-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo saacado badan hawada ka baxay + Sababta Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada kusoo laabtay in ka badan lix saac kadib markii ay ka baxeen, ayada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda. Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa muddo saacado ah ka hor-imanayey farriin dhaheysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno.” Markii ciladda ay bilaabatay ayaa afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka wuxuu yiri “Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena.” Abaare 6:30 pm ee xilliga Mareykanka iyo 1:30am ee xilliga Muqdisho ayey facebook xaqiijisay inay baraheeda dib hawada ugu soo laabteen. “Dhammaan bulshada shacabka iyo ganacsiyada dunida ee nagu xiran, waan ka xunahay. Si xooggan ayaan uga shaqeyneynay inaan hawada kusoo celino baraheena, waxaana hadda ku faraxsannahay inaan ku dhowaaqno inaan soo celinay,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee twitter. Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabar ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay balse horey u qaadatay dokumentiyo sir ah ay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda caruurta. Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse aysan arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay. Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo bogaggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah “akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya” Facebook. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamiga ee Shabaabku kasoo ifbaxeen ayaa ka hadlay xiisadda cusub u dhaxeyso madaxda Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug. Sheekh Cabdulqaadir, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamadaha Islaamiga, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in madaxda Ahlu Sunna ay mar kale isa soo abaabulaan oo ay hub soo qaataan. “Ra’isul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre shaqo fiican ayuu qabtay, ciidamadii Ahlu Sunna wuxuu ku daray kuwa dowladda isagoo heshiis la gaaray madaxda Ahlu Sunna, wax la aqbali karo maahan inay hadda hub soo qaataan, haddii qaar ka tirsan dadka Galmudug aqbalaan ma shaqeeneyso,” ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir. Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku baaqay in Ahlu Sunna lala heshiiyo haddii ay heshis rabaan haddii kalana la iska celiyo, sida uu hadalka u dhigay. “Cid kasta oo wax garaneyso waa inay ka hortagaan Ahlu Sunna oo la diido, haddii ay diyaar u yihiin in la qanciyo la qanciyo haddii kalana la iska eryo waa markii dhabta loo hadlo, wax gar la yiraahdo ma jiraan, maamul waa maamul waa in la taageeraa,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyntii Sheekh Cabdulqaadir ayaa ugu baaqay waxgaradka Galmudug inay u caqli celiyaan madaxda Ahlu Sunna isla markaasna ay Maanta badbaadiyaan Maamulka Galmudug. The post Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo soo jeediyey hab loola macaamilo Ahlu Sunna appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Ethiopia: Declaration by the High Representative on behalf of the European Union on the decision to expel seven United Nations officials The EU stands in full solidarity by the UN, and in particular OCHA, OHCHR and UNICEF directly targeted by the decision, and expresses strong support for their operations in Ethiopia BRUSSELS, Belgium, October 4, 2021/ — The EU and its Member States strongly condemn the decision taken by the Government of Ethiopia on 30 September 2021 to expel seven United Nations (UN) officials from the country. The EU stands in full solidarity by the UN, and in particular OCHA, OHCHR and UNICEF directly targeted by the decision, and expresses strong support for their operations in Ethiopia, which are conducted on a neutral and impartial basis. This decision risks further undermining the possibility to bring relief to millions of Ethiopians in a dire humanitarian situation. This comes at a moment when aid organisations are facing continuous day-to-day impediments to bring aid to people in need in Tigray and other parts of northern Ethiopia. The spill-over beyond Tigray has increased the need of protection and assistance. International organisations in Ethiopia urgently need a conducive environment which enables them to continue their daily life-saving work. Millions of people, across Ethiopia, rely on their assistance for survival. Humanitarian work is always guided by the principles of humanity, neutrality, impartiality and independence. Safeguarding these principles ensures that aid can arrive where it is needed the most. It is imperative that human rights and humanitarian aid organisations are allowed to do their work without obstruction, across the country. We urge the Government of Ethiopia to reverse their decision without delay. Moreover, we exhort all parties to the conflict to protect humanitarian operations and personnel, as well as grant safe, rapid and unimpeded access, in line with international humanitarian law. SOURCE Council of the European Union Qaran News
-
Fiidnimadii isniinta, dadyowga adeegsada baraha bulshada ee ku kala sugan qeybaha kala duwan ee adduunka ayaa ka sheegtay in adeegyadii “Facebook”, “WhatsApp” iyo “Instagram” iyo aalado kale oo qeyb ka ahaa xiriirka baraha bulshada ay ku timid cillad. Websaytka Down Detector, oo ku takhasusay dabagalka Ciladaha internetka, ayaa tilmaamay in shaqada ay hakiyeen aaladaha Facebook, Instagram iyo WhatsApp. Websaytku waxay Tilmaamay inuu helay in ka badan 20,000 fariimood oo oa imanaya isticmaalayaasha oo aan awoodin inay jawaab ka helaan codsiyada kala duwan ee ay lawadeegeen aaladaha aan soo sheegnay. Shirkadda Facebook ayaa ku faahfaahisay barteeda Twitter -ka inay”lasicoto in dadka qaar ay dhibaato ku qabaan isticmaalka barnaamijkeeda,waxayna shirkadu sheegtay inay ka shaqeyneynayaan sidii ay Wax walba caadi ugu soo celin lahayeen sida ugu dhaqsaha badan, ayna ka xunayihiin dhibkan. Instagram ayaa sidoo kale ku tilmaamtay barteeda twitter -ka in “adeegsadayaasha qaarkood ay la kulmaan dhibaatooyin xagga barnaamijka ah.” Goor dambe, websaytska arimaha internetka ee Downdetector wuxuu ayaa ku waramay in dadka isticmaala ay dhibaato kala kulmayaan adeegga taleefanka gacanta ee Mareykanka. Bogga ayaa sidoo kale Baahiyay warbixinno ku saabsan dhibaatooyinka xaga isticmaalka oo ku yimid Twitter, Tik Tok, Telegram, Google iyo appka shiroada Amazon. Saamiyada Facebook ayaa hoos u dhacay 5.5% saacado uun kadib markii ay ciladu ku timi baraha Faceebook “Instagram” iyo “WhatsApp”. Sidoo kale Saamiyada Twitter ayaa hoos u dhacay in ka badan 6%, halka saamiyada Google iyo Amazon in ay lumiyeen 2%. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada ka wada maqan iyada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda. Barahan ayaa waxaa ku yimid cilad billaabatay muddo hadda ku dhow laba saacadood kahor, welina waa ay socotaa, waxayna saameysay caalamka oo dhan. “Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena,” waxaa sidaas yidhi afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka. Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa ka hor-imanaya farriin odhanaysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno”. Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabadh ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay balse hore u qaadatay dokumentiyo sir ah ay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda carruurta. Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse ay a arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay. Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo bogaggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah “akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya Facebook. Source
-
Urur Siyaasadeedka Mideeye, ayaa maanta isu-soo baxyo waaweyn ku qabtay saddexda degmo ee loo asteeyay doorashooyinka hordhaca ah ee dowladaha hoose. Doorashooyinkan oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan, ayaa dhammaadka bishaan October laga qaban doonaa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn ee Gobollada Karkaar, Nugaal iyo Bari. Hoggaanka urur siyaasadeedka Mideeye iyo kumanaan kamid ah taageerayaashiisa, ayaa ka qayb-galay isu-soo baxyada lagu muujinayay shacbiyadda Mideeye ku leeyahay degmooyinkaas. Mas’uuliyiin kala duwan, oo ka tirsan ururka Mideeye ayaa sidoo kale taageerayaashooda u jeediyay khudbado ku saabsan qorshayaasha waxqabadka iyo hiigsiga ururka. Sidoo kale, urur siyaasadeedka Mideeya ayaa $15,000 oo Dollar ku wareejiyay maamulka degmada Ufayn ee Gobolka Bari si loogu fuliyo baahiya bulsho ee ka jira degmadaas. Hoos ka eeg qaar kamid ah sawirada PUNTLAND POST The post Puntland: Mideeye oo isu- soo baxyo waaweyn ku qabtay degmooyinka loo asteeyay doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Social media services Facebook, WhatsApp and Instagram have been hit by an outage lasting more than an hour. All three services are owned by Facebook and could not be accessed over the web or smartphone apps. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Wararka PP) — Markii ugu horreysay Facebook, Whatsapp iyo Instagram ayaa isku mar hawada ka baxay. Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay og tahay cilladda balse aysan garanaynin sababta shebekaduhu hawada uga maqan yihiin. Dadka adeegsada shebekada Facebook iyo Instagram iyo farriin-sidaha Whatsapp ayaa ka cabanaya adeegsan waaga adeegyada. Dad badan oo Soomaaliya ku nool ayaa ku wada xiriiray Twitter iyagoo iska waraysanaya sababta shebekaduhu hawada uga maqan yihiin. © Puntland Post, 2021 The post Facebook, Instagram iyo Whatsapp oo hawada ka maqan appeared first on Puntland Post.
-
San Fransisco (Caasimada Online) – Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada ka wada maqan ayada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda. Barahan ayaa waxaa ku yimid cilad billaabatay muddo hadda ku dhow laba saac kahor, welina waa ay socotaa, waxayna saameysay caalamka oo dhan “Waxaan ka war haynaa in qaar ka mid ah dadka ay dhibaato ku qabaan inay galaan baraheena,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay facebook Andy Stone oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka. Dadka isku dayaya inay galaan facebook ayaa waxaa ka hor-imanaya farriin dhaheysa “Waxbaa qaldan. Waan ka shaqeyneynaa, waana xalin doonnaa, sida ugu deg degta badan oo aan u awoodno.” Cilladdan ayaa timid maalin kadib markii gabar ka shaqeyn jirtay facebook oo ka tagtay balse horey u qaadatay dokumentiyo sir ah ay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ee Mareykanka u sheegtay, in shirkadda ay qarisay xogta daraasad ay ku ogaatay in bogaggeeda ay huriyaan naceybka iyo rabshadaha, halisna ku yihiin maskaxda caruurta. Frances Haugen, oo ah 37 jir kasoo jeeda gobolka Iowa, ayaa sheegtay inay la shaqeysa Google iyo Pinterest balse aysan arag wax loo dhigo sida ay Facebook u xun tahay. Waxay sheegtay in facebook ay ogolaato in naceybka iyo rabshadaha lagu faafiyo bogaggeeda, ayna iska indho tirto, sababtoo ah “akhbaaraadka noocaas ah waa kuwa aad loo daawado, lacag badan oo xayeysiin ahna usoo xareeya” Facebook. The post Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo caawa hawada ka wada baxay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa caawa lagu soo gabagabeeyey doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ku metelaaya maamulkaas, waxaana la doortay laba kursi oo ka dhimaneed 8-da kursi ee laga soo doorto deegaanada HirShabeelle. Labada kursi ee Jowhar lagu doortay kan koowaad waxaa ku soo baxay Senator Cali Shacbaan Ibraahim, halka kan labaad ay ku soo baxday Senator Zamzam Cabdullahi. Cali shacbaan Ibraahim ayaa kuso baxay kursiga 7-aad isaga oo ka guuleystay Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen. Cali Shacbaan ayaa wareega 3-aad uga adkaaday Xanafi isaga oo helay 62 Cod, halka uu musharax Cabduqaadi Xanafi Sheekh Bashiir uu helay 24 cod. Kursiga 8-daad ayaa waxaa ku soo baxday Senator Zamzam Cabdullahi, waxaana kursigan maalmihii dambe ka taagnaa muran xoog leh, waxaana ugu dambeyn loo xiray dumarka, iyadoo inay u tartamaan laga reebay labo musharax oo rag ah. Zamzam Cabdullahi ayaa codad aad u badan wareegii koowaad uga guuleysatay Naciimo Ibraahim oo horay kursigaan ugu fadhisay, waxayna Naciimo heshay 8-cod oo kaliya, halka Zamzam ay ku soo baxday 77-cod. Waxaa sidaas lagu soo gabagabeeyey caawa doorashadii xubnaha Aqalka Sare ku metelaya dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaana guud ahaan senatorrada Aqalka Sare ee dalka ee hadda dooran ay gaarayaan 48-xubnood, waxaana dhiman lix xubnood oo aan weli la dooran. Afar xubnood ayaa weli laga sugayaa dowlad goboleedka Jubbaland, halka labada hartay laga sugayo dowlad goboleedka Galmudug, maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la dhameystiro golaha Aqalka Sare ee dalka, si loo guda galo doorashada xildhibaanada golaha shacabka. The post Laba Senator oo caawa lagu doortay Jowhar iyo Senator kursiga ku fadhisay oo guul-darro culus lagu dhuftay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xilidhibaan Cali She Cabddulaahi (Cali Afgooye) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ku eedeyay in uu degmada Afgooye kasoo afduubtay Nabaddoono. Waxa uu sheegay in markii hore Odayaasha loogu yeeray toddobaad ka hor in uu la kulmayo Taliye Xijaar, hase yeeshe shirqool loo maleegay loogu taxaabay xasbi, ayada oo si bahdil ah loola dhaqmay Odayaasha, sida uu sheegay. “CID-da markii la geeyay Odayaasha, wuxuu i dhahay soo noqo hal saac ama labo saac kadib, arrintaan wax weyn maaha Odayaasha waxyar ayaa wareysaneyna waana soo deynaynaa, arrintaas ma dhicin. Maalintii markaa tagay afar saac waxaa dhacay Bulac in uu meeshii ka maqan yahay oo Odayaashii kabaha laga siibay oo xabsiga la geliyay,” ayuu yiri Cali Afgooye. “Maalintii kale ayaa subaxdii u tagay Buluc oo CID-da ah iyo odayaal kasoo jeeda degmada Afgooye, wuxuu noo sheegay in waxba jirin oo baaritaan yar lagu sameynayo oo Odayaasha uu tuhun ku jiro, waxaa u sheegay in Odayaashas aheyn Shabaab, aniga waa cadowgeyga Shabaab.” Sidoo kale waxa uu sheegay in arrinta loo xiray Odayaasha ay tahay mid siyaasadeed, si sharci darro ahna ugu afduuban yihiin Taliye Xijaar iyo Bulac, sida uu sheegay. Waxa uu baaq cod dheer ah u diray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu ka dalbaday in uu soo faro-geliyo arrinta Odayaasha uu sheegay inay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xijaar. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in mas’uuliyadda waxkasta oo soo gaara Odayaashaas dusha u ridanayo Taliye Xijaar, kuwaasi oo si shirqool ah ugu taxaabeen xabsiga, sida uu sheegay. Hoos ka daawo muuqaalka The post Xijaar oo lagu eedeeyey shirqoolka iyo afduubka odayaal – Xildhibaan arrimo badan shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu daahfurayo Istaraatijiyadda Maamulka Kheyraadka Biyaha oo ay goobjoog ka ahaayen Masuuliyiin ka socda Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Hayadaha ku howlan arimaha Biyaha. Xafladan daahfurka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Istaraatiijiyadda Qaran ee Khayraadka Biyaha oo soo koobeysa hababka lagu horumarin doono maamulka biyaha iyo qorshayaasha ka dagsan sidii loo dhaqan gelin lahaa istraatijiyadan. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Xasan Cabdinur, ayaa ka dhawaajiyay muhiimada ay Dowlada Soomaliya u leedahay in la helo Istraatijiyad hagta Maamulka Kheyraadka Biyaha. “Muhiimadda dhaqaale iyo tan bulsho ay biyuhu u leeyahiin dadka Soomaaliyeed ayaa ah mid aan la soo koobi karin. Biyuhu waxey qeyb weyn ka yihiin horumarka dhaqaale iyo nabadaynta dalka, si loo horumariyo Biyaha waa in la xoojiyaa wadiiqooyinka maamul ee biyaha ee uu qayb ka yahay Qorshahahan Qaran ee lagu maamulayo Khayraadka Biyaha” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha. Wasiirka ayaa wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay dhisidda hay’ado heer federal, heer dawlad goboleed iyo heer deegan oo si wadajir ah uga wada shaqeeya sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka biyaha la xiriira,sidoo kalena loo horumarin lahaa ilaha biyaha. Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka, Mudane Saciid Xuseen Ciid, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo horumarinta biyaha maadaama ay biyuhu lafdhabar u yihiin horumarinta wax soo saarka. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in istraatiijiyadan ay muhiim u tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka biyaha la xiriira oo saameyn ku yeeshay beeraleyda. Istaraatiijiyadda Qaran ee Maareynta Kheyraadka Biyaha wuxuu saldhig u yahay taabba-galinta yoolalka horumarineed ee ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaran 2020-2024. Istraatiijiyada waxay soo martay wadatashiyo badan oo mudo socday. Shirka farsamo ee 1aad oo looga arinsanayay Istiraatiijiyadda Qaran ee Maaraynta Khayraadka Biyaha ayaa Maarso 2020 ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo faahfaahin ka baxshay baahiyaha loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta biyaha. Waxaa la qabtay tiro latashiyo ah oo lala galay Wasaaradaha dawladda, deeq bixiyayaasha, howlwadeeno, khubaro, Hayado caalimi iyo kuwa maxaliga ah intaba, si loo qeexo arrimaha mudnaanta u leh hannaanka horumarinta kheyraadka qaran ee biyaha. Waxaa sidoo kale laga hirgeliyay xog ururin dhamaan maamul goboleedyadda dalka si loo qeexo mabaadii’da iyo yoolalka lagu salayn karo qaab dhismeedka horumarineed ee biyaha. Shirka wadatashi ee 2aad ayaa ka qabsoomay Magaalada Muqadishu bishii October kaas oo hiigsanayay in laga gaaro is-afgarad yoolalka istraatijiyada kuwaas oo ugu dambeyn lagu ansixiye bilowgi sanadkan shir ay asugu yimaadan dhamaan wasaaradaha ay quseyso istaraatijiyadan, wasaaradaha heer dowlad goboleed iyo daneeyayaal ka kala socday hayado maxali iyo kuwo calami ba ah. Aragtida istraatiijiyadan ayaa ah: “in la Helo biyo saamayn waarta leh, loona maareeyo qaab taabba galinaya midnimada dalka, kobaca iyo badqabka dhamaan bulshada iyo deegaanka intaba” Istraatijiyada waxaa hagayo 4 yool oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: Kor u qaadidda dawrka biyuhu ku leeyhiin midnimada, kobaca iyo badqabka bulshada. Xoojinta hannaanka maaraynta buuxda ee khayraadka biyaha. Dhisidda adkaysi ka dhan ah musiibooyinka iyadoo loo marayo taabba galinta horumar waara. Xaqiijinta in si siman loo helo biyaha, sare loo qaado wax soo saarka, iyo in la helo adeeg bixin waarta dhanka biyaha. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamuud Kaarshe, ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in ay muhiim tahay in fulinta Istraatijiyadan xooga lagu saaro sidii lagu heli lahaa macluumaad dhameystiran oo hagta dhamaan mashaariicda horumarinta ilaha biyaha. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Xuseen, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Istraatiijiyada Maamulka Kheyraadka Biyaha ee Heer Qaran ay gacan ka geysan doonto sidii xal waara loogu heli lahaa biya yarida ka jirto deegaanada Jubbaland. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Abdirisaaq Maxamed, ayaa wuxuu ka hadlay tubta hirgelinta Istraatiijiyada kaas oo qeexaya sidii looga miro dhalin lahaa yoolalka istaraatiijiyada. Wuxuu kaloo soo bandhigay mashaaric saldhig u noqonayo hirgelinta istaraatiijiyadan oo ka kooban sedex iyo toban mashruuc, kuwaas oo gogoldhig u noqonayo taabagelinta qorshayaasha ku xusan istaraatiijiyadan. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Marwo Shukri Maxamuud afrax, ayaa gunaanadkii xafalada sheegtay in muhiimada istraatijiadan ay tahay in umadda Soomaliyeed ay helaan biyo ku filan oo nadiif ah. Wasiirada ayaa waxay u mahadcelisay dhamaan ka qeybgalayaasha xafladan, sidoo kalena waxey ku baraarujisay in laga wada shaqeeyo hirgelinta istaraatiijiyadan si wadajir ah. **** Dhamaad**** Source: goobjoog.com
-
Cali shacbaan Ibraahim ayaa kuso baxay kursiga 7aad ee sanatarada ka imaanaya dowlad goboleedka Hir-shabeelle ee ka mid noqoya Barlamaanka 11aad ee dalka. Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen, ayaa la tartamay Cali shacbaan hase ahaate wareega 3aad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo haray Cali shacbaan iyo Cabduqaadir Xanafi . Natiijada kama dabaysta ayaa noqotay in Cali shacbaan uu kusoo baxo 62 Cod halka uu musharax Cabduqaadi Xanafi Sheekh Bashiir uu helay 24 cod. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, waxaa weli illaa hadda billaaban baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la tuhmayo inay ku maqan tahay gacanta Hey’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo xeer ilaalinta ayaa weli qaadin wax tallaabo ah oo ku aadan Kiiska Ikraan, mana aysan ka jawaabin codsiyo badan oo uga yimid shacabka iyo qoyska Ikraan oo ah in si deg deg ah loo guda galo kiiskaan. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo toddobaadkii tegay isna khudbad ka jeediyey xafladda xiritaanka doorashadii Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa sheegay hadal dad badan lama filaan ku noqday oo ahaa inaan baaritaanka weli la billaabin. Rooble ayaa yiri “Maxkamadda ciidamada waxaan faray inay baaritaanka billaabaan, haddana waan ugu celinayaa inay baaritaanka deg deg u billaabaan.” Hadalkaas wuxuu xaqiijiyey in baaritaanka kiiska aan weli la guda gelin. Dhinaca kale, waxaa maalmihii tegay xoogeystay warar laga helayo xafiisyada madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo sheegaya in isfaham qarsoon laga gaaray kiiska Ikraan. Weli ma cadda nooca uu yahay isfahamka laga gaaray kiiskaan haddiiba uu jiro, waxaana muddooyinkii dambe socday dhex-dhexaadin laga dhex waday labada mas’uul inkastoo aan weli saxaafadda lala wadaagin natiijada kasoo baxday wada-hadallada. Sidoo kale, waxaa baryahaan istaagay hadalladii ay qoyska Ikraan Tahliil ka sheegi jireen saxaafadda, waxayna taasna keentay shaki ah inuu jiro is-faham. Haddii ay run noqoto in Kiiska Ikraan Tahliil lagu dhammeeyey isfaham iyo wada-hadal, waxay taasi dhaawici doontaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo horey u ballan qaaday in qoyska Ikraan ay heli doonaan caddaalad. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan markasta u taaganahay cadaaladda dhammaanteen cadaalad ayaa na deeqdo. Gabadheenii Ikraan Tahliil Faarax cadaalad way heleysaa kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno, Insha allah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan,” ayuu yiri Rooble, oo toddobaadkii tegay ka hadlay Muqdisho. Kiiska Ikraan Tahliil ayaa hoos uga dhacay sidii la filayey haddii ay ahaan laheyd dhanka siyaasadda iyo midda cadaaladda. The post Xog: Sababta loo billaabi la’yahay baaritaanka kiiska Ikraan iyo hadalka Rooble oo tuhun abuuray appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Roble Monday departed for Qatar as President Mohamed Farmaajo flew to Ethiopia amidst an ongoing political tussle between the two leaders. Source: Hiiraan Online
-
Algiers (Caasimada Online) – Algeria ayaa u diiday diaaradaha militariga Faransiiska inay adeegsadaan hawadeeda maalin kadib markii ay u yeeratay safiirkeeda Paris, ayada oo ka carootay hadallo aan la ‘aqbali karin” oo loo tiriyey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Xiisadda kasii dartay dhammaadkii toddobaadkii tegay ayaa sidoo kale ka dambeysay kadib markii France ay qaadatay go’aan ay ku dhintay tirada dal-ku-galka la siiyo dadka kasoo jeeda dalalka Waqooyiga Afrika oo Algeria ay ku jirto. Paris ayaa go’aanka Visaha u qaadatay sababo la xiriira in dowladahooda ay diideen inay dib u qaataan muhaajiriinta laga soo ceeriyo Faransiiska. Codsi ka yimid Faransiiska, oo ahaa in laba diyaarad oo militari loo ogolaado inay ku duulaan hawada Algeria, ayaa la diiday Axaddii, sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga Faransiiska Colonel Pascal Ianni. Waxa uu sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha lagu waday inay kasoo duusho France, tan kalena Chad. Ianni ayaa sheegay inaysan weli caddeyn in Alegria ay gebi ahaan hawadeeda ka xireyso diyaaradaha militari ee Faransiiska iyo haddii duulimaadyadii Axadda ay yihiin kuwa kaliya ee go’aanka uu sameeyey. Mamnuucista duulimaadyada ayaa ka dambeysay markii Algeria ay si deg deg ah ugu yeeratay safiirkeeda Faransiiska habeenkii Sabtida, sida ay sheegtay madaxtooyada. Algeria ayaa ka carootay hadal loo tiriyey Macron oo ay ku sheegtay “faro-gelin aan la aqbali karin” oo lagu sameeyey arrimaha Alegria “iyo weerar aan loo dulqaadin karin” oo ka dhan ah dadkii Algeria uga dhintay dagalkii gumeystaha Faransiiska. AP + VOA The post Algeria oo qaaday tallaabo aysan fileyn Faransiiska oo kasii dartay xiisadda appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa shalay gelinkii danbe shil gaadhi ku dhintay Lars Vilks oo ahaa Farshaxaniste Iswiidhisa oo hore u sameeyay sawir gacmeedyo uu ku aflagaadeyay nebi Maxamed (NNKH). Shilkan oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Markaryd ee dhacda koonfurta Sweden waxaa sidoo kale ku dhintay laba ka tirsan Booliska Sweden oo uu ilaalo u ahaa Lars Vilks. Sanadkii 2007kii ayay ahayd markii uu sawirgacmeedyada ku aflagaadeeyay nebi Maxamed (NNKH), muddo 13sanadood ah waxa uu ku hoos noolaa ilaalo booliis gaar ah oo loo sameeyay kuwaasi oo aanu la’aantood socon jirin. Hoggaanka ciidanka booliska Sweden oo goor dhaweyd ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inuu ahaa shil gaadhi oo ay isku dhaceen gaadhiga uu saarnaa farshaxanistahan iyo gaadhi kale oo xamuul ah oo jidkaasi ku safrayay waxaanay sheegeen inay sii wadi doonaan baadhitaanka la xidhiidha dhacdadan. Waxaa xusid mudan in Sweden iyo dalal badan oo dunida muslimka ah uu xidhiidhkoodu xumaaday ka dib markii farshaxanistahani uu daabacay xiligaasi sawir gacmeedkaas taasi oo keentay in Raysal wasaarihii hore ee Fredrik Reinfeldt uu kulan isugu yeedhay safiirada dalalka muslimiimta ahaa ee joogay Sweden si ay u dajiyaan xiisada ka dhalatay arintaasi. Maxamed Cawad Maxamed Gothenburg, Sweden Source
-
PRESS RELEASE WFP Resumes Nutritional Support for Refugee Mothers and their Children in Egypt with Funds from Japan WFP will use the funds to provide nutritional assistance to 4,200 refugee mothers and their children under two over the next four months CAIRO, Egypt, October 4, 2021/ — A US$500,000 grant from the Government of Japan will allow the United Nations World Food Programme (WFP) to resume its nutritional assistance for pregnant and nursing refugee mothers and their children under two. WFP will use the funds to provide nutritional assistance to 4,200 refugee mothers and their children under two over the next four months. To be eligible for assistance, refugee mothers must get regular medical check-ups during pregnancy and after childbirth at WFP partner hospitals in the governorates of Cairo, Alexandria and Damietta. WFP was forced in August 2020 to suspend the programme due to funding gaps. “Today we are glad to announce that our support to refugee mothers has resumed thanks to this generous contribution from the Government of Japan,” said WFP Representative and Country Director in Egypt Praveen Agrawal. “This programme is vital for the most vulnerable mothers and their children as it is the only source of support for many of them and it gives them access to nutritious food they wouldn’t be able to afford otherwise,” he added. Refugee mothers will receive monthly top ups to their electronic cards that they will redeem for nutritious food items in the market. This support is critical during the ‘First 1,000 Days’ of a child’s life, from conception to two years of age, to prevent malnutrition and its irreversible effects such as chronic anaemia and stunting. Mr. NOKE Masaki, Ambassador of Japan to Egypt, said, “’Save as many lives as possible, and leave no one’s health behind.’ This has been the conviction that Japan, as a country upholding ‘human security’ and ‘Universal Health Coverage’, has adhered to throughout this battle against the pandemic. We will continue to provide nutritional assistance for socially vulnerable people such as refugees, children and pregnant women with the international community. With this in mind, in order to improve nutrition for people around the world, Japan will host the Tokyo Nutrition for Growth Summit 2021 in December this year in cooperation with the international community, particularly WFP and other partners.” WFP has been supporting refugees in Egypt since 2013, reaching today more than 120,000 refugees from different nationalities with food assistance. The refugee assistance programme has transformed over the years to provide comprehensive integrated support alongside monthly assistance through cash-transfers via e-cards. This includes vocational training, resilience and capacity building activities to refugees and host community members offering them equal opportunities and better employability schemes. SOURCE World Food Programme (WFP) Qaran News
-
Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey magaalada Laascaanood. Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay. Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqo iyo hay’addaha kale ee dowladda in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gargaaro , ku gudbayana loo fududeeyo safarkooda. Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland: Waxan soo dhowaynay laba kun oo qof oo laga soo raafay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo ka hadlay dagaalka Ahlu-Sunna iyo Galmudug ayaa sheegay in hogaanka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca dib ugu soo labo kacleeyay xiligaan sidii madaxtinimada ku heli lahaayeen. Waxa uu sheegay in Sheekh Shaakir iyo hogaankan kale ee Ahlu-Sunna aysan daacad ka aheyn la dagaalanka Al-Shabaab, oo ayagu sheegay in abaabulkooda ciidan uga dan leeyihiin la dagaalanka argagixisada. “Sheekh Shaakiroow Shabaab la dagaalami-meyside Mushkilo ha noo keenin xil baad rabtaaye Qoor-Qoor anagaa dooranay 2-sanaa u dhiman imoow waan ku dooraneynaa laakiin inaad macalimiintii dugsiyada Qur’aanka qoryo kusoo xirto sharaf ku heli meysid, iga qora haddii Dhuusamareeb gacanteenna ka baxdo wax Galmudug la dhaho ma jiraan,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay hogaanka Ahlu-Sunna oo ugu horeeyo Sheekh Shaakir in xilka ay raadinayaan u soo maraan waddo sax ah, islamarkaana la karaameyn doono, maadama ay tallada wax ku leeyihiin, sida uu sheegay. “Qofka haddii uusan maamul rabin waxaa la yiraahda dowlad diid, anuu waxaa leeyahay ha la wada fariisto oo Sheekh Shaakir ha yimaado Dhuusamareeb oo waxaa leenahay Sheekha ha la karaameeyo.” Senator Dhagdheer ayaa carabka ku adkeeyay in xiisadda lagu dhameeyo wada-hadal, ayada oo la tixgelinayo hogaanka Ahlu-Sunna, oo uu ugu baaqay inay damiyaan xiisada dagaal ee ka taagan deegaano kamid ah maamulka Galmudug. Hadalka Dhagdheer ayaa imanaya xili ay xiisada Ahlu-Sunna iyo Galmudug isku bedeshay dagaal sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac hor leh, islamarkaana deegaano dhowr ah ay ka baxeen gacanta maamulka Qoor-Qoor. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Senator Dhagdheer oo shaaciyey qorshe yaab leh oo ka dambeeya dagaalka hoggaanka Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markii u horreeysay ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey soo baxayey oo la xidhiidhay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi lagu wareejinayo Xisbiga Waddani. Axmed Xirsi Ducaale, oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani, oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaa waxa uu ku jawaabay sidan: “Ninkaas siyaasiga ah ee aad magacowday, Maxamuud Xaashi, waa siyaasi reer Somaliland ah, illaa imika lama arag annaguna ma hayno meel uu ku yidhi Waddani ayaan ku soo galay amma soo biiray,. Isaga oo ah Xisbiga Kulmiye noogu dambaysay, siyaasi Kulmiye ka tirsan ayuu ahaa, oo ay is qabteen hoggaanka Kulmiye is hayntoodii Kulmiye noogu war dambaysay, markaa sabab loo yidhaahdo Waddani ayaa lagu wareejinayaa ma garanayo, wareejinta waxa ka horeysa inuu Waddani yimaado, oo uu Xisbiga ka mid noqdo. Source