Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,367
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. After almost three years away (two years and 9 months to be exact), I traveled back to Beledweyne for a short assignment. The last time I was there was in December 2018. That previous trip was my first return to the town after 8 years away. At that time, I wrote a blog post titled ‘Back to Beledweyne eight years later’. I was excited to go back to the town again. I spent three good years in Beledweyne between 2006 and 2009 studying at a secondary school. These three years shaped my life in many ways. I also learned many tough lessons from the fragile security situation, recurrent floods, and armed clashes. Source: Hiiraan Online
  2. Waa Kuma Wasiirka keliya ee Soomaalida Itoobiya ee ka mid noqday Golaha Cusub ee Wasiirada Abiy Axmed Axmed Shide Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada ee xukuummaddiisa u maamuli doono shanta sano ee soo socota. Wasiiradaas waxaa ku jiro hal qof oo Soomaali ah oo keli ah, waana Axmed Shide oo markale xilka wasaaradda Maaliyadda loo magacaabay. “In kasta oo aan kala duwannahay, haddana waa in aan qaadanno dhaqan wada shaqeyn ah,” ayuu Abiy u sheegay baarlamaanka. “Ku darista kuwa kale iyo la shaqayntoodaba, waxay xisbiyada siyaasadda ka caawin doontaa inay aasaas u noqdaan mustaqbalka.” Dib u soo noqoshada Axmed Shide ee xilka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay in uu la sii shaqeeyo ra’iisul -wasaare Abiy oo dadaal ugu jira in isbadal dhaqaale uu ka hirgeliyo dalkaas, gaar ahaan in dib u eegis lagu sameeyo hayadaha ganacasiga ee dowladda u xiran. Waxaa liiska cusub ee golaha wasiirada ka mid ah seddax qof oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Abraham Belay, oo madax ka ahaa maamulka ku-meel -gaarka ah ee Tigray-ga oo ay dawladda samaysay ka hor intii aanay xoogagga kacdoonka dib u qabsan gobolka, ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga. Abiy Axmed waxaa laba maalmood ka hor loo dhaariyay in shanta sano ee soo socota uu hoggaamiyo dalkaasi, kaddib markii uu xisbigiisa ku guulaystay doorashadii muranka badan uu ka dhashay ee Itoobiya ka dhacday bishii June ee sanadkan. Waa kuma Axmed Shide? Waa siyaasi muddo dheer ka soo dhex muuqday Siyaasadda Itoobiya, haatana waxa uu noqday wasiirka keliya ee Soomaalida ah ee soo noqday. Axmed Shide waxaa uu culuunta maareynta kheyraadka iyo xallinta khilaafaadka kusoo bartay mac-had ku yaala dalka Netherland. Ka dib wuxuu shahaadada koowaad ee arrimaha horumarinta ka qaatay jaamcadda Salix ee dalka Britain. Waxaa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, oo ay ka mid yihiin ku xigeenka madaxa xafiiska beeraha iyo horumarinta deegaanada, gudoomiyihii guddiga arrimaha xoola dhaqatada oo uu ahaa sannadkii 2003-da iyo madaxa xafiiska wanaajinta adeegyada bulshada. Nin lagu magacaabo Girma Gutema oo sheegay inay saaxiibo dhaw yihiin Axmed ayaa tilmaamay in Shide uu ku soo barbaaray magaalada Nageyle ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku soo qaatay waxabarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare. Sannadkii 2008 ayaa markii ugu horreeysay loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda. Sidoo kale bishii Nofeembar ee 2016-kii waxa uu noqday Wasiirka Gaadiidka. 19 April 2018 waxaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxa Xafiiska Arrimaha Isgaarsiinta Dowladda. 12-kii bishii August 2018-kiina waxaa uu noqday Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaaliyeed (SPDP) isagaoo baddalay madaxweynhii hore ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar. Waxaa kale oo uu horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta ee Itoobiya. Xisbigiisa ayaa markii dambe la midobay xisbiga Burwaaqo taariikhda markii ay ahayd 1-dii bishii Diseembar 2019-kii. Shide ayaa 16-kii bishii Oktoobar 2018-kii markale loo magacaacay Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Itoobiya. Maantana oo taariikhdu tahay 6-da Oktoobar 2021 waxaa uu Raysal wasaare Abiy Axmed markale u magacaabay isla wasiirka Maaliyadda. Qaran News
  3. Mogadishu (HOL) - Ibrahim Ali Ma'ow's kidneys failed to work normally 14 years ago forcing him to start a weekly dialysis session. Back then, he lived in Saudi Arabia where the service was available to him for free. Now, he is in Mogadishu where he gets the same at Daru-Salam hospital, which provides this service through the financial support of Hormuud Salaam Foundation. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Mulkiilaha Maqaayada Dabayare oo habeen hore uu ka dhacay dagaal noociisu ku cusub yahay magaalada Muqdisho kuna dhex-maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa beeniyay in dagaalka uu ka bilowday Muufo. Maxamed Yuusuf Dabayare ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilowday kadib markii dhalinyaro cuntooyin kala duwan ka cuneen maqaayada ay diideen inay bixiyaan lacagta cashada, kuwaasi oo markii dambe wacday ciidamo millateri ah. Ciidamada millateriga iyo kuwa amaanka oo uu la hadlay maamulka maqaayada ayaa iska hor-imaad ku dhex-maray gudaha maqaayada, taasi oo ay ku dhaawacmeen saddex qof, halka uu ku geeriyooday hal qof oo kale. “Dadka isla dhex-maraya in Muufo la isku dilay, Muufo keli ah la iskuma dilin ee dadka waxay ahaayeen toddoba qof waxay cuneen raashin kala duwan kitchen, bariis, baasto iyo muufo intaba waa la cunay” ayuu yiri mulkiilaha maqaayada Dabayare. “Anaga dad ganacsato ah ayaa nahay waxaa noo ciidan ah ciidamada amniga, wuxuu dagaalka ku bilowday ciidamo la wacday ee Muufo la iskuma dilin. Khasaaro xoog leh ayaa naga soo gaaray oo dadkii casheynayay ayaa naga kala cararay.” Ma aha markii u horeysay ee ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu iska hor-imaad dhexmaro, hase yeeshe waxaa la yaab ku noqotay bulshada in ciidamo isku rasaaseyan dhalinyaro bixin waayey lacagtii cashada. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Arrin been ah oo laga sheegay dagaalkii la sheegay inuu ka dhashay muufada appeared first on Caasimada Online.
  5. PRESS RELEASE AstraZeneca and the Royal Academy of Engineering announce new partnership to bolster support for African health tech entrepreneurs Joint venture aims to strengthen healthcare innovation, nurture local talent, and boost economic progress across Africa Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, October 6, 2021/ — Earlier today, AstraZeneca (www.AstraZeneca.com) and the Royal Academy of Engineering (the Academy) officially announced a new partnership to establish connections between African healthcare innovators and AstraZeneca’s A.Catalyst Network of more than 20 global health innovation hubs. The joint venture seeks to drive the development of engineering solutions that have the potential to address local challenges with a focus on health tech. As part of its commitment to building international partnerships and solving global challenges, in 2014 the Academy founded The Africa Prize for Engineering Innovation (https://bit.ly/3Ah0FC8), an annual award that grants crucial commercialisation support to ambitious innovators across sub-Saharan Africa. To date, over 100 innovators are part of the Africa Prize alumni network. AstraZeneca’s A.Catalyst Network brings together digital, R&D and commercial resources to reimagine the future of healthcare, working with partners to co-create solutions and establish integrated and strong health systems that benefit the whole patient experience. By connecting Africa Prize entrepreneurs to A.Catalyst Network, as well as the AstraZeneca supply chain and wider ecosystem (including investors), the AstraZeneca-Academy partnership hopes to further strengthen the work of both organisations to nurture local talent and strengthen healthcare innovation and creativity on the African continent. As part of the collaboration, AstraZeneca will join the Prize’s network of expert mentors, offering training support for Africa Prize entrepreneurs, giving them access to tailored expertise and experience to help them develop their projects. AstraZeneca will also take part in a webinar series for the Africa Prize alumni network and current cohort, sharing knowledge and insights on health tech and other subjects. Aleksandr Bedenkov, VP, Medical International at AstraZeneca said: ‘We want to offer entrepreneurs in emerging markets like Africa the same kind of platform and opportunities that their counterparts in other countries would benefit from. A.Catalyst Network offers exciting opportunities for health tech entrepreneurs to connect and collaborate with a truly global network of expertise and experience, helping to accelerate innovation and ensure that more patients can get access to the latest health tech solutions.’ Barbara Nel, Country President, African Cluster at AstraZeneca, said: ‘This partnership with the Royal Academy of Engineering is integral to our unwavering commitment to improve health access and create sustainable impact in Africa. We recognise that breakthrough science and healthcare don’t happen in isolation; they are the result of collaboration and partnerships to strengthen healthcare innovation and creativity. We are looking forward to supporting our Africa Prize entrepreneurs in developing their innovative projects and working together to seek answers to our health challenges for the benefit of all patients in Africa.’ Ana Avaliani, Director of Enterprise and Sustainable Development at Royal Academy of Engineering said: ‘Our partnerships are crucial to delivering the breadth and depth of support we can offer, which in turn allows the programme to accelerate African entrepreneurial capacity, producing scalable, local solutions to global challenges. We believe that while one innovator can change a community, a network can transform a continent, and the Africa Prize network truly represents the brightest minds tackling the greatest challenges. We are looking forward to working with AstraZeneca to amplify the impact of our innovators in harnessing the power of engineering and building a sustainable society and inclusive economy that works for everyone.’ Going forward, AstraZeneca and the Academy will continue to collaboratively explore further partnership opportunities to support the healthcare system in the region and beyond. Distributed by APO Group on behalf of AstraZeneca. For media enquiries please contact: AstraZeneca Ana Zainaghi Ana.Zainaghi@astrazeneca.com The Royal Academy of Engineering Jane Sutton jane.sutton@raeng.org.uk About AstraZeneca: AstraZeneca (LSE/STO/Nasdaq: AZN) is a global, science-led biopharmaceutical company that focuses on the discovery, development, and commercialisation of prescription medicines in Oncology, Rare Diseases, and BioPharmaceuticals, including Cardiovascular, Renal & Metabolism, and Respiratory & Immunology. Based in Cambridge, UK, AstraZeneca operates in over 100 countries and its innovative medicines are used by millions of patients worldwide. Please visit AstraZeneca.com and follow the Company on Twitter @AstraZeneca. About A.Catalyst Network: A.Catalyst Network is an interconnected global network of more than 20 AstraZeneca health innovation hubs, made up of physical locations and virtual partnerships. The network embodies our commitment to Growth Through Innovation (https://bit.ly/3lgCQ9s) and is a key part of our Patient Centricity workstream, as ‘a catalyst’ for the development of new solutions to support patients. It aims to address healthcare challenges, increase access to healthcare, and scale and showcase patient‑enabled innovation around the world. About The Royal Academy of Engineering: The Royal Academy of Engineering is harnessing the power of engineering to build a sustainable society and an inclusive economy that works for everyone. In collaboration with our Fellows and partners, we are growing talent and developing skills for the future, driving innovation and building global partnerships, and influencing policy and engaging the public. Together we’re working to tackle the greatest challenges of our age. About the Africa Prize for Engineering Innovation: The Africa Prize for Engineering Innovation, founded by the Royal Academy of Engineering, is Africa’s biggest prize dedicated to engineering innovation. It awards crucial support to ambitious African innovators developing scalable engineering solutions to local challenges, demonstrating the importance of engineering as an enabler of improved quality of life and economic development. The programme is designed to help engineers achieve commercial success from their innovations. Following an eight-month training and mentoring period, the Africa Prize for Engineering Innovation is awarded to a chosen winner, who receives £25,000, while three runners-up receive £10,000 each. SOURCE AstraZeneca Qaran News
  6. Baku (Caasimada Online) – Azerbaijan ayaa beenisay eedeymo kaga yimid Iran, oo ah in militari Israeli ah ay joogaan dalkaas, kadib markii Tehran ay dhoola-tus militari ka sameysay xuduudda labada dal, taasi oo sare usii qaaday xiisadda ka dhex-oogan deriskan. Iran ayaa eedeymaha ku saabsan cadowgeeda Israel sameysay Khamiistii, waxaana maalin kadib ay taleefishinada dowladda muujiyeen taankiyo iyo diyaarado dagaal oo duqeynaya bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalkaas, meel ku dhow xuduudda. Israel ayaa ah dal hub badan siiya Azerbaijan, oo sanadkii tegay dagaal kaga adkaatay deriskeeda Armenia, oo ay isku qabteen gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Azerbaijan Leyla Abdullayeva ayaa sheegtay in sheegashooyinka Iran aysan sal alehyn. “Waan diideynaa tuhunada ah in dhinacyo saddexaad ay joogaan xuduudda Azerbaijan iyo Iran, eedeymaha noocan ah, gebi ahaan waa kuwa aan sal laheyn,” ayey tiri Leyla. Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran Hossein Amir-Abdollahian ayaa toddobaadkii tegay u sheegay safiirka Azerbaijan in dalkiisa uusan u dul qaadan doonin joogitaanka iyo dhaq-dhaqaaqyada Israel ee “meel ku dhegan xuduuddeena,” wuxuuna wacad ku maray inay qaadi doonaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah. Hase yeeshee madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa cambaareeyey dhoola-tuska dagaal ee Iran isaga oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu, wuxuuna is-weydiiyey “maxay tahay sababta iminka, maxay tahay sababta xuduudeena?” Azerbaijan iyo Iran ayaa muddo waxaa ka dhaxeeyay xiisad ka dhalatay taageerada Tehran ee Armenia ee dagaalka sanadaha badan jiray ee Karabakh. Tehran ayaa sidoo kale muddo ka welwelsaneyd isku day gooni u goosed oo ay sameeyaan qowmiyadda Azerbaijan oo ah 10 milyan oo ka mid ah 83-ka milyan ee shacabka Iran. AFP + VOA The post Maxaa ka jira in militariga Israel ay tageen Azerbaijan oo ay is-hayaan Iran? appeared first on Caasimada Online.
  7. Raysal wasaare Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay xubnaha golaha wasiirada xulkuumaddiisa cusub. Liiska golaha wasiirada xukuumadda cusub ee raysal wasaare Abiy oo ka kooban 22 xubnood ayaa waxay kala yihiin:- 1. Wasaaradda Beeraha 2. Melaku Alebel – Wasaaradda Warshadaha 3. Wasaaradda Ganacsiga iyo Xiriirka Gobolada 4. Injineer Takele Uma – Wasaaradda Macdanta 5. Danjire Nassie Chali – Wasaaradda Dalxiiska 6. Marwo Muffrihat Kamil – Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha 7. Mudane Axmed Shede – Wasiirka Maaliyadda 8. Mr. Lake Ayalew – Wasaaradda Dakhliga 9. Dr. Fitsum Asfaw – Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta 10. Mudane Belete Molla – Wasaaradda Hal -abuurka iyo Farsamada 11. Injineer Sileshi Bekele – Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka 12. Marwo Khaltu Sani – Wasaaradda Magaalooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha 13. Injineer Habatamu Hitefa – Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta 14. Injineer Caaisha Muusa – Wasaaradda Waraabka iyo Deegaanka Dhulka Hoose 15. Dr. Berhanu Nega – Wasaaradda Waxbarashada 16. Dr. Leah Tadesse – Wasaaradda Caafimaadka 17. Dr Ergoge. Haweenka iyo Arrimaha Bulshada 18. Qojalle Mardasa. Wasaaradda Dhaqanka iyo Ciyaaraha 19. Dr. Abraham Belay – Wasaaradda Gaashaandhigga 20. Raisulwasare-xigeen+Wasiirka Arrimaha Dibadda – Demeke Mekonnen 21. Dr. Gideon Timothy – Wasaaradda Caddaaladda 22. Mudane Benalif Andualem – Wasiirka Nabadda Qaran News
  8. Xabsiga Berbera Cadaabta Ifka ! Xabsiga Berbera wuxuu ka kooban yahay 12 qol oo cidhiidhi ah, waxa lagu xidhaa qol kasta 30 maxbuus, waa dhisme dhagaxa oo qadiimiya waxaana dhisay gumaystii ingiriiska, malaha marawaxad, qaboojiye iyo daaqado waaweyn xilliyada xagaaga maxaabiista waxa ka baxa dubka iyo diirka, kulaylka ka dhaca ma malayn karro, Xaaladda nololeed awgeed waxa naftooda ku waayay maxaabiis badan, 11-28-2016 waxa isku daldalay 2 maxbuus, qaar kalena xaalad caafimaad oo hallis ah ayay galaan. maanta waxa ku jira qolka 6-aad maxaabiis la ildaran qaash iyo nabarro kulaylku kasoo saaray oo naf ka dhawrida ah, waajib waxa ku ah Wasaaradda Caddaalada iyo maamulka gobolka in aan Xabsiga Berbera aadame ku noolaan karin cimilo iyo dhisme ahaan. Waxa qoray Maxamed Sidiiq Dhamme Qaran News
  9. Mogadishu (PP News Desk) — The Union of Somali Presidential Candidates has denounced the arbitrary displacement of more than 2000 people in Lasanod following a decision by Somaliland government that views the victims as foreigners. “We deplore the action by Somaliland government in Lasanod to arbitrarily displace Somali citizens living and working in a part of the their homeland . It is a violation of human rights precepts” reads the a press statement shared with the media in Mogadishu. Union of Somali Presidential Candidates: “We deplore the action by Somaliland government in Lasanod to arbitrarily displace Somali citizens.” The Union of Presidential Candidates denounced collective punishment of citizens for crimes committed by unidentified individuals still at large. “We call on traditional leaders, intellectuals and religious leaders in Somaliland to speak up against arbitrary displacement of Somali citizens in Somaliland. The Somaliland government defended the arbitrary displacement of Somali citizens in Lasanod on grounds that “they are foreigners who settled in Lasanod illegally.” © Puntland Post, 2021 The post Union of Somali Presidential Candidates Decry Arbitrary Displacement by Somaliland Government in Lasanod appeared first on Puntland Post.
  10. Laascaanood (Wararka PP) — Odayaal ka hor yimid falkii maamulka Somaliland iyo maliishiyadiisu Laascaanood kaga barakiciyeen dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Koonfurta ayaa sheegay in ay maamulka Koonfur Galbeed u gudbin doonaan galka magacyada rag taageeray barakicinta iyo kuwo ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada. Wariye madaxbannaan ayaa wada aqoonsaday rag sheegtay inay magaca magaalada ku hadlayaan iyagoo taageeray dambigii laga galay dadkii magaalada uu maamulka Somaliland ka barakiciyay. Dhammaan magacyada iyo wajiyada ragga taageeray barakicinta oo la aqoonsaday. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka dalbaday dowladda Somaliland inay fasiraad ka bixiso go’aankii dad gaaraya 2000 oo qof lagaga soo barakiciyay Laascaanood. Maamulka Somaliland, oo shalay warqad soo saaray, ayaa dadka uu barakiciyay ku tilmaamay “dad sharci-darro ku deggenaa Laascaanood.” © Puntland Post, 2021 The post Odayaasha Sool oo Maamulka Koonfur Galbeed La Wadaagi Doona Magacyada Dadkii Taageeray Barakicintii Somaliland Abaabushay appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Waaberi kadib markii gabar ay iska soo tuurtay dabaq. Gabadhaan oo aan weli la helin magaceeda ayaa da’deeda lagu sheegay illaa 20 jir, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sababta ay gabadhaan isku soo tuurtay. Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in gabadhaan ay aheyd shaqaale ka shaqeeneysay guri dabaq ah oo ku yaalla degmada Waaberi. Gabadha oo uu soo gaaray dhaawac halis ah ayaa waxaa hadda lagu daweenayaa mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana xaaladeeda caafimaad lagu sheegay mid halis ah. Sababta ay isku soo tuurtay ayey dadka deegaanka ku sheegeen inay tahay arrimo la xiriiro jaceyl ay u qabtay wiil ay saaxiibo ahaayeen, balse warkaas lama xaqiijin karo illaa gabadha laga wareysto. Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya inay gabadhaan isku soo tuurtay culeys ka heystay dhanka qoyskeeda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Ma ahan markii ugu horeysay oo falal noocaan ah ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, waxaana bilooyinka ka ah dabaq laga soo tuuray gabar isla degmada Waaberi. The post Gabar iska soo tuurtay dabaq ku yaalla Muqdisho iyo sababta oo… appeared first on Caasimada Online.
  12. Cuqaasha & Wax-garadka Gobolka Sool oo ku taageeray Xukuumadda S/land Hawlgaladay ka wado Laascaanood Cuqaasha Haldoorka & Waxgaradka Gobolka Sool ayaa hoosta ka xaqiiqay inuu ahaa fikir ka yimi bulshada Lascaanood in magaalada laga saaro dad ka soo jeeda Soomaaliya, isla markaana si weyn u tageersan yihiin hawlgalada dawlada & ciidamada amaanku ku sugayaan amaanka magaalada Laascaanood. Kulan shalay isugu yimaadeen Cuqaasha ugu waaweyn gobolka Sool ayaa tilmaamay inay garab taagan yihiin talaabooyinka xukuumadu u qaaday sugitaanka amaanka, isla markaana ku baaqay in qof kastoo ay ku caddaato la dilo, la xidho ama laga mastaafiriyo magaalad aLaascaanod iyo Somaliland. Cuqaal badan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ku taageerayaan Madaxda iyo ciidamada jooga gobolka Sool hawlaha ay wadaan, qaarkoodna bilaabeen ee ka saarida dadka u dhashay Soomaaliya magaalada laascaanod hadii nabadgelyadu xalkeedu halka galay iyo halkii kale ee u galaba. Dawladda, ciidamada iyo wefdiga yimi Gobolka iyo Laascaanod ayey shaaciyeen sid ay ugu garabtaagan yihiin wax ka qabashada amniga, isla markaana sheegeen inay u daba fadhiisanaynaa sugitaanka amniga. Waxaanay u soo jeediyeen qolyo sheeganayey inay Guddi yihiin, in laga wanaagsan yahay in saxaafada laga qeyliyo ama dawlada hawlaheeda laga horyimaado. Cuqaasha ayaa sheegay inay xukuumada iyo wefdiga yimi gobolka Sool, caasimadiisa Laascaanood kula ballameen inay raadiyaan xal u helida dilalka, isla markaana cidkastoo ay gasho ama sababsato xalinta arrinkaana talaabo laga qaado, hadday inla dilo, la xidho, ama laga saaro magaalada noqotana ku taageerayaan xukuumada. Caaqil kale oo madasha ka hadlay ayaa nasiibdaro ku tilmaamay dilalkii faraha badnaa ee magaalada Laascaanood ka dhacay, waxaanu sheegay hadii wakhtigan xukuumadu bilowday xal u helideeda in bulshada Laascaanood, rag, dumar, cuqaal, haween, arday, aqoonyahan dhamaan qeybaha bulshadu looga baahan yahay inay muujiyaan sida ay ugu taageersan yihiin, in cid kastoo eedahaasi galaan talaabo laga qaado. Qaar ka mid ah Cuqaashii kulanka ka hadlay ayaa dhaliilay dad warbaahinta ka sheegay inay ka soo horjeedaan, isla markaana ku dhaliilay inay goobjoog u ahaayeen dilalka dhacayey hadday wax ka qabanayeen, ugun baaqeen xukuumada inay waajibaadkeeda sugida amaanka gobolka Sool qabsato. Xukuumada Somaliland ayaa ka talisa oo dawlad u ah Gobolka Sool, maamulka laga rabaa amniga dadka iyo dalka inay sugto, isla markaana waxay caddeeyeen in fikrada saaritaanka dadka ka soo jeeda Soomaaliya ka timi bulshada magaalada Laascaanood si nabadgelyadooda loo sugo. “Fikir bulshada gobolka ka yimi ayuu ahaa in la saaro dadka Soomaaliya ka soo jeeda si nabadgelyada dalka iyo magaalada Lascaanod loo sugo.” ayuu sheegay cuqaashii kulanka ka hadlay midkood Dhamaan cuqaashii, waxgaradkii, odeyaashii kulanka ka hadlay ayaa isku waafaqay inay taageersan yihiin talaabooyinka xukuumada Somaliland ka wado Gobolka Sool ee lagu sugayo amaanka, isla markaana loogu celiyey Soomaaliya dad ka soo jeeda ee hore u degenaa gobolka Sool caasimadiisa Laascaanood, waxaanay uguna baaqeen xukuumada iyo ciidamada amaanka inay wax kastoo arrinkaa xalkeedu noqonayo ku dhaqaaqaan, kuna garab taagan yihiin. Qaran News
  13. Wasiirka Wasaarada Maaliyada S/land oo Daah furay Adeeg Cusub Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in xafiiska wadajirka innaga caawin doono sidii xogtii dadka ajaanibka ay u wadaagi lahaayeen saddexda hay’adood midwalba qeybtii ka khusaysa, isla markaana tahay guul in dhalinyaro reer Somaliland diyaariyeen. Kulan uu ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Md Mustafe Cali Bile, Taliyaha Ciidanka Socdaalka S/Guuto Dayib Cismaan Caalin, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdirashiid iyo hawlwadeeno ka socday sadexda hay’adood ayaa lagu daahfuray xafiis qaabilsan hawlaha Jinsiyadaha, fiisayaasha iyo ogolaanshaha ruqsadaha shaqada ajaanibka. Xafiiska adeegyadda wadajirka oo ay ka wada hawlgalaan shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Shaqada iyo Laanta Socdaalka ayaa lagu qabtaa adeegyo la xidhiidha Jinsiyadaha, fiisayaasha, iyo ogolaanshaha ruqsadaha shaqada Ajaanibka, isla markaana ujeedadiisu tahay in lagula socdo hanaanka kombuuterka mudadda fiisayaashooda iyo wakhtiga ay dhacayaan, goobaha ay ka shaqeeyaan iyo hanaanka loo raacay shaqo gelintooda. Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo faahfaahin ka bixinayey hawlaha xafiisku qabanayo iyo muhiimada uu u leeyahay qaranka Somaliland ayaa sheegay in saddex hay’adood wadajir isaga kaashanayaan shaqooyinka xafiiskani qaban doono. “Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada & Ciidanka Socdaalka ayaa iska kaashanaya shaqada xafiiskan oo fududeynaya hanaanka adeegyada ajaanibka dalka yimaada, oo xilliyadii hore caqabado kala kulmi jireen.” Dr Sacad ayaa sheegay in muhiimada xafiisku tahay iyadoo adeegyadii sadexda hay’adood masuuliyadooda ahayd xilligan goob keliya laga wada helayo, iyadoo hanaan casri ah loo qaabeeyey. “Waxuu abuurayaa xafiiska wadajirka in xogtii dadka ajaanibka la wadaago, saddexda hay’adoodna qeybtii ka khusaysay ay ogaanayso. Waxuu sahlayaa in la sii ogaado xogta dadka doonaya inay dalka yimaadaan, hadday dalxiis yihiin, degenaansho doonayaan ama ka shaqeeya.” Dr Sacad ayaa u mahadceliyey Wasiirka Shaqada & Taliyaha Socdaalka oo u sheegay inaanay la’aantood hawshani suurtagal noqoteen, waxuu sidoo kale uga mahadceliyey dhalinyarada dhinaca IT-ga u qaabilsanayd saddexda Hay’adood ee ka wada shaqeeyey isku xidhka shaqadan. “Runtii waa hawl Qaran ahaan aynu ku faanayno in diyaarinta & isku xidhka hawsha ay fuliyeen muwaadiniin oo aanu joogin qof ajaanib ah innaga caawiyey.” Qaran News
  14. Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka Guddiga Amniga Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana Shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo. Shirka waxa ka qayb-galay Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Taliyaasha kala duwan ee Ciidamada Booliiska Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen, Daraawiishta, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Madaxtooyada G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir. Sidoo kale, Shirka waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal, Maxamuud Xasan Maxamed (Cawil Mataan) iyo Duqa Garoowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) iyo sidoo kale Guddiga ka tala-bixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaanna Caasimadda Garoowe. PUNTLAND POST The post Shirka Amniga Puntland oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, waxaa maanta ku qabsoomay Shirweynaha Guud ee Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland, Kaasi oo looga hadlay dardargelinta shaqada iyo qorsheyaasha cusub horumarinta shaqo. Shirka waxaa guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, waxaana ka qeybgalay Afhayeenka Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Waxaayaha Madaxtooyada, Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada, Madax-qeybeedyada Xafiisyada iyo dhammaan Shaqaalaha Madaxtooyada ee Garoowe. Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta shaqada, warbixinta shaqo ee xafiisyada, horumarinta wadasheynta, tababarada iyo fursadaha lagu horumarinayo aqoonta shaqaalaha iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarin ee Shaqada Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Shirweyne ka dhacay Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle ayaa xalay u dabaal-degtay aas-aaska sanad guuradeeda shanaad ee kasoo wareegtay markii la yagleelay maamulkaas oo ah kan ugu yar marka la eego dowlad goboleedyada sanadihii u dambeeyey ka dhismay gudaha dalka. Haddaba maxay ku liidataa shan sano, kadib HirShabelle? Madaxweynihii hore ee Cali Cabdullahi Cosoble oo ka qeyb-galayey munaasabad lagu xusayey aas-aaska HirShabelle oo xalay lagu qabtay Jowhar ayaa sheegay in weli uu gaabis ka jiro horumarka maamulkaasi oo ka taliyo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Cosoble ayaa ku dhaliilay hoggaanka sare ee maamulkaasi inay ka gaabiyeen dhinacyada amniga iyo dib u heshiisiinta, wuxuunta tilmaamay inuu hoos u socdo maamulkaasi. Ammaanka waxa uu tilmaamay inuu yahay mid aad u liita, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilligan aan lagu safri karin waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. “HirShabelle hoos ayay u sii socotaa, balse kor uma socoto, Aniga, Xildhibaanno, Wasiiro & Madaxweynaha haatan oo ku xigeen ii ahaa ayaa kusoo safarnay Jowhar iyo Muqdisho balse haatan malagu safri karaa, Hir-Shabeelle oo jiiseysa ayaan dhex fadhinaa, marka aan sidaas leeyahay deyro ma aha laakiin wax waa laga qaban karaa waa haddii loosoo jeesto” ayuu yiri Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynihii hore ee HirShabelle. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli uu qalad ka jiro dhimaha HirShabelle, isla-markaana laga gaabiyey dhanka dib u heshiisiinta, si la’isugu dhoweeyey dadka. “HirShabelladii aan soo dhisnay iyo midda aan joogo waa labo kala duwan, qaladaad badan oo ugu horreyn dhacay dhismaheeda ayaa jira, Dadku waxaa lagu dhisaa (Xaq & Xal), Hir-Shabeelle qoorta ayay isla gashay oo la isma weydiin 5-sanno kaddib maxaa xal ah, Diidmada Dadka Hiiraan ma aha naceybka Madaxweynaha balse waxa ay rabaan isla xisaabtan dhab ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey siyaasiga Cali Cabdullaau Cosoble. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli is qab-qabsi uu ka jiro HirShabelle, kaas oo ka dhashay doorashadii Guudlaawe ee ka dhacday magaalada Jowhar ee maamulkaasi. The post Maxay ku liidataa shan sano, kadib HirShabelle? appeared first on Caasimada Online.
  17. Bishan October 12-keeda waxaa la filayaa in maxkamadda Cadliga dunida ee ICJ ay ku dhawaaqdo natiijada muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib 6 sano oo kiiska uu yaallay Hague. Inkasta oo guul-darrada aan meesha laga saari karin, hadana qareennada difaacaya badda Soomaaliya ee kala ah Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet ayaa rajo fiican oo gaareysa 99% ka muujiyay guusha kiiskan, taasi oo haddii ay dhacdo noqon doonta guul taariikhi ah oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed. Kiiskan oo 2014-kii ay maxkamadda ICJ geysay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay lacagtiisa bixisay dowladda Imaaraadka, dad badan oo qareenno iyo shacabna ka qeybgaleen isla markaana soo maray labo heer, Soomaaliyana ay ku guuleysatay heerka hore ee ahaa in maxkamadda ay kiiska qaadi karto halka midkii ugu dambeeyey ee ahaa muranka dhul badeedkana loo madalsan yahay October 12 ayaa waxaa soo baxaya in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu maalmahan wado dadaallo la xiriira qabashada xaflado waaweyn, iyada oo laga cabsi qabo inuu siyaasadeeyo guusha kiiska badda, isla markaana u badalo olole siyaasadeed. Xogo ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in Farmaajo uu khadka telefanka kula hadlay madaxweyneyaal hore, musharaxiin madaxweyne, qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada iyo mas’uul leh heerar kala duwan isaga oo ku marti-qaaday xaflad faneed uu kusoo aadiyey maalinta lagu dhawaaqayo natiijada kiiska badda ee October 12, 2021. Farmaajo keliya ma aha inuu damaashaad sameynayo maalintaas, guushana uu keligiis sheegan doono, ee waxaa kale ee laga cabsi qabaa in taageerayaashiisa ay sameeyaan dibad-baxyo ka dhan ah dowladda Kenya iyo shacabkeeda, iyada oo la kicinayo caadifadda shacabka Soomaaliyeed, lana soo celiyo waddaniyadda iyo qabkii lagu doortay 2017-kii. Inkasta oo su’aalo ka iman doonaan haddii Farmaajo sameeyo qorshahan dabaal-degga iyo sheegashada guusha kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya, hadana Madaxweynaha hore oo muddo xilkeedkiisa dhamaaday 6 bil kahor, ayaa hadda waxaa uu raadinayaa olole uu dib ugu soo noqdo, guusha kiiska badda ayuuna u arkaa fursad uu olole. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya May 1972 – Kenya waxay sameysay “Heshiiska Territorial Waters, 1972, No.2” oo ay ku xaddidayey dhul badeedkeed 12 NM. 10 September 1972 – Soomaaliya waxay soo saartay Law No. 37 ee Territorial Sea, Sharcigani wuxuu ka dhigayaa dhul-badeedka Soomaaliya 200 NM. 17 December 1975—Kenya iyo Tanzania waxay isku raaceen halka uu maro xadka badda dalka (Territorial Sea). Xilligan weli lama aqoonsan EEZ( aaga dhaqaalaha) iyo Qalfoofka Qaaradeedka (Contintal Shelf). 13 January 1977 – Soomaaliya waxay samaysay guddiga badda oo uu madax ka ahaa General Maxamuud Geelle Yuusuf, ayna ka mid ahaayeen khubaro ka kala timid hey’adaha dalka. 1977 KENYA – “Territorial Waters Act, No.2” ayay baddashay, waxayna faahfaafhin ka bixisay xadka dhul-badeedkeeda. 28 February 1979 – Madaxweyne Daniel Arab Moi ayaa “proclamation” ama xeer madaxweyne ku soo saaray Territorial Sea (Dhul Badeedka) iyo Exlcusive Economic Zone(EEZ) oo uu la socdo khariidad. Proclamionka Qodobkiisa koowaad ee (b) ee la xidhiidha dhanka Soomaliya wuxu qorayey in loolka iyo dhigta dhul-badeedka uu yhaay “eastern latitude south of Diau Damasciace Island being latitude 1’38’ degrees South.” August 1989: KENYA waxa soo saartay “Maritime Zones Act” ay ku muujineyso “xadka EEZ”. 26 January 1989 – Waxaa dhaqan galay sharciga badda Soomaaliyeed ee Sharci Nambar 5, 26 January 1989. Sharcigani wuxuu dhul badeedka Soomaaliya ka dhigayey 12 NM, kan dhaqaalanah (EEZ), 200 NM. Sharcigan wuxuu bedelay oo buriyey Sharcigii ahaa 1959 Maritime Code iyo Law 37 of 1972. 9 February 1989 – Soomaaliya waxay ansixisay Sharciga Badda ee Qaramada Midoobay. 24 July 1989- Soomaaliya waxay meelmarisay(ratified) sharciga UNCLOS on 24 July 1989. March 1995 – Kenya waxay u gudbisay Qarmada Midoobay khariidad muujinaysa EEZ-keeda. 9 June 2005 – Presidential Proclamation – Kenya waxay wax ku dhawaaqday xuduuddeeda oo ay ka dhigtay “eastern latitude South of Diua Damascian Island being latitude 1°39’34” degrees south.” September 2005. Soomaaliya iyo Kenya waxay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhameystiran oo loogu magac daray Joint Commission for Co-operation (JCC). Heshiiskan weli lama shaacin qodobada uu ka kooban yahay laakiin waxa ka mida meelaha uu taabanayo socdaalka, ganacsiga, dhaqanka, nabadgelyada iyo waxbarashada. October 2008 – Walad Cabdale ayaa bilaabay in la guda galo diyaarinta xogta Soomaalidu ay kula kulmi laheyd macluumaadka ay tahay in Soomaaliya in ay u gudbiso QM ka hore 13 MAY 2009. 10 March 2009 – Waxa Nayroobi lagula shiray Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, anhna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeen, Cabdirahamaan Aadan Ibraahim (Ibbi) oo loo sheegay hawsha ay waddo Norway. 12 March 2009 – Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey macluumaadka ay Norway diyaarisey iyagoo aqbalay in loo gudbiyo Qaramada Midoobay. 7 April 2009 – Somaliya iyo Kenya waxay ku kala saxiixdeen MOU(heshiis), magaalada Nairobi. Heshiiskaas waxaa Soomaaliya u saxiixsay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wuxuuna dhaqan galay 7 April 2009. Nuxurka MOU-gu waa 1- in muran badeed saamaynaya (Continental Shelf and Beyond) uu ka dhexjiro labada dal; 2) in ay isla oggolaadaan labada dal in Commission-ka uu eego xogtooda; 3) in ay labada dal ka wada hadli doonaan xuduud badeedka ay ku muransan yihiin marka uu commission-ku go’aanka gaaro kadib; iyo in isfahamku (MOU) uu dhaqan geleyo maalinta la saxiixay 11 June 2009 – Kenya waxay heshiiska MOUga uga diiwaan galisay Qaramada Midoobay inuu yahay heshiis caalami ah. MOU-ga waxaa lagu faafiyey buugga lagu daabaco heshiisyada caalamiga 1 August 2009 – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday heshiiska MOU ee Soomaaliya iyo Kenya wada-galeen. Waxaa goobjoog ahaa 347 xildhibaan. Waxaa diiday heshiiskii MOUd 334 xildhibaan. Sagaal xildhibaan in gudi loo saaro ayay soo jeediyeen halka afar xildhibaan waxay dalbadeen in dib loo dhigo. 10 October 2009 – RW Cumar Cabdirashiid wuxuu warqad u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Wuxuuna ogeysiiyay go’aanka diidmada baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ku caddeeyey warqada in MOU-ga aan la isticmaali Karin. 8 October 2011 – Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu soo saaray Xeer lagu magacaabay Dhaxal-Dhawr. Xeerkaas waxaa baarlamaanku ka mamnuucay xukuumadda inay gasho heshiisyo ku saabsan arrinka badda. Baarlamaanku waxay mar kale ku celiyeen in Xeer Lam 5 uu yahay Sharciga Rasmiga ah ee Badda Soomaaliya. 30 June 2014 – Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud wuxu shaaciyey (Proclamation) sharci baddeedkii Law No.11 February 1989; Decree No.14 February 9, 1989; Law No. 5, 26 January 1989. Sharcigaa wuxuu madaxweyne Xassan ku caddeeyey in EEZ-ka ama aagga dhaqaalaha Soomaaliya yahay 200 NM. Kadib, wada hadal saddex weji ahaa oo socon waayey, 28 August 2014 Soomaaliya waxay u gudbisay dacwad la xiriirta muranka xuduud-badeedka ka dhexeeya labada dal Maxkamadda Caalamiga ah. Soomaaliya waxay ka codsatay maxkamadda in ay dhammaan eegto (1). Dhul badeedla, (2). Aaga dhaqaalaha) iyo (3). Qalfoofka Qaaradeedka. 7 October 2015 – Kenya waxay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ qoraal ay ku doodayso inaysan maxkamaddu xaq u lahayn inay eegto muranbadeedka ka dhexeeya iyada iyo Soomaaliya. Waxay Kenya ku doodday in labada dal ay galeen heshiis caalami ah (MOU-ga). Heshiiskaas ayaa caddaynaya habka loo abbaarayo xallinta muran-badeedka ayay sheegtay. Maxkamadda Caalamigu markay heshay qoraalkaa Kenya waa ay hakisay dacwadda ilaa inta Soomaaliya jawaabteeda la helayo, waxaa la is dhaafsaday jawaabo. 2, February 2017:– Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Inkasta oo dhageysiga dacwadda ay in ka badan 4 jeer dib u dhacday, hadana dodo dheer kadib, October 12, 2021-ka ayaa loo fadhiyaa go’aanka kama dambeyska ah. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, E-mail: gurbiyeshow@gmail.com Source: goobjoog.com
  18. Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ah Gole La-talin kaasi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageera dejinta iyo fulinta siyaasadaha dhaqaale iyo bulsho ayaa daahfuray Istaraatijiyadda Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya isaga oo kaashanaya Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo sidoo kale wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee u xilsaaran arrimaha dhaqaalaha iyo bulshada. Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Dr. Cali Ciise oo furitaanka munaasabadda ka hadlay ayaa si diirran u soo dhaweeyay wasiirrada, xubnaha baarlamaanka, masuusiliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday ganacsatada, bahda waxbarashada, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ah. Guddoomiyaha ayaa faahfaahiyay Istaraatijiyadda oo ka kooban saddex Tiir oo kala ah: horumar waara oo loo dhan yahay; amniga cuntada, la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo dhisidda awoodda adkaysiga, iyo horumarinta dhaqaalaha badda ee Soomaaliya. Waxa uu xusay in bilaha soo socda Golaha Dhaqaalaha Qaranku uu diyaarin doono daraasadaha Istaraatijiyaddu ka kooban tahay iyada oo la kaashanayo Guddi-Hoosaad ka kooban Wasaaradaha ay khusayso kuwaasi oo qaybtooda ka qaadan doona hagidda diyaarinta Hiigsiga Istaraatjiyadda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Istaraatjiyadda Isbeddelka Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya ay tahay mid ballaaran oo taabanaysa dhinacyo badan iyada oo yoolkeedu yahay in la helo dal barwaaqaysan, amni ah, dimuqraaddi ah oo loo dhan yahay, tayada nolosha dadkiisuna ay sarrayso. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inaan keliya xoogga la saarin xaaladda kala-guurka siyaasadeed balse muhiimad gaar ah la siiyo siyaasadaha dhaqaalaha iyo bulshada. Sidaasi si lamid ah, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) oo ah aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed iyo Mudane Andy Kotikula oo ka socday Bangiga Adduunka oo labadooduba ka hadlay furitaanka munaasabadda ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in isbeddel dhaqaale laga hirgeliyo Soomaaliya iyaga oo bogaadiyay dadaallada Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee ku aaddan dib u soo kabadashada dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo loo marayo dejinta qorshayaal wax-ku-ool ah. Mudane Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo si rasmi ah u furay munaasabadda Daahfurka Istaraatijiyadda Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya ayaa yiri “Waxa aan rajaynayaa in diyaarinta Istaraatijiyadda Isbeddelka Koboca iyo Dhaqaaluhu ay xoojin doonto awoodda ay labada heer ee dowladddu u leeyihiin inay taageeraan horumarka waxsoosaarka Soomaaliya iyada oo la suurtagelinayo hannaan keeni kara in la gaaro koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo abuuridda fursado shaqo oo cusub.” Intaas ka dib, waxa la gudagalay doodaha iyo falanqaynta ku aaddan saddexda mawduuc ee ay Istaraatijyaddu ka kooban tahay oo kala ah Horumarka Dhaqaale ee Waara, La-qabsiga Isbeddelka Cimilada iyo Dhisidda Awoodda Adkaysiga, iyo Dhaqaalaha Badda ee Soomaaliya. Ka-qaybgalayaasha munaasabadda ayaa iyana soo gudbiyay su’aalaha ay qabaan iyo aragtidooda la xiriirta mawaadiicda Istaraatjiyadda. Munaasabadda oo ay ka soo qayb-galeen marti ka badan 100 qof ayaa waxa goobjoog ka aha Mudane Khalif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknaloojiyadda, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Badda, Mudane Cabdullaahi Sheekh, Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda, Mudane Mahad Maxamed Xasan, Wasiir-xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha kuwaasi oo dhammaantood ka qayb-galay doodaha. Gebogebadii, Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dhammaan martida uga mahadceliyay ka soo qayb-galka munaasabadda iyo talooyinka waxgalka ah ee ay la wadaageen Golaha, isaga oo ballanqaaday in hannaanka diyaarinta Istaraatijiyaddu ay noqon doonto mid laga wada qayb-qaato oo ku salaysan wada-xaajood iyo wada-tashi ay u dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, qurbajoogta iyo bulshada rayidka ah si istaraatjiyaddu u noqoto mid la wada leeyahay Source: goobjoog.com
  19. JOWHAR (HOL) - Two MPs from HirShabelle state survived a grenade attack Tuesday night in Jowhar barely a month after a similar incident in the same city. Source: Hiiraan Online
  20. Midawga musharixiinta ayaa war ka soo saaray xaaladda dadka laga soo raafay magaalada Laascaanood ee Somaliland. Golaha ayaa sheegay in aad ah uga xunyihiin raafitaanka dadka ka soo jeed Koonfurta Soomaaliya ay kula kacday maamulka Somaliland. Bayaan ka soo baxay Musharixiinta ayaa lagu xusay in ay ka damqanayaan xaaladda dadka la soo barakiciyay ee ku sugan hadda deegaanno ka tirsan Puntland. Hoos ka akhriso qoraalka midawga musharixiinta Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa ka hadlay tallaabaddii ay Somaliland kusoo masaafuriyey dadka ka soo jeeda koonfurta ee ku dhaqnaa deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Qoraal kasoo baxay musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan, ayna ka xun yihiin in si qasab ah loo soo barakaciyo dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan waxaana ay tilmaameen in falkaas uu meel ka dhac ku yahay islaanimada iyo Soomaalinimada “Wuxuu kasoo horjeeda goluhu in fal dambiyeed ay dad kooban geysteen loo bartilmaameedsado Bulsho idil, dambi wadareedna loogu ciqaabo heyb iyo degaan ay kasoo jeedaan darteed, isla markaana ay u arkaan in falkaasi uu meel ku dhac ku yahay ,islaanimada, Soomaalinimada, Dimoqraadiyada, xaquuqul Insaanka iyo Sharciyada Caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday golaha midowga musharixiinta. Sidoo kale golaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa ka dalbaday Somaliland inay joojiso tallaabooyinka ka dhanka ah shacabka, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda koonfurta. “Goluhu isaga oo ka damqanaya ku xadgudubka lagula kacay sharafka iyo hantida dadka qasabka lagu barakiciyay ayuu ugu baaqayaa madaxda Somaliland inay falkaasi ka fiirsadaan ,degdegna u joojiyaan ayaa lagu yiri’ Qoraalka Midowga Musharixiinta. Ugu dambeyn musharixiinta ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ay isku xilqaamay u gar-gaarida dadkaasi dhibaateysan. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay Somaliland Laascaanood kasoo saartay boqolaal dad ah oo ka soo jeeda dhinaca koonfurta, sababo la xiriira ammaanka magaaladaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka dhacayeen dilal qorsheysan. The post Musharixiinta oo dalab xasaasi ah u diray Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  22. Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ayaa sheegaya in goordhaw magaalada lagu toogtay taliyihii xerada kaarayaasha Mursal Meygaag. Dilka taliyaha ayaa la sheegay in uu ka dambeyay mid ka mid ah ciidamada ka amar qaata taliyaha oo dil u geeystay. Illa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka Taliya. Wixii war ah ee ku soo kordha dhacdadaan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Golaha Midowga Murashixiinta Muqdisho ayaa si weyn u cambaareeyay Raafkii Somaliland ka samaysay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. War-saaxafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashixiinta ayaa lagu cambaareeyay bara-kicinta iyo Raafka Somaliland ku samaysay dadka ka soo jeeda Gobollada Koonfureed ee dalka. Golaha ayaa mas’uuliyiinta Somaliland ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyaan xad-gudubka iyo tacaddiga dadkaas maatada ah ee laga qixiyay magaalada Laascaanood. Sidoo kale Golaha ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo shacabka gurmadka u sameeyay dadkii la soo raafay. PUNTLAND POST The post Golaha Midowga Murashixiinta oo qoraal kulul ka soo saaray Raafkii Laascaanood appeared first on Puntland Post.