Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guns supplied by Iran to its Houthi allies in Yemen are being smuggled across the Gulf of Aden to Somalia, according to a Geneva-based think tank, where al Qaeda-linked al Shabab insurgents are battling a weak and divided government. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu University president said many of the students sponsored by Qatar Charity (QC) in Somalia emerge toppers at various colleges of the university. Source: Hiiraan Online
  3. San Mateo (Caasimada Online) – YouTube ayaa Arbacadii ku dhowaaqday in tirada “dislike” ee la saaro muuqaallada aysan hadda kadib arki doonin dadweynaha, si dadka muuqaallada sameeya looga ilaaliyo dhibaateynta iyo weerarada beegsiga ah. Tirada like ama dislike ee la saaro waxyaabaha lasoo dhigo baraha bulshada ayaa dadka dhaliila waxay sheegaan inay dhaawac ku yihiin bad qabka dadweynaha. Dadka adeegsada YouTube, oo ay leedahay shirkadda Google, ayaa weli awoodi doona inay dislike saaraan muuqaallada, balse waxaa laga qarin doonaa tirada guud ee inta dislike ee la saaray muuqaalka. “Si loo xaqiijiyo in YouTube ay sare u qaado fal-celinta u dhaxyesa muuqaal sameeyayaasha iyo daawadayaasha, waxaan tijaabo ku sameynay badhanka dislike, si aan u eegno haddii isbeddelkan uu caawin karo muuqaal sameeyayaasha, kana ilaalin karo dhibaateynta, oo uu yareyn karo weerarada dislike,” ayey YouTube ku tiri bayaan ay soo saartay. “Tijaabadeena waxaa kasoo baxay inuu yaraaday dhaqankii weerarada dislike.” Dadka muuqaallada sameeya – sida xidigaha baraha bulshada – ayaa weli awoodi doona inay arkaan tirada like ama dislike ay muuqaalkooda la saaray, si ka duwan shacabka kale. YouTube waxay sheegtay in tiro muqaal sameeyayaal ah oo kooban ay ku warrameen in lagu beegsado weeraro ujeedkoodu ahaa in dislike badan lagu dilo muuqaalladooda. Nidaamka YouTube ayaa ah in muuqaallada hela like badan la tuso dad badan, halka kuwa ay ku badan tahay dislike aan sidaas loo sii baahin. Isbedelka ay sameysay YouTube ayaa imanaya ayada oo shabakadaha baraha bulshada iyo kuwa muuqaallada ay cambaareyn xoogan kala kulmayaan sharci-dejiyayaasha Mareykanka iyo Yurub, oo ah inaysan wax badan ka qaban inay la dagaalamaan tacaddiyada online-ka. The post YouTube oo go’aan cusub kasoo saartay DISLIKE-ta la saaro muuqaallada + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  4. Waxaa jiraa qaar ka mid xanuun dhaliyayaaasha lays qaadsiiyo. Taas macnaheedu waa in qofka xanuun uu qabo uu u gudbin karo xanuun dhaliyayaashiisa (jerms-ka) qof kale, kuwaas oo ku sababi kara isla xanuunkii. Hasayeeshee, waxaa jira xanuuno badan oo qofka marka ay haleelaan aan loo gudbin Karin qof kale, sida xauunnada lagu kale qaado qaniinyada xayawaanka, cuntada, cabbitaanka, ama ka soo gudba xayawaano. Mararka qaarka xanuun dhaliyayaasha sida caadiga ugu nool jidhka caadiga ah ayaa marka ay bataan sababa xanuun. Waxaan maqaalkan ku soo qaadan doonaa xanuuno marka ay qofka ku dhacaan aan u gudbi karin qof kale: Xanuunada laga qaado jiirka iyo wixii lamid ah. Xanuunadani waxay yimaadaan marka ay soo gaadhaan qofka qayb kamid ah wasakhda jiirka sida saxaradiisa, candhuuftiisa, kaadidiisa iyo dheecaano si uun uga yimid, ama marka aad ku neefsato dhas ay la socdaan dhogorta iyo kaadidiisu. Waxaanad ka qaadaysaa xanuunada ay kamid yihiin Hanta-virus iyo Hemorrhagic fever. Xanuunada shilintu keento. Shilintu marka ay qofka qaniinto waxay ugudbisaa boqolaal bakteeriya iyo fayras ah. lyme disease, Rocky Mountain, Colarado Tick Fever iyo Bourbon virus waa xanuunada shilintu ugudbiso qofka marka ay qaniinto. Sida kale xanuunadan uma gudbikaraan qof kale. Xanuunka Raybiska. Marka xayawaan qaba xanuunka Raybisku uu qaniino waxa uu u gudbiyaa fayraskii. Xaywaanada keena Raybiska waxaa ka mid ah fiidmeerta, eyda, bisadaha. Xanuunkani waa dilaa. Hasayeesheee xauunkan looma gudbin akro qof kale ama xayawaan. Bakteeriyada E. Coli. Bacteeriyada E. Coli waxa ay si caadiya ugu nooshahay jidhka aadamaha gaar ahaan mindhicirada. Hasayeeshee, qaar kamid ah waxay keenaan xanuun. Marka qofku uu quuto cunto ama cabbitaan ay la socoto Bakteeriyadu. Mararka qaar Bakteeriyadani waxay ku badantahay khudaarta qaydhiin ama hilibka aan caadi loo karkarin. Waxaanay sababtaa calool xanuun, matag, yalaalugo, shuban dhiig wata oo aad u daran. Sadam Osman Kaabash. harguysa, Somliland. Qaran News
  5. Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu Algeria u hayaa “xushmadda ugu sarreysa,” wuxuuna ka “qoomameynayaa” muranka diblomaasiyadeed ee ka dhashay cambaareyntiisa ku aadaneyd hoggaanka dalkaas, waxaa sidaas Talaadadii sheegay xafiiskiisa. Kadib markii la doortay 2017, Macron ayaa isku dayey inuu beddelo sooyaalka, si ka duwan madaxdii ka horreysay, wuxuuna qiray xadgudubyadii ay Faransiiska ka geysteen Algeria. Hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa xumaaday October kadib markii uu ku eedeeyey “nidaamka siyaasaadeed iyo kan militari,” ee Algeria inay dib qorayaan taariikhda dagaalkii madax-banaanida, si u huriyaan “naceyb ku wajahan Faransiiska.” Hadalkaas oo uu jeediyey intii uu socday kulan uu la qaatay faraca dadkii ka qeyb galay dagaalka, kaasi oo uu baahiyey wargeyska Le Monde, ayaa Macron wuxuu sidoo kale su’aal ka keenay haddii Algeria ay qaran ahaan u jirtay kahor gumeysigii Faransiiska ee sanadihii 1800. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu ka qoomameynayaan muranka iyo is-faham darrida ka dhashay hadalladiisa,” waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada oo codsaday inaan la magacaabin. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Macron uu “xushmadda ugu sarreysa u hayo qaranka Algeria, taariikhdeeda iyo madax-banaanida Algeria.” Algeria ayaa si caro leh uga falcelisay hadalka Macron ee October, iyo go’aan ka horreeyey oo Faransiiska uu ku dhimay tirada dal-ku-galka ee la siin jiray shacabka dalalka Algeria, Morocco iyo Tunisia. Algiers ayaa u yeertay safiirkeeda Paris, waxayna diyaardaaha miliraiga Faransiiska ka mamnuucday hawadeeda. AFP + VOA The post Macron oo ka qoomameeyay xiisada kala dhaxeysa Algeria appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-781/112021 iyo JSL/XM/WM/222-782/112021 uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi; Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Maxamed Aadan Cumar Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland. UJEEDDO: MAGACAABID WAKIIL Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Kiiniya. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  7. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda safar aan la sii shaacin ku yimaado caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa sida wararku sheegayaan Garoowe ku yeelan doono shir gaar ah oo ku saabsan doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa markii hore qorsheeyay in ay Nairobi ku kulmaan balse madaxweyne Deni ayaa safarkaas ka baaqday. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa isna la filayaa in uu Puntland yimaado Sabtida soo socota si uu kormeer ugu sameeyo xarumaha loo qorsheeyay doorashada Aqalka hoose. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ku wajahan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  8. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar howleed ku tegay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ra’iisul Wasaaraha waxa safarka weheliya madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiin kale. Booqashadan ayuu ugu kuurgalaya xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Balcad appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya ayaa sharaxaad ka bixiyey khataraha iyo fursadaha Soomaaliya ka soo wajihi kara dadka Itoobiyaanka ah hadii dalkoodu burburo, isagoo sheegay in talooyin muhiim ah uu u gudbiyey madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanka ayaa sidoo kale fariin u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxuuna sheegay in hadii Itoobiya ay burburto ay fursado badan ka heli karto umadda Soomaaliyeed, oo haatan wajaheysa kala qoqobnaan aad u baahsan. Sakariye Xaaji Maxamuud waxuu soo jeediyey in shanta Soomaaliyeed hadii ay iska kaashadaan khataraha ka imaan kara umadda Itoobiyaanka ah ee qaran jabka wajaheysa. “Waxaan u tegay madaxweynaha, waxaana ku iri aqoonyahano Soomaaliyeed waa buuxaan, 10 ilaa 20 qof oo qubaro ah oo baaritaan sameeya oo dejiya qorshaha sida ay umadda Soomaaliyeed ula fal-geli karto khataraha nooga imaan kara Itoobiya iyo faa’iidooyinka dalkeena ugu jira burburka ku soo wajahan dalkaas aan diyaarino,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye. Sidoo kale waxuu soo bandhigay sida quburadaas looga soo dhex-xuli karo umadda Soomaaliyeed, ee degta Geeska Afrika. “Madaxweynaha waxaan kula taliyey Jigjiga, Gaarisa, Hargeysa, Jabuuti iyo shanta gobo lee kale, min laba qof hasoo direen, dadkaas oo qubaro lasoo xulay ah, hasoo dejiyeen barnaamij Soomaaliweyn looga badbaadi karo khatarta ka soo wajihi karta burburka Itoobiya,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye. Sidoo kale waxa uu sheegay in faa’iido badan ay Soomaaliya uga imaan karto burburka Itoobiya, maadaama uu dalkaasi yahay ‘cadawga Soomaaliya’. “Maanta waxaa banaanka taalla fursad ay ku midoobi karto shanta Soomaaliyeed, waxaan noqon karnaa dowladda koowaad ee gobolkan Geeska Afrika, dhul, dad badi iyo kheyraadba waxaan noqa doonaa dalka ugu horeeya Geeska Afrika, balse nasiib darro, waxaas dhan looma jeedee, hoos ayaan isku eegeynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Xildhibaanka ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ka dalbaday in arrintaan uu hoggaamiyo oo isagu uu aruuriyo quburo Soomaaliyeed oo heli kara xalka khatarta iyo faa’iidada nooga soo wajahan burburka Itoobiya. “Waxaan ugu baaqayaa Ismaaciil Cumar Geelle oo madaxweyne ah, oday Soomaaliyeed-na ah, inuu arrintaas la wareego oo isagu u yeero dad Soomaali ah oo aqoonyahano ah oo arrintaan kasoo shaqeeya, waxaa suurta geleysa inaan ogaano, maxaa khatar ah iyo sidee uga badbaadnaa, maxaa faa’iido ah iyo sidee uga faa’iideysanaa? Waa sida lagu badbaadiyo umaduhu markii ay khatar galaan,” ayuu yiri. Xildhibaan Sakariye waxuu qabaa in Soomaalidu madoobi karto, kadib burburka Itoobiya, “Waxaan ogaa doonaa inaan isku doon saaranahay oo fursadaha iyo khataraha aan wada leenahay, waxyaabo badan oo hadda Soomaalidu isku heysato kor ayaa looga bixi lahaa, hadii umadi khatar wada dareento wixii dhex yiilay waa ilaabeysaa, marka faa’iidooyin aan toos aheyn, laakiin faa’iidooyin waa weyn ah ayaan ka heli karnaa burburka Itoobiya,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye. The post Xildhibaan Sakariye oo soo jeediyey talo ay Soomaalidu uga faa’iidi karto burburka Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  10. Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa ku amartay mac-hadka Islaamiga ah ee Khadiija in aysan dib dambe u isticmaalin buug ku qoran Af-Soomaali oo dagaal ooge ku tilmaamay madaxweyne, Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Mas’uuliyiinta mac-hadka Khadiija oo ku yaalla magaalada Garoowe ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda, waxaana su’aalo laga weydiiyay buuggaas oo muran ka dhaliyay baraha bulshada, kadiba waxa lagu amray in ay joojiyaan. Wasaaradda ayaa sida la xaqiijiyay la wareegtay buuggaas, oo mac-hadka Khadiijo u isticmaali jiray mid laga tixraaco taariikhda dad ay ku jiraan Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Maxamed Faarax Caydiid. Dhinaca kale, wasaaradda Caddaaladda Puntland ayaa maanta shaacisay in dhammaan la diiwaan-gelin doono dugsiyada Qur’aanka iyo macaa’hidda diiniga ah ee ku yaalla Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo amar ka soo saartay buug muran ka dhaliyay baraha bulshada appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa walaac hor leh ka muujiyey qabashada doorashooyinka dalka oo cago jiid badan ka muuqdo. Sheekh Shariif ayaa sheegay in si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay bilaabanayaan doorashooyinka iyo xilliga ay soo idlaanayaan, midaasi oo hubanti la’aan dalka halis gelin karta. “Dalka waxa ka jirta xaalad doorasho oo aan la hubin xiliga ay dhaceyso, run weeye in doorasho bilaabatay Aqalka Sare, laakiin Aqalka Sare oo lambarkiisa aad u kooban yahay waxa uu socday waqti dheer oo ka badan saddex bilood ah. Aqalka Hoose oo aad uga badana waxaa laga doortay labo xubnood waxaa la ogeyn goorta si dhab ah wax u bilaabanayaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif. “Lama ilaalin waqtigii doorashooyinka, taasi oo mugdi galineysa meesha wax u socdaan iyo meesha ay ku dhamaan karaan. Waxaa wada ognahay dhibaatada dalka ka jirta Dhaqaale ahaan, Amni iyo bulsho ahaan dhibaatooyinka ka jirta waxaas oo dhan waxa fure u ah doorasho xor iyo xalaal ah oo cad waqtiga ay dhaceyso.” Sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyada qabsoomida doorashooyinka ay saaran tahay dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo Guddiyada doorashooyinka labada heer oo ayagu gacanta ku haya habsami u socodka doorashooyinka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in si dhaqso leh loo qabto doorashooyinka dhiman oo muddo dhac badan ku yimid, islamarkaana ay lagama maarman tahay inay u dhacdo hanaan lagu kalsoonaan karo. “Dalalka burburaya ee Afrika iyo meelaha kale ku yaala asbaabta u weyn waxay la xiriiran arrimo doorasho, Soomaaliya waxaa dhibaato ku filan intii ay soo martay.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in markasta oo lagu sii dheeraado xaalada kala guurka in fursad siin karto kooxaha argagixisada iyo Al Shabaab oo ka faa’iideysanaya hubanti la’aanta doorashada. The post SHEEKH SHARIIF oo shaki cusub geliyey doorashada Soomaaliya kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  12. The Somali government claims it is strategically focused on winning public hearts and minds in the fight against Al-Shabaab. They understand that this is the only way they can liberate Somalia from Al Shabab’s influence. Most Somalis want a secure future free from Al-Shabaab’s violence, intimidation, and extortion and are supportive of the government’s agenda. The government’s messaging is simple: Al-Shabaab is an evil terrorist organisation led by foreign Al-Qaeda doctrines and their ambition is to hurt and undermine the Somali nation. Source: Hiiraan Online
  13. Garowe (PP News Desk) — Garowe, the adminstrative capital of Puntland State of Somalia, grapples with unresolved land disputes that periodically turn into violent confrontations. The Mayor of Garowe, Ahmed Saeed Aw Musse, today sent a stern warning to land-grabbers and land tax evaders. Aw Musse unveiled a municipality plan to gradually figure out land that was illegally acquired in Garowe. Ahmed Saeed Aw Musse, the Mayor of Garowe, aims to nip land disputes in the bud. “The local government will start checking property deeds of the plots of land in the area we have decided to visit. Any person who owns a plot of land in the designated area should register his or her land with the municipal office so that planning for roads in the area can ensue. Owners will cede a part of their land to the general public. Any person who fails to register their plot of land or refuses to pay land tax will lose ownership rights. Failure to follow the municipal instruction will lead to increased land tax liabilities and increased general public entitlement for more land to a point the owner could lose the plot of land altogether ” said the Mayor of Garowe. Land registered with Garowe Municipality is GPS-protected. This system has been used to settle land disputes resulted by land encroachment. A plot of land in Garowe is worth twice as much as a plot of land with a similar size in most regions of Puntland, a situation that fuels land disputes and land-grabbing. The Garowe Municipality committee tasked with registering land and collecting land tax will work for one month, a timeframe the Mayor views as enough to formally register the land with Garowe Municipality. © Puntland Post, 2021 The post Garowe Mayor Vows to Get Tough With Land-grabbers appeared first on Puntland Post.
  14. Geneva (Caasimada Online) – Hub ay Iran u qeybisay Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa si sharci-darro ah looga gudbiyaa Gacanka Cadan, ayada oo la geynayo Soomaaliya, waxaa sidaas maanta lagu sheegay daraasad ay soo saartay hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Geneva. Hay’adda Global Initiative ee la dagaalanka dambiyada caalamiga ah ee abaabulan ayaa sheegtay in daraasaddeeda saldhig looga dhigay in ka badan 400 oo hub oo laga diiwaan geliyey 13 goob oo ka mid ah Soomaaliya muddo 8 bil ah, iyo kuwo laga qabtay 13 doon oo ay ay qabteen ciidamada ilaaliya xeebaha Soomalaiya. Waa daraasaddii ugu horreysay oo iftiimisay xaddiga hubka sida sharci-darrada ah uga gudba Yemen ee la geeyo Soomaaliya. “Hub asalkiisa kasoo jeedo ganacsiga hubka ee Iran iyo Yemen ayaa la geliyaa Soomaaliya,” ayey tiri daraasadda oo maanta la daabacay. “Iran marar badan ayey beenisay inay ku lug leedahay hubka la siiyo Xuutiyiinta. Si kastaba, caddeymo baaxad weyn ayaa muujinaya in dowladda Iran ay hubka u qeybiso.” Wasaaradda arrimaha dibedda Iran iyo afhayeenka Xuutiyiinta ayaa labaduba diiday inay ka jawaabaan daraasadda. Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasiirka amniga gudaha kama aanay soo jawaabin codsi falcelin oo aan u dirnay. Daraasadda ayaa intaas ku dartay in baarayaasha ay awoodi waayeen inay diiwaan-geliyaan magacyada dadka hubka iibiya iyo kuwa soo iibsaday. Hase yeeshee, waxaa jira astaamo cad oo muujinaya in hubka ay qeybisay dowladda Iran, ayada oo taxanayaasha lambar ee hubka ay muujinayaan inay yihiin kuwa ka yimid Iran. Waxaa sidoo kale jira in xogta laga helay nidaamyada satalaytka ee maraakiibta la qabtay iyo sirdoonka bini’aadamka ee kooxaha wax tahriibiya ay intuba la xiriirinayaan Tehran Mid ka mid ah doomaha hubka sida oo ay qabteen ciidamada badda Mareykanka ayaa laga helay xogta safarka markabka oo muujisay inay ka timid Iran, soo martay Koonfurta Yemen oo ay tagtay Soomaaliya. Daraasadda ayaa sheegtay in hubka uu u gacan galay shabakado ganacsi sharci-darro ah ka wada Soomaaliya, kuwaas oo macaamiishooda ay ku jiraan kooxo is-hubeynaya kahor doorashada Soomaaliya, maleeshiyo beeleedyo, iyo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. The post Hub ka yimid IRAN oo la shaaciyey inuu kusoo qul-qulayo gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  15. Lataliyaha Warbaahinta ee Gddoomiyaha Xisbiga Waddani Muniir Axmed Cigaal oo sidoo kale kamid ahaa masuuliyiinta sida wayn ugu hawlana inay midho dhalaan wadahadalkii Xisbiga Waddani la furay Garabka Kulmiye ee uu hoggaamiyo Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay Xisbi ahaan Ummadda Somaliland u xaqijinayaan inay dib u fureen wadahadalki. “Waxaan idin xaqijinayaa inay dib u bilaabmeen wadahadaladi aanu la wadnay Garabka Kulmiye ee uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu rajaynaynaa inay ka soo bixidonaan wax khayr lihi. Muniir Axmed Cigaal oo la waydiiyay hanka Maxamuud Xaashi Cabdi ee jagada Guddoomiyaha iyo Murashaxnimada jagadaas ee Xirsi Cali Xaji Xasan inay caqabad ku keenayso wadahadalka wuxuu yidhi . “Maya isma khuseeyaan xisbiga Waddani hore Xisbi u jiray weeye oo qaabdhismeedkisu dhisna Maxamuud Xaashi na wadahadal ayaanu la furnay waxbadan oo aan Xil la helo ahayn oo badbaadada Waddanka ah ayaanu iska kaashan karna waanay socota “. Sidaa waxa yidhi Lataliyaha Warbaahinta Guddoomiyaha Waddani Muniir Axmed Cigaal Oo Warbaahinta Hargaysa kula hadlay. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaadyadii lasoo dhaafay dadka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxay la jiifeyn xanuun aan la aqoon waxa uu yahay, oo dad badan oo xaqiijiyeen inuu ku dhacay. Cudurkaan cusub ayaa ah mid shabaha hargabka inkastoo dadka uu ku dhacay cudurkaan ay sheegeyn inuu hargabka ka daran yahay, islamarkaana uu leeyahay madax xanuun aad u daran. Cudurkaan ayaa ah mid ku cusub magaalada, wuxuuna yahay mid ay dadka isku gudbiyaan sida ay saxaafadda u sheegeyn qaar kamid ah dadkii uu ku dhacay cudurkaan. “Waxaa magaalada maalmahaan ku faafay cudur xun, dadkii dhan Isbitaalada ayey la jiifaan, qaarkoodna guryaha ayey iska joogaan, waxaan dhaqaatiirta ka codsaneynaa inay cudurkaan baaraan islamarkaana ay waqti geliyaan,” ayey tiri gabaar la hadashay taleefishinka qaranka. “Maalmahaan waxaa magaalka soo galay cudur xoogaa Garabka u eg oo dadka ay hadda la jiifaan, culeys ayuu ku hayaa magaaalada,” ayuu yiri qof kale oo ka hadlay telefishinka. “Aniga ahaan cudurkaan wuu igu dhacay, seddex maalin ayuu i hayey, horey uma arkin xanuun noocaan oo kale ah, waxaan Allah uga baryayaa dadka uu cudurkaan ku dhacay inuu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu yiri qof kamid ah dadka uu cudurkaan ku dhacay. Dadka ka hadlay cudurkaan ayaa sheegay in caalamadihiisa ay kamid tahay qandho joogto iyo qufac xanuun wata. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya weli kama aysan hadlin cudurka cusub ee lagu arkay Magaalada Muqdisho. Cudurkaan ayaa kusoo aadayo xilli uusan adduunyada weli ka dhammaan cudurka COVDI19, lamana xaqiijin karo haddii uu cudurkaan yahay COVID-19 oo soo rogaal celiyey iyo haddii uu yahay mid cusub. The post Xanuun aan la aqoon waxa uu yahay oo dad badan kusoo ritay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa galabta la shiray guddiga Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika oo xubno ka tirsan ay maalin ka hor soo gaareen Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya ugu qanciyaan in howlgalka AMISOM lagu soo kordhiyo ciidamo ka socda Qaramada Midoobey, taas oo dowladda Soomaaliya ay aad u diidan tahay. Golaha ayaa guddigaas kala hadlay seddax qodob, waxayna u gudbiyeen warqad ay ku cadeeyeen mowqifkooda ku aadan dooda ka dhex-taagan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, sida uu sheegay Ridwaan Xersi Maxamed oo Golaha Midowga Murashaxiinta u hadlay. Golaha waxaa shirkaas ku casuumay guddiga ka socda AU-da ee ku sugan Muqdisho, waxaana looga hadlay seddax qodob oo kala ah, amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka ka socda dalka oo dib u dhac baahsan wajahaya. “Kulankii aan la yeelanay guddiga AU-da waxaa aad looga dooday qorshaha ay wataan oo ah in wax laga bedelo howlgalka AMISOM oo lagu soo kordhiyo ciidamo ka socda UN-ka, arrintaas si qota dheer ayaan u faaqidnay, waxaan u sheegnay in qorshaha ay wataan uusan suurta-gal ka aheyn dalkeenna, waxaan u sheegnay in Soomaaliya aysan aqbaleyn in lagu celiyo ‘Jabtar 7,” ayuu yiri Ridwaan Xersi Maxamed oo u hadlay Midowga Murashaxiinta. Waxuu intaas ku sii daray, “Guddiga Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika waxaan u cadeynay in ka hadalka arrintaas loo baahan yahay in lagu simo oo lala sugo dowladda cusub ee lasoo dooranayo, oo go’aan ka gaaridda arrintaan dib loo dhigo, maadaama aysan hadda suurta-gal aheyn, Soomaaliya-na ay ku jirto xilli doorasho.” Sidoo kale waxa uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinka dalka ay kala hadleen guddigaas, “Waxaan u sheegnay dalka hadii aysan doorasho ka dhicin inay khatar ku jirto nabad geliyadiisa, iyadoo laga tusaale qaadanayo dal kasta oo doorashadiisa ay dib u dhacdo ama musuq maasuq hareeyo, in halis uu wajaho, waxaa noo muuqata inuusan jirin jadwal cad oo lagu qaban karo doorashada dalka oo intaas soo jiitameysay, wax badana aysan ka qabsoomin, waa in doorashada BF lagu soo gabagabeeyo sanadkaan inta ka dhiman,” ayuu yiri Ridwaan Xersi. Afhayeenkaan u hadlay Midowga Musharaxiinta sidoo kale waxa uu sheegay in guddigaas ka socda golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay kala hadleen xaaladda ammaan ee dalka, isla markaana ay la wadaageen walaacooda ku aadan in kooxaha ka soo hor jeeda dowladnimada ay qabsanayaan dhul hor leh oo aan horay gacantooda ugu jirin. “Waxaan ugu baaqnay Midowga Afrika inay ciidanka Soomaaliyeed ku taageeraan hanashada amniga Qaranka, waxaan sidoo kale guddiga u gudbinay warqad uu ku cadyahay mowqifka Golaha Midowga Musharaxiinta ee aan ka taaganay arrimaha aan soo xusay, waxayna naga balan qaadeen inay sii socon doonaan wadahadallada aan ka yeenaneyno arrimaha taagan,” ayuu yiri Ridwaan Xersi oo u hadlay Golaha Midowga Musharaxiinta. Hoos ka daawo The post Midowga Murashaxiinta oo saddex qodob kala hadlay Midowga Afrika (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  18. JIGJIGA (HOL) - Security forces in Ethiopia's Somali state Wednesday detained the parents of a former minister who recently resigned from the Federal government. Source: Hiiraan Online
  19. PRESS RELEASE Africa and Europe’s biggest business heavy hitters set to gather in Johannesburg to unlock economic opportunities at the “Southern Africa Europe CEO Dialogue” The event will take place in a hybrid format on 25-26 November 2021 in Sandton, Johannesburg, at The Capital on Park JOHANNESBURG, South Africa, November 10, 2021/ — Some of Africa and Europe’s biggest blue chip business leaders will convene in Johannesburg this month to unlock economic opportunities in high-growth sectors at the 8th edition of the high-powered “Southern Africa Europe CEO Dialogue”. Downlaod the document: https://bit.ly/3ww4IKT Organised by The European House – Ambrosetti, N.1 Think Tank in Italy, N.4 in Europe and among the top 20 globally, in collaboration with the Gauteng Province, GGDA and a number of international public and private stakeholders, including ABSA, Italian Trade Agency, Terna, CLN-MA, Finstone, BBM Law, ASPEN, Italtile, Brand SA and Emilia Romagna Region, the event will take place in a hybrid format on 25-26 November 2021 in Sandton, Johannesburg, at The Capital on Park. The CEO’s and top management of major African and European multinationals, such as Vodacom, SASOL, Old Mutual, BNP Paribas, Eni, Siemens, DHL, Transnet, Eskom, Enel Green Power, Italian State Railways, Saint-Gobain, Bolloré Logistics and CNH have been past participants of the Dialogue between Southern Africa and by a long way the region’s biggest trade partner, Europe. Just some of the Dialogue’s confirmed participants this year include: Wamkele Mene, Secretary-General, African Continental Free Trade Area; Italy’s Deputy Minister of Foreign Affairs, Marina Sereni; South Africa’s Reserve Bank Governor, Lesetja Kganyago; Siemens Africa CEO, Sabine dall’Omo; Old Mutual Chairman, Trevor Manuel; Angola’s Minister of Finance, Vera Daves de Sousa; Gauteng Premier, David Makhura; Qatar Airways Group CEO, Akbar Al Baker; United Nations Under-Secretary General and Special Adviser on Africa, Christina Duarte; the Governor of Italy’s Emilia-Romagna Region, Stefano Bonaccini; the CEO of Enel Green Power, Salvatore Bernabei; the President of the World Farmers’ Organisation, Theo De Jager; and the Managing Director of the recently-formed Stellantis group’s SA operations, Leslie Ramsoomar. The Head of African Affairs at The European House – Ambrosetti, Pietro Mininni, says Africa offers unique opportunities due to the recent implementation of the African Continental Free Trade Area, the largest free trade area in the world, connecting almost 1.3 billion people across 54 countries with a combined GDP of roughly 3.4 trillion US dollars. “At The European House – Ambrosetti we are strongly convinced that Africa occupies a particularly significant and important position on the regional and international stage. Many unfairly believe that Africa will be the continent of future economic opportunities; instead we are convinced that it is the place to be today, the continent of present opportunities,” says Mininni. The Southern Africa Europe CEO Dialogue has as its express goal promoting strong and stable dialogue and supporting the long-term growth of strategic trade and economic relations between Europe and Southern Africa. Some of the topics to be covered at the 2021 Southern Africa Europe CEO Dialogue are: – The business outlook and impacts of the African Continental Free Trade Area: challenges and opportunities. – CEO’s views on African business. – Building pharmaceutical hubs across Africa: the importance of cross border partnerships. – The energy transition and the commodities market in Southern Africa. – Sharing experience and technology to foster competitiveness and sustainability in agri-business. The Summit is held annually in South Africa, but The European House – Ambrosetti is constantly collaborating with an international Advisory Board to identify new business opportunities, priority themes and sectors to analyse future strategic developments in continental value chains. Since 2019 the event has been enriched by the contents and activities of the Community CEO – African Chapter, an exclusive Club of top business leaders whose aim is to foster maximum interaction between leading entrepreneurs operating in Southern Africa and build strong and lasting relationships between its members and high-level external guests participating in the annual programme. Among the past speakers: Investec CEO, Fani Titi; Zimbabwe’s President, Emmerson Mnangagwa; AngloAmerican CEO, Mark Cutifani; Wits Vice Chancellor, Adam Habib; Nando’s founder, Robert Brozin; New GX Capital CEO, Khudusela Pitje; and Thebe Chairman, Nhlanhla Nene. “The past two years have been nothing short of a socio-economic whirlwind for the world. The socio-economic impacts of the Corona virus pandemic have compelled us to radically shift thinking, behaviour and outlook on how we work and relate as societies. Inevitably this disruption has severely impacted our economies, causing major regression in fighting unemployment, poverty and class inequalities. The inequality gap, more especially in South Africa is more vivid and demands salient solutions to mitigate an economic meltdown. However, we must equally acknowledge that historically, each crisis has served as a catalyst towards a radical shift towards a more progressive direction or a way to bring global leaders together, finding innovative ways to reignite our economies,” says the CEO of the Gauteng Growth Development Agency, Musa Tshabalala. “It is within this background that I am excited about the upcoming Southern Africa Europe CEO Dialogue, taking place in Gauteng. For us the conference cannot have taken place at a more critical time where the Gauteng province is bestowed with the mammoth responsibility of resuscitating the economy, ensuring that we reinforce and develop the participation of Small Medium enterprises,” Tshabalala added. This edition of the Southern Africa Europe CEO Dialogue will be enhanced with side events on the themes “Joburg Hour”, “Renewables in South Africa”, “The Constitution of South Africa” and “SME’s and Inclusive Economy”. Furthermore, a Business Intelligence Round Table on “Italy and Zambia challenges and opportunities in the mining sector in the Copperbelt province” will take place on November 29 in Kitwe, Zambia. SOURCE The European House Ambrosetti Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar shalay guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda degmada Wadajir Ciise Sharaawe Cabdi uu sheegay in lagu dili rabay kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigii uu saarnaa. Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa beeniyey inuu jiray qorshe degan oo la doonayey in lagu dilo Ciise Sharaawe Cabdi. Cabdifataax ayaa sheegay in ciidanka booliska oo hawlgal ka waday bar kontorool oo ku taalla Wadajir ay qabteen Mooto Bajaaj taargo la’aan ah kadibna uu milkiilihii lahaa Mootada dalbaday ciidamo hubeysan, taasoo sababtay inuu dagaal ka dhex qarxo ciidamada Booliska iyo kuwa uu dalbaday ninkii watay Mootada. Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeyey booliska iyo ciidamada weerarka soo qaaday uu kusoo dhex dhacay guddoomiyaha siyaasadda degmada Wadajir, isagoo carabka ku adkeeyey inuusan aheyn qorsho isaga ka dhan ah. “Gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda Wadajir waxaa uu si lama filaan ah uu kusoo galay shaqaaqo u dhaxeysay militariga iyo Booliska, waxayna ciidamada ilaalada guddoomiyaha sameeyeen iska caabin,” ayuu yiri afhayeenka booliska. Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqada dhacday uu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidanka booliska iyo askari ka tirsan militeriga oo kamid ahaa ragga weerarka soo qaaday halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in dhacdadaan loo soo qabtay illaa seddex qof islamarkaana ay booliska ku wadaan baaritaan dibna ay kasoo sheegi doonaan natiijada kasoo baxda. Cabdifataax ayaa ugu dambeyntii waxaa uu ka digay in magaalada Muqdisho dhexdeeda lagu wato gaari ama Mooto Bajaaj taargo la’aan ah, wuxuuna sheegay in qofkii lagu helo laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga. The post Daawo: Yaa ka dambeeyey is-rasaaseyntii lagu dili rabay guddoomiye ku-xigeenka… appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Kulanka Amniga Gudaha ee Puntland, oo looga hadlay warbixinta Amniga iyo dardargelinta qorshaha lagu horumarinayo amniga gudaha. Shirka waxaa ka qeybgalay, Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Taliska Ciidamada Booliska Puntland oo ay weheliyaan Taliyeyaasha qeybta booliska ee Gobollada Puntland, Hoggaanka dambi baarista ee Ciidanka Booliska, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Gobollada Iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo shir-guddoomiyay Shirka Guud ee Amniga Puntland appeared first on Puntland Post.
  22. Somalia has today awarded the first Air Operator Certificate (AOC) to pilots and airlines for the first time in 30 years marking yet another major milestone in the country’s aviation industry. Source: Hiiraan Online
  23. Hassan Ibrahim Ali, a father of seven who was among the families evicted from Lasanod is building his family a home in Baidoa/Shukri Ismail Ahmed/Ergo Hassan Ibrahim Ali, a father of seven, says he is glad to begin his life afresh in the region of his birth after receiving $3,000 cash from the South West government as part of plans to resettle local families recently evicted from Somaliland. The ministry of planning collected funds from local businesses in Bay region and distributed cash to 224 of the most vulnerable families forcibly evicted from Lasanod in October. Hassan spent $2,250 on a second hand tuk-tuk taxi. He bought a land with the remaining amount of money and $700 he had with him when he left Lasanod, to build a home for his family, who are currently staying with a relative in Baidoa. “I haven’t started working yet as I am supervising the building on the land I bought. We have come back to our people and we thank God that we are living a better life now,” Hassan told Radio Ergo, adding that he hopes his new house will be finished within a matter of days. Hassan, 36, was born in Haween village on the outskirts of Baidoa. The family lived on land owned by relatives and worked as farm labourers. Hassan migrated to Lasanod in 2003 following drought and hardship in the farming sector. Two of his children were born in Haween while five were born in Lasanod. However, he and his wife and children were forced to leave all their property behind when they were evicted from the north and returned to Baidoa. “My father taught me how to farm, but when I moved to Lasanod, I learnt how to drive and bought a tuk-tuk. I am now looking forward to adjusting to this new environment,” he said The expelled families were temporarily placed by the South West authorities in an IDP camp in Baidoa on arrival from Lasanod. Hassan moved out of the camp to stay with relatives but had no chance of building his own home until he received the cash grant. In Lasanod, he worked for seven years on building sites and saved enough to buy his own tuk-tuk, which he drove for the next 11 years. He hopes to support the family in Baidoa with the replacement tuk-tuk he purchased. Meanwhile, Nurto Hussein Adan, a mother of five, has started a shop with $500 of the $2,000 she received from the South West ministry on return to Baidoa. She also bought land for the first time with the remaining money in Boonkay neighbourhood in Baidoa, where she put up a temporary hut whilst planning to build a house. She hopes her husband will find work and that she can make some savings from her small business. “I am so happy to receive this money. I pray to God to bless the people who donated the money. As you can see, I sell tomatoes, sugar, bananas and rice,” she said. Nurto’s family used to live in Dinsor in Bay region, where they lived on a plot whose owner charged them no rent, as they had no land of their own. However, life became tough after Al-Shabab besieged the town in 2011 causing food shortages and price rises. They migrated to Lasanod, where her husband earned a living as a taxi driver. Nurto, 34, gave birth to all her children in Lasanod. The director of South West ministry of planning, Isack Mohamoud Mursal, told Radio Ergo that they chose to support the families who returned to the region with nothing to avoid them becoming internally displaced. “We divided the people into four categories: the first category were individuals whom we paid $1,600, the second were families with two to four members whom we gave $2,140, the third category were families with five to nine members who received $3,000, and the last category were families with more than 10 members whom we gave $3,500,” he explained. Isack said a committee of government and businesspeople in South West state appointed to coordinate assistance to the families evicted from Lasanod is working to register other families, who have dispersed and are living with relatives in Baidoa. He added that the administration is setting up a government committee to negotiate with Somaliland over the transfer of assets belonging to the evicted families. Source: Radio Ergo The post New lives back in Bay region for families evicted from Lasanod appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dabcisay mowqifkeeda ku aadan qaab dhismeedka Amniga AMISOM ee dalka, iyadoo xustay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-xaajoodka Midowga Afrika toddobaadyo kadib markii ay diiday soo-jeedin ka timid Midowga Afrika. Midowga Afrika ayaa dhowaan soo jeediyey in howlgalka AMISOM loo beddelo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika, taasi oo dowladda ay si weyn u diiday, ayada oo ku adkeysatay in AMISOM ay dalka ka baxdo 2023-ka Hase yeeshee wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay kulanka uu la qaatay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo ka dhacay Muqdisho, ayaa muujiyey mowqif dabacsan iyo inay Soomaaliya diyaar u tahay in arrintan laga hadlo. Wasiirka ayaa, si kastaba, ku eedeeyay Midowga Afrika inay ka gaabiyeen inay tixgeliyaan soo jeedinta Soomaaliya ee ku aaddan qaabka loo marayo ka bixitaanka AMISOM ee dalka. “Xaqiiqdu waxay tahay in aysan jirin wax suurta geli kara iyada oo aan ogolaansho laga helin waddanka martida loo yahay. Qorshaha kala guurka waxa uu noqon doonaa mid ku saleysan mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya, kaliya ma ahan maamulkaan, balse sidoo kale waa maamulka mustaqbalka ee dalka,” ayuu yiri wasiirka. Balse wareysi uu bixiyay kadib kulanka uu la qaatay wafdi ka socday golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika Cabdirisaaq ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku habboon tahay wadahadal oo kaliya oo aysan jirin cid ku qasbi karto wax aysan rabin. “Hannaan-socodka kala-guurka, Soomaaliya waxay ku adkaysatay in la aqbalo soo jeedinteeda. Xitaa haddii qorshaheena ay qaataan AMISOM oo ay taageerto Qaramada Midoobay, waan sii wadi doonnaa wada-hadallada in muddo ah, laakiin nasiib-darro markii hore ma hirgelin, waana halka la isku khilaafay,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq. Soomaaliya ayaa ka soo horjeedsatay soo jeedintii Midowga Afrika ee ahaa in la geeyo ciidamo xasilin oo ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay Amniga Soomaaliya ugala wareegaan howgalka AMISOM bisha December 2022. Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay hindisahaas, waxaana taa beddelkeeda ay ku dhegtay qorshe ay wadeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka sanadkii 2018-ka oo loogu magac daray Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya. Guud ahaan qorshaha la dajiyey sanadkii 2018 waxa uu tilmaamayaa in si tartiib-tartiib ah howlgallada AMISOM loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya. Qorshahan waxaa lagu taageeray shirkii 769-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee 30-kii Abriil 2018, iyadoo intaas ka dib lagu soo bandhigay laguna taageeray shir heerkiisu sareeyo oo beesha caalamku ku yeesheen magaalada Brussels ee dalka Belgium, 2-dii May 2018. Hase yeeshee, hirgelinta qorshahaas ayaa intiisa badan lagu fashilmay. Tusaale ahaan, wejigii koowaad waxaa loogu talagalay saddex marxaladood oo ay ugu horreeyaan in amniga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde lagu wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, in gacanta dowladda lasoo geliyo magaalada istiraatiijiga ah ee Leego ee dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed iyo furitaanka waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Baydhaba. Seddexdaas qodob waxaa kaliya lagu guuleystay in ammaanka Garoonka Aadan Cadde lagu wareejiyo Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu fashilmay in la fuliyo labada qodob ee kale. Sidoo kale, marxaladda ugu dambeyso ee qorshahaas ayaa wuxuu ahaa in guud ahaan Amniga Soomaaliya lagu wareejiyo gacanta ciidamada Dowladda Soomaaliya bisha December ee sanadkaan, waxayna u muuqataa inaysan midaas hadda suuragal aheyn. The post Soomaaliya oo kasoo dabacday mowqifkii ay ka qaadatay qorshaha Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.