Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Godoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka oo Ku sugan Dalka Rwanda. ayaa kulamo kala duwan la Yeeshay madaxda hay’addaha Garsoorka, dambi baadhista, asluubta, Xeer Ilaalinta iyo iskaashiga Rwanda. Kulamadaasiayaa diirada lagu saaray xoojinta xidhiidhka bahda caddaaladda Soomaaliya iyo Rwanda iyo gaar ahaan hannaanka ay Rwanda ugu guurtay hannaanka electroniga ee maamulka iyo maaraynta caddaaladda. “Boqoshadii aanu Kigali ku joognay ayaa si guul leh noogu soo dhammaatay. Waxaan reer Rwanda uga mahadcelinayaa soo dhoweynta ay noo saameeyeen,waxaanan ku bogaadinayaa horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsadeen”,sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka. PUNTLAND POST The post Madaxda Garsoorka Soomaaliya iyo Ruwanda oo kulamo yeeshay appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah doorashada golaha shacabka ay u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November. War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay in sidoo kale doorashada golaha shacabka lagu soo gabagabeyn doono 24 bisha soo sicota ee December. Halkaan hoose ka akhris warka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, islamarkaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Noofeember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey. Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqay guddiyada kala gedisan ee doorashada ee heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 Noofeembar 2021. Waxaan guddigu Dowladda Federaalka ka codsaday in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan. Waxaan qaybaha siyaasaadda, daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegeen in 24 Diseembar 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka. Waxaa guddigu intaasi ku daray in ay lagama maar-maan tahay mudadaasi kaddib la galo dhaarinta gollaha shacabka iyo dooraashada madaxweynaha si dalku u yeesho hay’ado dastuuri ah oo si sharci ah ku yimid. Guddiyadu waxay ugu baaqeen madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo. Guddiga doorashooyinka Heer federaal, waxaa uu si deg deg ah u geynaya dhammaan gobollada doorashadu ka dhacayso agabkii loogu talo galay doorashada wakhtigaan la qabtay ka hor. Guddigu, waxaa uu ugu danbeyntii ugu baaqeen madaxda Qaranka, bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha taageeraya Soomaaliya in ay si buuxda ugu hawl galaan mudada doorashada loo qabtay in lagu soo dhamaystiro xubnaha baarlamaanka labada aqal ee harsan. The post Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay xilliga ay bilaabanayso doorashada Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.
  3. Maxkamad ku taal dalka Mayanmaar ee ay maamulaan ciidamada ayaa xabsi gaaraya 11-sano oo xarig ah ku xukuntay suxufi u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Danny Fenster . Suxufigaasi oo bishii May lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Yangon ayaa lagu helay saddex eedeymo oo ay ka mid ahaayeen kicin, kacdoon iyo ‘argagixiso’. Goobtii lagu Maxkamadeeyay saxafigaasi ayaa la sheegay in loo diiday qeybaha warbaahinta iyo shacabka,sida laga soo xigtay qareenka saxafigaasi. Danny Fenster, ayaa ahaa tifaftire iyo wariye ka tirsanaa majaladda Myanmar’s Frontier. PUNTLAND POST The post Myanmar oo xukun ku ridday suxufi Maraykan ah appeared first on Puntland Post.
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa shuruud ku xirtay haddii wadahadal ay ka galeyso dagaalka sanad jirsaday ee kusii siqiya Magaalada Addis Ababa oo ah Caasimadda & xarunta Midowga Afrika. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Dina Mufti ayaa sheegay in haddii TPLF ay ka go’an tahay in laga xaajoodo colaadda looga baahan yahay in ay kasoo baxaan shuruudaha ay soo bandhigtay Dowladda. “Iney fallaagada TPLF ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen deegaannada Amxaarada iyo Cafarta, Iney aqoonsadaan dowladda dhexe ee dalka ka arrimisa iyo xoogagga TPLF weerarrada ay fulinayaan iney joojiyaan,” ayuu yiri afhayeenka. “Seddexdan qodob “wadahadalladu iney shuruudo u noqdaan iyo ineysan u noqon labaduba wey dhacdaa”, balse ilaa iyo hadda wax wada hadal oo dowladda dhexe iyo TPLF ka dhex billaawday ma jiraan, wax go’aan ah oo wadahadal laga gaarayna ma jiraan” ayuu yiri. “Dalka Itoobiya marweliba nabad ayuu doonayaa, maadaamaa dalku uu sabool yahay si horumarka ahmiyadda uu u siiyo” ayuu yiri. Afhayeenku waxaa kale uu sheegay dagaalka deegaanka Tigraay ka soo billaawday oo haatan ka socda deegannada Amxaarada iyo Cafrata inuu yahay mid dowladda raalli ka ahayn balse lagu qasbay. Waxaase jira qodobo kale balse waxaa ugu muhiimsan in TPLF culeyska ka qaado Addis Ababa, xareynta maleeshiyaadka hubeysan ee hubka u qaatay sidii loo difaaci lahaa Ismaamulka dhaca waqooyiga dalkaas. Waxaa socda dedaallo kala duwan oo xal loogu raadinayo colaadda ka jirta Itoobiya, garwadeyn waxaa ka ah madax kala mataleysa Midowga Afrika & Qaramada Midoobay oo la kulmay labada dhinac. Isniinta oo ku beegan 15-ka November 2021 waxaa Magaalada Kampala caasimadda Uganda lagu qabanayaa shir ay ka qaybgalayaan madaxda Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD si ay go’aamo uga soosaaraan xaaladda Itoobiya. The post Abiy Ahmed oo shuruud adag ku xiray wada-hadal uu la galo TPLF appeared first on Caasimada Online.
  5. Somali artisan Muse Mohamud Olosow carefully sorts through a huge pile of camel bones, discarded by a slaughterhouse in Mogadishu, selecting pieces that he will carve into jewellery and ornate beads used by fellow Muslims while reciting prayers. Source: Hiiraan Online
  6. Hussein Ali Yussuf, 17, went back to class on 16 October, although his school, Barey Elementary in Jowhar, is now operating outdoors, after the classrooms were destroyed by severe flooding that occurred in southern Somalia’s Middle Shabelle region in May. Source: Hiiraan Online
  7. Taalibaan ayaa sheegtay in ay xakamaysay halista kooxda Daacish ku haysay dalka Afghanistan. Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Daacish aysan aheyn halis weyn waddanka Afghanistan. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga la dhigay ilaa 600 oo isugu jira xubnaha kooxda Daacish iyo dad taageersan. Daacish ayaa 2014-tii kasoo caan baxday Syria, waxayna dhiiri gelisay kooxo badan oo caalamka ka dhisan, ayada oo kooxda Daacish ee Afghanistan ay isku magacowday Khorasan. PUNTLAND POST The post Taalibaan oo xabsiga dhigtay xubna ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.
  8. Djibouti will square off with Algeria in their penultimate 2022 FIFA World Cup qualification Group A match at the Cairo International Stadium in Egypt on Friday. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka. Kulankaas u dhaxeeyay Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka. Kulankan ayaa yimid saacado kadib markii Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal ay war-saxaafadeed ay shalay soo saareen ku shaaciyeen inuu faray maamul goboleedyada dalka inay doorashada xildhibaanada golaha shacabka billaabaan 16-ka November 2021. “Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqay guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 November 2021,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Guddiga ayaa xukuumadda Rooble ka codsaday in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan. The post Rooble iyo madax maamul goboleedyada oo gaaray go’aan la xiriira doorashada appeared first on Caasimada Online.
  10. Qaahira (Caasimada Online) – Imaamka Al-Azhar, Sheikh Ahmed Al Tayyeb ayaa si xooggan u cambaareeyey isku day lagu aas-aasayo diin cusub oo la yirhaado Ibraahiimiyad, oo la abuurayo ayada oo la mideynayo saddexda diin ee Islaamka, Kirishtanka iyo Yahuudda. Dadka ololahan wada ayaa ku dooda in saddexda diin ay isku asal yihiin oo laga soo gaaray Nebi Ibraahim Calayhi Salaam, laguna magacaabo “Abrahamic Religions.” Isaga oo ka hadlayey shir ka dhacay Al-Azhar, ayaa waxa uu isku daygan ku qeexay dhalanteed iyo xoriyadda damiirka qofka oo lala wareego. Waxa uu isku daygan la meel dhigay calmaaniyeynta iyo dhameynta taariikhaha. “Baaqyadan waxay sida muuqata ku saabsan yihiin mideynta Yahuudda, Kirishtanka iyo Islaamka oo laga dhigayo hal diin oo lagu magacaabo Ibraahiimiyad,” ayuu yiri Sheikh Ahmed Al Tayyeb. “Baaqyadan waxay la mid yihiin calmaaniyeynta, dhammaadka taariikhaha, anshaxa caalamiga ah iyo wax la mid ah. Dusha sare waxay uga muuqdaan sare u qaadidda isku duubnida aadanaha iyo midowgooda, iyo soo afjaridda khilaafyada,” ayuu ku daray. Waxa uu si kastaba sheegay in soo jeedinta noocan ah ay bani’aadamka ka qaadeyso xoriyadda diimaha. “Innaga oo ka duuleyna rumeynteena diimaha samaawiga ah, waxaan rumeysanahay inaysan suurta-gal aheyn in bani’aadamka ay ku heshiiyaan hal diin, marka la eego kala duwanaanshaha dadka ee midabka, caqiiqdada, maskaxda, luuqadaha iyo xitaa raadka faraha. Dhammaan arrimahan waa taariikhi iyo xaqiiqo saynis ah, waxaana tani sidoo kale xaqiijiyey qu’raanka kariimka ah,” ayuu yiri Doodda ku saabsan in saddexda diin la mideeyo ayaa sare usii kaceysay dhowaanahan, gaar ahaa tan iyo markii dhowr dal oo Carab ah oo Imaaraadka Carabta hormuud u yahay ay xiriir diblomaasi la yeesheen Israel. The post Imaamka Al-Azhar oo si weyn u diiday qorshe lagu abuurayo diin cusub oo la yiraahdo… appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kala shaki la sheegay inuu soo kala dhex galay Musharaxiinta Mucaaridka oo ku mideysan Gole mucaarid ah. Waxa uu sheegay inaysan waxba ka jirin tuhunka laga qabo in kala shaki soo kala dhex galay Mucaaridka, islamarkaana ay iskugu kalsoon yihiin sidii hore, oo ay yeeshan kulamo ay uga arrinsanayaan doorashada. “Siyaasadda sideeda waa iska tuhun, qof aan wax lagu eedeynayn oo siyaasada soo aaday majirto, anaga shalay sidii aan iskugu kalsooneyn ayaa iskugu kalsoonahay. Xalay waxaa laheyn shir Zoom-ka ah oo mid kale waa isku ballansanahay,” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle. Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka arrinsanayaan arrimaha doorashada oo ay ka soo saarayaan mowqif mideysan, uusan jirin wax tafaraaruq ah oo soo kala dhex galay oo wiiqaya ujeedkii loo sameeyay Golaha ay ku mideysan yihiin mucaaridka. “November 19-keedii sanadkii 2020-ka ayaa isku nimid doorasho ayaa riixeynay sanadkii waxyar baa ka dhiman, shaqadii aan u taagneyn sidii ayaa u taaganahay, laakiin group-kii xiligaas shiray sidii ayay u shiraan oo go’aanka u leeyihiin.” Waxaa muddooyinkii dambe isa-soo tarayay tuhuno la xiriira in Midowga Musharaxiinta uu soo kala dhex kala shaki, oo qaarkood ay u janjeedhsameen madaxtooyada, taasi oo uu beeniyay Musharax Daahir Geelle. The post Midowga Musharraxiinta oo ka hadlay shaki la sheegay inuu soo kala dhex-galay appeared first on Caasimada Online.
  12. Tehran (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Amir Ali Hajizadeh ayaa Khamiistii sheegay in Israel ay u qoran tahay “ in la cirib-tiro” islamarkaana tallaabo kasta oo ka dhan ah Iran oo ay qaado ay taasi soo dedejin doonto. Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo madaxda amniga Israel ay dhowaanahan sare u qaadeen hadallada ka dhanka ah Iran, ayada oo madaxa ciidamada Israel Aviv Kohavi uu Talaadadii shaaciyey in militariga ay sare u qaadeen diyaarinta weerar lagu qaado goobaha Nukliyeerka ee Iran. Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Tehran, ayaa Amir Ali Hajizadeh wuxuu ugu jeesjeesay Israel “inay tahay taliska kaliya ee dunida ka jira ee ka doodaya sidii ay ku badbaadi lahaayeen.” “Taliska Sahnuuniyadda ee ka hadlaya jiritaankooda waxaa u qoran baaba’ mana ka hadli karaan burburinta dalal kale,” ayuu yiri Amir Ali Hajizadeh oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Tasnim. “Haddii ay ku adkeysanayaan inay xaddidaan awoodaheena gantaallo iyo diyaaradaha drone-ka, waxay taasi muujineysaa awooddeena.” “Ma dooneyno inaan qeexno awooddeena, sababtoo ah cadowga ayaa si ku filan uga hadla gantaallada Iran iyo difaaceenna,” ayuu yiri. Isaga oo ka jawaabaya hadalka saraakiisha Israel ayaa waxaa u yiri “Dalka Yahuudda ah dagaal waa uu billaabi karaa, balse Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa kusoo afjari doonta cirib-tirka taliska Sahnuuniyadda.” “Haddii Taliska Sahnuuniyadda uu Jamhuuriyadda Islaamiga ah siiyo qiil, waxay taasi dedejin doontaa baabi’intooda.” Dhinaca kale, ciidamada cirka Israel ayaa sheegay inay dhowaan billaabi doonaan diyaarinta weeraro lagu qadaayo goobaha Nukliyeerka Iran. Hajizadeh ayaa sheegay in hanjabaadda Israel ee ka dhanka ah Iran, gaar ahaan goobaha Nukliyeerka, loogu talo-galay in lagu hurudsiiyo shacabka. “Israel waa ay billaabi kartaa weerar ka dhan ah Iran, balse natiijada kasoo baxda inanga ayaa go’aamin doonna,” ayuu yiri. The post Amir Ali Hajizadeh: “Israel dagaal way billaabi kartaa balse IRAN ayaa soo afjari doonta” appeared first on Caasimada Online.
  13. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dina Muftii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Diina Muftii ayaa sheegay haddii la doonayo dagaalka waqooyiga Itoobiya muddo sanad ah ka socda nabad lagu soo afjaro in TPLF looga baahan yahay inay ka soo baxaan dhowr shuruudood. Afhayeenka oo maanta shir jaraa’id oo uu kaga hadlayey xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay xafiiskiisa ku qabtay wuxuu sheegay haddii la donayo dagaalka in nabad lagu soo afjaro TPLF looga baahan yahay iney seddex arrimood sameeyaan. “Iney fallaagada TPLF ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen deegaannada Amxaarada iyo Cafarta, Iney aqoonsadaan dowladda dhexe ee dalka ka arrimisa iyo xoogagga TPLF weerarrada ay fulinayaan iney joojiyaan,” ayuu yiri afhayeenka. “Seddexdan qodob “wadahadalladu iney shuruudo u noqdaan iyo ineysan u noqon labaduba wey dhacdaa”, balse ilaa iyo hadda wax wada hadal oo dowladda dhexe iyo TPLF ka dhex billaawday ma jiraan, wax go’aan ah oo wadahadal laga gaarayna ma jiraan” ayuu yiri. Dowladda Itoobiya oo wacad ku martay inay ka adkaaneyso TPLF Sida Itoobiya ay isu soo bedeleysay 50-kii sano ee la soo dhaafay “Dalka Itoobiya marweliba nabad ayuu doonayaa, maadaamaa dalku uu sabool yahay si horumarka ahmiyadda uu u siiyo” ayuu yiri. Afhayeenku waxaa kale uu sheegay dagaalka deegaanka Tigraay ka soo billaawday oo haatan ka socda deegannada Amxaarada iyo Cafrata inuu yahay mid dowladda raalli ka ahayn balse lagu qasbay. Odayeynta Obosaanjo Madaxweynihi hore ee Nigeriya Olesengo Obosanjo oo dhawaan loo magacabay ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Midowga Afrika wuxuu dhawaan kulammo uu la yeeshay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa TPLF. Wuxuuna Obasanjo BBC u sheegay dadaalka uu u galay iyo kulammada uu la yeeshay labada dhinac midkoodna ineysan diidin baaqi wadahadalka uu ugu yeeray. Diina mar uu ka hadlayey kulanka labada dhinac uu la yeeshay Olesengo Obasanjo wuxuu sheegay Ergeygu inuu ku gudajiro u kuur gelidda xaaladaha dhabta ah ee jira. Wuxuuna intaa ku daraya Obosanjo inuu magaalooyinka Addis Ababa, Maqale, iyo deegaanna kalaba iyo madaxda sare ee midowga Afrikaba kulammo uu la yeelano ay u socdaan. “Mowqifka Itoobiya muxuu yahay haddii la iweydiiyo, annagu nabadda mowqif cusub kama taagnin, waxaanna marweliba diyaar u nahay wax kasta oo caqabad ku noqon kara in nabad la helo sidii meesha looga saari lahaa inaan u golol xaadhno. Haddii wax kasta oo nabadda caqabad ku noqon kara meesha laga saaro ma jirireyso sabab aan waddada nabadda u qaadeyn,” ayuu yiri. Wuxuuna intaa raaciyey Itoobiya iney ka mid tahay waddamadi aasaasay midowga Afrika. Dareenka Midowga Afrikana si gaar ah ayaan u ixtiraameynaa. Dadaal kasta oo Midowga Afrika uu wado si dhibaatada xal looga gaaro dadaal weliba waan ka hormarineynaa waana soo dhaweyneynaa, horayna waxaan u sheegnay xalka Afrika gacanta Afrikaanka ayuu ku jiraa. Xarigga shaqaalaha qaramada midoobay Qaramada Midoobay waxay shaaca ka qaadday in dhawaan magaalada Addis Ababa iyo deegaanka Cafarta shaqaalahooda iyo qoysaskooda lagu xiray. Waxayna dowladda u soo gudbiyeen codsi ah in faahfaahin laga siiyo sababta shaqaalahaasi loo xiray iyo in si degdeg ah lagu sii daaya. Itoobiyana waxay dadkaasi u xirtay ayuu yiri markii ay ku xadgudbeen sharciga xaaladda degdegga ah ee dhawaan dalka Itoobiya oo dhan la geliyey. Qaabkee ayay isku seegeen Itoobiya iyo waddaamda reer galbeedka? Isbarbardhigga awoodda militari ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya “Ha ahaadaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ama cid walba oo dalka Itoobiya ku nool, wuxuu wajib uu ka saaran yahay iney sharciga dalka u hoggaansamaan. Cid kasta oo sharciga u hoggaansaminna sharciga ay fakaneyn. Dad xiran wey jiraan. Dadkaasi xiranna waxay u xiran yihiin maadaamaa ay sharciga Itoobiya ku xadgudbeen gaar ahaanna bayaanka xaaladda degdegga” ayuu yiri. Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka socda ayaa billowday 4-ta bishii November 2020-ka kaddib marki ay dowladda dhexe ee Itoobiya sheegtay xogagga TPLF iney weerareeen saldhigga waqooyi ee ciidamada Federaalka ay ku lahayeen magaalada Maqale. Dagaalka Deegaanka Tigraay ka soo billawdayna wuxuu ku sii baahay deegaannada Amxaarada iyo Cafarta oo bilooyinki u dambeeyey dagaalka xooggiisa uu ka socdo Qaran News
  14. Qoraalka sawirka, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dina Muftii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Diina Muftii ayaa sheegay haddii la doonayo dagaalka waqooyiga Itoobiya muddo sanad ah ka socda nabad lagu soo afjaro in TPLF looga baahan yahay inay ka soo baxaan dhowr shuruudood. Afhayeenka oo maanta shir jaraa’id oo uu kaga hadlayey xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay xafiiskiisa ku qabtay wuxuu sheegay haddii la donayo dagaalka in nabad lagu soo afjaro TPLF looga baahan yahay iney seddex arrimood sameeyaan. “Iney fallaagada TPLF ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen deegaannada Amxaarada iyo Cafarta, Iney aqoonsadaan dowladda dhexe ee dalka ka arrimisa iyo xoogagga TPLF weerarrada ay fulinayaan iney joojiyaan,” ayuu yiri afhayeenka. “Seddexdan qodob “wadahadalladu iney shuruudo u noqdaan iyo ineysan u noqon labaduba wey dhacdaa”, balse ilaa iyo hadda wax wada hadal oo dowladda dhexe iyo TPLF ka dhex billaawday ma jiraan, wax go’aan ah oo wadahadal laga gaarayna ma jiraan” ayuu yiri. XAYEYSIIN Dowladda Itoobiya oo wacad ku martay inay ka adkaaneyso TPLF Sida Itoobiya ay isu soo bedeleysay 50-kii sano ee la soo dhaafay “Dalka Itoobiya marweliba nabad ayuu doonayaa, maadaamaa dalku uu sabool yahay si horumarka ahmiyadda uu u siiyo” ayuu yiri. Afhayeenku waxaa kale uu sheegay dagaalka deegaanka Tigraay ka soo billaawday oo haatan ka socda deegannada Amxaarada iyo Cafrata inuu yahay mid dowladda raalli ka ahayn balse lagu qasbay. Odayeynta Obosaanjo Madaxweynihi hore ee Nigeriya Olesengo Obosanjo oo dhawaan loo magacabay ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Midowga Afrika wuxuu dhawaan kulammo uu la yeeshay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa TPLF. Wuxuuna Obasanjo BBC u sheegay dadaalka uu u galay iyo kulammada uu la yeeshay labada dhinac midkoodna ineysan diidin baaqi wadahadalka uu ugu yeeray. Diina mar uu ka hadlayey kulanka labada dhinac uu la yeeshay Olesengo Obasanjo wuxuu sheegay Ergeygu inuu ku gudajiro u kuur gelidda xaaladaha dhabta ah ee jira. Wuxuuna intaa ku daraya Obosanjo inuu magaalooyinka Addis Ababa, Maqale, iyo deegaanna kalaba iyo madaxda sare ee midowga Afrikaba kulammo uu la yeelano ay u socdaan. “Mowqifka Itoobiya muxuu yahay haddii la iweydiiyo, annagu nabadda mowqif cusub kama taagnin, waxaanna marweliba diyaar u nahay wax kasta oo caqabad ku noqon kara in nabad la helo sidii meesha looga saari lahaa inaan u golol xaadhno. Haddii wax kasta oo nabadda caqabad ku noqon kara meesha laga saaro ma jirireyso sabab aan waddada nabadda u qaadeyn,” ayuu yiri. Wuxuuna intaa raaciyey Itoobiya iney ka mid tahay waddamadi aasaasay midowga Afrika. Dareenka Midowga Afrikana si gaar ah ayaan u ixtiraameynaa. Dadaal kasta oo Midowga Afrika uu wado si dhibaatada xal looga gaaro dadaal weliba waan ka hormarineynaa waana soo dhaweyneynaa, horayna waxaan u sheegnay xalka Afrika gacanta Afrikaanka ayuu ku jiraa. Xarigga shaqaalaha qaramada midoobay Qaramada Midoobay waxay shaaca ka qaadday in dhawaan magaalada Addis Ababa iyo deegaanka Cafarta shaqaalahooda iyo qoysaskooda lagu xiray. Waxayna dowladda u soo gudbiyeen codsi ah in faahfaahin laga siiyo sababta shaqaalahaasi loo xiray iyo in si degdeg ah lagu sii daaya. Itoobiyana waxay dadkaasi u xirtay ayuu yiri markii ay ku xadgudbeen sharciga xaaladda degdegga ah ee dhawaan dalka Itoobiya oo dhan la geliyey. Qaabkee ayay isku seegeen Itoobiya iyo waddaamda reer galbeedka? Isbarbardhigga awoodda militari ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya “Ha ahaadaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ama cid walba oo dalka Itoobiya ku nool, wuxuu wajib uu ka saaran yahay iney sharciga dalka u hoggaansamaan. Cid kasta oo sharciga u hoggaansaminna sharciga ay fakaneyn. Dad xiran wey jiraan. Dadkaasi xiranna waxay u xiran yihiin maadaamaa ay sharciga Itoobiya ku xadgudbeen gaar ahaanna bayaanka xaaladda degdegga” ayuu yiri. Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka socda ayaa billowday 4-ta bishii November 2020-ka kaddib marki ay dowladda dhexe ee Itoobiya sheegtay xogagga TPLF iney weerareeen saldhigga waqooyi ee ciidamada Federaalka ay ku lahayeen magaalada Maqale. Dagaalka Deegaanka Tigraay ka soo billawdayna wuxuu ku sii baahay deegaannada Amxaarada iyo Cafarta oo bilooyinki u dambeeyey dagaalka xooggiisa uu ka socdo. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ayaa wax aan la aqbali karin ku sheegay in maamulka gobolka Banaadir lagu soo doonto maamulkiisa. Nabadoon Xaad ayaa sheegay in la rabo in gobolka Banaadir aan wax lagu baran, oo ardey ka baasin, maadama waxbarashadii maamulkeed lagu wareejiyay ay Wasaaraddu markale rabto inay soo ceshato. “Duulaan qarsoon ayaa ku socda Banaadir waxaa la diiday in maamul uu sameysto, dad meel iska fadhiya ma nihin waa isku deynay in maamulka gobolka Banaadir uu yeesho maamul uu isaga leeyahay oo aayihiisa ka taliya, haddana waxaa moodaa wadadii aan haynaa,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. “Waxaa taageerayna waxbarashada gobolka Banaadir in loo daayo gobolka, sida dowlad goboleedyada kale xaq ugu leeyihiin ayuu u leeyahay. Uma dulqaadaneyno in siddeed kun iyo toban kun ay sanad walba dhacdo, mana yeelayno siyaasadaas waa diidnay.” Sidoo kale waxa uu ku baaqay in siyaasadeynta laga daayo waxbarashada, islamarkaana maamulka waxbarashada loo daayo maamulka gobolka Banaadir oo uu sheegay in uu isbedel weyn ku sameeyay. Nabadoon Xaad ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in adeeygada waxbarashada kala xisaabtamayaan maamulka gobolka Banaadir oo kal hore lagu wareejiyo, meeshana laga saaro carqaladeynta. Odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan oo maalmihii dambe shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday madaxda dalka in maamulka gobolka Banaadir ay wasaaradda waxbarashada ka deyso fara-gelinta qaawan, maadama uu dalka uu yahay nidaam federaal. The post Gobolka Banaadir ‘oo duulaan lagu soo qaaday’ appeared first on Caasimada Online.
  16. Rasaas xooggan ayaa saacado ka hor laga maqlay buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari. Wararku waxay sheegayaan in ciidamada difaaca Puntland ay hawlgal qorshaysan ku qaadeen dabley ka tirsan Al-shabaab oo buuraha isku urursanayay si ay soo weeraraan tuulada Af-Urur. Dad ku sugan Af-Urur ayaa sheegay in mudda saacado ah Rasaas ka dhacaysay dhinaca buuraha inkastoo aan xog sugan laga hayn khasaaraha labada dhinac. Saraahiisha Ciidamada ayaa iyaguna Puntland Post u xaqiijiyay in ay hawlgalo qorshaysan ka fuliyeen buuraha Af-Urur iyo sidoo kale jidka aada dhinaca Sugurre. PUNTLAND POST The post Iska hor-imaadyo ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ku dhexmaray buuraleyda Af-Urur appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Banaadir ee Muqdisho, oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu ka xaynayay dagaalyahan naftii halige ah. Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab, war rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lala eegtay saraakiil American ah oo u shaqeynayay shirkad qaabilsan arrimaha difaaca oo lagu magacaabo Pacific Architects and Engineers, sida qoraalka lagu xusay. “Waxaa qarax lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil Caddaan American ah waxaa si gaar ah loo beegsaday gaarigii ay saarnaayeen saraakiisha Mareykanka ah waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac leh,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegatay in saraakiisha Mareykanka ay ahaayeen laba sarkaal, oo ay wehliyeen kuwa u dhashay dalka Uganda, ayna ka yimaadeen Villa Baydhaba. Al-Shabaab ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee ku aadan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ay gaarsiisay saraakiishan, haddiiba ay sida ay u sheegtay u jiraan inay weerarka la heshay. Qaraxa ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ayaa ahaa mid xooggan oo laga maqlay meelo badan oo magaalada kamid ah, kaasi oo lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Amisom oo ka yimid dhanka Villa Baydhaba, sida aan xogta ku helnay. Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey dhimashada saddex qof, iyo dhaawaca tiro intaas ka badan. Waxa uu burbur xoogan soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weeraray, iyada oo dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa yimid saacado kadib markii qarax kale uu maanta ka dhacay Wadada Ceelqalow ee laamiga isku xira Isgoysyada Dan-Wadaagaha iyo Soobe, kaasi oo ahaa nooca miinada ah, waxaana lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Ceelqalow oo kamid ah kuwa dowladda Hoose ee Xamar ee lacagta canshuurta uga qaada Bajaajta. The post Al Shabaab oo shaacisay inay saraakiil Mareykanka ah ‘ku dileen’ qaraxii Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  18. Click here to read more about this article Qaran News
  19. NAIROBI, Nov 11 (Reuters) – Guns supplied by Iran to its Houthi allies in Yemen are being smuggled across the Gulf of Aden to Somalia, according to a Geneva-based think tank, where al Qaeda-linked al Shabab insurgents are battling a weak and divided government. The Global Initiative against Transnational Organized Crime said its study drew on data from more than 400 weapons documented in 13 locations across Somalia over eight months and inventories from 13 dhows intercepted by naval vessels. It is the first publicly available research into the scale of illicit arms smuggling from Yemen into the Horn of Africa country. “Weapons originating in the Iran–Yemen arms trade are being trafficked onward into Somalia itself,” said the study, which is due to be published on Wednesday. “Iran has repeatedly denied any involvement in the trafficking of arms to the Houthis. However, a preponderance of evidence points to Iranian state supply.” Iran’s foreign ministry and a spokesman for Yemen’s Houthi forces did not respond to a request for comment on the study. Iran has repeatedly denied any involvement in the trafficking of arms to its Houthi allies in Yemen, where the six-year-old civil war has killed tens of thousands. The Somali government spokesman and the internal security minister did not return calls or messages seeking comment. The study said the investigators were not able to fully document the buyers and sellers of the weapons. But it said signs the weapons were originally supplied by the Iranian state included serial numbers that were very close together, indicating they were part of the same shipment, information from satellite navigation systems on seized dhows and human intelligence from trafficking gangs. One dhow carrying weapons which was seized by a U.S. navy vessel had a GPS with stored points in Iran, southern Yemen and Somalia, the report said, including a small anchorage near Jask port, which hosts an Iranian naval base, and “home” as the Yemeni port of Mukalla, a well-known arms smuggling hub. The study said the guns end up with commercial smuggling networks whose customers can include armed factions seeking advantage ahead of Somalia’s repeatedly delayed presidential elections, as well as clan militias and rival Islamist insurgent groups linked to al Qaeda and Islamic State. Additional reporting by Abdi Sheikh in Mogadishu and Parisa Hafezi in Dubai and Aziz El Yaakoubi in Dubai; Editing by Jon Boyle and Nick Tattersall The post Iranian-supplied arms smuggled from Yemen into Somalia, study says appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku shaaciyey inuu faray maamul goboleedyada dalka inay doorashada xildhibaanada golaha shacabka billaabaan 16-ka November 2021. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, islamarkaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Noofeember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey. Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqay guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 Noofeembar 2021. Waxaan guddigu Dowladda Federaalka ka codsaday in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan. Waxaan qaybaha siyaasaadda, daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegeen in 24 Diseembar 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka. Waxaa guddigu intaasi ku daray in ay lagama maar-maan tahay mudadaasi kaddib la galo dhaarinta gollaha shacabka iyo dooraashada madaxweynaha si dalku u yeesho hay’ado dastuuri ah oo si sharci ah ku yimid. Guddiyadu waxay ugu baaqeen madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo. Guddiga doorashooyinka Heer federaal, waxaa uu si deg deg ah u geynaya dhammaan gobollada doorashadu ka dhacayso agabkii loogu talo galay doorashada wakhtigaan la qabtay ka hor. Guddigu, waxaa uu ugu danbeyntii ugu baaqeen madaxda Qaranka, bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha taageeraya Soomaaliya in ay si buuxda ugu hawl galaan mudada doorashada loo qabtay in lagu soo dhamaystiro xubnaha baarlamaanka labada aqal ee harsan. The post Maalin loo asteeyey inay doorashada golaha shacabka ka billaabato maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
  21. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah doorashada golaha shacabka ay u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November. War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay in sidoo kale doorashada golaha shacabka lagu soo gabagabeyn doono 24 bisha soo sicota ee December. Hoos ka akhriso war-saaxafadeedka Guddiga doorashooyinka Heer federaal. Source: goobjoog.com
  22. Gadiidleyda Puntland oo sicirbarar u kordhiyay kirada Deegaannada Puntland waxaa ka jira sicirbarar baahsan oo aad u sameeyay nolasha bulshada, iyadoo qiimaha wax walba ay kor u kaceen. Gadiidleyda xumuulka, dhismaha, daabulka iyo tagaasida ee ka shaqeeya deegaannada Puntland ayaa dhammaantood warbaahinta ka sheegay in ay kordhigeen kirada adeegyada ay bulshada u hayaan. Muuqaal koobaya gaadiidleyda kala duwan ee Puntland Sidoo kale qiimaha maciishada daruuriga ah iyo adeegyada kale ee bulshada ayaa muddooyinkii dambe kor u kacay deegaannada Puntland. Sicirbararka Puntland oo muddo ay bulshadu dareemaysay ayaa aad kor ugu kacay markii ay shaqeyn waaday lacagtii Shilinka Soomaaliga, wuxuuna si gaar ah u saameeyay dadka danyarta ah. PUNTLAND POST The post Sicirbarar baahsan oo ka jira Puntland appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan oo maalmihii dambe shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa maanta war-murtiyeed kasoo saaray khilaafka ka dhex aloosan Wasiirka Waxbarashada DF iyo maamulka gobolka Banaadir. War-murtiyeedka ayaa waxay odayaashu ku dalbadeen in loo madax baneeyo gobolka Banaadir hanaanka waxbarasho ee gobolka si lamid ah maamulada dalka, islamarkaana ay fara-gelinta qaawan ka deyso Wasaaradda waxbarashada, maadama uu dalka uu yahay federaal. “Duqeyda dhaqanka waxay u soo jeedinayaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha aysan ka aamusin oo wax ka qabtaan wasaarada waxbarashada iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan bixinta adeegyada waxbarashada gobolka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan. “Waxay wasaarada waxbarashada Soomaaliya u soo jeedinaysa in uu u madax baneeyo adeegyada waxbarashada gobolka. Maamulka gobolka Banaadir uu xooga u saaro xafiisyada bixiya adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.” Sidoo kale waxay bogaadiyeen dadaalka iyo tayeynta uu maamulka gobolka Banaadir ku sameeyay waxbarashada gobolka Banaadir, uuna isbedelo la taaban karo kusoo kordhiyey mudadii uu la wareegay adeeyadaas, sida ay sheegen. “Duqeyda dhaqanka waxay ugu dambeyn ugu baaqeysa Wasaarada waxbarashada iyo maamulka gobolka Banaadir in xal loo helo khilaafka ku saabsan adeegyada waxbarashada, islamarkaana ka wada-shaqeyan horumarinta adeegyadaas, loona gaarsiin lahaa deegaanada gobolka Banaadir.” War-murtiyeedkan ayaa imanaya xili uu dhawaan khilaaf xoogan ka dhex qarxay maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada waxbarashada dowladda federaalka, kadib markii ay wasaarada baabi’isay lacago uu maamulka gobolka ku soo rogay goobaha waxbarashada. The post Odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan oo war murtiyeed culus soo saaray appeared first on Caasimada Online.
  24. Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal ayaa sheegay 24 Diseembar 2021 in ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay 16 Noofeembar 2021 in ay si rasmi ah u bilaaban doonaan doorashooyinka Golaha Shacabka. Guddiga ayaa dowladda federaalka ka codsaday in ay waqtigaas ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada. Guddigu wuxuu ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo. Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal ayaa warkan ku sheegay qoraal uu goordhaweyd soo saaray. PUNTLAND POST The post Bilowga iyo dhammaadka doorashada Golaha Shacabka oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  25. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Jubbaland ay howlgallo ka sameeyeen galbeedka magaalada Kismaayo. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada kala ah Labi-Kus, Qudus, Yaaq-Dabeyl, Dharkeyn oo hoostaga degmadaasi. Saraakiisha Danab ee hoggaamineysay howl-gallada ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale saraakiisha ka hadlay howl-galladaas ayaa shaaca ka qaaday in ay burburiyeen goobo ay sheegeen inay Al-Shabaab lacago ku qaadi jireen iyo xarun u aheyd maxkamad. Xaaladda deegaanada laga sameeyey howl-gallada ayaa haatan u aad kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan labada dhinac. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa deegaanada Jubbaland ka socday howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobollada Jubbooyinka ee maamulkaas. The post Sawirro: Ciidamada Danab oo burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.