Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safraya dalka Kenya, halkaas oo uu kaga hadli doono colaadda ka taagan dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya. Muwaadiniinta Maraykanka iyo UK ayaa loo sheegay inay ka baxaan Itoobiya “inta ay diyaar yihiin duulimaadyo ganacsi”, sida uu sheegay wasiir ka tirsan Britain. Taladan ayaa la soo saaray iyada oo xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray ay u muuqdeen inay u dhaqaaqi karaan dhanka caasimadda, Addis Ababa. Sannad ka dib dagaalka sokeeye, waxaa sii kordhaya dareenka walaaca dibadda Midoobay ee dagaalka kula jira xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Soomaaliya waxaana jirta cabsi laga qabo in laga saaro hadii loo baahdo in ay dib ugu laabtaan dalkooda. Kahor inta uusan u ambabixin socdaalkiisa Afrika, Mr Blinken wuxuu ka digay in dagaalka uu noqdo mid ku fida dalka intiisa kale, waxa uu sheegay haddii ay taasi dhacdo inay noqon doonto musiibo ku dhacda Itoobiya iyo xitaa dalalka dariska la ah. Ciidamo ka socda Eritera ayaa horey uga dagaalamayey Itoobiya, waxaana laga yaabaa in xiisadda daba dheeraatay ay saameyso dalalka kale ee deriska la ah. Hase yeeshee waxaa sidoo kale la sheegayaa inay jiraan dalal ka fog Itoobiya inay faraha kula jiraan colaadda Itoobiya XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Horaantii bishaan, tobanaan kun ayaa isugu soo baxay magaalada Addis Ababa si ay dowladda ugu taageeraan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF Bishii hore, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Turkigu uu ogolaaday in uu Itoobiya ka iibiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn . Wararku waxa ay intaa ku dareen in heshiiskani uu halis galiyay xiriidhka Turkiga iyo Masar, oo khilaafka dhanka biyo xireenka wabiga Niil kala dhaxeeyo Itoobiya. Itoobiya ayaa sidoo kale hub ka soo iibsatay Shiinaha iyo Iiraan, waxaana diyaaradihii ka soo duulayay Imaaraadka Carabta lagu daabuli jiray hubkaasi, sidaas waxaa qortay shabakadda difaaca ee Oryx. Marka loo eego dhinaca Maraykanka, Itoobiya waxaa muddo dheer loo arkayey in ay tahay saaxiib la isku halayn karo, gaar ahaan xilligii uu socday waxa loogu yeero la dagaalanka Argagixisada. Waxa ay la dagaalantay kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ku sugan oo safka hore kaga jira dagaalkaas, waxayna u soo bandhigtay Mareykanka in uu isticmaalo hawadeeda intii uu socday dagaalkii Ciraaq. Waxay ahayd mid ka mid ah dhawr waddan oo Afrikaan ah oo ku biiray “isbahaysiga Maraykanka. Dawlad xasiloon oo ka jirta Itoobiya ayaa muhiim u ahayd xiriirkaas. Mareykanka ayaa taageeray dhaqaale ahaan, isagoo ku wareejiyay $4.2 bilyan oo doolar oo gargaar ah intii u dhaxeysay 2016 iyo 2020. Balse ergeyga Maraykanka u qaabilsan gobolka Jeffrey Feltman ayaa dhaleeceeyay dawladda Faderaalka oo uu ku sheegay in siyaasaddeeda ay keentay gaajo baahsan, waxaana uu barbar dhigay xukuumadda Bashaar Al-asad ee Suuriya. Ma caasimadda ayaa khatar ku jirta? Ka dib markii ay dhowr goor ay dagaalamayaasha Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga (TPLF) ay ku ku soo siqeen waddooyinka ka yimaada Waqooyiga ee soo gala Addis Ababa, ayay xiisaddu cirka isku shareertay. Mareykanka ayaa soo saaray baaqa daadguraynta muwaadiniintiisa, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna codsaday in ciidamo dheeraad ah loo qoro. Maamulka Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka inay diiwaan geliyaan hubka. Jabhad kale oo gacan saar la leh kooxda TPLF ayaa sheegtay in ay sidoo kale ku sii dhawaanayaan caasimadda. Balse ciidamada Tigreega ayaa wali in ka badan 300 oo kilomitir u jira magaalada taas oo ka dhigan inay joogaan agagaarka magaalada Kombolcha. “Ma ahan sida Taalibaan oo marba magaalo qabsanaysay iyaga oo aan xabada ridin,” Tibor Nagy, kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika, ayaa sidaas u sheegay BBC-da. “Meesha ay kooxda TPLF hadda ka hawlgasho, waxaa ka jira iska caabin wayn… waxayna Addis Ababa u noqon doontaa inay la kulmaan dagaal aad u xun oo uu dhiig badan ku daato.” Waxa uu aaminsan yahay in qabsashada caasimadda ay aad u adagtahay isagoo la barbardhigay khatarka nukliyeerka. Kooxda TPLF ayaa sheegtay in waxa dhabta ah ee ay doonayso ay tahay in mucaawinada in ay gaarto dadka ku tabaaleysan gobolka Tigrayga. “Waan sii wadi doonnaa socdaalkena ku aaddan Addis Ababa… laakiin maahan ujeedkeena inaan xukuumadda la wareegno ee waxaan rabnaa in Abiy meesha ka baxo,” afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sidaas u sheegay BBC Focus on Africa. Dowladda Itoobiya ayaa kooxda TPLF u aqoonsatay urur argagixiso, wuxuuna ra’iisal wasaaraha wacad ku maray in uu la dagaalami doono. “Waxaan cadawgan ku aasi doonaa dhiigeena iyo lafahayaga, waxaana mar kale sare u qaadi doonaa sharafta Itoobiya,” ayuu yiri Abiy horaantii bishan. Ma jiraan wada hadalo nabadeed? Walaaca hadda jira ayaa ah in khilaafku uu waji cusub yeesho oo ay sii adkaan doonto in labada dhinac ay dib uga laabtaan. Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in dagaalka uu ku fido dalka oo dhan. Kooxda TPLF ayaa isbahaysi la samaysatay kooxo dhawr ah oo sido kale mucaarad ku ah dawlada kuwaas oo doonaya in uu meesha ka baxo ra’isal wasaare Abiy. Ergeyga Midowga Afrika ee gobolka, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay inay jirto fursadda yar oo lagu wadahali karo. “Waqtiga lagu sameyn karo wadahadalka aad ayuu u yaryaay ,” ayuu u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib markii uu la hadlay labada dhinac mar uu dhawaan booqasho ku tagay Itoobiya. Waxa uu ku baaqayaa in la wada hadlo oo xal siyaasadeed la gaaro, inkastoo uusan weli carabaabin sida lagu gaari karo. Jawaabta uu bixiyay danjiraha Itoobiya ee Qaramada Midoobay, Taye Atske Selassie, ayaa soo koobay dhibaatooyinka ay la kulmi doonaan dhexdhexaadiyeyaasha. Waxa uu sheegay in uu ixtiraamayo baaqa wada hadalka balse uu sii raaciyay in kooxda TPLF ay tahay koox dambiilayaal ah. Qowmiyadda Tigreega ee ku nool dalka Mareykanka ayaa isugu soo baxay magaalada Washinton DC sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii uu dagaalku qarxay Afhayeenka kooxda TPLF Mr Getachew, ayaa dhanka kale, bartiisa Twitterka ku soo qoray “in “badanaa hindisayaasha nabada” ay u badan yihiin badbaadinta Ra’iisul Wasaare Abiy, ee maaha in wax laga qabto caqabadaha siyaasadeed ee ugu daran ee dalka ka jira. Dagaalku muxuu ku saabsan yahay? Asal ahaan khilaafkan ayaa ah is afgaranwaa ka dhex aloosan raysal wasaare Abiy iyo kooxda TPLF oo muddo ku dhow 27 sano ka talinaysay dalka oo dhan. Mr Abiy ayaa xukunka la wareegay sanadkii 2018-kii kadib mowjado mudaaharaad ah oo ay dhigayeen xubno ka tirsan qowmiyadda Oromada. Oromada – oo ah qomiyadda ugu badan ee Itoobiya – waxay muddo dheer dareemayeen in la takooro. Mr Abiy oo isagu ah nin Oromo ah kana mid ah isbahaysiga talada haya ayaa loo arkayay in uu yahay ninka xallin kara dhibaatada jirta. Khilaafka soo kala dhexgalay kooxda TPLF iyo Mr Abiy ayaa markaas kadib qarxay wuxuuna horseeday dagaal 12 bilood qarxay ka dib markii ciidamada Tigreega lagu eedeeyay in ay weerareen saldhigyada ciidamada si ay hub u dhacaan waxaana ka jawaabtay dowladda federaalka. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay inay suurtagal tahay in 38 maalmood gudaheed lagu soo gebagabeeyo doorashada Aqalka Hoose, maadama ay yihiin kuraas furan. Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in doorashada Aqalka Hoose ay tahay mid ka madhan qancinta shaqsiyaad iyo waan-waan, maadama ay leeyihiin qabaa’il, halka middii hore ee Aqalka Sare ay arrimahaas mudada dheereyeen, sida uu sheegay. “Kuraasta Aqalka Sare waa wax qof ku xiran oo madaxda dowlad goboleedyada ayey ku xidhneyd, ayagana waxay u baahnaayen u kala dab qaad, wax kala jiid iyo dad badan inay wax ku kala qanciyaan oo wax badan oo xal ah oo gudaha ay ka wadeen ayaa keenayay inay waqtigaas qaadato,” “Doorashada kuraasta Golaha Shacabka midaas waa ka duwan tahay oo qabaa’ilka ayaa iska leh, majirto cid cid lagu qanciyo. Golaha Shacabka ayaa in badan ka fudud marka aad fiiriso Aqalka Hoose, waxaad u baahaneysa un in qabaa’ilka kala ilaaliso ee uma baahnid siyaasi wax kala jiidi kara.” Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada Aqalka Hoose ay shaqo ahaan iyo tiro ahaanba ay ka balaaran tahay middii hore ee Aqalka Sare, hase yeeshe ay muddo kooban tahay doorashadii hore oo is-jiid-jiid badan uu dib u dhigay. Doorashada Aqalka Hoose ayaa dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay dalka, ayada oo shalay uu Guddiga doorashooyinka Somaliland uu shaaciyey in toddobaadkan gudihiisa uu qaban doono 9 kursi oo kamid kuwa gobollada Waqooyi. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa hore u go’aamiyey in doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah u bilaabmato 16-ka bishaan November, ayada oo 24 December 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashadaas. The post Arrinta suura-tagal ka dhigi karta in doorashada Aqalka Hoose ka muddo gaabnato tii Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  3. Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa magacaabay guddoomiye cusub oo xisbiga u qaabilsanaan doona Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. Mudane, Mukhtaar Axmed Cali ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer. Magacaabistan oo ku soo baxday wareegto uu soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Dheere waxay u dhignayd sidan hoose: Source
  4. Bogota (Caasimada Online) – Colombia ayaa Axaddii sheegtay inay isha ku hayso dhaqdhaaqyo ay kooxda Xizbullah ee Shiicada ah ka waddo dalkaas, ayada oo ku eedeysay inay fuliso falal dambiyeed. “Laba bil kahor waxaan ku qasbanaanay inaan la tacaalno xaalad keentay inaan abaabulno howlgal lagu qabtay laguna eryey laba dambiilayaal oo ay shaqaaleysay kooxda Xizbullah, oo ujeedkoodu ahaa inay falal dambiyeed ka fuliyaan gudaha Colombia,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Gaashaandhigga Colombia Diego Molano oo wareysi siiyey wargeyska maalinlaha ah ee El Tiempo. Ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer oo ku saabsan howlgalka dowladda. Hase yeeshee wargeyska, oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka militariga, ayaa sheegay in kooxda reer Lubnaan ay basaaseysay ganacsato Mareykan iyo Israeli ah oo ku sugan Colombia. Dalka Colombia ayaa waxaa ku nool jaaliyad reer Lubnaan ah oo tiro muuqato leh. Kooxda Xizbullah ayaa waxaa horey loogu warramay inay ku sugan tahay dalka Venezuela iyo dalal kale oo ka tirsan Latin America. Molano ayaa sheegay “inay jirto halis la xiriirta joogitaanka Xizbullah ee Venezuela iyo halista amni ee Colombia uga iman karta xiriirka ay kooxdaas la leedahay kooxaha argagixisada ee ku sugan dhinaca xuduudda Venezuela.” Isaga oo booqasho Israel uu ku tegay ku wehliya madaxweyne Ivan Duque, ayaa Molano wuxuu 8-dii November sheegay in labada dal “ay wadaagaan cadow guud oo ah Iran iyo Xizbullah.” Hase yeeshee wuxuu Axaddii sheegay inuu ku deg degay hadalkaas. Hadalkiisa ayaa waxaa aad looga cambaareeyey Iran – oo Colombia la laheyd xiriir diblomaasi tan iyo 1975-kii – waxaana safiirka Tehran ee Bogota Mohammad Ali Ziaei uu sheegay “in burburinta xiriirka aysan dan ugu jirin shacabka.” Madaxweyne Duque ayaa goor dambe sheegay “in Colombia aysan eregyga ‘cadow’ u adeegsan dal kale,” isaga oo intaas ku daray “intaas aysan ka dhigneyn inaan ku kala aragti duwanweyn su’aalaha gaarka ah ee Iran.” AFP + VOA The post Xizbullah ‘oo dhaqdhaaqyo ka wada’ dalka Colombia appeared first on Caasimada Online.
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland. Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xogagaal ah Safarka Axmed Madoobe ayaa yimid kadib markii uu madaxweyne Deni ka dalbaday inay kulmaan, si ay diirada ugu saaran qorshaha ku saabasan hamiga Deni uu ka leeyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Wararka ayaa intaas kusii daraya in qorshaha Deni ay qeyb ka tahay in dhigiisa Axmed Madoobe uu ku gacan siiyo sidii uu si dadban u maamuli lahaa, islamarkaana uu gacanta ugu hayn lahaa xildhibaanada kasoo baxaya Jubbaland, maadama ay xulufo siyaasadeed yihiin. Sidoo kale waxay ka wada-hadli doonaan bilaabista doorashada Golaha Shacabka oo ayadu si hordhac ah uga bilaabatay dalka, islamarkaana muhiim u ah doorashada soo socota ee madaxweynaha oo si weyn loogu tartamayo, qeybna ay ka yihiin maamullada. Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah saaxibo siyaasadeed oo si aad ah isugu dhow, islamarkaana xulafanimadooda sii xoojiyey tan iyo markii ay soo bilaabatay dooda doorashada. Sida ay ogtahay Caasimada Online, Musharaxnimada madaxweyne ee Saciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa ka harsan oo kaliya inuu ku dhowaaqo, ayada oo tallaabooyinka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe uu qaadayay ay muujinayeen arrintaas. Musharaxnimada Deni waxay isbeddel weyn ku sameyn doonta ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxayna yeelan doontaa cawaaqib saameyn doono musharaxiin badan. Wuxuu noqon doona musharaxa kaliya ee si toos ah iyo si dadban u maamulaya doorashada in ka badan 100 xildhibaan oo isugu jira kuwa Aqalka Sare iyo kuwa Golaha Shacabka. Ma jiro musharax u taagan xil madaxweynaha oo saameyn intaas le’eg oo toos ah ku leh hanaanka doorashada xildhibaanada, waana midda keli ah ee rejada ku abuureysa madaxweynaha maamulka Puntland. The post DENI oo qorshe siyaasadeed weyn u kaashanaya Axmed Madoobe, kahor doorashada appeared first on Caasimada Online.
  6. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka shirweynaha labaad Xisbiga Waddani oo maanta ka furmay Hargeysa. Guddoomiye Cirro, ayaa khudbadiisa kaga hadlay marxaladda waddanku marayo, Sicir bararka, siyaasadda arrimaah dibedda, doorashooyinka iyo qorsheyaasha Xisbiga Waddani ee doorashada madaxtooyada ee soo socota. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu khudbadiisa ku sheegay inuu ka hadhay mar labaad inuu u tartamo jagada Guddoomiyaha ee Xisbiga Waddani, isaga oo xusay inuu fursad siinayo madaxda kale ee Xisbiga Waddani. Khudbadan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan: KHUDBADDA SHIRWEYNAHA 2AAD EE GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI Taariikh: 15ka November 2021. Bismillaahi Raxmaani Raxiim Marwooyin iyo Mudanayaal, ALXAMDU LILAAHI WAXDAH, WA-SALAATU WA-SALAAMU CALAA MAN LAA NABIYA BACDAH. Dhammaan ergooyinka ka soo qeyb galay Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI, dhammaan asaasayaashi Xisbiga WADDANI, dhammaan hawl-wadeennada Xisbiga ee Gobollada, Degmooyinka iyo laamaha dibedda, Madaxda Axsaabta Qaranka, Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, Guddida Doorashooyinka Qaranka, dhammaan madaxda dhaqanka, dhammaan marti-sharafta kale iyo Saxaafadda ee ka soo qeyb galay Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI, Assalaamu Caleykum wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu. Sida oo kale waxa aan salaan qaaliya hawada u marinayaa dhammaan Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaanna taageerayaasha baaxadda leh ee Xisbiga WADDANI ee Gudaha iyo dibedba ku nool. Waxa aan sida oo kale mahadnaq balaadhan oo huwan maamuusi yo sharafba u jeedinayaa Guddoomiyihii iyo dhammaan Xubnihii Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI ee muddada soo wadday- Jazaakallahu kheyran, anigoo og hawshii baaxadda lahayd ee ay soo galeen waxaan codsanayaa in sacab mugweyn loo tumo. Intaa kaddib, waxa aan u duceynaynaa dhammaan Madaxdii iyo xubnihii Xisbigan WADDANI aasaasay, tacabka badan geliyey isla markaana Ilaahay oofsaday, walaalayaal aynu Faataxada u marno in Ilaahay Jannooyinkiisa ku casuumo. Si gaar ah, waxa aan Shirweynaha ugu Xusayaa Madaxdii Xisbigan dhidibadda u taagtay Marxuu Cabdillaahi Siciid Dheere, Marxuum Cabdishakuur Sh Cali Jawhar, iyo Guddoomiyihii Garabkayagii UCID Marxuum Aadan Maxamed Mire Waqaf. 1. Kaalintii Xisbiga WADDANI ee Hannaanka Dimuqraadiyadda & Axsaabta badan: Marooyin & Mudanayaal, Sida la wada ogyahay Xisbiga WADDANI waa Xisbiga ugu da’da yar Xisbiyada Qaranka, marka la eego intii uu jiray waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay Xisbiga ugu koritaanka badan, isla markaana ugu curinta badan axsaabta Qaranka, waxaa mahadsan kaadirkii XISBIGA WADDANI ee halkaa uu maanta joogo soo gaadhsiiyey hablo iyo ragba, cid kasta oo Xisbiga maalin irbad dun u gelisayna waan u mahadnaqayaa, abaalka Xisbiga ay ku leeyihiinna ogaal weyn baan u leenahay. Marwooyin & Mudanayaal, Xisbiga WADDANI waxa uu ka dhashay dareen iyo go’aan ah in dib loo culo weelka siyaasadda, lana keeno dhiig cusub iyo maskax firfircoon oo lagu dardarelinayo xaqiijinta himilooyinka umadda reer Somaliland ay leedahay. Waxa uu albaabo cusub u furay da’yarta si ay xooggooda maskax iyo muruqba ugu dhisi lahaayeen dalkooda maantana markhaatigaas waad ka aragtaan Siyaasiyiinta culus ee dhalinyarada ah ee uu Xisbigu u soo saaray Jamhuuryadda Somaliland. Xisbigu waxa uu Bulsho weynta Somaliland ku hoggaaminayaa hiiraal iyo hiigsi mideysan bari, badhtamaha iyo Galbeedka. Waxa Iyana siyaasiyan kalifay in la aasaaso Xisbiga WADDANI waxa uu ahaa in la helo is aaminaad bulsho, oo ah ta maanta keentay in Xisbiga WADDANI dhexdiisa ay ka dhalato hoggaamin la sharribay, siyaasiyiin da’yar oo Xisbiga lagu dhex carbiyey, iyo Waayeel iyo Maskax shilis oo Xisbiga dhexdiisa fikradaha wax ku oolka curiya si jiilasha danbe loogu abuuro nolol ka wanaagsan ta maanta. Xisbiga WADDANI, waxa uu kor u qaaday ka qeybgalka Siyaasadda ee Haweenka, Dhalinayarada, Dadyowga la hayb sooco ee aan laga badeyn, iyo in nidaamka Xisbiyada Somaliland uu noqdo mid hore u socod ah oo bulshadana waxtar iyo wax soo saar u leh. Hoggaanka cusub ee Xisbiga waxa ka mid noqon doona laba (2) haween ah, horena Xisbiga WADDANI waxa uu ahaa Xisbiga keliya ee hoggaankiisa haween ku jiro. Xisbiga WADDANI waxa uu soo kordhiyey saaxad isla xisaabtan, iyo in la dabaqo hannaanka mucaaraddada saxda ah ee ku dhisan toosinta baylahda Qaranka, iftiiminta goldaloolooyinka danta Qaranku ku jirto iyo kaalingalka nidaamka mucaaraddada aqoonta ku dhisan ee aan ku dhisneyn cayda, aflagaadada iyo naca bulshada la dhex dhigo. Walaalayaal, si aad u dareentaan kaalinta korriin ee xowliga ah ee uu Xisbiga WADDANI ku tallaabsanayey, waxa aan tusaale nool u soo qaadan karnaa in Xisbigu isaga oo afar(4) jir ah uu doorashadii Madaxtooyada galay 2017, waxa uuna noqday Xisbigii ugu horreeyey ee mucaarad ah ee Somaliland ka jira ee Doorasho Madaxweyne gala ee hela wax ka badan 40%, Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee innaga horreeyey ma jiro mid kaalintaas gaadhay, waxa u saamaxayna waxa ay ahayd barnaamijkiisa siyaasadeed oo ku yimi wada-tashi, isqancin, dood furan, lafa-gurka iyo ku qanaca bulshada ee barnaamijka Xisbiga. Maantana waxa Xisbiga WADDANI uu u ballan-qaadayaa shacbigiisa in uu mar labaad ummadda reer Somaliland soo hordhigi doono Barnaamij siyaasadeed ka turjumi doona danahooda iyo baahiyahooda bulsho. Walaalayaal, Doorashadii dhacday 2021kii ee isku sidkaneyd waxa ay ahayd mid taariikhi ah oo uu Xisbigu ku muujiyey awooddiisa, taageeradiisa iyo kalsoonidiisa uu ka haysto Shacabka, waxa ay muujineysaa in ay arrintaasi ku timid tacab iyo tamar badan oo Xisbiga dib loo geliyey, waxa ayna caddeyn u tahay in Xisbigu isu diyaariyey hanashada kursiga ugu sarreeya Jamhuuriyadda Somaliland. Maanta bulshada reer Somaliland, waxa ay u oomman tahay, haraad iyo jeel baaxad lehna u qabta una dooneysa isbedel ku dhisan aqoon, sinnaan iyo caddaalad, kuwaas oo dhammaantood ku qotoma Barnaamij siyaasadeedka Xisbiga, kasbashada quluubta Shacabka ee Xisbiga WADDANI ku tallaabsanayey intii dhaweyd-ba waxa ay yididiilo u tahay Shacbiga xariirta ah ee amalka aan duugoobayn ku qaba wadankooda Somaliland in majirihiisa wax laga beddelo, siyaasaddiisa la falkiyo, dhaqaalihiisa la kobciyo isla markaana rejo weyn loo abuuro muwaadiniinta gaar ahaan dhallinyarada oo 70% ka ah bulshadeenna. 2. Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee 2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu la kulmay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Bishii August 2021, wuxuuna u xaqiijiyey in uu diyaar u yahay in doorashadii Madaxtooyada ay waqtigeedii ku qabsoonto wuxuuna Komishanka faray in ay soo diyaariyaan miisaaniyaddii (budget) iyo qorshihii doorahsada (Time line). Xogaha rasmiga ah ee Komishanku la wadaagay Axsaabta Qaranka waxa ay tahay in ay diyaariyeen miisaanyaddii oo ay yareeyeen iyo qorshihii qabashada doorashada Madaxtooyada ee November 13, 2022 oo la dhammaystiray. Waxaa kale oo Komishanaku safar shaqo ugu baxeen dalka Kenya si ay ula soo kulmaan beesha caalamka uguna soo xog warramaan dalalka innaga taageera hannaanka dimquraadiyadda iyo doorashooyinka kuwaas oo si weyn u taageeray qorshihii ay ula tageen Komishankeennu. Waan u mahadnaqayaa Madaxweynaha, Komishanka Doorashooyinka iyo beesha caalamka ee innaga taageera arrimaha doorashooyinka iyo dimquraadiyadda. Waxa aan ergooyinka Shirweynaha ku wargelinayaa in Xisbiga WADDANI, anniga oo ah Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI iyo Madaxweyne ku xigeenkayga Dr Mohamed Cali Cabdi aan diyaar u nahay in doorashada Madaxtooyada JSL ku qabsoonato xiligeeda oo ah 13ka November 2022 wax naga qabyo ahina aanay jirin haba yaraatee. Waxaa kale oo aannu Madaxweynaha xasuusinayaa in qaranku ka sugayo Siyaasadda xukuumaddiisa ee qabashada doorashada Golaha Guurtida, waxaanu dhawaaq dheer kaga digeynaa dib-u-dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinka inagu soo fool leh, taas oo aanu qaadi karayn waddankeenu marxaladan lagu jiro. 3. Tacadiyadda, Cabudhinta Saxaafadda & Siyaasiyiinta: Walaalayaal, Xukuumadda Madaxweyne Muuse, afar sanno ka bacdi weli kama ay xiiso jabin cabudhinta Saxaafadda iyo hay’adaha warbaahinta, xadhiga muwaadiniinta, ku tumashada xuquuqul insaanka, xadhiga saraakiisha Xisbiyada waxaana hadda ku soo kordhay in ay si toos ah saraakiisha Xukuumadda iyo kuwa amnigu ugu soo hanjabaan saraakiisha Xisbiga WADDANI. Waxa aan Xukuumadda ugu baaqayaa in saraakiisha Xisbiga WADDANI ee xidhan xorriyaddooda loo soo celiyo oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodijeex oo xidhan muddo 3 bilood ah wax dembi ahna aan lagu caddeyn ilaa hadda lagana waantoobo hab dhaqankan cusub ee hanjabaadda iyo cabsi gelinta taas oon haba yaraatee waxba ka bedelayn xil-gudashada saraakiisha xisbiga WADDANI. Waajibaadka Axsaabta Mucaaridka ahina waa tilmaamidda dhaliilaha iyo toosinta Xukuumadda. Warbixnahu Xisbigu helay waxa ay tilmaamayaan in labadii sanno ee ugu dambeeyey ee ay Xukuumadda Muuse jirtay uu xadhiga iyo tacaddiga loo geysto Saxafiyiinta iyo Siyaasiyiinta Somaliland ahaayeen kuwii ugu badnaa. Marka la isku geeyo 2019 iyo 2020-ka tirada Saxafiyiinta la xidhay waxa ay kor u dhaafayaan 50 suxufi oo ay yartahay inta sifo sharci ah loo maray xadhigooda. Sida oo kale sannadkii 2019-kii waxaa la xidhay Xildhibaano Dastuurku siiyey xasaanad. Waxaa iyana ka warqabteen in Xoghayaha Guud (Khadar Xuseen), Afhayeenka Xisbiga (Barkhad) iyo Xoghayaha Arrimaha Bulshada (Maxamed Sidiiq) isla sannadkaas xabsiga loo taxaabay! 4. Siyaasadda Arrimaha Dibedda: Mudanaayl & Marwooyin, Soddon sanno ka bacdi, Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waxa ay u baahan tahay dib u eegis iyo dib u qiimeyn. Maxaa inoo qabsoomay , maxaa caqabada ah innaga horyimid, maxa aynu xal u helnay, maxaynu xal u weynay, halkeen uga dhaqaaqaynaa halka aan maanta taaganahay? Hal tusaale, aan idin siiyo. Xiligii aan ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada 2007 waxaa wafdi aan hoggaaminayey oo ka koobnaa, anniga, Guddoomiye ku xigeenkii Golaha Wakiilada Mudane Baashe M Faarax, Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha Wakiilada oo sideed ( ahaa iyo madax ka tirsanaa saddexda Xisbi Qaran (Faysal, Bullaale iyo Fagadhe) ku tagnay dalalka Ethiopia iyo Uganda safar shaqo. Intii aan joognay Ethiopia waxa aan aragnay, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddiyada baarlamaanka, Madaxweynaha Ethiopia, Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Guddoomiye ku-xigeenkii Midawga Africa. Intii Joognay Kampala waxa aan la kulanay Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenkiisa iyo Madaxda Guddiyada Baarlamaanka Uganda. Marwo Amina Hersi oo ka mid ah maaqabeenada wadanka Uganda ahna haweenay reer Somaliland ah waxay madaxdayadii Somaliland kala qayb gashay kulan wayn oo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda aanu la qaadanay iyada oo doorweyn ku lahayd qabsoomidda kulanka. Wafdigayagii waxaanu Wasiirka ka codsaday in Somaliland loo ogolaado goobjoog (Observer status) shirkii dalalka barwaaqa sooranka (Common Wealth) oo ka qabsoomayey Kampala xilligaas, boqorrada dalka Ingiriiskuna furaysay. Wasiirku codsigaas wuu ogolaaday, waxaana ka qayb galay saddexdii Xisbi ee Qaran ee JSL ee Xiligaas oo Gudoomiye Faysal Cali Xuseen ka mid ahaa. Anniga, Baashe, Faysal, Fagadhe, Amb Jawaahir Sh Madar iyo Odaygeeda waxa aan isla xilligaas safar shaqo ku tagnay dalka Rwanda oo aan la kulannay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha Guurtida iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda. Wasiirka Arrimaha ee Rwanda waxa uu ahaa Wasiirka ka soo jeediyey Shirkii Midawga Africa in la hor keeno report 2005 tii ay qoreen wafdiga midowga Africa ee xaqiiqo raadinta u yimi Somaliland. Waxa xilligaa ii muuqday in ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland laga midho dhallin karo. Waftigii reer Somaliland een hogaaminayey 2007dii annaga oo isu dhan ka dib markii aan safarkaas ka soo noqonay, waxa aan Madaxweyne Riyaale u qoray warbixin iyo talo soo jeedin 16 bog ahayd oo ku saabsan sida ictiraafka Somaliland looga midho dhalin karo intii xiligaas noo muuqatay. Talooyinka waxa ka mid ahaa in la abuuro Guddi Ictiraaf raadin ah loona sameeyo misaaniyad gaar ah oo ay ku howlgasho, kuwaas oo ka midaysan qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland axsaabtuna door muuqda iyo tallo ku leeyihiin. Talooyinkii madaxdii aan la soo kulanay oo dhammaantood Somaliland u hayey niyad wanaag waxa ka mid ahaa tilmaanta dawlado ay u arkayeen in Somaliland xidhiidhkoodka abuurto oo xoojiso sida Nigeria iyo Algeria kuwo ay tilmaameen inay Somaliland si badheedh ah uga soo horjeedaan sida Masar iyo Sudan kuna taliyeen in Somaliland ka hawl galsho oo kasbato. Laba xukuumadood oo xisbiga KULMIYE ah baan ka danbeeyey Madaxweyne Riyaale, welina lama curin siyaasad arrimo dabadeed oo Axsaabta Qaranku ku taageerto Xukuumadda Somaliland. Somaliland waxay u baahan tahay in Xukuumadda maanta joogtaa la timaaddo siyaasad arrimo dibadeed oo Axsaabta Qarankuna ku taageerto tiir dhexaadna u tahay ictiraaf raadinta Somaliland taas oo aan maanta jirin ama muuqan. Muddo xileedka Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi waxa hoos u dhacay xidhiidhki saxiibtinimo ee Waddamada Jaarka Somaliland oo ay astaan u noqon karto in aan Somaliland lagu martiqaadin Xafladii caleemo saarka Raysal Wasaaraha Ethiopia. Waxaa hoos u dhacay xidhidhkii Xildhibaanadi Saxiibada Somaliland ee Baarlamanka Ingiriiska. Qorshaha ictiraaf raadinta ee Somaliland waa in aan waqtiga iyo dadaal badan gelinaa xidhiidh dhawnana Somaliland la yeelataa dalalka xubnaha ka ah midowga Africa (African Union). Ictiraafka Somaliland ka maarmi maayo inaan helo dawlad ka mid ah dawladaha waawayn ee ka tirsan golaha amaanka ee qaramada midoobay ee leh diidmada qayaxan (veto power) . Wakhtigan way jiraan dawlado Somaliland saxiib dhaw la ah, way fiicnaan lahayd in xukuumadeennu wanaajiso xidhiidhka ay la leedahay dalweynaha shiinaha oo gobolka ka wada horumar balaadhan ( Djibouti iyo Ethiopia), aqoonsigana wax badan inooga tarimayso dawlad aan iyada la aqoonsanayn sida Taiwan, mar kasta waa inaan wanaajinaa macaamilkeenna dawldnimo ee dawladaha muhiimka ah. Waxa kale oo xaqiiqo ah in dhamaan quwadaha waaweyni danaynayaan Somaliland maadaama ay boqcad istaraatiji ah ku taal (startegic positioin) arrintanna ibo furkeeda waxa looga baahan yahay xukuumadda Somaliland. 5. Somaliland iyo Soomaaliya: Dalalka Somaliland la jaarka tahay, Midowga Afrika iyo saxiibadeenna beesha caalamkuba waxa ay Somaliland kula taliyeen inay Somalia wada-hadlaan, Xisbi ahaanna waxa aan u aragnaa in wada-hadalku yahay mid ka mid ah furayaasha ictiraafka, sidaas darteed, waan sii wadi doonnaa ka midho dhalinta wada-hadalka Somaliland iyo Somalia. 6. Beesha Caalamka: Beesha caalamka waxa aan leeyahay waad ogtihiin in Somaliland tahay xaqiiqo jirta, waad og tihiin in Somaliland ka mid tahay dalalkii Afrika ee xorriyaddooda qaatay 26 June 1960, waad ogtihiin in shacbiga Somaliland afti ku doorteen inay la soo noqdaan Madax-bannaanidooda iyo Qarannimadooda, waad ogtihiin in Somaliland tahay dal xasilloon oo nabad ah, waad ogtihiin in Somaliland tahay dal hirgeliyey nidaamka axsaabta badan iyo dimquraadiyadda. Somaliland waxa ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato arrimaha Geeska Afrika oo ay cid kasta uga faro dhuubantahay, Somaliland waxa ay diyaar u tahay inay beesha caalamka kala shaqeyso arrimaha nabadeynta oo waayo aragnimo badan u leedahay, waxaa Somaliland u muujisay dalalka ay la deriska ah jaar wanaag. Waxa aan beesha caalamka iyo qaramada midoobay labadaba ugu baaqayaa in ay tixgeliyaan rabitaanka shacbiga Somaliland ee ah aaayo ka tashigooda. 7. Ganacsiga, Maciishadda & Qaaliyowga Nolosha. Marwooyin & Mudanayaal, Waxa maanta marag ma doon ah in guri kasta oo Somaliland ku yaal laga dareemayo kor u kaca ku yimid quutul daruuriga iyo waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha, haddii sicir baraku kor u sii socda oo aan la xadidinna waxa ka dhalan kara khataro badan oo si gaar ah u taaban doona bulshadeenna kuwaas oo ay kow ka tahay in shacbigu u kala baxo dabaqado abuurantanna kala sarreyn bulsho taas oo aakhirka saameyn taban ku yeelan doonta amniga qaranka. Sidaa awgeed waxa aan Xukuumadda u soo jeedinaynaa inay arrintan siyaasad cad ka soo saarto si dhakhso ahna wax uga qabato maciishaddan cirku isku sii shareeraysa, innaga oo maanka ku wada haynna wixii sababay gugii carabta (Arab Spring) inuu ahaa maciishad qaali garawday oo waxba laga qaban kari waayey iyo shaqo la,aan baahday. 8. Go’aanka Tartanka Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI: Marwooyin iyo Mudanayaal, Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI waxa uu noqon doonaa Shirweyne taariikhda gala. Gugii 2002-dii, markii Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgalay nidaamka axsaabta badani iyo ilaa maanta waxaa xeer ama dhaqan ahaan jirtay welina ah in Guddoomiyayaasha axsaabtu aanay bannayn jirin welina bannayn xilka Guddoomiyaha Xisbiga ilaa ay Madaxweyne noqdaan. • Guddoomiye Faysal oo ahaa asaasihii iyo Guddoomiyihii kowaad ee Xisbiga UCID weli waa Guddoomiyaha xisbiga 2002dii ilaa maanta 2021-ka. • Madaxweyne Axmed Maxamuud oo ahaa asaasihii iyo Guddoomiyihii kowaad ee Xisbiga KULMIYE waxa uu xilka Guddoomiyaha Xisbiga wareejiyey markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland noqday ee 2010-kii. • Madaxweyne Muuse Biixi oo noqday Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE 2010, Madaxweynena noqday 2017, weli wuu haysta xilka Guddoomiyaha Xisbiga. • Annigu waxa aan Guddoomiyaha Xisbigan noqday 2012kii xiligaas oo shahaadada xisbinimo la siiyey xisbiga WADDANI, Muuse iyo Faysal labaduba way iiga horreeyeen xilka Guddoomiyaha Xisbiyada, da’ahaanna labaduba waa ay iga weyn yihiin, hase yeeshee, annigu waxa aan maanta Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI hortiisa kaga dhawaaqayaa in aan ka hadhay in aan u tartamo mar 2aad xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahayna musharax u taagan una tartamaya xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee doorashada Madaxtooyada JSL ee November 13, 2022. Marwooyin & Mudanayaal, Waxaan jecelahay inaan xuso ama sheego qaar ka mid sababaha aan u tartankan Guddoomiye-nimada Xisbiga uga hadhay: 1. In aan aabuuro is aaminaad siyaasadeed iyo axsaab la wada-leeyahay oo aan deegaan gaar ah iyo qof gaar ah ku suntanayn. 2. In aan bilaabo sunne cusub oo ah in Gudoomiye xisbi ku dhaco inuu wareejiyo xilka gudoomiyaha isaga oo weli haakah odhan oon madaxweyne noqon. 3. In aan fursad siiyo in dhallinyaradu qaban karto xilalka ugu sarreeya Xisbiga oo uu ka mid yahay xilka Guddoomiyaha Xisbigu. 4. In la beddelo lanana tirtiro dhaqanka beelo gacan isu dhiibka ee siyaasadda. 5. In la dhiso oo la adkeeyo lana aamino hannaanka xisbinimada ee dalkeenna ka hirgalay. 6. In sunaha aan maanta bilaabay noqon mid anniga igu koobma oo keliya , balse, Gudoomiyaha igu xigaana uu dhaqankaaas qori isu dhiibka ah halkaas ka sii wado taas oo dhiiri geli weyn u noqon doontaa kaadirka xisbiga WADDANI. 7. Iyo In aan abuuro dhaqan siyaasadeed wanaagsan oo ay inagaga daydaan Xisbiyada kale ee inaga da,weyni hal-abuurkan iyo kaalintan aan ku soo kordhiyey siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland. Walaalayaal, Waxaan hadalkayga ku gunaanadayaa oo kaga tegeyaa : Haddii shacbiga Somaliland ii doortaan Madaxweynaha JSL, waxa aan rumeysnnahay in aan noqon doono Madaxweyne uruuriya, mideeya, qiimeeya, qaddariya oo u adeega shacbigiisa kuna filantahay oo keliya maamuska shacbigiisu ku doorteen wixii ka soo hadhay oo dhanmina noqon doonaan caaddalad, sinnaan iyo wax wada-lahaansho Shacbiga wada gaadha, taas oo meesha ka saari doonta inay cidi dareento sad-bursiin cid kalena u qaadato inay qadeen. Somaliland ha noolaato. Allaa Mahad leh ____________ Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilan ee Xisbiga WADDANI Source
  7. As Samsam Said Mohamed was growing up, she started to notice that something was not quite right when it came to the situation that her fellow Somali women found themselves in. Source: Hiiraan Online
  8. Warbaahinta Dunida oo Maalmihii u dambeeyay si weyn wax uga qorayey qadiyadda ictiraaf-raadinta ee Somaliland, ayaa sheegaya in xidhiidhka sii koraya ee Somaliland iyo Maraykanku ay fure u noqo karo aqoonsi Somaliland hesho. War-bixin ay daabacday African Report, oo Ciwaan looga dhigay “Xidhiidhka sii kordhaya ee Maraykanku wuxuu fure u noqon karaa aqoonsiga Somaliland”, ayaa lagu sheegay in Somaliland oo Madax-banaanideeda Soomaaliya kala soo noqotay 30 sano ka hor markii Siyaad Barre Dawladdiisii burburtay ay ka faa’idaysatay isbeddellada ka ka socda Gobolka. Warku wuxuu intaa ku daray inay ka faa’idaysatay Isbeddellada Gobolka, kaasi oo kor u qaaday sumcadda ay ku dhex leedahay siyaasiyiinta Maraykanka. African Report wuxuu qoray “Somaliland waxay haysataa taageerada Maraykanka oo sii kordheysa si ay qaddiyaddeeda u hesho aqoonsi diblomaasiyadeed.” African Report waxa kale oo uu sheegay “Somaliland waxa ay Washington u diri doontaa wasiirkeeda cusub ee arrimaha dibadda, Dr Ciise Kayd ka hor 25-ka bishan November” Laakiin, Xukuumadda Somaliland ayaa Weftigaa dirtay muddada Wargeysku sheegay ka hor, iyadoo Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland uu Sabtidii gaadhay Dalka Maraykanka. Weftiga Wasiirka Arrimaha dibedda, waxa ka mid ah Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf-raadinta Somaliland. Safarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo masuuliyiin hore oo Maraykan ah – oo ay ku jiraan ugu yaraan saddex sarkaal oo Afrikaan ah oo hore uga tirsanaan jiray wasaaradda arrimaha dibadda – iyo xubin muhiim ah oo ka tirsan Congress-ka ay u soo ban-baxeen inay taageeraan sii xoojinta xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland, sida ay daabacday African Report. Safarkan, ayaa sidoo kale ku soo beegmaya Shirwaynaha Dimuqraadiyada oo lagu qabanayo Washington D.C. Shirkan ayaa waxa ka soo qaybgalaya wadamo ka badan 100, laakiin aan la shaacin Magacyadooda. Shirweynaha Dimuqraadiyada ayaa socon doonaa December 9-ka December illaa 11-keeda, waxaana lagaga hadli doonaa khatarta Shiinaha Geeska Qaran News
  9. Trade in the livestock markets in the village of Bukadhabo in Ethiopia’s Somali region has stopped after a local woman died and 39 other villagers became sick from eating the meat of a camel infected with anthrax. Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Addis Ababa)-Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Olusegun Obasanjo ayaa ka digay in wada hadal aan nabad lagaga dhalin karin Itoobiya inta uu dagaalku sii xoogaysanayo. Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay wadahadallada suurtagalka ah, balse loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan dagaalka oo la helo fursad abuuri karta wadahadal. Obasanjo ayaa ka dhoofay Itoobiya Khamiistii ka dib markii uu la kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo hoggaanka jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), halka ergeyga gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman uu sidoo kale booqasho ku tagay dalka todobaadkii hore. Dagaalyahannada Tigreega ayaa sheegay in aan wax gorgortan ah la geli karin dowladda ilaa maamulka federaalku uu ogolaado in gargaar la gaadhsiiyo gobalka Tigray. Addis Ababa ayaa sheegtay in ay tahay in qoomiyada Tigreegu ay garwaaqsadaan sharcinimada dowladda ayna ka baxaan gobollada Axmaarada iyo Canfarta. In ka badan 12 bilood oo dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo ciidamada Tigreega ayaa galaaftay nolosha kumannaan qof, waxaana ku barakacay in ka badan laba milyan oo qof, iyadoo boqolaal kun ay soo food saartay xaalad macaluul oo kale ah. Source
  11. Xiisadda Basaasnimo oo ka dhex qaraxday Turkiga iyo Israa’iil Lamaanahan lagu kala magacaabo Mordi iyo Natalie Oknin ayaa Turkiga u aaday dabaldag dhalasho Israa’iil ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u sii deyn lahayd lamaane Israa’iili ah oo ku xiran Turkiga, kaddib markii lagu eedeeyay inay basaasayeen qasriga madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee Istanbul. Eedeymaha loo soo jeediyay ayaa waxaa beenisay dowladda Israa’iil, waxayna arrintan horseeday xiisad diblomaasiyadeed oo labada dhinac ka dhex aloosantay. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa bayaan uu soo saaray kaga hadlay eedeymaha madaxda Turkiga ee ah in ay xireen laba basaas oo Israa’iili ah, wuxuuna xaqiijiyay in uu la xiriiray lamaanahani lagu kala magacaabo Natalie iyo Mordi Oknin. Mr Bennett ayaa sidoo kale bayaankiisa ku sheegay in uu la xiriiray qoysaska lamaanaha oo uu ku wargeliyay dadaalka lagu jiro in dib loogu soo celiyo Israa’iil . Ka dib shirkii golaha wasiirada ee Axadii, Bennett wuxuu sheegay inuu u xaqiijiyay mas’uuliyiinta Israel in lammaanahan “aysan ka tirsanayn sirdoonka Israa’iil. Rai’sul wasaaraha Israa’iil ayaa xusay in lamaanaha la xiray ay darwal bas ka ahaayeen bartamaha Israa’iil. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in madaxda sare ee Israa’iil ay arrintan wax ka qabteen dhammaadkii toddobaadkii hore, iyadoo ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayna sii wadi doonaan in si hagar la’aan ah uga shaqeeyaan xal u helidda arrintan sida ugu dhaqsaha badan. Bishii hore, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in 15 qof la xiray, kuwaasoo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israa’iil iyo inay u shaqeynayeen hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Rai’sul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett lamaanahan oo si lama filaan ah loo waayay Lamaanahan oo da’doodu ay 40-sano jir tahay ayaa u dhoofay dalka Turkiga si ay ugu soo dabbaal-degaan dhalashada mid ka mid ah, waxaana lagu waday inay Isra’iil ku laabtaan Talaadadii la so dhaafay. Balse si lama filaan ah ayaa loo waayeen meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyey Channel 12 oo ah telefishin Israa’iil ka howlgala. Warka ayaa intaa ku daraya in xaaska Natalie ay muuqaal ka soo duubtay guri ku yaala Istanbul , iyada oo ka dib-na WhatsApp-ka ugu dirtay xubno ka mid ah qoyskeeda kuna qortay, “Maxaa ka qurux badan gurigan .” Wixii markaas ka dambeeyay waa la waayay Natalie isalamarkana gabadh kale oo walaasheed ah ayaa ku wargalisay saraakisha Israa’iil. Wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay xireen lamaanahan u dhashay Israa’iil Jimcihii, iyagoo lagu eedeeyay inay basaasayeen ayna sawir ka qaadeen guriga Erdogan, iyaga oo dusha ka saarnaa daarta Çamlıca Tower, oo ah daar dheer oo Istanbul ku taalla. Anadolu ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaha uu ku wargaliyay booliska kadib markii uu arkay lamaanaha oo sawiro ka qaadanaya qasriga Erdogan iyaga oo ku sugan e maqaayada Burj. Waxa ay intaa ku dartay in muwaadin Turki ah oo la socday lamaanaha la xiray sidoo kale lagu eedeeyay basaasnimo siyaasadeed iyo mid ciidan. SaraakiishaTurkiga faahfaahin kama aysan bixin muuqaalka laga duubay guriga, iyo inuu yahay daarta weyn ee xilliga xagaaga uu fasaxa ku qaato Erdogan ee ku taalla Istanbul, iyo in uu yahay guri kale oo gaar ah oo aan cidna ka warqabin. Xiisad ka dhalatay xarigga lamaanahan Jimcihii, maxkamad ku taal Turkiga ayaa go’aamisay in la kordhiyo muddada xabsiga lagu sii haynayo Mordi iyo xaaskiisa laguna daro 20 maalmood , inta laga soo afjarayo baaritaannada. Go’aankan ayay warbaahinta Israa’iil ku tilmaamtay mid la yaab leh oo laga yaabo in uu horseedo muran siyaasadeed oo dhaxeeya labada dhinac. Saraakiisha Israa’iil ayaa imika laga doonayaa inay bixiyaan caddaymo muujinaya in lamaanahani aanay u shaqaynin sirdoonka Israa’iil. Sida uu qoray wargeyska Jerusalem Post, masuuliyiinta Israa’iil waxay filayeen in si degdeg ah loo sii dayn doono, ayna maxkamaddu amari doonto in si degdeg ah looga musaafuriyo Turkiga , balse taasi ma dhicin. Dacwad oogayaasha Turkiga ayaa maxkamada ka hor sheegay in lamaanahan lagu tuhmayo basaasnimo, waxa ayna sheegeen in aysan qasriga Erdogan oo kali ah aysan duubin balse sidoo kale ay duubeen baraha kontorool ee u dhow iyo kaamerooyinka ammaanka. Qaran News
  12. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbalanad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland. Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caasimadda Puntland ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad gobaleedkaas Saciid Cabdullahi Deni. Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulan horudhac iyo salaan la qaatay dhigiisa Deni iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyne ku-xigeenka Puntland Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garowe waxa ay Deni kawada hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashooyinka dalka ka socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa dib u dhigtay shir madaxeedka IGAD oo la filayay in maanta, November 15 ka furmo caasimadda dalkaas ee Kampala. Lindah Nabusayi oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxweyne Museveni ayaa u sheegtay wariyeyaasha in Shirka dib loo dhigay mudo todobaad ah. Shirkaas oo looga hadli lahaa xaaladaha dagaalka ka socda dalka Itoobiya iyo xasaradaha ka jira dalka Suudaan, waxaana lagu casuumay oo ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Qaar kamid ah Madaxda dalalka Afrika ayaa shirkaasi isku diyaarinayay si ay uga qeyb galaan, maadaama dalal kamid ah Afrika ay xilligaan ka jiraan dagaalo iyo rabshado xooggan. Lama oga sababta baaqashadda Shirka IGAD ee Uganda, balse wuxuu kusoo aadayaa xili gobolka Geesks Afrika uu booqasho ku imaanaya Blinken. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Blinken ayaa booqasho ku tagaya Kenya, isagoo Uhuru kala hadli doono colaadda Itoobiya ka socoto, waxaana suurta-gal ah in safarkan uu sameeyeey shirkaas. Uhuru ayaa shalay tagey Addis Ababa, wuxuuna lasoo kulmay Abiy Axmed, iyadoo wararka ay sheegayaan inuu fariin uga soo qaadayay Blinken ka hor inta uusan ku qaabilin Nairobi Maanta. The post Shir uu FARMAAJO ka qeyb geli lahaa oo baaqday appeared first on Caasimada Online.
  14. Mas’uuliyiinta kala duwan ee Puntland ayaa amar lagu siiyay in ay baaritaan dhanka dhimirka ah mariyaan dhammaan ilaaladooda khaaska ah islamarkaana hubin ku sameeyaan taariikh nololeedka ilaaladooda. Sidoo kale Wasiirada Puntland ayaa lagu amray in aysan Ilaalo laba askari ka badan ka xaysan karin sida ku cad dhaqan-gelinta siyaasadda Tayaynta Amniga caasimadda Garoowe. Xeerka dhaqan-gelinta siyaasadda Tayaynta Amniga caasimadda Garoowe ansixiyay Golaha Wasiirada Puntland waxaana saxiixay Madaxweyne Siciid Deni. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Puntland oo lagu amray in ay baaritaan dhimirka ah ku sameeyaan Ilaaladooda appeared first on Puntland Post.
  15. ”Annigu waxa aan Guddoomiyaha Xisbigan noqday 2012kii xiligaas oo shahaadada xisbinimo la siiyey xisbiga WADDANI, Muuse iyo Faysal labaduba way iiga horreeyeen xilka Guddoomiyaha Xisbiyada, da’ahaanna labaduba waa ay iga weyn yihiin, hase yeeshee, annigu waxa aan maanta Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI hortiisa kaga dhawaaqayaa in aan ka hadhay in aan u tartamo mar 2aad xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI” Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Nuxurka Khudbadii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ka Jeediyey Furitaanka Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka shirweynaha labaad Xisbiga Waddani oo maanta ka furmay Hargeysa. Guddoomiye Cirro, ayaa khudbadiisa kaga hadlay marxaladda waddanku marayo, Sicir bararka, siyaasadda arrimaah dibedda, doorashooyinka iyo qorsheyaasha Xisbiga Waddani ee doorashada madaxtooyada ee soo socota. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu khudbadiisa ku sheegay inuu ka hadhay mar labaad inuu u tartamo jagada Guddoomiyaha ee Xisbiga Waddani, isaga oo xusay inuu fursad siinayo madaxda kale ee Xisbiga Waddani. Khudbadan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan: KHUDBADDA SHIRWEYNAHA 2AAD EE GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI Taariikh: 15ka November 2021. Bismillaahi Raxmaani Raxiim Marwooyin iyo Mudanayaal, ALXAMDU LILAAHI WAXDAH, WA-SALAATU WA-SALAAMU CALAA MAN LAA NABIYA BACDAH. Dhammaan ergooyinka ka soo qeyb galay Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI, dhammaan asaasayaashi Xisbiga WADDANI, dhammaan hawl-wadeennada Xisbiga ee Gobollada, Degmooyinka iyo laamaha dibedda, Madaxda Axsaabta Qaranka, Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, Guddida Doorashooyinka Qaranka, dhammaan madaxda dhaqanka, dhammaan marti-sharafta kale iyo Saxaafadda ee ka soo qeyb galay Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI, Assalaamu Caleykum wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu. Sida oo kale waxa aan salaan qaaliya hawada u marinayaa dhammaan Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaanna taageerayaasha baaxadda leh ee Xisbiga WADDANI ee Gudaha iyo dibedba ku nool. Waxa aan sida oo kale mahadnaq balaadhan oo huwan maamuusi yo sharafba u jeedinayaa Guddoomiyihii iyo dhammaan Xubnihii Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI ee muddada soo wadday- Jazaakallahu kheyran, anigoo og hawshii baaxadda lahayd ee ay soo galeen waxaan codsanayaa in sacab mugweyn loo tumo. Intaa kaddib, waxa aan u duceynaynaa dhammaan Madaxdii iyo xubnihii Xisbigan WADDANI aasaasay, tacabka badan geliyey isla markaana Ilaahay oofsaday, walaalayaal aynu Faataxada u marno in Ilaahay Jannooyinkiisa ku casuumo. Si gaar ah, waxa aan Shirweynaha ugu Xusayaa Madaxdii Xisbigan dhidibadda u taagtay Marxuu Cabdillaahi Siciid Dheere, Marxuum Cabdishakuur Sh Cali Jawhar, iyo Guddoomiyihii Garabkayagii UCID Marxuum Aadan Maxamed Mire Waqaf. 1. Kaalintii Xisbiga WADDANI ee Hannaanka Dimuqraadiyadda & Axsaabta badan: Marooyin & Mudanayaal, Sida la wada ogyahay Xisbiga WADDANI waa Xisbiga ugu da’da yar Xisbiyada Qaranka, marka la eego intii uu jiray waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay Xisbiga ugu koritaanka badan, isla markaana ugu curinta badan axsaabta Qaranka, waxaa mahadsan kaadirkii XISBIGA WADDANI ee halkaa uu maanta joogo soo gaadhsiiyey hablo iyo ragba, cid kasta oo Xisbiga maalin irbad dun u gelisayna waan u mahadnaqayaa, abaalka Xisbiga ay ku leeyihiinna ogaal weyn baan u leenahay. Marwooyin & Mudanayaal, Xisbiga WADDANI waxa uu ka dhashay dareen iyo go’aan ah in dib loo culo weelka siyaasadda, lana keeno dhiig cusub iyo maskax firfircoon oo lagu dardarelinayo xaqiijinta himilooyinka umadda reer Somaliland ay leedahay. Waxa uu albaabo cusub u furay da’yarta si ay xooggooda maskax iyo muruqba ugu dhisi lahaayeen dalkooda maantana markhaatigaas waad ka aragtaan Siyaasiyiinta culus ee dhalinyarada ah ee uu Xisbigu u soo saaray Jamhuuryadda Somaliland. Xisbigu waxa uu Bulsho weynta Somaliland ku hoggaaminayaa hiiraal iyo hiigsi mideysan bari, badhtamaha iyo Galbeedka. Waxa Iyana siyaasiyan kalifay in la aasaaso Xisbiga WADDANI waxa uu ahaa in la helo is aaminaad bulsho, oo ah ta maanta keentay in Xisbiga WADDANI dhexdiisa ay ka dhalato hoggaamin la sharribay, siyaasiyiin da’yar oo Xisbiga lagu dhex carbiyey, iyo Waayeel iyo Maskax shilis oo Xisbiga dhexdiisa fikradaha wax ku oolka curiya si jiilasha danbe loogu abuuro nolol ka wanaagsan ta maanta. Xisbiga WADDANI, waxa uu kor u qaaday ka qeybgalka Siyaasadda ee Haweenka, Dhalinayarada, Dadyowga la hayb sooco ee aan laga badeyn, iyo in nidaamka Xisbiyada Somaliland uu noqdo mid hore u socod ah oo bulshadana waxtar iyo wax soo saar u leh. Hoggaanka cusub ee Xisbiga waxa ka mid noqon doona laba (2) haween ah, horena Xisbiga WADDANI waxa uu ahaa Xisbiga keliya ee hoggaankiisa haween ku jiro. Xisbiga WADDANI waxa uu soo kordhiyey saaxad isla xisaabtan, iyo in la dabaqo hannaanka mucaaraddada saxda ah ee ku dhisan toosinta baylahda Qaranka, iftiiminta goldaloolooyinka danta Qaranku ku jirto iyo kaalingalka nidaamka mucaaraddada aqoonta ku dhisan ee aan ku dhisneyn cayda, aflagaadada iyo naca bulshada la dhex dhigo. Walaalayaal, si aad u dareentaan kaalinta korriin ee xowliga ah ee uu Xisbiga WADDANI ku tallaabsanayey, waxa aan tusaale nool u soo qaadan karnaa in Xisbigu isaga oo afar(4) jir ah uu doorashadii Madaxtooyada galay 2017, waxa uuna noqday Xisbigii ugu horreeyey ee mucaarad ah ee Somaliland ka jira ee Doorasho Madaxweyne gala ee hela wax ka badan 40%, Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee innaga horreeyey ma jiro mid kaalintaas gaadhay, waxa u saamaxayna waxa ay ahayd barnaamijkiisa siyaasadeed oo ku yimi wada-tashi, isqancin, dood furan, lafa-gurka iyo ku qanaca bulshada ee barnaamijka Xisbiga. Maantana waxa Xisbiga WADDANI uu u ballan-qaadayaa shacbigiisa in uu mar labaad ummadda reer Somaliland soo hordhigi doono Barnaamij siyaasadeed ka turjumi doona danahooda iyo baahiyahooda bulsho. Walaalayaal, Doorashadii dhacday 2021kii ee isku sidkaneyd waxa ay ahayd mid taariikhi ah oo uu Xisbigu ku muujiyey awooddiisa, taageeradiisa iyo kalsoonidiisa uu ka haysto Shacabka, waxa ay muujineysaa in ay arrintaasi ku timid tacab iyo tamar badan oo Xisbiga dib loo geliyey, waxa ayna caddeyn u tahay in Xisbigu isu diyaariyey hanashada kursiga ugu sarreeya Jamhuuriyadda Somaliland. Maanta bulshada reer Somaliland, waxa ay u oomman tahay, haraad iyo jeel baaxad lehna u qabta una dooneysa isbedel ku dhisan aqoon, sinnaan iyo caddaalad, kuwaas oo dhammaantood ku qotoma Barnaamij siyaasadeedka Xisbiga, kasbashada quluubta Shacabka ee Xisbiga WADDANI ku tallaabsanayey intii dhaweyd-ba waxa ay yididiilo u tahay Shacbiga xariirta ah ee amalka aan duugoobayn ku qaba wadankooda Somaliland in majirihiisa wax laga beddelo, siyaasaddiisa la falkiyo, dhaqaalihiisa la kobciyo isla markaana rejo weyn loo abuuro muwaadiniinta gaar ahaan dhallinyarada oo 70% ka ah bulshadeenna. 2. Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee 2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu la kulmay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Bishii August 2021, wuxuuna u xaqiijiyey in uu diyaar u yahay in doorashadii Madaxtooyada ay waqtigeedii ku qabsoonto wuxuuna Komishanka faray in ay soo diyaariyaan miisaaniyaddii (budget) iyo qorshihii doorahsada (Time line). Xogaha rasmiga ah ee Komishanku la wadaagay Axsaabta Qaranka waxa ay tahay in ay diyaariyeen miisaanyaddii oo ay yareeyeen iyo qorshihii qabashada doorashada Madaxtooyada ee November 13, 2022 oo la dhammaystiray. Waxaa kale oo Komishanaku safar shaqo ugu baxeen dalka Kenya si ay ula soo kulmaan beesha caalamka uguna soo xog warramaan dalalka innaga taageera hannaanka dimquraadiyadda iyo doorashooyinka kuwaas oo si weyn u taageeray qorshihii ay ula tageen Komishankeennu. Waan u mahadnaqayaa Madaxweynaha, Komishanka Doorashooyinka iyo beesha caalamka ee innaga taageera arrimaha doorashooyinka iyo dimquraadiyadda. Waxa aan ergooyinka Shirweynaha ku wargelinayaa in Xisbiga WADDANI, anniga oo ah Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI iyo Madaxweyne ku xigeenkayga Dr Mohamed Cali Cabdi aan diyaar u nahay in doorashada Madaxtooyada JSL ku qabsoonato xiligeeda oo ah 13ka November 2022 wax naga qabyo ahina aanay jirin haba yaraatee. Waxaa kale oo aannu Madaxweynaha xasuusinayaa in qaranku ka sugayo Siyaasadda xukuumaddiisa ee qabashada doorashada Golaha Guurtida, waxaanu dhawaaq dheer kaga digeynaa dib-u-dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinka inagu soo fool leh, taas oo aanu qaadi karayn waddankeenu marxaladan lagu jiro. 3. Tacadiyadda, Cabudhinta Saxaafadda & Siyaasiyiinta: Walaalayaal, Xukuumadda Madaxweyne Muuse, afar sanno ka bacdi weli kama ay xiiso jabin cabudhinta Saxaafadda iyo hay’adaha warbaahinta, xadhiga muwaadiniinta, ku tumashada xuquuqul insaanka, xadhiga saraakiisha Xisbiyada waxaana hadda ku soo kordhay in ay si toos ah saraakiisha Xukuumadda iyo kuwa amnigu ugu soo hanjabaan saraakiisha Xisbiga WADDANI. Waxa aan Xukuumadda ugu baaqayaa in saraakiisha Xisbiga WADDANI ee xidhan xorriyaddooda loo soo celiyo oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodijeex oo xidhan muddo 3 bilood ah wax dembi ahna aan lagu caddeyn ilaa hadda lagana waantoobo hab dhaqankan cusub ee hanjabaadda iyo cabsi gelinta taas oon haba yaraatee waxba ka bedelayn xil-gudashada saraakiisha xisbiga WADDANI. Waajibaadka Axsaabta Mucaaridka ahina waa tilmaamidda dhaliilaha iyo toosinta Xukuumadda. Warbixnahu Xisbigu helay waxa ay tilmaamayaan in labadii sanno ee ugu dambeeyey ee ay Xukuumadda Muuse jirtay uu xadhiga iyo tacaddiga loo geysto Saxafiyiinta iyo Siyaasiyiinta Somaliland ahaayeen kuwii ugu badnaa. Marka la isku geeyo 2019 iyo 2020-ka tirada Saxafiyiinta la xidhay waxa ay kor u dhaafayaan 50 suxufi oo ay yartahay inta sifo sharci ah loo maray xadhigooda. Sida oo kale sannadkii 2019-kii waxaa la xidhay Xildhibaano Dastuurku siiyey xasaanad. Waxaa iyana ka warqabteen in Xoghayaha Guud (Khadar Xuseen), Afhayeenka Xisbiga (Barkhad) iyo Xoghayaha Arrimaha Bulshada (Maxamed Sidiiq) isla sannadkaas xabsiga loo taxaabay! 4. Siyaasadda Arrimaha Dibedda: Mudanaayl & Marwooyin, Soddon sanno ka bacdi, Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waxa ay u baahan tahay dib u eegis iyo dib u qiimeyn. Maxaa inoo qabsoomay , maxaa caqabada ah innaga horyimid, maxa aynu xal u helnay, maxaynu xal u weynay, halkeen uga dhaqaaqaynaa halka aan maanta taaganahay? Hal tusaale, aan idin siiyo. Xiligii aan ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada 2007 waxaa wafdi aan hoggaaminayey oo ka koobnaa, anniga, Guddoomiye ku xigeenkii Golaha Wakiilada Mudane Baashe M Faarax, Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha Wakiilada oo sideed ( ahaa iyo madax ka tirsanaa saddexda Xisbi Qaran (Faysal, Bullaale iyo Fagadhe) ku tagnay dalalka Ethiopia iyo Uganda safar shaqo. Intii aan joognay Ethiopia waxa aan aragnay, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddiyada baarlamaanka, Madaxweynaha Ethiopia, Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Guddoomiye ku-xigeenkii Midawga Africa. Intii Joognay Kampala waxa aan la kulanay Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenkiisa iyo Madaxda Guddiyada Baarlamaanka Uganda. Marwo Amina Hersi oo ka mid ah maaqabeenada wadanka Uganda ahna haweenay reer Somaliland ah waxay madaxdayadii Somaliland kala qayb gashay kulan wayn oo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda aanu la qaadanay iyada oo doorweyn ku lahayd qabsoomidda kulanka. Wafdigayagii waxaanu Wasiirka ka codsaday in Somaliland loo ogolaado goobjoog (Observer status) shirkii dalalka barwaaqa sooranka (Common Wealth) oo ka qabsoomayey Kampala xilligaas, boqorrada dalka Ingiriiskuna furaysay. Wasiirku codsigaas wuu ogolaaday, waxaana ka qayb galay saddexdii Xisbi ee Qaran ee JSL ee Xiligaas oo Gudoomiye Faysal Cali Xuseen ka mid ahaa. Anniga, Baashe, Faysal, Fagadhe, Amb Jawaahir Sh Madar iyo Odaygeeda waxa aan isla xilligaas safar shaqo ku tagnay dalka Rwanda oo aan la kulannay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha Guurtida iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda. Wasiirka Arrimaha ee Rwanda waxa uu ahaa Wasiirka ka soo jeediyey Shirkii Midawga Africa in la hor keeno report 2005 tii ay qoreen wafdiga midowga Africa ee xaqiiqo raadinta u yimi Somaliland. Waxa xilligaa ii muuqday in ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland laga midho dhallin karo. Waftigii reer Somaliland een hogaaminayey 2007dii annaga oo isu dhan ka dib markii aan safarkaas ka soo noqonay, waxa aan Madaxweyne Riyaale u qoray warbixin iyo talo soo jeedin 16 bog ahayd oo ku saabsan sida ictiraafka Somaliland looga midho dhalin karo intii xiligaas noo muuqatay. Talooyinka waxa ka mid ahaa in la abuuro Guddi Ictiraaf raadin ah loona sameeyo misaaniyad gaar ah oo ay ku howlgasho, kuwaas oo ka midaysan qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland axsaabtuna door muuqda iyo tallo ku leeyihiin. Talooyinkii madaxdii aan la soo kulanay oo dhammaantood Somaliland u hayey niyad wanaag waxa ka mid ahaa tilmaanta dawlado ay u arkayeen in Somaliland xidhiidhkoodka abuurto oo xoojiso sida Nigeria iyo Algeria kuwo ay tilmaameen inay Somaliland si badheedh ah uga soo horjeedaan sida Masar iyo Sudan kuna taliyeen in Somaliland ka hawl galsho oo kasbato. Laba xukuumadood oo xisbiga KULMIYE ah baan ka danbeeyey Madaxweyne Riyaale, welina lama curin siyaasad arrimo dabadeed oo Axsaabta Qaranku ku taageerto Xukuumadda Somaliland. Somaliland waxay u baahan tahay in Xukuumadda maanta joogtaa la timaaddo siyaasad arrimo dibadeed oo Axsaabta Qarankuna ku taageerto tiir dhexaadna u tahay ictiraaf raadinta Somaliland taas oo aan maanta jirin ama muuqan. Muddo xileedka Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi waxa hoos u dhacay xidhiidhki saxiibtinimo ee Waddamada Jaarka Somaliland oo ay astaan u noqon karto in aan Somaliland lagu martiqaadin Xafladii caleemo saarka Raysal Wasaaraha Ethiopia. Waxaa hoos u dhacay xidhidhkii Xildhibaanadi Saxiibada Somaliland ee Baarlamanka Ingiriiska. Qorshaha ictiraaf raadinta ee Somaliland waa in aan waqtiga iyo dadaal badan gelinaa xidhiidh dhawnana Somaliland la yeelataa dalalka xubnaha ka ah midowga Africa (African Union). Ictiraafka Somaliland ka maarmi maayo inaan helo dawlad ka mid ah dawladaha waawayn ee ka tirsan golaha amaanka ee qaramada midoobay ee leh diidmada qayaxan (veto power) . Wakhtigan way jiraan dawlado Somaliland saxiib dhaw la ah, way fiicnaan lahayd in xukuumadeennu wanaajiso xidhiidhka ay la leedahay dalweynaha shiinaha oo gobolka ka wada horumar balaadhan ( Djibouti iyo Ethiopia), aqoonsigana wax badan inooga tarimayso dawlad aan iyada la aqoonsanayn sida Taiwan, mar kasta waa inaan wanaajinaa macaamilkeenna dawldnimo ee dawladaha muhiimka ah. Waxa kale oo xaqiiqo ah in dhamaan quwadaha waaweyni danaynayaan Somaliland maadaama ay boqcad istaraatiji ah ku taal (startegic positioin) arrintanna ibo furkeeda waxa looga baahan yahay xukuumadda Somaliland. 5. Somaliland iyo Soomaaliya: Dalalka Somaliland la jaarka tahay, Midowga Afrika iyo saxiibadeenna beesha caalamkuba waxa ay Somaliland kula taliyeen inay Somalia wada-hadlaan, Xisbi ahaanna waxa aan u aragnaa in wada-hadalku yahay mid ka mid ah furayaasha ictiraafka, sidaas darteed, waan sii wadi doonnaa ka midho dhalinta wada-hadalka Somaliland iyo Somalia. 6. Beesha Caalamka: Beesha caalamka waxa aan leeyahay waad ogtihiin in Somaliland tahay xaqiiqo jirta, waad og tihiin in Somaliland ka mid tahay dalalkii Afrika ee xorriyaddooda qaatay 26 June 1960, waad ogtihiin in shacbiga Somaliland afti ku doorteen inay la soo noqdaan Madax-bannaanidooda iyo Qarannimadooda, waad ogtihiin in Somaliland tahay dal xasilloon oo nabad ah, waad ogtihiin in Somaliland tahay dal hirgeliyey nidaamka axsaabta badan iyo dimquraadiyadda. Somaliland waxa ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato arrimaha Geeska Afrika oo ay cid kasta uga faro dhuubantahay, Somaliland waxa ay diyaar u tahay inay beesha caalamka kala shaqeyso arrimaha nabadeynta oo waayo aragnimo badan u leedahay, waxaa Somaliland u muujisay dalalka ay la deriska ah jaar wanaag. Waxa aan beesha caalamka iyo qaramada midoobay labadaba ugu baaqayaa in ay tixgeliyaan rabitaanka shacbiga Somaliland ee ah aaayo ka tashigooda. 7. Ganacsiga, Maciishadda & Qaaliyowga Nolosha. Marwooyin & Mudanayaal, Waxa maanta marag ma doon ah in guri kasta oo Somaliland ku yaal laga dareemayo kor u kaca ku yimid quutul daruuriga iyo waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha, haddii sicir baraku kor u sii socda oo aan la xadidinna waxa ka dhalan kara khataro badan oo si gaar ah u taaban doona bulshadeenna kuwaas oo ay kow ka tahay in shacbigu u kala baxo dabaqado abuurantanna kala sarreyn bulsho taas oo aakhirka saameyn taban ku yeelan doonta amniga qaranka. Sidaa awgeed waxa aan Xukuumadda u soo jeedinaynaa inay arrintan siyaasad cad ka soo saarto si dhakhso ahna wax uga qabato maciishaddan cirku isku sii shareeraysa, innaga oo maanka ku wada haynna wixii sababay gugii carabta (Arab Spring) inuu ahaa maciishad qaali garawday oo waxba laga qaban kari waayey iyo shaqo la,aan baahday. 8. Go’aanka Tartanka Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI: Marwooyin iyo Mudanayaal, Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI waxa uu noqon doonaa Shirweyne taariikhda gala. Gugii 2002-dii, markii Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgalay nidaamka axsaabta badani iyo ilaa maanta waxaa xeer ama dhaqan ahaan jirtay welina ah in Guddoomiyayaasha axsaabtu aanay bannayn jirin welina bannayn xilka Guddoomiyaha Xisbiga ilaa ay Madaxweyne noqdaan. • Guddoomiye Faysal oo ahaa asaasihii iyo Guddoomiyihii kowaad ee Xisbiga UCID weli waa Guddoomiyaha xisbiga 2002dii ilaa maanta 2021-ka. • Madaxweyne Axmed Maxamuud oo ahaa asaasihii iyo Guddoomiyihii kowaad ee Xisbiga KULMIYE waxa uu xilka Guddoomiyaha Xisbiga wareejiyey markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland noqday ee 2010-kii. • Madaxweyne Muuse Biixi oo noqday Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE 2010, Madaxweynena noqday 2017, weli wuu haysta xilka Guddoomiyaha Xisbiga. • Annigu waxa aan Guddoomiyaha Xisbigan noqday 2012kii xiligaas oo shahaadada xisbinimo la siiyey xisbiga WADDANI, Muuse iyo Faysal labaduba way iiga horreeyeen xilka Guddoomiyaha Xisbiyada, da’ahaanna labaduba waa ay iga weyn yihiin, hase yeeshee, annigu waxa aan maanta Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI hortiisa kaga dhawaaqayaa in aan ka hadhay in aan u tartamo mar 2aad xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahayna musharax u taagan una tartamaya xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee doorashada Madaxtooyada JSL ee November 13, 2022. Marwooyin & Mudanayaal, Waxaan jecelahay inaan xuso ama sheego qaar ka mid sababaha aan u tartankan Guddoomiye-nimada Xisbiga uga hadhay: 1. In aan aabuuro is aaminaad siyaasadeed iyo axsaab la wada-leeyahay oo aan deegaan gaar ah iyo qof gaar ah ku suntanayn. 2. In aan bilaabo sunne cusub oo ah in Gudoomiye xisbi ku dhaco inuu wareejiyo xilka gudoomiyaha isaga oo weli haakah odhan oon madaxweyne noqon. 3. In aan fursad siiyo in dhallinyaradu qaban karto xilalka ugu sarreeya Xisbiga oo uu ka mid yahay xilka Guddoomiyaha Xisbigu. 4. In la beddelo lanana tirtiro dhaqanka beelo gacan isu dhiibka ee siyaasadda. 5. In la dhiso oo la adkeeyo lana aamino hannaanka xisbinimada ee dalkeenna ka hirgalay. 6. In sunaha aan maanta bilaabay noqon mid anniga igu koobma oo keliya , balse, Gudoomiyaha igu xigaana uu dhaqankaaas qori isu dhiibka ah halkaas ka sii wado taas oo dhiiri geli weyn u noqon doontaa kaadirka xisbiga WADDANI. 7. Iyo In aan abuuro dhaqan siyaasadeed wanaagsan oo ay inagaga daydaan Xisbiyada kale ee inaga da,weyni hal-abuurkan iyo kaalintan aan ku soo kordhiyey siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland. Walaalayaal, Waxaan hadalkayga ku gunaanadayaa oo kaga tegeyaa : Haddii shacbiga Somaliland ii doortaan Madaxweynaha JSL, waxa aan rumeysnnahay in aan noqon doono Madaxweyne uruuriya, mideeya, qiimeeya, qaddariya oo u adeega shacbigiisa kuna filantahay oo keliya maamuska shacbigiisu ku doorteen wixii ka soo hadhay oo dhanmina noqon doonaan caaddalad, sinnaan iyo wax wada-lahaansho Shacbiga wada gaadha, taas oo meesha ka saari doonta inay cidi dareento sad-bursiin cid kalena u qaadato inay qadeen. Somaliland ha noolaato. Allaa Mahad leh ____________ Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilan ee Xisbiga WADDANI Qaran News
  16. Wiil Soomaali ah oo lagu dilay London oo Geesi Naftii hure ah lagu tilmaamay Norris Henry, ayaa lagu soo oogay dacwad dil iyo isku day dil ah ka dib markii uu mindi ku weeraray Cali Abucar Cali, oo ah wiil Soomaali ah oo 20 jir ah, iyo haweeney 82 jir ah, kuwaas oo labadaba lagu weeraray Albany Parade ee Brentford galbeedka London habeenkii Jimcaha. Cali ayaa isla goobtaas ku geeriyooday, waxaana haweeneyda loo qaaday isbitaal xilli dhaawac halis ah uu oo ka soo gaadhay weerarka mindida. Mr Henry ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu kasoo hor muuqdo maxkamada Uxbridge. Haweeneyda, oo aan si rasmi ah loo magacaabin, ayaa xaalad halis ah ku jirta, balse dhaawaceeda ayaa lagu tilmaamay mid aan halis ahayn, sida ay sheegeen Booliska Met. Qoyska Cali ayaa ilaa hadda waxaa loo u ururiyay lacag ka badan £50,000 oo gini. Cali ayaa lagu sheegay inuu ahaa qof wanaaga jecel waxayna ugu yeedheen “Nin da’yar oo geesi ah oo ka mid ah bulshada deegaanka”. Samaale Nuur waxa uu soo qoray: “Cali waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo cajiib ah oo had iyo jeer wiilasheyda ku dhiirigaliya in ay dadaalaan inta ay ku guda jiraan tababarka kubbadda koleyga. “Geesi naftii hure ah.” Cabdulsataar Cabdi Aadan, oo asaasay bogga ay dadka lacagta ugu ururinayaan marxuumka ayaa yidhi: “Alle ha u naxariisto walaalkeen qaaliga ah Cali.” Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey illaa afar degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana lagu xaqiijinayey ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi, Hodan iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Ciidamada howl-galka fuliyey oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa baarayey inta uu howl-galku socday gaadiidka, mootooyinka iyo dadka socota ah oo ay su’aallo weydiinayeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ay gacanta ku dhigeen tiro dhalinyaro ah, kuwaas hal goob la’isugu geeyey, iyada oo markii dambe badi la fasaxay. Taliye ku xigeenka labaad qeybta booliska gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamuud (Baryare) oo ka warbixiyey howl-galkan ayaa sheegay in ujeedkiisa uu ahaa sugida amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,, si looga hortago falalka amni darrada. Baryare ayaa sheegay in ay la socdaan hub fara badan oo dhowaan la soo galiyey caasimadda, wuxuuna farriin u diray dadka iska leh hubkaas iyo saraakiisha dowladda. ‘Hubka xilliga uu soo galay magaalada waa bilo ka hor dadka watayna waa naqaanaa waxaan ka rabno waxaa waayey hubkaasi in uusan dadka iska leh uusan gurigooda kasoo bixin sifo sharci darro ah,” ayuu yiri Saciid Cali Maxamuud (Baryare). Sidoo kale wuxuu intaasi raacyey “Haddii aad sarkaal tahay hubkaaga heysi boqol mar ayey dhacday qof dambi lagu soo qabtay uu hubkiisa yeesho sarkaal,”. Waa habeenkii labaad oo xiriir ah, isla-markaana howl-gallo ballaaran laga sameynayo xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, si looga hortego falalka amni darrada ah. Howl-galladan ayaa dhinaca kale daba socda amarkii ka soo baxay taliyaha Booliska oo faray hay’adaha amniga inay u howl-galaan sugida ammaanka, maadaama gudaha magaalada Muqdisho ay ka dhaceyso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka. Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro qaraxyo, dilal & dhac loo geysanayo shacabka. The post Hub badan oo la soo galiyey MUQDISHO – Maxay kala socotaa DF Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  18. Sawir hore: Axmed Madoobe (bidix) iyo Siciid Deni (midig) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe, waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay Madaxweyne Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa inta uu Garowe ku sugan yahay kulamo albaabadu u xiran yihiin oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeelanaya dhiggiisa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Puntland iyo Jubaland oo xulafo siyaasadeed ah kana mideysan mowqifka doorashada federaalka ayaa lagu wadaa in ay si gaar ah uga wada-hadlaan doorashada xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Doorashada Golaha shacabka ayaa la qorsheeyay in ay dhowaan ka bilaabato dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka sida ku cad jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashada heer Federaal. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo soo gaaray Garowe appeared first on Puntland Post.
  19. MOGADISHU (HOL) - The Somali Stem Society which promotes science, technology and mathematics studies has announced a new scholarship programme named after the deceased Somali-Canadian journalist Hodan Naleyo. Source: Hiiraan Online