-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Helsinki (Caasimada Online)-Wafdi ka socda maamulka Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland Cali Xaamud Jabriil ayaa gaaray magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxayna faahfaahin ka bixiyeen qorshaha ka dambeeya socdaalkooda. Guddoomiye Cali Xaamud oo hoggaaminaya wafdiga gaaray magaalada Helsinki ee caasimadda dalka Finland oo la hadlay BBC ayaa sheegay inay casuumaad rasmi ah ka heleen dowladda Finland, sidaasna ay ku tageen. “Waxaan dalkaan u nimid inaan ka wadahadalno sidii Somaliland iyo Finland aan aad isugu soo dhaweyn laheyn, beryahaan arrintaas ayaan ka shaqeyneynay, waana ay nala qaateen, waxay sidoo kale nala qaateen inay nagala shaqeeyaan dimoquraadiyadeynta Somaliland, waxay naga aqbaleen inaan wada dhisno saaxiibo aan ku yeelano baarlamaanka Finland,” ayuu yiri Cali Xaamud. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland Cali Xaamud Jabriil ayaa sheegay in casuumaadaan ay ku tageen Finland ay ka heleen baarlamaanka dalkaas, isla markaana ay halkaas u joogaan inay heshiisyo la galaan dowladda Finland. Dowladda Soomaaliya ayaan aad jecleyn dowladaha isku daya inay saaxiib la noqdaan Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxaana la xasuustaa inay xiriirka u jartay, qaarna xiriirka u gaabisay dowlado ay ku jiraan Kenya iyo Geni oo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi Cabdi. Hoos ka daawo wareysiga The post Daawo: Maxuu yahay qorshaha ka dambeeya casuumada Finland ay u fidisay wadfiga Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
-
Sheekh Berberaawi oo ummada ugu faahfaahiyey sifooyinka adoomada Ilaahay SW lagu noqdo, ee Cadaabta lagaga badbaado Sheekh Cabdillahi Xasan Xaashi (Berberaawi) ayaa ummada ugu baaqay inay noqdaan adoomo ku sifooba ixsaan-fal, qofwalba-na ku dedaalo inuu noqdo mid waxtar u yeesha ummada, oo dadka magaciisa, muuqiisa, maalkiisa iyo muruqiisa ku anfaco, uguna ixsaan falo, taasoo ka mid ah sifaadka Ilaahay adoomadiisa ku jeclaado. Khudbadii Jimcaha ee maanta (shalay) oo Sheekh Berberaawi kaga hadlay sifooyinka Ilaahay SW adoomadiisa ku jeclaado marka ay la yimaadaan, ayaa ku bilaabay, qofka bani’aadamku derejooyinka ugu sareeya uu gaadho wa ainuu noqdo adoon Ilaahay SW jecel yahay, markaa muhiimadu wa ain qofwalba ku dedaalo siduu adoon Ilaahay SW jecelyahay u noqon lahaa, taasoo faa’iidooyinka ugu horeeya ee qofku helayo noqon doonto inuu ka badbaado cadaabka (Ilaahay SW ha innaga badbaadiyee, Aamin), waxaanu ku guulaysan doonaa Janooyinkiisa naciimka ah. Sheekh Berberaawi ayaa sheegay in Nebigu CSW xadiis ku yidhi, sida imam Axmed ku werinayo musnadkiisa, “Ilaahay SW ma cadaabo adoon uu jecel yahay” oo yeeshay sifaadkii Ilaahay SW ku jeclaan lahaa. Ilaahay SW haduu ku jeclaado wuu ku ilaalinayaa, oo diintaada, naftaada, ehelkaaga iyo shaqsiyadaada ayuu kuu ilaalinayaa. Waxaad noqonaysa aadoon Ilaahay SW wanaag dhamaantii uu waafajiyo. Xadiisal Qudsi Rasuulku NNKH uu Ilaahay SW ka weriyey, ee Imaamul Bukhaari saxiixiisa uu ku qoray, “Adoonku markuu guto waajibaadka, kuna darro sunneyaasha, Ilaahay SW waxuu yidhi waan jeclaanayaa,” taasoo natiijadiisu noqonayso, inuu Ilaahay SW adoonka ilaaliyo, oo xumaanta ka dhowro, maqalkiisa ayuu u ilaalinayaa, aragiisa ayuu u ilaalinayaa, gacmahiisa ayuu u ilaalinayaa oo xaaraan kuma taabanayo, lugihiisa ayuu u ilaalinayaa, xaaraan ugu socon mayo? Haduu baryo ducada waa laga aqbalayaa, haduu cid sharkooda magangelyo ka weydiistana, Ilaahay SW wuu magangelinayaa. Nebigu CSW waxuu sheegay hadii adoon Ilaahay SW jeclaado, waxuu u dhawaaqa Malakul Jibriil, oo ku yidhaahdaa ‘waxaan jeclaaday hebel, ee adiguna jeclow’ markuu Jibriil, jeclaado ayuu u dhawaaqaa makhluuqaadka Samada oo yidhaahdaa, “Ilaahay SW hebel wuu jeclaaday, idinkuna jeclaada’ makhluuqaadka samadu marka ay jeclaadaan, ayaa makhluuqa dhulka loo soo dejiya, oo aqbal iyo kalgacayl Ilaahay SW dhulka u dhigaa’. Sheekh Cabdillahi Berberaawi ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii adoonku isku weydiin lahaa asbaabaha Ilaahay SW adoomada ku jeclaado, ka dibna naftiisa miisaanka saaro inuu leeyahay sifaadka Ilaahay adoomadiisa ku jeclaado? si uu ugu dedaalo ku dhaqankeeda. Ilaahay SW kitaankiisa ayuu inoogu sheegay sifaadka qofkii yeesha adoomadiisa uu ku jeclaado, sifaadkaa oo fudud, cidduu Ilaahay SW u fududeeyo. Ilaahay SW waxuu u ballanqaaday adoonka naftiisa la jihaada, inuu wadooyinka saxda ah klu hanuuninayo. Sifaadka kitaabka Ilaahay SW lagu sheegay inuu adoomadiisa ku jeclaado, waxa ka mid ah sifada Alle-ka-cabsiga oo adoonku naftiisa iyo cadaabka Ilaahay SW wax iskaga gudbo? Ilaahay SW waxuu jecel yahay adoomada taqwada ku sifooba! Nebigu CSW waxuu xadiis inoogu sheegay “Ilaahay Sw waxuu jecel yahay adoonka taqwada ku sifooba, hogaansama, kana amar-qaata, aan is-muujin ee qanniga ah, ee xalaasha Ilaahay SW siiyey ku qanacsan.’ Sifaadka kala duwan ee Ilaahay SW adoomadiisa ku jeclaado waxa ka mid ah; • Sabirka-Ilaahay SW waxuu jecel yahay adoomada sabra. Masiibooyinka marka ay ku dhacdo waa inuu sabro, oo waxyaalo Ilaahay SW necebyahay aanu samayn, sida baroorta, iwm. Waa inuu axkaamta ilaahay SW naftiisa ku sabirsiiyo, waajibaadka iyo sunnooyinka samayntooda naftiisa ku sabirsiiyo. Hadii sabir lagu siiyo wanaag oo dhan ayaad haysataa. • Ixsaan (Samo-falka) oo laba nooc ah, Rasuulku CSW ayaa inoo fasiray “Inaad Ilaahay SW u caabudo sidii adigoo arkaya, hadaanad arkayn Ilaahay SW ayaa ku arkaya” wa aderejada ugu sarreysa ee qof diinta ka gaadho. Markaad Ilaahay SW u caabud adigoo o goo dareensan inuu ku arkayo. Siduu Ilaahay SW kitaabka inoogu sheegay inay indhahiisu inna hayaan marka aynu caabudeyno ee u sujuudeyno, kana soo toosayno. Ixsaanka qeybta labaad waa mid khalqiga Ilaahay SW loola yimaado. Nebigu CSW waxuu yidhi “Shay walba Ilaahay SW waxuu qoray oo sharciyeeyey in ixsaan lagula dhaqmo. Cidda dil mutaysatay, bani’aadam iyo xoolo, si wanaagsan u dilla, oo nafta ha ku silcinina? Ixsaanka xoolaha waxuu Nebigu CSw sheegay inaan neefka mindida lagu gowracayo hortiisa lagu soofayn? Oo xitaa neef kale hortiisa aanad ku gowricin ee kala qariso markaad gowracayso. Ixsaanka khalqiga, waa inay wanaag kaa helaan, oo qof waxtar leh u noqotid, magacaaga, muuqaaga, maalkaaga iyo muruqaaga ku anfacdo. Dhibaatada dadka ka deyso, siduu Nebigu CSW xadiis inoogu sheegay “Muslimku waa qofka carabkiisa, iyo gacantiisa muslimiintu ka nabadgasho.” • Cadaalad- cadaalada ugu sareysa waa in Ilaahay SW loo gaar yeelo, waxuu gaar u leeyahay, dembi waxa u weyn in Ilaahay SW cibaadada cid kale lala wadaajiyo. Dadka qaarkii ayaa cadaalad mooda in wax walba la simmo, waa fikir khaldan oo caqliga khilaafsan intaan sharciga la gaadhin. Ilaahay SW adoomadiisa abuurkooda muu simmin, rag iyo dumar ayuu ka dhigay, yar iyo weyn, mid caalim ah iyo mid jaahil ah, mid xaakim ah iyo mid la xukumo, mid walba xaq gooni ah ayuu leeyahay. Cadaaladu waa mid walba booskiisa in la dejiyo. Dharka xariirta raga xaaraan ayey ka yihiin, laakiin dumar waa u xalaal, gaaladu markii ay tidhi dumarku raga ayey la simman yihiin , waxba uma tarin, dhibaato mooyee. • Toobad-keenka-sifooyinka Ilaahay SW adoomadiisa ku jeclaado waxa ka mid ah toobad keenka. • Tallo-saarashada-si kastoo qofku awood iyo xeelad u sheegto, hadaanu Ilaahay SW talo-saaran, melena ma gaadho. • Akhlaaq-wanaaga- Rasuulku CSW waxuu yidhi, “Adoomada Ilaahay SW waxuu ugu jecel yahay, kuwa ugu akhlaaq wanaagsan. • Raacitaanka Nebiga CSW ayuu Ilaahay SW adoomada ku jeclaada, siduu kitaabka inoogu sheegay “Nebi Maxamedow CSW waxaad ku tidhaahdaa ‘hadaad Ilaahay SW jeceshihiin, anniga (Nebiga CSW) I raaca, Ilaahay SW ayaa idin jeclaan doona, oo idiin dembi-dhaafi doona. Raacitaanka Nebiga CSW iyo intuu diin ka dhigtay in laga dhigto, ee ummada uu u sheegay, ama uu sameeyey ee tusaale uu ugu noqday inaad samaysid, taasoo Ilaahay SW kugu jeclaanayo. Sida Ilaahay SW uu shirkiga u neceb yahay ayuu bidcada u neceb yahay, sida xadiis Nebiga CSW macnahiisu ahaa “Qofkii sameeya camal aanan amrin waa lagu celinayaa.” Ilaahay SW dariiqa xaq ha inna waafajiyo, hanna innaga yeelo adoomada uu jeclaado dhamaanteen, aamin. Qaran News
-
Qoryooley (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya guddoomiyihii maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Kuntuwaarey oo caawa iska dhiibay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose. Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Macalin oo Al-Shabaab looga dhex yaqaanay Abuu-Cali ayaa waxaa sawirradiisa soo bandhigay maamulka degmada Qoryooley oo uu isku soo dhiibay. Guddoomiyaha maamulka degmada Qoryooley Sayid-Cali Ibraahim ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in sarkaalkaan uu si iskiis ah isugu soo dhiibay. Maxamed Xasan Macalin (Abuu-Cali) ayaa la sheegay kooxda Al-Shabaab uu u qaabilsanaa maxkamadeynta dadka ku nool Kuntuwaarey iyo deegaanada hoos taga. Guddomiyaha degmada Qoryooley ayaa laga soo xigtay in isisoo dhiibitaanka sarkaalkaan ay gacan weyn ka geysteen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose. Mudooyinkii dambe waxaa aad u soo badanayey xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda Soomaaliya, inkasta oo aan si dhab aan loo ogeyn sababta ka dambeysa arrintaan, gadana dad badan oo si dhaw ula socda dhaqdhaqaaqyada kooxdaan waxay qabaan in nolol adag ay wajahayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee duurka ku jira. The post Guddoomiyihii Maxkamadda Al-Shabaab ee Kuntuwaarey oo is dhiibay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ehellada dadkii ay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ku laayeen ciidanka AMISOM ayaa war ka soo saaray xukunkii maanta lagu riday shan xubnood oo askar iyo saraakiil isugu jira, kuwaas oo maxkamadi ku heshay dembiga ah inay si ula kac ah u laayeen dadkaas shacabka ahaa. Ehelladu waxay aad u soo dhaweeyeen xukunka maanta lagu riday askartii iyo saraakiishii dishay dadkaas, sidoo kale waxay shaaciyeen in hadda kadib ay bilaabayaan raadinta mag-dhawga dadkaas ay dishay AMISOM ee maanta la xukumay askartii dishay. “Dadka la dilay waxay leeyihiin xuquuq magdhaw ah, hadda waxaan noo bilaabanaya magdhawga dagaalkiisii, waxaan ku doodi doonaa in dowladda Uganda dadkaas sida sharci darrada ah loo dilay ay siiso magdhaw u qalma, hadii ay Uganda iska bixin weyso magdhawgaas waxaan ku qaadi doonaa shuruucda caalamiga ah, dadkeenu ma noqon doonaan xoolo la dilay, cid ka baxsan karta malaha shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay ehellada dadkii la dilay. Ehellada oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay si joogto ah uga qeyb galayeen maxkamadeynta askarta AMISOM oo ka socotay xerada Xalane, waxayna sheegeen inay ku qanceen hanaankii uu u dhacay xukunkaas. “Maxkamadaas oo ka koobneyd 20 qof oo shan xeer ilaaliye iyo afar qareen ay ku jiraan oo ciidan iyo saraakiil badan ay ka qeyb galeen, waxaa si joogto ah uga qeyb gelayey anagoo afar qof ah oo ehellada dadkii la laayey ka mid ah,” ayuu yiri afhayeenkii u hadlay ehellada. Maxkamadda ayaa 5-tii bishaan ka furantay Xalane, waxaana shalay oo Khamiis aheyd la soo saaray habka degmiga loogu helay askarta iyo saraakiisha AMISOM, iyadoo maanta oo Jimco aheyd lagu dhawaaqay xukunka raggaas lagu helay dembiga. “Shanta nin ee dembiga lagu helay laba kamid ah waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, halka seddaxda kale lagu xukumay 40-sano oo xabsi ah, waxaa xukunsanayaasha la siiyey inay racfaan ku qaadan karaan 14-cisho, waxaan goobjoog u aheyn in sidii askartaas ka tirsan AMISOM ay sharafta uga dileen dadkeenii, si lamid ah maanta horteena ayagana sharafta looga dilay, saraakiishii horteena ayaa garaadihii looga rifay, askar ayaa lagu sii daayey, horteena ayaana lagu jeebeeyey,” ayuu yiri Afhayeenka ehellada dadkii ay AMISOM ku leysay Golweyn. Hoos ka daawo. The post Daawo: Ehellada dadkii ay dishay AMISOM oo war kasoo saaray xukunkii maanta, shaaciyeyna arrin kale appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladda Itoobiya ayaa u muuqata in aanay wali ka hadhin qorshaheedi ahaa inay yeelato ciidan badeed oo ka hawlgala baddaha ku xeeran wadamada ay jaarka yiihiin ee badda leh. Xukuumadda raiisalwasaare Abiy Axmad ayaa dhawaan soo saartay astaan cusub oo ay u samaysay ciidamada Itoobiya ee qalabka sida waxaanay kusoo dartay calaamadda baroosinka oo ah bir culus oo badda lagu dhex tuuro marka uu markabku dekad kusoo xidho ama hadii uu badda badhtankeeda istaago.Astaanta cusub waxa laga saaray qorigii waxaana lagu badalay waran halka bishi casaydna lagu badalay gaashaan. Dalka Itoobiya ayaa lahaan jiray ciidan badeed oo saldhigiisu ahaa xeebta dalka Eriteriya hasa yeeshee Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn ka dib markii ay Eriteriya ka go’day oo ay noqotay dal madaxbanasn horaanti sagaashanaadkii qarnigi hore. Madaxweynaha Somalia ee hadda muddo-xileedkiisu dhamaaday Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa sanadkii 2018 Muqdisho ku kala saxeexday heshiisyo dhawr ah waxaana ka mid ahaa mid uu Farmaajo ku ogolaaday in Itoobiya ay isticmaasho 4 dekadood oo ku yaala xeebta Somalia. Haatuf Qaran News
-
Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed speaks at a news conference in Addis Ababa, Ethiopia March 28, 2019. REUTERS/Tiksa Negeri Prime Minister Abiy Ahmed has lost the war; the time has come for a ceasefire to negotiate the country’s future. “Our overriding interest in the Horn of Africa is stability.” These were the words of Jeffrey Feltman, U.S. Special Envoy to the region, speaking at the United States Institute of Peace on November 2. At the end of the session, he summed up the challenge he faced for his upcoming mission to Ethiopia to seek a negotiated end to the war, now a year old, between the Federal Government headed by Prime Minister Abiy Ahmed and the government of the Tigray region headed by the Tigray People’s Liberation Front, or TPLF. “The prime minister, I believe, thinks that the TPLF wants to replace him,” Feltman said. “The TPLF thinks that the prime minister wants to, probably, exterminate them.” He immediately added — more in hope than conviction — “I don’t think either is true.” The first task in halting Ethiopia’s slide into further calamity is finding a formula whereby Abiy and the Tigrayans can agree on a ceasefire, humanitarian access to the starving, an end to hate speech, and talking to one another. The government in Addis Ababa, however, insists that the TPLF is a “terrorist” organization, and Abiy’s spokesperson, Billene Seyoum, asserted last week that she wasn’t “entirely sure there are successful examples of any country talking with terrorists and coming out in an amicable way.” Of the several examples Feltman could have chosen to prove the contrary — Namibia, South Africa, Northern Ireland — he chose to speak about the peace process in Colombia. The Tigrayan leadership laid out their preconditions for talking in July, including withdrawal of non-Tigrayan forces from their lands, lifting the humanitarian siege, and respecting the existing federal constitution. Tigrayans are unimpressed with an international response that ignored the total war fought against them for the first half of the year, followed by howls of alarm when the fighting now threatens Addis Ababa. The Ethiopian capital has long been a bubble, in which famines and fighting in the provinces are disregarded until the residents feel the hunger and hear the gunfire. That bubble burst last week, and embassies are hurrying to evacuate their staffs. Government officials are sending their families abroad. Every flight out of Addis Ababa is overbooked. The brute reality: the Tigray Defense Force has comprehensively defeated the Ethiopian National Defense Force. Abiy has lost the war. One of Africa’s most professional and powerful militaries has been reduced to an assemblage of conscripts, militia, and remnants of his soldiery that resembles a fighting force but is disorganized and demoralized — and no match for the TDF. The world’s biggest conventional battles today have gone unreported. The Ethiopian army lost ten of its twenty divisions in Tigray in May and June, with at least 10,000 dead and a similar number taken prisoner. The hastily reconstituted and expanded army was defeated on an even larger scale in battles for the Amhara cities of Dessie and Kombolcha last month. The victor is the TDF, a force that didn’t exist a year ago. In the face of an onslaught that appeared determined to crush their bodies and spirits through massacre, rape, and starvation, the Tigrayans set aside their internal differences and united in resistance. The TDF contains both supporters and critics of the TPLF. They began with a guerrilla fight, carrying light weapons and hiding in the mountains. They scaled up and drove the ENDF and their Eritrean allies out of Tigray in June. Armed with captured weapons, the TDF took the offensive to break the starvation siege that Abiy had imposed on them. Today, on the back of the TDF victories, the TPLF leaders — the men who led Tigray into the war and who bear much responsibility for it — are reasserting themselves. But they have no coherent political plan. Last week the TPLF joined with the Oromo Liberation Army and seven other smaller groups to form the United Front of Ethiopian Federalist and Confederalist Forces. Both the process and the content of the deal were opaque. For ordinary Tigrayans and other Ethiopians alike, it appeared that the TPLF was making a bid for power behind the pretense of a broad coalition. There is a flurry of concern about whether this all portends mayhem, state collapse, and instability across the region. Such fears are warranted. Most Ethiopians fear the TPLF, which was the dominant power in the country from 1991 to 2018, and do not want it back in power. Meanwhile, Abiy has escalated his incitement to violence, to the extent that Facebook removed one post in which he called upon Ethiopians to “bury” them, and Twitter has disabled its “trends” section for Ethiopia. There are mass roundups of Tigrayans in Addis Ababa amid a general call to arms. But the reality of the military defeat, and the scale of the slaughter at the front line — tens of thousands of young people dead in October alone — is no longer a secret. The Ethiopian democracy movement, which brought Abiy to power in 2018 only to see its leaders be jailed and barred from competing in elections, is stirring. From his prison cell, the head of the Oromo Federalist Congress, Jawar Mohammed, is reaching out through his lawyers to see whether there is a civic coalition that could be helpful to the peace process. There are some encouraging signs that Abiy is at last recognizing his predicament, and the international community is gearing up an effort to end the war. Feltman’s public flattery of Abiy at USIP had the desired result of getting the Ethiopian prime minister to open his door for a face-to-face meeting, which is a step forward. Kenyan President Uhuru Kenyatta has joined the United States as a partner in pressing for negotiations. Their mediation is entirely discreet — which is reason for confidence. The African Union chairperson’s special envoy, former Nigerian president Olusegun Obasanjo, is operating in the glare of publicity. On Sunday, he traveled to the Tigrayan city of Mekelle for his first meeting with the TPLF. Although the Tigrayans have harshly criticized Obasanjo for his overt sympathies for Abiy, they received him cordially. On Obasanjo’s return to Addis Ababa — which is also the African Union’s headquarters — the new AU Peace and Security Council convened its first meeting on the conflict since it was launched one year ago. The PSC called for a ceasefire, an end to hate speech, and humanitarian access to the starving. It appealed to the international community (read: the United States and Europe) not to impose sanctions, failed to call for a release of political prisoners, and reiterated its opposition to an unconstitutional change of government — ruling out the opposition plan for a transitional government. The AU is toothless, but China, Russia, and India often follow its lead on African issues, and, at the U.N. Security Council Monday, their tone had changed. They were sober. They knew the reality, that the AU was laying out a roadmap to salvage Abiy. Their problem is that Abiy cannot be salvaged by diplomatic resolutions such as this. In the short term, the best-case scenario is that both sides quickly agree to cease hostilities and the Ethiopian government lifts its siege of Tigray, stops beating the war drums, and releases thousands of detainees. This may feed the starving in Tigray and prevent a pogrom and intercommunal violence in Addis Ababa — all of which are necessary. But it won’t stop state collapse because the state has already failed. Following the historian Charles Tilly’s precept that “war makes the state while the state makes war,” the Ethiopian army’s structure reveals the nature of the state. Abiy ran a martial state, committed to imposing his vision — an Ethiopia restored to its imperial glory — by force of arms. While many of his supporters hoped for a civic republicanism, what they got was a vision of an empire reborn. That ambition was the underlying cause of Abiy’s fall-out with the Oromo movement and the war with Tigray. Dreaming of empire, Abiy squandered the state institutions he had. The ENDF today is an assemblage of quarrelsome ethnic units, mobilized by hate speech with some high-tech toys such as drones. It shows what Ethiopia has become. Academic historians tell us that this may not be so different from the brute realities of Ethiopia’s imperial past. Ethiopia’s future will be determined in the ceasefire negotiations. A permanent ceasefire is far more complicated than simply stopping shooting. As the Tigrayan academic Mulugeta Berhe explains, a ceasefire will require precise and unambiguous language on where forces should be located; what actions should be prohibited (which the Tigrayans will want to extend to arms purchases); which forces should be covered (i.e. ethnic militias); who should provide monitoring and verification; and — most importantly — the final status of the belligerents’ armed forces. That last point is crucial, because, having undergone a potentially genocidal assault, the Tigrayans will not entrust their security to anyone else. They will seek permanent security on their own terms — they won’t disarm or allow a central army that could overpower them at some future date. The unavoidable implication is that the ceasefire terms will determine the future shape of the Ethiopian federation — or, possibly, confederation. When the AU and U.N. make their routine calls for respecting Ethiopia’s unity and sovereignty, what they have in mind is restoring a strong central government and reducing the Tigrayans to provincial rebels to be paid off with a slice of the pie. But this risks cornering the Tigrayans. They will refuse to withdraw or disarm and could lose confidence in the mediation — which would make the crisis intractable. The key to unlocking this is understanding how sovereignty is defined in the Ethiopian constitution. The country has a unique ethno-federal system that envisages Ethiopia as a coming together of different groups. The constitution’s preamble begins, “We the Nations, Nationalities and People of Ethiopia: Strongly committed, in full and free exercise of our right to self-determination, to building a political community.” Article 8 reads: “All sovereign power resides in the Nations, Nationalities and Peoples of Ethiopia.” Abiy wanted to go back to a unitary system of government, but he lost the war before he could revise the constitution so it is still in force. The Tigrayans and Oromos are determined to keep it. Feltman and Kenyatta have a delicate task. Abiy and the Tigrayans are well aware that the terms of a ceasefire and the definition of “sovereignty” will set the future course of the country. The mediators must move fast to avoid another bloodbath, but defining the framework for a settlement will be time well spent. Source: Responsable Statecraft The post Ethiopia: Salvaging a failing state appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheikh Axmed oo dhawaan walaac xoogan ka muujiyey habsami u socodka doorashooyinka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu horeyntii uga warbixiyay Madaxweynihii hore ee dalka halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay geedi socodkeeda. Rooble iyo Sheekh Shariif ayaa sidoo kale waxay ka wada-hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka, oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac ay ka dayriyeen mucaaridka. Labada mas’uul ayaa waxay isla qaateen sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagebeeyo ka hor dhammaadka sanadka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa isagoo ka duulaya mudnaanta ay leedahay dedejinta howlaha doorashooyinka ayuu waxa uu xalay habka fogaan araga kulan kula yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo uu ku boorriyay in ay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku soo gebagebeeyaan inta aysan dhammaan bishan December. Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November, ayada oo 24 December 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashadaas, sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka heer federaal. The post Sawirro: Rooble oo hoygiisa ugu tagay Sheekh Shariif iyo arrin ay isla qaateen appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shir guddoomiyay kulan dhanka fogaan aragga ah ku dhex maray madaxda wadatashiga qaran. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Rooble ayaa faray madaxda dowlad gobaleedyada dalka in ay dardargeliyaan howlaha doorashooyinka golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta markale dagaal beeleed uu dib uga qarxay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Shilan ee hoos yimaada degmada Balamballe ee gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac Maleeshiyaadka labada dhinac ee diriraya oo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa waxa uu dagaalkooda salka ku hayaa dhul ku yaala deegaankaas, sida ay dad deegaanka u sheegen Caasimada Online. Illaa inta hadda la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku geeriyoodey hal qof, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kale oo mid ay haween tahay, waxaana weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka lagu dagaalamay. Dagaal Beeleedyada ayaa inta badan ah kuwo ku soo laab laabtay deegaanada hoostaga degmada Ballanbale iyo guud ahaanba gobolka Galgaduud. Majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Galmudug, waxaana lagu soo waramayaa in saacadaha soo socda ay deegaankaas gaari doonaan ciidamo uu maamulku ugu talo galay inay kala dhex galaan labada dhinac ee dagaalamay. The post Dagaal xoogan oo ka qarxay gobolka GALGADUUD iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Under the Arab Africa Trade Bridges (AATB) Program, ITFC, Afreximbank, BADEA and ARSO to Organize a High-level Roundtable on the Harmonisation of Standards for Pharmaceutical Products and Medical Devices in Africa on the 17th November 2021 The hybrid roundtable is aimed at discussing and providing update on the Harmonization project and will come off on the sidelines of the Intra-African Trade Fair (IATF) taking place in Durban, South Africa from the 15th to the 21st of November 2021 JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, November 11, 2021/ — The International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) (ITFC-idb.org), in partnership with the African Export-Import Bank (Afreximbank), Arab Bank for Economic Development in Africa (BADEA) and the African Organization for Harmonization (ARSO) announce the organization of a roundtable on the sidelines of the Intra-African Trade Fair (IATF) on 17th November 2021 at 10:30 – 12.30pm (South Africa Time). The hybrid event will serve as a platform to provide update on their common project called “Harmonisation of Standards for Pharmaceutical Products and Medical Devices in Africa”. The initiative which was launched under the umbrella of the Arab Africa Trade Bridges (AATB) Program in 2020, aims at harmonising African standards for pharmaceuticals and medical devices thereby enhancing intra-African trade and investment, reducing substandard counterfeit products, and building resilient regional health systems. The roundtable shall be graced by Prof. Benedict Oramah, President Afreximbank; Eng. Hani Salem Sonbol, CEO ITFC; Dr. Sidi Ould Tah, BADEA Director General; Wamkele Mene, Secretary General AfCFTA; Dr. Vera Songwe, Executive Secretary, UN Economic Commission for Africa; H.E. Albert M. Muchanga, Commissioner, African Union Commission; Dr. John N. Nkengasong, Africa Centre for Disease Control; Dr. Hermogene Nsengimana, ARSO Secretary General and Dr Paulyne Wairimu,PPB, Kenya/AMDF and shall concurrently take place physically at the IATF venue and virtually on Zoom. To access the event, kindly log in here: https://bit.ly/3wAn1P5 SOURCE International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) Qaran News
-
PRESS RELEASE World Leaders Must Turn Attention to the Dire Humanitarian Situation in Libya Almost a million people are in need of humanitarian assistance in Libya OSLO, Norway, November 12, 2021/ — As world leaders meet today in Paris for the international conference on Libya’s forthcoming elections, hosted by France, the Norwegian Refugee Council calls for real action to address the growing humanitarian needs of Libyans and migrants across the country. “Displaced Libyans and migrants tell us they want a better life for their families and children but we have seen very little commitment to address their needs,” said NRC’s Libya Country Director Dax Roque. NRC is calling for real commitments from leaders to address ongoing humanitarian needs, the recent crackdown on migrants and rehabilitation of critical services and infrastructure. Today almost a million people are in need of humanitarian assistance in Libya, including internally displaced Libyans, refugees and migrants. “Stability in Libya won’t be achieved through elections or withdrawal of foreign fighters only. Reconstruction and scaled-up aid delivery are vital to help people recover from one of the most neglected crises,” said Dax Roque. SOURCE Norwegian Refugee Council Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyey doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan si hordhac ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, waxayna ka digeen nidaamka ay ku bilowdeen doorashooyinkaas. Qoraal kasoo baxay Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu dalbaday in doorashooyinka Golaha Shacabka ay noqdaan kuwa hufan oo daahfuran, islamarkaana aan ka hor-imaaneyn habraacyada loo sameeyay doorashada iyo heshiisyadii la gaaray. “Bulshada Rayidka waxay soo jeedinayaan in golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha badan inay kusoo saaran jadwalka doorashada iyada oo aan waxba laga bedeleen heshiiskii 17-kii September,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxay ka digeen in doorashada golaha shacabka ay ku socdaan nidaamka ay ku billawdeen oo ay sheegen inuu u muuqday mid aan waafaqsaneyn heshiisyadii doorashooyinka. “Waxaa welwel badan ka qabnaa suurtagalnimada in la baalmaro habraacyada loo dajiyay doorashooyinka dalka.” Sidoo kale waxay soo dhaweeyen baaqii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u jeediyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee labada heer ee ku aadana in sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabo doorashada golaha shacabka. “Xarunta la socodka doorashooyinka ee bulshada rayidka waxay bogaadinaysaa dadaallada lagu xaqiijinayo hubinta qoondada 30% ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin matalaada shacabka.” Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen in mas’uuliyiinta dalka iyo guddiyada maamulka doorashooyinka inay u hogaansamaan habraacyada lagu xaqiijinayo matalaada haweenka oo ay sheegan inay muhiim u tahay geedi socodka doorashooyinka dalka. The post Walaaca laga qabo doorashada Golaha Shacabka oo kordhay iyo digniin laga soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa doraad u yeedhay Xoghayaha Ganacsiga ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xamse Cabdiraxmaan Khayre. Maxkamadda ayaa ku war-gelisay inay u taallo Dacwad ay u soo gudbisay Shirkadda diyaaradaha ee Daallo, taasi oo ka mid ah Shirkadaha Maxaliga ah ee Somaliland laga leeyahay. Xoghayaha Ganacsiga Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo Shalay Warbaahinta la hadlay, ka dib markii uu Maxkamaddu ku war-gelisay Dacwadda u taalla, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI ka soo dacwootay Shirkadda Daallo Airlines, balse ma sheegin waxay Dacwaddu ku saabsan tahay ama ka kacday. Xoghayaha Ganacsiga Xisbiga WADDANI oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saaka (Shalay) waxaan tagay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, si aan u soo qaato Dacwaddii, iyadoo ay i weheliyaan Xildhibaan Barkhad Batuun oo ah Afhayeenkii Xisbiga WADDANI, Xoghaye Maxamed Faarax iyo Xoghaye Maxamed Sidiiq Dhamme, waan soo qaatay Kiiskii.” Xoghayaha oo la waydiiyey Cidda soo dacwaysay, ayaa ku jawaabay “Sida Arjiga Dacwadda ku qoran, Shirkadda diyaaradda ee Daallo Airlines ayaa soo dacwootay, waxayna ku saabsan tahay Dacwaddu Shirkii Jaraa’id ee aan dhawaan ku qabtay Magaalada Hargeysa, kaasi oo ku saabsanaa Qadiyaddii duulimaadyada Shirkadda Fly Dubai, Aniga la igama soo dacwoon oo Anigu Shaqsiyad Qaanuuniya ayaan huwanahay, laakiin Xisbiga WADDANI ayay ka soo dacwoodeen oo aan Xoghayihiisa ahay, Kiiskuna waa kiis Maxkamad ku jira oo in gudihiisa la sii galo lama ogola (oo laga hadlo)…” ayuu yidhi. Ma Cadda kiiskani waxa uu ku saabsan yahay, balse Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa Shir-jaraa’id oo uu laba Toddobaad ka hor kaga hadlay Shirkadda Fly Dubai oo joojisay Duulimaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland, wuxuu ku soo hadal-qaaday Shirkadda Daallo Airlines. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qof Haweeneey ah lagu dilay agagaarka Isbitaalka Digfeer, waxaana dilkeeda kasoo baxaya warar kala duwan. Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa toogtay Haweeneeyda oo lagu magaacbi jiray Dahabo Jimcaale Tooxow, xili ay ku sugneed Gurigeed oo ku yaalla agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in Dahabo ay ka tirsaneyd Ciidanka dowladda, sidaasina ay u beegsadeen dableyda hubeysan. Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, ayada oo xaafada uu dilka ka dhacay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, oo bilaabay howl-galo lagu baadi-goobayo raggaasi. Waxaa toddobaadyadii u dambeeyay magaalada Muqdisho ku soo badanayey dilalka qorsheyn ee loo geysanayo Askarta ka tirsan ciidanka dowladda iyo dad shacab ah, kuwaasi oo qaarkood ay sheegtaan kooda Al-Shabaab, halka kuwo kalena ay geysanayeen Kooxo Burcad ah. The post Dil ka dhacay Muqdisho iyo faah-faahin kasoo baxeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Farxad ku Bushaaraysta Waalidiintii dhibbanaydeey. Tan iyo sannadkii 2013 waxa dhalinyaro badan oo qurbaha ku nool oo la maskax-xaday ay u hayaameen Wadamada Suuriya iyo Ciraaq iyaga oo niyadooda ay ku jirtay inay ku hoos noolaadaan maamulkii kooxihii daacish ee isku magacaabay inay yihiin Dawlad Islaam ah oo Shareecada wax ku maamulaysa. Nasiib darro dhalinyaradaasi markii ay halkaas tageen waxay kala kulmeen waxaanay filayn, waxaanay in badani ay ku naf waayeen oo lagu dilay dagaaladaas oo lagu qasbay, waxaana dad faro ku tiris ah oo dhalinyaraas ka mid ah iyo haweenkii iyo carruurtii soo badbaaday lagu guray Jeelal Cadaab ah iyo Xeryo Qaxooti oo aad u qalafsan oo ku yaala Waqooyiga Suuriya gaar ahaan Xeryaha Qaxootiga ee la yidhaa Al-Hol, Iuo Al-Roj. Tan iyo bishii July ee sannadkii 2019 oo aan la shaqaynayay Waalidiinta Carruurtu ay ka maqan tahay oo ku kala nool Wadamada UK, Yurub, America iyo Canada waxaa Allah mahadii ah inaan la wadaago in dhibtii mudada dheer haystay ay soo afjarmayo dhawaan insha Allah. Waxa Allah Mahadii ah in Dalalka Jarmalka, Denmark, Sweden iyo Finland ay bilaabeen inay dib usoo qaataan dadkii Soomaalida ahaa ee dhalashooyinkooda haystay ee ku xannibnaa Waqooyiga Suuriya, waxaana dhawrkii usbuuc ee ina dhaafay dad badan la keenay Denmark, Germany, Finland iyo Sweden. Dawlada Ingiriiska oo iyadu aad uga dhego adaygaysa inay dadkeeda soo qaadato waxaanu saarnay ololo dhinacyo badan kaga imanaya oo ka codsanaya inay raacdo talaabada ay raaceen Wadamada Yurub ee kale. Dhinaca kale Saddexda maalmood ee soo socda gudahood waxa booqasho ku tegi doona Xeryaha Qaxootiga iyo Xabsiyada Waqooyiga Suuriya Masuul sare oo damiirkiisu nool yahay oo ka damqaday dhibaatada iyo darxumada haysta Dumarka iyo Carruurta iyo dhalinyarada Somaaliyeed ee ku dhex cadaaban kuna dhex rafaadsan Xeryaha iyo Jeelasha ku yaala Waqooyiga Ciraaq. Masuulkan Geesiga ah oo ah halyeey uu Damiirkiisu nool yahay oo ay taariikhdu xusi doonto, ma jecli inaan imika magaciisa halkan ku sheego, hase yeeshee waxa uu dhexda u xidhay inuu dadkaas dhibaataysan soo badbaadiyo, waxa uu booqan doonaa Xero kasta iyo Xabsi kasta oo qof Soomaali ahi uu ku jiro. Ugu danbayn waxaan ugu Bushaaraynataa Waalidiinta iyo ehelada ay dadkoodii ka maqan yihiin in dhawaan ay maqli doonaan warar khayr qaba oo ay ku farxaan. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Frankfurt. Germany. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay dacwad loo haystay shan Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasi oo dad rayid ah ku dilay deegaanka Golwayn ee Shabeellaha Hoose. Maxkamadeynta oo bilaabatay 5-tii bishaan ayna qaadeysay Maxkamadda AMISOM ee xerada Xalane ayaa waxay labo kamid ah askartii la soo eedeyay oo u dhashay dalka Uganda ku xukuntay dil toogasho ah. Sidoo kale waxay maxkamadda ciidamada AMISOM ayaa saddex kamid ah eedeysanayaasha ku xukuntay min 39 sano oo xabsi ah. Afhayeenka Beeralleyda gobolka Shabeellaha Hoose, Xuseen Cismaan Waasuge oo ku sugnaa maxkamadda oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in toddobo qof ay ku marqaati fureen eedeysanayaasha oo lix kamid ah ay yihiin ciidanka Uganda ee meesha joogay, sida uu sheegay. “Waxaa Ugandha ka yimid (xubno ka tirsan) maxkamadda ciidamada. Jimcahii ayey billaabatay. Laba maalmood waxaa hadlay dadkii ku caddeynayay dembiga. Anaga waa nalagu casuumay, waana dhageysaneynay. Xalano ayey maxkamadeynta ka dheceysay, laakiin anaga wax Soomaali oo qareen ah oo noo doodayay ma jirin. Marqaatiga nalaga dalbadayna waa hal wiil oo ninka beerta iskalahaa uu dhalay,” ayuu yiri Xuseen Waasuge. “Ninkii kabtanka ahaa ee ciidanka watay waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii ku xigay ee watay unugga wax laayay, waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii maydka miinada dul saaray ee ku qarxiyayna iyo labadii nin ee xabada ku furtayna waxaa lagu xukumay 39 sano.” Qaar kamid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay oo ku sugnaa maxkamadda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka uu u dhacay xukunka, islamarkaana ay raali ka yihiin. Dhacdada loo haystay askartaan ayaa waxay ahayd bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay. The post Askar ka tirsan AMISOM oo lagu tooganayo Muqdisho (Faah-faahin) appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal Maanta ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab ku dhex maray buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari. Ciidamada Puntland ayaa weerar qorsheysan ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab oo isku aruursanayey buuraha. Ciidamada Al-Shabaab ee isku aruursanayey buuraha ayaa la sheegay inay weerar kusoo qaadi rabeen tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari. Dagaalka oo qaatay dhowr saac isla markaasna la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka culus oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac. Maamulka Puntland weli kama hadlin dagaalka oo hadda istaagay kadib markii ciidamadii Puntland ee weerarka ay dib ugu soo noqdeen tuulada Af- Urur. The post Faahfaahin ku saabsan dagaal ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray Bari appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Onine) – Sida laga soo xigtay Hay’ad cilmi baaris ah oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, hubka ay Iran siiso xulafadooda Xuutiyiinta Yemen ayaa si qarsoodi ah loogu soo gudbiyaa gacanka Cadmeed si ay u soo gaaraan Soomaaliya halkaasoo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ay kula dagaalamayaan dowladda taagta daran ee ka jirta Soomaaliya. Shirkaddan Global Initiative ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba ayaa sheegtay in daraasaddoodu ay ku saleysan tahay xog laga helay in ka badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agab laga soo aruuriyay 13 doomood oo ah nooca yar yar ee fud fudud. Waa cilmi-baaristii ugu horreysay ee si guud loo helo oo lagu sameeyo baaxadda hubka sharci-darrada ah ee Yemen laga soo galiyo dalalka ku yaalla Geeska Afrika. “Hubka ka yimaada ee ka ganacsiga hubka ee Iran iyo Yemen ayaa ka soo gala Soomaaliya dhankaas,” ayaa lagu yidhi daraasadda oo la soo saaray Arbacadii. “Iran waxay si isdaba joog ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, caddaymo hor leh ayaa tilmaamaya sahayda ay bixiso dawladda Iran.” Sida lagu sheegay warbixinta goobaha ku yaalla Soomaaliya ee ay sheegeen, waxaa ka mid ah Beledxaawo, Doolow, Ceelwaaq, Baardheere. Sida oo kale Puntland ayaa si gaar ah loo xusay gaar ahaan Garoowe, Galdogob, Gaalkacayo, sida oo kale goobaha ay badanaa isku maandhaafsna yihiin Somaliland iyo Puntland ayaa iyana si gaar ah u warbixintaas uga dhex muuqdo sida Laascaanood, Tukaraq, Xuddun iyo Badhan. Intii u dhaxaysay Febraury iyo March sannadkan 2021, Puntland waxay la kulantay hub aan caadi ahayn oo aad u sarreeya oo ka imanayay Yemen, sida la sheegay dalabka oo sarreeya awgeed. Waxaana arrintasi sii huriyeen colaadaha salka ku haya beelaha ee Puntland ka dhaca ayaa warbixinta lagu sheegay iyo sidoo kale degenaansho la’aanta siyaasadeed. Tirada ugu badan ee hubka sharci darrada ah waxaa lagu arkay magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha Soomaaliya waxaana yaallay 97 hub ah (23.3 boqolkiiba wadarta) ay diwaan gelisay haayaddaasi. “Hubka faraha badan ee la xiriira dagaalka Yemen ee ka socda Soomaaliya ayaa saameyn weyn ku yeelan kara ammaanka Puntland iyo guud ahaan dalka iyo sidoo kale dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya,” ayaa warbixintaas lagu soo gabagabeeyey. The post Waa kuwee magaalooyinka lagu arkay hubka ay Iiraan soo gelisay Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
