Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta xeebta Liido warbaahinta kula hadlay waalidiinta afar wiil oo lix bilood ka hor lagu waayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyagoo shaaciyey inay heleen akhbaar ah inay caruurtoodii nooshahay oo dal kale lagu heysto. Waalidiintaan waxay sheegeen in lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay subax kasta u jarmaadi jireen xeebta Liido, si ay u baadi goobaan raqda wiilashoodii, bal in baddu soo tufto, balse maanta markii ay soo yeertay akhbaarta noloshooda farxad ayey la ilmeynayeen. Dhalinyaradaas oo markii la waayey waxay wateen doon kalluumeysi oo ka shiraacatay xeebta Liido, si dhowr meyl ay uga soo jillaabtaan, balse hadda waxay ka soo hadleen dalka Sri Lanka, kadib mudo lix bilood ah oo nolol iyo geeri lagu weysanaa. Doonta ayaa ka ciladowday taas ayaana keentay in mudo dheer kadib ay u gacan galaan ciidamada badda Sri Lanka, waxayna waalidiintu ka codsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in lagu garab siiyo sidii wiilashooda ay ugu soo celin lahaayeen dalka, maadaama loo sheegay in lagu waayey wax dembi ah. “Waxaa naloo sheegay in safiirka Soomaaliya ee Sri Lanka uu dowlada weydiiyey sababta loo heysto wiilasha, balse dowladu ay u sheegtay in markii ay baareen lagu waayey wax dembi ah, hadda ma awoodno inaan ku soo celino dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed hanagala qeyb qaadateen sidii wiilashaas dalka loogu soo celin lahaa,” ayuu yiri Cali Aadan oo ka mid ah waalidiinta, sidoo kale ah milkiilaha doontii ay wateen afarta wiil intii aan la weyn. Waalidiintu waxay sheegeen in dhalinyaradaas ay ka ciladowday doontii ay wateen, isla markaana ay qabteen ciidamada badda ee dalka Sri Lanka, kadib mudo afar bilood ah oo doon haleysan ay la sabeyneysay badweynta. “Dhalinyarada hadda wax dhibaato ah oo soo gaaray nooma sheegin, afar bilood markii ay badda sabeynayeen, waxaa helay ciidamada badda ee dalka Sri Lanka, bil kale oo badda lagu dhex haayey kadib, waxaa lagu xiray gudaha dalkaas, wax dembi ahna waa lagu waayey, hada waxaan codsaneynaa in gacan nalagu siiyo inaan dalka ku soo celinyo wiilasheena,” ayuu yiri mid ka mid ah waalidiinta. Hoos ka daawo The post Daawo: Waalidiinta afar wiil oo bada lagu waayey lix bilood ka hor oo hada shaaciyey… appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo war ka soo saaray xukunka dilka iyo xabsiga isugu jira ee lagu riday askarta AMISOM ee dishay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa su’aal ka keenay cadaaladda la marsiiyey AMISOM ee la marsiin waayey saraakiisha NISA ee lagu tuhmaayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Fiqi oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ugu horeyn guul weyn ku tilmaamay in askar iyo saraakiil ka tirsan AMISOM lagu maxkamadeeyo magaalada Muqdisho, isla markaana ay cadaalad helaan ehellada dadkoodii la laayey. “Golweyn – Shabeelada Hoose eheladii dadkooda ay AMISOM laysay cadaalad ay ku qanacsan yihiin ayay heleen oo askar iyo saraakiil AMISOM ayaa Muqdisho lagu maxkamadeeyo waa guul weyn iyo xuquuq la helay,” ayuu yiri Axmed Fiqi. Sidoo kale Fiqi waxuu su’aal ka keenay hadii la maxkamadeeyey AMISOM, sababta loo maxkamadeyn waayay ragga lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin kiiska Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri lagu waayey. “Haddaba Haddii AMISOM la maxkamadeeyey, sidee loo maxkamadeyn waayay kuwii Ikraam Tahliil kiiskeeda ku eedeysnaa oo ka tirsan hey’adaha amniga Soomaaliya mid ka mid ah? Cadaaladda AMISOM ay yeeshay ee la karsiin waayey NISA oo hey’ad dawladeed sidee umadda loogu fasiri karaa!?” ayuu yiri Fiqi. Jimcihii shalay waxaa dil toogasho ah lagu xukumay laba ka mid ah saraakiisha AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, sidoo kale seddax askari ayaa lagu xukumay xabsi 40 sano ah, kuwaas oo lagu maxkamdeeyey xarunta Xalane ee Muqdisho, isla markaana lagu helay inay todoba qof oo shacab ah si bareer ah ugu laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose. The post Fiqi: Yaa noo fasira cadaaladda AMISOM la marsiiyey ee NISA kari weysay? appeared first on Caasimada Online.
  3. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta guddoomiyay shirkii u dambeeyay ee Guddida Fulinta Xisbiga oo ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Fadhiga Guddida fulinta waxa warbixin ku saabsan shirweynaha labaad lagaga dhegaystay Guddida Qaban-qaabada shirweynaha waxaanu guddoomiyaha guddida Mudane Ismaaciil Yare sheegay in hawlaha shirweynuhu si habsami ah u socdaan. Sida oo kale waxa Guddida Fulinta loo akhriyay wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay xeerka Xisbiga waxaanay Guddida Fulintu cod aqlabiyad ah ku meelmarisay wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Xisbiga oo Shirweynaha 2-aad ee Xisbiga lagu ansixinayo 15-16 Nocember 2021. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Wefti ka socda Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo booqasho ku maraya wadamo kamida qaarada Yurub, ayaa kulamo la yeesha masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanada dalalka Finland iyo Sweden. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ka tirsan oo uu hogaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golahaasi Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa magaalada Helsinki ee caasimada Finlabd kula kulamay guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Dalkaas Antti Rinne oo uu weheliyo la taliyihiisa gaarka ah, waxaana sidoo kale kulanka ka qaybgalay danjiraha Somaliland u fadhiya dalkaasi Marwo Saamiya Muuse oo uu xafiiskeedu diyaariyey martiqaadka weftigu ku tageen dalkaas. Finland ayaa kamida dalalka Yurub ee ay Somaliland saaxiibka dhaw yihiin, waxaanay dhinacyada baarlamaanada labada waddan ka wada hadleen sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka labada dal, gaar ahaan baarlamaanada, sida uu war qoraal ah ku sheegay xildhibaan Maxamed Xuseen Raamboow oo kamida xubnaha kulanka ka qaybgalay, kaasoo qoraal uu kulankaasi kaga waramay soo dhigay barta shabakadda Facebook ku leeyahay. Kulanka oo dhacay gelinkii dambe ee Arbacadii, qaybna ka ahaa kulamo xidhiidh ah oo uu weftiga golaha Wakiilladu ilaa maalmaha soo socda la yeelanayo masuuliyiin dalkaasi, ayaa waxa soo qaban qaabiyey Wakiilka Somaliland u fadhiya Finland Amb. Saamiya Muuse oo sidoo kalena ah xubin firinfircoon oo xidhiidhka arrimaha dibada u qaabilsan xisbiga talada haya ee dalka Finland. Ambasadoor Saamiya Muuse oo wargeyska Dawan la xidhiidhay iyadoo ku sugan Magaalada caasimada dalka Finland, ayaa sheegtay in weftiga golaha Wakiilladu ku yimaadeen martiqaad rasmi ah oo ay uga diyaarisay Baarlamanka iyo Xukuumadda dalkaasi. “Weftigu waxay ku yimaadeen martiqaad rasmi ah oo aan ka diyaariyey Wasaaradda arrimaha dibada Finland, kaasoo markii aan u dirayba ay deg deg u aqbashay wasaaraddu anigoo sii maray safaaradda Nairobi”ayey tidhi Marwo Saamiya. Danjiraha ayaa intaas ku dartay inay kulamo kala duwan la yeesheen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee dalkaasi “shalay waxaanu la kulanay Madaxweynihii hore ee Finland. beri (maanta) waxaanu la kulmaynaa oo nala balansan guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka midowga Yurub oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Finland, kaasoo isaga laftiisu ah nin ka badheedhay qadiyada Somaliland oo aanu doonayno inuu goleyaasha Yurub qadiyada dalkeena geeyo”ayey tidhi Danjire Saamiya. Amb. Saamiya waxa ay sheegtay in hawlo badan oo la xidhiidha dhinaca qadiyada Somaliland ay dhaqaajisay intii ay xilka haysay, maadaama ay xubin muhiim ah ka tagay Xisbiga dalka Finland xukuma oo ay xilal kala duwan u qabatay, haatana ay u qaabilsan tahay xidhiidhka dibada “waxa guul weyn ah in aan dalka finland ka diwaangeliyey Xafiiska Wakiilka Somaliland oo si rasmi ah u shaqeeya, si weyna laygu tixgeliyo” Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Raamboow oo faahfaahin ka bixiyey kulanka dhex maray weftigooda iyo guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Finland, ayaa sheegay “Waxaanu ka wada hadalnay iskaashiga labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Finland. Waxa dhinaca Somaliland hoggaaminayay guddoomiye-xigeenka 2aad ee golaha wakiilada xildhibaan Cali Xaamud Jibriil, waxaana kulanka nagu wehelisay wakiilka Somaliland ee Finland Danjire Saamiya Muuse oo kulanka soo qaban qaabisay”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka guddi-hoosaadka arrimaha dibada ee Golaha Wakiillada JSL Md. Maxamed Xuseen Ramboow. Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Raamboow oo ay weheliyaan xubno kamida Jaalliyada Somaliland ee dalka Sweden, ayaa khamiistii doraad kulan kula yeeshay Magaalada Stokholm guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Sweden Xildhibaan Åsa Lindestam iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka dalkaasi. Mudane Ramboow oo lugtiisa labaad booqasho ku tegay dalka Sweden, halkaana kulamo kale kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dalkaas, ayaa tilmaamay inay arrimo kala duwan oo muhiima ka wada hadleen mudaneyaasha reer Sweden. waxaanu sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook “Waxaan galabta (Khamiistii)xarunta Baarlamaanka Sweden kula kulmay guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Sweden Xildhibaan Åsa Lindestam iyo labada xildhibaan ee kala ah Anders Österberg iyo Ola Möller. Kulankan waxaanu kaga wada hadalnay xidhiidhka labada baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa iyo qodobo kale oo muhiim ah. Waxaanu si guud u booqanay xarunta Baarlamaanka iyo qaybaha uu dhismuhu ka koobanyahay” Geesta kale, Xildhibaan Raamboow waxa uu faahfaahin ka bixiyey kulamo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Sweden, waxaanu tibaaxay inay masuuliyiintaasi ka wada xaajoodeen iskaashiga labada dal iyo sidii ay u xoojin lahaayeen. “Waxaan xarunta wasaarada arrimaha dibada Sweden kula kulmay Madaxa arrimaha Bariga Africa Cecilia Wramsten iyo Madaxa Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Anna Centerstig. Waxaanu ka wada hadalnay iskaashiga Somaliland iyo Sweden iyo sidii wax loo wada qabsan lahaa”ayuu yidhi. Kulanka ayuu sheegay inay ku wehelinayeen Mustafe Cabdi Ismaaciil oo ah guddoomiyaha dallada guud ee Jaalliyadda Somaliland ee Sweden, Maxamed Yuusuf Bidhiidh Badda oo ah guddoomiyaha Ictiraaf raadinta ee Sweden, Liibaan Xasan Cabdilaahi iyo Mahad Kadleeye oo ka tirsan jaalliyadda Somaliland ee Sweden. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddida joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa kormeer indho indheyn ah ku tagtay Xarunta Cisbitaalka Guud ee magalada Hargeysa. Waxaana ay kulan la qaateen Guddida Joogtadu Agaasimaha Cisbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa, kulankaasoo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu u soo dhammaaday waxa warbaahinta uga warbixiyey Agaasimaha cisbitaalka guud Magaalada Hargeysa Dr-Axmed Cumar Askar, oo sheegay in xaaladda Cisbitaalku ay imika meel fiican marayso, isagoo xusay in guddida joogtada ee golaha guurtidu ay ugu yimaadeen si ay u ogaadaan adeegyada ka socda cisbitaalka. Agaasimaha cisbitaalku waxa uu intaas ku daray in tobankii sanno ee ugu dambeeyay ay tayaynayay isla markaana ay kor u qaadeen adeegyada bulshada ee ay qabtaan. Guddoomiyaha Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Dayib Xasan Axmed ayaa uga mahadceliyay agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa Mr. Askar warbixinta uu ka siiyay xaaladda guud ee cisbitaalka, waxaana ay xuseen in macluumaadkaasi ay u gudbin doonaan gole weynaha golaha Guurtida. Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa soo indho indheeyay qaybaha uu ka kooban yahay cisbitaalka guud ee Hargeysi, iyagoo qol qol u galay qaybaha waadhadhka ee cisbitaalka. Source
  6. Rebellious Tigrayan forces threatened on Friday to “hunt down” foreigners they said were supporting the Ethiopian government as mercenaries and technical experts in a year-long war. Tigray People’s Liberation Front (TPLF) spokesperson Getachew Reda said the foreigners could be from Turkey, China, Israel or the United Arab Emirates. Government spokesperson Legesse Tulu did not immediately respond to a request for comment. There have been no independently verified reports of the warring sides using mercenaries to date. Getachew told Reuters via satellite phone: “We don’t care (what their nationality is). We will hunt them down. They will be treated like the mercenaries they are.” The war, which has killed thousands and forced more than two million people from their homes. The conflict escalated this month after rebellious forces from the northern region of Tigray and their allies made territorial gains and threatened to march on the capital. The government says the gains have been exaggerated. The government declared a state of emergency on Nov. 2. That allows suspects to be detained for as long as the state of emergency lasts; allows house-to-house searches without a warrant; and requires citizens to carry identity cards, some of which – like those issued by some regions – can be an indication of ethnic origin. The warring parties – the Ethiopian government and the rebellious Tigrayan forces – have so far rejected calls from the United States, the United Nations and the African Union for a ceasefire. Both sides have set conditions that the other rejects. More than 400,000 people are facing famine in Tigray, the United Nations warns. No U.N.-organised humanitarian supplies have entered Tigray for more than three weeks, the U.N. said on Thursday, adding some 364 trucks are waiting in a neighbouring region, pending authorization from authorities to proceed. An estimated 100 trucks per day must enter Tigray to meet critical humanitarian needs, the U.N. says. Around 80% of essential medicine is no longer available in Tigray and most health facilities are not functioning, it says. The TPLF dominated national politics for three decades until Prime Minister Abiy Ahmed took office in 2018 and curbed its power. Reuters Qaran News
  7. Shaari-shaari waa erey aad looga isticmaalo waqooyiga Soomaaliya; wuxuu u dhigmaa geddisley. Isku-dhex milanka siyaasadda iyo ganacsiga maamulka Somaliland, oo ay Dr Claire Elder, cilmibaare ka tirsan Dugsiga Dhaqaalaha London (London School of Economics) ay ku gorfeysay warqad cilmiyeed ku soo baxday International Affairs, wuxuu bannaanka soo dhigay dhibaatooyin uu Bangiga Adduunku 2016kii ka digay. “Dowladda Somaliland waxay u nugushahay inay gacanta u gasho dano ganacsi gaar ah, taas oo xaddidaysa awooddeeda inay qaaddo tallaabooyin siyaasadeed danta dadweynaha darteed.” Dhowr sano kaddib qiimeyntan waxaa soo baxay buuggii Xirsi Xaaji Cali ku saabsan taariikh nololeedkiisa. Xirsi, oo ka tirsanaa siyaasiyiinta sarsare ee dolwaddii Axmed Maxamed Siilaanyo hoggaaminayay intuusan iscasilin, wuxuu iftiimiyay sida qaar ka mid ah ganacsatadu ugu adeegtaan awoodda siyaasadda iyagoo ka codsanaya madaxda in suuq loo xiro si aan loola tartamin. “Waxa mar kasta jira oo aan la dhayalsan karin doorka iyo kaalinta ay bulshada siyaasadda ku leeyihiin ganacsatadu iyo sidoo kale muhiimadda ay dalka guud ahaan u leeyihiin. Sidoo kale waxaa hubaal ah haddii ganacsatada lagu sii daayo maamulka iyo dawladnimada, waxaa dhacaysa xadhig kala jiidasho iyo in mid kastaa uu danihiisa u xusliyo, oo halkaa ay cidhiidhi ku gasho dantii caamka ahayd…” ayuu Xirsi qoray. Xirsi wuxuu ahaa Wasiirkii Madaxtooyada ee Maamulkii Siilaanyo. Weedhiisu way ka culus tahay dhanka sugnaanta hadalka qof bannaanka ka joogay maamulka Somaliland. Waa maxay dowladnimo shaari-shaari ihi? Dowladnimo shaari-shaari ahi waa koox shirkado ah iyo siyaasiyiinta uga awoodda badan oo iska kaashada ganacsiyada dalka dhexdiisa iyo dalalka deriska, oo si cad uga hortaga tartanka uga iman kara gacansiyada kale, yareeyana awoodda dowladda si ay uhelaan faa’iiddo ka sarreysa tan suuqa ka jirta lehna awooddo ay danahooda ku ilaashadaan. Tilmaanta ay Dr Claire Elder ka bixisay hab siyaasadeedka maamulka Somaliland waa mid la mid ah, sida qore ay xiganayso uu qoray, habka suuq-xirashada ee siyaasadda Waqooyiga Afgaanistaan (oligopolistic model ) oo hal qowmiyad ayay tageero uga dhex abaabulato beelaha kale oo si calooshood-u-shaqaystenimo ah ula shaqeeya isbahaysiga siyaasadeed iyo ganacsi. Waxay Claire qortay in isbahaysiga Jeegaantu u samaysmay si awoodda dhaqaalaha loogala wareego huwan siyaasadeed “wax ka dheefay habkii xukunka dadban ee Imbaradooriyaddii Biritayn.” Fursadaha gancsiga oo dhami waxaa la siiyaa ganacsatada ka soo jeedda isbahaysiga uu Madaxweyne Muuse Cabdi ka tirsan yahay, bay doodda Claire u dhacaysaa. Haa buluugga, Maya casaanka: Doorashooyinka maamulka Somaliland qabto way ka sharciyad hooseeyaan kuwii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed abaabuli jiray. Dowladda shaari-shaarida ahi waxay ku tiirsan tahay waxa loo yaqaan nabad-dhowrasho (peaceocracy) si loo sameeyo dimuqraaddiyad xaddidan. Waxaa kale oo sal u ah waxa loo qayaanno qotodheereynta nabadsugidda (securitization). Nooca doorashada maamulka Somaliland qabanaysay intii muddo ah waa kuwo ku shubasho ay saameysay, mararka qaar ay fududeeyeen sirdoonka Galbeedka, ayay ku doodday Claire. Waa nooc doorasho oo dadku ku xalaalaynayaan nidaam siyaasaddiisu ku salaysan yahay cabburin, kordhinta saboolnimada, dhiigmiirtanimada koox ganacsato ah oo maalgelisa qowlaysatada talada haysa si ay hadhow u helaan fursado ganacsi aan lagula tartami karin. Habka doorashooyinka maamulka Somaliland ku qotomo Soomaalidu way soo martay ka hor 1991kii: waa habkii Haa Buluugga, Maya Casaanka, markii Soomaaliya uu ka jiray Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Muxuu ahaa xukunka dadban ee Imbaradooriyaddii Biritishku? Dhammaadkii qarnigii 19aad Imbaradooriyaddii Biritishku waxay heshiisyo la saxiixatay beelo Soomaaliyeed. Heshiiku wuxuu dhigayay in Biritishku ilaalin doono beelaha heshiiska galay. Beelaha waxaa saarnaa waajibaad sida inaysan dal kale heshiis la geli karin, inaysan dhulkooda rahmi karin. Beelaha Soomaalida ee heshiiskaas galay sinna may u jebin heshiiska hase yeeshee Biritishku siyaabo kala duwan ayuu u jebiyay heshiiska: 1- Wuxuu xiray madax caan ahayd sida Suldaan Maxamuud Cali Shire; 2- Wuxuu dhulkii Soomaalidu degganaynd si qarsoodi ah u siiyay Imbaradooriyaddii Xabashida. Ra’iisal Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu 1968kii Royal African Society ka sheegay in Biritishku dibindaabyeeyay Soomaalida kaddib markuu jebiyay heshiisyadii uu la galay beelaha Soomaaliya si Xabashidu u hesho dhul Soomaaliyi ku noolayd. 1954kii ayuu Biritishku si rasmi ah dhulkii Soomaalida (Haud and Reserve) ugu wareejiyay Imbaradoor Xayle Salaase, oo ahaa guddoomiyihii Harar oo gibirka ka qaadi jiray Soomaalida qaarkeed. Ismaaciil Buubaa, oo wax ku qori jiray Dalka, wuxuu dhaliilay dowladnimada shaari-shaarida ah ee maamulka Somaliland. Hababka xukunka dadban wuxuu u diiday Soomaalida Waqooyiga inay samaystaan xisbiyo u dhigma SYL (xisbigii Leegada) waayo odayaasha ayuu gumeystuhu u adeegsan jiray xukunka dadban. Carruurta odayaasha caaqiliinta ahaa ayuu Biritishku wax bari jiray oo keliya. Mahmood Mamdani, bare sare, wuxuu buuggiisa caanbaxay, Citizen and Subject: Contemporary Africa and the Legacy of Late Colonialism, ku qoray in habka xukunka dadban lahaa laba weji: marka dadka la gumeysanayo laga hadlayo waxaa shaqaynaya xeerka (customary law ); marka dadka u dhashay awoodda wax gumeysanaysa laga hadlayo waxaa shaqaynaya Common Law (Sharciga Guud). Marka la eego asaaska sharciyeed ee xukunka dadban waxaa soo baxaysa in Biritishku u arkayay Soomaalida dad hargo saxiixay. Haddii ay heshiis saxiixi lahaayeen waxay cuskan lahaayeen Common Law. Aqoonsi La’aan Soo Taagan Claire Elder waxay xigatay Mudane Ismaaciil Buubaa. “Hargeysa hub baa afka haya; weli maskax jabahdeed baa taalla. Maamul horusocod ah ayaa loo baahan yahay” ayuu rug-caddaaga siyaasadeed u sheegay Claire. Buubaa wuxuu ka mid ahaa qorayaashii Dalka, wargeys bille ahaa oo madaxbannaan uu tafaftiri jiray xeeldheere sharci Yuusuf Jaamac Dhuxul. Wargeysku wuxuu soo bixi jiray 1965kii ilaa 969kii. Maqaallo tooshka ku ifin jiray gefefkii maamulkii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan iyo Ra’iisal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ku soo bixi jiray Dalka. Maanta wargeys sidaas u afdheer kama jiro Hargeysa. Nooca dowladnimada uu maamulka Somaliland ku guuleystay unkiddeeda waa dowlad warqad ah (Paper Leviathan). Waxay dowladda noocan ahi ka kooban tahay dowlad li’ (Absent Leviathan) oo keenta kala dambayn la’aan iyo dowlad amar-ku-taagleyn leh (Despotic Leviathan) oo kala-dambaynta dhowraysa hase yeeshee keli-talisnimo ku salaysan. Isku dhafkan dowladeed, oo goor hore ka hanaqaaday meelaha maamulka Somaliland ka arrimiyo, wuxuu awood badan siiyay ganacsatada ku adeegata awoodda siyaasadda. Maamulka Somaliland wuxuu abuuray dabaqado aan shaqaysan karin haddii aan suuqa loo xirin, haddii aysan helin heshiisyo ganacsi tartan la’aan ah, ama haddii carruurtooda aysan shaqooyin ku helin eex. Dabaqaddani waxay is hortaagtaa isbeddel sal iyo baar ah inuu ku dhaco dowladnimada. Sanadkan nin aad ugu dhow dowladda Somaliland ayaa ganacsade Itoobiyaan kula heshiiyay inuu khudradda si toos ah u keeno Hargeysa. Wuxuu isku dayay inuu dhexda ka saaro gaadiidleyda Wajaale ka keenta khudradda. Xisbiga Waddani ayay Claire Elder u aragtaa mid maamulka Biixi beddeli kara dimuqraaddiyeynta qowlaysatada siyaasadeed ku afgobaadsadaan. Dood Hargeysa ka dhacday dhowr billoowd ka hor, ku aadanayd xuskii 30 guurada ku dhawaaaqista goonni-isu-taagga aan weli aqoonsiga helin ayuu agaasimaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka xusay awoodda xarga-goyska ah ee ganacsatada. “Xaafaddan aannu hadda fadhinno hal shirkad ayay u xiran tahay oo laydhka iibisa” ayuu yiri madaxa Akaademiga. Dowladnimada shaari-shaarida ahi way ka awood-badan tahay kelitalis, waayo in dadku doorteen ayay ganacsatada iyo madaxda (elites) wax ka dheefa wiiqista dimuqraaddiyaddu cuskadaaan. Warqadda Claire Elder waxay soo baxday dhowr toddobaad kaddib markii maamulka Somaliland si qasab ah Laascaanood uga barakiciyay dad Soomaaliyeed uu u arko shisheeye. Weli cabsi ayaa jirta in maamulka Somaliland barakicinta qasabka ah sii wadi doono. Madadxweyne Biixi wuxuu ku dhaliilay Qaramada Midoobay adeegsiga ereyga Barakicin Qasab ah. Waxay muujinaysaa halista dhalan karta haddii koox ganacsato ah iyo siyaasiyiin ahi leexsadaan oo siday rabaan u macneystaan dowladnimada iyagoo sheeganaya inay dhowrayaan nabadda. Liibaan Axmad libahm@gmail.com The post DOWLADNIMADA SHAARI-SHAARIDA AH EE MAAMULKA SOMALILAND appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo maanta shaqo billaabay. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland, in ay shaqadooda si madax banaan u qabsadaan, wuxuuna ku dhawaaqay in Dowladdu u fududeynayso guddiga inuu shaqadiisa u qabsado si waafaqsan shuruucda u yaalla. Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Ururka Qareenada Puntland, waxaana ka mid noqonaya Shaqadooda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dacwadaha la xiriira Warbaahinta iyo Anshaxmarintooda. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Guddiga sare ee warbaahinta Puntland oo maanta shaqa bilaabay appeared first on Puntland Post.
  9. Maxay tahay cunnaqabateynta cusub ee uu Mareykanku saaray Eritrea? Antony Blinken Mareykanka ayaa Jimcihii cunnaqabateyn cusub saaray Eritrea, sababo la xiriira colaadda dhimashada badan keentay leh ee dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia, halkaasi oo uu Mareykanku ka digay in colaaddu ay halis gelineyso “bur-bur” haddii aan laga gaarin heshiis. “Ciidamada Eritrea ayaa ka howlgalay guud ahaan Ethiopia intii ay colaaddu socotay, waxaana ay mas’uul ka ahaayeen xasuuq, dhac iyo xadgudubyo dhanka jinsiga ah,” ayay Waaxda Maaliyadda ee Mareykanku ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Cunnaqabatayntan ayaa lagu bartilmaameedsaday Ciidanka Difaaca Eretria iyo xisbi siyaasadeedka Madaxweyne Isaias Afwerki, Xisbiga Shacabka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda, iyo sidoo kale xubo kale oo ka tirsan dowladda. Eritrea ayaa Sabtida maanta ah ku dhaleeceysay Mareykanka in uu cunnaqabateyn hor leh ku soo rogay dalkeeda, iyadoo tallaabadaasi ku tilmaantay “mid sharci darro iyo damiir xumo ah.” Ciidamada Eretria iyo Ethiopia ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi wadareed ka geysteen gobolka Tigray, waxaana Washington ay marar badan ku boorrisay Asmara in ay ka baxdo Ethiopia, waxaana ka mid ahaa mar uu bishii May ergayga gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman uu la kulmay madaxweyne Isaias Afwerki. Eretria ayaa ciidamo taageera Abiy u dirtay Ethiopia, halkaasi oo sanad ka hor uu ka bilowday dagaal ka dhan ah kooxda TPLF ee mar dalkaasi soo maamushay. Cunnaqabateyn Ethiopia iyo TPLF? Ka hor safar uu toddobaadka soo socda ku tagayo saddex dal oo African ah, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay cunnaqabatayn ku soo rogi doonaan dowladda Ethiopia iyo fallaagada, haddii aysan wadahadal furin. Fashilka in la gaaro heshiis “waxa uu horseedi doonaa bur-burka Ethiopia, iyo in ay u gudubto dalalka kale ee gobolka, taasina waxa ay dhibaato ku noqon doontaa dadka reer Ethiopia iyo sidoo kale kuwa gobolka,” ayuu Blinken u sheegay wariyeyaasha. Blinken ayaa hadalkiisa sii raaciyay, “waddada kale waa in la joojiyo dhammaan howl-gallada ciidan ee hadda socda, loo fadhiisto si looga wada xaajoodo xabbad-joojin dhab ah, lana hubiyo in gargaarka bani’aadamnimo uu gaaro dhammaan gobollada ay dadku ku dhibaataysan yihiin.” Maraykanka ayaa ku canbaareeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, colaadda dhiigga badani ku daatay ee muddada sanadka ah socota, taasi oo boqolaal kun oo qof gelisay xaalado u eg macluul. Blinken ayaa sheegay in Mareykanku uusan hadda cunnaqabateyn saari doonin xubnaha ka tirsan dowladda Ethiopia iyo TPLF si waqti loogu siiyo in ay horumar ka sameeyaan wadahadallada. Waxa uu ka digay in Mareykanku uu labada dhinacba uu tallaabo ka qaadi doono haddii ay dadaallada diblumaasiyadeed fashilmaan. Qaran News
  10. Guriceel (Caasimada Onlie) – Inta la xaqiijiyay 3 Carruur oo isku qoys ah ayaa dhimatay halka dhaawac uu soo gaaray 5 kale oo ay kamid tahay Hooyada Reerka kaddib markii uu ku qarxay Qori nuuca loo yaqaan Saban (RPG) oo loo badaniyo in Degmada Guriceel looga dhex tagay maalmihii dagaallada ka socdeen. Caruurta ayaa la sheegay in xabadaas ay kasoo qaadeen agagaarka xarunta Jaamacadda ee ku taalla waqooyiga degmada Guriceel, halkaas oo dagaalkii ugu cuslaa uu todobaadyo ka hor ku dhex-maray ciidanka Qaranka iyo xoogagga hubeysan ee Ahlu-Sunna. Carruurta ayay ku qaraxday xabadda xilli ay garaacayeen, waxaana ka dhashay khasaaro murugo badan ku abuuray dadka Reer Guriceel. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Guriceel ee Gobolka Galmudug oo goobta tagay ayaa qaaday dadka dhaawaca soo gaaray si looga daweeyo firirka oo waxyeello xooggan u geystay jirkdooda. Dhacdadaan ayaa kusoo aadeyso xilli dadka deegaanka Guriceel ay bilaabeen inay dib ugu soo noqdaan guryahooda kadib xalkii laga gaaray dagaalkii maalmaha ka socday magaaladaas. Goobaha ay ka dhacaan dagaallada ayaa laga dhaxlaa halis badan oo ka dhalata hubka & walxaha qaraxyada sameyn kara, carruurta oo aan aqoon fog u lahayn waxa ka dhalan kara ayaa gargaaraca taas oo ugu dambeyn keentay inay naftooda ku waayaan. The post Dhacdo murugo leh oo laga dhaxlay dagaalkii Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  11. Qoyska Duuliye Fu’aad Yuusuf oo ka hadlay xukunka lagu riday? Fu’aad Yuusuf Cali Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 12,000 oo doollar ku ridday duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ka tirsanaa ciidanka dalkaas, taasoo ka careysiisay qoyska Fu’aad. Fu’aad, oo ahaa duuliye ciidan, muddo 10 sano ahna ciidanka Jabuuti ka tirsanaa ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ee sanadkii hore, ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta militariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay. Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo. Horraantii bishii April ee sanadkii hore, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa. Ka dibna waxaa bilowday olole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayay in xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee dowladda Itoobiya wax jawaab ah kama aysan bixin. Qoyska Fu’aad maxay sheegeen? Qoyska Fu’aad oo ka falceliyay xukunkaasi ayaa sheegay in habka xukunaasi u dhacay uu ahaa cadaallad darro. Xaaska duuliyaha, Timiro Jaamac ayaa BBC-da u sheegtay in xukunkaasi iyo ganaax lacageed oo seygeeda lagu riday uu yahay mid u dhacay “qaab aan caddaallad ku saleysan”, waxayna intaas raacisay in qoyska aan loo oggoleyn inay arkaan Fu’aad. “Isniintii ayuu dhacay xukunka, si caddaalad darro ah, si xeerka iyo xuquuqda aysan dhigeyn ayaa loo xukamay Fu’aad, 9-kii subaxnimo ayaa maxkamada Jabuuti nalagu xareeyay, 11-ka habeennimo ayaana la xukumay Fu’aad”, ayay tiri Timiro. “Caddaalad darrada aan tirsaneyno waxay tahay in qofkii oo dembigii loo heystay lagu waayay oo haddana xukun qaldan lagu riday,” ayay intaas raacisay Timiro. Waxay sheegtay in maxkamaddu ay diidday in xukunkaasi racfaan laga qaato. Waxay intaas raacisay in dowladda Jabuuti ay ka codsaneyso inay u oggolaato dibadbax nabadeed. “Xaalkiisa caafimaad wuu daran yahay, waxaana iigu war dambeysay maalintii la xukumay, dowladdu nooma oggola inaan aragno oo xaalkiisa ka warqabno.” Ayay tiri xaaska duuliye Fu’aad. Waa kuma duuliye Fu’aad Yuusuf Cali? Fu’aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti. Duuliyahan u xirnaa dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood. Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa. 2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig. 2014 waxaa loo diray Koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa 2019 ayaa laba xidigle laga dhigay Bishii March 27, ee sannadkii hore ayuu dhinaca Itoobiya u goostay Magangalyo ayuu bishii April ee sanadkii hore weydiistay Itoobiya 15 April ee sanadkii hore Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jabuuti Xaaskiisa Timiro oo xogtaas u xaqiijisay BBC News Somali ayaa sheegtay in ay “aaminsan tahay in sirdoonka Itoobiya ay ku wareejiyeen” dowladda Jabuuti. Timiro oo markii Fu’aad ay xirtay dowladda Jabuuti u warrantay BBC-da ayaa tiri, “Ubadkiisa ayuu u waayaa wax uu siiyo. Cadaadis ayaa la saaray, markuu hadlayna mushaarkii ayaa laga jaray. Muddo afar bilood ah mushaar lama siinin,” ayay hadalka sii raacisay. “Wuxuu ahaa nin shaqo jecel. 4:00-ta subaxnimo ayuu kici jiray, wuxuuna ka sheegtay caddaalad darro ka jirta ciidammada dhexdooda”, ayay BBC Somali u sheegtay xaaskiisa. Soo musaafurinta qasabka ah ee Itoobiya ee Fu’aad ayaa dhalisay ficillo caro leh oo ka imanayay qurbo-joogta reer Jabuuti, kuwa badan oo ka mid ahna waxayba sheegayeen in duuliyaha uu haslis ugu jiro in lagu dhibaateeyo gudaha waddankiisa. Dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha ee reer Jabuuti iyo siyaasiyiin badan oo ku nool dibadda ayaa dhaleeceeyay ficilka dib u celinta Fu’aad Yuusuf ee Itoobiya ku dhaqaaqday. Waxaa kaddib Jabuuti ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo lagu dalbanayo in Fu’aad xorriyaddiisa uu dib u helo Qaran News
  12. A terror suspect who was on a reconnaissance mission was on Saturday nabbed by Lang’ata-based detectives when he attempted to bribe a police officer for information. Source: Hiiraan Online
  13. PRESS RELEASE GAIA AFRICA Launches GAIA House, a luxurious hub for women leaders GAIA AFRICA is more than a business club for women – It is an organising principle for female empowerment and leadership which is the bedrock for sustainability of any social economy LAGOS, Nigeria, November 12, 2021/ — GAIA AFRICA (GaiaAfricaClub.com), Nigeria’s premier private members club for professional and businesswomen leaders, launched her Club House in Lagos on 13th November 2021. GAIA AFRICA is established to provide a nurturing and authentic environment for women leaders so that they can support and learn from each other. GAIA AFRICA is more than a business club for women – It is an organising principle for female empowerment and leadership which is the bedrock for sustainability of any social economy. “It is incredible to see one’s vision come to life. In spite of the challenges, I have seen our beautiful Club House completed, members continuing to build trust, form new friendships, investing and doing business together. And best of all it is great to see membership on the increase” Olatowun Candide-Johnson – Founder & CEO GAIA AFRICA. It has always been easy for men to meet in comfortable and confidential “Clubs” where million-dollar deals are negotiated, but such spaces are either uncomfortable or completely out of bounds for women. With a dearth of innovative, private members clubs for professional and businesswomen to connect, GAIA AFRICA was founded in 2018 and represents the power of making useful connections, staying persistent and executing ideas. This proudly Pan African brand is built around the common interests of her members to create the opportunity for them too, to bond in a safe and peaceful space to forge business partnerships, invest in lucrative deals, sponsor and support one another. This is achieved through peer-to-peer mentoring, our Executive Academy which brings new learning and/or refreshers for members, as well as our smaller interest groups (“mini clubs”) which provide another avenue for members with similar interest to bond deeper and build trust. Most importantly, our collaborations are built on the GAIA Honour Code of Mutual Trust, Integrity, & Authenticity. The Club House referred to as “GAIA House” is a three level Luxury Club. House located in the heart of Victoria Island Lagos and is poised to serve the needs of members for business and entertainment with facilities that include Gaby Lagos (a Mediterranean and evolved fusion restaurant), The Haven (Exquisite Members lounge), The Hub (Multipurpose function room), The Athena Meeting Rooms, Fitness Studio, Steam Room and Amalfi Massage room. GAIA House is a confluence of business and lifestyle in Nigeria. It is available for select private events including private dinners, Board lunches, private screenings, exhibitions, and other intimate events – by prior reservation. For more information about GAIA AFRICA, please visit our website www.GaiaAfricaClub.com; listen to the Founder here https://bit.ly/2YFMtGd and read “The GAIA AFRICA STORY – Why GAIA, Why Now” – here: SOURCE Gaia Africa Qaran News
  14. A terror suspect has been arrested while asking for information within Lang'ata shopping center. Source: Hiiraan Online
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa booqan doona Kenya, Nigeria iyo Senegal inta u dhaxaysa 15-ka ilaa 20-ka November, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Abuja. Safaaradda ayaa tibaaxdey in booqashadu si qoto dheer ay hoosta ka xariiqi doonto ballaadhinta xiriirka ay Washingtion la leedahay saaxiibadeeda Afrika. Ujeedka Socdaalka xoghayaha difaaca Maraykanka Antony J. Blinken uu ku tagayo Kenya ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu masuuliyiinta Kenya kala xaajoondoona iskaashiga istaraatiijiyadeed ee uu Maraykanku la leeyahay Kenya. Dhinacyada ayaa waxey ka wada hadli doonaan wax ka qabashada arrimaha amniga gobolka sida Itoobiya, Soomaaliya, iyo Suudaan. Maraykanka ayaa saaxiib dhow la ah Kenya, wuxuuna dalkaas ku leeyahay saldhig military kaas oo uu ka maamulo howlgallada cirka ee lagula dagaalamayo Al-shabaab. “Xoghayaha waxa uu horumarin doonaa iskaashiga Mareykanka iyo Kenya ee ku aaddan joojinta COVID-19, hagaajinta helitaanka tamarta nadiifka ah iyo ilaalinta deegaanka,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka. Blinken ayaa kadib wuxuu u safri doonaa Abuja, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha, Major General Muhammadu Buhari (retd.), Madaxweyne ku xigeenka Yemi Osinbajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Geoffrey Onyeama isaga oo kala hadlay nabadda qaaradda. The post Antony Blinken oo billaabaya safar qorshihiisa ay qeyb ka tahay xaaladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  16. Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta qabtay doorashada laba xubnood oo ka harsanaa xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka dalka Doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa dib loogu doortay kursigii uu ku fadhiyay Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid. Waxaa isna doorashada ku soo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo noqonaya senator cusub oo Galmudug ku matali doona Aqalka Sare. Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah ka dib markii ay tanaasuleen musharraxiintii kale ee kuraastan kula tartami lahaa ragga la doortay. Labadan senator ee la doortay ayaa dhameystiraya tirada sideedda xubnood ah ee Galmudug ay ku leedahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Galmudug oo dhammaystirtay doorashadii Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  17. Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex carruur ah ay ku geeriyootay, halka saddex kale oo hooyada Qoyska ay ku jirto ku dhaawacmeen, kadib markii ay ku qaraxday haraadiga xabad saban ah oo carruurta geeriyootay ay kasoo qaadeen aaga xarunta Jaamacadda. Taliska Booliska degmada Guriceel ayaa xaqiijiyay dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay, waxayna dadka dhibaatadan gaartay ka kooban yihiin hal qoys. Hey’adaha Miino baarista ayaa horay uga digay waxyaabaha qarxa ee duugoobay ee looga tago deegaanada ay colaaduhu ka jiraan ama xerooyinka ciidamada ka guuraan. PUNTLAND POST The post Guriceel: Carruur ku geeriyootay walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen appeared first on Puntland Post.
  18. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada mareykanka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuti ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan sidii loo xalin lahaa qalalaasaha ka taagan dalka Itoobiya. Saraakiisha hoogaamineysa ciidamada ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo November sanadkii hore ay aad u kacsaneyd xaaladda gobalka taasna ay sababtay dagaalka ka socda dalka deriskooda ah. William Zana oo ah Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu uu yahay Jabuuti ayaa yiri “Ciidamada Mareykanka halkan waxey u joogaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka gobalka”. “Marka itoobiya uu ka dhaco dagaal gudaha ah taasi waxay sababi kartaa in ay go’aansadaan in ay ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay kala soo baxaan, waxaa halkaasi ku sugan 5 dal oo ka tirsan midowga Afrika oo ay arrintan saameynayso waxa jirta suurtagalnimo ah in kooxaha xagjirka argagixisada ay halkaasi dhaqdhaqaaq ka sameeyaan,” ayuu yiri Mr Zana. Mar wax laga waydiiyay tallaabada ay militariga Mareykanka qaadayaan haddii ay TPLF soo galaan Addis ababa ayaa waxaa uu sheegay in doorka ay u joogaan gobolka uu yahay in ay ka jawaabaan xasaradaha iyo dhibaatooyiinka. “Doorkeena asaasiga ah ee halkan aan u joogno waa in aan awood u yeelano inaan ka jawaabno dhibaatooyiinka, gaar ahaan inaan ka jawaabno dhibaatada la so gudboonaata diblomaasiyiinta Mareykanka guud ahaan Afrika gaar ahaan kuwa bariga Afrika,” ayuu intaa ku daray. Jeneraalka hogaamiye ciidamada Mareykanka ee geeska Afrika Janaraal William Zana ayaa xusay in ay u diyaar garoobeen ka jawaabida haddii Addis ababo uu dagaal ka dhaco oo ay xaaladda sii xumaato. “Waxaan sameynay diyaar garow wanaagsan iyo qorshe si ay noogu suuragsho in aan ka jawaabno oo aa gacan ka geysano daad-gureynta shaqaalaha iyo inaan sameyno howlgal daad-gureyn ah oo ballaaran oo laga soo qaadayo shaqaalaha Mareykanka , muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa dalalka kale, ayuu yiri Janaraal Zana. Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Bayaan ay soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay ku sheegtay in liiska madow lagu daray ciidamada Eritrea, Hoggaanka xisbiga talada haya ee FDFJ, la taliyaha dhaqaalaha ee xisbiga iyo madaxa xafiiska amniga Eritrea, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda sanad jirsatay ee ka socota dalka Itoobiya. Tan iyo markii bishaan oo kale sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo. Kooxda TPLF iyo xulafadeeda, ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa guulo kala duwan kasoo hooyay todobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo qabsaday magaalooyin qiyaastii 400km u jira caasimadda, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay qorsheynayaan in ay dhawaan la wareegaan magaalada Caasimadda ah ee Addis ababa ee dalka Itoobiya. The post Maxay tahay tallaabada ay qaadayaan ciidamada Mareykanka haddii TPLF soo gasho Addi Ababa? appeared first on Caasimada Online.
  19. Maraykanka oo shaaciyey waxy yeeli doonaan haddii ay Falaagada TPLF Addis-Ababa weerar ku qaado? Janaraal William Zana Ciidammada militariga ee ku sugan saldhiga Mareykanku ku leeyahay dalka Jabuuti ayaa si wayn isha ugu haya qulqulutooyiinka ka jira dalka Itoobiya Abaanduulaha ciidamada Mareykanka ee saldhiga dalka Jabuuti Janaraal William Zana ayaa BBC u sheegay in “halkan ay u joogaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka gobolka”. Mr Zana ayaa sheegay in dibaato kasta oo ka dhacda dalka Itoobiya ay saameyn ku yeelanyso ammaanka iyo xasilloonida guud ahaan gobolka. “Marka itoobiya uu ka dhaco dagaal gudaha ah taasi waxay sababi kartaa in ay go’aansadaan in ay ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay kala soo baxaan, waxaa halkaasi ku sugan 5 dal oo ka tirsan midowga Afrika oo ay arrintan saameynayso waxa jirta suurtagalnimo ah in kooxaha xagjirka argagixisada ay halkaasi dhaqdhaqaaq ka sameeyaan,” ayuu yiri Mr Zana. Mar wax laga waydiiyay tallaabada ay militariga Mareykanka qaadayaan haddii ay TPLF soo galaan Addis ababa ayaa waxaa uu sheegay in doorka ay u joogaan gobolka uu yahay in ay ka jawaabaan xasaradaha iyo dhibaatooyiinka. “Doorkeena asaasiga ah ee halkan aan u joogno waa in aan awood u yeelano inaan ka jawaabno dhibaatooyiinka, gaar ahaan inaan ka jawaabno dhibaatada la so gudboonaata diblomaasiyiinta Mareykanka guud ahaan Afrika gaar ahaan kuwa bariga Afrika,” ayuu intaa ku daray. Jeneraalka hogaamiye ciidamada Mareykanka ee geeska Afrika Janaraal William Zana ayaa xusay in ay u diyaar garoobeen ka jawaabida haddii Addis ababo uu dagaal ka dhaco oo ay xaaladda sii xumaato. “Waxaan sameynay diyaar garow wanaagsan iyo qorshe si ay noogu suuragsho in aan ka jawaabno oo aa gacan ka geysano daad-gureynta shaqaalaha iyo inaan sameyno howlgal daad-gureyn ah oo ballaaran oo laga soo qaadayo shaqaalaha Mareykanka , muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa dalalka kale, ayuu yiri Janaraal Zana. Dhanka kale Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken oo todobaadka soo socda ku soo wajahan bariga Afrika ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in Itoobiya ay ka sii darto haddii uu sii socdo dagaalka sokeeye. Waxaa uu ka digay in dagaalka Itoobiya uu ku sii fidi karo dalalka kale ee gobolka. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa farta ku fiiqay in wadada kale ee furan ay tahay midda wadaxaajoodka iyo xabad joojinta. Mr Blinken ayaa la filayaa inuu Isniinta u ambabaxo dalka Kenya, halkaasi oo uu kala hadli doono xaalada dalka Itoobiya. Ciidamada Maraykanka iyo xulafadooda ayaa saldhig weyn oo lagu magacaabo Camp Lemonnier ku leh dalka Jabuuti. Qaran News
  20. DHUAMAREEB (HOL) - Galmudug State has today concluded the election of senators marking the end of Senate elections which started in late July. Source: Hiiraan Online
  21. Madaxa WHO oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigrayga oo war cusub ka soo saaray Xiisada & Xaaladda Tigray Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in xaaladda murugsan ay ka taagan tahay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kadib dagaallada sokeeye ee muddada sanadka ah ka socda halkaas. Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo isaga qudhiisu kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ayaa weriyeyaasha u sheegay xilli uu ku sugnaa Geneva in gobolka la go’doomiyay. “Wax dawo dadka ma heystaan-dadka wey dhimanayaan-dadka macluul ayaa lasoo deristay” Wuxuu sidoo kale sheegay in adeeggii isgaarsiinta gobolka uu hawada ka maqan yahay isla markaana shacabka aysan heysan wax lacag ah iyadoo dadka ay koronto la’aan yihiin. “Markaa waad garan kartaa saameynta ay dhibaatadan ku yeelan karto caafimaadka shacabka” Dowladda Itoobiya waxay beenisay in xaalad go’doomin ah ay gelisay gobolka oo ay hor istaagtay gargaarkii la gaarsiinayay shacabka Tigray Qaran News
  22. Waxaa goordhaw la soo gabagabeya doorashada kursiga todobaad ee dowlad gobaleedka Galmudug uu ku leeyahay Aqalka sare. Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamaya labada musharax ee kala ah Cabdi cismaan xareed iyo Mahad Aadan Guuleed. Musharax Mahad Aadan Guuleed ayaa ka tanaasulay musharaxnimadiisa, waxana sidaas kursiga ku soo baxay Cabdi cismaan xareed. Guddoomiyaha baalarmaaanka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashada Kursigan oo uu ku guuleystay Cabdi cismaan xareed. Goobjoog News Source: goobjoog.com