Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi odayaal ah oo uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle. Wafdigan odayaasha ah oo ka baxay Muqdisho ayaa u tegay Beledweyne xallinta xiisaddii ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Imaam Daahir oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa ka wabixiyay ujeedka safarkooda, wuxuuna sheegay in ay u socdaan xalka dhibkii gaaray beesha Xawaadle. “Waxaan usoo gole fadhiisanay inaan xal ka keenno dhacdadii Ceel-baraf oo ahayd mid aanan raalli ka ahayn” ayuu yiri Imaamka Mudulood. Dhankiisa waxaa hadalka ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo duubabka dhaqanka kusoo dhaweeyay Beledweyne, wuxuuna u ballan qaaday inay diyaar u yihiin sidii xal loogu lahaaa xiisadda ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceel Baraf. “Imaam sood hawoow, dadkaaga ayaa u imaatay, arrinta aad u timidna waa xalismee, culeys badan ma jiri doono, xalka aad waddaan waan idin kusoo dhaweyneynaa” ayuu yiri. Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.
  2. AQPejR81_Noir18rF2OVcRbBkgQBKEbveP0oGI-mWVU4u3M0FOdXBBFV5_QEy6QxXttS_sslHP3HcNI3am1LHhUE Qaran News
  3. AQPejR81_Noir18rF2OVcRbBkgQBKEbveP0oGI-mWVU4u3M0FOdXBBFV5_QEy6QxXttS_sslHP3HcNI3am1LHhUE Qaran News
  4. Mogadishu (HOL) – The Governor of Banadir Region and Mayor of Mogadishu, Mohamed Ahmed Amir, met with Sudan's Ambassador to Somalia, Ammar Ahmed Babiker, on Tuesday to discuss strengthening collaboration between the two nations. Source: Hiiraan Online
  5. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta dagaalkii ay maanta ciidamada maamulkaas la galeen kooxda Daacish. Ugu horreyn Saciid Deni ayaa isbitaalkaBoosaaso ku booqday qaar kamid ah askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii maanta oo yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Daacish ay saaka weerar kusoo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland. Dagaalka ayaa dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Puntland ay sheegtay inay dishay xubnobadna oo ay ku jiraan ajaaniib ka tirsanaa Daacish. Dhinaca kale madaxweyne Saciid Deni oo wareegto soo saarya ayaa magacaabay guddiga taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, kaas oo ka kooban illaa 7 xubnood. Guddigan ayaa ka shaqeyn doono garab istaaga askarta ay waxyeelo soo gaarto, si looga war qabo iyaga iyo qoysaskooda. Hoos ka akhirso:- Boosaaso : 31 December 2024, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. Ku: Wasaaradda Amnniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Og: Guddoomiyeyaasha Goboladda Puntland. Ujeeddo: Magacaabid Guddi Waxaa xubanaha Wasiiradda ah iyo Guddomiyayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: – Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo) La-taliye Axmed Cabdi Hurre Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid. Guddomiyaha degmada Boosaaso, Cabdifaataax Xaaji Shanle. Guddigaan waxay ka shaqaydoonaan Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Golis. Haddaba, waxaa la farayaa xafiisyadda ay warqadani ku socoto in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday. Fulin wacan, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. -DHAMMAAD-
  6. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan bakaal, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Boqortooyadda Ingiriisku ay ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Ilyas Malek, kulankaas oo daarranaa isbarasho iyo sii xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada wadan. Kulankaas waxa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Qaran News
  7. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan bakaal, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Boqortooyadda Ingiriisku ay ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Ilyas Malek, kulankaas oo daarranaa isbarasho iyo sii xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada wadan. Kulankaas waxa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Qaran News
  8. Security forces in Somalia repulsed an attack by Islamic State suicide bombers on a military base in the northeastern region of Puntland on Tuesday, the local state broadcaster and a military official said. Source: Hiiraan Online
  9. Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka dhashay dilkii todoba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ee ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dilkaas ayaa sababay khasaare nafeed waxaana dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaanno ku saabsan dhacdadan. Waxaa lagu waddaa in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan deegaanka Ceelbaraf. Source: goobjoog.com
  10. Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka dhashay dilkii todoba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ee ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dilkaas ayaa sababay khasaare nafeed waxaana dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaanno ku saabsan dhacdadan. Waxaa lagu waddaa in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan deegaanka Ceelbaraf. Source: goobjoog.com
  11. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, “Xuseen Axmed Caydiid” ayaa kullan balaadhan maanta Xarunta Wasaaradda kula qaatey Shaqaale-weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta. Kullanka ayaa iskugu jirey is-barasho shaqaalaha Wasaaradda ah iyo sidoo kale dar-dargalinta shaqadda, iyada oo Wasiirku ku booriyey Shaqaalaha iney dhawraan wakhtiga shaqadda, iyadoo la fulinayo digreetadii Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kullanka ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Maxamuud Suldaan Aaddan Yuusuf. #Dhamaad Qaran News
  12. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, “Xuseen Axmed Caydiid” ayaa kullan balaadhan maanta Xarunta Wasaaradda kula qaatey Shaqaale-weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta. Kullanka ayaa iskugu jirey is-barasho shaqaalaha Wasaaradda ah iyo sidoo kale dar-dargalinta shaqadda, iyada oo Wasiirku ku booriyey Shaqaalaha iney dhawraan wakhtiga shaqadda, iyadoo la fulinayo digreetadii Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kullanka ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Maxamuud Suldaan Aaddan Yuusuf. #Dhamaad Qaran News
  13. Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhex-qarxay ciidamada ammaanka Puntland iyo dagaalyahannada kooxda Daacish, kaas oo maanta ka dhacay gobolka Bari. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kooxda Daacish ay weerar culus saakay ku eekeysay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo loo diyaariyay inay Daacish ka saaraan dhulkaasi. Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntland. Labada dhinac ayaa waxaa soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, iyada oo Puntland ay dhankeeda ka dhinteen illaa 12 askari, halka ay ka dhaawacmeen tiro kale. Sidoo kale waxaa Daacish dhankeeda laga dilay illaa 8 xubnood oo ay ku jiraan Ajaaaniib, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Puntland. Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramaya inay ugu dambeyntii ku guuleysteen soo afjarista dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray dhinaca ciidamada. Weerarka saaka ayaa ku soo aaday xilli maamulka Puntland uu qorsheynayo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari ee maamulkaasi.
  14. Under President Hassan Sheikh, the Federal Government of Somalia lacks a coherent approach to formulating a foreign policy. Mogadishu (PP Editorial) — Today is the last day of 2024, a year marked by inter-clan and intra-clan conflicts in Somalia. The Federal Government of Somalia has faced a significant loss of confidence due to several contentious policies: attempts to amend the draft constitution without achieving consensus; efforts to overthrow a Federal Member State, and: alleged support for clan militias attacking Ceelbaraf with government-supplied weapons. These actions highlight the shortcomings of the federal system, two decades after its adoption in Kenya. The Federal Government has also been criticised for misusing Somalia’s sovereignty by signing multiple defence pacts with various countries. This was ostensibly to counter Ethiopia’s illegal maritime Memorandum of Understanding with the Somaliland Administration, a secessionist entity in northern Somalia. In foreign policy, the Federal Government of Somalia lacks a coherent approach. According to Ibrahim Farah, the author of Somali Foreign Policy 1960-1990: An Analysis of Thirty Years of Diplomatic History, “Somalia does not have a foreign policy. Only the group occupying Villa Somalia formulates foreign [policy] without consultations.” Divergent views on key articles of the Ankara Agreement between Somalia and Ethiopia further corroborate this assessment. For instance, National Security Adviser Hussein Mo’allim tweeted that no decision has been made regarding Ethiopian troops in the 2025 AU peacekeeping mission in Somalia, while Somalia’s UN Mission last week stated that Ethiopian troops “will not be participating in the AU peacekeeping missions.” As a country dependent on peacekeeping forces due to institutional inability to tackle transnational terrorism, Somalia should not have been permitted to sign oil agreements withTürkiye . Türkiye is exploiting Somalia’s weak institutional capacities. The benefits Somalia might reap from debt relief are negated by the risks of incurring new loans or entering into resource agreements with foreign countries and companies. These policies represent a repudiation of the state-building initiatives spearheaded by Britain in Somalia since 2012, when the transitional period ended after agreements by Somali stakeholders. Britain, as the penholder for Somalia at the United Nations, has neglected Somalia’s interests. As the drafter of resolutions on Somalia, Britain should have avoided creating the impression among Somalis and academics that its emphasis is on saddling Somalia with feeble federal institutions that Somalis cannot hold accountable. It can be argued that Somalis’ interests were more safely protected during the trusteeship years (1950-1960) than in 2024, when Somalia claims to be a sovereign country. Like the flawed 4.5 power-sharing system, the federal system has enhanced the political privileges of powerful clans at the expense of those unfairly labelled as minorities, who are not numerically minorities. © Puntland Post, 2024 The post The 2024 Political Landscape in Somalia: A Year of Turmoil and Constitutional Woes appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta magacaabay guddi qaabilsan Taakulaynta iyo Daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada. Dikreeto ka soo baxday Madaxweyne Siciid Deni oo uu ku socod-siiyay dhammaan wasaaradaha ay khusayso ayuu ku magacaabay guddiga Taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa ka shaqayn doona Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Calmiskaad, waxaana ay kala yihiin xubnaha guddigani: 1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) 2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur 3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle 4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo) 5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre 6. Guddomiye Cabdirisaaq Cali Siciid 7. Guddomiye Cabdifaataax Xaaji Shanle Madaxweyne Deni ayaa faray dhammaan Xafiisyada ay khusayso Hawshani in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay guddi qaabilsan Taakulaynta hawlgalka ciribtirka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horraanta sanadka cusub ee 2025 ay soo bxii doonto natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo haatan ka socota qeybo kamid ah dalka. Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka xukuumadda federaalka Maxamed Xaashi Carabey ayaa xusay in ay soo dhow dahay natiijada laga sugayo sahmintii shidaalka Soomaaliya lagu sameeyay. Nariijada ayaa la filayaa inay soo baxdo bisha Maarso ee sanadka cusub ee 2025, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya. Agaasime Carabey ayaa tilmaamay in arrintaan ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, si loo bilaabo soo saarista shidaalka, si looga faa’iideysto. “Waxyar ayaa dhiman xog baarista batroolka, bisha Maarso bilowgeeda waxaa la heli doonnaa natiijada haddii Alle idmo,” ayuu yiri agaasime Carabey. Waxa uu intaas kusii daray “Soomaaliya waxa ay ku gaari doontaa horumar iyo barwaaqo insha Allaah, dhanka macdanta oo iyanna horumar fiican ayaa laga gaaray.” Horraantii sanadkan 2024 ayay aheyd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta, marka la helo natiijo lagu dhaqaaqi karo kadibna lasoo bixin doono, sida uu dhigayo heshiiskaan. Markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis oo sanadkaan soo gaaray dekedda Muqdisho, ayaa u ruqaansaday goobaha loo arko in ay ku habboon yihiin baaristaas, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko qeyraadka la qorsheynayo in lasoo bixiyo
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay wafdiga wasiirka, waxaana kadib loo gudbiyay xarunta madaxtooyada gobolka. Waa safarkii ugu horeeyay uu wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku tego magaalada Baladweyne tan iyo markii xilkan loo magacaabay. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta uu joogo magaalada Beledweyne wuacay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi. Wasiir Daahir Shire ayaa xilka wasaaradda bartoolka iyo macdanta XFS ayaa maalintii shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wasiirkii hore ee batroolka ayaa dhawaan xilkiisa ku waayey kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabelle, sida uu sheegay. “Xalka tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano madaxda HirShabele, taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda iyo madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah xil ka qaadistayda,” ayuu Cabdirisaaq ku yiri qoraal uu dhawaan soo saaray.
  18. Dowladda Puntland oo bayaan Rasmi ah ka soo saartay weerarkii saaka ee degaanka Dharjaale ayaa shaacisay in aysan cidna dib uga laaban oo dhammaantood ciidanku dilay Argagixisadii weerarka soo qaaday. Bayaan ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in dhammaan dagaallamayaashii weerarka soo qaaday lagu dilay hawlgalkii saaka oo aysan jirin cid ka baxsatay gacanta ciidamada. “Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee Gobolka Bari, ayaa saaka fashiliyey isku dayga weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Kooxda dhiigmiiratada Daacish, waxaana halkaasi Ciidanku ku dileen oo aysan cidi ka laaban dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badan Ajaanib.” “Geesiyaasha har iyo habeen u taagan Difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8xubnood, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka lagaarsiiyey Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda. Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada difaacu ku ruqaansadeen degaannadii ay weerarka ka soo qaadeen kooxaha Argagixisada ah balse dowladda faahfaahin kama bixin Khasaaraha dhinaceeda gaaray. PUNTLAND POST The post Puntland oo bayaan rasmi ah ka soo saartay weerarkii saaka ka dhacay degaanka Dharjaale ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa weerar culus saakay ku eekeeyay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ku sugan yihiin ciidamo uu horkacyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland Maxamed Shire Baari. Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntland. Guddoomiye Maxamed Shire Baari ayaa ka badbaaday weerarka, balse waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray ciidamadii uu hoggaaminayay, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen illo ka agdhow. Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka sakaay ay qeyb ka ahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah, kuwaas oo mid kamid ah uu isqarxiya, halka kuwa kalena ay dagaal fool ka fool ah la galeen ciidamada maamulka. Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramaya inay ugu dambeyntii ku guuleysteen soo afjarista dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray dhinaca ciidamada. Weerarka saaka ayaa ku soo aaday xilli maamulka Puntland uu qorsheynayo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari ee maamulkaasi. Kooxda Daacish ayaa muddooyinkii u dambeeyay sare u qaaday dhaq-dhaqaaqeeda maamulka, iyadoo lacago baad ah ka aruursata ganacsatada maamulka Puntland, wuxuuna dhawaan maamulka sheegay inay ka go’an tahay cirib-tirka kooxdan.
  20. Mogadishu (HOL) — Luul Jeylaani Ali, one of Somalia’s most celebrated singers and a cherished icon of Somali music, has passed away in Minneapolis, Minnesota. She died on Monday night after battling a long illness, leaving behind a legacy that shaped generations of Somali music and culture. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Burundi has accused Somalia of betrayal and ingratitude after being excluded from the list of countries permitted to contribute troops to the new African Union mission for peace restoration in Somalia, known as AUSSOM. The decision comes as the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) concludes its mandate at the end of December. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) — Somali government forces struck multiple Al-Shabaab strongholds in the Lower Shabelle region on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  23. Faahfaahin dheeraad ah, ayaa kasoo baxaysa dagaal deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ku dhex maray ciidanka dowlad goboleedka Puintland iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad. dagaalka ayaa la sheegay inuu ku bilowday weerar qarax ah oo uu fuliyey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu weeraray fariisin kamid ah kuwa ciidamada Puntland, ka dibna is rasaasayn toos ahi dhex martay labada dhinac. Afhayeen u hadlay ciidanka Puntland ayaa sheegay inay dileen 8 xubnood oo Ajaaniib ah, kuwaas oo kamid ahaa kooxda weearka soo qaaday, asagoo sheegay inay dagaalamayaasha Daacish jab xooggan gaarsiiyeen. Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada oo ay duubeen Askar ciidanka Puntland ee isticmaala Aaladaha Internet ka ayaa muujinaya maydadka dad lagu sheegay Anaajiib ah oo ku dhintay dagaalki saaka dhacay. Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay abaabulaysay guluf iyo duullaan aad u ballaaran oo ay sheegtay inay gobolka bari iyo guud ahaan deegaanada maamulka uga saarayso kooxaha Daacish iyo Alshabaab. Source: goobjoog.com
  24. Mogadishu (HOL) — Johann Rupert has emerged as Africa’s wealthiest individual in 2024, overtaking Aliko Dangote. Rupert’s fortune surged to $14.3 billion this year, up $1.9 billion, thanks to his leadership of Richemont, a global luxury goods conglomerate. Conversely, Dangote, valued at $13.4 billion, saw his net worth decrease due to Nigeria’s economic struggles and the depreciation of the naira. Source: Hiiraan Online
  25. Wararka ka imaanaya Qasa ayaa sheegaya in carruurta halkaasi ku nool ay u dhiimanayaan qabow daran oo deegaannadaasi ka dhacaya. Dadka reer Qasa oo u badan dad ka barakacay guryahoodii ama la dumiyay ayaa bannaanada ku wajahaya dhaxan iyo qabow daran taasoo hadda keentay in carruurta yaryar ee qaarkood maalmaha jira ay u geeriyoodaan. Qoysas badan ayaa tobanaan jeer ka barakacay deegaannada qaar waxaana arrintaan ay sii murjinaysaa dhibaatooyinka faraha badan ee Falastiiniyiinta Qasa ay la kulmayaan. Laba carruur ah ayaa la xaqiijiyay in ay qabowga u dhinteen ilaa iyo hadda halka kuwa kalana looga cabsi qabo in qabowgu uu galaafto. Hooyooyinka ayaa iyaguna la ildaran nafaqo darro baahsan oo ka dhalatay xaaladaha xanuunka badan ee isugu jira colaadda, barakaca, cunno yarida iyo hoy la’anata dadkaasi haysata. Bbcsomali Qaran News