-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) xoghayihii warfaafinta ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa iska casilay xilkii uu xusbigaas ka hayay. Xoghaye Xuuto ayaa xisbigaasi xilkaa u magacaabay ka dib markii uu ka tanaasulay murashaxnimadii dhawaa dhacday oo uu u sharaxnaa golaha wakiillada. Xuuto ayaa muddo lix sanno ah oo uu soo hoggaamiyay ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu ku biiray siyaasadda. 1 Share Like Comment Share Qaran News
-
Shir weynihii labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa berri ka furmaya Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,kaas oo ah mid aad u xaasaasi ah ,islamarkaana si weyn loo hadal hayey muddooyinkii ugu dambeeyey. Shir weynaha Xisbiga WADDANI ayaa ah shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI uu qabsado muddadii uu jiray, kaas oo ay ka soo qayb-gelayaan ergooyin tiradoodu ay dhan tahay sagaal boqol 900 oo ergay,kuwaas oo kale yimi gobolada dalka iyo daafaha caalamka iyo marti sharaf kale duwan oo lagu casuumayo furitaanka shirkaas,kuwaas oo tiradoodu ay kor u dhaafayso laba boqol oo marti sharaf ah. Shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI oo isniinta berri ah 15 November 2021-ka ka furmaya huteelka Maansoor ee magaalada Hargeys, ayaa soconaya laba maal-mood, kaas oo lagu doorran doonno Guddoomiyaha shanta sanno ee soo socota hoggaamin doonna Xisbiga iyo shanta Guddoomiye ku-xigeen iyo weliba xoghayaha guud ee Xisbiga iyo ku xigeenkiisa. Dhanka kalena Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa la filayaa inuu ka tanaasulo musharraxnimadiisa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxaana la filayaa in xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI loo dooran doonno Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, halka Xoghayaha guud ee Xisbiga la sheegay in isna loo dooran doonno Khadar Cabdi Xuseen iyo Xoghaye ku-xigeenka oo isna loo doorran doonno Jamaal Jaamac Xaamud Xisbiga WADDANI ayaa maalinta berri ah qabsanaya shir weynihiisa labaad,kaas oo si weyn loo sugeyey,isla markaana ay Xukuumadda KULMIYE si weyn indhaha ugu hayso,waxaynu dhawrnaa waa isniinta berri iyo qabsoomida shir weynaha Xisbiga aqlabiyadda shacbiga ee WADDANI. Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Galmudug ayaa sabtidii soo gabagabeeyey doorashada aqalka sare kadib markii la doortay labadii kursi ee ugu dambeysay aqalka sare, kuwaas oo kala ahaa Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Xareed. Haddaba, waxaa xusid mudan in maamulkaasi marka laga soo tago xulista uu sameeyey madaxweynaha ee ku aadan cidda tartameysa, oo uu kala sinnaa dowlad goboleedyada kale, uu yahay hadana maamulka keliya ee aan la furin sanduuqa doorashada, iyada oo loo tanaasulay dhammaan Senatorada soo baxay. Horey uma dhicin maamul goboleed dhammaan doorashadii xubnaha Aqalka Sare aan laga codeyn, balse lagu kala baxay “tanaasul,” taasi oo muujineysa heerka musuq-maasuq ee doorashooyinka Aqalka Sare. Haddaba, waxaan halkaan kusoo gudbineynaa sida ay wax u dhaceen. Senator Saciid Siyaad, oo ahaa Senatorkii ugu horeeyey ee soo baxa waxaa “u tanaasulay” Maxamed Daahir. Senator Dhageey, oo Senatorka 2-aad ee Galmudug kasoo baxa waxaa isna inta aan la tartamin “u tanaasula” Daahir Faarax Fiidow. Senator Dhagdheer, oo ahaa Senatorkii 3-aad ee soo baxa waxaa goobta tartanka “uga baxay” Nuur Guutaale. Senator Zamzam Daahir, oo noqotay Senatorkii 4-aad ee Galmudug waxaa “u tanaasushay” Farxiya Maxamed Guure Senator Cabdixakiim, oo ahaa Senatorka 5-aad ee Galmudug waxaa isna “u tanaasushay” oo sanduuqa iney tago diiday Ismahaan Cabdi Xuseen Senator Duniyo Maxamed, oo noqotay Senatorka 6-aad ee Galmudug, waxaa iyada kursiga “siisay” oo tartanka ka baxday Qadro Cabdullahi isxaaq Cabdi Qaybdiid, oo kusoo baxay tartankii sabtidii, noqdayna Senatorka 7-aad ee Galmudug waxaa “u tanaasulay” Cawil Nuur Cali. Cabdi Cismaan Xareed, oo isna shalay sabtidii noqday Senator-ka ugu dambeeyey ee Galmudug la doorto iyo midkii ugu dambeeyey ee loo doorto baarlamaanka 11-aad oo ka kooban 54-ta Senator waxaa “u tanaasulay” Mahad Aadan Guuleed. Tanaasulka loo sameynayo kuwa kusoo baxay Senatornimada ayaa waxaa uu adkeynayaa erayga soo shaacbaxay ee “Malxiiska doorashada” taas oo meesha ka saareysa hufnaanta doorashada. Xigasho: Goobjoog News The post Galmudug oo wax aan horey loo arkin kusoo kordhisay doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobalada Waqooyi ayaa shaaciyay sagaal ka mid ah kuraasta golaha shacabka Somaliland oo diyaar u ah in ay bilaabato doorashadooda. War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga aya lagu sheegay in beri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15-ka November la bilaabayo in la xareeyo ergada doorashada sagaalkan kursi. Kuraasta ay guddiga shaaciyeena yaa kala ah :- 1: HOP#214 2:HOP#218 3:HOP#226 4:HOP#233 5:HOP#208 6:HOP#210 7:HOP#202 8:HOP#225 9:HOP#272 Kuraastaan ayaa dhamaantood laga leeyahay gobalada waqooyi ee Soomaaliland waxa ayna doorashadoodu ka dhici doonta teendahda Afisyooni. Gobalada Waqooyi ayaa horay u bilaabay doorashada golaha shacabka oo laba ka mid ah kuraastooda lagu doortay Muqdisho, waxaana doorashadaas oo dhacday bilawgii bishaan ku soo baxay Mahadi Maxamed Guuleed iyo Xildhibaan Biixi Iimaan Cige. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka guddiga Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha. Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha DPL oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadibna markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya ciqaabta iyo ganaaxyadda ay muddan karaan haddii lagu qabto shaqaalaha Dawladda, mas’uuliyiinta Dawladda ee Xasaanadda leh iyo kuwa aan laheyn, Ciidamada Nabad-gelyada, Guryaha lagu iibiyo laguna kariyo maandooriyaha, hubka lagu soo qabto hawl-gallada la dagaalanka maandooriyaha, lacagaha lagu soo qabto. Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, wuxuu maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-bedelka Xeerka La dagaalka Maandooriyaha Puntland , waxaa Oggol ugu codeeyay 35, Diidmo 2 Mudane, haka aysan jirin cid ka aamustay. Waxaa reebban sameynta, keenidda, beerista, gacan-siinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyada Maandooriyaha sida uu qabo Xeerka. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka beddelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishka appeared first on Puntland Post.
-
Isbaheysiga taageera ciidamada dowladda Yeman ayaa ku dhawaaqay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay fuliyeen 42 weerar oo lagu bartilmaameedsanayay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ku sugan magaalada Sirwaax ee galbeedka Ma’rib iyo Al-bayda oo iyadana dhanka koonfureed kaga beegan Ma’rib. Maanta ayuu Isbaheysiga sheegay in howlgalkan lagu burburiyay 17 ka mid ah gaadiidka dagaalka, laguna dilay 186 ka mid ah maleeshiyaadkii u dagaalamayay Kooxda Xuutiyiinta. Sidoo kale, furimaha koonfureed ee Ma’rib ayaa Sabtidii shalay waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada Yeman iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta, halkaas oo la sheegay in lagu jibiyay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta. Ciidamada dowladda ee ku sugan loonfurta Ma’rib ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarro ay maleeshiyaadkaasi ku soo qaadeen, iyagoo isku dayay inay dib u soo ceshadaan goobo horay loogala wareegay. PUNTLAND POST The post Isbaheysiga Yeman oo sheegay in ay dileen Xuutiyiin badan appeared first on Puntland Post.
-
AU Commissioner for Political Affairs, Peace and Security spoke to FRED OLUOCH about peace and security on the continent. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay doorashooyinka dalka ee 2021-ka, gaar ahaan dhammeystirka mida Aqalka Sare oo shalay lasoo gaba-gabeeyey, iyada oo si weyn u boggaadisay tallaabada la qaaday. Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in haatan la joogo waqtigii la guda-geli lahaa doorashada Golaha Shacabka oo ka culus mida soo idlaatay ee Aqalka Sare. Qoraalkan ayaa si gaar ah farriin loogu diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada oo loogu baaqay inay tixgeliyaan dalabkii Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aadanaa in lasoo gabagabeeyo doorashooyinka, ka hor dhammaadka sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka “Waxaan soo dhaweyneynaa soo gabagabeynta doorashada Aqalka Hoose waxaa hadda la joogaa waqtigii Saciid Cabdullahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta Gareen ay xurmeyn lahaayeen baaqii Rooble ee ku aadanaa in doorashada Golaha Shacabka lasoo gabagabeeyo ka hor dhammaadka 2021-ka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale safaaradda Mareykanka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in diyaar uu yahay dhaqaalihii loogu tala-galay ee qaaraanka doorashooyinka, si loo dardar-geliyo hannaanka iyo qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka. “Dhaqaale ayaa diyaar ah si loo dhammeystiro qayb muhiim ah oo ka mid ah doorashooyinka Golaha Shacabka, taas oo ay ugu wacan tahay khidmadaha diiwaangelinta musharixiinta ee horay looga soo uruuriyey iyo qaaraanka ay ka heleen saaxibada Soomaaliya oo uu jiro Mareykanka,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka. Doorashooyinka dalka oo aad uga daahay, xilligii loo qorsheeyey ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana soo idlaaday Aqalka Sare, iyadoo billow ay tahay tan Golaha Shacabka. The post MAREYKANKA oo markale fariin culus u diray maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
A senior al-Shabab leader had surrendered to Somali National Army (SNA) forces in southern Somalia on Friday evening in the latest defection amid intensified military operation against the terror group. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay dhameystirka doorashada Aqalka sare ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug. Saafaradda Mareykanka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in mareykanku uu soo dhaweynayo doorashada Aqalka sare ee la soo gabagabeyay. Madaxweynayaashada dowlad gobaleedayda dalka iyo ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa loogu baaqay in ay sidoo kale dardargeliyaan doorashada Golaha shacabka. Hoos ka akhriso qoraalka Mareykanka Source: goobjoog.com
-
AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xukunada dilka iyo Xabsiga ah ee lagu riday qaar ka tirsan ciidamadooda. Howlgalka midawga nabad ilaalinta Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in askarta la xukumay ay ahayeen kuwa dad shacab ah ku dilay deegaanka Golweyn ee Shabeellaha Hoose. AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in askaxtan la xukumay xukunkooda lagu fulinayo dalka Uganda oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan. Qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Howlgalkooda uu mar walba u taagan yahay illaalinta hantida iyo Amniga dadka Soomaaliyeed. Askarta la xukumay oo gaaraya illa iyo shan Askari ayaa laba kamid ah lagu xukumay dil halka seddaxda kalena xukun xabsi ah loo diray. Dacwadda Askarta la xukumay ayaa timid kadib markii bartamihii bishii sideedaad ay ciidamada la xukumay si arxan daran dad shacab ah ku dileen. Dilka shacabka ayaa qaarkood loo adeegsaday miino lagu dul fadhiisiyay dadka kadibna ay ku qarxiyeen Askartaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Guddida qaban-qaabada Shir-waynaha Xisbiga UCID, Abshir Axmed Xasan oo ay weheliyaan qaar kamid ah xubnaha guddida, ayaa maanta warbaahinta kula hadlay Xarunta guud ee Xisbiga UCID. Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in Shir-waynihii Xisbiga Dib loo dhigay. Shir-wahnaha Xisbiga oo muddaysnaa in uu qabsoomo, 29-ka ilaa 30-ka Bishan November, ayaa dib loogu dhigay 20-ka Ilaa 21-ka Bisha December, halkan hoose ka Daawo Source
-
Qaran News
-
Maamul goboleedka Galmudug ayaa sabtidii soo gabagabeeyey doorashada aqalka sare kadib markii la doortay labadii kursi ee ugu dambeysay aqalka sare, kuwaas oo kala ahaa Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Xareed. Haddaba, waxaa xusid mudan in maamulkaasi marka laga soo tago xulista uu sameeyey madaxweynaha ee ku aadan cidda tartameysa, oo uu kala sinnaa dowlad goboleedyada klale, uu yahay hadana maamulka keliya ee aan la furin sanduuqa doorashada, iyada oo loo tanaasulay dhammaan Senatorada soo baxay. Haddaba, Goobjoog News ayaa halkas kusoo gudbineysa sida ay wax u dhaceen. Senator Saciid Siyaad, oo ahaa Senatorkii ugu horeeyey ee soo baxa waxaa u tanaasulay Maxamed daahir. Senator Dhageey, oo Senatorka 2-aad ee Galmudug kasoo baxa waxaa isna inta aan la tartamin u tanaasulau Daahir Faarax Fiidow. Senator Dhagdheer, oo ahaa Senatorkii 3-aad ee soo baxa waxaa goobta tartanka uga baxay Nuur Guutaale. Senator Zamzam Daahir, oo noqotay Senatorkii 4-aad ee Galmudug waxaa u tanaasushay Farxiya Maxamed Guure Senator Cabdixakiim, oo ahaa Senatorka 5-aad ee Galmudug waxaa isna u tanaasushay, oo sanduuqa iney tago diiday Ismahaan Cabdi Xuseen Senator Duniyo Maxamed, oo noqotay Senatorka 6-aad ee Galmudug, waxaa iyada kursiga siisay, oo tartanka ka baxday Qadro Cabdullahi isxaaq Cabdi Qaybdiid, oo kusoo baxay tartankii sabtidii, noqdayna Senatorka 7-aad ee Galmudug waxaa u tanaasulay Cawil Nuur Cali. Cabdi Cismaan Xareed, oo isna shalay sabtidii noqday Senator-ka ugu dambeeyey ee Galmudug la doorto iyo midkii ugu dambeeyey ee loo doorto baarlamaanka 11-aad oo ka kooban 54-ta Senator waxaa u tanaasulay Mahad Aadan Guuleed. Tanaasulka loo sameynayo kuwa kusoo baxay Senatornimada ayaa waxaa uu adkeynayaa erayga soo shaacbaxay ee “Malxiiska doorashada” taas oo meesha ka saareysa hufnaanta doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa eedeyn u culus u jeediyey dowladda, taas oo la xiriirta xaalada gobolka Gedo. Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay siyaasadeysay gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada hoostaga gobolkaas. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ay kasoo horjeedaan in Jubbaland ay gurmad gaarsiiso dadkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hay’adaha samafalka Jubbaland laga hor istaago Gedo oo ay abaaro ka jiraan. “Gedo waxaa ka jira ciidan si sharci darro ah ugu afduuban, in wax laga qabtana dhib ayay keenaysaa, sababtoo ah cid kaste oo wax qaban lahayd, wajiyo kale ayay u sameeyeen,” ayuu wareysiga ku yiri madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan la joogo xilligii loo gurman lahaa dadka dhibaateysan, isla-markaana ay tahay in la kala saaro siyaasadda iyo bani’aadanimada. Arrintan ayaa muujineyso inay dib u soo laba kacleyneuso xiisaddii Gedo, waxayna ku soo aadeysa, xilli xasaasi ah oo la qorsheynayo in doorasho lagu qabto gobolkaasi. Hadalkan ayaa imaanaya, iyada oo haatan abaaro baahsan ay ka jiraan deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo sidoo kale Gedo, taas oo saameyn daran oo nolosha ah ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolladaasi. The post Xiisadda DF iyo Jubbaland ee GEDO oo dib usoo laba kacleysay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Shir weynihii labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa berri ka furmaya Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,kaas oo ah mid aad u xaasaasi ah ,islamarkaana si weyn loo hadal hayey muddooyinkii ugu dambeeyey. Shir weynaha Xisbiga WADDANI ayaa ah shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI uu qabsado muddadii uu jiray,kaas oo ay ka soo qayb-gelayaan ergooyin tiradoodu ay dhan tahay sagaal boqol 900 oo ergay,kuwaas oo kale yimi gobolada dalka iyo daafaha caalamka iyo marti sharaf kale duwan oo lagu casuumayo furitaanka shirkaas,kuwaas oo tiradoodu ay kor u dhaafayso laba boqol oo marti sharaf ah. Shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI oo isniinta berri ah 15 November 2021-ka ka furmaya huteelka Maansoor ee magaalada Hargeys, ayaa soconaya laba maal-mood, kaas oo lagu doorran doonno Guddoomiyaha shanta sanno ee soo socota hoggaamin doonna Xisbiga iyo shanta Guddoomiye ku-xigeen iyo weliba xoghayaha guud ee Xisbiga iyo ku xigeenkiisa. Dhanka kalena Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa la filayaa inuu ka tannsulo musharraxnimadiisa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxaana la filayaa in xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI loo doorran doonno Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, halka Xoghayaha guud ee Xisbiga la sheegay in isna loo doorran doonno Khadar Cabdi Xuseen iyo Xoghaye ku-xigeenka oo isna loo doorran doonno Jamaal Jaamac Xaamud Xisbiga WADDANI ayaa maalinta berri ah qabsanaya shir weynihiisa labaad,kaas oo si weyn loo sugeyey,isla markaana ay Xukuumadda KULMIYE si weyn indhaha ugu hayso,waxaynu dhawrnaa waa isniinta berri iyo qabsoomida shir weynaha Xisbiga aqlabiyadda shacbiga ee WADDANI Source
