Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Fadhiga 15-aad ee Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa maanta lagu ansixiyay Wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershada Puntland. Baarlamanka ayaa Wasiirka Ganacsiga ka xayuubiyay Awooddii kala dirista Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha oo muran xooggan ka taagnaa cidda xaqa u leh. Dhammaan 39 mudane oo fadhiyay Kulankii maanta ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershada Puntland. Ansixinta Wax-ka beddelka Xeerkan ayaa meesha ka saaraysa in Wasiirka Ganacsigu kala diri karo Rugta waxaana haatan Awooddaas leh Madaxweynaha ama Madaxweyne ku xigeenka markii uu ku-sime yahay. PUNTLAND POST The post Wasiirka Ganacsiga Puntland oo laga xayuubiyay Awooddii kala dirista Rugta Ganacsiga appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Vienna)-Wadahadalo xasaasi ah oo Iran lala yeelanayo si looga hortago burburka heshiiskii Nukliyeerka ayaa dib uga furmaya Vienna shan bilood kadib. Saraakiisha ayaa ka wadahadli doona suurtagalnimada ku soo laabashada Mareykanka ee heshiiskii 2015, kaasoo xaddidayay dhaqdhaqaaqa Nukliyeerka ee Iran taa beddelkeeda laga qaadayo cunaqabateynta. Iran ayaa jebisay ballamihii muhiimka ahaa tan iyo markii uu xilligaas xilka ka dagay madaxweyne Donald Trump 2018 kaas oo dib u soo celiyay cunaqabateyntii Mareykanka. Joe Biden wuxuu diyaar u yahay inuu kor u qaado haddii Iran ay ka noqoto jebinta xeerarkaas. Laakiin Iran waxa ay doonaysaa in Maraykanku uu qaado tallaabada ugu horreysa. Dublamaasiyiinta reer galbeedka ayaa ka digay in wakhtigu ka dhamaanayo wada xaajoodka xalkiisa, sababo ah horumarka la taaban karo ee Iran ay ka samaysay barnaamijkeeda tayaynta Yuraaniyaamka, taasi oo ah dariiqa suurtogalka ah ee loo maro bamka Nukliyeerka. Source
  3. Waxaa soo gabagaboobay kulan saacado badan hoyga uu dagan yahay ra’iisul wasaaraha uga socda Midawga Musharixiinta iyo ra’iisul wasaare rooble. Kulankan oo ay goobjoog yihiin madaxweynayaashi hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, Sheikh Shariif iyo Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan golaha midawga musharixiinta. Shirka ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka golaha shacabka ee dalka ka socda, kuwaas oo midawga musharixiinta ay walaac xooggan ka muujinayaan sida uu Rooble u maamulayo doorashooyinka golaha shacabka. Kulanka ayaa leysla meel dhigay in ra’iisul wasaaraha uu kulun isugu yeero madaxda golaha wadatashiga qaranka, si loo xaliyo dhamaan tabashooyinka Mucaaradka. Ra’iisul wasaaraha aya sidoo kale u balan qaaday mucaaradka in doorashooyinka uu ku dadaalayo in si nabdoon oo xor iyo xalaal ah ku dhacaan. “Rooble isaga oo tixgalinaya tabashooyinka la xiriira daahfurnaanta doorashooyinka ee ay muujiyeen Midowga Musharaxiinta ,dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka ayaa waxa uu ballan qaaday in Gollaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Ra’iisul wasaare Rooble. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa si caadiya ku soo laabatay kadib saddex maalmood oo xiisad colaadeed ka jirtay halkaas. Xarumaha Waxbarashada iyo Goobaha Ganacsiga qaarkood oo horay loo xiray ayaa saaka furan inkastoo weli magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo labada dhinac ah islamarkaana dowladdu ciidamo horleh gaysay. Sidoo kale Ma jiro wax wada-hadal ah oo weli u bilowday dowladda iyo dhinaca hay’adda PSF oo xiisadda jirtaa u dhexayso. Labada dhinac ayaa sheegaya in aysan doonayn in xabad ka dhacdo Boosaaso haddana midna kama muuqato wax tanaasul ah si loo xalliyo xiisadda. PUNTLAND POST The post Xaaladda Boosaaso oo caadi ku soo laabatay appeared first on Puntland Post.
  5. Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in dhismaha dekedda Boosaaso la bilaabayo saddexda bilood ee ugu horraysa sannadka 2022. Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Majiino oo si kooban ula hadlay idaacadda Daljir ayaa warkaasi sheegay. Wasiirka ayaa tilmaamay in shirkadda DP World ay bilaabayso dhismaha dekedda kadib markii laga wareejiyay P&O Ports. P&O waa shirkad ka tirsan Compani-ga DP World ee laga leeyahay waddanka Imaaraatiga Carbeed. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli uu gudaha Baarlamanka Puntland ka socdo mooshin ka dhan ah DP World. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay xilliga DP World bilaabayso dhismaha dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shalay ku dhacay gef diblomaasiyadeed oo weyn kadib markii uu dib u tweet gareeyey sawir gacmeed lagu weeraray Turkey oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka Soomaaliya. Sawir gacmeedka oo uu sameeyey Siyad Arts ayaa muujinaya diyaaradda Turkish Airlines oo qeybta hore Ethiopia uga daadineysa diyaardaha Drone-ka ee Turkey ay sameysay, halka qeybta dambena ay ka degayaan dad shacab ah. Sawir gacmeedka ayaa waxaa raacsan qoraal uu Siyad Arts ku yiri “Turkey waxay Ethiopia ku harqineysaa drones, kadibna waxay shacabkeeda u sheegeysaa inay dalkaas uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan ayaga oo aan dib u dhigin.” Turkey floods #Ethiopia with drones and then urges its citizens to leave Addis Ababa “WITHOUT DELAY!!”#SiyadArts #TigrayMassArrests #Tigray #TigrayGenocide #TigrayShallPrevail pic.twitter.com/QFGmEkU0I8 — Siyad Arts (@artssiyad) November 28, 2021 Turkey, oo bishii October heshiis kula gashay xukuumadda Abiy Ahmed inay ka iibiso diyaarado Drone ah, ayaa la kulantay dhalleeceyn xooggan oo ah inay sii hurineyso dagaalka dalkaas, xilli beesha caalamka inteeda kale ay isku dayeyso in la xakameeyo, ayaga oo cunaqabteyno dhowr ah saaray xukuumadda Abiy. Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa dib uga laabtay tweet-kaas oo loo arkay inuu ku taageeray cambaareynta ka dhanka ah Turkey, wuxuuna kadib tweet kale oo uu soo diray ku sheegay in jeebkiisa uu diray ee aanu ku talo-galay aheyn, isaga oo ula jeeda in sida mararka qaar dhacda in qofka marka telefoonkiisa ku jiro jeebka ay si aan ula kac aheyn wax isu diraan. “Waxaan ka xumahay in baraha bulshada qaarkood ay siyaasadeynayaan tweet uu dib u diray jeebkeyga xilli aan kulan ku jiray, waxaana ka xumahay oo aan si daacad ah uga cudur daaranayaa qof kasta oo uu dhibay dib-u-tweet-kaas aan ku talo-galka aheyn,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur. Waxa uu intaas ku daray “Islamarkaana aan caddeeyo xaqiiqda, waa xuquuqda Turkey ee dal madax-banaan ahaan inay go’aansato xiriirkeeda Ethiopia, wax boos ahna igagama banana inaan ka hadlo. Si kastaba, waxaan sheegi karaa in Soomaaliya ay xiriir walaalnimo la leedahay Turkey.” “Aragtida shacabka ee ku aadan Turkey waa mid wanaagsan. Turkey waa ka dhab tabarucaadda ay ku sameysay dowlad dhisidda, waxayna ku tabarucday gargaar iyo horumar iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab.” Its regrettable that some social media outlets to politicize my poket sending retweet while in a meeting and any inconveniences to anyone by the unintentional retweet is sincerely regretted and honestly apologized for. 1/1 — Hon. Abdullahi M Nor (@AbdullahiMNOR) November 28, 2021 the public perception of Turkey is very positive. Turkey is genuine in its contribution to state-building and has contributed towards aid and development as well as the the fight against the al Shabab militants. @TC_Mogadishu 1/3 — Hon. Abdullahi M Nor (@AbdullahiMNOR) November 28, 2021 The post C/llaahi Maxamed Nuur oo ku dhacay khalad diblomaasi oo weyn oo ka dhan ah Turkey appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay shir weyne lagaga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee Jubaland isla markana lagu qabtay hab maqal iyo muuqaal ay ayaa waxaa ka qeybgalay Safaaradaha Dalalka Netherlands, Sweden, Uk iyo wakiilada hay’adaha gargaarka ee ka howlgal dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada hada taagan loo baahan yahay gargaar deg deg ah oo wax lagaga qabto xaalada taagan iyadoo howlahaas ay ka shaqaynayso Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka, Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in gargaarka iyo taakulada loo baahan yahay ay hada tahay wakhtigii ugu macquulsanaa ee la gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in laga wada shaqaynayo sidii loo abuuri lahaa xal waara oo lagaga gudbo musiibooyinka soo noq noqda sida abaaraha iyo fatahaadaha si taas loo helana loo bahan yahay in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha bulshada nugul. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in biyo xireenada wabiga Jubba iyo keydinta biyaha roobka ay muhiim u yihiin bulshada si ay dib ugu isticmaalaan xiliyada abaarahu ay jiraan. PUNTLAND POST The post Shirweyne ku saabsan Abaaraha oo ka dhacay Jubaland appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay muranka hareeyey doorashada golaha shacabka Soomaaliya oo uu ka socdo boob aan horey loo arag oo aan qarsaneyn. Maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo labadooda madaxweyne goboleed laga maamulo Villa Somalia, ayaa qaaday tallaabooyin kuraasta loogu boobayo xubno ayaga ku dhow ama qaar uu wato madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Inkasta oo la boobay kuraas badan, haddana waxaa ugu weynaa kursiga HOP#67 oo Qoor Qoor uu u boobay taliye ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey, halka Lafta-gareen uu guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari u diiday inuu tartamo, isaga oo kursigii uu ku fadhiyey ee HOP#103 u boobay wiil dhallinyaro ah. Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in “si looga fogaado baarlaman lagu muransan yahay, dalku kala qeybsamo, ama kasii daro xanuun kale oo Ethiopian ah: a) Joojiya doorashada lagu shubtay, b) Dib usoo celiya hanaan doorasho oo dhex-dhexaad ah maadaama heshiiskii August uu horseeday wax is-daba marin baahsan, c) Ku dara kormeerayaal si sare loogu qaado kalsoonida.” To avoid disputed parliament, split country or, worse, another Ethiopian Syndrome: a) Discontinue this fixed electoral process b) Reinstate fair election protocols as the August agreement led to this widespread manipulation c) Include observers mission to enhance credibility — Omar Sharmarke (@OmarSharmarke) November 28, 2021 Baaqa Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa kuwa la mid ah horey usoo jeediyey siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed, hase yeeshee ma muuqato inay joojin doonaan doorasho boobka ka socda dalka sababo dhowr ah dartood. Waxaa sababahaas ka mid ah; beesha caalamka oo ay ka go’an tahay in mar un doorashadu dhammaato, ayaga oo aan kala jecleyn sida ay ku dhacdo, iyo mucaaradka dowladda federaalka oo aan laheyn awood ay tallaabo ku qaadaan si ay u qasbaan in sida wax u socdaan wax laga beddelo. The post Cumar Cabdirashiid oo soo jeediyey 3 tallaabo oo lagu joojinayo doorasho boobka appeared first on Caasimada Online.
  9. A recent report by Kenya’s security agencies has linked an Iranian citizen, Mohammed Saeid Golabi, to terror activities in Kenya and in the neighbouring countries. Source: Hiiraan Online
  10. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaaladaasi, taas oo u dhexeyso madaxda dowlad goboleedka Puntland iyo ciidamada PSF-ta ee maamulkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in Puntland ay ciidamo horleh geysay magaalada Boosaaso, kuwaas oo xalay saq-dhexe gudaha u galay magaalada. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka yimid dhinaca Garoowe, waxaana ay ku biireen ciidamo kale oo horay ugu sugnaa magaalada Dekedda leh ee Boosaaso. Arrintan ayaa qeyb ka ah gulufka ka dhanka ah ciidamada PSF-ta oo iyaguna ku sugan qeybo ka mid ah magaalada oo haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama ay kasii darayaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan ee ka jira Boosaaso. Hoggaamiyaha Puntland, Saciid Deni oo ka hadlayey xiisaddaan wuxuu ku hanjabay in uusan marnaba cid kala gorgortami doonin ilaalinta sharciga, isaga oo intaasi ku daray in ciidamadaas ay ka ciqaab weyn yihiin shacabka, haddiii ay jabiyaan sharciga ciidamada. Deni waxa uu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in cidkasta ay sharciga ilaaliso, weliba si gaar ah ciidamada kala duwan ee Puntland oo ka dhawaajiyey in dhismahooda waqti badan ku bixiyay maamulku. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Puntland ay haatan ka digayaan in dagaal loo horseedo shacabka Boosaaso. The post PUNTLAND oo ciidamadii ugu badnaa xalay geysay magaalada BOOSAASO appeared first on Caasimada Online.
  11. The new Somali movie "Ayaanle" follows the story of a young actor in Nairobi with aspirations to reach Hollywood and emulate Denzel Washington. However, destiny has a distinctive path planned for him and he's only ever cast as a pirate or terrorist. Source: Hiiraan Online
  12. Somalia's prime minister vowed Sunday to ensure transparency in the country's ongoing parliamentary elections as well as to "correct the mistakes" made so far. Source: Hiiraan Online
  13. Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay qabtay doorashada kursiga HOP103, oo uu ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari, xili uu muran badan ka taagna. Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed Axmed Badar ayaa sheegay in doorashada kursigaas u qabteen si aan loo dulmin xaqa siyaasiyiin kale, kadib marka uu ku dooday in Prof. Jawaari uusan la iman dood sharci ku dhisan. “Haddii uu qof cabanayo oo uu leeyahay Kursi wax sharci oo taaban karo noo soo gudbiyay uu jirin, qof kale ayey sharci darro ku noqoneysa iyo dulmi. Majirto sababo aan ugu diidnay shahaado (Jawaari) waa qof qiimo badan oo ixtiraam u hayno,” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Badar oo la hadlay idaacada BBC-da. Sidoo kale waxa uu sheegay in Prof. Jawaari ay ku ixtiraamayaan odaynimadiisa iyo meeqaamkiisa siyaasadeed, hase yeeshe aysan waxba ka jirin in ayaga iska horyimaadeen, sida uu hadalka u dhigay. “Kuraastan siyaasad shaqo kuma laha, kuraastooda dadka aan soo horumarinay oo dhan waa jecel aan u qabno iyo qadarin. Haddii wax kale ay dhaceen anaga asaga farsamo iskagama hor imaan, ciddii ay iska hor-imaadeen ee uu ka tagay anaga kama jawaabi karn.” Doorashada kursiga uu ku fadhiyay Prof. Jawaari ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan oo helay 78, halka musharax Mukhtaar Cali Ibraahim oo la tartamay uu isna helay 18 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee maamulka K/ Galbeed. Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida aadka ah ugu dhow Lafta Gareen. Qabashada doorashada kursiga iyo guusha Maxamed Cali ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan kursigan iyo cabashada Jawaari, taasi oo gaartay guddiga doorashooyinka heer federaal oo Sabtidii ku dhowaaqay in la hakiyey doorashada kursigaas. Tallaabada Guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sii fogeynaysa in mucaaridka uu ku kalsoonaado hanaanka doorashada Golaha Shacabka, oo u muuqda in daaqada laga saarayo siyaasiyiinta ay is hayaan madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday. The post Koonfur Galbeed oo qiil yaab leh u sameysay qabashada doorashada kursiga Jawaari appeared first on Caasimada Online.
  14. Magaalo aanay Booliisku ku dhici karin inay ka baxaan saldhigyadooda+Sababta Dadku ma buunbuuniyaan marka ay leeyihiin “booliisku waxay u nool yihiin sidii iyag oo ah kuwa xabsiga ku jira” Tibú, oo ah degmo xuduud la leh Colombia iyo Venezuela. Saraakiisha halkan joogtaa ma tagi karaan makhaayadaha bulshada xitaa marka ay fasaxa ku jiraan, kuwo badan oo ganacsatada ka mid ah waa ay diidaan in ay wax ka iibiyaan iyaga iyo qoysaskooda. Marar badan waxaa dhaca weerarro, hanjabaad iyo xitaa mararka qaarkood in la dilo. Saldhigyada booliiska waxaa ku hareereysan fiillooyin lagu taxay oo u gaar ah amniga goobtaas, daaqadaha waxaa lagu xidhay sibidh ama leben, darbiyada aan xabadu karin ayaa muujinaya in goobtu tahay goob iska horimaad dhawaan ka dhacay. Tibú waa wadada ugu weyn ee aada Catatumbo, oo ah saxare aad u balaadhan, buuraley ah iyo dhul daaqsimeed si wada jir ah loo isticmaalo inta udhaxeysa Kolombiya iyo Venezuela halkaas oo wax soo saarka Cocaine-ka uu ku kobco, kooxaha hubaysanna ay ku kala qaybsan yihiin oo ay halkaas muhiim ka yihiin. Xilli BBC-da qaybteeda Mundo ay booqatay halkaa waxa ay soo arkeen xaalad dadku baqayaan. Cabsi ayaa halkaas ka jirtay tan iyo dagaalkii ugu xumaa ee ka dhaca, sagaashamaadkii, waxayna hadda u muuqataa markale inay dib u soo cusboonaatay ka ganacsiga maandooriyaha. Heshiiskii nabadeed ee ay dawladda iyo jabhaduhu kala saxeexdeen sannadkii 2016-kii ayaa u muuqda mid burburay hadda. Waddooyinka ku teedsan xarunta Tibú ayaa waxaa ku yaalay dukaamo, kafateeriyo, iyo jardiin yar oo madadaalo ah halkaas oo dumar jidhkooda ka ganacsada iyo qoob-ka-ciyaar lagu maaweeliyo dadka deegaanka. Wax kasta oo u muuq eeg (Booliska) waa in laga fogaadaa” ayuu yidhi nin deris ah oo gurigiisii iyo meheraddiisa ka tegay oo magaalo kale u guuray. Mid kale oo deris ah, oo aqoonsigiisa loo qariyay sababo ammaan, ayaa sheeganaya in loo hanjabay maadaama qoyskiisa xidhiidh la leeyahay booliiska. Waxa ay siiyeen digniintii ugu dambaysay, waxa uu go’aansaday in uu iibiyo wixii uu awoodi karayay, isaga oo kaashanaya bulshada waxa uu ku guulaystay in uu baxsado. Nin kale gurigiisu waxa uu ku hor yaallaa saldhigga hortiisa, waxana uu la raadiyey kiro, laakiin ma jirto cid u baahani. “Waxay nagu yiraahdeen: ‘Haddii aydaan bixin, markaas qof kasta oo idinka mid ah wuu dhiman doonaa, sababtoo ah waxaan ku weerari doonnaa saldhigga booliiska bam,” ayaa ay u sheegen qolo ka tirsan kooxaha isku haya meeshan. Ciidamada Booliska ee ku sugan gudaha saldhiga ayaa dareemaya in ay dagaal ku jiraan, “Waa inaan dib u dayactir ku sameynaa xarumahan oo aan iska difaacno ciidamada gaarka ah ee dowladda, dabcan taasi waa mid aad qaali u ah.” Mar la weydiiyay mid ka mid ah mas’uuliyiinta inuu sharraxaad ka bixiyo sababta ay arrintani ku noqon karto waddan dhaqaale badan ku bixiya difaaca, marka loo eego dalalka kale ee Latin Amerika, wuxuu ku jawaabay aamusnaan aan caadi ahayn, isagoo gacmaha kala qaaday sidii inuu wax sheegayo, wuxuuna ku soo gabagabeeyay: “Ma garanayo, runtu waxay tahay, ma hayo wax sharraxaad ah. “Taas awgeed”. Dayactir yar ayaa ka socda qayb ka mid ah dhismaha, laakiin shaqaalaha iyo qalabka dhismaha ayaa laga keenay gobol kale oo dalka ah, sababtoo ah goob kasta oo ay ku lug leeyihiin booliska ayaa khatar ku jirta. Sidaas oo kale waa cuntada waxa ay ka soo gataan caasimadda ugu dhow, Cúcuta, si ay isla iyagu naftooda wax uga karsadaan. Qaran News
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka dalbaday Bankiga Aduunka in uusan lacagaha mashaariicda u soo marin dowladda federaalka Soomaaliya, kadib kulan ay maanta yeesheen Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Madaxda Bankiga Aduunka. Kulanka oo ka qabsoomay magaalada Garoowe ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dul istaagi lahaa waxqabadyadii mashaariicda horumarinta hanaanka Maaliyadda iyo mashruuca dib u habeynta ee uu Bankiga Aduunka ka taageero maamulkaas. Sidoo kale waxaa kulankaas lagu eegay guulihii laga gaaray qorsha hawleedka iyo dardar-galinta mashuurca PFM/DRM, gaar ahaan sanadkii ugu danbeeyey, tubtii loo maray iyo tallaabooyinkii la qaaday. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa Madaxdii ka socotay Bankiga Aduunka uga mahad-celiyay kaalmada dhaqaale ee ay la garab taagan yihiin maamulkiisa, isagoona ka dalbaday in mashaariicda iyo lacagaha si toos ah loogu soo hagaajiyo Puntland. Wasiir Xasan Shire ayaa sheegay inay fashilmeen mashaariicdii loo soo marshay maamulka Puntland dhanka dowladda federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hadda kadib si toos ah loogu soo shubo qasnada maamulkooda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta badan lacagaha iyo mashaariicda ku socda maamulada loogu hagaajiya, si ay usii gaarsiiso halka loogu tala-galay, taasi oo sanadihii dambe ay saluug badan ka muujiyeen maamulada qaarkood. The post Puntland oo gudbisay dalab culus oo ka dhan ah DF xilli la isku hayo malaayiin dollar appeared first on Caasimada Online.
  16. Dawladaha Carabta oo ka fikiriya inay Maalgashadaan Somaliland & Dalal kale oo Afrikaana Waddamada Carabta, ayaa xilligan ka fikiraya Inay soo nooleeyaan xidhiidhkii Ganacsi ee ay la lahaayeen Waddamada Afrika, kaasi oo hoos u dhacay Muddooyinkii u Dambeeyay. Shirkan Ganacsiga ee Afrika iyo Carabta oo bishii October ee sannadkan ka dhacay Caasimadda Dalka Masar ee Qaahira, ayaa lagaga hadlay sida ugu habboon ee Kor loogu qaadi karo xidhiidhka ganacsi ee ay leeyihiin Dalalka Carabta iyo Afrika. War-bixin dheer oo Wargeyska African Business ka qoray waxyaabihii shirkaa lagaga wada-hadlay, ayaa soo tebiyey in dalalka Carabtu muujiyeen muhiimadda ay leedahay in Dawladaha Carabta ee dhaqaalahoodu xoogga leeyahay ay Maalgeshi ku samaystaan dalalka Afrika, maaddaama oo laga heli karo xoog ama shaqaale ku shaqayn kara qiimo jaban iyo sidoo kale inay jiraan fursado badan oo dhaqaale buuran laga samayn karo. Wargeysku wuxuu sheegay In xilligan ay dalalka Carabtu ay Afrika ka qaataan waxyaabaha biraha ama xadiidka laga sameeyo, cuntooyinka, halka ay Afrika u dhoofiyaan ama u iib-geeyaan waxyaabaha ay ka mid yihiin Dawooyinka, noocyada kala duwan ee Mishiinnada iyo Bacaha. Laakiin, illaa hadda Maalgeshi muuqda oo Dawlad Carbeed ka samaysay Dalalka Afrika uu yahay ka Shirkadda DP WORLD ee Imaaraadku leeyahay ay ka fulisay Dalalka Somaliland, Senegal iyo Masar, kaasi oo ku kacay Adduun-lacageed oo gaadhaya $ 1 billion oo dollar. Laakiin, marka la eego taariikhda dheer ee ganacsiga iyo iskaashiga ee Dalalka Carabta iyo Afrika uu maanta yahay mid yar, sida uu sheegay Madaxa Baanka Dhoofinta iyo soo dejinta Afrika (Afreximbank) Mr. Benedict Oramah oo hadal ka jeediyey shirka labaad ee Ganacsiga Afrika iyo Carabta oo Qaahira lagu qabtay bishii hore ee October “Ganacsiga guud ee Carabta iyo Afrika wuxuu ku dhow yahay $80 billion, markaa waxaanu haysanaa waddo dheer oo aanu ku helno fursadaha badan ee ka jira,” ayuu yidhi Benedict Oramah. Wargeyska African Business oo War-bixintiisa sii wada, ayaa tilmaamay in Dalalka Afrika badankooduna aanay xidhiidh weyn oo ganacsi la lahayn Dalalka Carabta, isagoo tusaale u soo qaatay Suudaan oo soo saartay muus tayo sare leh, aanay waxba u dhoofin Sucuudi Carabiya oo uu sheegay inuu sannadkii soo dhoofsado 450.000 Tan oo Muus ah, kaasi oo ku kaca lacag ka badan $ 600 Million. Ugu dambayn, Shirkadda DP WORLD ee Wargeysku xusay inay Maalgeshi ku samaysay Dalalka Somaliland, Senegal iyo Masar, ayaa Dekedda Berbera ee Somaliland waxay ku Maalgelisay lacag gaadhaysa $ 442 Million dollar, halka Dawladda Imaaraadk Carabta oo Shirkaddan laga leeyahay uu Malaayiin Dollarka Maraykanka ku bixiyey dib u dhiska Waddada Berbera-Wajaale, si jid waafi ah loogu diyaariyo alaabooyinka Dekedda Berber ka soo dega ee u socda Itoobiya iyo Dalalka kale ee bariga Afrika ee aan badda lahayn. Qaran News
  17. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka heyno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxay sheegayaan in saacadihii u dambeeyey ay soo gaareen qoysas qaxooti ah oo ka soo cararay colaada ka jirta dalka Yemen, kuwaas oo isagu jira Soomaali iyo Yemeniyiin. Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dumuquraadiyaynta dowlad goboleedka Puntland ayaa dekedda magaalada Boosaaso ku soo dhoweysay qoysaskaas qaxootiga ah oo Yemeniyiin iyo Soomaali isugu jira, waxaana la soo bandhigay sawirradooda. Qaxootigaan oo gaaraya 19 ayaa u badan haween iyo carruur, waxaana loo daabulay xarunta qaabiladda iyo soo dhowaynta qaxootiga ee magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradaas. “Xaaladdaha bani’aadamnimo iyo duruufaha amni ee daran oo ka jira Yemen ayaa horseeday qulqulka qaxooti badan oo soo gaaraya Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Puntland. Dalka Yemen oo xuduud badeed ay wadagaan Soomaaliya waxaa sanadihii lasoo dhaafay ka taagneyd oo marba marka ka sii dambeysa kasii dareysa colaado isugu jira kuwo sokeeye iyo kuwo ay hor boodayaan wadamo carbeed. Haatan quwadaha ugu weyn ee isku heysta xukunka dalkaas waa kooxda Xuutiyiinta iyo dowladda dhexe oo gacan ka heleysa xulufo carbeed oo ay hogaamiso Boqortooyada Sacuudiga, waxaana si joogto ah dalkaas ugu dhinta dadka rayidka ah oo dagaalka aan looga tureyn, sidoo kalena waxaa jirta Yemen macaluul iyo cunna-yari daran, sida ay sheegeen hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha. The post Sawirro: Ajaaniib dalkooda uga soo cararay dagaallo oo soo gaaray SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.
  18. OTTAWA -- Ottawa police are asking for help locating a missing 22-year-old man. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharixiinta ayaa shir jaraa’id qabtay markii uu soo dhaamaday kulankii ay maanta la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo looga hadlay boobka doorasho ee dalka ka socda. Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay midowga musharaxiinta ayaa sheegay kulankii ay la yeesheen Rooble uu qeyb ka ahaa kulamo maalamahaan dambe u socday golaha Midowga Musharixiinta, isla markaana ay Rooble u gudbiyeen dareenkooda ku aadan hanaanka ay u socoto doorashadu. “Waxaan u sheegnay ra’iisul wasaaraha, in boob qaawan uu ku socdo doorashada, markii aan la wadaagnay dareenkaas, waa uu soo dhaweeyey, waxuuna noo sheegay inuu isugu yeeri doono golaha wadatashiga qaran, isla markaana uu la wadaagi doono walaaca ka soo kordhay doorashada, war cadna ay ka soo saari doonaan arrinkaas,” ayuu yiri Daahir Geelle. Sidoo kale waxa uu sheegay in ka midow ahaan ay sii wadi doonaan kulamada lagu gorfeynayo ka hor tagga boobka doorashada. “Waxaan u sheegeynaa shacabka Soomaaliyeed doorashooyinka socda kuwii idin anfi lahaa maaha oo dowladnimo noo hor seedi lahaa, waxaan u taaganahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan doorasho xalaal ah, qof kasta oo doorashadaan lagu dulmiyana waxaan rajeyneynaa inuu cadaalad helo,” ayuu yiri. Sidoo kale Daahir Geelle ayaa sheegay in hadda ay go’aansadeen inay fursad siiyaan Ra’iisul wasaaraha, si golaha wadatashiga qaran uu u hor geeyo walaaca boobka doorashada, “Anaguna waxaan sii wadi doonaa dadaaladii aan wax ku saxeynay,” ayuu yiri. Dhanka kale sida lagu shaaciyey qoraal uu xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ka soo saaray kulankaas waxaa la isla qaatay labo qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; 1. In wax laga bedelo hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, shirna iskugu yimaadan Golaha Wada-tashiga Qaranka. 2. Guddiyada doorashada inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashooyinka. The post Daawo: Midowga Musharixiinta oo shaaciyey hal fursad oo ay Rooble siiyeen appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa weli ku shirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna diidan yihiin sida ay ku socoto doorashada xubnaha golaha shacabka, mucaaradka ayaa horay u saluugsanaa doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee dalka. Maalintii seddexaad ayey mucaaradka ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho, waxay sheegeen inay la kulmi doonaan qeybaha bulshada, sidoo kalena waxay la kulmeen Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble Bishii April ee sanadkaan mucaaaradku waxay hoggaamiyeen gulufkii Badbaado Qaran, mashruucaas wuxuu lahaa laba u jeedo, mid waxay aheyd in Farmaajo laga hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa, halka kan kale uu ahaa in awoodda doorashada laga wareejiyo Farmaajo, xilligaas mucaardka waxaa u suurta gashay in labadaas u jeedo ay ku guuleystaan. Tadoba bilood kadib, gulufkii badbaado Qaran waxay mucaaradka mar kale ka fakarayaan inay xaalad cusub abuuraan, maadaama ay cabasho xooggan ka dhalatay sida loo maamulayo doorashada Golaha Shacabka. Haddaba su’aasha inta badan ee reer Muqdisho qabaan waxay tahay maxaa sal u noqon doona gulufka cusub ee mucaaradka, maadaama midkii hore la ogaa hadafkiisa. Doodaha kale ee miiska saaran waxaa kamid ah in mucaaradka isku raaci karaan Badbaado Qaran 2 iyo sida ay Shacabka u arki doonaan arrintaan. Farmaajo doorashadii waa laga wareejiyey, wuxuuse sida muuqata heystaa adeegayaal idman oo doorashada uga qabanaya wax ka badan intii laga fili lahaa inuu isagu ka qabsado. Sida ay ku socoto doorashada qof walba ayaa dareensan inuu Farmaajo heysto soo laabasho xoog leh. Mid kamid ah xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaan waydiinay golufkiinii hore wuxuu ahaa in Farmaajo laga wareejiyo maamulka doorashada iyo in la hor istaago muddo kororsiga ee hadda maxaa damacsan tihiin oo sal dhig u noqon doona tallaabadiina cusub? Wuxuu ku jawaabay “Farmaajo ma rabo inay doorasho ka dhacdo dalkaan, waa isaga qofka maamulada ku garab siinaya in kuraasta la boobo, qofka loo boobayo doorashadana waa isaga, Rooble oo aan aaminay wuxuu hadda toos u dhex galay Farmaajo, sida ay wax ku socdaan dalka iyo dowladnimada halis ayey ku tahay, waxaana aaminsanahay in uusan Farmaajo doorasho iyo nabad midna uga tageyn Villa Somalia, sidaad darteed haddii aan u soo laabto su’aasha markaan go’aankeenu waa in doorashada la joojiyo, guddiyada lagu laabto, habraaca lagu laabto, mucaaradkana kaalin muuqata laga siiyo doorashada ama inuu Farmaajo toos u baxo,” ayuu yiri xubintaas kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka. Haddii aan jawaabtaas eegno waxay ka dhigan tahay inay mucaaradka markaan dagaal toos ah u socdaan, laakiin arrinta aan weli la dul istaagin waxay tahay mucaaradka ma isku raaci doonaan inay sameeyaan Badbaado Qaran 2. Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan inay adag tahay inay mucaaradku isku raacaan in dib loo aruuriyo ciidan oo dagaal kale la iclaamiyo. Xubnaha mucaaradka qaar ayaa xildhibaano fiican usoo baxeen, waxayna rajo ka qabaan natiijada kuraasta dhiman, qeybtaas waxay rabaan in kulamada iyo fariimaha mucaaradka laga dhigo cadaadis oo aan tallaabo ciidan la qaadin, halka inta kale ay qabto in awood wax lagu xaliyo. Waxaa laga cabsi qabaa in mucaaradka ku kala tagaan gulufkaan cusub, gaar ahaan musharixiinta dhabta ah. Shacabka oo si weyn u taageeray wajigii koowaad ee Badbaado Qaran ee diidanaa muddo kororsiga, ayaan la ogeyn sida ay wajigaan labaad u arki karaan, maadaama doorashadii Golaha Shacabka socoto, tii Aqalka Sarena ay dhammaatay, wallow ay dhammaantood yihiin kuwo natiijadooda lasii ogyahay. The post Maxey ku kala duwanaan doonaan gulufkii hore ee Badbaado Qaran iyo midka cusub ee mucaaradku rabaan? appeared first on Caasimada Online.
  21. The International Organization for Migration (IOM), through its Voluntary Humanitarian Return (VHR) program, said that it facilitated the safe return of 32 Somali migrants in the month of November. Source: Hiiraan Online
  22. Nairobi (HOL)- Political leaders supporting Kenya's opposition leader Raila Odinga for the presidency have in the recent past camped in Eastleigh in a political charm offensive aimed at bagging the Kenyan- Somali nationals votes. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in la hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#067. Kursigan ayaa waxaa Khamiistii kusoo baxay agaasimaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey, kadib doorasho la maquuniyey oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug. Warqad ka soo baxday guddiga xallinta khilaafaadka, islamarkaana lagu socod siiyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa lagu sheegay in guddigu ay soo gaartay dacwad ka dhan ah kursigaasi, taas oo ay soo gudbiyeen musharrax lagu magacaabo Axmed Cabdikariin Cali iyo sidoo kale Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto). Kursiga HOP#67 ee jufo ka mid ah beesha Waceysle ayaa waxaa hareeyey muran xooggan kadib markii guddiga doorashada Galmudug iyo madaxweyne Qoor Qoor ay u xireen Villa Somalia, ayaga oo murashaxiin badan u diiday inay u tartamaan. Guddiga xalinta khilaafaadkan, oo si toos ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya, ayaan wax dan ah ka laheyn inuu si dhex-dhexaad ah u eego arrintan, ayada oo la ogyahay sidii cadaaladda ka fogeyd ee uu u maareeyey dooddii ka dhalatay kursigii uu boobay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed. Hase yeeshee tallaabada uu qaaday guddiga xalinta khilaafaadka ayaa looga dan leeyahay laba qorshe ama khiyaano oo kala ah: 1- In warka ku saabsan hakinta natiijada doorashada kursiga lagu damiyo xiisadda kacsan iyo qeylo dhaanta hareysay kursigan, ayada oo shacabka iyo beesha Waceysle loo muujinayo in guddigu eegayo murankan. Ereyga loo adeegsaday tallaabada uu qaaday guddiga ee ah “hakinta” kursiga” ayaa ujeedku yahay in laga dhigo in Yaasiin Farey aanu weli kursiga loo sharciyeyn, taasi oo dadka aan fahansameyn sida guddiga u shaqeyo maalmo ku mashquulin doonto sugitaanka natiijada baaritaanka guddiga, sidoo kalena damin karta hadal haynta ku saabsan boobka lagu sameeyo kursiga. 2- Qorshaha labaad ayaa ah; in guddigu isu muujiyo mid shaqeeya, oo diyaar u ah inuu qabto cabasho kasta kadibna go’aan ka gaaro. Waxaa kadib guddiga uu go’aamin doonaa ,sida aan ognahay in kursiga Yaasiin Farey uu ku guuleystay ee HOP#67 ay ku waayeen wax khaladaad ah, sidaasna uu ku yahay sharci. Tani waxay kursiga siin kartaa sharciyad uusan hadda haysan, waxayna sidoo kale u muujin kartaa beesha caalamka in guddiga yahay mid shaqeeyo oo waajibaadkiisa gudanaya, taasi oo ah waxa ay guddiga iyo Villa Somalia. Arrintan yaabka leh ayaa ah in beesha Waceysle ay cabasho u gudbisay gudidgan, ayaga oo weliba og inuusan u caddaalad fali doonin dhinacyada isku haya kursiga. Hase yeeshee, xubno ka tirsan beesha ayaa sheegay in sababta ay sidan u sameeyeen ay tahay inay maraan hanaanka sharciga ah, kahor inta aanay qaadan tallaabooyin kale, si ay guddigan uga soo xiraan albaabkii ay berri ku doodi lahaayeen oo ah “inaan lasoo marin oo aan cabasho loo keenin.” The post Xog: Laba qorshe oo laga leeyahay tallaabada lagu hakiyey kursiga HOP#67 appeared first on Caasimada Online.
  24. PRESS RELEASE WHO Stands with African Nations and Calls for Borders to Remain Open Travel restrictions may play a role in slightly reducing the spread of COVID-19 but place a heavy burden on lives and livelihoods BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), November 28, 2021/ — As a growing number of countries impose flight bans on southern African nations due to concerns over the new Omicron variant, World Health Organization (WHO) urges countries to follow science and the International Health Regulations (2005). Travel restrictions may play a role in slightly reducing the spread of COVID-19 but place a heavy burden on lives and livelihoods. If restrictions are implemented, they should not be unnecessarily invasive or intrusive, and should be scientifically based, according to the International Health Regulations which is a legally binding instrument of international law recognized by over 190 nations. This week, nations will be joining a special session of the World Health Assembly, organized by WHO to discuss how to collectively prepare and respond better to pandemics, building on their commitments to the International Health Regulations. South Africa followed International Health Regulations and as soon as its national laboratory identified the Omicron variant informed WHO of this on the 24 November. “The speed and transparency of the South African and Botswana governments in informing the world of the new variant is to be commended. WHO stands with African countries which had the courage to boldly share life-saving public health information, helping protect the world against the spread of COVID-19,” said Dr Matshidiso Moeti, WHO Regional Director for Africa. “On the eve of a special session on pandemic preparedness I urge all countries to respect their legal obligations and implement scientifically based public health actions. It is critical that countries which are open with their data are supported as this is the only way to ensure we receive important data in a timely manner.” While investigations continue into the Omicron variant, WHO recommends countries to take a risk-based and scientific approach and put in place measures which can limit its possible spread. Flight bans have been imposed on southern African countries, but so far only two have detected the new variant. Meanwhile countries in other regions have reported cases of Omicron. “With the Omicron variant now detected in several regions of the world, putting in place travel bans that target Africa attacks global solidarity. COVID-19 constantly exploits our divisions. We will only get the better of the virus if we work together for solutions,” said Dr Moeti. WHO is scaling up support to genomic sequencing in Africa. Sequencing laboratories should have access to adequate human resources and testing reagents to work at full capacity. WHO is ready to support the additional human resource needs as well as mobilize funds and technical expertise to reinforce COVID-19 response activities including surveillance, treatment and infection prevention and community engagement in southern African countries. In addition, WHO is reaching out to all countries in the Region to ensure they receive necessary resources to detect and prepare for potential cases of Omicron. WHO is urging countries to take key steps to enhance efforts to track the Omicron variant, including ensuring their PCR testing equipment can detect it, increasing their sampling and sequencing of COVID-19 test samples by at least double to 150 samples a week from the current average of 75, and review past sequencing samples for potential signs of Omicron. In September 2020, WHO and the Africa Centres for Disease Control and Prevention launched network of 12 laboratories to reinforce genome sequencing of the virus. Genomic surveillance has advanced significantly since the start of 2021, with the continent recording a five-fold increase in the number of genomes sequenced SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News