Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (HOL) — Hirshabelle State President Ali Abdullahi Hussein Gudlawe has called on security forces to apprehend those responsible for the brutal killing of six Somali military personnel and their driver in the El-Baraf district of the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qirtay dilka horjooge sare oo lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kunyo-Barrow ee yobolka Shabellaha Hoose. Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mire Jaamac oo sidoo kale loo yaqaanay Abuu Cabdiraxmaan ayaa ahaa wakiilka kooxda ee Gobollada oo ay hoos-yimaadaan waxa ay ugu yeeraan “Wilaayaadka Islaamiga”. Ninkan ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda, sidoo kale wuxuu mar soo noqday hoggaamiyaha kooxdii jabhadda Caanoole ee Jubbooyinka lagu aas-aasay sanadkii 2007, balse markii dambe ku biirtay kooxda Al-Shabaab. Maxamed Mire Jaamac ayaa waxaa shalay lagu khaarajiyay howl-gal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay, kaas oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahan oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa jira horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo dowladda sheegtay in dhammaantood la haayo macluumaadkooda. Si kastaba, Horjoogahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu sareeyay ee kooxda ee howl-gal lagu dilo muddo labo sano, iyadoo sanadkii 2022 howl-gal duqeyn ah lagu dilay Cabdullaahi Yare oo madaxiisa mallaayiin dollar la dul-dhigay.
  3. Puntland Defence Forces aim to eradicate terrorist hideouts in mountainous areas. Garowe (PP Editorial) — The counterterrorism operation launched by the Puntland State Defence Force against ISIS and affiliated groups in the mountainous areas of Bari stands as a commendable example of effective anti-terror strategies. Under President Abdullahi Deni, Puntland developed robust policies to combat terror groups, including a zero-tolerance approach toward terrorists and their enablers, which has yielded significant results. In Galkayo, Puntland security forces conducted a two-year investigation that dismantled Al-Shabaab cells responsible for acts of terror since 2007. Over 20 ringleaders were tried, found guilty and executed. Al-Shabaab had employed a secret recruitment and compartmentalised operation model, with assassins, surveillance operatives and hosts working without mutual knowledge. These cells, managed by senior Al-Shabaab officers in Lower Shabelle and Middle Juba, terrorised North Galkayo for over 12 years. Puntland’s decisive action broke this cycle of violence. The enduring lesson from anti-terror operations in North Mudug is the importance of fostering public confidence in the authorities’ ability to combat terrorism. Terror groups rely on local enablers. Novel intelligence-gathering efforts by Puntland State security forces have prioritised preventive measures over reactive responses. In 2016, residents of coastal areas in Mudug and Nugaal repelled an Al-Shabaab attack. More than 200 fighters surrendered. One-third of the detainees were children under 15 years old. The newly declared counterterrorism operation by Puntland State follows a familiar pattern. Puntland Defence Forces aim to eradicate terrorist hideouts in mountainous areas. Despite limited resources, Puntland’s anti-terror strategies — grounded in community ownership — are redefining the fight against transnational terror groups that exploit fear and division. The days of ISIS terrorists hiding in Bari are coming to an end. © Puntland Post, 2024 The post Puntland State Launches Counterterrorism Operations Against ISIS appeared first on Puntland Post.
  4. Sanaa (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay, in duqeymo xagga cirka ah lagu garaacay gegida diyaaradaha ee ugu weyn Yemen Khamiistii, xilli uu doonayay inuu halkaas ka dhoofo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, weerar ay Israa’iil ku qaadday garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sancaa. Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku sugnaa garoonka Khamiistii iyagoo sugayay inay ka dhoofaan markii ay duqeyntu dhacday, waxaana ku dhaawacmay shaqaale ka tirsan Laanta Adeegga Hawada ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephanie Tremblay. “Taawarka laga hago duulimaadyada hawada, qolka nasashada – oo wax ka yar mitir u jira meeshii aan joognay – iyo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa duqeymuhu waxyeeleeyeen,” madaxa WHO ayaa ku yiri fariin uu soo dhigey bartiisa X. kooxdii Qaramada Midoobay waxay ka tageen garoonka waxayna ku sugan yihiin goo boo ku taala magaalada Sanca oo “ammaan ah waana ay caafimaad qabaan” shaqaalihii dhaawacmayna waxaa lagu daweynayaa isbitaal, ayuu yiri Tremblay. Tremblay waxa uu sheegay in qiimaynta burburka gegida diyaaradaha la samayn doono subaxnimada Jimcaha si loo eego in Tedros iyo kooxda Qaramada Midoobay ay ka bixi karaan Yemen. Tremblay waxa uu sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu cambaareeyey kororka weerarrada u dhexeeya Yemen iyo Israa’iil, wuxuuna sheegay in weerarradii Khamiistii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Sanca, dekedaha Badda Cas ee Yemen iyo xarumaha korontada ay ahaayeen kuwo walaac leh”. Ciidanka Israa’iil ayaa markii dambe u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inaysan ka warqabin in madaxa WHO ama wafdigu QM ah ay joogaan Yemen. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kaabayaasha ay adeegsadaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ku sugan garoonka caalamiga ah ee magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyo sidoo kale saldhigyada korontada iyo dekedaha, iyaga oo ku eedeeyay in ay u adeegsan jireen in lagu soo raro hubka Iran iyo in ay ka soo galaan saraakiil sare oo Iiraaniyiin ah. Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan rayidka iyo kaabayaasha rayidka, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, ayuu yiri Tremblay. Guterres wuxuu ku baaqay in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka militariga iyadoo la muujinaayo “xakamaynta ugu badan,” ayuu yiri Tremblay. VOA
  5. Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary of the Federal Republic of Somalia to the Republic of Azerbaijan Fathudin Ali Mohamed has visited the Baku Higher Oil School (BHOS) of SOCAR. Source: Hiiraan Online
  6. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay, in duqeymo xagga cirka ah lagu garaacay gegida diyaaradaha ee ugu weyn Yemen Khamiistii, xilli uu doonayay inuu halkaas ka dhoofo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, weerar ay Israa’iil ku qaadday garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sancaa. Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku sugnaa garoonka Khamiistii iyagoo sugayay inay ka dhoofaan markii ay duqeyntu dhacday. Duqaynta waxaa ku dhaawacmay shaqaale ka tirsan Laanta Adeegga Hawada ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephanie Tremblay. “Taawarka laga hago duulimaadyada hawada, qolka nasashada – oo wax ka yar mitir u jira meeshii aan joognay – iyo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa duqeymuhu waxyeeleeyeen,” madaxa WHO ayaa ku yiri fariin uu soo dhigey bartiisa X. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqayn ku sigtay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Talo-wadaag ah kula qaatay qaar ka mid ah Dhallinyarada, Aqoonyahanada, Bahda Caafimaadka iyo xirfadleyaal kale. Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa si uu guddoomiyaha gobolka Banaadir qeybaha kala duwan ee bulshada uga dhageysto talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan horumarinta caasimadda. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyinka iyo aragtiyo la xariira maamul wanaaga, amniga, nadaafada, caafimaadka, waxbarashada, dib u eegista adeegyada ay bixiso dowladda hoose ee Xamar, dib u furista waddooyinaka dhagxaanta ku go’an iyo ilaalinta dhulalka danta guud. Sidoo kale waxaa kulan kagu soo bandhigay xal u helida maareynta biyaha, dhismaha waddooyinka, hirgelinta nidaamka doorashooyinka dadweyne iyo xoojinta la-dagaalanka musuqa. Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta siyaasadiisa uu ku biirin doonno talooyinka ay caawa soo gudbiyeen dhallinyarada iyo aqoonyahanada, si uu u fuliyo qorshe si wadajir ah ugu yimid bulshada caasimadda. Waxa uuna ka codsaday in lagala shaqeeyo laguna garab istaago sidii magaalada Muqdisho uu ula tartan siin lahaa magaalooyinka kale ee dunida. Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan la wareegay xilka ayaa dardar-gelinaya howlaha shaqo ee loo igmaday, xilli dadka reer Muqdisho ay muujinayaan inay weli maqan tahay kaalintii gobolka.
  8. Hargeisa (HOL) – Somaliland and the Ethiopian government have reached an agreement to address the recent deadly conflict in the Dacawaley area of Ethiopia’s Somali Regional State, which has killed nearly 50 people over the past two weeks. Source: Hiiraan Online
  9. The Federal High Court, Dire Dawa branch, Jigjiga Criminal Court Rotating Bench sentenced 81 people accused of engaging in “terrorist activities as members of the Al-Shabaab group” to up to 20 years of rigorous imprisonment, state media reported. Source: Hiiraan Online
  10. Militant group al-Shabab said one of its top commanders, Mohamed Mire, was killed in a drone strike near Kunyo Barrow in Somalia’s Lower Shabelle Region. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) – At least six Somali military personnel and their driver were killed, while two other soldiers managed to escape following a clan militia attack in the El-Baraf district of the Middle Shabelle region on Thursday afternoon. Source: Hiiraan Online
  12. The white sand beaches of Kenya’s coastline draw large crowds of locals and tourists on holiday. But lacking safety measures are causing concerns for beachgoers. Collins Adede reports from Mombasa, Kenya. Source: Hiiraan Online
  13. The US military said Thursday it had killed two members of the extremist al-Shabaab group in southern Somalia in an airstrike. Source: Hiiraan Online
  14. Former Prime Minister Raila Odinga has called on President William Ruto’s Kenya Kwanza administration to ensure that enforced disappearances and abductions of Kenyans end this year. Source: Hiiraan Online
  15. Liverpool stretched their lead of the Premier League to seven points on Boxing Day courtesy of a 3-1 comeback win over Leicester City. Source: Hiiraan Online
  16. AQNNHNaanURXFZAqojMV_7qCWxnQ-1dlr652C7sOUtgBLmP_EfhuACLt6sUhXtqOlUHYnhlsCI0Yn286mMct96IE Qaran News
  17. WASHINGTON — President Isaias Afwerki of Eritrea and President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia held extensive discussions at the State House in Asmara, Eritrea, on Wednesday, focusing on the consolidation of bilateral ties and addressing regional and international issues of mutual concern. Source: Hiiraan Online
  18. Saacado ka hor waxaa deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada dhexe lagu diley 6 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ay laayeen dadkii ay nabad-gelyadooda iyo difaacooda u taagnaayeen, dsrteedna tababarrada adag iyo culaysyada u soo mareen. Sida ay sheegeen ehelada askartan sida bahalnimada ah loo gumaaday, sababta ugu weyn ee loo beegsaday waa aano qabiil, maadaama wiilashan ciidanka ah badankoodu ay ka soo jeedeen gobolka Hiiraan, balse ay ahaayeen ciidan qaran oo dhulkooda ku dhex safraya. Taliyaha booliska Hirshabeelle oo dhacdadan ka hadlay ayaa falcelintiisa tacsi ku soo koobay, mana sheegan tillaabooyin cad cad oo ay qaadayaan, inkastoo uu xaqiijiyay inay falkaas aad uga xunyihiin, ciidanka xoogga dalkana ay la shaqayn doonaan. Dowladda Soomaaliya dhankeeda wax war ah ka soo saarin dhacdadan xanuunka badan oo xasuuqay askarta ka sokow, mahadho aan duugoobin ku reebi karta maskaxda ciidanka, islamarkana horseedi karta kala aamin bax nabad-gelyo. Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horreysay oo ciidanka xoogga dalka shaar qabiil lagu laayo, 2020-kii ayayna ahayd markii ilaa 7 sargaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka lagu diley weerar dhabba-gal ah oo lagula beegsaday dhulka u dhexeeya Guriceel iyo Balanballe. Source: goobjoog.com
  19. Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya ay ku dileen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare. Duqeymahan oo ay iska kaashadeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa lagu beegsaday degaan Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Kuunyo Barrow Talaadadii, sida uu sheegay taliska Mareykanka ee Afrika. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku bogaadisay “hawlgal qorsheysan ” oo ay saaxiibada caalamiga ah” ka fuliyeen degaankaasi laguna dilay hoggaamiye sare oo Shabaab ah. Dowladda ayaa sheegtay in hawlgalkaasi lagu dilay hoggaamiye lagu magacaabo Maxamed Mire Jaamac, oo loo yaqaan Abuu Cabdiraxmaan, kaasi oo ka dhacay degmada Kuunyo-Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Maxammed Mire xilal kala duwan ayuu ka soo qabtey al-Shabaab, haatanna waxa uu ku magacownaa madaxa willaayaatka Islaamiga ah. PUNTLAND POST The post Hoggaamiye sare oo ka tirsan Shabaab oo duqeyn cirka ah lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  20. Stockholm (Caasimada Online) — Mid ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee dalka Sweden ayaa dardar galinaya in uu u ololeeyo sidii loo aqoonsan lahaa jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland. Markus Wiechel ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X ama hore loo dhihi jiray Twitter wuxuu ku sheegay in halgan uu ugu jiro sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland. “Halgankii aan u galay dib u ictiraafka Somaliland iyo muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ay u leedahay u qiridda guushooda ayaan maqaal cusub ku soo qaatay” ayuu qoraalkiisa ku sheegay. Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Sweden doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland ayaa dood kulul ka dhex dhalisay Markus Wiechel oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna (SD) iyo wasiirka arrimaha dibadda Maria Malmer Stenergard. Wiechel waxa uu wasiirku ku cadaadiyay inay caddeeyso mawqifka Sweden ee Somaliland iyo aqoonsigeeda, isagoo ku dooday in tallaabadan oo kale ay muhiim u tahay istiraatijiyadda juqraafiyeed ee Sweden, gaar ahaan ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku leeyahay Geeska Afrika. Malmer Stenergard ayaa dhankeeda sheegtay sida ay Sweden uga go’an tahay inay taageerto dimuqraadiyadda Somaliland, balse waxay meesha ka saartay suurtogalnimada inay aqoonsato madax-bannaanideeda, iyadoo ilaalinaysa siyaasadda hadda jirta ee “Soomaaliya oo mid ah”. Waaa kumaa Markus Wiechel? Markus Wiechel wuxuu dhashay 15 April 1988 waa siyaasi Iswiidhish ah oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna. Waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden ka dib markii uu iscasilay Lars Isovaara 29 November 2012. Markus Wiechel wuxuu ka baxay Dugsiga Sare ee Hickman (Columbia, Missouri) 2007, wuxuuna u guuray waddankiisii ​​Sweden si uu uga barto Adeegyada Bulshada Jaamacadda Linköping laakiin markii dambe wuxuu ka qalin jabiyay culuumta Siyaasadda. Waa wiil ay dhashay qoraaga Iswiidhishka, ahna khabiir dhanka caafimaadka indhaha Kristina Narfström oo bare ka ah jaamacadda Missouri . Hadda waxa uu xubin ka yahay Guddiga Arrimaha Dibadda, sidoo kalena waa ku xigeenka Guddiga Arrimaha Midowga Yurub. Wiechel hadda waxa uu qayb ka yahay saddex ergo baarlamaan oo caalami ah: Wiechel waa gudoomiyaha ururka PACE-delegation wuxuuna hayaa kursiga gudoomiye ku xigeenka golaha. Madaxda kale ee horey ugu baaqay aqoonsiga Somliland Ma aha markii ugu horeysay oo siyaasi reer galbeed ah uu ku baaqo in la aqoonsado Somaliland. Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu aha 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka. Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan. Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay. Sidoo kale waxa jiray siyaasi lagu magacaabo Gavin Williamson oo u dhashay dalka UK oo isna ololeynaya aqoonsiga Somaliland. Gavin Williamson ayaa bilowgii sanadkii 2022 horgeeyay baarlamaanka UK doodda ku saabsan gooni isu taagga Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu ee Somaliland. Somaliland waxa ay ku taal meel istiraatiji ah oo ka mid ah caalamka, waxaana loo arkaa inay tahay marin laga galo gacanka cadmeed iyo badda cas, halkaasoo ah meel ay aad isha ugu hayeen quwadaha waaweyn ee dunida. Isha: BBC
  21. Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo aano qabiil ahaan loogu dilay nawaaxiga degaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Inta la xaqiijiyay ilaa 6 askari oo fasax ahaa kuna sii jeeday gobolka Hiiraan iyo darawalkii waday gaariga ay la socdeen ayaa la dilay, waxaana la sheegay in laba askari oo kale in dhaawac iyagoo ah ay baxsadeen. Askartaan ayaa dhamaan madaxa laga wada toogtay kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Xawaadle, waxaana xusid mudan in todobaadyadii lasoo dhaafay deegaanka Ceel baraf iyo deegaano kale oo ku yaala xaduuda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iney ka dhaceen dagaalo khasaaro badan geystay oo dhexmaray beelaha Xawaadle iyo Abgaal. falkaasi ka dhacay aaga degaanka Ceelbaraf ayaa ah mid si weyn u hadal hayaan shacabka Soomaaliyeed oo falkaasi ku tilmaamay wax aad looga xumaado, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale sanad iyo dhowr bilood ka hor aagga Ceelbaraf loogu laayey askar la socotay gaari shacab, kuwaas oo ka tirsanaa militeriga Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo aano qabiil loo dilay appeared first on Puntland Post.
  22. Baardheere (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kadib dadaal dheer oo maalmo ka socday gobolka Gedo, magaaladaas waxaa horay u joogay maamul taabacsan Jubbaland oo ciidamada Itoobiya ay ku difaacayeen. Maanta ayuu si rasmi ah xilka guddoomiyaha degmada Baardheere ula wareegay Ismaaciil Qorax oo guddoomiyaha gobolka Gedo oo raacay dowladda federaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ay soo magacaabeen. Isbedelka maamul ee ka dhacay Baardheere, iyadoo uusan dhiig ku daadan ayey dowladda Soomaaliya la wareegtay, ciidamada Itoobiya oo cadaadis la saaray ayaa ka qeyb qaatay wareejinta magaaladaas. Ciidamada Itoobiya ayaa loo cadeeyey in hadii ay hor istaagaan qorshaha dowladda Soomaaliya ee degmada Baardheere, awood ciidan lagu hirgelinayo go’aanka dowladda, waxaana bilowday qorshe lagu kala furfuray maamulkii degmadaas u joogay Axmed Madoobe. Ciidamada Itoobiya ayaa codsaday in magaaladaas ay sii joogaan, sidoo kale waxay codsadeen in loo dhaafo nin maareeye ka ah garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere, iyagoo balan-qaaday inta kale ee maamulka degmadaas iyo isbedelka lagu sameynayo aysan faragasha doonin. Dowladda Federaalka ayaa ogolaatay dalabkaas, waxaana Baardheere loo diray maamul xilka kala wareega maamulkii hore ee Axmed Madoobe taabacsanaa, waxaana xilka laga qaaday maareeyihii garoonka diyaaradaha maahane masuuliyiintii kale. Maamulka cusub ayaa si nabad geliyo ah maanta xilka kula wareegay, waxayna Baardheere sidaas ugu soo gacan gashay dowladda federaalka, taasi oo ka dhigan in gobolka Gedo uu gacanta dowladda soo galay, markii laga reebo degmada Doolow oo xiisad dagaal ay ka taagan tagay, maadaama lagu dagaalamay labo maalmood ka hor. Maamulkii Axmed Madoobe taabacsanaa ee joogay degmada Baardheere oo careysan ayaa maanta isaga tegay degmadaas, balse Axmed Madoobe wuxuu weli xukumaa Doolow oo madaxweyne ku xigeenkii iyo wasiirkii Amniga Jubbaland ay joogaan, waxaana suurtagal ah in dowladda federaalka ay degmadaas kula wareegto qorshe lamid ah kii ay maanta kula wareegtay Baardheere.
  23. WAR-SAXAAFADEED Hargeysa-26-12-2024()- Wefti uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Magalada Jigjiga ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya kulan muhiim ah kula qaatay Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya, uu Hogaaaminayey Taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Itoobiya General Afgado iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka uu u horreeeyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo masuulin kale oo muhiim ah. Labada dhinac ayaa si qotodheer uga wada hadlay Xaaladda Degaanka Dacawalay iyo Degaanada kale ee ku xeeran, waxaana isfaham buuxa labada dhinac ka gaadheen Xaalada Degaanka Dacawalay,iyadoo la isla qaatay in la joojiyo dhiiga daadanaya, xaaladdana lagu dhameeyo xal Nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax danbe u dhiciin. Weftiga Somaliland uu Hogaaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha JSL, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Yuusuf Cali, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL. Qaran News
  24. Shirkii 3-aad ee Golaha Wasiirrada oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wasiirada Somaliland oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Qaran News