-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khasaaraha dhimashada ee uu sababay shilkii diyaaradda kuuriyada koonfureed ee Jeju Air ayaa gaaray 127 qof oo dhimasho ah, sida laga soo xigtay wakaaladda dab-damiska ee dalkaas. Diyaaraddan oo dubaxnimadii Axadda ka kacday gegida caalamiga ah ee Muan ayaa wax yar ka dib ku soo dhacday xaydaanka garoonka, cillad dhinaca duulista ah oo soo wajahday awgeed, taas oo sababtay waxyeello baaxad leh oo soo gaartay rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa oo ka koobnaa 181 qof. Wakaaladda wararka ee Yonhap ayaa shilkan khasaaraha geystay u sababaysay qalabkeedii duulimaad oo xumaaday, taas oo keentay inay diyaaraddu ku dul dhacdo shubka adag ee ku meersan xayndaabka garoonka Muan ee gobolka south Jeolla oo qiyaastii 180 u jira magaalada caasimadda ah ee seoul. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta maamulka Galmudug, Mudane Axmed Shire Falagle ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka socda gobollada dhexe iyo dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe. Ugu horreyn Falagle oo soo hadal qaaday askartii lagu laayay Ceel Baraf ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado, wuxuuna intaasi ku daray in colaadahan sokeeye la abaabulayo. Wasiir hore Axmed Shire Falagle ayaa ku hadal qabsaday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif oo kasoo jeeda Ceel Baraf, wuxuuna sheegay in Shariifka uu kamid yahay xubnaha siyaasiyiinta ah ee sida wayn u diidan habka ay wax u wado dowladda. “Ceel Baraf waxaa daga madaxweyne Sheekh Shariif oo aad ogtahay cadaawadda uu hayo dowladda federaalka oo aad isugu dayo isaga iyo kooxdiisa inay farageliyaan Xamar nabad-gelyadeeda” ayuu ku yiri wareysi gaar ah oo uu siiyay Idaacadda Rirsaala. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Xittaa haddii uusan lug lahayn wixii ka dhacay tuuladaas waa saameyneysaa, maadaama ay degtso jufadiisa hoose”. Dhinaca kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dagaallada kasoo cusboonaaday meelo kala duwan oo kamid ah dalka, gaar ahaan gobollada dhexe ay hurinayaan dad siyaasiyiin ah iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, si ay uga dhex faa’iidestaan. “Hurinta dagaal beeleedyadan waa siyaasad is haysato iyo cadowga Khawaarijta waana mid weelba ka jirto” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta maamul goboleedka Galmudug. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda colaado sokeeye oo ka qarxay gobollo kala duwan oo kamid ah dalka, kuwaas oo saameyn toos ah mid togan ku yeeshay dadka shacabka ah.
-
Sarkaal u hadlay dhinaca siyaasadda ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in inkasta oo ay sii kordheen duqeymaha ay Israa’iil ka geysanayso Yemen, haddana ay kooxdu sii wadi doonto weerarrada ay ku hayso Israa’iil, iyagoo garab taagan Falastiiniyiinta. Mohammed al-Bukhaiti ayaa BBC u sheegay in Xuutiyiintu “ay sii wadi doonaan inay xoojiyaan weerarada ka dhanka ah bartilmaameedyada ciidamada Israel” ilaa laga joojinayo “xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta”. Maalintii Khamiista, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa weeraray garoonka caalamiga ah ee caasimadda Yemen ee Sanca iyo dekedaha iyo xarumaha korontada ee xeebta Badda Cas, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan afar qof. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in jawaabta laga bixinayo in ka badan hal sano oo gantaallo iyo weerarro diyaaradeed oo ay fuliyeen kooxda ay Iiraan taageerto ay hadda billaabatay. Xuutiyiinta ayaa gantaal ku garaacay Israa’iil, gantaalkaas oo ay ciidamada Israa’iil sheegeen in la qabtay ka hor inta uusan dhulkaasi gaarin. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xiisadaha sii kordhaya. Waxa uu sidoo kale sheegay in weerarrada lagu qaaday garoonka diyaaradaha iyo dekedaha ay si gaar ah u khuseeyeen, isagoo ka digay in weerarradu ay “khatar weyn ku yihiin hawlaha bani’aadanimo” ee dalka ay colaaduhu aafeeyeen. Xuutiyiinta, oo maamula waqooyi-galbeed ee Yemen, ayaa bilaabay inay weeraraan maraakiibta Israel iyo kuwa caalamiga ah wax yar ka dib dagaalka Gaza ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas kaas oo billowday bishii Oktoobar 2023. Israa’iil ayaa afar jeer duqaymo xagga cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta tan iyo bishii Luulyo, taasoo jawaab u ahayd 400 oo gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo riday Yemen. Mareykanka iyo UK ayaa duqeymo cirka ah ka billaabay dalka Yemen, kaddib weerarro ay kooxdu ku qaadday dhowr doomood oo ganacsi oo marayay koonfurta badda cas iyo gacanka Cadmeed. Mohammed al-Bukhaiti, oo xubin ka ah xafiiska siyaasadda ee Xuutiyiinta, ayaa u sheegay barnaamijka ‘Wararka Saacadda’ ee BBC-da Jimcihii in ay dagaal toos ah la galayaan Mareykanka, UK iyo Israa’iil, oo ay u arkaan “qalab” sannado badan dagaalka sokeeye ee Yemen sii waday. Hadalkan ayaa u muuqda mid uu ula jeedo xulafada Sucuudigu hoggaaminayo ee farageliyay sannadkii 2015-kii ee taageeraya dawladda Yemen markii ay Xuutiyiintu qabsadeen magaalada Sanca. “Waxaa naga go’an inaan sii wadno ololaha militari ee aan ku taageerayno Gaza, mana joojin doono weeraradayada ilaa laga soo afjaro xasuuqa iyo go’doominta Gaza, waxaan sii xoojin doonaa weerarada aan ku qaadeyno bartilmaameedyada ciidamada Israel” ayuu yiri. Israa’iil ayaa beenisay eedeymaha ah in ciidamadeedu ay xasuuq u geystaan Falastiiniyiinta ku nool Gaza. Iyadoo Xuutiyiintu ay arkeen xulafadooda Xamaas iyo Xisbullah oo burbur xooggan soo gaaray 14-kii bilood ee lasoo dhaafay dagaalka ay kula jiraan Israa’iil, waxay sheegeen inaysan u baahnayn taageerada Iran. “Xitaa haddii aan kali nahay, waxaan haysanaa taageero ciidan, dhaqaale iyo dadweyne oo nagu filan si aan dagaalkan ula galno,” ayuu yiri. Xigashada Sawirka,EPA Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in weerarada Xuutiyiinta ay sii kordhin doonaan marka uu xafiiska la wareego bisha soo socota, isagoo yiri “dagaalku wuu ka sii dari doonaa”. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay fiidnimadii Khamiista in dalkiisu “weeraray bartilmaameedyada ururka argagixisada ah ee Xuutiyiinta” waxa uu ugu yeeray “dagaal madax-furasho ah.” Afhayeenad u hadashay Qaramada Midoobay Stephanie Tremblay ayaa sheegtay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu “aad uga walaacsan yahay suurtagalnimada in gobolka ay kusii fiddo colaadda, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay joojiyaan tallaabada militari oo ay muujiyaan xakameynta ugu badan.” Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymahaasi ay la beegsadeen “kaabeyaasha ciidamada” ee garoonka caalamiga ah ee Sanca, xarumaha korontada ee Heziaz iyo Ras Qanatib, iyo dekedaha badda cas ee Xudeydah, Saliif iyo Raas Qanatib. Afhayeen u hadlay ciidamada Xuuthiyiinta ayaa sheegay in duqeymaha cirka ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah, ayna sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah. Si kastaba ha ahaatee, Yahya al-Sayyani, oo ah wasiirka gaadiidka dowladda Yemen ee Xuutiyiinta ay maamulaan, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii ku sheegay dhimashada afar qof. Waxa ay intaa ku dareen in qeybo kala duwan oo ka mid ah Garoonka Sanca ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka, waxayna ku eedeeyeen Israel inay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah iyo xeerarka duulimaadyada. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom ayaa ku dhowaa in uu raaco diyaarad ay leedahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Bini’aadantinimada (UNHAS), markii ay duqeynta Israel dhacday. Dr. Tedros ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay uu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarka, waxaana loo duuliyay dalka Urdun kadib markii qaliin lagu sameeyay jimcihii isbitaal ku yaala dalkaasi. “Weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo shaqaalaha bini’aadantinimada waa in ay joogsadaan meel walba,” ayuu Dr. Tedros ku yiri fariin uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Bbcsomali Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo weli ka socda aagga deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii dhowaan laayay askartii dowladda. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladaasi ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa HirShabelle, isla-markaana natiijo wanaagsan laga gaaray, welina ay sii socdaan. Maxamuud Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyey in ciidamada ay ku guuleysteen soo qabashada laba kamid ah raggii dilka gaystay, isla markaana kuwa kale oo baxsad ah lagu raadjoogo. “Waxaan gacanta ku dhignay laba ka mid ah dadkii dilay askartii qaranka oo lagu weeraray goob ay isku aruursanayeen, waxaana ku dabajirna inta hartay, waana la soo qaban doona sharciga ayaana la horgeynayaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda deegaanka, wuxuuna tilmaamay inay dagan tahay, balse la xiray guddoomiyihii Ceel Baraf iyo odayaasha deegaanka, isla markaana loo haysto inay ka gaabiyeen waajibkii looga baahnaa, kadib mashaqadii ka dhacday halkaasi. Waxaa kale oo uu guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe ku baaqay in laga war sugo natiijada baarista socota iyo dadaallada ay wadaan, iyaga oo kaashanaya dowladda dhexe. “Dadaalada way socdaan dowladda iyo Hirshabeelle kama jiifaan wax ka qabashada dhacdadii foosha xumeyd, dadka Soomaaliyeed iyo beesha askarta la dilay waxaan u caddeynayaa in falkaas uu yahay mid aan ka wada xunahay sida uu u dhacay, ha is dajiyaan sharciga ayaa la horkeenaya dambiilayaasha oo hadda qaar gacanta lagu haayo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu. Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.
-
Mogadishu (HOL) — Somali National Army (SNA) forces have apprehended key figures, including local officials and elders, following the brutal ambush that claimed the lives of six soldiers and their driver in El-Baraf, Middle Shabelle. Source: Hiiraan Online
-
Sablaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday saraakiil sar sare iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqeynta oo si gaar ah uga dhacday meel u dhow Sabalaale, gaar ahaan aagga deegaanka Haawaay ayaa lagu garaacay goob ay ku shirsanaayeen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Xubnaha la dilay oo gaaraya ku dhowaad 10 ayaa isugu jiro Soomaali iyo Ajaaaniib, waxaana kamid ah:- 1-Maxamad Maxamuud Saalax Abuu Najiib, 2-Huseen Maxamad Qaasim Abuu Faadil, 3-Maxamad Badhiir Abuu Yaxya, 4- Abuu Rashiid oo ka soo jeeda dalka Maroco, 5- Abuu Basiira oo isna ka soo jeeda dalka Yemen, 6-Kamaal Maxamad Cilmi oo ah ninka xukumayay saraakiisha oo dhan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xunahan ay diyaarinayeen weeraro ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kadibna la helay xogtooda oo sidaasi lagu duqeeyay. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay hurinayeen dagaal beeleedyada dalka ka socda, iyaga tashkiilinaya maleeshiyaadka hubka isku haysta ee ku dagaalamaya meelo kala duwan oo kamid ah dalka. Duqeyntan waxaa ka horreysay mid kale oo ka dhacday aagga degmada Kuunyo Barrow oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo u qaabilsanaa gobollada.
-
sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamku, Markus Wiechel oo ka mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan dalka Sweden ee qaaradda Yurub, ayaa si wayn u dardar galinaya ololihisa siyaasadeed ee la xidhiidha u doodista sidii loo aqoonsan lahaa qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Markus Wiechel ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X ee hore loo odhyan jiray Twitter, wuxuu ku sheegay in uu halgan uu ugu jiro sidii loo aqoonsan lahaa qadiyadda iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. “Halgankii aan u galay dib u ictiraafista Somaliland iyo muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ay u leedahay iyo u qiridda guushooda ayaan maqaal cusub ku soo qaatay” ayuu qoraalkiisa ku sheegay. Wiechel oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa wasiirka arrimaha dibadda dalka Sweden Maria Malmer Stenergard waxa uu ku cadaadiyay in ay caddeyso mawqifka Sweden ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo aqoonsigeeda, isaga oo ku dooday in tallaabadan oo kale ay muhiim u tahay istiraatijiyadda juqraafiyeed ee Sweden, gaar ahaan ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku leeyahay Geeska Afrika. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Sweden Maria Malmer Stenergard ayaa dhankeeda sharraxday sida ay dalka Sweden uga go’an tahay in ay taageerto dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay sheegtay in dawladda Swedan ay diyaar u tahay in ay la shaqayso Somaliland. Waa kuma Markus Wiechel? Markus Wiechel wuxuu dhashay 15 April sannadkii 1988-kii, waa siyaasi Iswiidhish ah oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna. Waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden ka dib markii uu iscasilay Lars Isovaara 29 November 2012. Markus Wiechel wuxuu ka baxay Dugsiga Sare ee Hickman (Columbia, Missouri) 2007, wuxuuna u guuray waddankiisii Sweden si uu uga barto Adeegyada Bulshada Jaamacadda Linköping, laakiin markii dambe wuxuu ka qalin jabiyay culuumta Siyaasadda. Waa wiil ay dhashay qoraaga Iswiidhishka ah, ahna khabiir dhanka caafimaadka indhaha Kristina Narfström oo bare ka ah jaamacadda Missouri . Hadda waxa uu xubin ka yahay Guddiga Arrimaha Dibadda, sidoo kalena waa ku xigeenka Guddiga Arrimaha Midowga Yurub. Wiechel hadda waxa uu qayb ka yahay saddex ergo baarlamaan oo caalami ah: Wiechel waa gudoomiyaha ururka PACE-delegation wuxuuna hayaa kursiga gudoomiye ku xigeenka golaha. Madaxda kale ee horey ugu baaqay aqoonsiga Somaliland Ma aha markii ugu horreysay oo siyaasi reer galbeed ah uu ku baaqo in la aqoonsado Somaliland. Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yidhaahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka baarlamaanka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu ahaa 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sanno socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka. Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan. Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sanno jirsatay. Sidoo kale waxa jiray siyaasi lagu magacaabo Gavin Williamson oo u dhashay dalka UK oo isna u ololeynaya aqoonsiga Somaliland. Gavin Williamson ayaa bilowgii sannadkii 2022 horgeeyay baarlamaanka UK doodda ku saabsan gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland. Somaliland waxa ay ku taal meel istiraatiji ah oo ka mid ah caalamka, waxaana loo arkaa inay tahay marin laga galo gacanka cadmeed iyo badda cas, halkaas oo ah meel ay aad isha ugu hayeen quwadaha waaweyn ee dunida. Source
-
Siyaasiyiin iyo xildhibaano Maraykan ah ayaa bayaan codsi ah u diray Congress-ka Maraykanka, kaas oo ay kaga dalbanayaan in ay ansixiyaan xeerka HR 10402, ee hore loogu gudbiyay shirweynihii 118aad ee aqalka Congresska, si loogu aqoonsado Somaliland qaran madaxbannaan. Xubnahani waxay ku baaqeen in Somaliland loo aqoonsado in ay tahay qaran madax-bannaan, dimuqraadi ah. Sidoo kalena la taageero dadaalka Somaliland ugu jirto inay xubin buuxda ka noqoto ururada caalamiga ah oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Warkan oo ay qortay warbaahinta Sign.moveon oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, waxa uu u dhignaa sidan: Bayaanka Codsiga: “Ictiraafka Somaliland. Waa Qaran Madax-bannaan oo Dimuqraadi ah oo Ku Hanweyn in uu ka mid noqdo qaramadda caalamka. Annaga oo ah kuwa hoos ku saxeexan, waxaanu ugu baaqaynaa Congress-ka Maraykanka inay ansixiyaan HR 10402, ee lagu soo bandhigay shirweynihii 118aad, si loo aqoonsado Somaliland qaran madaxbannaan. Xeerkani waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca aqoonsiga Somaliland, taas oo ah sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda, nabadda, iyo is-maamulka. In ka badan soddon sanno, Somaliland waxay u shaqaynaysay sidii dal madax-bannaan, iyada oo ka go’day Soomaaliya. Ka dib markii ay ku dhawaaqday madax banaanideeda 1991 ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya, Somaliland waxay dhistay dimuqraadiyad xasiloon, shaqaynaysa oo ay ka go’an tahay doorashooyin xor ah, xuquuqal insaanka iyo sharciga. Si ka duwan sida Soomaaliya oo weli la daalaa dhacaysa nabad-gelyo-xumo iyo colaado gudaha ah, Somaliland waxay u taagan tahay ifka rajo iyo horumarka Geeska Afrika. Maxay Somaliland Ugu Mudan Tahay Ictiraaf: Hannaanka Dawladnimo Dimuqraadi ah iyo Xasiloon: Somaliland waxa ay qabatay doorashooyin dhawr ah oo nabad ah, iyada oo ay dawladuhu ku kala wareegayeen sanduuqa codbixinta. Nidaamkeeda siyaasadeed waxa uu ka tarjumayaa rabitaanka dadkeeda, isaga oo u kala saaraya in uu yahay dimoqraadiyad shaqaynaysa ee gobolka. Madaxbanaanida Shacbiga: Somaliland waxay si joogta ah u muujiyeen rabitaankooda madaxbanaanida iyagoo adeegsanaya habab dimuqraadi ah, oo ay ku jirto aftidii 2001 oo in ka badan 97% ay u codeeyeen inay ka go’aan Soomaaliya. Ballanqaadka Nabadda iyo Xasiloonida: Somaliland waxa ay ahayd mid inta badan nabad ah, xitaa iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay rabshado iyo xasillooni darro baahsan. Waxay samaysatay hay’ado u gaar ah, ciidan iyo hannaan sharci, iyadoo sugaysa amniga muwaadiniinteeda, waxayna gacan ka geysataa xasilloonida gobolka.” Source
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa raaligelin ka bixiyay xaqiiqda ah in diyaaradda Azerbaijan Airlines ay burburtay ka dib markii ay soo gashay hawada Ruushka ee Grozny, Chechnya, Arbacadii, laakiin ma sheegin in Ruushka uu mas’uul ka ahaa soo dhicista diyaarada. Putin ayaa sheegay in nidaamyada difaaca hawada ee Ruushka ay ahaayeen kuwo howlgalayay markii diyaaraddu ay isku dayday in ay ku degto Grozny, sida uu sheegay Kremlin-ka. Markii ay awoodi wayday in ay gaarto garoonka diyaaradaasi, waxa ay u weecday dhinaca bari, iyada oo ugu danbayntii ku burburtay meel u dhaw magaalada Aktau ee dalka Kazakhstan, halkaas oo ay ku dhinteen 38 qof oo saarnaa. Diyaaradan ayaa waxaa saarnaa dad u kala dhashay dalalka Azerbaijan, Russia, Kazakhstan iyo Kyrgyzstan. Dadka badbaaday waxaa ku jiray labo caruur ah. Lama xaqiijin karo waxa ka dambeeyay dhacdadan, balse sarkaal Maraykan ah ayaa u sheegay CNN Khamiistii in calaamadihii hore ay muujinayaan in nidaamka lidka diyaaradaha ee Ruushka laga yaabo inuu soo riday diyaaradii rakaabka. Warka ka soo baxay Putin ayaan si toos ah u sheegin in difaaca hawada Ruushka ay duqeeyeen diyaaradda. “Putin wuxuu raaligelin ka bixiyay xaqiiqda ah in dhacdadan naxdinta leh ay ka dhacday hawada Ruushka mar uu taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev.”ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Aqalka Kremlinka ee dowlada Ruushka. “Diyaaradda si isdaba joog ah ay isku dayday in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Grozny laakiin waqtigaa waxaa aagagga Grozny, Mozdok iyo Vladikavkaz weerarayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, iyadoo nidaamka difaaca hawada Ruushka uu iska caabinayay weerarradaas.”ayaa lagu sheegay b ayaanka Kremlinka ka soo baxay. Guddiga baarista ee Ruushka ayaa furay kiis dambi ah oo la xiriira musiibada, ayaa lagu yiri bayaanka. Putin ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay shilkaas isagoo taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Kazakhstan, Kassym-Jomart Tokayev, Sabtidii, Kremlin ayaa sidaas sheegtay. Ugu yaraan shan shirkadood ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen goobo ka tirsan Ruushka tan iyo markii ay masiibadu dhacday, sida Azerbaijan Airlines, Turkmenistan Airlines, El Al Israel, Flydubai iyo Qazaq Air. Source
-
Ciidamada Talibanka Afgaanistaan ayaa bartilmaameedsaday “dhowr goobood” dalka ay jaarka yihiin ee Pakistan, wasaarada difaaca ee Afgaanistaan ayaa sheegtay maalmo kadib markii diyaaradaha Pakistan ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen gudaha dalkaasi. Hadalka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga shalay Sabti ahayd si toos ah uma sheegin in Pakistan la duqeeyay, balse waxay sheegtay in weerarradaas ay ahaayeen kuwo ka baxsan “xaduud beenaadka” – odhaah ay mas’uuliyiinta Afgaanistaan u adeegsadeen inay ula jeedaan xuduudda Pakistan oo ay muddo dheer ku muransanaayeen. Afgaanistaan waxay muddo dheer diiddanay xuduuda labada dal, oo loo yaqaan ‘Durand Line’, oo uu ka tagay gumeysigii Ingiriiska qarnigii 19-aad. Ma jiro wax faah faahin ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay iyo goobaha gaarka ah ee lala beegsaday weerarka Talibaanka. Garabka militariga Pakistan iyo afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaan isla markiiba ka jawaabin sheegashada Talibaanka. Ilo dhanka ammaanka ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Sabtidii in ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Pakistaan uu ku dhintay 7 kalena ay ku dhaawacmeen israsaasayn ka dhacday xuduudka oo ay isweydaarsadeen ciidamada Afgaanistaan. Iska horimaadyo goosgoos ah oo ay ku jiraan hub culus ayaa xalay saqdii dhexe ku dhaxmaray ciidamada xuduuda ee ku sugan xadka u dhaxeeya gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan iyo gobolka Khost ee dalka Afgaanistaan, sida ay sheegeen saraakiisha labada dal. Dhacdooyinkan ayaa yimid ka dib markii maamulka Taliban ee Afgaanistaan ay Pakistan ku eedeeyeen inay dishay 46 qof, oo u badan haween iyo carruur, duqaymo dhanka cirka. Islamabad ayaa sheegtay in ay beegsatay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen dagaalyahanada xadka, halka maamulka Afgaanistaan ay ka digeen Arbacadii in ay ka aargoosan doonaan. Dalalka deriska ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aan wanaagsaneyn, iyadoo Pakistan ay sheegtay in dhowr weerar oo dalkeeda lagu soo qaaday laga soo billaabay ciidda Afgaanistaan – eedeymahaas oo ay Talibanka Afghanistan beenisay Source
-
Diyaarad ay leedahay shirkadda Jeju Air oo ay la socdeen 181 qof ayaa ka baxdey dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, waxaana ay ku dul dhacday darbi ka hor inta aanu dab qabsan. Diyaarad siday 181 qof ayaa ku burburtay garoonka caalamiga ah ee Muan ee dalka Kuuriyada Koonfureed , iyada oo marba marka ka danbeysa tirada dhimashadu kor u kacayso ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey 85 qof, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka degdegga ah. Dadka dhintay 39 ka mid ah waa rag halka 46 ka mid ah ay yihiin dumar, sida ay sheegeen waaxda gurmadka degdegga ah. Ilaa hadda dadka shilkan ka badbaadey oo laga soo saarey burburka ayaa ah laba qof oo keliya kuwaas oo ka mid ahaa shaqaalihii diyaaradda Diyaaradda Jeju Air ayaa ka soo laabatay magaalada Bangkok ee dalka Thailand markii ay shilka geleysey. Waaxda gurmadka deg dega ah iyo wararka gudaha ayaa sheegaya in diyaarada ay cilad ku timid qalabkii ay ku degi lahayd Source
-
Ciidamada Israa’iil ayaa la xaqiijiyay in ay xidheen in ka badan 240 oo qof oo Falastiinyiin ah oo ay ku jiraan dhaqaatiirta, agaasimayaasha iyo howlwadeennada isbitaal ku yaalla waqooyiga Gaza. Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay badqabka Xusam Abu Safiya oo ah agaasimaha cisbitaalka Kamal Cudwan. Qaar ka mid ah shaqaalaha cisbitaalka ay soo sii daayeen ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada xidhay agaasimaha cisbitaalka ay aad u garaaceen. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in cisbitaalka ay Xamas u adeegsanayeen xarun ay ka duulaan. Waxay kaloo sheegeen in qaar ka mid ah dadka ay xireen ay uga shakisanyihiin in ay ka tirsan yihiin Xamas. Xamas ayaa eedahaasy iska fogeysay isla markaana sheegtay in isbitaalka uusan joogin qof iyaga ka tirsan. War kasoo baxay Xamaas ayay Sabtidi ugu baaqeen Qaramada Midoobay iyo hey’adaha caalamiga ah in ay si deg deg ah u soo farageliyaan si loo ilaaliyo isbitaallada yar ee hadda shaqeeya ee ku yaalla waqooyiga Gaza. Source
-
Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ee Lubnaan ayaa sheegay in Rifaat Al-Assad, oo ah adeerka madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar Al-Assad, uu dhowaan Beirut ka dhoofay uuna tegay Dubai. Mas’uuliyiinta waxay sidoo kale sheegeen in xubno badan oo qoyska Al-Assad ka tirsan ay Beirut uga guureen Dubai, halka qaar kalena ay weli ku sugan yihiin Lubnaan tan iyo markii xilka laga tuuray Bashar Al-Assad 8-dii Diseembar. Mas’uuliyiinta Lubnaan waxay xaqiijiyeen in aysan jirin dalab rasmi ah oo ka yimid Interpol oo ku saabsan xiritaanka Rifaat Al-Assad, inkastoo uu wajahayo eedaymo culus oo la xiriira dambiyo dagaal iyo xasuuqii Hama ee 1982. Rifaat Al-Assad wuxuu ku jiraa sagaashanaadkii noloshiisa, waxaana lagu eedeeyaa inuu amray dilka tobanaan kun oo qof intii uu hogaaminayey hawlgalladii Hama. Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal , iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka. Inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xidhiidha danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood. Source
-
Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa shaqa joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, sharma’arke Yaasiin Cali. “Waxaan halkan ku wargelinayaa in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 28 December, 2024 lagaa joojiyey (Ag. Sharmaarke Yasin Ali), shaqadii aad u haysey Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland” ayuu Wasiir Xagaa ku caddeeyay wareegto uu soo saaray. Wasiirka ayaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga ee uu shaqada ka joojiyay waxa uu ku eedeeyay, Maamul Xumo, Mas’uuliyad daro iyo Wadashaqayn la’aan, sida ku xusan wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiir Xagaa. Sidoo kale, Wasiirka ayaa u magacaabay Ku simaha Agaasimaha Guud, Mohamed Siciid (Black) ee hadda ah Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga. Halkaan ka akhriso Shaqa joojinta PUNTLAND POST The post Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa ah masuulkii ugu dambeeyay oo ka hadla heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna qoraal ku sheegay in heshiiska uu cago adag ku taaganyahay. Heshiiskan ma ahan mid caadi ah, lamana mid ahan dhammaan heshiisyadii dowliga ahaa ee Soomaaliya la gashay dalalka dunida. Waxaaba lagu doodi karaa in uu yahay mid dalka ka badbaadiyay halistii ugu cuslayd ee dhowaanahan soo marta qaranimadeena. Heshiiskan kaliya muusan quseynin is fahamsii Somaliland, ee wuxuu ka hortagayaa isku dayga kasta oo Itoobiya ku damacdo in ay ugu soo xadgudubto qeybo ka mid ah dalka. Maalin ka hor heshiiska, xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa taleefoon kula hadlay Raisulwasaare Abiy Axmed, kuna cadaadiyay in uu Ankara aado, saxiixana heshiiska ay Turkida soo bandhigeen. Tani waxa ay ka dhigantahay in heshiiska uu haysto damaanad qaadka dowladdo awood u leh korjoogtaynta fulintiisa. Waxaa sidoo kale heshiiska aad usoo dhoweeyay dalal badan oo ka mid ah kuwa saaxiibada la ah Soomaaliya. Balse heshiiskan wuxuu yeelan karaa caqabadihiisa, waase kuwa la maareyn karo. Tusaale Masaarida, Jabuuti iyo Eritrea oo shuruud la’aan isku barbar taagay Soomaaliya markii Itoobiya qamaamka ahayd ayaa u arki kara heshiiskan in uu halis ku yahay. Waxayse ku xirantahay damaanad-qaadka madaxda iyo diblumaasiyiinta Soomaalida siiyaan dalalkan saaxiibada ah. Waxaa iyana jira qurbajoog saamayn xooggan ku leh baraha bulshada oo heshiiskan ku eeggaya indho guracan, iyaga oo dabcan u arka fursad ay ku weeraraan madaxda dowladda oo ay ku kala aragti duwanyihiin arrimaha gudaha. Sidaas oo ay tahay, qurbajoogto waa awood aanan la dhaliishan karin marka ay timaado difaaca dalka ee fagaarayaasha caalamka, waxaana loo baahanyahay in si dhow loola macaamilo codadka miyirka qaba. Hadalkii dhowaan uu qorey wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi ee ahaa in arrimaha Itoobiya la xiriira ay u dhacayaan si daahfurnaan ah, waa hadal dhiirogalin leh, muujinaya in ay jirto baraarugsanaan culus ee xagga dareenka shacabka. Waxaase xusid mudan in si kasta oo arrimaha loo hagaajiyo, loona soxo ay markasta jirayaan dad aanan la qancin karin oo noloshooda dhan ay ku tiirsantahay dhaliil iyo dhaleeceyn illaa iyaga ay helayaan waxa ay ka doonayaan dowladda si shaqsi ah. W/Q: Cabdinassir Axmed Sheekh Bashiir
-
Mogadishu (HOL) — Jigjiga, the capital of Ethiopia's Somali Regional State, has rolled out new health regulations requiring workers to provide proof of good health, part of a broader initiative to address public health concerns amid the city's rapid expansion. The measures, effective immediately, mandate medical certification for all workers, verifying they are free from communicable diseases such as HIV/AIDS and Hepatitis. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Puntland ayaa shaacisay in heshiid laga gaaray colaad beeleeddii dhawaan ka dhacday degmada Xarfo ee Gobolka Mudug. Shir ku saabsanaa dib u heshiisiinta labada beelood Maxamed Cumar iyo Reer Mahad (Cumar Maxamuud) ayaa ku soo xirmay guriga suldaan Maxamed suldaan Maxamuud ee degmada Xarfo. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaaray colaaddii labada beelood kaddib shirkaasi dib u heshiisiinta ee ka qabsoomay degmada Xarfo. Dowladda ayaa sheegtay in beesha Maxamed Cumar ay raalli-gelin ka bixisay waxyeelleyntii Ceelka degmada Xarfo islamarkaana ballan-qaadday in ay dib u hagaajinayaan. Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in Labada Reer Maxamed Cumar iyo Reer Mahad ku heshiiyeen in maanta laga bilaabo iyagoo wada jira ciidamadii iyo maleeshiyadii Xarfo gurmad ahaanta ku soo galay lakala diro oo degaamadoodii lagu celiyo. Labada beelood waxay sidoo kale ku heshiiyeen In wixii dhib ahaa ee dhacay (dhiig iyo dhaawac) laga wada hadlo, lagana heshiiyo, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in heshiis laga gaaray colaad beeleed dhawaan ka dhacday degmada Xarfo ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi said Saturday that he is “closely” following the agreement reached between Ethiopia and Somalia with Turkish mediation and expressing hope it "would contribute to achieving security and stability in the Horn of Africa, according to a statement from the Egyptian presidency. Source: Hiiraan Online