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dowladda sheegtay in dhammaantood la haayo macluumaadkooda oo dhameystiran. Tallaabadan ayey dowladda sheegtay inay qeyb ka tahay qorshaha dowladda Soomaaliya ee kooxda looga cirib-tirayo deegaannada ay ku hareen, sidoo kalana looga dulqaadayo dhibaatada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.
  6. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay Muqdisho kadib markii uu wada-hadallo Asmara kula yeeshay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Labada madaxweyne ayaa xalay fiidkii Aqalka Madaxtooyada Eritrea ku yeeshay wada-hadallo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Eritrea. “Labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen in ayada oo ah dal weyn oo ku yaalla Geeska Afrika, in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhacda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Madaxweyne Isaias ayaa sharxay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro faragelinta dibadda ee inta badan wada ajandayaasha hurinta iyo abuurista colaadaha iyo qalalaasaha gobolka. Marka tan la eego, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu iskiis u xalliyo caqabadaha u gaarka ah.” Afwerki ayaa dhinaca kale ku celiyey in heshiiska saddex geesoodka ah ee ay Eritrea, Soomaaliya iyo Masar ku gaareen Asmara uusan lahayn ujeedo aan ka aheyn xoojinta xiriirada iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya; damaanad qaadka amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo horumarinta danaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas. Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Asmara ayaa timid laba toddobaad un kadib markii ay Ankara heshiis ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo soo afjaraya khilaaf muddo sanad ah u dhaxeeyey labada dhinac, oo ka dhashay heshiiska dhanka badda ah ee Addis-Ababa ay la gaartay Somaliland. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo shir ku yeeshay magaalada Asmara appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxwaynaha JSL H.E. Cabdiraxmaan Cirro waxu si hufan u wadda dhisamaha Xukumadiisa. Waxu isku dhafey. Waayo aragjimadda dowladdnimadda ragii yaqaaney iyo xubnaha golaha wasiiradda oo rag darban la keeney oo shaqaddoodda ku filan Dowladdnimaddu waa (Team work) dalkan waxa lagu dhisi karaa karti iyo aqoon waayo aragnimo leh. Sidaasa xulidda qalinka Madaxweynuhu ku socota. Dhalinyaradda shaqo abuur baahan ayaa xukumadu u sameyn doonta. Maskaxda aqoonyahanka dalka la tuujinaya. Iyadoo laga duulayo. Barnaamijkii Xisbiga Waddani ku galey tartanka doorashadii 13NOV2024. Dalkeynu wuu guuleysanaya. Insha allaah. Waan Hambalyeynayaa Xubaha dhamaantood raga waayo araga ee uu magacaabey iyo Ex xildhibaan Baar dhamaantood waa dad ubisil hogaaminta dowladdnimadda. Somaliland Guul Dal iyo Dad Mideysan Wadda jir iyo Waxqabad Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  8. Warbaahinta dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa gooradhawayd baahisay in kulan maanta magaaladda Jigjiga ku dhex maray wafti ka socday Somaliland iyo dawlad deegaanka Somalida Itoobiya uu si is afgarad ah uu ku soo dhamaaday. Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayay wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Somaliland ayaa saaka Jigjiga u tagaya sidii loo xalin lahaa colaadaa ka qaraxday deegaanka Dacawalay oo gaysatay khasaare aad u balaadhan Qaran News
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa maanta La-taliye sare u magacaabay wasiirkii hore ee maaliyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya. Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa loo magacaabay La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha horumarinta dhaqaalaha, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland. Bayle ayaa bartamaha sanadkii hore ee 2023 ku laabtay Somaliland, kadib muddo uu ka shaqeynayay dowladda federaalka Soomaaliya, xilligaasi oo cafis guud u fidiyay madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Ninkan siyaasiga ah oo hanti badan ku leh Hargeysa ayaa markaas maray habraaca ay Somaliland u dajisay siyaasiyiinta xilalka ka qabta Soomaaliya, maadaama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya. Magacaabista Bayle, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa illaa 4 La-taliye oo kale, kuwaasi oo loo magacaabay; 1. Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde – La-taliyaha sare ee madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda. 2. Cali Maxamed Yuusuf (Guray) – La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada. 3. Baar Siciid Xaaji Faarax – La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha horumarinta haweenka. 4. Xamse Cali Bulbul Ibraahim – La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha warbaahinta.
  10. Gudoomiye Xirsi ayaa Socdaal ku Tagay Wadanka Jabuuti. Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Wadani Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa gaadhay Magaalada Jibuuti ee xarunta ah Dalka Jabuuti waxaana Gagida Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Danjiraha Somaliland u fadhiya Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed isla markaana Gudoomiye Xirsi waxa loo galbiyey Magaalada waxaanu Danjiruhu u sameeyey Qado sharaf meeqaamkeedu sareeyo. Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Wadani Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maalmaha soo socda halkaasi ku joogi doonaa socdaalkiisa. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si kulul uga hadlay xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland, gaar ahaan xayiraadda duulimaadyada ee la saaray Jubbaland. Qoraalkan oo ay ku saxiixan yihiin illaa 80 xildhibaan ayaa lagu sheegay in go’aanka hay’adda duulista uu yahay mid ka hor imaanayo qodobbada 61-aad, 69-aad iyo 21-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, kaas oo si cad u damaanad qaadaya xorriyadda isu-socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo waajibaadka hay’adaha dowladda ee ilaalinta xuquuqdaas. Sidoo kale xildhibaannada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda, laguma wajahay xaaladda Jubbaland. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xayiraadda Jubbaland ay saameysay dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood wajahayo xaalado caafimaad, kuna xayiran Kismaayo. Waxaa kale oo ay xildhibaannadu u digeen hay’adaha iyo madaxda mas’uulka ka ah falalkan, iyagoo ku boorriyay in ay si degdeg ah dib ugu noqdaan amarro iyo ficillo lagu sheegay inay yihiin kuwa sharci-darro ah. Khilaafka u dhexeeyo dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa gaaray meeshii ugu xumaa, waxaana dowladdu ay hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo iyo deegaano ka mid ah gobolka, kadib dagaalkii dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.
  12. Madaxweynaha Somaliland oo magacaabey La-taliyeyaal cusub; 1 Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda. 2 Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha. 3 Cali Maxamed Yuusuf (Guray) La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada. 4 Baar Siciid Xaaji Faarax La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Haweenka. 5 Xamse Cali Bulbul Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta. Qaran News
  13. Garowe (HOL) – Puntland regional administration has announced plans for a large-scale military operation to eliminate ISIS militants in the Bari region. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) –The Governor of Banadir Region and Mayor of Mogadishu, Mohamed Ahmed Amiir, met with the Independent National Electoral and Boundaries Commission on Thursday to discuss preparations for implementing a one-person, one-vote electoral system in the Banadir region. Source: Hiiraan Online
  15. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah. Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Xasan iyo Afwerki ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya uu laf-dhabar u yahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Labada hogaamiye ayaa sidoo kale waxay si qoto dheer uga wada hadleen ajandayaasha muhiimka ah, sida arrinta badda, gaar ahaan heshiiskii ay Ankara ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay haatan walwal ka muujineyso xuukumadda Asmara. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo madasha ka hadlay ayaa xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro faragelinta dibadda, “Haddii ay dhacdo, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu xalliyo caqabadaha u gaarka ah,” ayuu yiri Afwerki. Dhanka kale, Isaias Afwerki ayaa ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku dhex-maray Soomaaliya, Eritrea iyo Masar, isaga oo shaaca ka qaaday in uusan lahayn ujeeddooyin aasaasi ah oo aan ka ahayn xoojinta xiriirka iskaashi ee saddexda dowladood. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada socda ee lagu xoojinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaasoo muhiim u ah xasilloonida Soomaaliya iyo sidoo kale Geeska Afrika. Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay faa’iidooyin wax ku ool ah ka heli karto waaya-aragnimada ballaaran ee Eritrea ee ku aadan iskaashiga cusub.
  16. Tension at Dacawaley (Da’awaley) village in the Somali region of Ethiopia is high following clashes between villagers and the Liyu Police. Hargeisa (PP News Desk) — Tension at Dacawaley (Da’awaley) village in the Somali region of Ethiopia is high following clashes between villagers and the Liyu Police. Accusations and counter-accusations fly in an atmosphere of mistrust. How the clashes began has not been officially disclosed. Similar clashes and “atrocities” occurred in Jaamac Dubbad, Xaaji Diiriye and on the outskirts of Gaashaamo before 2024. The Somali Region of Ethiopia police alleged that Dacawaley villagers received reinforcements from Hargeisa. A long-time resident of Jigjiga, who now trades in Hargeisa, said that “the Liyu Police is directed by the Federal Police of Ethiopia, whose commanders acted on unsubstantiated intelligence from Dacawaley village”. The Liyu Police took into custody traditional leaders sent from Hargeisa to defuse the tension. “That is the mistake and miscalculation of Hargeisa political leaders who deemed the situation as one between two Somali clans. The Somaliland Administration should have directly communicated with the Ethiopian authorities instead of sending elders for mediation,” said a retired journalist in Hargeisa. “In addition to the massacre, the Liyu Police also abducted traditional elders from Somaliland who had travelled to Da’awaley to mediate and resolve peacefully the ongoing conflicts in the area. This abduction is a grave offence and a clear violation of international norms. Minister Abdalle Mohamed Arab denounces the atrocious actions of the Liyu Police, holding them responsible for the widespread violence in Da’awaley. He emphasised that those responsible for these heinous crimes should be held accountable for their actions,” reported the Somaliland Administration News Agency. A meeting between the Somali Region of Ethiopia authorities and Somaliland Administration government ministers is slated to take place at Wajaale, a border town. © Puntland Post, 2024 The post Somaliland Administration Minister Condemns “Liyu Police for Da’awaley Atrocities” appeared first on Puntland Post.
  17. Jigjiga (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa looga hadlay xiisadda ka taagan deegaanka Dacawaley oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka. Maamulka oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan ayaa sheegay in ciidamadooda ay dagaal la galeen maleeshiyaad ay ku eedeeyeen inay khalkhal-gelinayaan xasilloonida deegaanka. Sidoo kale wuxuu maamulku sheegay in dagaalkii shalay dhacay lagu soo qaaday ciidankooda, isla markaana mas’uuliyadda wixii dhacay aysan shaqo ku lahayn. “Dowladda Deegaanka Soomaalida oo tixgalinaysa codsi kayimid waxgaradka iyo odayaal-dhaqameedka deegaanka ayaa fursad usiisay cuqaashaas in si nabadgalyo ah xadka looga saaro dablaydaas iyo in sharciga dib loogu soo dabaalo deegaamadaas. Nasiib daro, dablay oo ka dhaga adaygay soo jeedinta waxgaradka ayaa saaka weerar kusoo qaaday fadhiisimaha ciidanka Booliska Deegaanku ay ku lahaayeen agagaarka tuulada Dacawalay, waxaana ka hortagay ciidanka amaanka deegaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Dhanka kale, dowlad deegaanka Soomaalida ayaa eedeyn culus u jeedisay Somaliland, waxayna sheegtay in ay jabinayaan daris wamaagga labada maamul, ayna buun buuniyeen dagaalka ka dhacay xadkooda. “Waxaa nasiib darro ah in wasaaradda amniga ee Soomaliland ay si guracan oo kabaxsan daris-wanaaga iyo nidaamka dawliga ah uga faalooto arrimaha ka dhacaya gudaha Deegaanka soomaalida” ayaa mar lale lagu yiri qoraalka. Somaliland oo dhankeeda ka hadashay dagaalka ayaa ku eedeysay Liyuu Boolis inay xasuuq ka gaysteen Dacawaley, islamarkaana ay dileen dad xoolo dhaqaqto ah, ayna afduubteen odayaal xal raadin u joogay deegaankaasi. “Xukuumadda waxaa ay cambaaraynaysaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo,” ayaa lagu yiri warka Somaliland ay soo saartay. Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeelatay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii shalay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.
  18. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Kulankan ayaa looga hadlayay kaalinta ay Boolisku ku leeyihiin sugidda amniga iyo xaqiijinta habsami u socodka Doorashada Qof iyo Cod ee la filayo inay ka dhacdo dalka. Taliyaha ayaa caddeeyay in Booliska Soomaaliyeed ay si buuxda ugu diyaar garoobeen ka qeyb qaadashada sugidda amniga inta ay doorashadu socoto. Waxa uu sheegay in ciidanka ay awood buuxda u leeyihiin ilaalinta goobaha cod-bixinta, ka hortagga wax kasta oo khalkhal gelin kara hanaanka doorashada, iyo xaqiijinta inay doorashadu ku qabsoonto jawi nabdoon. Waxaa kulankan sidoo kale lagu lafaguray sida Boolisku uga shaqeyn doonaan taageeridda Guddiga Doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan dhinacyada farsamada iyo amniga si loo hubiyo in geeddi-socodka doorashada uu noqdo mid daahfuran oo hufan. Source: goobjoog.com
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in xaalad halis ah ay ka dhalatay go’aankii u dambeeyay ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku hakisay duulimaadyadii tegi jiray maamulka. Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Cabdirisaaq Sheekh Aadan ayaa sheegay in xayiraada duulimaadyada ee Kismaayo ay ka dhalatay dhibaatooyin bini’adamnimo. Waxa uu caddeeyay in dad soo rabay inay howlo caafimaad u tegaan Muqdisho ay geeriyoodeen, maadama bukaanada qaar ay u baahnaayeen inay dalka dibadiisa aadaan, maadaama ay adag tahay in diyaarad ka baxda Kismaayo ay tagi karto Nairobi, sidaas darteen ay dadka ku qasban yihiin inay tegaan magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladdan adag ay taagan tahay muddo maalmo ah oo uu hakad ku jiro duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka bixi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa dhawaan diyaaradaha ku wargelisay go’aanka in la joojiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalada Kismaayo. Hay’adda ayaa go’aankan qiil uga dhigtay sabab la xiriirta kadib markii in maamulka uu Kismaayo ka afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow. Maamulka shirkadda Halla Airlines oo war soo saaray ayaa horay dowlad goboleedka Jubbaland ugu eedeeyay in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu maamulka diyaaradda sheegay in maamulka Jubbaland uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow. Si kastaba, xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland oo u weecatay Gedo ayaa kasii dareysa, iyadoo labada dhinac ay ku dagaalameen degmada Doolow.
  20. Mogadishu (HOL) – Somali-owned businesses in Mozambique have been heavily looted amidst ongoing political unrest triggered by disputed election results. Source: Hiiraan Online
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan Somaliland iyo kuwa Itoobiya, oo ay qeyb ka yihiin kuwa ammaanka ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan xasaasi ku dhex-maro xadka labada dhinac. Xukuumadda Somaliland oo shalay bayaan kasoo saartay weerarkii lagu qaaday shacabka Dacawalay, kaas oo ay ku tilmaamtay xasuuq ay geysteen ciidanka Liyuu Booliska, ayaa dowladda federaalka Itoobiya ku dacweysay ciidankan. “Dowladda Somaliland iyo dowladda federaalka Itoobiya waxa uu maalinta beri ah wada-hadal ku dhex mari doono xadka labada dowladood,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland oo uu soo saaray wasiirka amniga gudaha ee Somaliland. Xukuumadda ayaa sheegtay in masuuliyadda wixii ka dhacay Dacawalay ay qaadi doonaan ciidamadii weeraray dadka shacabka iyo odayaashii nabadeynta u tegay halkaasi, oo badankood ay wateen ciidamada Liyuu Booliska, sida ay sheegtay Somaliland. Kulanka maanta ayaa la filayaa in Somaliland iyo Itoobiya uga wada-hadlaan xaaladda amni darro ee soo korortay iyo wixii ka dhacay Dacawalay, oo si weyn uga xumaadeen bulshada Soomaaliyeed, maadaama halkaasi uu ka dhacay xasuuq ba’an. Madaxweynaha maamuulka Soomaalidda ee Itoobiya ayaa dhankiisa xukuumadda Somaliland u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay deegaanka Dacawalay. Si kastaba, Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horey uga soo saareen baaqyo nabadeed.
  22. 𝗕𝗲𝘆𝗼𝗻𝗱 𝗔𝗽𝗽𝗼𝗶𝗻𝘁𝗺𝗲𝗻𝘁𝘀: 𝗔𝗱𝘃𝗮𝗻𝗰𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗩𝗶𝘀𝗶𝗼𝗻 𝗳𝗼𝗿 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 As Somaliland embarks on a new chapter under the leadership of President Dr. Abdirahman Cirro, we extend our heartfelt congratulations to the newly appointed ministers. Your selection is a testament to the trust placed in you to lead the nation toward a brighter and more equitable future. This moment, however, calls for reflection as much as celebration. Many who stood steadfastly alongside the President during his campaign—bringing invaluable expertise and dedication—may not see their names on the list of appointments. I, too, may count myself among those whose aspirations remain unmet. But let us remember: our collective mission has always been about something far greater than personal recognition—it has been about transforming Somaliland into a just and prosperous nation. 𝗧𝗵𝗲 𝗕𝗶𝗴𝗴𝗲𝗿 𝗣𝗶𝗰𝘁𝘂𝗿𝗲 Our struggle has always been aimed at dismantling systemic inequities and constructing a society that is fair, inclusive, and progressive. This mission transcends any single role or appointment. The vision of the Waddani Party, guided by President Cirro’s leadership, continues to be our shared compass. Together, we must remain focused on this vision, ensuring its realization for the benefit of all Somalilanders. To those feeling overlooked, I urge resilience. This is not the time to step back but to stand firm in support of the President as he crafts a government reflective of the people’s aspirations. As Lao Tzu wisely stated, “𝐴 𝑙𝑒𝑎𝑑𝑒𝑟 𝑖𝑠 𝑏𝑒𝑠𝑡 𝑤ℎ𝑒𝑛 𝑝𝑒𝑜𝑝𝑙𝑒 𝑏𝑎𝑟𝑒𝑙𝑦 𝑘𝑛𝑜𝑤 ℎ𝑒 𝑒𝑥𝑖𝑠𝑡𝑠. 𝑊ℎ𝑒𝑛 ℎ𝑖𝑠 𝑤𝑜𝑟𝑘 𝑖𝑠 𝑑𝑜𝑛𝑒, 𝑡ℎ𝑒𝑦 𝑤𝑖𝑙𝑙 𝑠𝑎𝑦: 𝑤𝑒 𝑑𝑖𝑑 𝑖𝑡 𝑜𝑢𝑟𝑠𝑒𝑙𝑣𝑒𝑠.” Let us trust the process and focus on the collective good, knowing that progress often comes through unity and perseverance. 𝗛𝗼𝗻𝗼𝗿𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗕𝗮𝗰𝗸𝗯𝗼𝗻𝗲 𝗼𝗳 𝗦𝘂𝗰𝗰𝗲𝘀𝘀 As you lead, Mr. President, we urge you to honor the contributions of those who worked tirelessly for your success. Their sacrifices and unwavering dedication were pivotal in bringing us to this moment. Recognizing their efforts will not only bolster the morale of your supporters but also reinforce the unity and strength of your administration. This recognition is about more than gratitude—it is about maintaining a connection to the grassroots efforts that propelled the Waddani Party to victory. By valuing these contributions, you will ensure that your government remains deeply aligned with the aspirations of the people. 𝗠𝗼𝘃𝗶𝗻𝗴 𝗙𝗼𝗿𝘄𝗮𝗿𝗱 𝗧𝗼𝗴𝗲𝘁𝗵𝗲𝗿 For those who feel left behind, do not lose hope. This is a moment to reaffirm our commitment to the broader mission of building a Somaliland rooted in opportunity, equity, and dignity for all. Under President Cirro’s leadership, the vision of the Waddani Party remains our guiding light. Let us continue working together to make this vision a reality. As Eleanor Roosevelt once said, “𝑇ℎ𝑒 𝑓𝑢𝑡𝑢𝑟𝑒 𝑏𝑒𝑙𝑜𝑛𝑔𝑠 𝑡𝑜 𝑡ℎ𝑜𝑠𝑒 𝑤ℎ𝑜 𝑏𝑒𝑙𝑖𝑒𝑣𝑒 𝑖𝑛 𝑡ℎ𝑒 𝑏𝑒𝑎𝑢𝑡𝑦 𝑜𝑓 𝑡ℎ𝑒𝑖𝑟 𝑑𝑟𝑒𝑎𝑚𝑠.” Let us hold fast to our dreams and our collective determination to create a better Somaliland. To the newly appointed ministers, the nation places its hope and trust in you. To those outside the government, your contributions remain vital to our shared success. Together, we must forge ahead, united in our pursuit of a Somaliland that thrives on equity, progress, and unity. This is just the beginning. Let us stand together, support President Cirro’s leadership, and tirelessly pursue the brighter future we all envision. The best is yet to come. 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠. 𝗠𝘂𝘀𝗮 E-mail: halimusa4@gmail.com Hargeisa, Rep. of Somaliland 𝟮𝟲 𝗗𝗲𝗰𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟰 Qaran News
  23. “Articles 61 and 69 of the provisional constitution oblige us to act in the national interest and oversee government institutions. These articles empower us to conduct performance reviews if federal institutions fall short of their duties. It has become commonplace for aviation authorities to impose arbitrary travel restrictions on citizens and prevent MPs from travelling.” Mogadishu (PP News Desk) — More than 70 members of Somalia’s bicameral legislature have strongly condemned the travel restrictions imposed by the Federal Government of Somalia on civilian flights to Jubaland State. In a statement signed by 80 members of the Upper House and Lower House, the Federal Government’s Civil Aviation Authority was criticised for restricting passenger flights to Kismaayo. The signatories denounced the executive order, calling it a politically motivated decision that violates the constitutional rights of Somali citizens to travel freely within their homeland. “Articles 61 and 69 of the provisional constitution oblige us to act in the national interest and oversee government institutions. These articles empower us to conduct performance reviews if federal institutions fall short of their duties. It has become commonplace for aviation authorities to impose arbitrary travel restrictions on citizens and prevent MPs from travelling” the statement noted. The 80 MPs and Senators called on the Federal Ministry of Transport and Aviation to refrain from imposing travel restrictions for political purposes, stating: “Travel restrictions of this nature violate the rights of Somali citizens.” © Puntland Post, 2024 The post 80 Somali MPs and Senators Urge End to Politically Motivated Flight Bans appeared first on Puntland Post.
  24. Ayadoo ay rabshado xooggani ka socdaan dalka Mozambique ayaa wararku waxay sheegayaan in Soomaali badan oo ganacsato ah dhac iyo boob loogu geystay dalkaas, islamarkaana xumohoodii qaar cagta la mariyay oo la bililiqaystay. Soddon iyo saddex qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaadyo dhex maray ciidamada dowladda iyo dibadbaxayaal, iyada oo kumanaan qof ay ka baxdadeen xabsiyada, sida uu shir jaraa’id ku sheegay taliyaha booliiska Bernardino Rafael. Bannaanbaxyada ayaa bilowday ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa Mozambique ay xaqiijisay in xisbiga Frelimo ee talada haya tan iyo 1975-tii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee 9-kii bishii Oktoobar dhacday. Source: goobjoog.com
  25. In ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda cusub ee Suuriya ayaa lagu diley dagaal ay la galeen koox hubaysan oo horay uga tirsanayd xoogaggii maamulkii madaxweyne Bishaar Al-assad. Wasiirka arrimaha gudaha Suuriya ayaa xaqiijiyay in 14 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka lagu diley,10 kalena lagu dhaawacay ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen koox uu ku tilmaamay haraadiga taliskii Bashaar Al-assad oo ku sugnaa baadiyaha deeganka Tartuus. Maamulka cusub ee dalka Suuriya ayaa ku howlan dadaallo ay dalkaas ku xasillinayaan ka dib 13 sano oo dagaallo wajiyo badan ah, balse waxay culays kala kulmayaan hubkii uu meel walba ku faafsan iyo haraagii xoogaggii Bashaar Al-assad oo deegaannada qaar ku sugan. Source: goobjoog.com