Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa goordhaw la soo gabagabeya doorashada kursiga todobaad ee dowlad gobaleedka Galmudug uu ku leeyahay Aqalka sare. Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamaya labada musharax ee kala ah Cabdi Xasan Cawaale(Qaybdiid) iyo Cawil Nuur Cali. Musharax Cawil Nuur Cali ayaa ka tanaasulay musharaxnimadiisa, waxana sidaas kursiga ku soo baxay Cabdi Xasan Cawaale. Guddoomiyaha baalarmaaanka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashada Kursigan oo uu ku guuleystay Cabdi Xasan Cawaale(Qaybdiid). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa markale dib loogu doortay xubin ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Glamuudug. Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Cawil Nuur Cali oo kala qeyb-galayey doorashada. Xildhibaanada Galmudug ayaa codka siiyey Qeybdiid, wuxuuna helay 83 cod, sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka. Natiijada doorashada ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, isla-markaana loo saadaalinayey inuu kusoo baxayo Cabdi Qeybdiid oo haatan ka mid ah saaxibada Qoor Qoor. Sidoo kale doorashada waxaa kursiga labaad kusoo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo isna cod gacan taag ah ay ugu codeeyeen xildhibaanada Galmudug, kadib markii uu tanaasulay masharixii la tartami lahaa Mahad Aadan, waxaana guusha Xareed ay aheyd mid la oogaa. Dhinaca kale ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga. Si kastaba, qabashada doorashada labadaan kursi ayaa dhammeystirtay doorashada Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada dalka. The post Galmudug oo doorashada Aqalka Sare dhameystirtay – Yaa soo baxay? appeared first on Caasimada Online.
  3. Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna magacaabo Maxamed Xasan Macallin oo loo yaqaan Abu Cali, ayaa xalay isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Qoryooley, sida ay sheegeen saraakiisha. Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid-Cali Ibraahim oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Maxamed Xasan Macallin oo loo yaqaano Abuu-Cali uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guddoomiyaha Degmada ayaa intaa ku daray in isa soo dhiibistaasi ay fududeeyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Qoryooley. Maxamed Xasan Macalin (Abuu-Cali) ayaa la sheegay in uu u qaabilsanaa maxkamadeynta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool Kuntuwaarey iyo nawaaxigeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland. Kulanka oo ay ka qeybgaleen ma’suuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP iyo Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah waxaa looga hadlay dardargelinta Guddiga Warbaahinta oo maanta la daah-furayo. Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Ururka Qareenada Puntland. Guddiga waxaa ka mid ah shaqadooda diiwaangelinta iyo aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dacwadaha la xiriira warbaahinta iyo anshaxmarintooda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda u xil-saaray kiiska dadkii shacabka ah ee ay AMISOM ku leysay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay xukunka shalay soo baxay ee lagu ridday askarta Yugaandha ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in maxkamadeynta askartan ay soo martay heerar kala duwan, isla-markaana lagu helay dambiga dadkii ay ku laayeen deegaanka Golweyn. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdu ay dalbatay maxkamadda ciidan ee la saaray askartaasi, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Maxkamad ciidan ayaa codsanay in la saaro maxkamaddii ciidanka ahna waa la dhisay natiijadeydii xukunka ahna shalay ayuu soo baxay,” ayuu yiri wasiirkada cadaaladda. Cabduqaadir Maxamed Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay goobjoog ahaayeen fadhiga maxkamadda iyo sidoo kale baaritaanadii soo socday ee kiiskan soo idlaaday. “Annaga iyo Yugaandhaba waxaan ka aheyn goobjoogayaal shaqada socoto iyo baaritaanka socdo, waxaana noo qaabilsan agaasimaha wasaaradda gaashaandhigga oo farsamo ahaan la shaqeynayey guddiga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Cabddqaadir Maxamed Nuur. Ugu dambeyn wuxuu wasiirku hoosta ka xariiqay in dowladda u soo bandhigi doonta shacabka Soomaaliya, goorta iyo goobta la tooganayo askarta la xukumaday “Goobta uu ka dhacaayo dilka saraakiisha AMISOM ee la xukumay, waan la wadaagi doonnaa shacabka,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya. Si kastaba, labo ka mid ah saraakiisha lasoo eedeeyey ee AMSIOM oo u dhashay Ugaandha ayaa lagu xukumay dil, halka seddex askarina lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah. The post DF oo war kasoo saartay xukunka askarta AMISOM ee lagu tooganayo Xamar appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho ay goor dhow koox hubeysan ka geystay agagaarka Warshadda Caanaha ee degmada Hodan. Toogashada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada, kaas oo ku sugnaa wadada warashadda Caanaha. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado ay goobta isaga baxsadeen kadib dhacdadaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo goobta ka qaaday meydka askarigaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa wadada uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyey baaritaano kooban, walow aysan gacanta kusoo dhigin shaqsiyaadkii ka dambeeyey toogashada lagu dilay askarigaasi ka tirsanaa Taraafikada. Waa dilkii labaad oo isla 24 saac gudahood ka dhacay degmada Hodan, waxaana shalay lagu toogtay haweeney la sheegay inay ka tirsaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah intaba. Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho, maadaama lasoo xulayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka. The post Koox hubeysan oo toogasho ka geysatay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. MOGADISHU (HOL) - Galmudug state parliament will today fill up the two remaining seats today ending the three months long electoral exercise in the country. Source: Hiiraan Online
  8. Ciidamada mareykanka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuti ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ay ka qeyb qaataan sidii loo xalin lahaa qalalaasaha ka taagan dalka Itoobiya. Saraakiisha hoogaamineysa ciidamada ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo November sanadkii hore ay aad u kacsaneyd xaaladda gobalka taasna ay sababtay dagaalka ka socda dalka deriskooda ah. William Zana oo ah Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu uu yahay Jabuuti ayaa yiri “Ciidamada Mareykanka halkan waxey u joogaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka gobalka”. Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Bayaan ay soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay ku sheegtay in liiska madow lagu daray ciidamada Eritrea, Hoggaanka xisbiga talada haya ee FDFJ, la taliyaha dhaqaalaha ee xisbiga iyo madaxa xafiiska amniga Eritrea, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda sanad jirsatay ee ka socota dalka Itoobiya. Tan iyo markii bishaan oo kale sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo. Kooxda TPLF iyo xulafadeeda, ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa guulo kala duwan kasoo hooyay todobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo qabsaday magaalooyin qiyaastii 400km u jira caasimada, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay qorsheynayaan in ay dhawaan la wareegaan magaalada Caasimadda ah ee Addis ababa ee dalka Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Khartoum (Caasimada Online) – Dhammaan buundooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum, ayaa maanta oo sabti ah ​​la xiray ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay inay dalkaasi ka dhacaan. Inqilaabkii militariga ee bishii hore ee uu hogaaminayay General Abdel Fattah al-Burhan ayaa dhaliyay dibadbaxyo xiriir ah oo sababay in waddooyinkamagaalada khartouum ay dad buuxdhaafiyaan. Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in la soo celiyo dowlad rayid ah, sidoo kalana xabsiga laga sii daayo Ra’iisul Wasaarihii la afgambiyay Abdalla Hamdok iyo maxaabiis kale. Dawladaha reer galbeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo soo celiyo dawlad ku meel gaadh ah oo ay shacabku hogaaminayaan. Maraykanka, Midowga Yurub, Britain, Norway, iyo Switzerland ayaa sheegay in samaynta gole ku meel gaar ah oo cusub oo uu hoggaaminayo milatariga ay sii adkaynayso soo celinta dimuqraadiyadda. Taliyaha ciidamada Sudan, Janaraal Cabdifatax Al-Burhan, ayaa soo saaray wareegto dastuuri ah oo lagu dhisayo gole cusub oo madax banaan oo dalkaas maamula, sida uu sheegay telefishinka Sudan. Banaanbax looga soo horjeedo wareegtada ayaa ka dhacay magaalada Khartoum. Janaraal Al-Burhan ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxa golaha sare iyada oo uu goobjoog ka ahaa madaxa cadaaladda Fateh al-Raxman Abdeen. BBC The post Maxaa ka soo kordhay xaaladda cakiran ee Suudaan? appeared first on Caasimada Online.
  10. Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay hoggaanka sare ee dalka Eritrea iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dalkaas. Bayaan ay soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in liiska madow lagu daray ciidamada Eritrea, Hoggaanka xisbiga talada haya ee FDFJ, la taliyaha dhaqaalaha ee xisbiga iyo madaxa xafiiska amniga Eritrea, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda sanad jirsatay ee ka socota dalka Itoobiya. “Waxaan cambaareyneynaa doorka joogtada ah ee ay Eritrea ka geysanayso rabshadaha ka socda waqooyiga Itoobiya, taas oo wiiqday xasilloonida iyo sharafta dawladda oo keentay masiibo bini’aadanimo,” ayuu yri Andrea Gacki, oo ah agaasimaha Xafiiska Hantidhowrka ee Kooxaha Hantida Dibadda Mareykanka. Bilowgii dagaalka, militariga Eritrea ayaa soo diray taangiyo iyo ciidamo si ay u caawiyaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Xukuumadda Abiy ayaa markii hore beenisay in Eritrea ay ciidamadeeda gelisay dagaalka, balse markii dambe waxay qiratay inay halkaas ku sugan yihiin ciidamo ka socda dalka deriskooda ah , waxayna bishii March sheegtay in Eritrea ay ciidamadeeda kala baxayso Tigray-ga, Ciidamada Eritrea ayaa weli ka howlgala waqooyiga Itoobiya, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Waxa kale oo Jimcihii liiska madow lagu daray Hidri Trust, oo ay Hanti-dhowrku sheegtay inay tahay shirkadda gacanta ku haysa dhammaan shirkadaha ganacsiga ee xisbiga talada haya ee Eritrea, iyo Shirkadda Ganacsiga Badda Cas, oo maamusha danaheeda dhaqaale iyo hantideeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT- Myanmar)-Maxkamad ku taalla dalka Myanmar ee ay maamulaan ciidammada ayaa xabsi gaadhaya 11-sano oo xadhig ah ku xukuntay suxufi u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Danny Fenster . Suxufigaasi oo bishii May lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Yangon ayaa lagu helay saddex eedeymo oo ay ka mid ahaayeen kicin, kacdoon iyo ‘argagixiso’. Goobtii lagu Maxkamadeeyay saxafigaasi ayaa la sheegay in loo diiday qeybaha warbaahinta iyo shacabka, sida laga soo xigtay qareenka saxafigaasi. Danny Fenster, ayaa ahaa tifaftire iyo wariye ka tirsanaa majaladda Myanmar’s Frontier. Source
  12. (SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa dhalasho siiyay dad badan oo ajaaniib ah, kuwaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin dad howlkar ah, sida lagu qoray Wakaaladda Wararka ee Dowladda. Tallaabada waxaa loo arkaa in ay isbedel wayn ku tahay shuruucda boqortooyada ee ku waajahan ajaaniibta ka shaqeysta dalkaas. Sacuudi Carabiya – si la mid ah dalalka kale ee Gacanka – wuxuu ku tiirsan yahay shaqaalaha ajaaniibta ah, illaa 50-kii sanno ee la soo dhaafay. Waxay ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee ganacsiyada, balse kuwa yar oo ka mid ah ayaa helo degganaansho-joogto ah ama dhalasho. Hadda, tiro dad ah oo aan la cayimin ayaa la siiyay dhalashada, sida lagu qoray warbaahinta dalkaas, waxaana lagu xushay howlkarnimadooda iyo xirfaddooda. Barnaamijkan waxaa loo oggol yahay dadka leh “xirfadaha aadka u wanaagsan” ee loo baahan yahay, waxaana sidoo kale la xidhiidha dalalka ay dadka ka soo kala jeedaan, sida ay warbaahinta dowladda qortay. Boqortooyada ayaa u muuqata in ay diiradda saareyso sidii ay ajaaniibta ugu soo jiidan lahayd qeybaha kala duwan ee shaqo sida Shareecada, Seyniska, Caafimaadka, Dhaqanka, ciyaaraha iyo Teknolojiyadda. “Ujeedada waxay tahay in la xoojiyo heerka uu ku socdo hormarka, iyo sare u qaadidda soo jiidashada maalgashadeyaasha iyo shaqaalaha”, ayey qortay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga. Dalkan ayaa noqonaya midka labaad ee gacanka Carabta ee qaada tallaabo lagu soo dhoweysanayo dadka khibradaha kala duwan leh. Waxaa arrintan hore u sameeyay dalka Imaaraadka carabta, oo ajaaniib badan dhalasho siiyay bishii January ee sannadkan. Waxay sidoo kale arrintan muujineysaa sida uu Sacuudiga uga falcelinayo tartanka adage ee kala dhexeeya dalalka deriska la ah ee Gacanka ee dhanka ganacsiga iyo xirfadaha. Amiirka Dhaxal Sugaha ah, Maxamed Bin Salmaan ayaa isku deyaya inuu ballaadhiyo qeybaha kal ee ganacsiga ee ka baxsan kuwa shidaalka, sida dalxiiska iyo wax soo saarka kale. In kastoo dowladda Sacuudiga ay soo dhoweysaneyso ajaaniibta shaqa doonka ah, haddana waxaa jiro shaqooyiin badan oo la ogol yahay in ay qabtaan shacabka Sacuudiga oo keli ah, gaar ahaan dadka dakhligooda uu hooseeyo. Sidoo kale waxaa shaqooyiinka qaar qabta dadka saboolka ah ee ka yimid dalalka kale ee carabta, Aasiya iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika. Sacuudiga ayaa ku dadaala in heerka shaqo la’aanta ee muwaadiniintiisa uu ka yareeyo boqolkiiba 11, taas oo keeneysa in shaqooyiinka qaar loo gaaryeelo. Source
  13. (SLT-Ankara)-Turkiga ayaa maanta billaabay dhaqangelinta go’aan muwaadiniinta u dhashay dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen u diidaya inay u dhoofaan waddanka Belarus iyaga oo ka duulaya garoomada diyaaradaha Turkiga. Go’aankan ayaa lagu sababeeyay xiisadda dhinaca qaxootiga ah ee ka aloosan xuduudda u dhaxaysa Belarus oo hore uga tirsanayd waddankii hore ee Midowgii Soofiyeeti iyo Poland. Amarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xidhiidh diblumaasiyadeed oo saddex-geesood ah uu dhex maray saraakiisha Poland, Turkiga iyo Yurub kaas oo looga gol leeyahay in lagu joojiyo qulqulka dadka isku dayaya in ay si sharci darro ah ku gaadhaan Midowga Yurub iyaga oo sii maraya xudduudaha bari. “Iyada oo laga duulayo dhibaatada la xidhiidha in si sharci darro ah looga gudbo xudduudda u dhexeysa Midowga Yurub iyo Belarus, waxaa la go’aamiyay in muwaadiniinta Ciraaq, Suuriya iyo Yemen ee doonaya inay u safraan dalkaasi aanan loo oggolaan doonin inay ka dhoofaan garoomada Turkiga ilaa amar dambe,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay hay’adda duulista rayidka Turkiga. Diyaaradda Turkish Airlines ayaa salaasadii diiday eedeynta ah in duulimaadyadeedu ay qeyb ka yihiin abuurista xaaladda tahriibka, dad sharci-darro ahna ay qaaddo”. Waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in macluumaadka noocaas ah “aanay ka tarjumaynin runta.” Source
  14. (SLT-London)-Maamulka xabsiyada Britain ayaa aasaasaha shabakadda WikiLeaks Julian Assange u fasaxay inuu guursado inta uu xabsiga ku jiro, sida ay sheegtay Stella Moris oo ah gabadha uu doonayo inuu guursado. Assange ayaa weli sugaya go’aan maxkamadeed oo muhiim ah oo ku saabsan suurtagalnimada in loo gacan geliyo Mareykanka. Assange oo ku xidhan xabsiga Belmarsh ee magaalada London ayaa waxaa aad u doonaya Washington si uu u waajaho eedaymo kala duwan oo la xidhiidha soo bandhigida dukumentiyo badan oo sir ah. Maxkamadda sare ee Britain ayaa isku diyaarineyso inay go’aan ka gaadho racfaanka Mareykanka ee ka dhanka ah go’aanka maxkamadda hoose ee lagu horjoogsaday dhiibistiisa. WikiLeaks ayaa bayaan ay soo saartay goor dambe oo Khamiista ku sheegtay in lammaanaha ay bilaabeen tallaabo sharci ah ka dib markii laga hor istaagay in ay is-guursadaan. Afhayeenka Adeegga Xabsiga ayaa sheegay in Codsiga Mr Assange la helay isla markaana la tixgeliyey si la mid ah maxaabiista kale ee ku xidhan xabsiga. Assange, oo 50 jir ah, ayaa lagu xidhay Britain 2019 kadib markii uu toddobo sanno ku qaatay gudaha safaaradda Ecuador ee London si uu uga fogaado in loo gacan geliyo Sweden halkaas oo uu waajahayay eedeymo ku saabsan faraxumeyn. Eedeymaha ayaa markii dambe meesha laga saaray. Dowladda Mareykanka ayaa Assange ku soo oogtay 18 dacwadood oo la xidhiidha baahintii 2010-kii ee 500,000 oo faylal sir ah oo tafaasiil ka bixinayay ololihii millatari ee Afgaanistaan ​​iyo Ciraaq. Waxayna baahinta sirtani sababi kartaa in Maraykanka uu ku xukumo xabsi gaadhaya 175 sanno ah, in kasta oo kooxda sharciga ee Washington ay ku andacoonayaan in xukunkiisa suurtogalka ah ay adag tahay in la qiyaaso oo uu aad uga gaaban karo. Source
  15. Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta hoolka weyn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug lagu doorto laba ka mid ah kuraasta aqalka sare maamulka galmudug uu ku yeelanayao. Madaxweynaha dowlad gobaleedka galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhawaan shaaciyay musharixiinta laba kursi oo ka dhineyd kuraasta dowlad gobaleedka Galmudug. Labada kursi ee saaka la dooranayo ayaa sidoo kale noqoneysa labada kursi ee ugu dambeysa doorashada Aqalka sare ee baarlamaanka 11-aad ee dalka. Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamaya labada musharax ee kala ah Cabdi Xasan Cawaale(Qaybdiid) iyo Cawil Nuur Cali, halka kursiga kale ay ku tartamayaan musharixiinta kala ah Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Glamudug ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Howl-gallada qaatay maalmo badan ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa 7 ruux oo lagu eedeynayo dilal dhowaan ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolkaasi. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa soo qabtay walidiin la tuhumayo inay dhaleen qaar ka mid ah eedeeysanayaal baxsad ah, kuwaas oo la sheegay in lagu raadjoogo. Wararka ayaa sheegaya in shaqsiyaadjka la qabtay loo soo gudbiyey dhinaca magaalada Dhuusamareeb, iyada oo lagu xiray xabsi ku yaalla magaaladaasi. Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka oo su’aallo dheeraad ah weydiinayo ragga haatan gacanta lagu soo dhigay. Galmudug ayaa qorsheyneyso inay maxkamad soo saarto raggan oo dhammaantood loo heysto dilal ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kuwaas oo la xiriira aano Qabiil. Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo ka dhashay dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaanada qaar ee gobolladaas. The post Rag ‘dilal ka geystay’ MUDUG oo gacanta lagu soo dhigay appeared first on Caasimada Online.
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta ka dhaceyso doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Doorashadan oo lagu soo xuli doono labada Senatar ee ku harsan Galmudug ayaa haatan qaban qaabadeeda waxa ay ka socotaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulkaasi. Illaa afar musharrax oo kusoo baxay liiskii uu soo saaray Qoor Qoor ayaa ku tartamaya doorashada maanta ka dhaceysa halkaasi. Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in guusha doorashada loo saadaalinayo inay kusoo baxaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo horay uga tirsanaa Aqalka Sare iyo Cabdi Cismaan Xareed oo u dhow Axmed Qoor Qoor. Sidoo kale ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo suga amniga. Qabashada doorashada labadaan kursi auaa dhammeystireysa doorashada Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada ka jira gudaha dalka. Si kastaba, waxaa haatan meel wanaagsan maraya doorashada Soomaaliya, iyada oo la guda galay mida Golaha Shacabka Soomaaliya. The post Yey yihiin xubnaha lasii ogyahay ee loo saadaalinayo doorashada Galmudug? appeared first on Caasimada Online.
  18. The United Kingdom has issued a travel advisory against all but essential travel to Mandera, Garissa and Lamu counties in Kenya. Source: Hiiraan Online
  19. Somalia's electoral body announced Thursday that it has set the deadline for elections in the Lower House of parliament. Source: Hiiraan Online
  20. Sacuudiga ayaa dhalasho siiyay dad badan oo ajaaniib ah, kuwaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin dad howlkar ah, sida lagu qoray Wakaaladda Wararka ee Dowladda. Tallaabada waxaa loo arkaa in ay isbedel wayn ku tahay shuruucda boqortooyada ee ku wajahan ajaaniibta ka shaqeysta dalkaas. Sacuudi Carabiya – si la mid ah dalalka kale ee Gacanka – wuxuu ku tiirsan yahay shaqaalaha ajaaniibta ah, illaa 50-kii sano ee la soo dhaafay. Waxay ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee ganacsiyada, balse kuwa yar oo ka mid ah ayaa helo degganaansho-joogto ah ama dhalasho. Hadda, tiro dad ah oo aan la cayimin ayaa la siiyay dhalashada, sida lagu qoray warbaahinta dalkaas, waxaana lagu xushay howlkarnimadooda iyo xirfaddooda. Waxaa la qiyaasayaa in malaayiin ajaaniib shaqa doon ah ay ku sugan yihiin Sacuudiga. Xabsiga qasriga ah ee Amiirrada Sucuudiga Sawirro : Dumarka Sucuudiga oo baranaya kaxeynta baabuurta Muxuu Sucuudiga u daneynayaa fannaaniinta ugu caansan dunida? Barnaamijkan waxaa loo oggol yahay dadka leh “xirfadaha aadka u wanaagsan” ee loo baahan yahay, waxaana sidoo kale la xiriira dalalka ay dadka ka soo kala jeedaan, sida ay warbaahinta dowladda qortay. Boqortooyada ayaa u muuqata in ay diiradda saareyso sidii ay ajaaniibta ugu soo jiidan lahayd qeybaha kala duwan ee shaqo sida Shareecada, Seyniska, Caafimaadka, Dhaqanka, ciyaaraha iyo Teknolojiyadda. “Ujeedada waxay tahay in la xoojiyo heerka uu ku socdo hormarka, iyo sare u qaadidda soo jiidashada maalgashadeyaasha iyo shaqaalaha”, ayey qortay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga. Dalkan ayaa noqonaya midka labaad ee gacanka Carabta ee qaada tallaabo lagu soo dhoweysanayo dadka khibradaha kala duwan leh. Waxaa arrintan horey u sameeyay dalka Imaaraatka carabta, oo ajaaniib badan dhalasho siiyay bishii January ee sannadkan. Waxay sidoo kale arrintan muujineysaa sida uu Sacuudiga uga falcelinayo tartanka adage e kala dhexeeya dalalka deriska la ah ee Gacanka ee dhanka ganacsiga iyo xirfadaha. Amiirka Dhaxal Sugaha ah, Maxamed Bin Salmaan ayaa isku deyaya inuu ballaariyo qeybaha kal ee ganacsiga ee ka baxsan kuwa shidaalka, sida dalxiiska iyo wax soo saarka kale. In kastoo dowladda Sacuudiga ay soo dhoweysaneyso ajaaniibta shaqa doonka ah, haddana waxaa jiro shaqooyiin badan oo la ogol yahay in ay qabtaan shacabka Sacuudiga oo keli ah, gaar ahaan dadka dakhligooda uu hooseeyo. Sidoo kale waxaa shaqooyiinka qaar qabta dadka saboolka ah ee ka yimid dalalka kale ee carabta, Aasiya iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika. Sacuudiga ayaa ku dadaala in heerka shaqo la’aanta ee muwaadiniintiisa uu ka yareeyo boqolkiiba 11, taas oo keeneysa in shaqooyiinka qaar loo gaaryeelo. Qaran News
  21. Dawlada Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay militariga Eritrea iyo xisbiga talada haya ee dalkaasi, maadaama oo ay ka qeyb qaateen dagaalka iyo colaada Ethiopia oo ay ku barakaceen in ka badan 2.5 milyan oo qof, kuna dhinteen kumanaan kale. Bayaan ay soo saartay Jimcihii maanta, Waaxda Maaliyadda Maraykanka waxay ku sheegtay inay cunaqabatayn saartay Ciidamada Difaaca Eritrea iyo Jabhadda Shacabka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda, iyo sidoo kale shakhsiyaad iyo hay’ado kale. Joogitaanka ciidamada Eritrea ee Itoobiya ayay waaxdu ku eedaysay inay caqabad ku yohiin joojinta dagaalka socda iyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo ee dalka Ethiopia Qaran News
  22. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Sabti ahTaliye cusub u magacaabay Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa dhowaan loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari inktasoo uusan weli xilka la wareegin. Sidoo kale Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa isna loo soo beddelay Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta lagu wado in uu magacaabo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada appeared first on Puntland Post.
  23. Maraakiibtii u horraysay ayaa dhammaadka bishaan November la sugayaa in ay ku soo xirtaan dekedda Garacad oo meel geba-gaba maraysa. Xubno ka tirsan guddiga dhismaha dekedda Garacad ayaa Puntland Post u sheegay in dhammaadka bishaan markii u horraysay maraakiib ku soo xiran doonaan dekedda cusub. Maraakiibta ayaa si toos ah dekeddaas u keeni doona qalab lagu dhammaystirayo dhismaheeda oo isku-tashi bulsho lagu hirgelinayo. PUNTLAND POST The post Maraakiibtii u horraysay oo dhowaan si toos ah ugu xiranaya dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.
  24. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynihii hore uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, ayaa isla gartay sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagebeeyo ka hor dhammaadka sanadka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Ex. madaxweyne Sheikh Shariif appeared first on Puntland Post.
  25. Doorashada Laba kursi oo ka harsan xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Galmudug ayaa maanta ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb. Labada kursi waxa loo xushay in ay ku soo baxaan Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid iyo Cabdi Cismaan Xareed oo wata laba malxiis. Labadan kursi ayaa ah kuwii u dambeeyay guud ahaan doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 54 senetor. PUNTLAND POST The post Doorashada Labada kursi ee u dambeeyay Aqalka sare oo maanta Galmudug ka dhacaysa appeared first on Puntland Post.