Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi (Buux) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu baahiyey in la dhigay mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Xoghayaha Golaha Shacabka ayaa marka hore beeniyey wararka la baahiyey ee lagu sheegay inay liidato xaaladda caafimaad ee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka. Buux ayaa Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijiyey inay haatan aad u wanaagsan tahay xaaladda caafimaad ee Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuuna intaasi ku sii daray in wararka lagu baahiyey baraha Internet-ka ay yihiin kuwa ka fog xaqiiqda. Sidoo kale wuxuu Cabdikariim Buux tilmaamay in Jawaari uu isbitaalka u tegay arrimo la xiriira Check Up, si loo hubiyo xaaladdiisa guud ee caafimaad. “Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux wuxuu dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Fedederaalka Xil. Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, Isbitaalkana uu u tagay arrimo “check up” ah,” ayuu yiri xoghayaha Golaha Shacabka. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan wararka xaqiiqda ka fog ee lagu qaldayo, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada Internet-ka. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo si aad ah baraha bulshada looga hadlay hayey xanuunka Jawaari oo la sheegay in habeen hore la dhigay isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho, walow haatan lasoo wariyey inay aad u wanaagsan tahay xaaladiisa. The post Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada caafimaad ee Prof. Maxamed Cismaan Jawaari appeared first on Caasimada Online.
  2. Boqor Cismaan aw Maxamuud (Buur madow) ayaa goordhaweyd ka degay Magaalada Muqdisho, Buur madow ayaa dhawaan ku biiray Liiska Odayaasha sheegta in ay metelaan Somaliland ee Muqdisho lagu ururiyo, si ay u soo xulaan Kooxo Magaca Somaliland kaga maxaafasada Muqdisho Qaran News
  3. (SLT-Hargeysa)-Xoggo uu Wargeyka Waaberi ka hellay illo wareed-yo kale duwan,ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu laba kullan oo xidhiidhsan uu la yeeshay toddobaadkii hore Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Keynya Denjire Baashe Cawil Cumar,kaas oo dhawaan iska casiley xil uu Madaxweyne Biixi uu u magaacabay,kaddib markii uu saluugay. Xoggaha ayaa sheegay inuu Madaxweyne Biixi uu dhawr jeer ergo u diray Danjire Baashe Cawil,haseyshee uu ku soo gacansaydhay Baashe Cawil,balse waxa la sheegay in waxa uu ka cago jiidaba uu toddobaadkii hore ka aqbal dalabkii Madaxweyne Biixi ee ahaa inuu mar uun la kulmo Siyaasigan ay isa seegeen ee Beeshe Cawil. Waxa kale oo ay xoggu xusaan in kullankan uu Madaxweyne Biixi la yeeshay Baashe Cawil uu ahaa mid is laab xaadhasho ah,isla markaana uu Madaxweyne Biixi ahaa mid ka garaabay dhankiisa wax-yaabo baddan oo uu ka tabanayey siyaasigan,kuwaas oo ay ugu waa weynayeen ballan qaadkii ahaa inuu wasiir u magacaabayo doorashadii shir guddoonka kaddib,taas oo uu kaga baxay,waxaanay ahayd sababtii keentay inuu Baashe Cawil uu iskagaga casiley xilkii wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha debad ee loo magacaabay. Dhanka kalene Xoggaha aanu ka helnay kullanka hore ee ay yeesheen Madaxweyne Biixi iyo siyaasi Baashe Cawil ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu halkaas ka jeediyey haddalo u bad-naa beer la xawsi,kuwaas oo ay kamid ahayeen in aanu taariikhdii Siilaanyo ku noqon Baashe mid duminaya,waxaanu ka codsaday in aanu ka soo horjeesan KULMIYE,isagoo ku macneeyey haddii uu ka soo horjeesto inuu muujinayo siilaanyo oo ka soo horjeestay. Sidoo kale xoggaha ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu ka dalbaday Baashe Cawil in aanu ku biirin Xisbiga WADDANI,isla markaana aanu soo taageerin, isagoo halkaas Madaxweyne Biixi kaga tiraabay haddalo tawaawac iyo beer la xawsi u baddanaa,haseyeeshee Baashe Caawil ayaa la sheegay inuu ugu hal celiyey inuu ka soo tashanayo mustaqbalkiisa siyaasadeed inuu la sii jallo ahaanayo Madaxweyne Biixi iyo in kale. Geesta kalene xoggaha ayaa sheegay in kullankii labaad ay isku horfadhiisteen haddana Madaxweyne Biixi iyo siyaasi Baashe Cawil,isla toddobaadkii hore dhammaadkiisii,kaas oo ahaa mid xidhiidh la leh kullankaa hore,waxaana la sheegay in Baashe Cawil uu aqbalay soo jeedinta Madaxweyne Biixi ee ahayd in aanu ku biirin Xisbiga WADDANI,waxaanu taas dhaafsaday xil shillis oo dhawaan loo magacaabi doonno iyo arrimo kale iyo mansabada ugu sareeya Xisbiga KULMIYE Marka laga taggo xoggahaas ma jiro war amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay labada dhinac, haseyeeshee waxa la xaqiijiyey in Madaxweyne Biixi iyo siyaasi Baashe Cawil ay labadaa kullan ee kale dambeeyey ay wadda yeesheen,isla markaana uu is afgarad siyaasadeed dhex-maray. Dhanka kalena xoggo kale oo uu wargeyska waaberi helay ayaa sheegay in shalay ilaa xalay ay xubno siyaasiyiin ah iyo madax-dhaqameedka Beesha uu ka soo jeedo siyaasi Baashe Cawil ay waddaan dedaalo ay ku doonnayaan sidii Baashe Cawil ay uga baajin lahayeen qorshaa Madaxweyne Biixi hor dhigay oo ay u arkaan inuu yahay shir qool siyaasadeed iyo dabin uu u qoolayo siyaasigan si uu ugu dhaco,waxaanay rabbaa in mawqifkiisii iyo jihadii WADDANI ee uu ku socday uu ku adkaysto. Source
  4. (SLT-Hargeysa)- Afar sanno ayaa shalay oo sabtidii 13 November 2021 u buuxsamay Xukuumadda Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo,taas oo muddo xileedkeedii uu yahay mid hadda sii gabaabsi ah, isla markaana uu sannad qudhi uga hadhay. Tageerayaashii doortay Madaxweyne Biixi ee codka siiyey 13 November 2017-kii, ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay qoraalo iyo sawiro ay farraha dhex-da ka qaniinsan yihiin,kuwaas oo muujinayey ama ka turjumayey inay ka qoomamoonayaan doorashadii ay doorteen Madaxweyne Biixi,isla markaana ay farrahoodii ay ku coddeeyeen eedeen. Dhallinyaro haween,wayeel iyo haldoor kale ayaa siyaabo gaar gaar ah baraha bulshada sida facebooga twitter ugu faafiyey shalay qoraalo iyo sawirro ay faraha qaniinsan yihiin,kuwaas oo ay ku soo dulqareen November 13 2017-kii,taas oo ahayd maalintii loo dareeray doorashadii Madaxtooyadda uu ku guullaystay Madaxweyne Biixi. Dhanka kalene halku- dhigyadda ay taageerayaashii doortay Madaxweyne Biixi soo raaciyeen sawiradda ay farrihii ay ku coddeeyeen qaniinsan yihiin ayaa ahaa kuwa muujinaya siday uga xun yihiin doorashadoodii ay shalay Madaxweynenimada ugu doorteen Muuse Biixi Cabdi,waxaana kamid ahaa halku-dhigyadda kuwan:- mar dambe eedimayno fartadayadda iyo fartayadda ayaan ku aarsan doonna,iyo fartii shalay aan kugu doorran waa diyaar in aanu kugu ridno Madaxweyne Muuse Biixi iyo weliba waa inoo November 2022 iyo maalinta doorashada Madaxtooyadda iyo halku dhigyo kale oo farabadan,kuwaas oo ahaa qaar ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Biixi Afarta Sanno ee uu xilka hayey Madaxweyne Biixi waa markii ugu horaysay ee ay tageerayaashii doortay ay darreenkooda iyo diidmadda Madaxweyne Biixi ay sidan u soo bandhigaan,taas oo muujinaysay sida uu u lumiyey taageerayaashii shalay doortay,isla markaana u socdaalay u surmiyey, u saamalaylay ee safafka u galay si ay ugu coddayeen doorashadii 2017-kii. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay madal dad badani joogaan 25-kii November 2017-kii markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadhada Madaxtoyadda afar cisho kaddib ayaa yidhi: “Eexda haddii la macneeyo islama garanayno, musuqa iyo hufnaanta islama garanayno, waxa qaranka aan ka doonayo islama garanayno, waxa qaranka yaalaba haddii aan reer qudha u dhiibo ma raalli-gelin karayo, waanay i sugaysaa berri fartaydii eedayeey oo khasaarayeey, taa anigu iskaga diyaar baan u ahay, laakiin waxay dhibi doontaa raggiina mustabaqlka doonaya inay xisbiga iyo siyaasadda sii galaan, waa xal aynu u baahannahay in aynu helno, waar fartaada eed waayo iimaad dooran inaan taad doonayso kuu yeelo.” Si kasabata ha-ahaatee waxa xaqiiqo ah in Madaxweyne Biixi uu lumiyey tageerayaal farra baddan,iyadoo ay shalay sabtidii 13 November 2021-ka ay tageerayaashii u coddeeyey ay baraha bulshada ku soo bandhigeen sawirro gaar gaar ah oo ay faraha dhex-da ka qaniinsan yihiin,kuwaas oo muujinayey inay ka qoomamoonayaan doorashadii ay doorteen Madaxweyne Biixi,waxaanay ku soo dul qoreen halku dhigyo ay kamid ahayeen fartii aan kugu doorranay waxay diyaar u tahay inay ku rido doorkan. Source
  5. Waxaa deeganada dowlad gobaleedyada dalka ee ay sanadkaan ka dhaceyso doorashada golaha shacabka laga dareemayaa diyaar garowgii ugu xooggana ee doorashada Golaha shacabka. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay deeganada ay doorashada ka dhaceyso u dirayay agabka iyo qalabyada doorashada lagu qabanayo oo ay ka mid yihiin Sanaadiiqda codbixinta doorashada. Sida ay horay u shaaciyeen guddiga amniga doorashooyinka dalka, waxaa lagu qabanaya doorashada golaha shacabka maamul walba laba goob. Goobaha doorashada ay ka dhaceyso ayaa kala ah:- Banaadir 1: Teendhada Afisyooni 2:Kuliyadda Booliiska Gen Kaahiye Puntland Garowe: Xarunta Jaamacadda Puntland PSU Boosaaso: Jaamacadda Bariga Afrika. Galmudug Dhuusamareeb: Xarunta Inji Gaalkacayo: Xarunta Axmed Village Hirshabeelle Jowhar: Xaruntii hore ee UNICEF (Jowhar) Baladweyne: Xarunta maamulka G.Hiiraan Koonfur Galbeed Baydhabo: Xarunta baarlamaanka Baraawe: Xarunta Madaxtooyada Jubbaland Kismaayo : Hoolka Daawad Garbahaarrey: Hoolka Inji. Dhinaca kale taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dhamaan goobahaan oo ay ka dhacayaan doorashada aqalka shacabka ay ammaankooda sugan yihiin. 16-ka bishaan oo ku beegan Talaadada soo socota ayaa si rasmi ah loo bilaabi doona doorashada, iyadoo lagu wado in maamulada dalka oo dhan ay guda galaan doorashada golaha shacabka. Deeganada doorashada ay ka dhaceyso ayaa durba laga dareemaya olalaha doorashada, iyadoo musharixiinta golaha shacabka ay durba bilaabeen in waddooyinka deeganada kuraasta ay u taallo ay ku dhagsadaan boorar ay ku shaacinayaan musharaxnimadooda. 24-Ka bisha soo socota ayaa la qorsheynaya in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Guddoomiyaha Xisbigaas Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa la sheegay in dabayaaqadii toddobaadkii dhaweyd ay kullan wadda yeesheen siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, kaas oo la sheegay inuu ka qabsoomay Huteelka Casood ee Maagaalada Hargeysa Kullankan oo ahaa mid u gaar ah labadooda ,isla markaana aanay jirin cid kale oo ku wehelisay ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee ay wadda yeeshaan labadan siyaasi tan iyo intii la shaaciyey inay waddo u socdaan garabka siyaasiyiinta KULMIYE ee uu hoggaaminayo siyaasi Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga WADDANI. Dhanka kalene kullankan ayaa la sheegay in uu ku soo dhammaaday is afgarad,isla markaana waxa la sheegay in ay isla qaateen in kullan ballaadhan oo dhaalatus siyaasadeed ah ay labadan siyaasi dhawaan ku qaban doonnaan Magaalada Hargeysa,kaas oo ay isku keenayaan taageerayashooda. Geesta kalene Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa salaasada saadambe loo doorran doonnaa Guddoomiyaha shanta sanno ee soo socda hoggaamnin doonna Xisbiga WADDANI,waxaana la sheegay in siyaasi Maxamuud Xaashi ay ka wadda hadleen arrintaas iyo sidii ay isku garabsan lahayeen, taas oo la sheegay inay is afgarad buuxa ka gaadheen. Geesta kale Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ah siyaasi miisaan siyaasadeed ku leh Somaliland ayaa dhawaan la filayaa inuu si rasmi ugu biirro Xisbiga WADDANI, taas oo la filayo inay dhacdo shir weynaha Xisbiga WADDANI kaddib. Source
  7. (SLT-Paris)-Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa baadhitaan ku billaabay kufsi la tuhunsan yahay in gabadh askari ah loogu gaystay gudaha xarunta madaxtooyada Faranasiiska ee Paris bishii July, kaasi oo lagu eedeeyey askari kale, waxaa sidaas AFP u sheegay il-wareedyo garsooor. Kufsiga la tuhunsan yahay ayaa dhacay bishii July xilli ay socotay xaflad loo sameynayey Jeneral iyo laba qof oo kale, oo uu ka qeyb galay madaxweyne Emmanuel Macron, sida uu shaaciyey wargeyska maalinlaha ah ee Faransiiska ee Libération, oo ahaa kan ugu horreeyey ee xogtan shaaciya. Askariga la eedeeyey ayaa waxaa su’aalo weydiiyey dacwad-oogayaasha 12-kii July, waxaana u hadhsan su’aalo kale, hase yeeshee weli si rasmi ah dacwad looguma soo oogin, sida uu sheegay ilo-wareedka garsoor. Xafiiska madaxweyne Macron ayaa ahmiyad ka dhigtay inuu iska ilaaliyo fadeexad kale oo qabsata tan iyo shaac ka qaadistii ceebta laheyd ee ku saabsaneyd in mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah uu weeraray qof da’yar oo dibad-bax dhigayey, bishii May ee 2018-kii. Askarigaas oo lagu magacaabo Alexandre Benalla ayaa toddobaadkii tegay lagu xukumay saddex sanno ee xabsi ah, balse ma geli doono xabsi marka la eego xeerka xukunada Faransiiska, wuxuuse xidhan doonaa aalad lugta lagu xidho oo la socota dhaq-dhaqaaqiisa. Sida uu sheegay wargeyska Libération, gabadha sheegtay in la kufsaday iyo askariga ay eedeysay ayaa saaxiib ahaa, waxayna ka wada shaqeynayeen xafiis amnigiisa aad loo sugo oo ka tirsan madaxtooyada Élysée Palace, oo shaqadiisu tahay arrimaha xasaasiga ah ee dowladda gaar ahaan, sirta culus. Wargeyska ayaa sheegay in gabadha ay ashtakada kufsi ka diiwaan-gelisay saldhig boolis oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada, islamarkaana askariga la eedeeyey laga joojiyey shaqada Élysée. Sarkaal ka tirsan madaxtooyada oo arrintan wax laga weydiiyo ayaa AFP u sheegay “islamarkii eedeyntan ay timid, waxaa la qaaday tallaabooyin deg deg ah oo lagu taageerayo dhibanaha la sheegay, islamarkaana eedeysanaha ayaa deg deg looga wareejiyey xarunta Élysée.” Wasaaradda gaashaandhigga Faransiiska waa ay diiday inay ka hadasho arrintan. Source
  8. Shirkii cimilada oo heshiis lagu gaadhay xilli shaki hadheeyey Muddaharaadayaal shirka COP kuwaas oo ka walaacsan sida wax u socdaan Heshiis looga hortagayo isbeddelka cimilada ee khatarta ah ayaa lagu gaaray shirkii COP26 ee Glasgow. Heshiiska Cimilada ee Glasgow waa heshiiskii ugu horreeyay abid ee cimilada kaas oo si cad loo qorsheeyo si loo dhimo dhuxusha, shidaalka la qodo, iyo dikhawga hawada. Heshiisku waxa kale oo uu cadaadis saarayaa dhimista qiiqa degdega ah ee dheeraadka ah wuxuuna u ballan qaadayaa lacag badan dalalka soo koraya – si looga caawiyo inay la qabsadaan saamaynta cimilada. Laakin ballan qaadyadu uma eka kuwo gaadhay heer si loo xaddido kor u kaca heerkulka ilaa 1.5C.Hindiya waxaa ku soo biiray Shiinaha oo riixaya in la baabi’iyo ballan-qaadkan muhiimka ah, iyaga oo ku adkeystay in “hoos loo dhigo” halkii gebi ahaanbaa “ay meesha ka bixi lahayd”. Wasiirka cimilada ee Hindiya Bhupender Yadav ayaa waydiiyay sida waddammada soo koraya ay u ballan qaadi karaan in ay meesha ka saaraan dhuxusha iyo shidaalka marka ay wali “la tacaalayaan ajandayaashooda horumarineed iyo cidhibtirka faqriga”. Inkasta oo qodobkaasi muran weyn dhaliyey haddana waa la isku raacay gorgortan badan ka dib Taas oo ka dhigan in ugu dambeyntii, dalalku ay ku heshiiyeen inay “hoos u dhigaan” halkii ay “ka saari lahaayeen” dhuxusha meeshaba, iyada oo ay jiraan hadallo niyad-jab ah oo ay muujinayaan madaxda qaar. Madaxweynaha COP26, Alok Sharma ayaa sheegay inuu “aad uga xun yahay” sida ay wax u dhaceen. Waxa uu siku celiyey ilmada isaga oo ka qaybgelayaashana ku boorriyey in la ilaaliyo heshiiskan. Maxay yihiin dhibaatooyinka naga soo gaaray Isbadelada cimilada? Raiisel wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in uu rajaynayo in dunidu ay “dib u eegi doonto COP26 ee Glasgow oo ah bilawga dhamaadka isbedelka cimilada”, isagoo ballan qaaday “inuu sii wadi doono inuu si hagar la’aan ah uga shaqeeyo hadafkaas”. Wuxuu intaas ku daray: “Wali waxaa jira wax badan oo kale oo la qabanayo sanadaha soo socda. Laakiin heshiiska maanta waa tallaabo weyn oo horay loo qaaday, si dhab ah, waxaan leennahay heshiiskii ugu horreeyay abid ee caalami ah oo lagu baabi’inayo dhuxusha” Ergeyga Maraykanka ee cimilada John Kerry ayaa isna yidhi: “Xaqiiqdii waxaan aad uga dhownahay sidii aan waligey doonanay inaan ugaa fogaano qalalaasaha cimilada iyo xaqiijinta hawo nadiif ah, biyo nadiif ah iyo meere caafimaad leh.” Guulaha ugu waaweyn ee uu qeexayo heshiiskani: Dib-u-booqashada qorshooyinka dhimista qiiqa sanadka soo socda si looga gun gaadho in 1.5C oo bartilmaameed ahi hirgalo. Ballanqaadkii ugu horreeyey ee wadajir ah ee lagu xaddidayo dhuxusha Kordhinta kaalmada dhaqaale ee la siinayo dalalka soo koraya Iyada oo Heshiiska Cimilada ee Glasgow uu yahay isku day hami leh oo lagu doonayo in lagu xakameeyo sare u kaca heerkulka, haddana isku dhacii daqiiqadahii ugu dambeeyay ee ku aaddanaa dhuxusha ayaa shaki la’aan hadh geliyey mustaqbalka heshiiskaas. Waxay ahayd tallaabo juqraafi-siyaasadeed ah oo si cad loo soo bandhigay, oo aan wax kala doorasho ah uga tegin dlalka soo koraya iyo jasiiradaha yaryar in ay qayb ka noqdaan uun mooyee. Tallaabadan cusub ayaa imanaysa ka dib xilli guul kale oo muhiim shiinuhu gaadhay. Arbacadii la soo dhaafay, wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa ka dhawaajisay in waddanku uu soo saaray dhuxul ka badan intii lagu yaqaannay ee maalinlaha ahayd. Ilaa 12 milyan oo tan oo walxaha madow ah ayaa la macdaneeyay. Marka tamartaasi la isticmaalo, hal maalin oo dhuxushaas ahi waxay soo saari doontaa qiiq kaarboon, kaas oo qiyaas ahaan u dhigma wax soo saarka Ireland sannad dhan. Tani waa xaqiiqada kaarboonka ee ee waxyeelaysa hawada maalin laha ah. Marka loo eego iftiinkaas, heshiiska lagu gaadhay halkan ka dib wada xaajoodyo dheeraad ah ayaa sii socon doona si loo yareeyo waxyaalaha khatarta ku ah nolosha meerahan. Sayniyahannada ayaa qaba in cimilada xumaatay ee daadadka iyo abaaruhu qayb ka yihiin sbeddelka cimillada. Wufuudda dabada ka riixaysa in horumar weyn laga gaaro arrintan ayaa waxaa ka mid ah kuwa ka socda wadamada Afrika, sida Guinea iyo Kenya, iyo sidoo kale wadamada Latin America, jasiiradaha yar yar iyo wadamada Aasiya sida Bhutan. Lia Nicholson, ergadii Antigua iyo Barbuda, oo ku hadlaysay magaca dawladaha jasiiradaha yar yar, ayaa tidhi: “Waxaan aqoonsannahay dadaalka gaadhsiisan heer madaxweynanimo ee lagu isku dayo iyo in la abuuro meel bannaan oo lagu helo dhul la wadaago. Waana wixii aan rajaynaynay”. Qaran News
  9. Xanuunka macaanka & Sidaad uga hortagi karto? Nooca 1 ee xanuunka sokorta waxaa lagu arkaa carruurta amaba da’da qaangaarka. Waxaa lala xiriirin karaa hiddaha qofka amaba waxaa sababi kara caabuq. Xanuunka sokorta ama macaanka waa waa xaalad qofka noloshiisa daba socota waxaana sanad walba u dhinta in ka badan hal milyan oo qof – qof walba ayuuna ku dhici karaa. Waxaa sababa marka jirku uusan burburin karin dhammaanta sokorta (glucose) ee dhiigga raacsan; waxyaabaha ka dhasha waxaa ka mid ah wadno xanuun, wadno istaag, indhi beel, kilyaha oo howlgab noqda iyo qaarka dambe oo qofku howlgab ka noqdo. Waana dhibaato – Qiyaastoo 422 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa qaba xanuunka macaanka – waana tiro afar jeer ka badan intii ay ahayd 40 sano kahor, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO). Marka laga soo tago khataraha, kala bar dadka qaba xanuunka macaanka ma oga inay qabaan. Balse isbeddel lagu sameeyo hab-nololeedka ayaa ka hortagi karta xaalado badan oo xanuunka ka mid ah. Waana kuwan siyaabaha aad uga hortagi karto: Maxaa sababa xanuunka macaanka? Marka aan wax cunno, jirkeennu wuxuu burburiyaa waxyaabaha loo yaqaanno carbohydrates wuxuuna ka dhigaa sokor (glucose). Mid ka mid ah hoormoonnada qofka oo loo yaqaanno insulin, ayuu soo saaraa beer-yaraha, kaddibna wuxuu unugyada jirkeenna ku amraa inay nuugaan sokorta si ay tamar uga helaan. Xanuunka sokorta ayaa qofka ku dhaca marka insulin uusan jirkeennu soo saarin amaba aysan sidii la rabay u shaqeyneynb, taas oo sababta in sokortu ay jirkeenna fadhiisato. Sokorta la warshadeeyay ayaa kordhisa heerka glucose ee dhiiggeena gala Waa maxay noocyada xanuunka macaanka? Waxaa jira dhowr nooc oo xanuunka macaanka ah. Nooca 1 ee macaanka, beer-yaraha ayaa joojiya soo saaridda maaddada insulin-ta, marka glucose ayaa raaca dhiiggeenna oo hoy ka dhigta. Saynisyahannada ma oga waxa gaar ahaan sababay arrintan balse waxay rumeysan yihiin in laga yaabo inay tahay wax hiddaha qofka la xiriira amaba caabuq saameeya unugyada soo saara insulin-ta ee beer-yaraha. Ilaa 10 boqolkiiba dadku waxay qabaan nooca 1-aad ee macaanka. Nooca 2 ee macaanka, beer-yaruhu ma soo saaro insulin ku filan jirka amaba hoormoonku uma shaqeeyo sidii laga rabay. Insulin-tu waa hoormoonka uu beer-yaruhu soos aaro si jirkeennu u nuugo sokorta Tan ayaa caadiyan ku dhacda dadka da’ dhexaadka ah amaba dadka waaweyn, balse waxay sidoo kale ku dhacdaa dadka uu miisaankoodu culus yahay, iyo dadka ka soo jeeda dalalka qaar, sida Koofurta Aasiya. Haweenka uurka leh qaarkood ayaa laga yaabaa inay ku dhacdo sokorta nooca gestational diabetes marka jirkoodu uusan insulin ku filan u soos aarin iyaga iyo ilmaha uurkaba. Daraasado kala duwan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 6 ilaa 16 boqolkiiba haweenka uurka leh uu la soo derso noocan xanuunka macaanka ah. Waxaa laga doonayaa inay xakameeyaan heerka sokorta jirkooda iyagoo ilaalinaya cuntada ay cunaan, sameynaya jimicsi. Waxay sidoo kale dadka qaar la kulmi karaan nooca pre-diabetes – oo ah xaalad sababeysa inuu kordho heerka glucose ee jirka taas oo sababi karta xanuunka macaanka. Waa maxay calaamadaha xanuunka macaanka? Daal saa’id ah, oon joogto ah iyo kaadi badan waa calaamadaha xanuunka macaanka Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah: oon saa’id ah kaadi badan, gaar ahaan habeenjii daal saa’id ah in miisaan uu kaa dhaco caabuq dhanka afka ah aragga oo daciif noqda dhaawacyo aan bogsaneyn Sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka ee Britain, calaamadaha nooca 1 ee xanuunka macaanka ayaa qofka lagu arki karaa carruurnimadiisa amaba da’da qaan-gaarka waxayna noqon kartaa xaalad khatar ah. Dadka khatarta ugu badan ugu jira nooca 2 ee xanuunka macaanka waa dadka ay da’doodu ka sarreyso 40 (ama 25 dadka Koofurta Aasiya ka soo jeeda); dadka uu waalidkooda amaba walaalahood uu mid qabo macaanka; miisaankoodu saa’id yahay; kana soo jeeda Koofurta Aasiya, sida Shiinaha. Maka hortagi karaa xanuunka macaanka? Xanuunka macaanka waxaa sababi kara xaalado hiddaha qofka la xiriira amaba deegaanka balse xaalkaaga caafimaad waad ka warqabi kartaa adiga oo la soconaya cuntadaada iyo hab-nololeedkaaga. Inaad sokorta la warshadeeyay ku beddelatid khudradda ayaad ku xakameyn kartaa heerka sokorta jirkaaga Inaad ka fogaato cunnada sokorta leh ama cabitaannada, rootiga cad iyo baastadana aad ku beddelato kuwa madowga ah waa tallaabada koowaad. Sokorta iyo badarka la warshadeeyay nafaqo badan ma laha waxaana laga bixiyay fitimiinnada ku jira. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa burka cad, rootiga cad, bariiska cad, baastada cad, cabitaannada sokorta leh iyo waxyaabaha macmacaan. Cuntooyinka caafimaadka leh waxaa ka mid ah khudradda, furutada, digirta iyo badarka aan la warshadeyn. Waxaa sidoo kale ka mid ah saliidaha caafimaadka leh, looska iyo saliidaha ay ku badan yihiin maaddada omega-3, sida saliidda kalluunka. Waa muhiim in wax la cuno xilliyo kala duwan lana joojiyo wax cunitaanka markaad dheregsan tahay. Jimicsiga jirka wuxuu hoos u dhigaa heerka sokorta jirka. Waaxda caafimaadka UK ee NHS ayaa ku talineysa 2.5 saacadood oo jimicsi ah toddobaadkii, sida socodka boobsiiska ah. Waa muhiim in qofku la socdo hab-nololeedka jimicsina uu sameeyo Miisaan caafimaad leh ayaa jirkaaga u fududeyn kara inay hoos u dhacdo heerka sokorta jirka. Haddii aad dooneyso inaad miisaan iska riddo, isku day si tartiib ah, inaad iska riddo inta u dhaxeysa 0.5 kg iyo 1 kg toddobaadkii. Waa muhiim inaadan sigaar cabin aadna la socoto heerka dufanta jirkaaga si aad uga hortagto khatarta xanuunnada wadnaha. Waa maxay dhibaatooyinka ka dhalan kara xanuunka macaanka? Sokor badan oo ku jirta dhiiggaaga ayaa dhaawici karta xiidmaha dhiigga ee jirkaaga. Haddii uusan dhiiggu si fiican ugu socon jirkaaga, ma gaari karo qeybo ka mid ah jirka oo u baahan dhiigga, taas oo dhaawac gaarsiin karta neerfaha sida (dareenka iyo inaad xanuun dareento oo kaa taga),indho beel iyo caabuq cagaha ah. WHO ayaa sheegtay in macaanku uu yahay mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee qofka aragga tira, kelyaha oo aan shaqeyneyn, xanuunnada wadnaha iyo qaarka dambe oo howlgab noqda. Macaanku waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee qofka aragga tira, kelyaha oo aan shaqeyneyn, xanuunnada wadnaha iyo qaarka dambe oo howlgab noqda, sida ay sheegtay QM Sanadkii 2016, qiyaastii 1.6 milyan oo dhimasho ah ayaa si toos ah loola xiriiriyay xanuunka macaanka. Intee qof ayaa la nool xanuunka macaanka? Sida ay qabto WHO, tirada dadka la nool xanuunka macaanka ayaa sare uga kacday 108 milyan sanadkii 1980 waxayna gaartay 422 milyan sanadkii 2014. Sanadkii 1980, wax ka yar 5% dadka qaan-gaarka ah (ee ka weyn 18 sano) ayaa guud ahaan dunida qabay xanuunka macaanka – sanadkii 2014, waxay gaareen 8.5%. Golaha Caalamiga ah ee Xanuunka Macaanka ayaa ku qiyaasaya in ku dhowaad 80% dadka qaan-gaarka ah ee la nool macaanka ay ka soo jeedaan dalalka uu dhaqaalahoodu uu yahay meel dhexaad amaba hooseeyo. Qaran News
  10. Booliiska caasimadda Garoowe ayaa bartamaha magaalada ku qabtay gaari maarked ah oo khamri sida iyo laba nin oo watay. Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay gaarigaas iyo raggii watay kadib hawlgal kooban oo ciidanku ka sameeyay magaalada Garoowe. Booliiska ayaa tilmaamay in xabsiga loo dhaadhiciyay labadii nin islamarkaana baaritaan lagu hayo si sharciga loo horgeeyo. PUNTLAND POST The post Booliiska Garoowe oo gacanta ku dhigay gaari khamri sida iyo raggii watay appeared first on Puntland Post.
  11. Algeria extended their remarkable unbeaten run to 32 matches with a 4-0 win over Djibouti in a CAF second round 2022 FIFA World Cup qualifier at Cairo International Stadium on Friday. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn shalay lasoo geba-gebeeyey kadib bilo ay soo jiitameysay, ayada oo labadii senator ee ugu dambeeyey lagu doortay Galmudug. Doorashada ayaa soo billaabata 29-kii July, waxayna socotay 108 maalmood, oo ah in ka badan saddex bil iyo bar, ayada oo waxa la dooranayey ay aheyd kaliya 54 Senator. Dad badan oo ka mid ah kuwa fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in casharka ugu weyn ee doorashada Aqalka Sare laga bartay ay tahay inay tusmeysay in doorashada Golaha Shacabka ay qaadan doonto muddo intaas aad iyo aad uga badan. Doorashada Aqalka Sare kuma lug laheyn qabaa’ilka, ma jirin ergooyin lasoo xulayo. Waxay u baahneyd oo kaliya in madaxweyne goboleedka uu shaaciyo liiska murashaxiinta kadibna baarlaman goboleedka uu doorashada qabto. Si aad u ogaato sida ay uu fududahay ama waqtiga gaaban ee lagu dhameyn karay, waxaad eegtaa kaliya muddada u dhaxeysay marka ay madax goboleedyada shaaciyaan liiska murashaxiinta iyo marka la qabtay doorashada, taasi oo inta badan aheyd 2 illaa 4 berri. Hase yeeshee layaabka dhacay ayaa ahaa in madax goboleedyada ay iska haysanayeen bilo, ayada oo aysan jirin wax sabab ah oo muuqda, marka laga reebo Saciid Deni oo doorashada sida ugu dhaqsaha badan usoo geba-gebeeyey. Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in doorashada golaha shacabka ay qaadan karto sanad illaa sanad iyo bar, marka loo eego xawaaraha ay ku socotay doorashada Aqalka Sare. Taasi waxay ka dhigan tahay in madaxweyne Farmaajo, oo hadda ku jira bishii sagaalaad ee xukunka tan iyo markii waqtigiisa uu dhammaaday, uu kursiga kusii fadhin karo sanad illaa sanad iyo bar kale oo dheeri ah, taasi oo ka dhigan inuu madaxweyne sii ahaan karo 6 sano iyo ka badan, haddiiba aan dib loo soo dooran oo uusan gaarin 10 sano. Dib u dhacan wax eed ah oo muuqata kuma lahan madaxweyne Farmaajo, waxaana yaab leh in kadib muddo lagu eedeynayey inuu diidan yahay inuu doorasho qabto, ay hadda kuwii isaga eedeynayey ay socodsiin la’yihiin doorashada. Ra’iisul Wasaare Rooble oo carcartii doorashada gaabiyey iyo madax goboleedyo aan la ogeyn waxa ay doonayaan ayey ka socon la’dahay doorashada dalka. Maalin kasta oo uu kursiga ku fadhiyo madaxweyne Farmaajo oo ah wixii ka dambeeyey heshiiskii 27-ka May ee Rooble iyo madax goboleedyada, wax eed ah kuma lahan. The post Farmaajo oo madaxweyne sii ahaan kara illaa 6 sano appeared first on Caasimada Online.
  13. Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga faafiyay oo ku saabsan in uu xanuunsanyahay. Ex. Guddoomiye Jawaari ayaa xaqiijiyay in uu Caafimaad qabo oo ay wanaagsan tahay xaaladdiisa isla markaana wararka la faafiyey ay yihiin kuwo been abuur ah. Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa isna sheegay in ay been abuur yihiin wararka laga faafiyay Jawaari. “Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Fedederaalka Xil. Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, Isbitaalkana uu u tagay arrimo check up ah” ayuu yiri Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux. PUNTLAND POST The post jawaari oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga faafiyay xaaladdiisa Caafimaad appeared first on Puntland Post.
  14. Tigrayan rebels have killed more than 150 civilians in the Amhara region on suspicion of being informants or offering aid to federal forces, the government-affiliated Ethiopian Human Rights Commission said in a report. Source: Hiiraan Online
  15. The World Bank has black­listed a Kenyan consultancy firm, Africa Development Professional Group (ADP), for engaging in corrupt and fraudulent practices in several multi-million shilling projects for top government agencies. According to Business Daily, World Bank took action after an investigation conducted by the World Bank’s corruption-fighting unit established that the Nairobi based firm had engaged in fraudulent practices during a bank-funded project in Somalia. The anti-poverty lender said it had banned Africa Development Professional Group (ADP) and its affiliates, together with any organisation they directly or indirectly control for 21 months. “The debarment makes ADP ineligible to participate in projects and operations financed by institutions of the World Bank Group,” said the World Bank in a statement. “The (Somalia) project was designed to strengthen the staffing and institutional capacity of selected line ministries and central agencies to perform core government functions.” By this resolution, and under the agreement for mutual enforcement of debarment decisions, ADP is prohibited from doing businesses with the Asian Development Bank, the European Bank for Reconstruction and Development, the Inter-American Development, and the African Development Bank (AfDB) for a specific a period of 21 months. The pact aligns with the resolution of the five international financial institutions (mostly owned and financed by governments) signed on April 9, 2010. “The debarment makes ADP ineligible to participate in projects and operations financed by institutions of the World Bank Group,” said the bank. “It is part of a settlement agreement under which the company acknowledges responsibility for the underlying sanctionable practices and agrees to meet specified corporate compliance conditions as a condition for release from debarment.” According to the ADP’s website, some of past clients include Kenya’s Ministry of Lands, Housing and Urban Development, the Gambian Office of the President, the Government of Ghana, the Salaries and Remuneration Commission (Kenya) and the Department for International Development (DfID), Rwanda. The above projects are, however, not related to the debarment, Business Daily reported. The post World Bank blacklists Kenyan firm over fraud and collusive practices appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hambalyeey guusha dhammeystirka doorashada Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey dardar-gelinta doorashada. Madaxweynaha ayaa xusay sida xilkasnimada ah ee Madaxda Dowlad-goboleedyada dalku ay u guteen waajibaadka Qaranka ee ka saarnayd soo gudbinta musharaxiinta Sanatarrada Aqalka Sare, waxa uuna ku ammaanay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaannada heer Dowlad-Goboleed gudashada masuuliyadda kaga aadanayd doorashada Sanatarrada Aqalka Sare. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Amniga Doorashooyinka iyo Ciidanka Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sugidda ammaanka goobaha doorashada Aqalka Sare, isaga oo tilmaamay kartida iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin qabashada doorasho ka turjumeysa hor u socodka dalkeenna. Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka appeared first on Puntland Post.
  17. Shilkaas oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degaanka Beer oo dhanka Bari ka xiga magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer. Shilka Gaari ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen Gaari Bas ah iyo iyo Xaajiyadyar, waxaana ku dhintay laba Ruux halka ay ku dhaawacmeen 11 Ruux oo kale, kuwaas oo kala saarnaa labada Gaari. Maayirka magaalada Burco ayaa sheegay in 11 Ruux ee dbaawaca ah la geeyay Isbitaalka Magaalada Burco, isla markaana Afar kamid ah ay xaaladoodu aad u liidato. Sidoo kale wuxu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay shilka gaari, sidoo kalena lala tacaalayo xaaladda Caafimaad ee dadka ku dhaawacmay Shilkaas. PUNTLAND POST The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay bariga Burco appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Amisom ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in dil toogasho lagu xukumay askar ka tirsan howlgalkan oo kasoo jeeda dalka Uganda, kadib markii ay maxkamad militari ku mareen Muqdisho. War-saxaafaded kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in maxkamadeynta oo socotay 2-dii illaa 12-kii November ay shan askari ay ku heshay inay ku lug lahaayeen dlka shacab Soomalaiyeed loogu gaystay deeganaka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose 10-kii August. Laba ka mid ah askarta ayaa dil toogasho lagu xukumay halka saddex kale ay wajahayaan 39 oo xabsi ah midkiiba. War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in askarta la xukumay loo celin doona dalkooda Uganda, si ay halkaas loogu fuliyo xukunka lagu riday. “Askar ahaan waxaa mas’uuliyad naga saaran tahay ilaalinta nolosha iyo hantida. Howlgakeena Soomaaliya waa inaan wiiqnaa Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan. Si aan middaas u sameyno, waa inaan ilaalinaa shacabka, taasina waxay ku caddahay xeerarkeena howlgalka,” waxaa sidaas yiri taliyaha qeybta Uganda iyo taliyaha qeybta koowaad ciidanka Amisom Gen. Don Nabasa. Taliyaha guud ee ciidamada Amisom Diomede Ndegeya ayaa isna sheegay inay xaqiijin doonaan in sida ugu adag ay ugu hoggaansamaan waajibaadka saaran inay baacsadaan sidii ay u wiiqi lahaayeen Al-Shabaab. Hase yeeshee, hadalka kasoo baxay Amisom ayaa waxaa ku jira jumlad shaki badan dhalisay, oo ah in askarta la xukumay loo celin doono dalka Uganda halkaasi oo xukunkooda lagu fulin doono. Waxaa markii hore la rumeysnaa in askarta lagu toogan doono Muqdisho, balse warka Amisom kasoo baxay wuxuu xukunkan u ekeysiiyey mid dhab ahaanshihiisa ay adag tahay in la xaqiijiyo. Arrinta is-weydiinta mudan ayaa ah yaa xaqiijin doona in xukunkaas la fuliyey iyo in kale, haddii aanu noqon mid ka dhaca meel fagaare ah, taasi oo aysan u badneyn. Xukunkan markii horeba ma ahaa mid lagu daminayey carada ka dhalatay dadkii lagu laayey Golweyn ee ehalladooda ay muujiyeen karti aysan kiiskan uga aamusin illaa ay ku guuleysteen xukunkan? Haddii askarta la geeyo Uganda, kadib Uganda war-saxaafadeed un ku sheegto in la dilay askarta dambiga lagu helay, yaa xaqiijin kara? The post War kasoo baxay Amisom oo shaki weyn geliyey xukunkii dilka ee lagu riday askarta appeared first on Caasimada Online.
  19. Baraawe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab oo ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu iska hor imaad toos ah oo u dhexeyey ciidamada Xoogga iyo ragii weerarka qaaday uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaasi, waxaana ay shaaciyeen inay jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 5 xubnood, kana furteen hubkoodii. Dhankiisa taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inay guullo ka gaareen ciidamada dowladda, wuxuuna tilmaamay taliyuhu inay mar waliba diyaar u yihiin ka hortagga weerarada Al-Shabaab, si loo sugo amniga guud ee dalka. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo weli dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada halkaasi. Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo galaya Koonfur Galbeed. Si kastaba, xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha ayaa had iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidan ee ku yaalla gobolkaasi. The post Al-Shabaab oo jab lagu gaarsiiyey dagaal ka dhacay BARAAWE appeared first on Caasimada Online.
  20. Paris (Caasimada Online) – Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa baaritaan ku billaabay kufsi la tuhunsan yahay in gabar askari ah loogu gaystay gudaha xarunta madaxtooyada Faranasiiska ee Paris bishii July, kaasi oo lagu eedeeyey askari kale, waxaa sidaas AFP u sheegay il-wareedyo garsooor. Kufsiga la tuhunsan yahay ayaa dhacay bishii July xilli ay socotay xaflad loo sameynayey Jeneral iyo laba qof oo kale, oo uu ka qeyb galay madaxweyne Emmanuel Macron, sida uu shaaciyey wargeyska maalinlaha ah ee Faransiiska ee Libération, oo ahaa kan ugu horreeyey ee xogtan shaaciya. Askariga la eedeeyey ayaa waxaa su’aalo weydiiyey dacwad-oogayaasha 12-kii July, waxaana u harsan su’aalo kale, hase yeeshee weli si rasmi ah dacwad looguma soo oogin, sida uu sheegay ilo-wareedka garsoor. Xafiiska madaxweyne Macron ayaa ahmiyad ka dhigtay inuu iska ilaaliyo fadeexad kale oo qabsata tan iyo shaac ka qaadistii ceebta laheyd ee ku saabsaneyd in mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah uu weeraray qof da’yar oo dibad-bax dhigayey, bishii May ee 2018-kii. Askarigaas oo lagu magacaabo Alexandre Benalla ayaa toddobaadkii tegay lagu xukumay saddex sano ee xabsi ah, balse ma geli doono xabsi marka la eego xeerka xukunada Faransiiska, wuxuuse xiran doonaa aalad lugta lagu xirto oo la socota dhaq-dhaqaaqiisa. Sida uu sheegay wargeyska Libération, gabadha sheegtay in la kufsaday iyo askariga ay eedeysay ayaa saaxiib ahaa, waxayna ka wada shaqeynayeen xafiis amnigiisa aad loo sugo oo ka tirsan madaxtooyada Élysée Palace, oo shaqadiisu tahay arrimaha xasaasiga ah ee dowladda gaar ahaan, sirta culus. Wargeyska ayaa sheegay in gabadha ay ashtakada kufsi ka diiwaan-gelisay saldhig boolis oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada, islamarkaana askariga la eedeeyey laga joojiyey shaqada Élysée. Sarkaal ka tirsan madaxtooyada oo arrintan wax laga weydiiyo ayaa AFP u sheegay “islamarkii eedeyntan ay timid, waxaa la qaaday tallaabooyin deg deg ah oo lagu taageerayo dhibanaha la sheegay, islamarkaana eedeysanaha ayaa deg deg looga wareejiyey xarunta Élysée.” Wasaaradda gaashaandhigga Faransiiska waa ay diiday inay ka hadasho arrintan. The post FADEEXAD culus oo ka dhacday gudaha xarunta madaxtooyada Faransiiska appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa mar kale war kasoo saartay qaraxii Khamiistii ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Al-Shabaab oo horey u sheegtay inay qaraxaas la beegsatay saraakiil Mareykan ah, balse aan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, ayaa war xalay kasoo baxay ku sheegatay inay qaraxa ku dishay ugu yaraan 12 askari oo isugu jira caddaan iyo madow. Al-Shabaab ayaa sheegtay in saraakiisha “ay dileen ay u shaqeynayeen shirkad lagu magacaabo Pacific Architects and Engineers oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano PA&E, taasi oo arrimaha difaaca iyo militariga ka caawisa,” ciidamada Mareykanka, kuwa Amisom iyo kuwa dowladda federaalka. Al-Shabaab ayaa laba ka mid ah dhalashada askarta ku sheegtay Mareykanka iyo Ugandan, hase yeeshee ma aysan shaacin dhalashada 10-ka kale, ee ay dhimashadooda sheegatay. “Camaliyaddii istish-haadiyada ee Khamiistii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacday waxaa ku dhintay sarkaal American ah iyo mid Yugaandheys ah oo ka tirsanaa ilaalada shirkadda Pacific Architects and Engineers,” lagu yiri warka kasoo baxay xarakada Al-Shabaab. Qaraxaas ayaa xogta ay warbaahinta heshay waxay sheegeysaa inay ku dhinteen saddex qof oo shacab ah, tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen. Waxaa sidoo kale ku gubtay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidanka Amisom, hase yeeshee si rasmi ah looma oga khsaaraha gaaray, maadaama Amisom aysan shaacin khasaarahooda inta badan The post Al-Shabaab oo sheegatay dilka 12 askari oo caddaan iyo madow ah kadib qarax ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. Anchoring on My Uncles’ Fairy Tales Fadhi-ku-dirir (fighting while sitting) is a term used to describe political arguments between Somalilanders which employ rumours and supremacist clan-based fairy tales. Belligerent in nature, fadhi-ku-dirir is merely for entertainment and for the sake of argument itself. From a young age, I was told, don’t take your uncle’s fairy tales seriously. However, no one has told that to Claire Elders in her latest article in the reputable International Affairs journal. In this blog, I will explain how such a scientific paper does not even meet the standards of a news article let alone peer-reviewed journals. It is an insult not to Somaliland but to science and research methods. If Claire or the publisher did not take corrective actions, it will damage the reputation of the International Affairs journal. By recycling her elite based criticism in Somalia and some outdated research from the 90s, the author highlighted the undeniable relative oligarchy and peaceocracy in Somaliland. Reading the first paragraphs, I was happy and satisfied that at last someone is criticizing our politics without looking through the lends of clans. Unfortunately, that joy did not last as the author has jumped into the mud of tribal rhetorics which revealed major flaws in the author’s understanding of Somaliland’s civil wars history. A misunderstanding that in part explains the author’s over-exaggeration of oligarchy in Somaliland. Misunderstanding of Somaliland’s Civil War The author starts her alternative narrative by saying the Garhajis clan outnumbers other clans. Anyone who works with Somaliland people knows that every major clan claims to be the most populous. There is no census that has ever been conducted to answer that. Even the British Somaliland’s records were based on guesstimates based on the dia group numbers which did not take into account the fact clans pay dia differently. The author could have said instead: “the perceived domination of Garhajis clan by its leaders has led to so and so”. Even then, this narration is dead on arrival. The Somaliland clan structure makes it impossible for any clan to oppress and target another even the least `populous` clan. Except for the Gabooye, every other clan enjoys a relative local majority within its traditional territory. In this country, no clan can oppress another and so it does not really matter who is more populous than who unless in a Fadhi-ku-dirir session which I am not interested in. The author then built on top of this fairy tale by linking ‘domination of Garhajis’ to some inherited colonial-era privileges. In every turn of this fairy tale, there is an amount of anchoring, bias and absolutism. Didn’t the British hand over Somaliland after independence to a non-Garhajis prime minister? Didn’t the author herself and others describe the union with Somalia as long and leading to loss of power to all Somalilanders? What privileges existed and then survived all that time and events? A double fallacy. Back to the civil war. It was not about Garhajis domination. It was about any clan’s domination. If the first president of Somaliland was from any other clan, the same events would have occurred. Coming from a liberation war, any SNM leader governing Somaliland on the first day would think that through the loyalty of his clan, he can make changes without any consensus or help from the elders. That is the lesson from Somaliland civil wars, delegating the power of negotiation to the Guurti to build the nation. Also, the other lesson is to not use our clan as a source of executive power. Later, Egal managed to successfully create the identity of Somaliland institutions when he turned against his own clan members from the SNM by replacing them with Garhajis clan members. Speaking about oligarchy, this refutes the whole premise of the paper at least during that period. Egal’s civic nationalism has led to an alliance of leaders that were fighting against each other in the civil war. Compare that to the American oligarchy with Clintons and the Bushs! Dahir Riyaale and the Guurti Sacrifice This takes me to talk about a major event in Somaliland history where for the first time a non-elite Khat trader from the Awdal Clan clan becomes a president. The author is prematurely dismissive of this event calling it “accidental”. There are several counterarguments here: President Dahir Riyaale was re-elected, he is the longest-serving president in the past 2 decades and he maintained the alliance with Garhajis elites. This is enough to dismiss the alleged oligarchy during that period as well. However, here is the main counter-argument: it was not accidental. As per Somaliland’s constitution, if a president is unelected (Egal) and he dies, the next person in power is the head of the parliament which was at that time: Sh Ibrahim Sh Madar. The Guurti of Somaliland however (the alleged oligarchy elite) has chosen Riyaale instead. Sheikh Ibrahim proposed that he would voluntarily forsake the position for Riyaale to become the president in the interest of the country which stunned the then Speaker Qaybe and deputy speaker Jirde. Qaybe has on several occasions later expressed his admiration for the Sheikh’s wise decision and statesmanship. The Guurti saw this would help in Somaliland for all (Somaliland la wada leeyahay) through actions and not slogans. Siilaanyo and the new parties In 2012, president Siilaanyo amended the electoral law. This allowed new parties to participate in national elections once every 10 years. The author mentions that new party participation was frozen since 2002, which is simply not true. Claire should have taken an interview with me as I was a Qaran supporter in 2010 following my father a Gabiley Clan who was a leader in Qaran which was headed by a Garhajis leader Dr Gaboose. The Irony was that we met with Abdirahman Ciro, speaker of the parliament and Garhajis supporting Dahir Riyale at the time. Ciro rejected the idea of opening new parties and said it was against the constitution, which wasn’t true. Later Ciro will be the one who will benefit from us (Qaran) when Kulmiye opens the new parties and opportunistic Ciro creates Wadani which replaces Udub. These events refute the whole narrative of Claire that Somaliland elites work against other’s clans or that political parties were frozen in 2002. The struggle of Qaran (many of its leaders were jailed) and the vision of President Siilaanyo were another example of how Somaliland kept its oligarchy at bay. Bihi and Djibouti From the Garhajis/Wadani based narrative, it is clear that Claire focused on only the arguments from Wadani instead of looking at Somaliland as a whole. Somaliland dual national companies in Djibouti and Somaliland were not alone in funding elections campaigns. For example, why would the author mention SomCable and not Telesom which supported Udub against Siilaanyo? Using the same arguments, one can say Telesom undermined Somaliland democracy since a Mogadishu businessman holding a majority shareholder in Telesom has funded UDUB so it wins a government fibre deal. This is a partisan and tribal view which is a common theme in the article. Omitting the other actors gives a false perception of the degree of oligarchy in Somalilland. Corruption and “Jeeganism” In her Wikipedia of topics, corruption has been mentioned a lot in Claire’s article. I will not defend or support the material in this section since that should be the job of those who have been accused. It is good to know, however, that the masters behind of Siilaanyo’s decentralized kleptocracy have migrated to Wadani. The head of Somaliland parliament and the head of the party are those ministers that enabled such wide corruption. The author says Wadani might stand for Somaliland for all mantra and at the same time highlights how its new leaders were behind a decentralized kleptocracy. This oxymoron continues when speaking about how Bihi is part of jeegansim and at the same time how he stopped one of the airlines that were gained through that alleged corruption before him. This confused the readers. Is Bihi is part of jeegan or not? Bihi conducted elections of parliament during his term which meant losing control of the parliament. How is he then an authoritarian in Claire’s absolutism? I want to warn foreign scholars about the use of the word Jeegan. Every Somaliland political party seeks to form alliances based on clans. Wadani tried to form the Habar Garhajis alliance which included the Arab clan. UDUB did so between the Awdal Clan, Gabiley Clan and Garhajis. It is unprofessional for Claire to pick on only the alliances formed by Kulmiye and use a ‘street banter’, jeegan, in a research scientific paper. The research should have instead examined whether tribal alliances are merely election campaigns or the true power-sharing formula favouring clans and ‘territories’ within an alliance. It appears to be the former since the article fails to point out any allegation of such favouritism in Bihi’s government. The only corruption mentioned is personal to Bihi himself and told by no one other than an opponent working in Dahabshil. Democracy and Elections In case you have got lost in fairy tales, yes, this is our actual topic: democracy. Somaliland is the oldest democracy in the world. It stems from the pastoral life of its clans and elders. As we transition into a western form of democracy, we need to remember that the latter is a privilege gained from paying taxes. The author has ignored the relationship between taxation and democracy in Somaliland as of today. Most of Somalilanders’ income is from diaspora’s remittance and that affects the advancement of western and not pastoral democracy. In 2016, as an individual, I have paid more tax to the Australian government ($25,000) more than all Somaliland employees in the private sector. My clan leader has paid nothing to the Somaliland government and yet had the power to tell who can be a candidate in local elections. The article is focused on Somaliland political economy but fails to mention that company tax in Somaliland is one of the lowest in the world: 10%. Companies such Dahabshiil, Telesom and SomCable do not pay even half of their tax duties. For them, it is much cheaper to fund a Wadani or Kulmiye campaign. While the author touched on the importance of regulation of such funding, it worked against it when painting Bihi as a socialist like Siyad Bare and ‘bad’ for business just for asking companies to do their taxes. I have strong opinions against Muse Bihi however, the article is incoherent in its evaluation of his performance. There are already active global monitors of Somaliland democracy who have a great reputation. Freedom House is one such organization. Every year, it publishes comprehensive reports about the trends of democracy in Somaliland. In these reports, Somaliland is always placed as Partially free and not completely free. However, Somaliland is still the freest and most democratic country in the horn of Africa. It is important to stress that Somaliland never claimed to be perfect and therefore Claire’s narrative, besides being over-exaggerated, has missed the crucial role of the positive, now more accurate, Somaliland democratic success story. We have reached a state where others are benefiting from Somaliland more than Somaliland itself. As we speak genocides are taking place in Ethiopia and ethics groups are trying to dominate each other. The story is beyond seeking recognition or geopolitics. Somaliland is a model for stability in the burning Horn of Africa whether it is recognised or not. Scientific Research should focus on all the aspects of an issue instead of focusing on achieving a certain sentiment. An example of a missed aspect is that the author did not discuss how a certain degree of local oligarchy is preferable to being a complete game of chess in the control of external actors which is the case in Somalia. Similar to democracy, there are already independent elections observers starting from the 2001 referendum. In those reports, Somaliland has been improving in both freeness and fairness since then despite what the author claimed. It is quite unblievable to say that May 2021 was highly rigged and without any references for that while going against the reports from international observers. “Isaaqsim” in Somaliland I have heard a lot about how the move from tribal quota to democratic elections have led to more Isaaq in power. While is this is true, it is important to stress that is not a result of tribal bigotry against the non-Isaaq clans. Again, the article mentioned this in the conclusion without fair coverage. Should we become less democratic and go back to a tribal-based quota? First of all, let’s speak about the fact we have new non-isaaq businesses in Somaliland such as HAAS petroleum which is something never happened during the tribal quota era in the 90s. Now, let’s take one step back and revisit what Isaaq actually means: In Somaliland, there is a core economic triangle zone that existed for ages (Berbera, Hargeysa, Burco) belonging to this area means more money, connections and thus power. There is no single clan living in the zone. In 1880s, the British did not sign a treaty with 1 Isaaq Sultan, they did with several. This is an established fact that Isaaq is a group of clans in the political context. Few Somalians refuse this fact to downplay the progress of Somaliland. The economical zone is inhabited by the Isaaq clans who politically and economically have competition between them. This rivalry has indirectly alienated other disadvantaged areas outside zone (which happen to be clans that are non-Isaaq). There is no bigotry between Isaaq clans & non-isaaq clans. The Harti & Dir Somalilanders are not a minority in numbers to be oppressed. They are as big in numbers as some of Isaaq clans. However, they’re not linked in the zone which gives them a sense of being a minority sometimes. I am saying non-isaaqs are left behind *sometimes* and not always because there is already a quota system in some places but not everywhere. We have it in the ministerial positions but not the parliament. We have it in the vice-presidential position but not the political parties. And here is why I’m against highlighting that there are more members of Isaaq without deeper analysis: We need to understand it’s not a bigotry issue but there are disadvantaged areas – again not clans – which need investments to connect & compete. Having said that, we should not forget that the highest MP with votes in the 2021 Somaliland parliament elections is a non-Isaaq clan member and most of the funding and votes were from the Isaaq clans members. Not only refuting Claire’s narrative, but this also has given hope to Somalilanders that any change is possible through their votes Conclusion Claire’s article had the context and focus to present a new narrative on why democracy is weaker in Somaliland but somehow she went too far into irrelevant and misunderstood past. The author seems to have become lazy and copy-pasted the raw data from the research without connecting the dots and noticing the contradictions. Somaliland is at the crossroads between continuing the rivalry between the Isaaq clans and letting that dominate every discourse or completing the nation-building process. Sadly while the article highlighted much-needed discussion on oligarchy, it is largely part of the problem and not the solution. The ugly turn for Claire’s article was when started anchoring on my uncles’ fairy tales. I hope the author and others refine their stories and also seek to hear what the other parties think. It is totally unacceptable that peer-reviewed articles do not follow such basic decent journalism. On a positive note, Claire might have given us the courage to talk about topics such as Somaliland Civil War, ‘Isaaqsim’ and ideas on how to advance our democracy. Abdi Daud Haadka.com Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda howlgallo ay sameynayaan ciidamada ammaanka, sidoo kale saraakiil ciidan iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tegay goobo dhowr ah, halka howlgal ka dhacay degmada Deyniile ay ciidamada NISA ku soo qabteen waxyaabaha qarxa. Ugu horeyn howlgal ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ay caawa ka fuliyeen xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile ayaa lagu soo saaray miinooyin la sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen qeybo ka mid ah xaafadaas, waxaana lasoo bandhigay sawirrada miinooyinkaas. Sidoo kale degmooyin ay ka mid yihiin Hodan, Howlwadaag iyo Waaberi ayey caawa ka socdaan howlgalladaas oo lagu baacsanayo burcadda habeenkii dhaca ka geysata degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen saraakiil qeyb ka ah howlgallada. Dhanka kala guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa caawa kormeer ku tegay wadada isku xirta Saldhiga Bari ee degmada Cabdicasiis ilaa Isgooska Mirinaayada, halkaas oo maamulka gobolka Banaadir uu dhawaan ka hirgaliyey leyrarka Cad-Ceeda ku shaqeeya, kuwaas oo Guddoomiye Cumar uu sheegay inay kor u qaadeen bilicda wadadaasi, isla markaana uu leyrku muhiim u yahay sugidda ammaanka. Weli laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah kama soo saarin howlgallada caawa ka socda magaalada Muqdisho iyo cidda lagu soo qabtay, marka laga reebo sirdoonka gobolka Banaadir oo soo bandhigay sawirrada miinooyinkaas lagu aasay qeybo ka mid ah degmada Deyniile. Mudooyinkii dambe waxaa sii xumaanayey ammaanka caasimadda Muqdisho, xilli doorashooyinkii golaha shacabka ay ka bilaaban rabaan, waxaana ugu daran tuugada dhaca u geysaneysa dadka shacabka ah, kuwaas oo mararka qaar dila dadka ay dhaca u geysanayaan. The post Howlgallo culus oo caawa ka socda Muqdisho iyo qaraxyo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war kasoo saaray geedi socodka doorashooyinka dalka, isagoo aad u soo dhaweeyey doorashadii golaha Aqalka Sare ee maanta la soo gabagabeeyey, sidoo kale Farmaajo ayaa qoraalkaan ku amaanay doorka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ee qabsoomidda doorashooyinka dalka. “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Hoos ka akhriso isagoo dhameystiran Muqdisho, Nofeembar 13, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hambalyeey guusha dhammeystirka doorashada Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey dardar-gelinta doorashada. Madaxweynaha ayaa xusay sida xilkasnimada ah ee Madaxda Dowlad-goboleedyada dalku ay u guteen waajibaadka Qaranka ee ka saarnayd soo gudbinta musharaxiinta Sanatarrada Aqalka Sare, waxa uuna ku ammaanay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaannada heer Dowlad-Goboleed gudashada masuuliyadda kaga aadanayd doorashada Sanatarrada Aqalka Sare. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Amniga Doorashooyinka iyo Ciidanka Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sugidda ammaanka goobaha doorashada Aqalka Sare, isaga oo tilmaamay kartida iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin qabashada doorasho ka turjumeysa hor u socodka dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha Soomaaliyeed. DHAMMAAD The post Farmaajo oo war ka soo saaray mowqifkiisa doorashada ka socota dalka appeared first on Caasimada Online.
  25. Laba qof oo haween ah ayaa ku geeriyooday 14 qof oo kalena waa ay ku dhawaacmeen Shil baabuur oo hadda ka dhacay degaanka Beer ee bariga Burco. Shilkan ayaa waxa sababay isku dhaca Laba gaadhi oo kala ahaa Gaadhi bas ah iyo Xaajiyad. Cusbitaalka wayn ee burco ayaa la soo gadhsiiyey dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi. Source