-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah u ansixiyay hawlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo dhammaadka sannadkan beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS. Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Ingiriiska, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka uu ka aamusay Mareykanka oo shir-guddoominayay Fadhiga sababo la xiriira walaacyo ku saabsan Maalgelinta. Hawlgalkan cusub ee AUSSOM oo heysta sharciyad 12 bilood ah ayaa gebi ahaanba laga saaray Ciidamada Itoobiya, waxaana uu noqon doonaa ilaa 12,626 askari oo kala ah ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah. Uganda ayaa la wareegi doonta dhammaan goobihii ay Soomaaliya ka joogeen ciidanka Itoobiya ee laga reebay hawlgalka cusub waxaana Uganda noqonayso dalka ciidanka ugu badan howlgalkan ku biiranaya oo gaaraya 7,175 oo askari halka Jabuuti ku yeelanayso hawlgani 1,800 oo askari. Dowladda Kenya ayaa sidoo kale hawlgal AUSSOM ku yeelan doonta 1,400 oo askari halka ciidamada Burundi oo hoos loo dhigay islamarkaana lagu soo koobay tirada ciidanka ka socda ee qeybta ka noqonaya AUSSOM 1,041 askari. Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan illaa 30-ka Juun 2025, iyadoo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka QM oo ansixiyay hawlgal cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay si rasmi ah u ansixiyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya howlgalka sii dhammaanaya sannadkan ee ATMIS. Howlgalka cusub oo lagu magacaabo AUSSOM oo heysta sharciyad 12 bilood ah , waxaa waajibkooda lagu sheegay xasillinta iyo gargaarka bani’aadannimo. Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ugu guuleystay in howlgalkaan ay ka reebto Ciidanka Itoobiya in ay ka qeyb ka noqdaan. Sidoo kale Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa muujiyay in howlgalka laga reebay Ciidanka Burundi in ay ka qeyb ka noqdaan. Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Britain, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka Mareykanku ka aamusay sababo la xiriira walaacyo ku saabsan maalgelinta. Ciidamada cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona ilaa 12,626 askari oo kala ah ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah. Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan illaa 30-ka Juun 2025, iyadoo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM. Wasiirka arrimaha dibedda ee Masar ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu qayb ka noqon doono ciidamadan cusub. Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale oggolaanaya suurtogalnimada in 75% kharashka hawlgalkan cusub ay maalgeliso Qaramada Midoobay, iyadoo la adeegsanayo nidaam la sameeyay sanadkii hore. Si kastaba ha ahaatee, ku xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Dorothy Shea, ayaa sheegtay in aysan wali muuqan shuruudo lagu dhaqaaqi karo oo lagu dhaqangalinayo nidaamkaas, taasoo sababtay in Mareykanku uu ka aamuso codbixinta. Source: goobjoog.com
-
Nairobi, kenya — Kenyan rights groups, lawyers and politicians voiced grave concern Friday over a fresh spate of abductions targeting government critics. Source: Hiiraan Online
-
UNITED NATIONS — The U.N. Security Council on Friday gave the green light to a new African Union force in Somalia that is meant to take on the Islamist armed group al-Shabab, with the soldiers due to deploy in January. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa amartay in 48 gudohood lagu soo qabtay dadkii ka dambeeyay dilka 6 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu xasuuqay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka shabeellada dhexe, xilli ay halkaas safar ku marayeen. Dowladdu waxay shegtay in kuwii dilkaas bahalnimada ah kula kacay askarta naf hureyaasha ah si deg deg ah sharciga loo horkeeni doono, waxaana deegaanka falku ka dhacay gaaray taliyaasha nabad sugidda iyo dhulka ee ciidamada qalabka sida, kuwaas oo ka howl-gali doona soo qabashada dadkii ku lugta lahaa dhacdadan argagaxa leh. Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladdu ay tillaabo adag ka qaadi doonto kuwii ku lugta lahaa gumaadka askartii difaaca dadkooda iyo dalkooda wax walba u hurayay, balse sida arxanka daran loo laayay. Dhanka kale wasiirku wuxuu ciidanka xoogga dalka ugu baaqay inay is dajiyaan oo dhacdadani aanay saamayn ku yeelan howsha adag ee ay qaranka u hayaan, falkana ayaana noqday mid bulshada Soomaaliyeed ay si weyn uga carootay. Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ee Lubnaan ayaa sheegay in Rifaat Al-Assad, oo ah adeerka madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar Al-Assad, uu dhowaan Beirut ka dhoofay uuna tegay Dubai. Mas’uuliyiinta waxay sidoo kale sheegeen in xubno badan oo qoyska Al-Assad ka tirsan ay Beirut uga guureen Dubai, halka qaar kalena ay weli ku sugan yihiin Lubnaan tan iyo markii xilka laga tuuray Bashar Al-Assad 8-dii Diseembar. Mas’uuliyiinta Lubnaan waxay xaqiijiyeen in aysan jirin dalab rasmi ah oo ka yimid Interpol oo ku saabsan xiritaanka Rifaat Al-Assad, inkastoo uu wajahayo eedaymo culus oo la xiriira dambiyo dagaal iyo xasuuqii Hama ee 1982. Rifaat Al-Assad wuxuu ku jiraa sagaashanaadkii noloshiisa, waxaana lagu eedeeyaa inuu amray dilka tobanaan kun oo qof intii uu hogaaminayey hawlgalladii Hama. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Lubnaan oo sheegay in Bashar Al-asad adeerkiis u cararay magaalada Dubai appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi ay hoggaaminayaan Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe iyo Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullahi u dirtay magaalada Jowhar, si ay ula kulmaan Madaxweynaha HirShabeelle oo go’aan looga gaaro soo qabashada raggii shalay askarta ku laayey aagga deegaanka Ceelbaraf. Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha xoogga oo sheegay in falkaan aan looga qanci karin wax aan aheyn in cadaaladda la hor keeno raggii geystay ayaa maanta Jowhar u diray wafdiga ay hoggaaminayaan Taliyaha NISA iyo Taliyaha ciidanka dhulka. Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa saakay deegaanka uu falkaasi ka dhacay ee Ceelbaraf u diray ciidan uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska Soomaaliya, qeybta deegaanada HirShabeelle Korneyl Xasan Dhicisow, isagoo amray in lasoo qabto dambiilayaasha. Sidoo kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa diray ciidan kale oo ka qeyb qaata howlgalka soo qabashada raggii askarta ku laayey duleedka Ceelbaraf, waxaana go’aan lagu gaaray in cadaaladda la hor keeno dambiilayaasha. Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in muddo 48 sacadood ah lagu soo qaban doono dambilayaashii ka dambeeyey dilka askartii ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu geystay aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale waxaa maanta dadaal dheer kadib difaacooda dib loogu celiyey in ka badan 100 askari oo ka gadooday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo ka carooday falkii arxan darrada ahaa ee lagu laayey raggii ay iskala tirsanaayeen ciidanka xoogga dalka. Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa goordhaw fadhi gaar ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, waxayna ansixiyeen qaraar wax looga bedelayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo markii hore ahaa ATMIS, hadana laga dhigay AUSSOM. Ciidamada Itoobiya ayaa si buuxda looga reebay howlgalka cusub ee loo ansixiyey Soomaaliya, howlgalka ATMIS oo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin ayaa ku eg 31-ka bishan December 2024, waxaana bilowga sanadka cusub Soomaaliya ka bilaabanaya howlgal aysan qeyb ka aheyn ciidamada Itoobiya. Qaraarka uu maanta ansixiyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa meesha ka saaraya warar baraha bulshada lagu faafiyey maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo sheegayey in dowladda Soomaaliya ay cadaadis dheer kadib ogolaatay in ciidanka Itoobiya aan laga reebin howlgalka cusub. Qaraar qabyo ah oo ay diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa lagu taageeray go’aanka Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika, kaas oo lagu badalayo howlgalka ATMIS, howlgal cusub ayaa loogu magac-daray ‘Howgalka Teegerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika’ (AUSSOM). Qaraarkaan ayaa waxa uu sheegayaa in loo ogolaanayo in wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay daabulaan 12,626 askari oo labisan kuwaas oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah oo ka mid noqonaya howgalka AUSSOM. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya howgalka ATMIS ayaa dhameeyay qorshihii uu shaqada ugu wareejin lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM. Ciidamada ka qaybta ah howlgalka cusub ayaa laga kala keenayaa wadamo badan oo Afrikaan ah, qorshaha howlgalka cusub ayaa la filayaa in uu soo dhamaado maalmo gudahood, iyadoo la shaacin doono nooca shaqada ay ka bilaabayaan Soomaaliya. Dowladda Masar ayaa dhawaan shaacisay in ay qayb ka noqon doonto howlgalkaan cusub, iyadoo Soomaaliya ay horay u shaacisay in ay soo dhawayneyso codsiga Masar, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay codsiga Masar. Itoobiya oo horay u codsatay in howlgalka cusub aan laga reebin, balse dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in aysan qeyb ka noqon, go’aankaan ayaa dhabar-jab aan horay loo arag ku noqday Itoobiyaanka, maadaama booskii laga saaray lagu soo bedelay Masar. Markii laga reebo inay lumisay xubinimada urur weyn oo il dhaqaale u ahaa, Itoobiya ayaa halis weyn u aragta imaashaha Masar ee Geeska Afrika, dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadaan ugu aargoosaneysa Itoobiya oo siyaasad qalafsan iyo damac walaan oo badda Soomaaliya uga jira lasoo shaac-baxday.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in muddo 48 sacadood ah lagu soo qaban doono dambilayaashii ka dambeeyey dilka askartii ka tirsaneed Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu geystay aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka ayaa u digay cid kasta oo isku dayda iinay gabaad siiso raggii laayey ciidanka, kuwaas oo sida uu sheegay lagu raadjoogo. Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa falkaan iyo dagaal beeleedyada kaleba ku eedeeyey Al-Shabaab, isagoo ku tilmaamay mid ay uga danleeyihiin in ugu dambeyn waxaan oo kale ay dhacaan oo jidka loo galo ciidanka qaranka. Wasiir Jaamac ayaa balan qaaday in 48 saac kadib uu shir jaraa’id qaban doono, isagoo akhbaar rasmi ah ka wada ciidankii la laayey iyo cidda loo qabtay. Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo baxday gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan deegaanka Xawaadley, una socotay gobolka Hiiraan ayaa shalay galabta lagu laayey aagga deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Ilaa 7 askari iyo darawalkii waday gaari ay la socdeen ayaa la dilay, waxaana badbaaday hal askari oo goobta ka baxsaday, sida ay Caasimada Online u sheegeen goobjoogayaal ku sugan Ceelbaraf. Askarta la laayey ayaa u fasax qaatay inay soo booqdaan reerahoodii oo degan gobolka Hiiraan, basle maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa jidka u galay, kuwaas oo hal goob ku dilay dhamaantood, markii laga reebo hal askari oo si naadir ah ku baxsaday. Waxaa bilowday howlgallo lagu soo qabanayo raggii geystay dil wadareedkaas, madaxda qaranka iyo HirShabeelle ayaa si wadajir ah u amray hay’adaha ammaanka in lasoo qabto raggii jidka u galay ciidanka qaranka ee xasuuqay. Hoos ka daawo hadalka wasiirka
-
From left: President Hassan Sheikh Mohamud, former President Sharif Ahmed, Ahmed Mohamed Islam (Jubaland State President) and Mukhtar Robow (Federal Minister for Endowments and Religious Affairs) were associated with the political Islamists’ project in Somalia. Mogadishu (Commentary) — The former director of the Heritage Institute for Policy Studies, Abdirashid Hashi, commented on the leadership failures that plague President Hassan Sheikh Mohamud. “President Hassan Sheikh Mohamud must recognise Ethiopia’s longstanding ambition to dominate, destabilise and exploit Somalia. His lack of firm resolve risks enabling Ethiopia’s overreach,” tweeted Hashi. This verdict is shared by a section of Somali political Islamists. Political Islam officially entered Somalia’s political landscape in January 2009 when President Sharif Ahmed was elected in Djibouti after the 2008 agreement between the Transitional Federal Government of Somalia and the Alliance for the Reliberation of Somalia. Hashi served as Information Minister in the first council of ministers appointed by Omar Abdirashid Ali Sharmarke, the then Prime Minister. Damuljadid, the political faction to which President Hassan Sheikh Mohamud belongs, achieved its political goals with sponsorship from Qatar and other Arab countries that funded NGOs in Mogadishu before 2012. The faction fused opportunistic political affiliations with the Muslim Brotherhood and clan interests. As a president who sees Mogadishu as his stronghold, Hassan Sheikh Mohamud defines Somalia’s foreign policy based on the interests of his constituency. This aspect of his foreign policy has not gone unnoticed by Kenya and Ethiopia—two neighbouring countries attuned to Somali politics. As the late Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi stated in 1995: “We understand the intricacies of Somali politics.” Zenawi’s comment came in response to a question by former BBC Somali Service star interviewer Abdullahi Hagi, regarding claims by former Somaliland President Mohamed Ibrahim Egal that “terrorists are based in Laascaanood and Boorame.” Under President Mohamud, Somalia has become a country oblivious to its own tribulations and limitations. His tendency to misuse international goodwill and politicise the role of peacekeepers threatens to further diminish Somalia’s standing on the global stage. A month ago, the Federal Government of Somalia hailed Ethiopia’s exclusion from the peacekeeping force as a diplomatic victory against the Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. Yet, the Ankara Somalia-Ethiopia Agreement now permits Ethiopian forces to be part of the peacekeeping mission in Somalia. Somali political Islamists have proven as adept at courting Ethiopian support as the warlords before them. President Hassan Sheikh Mohamud, who authored an embargoed doctoral dissertation titled Examining the Challenges of Clan Politics in Statebuilding: A Case Study of Somalia, echoed the view expressed by Zenawi in a 2008 interview. “An oversupply of national sentiment is not the problem in Somalia. The problem is a lack of it. The problem is an oversupply of sub-sub-clannish attitudes” Zenawi said. Zenawi, like President Mohamud, employed essentialist descriptions of Somali politics, omitting the central role of politicians in perpetuating the civil war after the state collapse in 1991. Somali political Islamists are increasingly recognising that political Islam is incompatible with political realities in Somalia. © Puntland Post, 2024 The post The Failure of Somali Political Islamists appeared first on Puntland Post.
-
WAR-SAXAAFADEED Hargeysa-26-12-2024(Qarannews)- Wefti uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Magalada Jigjiga ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya kulan muhiim ah kula qaatay Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya, uu Hogaaaminayey Taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Itoobiya General Afgado iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka uu u horreeeyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo masuulin kale oo muhiim ah. Labada dhinac ayaa si qotodheer uga wada hadlay Xaaladda Degaanka Dacawalay iyo Degaanada kale ee ku xeeran, waxaana isfaham buuxa labada dhinac ka gaadheen Xaalada Degaanka Dacawalay,iyadoo la isla qaatay in la joojiyo dhiiga daadanaya, xaaladdana lagu dhameeyo xal Nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax danbe u dhiciin. Weftiga Somaliland uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo madaxweyne-ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kulan wada-tashi ah iskugu yeeray madaxweynayaashii iyo madaxweyne-ku-xigeenadii hore ee Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa madaxweynayaasha iyo madaxweyne-ku-xigeennada uu kulanka wada-tashiga ah la yeeshay maanta ayaa waxaa kamid ahaa: 1. Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi 2. Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin 3. Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin 4. Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Arrimaha muhiimka ah ee uu madaxweynuhu kala hadley madaxweynayaashii iyo ku-xigeenadii hore ayaa ahaa wada-tashi la xidhiidha xaaladaha hadda taagan ee mihiimadda iyo mudnaanta gaarka ah u leh Somaliland . Guntii iyo gaba-gabadii, isku-xidhnaanta madaxda Somaliland ay xilli walba kaga arrinsadaan xaaladaha dalku waa towfiiqda iyo talo-waaga ay Somaliland kaga duwan tahay Soomaalida kale. “Kulankooduna waxa uu ummadda Jamhuuriyadda Somaliland u yahay ISHAARO-SAN iyo YIDIDIILO ah dhinaca adkaynta Qarannimada iyo wadajirka ummadda Jamhuuriyada Somaliland,” ayaa lagu yiri Madaxtooyada Somaliland ay kasoo saartay kulankaan. Dhinaca kale, waxaa isna kulanka qayb ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenkii 4-aad iyo 5-aad Cabdiraxman Saylici, laakiin kulanka ka maqnaa hooyadii oo Boorama ku geeriyootay awgeed, taasi oo ay madaxweynayaasha iyo madaxweyne-ku-xigeenadu ay si wada jir ah uga tacsiyadeeyeen geeridaa ku timid. Sidoo kale, kulanka waxa isaguna qeyb ka ahaa gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Waxaa sidoo kale kulankan wada-tashiga ah qeyb ka ahaa balse xaalado caafimaad uga maqnaa madaxweyne-ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, waxayna si wada-jir ah Alle uga baryeen inuu caafimaad taam ah siiyo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Eritrea waxay si buuxda ula safteen Soomaaliya kadib markii Itoobiya isku deyday inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. Labadaan dal waxaa dhinaca kale Itoobiya kala dhaxeeya khilaafyo ku qotoma danahooda gaarka ah. Saddexda dal ee Masar, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dhawaan dhistay isbaheysi saddex geesood ah oo ka dhan ah Itoobiya. Waxayna Masar iyo Eritrea qeybsadeen sida loo taageerayo Soomaaliya. Masaarida waxay qaateen taageerida dhinaca hubka, halka Eritrea ay qaadatay inay Soomaaliya u diyaariso ciidan xoog leh. Labadii waddan iyagoo shaqadoodii ku jira oo la xasuusto inay Masaarida laba markab oo hub ah geeyeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayuu dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh heshiis lasoo galay dowladda Itoobiya bishaan, isagoo u fasaxay inay soo gaaran biyaha Soomaaliya. Xubnaha Xasan Sheekh ku dhow-dhow iyo diblumaasiyiinta gobolka iskuma khilaafsna in uusan Xasan Sheekh wax wargelin ah siinin madaxda Masar iyo Eritrea, maadaama ay shirko ku ahaayeen la-dagaalanka Itoobiya. Labada dowladood ayaa la sheegay inay lama filaan ku noqotay inuu Xasan Sheekh u quuri waayey inuu u sheego in heshiis noocaas ah uu galayo, si looga doodo waxa ka dhalan kara iyo haddii uu sii shaqeyn karo isbaheysigii saddex geesoodka ahaa. Markii uu heshiiska dhacay kadib oo Xasan Sheekh uu ogaaday inay dowladihii saaxiibadiis ah ka xanaaqeen hab-dhaqankiisa ayaa la sheegay inuu telefoono ku raadiyay. Hadda wafdi ayuu u direy Masar, isagana wuxuu aaday waddanka Eritrea. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isku dayaya inuu dejiyo labada dal, laakiin waa adag tahay in la helo caqliyad aad ku wada haysan kartid Masar, Eritrea iyo Itoobiya oo ah saddex dowladood oo dano u gaar ah isku haya. Masaaridu waxay dhamaadka bishaan usoo diri rabeen magaalada Muqdisho markab saddexaad oo hub ah oo kuwii hore ka weyn. Mana cadda inuu hadda qorshahaas dhaqan-geli doono. Sidoo kale waa markii labaad ee uu Xasan Sheekh ballan uga baxo Masar. Waxaa la xasuusta inuu hadda kahor heshiis baddeed la gali rabay Masaarida oo Cabdifataax Al-Siisi uu Xamar imaan lahaa, balse Xasan Sheekh ayaa ka laabtay qorshahaas, wuxuuna heshiiskaas la galay Turkiga. Dhinaca Masaaridu waxay xilligaasi in heshiiskii looga baxay kasoo ogaadeen dhinaca Turkiga. Dad badan waxay hadda isweydiinayaan inay Masaaridu mar saddexaad aamini karto Xasan Sheekh. Waxyaabaha lagu ballansanaa horraanta sanadka cusub waxaa kamid ah inay madaxda Masar, Soomaaliya iyo Eritrea isku arkaan magaalada Qaahira ee waddanka Masar. Sida uu kulankaas u qabsoomi doono hadda su’aal badan ayaa ka taagan, maadaama ay Itoobiya si weyn u diidan tahay inuu isbaheysigaasi sii jiro. Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu rabo inuu isbaheysigaasi qeyb kasii ahaado waa inuu dhinaca kale ku xisaabtama in uusan niyad wanaag iyo wada-shaqeyn ka heli doonin Itoobiya. Waa inuu labada dhinac mid u beera. Masaaridu si guud cilaaqaadka kala dhaxeeya dowladda federaalka waa jirayaa, laakiin markaana shuruudo iyo taxadar ayaa ku jiri doona la-macaamilkooda Villa Somalia, maadaama uu batay guur-guurka Xasan Sheekh. Wafdiga wasiir Fiqi ee tegay magaalada Qaahira marka laga tago howlaha yaryar ee kulamada lagu qurxinayo, haddana doodaha waaweyn ee gobolka taabanaya ee labada dal u dhaxeeya waa arrimo u baahan in dhinaca heer madaxweyne laga eego.
-
Somalia’s Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi has denied reports that Somalia has agreed to grant Ethiopia access to the Red Sea, dismissing the claims as baseless. “I categorically refute claims that Ethiopia has been granted access to the Red Sea. These baseless assertions lack any foundation. Somalia remains committed to protecting its sovereignty and ensuring transparency on national issues,” Fiqi stated on X. The denial follows a prior statement attributed to Fiqi, suggesting Somalia had agreed to grant Ethiopia Red Sea access as part of the Ankara Declaration, a deal brokered by Turkish President Recep Tayyip Erdoğan on December 11, 2024. The Ankara Declaration aims to resolve tensions between Somalia and Ethiopia, particularly following Ethiopia’s controversial Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland on January 1, 2024. That MoU granted Ethiopia access to the Red Sea while Somaliland sought recognition as an independent state. As part of the agreement, technical committees will be established to address maritime disputes, with a resolution deadline set for mid-2025. However, the deal has sparked controversy, particularly within the Tripartite Alliance of Somalia, Eritrea, and Egypt, which opposes Ethiopia’s ambitions for Red Sea access. Eritrea and Egypt view Ethiopia’s demands as a threat to regional stability. Eritrean Foreign Ministry advisor Abdulkadir Idris criticized the agreement in comments to BBC Somali, arguing that it undermines Somalia’s sovereignty and risks destabilizing the region. “The agreement is hasty and poorly conceived,” Idris warned, expressing frustration over Somalia’s swift acceptance of the deal. He also cautioned that it could strain existing alliances and lead to diplomatic fallout. (Reporting by Kaab TV) Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb-galeen aqoonyahanno Soomaali ah, kaas oo khuseeyay heshiiskii Ankara ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Kulankaan xasaasiga ah waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo khubaro caan ah, si ay u qiimeeyaan saameynta heshiiska Ankara ku leeyahay iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda. Soo bandhigidda fikradaha kulankaasi oo uu daadihinayay agaasimaha xafiiska qurbajoogta Ibraahim Guure Maxamed ayaa lagu muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta hadafka istiraatiijiyadeed ee siyaasadda dibadda. Kulankaasi oo inta badan lagu fallan-qeeyay isbarbar-dhigga nuxurka uu xambaarsan yahay baqii Ankara waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macalin Fiqi, wasiir ku-xigeenka Isaaq Maxamuud Mursal, xoghayaha joogtada ah Xamza Aadan Xaadoow iyo ku-simaha safiirka Sudan Danjire Ammar Ahmed Babiker. Heshiiska Ankara, oo garwadeen uu ka ahaa madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa muhiim loogu arkaa hagaajinta xiriirka labada dal, oo muddooyinkii dambe ay ka dhaxeysay xiisad xooggan. Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muujinaya isku soo dhawaansho wax weyn u tari kara xiriirka labada dhinac, iyadoo la rajeynayo in dhawaan iskaashi cusub oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah uu dhex-maro. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku khilaafay arrimo badan oo siyaasadeed iyo istiraatiiji ah, waxaana heshiiska Ankara iyo kulamada xigga la filayaa inay ka dhashaan horumar dhab ah oo dhex-mara labada dal.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Odayaal sheegtay inay yihiin odayaashii dhaqanka ee nabadeynta u joogay deegaanka Dacawalay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa warbaahinta kasoo muuqday. Odayaashan ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in la afduubtay, iyagoo sheegay inay si nabad ah ugu sugan yihiin magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Sidoo kale waxay carabka ku adkeeyeen in wararka ku saabsan afduubkooda ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna sheegeen inay halkaas kula kulmeen mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo xubnaha Golaha Nabadda iyo Midnimada DDS. Waxay sheegeen inay maanta bilaabi doonaan wada-hadallo muhiim ah oo ku saabsan xalinta xiisadda ka taagan deegaanka Dacawalay. Hadalka odayaasha ayaa imanaya kadib markii xukuumadda Somaliland ay ciidamada Liyuu Booliska ku eedeysay inay afduubteen odayaashii halkaasi u tegay dhex-dhexaadinta iyo daminta colaadda. “Ciidamada Liyuu Booliska waxay deegaanka Dacawalay ka afduubay madax dhaqameed kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo halkaas u tegey ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda ka dhacday maalmihii u dambeeyey. Tani waa gef iyo xad-gudub cad,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasiirka amniga gudaha ee Somaliland. Xaaladda guud ee Dacawalay oo ah deegaankii lagu dagaalamay Arbacadii ayaa haatan ah mid degan, iyadoo bilowdeen wada-hadallo rasmi ah oo xal loogu raadineyo xiisaddan, kuwaas oo u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.