-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The World Bank has blacklisted a Kenyan consultancy firm that has undertaken several multi-million shilling projects for top government agencies over fraud. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, SOMALIA — A 15-member team of the African Union Peace and Security Council met with senior Somali officials in Mogadishu on Tuesday and discussed the future of AMISOM peacekeeping operations. Tensions are running high after the Somali government expelled an AU deputy special envoy last week. Source: Hiiraan Online
-
Hub ay Iran u qeybisay Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa si sharci-darro ah looga gudbiyaa Gacanka Cadan, ayada oo la geynayo Soomaaliya, waxaa sidaas maanta lagu sheegay daraasad ay soo saartay hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Geneva. Hay’adda Global Initiative ee la dagaalanka dambiyada caalamiga ah ee abaabulan ayaa sheegtay in daraasaddeeda saldhig looga dhigay in ka badan 400 oo hub oo laga diiwaan geliyey 13 goob oo ka mid ah Soomaaliya muddo 8 bil ah, iyo kuwo laga qabtay 13 doon oo ay ay qabteen ciidamada ilaaliya xeebaha Soomalaiya. Waa daraasaddii ugu horreysay oo iftiimisay xaddiga hubka sida sharci-darrada ah uga gudba Yemen ee la geeyo Soomaaliya. “Hub asalkiisa kasoo jeedo ganacsiga hubka ee Iran iyo Yemen ayaa la geliyaa Soomaaliya,” ayey tiri daraasadda oo maanta la daabacay. “Iran marar badan ayey beenisay inay ku lug leedahay hubka la siiyo Xuutiyiinta. Si kastaba, caddeymo baaxad weyn ayaa muujinaya in dowladda Iran ay hubka u qeybiso.” Wasaaradda arrimaha dibedda Iran iyo afhayeenka Xuutiyiinta ayaa labaduba diiday inay ka jawaabaan daraasadda. Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasiirka amniga gudaha kama aanay soo jawaabin codsi falcelin oo aan u dirnay. Daraasadda ayaa intaas ku dartay in baarayaasha ay awoodi waayeen inay diiwaan-geliyaan magacyada dadka hubka iibiya iyo kuwa soo iibsaday. Hase yeeshee, waxaa jira astaamo cad oo muujinaya in hubka ay qeybisay dowladda Iran, ayada oo taxanayaasha lambar ee hubka ay muujinayaan inay yihiin kuwa ka yimid Iran. Waxaa sidoo kale jira in xogta laga helay nidaamyada satalaytka ee maraakiibta la qabtay iyo sirdoonka bini’aadamka ee kooxaha wax tahriibiya ay intuba la xiriirinayaan Tehran Mid ka mid ah doomaha hubka sida oo ay qabteen ciidamada badda Mareykanka ayaa laga helay xogta safarka markabka oo muujisay inay ka timid Iran, soo martay Koonfurta Yemen oo ay tagtay Soomaaliya. Daraasadda ayaa sheegtay in hubka uu u gacan galay shabakado ganacsi sharci-darro ah ka wada Soomaaliya, kuwaas oo macaamiishooda ay ku jiraan kooxo is-hubeynaya kahor doorashada Soomaaliya, maleeshiyo beeleedyo, iyo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Haatuf online Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxweynaha HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa booqasho uu ugu kuur-galayey xaaladda nololeed ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta deegaanka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo la wadaagay baahiyaha nololeed ee ka jira deegaanka, qorsheyaasha horumarineed ee ka socda deegaanka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirnaanta dowladda iyo shacabka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay mashaariic horumarineed oo dowladdu ay ka waddo Balcad iyo guud ahaan Gobolka, kuwaas oo ay ka mid tahay waddada gabo-gabada mareysa ee isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho. Injineerrada iyo howlwadeennada ka socda dalka Turkiga ee gacanta ku haya dhismaha qaar ka mid ah mashaariicdaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan, taas oo rajo gelinaysa koboca nolasha iyo horumarka dalka. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiga ee sida nafhurnimada leh ugu howlgalay hirgelinta iyo dhismaha mashaariicdan, waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin sidii ay dalkooda uga xoreyn lahaayeen argagixisada hortaagan horumarkiisa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada, sida buundada Iyo suuqa degmada Balcad. The post Sawirro: Rooble oo kormeer ku tagay mashaariic horumarineed oo ka socda Balcad appeared first on Caasimada Online.
-
VIDEO NEWS RELEASE VIDEO NEWS RELEASE: WHO Africa Online Briefing This is LIVE video. Watch the video BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), November 11, 2021/ — SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online. Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo laga maqlayo meelo badan oo magaalada ka mid ah ayaa ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo lala eegtay kolnyo ka tirsan ciidamada Amisom oo ka yimid dhanka Villa Baydhaba, sida aan xogta ku helnay. Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu jiro khasaare nafeed oo isugu jira dhimash iyo dhaawac, waxaana illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada saddex qof, iyo dhaawaca tiro intaas ka badan. Waxa uu burbur xoogan soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weeraray, iyada oo dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa yimid saacado kadib markii qarax kale uu maanta ka dhacay Wadada Ceelqalow ee laamiga isku xira Isgoysyada Dan-Wadaagaha iyo Soobe, kaasi oo ahaa nooca miinada ah. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Ceelqalow, kuwaasi oo kamid ah kuwa dowladda Hoose ee Xamar ee lacagta canshuurta uga qaada Bajaajta. Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen Saddex kamid ah askarta lala eegtay, oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo. Illaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda labada qarax, hase yeeshe waxaa qaraxyada noocan ah inta badan fulisay kooxda Al-Shabaab. The post Faah-faahin: Qarax maanta ka dhacay Isgoyska Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Elon Musk, hantiilaha ugu qanisan dunidu wuxuu ku dhawaaqay in uu iibinayo qayb ka mid ah hantidiisa, kadib markii uu afti (poll) ka sameeyay dhanka Twitter. Aftida uu sameeyay oo ay codeeyeen 3million oo qof ayay badi dadku dalbadeen in uu furo saamiyo isla markaana ka iibiyo qayb ka mid ah hantidiisa oo lagu qiyaaso, $271billion. Wuxuu iibinayaa $5 billion hanti lagu qiyaasay oo ah sheerar loo furayo dadka. 3.5 million oo sheer ayaa hoos imnaya wajiga koobaad iyadoo ay barbarsocdaan 2.2 million oo sheer oo iyaguna ah shirkadiisa gawaadhida farsamaysa ee Tesla. Dadka ayaa ku cadaadiyay in uu furo dheerarkan iyadoo mudo saacado ah uu ku khasaaray %16 oo saamiyada shirkaddu ay hoos u dhaceen, intaa kadibna uu si degdeg ah u go’aansaday in uu furo saamiyada. Source
-
Shan madaxweyne oo Soomaalilaan soo maray saddex ka mid ahi waxa ay ahaayeen madaxdii ama saraakiishii SNM, markaa aqlabiyadda madaxweyneyaashii Soomaalilaan waa SNM. Wixii ka dambeeyey doorashadii 2010 kursiga loogu dhiibay madaxweynihii hore ee Axmed Sillaanyo, waxa soo badanayey siyaasiyiin iyo shakhsiyaad ka soo jeeda beelaha darafyada oo gef aanay galabsan kula kacayey SNM. Waxa ay isku ladhayeen cabashada ay ka qabaan maamulka markaa jiray iyo SNM oo aan shuqul isku lahayn. Waaqac ahaan beelaha darafyada iyo beesha dhexe wax ay wada leeyihiin Soomaalilaan, way se kala leeyihiin SNM. Waxa aanu shaki ku jirin in beesha dhexe uu taliskii MSBarre ku laynayey SNM awgeed. Si hayb ah ayey ciidankii milatariga Siyaad Barre u xasuuqi jireen dadka ka soo jeeda beesha dhexe, halkaasi markaad ka qiyaas qaadatidna beeshe dhexe waxa ay hiil iyo hooba la garab taagnayn jabhadii SNM. Beelaha darafyadu waxa ay la dhacsanayeen taliskii MSBarre oo ay taageero buuxda la garab taagnaayeen, taasina waxa ay keentay inay kala fogaadaan beelaha darafyada iyo beesha dhexe. SNM waxa ay la dagaalamaysay xukunkii MSBarre, waxba se kama jiraan aragtida odhanaysa inay SNM la dagaalmaysay beelaha darafyada ee Soomaalilaan. Waxa is-hayey ciidamadii SNM iyo milatarigii MSBarre oo goob kasta uu dagaal ku dhexmari jiray. Dad ka tirsan beelaha darafyadu waxa ay aaminsan yihiin in taliskii MSBarre uu iyaga u roonaa ama uu reerkooda ahaa sidaasi darteedna SNM ay ka burburisay xukun ay ku qancsanayeen ama naasjuujin jiray, markaana ay SNM ku soo duushay danahoodii oo ay sidaasi u liqi la’yihiin halgankii SNM. Markii ay SNM ka adkaatay taliskii MSBarre ee ay gacanta ku dhigtay dhammaan dhulkii Soomaalilaan-ta maanta, waxa ay cafis u fiday dhammaan beelihii u cadaawada kala dhex-dhigay taliskii MSBarre, waxaana bilaabay shirarkii la isku keenayey beelaha Soomaalilaan si loo dhiso maamul ay u dhan yihiin. Arrintaasina waxa ay muujinaysaa in aanay SNM la dagaalameyn beello. Taageerayaasha SNM ee beesha dhexana waxa ay ku doodayaan inay SNM xorraysay dhammaan Soomaaliya oo dhan maadaama oo ay xukunkii ka tuurtay hogaamiye xukunka xoog ku qabsaday oo aan ogoleyn inuu dalka qof kale madaxweyne ka noqdo. Wixii ka dambeeyey 1991 dhammaan madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya iyo Soomaalilaan waxa ay kursiga ku heleen fursadii ay SNM xukunka kaga tuurtay taliskii MSBarre. Haddii se aanu dhici lahayn xukunkii milatariga Siyaad Barre may dhacdeen inay dhammaantood madaxweyneyaal noqdaan. Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES) iyo Adeega danabeysan ee (E-Cabinet). Wasaaradda Qorsheynta ayaa Golaha la wadaagtay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES), oo ah hannaan casri ah oo online-ka lagala soconayo maamulka iyo xogaha mashaariicda dalka ka socda. Golaha ayaa soo dhoweeyay habkan casriga ah oo daah-furnaanta leh. Ugu danbeyn Madaxtooyada ayaa Golaha usoo bandhigtay Adeega danabeysan ee (E-Cabinet), waa adeeg sahlaya in Shirka Golaha Wasiirada uu u qabsoomi hab casri ah iyadoo aan la adeegsanayn wax warqad ah. Wuxuu awood u siinayaa adeegaasi in Wasiiradu ay Shirka uga qeybgeli galaan hab-online ah, codkooda ku dhiibtaan, ajandaha iyo wixii falcelin ahna ay ku gudbiyaan. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, diyaarinta habka casriga ah ee Dowladdu u shaqeynayso, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha ay khuseyso in la dedejiyo howlgelinta adeegan. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Waxa soo fashilmaaya beentii iyo dhalalteedkii Farmaajo taasi oo ay caruurta ka hagi jireen baraha bulshada oo ay kolkii hore odhan jireen calanka Somaaliya xidha si aad isugu dhacdaan booliska Somaliland iyada oo shilimaado lagu iibsan jiray, hadaba arinkaasi markii uu fashilmay waxa miciin la mooday in la isku dhufto Itoobiya iyo Somaliland iyada oo laga duulaayo colaada hada ka aloosan dalkaasi Itoobiya Waxana baraha bulshada ku soo badanaaya magacyo been abuur ah iyo in ay been ka sheegaan xeebaha Somaliland oo ku sugan gacan adag oo ah ciidamada bada ee Somaliland oo ah quwad so buuxda u ilaalisa badaha Somaliland iyo guud ahaan dawlada iyo shicibka Somaliland oo isku duuban oo dalkooda ilaashada. Waxa xaqiiq ah in aan sinaba la isugu dhufan karin dawladaha Somaliland iyo Itoobiya oo xidhiidhkoodu uu ka qoto dheeryahay sida la moodayo ama cadawga xasuuqa hore uga gaystay Somaliland ay ku haminayaan. Somaliland waa dal sugan bad iyo bariba oo leh dawlad la soo doortay oo heegan ugu jirta sugida amaanka, waxa walaalo ku sheega reer Somaliya lagula talinayaa in ay dalkooda dhistaan oo ciidamada Afrikaanka ee ilaalinaya inta ay ka hoos baxaan ay dantooda gartaan. Qaran News
-
Dadka u Dhaqdhaqaaqa isbadalka cimilada iyo siyaasiyiinta ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay heshiiska lama filaan ah ee Mareykanka iyo Shiinaha ay ku doonayaan inay sare u qaadaan iskaashiga cimilada tobanka sano ee soo socda. Dhinaca kale Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid dhiirri-gelin ah, balse hey’adda Greenpeace ee deegaanka waxay sheegtay in labada waddan looga baahan yahay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa in horaanta toddobaadka soo socda ay yeeshaan kulan dhanka farsamada ah oo lagu gorfeeyo arrimahaasi. Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in yaeynta ama xadidaadda heerkulka caalamiga ah ee kor u kaca ilaa 1.5C ay ka caawini doonto bini’aadanku in ay ka fogaadaan saamaynta cimilada ugu xun. Maraykanka iyo Shiinaha waa labada dal ee sida aadka ah u isticmaala warshadaha sii daaya qiiqa kaarboonka ee sumeeya hawada. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo war ka soo saaray Heshiiska Maraykanka iyo Shiinaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax Baarliin Maxamuud Biin oo u sharraxan kursiga tirsigiisa uu yahay #Hope097 ayaa si kulul uga jawaabtay hadallo dhowaan kasoo yeeray wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo sanado fara badan ku fadhida kursigaasi. Baaliin Biin oo wareysi siisay Goobjoog ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamtay hadalkii Khadiijo Diiriye ee ahaa in aysan Baarliin ‘u dhalan’ beesha iska leh kursiga #Hope097. “Taas markaan maqlay horta waa wax lagu qoslo runta marka aan ku sheego. Qofka waxaa loo baahan-yanay inuu isku kalsoonyahay,” ayey tiri Baarliin. Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay “Been luga leh ayaa la sheegaa, haddii been la sheegaayo arrimahaas caddeymahooda waa kuu hayaa hadallo na dhex maray aniga iyo iyada oo afkeeda ka caddeyneyo waxaan isku nahayne waa la haayaa,”. Baarliin Maxamuud Biin oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in aysan diyaarad soo raaci laheyn, qarashna uusan ka bixi laheyn, haddii aysan u dhalan beesha iska leh kursigaasi. “Qabiil aan aniga u dhalan intaan diyaarad usoo raaco qarash u soo galo iskuma soo sharraxaayo, weliba aan ogahay qofka ku fadhiya waxa ay tahay,” ayey sii raacisay. Musharrax Baarliin Biin ayaa dhinac kale su’aallo dheeraad ah ka keentay waxa keenay buuqa hareeyey kursiga #Hope097, iyada oo intaasi raacisay in dadka ku abtirsada ay sanadkan go’aan dhab ah ku gaareen in la sameeyo isbedal, sida ay hadalka u dhigtay. “Maxaa keenaya buuqaan? maxaa keenaya showgaan?, because way ogtahay maanta inay dadkeeda go’aan gaareen, ayna la tartamaayaan,” ayey markale tiri Baarliin Biin. Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in iyadu ka go’an tahay inay gasho tartanka, waxayna ugu baaqday Khadiijo Maxamed Diiriye inay kasoo qeyb-gasho doorashada. “Haddaa dadkaada isku hubto ood leedahay anaa ciddan iska leh oo qof kale ma rabaan buuqa jooji doorashada kasoo qeyb-gal,” ayey Baarliin kusoo gaba-gabeysay hadalkeeda. Tan iyo markii ay Baarliin ku dhowaaqday inay u sharraxan tahay kursiga #Hope097 ayaa waxa ay si aad ah u gil-gishay Khadiijo Diiriye oo labaatan sano ku fadhida kursigaasi. The post BAARLIIN oo u jawaabtay KHADIIJA – “Way ogtahay inay dadkeeda go’aan gaareen” appeared first on Caasimada Online.
-
Taliye ku-xigeenka hore NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay in Drones-ka uu lahaa xildhibaan Zakariye Maxamuud ee ay dowladda la wareegtay ay ahaayeen qaar khatar ku ah amniga dalka, isla markaana aaney aheyn in loo celiyo taa badalkeedana ay tahayba in xildhibaanka la ciqaabo. Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Drones-ka uu keenay xildhibaan Zakaiye ma aha kuwa loo istcmaali karo horumrin, marka loo fiiriyo technolgy ahaan iyo qalabka ku xiramba, ma mudna magdhow ee waxaa uu mudan yahay ciqaab”. Taliye ku-xigeenka hore NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan oo sii hadalaya ayaa waxaa uu yiri “Drones-ka uu keenay waa qaar khatar ku ah amniga guud ee dalka, maadaama aan la aqoon cidda loo keenay, Ciraqqa waxaa qaraxyo loo adeegsaday kuwa la mid ah kuwa uu keenay xildhibaan Zakariye”. “Diyaaradahaan waa kuwa loogu talagalay Ayax in lagu buufiyo, cayaayaanka kala kalana lagu buufiyo dhulal balaaran bey markiiba buufin karaan dalkuna beera waaweyn buu leeyahay, waxeey kaloo ka qeyb qaataan wax la yiraahdo Land-use oo macnaheedu yahay sahanka dhulka”. Xildhibaan Zakariye ayaa hoay Goobjoog News wareysi siiyey ayaa sheegay inuu isaga leeyahey Drones-ka uuna u isticmaali rabo waraabka beero ku yaala Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaa uu ku dooday in uu u adeegsanayo sahmin dhulka buuraleyda iyo buufinta Ayaxa. Zakariye oo sharaxaya waxa ku dhaliyey “Fikraddan waxaa ay igu dhalatay markii Ayaxa dalku qabsaday, xilligii dhoweyd oo aniga iyo wasiirka Beeraha ayaa sahan dalka ku marnay waxeyna nagu noqotay dhibaato, Haamahaan qofka dhabarka uu ku qaato 100 mitir ama 200 mitir kabadan qofku maku buufin karo, Diyaaradaa wasiirku dalbay FAO iyoWFP baa nacaawinayay laba diyaaradood baa Canada laga keenay bil iyo bar kabacdi goor bahalku dhameystay geedihii”. Xildhibaan Zakariye oo sii hadlaya”Maadama ani shaqadeydu ay tahay beeraha dadku inta badan siyaasadeey igu arkaan inta badal laakiin waxaan ka shaqeeya beeraha, beeraleeyna waan ahay dowladdii markii ay dhaceysanayna illa lix xafiis baan ku lahaa Balcad, Afgooye, Jowhar, Qoryooley iyo Xamar marka diyaaraduhu waa diyaaradahaas wax buufiya howl rayid kaliyaana lagu qaban karaa, waxaan ka soo gaday dalka Turkiga waxeyna leeyihiin shahaado ay bixisay wasaaradda gadiidka dalka Turkiga u qaabilsan oo cadeynaya in diyaaradahaan ay yihiin diyaarado shacab”. Sida lagu qabtay waxaa uu ka yiri “Cargo ayey ku timid waxaa la dhigay alaabta maqaasinka la dhigo waxyaalaha cargo ah ee ay leedahay laanta canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda, subaxdi dambe tagnay waala furay waala fiiriyay canshuurti baa naloo qoray, annagoo canshuurti bixin rabna ayaa niman dhar cad ah oo yiri NISA nahay noo yimid nagu yiri xafiis meeshaan ah aa la idinka rabaa, baabuur baa nalagu qaaday alaabtiina baabur baa lagu qaaday godka jilacoow dalaq, maalin iyo bar baan fadhinay halkaa Habeenkii saacad dambe markey aheyd oo aan meesha ku jactadnanay nimankana niman waaweyn oo qaar xanuunsanaya ku jiray waxeey noo sheegeen in aan waxba nalagu heysan, laakiin caawa ay geeynayaan meel martida lagu soo dhaweeyo oo ay NISA leedahay, nimankii seddaxda ahaa ee Turkiga u dhashay adu xildhibaan baa tahay kuma rabney yiraahdeen, Nimanki waa diiden anagu meel aan aadeyno ma lahan bey yiraahdeen Hotelka Decale baan deganahay lacagteenna ku taganahay nagu celiya hotelkii hadeynan dambi noo heysan haddaad noo heysataanna warqad maxkamad ah nookena, arinti markey cakirantay ayaan safiirka Turkiga la hadalnay safiirka Turkiga baa na soo dhex galay warma dambi baa ku heystaan waa maya iska siidaaya sidii baana lagu sii daaye nimankii”. Arrinta Drones-ka ayaa weli taagan, iyada oo Zakariye oo gacan ka helaya rugta ganacsiga ay dalbanayaan in alaabta la sii daayo, halka hey’adaha iyo khubarada amniga ka shaqeeya ay ka digayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Balcad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyoi wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku tegay degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Rooble ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo saraakiil ciidan, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey bulshada iyo maamulka Shabeelaha Dhexe. Ra’iisul wasaaraha ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni iyo mida nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku xeeran. Sidoo kale Rooble iyo wafdigiisa ayaa kormeeray dhismaha waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle. Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la kulmi doono saacada uu joogo gudaha Balcad waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi. Ammaanka ayaa dhinaca kale si weyn loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada iyo duleedkeeda, si ay u sugaan amniga wafdiga ra’iisul wasaaraha. Waa booqashadiisii ugu horreysay ee uu Rooble ku tegay Balcad, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Si kastaba, safarka Rooble ee Balcad ayaa dad badan ku noqday lama filaan, maadaama ay magaaladan u nugushahay weerarada ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab. The post Sawirro: ROOBLE oo safar dhulka ah ku tegay Balcad appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar culus oo loo adeegsaday madaafiica oo saacadihii lasoo dhaafay xoogaga Al-Shabaab ay ku qaadeen Jaziiradda Kudhaa oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland. Weerarka ayaa sheegaya in madaafiica oo ahaa kuwa culus lagu weeraray saldhig ay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in tirada ugu madaafiica la riday ay ku hoobteen gudaha xerada, halka ay kuwa kale ay ku dhaceen bannaanka saldhigga. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay dhankooda rideen madaafiic jawaab u ah weerarka lagu qaaday saldhigooda Kudhaa ee Jubbada Hoose. Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waaa lagu sheegay in xoogagooda ay 50 madfac la heleen saldhigga Kudhaa ee Kenya, ayna gaarsiiyeen khasaare xoogan. Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ay ka socdaan Jaziiradda Kudhaa iyo agagaarkeeda, kuwaas oo ay wadaan ciidamada huwanta. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee kooonfurta Soomaaliya. The post Wararkii ugu dambeeyey weerar madaafiic ah oo lagu qaaday ciidamada KENYA appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Masar u qaabilsan Itoobiya, isla-markaana horkacyey wafdiga ka socda golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika, Danjire Maxamed Cumar Gad ayaa faah faahin guud ka bixiyey kulamii ka dhacay Muqdisho. Danjiraha iyo xubnii kale ee la socday oo booqashadooda maanta soo gaba-gabeeyey ayaa marka hore uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka, sida ay u soo dhoweeyeen. Gad ayaa tilmaamay in inta ay ku sugnaayeen Muqdisho ay kulamo la qaateen madaxda ugu sarreysa dalka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliya. Sidoo kale guddiga nabadda iyo amniga ee AU-PSC uu marweliba daneynayaan in go’aan mid ah laga gaaro mustaqbalka AMISOM ee Soomaaliya, iyada oo loo marayo wada-hadal. ‘Waxaabn aaminsanahay inaan go’aan mideysan ka gaari doono mowqif guud iyo heshiis mustaqbalka AMISOM, kadib 2021-ka haddii aan wada-hadal iyo dood ka yeelano arrimaha howl-galka AMISOM,” ayuu yiri Danjiraha Masar ee Itoobiya Dr. Maxamed Cumar Gad. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Midowga Afrika uu dadaal iyo taageero la garab taagan yahay Soomaaliya, si ay uga gudubta xaaladda kala guurka ah ee ay ku jirto. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo dhankeeda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dabcisay mowqifkeeda ku aadan qaab dhismeedka howl-galka AMISOM ee dalka, waxayna xustay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-xaajoodka Ururka Midowga Afrika The post Wafdiga Midowga Afrika oo xog ka bixiyey kulamadii ay ku yeesheen MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska federaalka Itoobiya ayaa faah faahin guud ka bixiyey howl-gallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha dalkaasi, kaas oo la xiriira xaaladda deg deg ah oo ay dowladdu ku soo rogtay Itoobiya. Taliye ku xigeenka booliska, gaar ahan qeybta ka hortagga dambiyada Melaku Fenta iyo taliyaha booliska Addis Ababa Getu Argaw oo si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay gacanta ku dhigtay dad Soomaali ah oo la shaqeynayey kooxda TPLF ee haatan dagaalka culus ka wada waqooyiga waddanka Itoobiya. Melaku Fenta iyo Getu Argaw ayaa tilmaamay in howl-galladaasi loo fuliyey si waafaqsan xeerka deg-degga ah ee lasoo rogay. Ma shaacin taliyeyaasha magacyada ragga Soomaalida ah ee la qabtay iyo halka ay ku sugnaayeen, marka laga reebo eedeynta loo jeediyey ee ah inay la shaqeynayeen TPLF. Taliyeyaasha ayaa intaasi ku daray in howl-galka ka dhanka ah TPLF uu sii socon doono, iyaga oo ku eedeeyey in jabhadu ay ku hawllan tahay sidii ay u abaabuli laheyd argagixiso. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayey dagaalka u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF oo haatan ku dhow Addis Ababa. Si kastaba, dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya ayaa saameyn daran ku yeeshay shacabka dalkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac. The post ITOOBIYA oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Somali la shaqeyneysay TPLF appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Washington)-YouTube ayaa Arbacadii ku dhowaaqday in tirada “dislike” ee la saaro muuqaallada ayna hadda kadib arki doonin dadweynuhu, si dadka muuqaallada sameeya looga ilaaliyo dhibaateynta iyo weerarada beegsiga ah. Tirada like ama dislike ee la saaro waxyaabaha lasoo dhigo baraha bulshada ayaa dadka dhaliila waxay sheegaan inay dhaawac ku yihiin bad qabka dadweynaha. Dadka adeegsada YouTube, oo ay leedahay shirkadda Google, ayaa weli awoodi doona inay dislike saaraan muuqaallada, balse waxaa laga qarin doonaa tirada guud ee inta dislike ee la saaray muuqaalka. “Si loo xaqiijiyo in YouTube ay sare u qaado fal-celinta u dhaxyesa muuqaal sameeyayaasha iyo daawadayaasha, waxaan tijaabo ku sameynay badhanka dislike, si aan u eegno haddii isbeddelkan uu caawin karo muuqaal sameeyayaasha, kana ilaalin karo dhibaateynta, oo uu yareyn karo weerarada dislike,” ayey YouTube ku tidhi bayaan ay soo saartay. “Tijaabadayada waxaa kasoo baxay inuu yaraaday dhaqankii weerarada dislike.” Dadka muuqaallada sameeya – sida xidigaha baraha bulshada – ayaa weli awoodi doona inay arkaan tirada like ama dislike ay muuqaalkooda la saaray, si ka duwan shacabka kale. YouTube waxay sheegtay in tiro muqaal sameeyayaal ah oo kooban ay ku warrameen in lagu beegsado weeraro ujeedkoodu ahaa in dislike badan lagu dilo muuqaalladooda. Nidaamka YouTube ayaa ah in muuqaallada hela like badan la tuso dad badan, halka kuwa ay ku badan tahay dislike aan sidaas loo sii baahin. Isbedelka ay sameysay YouTube ayaa imanaya ayada oo shabakadaha baraha bulshada iyo kuwa muuqaallada ay cambaareyn xooggan kala kulmayaan sharci-dejiyayaasha Mareykanka iyo Yurub, oo ah in ayna wax badan ka qaban inay la dagaalamaan tacaddiyada online-ka. Source
-
(SLT-Tehran)-Warbixin ay diyaarisay hay’ad fadhigeedu yahay magaalada Geneva ayaa lagu sheegay in hub ay IRAN siiso xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen si qarsoodi ah looga talaabiyo gacanka Cadmeed lana geliyo dalka Soomaaliya halkaasoo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay kula dagaalamayso dowladda Soomaaliya. Hay’adda Hal-abuurka caalamiga ah ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee ku-meel-gaadhka ah “The Global Initiative against Transnational Organized Crime” ayaa sheegtay in daraasaddooda ay ka soo saareen xog laga helay in ka badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agabyo laga helay 13 doomood kuwaasoo ay qabteen maraakiibta badda. Waa cilmi-baadhistii ugu horreysay ee si guud loo helo oo lagu sameeyo baaxadda hubka sharci-darrada ah ee Yemen laga soo galiyo waddanka Geeska Afrika ku yaalla. “Hubka ka soo jeeda Iran iyo Yemen ayaa si ganacsi ah loogu sii dhoofiyaa Soomaaliya lafteeda,” ayaa lagu yidhi daraasadda. “IRAN waxay si isdaba joog ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, cadaymo hor leh ayaa tilmaamaya sahayda dawladda Iran.” Wasaaradda arrimaha dibadda IRAN iyo afhayeen u hadlay xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaan ka jawaabin codsi ku saabsan daraasaddan. IRAN ayaa si joogta ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen, halkaasoo dagaalka sokeeye ee lixdii sanno ee la soo dhaafay ay ku dhinteen tobanaan kun. Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga Gudaha ayaan ka jawaabin taleefoonno iyo farriimo wax lagaga weydiinayay arrintan sida ay daabacday wakaalada wararka Reuters. Daraasadu waxay sheegtay in baadhayaashu aanay awood u lahayn inay si buuxda u diiwaangeliyaan iibsada iyo iibinta hubka. Laakiin waxa ay sheegtay in calaamadaha hubka ay markii hore bixisay dawladda Iran ay ka mid ahaayeen tiro taxane ah oo aad isugu dhow, taas oo muujinaysa in ay qayb ka ahaayeen shixnadii la mid ahaa, xogta laga helay nidaamyada satalaytka ee maraakiibta la qabtay. Mid ka mid ah doonyaha hubka oo ay qabteen markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka ayaa lahaa GPS-ka lagu keydiyay Iran, koonfurta Yemen iyo Soomaaliya, sida warbixintu sheegtay, oo ay ku jiraan bar yar oo ku taal meel u dhow dekedda Jask, oo martigelinaysa saldhigga ciidamada badda ee Iran iyo Dekedda Mukalla ee dalka Yemen, oo ah goob caan ah oo laga soo dhoofiyo hubka. Daraasaddu waxay sheegtay in qorigu uu ku dhammaado shabakado ganacsi oo wax tahriibiya oo macaamiishooda ay ka mid noqon karaan kooxo hubeysan oo doonaya inay ka faa’iideystaan ka hor doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya oo marar badan dib u dhac ku yimid, iyo sidoo kale maleeshiyo beeleed iyo kooxo Islaamiyiin ah oo iska soo horjeeda oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Daacish. Xigasho;Reuters Source
