Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tel Aviv (Caasimada Online) – Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay Talaadada maanta ah in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaas. “Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay milatariga Xuutiyiinta. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka. Gelinkii dambe ee Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil. Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta, inta uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza. Toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqaymo aargoosi ah ku dilay afar qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, halkaas oo uu madaxa hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ku sugayay duulimaad.
  2. Dimishiq (Caasimada Online) – Koox kormeerta xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in tan iyo Axaddii 31 dagaal-yahan lagu dilay dagaal u dhaxeeya kooxaha ay taageerto Turkey iyo xoogagga ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta. Qeybo ka mid ah waqooyiga Suuriya ayaa waxaa maamula maamulka Kurdiyiinta ay hogaamiyaan ee ciidankooda loo yaqaan SDF, kuwaas oo hormuud ka ahaa in looga adkaado kooxda Daacish 2019-kii, ayaga oo taageero ka helaya Mareykanka. Turkiga ayaa ku eedaysay qaybta ugu muhiimsan SDF ee YPG, in ay xiriir la leeyihiin xisbiga mintidiinta Kurdish-ka ee PKK, kuwaas Washington iyo Ankara ay labadaba u u arkaan koox argagixiso. Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa sheegtay in toddoba dagaalyahan oo ka mid ah kuwa Turkey ay taageero lagu dilay iska horimaad Isniinta maanta ah ka dhacay waqooyiga bari ee Manbij ee gobolka Xalab. Dagaalyahannada SDF ayaa gudaha u galay magaalada kadib markii ay dib ula wareegeen kooxaha ay taageerto Ankara horaantii bishan, ayey tiri kooxda. Lix dagaalyahan oo kale oo ka mid ah kuwa Turkey ay taageerto iyo saddex ka tirsan ciidamada SDF ayaa maalin ka hor lagu dilay isla gobolka Xalab, sida ay sheegtay kooxda. SDF ayaa sheegtay Isniinta maanta in weeraro ka fulisay meelo kale oo gobolka ah oo ay ku burburisay “laba raadaar, iyo taankiyada Turkiga” meel u dhow buundada istiraatiijiga ah ee webiga Furaat. Sida laga soo xigtay kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya, 13 xubnood oo ka tirsan kooxaha Turkey ay taageerto iyo laba xubnood oo ka tirsan SDF “ayaa lagu dilay dagaal ka socda” agagaarka buundada iyo biyo xireenka Tishreen. Waxay intaas ku dartay in iska horimaadyada aaggan ay socdeen muddo saddex toddobaad ah. Turkiga ayaa hawlgalo kala duwan ka fulinayey aagagga SDF tan iyo 2016, islamarkaana kooxaha ay taageerto Ankara ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay qabsaday magaalooyin badan oo waqooyiga Suuriya ah oo ay Kurdiyiintu gacanta ku hayeen. Dagaalka ayaa sii socday tan iyo markii fallaagada ay hogaamiso kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ay xukunka ka tuureen Bashaar Al-Asad, 8-dii December. Hogaamiyaha cusub ee Suuriya Axmed al-Sharaa, oo kooxdiisa HTS ay muddo dheer xiriir la lahayd Turkiga, ayaa u sheegay TV-ga Al-Carabiya Axadii in ciidamada Kurdiyiinta ay hogaaminayaan ay tahay lagu daro ciidamada qaranka. “Hubku waa inuu ku jiraa gacanta dowladda oo kaliya, cid kasta oo hubeysan oo u qalanta inay ka mid noqoto wasaaradda gaashaandhigga, waan soo dhaweyneynaa,” ayuu yiri. “Ayada oo la eegayo shuruudahan iyo xeerarkan, waxaan wada-hadal la furi doonnaa SDF, si loo helo xal ku habboon.”
  3. Ururka Daacish ayaa saaka arooryadii weerar loo adeegsaday gaari Toyota Surf ah oo walxaha qarxa laga soo buuyiyay iyo dagaal toos ah ku qaaday guri ay daganaaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire iyo taliyaha ciidmada difaaca Puntland Gen. Aadan Cabi Xaashi. Mas’uuliyiinta ayaa ka badbaaday weerarka, basle waxaa ku dhintay ilaa 9 ruux oo labo ka mid ah yihiin shacab, halka ay ku dhaaawacmeen ku dhaawaad 30 qof. Kooxdii argagixisada Daacish ee wararka soo qaaday ayaa 6 ka mid ah la toogtay, halkii intii kalana baxsatay. Sidoo kale waxaa wararka ku gubtay gaadiid ay lahaayeen dad shacab ah, kuwaas oo sahay u waday ciidamada Puntland. Deegaanka Dharjaalle oo ka tirsan ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari ayaa dhawaan waxaa saldhig ka sameystay ciidamada Puntland ee isu diyaarinaya gulufka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa weerar ka dhacay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  4. Faahfaahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamada Soomaaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex maray deegaanka Shangeed oo ka tirsan dhulka cayn loo yaqaanno ee hoostaga gobolka Togdheer. saraakiisha Ciidanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa militariga Soomaaliland ku eedeeyay inay weerarkan ku soo qaadeen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada SSC-Khaatumo ee aaggaasi, balse dhinaca Soomaaliland weli faahfaahin dhammatstiran kama bixin iska hor-imaadkan Si kastaba ha ahaatee lama soo warin waxyeello dhimasho ama dhaawac oo uu sababay dagaalkani, balse iska hor-imaadyada labada dhinac ee aaggaas ayaa dhawr horay u dhacay sida ay sheegeen masuuliyiin ku sugan gobolku. Source: goobjoog.com
  5. Garowe (HOL) — Puntland Deputy Speaker Mohamed Shire Baari narrowly survived an attack by Islamic State militants in the Dharjaale area of Bari region on Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
  6. Allaha u naxariistee waxaa saacado ka hor magaalada Minnesota ee dallka Mareykan ku geeriyooday Fannaanaddii weynayd ee Luul Jaeylaani Cali oo sidoo kale kamid ahayd Jillaayaashii riwaayadaha ee loogu jeclaa barisamaadkii. Luul Jaylaani oo loo garan ogaa “maama Luul” ayaa caan ku ahayd fanka Banaadiri, waxayna qaaday heeso badan oo xul ah, sidoo kale waxay ka qeyb-gashay matalaadda maadaysyo ama riwaayado badan oo xilligii kacaanka aad loo xiisayn jirey. Luul waxay kamid ahayd hooballada codka baxsan ee luuqdooda aadka loogu bagi jirey, waxayna dadka sida feecan u yaqaani tilmaameen in markii la eego naaxiyadda codkeeda iyo hibadeeda jilliin ay kamid ahayd fannaantii mar la aragga ahaa ee soo maray fanka Soomaalida, gaar ahaan heesaha banaadiriga. Heesaha ay qaaday Luul Jaylaani waxaa kamid ah, Ebadkaa ogow ishaada meesha u roon, Riixaanta janaad, naftay uroonow nabsi yuu ku raacin, middiyaas meel xun iiga mudee, beerkaad iiga taalla iyo qaar kale. Luul Jaylaani waxay heesaha wada qaadi jireen hooballo badan oo ay kamid ahaayeen Aweys Qamiis, Axmed Naajid Sacad, Axmed Shariif killer, Axmeday Abuukar, Axmed Falaash iyo kuwo kale. Allaha u naxariistee luul Jaylaani oo in ka badan 30 sano ku noolayd magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa 2021-kii mar la soo tabiyay inay geeriyootay, balse warkaasi waa uu beenoobay, waxaa’se dhimashadeeda la xaqiijiyay saacado ka hor. Geerida fannaanadan qaran ayaa waxaa kamid tacsiyeeyay masuuliyiin badan dowladda kamida, xubno ka tirsan haldoorka bulshada, fannaaniin, iyo dadka kaloo Saamayn leh, waxayna Alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Source: goobjoog.com
  7. Garowe (HOL) — Puntland's regional administration announced on Monday that trucks from Ethiopia's Somali Regional State will temporarily be exempt from import taxes following the recent deadly conflict in a small border village between the Somali region and Somaliland. Source: Hiiraan Online
  8. Baidoa (HOL) — Somali National Army (SNA) forces, in collaboration with the Walawayn District Police Force, carried out a coordinated operation targeting al-Shabab militants in the Lower Shabelle region, officials said on Monday. Source: Hiiraan Online
  9. Howlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ayaa si joogto ah u kormeeraya doon kalluumeysi oo Shiinees ah oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya. Dhacdadan ayaa loo aqoonsaday burcadbadeednimo Hawlgalkan ayaa bilaabmay ka dib markii ciidanka booliska badda ee Puntland ay soo saareen digniin ku saabsan dhacdada. Atalanta, oo ah hawlgalka ugu muddada dheer ee Midowga Yurub ee ka socda biyaha Soomaaliya tan iyo 2009, ayaa adeegsanaya markabka ESPS Santa Maria oo wata diyaarad aan duuliye lahayn nooca Scan Eagle iyo diyaaradda qumaatiga u kacda ee Augusta-Bell AB-212 si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa doonta. Howlgalka ayaa rajeynaya in ay awood kusoo furtaan doonta. Kooxaha hubeysan ee doonta heysta ayaa ka biyo diiday in ay sii daayaan shaqaallaha iyo doonta haddii aan la siin madax furasho. Hawlgalku wuxuu sidoo kale xiriir joogto ah la leeyahay mas’uuliyiinta Shiinaha, Soomaaliya, iyo wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya. Bishii Nofeembar, Atalanta waxay ku dhawaaqday in heerka khatarta ee maraakiibta ku safreysa Badda Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed uu yahay “halis,” iyadoo digniino loo jeediyay maraakiibta si ay u muujiyaan feejignaan sare maadaama ay suurtagal tahay in weeraro burcad-badeed ah ay dhacaan. Hawlgalka Atalanta wuxuu sii wadi doonaa ilaalinta maraakiibta iyo wada shaqeynta uu la leeyahay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo xaqiijiyo badbaadada biyaha. Source: goobjoog.com
  10. At least 71 people have died in southern Ethiopia after a lorry plunged into a river, officials say. Source: Hiiraan Online
  11. Pakistan on Monday expressed its support for the Ankara Declaration that would resolve the misunderstandings between Ethiopia and Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Police in Kenya’s capital Nairobi have fired tear gas to disperse protesters demonstrating against what they say is a wave of unexplained abductions of government critics. Source: Hiiraan Online
  13. Chelsea missed the chance to go second in the Premier League after losing 2-0 at relegation-threatened Ipswich Town on Monday night. Source: Hiiraan Online
  14. Kyiv (Caasimada Online) – Ukraine iyo Ruushka ayaa Isniintii isweydaarsaday maxaabiis dagaal, iyadoo labada dhinac ay dib isugu celiyeen in ka badan 300 oo maxaabiis hore ah. Kyiv ayaa dalka keentay 189 maxaabis oo hore, sida uu sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy. Halka wasaaradda Ruushka ay sheegtay in 150 askari oo Ruush ah ay ku laabanayaan dalkooda. Wasaaradda difaca ee Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiista lagu sii daayay dalka Belarus, oo ah dalka Moscow saaxiibka dhow yihiin Ruushka tan iyo dagaalkii 34-ka bilood socday ee Ukraine, iyadoo loo gudbin doonaa Ruushka. Zelenskyy waxa uu u mahad-celiyey masuuliyiinta Isutagga Imaaraadka Carabta iyo la-hawlgalayaasha kale fududaynta is dhaafsiga maxabiista Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa cadeeyay in ay gacan ka geystay qabanqaabada sidhafsiga maxabiista.
  15. Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Beledweyne u baxaya wafdi culus oo ka kala socda beesha Abgaal iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ka tagaya Muqdisho, si xal loogu helo xiisadda u dhaxeysa beelaha Abgaal iyio Xawaadle. Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, ay maleeshiyaad hubeysan jidka u galeen, kuna dileen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Askarta la dilay ayaa ka soo jeeday beesha Xawaadle, waxaana dilka lagu tuhmayaa maleeshiyo Abgaal ah. Mid ka mid ah wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Imaamka Mudulood oo ay wehliyaan dhaqanka beesha Abgaal. Wafdiga labaad ayaa ah xildhibaannada reer Hiiraan. Sida aan xog ku helnay, wafdigan ayaa waxaa diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna la kulmi doonaan dhaqanka Xawaadle iyo Ugaas Yuusuf. Sidoo kale, taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa u safraya deegaanka Maxaas, waxaana uu la kulmi doonaa dhaqanka beesha Cali Madaxweyne oo ay kasoo jeedaan askartii la dilay. Waxaa socda dadaallo xooggan oo looga hortagayo in dilka askartaas uu isku rogo colaad faraha ka baxda oo ay isku ugaarsadaan labada beel. Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtidii xirtay odayaal, guddoomiyihii Ceel Baraf iyo Haweeney kamid ah dadka degaanka. Eedeysanayaasha ayaa iyaga oo gacmaha ka xiran diyaarad laga soo saaray deegaanka Ceel Baraf waxaana laga soo dajiyay garoonka magaalada Muqdisho. Odayaasha lasoo xiray ayaa ah odayaashii metalayay eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaas oo goobta ka baxsaday, balse weli la baadi goobayo. Sidoo kale guddoomiyaha oo xilka laga qaaday ayaa loo haystaa tuhun la xiriira dhacdadaasi, waxaana ku socoto baaris, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle oo shaqada ka fariisiyay.
  16. Ukraine iyo Ruushka ayaa si rasmi ah isu isweydaarsaday maxaabiis dagaal, iyadoo labada dhinac ay dib isugu celiyeen in ka badan 300 oo maxaabiis hore ah. Ukraine ayaa dalkeeda keentay 189 maxaabis oo hore, sida uu sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, halka wasaaradda Ruushku ay sheegtay in 150 askari oo Ruush ah ay ku laabanayaan dalkooda. Wasaaradda difaca ee Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiista lagu sii daayay dalka Belarus, oo ah dalka Moscow saaxiibka dhow yihiin Ruushka tan iyo dagaalkii 34-ka bilood socday ee Ukraine, iyadoo loo gudbin doonaa Ruushka. Zelenskyy waxa uu u mahadceliyey masuuliyiinta Isutagga Imaaraadka Carabta iyo la-hawlgalayaasha kale fududaynta is dhaafsiga maxabiista. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa cadeeyay in ay gacan ka geystay qabanqaabada sidhafsiga maxabiista. PUNTLAND POST The post Ruushka iyo Ukraine oo si rasmi ah isu dhaafsaday maxaabiis dagaal appeared first on Puntland Post.
  17. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQOkOFigdaQNlcKbQg8USg4K0dFuBINTtcG_rxj-B2IgMJbLNNkgnKwk0Z7CDJ0VjOwscAL4QOmhJbZTRc0yrk9g.mp4 Qaran News
  18. Minneapolis (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ku geeriyootay, fanaanaddii qaranka Soomaaliyeed Luul Jaylaani. Luul Jaylaani waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa qaadista heesaha banaadiriga, iyo jilliinka riwaayadaha ka tarjuma nolosha iyo dhaqanka bulshada banaadiriga ah. Kadib burburkii dolwaddii dhexe ee Soomaaliya, Luul Jaylaani ayaa ku nooleyd qurbaha, halkaasi oo sidoo kale ay heeso ku qaaday kuna jishay ruwaayado ka tarjumaya xaaladda Soomaalida qurbaha. Bishii April 2021, Luul waxay ka mid noqotay dad badan oo caan ah oo Soomaaliyeed oo dhibane u noqday xanta dil, kadib markii la sheegay in ay geeriyootay. Warkan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, iyadoo markii dambe la sheegay inay nooshahay oo ay wanaagsan tahay. Wareysi muuqaal ah oo ay siisay Radio Muqdisho ayay xilligaas ku tiri “Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeridana waa xaq, balse Soomaalida dhammaan waxaan u sheegaya inaan noolahay.” Waxa ay sidoo kale sheegtay in warkaasi uu saameyn weyn ku yeeshay dhammaan qoyskeeda iyo saaxiibadeeda adduunka oo dhan. Si kastaba, waqtigeedii xaqa ahaa wuxuu yimid xalay oo Isniin aheyd, oo ay ku geeriyootay magaalada Minneapolis.
  19. “As elders, the government used to hold us accountable for any soldier who deserted but did not return his gun. Now the government is indifferent to the misuse of Somali National Army weapons by militias,” said one of the elders who spoke to the media. Jowhar (PP News Desk) — Traditional leaders of Ceelbaraf in Hirshabelle State have accused the Federal Government of Somalia of authorising Somali National Army contingents to side with militias and attack Ceelbaraf. “We deplore the decision to allow Somali army soldiers to moonlight as militias to attack Ceelbaraf. The burning issue was the soldiers slain at Ceelbaraf. Now the federal government escorted soldiers through Mahadaay and Ceelbaraf with the goal of joining militias to attack Ceelbaraf. As elders, the government used to hold us accountable for any soldier who deserted but did not return his gun. Now the government is indifferent to the misuse of Somali National Army weapons by militias,” said one of the elders who spoke to the media. Last week, militias hauled several soldiers off a bus and killed them. The outrage over the killing raised fears of conflict between neighbouring subclans near the border between Middle Shabelle and Hiiraan. © Puntland Post, 2024 The post Hirshabelle State Elders Accuse Somali Federal Government of “Arming Clan Militias” appeared first on Puntland Post.
  20. Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo guďdi baadhitaan u magacawday shan hay’adood oo Dekedda Berbera ka hawl gala. Wasiirku waxa uu talaabaddii u horaysay ee uu qaaday tan iyo intii xilka loo magacaabay ku faragaliyey cabashooyin uu sheegay inay ka taagan yihiin hay’aha kala ah:- 1. Tarafagura 2. Haamaha shiidaalka 3. Shirkadda Bad qabka badecadaha 4. Shirkadda ARDMORE managementa 5.shirkadda Shaybaadhka shiidaalka. Qaran News
  21. Ceeldheer (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa tallaabo adag ka qaaday ciidan gaaraya 30 askari oo ka gadooday saldhigyadoodii degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ciidankaas oo ka gadooday falkii askarta lagu dilay ee toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug. Taliye Odowaa ayaa amar ku bixiyey in ciidankaas aysan dhaafin Wisil oo hub ka dhigis lagu sameeyo, is rasaaseyn kooban oo wax khasaare ah aan geysan ayaa maanta ka dhacday degmada Wisil, waxaana ugu dambeyn is dhiibay ciidamadii gadooday ee ka baxay Xarardheere. Taliyaha Xoogga ayaa amar ku bixiyey in ciidankaas hubka laga dhigo, lagana reebo dariiska ama tuutaha iyo gaadiidka dowladda, kadibna la fasaxo, balse inta badan ciidankaas ayaa ku soo laabtay Xarardheere, maadaama aysan dooneyn in laga saaro ciidanka qaranka, waxayna u hoggaansameen amarka saraakiishooda. Xalay ayaa sidaan oo kale ciidan u gadooday oo ka kala tirsan xoogga dalka iyo NISA waxay tageen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey, goobtii lagu soo dhaweeyey ciidankaas, waxaa si adag loogu aflagaadeeyey, looguna dhaliilay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh. Ciidamada gadoodaya waxay ka caroodeen askartii jidka loo galay ee maleeshiyaadku u dileen aanada qabiilka, balse gadoodka ciidan ee socda ayaa la tuhmayaa inuu yahay mid siyaasadeysan oo lagu imtixaanayo dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa si dhab ah uga jawaabtay falkii bahalnimada ahaa ee askarta lagu laayey, balse ciidanka qaranka inay ka amar diidaan dowladda oo baneeyaan furimihii muhiimka ahaa ee cadowga ay ku hortaagnaayeen ayaa noqotay wax lala yaabo oo shaki badan uu hareeyey. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo arrimaha gadoodka dartood uga baxay Muqdisho ayaa habeenkii labaad ku sugan degmada Ceeldheer, halka Taliyaha NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ay ku sugan yihiin gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan aagii uu ka dhacay falkii lagu laayey askarta, waxayna hogaaminayaan howlgalka lagu soo qabanayo dambiilayaasha.
  22. Kismaayo (PP News Desk) — A ceremony to launch the amended Jubaland State Constitution was held in Kismaayo today. “As a member of Jubaland civil society, I am glad to attend this event to launch the constitution, some of whose articles have been amended. People have shown unity of purpose to stand behind our leaders and have been aware of and objected to stratagems to destabilise Jubaland State,” said a female civic activist. “This constitution is between Jubaland and the Federal Government of Somalia. We are a part and parcel of the Federal Republic of Somalia” an elder said at the event in Kismaayo today. Holding the Constitution of Jubaland State aloft, an elder said: “This constitution is between Jubaland and the Federal Government of Somalia. We are a part and parcel of the Federal Republic of Somalia.” The constitutional review process lasted eight months. “Every citizen has a right to have a copy of the Jubaland Constitution to know the rules and laws used by authorities to govern them,” a member of the public said at the event. Last month, the Jubaland State Parliament elected Ahmed Mohamed Islam for a new term. The Federal Government of Somalia rejected the outcome of the election and deployed troops in Raaskaambooni in a failed attempt to overthrow the Jubaland Administration. © Puntland Post, 2024 The post Jubaland Unveils Amended Constitution appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay noqotay Dowladdii ugu horeeysay caalamka ee iyadoo Deyntii laga cafiyay loo sii ogolaaday deeqda uu bixiyo Bangiga Adduunka. Bangiga Adduunka ayaa dowladaha soo gaara heerka ay gaartay Soomaaliya oo kale wuxuu kaliya u ogolaadaa inay deyn kale qaataan oo ay iska bixiyaan, balse Soomaaliya waxaa loola dhaqmay si taas ka duwan. Hadalka Wasiirka ayaa yimid wadaxaajood dheer kadib markii hey’adda maalgalinta caalamiga ah u qaabilsan Bangiga Adduunka ay ogolaatay in Dowladda Soomaaliya ay siiso lacago deeq ah. Lacagaha deeqaha ah ee loo yaqaano ‘Kabka Miisaaniyadda’ ayaa loo ogolaaday in Soomaaliya ay sii qaadato muddo seddax sano ah, sida uu maanta sheegay wasiir Biixi Iimaan. Sidoo kale Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey hanaanka uu maro dal kasta markii deymaha caalamku ku leeyahay oo uu iska bixi waayey laga cafiyo, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalkii 37-aad eel aga cafiyey deyn caalami ah. Wasiir Biixi ayaa sheegay in dadaalka ay Soomaaliya u gashay in lacagaha kabka miisaaniyadda ee caalamku siiyo ay sidooda u sii socdaan ay qaadatay muddo 8 bilood ah. Sidoo kale wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in Soomaaliya loo ogolyahay inay deyn qaadato, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu aysan dooneyn inay culeys kale oo caalami ah aysan ku celi doonin dalka. Hoos ka daawo faahfaahinta wasiirka
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa wasiirradiisa faray in ay wax ka qabtaan daldalooladii uu ku dhaliili jiray madaxweynihii ka horreeyay ee Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in howsha ugu horreysa in ay noqon doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka dhinaca maamulka, maaliyadda iyo adkeynta amniga oo ah meelaha ugu badan ee laga eegayo xukuumaddiisa. Sidoo kale wuxuu rejo ka muujiyay in wasiirradiisa ay si hufan shaqada ula wadaan, islamarkaana kala shaqeeyaan ka gudubka culeyska kahor imaan kara si aanay loo helin fursado lagu dhaliili karo sida uu horay u sameyn jiray oo kale. “Waxaan idinka filayaa in aragtida, fahamka iyo aqoonta aad labadan maalmood isla meel dhigteen ay dhaqso uga muuqan doonaan shaqada aynnu qaranka u haynno,” ayuu yiri madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. “Waa masuuliyad aad u culus, si aan taas u guto ayaan aniguna idinka idiin soo xushay in aydin noqotaan jaalkii iyo baalashii iga caawin lahaa gudashada waajibkaas culus.” Cirro ayaa tilmaamay in maalintii xilka loo dhaariyay uu naftiisa ka mamnuucay dulmiga, musuq-maasuqa, khiyaamada, eexda iyo ka habrashada xaqa, isagoo faray golihiisa in ay ka dheeraadaan arrimahaas. Bulshada reer Somaliland ayaa indhaha ku haya waxqabadka boqolka maalmood ugu horreeya xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, xilli ay Somaliland wajaheyso xaalado dhowr ah oo isbiirsaday.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday in dalka uu galay xaalad adag, kadib markii ay kasii dartay marxalada abaareed ee dalka. Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee hay’adda SODMA ayaa sheegay in loo baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November. Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah. 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida uu shaaciyay guddoomiyaha SODMA. Hay’adda SODMA oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ayuu sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof. Dadkan ayaa weli u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka. Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto. Ugu dambeyntiina wuxuu guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.