Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee faraca Soomaaliya ayaa maanta dagaal-yahano cusub ku soo bandhigtay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Dagaal-yahanadaan oo aad u hubeysan ayey kooxdu ku soo bandhigtay xero ku taalla halkaasi, taasi oo lagu magacaabo Abu-Waliid Al-Saxraawe, sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen. Sawirro laga soo qaaday dagaal-yahanadaasi ayaa muujinaya iyaga oo tobabar ku qaadanaya gudaha xeradaasi, kuna hubeysan hub culus iyo kuwo fudud. Sidoo kale dagaal-yahanada ayaa sameynayey dhoolatus xoogan, iyaga oo xiran dhar tuuta ah, sidoo kalena uu u duubnaa wejiga, Kooxda Daacish oo si aad ah ugu xoogan maamulka Puntland oo ay dagaal kula jiraan, ayaa waxay muddooyinkii dambe waday is ballaarin, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah ka wady buuraleyda gobolka Bari. Ma aha markii u horeysay ee Daacishta Soomaaliya ay soo bandhigto dagaalyahano ka tirsan oo tobabar ku qaadanaya xerooyin ku yaalla gobolka Bari, waxayna sidan oo kale dhowr jeer u soo bandhigtay dagaal-yahano badan. The post Daawo Sawirrada: Daacishta Soomaaliya oo soo bandhigay dagaal-yahannadooda appeared first on Caasimada Online.
  2. Wararkii Ugu Danbeeyay qaraxyadii ruxay Kampala &Khasaaraha ka dhashay+Sawirro Bartamaha magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda waxaa ka dhacay labo qarax oo xoogan , waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro kala duwan sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Uganda. Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay goob laga dukaameesto oo ku dhaw xarunta booliiska magaalada Kampala, qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay meel ku dhaw xarunta Baarlamanaka dalka Uganda. Inta la xaqiijiyay qaraxyadan ka dhacay magaalada Kampala waxaa ku dhintay afar qof oo labo kamid ah yihiin Saraakiil booliis halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 24-qof, dadka dhaawacmay ayaa afar qof oo kamid ah lasoo sheegayaa in xaalad adag ku jiraan. Ciidamada booliiska iyo Sirdoonka magaalada Kampala ayaa wada howlgalo baaritaano ah oo ku aadan qaraxan, waxaa sidoo kale la adkeeyay amaanka xarumo kuyaala magaalada Kampala iyada oo laga cabsi qabo in weeraro kale dhacaan. Qaraxyadan maanta ruxay magaalada Kampala ayaan wali jirin cid sheegatay masuuliyadooda, waxaana qaraxyadan imaanayaa xili dhawaan maqaayad kutaala magalaada Kampala ka dhacay qarax khasaaro dhaliyay. Qaran News
  3. Kampala (Caasimada Online) – Laba qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ayaga oo dhaawacay tobaneeyo qof, waxaana booliska ay ku qeexaan weerar lagu soo qaaday magaalada. Qaraxyada ayaa ka dhacay bartamaha degmada ganacsiga ee Kampala, meel ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska iyo halka laga galo baarlamanka, sida ay sheegeen booliska. “Waxaan dhihi karnaa kani waxa uu ahaa weerar, balse cidda ka dambeysay waa arrin baaritaan uu ku socdo,” waxaa sidaas yiri kaaliyaha kormeeraha guud ee booliska Uganda, Edward Ochom oo la hadlay AFP. Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Ainebyoona Emmanuel ayaa twitter kusoo qoray in isbitaalka Mulago ee Kampala lagu daweynayo 24 qof, oo afar ka mid ah ay xaaladdoodu daran tahay. “Kadib ficilkan nasiib-darrada iyo argagixisada ah, shaqaalaheena caafimaadka waxay si aan kala joogsi laheyn uga shaqeynayaan inay badbaadiyaan nolosha kuwa la dhaawacay,” ayuu yiri. Ochom ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay meel ku dhow saldhigga booliska uu soo daadiyey muraayadaha daaqadaha, halka mid ka ka dhacay agagaarka halka laga galo baarlamanka ay ku gubteen gawaari tiilay baarkinka. Qaraxyada mataanaha ee maanta ayaa daba socda laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay. Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF, oo Mareykanka uu la xiriiriyey kooxda Daacish. Kulankii baarlamanka ee maanta ayaa la baajiyey kadib weerarada, waxaana xubnaha la weydiistay inay ka fogaadaan aagga. Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan aagga, ayna xaaladda kala socdaan warbaahinta gudaha. Booliska Uganda ayaa bishii tagtay xiray qof ka tirsan ADF, waxayna ka digeen in xagjiriinta la rumeysan yahay inay qorshaynayeen weerar lagu qaado “dhisme weyn”. Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Bishii March, dowladda Mareykanka ayaa kooxda ADF la xiriirisay kooxda Daacish. Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013. AFP + VOA The post Wararkii ugu dambeeyey ee labada qarax ee maanta ruxay Kampala + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  4. Wax ka ogow saddexda nin ee ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kenya? Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex qof oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo. Xabsigan ayaa ku yaalla duleedka magaalada Nairobi, ciidamada dambi baarista waxay raggan ku tilmaameen ‘dad halis ah’ Haddaba maxay kala yihiin ragga xabsiga ka baxsatay? Maxamed Cali Abiikar, wuxuu ku xukannaa 41 sano oo xarig ah, waxaana lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof. Musharraf Abdalla Akhulunga, waxaa la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya, waxaana lagu soo oogay dacwad in uu heystay hub iyo waxyaabaha qarxa. Joseph Juma Odhiambo, ninkan ayaa la xiray markii la sheegay in qorayay dhalinyaro si ay ugu biiraan Al Shabab, waxaana lagu xiray magaalada Beled Xaawo ee ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya. Qaran News
  5. Nuxurka Khudbad Guddoomiyaha Cusub Ee Xibsiga Waddani Ka Jeediyey Xidhitaanka Shirweynaha Khudbada Guddoomiye Xirsi waxay u dhignayd sidan: “Salaan Qiimo badan ka dib, Waxaan mahadnaq aan la soo koobi karin usoo jeedinayaa, Guddiga qaban qaabada iyo cid kasta oo kala qayb qaadatay diyaarinta madashan quruxda badan, waxa kale oo aan u mahad celinayaa ergada shirka ee ii doortay guddoomiyaha xisbiga, waxaan iyagana mahad sharafeed u soo jeedinayaa marti sharafta halkan fadhida, mahad gaar ah waxaan u celinayaa Gudoomiye C/raxmaan oo ah aasaasaha xisbigan Waddani iyo C/qaadir Jirde oo ah odayga xisbiga, oo labaduba iga mudnaa xilkan Gudoomiyaha Xisbiga Waddani balse fursadan i siiyay markii ay eegeen danta xisbiga iyo duruufahooda gaarka ah. Marka koowaad waa qadarka illaahay iyo doonistiisa. Marka labaadna, Wanaag aan idinka shaqaystay ma aha ee waa niyad samidiina, raganimo aan dadka dheerahay ma aha ee waxay ku timi kal furnaantiina, in aad fursad heshaa daliil uma aha in aad dadka kale ka fiicantahay. Aad baad ugu mahadsantihiin, hamigiina Alle haydin gaadhsiiyo, filashada aad iga leedihiin Alle idinkuma hoojiyo, Hadal kuma cabiri karo wax aad iga mudantihiin balse waxaan isku deyi in aan hawraar kooban ku tilmaamo, dhamaadka khudbadayda : Mudanayaal iyo Marwooyin Xisbigan Waddani, oo 2012 ahaa ururka keliya ee xisbino usoo gudbay, wuxuu ilaa hada galay saddex doorasho, waxaan aaminsanahay in uu sadexdaba guul ka soo hooyay, marka la barbar dhigo xisbiga talada haya, waa xaqiiqo oo doorashadii madaxtinimada ee 2017 Waddani kuma guulsan madaxtinimada dalka, sidaa si la mid ah Kulmiye kuma guulsan doorashadii madaxtinimada ee 2003. Doorashadii labaad ee 2005 Kulmiye markii labaadna kumuu guulaysan oo waxaa hogaaminayay UDUB, balse taa bedelkeeda Waddani Doorashadii labaad oo ahayd, labadii doorasho ee isku sidkanaa wuu ku guulaystay Baarlamaankii iyo tii degaankaba, isagoo Shirgudoonkii baarlamaanka iyo Meeyaradii goboladaba kala wareegay xisbiga talada haya. Marka dhinaca kale la iska taagana, Waddani doorashadii 2017 wuxuu Kulmiye kaga adkaaday sadex ka mid ah goboladii uu haysanjiray ilaa maalintii la aasaasay, kuwaas oo ahaa Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxaana Kulmiye farahiisa ku hadhsanaa Maroodijeex oo keliya, taas oo Waddani doorashadii sanadkan ka faramaroojiyay Meeyarkii caasimadda, taasina waxay muujinaysaa in bulshada Somaliland ay baahi u qabto isbedel ilaa halka u saraysa ah, sidoo kale in Waddani isu diyaariyay hanashada guusha doorashada madaxtinimadda soo socota. Mudanayaal iyo Marwooyin, Halkaa uu xisbigu maraayo maanta, oo uu noqday kan ugu balaadhan, qadarka illaahay dabadii taageerayaasha Waddani iyo intiina halkan maanta joogta ayaa sabab u ahaa, marka labaadna waxaa halkaa soo gaadhsiiyay hogaamintii hogaanka xisbiga ee talada hayay, farxad baanay ii tahay in aan ka mid ahaa, weli maynaan gaadhin halkii aynu hayaanka ku wadnay, waxaanan rejaynayaa in geedigu gaadhidoono halka aynu ku wadno oo ah, isbedel khayr qaba, insha allaahu maalmo ka wanaagsan kuwii ina soo maray oo aynu ku xaqiijino himilada umadeenu muddada dheer ay ku doonayeen dawladnimo kor u qaada hankooda, wax ka bedesha noloshooda, oo gaadhsiisa karaamo iyo sharaf, taas oo sabab u noqota in ay xaga hore ka galaan tartanka nolosha ee dunida, aakhirana ay ku tanaadaan. Waxaa xisbiga loo aasaasay taa aynu soo sheegnay xaqiijinteeda, waxa aynu u shiraynaa waa soo celinta rejada shacabka ee ku wajahan dawladnimadda, waxaynu u soconay maaha qof qof lagu bedelo ee waa in qaabkii hogaamineed wax iska bedelaan. Ma aha keliya madaxda oo isbedesha, laakiin isbedel siyaasadeed ayaa loo baahanyahay (Not only leadership change but political change) bulshada Somaliland waxay inaga sugaysaa, siyaasadii aynu ku jeexi lahayn geedisocodka mustaqbalka ee aynu dalkan ugu jahayn lahayn yoolasha dunidu beegsanayso, oo uu xisbiga Waddanina noqdo: Adeegaha bulshada, ilaaliyaha qaranka iyo horumariyaha dalka. Xaqiiqo ahaan waxaa igu kelifay in aan hortiina imaado oo isu sharaxo gudoomiyaha xisbiga, waa tuhunka aan naftayda ka qabo in aan hogaanka u qaban karo oo gaadhsiin karo xisbiga bartilmaameedkaa aynu kor ku soo sheegnay iyo bidhaanta hiraalka aynu haybsanayno, waxaan is leeyahay waxaad leedahay aqoonteedii oo waxaan haystaa sadex shahaado oo ah derajada labaad ee jaamacadda (Masters Degree), waxaan leeyahay khibrad maamul oo ka badan 20 sanadood iyo ogaal siyaasadeed oo aan ka yarayn dhawr iyo taban sanadood, iyada oo aan qayb ka ahaa hogaaminta xisbigan Waddani lixdii sanadood ee ugu danbaysay, anigoo shan sanadood iyo siyaado kalena, kaalin muuqata kaga jiray xukuumaddii tan ka horaysay, intaa waxaa ii dheer khibradda maamul ee aan kaga soo shaqeeyay Komishinka doorashooyinka iyo shirkadaha dalka ugu waaweyn. Waxaan aaminsanahay in aan aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba u diyaarsanahay hogaaminta xisbigan iyo hay’ado ka waaweynba, hubaalna waxaa halkan fadhiya qoorweyntii xisbiga iyo odayaashii hogaanka ee aanu soo wada shaqaynay oo maanta qiyaasi kara kartidayda iyo awoodayda hogaamineed, taas oo aan filayo in ay keentay dhacdadan maanta ee aad igu doorateen, waxaanan marnaba ilaawayn doorkii muhiimka ahaa ee ay labadan oday C/raxmaan Ciro iyo C/qaadir Jirde ku lahaayeen booska aan xisbiga kaga jiray, talowadaagtii aanu lahayn iyo dhiirigelinta ay i siiyeen ee igu garab galeen hamigii iga guuxayay, waana damaca maanta keenay in aan hortiina imaado. Mudanayaal iyo Marwooyin Hadii aad ii garateen in aan noqdo gudoomiyaha xisbiga, waxaan idiin balan qaadayaa in aan idinku hogaamin doono waxa uu dhigayo xeerka xisbiga, ilaalin doono shuruucda dalka, diyaarin doono qorshayaasha iyo barnaamijyada xisbigu u baahanyahay iyada oo aan heerarka maamul ee kala duwana la yeelandoono talowadaag, waxaan isku dayidoonaa talaabo kasta oo xisbigan waxtar u leh oo sharcigu inoo ogolyahay, waxaan ugu shaqayn doonaa si daacadnimo iyo firfircoone leh, waxaanan rejaynayaa in xisbiga iyo bulshada Somalilandba ku farxaan natiijada shaqo ee ka dhalata dedaalka iyo isku duubnida aynu dadkeena iyo dalkeena ugu shaqayno. Waxaan codsanayaa in aynu cududa, caqliga iyo cuudkaba isu gayno oo aad gacan buuxda iyo taageero igu siisaan xilka aad ii doorateen, doonimaayo mansab ee waxaan doonayaa in aan hogaamiyo isbedel khayr qaba oo dadkaygu mahadiyo, waxa bulshadu inaga sugaysaa maaha habel iyo hebel oo reer hebel ah isku bedel ee waa in dalkeenu helaa isbedel bulsho oo taabanaya nolashooda, dhaqaalahooda, aqoontooda, wacyigooda iyo qaabka ay u fekerayaan oo aqoon iyo ilbaxnimo weheliso.( Not only political change, but social change) Taasna waxaa mucaarad ahaan inagaga aadan oo uu yahay doorkeenu in aynu bulshada la dareen noqono, oo soo bandhigno dayaca xukuumadu samaysay, u kuur galno duruufahooda una soo tebino sida ugu haboon, mucaaradka mabda’a ahaan waxay tahay shaqadiisu in uu toosiyo wixii qaloocday, tilmaamo wixii xukuumadu ka gaabisay, farta ku fiiqno mashaariicda ay ahayd in la qabto ee baaqatay iyo in aynu ku dabagalno dawladda sida ay wax u maamushay, ujeedaduna waxay tahay umadda ayaa loo shaqaynayaa, xukuumaduna waa adeege, wixii ay qabatay waa laga sugayay, wixiise ka baaqday ayaynu kula xisaabtamaynaa, mucaaradkuna waa dheelitiraha dawladnimadda, sidaa darteed ayaana dastuurku xisbiyada uga dhigay tiir ka mid ah qaranka oo muhiim ah. Mudanayaal iyo Marwooyin Marka aynu dib u milicsano, dalkan iyo dadkan aynu doonayno in aynu isbedel ku samayno, waxaa muuqata koritaan la’aan hanaanka dimuquraadiyadda guud ahaan, hay’adihii dawladda oo ah qalfoof hoosta ka madhan (fake institutions) caado-dhaqameed xunxun oo culays ku ah dawladnimadda, qiyamkii bulshadda oo dhaawac weyni soo gaadhay, waxaa isaguna aad hoos ugu dhacay dhaqaaleheenii, gaar ahaan xoolihii noolaa ee aynu ku tiirsanayn, ayay halis tahay in ay meeshaba ka baxaan, ma aha arinta dhaqaaluhu qiyaastayda ee “Warbixinta u dambaysay ee Bangiga Aduunka ayaa sheegaysa in dhaqaaleheenu hoos u dhacay” waana xaqiiqo in dadkeena inta badani ay ku noolyihiin duruuf aad u qalafsan. Sidaa darteed, ma aha waxaynu u soconaa, isbedel siyaasadeed oo xilalka lagula kala wareego oo keliya (Not only positional change but institutional change) Xukuumadda waa in ay xooga saartaa, hubinta iyo horumarinta dhidibada qaranku ku taaganyahay (deep state) oo aynu iminka iyo hadhawba isku hawlaa, dhismaha iyo taabogelinta hay’ahada dawladda oo tan xisbigu ugu horayso, Marka aan dib ugu noqdo, arrinta hoos u dhaca qiyamka. Tusaale ahaan, “C/qaadir Jirde, wuxuu ka tanaasulay musharaxnimadii gudoomiyaha xisbiga oo uu ahaa qofkii ugu mudnaa, waa ninka aad garanaysaan inta uu siyaasada ku soo jiray, wuxuu ka midyahay dadka dastuurka Somaliland ku saxeexan ee tacabka geliyay, waa nin qaran oo cidiba iskuma khilaafto, hadii in uun birmageydo siyaasadeed jirto wuxuu noqon lahaa dadka ugu horeeya, waxaa yaab leh in qaar yidhaahdaan waa lagu iibsaday, lacag baad qaadatay iyo hadalo aad u rakhiis ah, waxaa meesha ka maqan qiimayntii toolmoonayd ee qofka xilka diida, ka is dhawra iyo kan qaranimada ilaaliya lagu qiimayn laha, waa waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (value is more expensive than any price) waxaa jirta iyaduna odhaah Hadraawi lahaa “Dushooda ma eegayaan, dunuunuc bukay liqeen, dalqay wax ku eegayaan, dil bay u hamuumayaan” Xadiiska ku sugan Saxiisul-Muslimka, ee uu soo saaray Abu Hirayra wuxuu Nebi Maxamed SCWS ku tilmaamay: – عن أبي هريرة – رضي الله عنه – عن النبي – صلى الله عليه وسلم – قال: “أتدرون مالغيبة – قالو الله ورسوله أعلم، قال: ذكر أخاك بما يكره – قيل أريت إن كان في أخي ما أقول؟ قال: إن كان فيه ما تقول فقد اغتبته، وإن لم يكن فقد بهته” Mudanayaal iyo Marwooyin Hadii aan si kooban u tilmaamo qorshaha aan ku talogalay iyo qaabka hogaamineed ee aan jecelahay in aan raaco, ugu horayn aragtidayda siyaasadeed ma qarsoona oo waxay ku xardhantahay buugtayda, waxaanay tahay “Gaadhsiinta ummadayda nolosha ugu wanaagsan iyo sharafta ugu sarraysa” taas oo ku qotonta ujeeddadayda odhanaysa “Waxaan doonayaa in dadkaygu nolosha uga faa’iidaysto sida ugu wanaagsan” walaalyaal mustaqbalkeena kuma gaadhi karo riyo keliya, ee aan u halganno xaqiijinta hiraal qudha, oo aan saxiib ku noqonno hal ujeeddo, caqabadaha iyo carqaladuhu weligood innama celin doonan marka aynu leennahay geesinnimo aynu yoolkeena ku gaadhno. Ogow, bini aadamka waxaa saamayn togan ama taban ku yeesha go’aamada uu qaato, waxaanu gurtaa midhaha tacabkiisa. Marka aan u imaado, sumadda aan jecelahay in uu Waddani yeelan doono waxay tahay sida aan kor ku soo sheegay, Waddani waa “Adeegaha bulshada, ilaaliyaha qaranka iyo horumariyaha dalka” sidoo kale, aragtida xisbigeenu wuxuu ahaa sidan “Higsiga Waddani waa Jamhuuriyadda Somaliland oo ku waarta dal iyo dad midaysan, annaga oo sugnay qormada aanu ku leenahay adduunka, ahna qaran dhistay bulsho ku nool nabad, barwaaqo iyo dimuquraadiyad” hadii aad ila qaadataan waxaan odhan lahaa sidan “Waddani wuxuu u taaganyahay ilaalinta dalka, dadka iyo diinta, xaqiijinta Jamhuuriyadda Somaliland, dhisida bulsho ilbax ah iyo dawladnimo casri ah” Waxaan xooga saaridoonaa ka qayb qaadashada wax kasta oo ku saabsan dhismaha dalka, kobcinta xidhiidhka bulshada isku duubnida iyo midnimada dalka, xoojinta dhaqaalaha iyo horumarka, ilaalinta dhaqanka suuban iyo diinta, ku dhaqanka shuruucda (rule of law) iyo dhawrista xoriyaadka aasaasiga ah. Xoojinta maamul wanaaga oo ka bilawda xisbiga ilaa xukuumadda Waddani, anaga oo mudnaanta siindoonna tababaridda iyo kor u qaadida aqoonta iyo dareenka ku wajahan xisbinimada, isla markaana wakhti gelinayna soo saarida kaadirka xisbiga, kaas oo u diyaarsan in uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro hanaanka dimuquraadiyadda iyo tartanka Waddani ugu jiro in uu hanto taladda dalka kuna hirgeliyo barnaamijkiisa siyaasadeed. Barnaamijka xisbigu wuxuu xambaarsanyahay himilooyinka xisbiga ee ujeedeeyinka dhaw iyo kuwa dheer, anaga oo la kaashanaya xubnaha hogaanka, fulinta iyo xubnaha kale ee lagama maarmaanka u ah, waxaan isbedel iyo kaabis ku samayn doonaa barnaamijka xisbiga. Diyaarinta iyo qabyatirka dabadiina, waxaan dhisi doonaa habka isku xidhka qorshayaasha iyo samaynta istaraatiijiyadda loo raacayo doorashooyinka, diyaarinta agabka loo baahanyahay iyo farsamooyinka lagama maarmaanka u ah. Waxaana looga baahanyahay masuul kasta oo hadlayaa in uu ka dhimbiil qaato barnaamijka xisbiga saldhigna uga dhigo doodihiisa. Si aan arrintaa uga midha dhalinana waxaan soo saari doonaa, hab-maamul xidhiidhinaya haykalka kala duwan ee xisbiga, hab-raacyada iyo jaangoynta shaqo oo ku astaysan nidaamka maamul daadejinta gun ilaa baar, taas oo ay ku cadahay muuqaalka isu tebinta maamul (Organisational Chart), warbixinta masuuliyadaha iyo waajibaadka shaqo ee qof kasta laga rabo ee lagula xisaabtamayo. Mudanayaal iyo Marwooyin Waxa aan jecelahay in xil-gudashadeenu ku qotonto xaqiiqo, oo dhaliilaha aynu soo bandhigaynaa ay noqdaan qaar la hubiyay ama salka ku haya cilmi baadhis, taas oo soo jiidan karta garwaaqsiga bulshada isla markaana, xujo ku noqon karta xukuumadda, oo qofkii wax saxayana siin karta fursad, waayo; ujeedadeenu waa toosin iyo in aynu helo taageerada bulshada oo aynu dhankeena soo marino inta samaha jecel. Arintaasina waxay keensanaysaa in aan abuuro xafiiska baadhista iyo horumarinta (Research and Development Office), halkaas oo ay hawl wadeennada xisbigu ka helidoonaan xog ku filan oo ay u adeegsadaan hawlahooda shaqo. Waxaa isaguna muhiimad taa la mid ah leh, xafiiska xuuraanka iyo dabagalka hantida qaranka (Intelligence and National Asset Surveillance Office) kaas oo shaqadiisu tahay helista xogaha muhiimka ah, ilaalinta iyo korjoogtaynta hantida qaranka, xogoha xafiiskani ururin doono oo muhiimad weyn u yeelan kara bulshada Somaliland iyo xisbiga Waddani labadaba, halkaas oo ay masuuliyiinta xisbigu ka heli doonaan xog ay ugu doodaan inta dulman ama hadii waxba loo qaban waayo, noqon doonta kayd ay weheshadaan bulshadu oo dawladda Waddani ama dawlad kasta oo timaada ay ula tegidoonaan. Waxay tahay arintan macnaheedu, Waddani waa wehelka bulshada duruuf kasta oo ay ku suganyihiin. Xisbiga Waddani wuxuu mar walba la jiraa samaha, deganaasha iyo ilaalinta nabadgelyada dalka, waanu ka soo horjeednaa wax kasta oo keenaya khalkhal ama ku lug leh xagjirnimo iyo argagixisanimada, waxaanu gacan buuxda ka siinaynaa hay’adaha amniga wixii nalooga baahdo. Waddani wuxuu si taxadir leh ula soconayaa isbedelada iyo waxyaalaha ka dhacaya gobolka, anaga oo dawladda ku dhiirigelinayna xidhiidh wanaagsan oo lala yeesho wadamada jaarka ah iyo macaamil hufan oo aynu la wadaagno wadamada dunida, taas oo fure u noqon karta qadiyadda Somaliland, anaga oo mar kasta u taagan sidii dalkani uga mid noqon lahaa beesha caalamka una heli lahaa aqoonsi buuxa. Hadaba, si aynu halkaa u gaadhsiino Somaliland, ugana *****no rejada shacabku inaga qabo, waxaa lagama maarmaan ah, in aynu gaadhsiino talada ugu saraysa musharixa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku qalabaysan barnaamij siyaasadeedkii oo dibu habayn lagu sameeyay iyo istaraatiijiyadda maamul iyo hogaamineed ee ay dalka ku maamulilahaayeen. Hadii aanu nahay kooxdan aad hogaanka u doorateen, marka aan derisno shaqada, waxaan guddiga fulinta u soo gudbin doonaa, qorshaha maamul, anaga oo isku xidhayna heerarka kala duwan ee maamul iyo dhamaan qaybaha xisbiga, waxaanu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulidoonaa sidii aan arrintaa u xaqiijin lahayn, waxaanu dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga ka codsanaynaa in ay gacan buuxda nagu siiyaan arrintaa. Mudanayaal iyo Marwooyin Iyada oo ay badan yihiin caqabadaha dabarka ku ah horumarkii xisbi iyo dawladnimo guud ahaan, marka aan soo ururiyo, sida aynu la wadaagno xisbiyada kale ee dalka, qaabka xisbiyadu u dhisanyihiin maanta waxa aad moodaa in wixii ugu horayn lahaa ee saldhiga u noqon lahaa jiritaankoodu uu meesha ka maqanyahay, waa mabaadiidii siyaasadeed (Political Ideology ) mana hawl yara hirgelinteedu marka la eego meesha aynu marayno iyo waayaha aynu la noolahay, waxase aanu isku dayaynaa in aanu abqaalo oo dhisno dariiqii lagu gaadhi lahaa, muhiimad weyna waxaan siindoonaa kobcinta iyo kor u qaadida aqoonta hawl wadeenada xisbiga, tababarrada ku wajahan xisbinimada iyo dibu habaynta xafiisyada laamaha gudaha iyo debedda ee xisbiga Waddani. Dhamaan intiina siyaasadda u hanqal taagaysa, gaar ahaan dhalinyaradda waxaan leeyahay diyaar baanu idiin nahay hogaan ahaan, waxaanu doonaynaa in aanu kula dedaalo, kuuna diyaarino shaqada aanu kuu dirayno ee adigu ha daalin, hana dayacin masuuliyadda laguu dhiibay, waar raga berito mataxnimada doonayow, maanta hanaan madaxnimo u dhaqan oo ha kaa muuqato. Minqiyaaskaagu yaanu noqon sawirrada iyo muuqaallada saxaafada, laakiin, ha noqdo maxaad fulisay waajibaadkii lagu saaray, himiladaadii maxaad gaadhay, madhaxa iyo dhaxalku waa dalka e, maxaad u qabatay. Aan idin xasuusiyo shanta arimood ee uu tilmaamay Imaamu Shaafici in madaxtinimada lagu gaadho: 1) Runta oo aad dhaqan ka yeelato.. 2) Sirta oo aad ilaaliso. 3) Balanta oo aad oofiso. 4) Dadka oo aad u nasteexayso. 5) Amaanada oo aad ilaaliso. Kitaabka, Siyaru-Calaam Anubalaa – Imaamu Dahabi – Ogow, wax kasta oo aad ku hamidaa sax ma wada aha, ha rumaysan beentaada, riyaadaada suuree oo sawir maskaxeed u bedel iskuna day in aad ficil ku xaqiijiso, waa suuragal markaa in aad gaadho meel kasta oo saraysa hadii aad isu diyaariso ilaahayna la kaashato. Gebogebadii Aniga oo ku hadlaya afka xisbiga Afka ergada fadhida ee kalsoonidoonii i siiyay iyo guud ahaan Xisbiga Waddani ee masuuliyadiisii la ii caleemo saaray, waxaan halkan ka soo jeedinayaa qodobado aanu muhiim u aragnay ee shirweynahani xooga saaray :  Waxaanu dawladda ugu baaqaynaa in la ilaaliyo xasiloonida iyo midnimadda Jamhiiriyadda Somaliland.  Komishinka doorashooyinka qaranka waxaanu ugu baaqaynaa in ay doorashooyinka wakhtigeedii ku qabtaan, xisbi ahaana diyaar baanu u nahay in aanu ku garab galo sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen.  Waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay xaqdhawraan xuquuqda aayo ka tashiga dadkayga oo ay garwaaqsadaan rabitaanka bulshadda Somaliland ku doonayso madaxbanaani buuxda oo ay kaga mid noqdaan qaramadda midoobay. Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay, noo sabra, waanu ka *****n doonaa rejada aad naga filaysaane, insha allaahu waxaynu gaadhi doonaa maalmo kuwan ka fiican, isku duubnaada oo cadawgeena aan meel uga soo wada jeesano,ha ku asqoobina hirdanka siyaasiyiinta ee hadba ka wanaagiina wada u hiisha, hana ka werwerina mustaqbalka wax wanaagsan ayaa inoo soo socda idam Allah. Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu kuwa dawladnimada hayana dhibtooda iyo dhagartooda inaga badbaadiyo, kuwa imandoonana tubta wanaagsan iyo talada khayrka leh in ilaah ku toosiyo, idilkoodna garansiiyo wixii ay inoogu jirto wanaaga aduunyo iyo aakhiradeenu. Ilaahay ayaa mahad leh, aad baad u mahadsantihiin. Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani. Qaran News
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraarka dhamaystirka habraaca degmanimo ee Guriceel oo ay hore ugu meel mariyeen golaha wasiirada shirkii lagu qabtay Guriceel bishii lasoo dhaafay. Wasaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa maanta hor geysay baarlamanka qaraarkan oo warbixintiisa lagu caddeeyay in Guriceel ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa in ay noqoto degmo buuxda. 68-mudane oo fadhiga soo xaadirey ayaa dhammaantood cod gacan taag ah ku meel mariyay qaraarkan oo Guriceel ka dhigaya degmo leh dhammaan xuquuqda ay leeyihiin degmooyinka kale sida mashaariicda hormarineed iyo golle deegaan. Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Wakiilada Galmudug oo badi degaan doorashadoodu tahay degmada Guriceel ayaa soo dhaweeyay ansixinta degmannimo ee Guriceel. Guriceel dhawaan waxaa ka dhacay dagaal socday ku dhawaad shan maalin oo xiriir ah kaas oo u dhexeeyay maamulka oo kaashanaya Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee bartamaha Soomaaliya. Guriceel waxaa lagu tilmaamaa degmada ugu bulshada badan ee Galmudug, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoog leh, inkastoo bishii lasoo dhaafay ay gashay xaalad dagaal, waxayna hadda u muuqataa in si tartiib tartiib ah ay caadi ugu soo laabatay labadii todobaad ee u dambeeyay. The post Baarlamanka Galmudug oo maanta gaaray go’aankii laga sugayey ee la xiriira Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  7. بسم الله الرحمن الريم السلام عليكم ورحمة الله وبركاته Salaan Qiimo badan ka dib, Waxaan mahadnaq aan la soo koobi karin usoo jeedinayaa, Guddiga qaban qaabada iyo cid kasta oo kala qayb qaadatay diyaarinta madashan quruxda badan, waxa kale oo aan u mahad celinayaa ergada shirka ee ii doortay guddoomiyaha xisbiga, waxaan iyagana mahad sharafeed u soo jeedinayaa marti sharafta halkan fadhida, mahad gaar ah waxaan u celinayaa Gudoomiye C/raxmaan oo ah aasaasaha xisbigan Waddani iyo C/qaadir Jirde oo ah odayga xisbiga, oo labaduba iga mudnaa xilkan Gudoomiyaha Xisbiga Waddani balse fursadan i siiyay markii ay eegeen danta xisbiga iyo duruufahooda gaarka ah. Marka koowaad waa qadarka illaahay iyo doonistiisa. Marka labaadna, Wanaag aan idinka shaqaystay ma aha ee waa niyad samidiina, raganimo aan dadka dheerahay ma aha ee waxay ku timi kal furnaantiina, in aad fursad heshaa daliil uma aha in aad dadka kale ka fiicantahay. Aad baad ugu mahadsantihiin, hamigiina Alle haydin gaadhsiiyo, filashada aad iga leedihiin Alle idinkuma hoojiyo, Hadal kuma cabiri karo wax aad iga mudantihiin balse waxaan isku deyi in aan hawraar kooban ku tilmaamo, dhamaadka khudbadayda : Mudanayaal iyo Marwooyin Xisbigan Waddani, oo 2012 ahaa ururka keliya ee xisbino usoo gudbay, wuxuu ilaa hada galay saddex doorasho, waxaan aaminsanahay in uu sadexdaba guul ka soo hooyay, marka la barbar dhigo xisbiga talada haya, waa xaqiiqo oo doorashadii madaxtinimada ee 2017 Waddani kuma guulsan madaxtinimada dalka, sidaa si la mid ah Kulmiye kuma guulsan doorashadii madaxtinimada ee 2003. Doorashadii labaad ee 2005 Kulmiye markii labaadna kumuu guulaysan oo waxaa hogaaminayay UDUB, balse taa bedelkeeda Waddani Doorashadii labaad oo ahayd, labadii doorasho ee isku sidkanaa wuu ku guulaystay Baarlamaankii iyo tii degaankaba, isagoo Shirgudoonkii baarlamaanka iyo Meeyaradii goboladaba kala wareegay xisbiga talada haya. Marka dhinaca kale la iska taagana, Waddani doorashadii 2017 wuxuu Kulmiye kaga adkaaday sadex ka mid ah goboladii uu haysanjiray ilaa maalintii la aasaasay, kuwaas oo ahaa Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxaana Kulmiye farahiisa ku hadhsanaa Maroodijeex oo keliya, taas oo Waddani doorashadii sanadkan ka faramaroojiyay Meeyarkii caasimadda, taasina waxay muujinaysaa in bulshada Somaliland ay baahi u qabto isbedel ilaa halka u saraysa ah, sidoo kale in Waddani isu diyaariyay hanashada guusha doorashada madaxtinimadda soo socota. Mudanayaal iyo Marwooyin, Halkaa uu xisbigu maraayo maanta, oo uu noqday kan ugu balaadhan, qadarka illaahay dabadii taageerayaasha Waddani iyo intiina halkan maanta joogta ayaa sabab u ahaa, marka labaadna waxaa halkaa soo gaadhsiiyay hogaamintii hogaanka xisbiga ee talada hayay, farxad baanay ii tahay in aan ka mid ahaa, weli maynaan gaadhin halkii aynu hayaanka ku wadnay, waxaanan rejaynayaa in geedigu gaadhidoono halka aynu ku wadno oo ah, isbedel khayr qaba, insha allaahu maalmo ka wanaagsan kuwii ina soo maray oo aynu ku xaqiijino himilada umadeenu muddada dheer ay ku doonayeen dawladnimo kor u qaada hankooda, wax ka bedesha noloshooda, oo gaadhsiisa karaamo iyo sharaf, taas oo sabab u noqota in ay xaga hore ka galaan tartanka nolosha ee dunida, aakhirana ay ku tanaadaan. Waxaa xisbiga loo aasaasay taa aynu soo sheegnay xaqiijinteeda, waxa aynu u shiraynaa waa soo celinta rejada shacabka ee ku wajahan dawladnimadda, waxaynu u soconay maaha qof qof lagu bedelo ee waa in qaabkii hogaamineed wax iska bedelaan. Ma aha keliya madaxda oo isbedesha, laakiin isbedel siyaasadeed ayaa loo baahanyahay (Not only leadership change but political change) bulshada Somaliland waxay inaga sugaysaa, siyaasadii aynu ku jeexi lahayn geedisocodka mustaqbalka ee aynu dalkan ugu jahayn lahayn yoolasha dunidu beegsanayso, oo uu xisbiga Waddanina noqdo: Adeegaha bulshada, ilaaliyaha qaranka iyo horumariyaha dalka. Xaqiiqo ahaan waxaa igu kelifay in aan hortiina imaado oo isu sharaxo gudoomiyaha xisbiga, waa tuhunka aan naftayda ka qabo in aan hogaanka u qaban karo oo gaadhsiin karo xisbiga bartilmaameedkaa aynu kor ku soo sheegnay iyo bidhaanta hiraalka aynu haybsanayno, waxaan is leeyahay waxaad leedahay aqoonteedii oo waxaan haystaa sadex shahaado oo ah derajada labaad ee jaamacadda (Masters Degree), waxaan leeyahay khibrad maamul oo ka badan 20 sanadood iyo ogaal siyaasadeed oo aan ka yarayn dhawr iyo taban sanadood, iyada oo aan qayb ka ahaa hogaaminta xisbigan Waddani lixdii sanadood ee ugu danbaysay, anigoo shan sanadood iyo siyaado kalena, kaalin muuqata kaga jiray xukuumaddii tan ka horaysay, intaa waxaa ii dheer khibradda maamul ee aan kaga soo shaqeeyay Komishinka doorashooyinka iyo shirkadaha dalka ugu waaweyn. Waxaan aaminsanahay in aan aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba u diyaarsanahay hogaaminta xisbigan iyo hay’ado ka waaweynba, hubaalna waxaa halkan fadhiya qoorweyntii xisbiga iyo odayaashii hogaanka ee aanu soo wada shaqaynay oo maanta qiyaasi kara kartidayda iyo awoodayda hogaamineed, taas oo aan filayo in ay keentay dhacdadan maanta ee aad igu doorateen, waxaanan marnaba ilaawayn doorkii muhiimka ahaa ee ay labadan oday C/raxmaan Ciro iyo C/qaadir Jirde ku lahaayeen booska aan xisbiga kaga jiray, talowadaagtii aanu lahayn iyo dhiirigelinta ay i siiyeen ee igu garab galeen hamigii iga guuxayay, waana damaca maanta keenay in aan hortiina imaado. Mudanayaal iyo Marwooyin Hadii aad ii garateen in aan noqdo gudoomiyaha xisbiga, waxaan idiin balan qaadayaa in aan idinku hogaamin doono waxa uu dhigayo xeerka xisbiga, ilaalin doono shuruucda dalka, diyaarin doono qorshayaasha iyo barnaamijyada xisbigu u baahanyahay iyada oo aan heerarka maamul ee kala duwana la yeelandoono talowadaag, waxaan isku dayidoonaa talaabo kasta oo xisbigan waxtar u leh oo sharcigu inoo ogolyahay, waxaan ugu shaqayn doonaa si daacadnimo iyo firfircoone leh, waxaanan rejaynayaa in xisbiga iyo bulshada Somalilandba ku farxaan natiijada shaqo ee ka dhalata dedaalka iyo isku duubnida aynu dadkeena iyo dalkeena ugu shaqayno. Waxaan codsanayaa in aynu cududa, caqliga iyo cuudkaba isu gayno oo aad gacan buuxda iyo taageero igu siisaan xilka aad ii doorateen, doonimaayo mansab ee waxaan doonayaa in aan hogaamiyo isbedel khayr qaba oo dadkaygu mahadiyo, waxa bulshadu inaga sugaysaa maaha habel iyo hebel oo reer hebel ah isku bedel ee waa in dalkeenu helaa isbedel bulsho oo taabanaya nolashooda, dhaqaalahooda, aqoontooda, wacyigooda iyo qaabka ay u fekerayaan oo aqoon iyo ilbaxnimo weheliso.( Not only political change, but social change) Taasna waxaa mucaarad ahaan inagaga aadan oo uu yahay doorkeenu in aynu bulshada la dareen noqono, oo soo bandhigno dayaca xukuumadu samaysay, u kuur galno duruufahooda una soo tebino sida ugu haboon, mucaaradka mabda’a ahaan waxay tahay shaqadiisu in uu toosiyo wixii qaloocday, tilmaamo wixii xukuumadu ka gaabisay, farta ku fiiqno mashaariicda ay ahayd in la qabto ee baaqatay iyo in aynu ku dabagalno dawladda sida ay wax u maamushay, ujeedaduna waxay tahay umadda ayaa loo shaqaynayaa, xukuumaduna waa adeege, wixii ay qabatay waa laga sugayay, wixiise ka baaqday ayaynu kula xisaabtamaynaa, mucaaradkuna waa dheelitiraha dawladnimadda, sidaa darteed ayaana dastuurku xisbiyada uga dhigay tiir ka mid ah qaranka oo muhiim ah. Mudanayaal iyo Marwooyin Marka aynu dib u milicsano, dalkan iyo dadkan aynu doonayno in aynu isbedel ku samayno, waxaa muuqata koritaan la’aan hanaanka dimuquraadiyadda guud ahaan, hay’adihii dawladda oo ah qalfoof hoosta ka madhan (fake institutions) caado-dhaqameed xunxun oo culays ku ah dawladnimadda, qiyamkii bulshadda oo dhaawac weyni soo gaadhay, waxaa isaguna aad hoos ugu dhacay dhaqaaleheenii, gaar ahaan xoolihii noolaa ee aynu ku tiirsanayn, ayay halis tahay in ay meeshaba ka baxaan, ma aha arinta dhaqaaluhu qiyaastayda ee “Warbixinta u dambaysay ee Bangiga Aduunka ayaa sheegaysa in dhaqaaleheenu hoos u dhacay” waana xaqiiqo in dadkeena inta badani ay ku noolyihiin duruuf aad u qalafsan. Sidaa darteed, ma aha waxaynu u soconaa, isbedel siyaasadeed oo xilalka lagula kala wareego oo keliya (Not only positional change but institutional change) Xukuumadda waa in ay xooga saartaa, hubinta iyo horumarinta dhidibada qaranku ku taaganyahay (deep state) oo aynu iminka iyo hadhawba isku hawlaa, dhismaha iyo taabogelinta hay’ahada dawladda oo tan xisbigu ugu horayso, Marka aan dib ugu noqdo, arrinta hoos u dhaca qiyamka. Tusaale ahaan, “C/qaadir Jirde, wuxuu ka tanaasulay musharaxnimadii gudoomiyaha xisbiga oo uu ahaa qofkii ugu mudnaa, waa ninka aad garanaysaan inta uu siyaasada ku soo jiray, wuxuu ka midyahay dadka dastuurka Somaliland ku saxeexan ee tacabka geliyay, waa nin qaran oo cidiba iskuma khilaafto, hadii in uun birmageydo siyaasadeed jirto wuxuu noqon lahaa dadka ugu horeeya, waxaa yaab leh in qaar yidhaahdaan waa lagu iibsaday, lacag baad qaadatay iyo hadalo aad u rakhiis ah, waxaa meesha ka maqan qiimayntii toolmoonayd ee qofka xilka diida, ka is dhawra iyo kan qaranimada ilaaliya lagu qiimayn laha, waa waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (value is more expensive than any price) waxaa jirta iyaduna odhaah Hadraawi lahaa “Dushooda ma eegayaan, dunuunuc bukay liqeen, dalqay wax ku eegayaan, dil bay u hamuumayaan” Xadiiska ku sugan Saxiisul-Muslimka, ee uu soo saaray Abu Hirayra wuxuu Nebi Maxamed SCWS ku tilmaamay: – عن أبي هريرة – رضي الله عنه – عن النبي – صلى الله عليه وسلم – قال: “أتدرون مالغيبة – قالو الله ورسوله أعلم، قال: ذكر أخاك بما يكره – قيل أريت إن كان في أخي ما أقول؟ قال: إن كان فيه ما تقول فقد اغتبته، وإن لم يكن فقد بهته” Mudanayaal iyo Marwooyin Hadii aan si kooban u tilmaamo qorshaha aan ku talogalay iyo qaabka hogaamineed ee aan jecelahay in aan raaco, ugu horayn aragtidayda siyaasadeed ma qarsoona oo waxay ku xardhantahay buugtayda, waxaanay tahay “Gaadhsiinta ummadayda nolosha ugu wanaagsan iyo sharafta ugu sarraysa” taas oo ku qotonta ujeeddadayda odhanaysa “Waxaan doonayaa in dadkaygu nolosha uga faa’iidaysto sida ugu wanaagsan” walaalyaal mustaqbalkeena kuma gaadhi karo riyo keliya, ee aan u halganno xaqiijinta hiraal qudha, oo aan saxiib ku noqonno hal ujeeddo, caqabadaha iyo carqaladuhu weligood innama celin doonan marka aynu leennahay geesinnimo aynu yoolkeena ku gaadhno. Ogow, bini aadamka waxaa saamayn togan ama taban ku yeesha go’aamada uu qaato, waxaanu gurtaa midhaha tacabkiisa. Marka aan u imaado, sumadda aan jecelahay in uu Waddani yeelandoono waxay tahay sida aan kor ku soo sheegay, Waddani waa “Adeegaha bulshada, ilaaliyaha qaranka iyo horumariyaha dalka” sidoo kale, aragtida xisbigeenu wuxuu ahaa sidan “Higsiga Waddani waa Jamhuuriyadda Somaliland oo ku waarta dal iyo dad midaysan, annaga oo sugnay qormada aanu ku leenahay adduunka, ahna qaran dhistay bulsho ku nool nabad, barwaaqo iyo dimuquraadiyad” hadii aad ila qaadataan waxaan odhan lahaa sidan “Waddani wuxuu u taaganyahay ilaalinta dalka, dadka iyo diinta, xaqiijinta Jamhuuriyadda Somaliland, dhisida bulsho ilbax ah iyo dawladnimo casri ah” Waxaan xooga saaridoonaa ka qayb qaadashada wax kasta oo ku saabsan dhismaha dalka, kobcinta xidhiidhka bulshada isku duubnida iyo midnimada dalka, xoojinta dhaqaalaha iyo horumarka, ilaalinta dhaqanka suuban iyo diinta, ku dhaqanka shuruucda (rule of law) iyo dhawrista xoriyaadka aasaasiga ah. Xoojinta maamul wanaaga oo ka bilawda xisbiga ilaa xukuumadda Waddani, anaga oo mudnaanta siindoonna tababaridda iyo kor u qaadida aqoonta iyo dareenka ku wajahan xisbinimada, isla markaana wakhti gelinayna soo saarida kaadirka xisbiga, kaas oo u diyaarsan in uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro hanaanka dimuquraadiyadda iyo tartanka Waddani ugu jiro in uu hanto taladda dalka kuna hirgeliyo barnaamijkiisa siyaasadeed. Barnaamijka xisbigu wuxuu xambaarsanyahay himilooyinka xisbiga ee ujeedeeyinka dhaw iyo kuwa dheer, anaga oo la kaashanaya xubnaha hogaanka, fulinta iyo xubnaha kale ee lagama maarmaanka u ah, waxaan isbedel iyo kaabis ku samayn doonaa barnaamijka xisbiga. Diyaarinta iyo qabyatirka dabadiina, waxaan dhisi doonaa habka isku xidhka qorshayaasha iyo samaynta istaraatiijiyadda loo raacayo doorashooyinka, diyaarinta agabka loo baahanyahay iyo farsamooyinka lagama maarmaanka u ah. Waxaana looga baahanyahay masuul kasta oo hadlayaa in uu ka dhimbiil qaato barnaamijka xisbiga saldhigna uga dhigo doodihiisa. Si aan arrintaa uga midhadhalinana waxaan soo saaridoonaa, hab-maamul xidhiidhinaya haykalka kala duwan ee xisbiga, hab-raacyada iyo jaangoynta shaqo oo ku astaysan nidaamka maamul daadejinta gun ilaa baar, taas oo ay ku cadahay muuqaalka isu tebinta maamul (Organisational Chart), warbixinta masuuliyadaha iyo waajibaadka shaqo ee qof kasta laga rabo ee lagula xisaabtamayo. Mudanayaal iyo Marwooyin Waxa aan jecelahay in xil-gudashadeenu ku qotonto xaqiiqo, oo dhaliilaha aynu soo bandhigaynaa ay noqdaan qaar la hubiyay ama salka ku haya cilmi baadhis, taas oo soo jiidan karta garwaaqsiga bulshada isla markaana, xujo ku noqon karta xukuumadda, oo qofkii wax saxayana siin karta fursad, waayo; ujeedadeenu waa toosin iyo in aynu helo taageerada bulshada oo aynu dhankeena soo marino inta samaha jecel. Arintaasina waxay keensanaysaa in aan abuuro xafiiska baadhista iyo horumarinta (Research and Development Office), halkaas oo ay hawl wadeennada xisbigu ka helidoonaan xog ku filan oo ay u adeegsadaan hawlahooda shaqo. Waxaa isaguna muhiimad taa la mid ah leh, xafiiska xuuraanka iyo dabagalka hantida qaranka (Intelligence and National Asset Surveillance Office) kaas oo shaqadiisu tahay helista xogaha muhiimka ah, ilaalinta iyo korjoogtaynta hantida qaranka, xogoha xafiiskani ururin doono oo muhiimad weyn u yeelan kara bulshada Somaliland iyo xisbiga Waddani labadaba, halkaas oo ay masuuliyiinta xisbigu ka heli doonaan xog ay ugu doodaan inta dulman ama hadii waxba loo qaban waayo, noqon doonta kayd ay weheshadaan bulshadu oo dawladda Waddani ama dawlad kasta oo timaada ay ula tegidoonaan. Waxay tahay arintan macnaheedu, Waddani waa wehelka bulshada duruuf kasta oo ay ku suganyihiin. Xisbiga Waddani wuxuu mar walba la jiraa samaha, deganaasha iyo ilaalinta nabadgelyada dalka, waanu ka soo horjeednaa wax kasta oo keenaya khalkhal ama ku lug leh xagjirnimo iyo argagixisanimada, waxaanu gacan buuxda ka siinaynaa hay’adaha amniga wixii nalooga baahdo. Waddani wuxuu si taxadir leh ula soconayaa isbedelada iyo waxyaalaha ka dhacaya gobolka, anaga oo dawladda ku dhiirigelinayna xidhiidh wanaagsan oo lala yeesho wadamada jaarka ah iyo macaamil hufan oo aynu la wadaagno wadamada dunida, taas oo fure u noqon karta qadiyadda Somaliland, anaga oo mar kasta u taagan sidii dalkani uga mid noqon lahaa beesha caalamka una heli lahaa aqoonsi buuxa. Hadaba, si aynu halkaa u gaadhsiino Somaliland, ugana *****no rejada shacabku inaga qabo, waxaa lagama maarmaan ah, in aynu gaadhsiino talada ugu saraysa musharixa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku qalabaysan barnaamij siyaasadeedkii oo dibu habayn lagu sameeyay iyo istaraatiijiyadda maamul iyo hogaamineed ee ay dalka ku maamulilahaayeen. Hadii aanu nahay kooxdan aad hogaanka u doorateen, marka aan derisno shaqada, waxaan guddiga fulinta u soo gudbin doonaa, qorshaha maamul, anaga oo isku xidhayna heerarka kala duwan ee maamul iyo dhamaan qaybaha xisbiga, waxaanu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulidoonaa sidii aan arrintaa u xaqiijin lahayn, waxaanu dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga ka codsanaynaa in ay gacan buuxda nagu siiyaan arrintaa. Mudanayaal iyo Marwooyin Iyada oo ay badan yihiin caqabadaha dabarka ku ah horumarkii xisbi iyo dawladnimo guud ahaan, marka aan soo ururiyo, sida aynu la wadaagno xisbiyada kale ee dalka, qaabka xisbiyadu u dhisanyihiin maanta waxa aad moodaa in wixii ugu horayn lahaa ee saldhiga u noqon lahaa jiritaankoodu uu meesha ka maqanyahay, waa mabaadiidii siyaasadeed (Political Ideology ) mana hawl yara hirgelinteedu marka la eego meesha aynu marayno iyo waayaha aynu la noolahay, waxase aanu isku dayaynaa in aanu abqaalo oo dhisno dariiqii lagu gaadhi lahaa, muhiimad weyna waxaan siindoonaa kobcinta iyo kor u qaadida aqoonta hawl wadeenada xisbiga, tababarrada ku wajahan xisbinimada iyo dibu habaynta xafiisyada laamaha gudaha iyo debedda ee xisbiga Waddani. Dhamaan intiina siyaasadda u hanqal taagaysa, gaar ahaan dhalinyaradda waxaan leeyahay diyaar baanu idiin nahay hogaan ahaan, waxaanu doonaynaa in aanu kula dedaalo, kuuna diyaarino shaqada aanu kuu dirayno ee adigu ha daalin, hana dayacin masuuliyadda laguu dhiibay, waar raga berito mataxnimada doonayow, maanta hanaan madaxnimo u dhaqan oo ha kaa muuqato. Minqiyaaskaagu yaanu noqon sawirrada iyo muuqaallada saxaafada, laakiin, ha noqdo maxaad fulisay waajibaadkii lagu saaray, himiladaadii maxaad gaadhay, madhaxa iyo dhaxalku waa dalka e, maxaad u qabatay. Aan idin xasuusiyo shanta arimood ee uu tilmaamay Imaamu Shaafici in madaxtinimada lagu gaadho: 1) Runta oo aad dhaqan ka yeelato.. 2) Sirta oo aad ilaaliso. 3) Balanta oo aad oofiso. 4) Dadka oo aad u nasteexayso. 5) Amaanada oo aad ilaaliso. Kitaabka, Siyaru-Calaam Anubalaa – Imaamu Dahabi – Ogow, wax kasta oo aad ku hamidaa sax ma wada aha, ha rumaysan beentaada, riyaadaada suuree oo sawir maskaxeed u bedel iskuna day in aad ficil ku xaqiijiso, waa suuragal markaa in aad gaadho meel kasta oo saraysa hadii aad isu diyaariso ilaahayna la kaashato. Gebogebadii Aniga oo ku hadlaya afka xisbiga Afka ergada fadhida ee kalsoonidoonii i siiyay iyo guud ahaan Xisbiga Waddani ee masuuliyadiisii la ii caleemo saaray, waxaan halkan ka soo jeedinayaa qodobado aanu muhiim u aragnay ee shirweynahani xooga saaray : Waxaanu dawladda ugu baaqaynaa in la ilaaliyo xasiloonida iyo midnimadda Jamhiiriyadda Somaliland. Komishinka doorashooyinka qaranka waxaanu ugu baaqaynaa in ay doorashooyinka wakhtigeedii ku qabtaan, xisbi ahaana diyaar baanu u nahay in aanu ku garab galo sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen. Waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay xaqdhawraan xuquuqda aayo ka tashiga dadkayga oo ay garwaaqsadaan rabitaanka bulshadda Somaliland ku doonayso madaxbanaani buuxda oo ay kaga mid noqdaan qaramadda midoobay. Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay, noo sabra, waanu ka *****n doonaa rejada aad naga filaysaane, insha allaahu waxaynu gaadhidoonaa maalmo kuwan ka fiican, isku duubnaada oo cadawgeena aan meel uga soo wada jeesano, ha ku asqoobina hirdanka siyaasiyiinta ee hadba ka wanaagiina wada u hiisha, hana ka werwerina mustaqbalka wax wanaagsan ayaa inoo soo socda idam Allah. Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu kuwa dawladnimada hayana dhibtooda iyo dhagartooda inaga badbaadiyo, kuwa imandoonana tubta wanaagsan iyo talada khayrka leh in ilaah ku toosiyo, idilkoodna garansiiyo wixii ay inoogu jirto wanaaga aduunyo iyo aakhiradeenu. Ilaahay ayaa mahad leh, aad baad u mahadsantihiin. Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani. Source
  8. (SLT-Toronto)-Maayirka magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa la kulmay qaar kamid ah bulshada iyo ganacsatada Soomaalida isagoo kala hadlay wax ka qabashada dhibaatooyinka heysta oo ay kamid yihiin dilalka dhallinyarada. Toronto waxaa degan kumanaan Soomaali ah, hase yeeshee Jaaliyadda ayaa sannadihii dhowaa la kulantay dhibaato ay ugu weyn tahay dilka wiilal badan oo Soomaali ahaa. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan ay ka sameeyeen degmada Dharkenley iyo deegaanka Ceelasha Biyaha. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen laba sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska nabad sugidda. Sidoo kale NISA ayaa shaacisay in labada sarkaal ee la soo qabtay uu mid ka mid ah ka tirsan yahay amniyaadka iyo halka midka kalena uu qaabilsan yahay aasidda miinooyinka. NISA ayaa sidoo kale sheegtay in muddo lagu raadjoogay saraakiishan oo xogtoooda la hayey, waxayna u mahadcelisay shacabka deegaanka oo la shaqeeyey. ”Waxaa boggaadin mudan shacabka Soomaaliyeed oo si wanaagsan sirdoonka ula shaqeeyey, xogta saraakiishaana la wadaagay laamaha sirdoonka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan xoojisay howl-gallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga. Si kastaba, Muqdisho ayaa dhowaan martigelineysa doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka iyo mida madaxweynaha oo aad loo sugayo, maadaama loo galayao tartan adag. The post NISA oo shaacisay xogta laba sarkaal oo lagu qabtay howl-gal ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. Two explosions in the heart of Uganda’s capital killed at least two people and sent parliamentarians rushing for cover as nearby cars burst into flames, witnesses and media reported, the latest in a string of bombings over the past month. Source: Hiiraan Online
  11. Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashooyinka ayaa soo saaray tirada haweenka ee maamul gobaleedyada laga soo dooranayo. Maamul gobaleedyada dalka ayaa loogu baaqay in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee Baarlamaanka golaha shacabka. 82 xildhibaan oo qeyb ka ah golaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan dhamaan dowlad gobaleedyada . Haweenkan ayaa laga rabaa in maamulka Puntland oo 37 kursi ku leh golaha shacabka in ay ka soo baxaan 11 Haween ah, halka Maamulka Jubbaland oo 43 kursi ku leh golaha shacabka loo qoondeeyay in ay 13 Haween ah ay ka soo baxaan si loo ilaaliyo qoondada haweenka. Maamulka Koonfurgalbeed oo golaha shacabka ku leh 69 xildhibaan ayaa loo qoondeyay in ay ka soo baxaan 21 Haween ah, maamulka Galmudug oo 37 xildhibaan ku leh golaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan 11 Haween ah. Hirshabeelle oo 38 xildhibaan golaha shacabka ku leh ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo doorto 11 xildhibaan oo haween ah. Somaliland oo ah maamulka labaad ee ugu kuraasta badan golaha shacabka kuna leh 46 kursi ayaa lagu wadaa in ay doortaan 14 Haween ah, Halka Banaadiriga oo kuraasta ugu yar ku leh golaha shacabka iyagoo heysta 5 kursi lagu wado in ay ka soo baxdo hal Haweeney ah. Wadarta guud ee xildhibaanada 275 ayeey haweenku ku leeyihiin 82 mudane oo ah qoondada loo qoondeeyay in ay Baarlamaanka golaha shacabka ku yeeshaan. Source: goobjoog.com
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ayada oo aad loo rumeysnaa in ra’iisul wasaare uu safarkiisa Dhuusomareeb uga faa’iideysan doono inuu dhameeyo xiisadda Ahlu-Sunna iyo Galmudug, lana kulmo culimada, ayaa xukuumadda waxay soo saartay war kaas ka duwan. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qeyb ka ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ee gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in qorshaha Rooble aysan ku jirin in wadahadal uu la galo xoogagga Ahlu-Sunna ee dhawaan dagaalka la galay Galmudug. Waxaa lagu han-weynaa in Rooble uu u kala dab-qaadi doono maamulka Galmudug iyo culumada hubeysan ee Ahlu-Sunna oo fariisin ka dhigatay deegaanka Bohol oo qiyaastii 40 KM Dhuusamareeb u jira, balse hadda wafdiga Rooble waxa uu shaaciyey intaasi aysan dhici doonin. “In R/Wasaare Rooble uu wadahadal la geli doono Ahlu-Sunna waxaba kama jiraan, meeshaan waxaa ka jira maamul la yiraahdo Galmudug, ra’iisul wasaaruhu mowqifkiisa mar hore ayuu cadeeyey, kaas ayuuna ku taagan yahay weli, maamulka iyo madaxda halkaan ka jirta ayuu ra’iisul wasaaruhu la garab taagan yahay caawinaada ay u baahan yihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in qorshaha uu Rooble u tegay Dhuusamareeb uu yahay in madaxda Galmudug uu kala hadlo dedejinta doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, isla markaana uu sidoo kale tegi doono xarumaha kale ee dowlad goboleedyada dalka. Janeraal Aadan Abshir Nuur (Laba Afle) oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa maalin ka hor shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, kadib mudo 12 maalmood ah oo Ahlu-Sunna uu kula shirsanaa deegaanka Bohol, waxuuna shaaciyey in natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday wadahadalkii uu maalmahaas kula jiray Ahlu-Sunna. Jeneraal Laba-Afle waxuu sheegay in isaga iyo saraakiishii la socotay ay soo wakiilatay dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena ay la tashadeen Madaxweynaha Galmudug, si loogu kala dab-qaado Ahlu-Sunna iyo Galmudug, sidaasna ay ku tageen deegaanka Bohol oo fariisin u ah Ahlu-Sunna, balse waxaba ay ka dhaadhi waayeen kooxda, isagoo sheegay inay kala kulmeen damac aan xiligaan suurta-gal ka aheyn Galmudug. Safarka Ra’iisul wasaaraha oo ku soo aaday maalin kadib hadalkaas ka soo yeeray Jeneraal Aadan Laba-Afle ayaa dadka reer Galmudug geliyey rajo ah in wax un waan-waan ah uu ka dhex bilaabi doono Ahlu-Sunna iyo Galmudug, balse wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo qeyb ka ah wafdiga Rooble ayaa la hadlay warbaahinta dowladda, waxuuna meesha ka saaray rajadaas. Hoos ka dhageyso wareysiga Al-Cadaala The post DF oo go’aan lama filaan ah kasoo saartay la-kulanka ROOBLE ee Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
  13. WASHINGTON (HOL) - China has demanded that the three decades old arms embargo on Somalia be pegged on milestones which the country can be judged upon instead of a blanket ban and year-in-year-out extensions. Source: Hiiraan Online
  14. Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Kismaayo ayaa ka hor yimid warqaddii shalay ka soo baxday Xafiiska Duqa degmada Kismaayo ee lagu hakiyay dacwadihii dhulka. Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Muuse Cismaan Geeddi ayaa sharci-darro ku tilmaamay warqadda warqaddii shalay ka soo baxday Xafiiska Duqa degmada Kismaayo ee lagu hakiyay dacwadihii dhulka. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Kismaayo oo ka hortimid warqad ka soo baxday duqa degmada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana halkaas soo dhaweyn diiran ugu sameeyey halkaas dhigiisa Saciid Cabdullaahi Deni. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa yeelanaya kulamo dhowr, oo imanaya xilli 20-ka bishaan la filayo inay inta badan maamul Goboleedyada bilaabaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka. Deni iyo Axmed Madoobe ayaa is watay siyaad ahaan tan iyo markii Farmaajo uu u bareeray dagaalkii Jubbaland. Saciid Deni waa musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna isku arkaa ninka kaliya ee Farmaajo ka hor istaagi karo inuu mar labaad ku guuleysto kursiga Villa Soomaaliya. Wuxuu si toos ah dhabarka u xijiyey siyaasiyiintii Muqdisho ee uu dagaalka jilbaha u geliyey, waxaana magaalada Garoowe lagu qeybsanayaa mirihii mucaaradimada xilli madashaas aysan waxba ku laheyn xubnihii mucaaradka ugu halganka, qeylada iyo qarash bixinta badnaa. Waxaan la hadalnay siyaasiyiin kala duwan si aan wax uga ogaano ujeedka kulanka labada Nin. Saciid Deni wuxuu in muddo ah ka shaqeenayey in Farmaajo uusan siyaasad ahaan usoo kaban, Axmed Madoobe iyo isaga aysan isku soo noqon, siyaasiyiinta Xamar kasoo jeedana ay xiisadda sii xoojiyaan gunaanadka uu ugu yimaado Farmaajo oo itaal daran, mucaaradkii oo la karaahsaday iyo Axmed Madoobe oo cidla taagan. Waxay u muuqataa in shaqadiisii uu in badan qabsaday, laakiin guuxiisii xilli hore banaanka yimid ayaa sababay in mucaaradkii ka aamin baxaan, Farmaajana uu isku sameeyo is-daahirin siyaasadeed, maamul Goboleedadii kale difaac ka galaan, dood adagna la dul dhigo inuu leeyahay tayo hoggaamineed oo samata bixin karta Soomaaliya. Markii aan usoo laabano kulanka Garoowe, Axmed Maxamed Islaam dhowr Senator ayuu Saciid Deni uga soo saaray Magaalada Kismaayo halkaas oo lagu doortay 8 xubnood oo Aqalka Sare ah. Sidoo kalana wuxuu Saciid Deni maamulay 11 Senator oo uu aaminsan yahay inuu isaga leeyahay, balse waxay wararka sheegayaan inuusan 3 kamid ah isku haleyn karin kuwaas oo durba farahooda lagu arkay meelo kale. Hadda Saciid Deni wuxuu rabaa in Axmed Madoobe iyo isaga ka heshiiyaan inta kursi ee uu uga soo saari karo Jubaland. Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu gacanta ku heysto liis xidhibaano ah oo uu rabo inuu kasoo saarto Puntland, si taas lamid ahna wuxuu Axmed Madoobe ka rabaa inuu u qoro tirada xubnaha uu siin karo si uu lacagtooda u baxsado. Xubnahaan sida jarka ah loo kala iibsanayo inay berri cod siin karaan Saciid Deni waa dood kale oo haddii diiwaankii hore lagu laabtana cabsideeda leh. Axmed Madoobe wuxuu u muuqdaa siyaasi gudaya abaal aan muuqan. Saciid Deni isagoo og in madaxweyne Farmaajo waxba u dhimin Puntland ayuu cadaawad jeebkiisa ah u sameeyey Puntland iyo Farmaajo si uu ugu diyaar garoobo qorshihiisa Villa Somalia. Inkastoo Axmed Madoobe uusan wax gooni ah ka faa’idin dagaal siyaasadeedkii mudada socday oo uu maanta joogo Kismaayadiisii shalay, haddana si guud Saciid Deni ayuu u arkaa nin u hiiliyey waqtigii uu jilicsanaa. Jubaland waxaa taalo 43 kursi oo xildhibaanada Golaha Shacabka ah, laakiin 16 kamid ah waxaa lagu dooran doonaa Magaalada Garbahaarey, halkaas oo uusan wax badan ka gelin Axmed Madoobe waqtigaan, halka ay Magaalada Kismaayo taalo 27 Kursi oo uu go’aanka ugu dambeeyo leeyahay Axmed Madoobe. Kooxda Saciid Deni geedka fadhiga u ah ee Aaran Jaan waxay si aan qarsooneyn u sheegayaan in 27-daas kursi ee Kismaayo taalo ka rabaan 20 kursi. Marka al eego sida ay marxaladuhu isku saaran yihiin iyo cariiriga muuqda waa adag tahay in lagu deg dego in Saciid Deni qaadan karo xilka madaxweyaha Soomaaliya, laakiin sheekada u baahan fahamka dhabta ah waa sida uu hoggaamiyaha Jubaland u aqbali karo inuu dakano siyaasadeed u galo qof kale dartiis. Laakiin kooxdiisa qaar waxay isku qancinayaan inay yihiin shirko siyaasadeed oo raba inay wada-qaataan Villa Somalia. Kulankaan kadib Labada Nin ee Deni iyo Axmed Madoobe waxaa la filayaa inay bilaabi doonaan doorashada Golaha Shacabka. The post Xog: Ujeedada qarsoon ee ku duugan kulanka Saciid Deni iyo Axmed Madobe ee Garowe appeared first on Caasimada Online.
  16. Wararka ka imaanaya caasimadda Uganda ee Kampala ayaa sheegaya in goordhaw ay laba qarax oo xooggan ay ka dhaceen bartamaha magaalada. Qaraxyada ayaa sababay burburka hanti fara badan iyo Dhimashada laba qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen toboneeyo dad rayid ah. Muuqallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya gawaari fara badan oo ku gubaneysa goobta uu qarax uu ka dhacay. Illa iyo hadda macadda kooxda ka dambeysay qaraxa, mas’uuliyiinta Uganda ayaa ku eedeyay koox aragagixiso ah oo ka dagaalanta Congo. Bishii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale qaraxyo uga dhaceen gudaha dalka Uganda halkaas oo dad shacab ah ay ku dhinteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa maanta loo doortay Xirsi Xaaji Xasan, kaas oo shanta sano ee soo socata hoggaamin doonta xisbiga. Xirsi Xaaji Xasan ma jirin cid kula tartantay guddomiyaha xisbiga Waddani, waxaana u coddeeyey kun iyo laba boqol iyo shan iyo labaatan (1,225) ergay oo ka qeybgalay shirweynaha labaad ee xisbiga. Xirsi Xaaji Xasan oo wasiirka madaxtooyada ka soo noqday xukuumadii Axmed siilaanyo, ayaa kamid ahaa xubnihii ugu saameynta badnaa dowladdaas iyo xisbiga Kulmiye, balse 2016 ayuu ku biiray xisbiga mucaaradka Waddani oo ka noqday hoggaamiyaha xisbiga. Sidoo kale Milgo Maxamed Cilmi Sanbalooshe ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani ee shanta sano soo socota, halka xoghayaha guud loo doortay Khadar Xiseen Cabdi. Guddoomiyaha hore ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa shalay shaaciyay in uusan mar labaad u tartamay guddoomiyaha, waxaana xisbigu u wataa musharax madaxweyne, doorashada madaxtinimada Somaliland oo lagu wado in ay dhacdo 13 November 2022. PUNTLAND POST The post Somaliland: Xisbiga Waddani oo doortay guddoon cusub appeared first on Puntland Post.
  18. Shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI ayaa Guddoomiyaha ku-xigeenka Xisbiga WADDANI ee shnata sanno ee soo socota loogu doortay Marwo Milgo Maxamed Cilmi Sanbalooshe Ergada shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI ayaa u doortay inuu kamid noqdo Guddoomiye ku-xigeenadda shanta sanno ee soo socota Abiibakar Good,kaas oo cod aqlabiyada ah lagu ansixiyey Ergada shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI ayaa u doortay inuu kamid noqdo Guddoomiye ku-xigeenadda shanta sanno ee soo socota Axmed Xaaji Cabdillaahi Xamarji, waxaana lagu doortay cod gacan taag ah oo aqlabiyada ah Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye ayaa ergada shir weynaha Xisbiga WADDANI ay u doorteen inuu kamid noqdo Guddoomiye ku-xigeenadda Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota Saleebaan Ducaale Jaamac ayaa ergada shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI ay u doorteen inuu ka mid noqdo Guddoomiye ku-xigeenadda Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota Xuseen Cabdi Boos ayaa ergada shir weynaha Xisbiga WADDANI ay u doorteen inuu ka mid noqdo Guddoomiye ku-xigeenadda Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota Shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI ayaa Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota inuu noqdo loogu doortay khadar Xuseen Cabdi,kaas oo cod aqlabiyad ah loogu doortay. Jamaal Jamaac Xaamud ayaa loogu doortay shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI inuu noqdo ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota. Source
  19. Gudoomiye-xigeenkii hore ee Gobolka Sool ee xilka wareejiyay ayaa yidhi sidan. Madaxwayne Muuse waxaan leeyahy waxaa iga horeeyay 5 Gudomiye ku xigeen markii xilka laga qaadayna way baaba’een, mid wuxu noqday Hudheele,Mmidna Adhi ayuu miyi ku haystaa<Midna wuxu noqday Bajaajle,Aniguna hada garanmayo meelan qabto. Qaran News
  20. Xirsi oo loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ee shanta Sanno ee soo socota ayaa waxa loo doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan,kaas oo ay ergadda shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI cod aqlabiyad ah ugu doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha shanta sanno ee soo socota ee Xisbiga WADDANI,waxaana u coddeeyey kun iyo laba boqol iyo shan iyo labaatan ergay 1,225,waxaana madasha fadhiyey 1240 Ergay, Cid la tartantayna ma jirin. Sidoo kale waxaa la doortay ku-xigeenada kala ah:- Marwo Milgo Maxamed Cilmi Sanbalooshe Abiibakar Good Axmed Xaaji Cabdillaahi Xamarji Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye Saleebaan Ducaale Jaamac Xuseen Cabdi Boos Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI ayaa loo khadar Xuseen Cabdi Jamaal Jamaac Xaamud ayaa loo ku-xigeenka Xoghayaha Guud Muqaalka Guud ee Shirka Maalntii 2aad Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ku eedeeyey inuu boob ku hayo doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee xildhibaanada golaha shacabka, sidoo kale Boqor Maxamed waxa uu sheegay in lagu weeraray guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho. Boqor Maxamed ayaa sheegay in 9-ka kursi ee guddiga maamulka doorashada Somaliland ay jadwalkooda shaaciyeen uu qaar ka mid ah saxiixooda isagu lahaa, balse Mahdi Guuleed uu hadda qorsheystay inuu isagu saxiixdo kuraastaas, sida uu sheegay. “Halkaan waxaan u joognaa midnimada Soomaaliya, hadii maanta kuraasteena Muqdisho lagu boobo waxay dhabar jab ku noqon doontaa qaranimada Soomaaliya, anaguna tallaabo kale ayaan qaadi doonaa,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac. Boqorka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey 27-kii bishii hore uu ku socday weerar toos ah, isagoo eedeyn u jeediyey qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya oo sida uu sheegay loo adeegsaday. “Laba goor ayaa xilli habeen ah guriga la iigu soo dhacay, xafiisyo ay ku jiraan xeer ilaalinta guud ee qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha, CID-da, taliyaha guud ee ciidanka booliska iyo guddoomiyaha maxkamadda gobolka, ayaa naloo adeegsanayan, si loo boobo doorashada kuraasta BF, waxaan noogu daran wasiirka arrimaha gudaha oo si sharci darro ah u bedelaya odayaasheena dhaqanka, waxaan dalbaneynaa in deg deg loo joojiyo arrintaan boobka ah,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac. Dhanka kale Boqor Maxamed ayaa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee lagu dulmiyey doorashadaan waxuu ugu baaqay inay qabsadaan doorasho kale, isagoo balan qaaday inuu ka mid noqon doono odayaashooda saxiixayaasha ah. “Ka Boqor ahaan xil ayaa iga saran kuraasta Somaliland, waxaan ka turjumeynaa oo in ka badan 10 sano aan halkaan u joognaa midnimo Soomaaliyeed, waqti badan ayaa nooga lumay, welina kama aanaa quusan, dowladan waqtigeedu dhamaday, kuma sii eegan doono dibin-daabyada ay ku heyso dalka, gaar ahaan Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Boqor Maxamed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho. Hoos ka daawo The post Daawo: Boqor Maxamed oo shaaciyey arrimo xasaasi ah oo uu ku lug leeyahay Mahdi appeared first on Caasimada Online.
  22. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ee shanta Sanno ee soo socota ayaa waxa loo doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan,kaas oo ay ergadda shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI cod aqlabiyad ah ugu doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha shanta sanno ee soo socota ee Xisbiga WADDANI,waxaana u coddeeyey kun iyo laba boqol iyo shan iyo labaatan ergay 1,225. Guddoomiyaha la doortay ee Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa doorashadiisa ka dib waxa uu u mahad celiyey ergada Shirweynaha ee u codaysay Goor dhaw la soco warkan oo faahfaahsan Source
  23. Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya tan iyo dagaaladi sokeeye. War-ka soo baxay Golaha ammaanka ee qaramada mdioobay ayaa lagu sheegay in shalay oo Isniin aheyd golaha uu fadhi ka yeeshay cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya. Cunaqabateynta ayaa lagu kordhiyay muddo sanad ah kadib markii 15-ka xubnood ee golaha Ammaanka ay 13 ka mid ah u codeeyeen in la kordhiyo halka laba kalena ay ka aamuseen. Waxaana sidaas loogu kordhiyay hal sano oo horleh, taas oo la saaray cunaqabateynta dhinaca Hubka ah ee Soomaaliya. Xayiradda dhanka hubka ah ee saaran dalka ayaa aheyn mid quseysa Hubka, Qalabka Milliteriga, Talooyinka Farsamo, Dhaqaale iyo kuwa kale ee la xiriira Hawlaha Milliteriga ee loogu talagalay oo keliya horumarinta Ciiddanka Ammaanka Qaranka Somalia. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka in la dardargeliyo dhaqan gelinta Hab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Laba qarax ayaa Talaadada maanta ah ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ayaga oo dhaawacay tobaneeyo qof, waxaana booliska ay ku qeexaan weerar lagu soo qaaday magaalada. Qaraxyada ayaa ka dhacay bartamaha degmada ganacsiga ee Kampala, meel ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska iyo halka laga galo baarlamanka, sida ay sheegeen booliska. Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Ainebyoona Emmanuel ayaa twitter kusoo qoray in isbitaalka Mulago ee Kampala lagu daweynayo 24 qof, oo afar ka mid ah ay xaaladdoodu daran tahay. Ochom ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay meel ku dhow saldhigga booliska uu soo daadiyey muraayadaha daaqadaha, halka mid ka ka dhacay agagaarka halka laga galo baarlamanka ay ku gubteen gawaari tiilay baarkinka. PUNTLAND POST The post Laba Qarax oo ka dhacay magaalada Kampala appeared first on Puntland Post.