Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,806
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. AQP2WhFnD0gW2Zl_HVE8FWXiDdS_y36getTdvs6m5E4Nv5PiFFJcIpA9jbFaFRMox50LmmV3DEAWGzrNRjHHdzHV Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa caawa u hoyday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida saaraakiil ka tirsan Taliska Xoogga ay Caasimada Online u sheegeen waxaa taliyaha u bilowday safar uu ku marayo degmooyinka ay yaallaan difaacyada ugu dambeeya uga jiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Safarka Taliye Odowaa Yuusuf ayaa ku soo aadaya xilli maanta ilaa shalay ay meelo kala duwan ka soo yeereen warar sheegaya inay furimaha dagaalka isaga baxeen ciidamo ka gadooday dil wadareedkii askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay maleeshiyaad hubeysan qaab qabiil ugu geysteen deegaanka Ceelbaraf ee Sh/Dhexe. Taliyaha ciidamada Gorgor ee degmada Xarardheere Cali Cagey ayaa maanta beeniyey in ciidamada xoogga dalka ay ka baxeen furimaha dagaalka ee degmadaas, isagoo sheegay in marnaba aysan jebi doonin amarka dowladda iyo difaaca qaranka oo ay u dhaarteen. Sidoo kale dowladda ayaa xalisay ciidankii shalay gadooday ee ka soo baxay furimaha deegaanka Xawaadley ee galbeedka degmada Balcad, kuwaas oo ka carooday in saaxiibadood kala tirsanaa ciidanka jidka loo galay oo aano qabiil loo dilay. Taliyaha xoogga ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isku maro fulimaha ay joogaan ciidamada xoogga dalka, sidoo kale waxaa socota qiimeynta qaabka loo bilaabi karo howlgallo cusub oo dalka inta ay ka joogaan looga xoreynayo Khawaarijta. In ciidanka xoogga dalka ay caroodaan oo qeylo dhaan cusub ay ka soo yeerto furimaha dagaalka waxaa sababtay dhacdadii naxdinta laheed ee maalmo ka hor maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku dhaqaaqeen, kuwaas oo jidka u galay kadibna laayey 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka. Askarta la laayey ayaa ka baxday deegaanka Xawaadley, halkaas oo laga fasaxay si reerahoodii oo degan gobolka Hiiraan ay u soo booqdaan, balse rag ka soo jeeda beesha Agoonyar ee Abgaal ayaa u galay jidka, gaar ahaan aagga deegaanka Ceelbafar, halkaas ayaa lagu laayey, waxaana loo dilay inay ka soo jeedaan beesha Xawaadle. Arrintaan waxay noqotay mid aad looga murugooday, dalka oo dhan waxaa is qabsatay qeylo dhaan sababtay, in meelaha qaar ay ciidanku gadoodaan, Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii dib loo soo magacaabay u baxay furimaha, wuxuuna caawa ku hoyanayaa Ceeldheer oo ka mid ah magaalooyinka ay ka soo yeertay qeylo dhaanta gadoodka ciidanka xoogga ee ka damqaday wixii ka dhacay Ceelbaraf.
  3. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Djibouti's President Ismail Omar Guelleh on Sunday at the Presidential Palace in Djibouti to discuss regional security, political developments, and strengthening bilateral cooperation. Source: Hiiraan Online
  4. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle. Labada madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha Jabuuti soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSSOM). Waxa uu tilmaamay in qorshaha uu yahay in dhawaan ay si buuxda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda Gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada Labada shacab. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSSOM), qorshuhuna uu yahay in dhawaan ay si buuxda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Source: goobjoog.com
  6. AQOhg_Tk3nwyuHc46Ojd-gviSglCLQKQcSC1U29rBCSidnhoJjaGYqxIpLvjScDLYVI7ysmWC3rxFl-b5EhePqo_ Qaran News
  7. Mohamed Abdiwahab: “In Garowe’s central police station, there are 153 detainees awaiting prosecution. One of them has been in detention for nine months. No warrants or court orders were issued for their detention.” Garowe (PP News Desk) — Addressing a justice conference in Garowe, Puntland State’s Minister of Justice, Mohamed Abdiwahab, revealed that discrimination and human rights violations “are occurring in police stations throughout Puntland.” He noted that suspects accused of offences are often detained unlawfully before being brought to trial. The minister stated that most victims are non-locals of the areas where they are detained. “Some suspects have been held in detention unlawfully without being brought before a court,” said Abdiwahab. He further explained that local suspects accused of crimes frequently escape justice and move freely in cities. Meanwhile, Somali citizens from other regions, accused of similar offences, face inhumane treatment within Puntland’s justice system. “In Garowe’s central police station, there are 153 detainees awaiting prosecution. One of them has been in detention for nine months. No warrants or court orders were issued for their detention,” the Justice Minister said. “We summoned senior officers from the Criminal Investigation Department of the Puntland Police Force to question them about these unlawful detentions. They failed to provide satisfactory answers” said Abdiwahab. The minister expressed fear of divine punishment for those responsible for the grave injustices. He emphasised the need to address the systemic abuse within Puntland’s justice system. In 2020, the Nugaal Police Division was accused of power abuse, raising concerns about policing practices, access to justice and adherence to due process in Puntland. Puntland State President Said Abdullahi Deni, speaking at a police graduation ceremony in Qardho in 2021, acknowledged efforts to improve the security situation and policing standards. “The two main duties of a government are to maintain law and order and provide public services. Newly trained officers have demonstrated their understanding of due process when suspects are taken into custody. We have allocated resources to address Puntland’s security challenges efficiently,” Deni said at the event, where 700 officers graduated after comprehensive training. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Justice Minister Denounces Police Discrimination and Unlawful Detentions appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa. Ujeedka kormeerkan ayaa lagu sheegay u kuurgalida hawlaha baaxadda leh ee wasaaraddu u hayso dadka Soomaaliyeed. Intii uu kormeerka ku guda jiray Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay mas’uuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo uga warbixiyey adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u fidiyaan, gaar ahaan xannaanada xoolaha, ilaalinta dhirta, iyo horumarinta daaqa. Ra’iisul wasaare ku-igeenka ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha wasaaradda lagu waafajiyo qorshaha isbeddelka qaran (NTP), kaas oo ahmiyad ballaaran siinaya isku tashiga dadka Soomaaliyeed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Waa in aan ka faa’iidaysannaa khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu xusay in qorshaha isbeddelka qaran uu diiradda saarayo maalgelinta beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale. Ugu dambeyntiina ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ku boorriyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa in ay sii xoojiyaan dadaalladooda. Tan ayaa dhabaha u xaareysa si loo xaqiijiyo himilooyinka qorshaha isbeddelka qaran, loona gaaro horumar waara oo ay ka faa’iidaystaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay inuu bilaabanayo howl-gal culus oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda maamulkaasi. Dhawaan ayey ahayd markii uu maamulka Puntland soo bandhigay hub iyo ciidan uu sheegay in ay ka qeyb qaadan doonan dagaalka ka dhanka ah Daacishta Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inay ka go’an tahay cirib-tirka kooxdan oo sanooyinkii h dambeeyay sare u qaaday dhaq-dhaqaaqeeda maamulka, iyadoo lacago baad ah ka aruursata ganacsatada maamulka Puntland. “In badan ayay buuraha gaadmo ka wadeen , beec-mushtarka ayay soo faragaliyeen, dadkey dhibeen, culumo ayay laayeen, waxgarad bay laayeen oo cuqaal bay laayeen,” ayuu yiri wasiir Dirir oo la hadlay BBC-da. Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Puntland waxay go’aansatay in buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan oo ah dhul qorfa ah oo adag oo boqolala kilo mitir dheerarkoodu dhan yahay inay soo afjarto.” Sidoo kale waxa uu sheegay inay diyaariyeen ciidamo gooni ab oo ay u qorsheeyeen howl-galkan cusub, isagoo caddeeyay in maamulka uu fursad siinayo xubnaha kooxda ee doonaya in ay isaga baxaan kahor inta uusan bilaaban dagaalka. “Howlgalka waa uu bilaabmay oo ciidamadii waa la geeyay meeshii ay ka gaari lahaayeen oo nimanku ay ku dhuumanayeen oo buuraha ahaa waa la geeyay, waad maqlaysay in ciidamadii iyo saraakiishii ay isa soo taageen iyaga oo diyaarsan howlgalkaasi daqiiqad kasta wuu bilaaban karaa” ayuu yiri wasiirka. Waxa uu intaas kusii daray wasiir Ceydiid “Waxaan jeclan lahayn inay isa soo dhiibaan dhaqan-celin ayaa loo sameynayaa gurigii iyo meeshii uu ka yimid ayaa loo celin doonaa.” Ugu dambayntiina wuxuu caalamka ugu baaqay ka qeyb qaadashada howl-galkan oo uu sheegay in muddo diyaarineysay, ayna ku dooneyso in kooxda ku cirib-tirto, si meesha looga saaro khatarteeda. “Dadka reer Puntland iyaga iyo dowladooda isku tashaday, saaxiibada caalamka ah, dagaalkani waa dagaal caalami ah. Argagixiso weeye. In uu aduunku ka qeyb qaato waan ugu baaqeynaa uma saaxiibo la’in.”
  10. Mogadishu (HOL) — At least 11 people, including civilians, have been killed and 20 others injured in renewed clan conflicts in the western Mudug region over the past two days. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — Somali Security Minister General Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag announced the federal government's intention to conduct one-person, one-vote elections in several districts of Jubbaland State, including the interim capital, Kismayo, by 2026. Source: Hiiraan Online
  12. Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay qiratay in caddaalad-darro iyo dulmi-baahsan ka jiro saldhiga Booliska ee lagu xiro dadka ku eedaysan danbiyada kala duwan. Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan Caddaaladda oo lagu qabtay Garoowe ayaa xaqiijiyay in saldhigyada Booliska ay ka jiraan dhibaatooyin ka baxsan xaquuqda aadanaha oo dulmi iyo eex ka dhashay. Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in dulmi iyo caddaalad-darro ba’an saldhigyada Puntland loogu geysto dadka aan u dhalan degaanka, islamarkaana qaarkood sannado badan si sharci-darro ah loogu hayo xabsiyada, iyadoo aan maxkamad la geyn. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in danbiilayaasha u dhashay Puntland uusan sharcigu qaban oo ay magaalooyinka joogaan, halka muwaadiniinta ka soo jeeda degaannada kale si bini’aadanimada ka baxsan loogu dhibaateeyo saldhigyada Booliska Puntland. “Saldhiga dhexe ee Garoowe 153 qof oo ku xiran baa loogu tegey. Qofka ugu badan 9 bilood buu ku xirnaa. Dadkaasi waaran kuma xirna amar maxkamadeed kuma xirna, waxay u xiran yihiina ma jirin.” “Waxaan u yeernay qoladii Waaxda danbi baarista ee C.I.D, waxaan weydiinay war dadkani maxaa lagu haystaa, kadibna waa kala carareen” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo arrintaasi ka hadlayay. Wasiirka ayaa sheegay xitaa in uu ka cabsaday in mas’uuliyiinta dowladda “Adduunka lagu cadaabo” kaddib markii uu arkay caddaalad-darrada iyo dulmiga ka jira saldhigyada Booliska Puntland oo aan haddana waxba laga qaban. PUNTLAND POST The post Wasiir Maxamed Cabdiwahaab “Dulmi baahsan ayaa ka jira saldhigyada Booliska Puntland” appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf oo lagu laayay askar Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Warsame ayaa marka hore cambaareeyay falkaasi, isaga oo tacsi u diray ehellada askarta lagu dilay halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay muujineyso in loo baahan yaay in la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah, sidoo kalena soo bandhigtay sida ay ciidamada ugu nugul yihiin saamaynta taban ee ka dhalaya colaadaha sokeeye. “Dhacdada Ceelbaraf waxay daaha ka qaadaysaa ahmiyada ay dib u heshiisiintu leedahay, waxay kaloo dibadda soo dhigtay hoosaynta heerka dib u habaynta ciidanka iyo sida uu ugu nugul yahay saamaynta taban oo ka dhalata colaadaha iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee degaanka ka jirta” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran;- Waxaan cambaaraynayaa falka lagu laayey askartii ka tirsanayd Ciidanka Xoogga Dalka ee ka dhacay degaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelka askarta la laayey, waxaana Alle uga baryayaa in uu naxariistiisii jano siiyo. Waa fal argagax leh oo ka baxsan dhammaan xeerarka dowladnimada. Si loo xakameeyo dhacdadaan waa in muggeeda lagu wajaho, jidka ay mudan yihiinna la marsiiyo kuwii ka danbeeyey fal danbiyeedka. Waxaa ayaan darro wayn ah in ciidankii ku jiray jiidda hore ee dagaalka, horfadhiyayna cadowga, halkii uu ka heli lahaa dadka degaanka garab iyo gaashaan ay kala kulmeen cadowtooyo iyo dhabarjebin. Dhacdada Ceelbaraf waxay daaha ka qaadaysaa ahmiyada ay dib u heshiisiintu leedahay, waxay kaloo dibadda soo dhigtay hoosaynta heerka dib u habaynta ciidanka iyo sida uu ugu nugul yahay saamaynta taban oo ka dhalata colaadaha iyo xasillooni la’aanta siyaasadeed ee degaanka ka jirta. Dib u heshiinta iyo xasilloonida siyaasadda waa udub dhexaadka dowlad dhiska iyo dhammaynta colaadaha dalka ka tagaan, waana kan uu hoggaanka dalka ku guuldaraystay in uu mudnaanta koowaad siiyo. Haddii aan siyaasadda heshiis laga ahayn, waxaan suuroobi karin in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha kale
  14. Hadal Jeedinta Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane. Maxamed Cali Aw Cabdi ee Kulanka Aqoon-is-waydaarsiga Golaha Wasiirrada oo Maalintii 2aad Galay Kulankii Aqoon-is-waydaarsiga Golaha Wasiirrada JSL ee Xukuumada WADAJIR iyo WAX-QABAD ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa halkiisii ka sii socday maalintii 2-aad. Waxaana kulanka khudbad qiimo leh ku furay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi. Khudbadaasi waxay salka ku haysay Hufnaanta Dawladnimada, Maamul wanaaga, caddaalada, u xaqsoorka bulshada Somaliland, adkaynta midnimada iyo wax wada lahaanshaha ummadeena. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada ku baraarujiyey in ay si rasmi ah u fahmaan culayska uu leeyahay Xilka loo dhaariyey ee ay Qaranka u hayaan. Khudbadda Madaxweyne ku xigeenku waxay u dhignayd sidan: Hufnaanta Dowladnimo Madaxweyne xigeenka Jamhuuriyada Somaliland 29-12-2024 Bismillaahi Raxmaani Raxiim, ILAAHAY AYAA KELIDII MAHAD LEH Madaxweynaha Qaranka, Golaha Wasiirrada, Xubnaha Aqoonyahanka ah ee Bixinaya Tababarka iyo Shaqaalaha Madaxtooyadaba waad salaaman tihiin dhamaantiin. Salaam ka dib; Waxa aan rejaynayaa in Aqoon iswaydaarsigan Mudada labada Cisho inoo socda uu noqon doono mid si dhab ah uga muuqda dowladnimada aynu ku taamayno in aynu gaadhno, si gaar ah Qorshaha 100 Maalmood ee u horaysa aynu fulin doono. Mudanayaal lyo Marwooyin, Hufnaanta Dowladnimo waxa ay ka bilaabantaa Masuuliyiinta la doortay iyo Masuuliyiinta ay sii doortaan, waxayna ku dhamaataa adeeg bixinta Shacabka la siinayo, taas oo muraayad u ah Hufnaanta Dowladnimo. Dowladnimadeena Curdinka ah waxa laga maarmaan u ah in aynu la nimaadno isla xisaabtan iyo hufnaan shaqo oo la taaban karo; waxa waajib diini ah inaga saaran yahay shaqada aynu ummada u qabanayno in aynu sida la inoogu dhaariyay uga soo baxno. Waxa inoo taala in aynu dhisno dowlad wanaagsan oo ka caagan musuq-maasug, Eex iyo dib u dhac hoggaamineed; waxa shacabku inaga sugayaa in aynu la nimaadno Isbadelkii aynu ku soo ololaynay. Cida laga rabo in ay rejadii shacabka rumaysana waa idinka, waxa la idinka rabaa in aad si dhab ah u qabataan shaqooyinka hortabinta leh ee idin horyaala. Mudanayaal iyo marwooyin, Waxa ina horyaala in aynu soo celino kalsoonidii shacabku ku qabeen dowladdooda, waxa waajib inaga saaran yahay in aynu la nimaadno, fikrado wax dhisaya, oo qalbiga u qaboojinaya shacabkeena. Hufnaanta Dowladnimo waxa uu ku dhisan yahay in aynu samaysano Qorshayaal Dhow, mid dhexe iyo mid dheerba (Proper Strategic Plan), Qorshahaas oo wata isla xisaabtan (Accountibility) iyo Hufnaan shaqo. Waxa aan idinkula dardaarmayaa in aad ka *****saan Barnaamij Siyaasadeedkii uu Xisbiga Waddani doorashada ku galay oo si dhab ah uga turjumayay Baahiyaha Shacabka. Guntii iyo Gebabadii waa in aynu kordhinaaa Sinaanta iyo Cadaalada, korna loo qaadaa adeega shacabka loo qabanayo. Waad Mahadsan tihiin, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  15. Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo weli ku sugan degmada Garbahaarey ayaa dhaq-dhaqaaqyo ku aadan hirgelinta dorashaha Villaha Soomaaliya ka wada gobolka Gedo. Fartaag oo maanta booqasho ku tegay taliska ciidanka booliska degmada Garbahaarey ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, wuxuuna sheegay in doorashooyin qof cod ah dalka uu aaday, gobolka Gedo-na uu qayb ka yahay. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in doorashooyinkaasi ay ka dhici doonaan illaa lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo laba degmo oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose. “Waxaad nasiib u hesheen haddii aad tihiin gobolka Gedo, ama Jubbaland dhulka la yiraahdo in 8 degmo ay nooga soo hagaagtay in loo asteeyo deegaan doorashada, waxaa weeye magaalada Kismaayo, magaalada Afmadow iyo lix degmo oo Gedo ah” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu amar siiyay ciidamada uu la hadlay iyo guud ahaan kuwa dowladda ee ku sugan Gedo, isaga oo faray inay u diyaar garoobaan sugidda amniga doorashooyinkaasi. “Cidda doorashada fulineysa oo amnigeeda qaadeyso waa ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyaga oo kaalmeysanayo ciidamada kale ee qalabka sida, waaa inaad u diyaar garowdaan qaybta aad ku leedihiin ee idin kaaga soo aaday doorashadaas ay Soomaaliya u guurtay” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga gudaha Soomaaliya. Ugu damebyn wasiir Fartaag ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka iyo shacabka, isaga oo ku amaanay inay qaateen fikirka dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah. Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan Gedo ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhowaan ku dagaalamay degmada Doolow ee gobolkaasi.
  16. Khasaaraha dhimashada ee uu sababay shilkii diyaaradda kuuriyada koonfureed ee Jeju Air ayaa gaaray 127 qof oo dhimasho ah, sida laga soo xigtay wakaaladda dab-damiska ee dalkaas. Diyaaraddan oo dubaxnimadii Axadda ka kacday gegida caalamiga ah ee Muan ayaa wax yar ka dib ku soo dhacday xaydaanka garoonka, cillad dhinaca duulista ah oo soo wajahday awgeed, taas oo sababtay waxyeello baaxad leh oo soo gaartay rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa oo ka koobnaa 181 qof. Wakaaladda wararka ee Yonhap ayaa shilkan khasaaraha geystay u sababaysay qalabkeedii duulimaad oo xumaaday, taas oo keentay inay diyaaraddu ku dul dhacdo shubka adag ee ku meersan xayndaabka garoonka Muan ee gobolka south Jeolla oo qiyaastii 180 u jira magaalada caasimadda ah ee seoul. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta maamulka Galmudug, Mudane Axmed Shire Falagle ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka socda gobollada dhexe iyo dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe. Ugu horreyn Falagle oo soo hadal qaaday askartii lagu laayay Ceel Baraf ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado, wuxuuna intaasi ku daray in colaadahan sokeeye la abaabulayo. Wasiir hore Axmed Shire Falagle ayaa ku hadal qabsaday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif oo kasoo jeeda Ceel Baraf, wuxuuna sheegay in Shariifka uu kamid yahay xubnaha siyaasiyiinta ah ee sida wayn u diidan habka ay wax u wado dowladda. “Ceel Baraf waxaa daga madaxweyne Sheekh Shariif oo aad ogtahay cadaawadda uu hayo dowladda federaalka oo aad isugu dayo isaga iyo kooxdiisa inay farageliyaan Xamar nabad-gelyadeeda” ayuu ku yiri wareysi gaar ah oo uu siiyay Idaacadda Rirsaala. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Xittaa haddii uusan lug lahayn wixii ka dhacay tuuladaas waa saameyneysaa, maadaama ay degtso jufadiisa hoose”. Dhinaca kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dagaallada kasoo cusboonaaday meelo kala duwan oo kamid ah dalka, gaar ahaan gobollada dhexe ay hurinayaan dad siyaasiyiin ah iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, si ay uga dhex faa’iidestaan. “Hurinta dagaal beeleedyadan waa siyaasad is haysato iyo cadowga Khawaarijta waana mid weelba ka jirto” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta maamul goboleedka Galmudug. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda colaado sokeeye oo ka qarxay gobollo kala duwan oo kamid ah dalka, kuwaas oo saameyn toos ah mid togan ku yeeshay dadka shacabka ah.
  18. Sarkaal u hadlay dhinaca siyaasadda ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in inkasta oo ay sii kordheen duqeymaha ay Israa’iil ka geysanayso Yemen, haddana ay kooxdu sii wadi doonto weerarrada ay ku hayso Israa’iil, iyagoo garab taagan Falastiiniyiinta. Mohammed al-Bukhaiti ayaa BBC u sheegay in Xuutiyiintu “ay sii wadi doonaan inay xoojiyaan weerarada ka dhanka ah bartilmaameedyada ciidamada Israel” ilaa laga joojinayo “xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta”. Maalintii Khamiista, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa weeraray garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sanca iyo dekedaha iyo xarumaha korontada ee xeebta Badda Cas, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan afar qof. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in jawaabta laga bixinayo in ka badan hal sano oo gantaallo iyo weerarro diyaaradeed oo ay fuliyeen kooxda ay Iiraan taageerto ay hadda billaabatay. Xuutiyiinta ayaa gantaal ku garaacay Israa’iil, gantaalkaas oo ay ciidamada Israa’iil sheegeen in la qabtay ka hor inta uusan dhulkaasi gaarin. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xiisadaha sii kordhaya. Waxa uu sidoo kale sheegay in weerarrada lagu qaaday garoonka diyaaradaha iyo dekedaha ay si gaar ah u khuseeyeen, isagoo ka digay in weerarradu ay “khatar weyn ku yihiin hawlaha bani’aadanimo” ee dalka ay colaaduhu aafeeyeen. Xuutiyiinta, oo maamula waqooyi-galbeed ee Yemen, ayaa bilaabay inay weeraraan maraakiibta Israel iyo kuwa caalamiga ah wax yar ka dib dagaalka Gaza ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas kaas oo billowday bishii Oktoobar 2023. Israa’iil ayaa afar jeer duqaymo xagga cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta tan iyo bishii Luulyo, taasoo jawaab u ahayd 400 oo gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo riday Yemen. Mareykanka iyo UK ayaa duqeymo cirka ah ka billaabay dalka Yemen, kaddib weerarro ay kooxdu ku qaadday dhowr doomood oo ganacsi oo marayay koonfurta badda cas iyo gacanka Cadmeed. Mohammed al-Bukhaiti, oo xubin ka ah xafiiska siyaasadda ee Xuutiyiinta, ayaa u sheegay barnaamijka ‘Wararka Saacadda’ ee BBC-da Jimcihii in ay dagaal toos ah la galayaan Mareykanka, UK iyo Israa’iil, oo ay u arkaan “qalab” sannado badan dagaalka sokeeye ee Yemen sii waday. Hadalkan ayaa u muuqda mid uu ula jeedo xulafada Sucuudigu hoggaaminayo ee farageliyay sannadkii 2015-kii ee taageeraya dawladda Yemen markii ay Xuutiyiintu qabsadeen magaalada Sanca. “Waxaa naga go’an inaan sii wadno ololaha militari ee aan ku taageerayno Gaza, mana joojin doono weeraradayada ilaa laga soo afjaro xasuuqa iyo go’doominta Gaza, waxaan sii xoojin doonaa weerarada aan ku qaadeyno bartilmaameedyada ciidamada Israel” ayuu yiri. Israa’iil ayaa beenisay eedeymaha ah in ciidamadeedu ay xasuuq u geystaan Falastiiniyiinta ku nool Gaza. Iyadoo Xuutiyiintu ay arkeen xulafadooda Xamaas iyo Xisbullah oo burbur xooggan soo gaaray 14-kii bilood ee lasoo dhaafay dagaalka ay kula jiraan Israa’iil, waxay sheegeen inaysan u baahnayn taageerada Iran. “Xitaa haddii aan kali nahay, waxaan haysanaa taageero ciidan, dhaqaale iyo dadweyne oo nagu filan si aan dagaalkan ula galno,” ayuu yiri. Xigashada Sawirka,EPA Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in weerarada Xuutiyiinta ay sii kordhin doonaan marka uu xafiiska la wareego bisha soo socota, isagoo yiri “dagaalku wuu ka sii dari doonaa”. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay fiidnimadii Khamiista in dalkiisu “weeraray bartilmaameedyada ururka argagixisada ah ee Xuutiyiinta” waxa uu ugu yeeray “dagaal madax-furasho ah.” Afhayeenad u hadashay Qaramada Midoobay Stephanie Tremblay ayaa sheegtay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu “aad uga walaacsan yahay suurtagalnimada in gobolka ay kusii fiddo colaadda, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay joojiyaan tallaabada militari oo ay muujiyaan xakameynta ugu badan.” Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymahaasi ay la beegsadeen “kaabeyaasha ciidamada” ee garoonka caalamiga ah ee Sanca, xarumaha korontada ee Heziaz iyo Ras Qanatib, iyo dekedaha badda cas ee Xudeydah, Saliif iyo Raas Qanatib. Afhayeen u hadlay ciidamada Xuuthiyiinta ayaa sheegay in duqeymaha cirka ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah, ayna sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah. Si kastaba ha ahaatee, Yahya al-Sayyani, oo ah wasiirka gaadiidka dowladda Yemen ee Xuutiyiinta ay maamulaan, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii ku sheegay dhimashada afar qof. Waxa ay intaa ku dareen in qeybo kala duwan oo ka mid ah Garoonka Sanca ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka, waxayna ku eedeeyeen Israel inay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah iyo xeerarka duulimaadyada. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom ayaa ku dhowaa in uu raaco diyaarad ay leedahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Bini’aadantinimada (UNHAS), markii ay duqeynta Israel dhacday. Dr. Tedros ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay uu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarka, waxaana loo duuliyay dalka Urdun kadib markii qaliin lagu sameeyay jimcihii isbitaal ku yaala dalkaasi. “Weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo shaqaalaha bini’aadantinimada waa in ay joogsadaan meel walba,” ayuu Dr. Tedros ku yiri fariin uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Bbcsomali Qaran News
  19. Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo weli ka socda aagga deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii dhowaan laayay askartii dowladda. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladaasi ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa HirShabelle, isla-markaana natiijo wanaagsan laga gaaray, welina ay sii socdaan. Maxamuud Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyey in ciidamada ay ku guuleysteen soo qabashada laba kamid ah raggii dilka gaystay, isla markaana kuwa kale oo baxsad ah lagu raadjoogo. “Waxaan gacanta ku dhignay laba ka mid ah dadkii dilay askartii qaranka oo lagu weeraray goob ay isku aruursanayeen, waxaana ku dabajirna inta hartay, waana la soo qaban doona sharciga ayaana la horgeynayaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda deegaanka, wuxuuna tilmaamay inay dagan tahay, balse la xiray guddoomiyihii Ceel Baraf iyo odayaasha deegaanka, isla markaana loo haysto inay ka gaabiyeen waajibkii looga baahnaa, kadib mashaqadii ka dhacday halkaasi. Waxaa kale oo uu guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe ku baaqay in laga war sugo natiijada baarista socota iyo dadaallada ay wadaan, iyaga oo kaashanaya dowladda dhexe. “Dadaalada way socdaan dowladda iyo Hirshabeelle kama jiifaan wax ka qabashada dhacdadii foosha xumeyd, dadka Soomaaliyeed iyo beesha askarta la dilay waxaan u caddeynayaa in falkaas uu yahay mid aan ka wada xunahay sida uu u dhacay, ha is dajiyaan sharciga ayaa la horkeenaya dambiilayaasha oo hadda qaar gacanta lagu haayo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu. Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.
  20. Mogadishu (HOL) — Somalia and Tanzania have agreed to restore direct flights between Mogadishu and Dar es Salaam, a pivotal step in fostering trade, tourism, and cultural exchange between the two nations. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Somali National Army (SNA) forces have apprehended key figures, including local officials and elders, following the brutal ambush that claimed the lives of six soldiers and their driver in El-Baraf, Middle Shabelle. Source: Hiiraan Online
  22. Sablaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday saraakiil sar sare iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqeynta oo si gaar ah uga dhacday meel u dhow Sabalaale, gaar ahaan aagga deegaanka Haawaay ayaa lagu garaacay goob ay ku shirsanaayeen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Xubnaha la dilay oo gaaraya ku dhowaad 10 ayaa isugu jiro Soomaali iyo Ajaaaniib, waxaana kamid ah:- 1-Maxamad Maxamuud Saalax Abuu Najiib, 2-Huseen Maxamad Qaasim Abuu Faadil, 3-Maxamad Badhiir Abuu Yaxya, 4- ⁠Abuu Rashiid oo ka soo jeeda dalka Maroco, 5- ⁠Abuu Basiira oo isna ka soo jeeda dalka Yemen, 6-Kamaal Maxamad Cilmi oo ah ninka xukumayay saraakiisha oo dhan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xunahan ay diyaarinayeen weeraro ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kadibna la helay xogtooda oo sidaasi lagu duqeeyay. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay hurinayeen dagaal beeleedyada dalka ka socda, iyaga tashkiilinaya maleeshiyaadka hubka isku haysta ee ku dagaalamaya meelo kala duwan oo kamid ah dalka. Duqeyntan waxaa ka horreysay mid kale oo ka dhacday aagga degmada Kuunyo Barrow oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo u qaabilsanaa gobollada.
  23. sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamku, Markus Wiechel oo ka mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan dalka Sweden ee qaaradda Yurub, ayaa si wayn u dardar galinaya ololihisa siyaasadeed ee la xidhiidha u doodista sidii loo aqoonsan lahaa qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Markus Wiechel ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X ee hore loo odhyan jiray Twitter, wuxuu ku sheegay in uu halgan uu ugu jiro sidii loo aqoonsan lahaa qadiyadda iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. “Halgankii aan u galay dib u ictiraafista Somaliland iyo muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ay u leedahay iyo u qiridda guushooda ayaan maqaal cusub ku soo qaatay” ayuu qoraalkiisa ku sheegay. Wiechel oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa wasiirka arrimaha dibadda dalka Sweden Maria Malmer Stenergard waxa uu ku cadaadiyay in ay caddeyso mawqifka Sweden ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo aqoonsigeeda, isaga oo ku dooday in tallaabadan oo kale ay muhiim u tahay istiraatijiyadda juqraafiyeed ee Sweden, gaar ahaan ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku leeyahay Geeska Afrika. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Sweden Maria Malmer Stenergard ayaa dhankeeda sharraxday sida ay dalka Sweden uga go’an tahay in ay taageerto dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay sheegtay in dawladda Swedan ay diyaar u tahay in ay la shaqayso Somaliland. Waa kuma Markus Wiechel? Markus Wiechel wuxuu dhashay 15 April sannadkii 1988-kii, waa siyaasi Iswiidhish ah oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna. Waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden ka dib markii uu iscasilay Lars Isovaara 29 November 2012. Markus Wiechel wuxuu ka baxay Dugsiga Sare ee Hickman (Columbia, Missouri) 2007, wuxuuna u guuray waddankiisii ​​Sweden si uu uga barto Adeegyada Bulshada Jaamacadda Linköping, laakiin markii dambe wuxuu ka qalin jabiyay culuumta Siyaasadda. Waa wiil ay dhashay qoraaga Iswiidhishka ah, ahna khabiir dhanka caafimaadka indhaha Kristina Narfström oo bare ka ah jaamacadda Missouri . Hadda waxa uu xubin ka yahay Guddiga Arrimaha Dibadda, sidoo kalena waa ku xigeenka Guddiga Arrimaha Midowga Yurub. Wiechel hadda waxa uu qayb ka yahay saddex ergo baarlamaan oo caalami ah: Wiechel waa gudoomiyaha ururka PACE-delegation wuxuuna hayaa kursiga gudoomiye ku xigeenka golaha. Madaxda kale ee horey ugu baaqay aqoonsiga Somaliland Ma aha markii ugu horreysay oo siyaasi reer galbeed ah uu ku baaqo in la aqoonsado Somaliland. Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yidhaahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka baarlamaanka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu ahaa 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sanno socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka. Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan. Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sanno jirsatay. Sidoo kale waxa jiray siyaasi lagu magacaabo Gavin Williamson oo u dhashay dalka UK oo isna u ololeynaya aqoonsiga Somaliland. Gavin Williamson ayaa bilowgii sannadkii 2022 horgeeyay baarlamaanka UK doodda ku saabsan gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland. Somaliland waxa ay ku taal meel istiraatiji ah oo ka mid ah caalamka, waxaana loo arkaa inay tahay marin laga galo gacanka cadmeed iyo badda cas, halkaas oo ah meel ay aad isha ugu hayeen quwadaha waaweyn ee dunida. Source
  24. Siyaasiyiin iyo xildhibaano Maraykan ah ayaa bayaan codsi ah u diray Congress-ka Maraykanka, kaas oo ay kaga dalbanayaan in ay ansixiyaan xeerka HR 10402, ee hore loogu gudbiyay shirweynihii 118aad ee aqalka Congresska, si loogu aqoonsado Somaliland qaran madaxbannaan. Xubnahani waxay ku baaqeen in Somaliland loo aqoonsado in ay tahay qaran madax-bannaan, dimuqraadi ah. Sidoo kalena la taageero dadaalka Somaliland ugu jirto inay xubin buuxda ka noqoto ururada caalamiga ah oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Warkan oo ay qortay warbaahinta Sign.moveon oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, waxa uu u dhignaa sidan: Bayaanka Codsiga: “Ictiraafka Somaliland. Waa Qaran Madax-bannaan oo Dimuqraadi ah oo Ku Hanweyn in uu ka mid noqdo qaramadda caalamka. Annaga oo ah kuwa hoos ku saxeexan, waxaanu ugu baaqaynaa Congress-ka Maraykanka inay ansixiyaan HR 10402, ee lagu soo bandhigay shirweynihii 118aad, si loo aqoonsado Somaliland qaran madaxbannaan. Xeerkani waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca aqoonsiga Somaliland, taas oo ah sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda, nabadda, iyo is-maamulka. In ka badan soddon sanno, Somaliland waxay u shaqaynaysay sidii dal madax-bannaan, iyada oo ka go’day Soomaaliya. Ka dib markii ay ku dhawaaqday madax banaanideeda 1991 ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya, Somaliland waxay dhistay dimuqraadiyad xasiloon, shaqaynaysa oo ay ka go’an tahay doorashooyin xor ah, xuquuqal insaanka iyo sharciga. Si ka duwan sida Soomaaliya oo weli la daalaa dhacaysa nabad-gelyo-xumo iyo colaado gudaha ah, Somaliland waxay u taagan tahay ifka rajo iyo horumarka Geeska Afrika. Maxay Somaliland Ugu Mudan Tahay Ictiraaf: Hannaanka Dawladnimo Dimuqraadi ah iyo Xasiloon: Somaliland waxa ay qabatay doorashooyin dhawr ah oo nabad ah, iyada oo ay dawladuhu ku kala wareegayeen sanduuqa codbixinta. Nidaamkeeda siyaasadeed waxa uu ka tarjumayaa rabitaanka dadkeeda, isaga oo u kala saaraya in uu yahay dimoqraadiyad shaqaynaysa ee gobolka. Madaxbanaanida Shacbiga: Somaliland waxay si joogta ah u muujiyeen rabitaankooda madaxbanaanida iyagoo adeegsanaya habab dimuqraadi ah, oo ay ku jirto aftidii 2001 oo in ka badan 97% ay u codeeyeen inay ka go’aan Soomaaliya. Ballanqaadka Nabadda iyo Xasiloonida: Somaliland waxa ay ahayd mid inta badan nabad ah, xitaa iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay rabshado iyo xasillooni darro baahsan. Waxay samaysatay hay’ado u gaar ah, ciidan iyo hannaan sharci, iyadoo sugaysa amniga muwaadiniinteeda, waxayna gacan ka geysataa xasilloonida gobolka.” Source
  25. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa raaligelin ka bixiyay xaqiiqda ah in diyaaradda Azerbaijan Airlines ay burburtay ka dib markii ay soo gashay hawada Ruushka ee Grozny, Chechnya, Arbacadii, laakiin ma sheegin in Ruushka uu mas’uul ka ahaa soo dhicista diyaarada. Putin ayaa sheegay in nidaamyada difaaca hawada ee Ruushka ay ahaayeen kuwo howlgalayay markii diyaaraddu ay isku dayday in ay ku degto Grozny, sida uu sheegay Kremlin-ka. Markii ay awoodi wayday in ay gaarto garoonka diyaaradaasi, waxa ay u weecday dhinaca bari, iyada oo ugu danbayntii ku burburtay meel u dhaw magaalada Aktau ee dalka Kazakhstan, halkaas oo ay ku dhinteen 38 qof oo saarnaa. Diyaaradan ayaa waxaa saarnaa dad u kala dhashay dalalka Azerbaijan, Russia, Kazakhstan iyo Kyrgyzstan. Dadka badbaaday waxaa ku jiray labo caruur ah. Lama xaqiijin karo waxa ka dambeeyay dhacdadan, balse sarkaal Maraykan ah ayaa u sheegay CNN Khamiistii in calaamadihii hore ay muujinayaan in nidaamka lidka diyaaradaha ee Ruushka laga yaabo inuu soo riday diyaaradii rakaabka. Warka ka soo baxay Putin ayaan si toos ah u sheegin in difaaca hawada Ruushka ay duqeeyeen diyaaradda. “Putin wuxuu raaligelin ka bixiyay xaqiiqda ah in dhacdadan naxdinta leh ay ka dhacday hawada Ruushka mar uu taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev.”ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Aqalka Kremlinka ee dowlada Ruushka. “Diyaaradda si isdaba joog ah ay isku dayday in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Grozny laakiin waqtigaa waxaa aagagga Grozny, Mozdok iyo Vladikavkaz weerarayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, iyadoo nidaamka difaaca hawada Ruushka uu iska caabinayay weerarradaas.”ayaa lagu sheegay b ayaanka Kremlinka ka soo baxay. Guddiga baarista ee Ruushka ayaa furay kiis dambi ah oo la xiriira musiibada, ayaa lagu yiri bayaanka. Putin ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay shilkaas isagoo taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Kazakhstan, Kassym-Jomart Tokayev, Sabtidii, Kremlin ayaa sidaas sheegtay. Ugu yaraan shan shirkadood ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen goobo ka tirsan Ruushka tan iyo markii ay masiibadu dhacday, sida Azerbaijan Airlines, Turkmenistan Airlines, El Al Israel, Flydubai iyo Qazaq Air. Source