-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa saaka magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed lagu qabanaya doorashada afar ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Baydhabo, Kuraasta saaka doorashadoodu ay dhaceyso ayaa waxa ay kala yihiin: 1:HOP#103 2:HOP#41 3:HOP#42 4:HOP#189 Kuraastan oo hadda ergadoodu ay diyaar ku yihiin hoolka doorashada ayaa waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku kala fadhiyay xildhiibanada kale ah: HOP#189: Kursigaan ayaa isna waxaa Koonfur galbeed ku matalayay Sheekh Aadan Maxamed Nuur, hadana ka mid ah musharixiinta u taagan markale in ay Koonfur galbeed ku matalaan kursigaan. HOP#41: Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar, kaas oo ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanki 10-aad ee dalka. HOP#42: Kursigaan afaraad ee doorashadiisu maanta dhaceyso ayaa isna waxaa koonfur galbeed ku matalayay afari sano ee la so dhaafay xildhibaanad Hani Maxamed Aadan . HOP#103: waxaa afarti sano ee la soo dhaafay dowlad gobaleedka koonfur galbeed ugu fadhiyay xildhibaan Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari sidoo kalena ahaa guddoomiyiihii baarlamaanka golaha shacabka. Kursigaan oo uu horay Prof Jawaari ugu fadhiyay ayaa waxaa hareeyay muran fara badan kadib markii loo diiday in uu markale u tartami xildhibaanka, xilli shalay guddiga doorashooyinka heer federaal ay u shaaciyeen in ay joojiyeen doorashada kursigaan, iyadoo guddiga koonfur galbeed ee doorashooyinka ay sheegen in guddiga FEIT aysan xaq u laheyn joojinta doorashada kursigaan. Goopjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa shaaciyay in la hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursiga HOP#67 oo uu dhawaan ku soo baxay Yaasiin Fareey. Guddiga ayaa sheegay in ay in dacwad ay ka soo gudbiyeen xubna ka tirsan musharixiintii loo diiday in ay doorashada ka qeyb galaan iyo Nabadoonada beesha kursiga iska leh. War-ka ka soo baxay guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga ay muddo isbuuc ah ay ku soo gabagabeynayaan dhageysiga dacwadda kursiga HOP#67 ee uu ku fadhiyo Yaasin Fareey. Source: goobjoog.com
-
Beled-xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe askari “ka tirsan” ciidamada dowladda uu rasaas ku furay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa garoon lagu ciyaarayay kubadda cagta oo ku yaalla gudaha degmada Beled-xaawo, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho leh. Askariga oo ku hubeysnaa qoray Ak47 ah, isla-markaana ku socday Mooto Bajaaj ayaa la sheegay inuu tegay garoonka, xilli ay ka socotay ciyaar, kuna sugnaayeen dadweyn fara badan, wuxuuna kadib ooda uga qaaday rasaas, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan labo wiil oo ka mid ahaa dhalinyarada ciyaartoyda ee degmada Beled-xaawo, waxaana lagu kala magacaabi jiray, Zakariye Axmed Gaarane iyo Sharma’arke Cabdul, sida uu Aadan Cumar Barkhadle u sheegay VOA. Barkhadle oo ka mid ah waxgaradka magaalada ayaa sheegay inuu si bareer ah askarigaasi rasaasta ugu furay ciyaartoyda iyo dadkii kale ee daawanayey ciyaarta xilligaasi socotay. “Wuxuu ahaa nin orod ku yimid iyo qof dan-leh Bajaaj ku socday Bajaajta marka ay soo istaagtayna qoriga xabadda raacsaday naga leexi la yiri markii naga leexi la yiri meeshii uu ka leexin lahaa dadka qoriga ujeed kasta uu lahaaba rasaastii buu ooda uga qaaday labadaa wiil ayeyna haleeshay siyaabo halis ahna ayey ugu dhacday,” ayuu yiri Aadan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada wiil ee geeriyootay ay ahaayeen dhalinyaro aad u firfircoon, isla-markaana si weyn looga yaqaanay deegaanka. “Labada wiil ee ka midka ahaa dhalinyarada ciyaartoyda ee degmada Beled-xaawo weliba kuwooda la oran karo waa ubaxii hadda soo kacaayey oo ugu yar yar laba nin oo maashaa allaah oo firfircoon-bey ahaayeen oo aad u wanaagsan, aad loo jecelyahay,” ayuu raaciyey. Wararkii ugu dambeeyey ayaa haatan sheegaya in gacanta lagu soo dhigay askariga lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey falkaasi, kaas oo isku dayey inuu baxsado, waxaana socda baaritaano dheeri ah oo ku aadan dhacdadaasi ay waxyeelada kasoo gaartay ciyaartoyda. Si kastaba, lama oga sababta rasmiga ah ee uu askariga u beegsaday garoonka ay xilligaas ciyaarta ka socotay, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo. The post Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo weeraray garoon kuna dilay dhowr cayaartooy appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Addis Ababa)-Sawirro lagu qaaday satellite-ka oo ay heshay Al-Jazeera ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay taageero millatari oo baaxad leh siineyso dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta mucaaradka Tigray-ga. Baadhayaasha helay sawirrada ayaa isha ku hayey muddo saldhigyo ciidammada cirka ah oo ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, waxayna heleen caddeymaha in ka badan 90 duulimaad oo isaga kala gooshay saldhigga Sweihan ee Abu Dhabi iyo kan Harar Meda ee koonfurta magaalada Addis Ababa, intii u dhaxeysay September iyo October 2021. Asalka duulimaadyada badankood ayaa la qariyey ama la geliyey diiwaanka duulimaadyo kale oo caadi ah oo ayna laheyn. Daabulaadda hubka ayaa waxaa qandaraas ku qaatay laba shirkad oo gaar loo leeyahay oo mid laga leeyahay Spain, taasi oo sameysay 50 duulimaad iyo mid laga leeyahay Ukraine oo sameysay 30, sida ay ogaatay Al-Jazeera. Ma cadda haddii hubkan ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta iyo haddii ay tahay un marin hubka ay marinayaan dowlado kale. Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed, ayaa iska dhiga inuu yahay nabadeeyaha iyo dhex-dhexaadiyaha Geeska Afrika. Hase yeeshee shaac ka qaadistan ayaa tilmaameysa in Imaaraadka uu taageero xooggan ku siinayo Itoobiya dagaalka ay kula jirto Tigray-ga. Arrintan ayaa imaneysa iyada oo dowladda Abiy ay bilihii tegay jab xooggan kala kulantay Tigray-ga oo hadda kusii siqaya caasimadda Addis Ababa, una jira wax ka yar 200 km. Mid ka mid ah muuqaallada ay heshay Al-Jazeera oo laga qaaday saldhigga Itoobiya, ayaa muujinaya diyaarad u eg tan Shiinaha ay soo saaraan ee Drone-ka ah ee Wing Loong. Dowladda Ethiopia ayaa kordhineysay dhowaanahan diyaardaha Drone-ka ee ay ka hesho Shiinaha iyo Turkey, si ay gacan sarreyn uga hesho Tigray-ga. Si kastaba, xannibaad la saaray warbahainta ayaa adkeysay in caddeymo loo helo illaa iminka. Halkan hoose ka daalaco warkan Al-jaziir https://www.aljazeera.com/news/2021/11/25/uae-air-bridge-provides-military-support-to-ethiopia-govt Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dahabshiil Group iyo Marina Beach Estate ayaa ku dhawaaqay dhismaha shirkada cusub oo lagu magacaabo Dahab Marina Beach Estate LTD, taasi oo hirgelin doont mashruuc dhul baxaad ballaarn loogu dhisayo guryo saaran xeebta Muqdisho. War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareen Dahabshiil Group iyo Marin Beach Estate ayaa waxaa lagu sheegay in Dahab Marina Beach Estate ay noqon doontaa hormuudka degaanada Geeska Afrika ugu horeeya xagga Booska iyo Bilicda. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Daahfurka iyo bilaabidda dhismaha ay dhici doonaan December 2021, dhismaha mashruucana uu bilaabmi doono ugu danbeyn rubuca labaad ee 2022 ama ka hor. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran: Dahabshiil Group iyo Marina Beach Estate waxa ay ku faraxsan yihiin baahinta heshiis laba geesood ah oo ku dhisan istiraatijiyad mustaqbalka fog ah, kaas oo ay ku abuurayaan shirkad wadaag ah oo lagu magacaabo Dahab Marina Beach Estate LTD. Shirkaddan ayaa ka shaqayn doonta hirgelinta mashruuca Dahab Marina Beach Estate, oo dhul dhan 1,000,000 SQM looga dhisayo guryo xeebta saaran, oo in ka yar 5km u jira bartamaha magaalada Muqdisho. Dahab Marina Beach Estate waxa ay noqon doontaa hormuudka degaanada Geeska Afrika ugu horeeya xagga Booska iyo Bilicda, lehna wadooyin ku teedsan badda oo dhererkoodu gaarayo 2km, kana kooban degaan casri ah, goobo ganacsi, madadaalo, caafimaad, waxbarasho iyo adeegyo kale oo badan. Naqshadaynta iyo maalgelinta mashruucan waxa iska leh Dahabshiil Real Estate Company iyo injineero caalami ah oo ay Dahabshiil is-bahaysi leeyihiin, kuwaas oo alifay soona dhisay qaab dhismeedyo casri ah oo ku yaal meelo badan oo aduunka ka mid ah. Daahfurka iyo bilaabidda dhismaha wadooyinka waxa ay dhici doonaan December 2021, dhismaha mashruucana waxa uu bilaaban doonaa ugu danbeyn rubuca labaad ee 2022 ama ka hor. The post Dahabshiil Group iyo Marina Beach Estate oo SHIRKAD heer sare ah ku dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
-
A three-day training for top commanders of the Somali Police Force (SPF), tasked with running election security operation centres known as Joint Operation Centres (JOCs) in various parts of the country, during the ongoing elections in Somalia has ended with a call for them to implement lessons learnt. Source: Hiiraan Online
-
The Somali government on Saturday provided one million U.S. dollars in emergency assistance to help citizens who have been affected by the worsening drought. Source: Hiiraan Online
-
Maalintii Khamiista ee ina dhaaftay waxaa shir jaraa’id qabtay golaha mucaaradka ee ku midoobay magaca Midowga Murashaxiinta (MM). Shirkaas ayuu goluhu ku sheegay in waxa lagu sheegay doorashada ee dalka ka socda ay horseedi doonto burbur baaxad leh iyo caaqibo xun oo laga soo kaban waayo. Sidoo kale goluhu wuxuu sheegay inuu sii wadi doono shirarka dhexdooda ah si ay uga arrinsadaan qaabkii lagu badbaadin lahaa dalka. Taasoo u muuqatay ama loo fasiran karo waxaan dhisaysaa awood kale oo garab socota midda sharciga ah ee dalku leeyahay. Haddaba maqaalkaan gaaban waxaan ku eegi doonnaa saddex qodob oo kala ah: Cabashada Midowga maxaa ka run yaase masuuliyaddeeda leh. Laba, maxay noqonayaan tallaabooyinka u furan ee ay qaadi karaan? Iyo sadeex maxay dantooda iyo midda dalku ku jirtaa. Maxaa ka run ah cabashada mucaraadka? Waxaan muran iyo mugdi toona uusan ku jirin in waxa dalka ka socda ee soo billowday maalintii la doortay sanatar Fartaag iyo Iftiin Baasto aysan doorasho ahayn e yihiin xulasho. Xulasho aan loo sinnayn cid aan ka ahayn midda xulaysana aysan faker iyo ficil kale toona ka dhiiban Karin. Waa nooc aan horay Soomaaliya u soo marin in dib loo arkana aysan fududayn. Kama wado musuq noocaan ah doorashooyinki hore ma dhici jirin. Hubaashi boobki dhacay doorashadi 2016 kan hadda socda wuu ka xumaa oo taasu kursi kaliya lama boobine maal fara badan ayaa la kala boobay kuraasta qaarna dhiig ayaa loo daadiyay. Madaxdi markaas talada haysay ma aysan reeban awood iyo xirfad ay wax ku boobi kareeen ciddii ay rabeenna ku soo saari kareen. Waxa hadda nagu cusub waa dhib yaraanta wixii la doono loo marsanayo iyadoon qarash ku bixin, dad aan xabsi loo taxaabin cidna aan loo toogan. Waxaa muuqato awood xooggan oo aan la loodin karin in ay gacanta ku hayso kuraasta labada aqal sidii ay doonaanna ugu tagri falayaan. Sidaa darted in mucaraadku af labadii yeero la yaab ma leh. Waxaa se iswaydiin mudan sidee ku dhacday in awoodda intaas la eg dhowr qof marooqsato cid joojin kartaana aysan jirin? Imaanshaha arrintaan dad badan oo ku eedaysan ayay kow ka yihiin golaha hadda ka cabanayo. Waxaa la dhihi karaa afar qolo oo ku dedaashay marar kala duwan in ay waxa ay doonayaan helaan ayaa haadaan ka tuurtay doorashadi. Afarataas waa Beesha Caalamka (BC), labada mataanood ee Dini iyo Axmed (Mataanaha), Rooble iyo Midowga Murashaxiinta. Qallaaci ugu horreeyay wuxuu ahaa marki Mataanaha iyo MM’tu u arkeen in doorasho qof iyo cod ah oo la qabto fursad ay siinayso Farmaajo sidaas darteed ay u howl galeen sidii looga dhigi lahaa mid dadban oo awooddu dad badan leeyihiin. Ma xumayn hab fakerkaas oo waligeed madaxwaynaha xilka hayo inuu awoodda galiyo siduu kusoo noqon lahaa waa mid noo qoran. In laga dhigaa ama laga xiraa waddooyinka uu doonayo inuu ku soo noqdana waxay ahayd mid la fili karay. Laakiin kooxda labada guruub ah (MM iyo Mataanaha) ee doontay in doorashada laga dhigo mid dadban inta qalin iyo waraaq qaateen ma aysan tirin inta dhagaati ee uu leeyahay ninka ay is’hayaan. Ma aysan falanqayn dhagaaatiyaha ugu muhiimsan ee u baahan in la furo iyo sideey u kala horreeyaan. kama aysan tashan talloobooyinka ay qaadayaan iyo natiijooyinka ay hoggaamin karaan. Waxa kaliya ee u muuqday waxaa ay ahayd doorashada ha laga dhigo mid dadban si maamul goboleedyadu awoodda ula qaybsadaan fedaraaalka. MG’yadu, qaar, in ay yihiin dhagaatiyo kale isma aysan waydiin, haddii ay iswaydiiyeenna waa ay sahladeen. Sidoo kale, golaha MM oo ka kooban dad miisaan culus iyo jamaahiir siyaasadda muddo kusoo jirtay ma jirin wax mideeyo iyo ujeeddo qeexan oo ay ku wada socdeen marki laga reebo Farmaajo tartanka in laga reebo ama ugu yaraan gacantiisa laga saaro howlaha doorashada. Iyagoo intaas ka duulayo ayay taageero aan kala har iyo reebasho lahayn siiyeen Mataanaha oo ay u qarsoonayd dano kale. Dhib yaraan ayaa lagu gaaray in doorashada laga dhigo mid dadban laakiin in tartanka laga reebo ama gacantiisa laga saaro Jaalle Farmaajo waxay u baahatay dagaal iyo shaati siibasho. Howshaan waxaa dusha u ritay MM. Waxaa ay u bareereen khatar culus oo sharaftooda iyo sumcaddooda dhaawac weyn ku ahayd. Waxaa ay maalin cad malleeshiyaad hubaysan dhigeen jidadki caruurrtooda iyo xaasaskoodu isticmaalayeen. Waxay sabab u noqdeen in hooyooyinkood iyo maatidoodi ay qaxdo. Xamar ayay mar kale soo xasuusiyeen ayaamihi madoobaa ee isbaarada iyo isfurashada ku caanka ahaa. Foolxumo walba ha ka dhacdee waa ay gaareen ujeedkoodi ahaa in Farmaajo awoodda doorashada laga warejiyo. Hasa ahaatee, waxa ay intaas oo dhib iyo rabsho ah shacabka maatida ah ugu geysteen ma waxay ahayd in ay helaan fursad ay ku heli karaan tartan loo siman yahay? mise waxay ahayd Farmaajo oo aan doorashada maamulayn un aan aragno? Jawaabta iyaga ayay la jirtaa. Laakiin haddii la qiimeeyo sideey u dhaqmeen iyo maxsuulki kasoo baxay dagaalki ay hoggaamiyeen waxaa la dhihi karaa wax ay rabeen dad yaqaan ma ahayn. Waxaa tusaale noogu filan in gorgortanki ciidanka Xamar looga saaray aysan saldhig u ahayn doorka MM doorashada ku yeelanayaan. Wax shuruud ah oo iyaga awood siin karta ama barri ka maalin ay wax ku heli karaan ma aysan xiran. Waa ay jirtay in ay dhaheen golaha ha nalagu daro laakiin kuma aysan adkaysan. Dadki ay dhaheen awoodda ha loo dhiibo heshiis gooni ah oo ay la galeen ma jirin. Kaliya niyad sami ah ninka talada loo dhiibay ayaan isku qabiil nahay oo na qadin mahayo in lagu socday ayaa durba soo muuqatay. Halkaas ilduufki labaad ee ugu xumaa ayay ku dhaceen cashar se kama aysan baran. “Mar i dage Allaha dago mar labaad i daga se anaa isu degay.” Mar kale ayay dadaal badan galiyeen iska horkeenidda Farmaajo iyo Rooble waa ayna ku guuleysteen. Fursaddaan qaaliga ee soo martay, mar kale, ayay muujisay in aysan aqoon waxa ka maqan iyo waxa ay doonayaan. Rooble oo weedweed ah ayaa gacanta usoo galay. Taageero indho la’aan ah ayay mar kale siiyeen iyagoon waxba shardisan. Kuma aysan dadaalin in ay kala fogeeyaan Rooble iyo MG iyo in ay ugu yaraan isaga Rooble ah ku qasbaan inuu kala tashado tallaabooyinka uu qaadayo markuu galayo heshiisyada doorashada. Haa waxaan leeyahay in ay ku qasbaan. Waayo maalmahaas Rooble aad ayuu jilicsanaa oo wuxuu ahaa nin gabidhaclaynaya oo gol nugeylyo badan leh. Maaddama Farmaajo ay kala dhinteen, cid kale oo uu wax u xeerinayana aysan jirin awooddii doorashada, oo awalba isaga culeys uusan qaadi karin oo la saaray u muuqatay, ayuu si fudud ugu wareejiyay MG. Waabaa ku baryay MM qaylo ayayna af labadii dhawaaqeen. Laakiin ma aysan yeelan hal adayg e Deni ayaa ballan qaad iyo baasa-baasayn ku qanciyay iyagoo qoslaya ayuu aan “isu soo laabanno” uga tagay. Wixii ka danbeeyay awoodda doorashada cid aan MG ahayn oo wax laga waydiinayo ma jirin maaddaama fursadihii ugu danbeeyay laga ilduufay. Sidaa awgeed qaylada MM’tu macno ma leh sababtoo ah haddii loogu soo celiyo xataa sidii ayaa mar kale loo marsan. Maxaa u furan haatan? Dhowr tallaabo ayay qaadi karaan. Kow waa in ay mar kale hub aruursi iyo tolbeelay dhahaan. Waxaa taariikhda gashay erayadii MW Xasan Sheekh kula hadlay madaxda ciidamada ee ku beesha ah maalintuu yiri “anigu Xajaar iyo biixi iyo… ha la midli maayo. Farxaanoow, Odawaayow wiilashaydiyow…” Hubaashi saacaddaas wax ka keenayba Xasan wuu illowsanaa in wiilasha uu yeeray ay hayaan xil qaran ee aysan hayn mid qoys. Waxaan qabaa in ay ahaayeen erayo uu ka shallaayay maqalkoodana uusan ku raaxaysan. Si walba oo qabiiladiisu qoryaha ku guran karto inuu sameeyo ayaa ka go’nayd. Haatan tii oo kale meesha lagama saari karo. Hubaashi hadalka afhayeenka MM Daahir Geelle in aysan dagaal jid ahayn uusan u furnayn ayaa ka muuqatay. Hasa yeeshee tallaabadaas markaan waa qar-iska-tuurnimo. Waayo waxay u badan tahay in aan markaan loogu dabcin sidii hore. Wax hadda gaar uga maqan ma jirto oo loogu garaabo. Labo, intii marki hore loo sameeyay maxaad ku heshaan ama kusoo dhacsateen ayaa hortaal. Seddex, raggii maalinti hore u hiilliyay, markii danbe waxaa lagu gorgortamayay yaanan mushaarka laga jarin iyo darajooyinkoodi ha loo daayo. Askari markii hore mushaarkiisa qataato uu galay inuu ku laabto ma sahlana way se dhici kartaa. Afar, saraakiisha awoodda leh ma sumcad danbe ka raja qabta waxaa ay arkaan waxa ku dhacay Saaddaq Joon. Isagoo ah ninka Xamar ugu awood badan ayuu inuu iyaga u hiilliyo wax walba u xooray. Maanta iyagiina wax ma helin isna waa dable. Shan, ciidan walba oo ay keenaan waxa kaliya ee ay samyan karaan waa in xaafado Xamar ka mid ah ay qabsadaan. Weerar kuma qaadi karaan Fillada oo AMISOM ayaa waardiye ka ah, Soomaaliduna iyadaa isu turqo weyne kuma dhacdo ciidammada shisheeye. Mar haddii aysan dagaal ku qaadi karin meelaha doorashadu ka socoto sida Baydhabo, Dhuusomarreeb iyo Garoowe; haddii aysan xabbad ku qabsan karin Fillada, arbushaad iyo qalqalgalin ay ka sameeyaan xaafadaha ay xaasaskoodu daggan yihiin fadeexad iyo magacxumo maxaan ahayn oo ay ka dheefayaan? Gurigaygaan qabsan nin ku hanjabay soo nin han jabay maaha? Tallaabo kale oo ay qaadi karaan waa in ay hadda ku dhawaaqaan in aysan ka qayb gali doonin doorasho noocaan ku dhammaatay. Middaan in aysan MG’yadu u joojin ayay u badan tahay. Laakiin wuxuu noqon karaa baaq Soomaalidu u dabacdo sidoo kalana Beesha Caalamku ku toosto. Ugu yaraan waxay keeni kartaa in si dhab loo qaato cabashadooda. Tallaabadaan ayaa ka sharaf badan midda hore igalana rajo badan in wax lagu helo. Maxay doontooda iyo midda dalku ku jirtaa? Sidaan soo sheegay meesha doorasho kama socoto. In halkaan ku dhammaan doonto dad aan anigu ku jiro waa ay u muuqatay ilaa waa hore. Waxyar ka dib doorashadii Hirshabeelle ayaan bartayda Faysbuugga soo dhigay saadaalin aan ku muujiyay in waxa Jowhar ka dhacay ay noqon doonto midda guud ee dalka. Waxaan tilmaamay in mucaaradku is dhiibay sabab la’aan. Doorashadi Baydhabo waa rafteen. Middii Galmudug waa ordeen laakiin sidii KG uma aysan xarbin maaddaama ay quus joogeen. Markii la gaaray middii HS waaba is dhiibeen oo wax tartan ah iskuma aysan dayin. Taasi waxay keentay in doorashadi HS si dhib yar oo wax qarash ah aysan ku bixin wixii la doono looga samayto. Kaaga darane, mucaaradku ma aysan diidin natiijadi ee iyagoo mid walba is leeyahay waji ka samayso madaxweynaha la doortay ayay hambalyo la kala ordeen. Maalintaas ayay doorashada maanta laga cabanayo jidkaan cagta saartay. Waxaa ay ku sifoobeen niman dhinacna tabar iyo kasbasho yar dhinacna adkaysi yar oo hal meel aan ku dhagi karin. Haddaba si aysan middii Hirshabeelle oo kale aysan ugu dhicin waxaa la gudboon in aysan quusan. Siyaasiyiinta Soomaalidu dhuunta ayay wax ka maqlaan. hebel ninkii soo saaray u joojin uu mahayo hadduu helo mid ka jeeb weyn ama ku rajo galiyo xil iyo darajo danbe. Laga yaabo in mid iyaga ka mid ahba uu soo baxee, meel cidla ah yaysan ka jabin ayaan dhihi lahaa. Haddii cabsidu ku weyn tahay rajo beelna ay joogaan oo aysan sinnaba ugu muuqan in ay wax heli karaan, xalku maaha xabbad iyo xabaalo qodid. Ragannimadu waa aqbalidda in kataan lagaa helay sidaad u soo koorsayn lahaydna aad ku dadaasho. Caawa haddii ay Xamar olosho, doorashada la baajiyo xalkuna uu noqdo Farmaajo oo iscasilo, waxaa hubaal ah qofka loo dhiibayo doorasho gaarsiinta inuusan marnaba noqon doonin mid ka mid ah MM. Markaa maxaad naftaada iyo ummaada aabaraysan danbi uga gali meel aad mar walba ku qadi doontid. Intaas waxaa dheer, MM ayaa Farmaajo u suuragaliyay inuu shaatigiisu ka nadiif ahaado boobka socda. Caawa ma jirto cid ku eedayn karto isagaa hagaya iyo isagaa doorashda loo dhiibay. Ceeb iyo wanaag key leedahayba qofkii ay ku qanacsanaayeen ayaa loogu dhiibay. Ficil walba oo amni darro keeno oo ay qaadaan wuxuu kor u qaadayaan sumcadda Farmaajo wuxuuna dilayaa wajiga iyo karaamada MM. isku soo xooriyoo, samir, xariiftan, galaangal ma ogiye jid kale dan uguma jirto dalka iyo dadka. Qaylada iyo cabashadu ceeb maaha, in la wadaana waa sax. Laakiin xoog wax ku raadin danta MM iyo midda dalka toona kuma jirto. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid. The post Midowga Musharaxiinta oo maraya cawaaqibka khalad weyn oo ay sameeyeen iyo tallaabooyinka hadda u furan appeared first on Caasimada Online.
-
Dal Magaalooyin ka dhisaya Badda dusheeda Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa markii ugu horreeysay magaalooyin ka dhisaya badda dusheeda, waxaana mashruucan ka tageereysaa Qaramada Midoobey. Mashruucan ayaa la filayaa in la dhameystiro dabayaaqada sanadkan. Ujeedka magaalooyinkan looga hirgelinayo badda dusheeda ayaa ah sidii looga hortaggi lahaa dhibaatootyinka ka dhasha cimilada kulul iyo sare u kaca biyaha badda. Waxaana kamid ah magaalo laga dhisayo meel u dhaw xeebaha Busan oo inta badan ka hortagga muujadaha badda iyo daadaadka. Injineerada naqshadeynayo mashruucan ayaa ku rajo weyn in dhistaanka magaalooyin dhowr ah oo isku filan isla markaana leh korontada cadceeda laga dhaliyo, lagana heli karo adeegyada cuntada iyo biyo nadiif ah. Mashrcuucan ayaa qeyb ka ah heshiis lala galay Qaramada Midoobey kaas oo looga golleeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa nolosha ku dhawaad 6 dal oo ku yaalla dunida. Busan waxaa ku nool 3.4 malyan oo qof, waxaana ku yaalla mid kamid ah dekedaha ugu mashquulka badan adduunka, waxay kamid tahay meelaha ugu halista ugu jira saameynta ka dhalan karta sare u kaca heerka biyaha badda. Khuburrada waxay saadaalinayaan in dabayaaqada sanadkan ay sare u kici karaan heerka biyaha badda taas oo saameyn ku yeelan karta nolosha malaayin qof oo ku nool magaalooyinka dhaca xeebaha ee adduunka. Kuuriyada Koonfureed ayaa halis ugu jirtaa masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, dhul go’a, fatahaadaha iyo dhul gariirka. Waxay ku rajo weyn yihiin in magaalooyinka laga dul dhisayo badda ay ka hortaggi karaan halista noocaas ah. Waxaana lagu wadaa in marka la dhameystiro mashruucan in la dejiyo 10,000 qof. Netherlands ayaa ka mid ah meelaha sida tijaabada looga hirgelinaya mashruucan maadama dalkan ay dhibaato ku hayaan sare u kaca biyaha badda. Sida ku xusan daraasad la sameeyay, dalka Netherlands wuxuu dhaqaale badan ka sameeyaa guryaha laga dul dhisay biyaha badda, kuwaas oo qaarkood uu ka muuqdo naqshadihii hore ee taariikhda u ahaa waddankaas. Qaran News
-
Ciidanka Itoobiya oo toogasho ku dilay lix Askari oo ka tirsan militariga Suudaan Lix askari oo ka tirsana militarig Suudan ayaa Sabtidii lagu dilay weerar ay ciidammada Itoobiya ku qaadeen fariisin ay ciidamada Suudaan ku leeyihiin meel u dhow xuduudda u dhaxaysa dalalkaas, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen ilo-wareedyo militariga Suudaan ah. Ciidamada Sudan ayaa war ay soo dhigeen bartooda Facebook ku sheegay in kooxo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen ciidamadooda ku sugan magaalada Al-Fashaga Al-sughra, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho. Bayaanka militariga Sudan tafaasiil dheeraad ah kama bixin shilkan. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa Sabtidii sheegay inuu xilka ka qaaday Taliyihii Booliska, Sarreeye Guud Khaled Mahdi Ibrahim Al-Emam iyo ku xigeenkiisa. Hamdok ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in Sarreeye Guud Anan Hamed Mohammed Omar loo magacaabay taliyaha cusub ee booliiska, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Major General Muddathir Abd al-Rahman Nasr al-Din. Qaran News
-
Turkiga:Muxaadaro Sheekh Dirir kaga hadlay Arimo murugo leh
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Taliyii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Soomaaliya ee NISA Gen. Cabdiraxmaan Tuuryare, oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho, ayaa ka hadlay boob uu sheegay in lagu hayo doorashada kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamanka. Gen. Tuuryare, ayaa sheegay in boobka socda ay iska kaashadeen Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada ay dhistay, islamarkaana ay tahay mid aan la aqbali karin oo u baahan in dalka laga badbaadiyo. Mudane Tuuryare, oo kamid ah dadka raadiyay kuraasta Baarlamanka, balse waayay ayaa sheegay in isaga iyo rag kale wadaan abaabul xooggan oo dalka looga badbaadinayo boobka doorashada golaha shacabka. Sidoo kale, wuxu sheegay in arrintaas ay kula jiraan saraakiil ciidan oo ku midaysan magaca badbaado Qaran, si tallaabo ciidan loogu wajaho xaaladda taagan. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli Midowga Murashixiinta Muqdisho ay gebi ahaanba qaaddaceen doorashada golaha shacabka, oo ay ku tilmaameen mid boob iyo ku-shubasho ku socota. PUNTLAND POST The post Gen. Tuuryare oo sheegay in ay Muqdisho ka wadaan abaabul ciidan oo lagu hor istaagayo doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Sawirro lagu qaaday satellite-ka oo ay heshay Al-Jazeera ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay taageero militari oo baaxad leh siineyso dowladda Ethiopia ee dagaalka kula jirta mucaaradka Tigray-ga. Baarayaasha helay sawirrada ayaa isha ku hayey muddo saldhigyo ciidamada cirka ah oo ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Ethiopia, waxayna heleen caddeymaha in ka badan 90 duulimaad oo isaga kala gooshay saldhigga Sweihan ee Abu Dhabi iyo kan Harar Meda ee koonfurta magaalada Addis Ababa, intii u dhaxeysay September iyo October 2021. Asalka duulimaadyada badankood ayaa la qariyey ama la geliyey diiwaanka duulimaadyo kale oo caadi ah oo aysan laheyn. Daabulaadda hubka ayaa waxaa qandaraas ku qaatay laba shirkad oo gaar loo leeyahay oo mid laga leeyahay Spain, taasi oo sameysay 50 duulimaad iyo mid laga leeyahay Ukraine oo sameysay 30, sida ay ogaatay Al-Jazeera. Ma cadda haddii hubkan ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta iyo haddii ay tahay un marin hubka ay marinayaan dowlado kale. Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed, ayaa iska dhiga inuu yahay nabadeeyaha iyo dhex-dhexaadiyaha Geeska Afrika. Hase yeeshee shaac ka qaadistan ayaa tilmaameysa in Imaaraadka uu taageero xooggan ku siinayo Ethiopia dagaalka ay kula jirto Tigray-ga. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dowladda Abiy ay bilihii tegay jab xooggan kala kulantay Tigray-ga oo hadda kusii siqaya caasimadda Addis Ababa, una jira wax ka yar 200 km. Mid ka mid ah muuqaallada ay heshay Al-Jazeera oo laga qaaday saldhigga Ethiopia, ayaa muujinaya diyaarad u eg tan Shiinaha ay soo saaraan ee Drone-ka ah ee Wing Loong. Dowladda Ethiopia ayaa kordhineysay dhowaanahan diyaardaha Drone-ka ee ay ka hesho Shiinaha iyo Turkey, si ay gacan sarreyn uga hesho Tigray-ga. Si kastaba, xannibaad la saaray warbahainta ayaa adkeysay in caddeymo loo helo illaa iminka. The post Muuqaallo sir ah oo muujiyey dalka hubka badan siinaya dowladda Abiy Ahmed appeared first on Caasimada Online.
-
Dekedda Garacad ayaa lagu wadaa in uu maanta ku soo xirto markabkii u horreeyay oo sida Qalabkii dhammaystirka dhismaha dekeddaas. Garacad waxa xalay gaaray Wefdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale. Wefdiga waxa kamid ah Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Wasiir-dowlaha shaqada iyo shaqaalaha, Wasiir-dowlaha Xannaanada Xoolaha iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Mas’uuliyiintaas kala duwan ayaa Garacad kaga qayb-galaya munaasabad kooban oo loo samayn doono Markabkaas maanta ku soo xiran doona dekedda Garaacad. PUNTLAND POST The post Markabkii u horreeyay oo lagu wado in uu maanta soo gaaro dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.
-
The Union of Somali Presidential Candidates subtly uses their stronghold to threaten the national governance. In 2016, when preparations for the first indirect elections were underway, the electoral process was almost centralized: federal member states did not have leverage unlike the current leaders of Federal Member States who single-handedly influenced the selection of Senators. Why is the Union of Presidential Candidates made up mainly of Aala Sheikh (Sharif Sheikh Ahmed’s group) and Damuljadid (Hassan Sheikh Mohamud’s clique) crying wolf over election of MPs? The attempt to return to the power in a country the two groups of religious opportunists have polarized is mind-boggling. It shows how the nascent state-building endevors are vulnerable to being hijacked by two cliques united by the common position to keep Somalia eternally dependent on AMISOM. The two groups in question do not seem to have clues as to how Somalia is gradually moving from a rule by ruthless interest groups to decentralization: their threat to governance if their wishes are not granted reminds me of how warlords were behaving during nineties when the state was synonymous with a government based in Mogadishu. Guled Salah, TPEC Chairman, owes South West State an apology for insinuating that Jawari is being prevented from running for a parliamentary seat. That much of the electoral outcomes will be decided by MPs and Senators elected outside Mogadishu reflects the modicum of success attained through the federal system, which is in its infancy. Irregularities might happen but there are mechanisms in place to address any complaints within reason. This fact was lost on Guled Salah, the Chairman of Transitional Puntland Electoral Commission who tweeted that “it is inappropriate to prevent Mohamed Osman Jawari from running for a parliamentary seat” and that “incumbent leaders will one day become victims”. In one tweet Guled attacked the integrity of the federal electoral commission. How would he have responded if the a federal electoral commission member had alleged that TPEC favored certain political associations during pilot local elections in Puntland? Guled owes apology to the South West State of Somalia. Jawari is an elder statesman who was elected the Speaker of the Federal Parliament twice. It is an open secret that Jawari is aligned politically with Damuljadid. Nothing is wrong with his political inclination but it is unfair to South West State elders to assume that they have a duty to elect Jawari. The evolution of our federal system is something to be proud of particularly when the political influence of the capital does not determine who becomes an MP or Senator. It is a process that the Union of Presidential Candidates should applaud in their stronghold — Mogadishu. By Osman Aliyow The post Why is the Union of Somali Presidential Candidates Crying Wolf? appeared first on Puntland Post.
-
Is-marin-waaga ka dhashay xilka qaadistii Agaasimaha PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa weli ka taagan Boosaaso. Labada dhinac ee muranka u dhexeeyo, midna ma bixinayo xog sugan oo ku saabsan xaaladda taagan, islamarkaana warbaahintu kuma kalsoona dhinac kasta warka uu soo dusinayo. Waxa keliya oo labada dhinac ka midaysan yihiin in aysan doonayn xabbad ka dhacda Boosaaso. Sida la xaqiijiyay, saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa todobaadkan imaanaya Caasimadda Garoowe. Saraakiishaas waxay kulan gaar ah la yeelan doonaan Madaxweyne Siciid Deni, oo ay kala hadli doonaan xiisadda jirta, kadibna waxay u gudbayaan dhinaca Boosaaso, si ay ula kulmaan saraakiisha hay’adda PSF. Sidoo kale, dhammaadka todobaadkan ayaa la filaya in Madaxweyne Siciid Deni uu Boosaaso ku tego safar aan la sii shaacin oo la xiriira xiisadda ka jirta magaalada. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay xaaladda Boosaaso? appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxgaradka Mareexaan oo ka soo hor jeeda boob ay sheegeen in lagu sameeyey kursigoodii golaha shacabka ee HOP#054 ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, waxayna sheegeen in la boobay kursigooda, iyagoo ku goodiyey in aysan aqbali doonin, wixii maanta ka dhacay Dhuusamareeb. Kursigaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku dhafiyey Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayaa maanta doorashadiisa lagu qabtay Dhuusamareeb, waxaana la shaaciyey in mar kale uu ku soo baxay Cabdishakuur Cali Mire oo ah nin siyaasad ahaan aad ugu dhaw madaxweyne Farmaajo. Waxgaradkii maanta saxaafadda kula hadlay Dhuusamareeb waxay sheegeen in Cabdishakuur ay doorteen dad aan ka dhalan beesha iyo askar, sida ay hadalka u dhigeen, waxayna cadeeyeen in aayaha kursigaas ay u tasha doonaan. “Musharaxiinta Mareexaan ee u tartameysa seddax kursi ee soo hartay, qofkii aan dooneyn inuu wax boobo ha aado Caabudwaaq iyo Balambal, halkaas ayaan aayaheena uga tahsaneynaa, Galmudugtii aan garbaha ka taagneyn ayaa na boobeysa, cid sanka naga toli karta ma jirto,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Mareexaan. Waxa uu shaaca ka qaaday in shir weyn ay beesha Mareexaan ku qabsan doonto magaalada Caabudwaaq maalmaha soo socda, “Galmudug sidaan ugama sii mid ahaan karno, musharaxiinta beesheena ha tageen Caabudwaaq, halkaas ayaan ku dooraneynaa kuraasteena.” ayuu yiri. Waa beeshii labaad oo ku goodineysa inay isaga baxeyso maamul goboleedka Galmudug, kadib markii la boobay kuraastooda, Mareexaan iyo Wacaysle, waxay sheegeen in kuraastoodii loo boobay Yaasiin Farey iyo Cabdishakuur Cali Mare oo ah laba nin oo Farmaajo aad ugu kalsoon yahay, iyagoo ka dhiidhinaya boobkaas ayey hoggaanka beelahaas shaaciyeen inay isaga bixi doonaan Galmudug oo aayahooda ay ka tashan doonaan. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee beesha Mareexaan The post Daawo: Beeshii labaad oo shaacisay inay ka baxayso Galmudug kadib ‘boobkii maanta’ appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wacad ku maray “in uu aasi doono” sida uu hadalka u dhigay cadowga Ethiopia. Fariintiisii ugu horeysay tan iyo markii maalmo ka hor uu ku biiray jiidda dagaalka ayuu Mr. Abiy ku yiri, “Ilaa aan cadowga ka aasno, oo madax banaanida Ethiopia aan ka xaqiijinno, dib u laaban meyno.” Hadalka Abiy ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Jabahadda TPLF ay guulo ka sheeganayaan dagaalka, iyagoo sheegay in toddobaadkan ay qabsadeen magaalo 220km oo kaliya u jirta caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa. Hadalka Abiy iyo sheegashada fallaagada ee dhulka cusub ee ay qabsadeen ayaa dhaliyay welwel caalami ah, iyadoo dalalka shisheeye ay ku amreen muwaadiniintooda inay ka baxaan dalka Ethiopia. Warbaahinta dowladda ayaa soo warisay Arbacadii la soo dhaafay in Ra’isul Wasaare Abiy, oo horey u ahaa korneyl ciidama milatariga ah, uu tagay jiidda dagaalka si uu u hogaamiyo dagaal rogaal celis ah oo ka dhan mucaaradka, isagoo shaqaddii xafiiska ra’isul wasaaraha ku wareejiyay ku xigeenkiisa. Wareysi laga sii daayay Jimcihii shalay kanalka Afka Oromada ee telefishinka dowladda ayuu Abiy Ahmed oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaal Marinta Caalamiga ah ee Nabadda (Nobel Peace Prize) ku sheegay in uu hubo in uu ku guuleysanayo dagaalka uu kula jiro TPLF. Waxa uu sheegtay in milatarigiisu ay dib u qabsadeen magaalada Kassagita ayna qorsheynayaan in ay dib u qabsadaan degmooyinka Chifra iyo Burka ee gobolka Cafarta ee deriska la ah gobolka Tigray, ee saldhigga u ah TPLF. “Cadowgu malaha awood iyo adkeysi ay nagula dagaallamaan. waanna ka guuleysaneynaa,” ayuu yiri Abiy. Wareysigan ayaa la sii daayay saacado un ka dib markii dowladdu ay soo saartay sharciyo cusub oo ku aadan in xogta jiidaha dagaalka lala wadaago oo kaliya warbaahinta dowladda, taasi oo ka dhigan cunnaqabateyn ka dhan ah warbaahinta iyo wariyeyaasha madaxa banaan. Khamiistii, Wasiirka Warfaafinta ee Ethiopia Kebede Dessisa ayaa ka codsaday Mareykanka inuu joojiyo sida uu hadalka u dhigay beenta uu ka faafiyo Ethiopia. Hadalkiisa ayaa jawaab u ahaa war digniin ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo sheegayay in suurta gal ay tahay in Ethiopia ay ka dhacaan weeraro argagixiso. Mr. Kebede, oo la hadlayay warbaahinta dowladda ee EBC ayaa yiri, “Mareykanku waa in uu ka waantoobaa beenta, dacaayadda, wararka aan jirin iyo meel ka dhaca u geysanaya Ethiopia.” Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu Arbacadii ku biiray furinta hore ee dagaalka. Qaramada Midoobayna waxay ka digeysaa in colaaddan sanadka ka badan ka socota Ethiopia ay dhaxalsiisay malaayiin qof inay cuntadii ku yaraato oo qaar badanna ay galeenba xaalad macluul. VOA The post Abiy oo hanjabaad culus ka soo diray jiida dagaalka iyo xaalada oo ka sii dartay appeared first on Caasimada Online.
-
Midawga musharixiinta xilka madaxweyanimada Soomaaliya ayaa markale walaac ka muujiyay doorashooyinka golaha shacabka ee ka socda deegaanada qaar. War-saxaafadeed ka soo baxay midawga musharixiinta ayaa lagu sheegay in golaha oo maalmihi la soo dhaafay kulamo is daba joog ah ka lahaa xaaladda dalka ay ka xun yihiin sida ay u socdaan doorashada golaha shacabka. Golaha midawga ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin natiijada doorashada ee deeganada qaar hadda laga qabtay. Source: goobjoog.com
