-
Content Count
211,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Agaasimaha Xafiiska Guddida arrimaha dibedda ee Guddiga dhexe ee xisbiga shuuciga dalka shiinaha. Mr. Yang Jiechi iyo la taliyaha Amniga Qaranka ee dalka maraykanka ayaa maanta ku kulmi doona magaalda Zurich ee dalka Switzerlad. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Shiinaha Hua Chunying ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Yang uu la kulmi doono Sullivan si waafaqsan is afgaradka la gaaray intii lagu guda jiray 10 -kii bishii Sebtember taleefoon dhex maray hoggaamiyeyaasha Shiinaha iyo Mareykanka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Shiinaha iyo Maraykanka oo maanta kulan gaar ah yeelanaya appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa markii u horeysay ka hadlay raafka dadka reer Koonfur Galbeed ee ka billowday Somaliland, gaar ahaan magaalada Laascaanood. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ugu horeyntii tallaabadaas ku tilmaamay mid ka baxsan dhaqanka Islaamka iyo midka bini-aadantinimada oo aan ku jirin, islamarkaana aad u fool xun. “Dadkaas sida naloo xaqiijiyey 90% waa dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed, una tagay meesha si bini-aadantimo leh uga shaqeystaan, nolol ka suubiyaan, una tageen inay nabad ku helaan kuna noolaadan, ficilkii isaga ahaa sidda lagu bedalay ee dadkaas loo dhibaateyay aad iyo aad ayaa uga xumahay waana cambaareynaynaa,” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday maamulka Somaliland in si sharaf iyo xushmad leh uga saaran deeganadooda dadkaas, ayaga oo aan ku xadgudbeyn xoolahooda iyo xuquuqdii aas-aasiga ah. “Illaa hadda waxaa maqleyna in ficiladii guracnaa ay socdaan oo hooyo iyo cunugeeda la kala raafayo, oo dareenka dadka Soomaaliyeed soo jeediyay aan hal mar is-bedel lagu sameyn.” Lafta-gareen ayaa sheegay in guddi ka kooban shan wasiir uu u saaray arrintaas, kuwaasi oo daraasad ka sameyn doona, islamarkaana ka shaqeyn doona sidii dib-u-dajin loogu sameyn lahaa dadkaas. “Waxaa codsaneyna in maamulka Somaliland jawaab deg deg ah ka bixiyaan, dadkaas muwaadiniinta ahna haddii la soo rarayo aan la kala rarin ayaga iyo hantidooda, iyo caruurtooda la kala rarin oo ku soo noqdaan xoriyadii ay shalay ku tageen.” Ugu dambeyntiina madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn ugu mahad-celiyay maamulka Puntland iyo shacabkooda sida ay ugu gurmadeen shacabka sida arxan darada ah looga soo mustaafuriyey magaalada Laascaanood ee maamulka Somaliland. Hoos ka daawo muuqaalka The post Lafta-gareen oo qaaday tallaabo la xiriirta dadka ay soo masaafurisay Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Haweenka Laascaanood oo soo Dhaweeyay Mastaafurinta Dadka Reer Koonfur Galbeed. Qaar kamid ah haween weynaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa soo dhaweeyay raafka ay xukuumadda Somaliland ku masaafurinayso dadka reer koonfureedka ah ee ku noola gobolkaas, waxayna ku eedeeyeen in bulshadaasi ka danbeeyeen dilalkii ka dhacay Laascaanood. Haweenka oo isugu yimid mid kamid ah hoteelada magaalada Laascaanood, ayaa muujiyay in ay xukuumadda ku garab taagan yihiin howgalka lagu tarxiilayo dadka reer Koonfur Galbeed, Soomaaliya. Ugu horrayn mid ka mida haweenkaasi waxaa ay tidhi.”Waxaanu halkan u joognaa in aanu taageerno oo isku dhinac taagno xukuumadayadu tallaabada ay qaaday, madaxweynaha Qaranka, wasiirka amniga, badhasaabka, taliyaha qaybta iyo ciidamada amMaanka ee jiidaha hore ku jira” Haweenka ayaa si gaara bulshada reer Koonfur Galbeed ee gobolka ku noola ugu eedeeyay amnidarada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhici jiray magaalada Laascaanood, iyagoo codsaday in dhulkooda si nabad ah loogu celiyo.”Umada ka timid koonfur, ee walaalaheena waxa laga helay hub qarsoon, oo aynaan inagu ogayn, oo fara badan, hubkaa faraha badani waa kii lagu layn jiray raggeena, yaynaan cabaninin, markii hore waxaynu lahayn amniga suga, amnigiina la sug, umaddiina dhulkoodii ayaa lagu nabad celiyay, markaa, waxaanu leenahay dhulkiina ku nabad gala anana kaayaga” Haweenkan oo hadalkooda sii wata waxa ay intaas ku dareen, in Somaliland iyo Soomaaliya kala laba dal yihiin, isla markaana loo baahan yahay in qolo waliba waddankeeda iyo maamulkeeda ku noqoto.”Dadka Soomaaliya kasoo hadlaya waxaanu leenahay, Somaliland iyo Soomaaliya waa laba kala dal, madaxweyne la yidhaa Lafta-gareen ayay leeyihiin ha u tageen Lafta-gareen, anaga madaxweynahayagu waa Muuse Biixi Cabdi, xukuumadayadu waa Somaliland, ciidamadayada waanu ogolnahay” Xukuumadda Somaliland ayaa 2 bishan magaalada Laascaanood ka bilowday howlgal lagu masaafurinayo dadka ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ilaa hadda inta la habo la tarxiilay 700 oo qof oo iskugu jira, rag, haween iyo caruur. Qaran News
-
Muxuu Uhuru Kenyatta ka yidhii baadhitaanka kashifay Hantida uu qarsaday qoyskiisu? Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Isniintii sheegay in baaritaanka kashifay hogaamiyayaasha caalamka ee lacagaha ku qarsaday dalal dibadda ah “uu sare u qaadi doono daah-furnaanta maaliyadeed,” hase yeeshee wuxuu diiday inuu ka jawaabo eedeymaha ku saabsan in qoyskiisa ay dibadda ku leeyihin 11 shirkadood uu u dhigma malaayiin dollar. Qiyaastii 11.9 milyan oo document oo la dusiyey, islamarkaana uu helay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee daba-galka ee ICIJ, ayaa la daabacay Axaddii, waxaana warqadahan oo loogu magac daray “Pandora Papers” ay shaaca ka qaadeen hantida ay dibadaha ku qarsadeen boqolaal siyaasiyiin iyo bilyaneero ah. Baaritaanka ayaa muujiyey sida Kenyatta – oo u ololeeyey la-dagaalanka musuq-maasuqa – loogu eedeeyey isaga iyo lix xubnood oo qoyskiisa ka mid ah inay dibadda ku leeyihiin 11 shirkadood, oo lagu qiimeeyey inay haystaan hanti dhan 30 milyan oo dollar. “Warbixinadan waxay wax weyn ka tari doonaan sare u qaadidda hufnaanta maaliyadeed iyo furfurnaanta aan uga baahannahay Kenya iyo dunida oo dhan,” ayuu Kenyatta ku yiri bayaan uu soo saaray. “Dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci-darrada ah, ee ka dhasha dembiyada iyo musuq-maasuqa, waxay ku horumaraan jawi qarsoodi iyo mugdi ah,” ayuu sii raaciyey, isaga oo aan ka jawaabin eedeymaha isaga ka dhanka ah. Inkasta oo hanti la dhigto dibadaha iyo adeegsiga shirkado qarsoon aysan sharci-darro ka aheyn dalalka badankood, haddana shaac ka qaadistan waxay ceebeysay hoggaamiyayaal u ololeynayey miisaaniyad dhimista dowladda ama qaaday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa. Qaran News
-
Dawlad magdhow siinaysa Ehellada Dadka u geeriyooda Covid-19 Maxkamadda Sare ee dalka Hindiya ayaa taageertay go’aanka dowladda ee ku aaddan in $-674 oo magdhow ah lasiinayo qoys kasta oo qaf ka mid ahi u dhinto covid-19. Go’aanka maxkamadda ayaa daba socda codsi ay soo jeediyeen qareenno doonayay in magdhow la siiyo qoysaska iyadoo la raacayo xeerarka maareynta musiibooyinka ee Hindiya u yaalla. Hindiya ayaa ilaa hadda diiwaangelisay in ka badan 447,000 qof oo u dhintey Covid-19. Balse khubaradu waxay rumeysan yihiin in tirada dhabta ah ee dadka u dhintay cudurka ay ka badantahay tan la shaaciyay 10 jibaar. Garsoore magaciisa lagu soo koobay Shah ayaa Isniintii sheegay in “qaraabada ugu dhow qofka dhintay” ay heli doonaan magdhow muddo bil gudaheed ah marka la xareeyo arjiga dalbashada magdhowgaas. Bishii Juun, ayaa qareennadu waxay maxkamadda u gudbiyeen codsigaan, iyagoo markaa ka dalbaday faragelin ku saabsan arrinta magdhowga qoysaska ehelladoodu u dhintaan fayraska karona si aan loo marin habaabin. Qareennada ayaa sheegaya in tan iyo markii Covid-19 lagu tilmaamay gudaha dalka Hindiya inuu yahay “musiibo” sida uu dhigayo Sharciga Maareynta Musiibooyinka ee dalka, ay xaq u leeyihiin qoysaska dadkooda ku waayay musiibadaan in ay hellaan magdhow. Sharciga waxaa ku jira tallaabooyin lagu yareynayo dhibaatooyinka soo gaara qoysaska sida dhimashada, dhaawaca iyo burbur hantiyeed,wuxuuna muujinayaa in dadkaasi kabid iyo garab istaag u baahanyihiin.Waxaa kale oo uu sharcigu dhigayaa in dowladdu ay siiso qoysaska lacag 40,000 oo ah lacagta dalkaas. Garyaqaan Gaurav Kumar Bansal, oo ka mid ah qareennadii gudbiyay codsigaan ayaa BBC -da u sheegay: “Waxaan ognahay in dowladdu ay lacag badan ku bixisay maareynta musiibooyinka, balse waxaan kaloo aaminsanahay inay ahayd inay qoys walba siiso 40,000 rupees. sida uu sharcigu qabo”. Sida laga soo xigtay dowladda federaalka, magdhow ayaa la siin doonaa qoysaska dhibbanayaasha ama qaraabadooda, haddii lagu xaqiijiyo shahaado caafimaad in sababta dhimashadu ay tahay Covid-19, sida waafaqsan xeerarka quseeya. Lacagta waxaa laga bixinyaa miisaaniyadda dowladda gobolka. Balse ugu yaraan laba gobol oo kala ah Kerala iyo Rajasthan, ayaa sheegay inay ku adkaan doonto inay helaan lacag magdhow ah, waxayna rumaysan yihiin in dowladda federaalku ay ahayd inay bixiso lacagtaas. Madaxa dawladda gobolka Rajasthan, Gunvind Singh Gottasara, oo warbaahinta gudaha la hadlayay ayaa sidaan ku dooday “Dawladda federaalku waxay lacag ku bixinaysaa kiisaska daadadka iyo duufaannada, maxaysan liiska ugu darin Covid-19?”. Qaran News
-
The Trabocchis were, until recently, one of DC’s most powerful restaurant couples. Maria was the stylish hostess who cultivated an impressive VIP clientele at fine-dining hotspots Fiola and Del Mar. Her husband, Fabio, was the Michelin-starred chef. Then, in 2019, they divorced. Though she remains a partner in the restaurants and says she and her ex still have a “great relationship,” she’s no longer a ubiquitous presence in their DC dining rooms. Instead, Trabocchi has been spending a lot of time in an unexpected location: Somalia. Trabocchi was approached in February 2019 by Bancroft Global Development, a DC-based NGO and private military contractor that describes itself as “managing complex projects in conflict zones.” Bancroft trains Somali troops fighting extremist group al Shabaab, supports peacekeeping missions, and provides medical care. It operates out of a huge, highly secure base in Mogadishu that regularly hosts diplomats, journalists, and other international travelers. Trabocchi, Bancroft proposed, could help them upgrade the food. “They were clearly impressed by the way we do business and the way we treat our people, and I think they liked my personality in terms of how I deal with any VIP and client,” Trabocchi says. “I could easily then adapt to whatever circumstance or different type of personalities we might find in Africa.” Lots of restaurateurs take on international projects, but this was a very different proposition from some high-end new eatery in, say, Shanghai or Prague. Trabocchi would be parachuting into a place plagued by kidnappings, civil unrest, and famine. And she was reluctant at first. “I’m like, ‘No, there’s no way,’” she says. “I love luxury.” But she decided to visit Somalia anyway, just to see for herself. On the base, she found that people were eating food that she thought seemed unhealthy and bland. Plus, she was drawn to the idea of an adventure. So she signed on to open two bars and a pair of cafeteria-style restaurants. Since then, Trabocchi has been making nearly monthly trips to Mogadishu, where she stays in a converted shipping container with wi-fi and air conditioning. She’s orchestrated new menus that offer handmade pastas, wood-fired pizzas, burgers, and local lobster. There’s “Mexican night” and weekend brunch with bloody Marys. “We have a great cocktail selection,” Trabocchi says, as if she were talking about some eatery on the hip DC waterfront. Trabocchi’s team also provides upgraded MREs—think sous vide steaks—for deployments, as well as dog food for explosive-sniffing canines. Trabocchi has taken to posting photos of her Somali expeditions on Instagram, nestled between images of Mallorca sunsets and Obama throwback selfies. In one picture, she poses holding a gun, draped in a bandolier, alongside the hashtags #badass and #dontmesswithme. (Learning to use a gun was part of the gig.) “Now they call me Lara Croft,” she says. “It’s dangerous, but, you know, it makes it even more fun.” To assist with the openings, Trabocchi brought at least five chefs and managers who’d been laid off from her DC restaurants at the start of the pandemic over to Mogadishu. She’s also helped set up a culinary school to train people from Somalia, Kenya, and Uganda. The school is the only real place where she’s spent time with locals, except for occasional interactions with Somali politicians. “You can never get me away from that,” she says. Trabocchi explains that the biggest difference from opening restaurants in DC—besides the armed bodyguards—is the difficulty getting ingredients, which have to be shipped primarily from Europe. In Washington, she is accustomed to making a call and having anything she wants the next day. In Somalia, a delivery of chicken or flour needs to be planned at least three months in advance. Trabocchi now knows more than she ever wanted to about shipping routes. (One of her beer deliveries was held up by the ship stuck in the Suez Canal.) Improving the quality of MREs and mess halls is one thing, but Trabocchi’s next move at the base is even more surprising: a full-service fine-dining restaurant. “I think it’s a good challenge,” she says. “We have a beautiful room with hand-painted frescos. Why stop at something when you can do more and offer more variety?” She describes it as “another improvement” for the camp, as well as a stepped-up training opportunity for the culinary students. The native Spaniard has already boasted on Instagram she might be the first person to bring a leg of high-end Cinco Jotas Ibérico ham to Somalia. It’s a rather stark contrast to how most people live in a country where an estimated 3.2 million are food insecure and 275,000 children are severely malnourished. Trabocchi isn’t feeding hungry locals, but the way she sees it, she’s still benefiting Somalis by helping the helpers. Lately, Trabocchi has been less-focused on her projects in Somalia, turning toward her other gig as a hospitality consultant for Hard Rock Hotels. She’s fresh off a Hard Rock opening in Madrid, and new outposts are coming in Budapest and New York City. The work is familiar: picking out staff uniforms, managing cocktail menus, and—her specialty—overseeing VIP lists. But, she jokes, “I don’t have to wear a bulletproof vest in the kitchen.” Source: The Washingtonian The post Fine-Dining star Maria Font Trabocchi is opening Restaurants in. . . Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Gurceel (Caasimada Online) – Madaweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa go’aamiyey in dagaal lagu qaado magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo dhawaan gashay gacanta xoogagga Ahlu-Suna, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa qaatay go’aankaan kadib kulamo uu la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug iyo Ugaaska Beesha Cayr, waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyey in Ahlu-Sunna dagaal looga saaro magaalada Gurceel. Ciidamada maamulka Galmudug ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda dhaqaaqaan dhinaca magaalada Guriceel, waxaana boqolaal ka tirsan ciidamadaas kulan dardaaran ah la qaatay madaxweyne Qoor Qoor. Ciidamada Galmudug ee qorsheenaya in lagu weeraro magaalada Guriceel ayaa waxaa laga reebay ciidamadii ka tirsanaa Ahlu-Sunna ee horay loo qarameeyey, iyadoo laga cabsi qabo inay dhabar jabin ku sameeyaan ciidamada dowladda, sidii dhacday markii la weeraray Bohol. Madaxda Ahlu-Sunna ayaa magaalada Guriceel ku diyaarisaday ciidamo u dhaxeeyo 300 illaa 400 oo askari oo u badan wadaado daacad u ah Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud, waxaana laga cabsi qabaa inuu magaalada ka dhaco dagaal khasaaro xoog leh geysta. Magaalada Guriceel ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan, waxaana magaalada ku haray xoogga Ahlu Sunna oo aad u hubeysan iyo dad shacab ah oo daacad u ah madaxda Ahlu-Sunna. Qoor Qoor ayaa ka war haynta maamulka Galmudug ugu dambeysay markii la doortay, waxaana mudadii uu xilka hayey xarun u aheyd magaalada Muqdisho, isaga oo ka shaqeynaya danaha Farmaajo, taasi oo sahashay in Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna ay deegaano badan ka qabsadaan maamulkiisa. The post Xog: Qoor Qoor oo go’aan culus ka qaatay xaaladda Guriceel appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ugaaska beesha Cayr, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo mar kale ka hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobollada dhexe ee u dhaxeysa Galmudug iyo ururka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in maamulka Axmed Qoor Qoor uu wax kasta uga dambeeyn doono, isagoo raali gelin ka bixiyey baaqiisii wadahadalka. “Dowlad ayaa jirta reer Galmudug ay dhisteen, madaxweyne ayey leedahay, waxaana cadeynayaa in dowladda ay dhisteen reer Galmudug ay amniga iyo waxqabadka deegaanka masuul ka tahay, waxaan go’aansaday inaan dowladda Galmudug la shaqeeyo oo aana ka harin, maadaama aan Ugaaskii beesha caasimadda degta aan ahay, wixii dhib wada oo u jeed kale lehna, waa la arki doonaa,” ayuu yiri Ugaaska beesha Cayr. Ugaaska oo maalin ka hor soo jeediyey in xiisadaan wadahadal lagu dhameeyo oo la joojiyo gulufka colaadeed iyo hub isku uruursiga deeegaanka ka socda, ayaa hadda sheegay in hadalkaas uu raali gelin ka bixinayo, taas oo dad badan ka yaabisay. “Maadaama aan arkay saan-saan colaadeed, dad qaxaaya iyo dhibaato muuqata, waxaan go’aansaday inaan arrintaan ka hadlo, beesha aan ka dhashay iyo cidii kale ee dhib u qaadatay hadalkeygii hore waxaan rabaa inay ka daawoobaan oo raali ka noqdaan,” ayuu yiri Ugaas Xasan. Inta badan dadka ka fal-celiyey hadalkaan dambe ee Ugaaska waxay la yaab ku tilmaameen sababta ku kaliftay in Ugaas Xasan uu raali gelin ka bixiyo baaqiisii wadahadalka oo u muuqday dariiqa kaliya ee u furaa, maadaama hadii la dagaalamo dhibka ugu badan uu soo gaaro beeshiisa Cayr, markii loo eego reer Galmudugta kale. Dad badan oo doonayey ama jeclaa inaan lagu dagaalamin magaalooyin ay ugu horeyso Gurceel oo Ahlu-Sunna ay dib u qabsaday ayaa la fajacay hadalka Ugaaska oo ka laabtay baaqiisii waan-waanta. Ciidankii ugu badnaa ayaa Muqdisho laga soo daabulay, kuwaas oo la isugu geeyey Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in Qoor Qoor uu qorsheynayo in Ahlu-Sunna lagu weeraro Gurceel. Dadkii deganaa ee shacabka ahaa ayaa saacadihii u dambeeyey isaga cararay magaalada Gurceel, kuwaas oo deegaameystay dhulka fog ee miyiga ah, si aan loogu dul dagaalamin. Hoos ka daawo hadalka Ugaaska Cayr The post Daawo: Ugaaska Cayr oo si lala yaabay uga noqday baaqiisii nabadda ee xiisada Galmudug appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Qoor Qoor uu halis ugu jiro inuu burburo, taasi oo uu sheegay inay tahay arrin marnaba la aqbali karin. Odowaa oo hadal ka jeedinayay xaflad lagu taageerayay in la wada ilaashado maamulka Galmudug, ayaa carabka ku adkeeyay in dagaalka Ahlu-Sunna ay ku qabsaneyso deegaano ka tirsan maamulka uu wiiqayo jiritaanka maamulka, islamarkaana loo baahan yahay in miiska wada-hadalka wax lagu xaliyo. “Haddii la yiraahdo hadda Guriceel baa la qabtay berritana la qabsado Dhuusamareeb inaga ma jiri doono, Jidkaan jid aan ahayn hala yimaadan kuwa culimada sheganayo haddi ay tabasho qabana waan la qancinaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odowaa. “Sidaan mushkilada iskaga xalin laheyn aan ka fikirno, ceeb ayey nagu tahay in hooyo, walaasha qaxdo oo gabdho umulayaa ay ku umulaan quraca hoostiisa, dhamaanteen ceeb ayey nagu tahay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba gorgortan lagu geli karin in magaalooyin la qabsado, ayna tahay in la dhowro shuruucda siyaasadda, sida uu sheegay. “Ahlu-Sunna Waljamaaca jidkan jid aan aheyn ha la yimaadan, haddey tabasho qabaan waa la qaadaneyna oo waa la geynaynaa maamulka, laakiin magaalo ayaa qabsanay magaalo kale ayaa ku soconaa war la yeeli karo maaha.” Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in la damiyo colaada, islamarkaana la iskugu yimaado miiska wada-hadalka, si is-faham looga gaaro tabashada ay qabaan hogaanka Ahlu-Sunna oo ayagu sheegay inay qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Galmudug. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Odowaa oo sheegay arrin cabsi leh oo kusoo socota maamulka Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
-
Midawga musharixiinta ayaa yeeshaay maanta oo talaado kulankoodii caadiga ahaa, waxa shirgudoomiyay madacweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheekh Axmed. Kulankan aya loiga arinsaday xaaladihii ugu Dambeeyay ee dalka iyo dooroshooyinka waxaana laysla gartay in la dadajiyo doorashada xildhibaanada labada aqal. Hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur madaxweyne Xasan sheekh Raisul wasaarihii hore xasan kheyre iyo xubno kale aya ka qeyb ah kulanka. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland ayaa shaacisay liiska xubnaha golaha deegaanka degmada Qandala ee gobalka Bari. Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Qandala ayaa ka kooban 27 xubnood. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Musadaq Maxamed, guddoomiyaha gobolka Bari iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku sugan degmada Qandala. Maalinta berriya ayaa lagu wadaa in ay Qandala ka dhacdo doorashada guddoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa. Hoos ka akhriso magacyada xubnaha golaha deegaanka Qandala PUNTLAND POST The post Xubnaha golaha deegaanka degmada Qandala oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta magaalada Doha kulan la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiir Tamiim ayaa iska wareystay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii ay Soomaaliya uga sii taageeri lahaayeen dib u dhiska dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Amiirka ku ammaanay taageeradooda dhinacyada horumarinta kaabayaasha dalka, maadaama ay Soomaaliya ka taageeraan dhinacyadaas. Eng. Rooble ayaa xusay in Qatar ay tahay saaxiib muhiim ah oo leedahay Soomaaliya, kuna garab siinaya sidii dalku dib uga kaban lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay burburka. Isagoo ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan horumarinta kaabayaasha dalka. Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyey dadaalkiisa ku aadan qabsoomidda doorashada, waxuna balan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeeed. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Khaalid Bin Khaliifa Al-Thani, kaa soo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee dalkaas uu ka fuliyo Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee ku aadan qabsoomidda doorashooyinka, isagoo sheegay in dowladda Qatar ay ka go’an tahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood. The post Maxaa kasoo baxay kulanii ra’iisul wasaare Rooble iyo amiirka Qatar? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Members of the Taliban at the former C.I.A. Eagle Base in Kabul in September. The agency has devoted much of its attention for the last two decades to terrorist threats and the conflicts in Afghanistan, Iraq and Syria, but improving intelligence collection on adversaries like China and Russia is once again a centerpiece of its agenda.Credit…Victor J. Blue for The New York Times Top American counterintelligence officials warned every C.I.A. station and base around the world last week about troubling numbers of informants recruited from other countries to spy for the United States being captured or killed, people familiar with the matter said. The message, in an unusual top secret cable, said that the C.I.A.’s counterintelligence mission center had looked at dozens of cases in the last several years involving foreign informants who had been killed, arrested or most likely compromised. Although brief, the cable laid out the specific number of agents executed by rival intelligence agencies — a closely held detail that counterintelligence officials typically do not share in such cables. The cable highlighted the struggle the spy agency is having as it works to recruit spies around the world in difficult operating environments. In recent years, adversarial intelligence services in countries such as Russia, China, Iran and Pakistan have been hunting down the C.I.A.’s sources and in some cases turning them into double agents. Acknowledging that recruiting spies is a high-risk business, the cable raised issues that have plagued the agency in recent years, including poor tradecraft; being too trusting of sources; underestimating foreign intelligence agencies, and moving too quickly to recruit informants while not paying enough attention to potential counterintelligence risks — a problem the cable called placing “mission over security.” The large number of compromised informants in recent years also demonstrated the growing prowess of other countries in employing innovations like biometric scans, facial recognition, artificial intelligence and hacking tools to track the movements of C.I.A. officers in order to discover their sources. While the C.I.A. has many ways to collect intelligence for its analysts to craft into briefings for policymakers, networks of trusted human informants around the world remain the centerpiece of its efforts, the kind of intelligence that the agency is supposed to be the best in the world at collecting and analyzing. Recruiting new informants, former officials said, is how the C.I.A.’s case officers — its frontline spies — earn promotions. Case officers are not typically promoted for running good counterintelligence operations, such as figuring out if an informant is really working for another country. The agency has devoted much of its attention for the last two decades to terrorist threats and the conflicts in Afghanistan, Iraq and Syria, but improving intelligence collection on adversarial powers, both great and small, is once again a centerpiece of the C.I.A.’s agenda, particularly as policymakers demand more insight into China and Russia. The loss of informants, former officials said, is not a new problem. But the cable demonstrated the issue is more urgent than is publicly understood. The warning, according to those who have read it, was primarily aimed at front line agency officers, the people involved most directly in the recruiting and vetting of sources. The cable reminded C.I.A. case officers to focus not just on recruiting sources, but also on security issues including vetting informants and evading adversarial intelligence services. Among the reasons for the cable, according to people familiar with the document, was to prod C.I.A. case officers to think about steps they can take on their own do a better job managing informants. Former officials said that there has to be more focus on security and counterintelligence, among both senior leaders and frontline personnel, especially when it comes to recruiting informants, which C.I.A. officers call agents. “No one at the end of the day is being held responsible when things go south with an agent,” said Douglas London, a former agency operative. “Sometimes there are things beyond our control but there are also occasions of sloppiness and neglect and people in senior positions are never held responsible.” Mr. London said he was unaware of the cable. But his new book, “The Recruiter: Spying and the Lost Art of American Intelligence,” argues that the C.I.A.’s shift toward covert action and paramilitary operations undermined traditional espionage that relies on securely recruiting and handling agents. World wide messages to C.I.A. stations and bases that note troubling trends or problems, or even warnings about counterintelligence problems, are not unheard-of, according to former officials. Still, the memo outlining a specific number of informants arrested or killed by adversarial powers is an unusual level of detail, one that signals the importance of the current problems. Former officials said that counterintelligence officials typically like to keep such details secret even from the broad C.I.A. work force. Asked about the memo, a C.I.A. spokeswoman declined to comment. Sheetal T. Patel, who last year became the C.I.A.’s assistant director for counterintelligence and leads that mission center, has not been reluctant to send out broad warnings to the C.I.A. community of current and former officers. In January, Ms. Patel sent a letter to retired C.I.A. officers warning against working for foreign governments who are trying to build up spying capabilities by hiring retired intelligence officials. (The letter, promptly leaked, also included warnings about talking to journalists.) Former officials say the broadsides are a way of pushing C.I.A. officers to become more serious about counterintelligence. The memo sent last week suggested that the agency underestimated its adversaries — the belief that its officers and tradecraft were better than other intelligence services. But the results of the study showed that countries being targeted by the U.S. are also skilled at hunting down informants.Some former officials believe that the agency’s skills at thwarting adversarial intelligence services have grown rusty after decades of focusing on terrorism threats and relying on risky covert communications. Developing, training and directing informants spying on foreign governments differs in some ways from developing sources inside terrorist networks. While the memo identified specific numbers of informants that were arrested or killed, it said the number turned against the United States was not fully known. Sometimes, informants who are discovered by adversarial intelligence services are not arrested, but instead are turned into double agents who feed disinformation to the C.I.A., which can have devastating effects on intelligence collection and analysis. Pakistanis have been particularly effective in this sphere, former officials said. The collapse of the American-backed government in Afghanistan means that learning more about Pakistan’s ties to the Taliban government and extremist organizations in the region is going to become ever more important. As a result, the pressure is once again on the C.I.A. to build and maintain networks of informants in Pakistan, a country with a record of discovering and breaking those networks. Similarly, the focus by successive administrations on great power competition and the challenges of China and Russia have meant that building up spy networks, and protecting those sources, is more important than ever. In those countries, technology has also become a problem, former officials said. Artificial intelligence, biometric scans, facial recognition and other technology has made it far easier for governments to track American intelligence officers operating in their country. That has made meeting and communicating with sources far more difficult. A breach of the classified communications system, or “covcom,” used by the C.I.A. helped to expose the agency’s networks in China and in Iran, according to former officials. In both cases informants were executed. Others had to be extracted and resettled by the agency. In Iran and China, some intelligence officials believe that Americans provided information to the adversarial agencies that could have helped expose informants. Monica Elfriede Witt, a former Air Force sergeant who defected to Iran, was indicted on a charge of providing information to Tehran in 2019. The Iranians leveraged her knowledge only after determining she could be trusted. Later that year, Jerry Chun Shing Lee, a former C.I.A. officer, was sentenced to 19 years in prison for providing secrets to the Chinese government. Former officials say there is no shortage of examples of where the agency has been so focused on the mission that security measures were not given proper consideration. And in some cases a turned agent can have deadly consequences. The 2009 bombing at a C.I.A. base in Khost, Afghanistan, that killed seven agency employees was a good example of mission over security, Mr. London said. In that suicide attack, a Jordanian doctor the C.I.A. thought it had convinced to penetrate Al Qaeda had in fact been turned against the United States. “We were in such a rush to make such a big score,” Mr. London said. “Those were tradecraft mistakes.” He added it is important to remind the C.I.A.’s work force of the damage that can happen when tradecraft lapses. “Do your job and don’t be lazy,” he said. “It’s a willingness to say we are not as perfect as we think we are. That’s a positive thing.” Julian E. Barnes is a national security reporter based in Washington, covering the intelligence agencies. Before joining The Times in 2018, he wrote about security matters for The Wall Street Journal. @julianbarnes • Facebook Adam Goldman reports on the F.B.I. and national security from Washington, D.C., and is a two-time Pulitzer Prize winner. He is the coauthor of “Enemies Within: Inside the NYPD’s Secret Spying Unit and bin Laden’s Final Plot Against America.” @adamgoldmanNYT Source: New York Times The post Captured, Killed or Compromised: C.I.A. Admits to Losing Dozens of Informants appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka mudooyinkii ugu dambeeyey u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa dalkeena ka dhacay xaalado aan qaran ahaan noo qaadmin, bulsho ahaan noo qalmin, oo aan dhammaanteen ku qasbanahay inaan qeyb ka qaadano xal u helidooda,” ayuu yiri Kheyre. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka u dhaxeeyo Rooble iyo Farmaajo, isagoo sheegay inuu khilaafkaan dalka u horseedi karo dib u dhac. “Waxan aad uga xumahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira xafiisyada dalka ugu sarreeya, waxyeelo xoog leh ayey u geysteen dalka, waxaa luntay xasilloonidii dalka, waxaa dhaawac gaaray dhaqaalihii dalka, waxaa halis galay hay’adihii ammaanka, waxaa sii daciifeysa rajadii Beesha Caalamka ay ka qabtay geedi socodka dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Kheyre ayaa sheegay in khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu saameyn xoog leh ku yeeshay doorashadii la filayey inay dalka ka dhacdo, taasina ay fursad u noqotay kooxaha argagixisada ah ee ku howlan daadinta dhiigga. Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loosoo afjaro khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul ee dalka ugu sarreeya si dalka loo badbaadiyo. “Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loosoo afjaro khilaafka si dalka looga badbaadiyo xaaladaha qalafsan ee hadda taagan, waxaana ka digayaa in caalamka uu Soomaaliya uga quusto sidii uu uga quustay Afghanistan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Kheyre ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada inay dadajiyaan doorashada si dalka looga badbaadiyo xaaladda halista ah ee uu wajahayo. “Xalka Soomaaliya waa hal mid oo kaliya, laba maahan, seddex maahan, xalka waa doorasho, waxaan ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Maamul Goboleedyada inay dadajiyaan doorashooyinka iyo in wax walba la iska dhigo oo muhiimada la saaro doorashada, si dalka looga saaro xaaladda cakiran, waxaan sidoo kale guddiyada doorashada ugu baaqayaa inay shaqadooda u gutaan si hufan,” ayuu yiri Kheyre. Ugu dambeyntii Kheyre ayaa xubnaha beesha caalamka ugu baaqay inay Ra’iisul Wasaaraha iyo guddiyada doorashada kala qeyb qaataan fududeynta doorashada iyo bixinta dhaqaalaha ku baxayo doorashada. The post Daawo: Kheyre oo markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka Rooble iyo Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xubnaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ka dalbaday inay doortaan hoggaan cusub, isagana uusan intaan ka badan sii hoggaamin karin golaha. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, kulan seddex cisho kahor ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu Sheekh Shariif ku wargeliyey xubnaha golaha inuu ahaan doono xubin caadi ah oo golaha ka tirsan, islamarkaana uu kasoo qeyb geli doono kulamada. Sida ay illo wareedyo ka tirsan golaha Midowga Musharaxiinta u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dood adag ayaa ka dhalatay codsiga uu soo gudbiyey Sheekh Shariif ee ah in laga wareejiyo hoggaanka Golaha. Inta badan xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa diiday inay aqbalaan codsiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, taasoo ay ku tilmaameyn inay sababi karto burbur ku yimaado Golaha Midowga Musharaxiinta. Xubnaha golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Sheekh Shariif ka codsaday inuu dib u dhigo iscasilaadiisa, islamarkaana golaha uu isugu yimaado kulan kale oo looga xaajoonayo arrintaan soo korortay. Sida ay Caasimadda Online ogaatay, Sheekh Shariif ayaa waxaa ka go’an inuusan sii hoggaamin golaha, waxaana fasiraado kala duwan laga bixiyey sababta keentay go’aankiisa. Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad u xoogeystay tuhunada ku saabsan in Shariif Sheekh Axmed uu ku milmay kooxda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo dhaawaceyo mabaadii’da loo sameeyey Golaha Midowga Musharaxiinta. Dadka xogtan badankeed faafiyey ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Golaha Midowga Musharaxiinta iyo dad kale oo aad ugu dhow, waxaana la sheegay in Sheekh Shariif uu dhibsaday tuhunkaas iyo fariimaha laga faafinayo taasoo keentay inuu go’aankaan qaato. Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa hadda qorsheenayo inuu si gooni u baxo oo uu toos u billaabo ololihiisa doorashada oo uusan waqti badan isaga lumin mucaaradnimada Farmaajo. The post Xog: Sheekh Shariif oo dalbaday in laga wareejiyo hoggaanka Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE IOM Appeals for USD 21.1M to Provide Shelter for Internally Displaced in Northern Ethiopia Funding is needed to build communal living quarters/spaces, toilets, showers, and kitchens, among other necessities ADDIS ABABA, Ethiopia, October 5, 2021/ — The International Organization for Migration (IOM) and aid partners are appealing for USD 21.1 million to provide new shelters and homes for more than 1.8 million extremely vulnerable Internally Displaced Persons (IDPs) living in camps in communities and villages across Ethiopia’s Tigray, Somali and Amhara regions. Since conflict between Ethiopian government forces and troops in Tigray broke out in November 2020, more than 233,900 people have been supported in 53 displacement sites, most of which are schools. Some are sleeping out in the open. The resources to keep the displacement sites going, where IDPs are provided with necessities such as food and emergency health, water, sanitation, and hygiene (WASH) assistance, are running out. Funding is needed to build communal living quarters/spaces, toilets, showers, and kitchens, among other necessities. It will also be used to upgrade and maintain existing facilities, which fall well short of meeting the needs of the displaced. The funds will also be used for site planning to help create more organized and safe living conditions. New sites for shelter, and the construction of new homes are also a part of the plan. The shelter appeal is being led by IOM in Ethiopia, the national co-lead with UNHCR, the UN Refugee Agency, responsible for managing and coordinating over 1,500 displacement sites nationally, and 300 sites in the Northern region, under the Camp Coordination and Camp Management Cluster (CCCM). A CCCM cluster was established in the Tigray region to respond to the massive increase in conflict-displaced persons. “The ongoing conflict in Northern Ethiopia is affecting the ability of IDPs to return home and may result in a situation of protracted displacement,” said Rafael Abis, Coordinator of the CCCM Cluster in Ethiopia. “The plan to try and reopen the schools where IDPs are currently sheltering will require additional resources for them to be relocated to new locations, while making sure they still get much-needed assistance. In July, IOM appealed for nearly USD 70 million to meet the needs of IDPs in the region of which USD 31.7 million has been received to date. IOM has received USD 3.8 million of USD 4 million requested for CCCM work, while the Cluster needs an extra USD 21.1 million for the remainder of 2021. “A well-coordinated and planned shelter response is critical to help prevent displaced populations from seeking shelter in unacceptable conditions that further aggravate their vulnerabilities and protection risks,” said Stiofainin Nic Íomhaird, CCCM Programme Manager for IOM Ethiopia. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). Access Multimedia Content SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maqaayad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa dagaal noociisu ku cusub yahay magaalada ku dhex-maray ciidamo kan wada tirsan dowladda Soomaaliya. Dagaalka ayaa markii hore ku billowday gacan ka hadal dhexmaray shaqaalihii maqaayada iyo dhalinyaro ka casheeyay maqaayadaas oo ayagu bixin waayey lacagtii cashada. Kadib, waxaa daqiiqado gudaheed soo gaaray maqaayad askar u wacdeen dhalinyaradaas, ayada oo meesha iska hor-imaad ku dhex-maray ciidamada amaanka oo gacan siinayay maqaayada iyo kuwa kale. “Dad gabdho iyo wiilal iskugu jira oo toddobo qof gaaraya ayaa ka casheeyay, kadib markii ay casheeyen wey wada baxeen, yarkii shaqaalaha Kashyerka joogay ayaa ka daba tagay oo lacagtii keena yiri, feer ayey ku bilaabeen, waxay dalbadeen qori oo meeshii askar timaado oo laga kala cararo,” ayuu yiri mas’uulka maqaayada. Illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa iska hor-imaadkaas dhex-maray ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhaawacmay saddex qof, halka ay ku dhinteen labo qof oo kale. Ma aha markii u horeysay ee ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu iska hor-imaad dhexmaro, hase yeeshe waxaa la yaab ku noqotay bulshada in ciidamo isku rasaaseyan dhalinyaro bixin waayey lacagtii cashada. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Dagaal ka dhashay cunto laga cunay maqaayad Muqdisho ku taal oo sababay dhimasho iyo dhaawac appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Isniintii sheegay in baaritaanka kashifay hogaamiyayaasha caalamka ee lacagaha ku qarsaday dalal dibadda ah “uu sare u qaadi doono daah-furnaanta maaliyadeed,” hase yeeshee wuxuu diiday inuu ka jawaabo eedeymaha ku saabsan in qoyskiisa ay dibadda ku leeyihin 11 shirkadood uu u dhigma malaayiin dollar. Qiyaastii 11.9 milyan oo document oo la dusiyey, islamarkaana uu helay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee daba-galka ee ICIJ, ayaa la daabacay Axaddii, waxaana warqadahan oo loogu magac daray “Pandora Papers” ay shaaca ka qaadeen hantida ay dibadaha ku qarsadeen boqolaal siyaasiyiin iyo bilyaneero ah. Baaritaanka ayaa muujiyey sida Kenyatta – oo u ololeeyey la-dagaalanka musuq-maasuqa – loogu eedeeyey isaga iyo lix xubnood oo qoyskiisa ka mid ah inay dibadda ku leeyihiin 11 shirkadood, oo lagu qiimeeyey inay haystaan hanti dhan 30 milyan oo dollar. “Warbixinadan waxay wax weyn ka tari doonaan sare u qaadidda hufnaanta maaliyadeed iyo furfurnaanta aan uga baahannahay Kenya iyo dunida oo dhan,” ayuu Kenyatta ku yiri bayaan uu soo saaray. “Dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci-darrada ah, ee ka dhasha dembiyada iyo musuq-maasuqa, waxay ku horumaraan jawi qarsoodi iyo mugdi ah,” ayuu sii raaciyey, isaga oo aan ka jawaabin eedeymaha isaga ka dhanka ah. Inkasta oo hanti la dhigto dibadaha iyo adeegsiga shirkado qarsoon aysan sharci-darro ka aheyn dalalka badankood, haddana shaac ka qaadistan waxay ceebeysay hoggaamiyayaal u ololeynayey miisaaniyad dhimista dowladda ama qaaday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa. AFP + VOA The post Muxuu Uhuru KENYATTA ka yiri fadeexadda culus ee kusoo baxday qoyskiisa? appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan laba qof ayaa naftooda kuwaayay kadib is rasaasayn xalay ka dhalatay muran muufo-cunis ah oo ka dhacdey maqaayad ku taalla isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho. Maxamed Yuusuf Dabayare oo ah milkiilaha maqaayadda ayaa Goobjoog News usheegay in dablay ay rasaas huwiyeen Hawlwadeenada maqaayadda kadib markii saaxiibadood ay cuneen cunto ay kamid tahay muufo oo maqaayaddan lagu yaqaano . ” Xalay meshaan waxaa ay wax uga dhaceen, todobo qof oo gabdho iyo wiilal isugu jira ayaa maqaayada ka casheeyay, markii ay casheeyeen ayey wada baxeen iyagoon lacag bixin” ayuu yiri milkiilaha Mr Dabayare oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in gacan kahadal uu dhacay ka hor inta aysan ciidamada toogashada geystay goobta soo gaarin “wiil cashier ahaa aya kadaba tagay todobadii qof ee maqayada ka casheeyay, waxa uuna weydiiyay in ay lacagta keenaan, laakiin feer ayay ugu jawabeen, kadibna qoray ayey dalbadeen, taas oo keentay in meesha laga kala cararo” Dad goobjoogayaal ah ayaa usheegay GOOBJOOG NEWS in marka ay goobta soo gagreen dablayda hubaysan uu dagaal dhaxmaray iyaga iyo Ciidamada Amniga “iyada oo dadka ganacsigooda isaga jiraan gadiidkuna wadada isticmalayeen aya waxa dhacay dagaalka, markiii uu dagaalku dhamaaday kadib oo meelaha aan fiirfiirinay ayaa aragnay saddax qof oo dhaawac ah, saakana waxaan argnay laba meed ah” Source: goobjoog.com
-
Imisa Bilyan oo Dollar ayey shirkadda Facebook ku khasaartay Saacado Gudahood ciladii ku timid? Shirkadda Facebook ayaa saacado yar uun gudahood khasaartay lacag dhan 7 bilyan oo dollar, kadib cilad farsamo oo ku timid adeegyada shirkadda, sida Facebook, Whatsapp iyo Instagram, kuwaas oo hawada ka baxay muddo lix saacadood ah. Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyey ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaddu ay lumisay dhaqaale dhan 49%, marka loo eego 15% oo ay khasaartay bartamihii September. Sidoo kale shirkadda ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dhanka suuqyada caalamiga ah, sida kuwa New York, waxayna shirkaddu ku Khasaartay 5% qiimihii ay ka heli jirtay ciladda ku timid aawgeed, waana meelaha ugu badan ee wax lagu kala iibsado. Lacagtaasi ayaa la sheegay inay saami ahaan ku tashaneysay shirkaddu, balse waxaa haatan soo wajahay culeys dhanka dhaqaalaha ah, maadaama saacado yar uun ay khasaartay balaayiiin dollar-ka Mareykanka ah. Dhinaca kale ciladdan ayaa saameyn ku yeelatay dadka isticmaala aaladaha shirkadan ee Facebook, Whatsapp & Instagram, waana markii ugu horreysay oo waqti intaas la’eg ay hal mar hawada ka wada maq-naadaan adeegyadaasi. Maamulka shirkadda Facebook ayaa sidoo kale raali-gelin ka bixiyey ciladdan oo saameyn ku reebtay isticmaalka macaamiishooda oo aan horay u helin wax wargelin ah. Ugu dambeyn Facebook ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin xog ama koonto loo dusay, sidaasina ay ku timid ciladda, waxaana ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar horay loo baahiyey oo sheegayey in gudaha loo galay cinwaannada qaar intii ay ciladdu jirtay Qaran News