-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxa xisbiga haya talada Ethiopia ee u qaabilsan dowlad deegaanka Soomaalida, Injineer Maxamed Shaale Isxaaq ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay in uu ku biirayo jiidda dagaalka. Waxa uu sheegay in diyaar u yahay inuu u hogaansamo baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, xili qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku dhawaaqeen inay ka qeyb-galayaan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray. “Waxaan diyaar u ahay in aan tego jiidda hore ee dagaalka, waxaana u hoggaansamayaa baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayuu yiri Maxamed Shaale Isxaaq, sida lagu baahiyay bogga Facebook ee xisbiga Prosperity Party. Waa mas’uulkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo si rasmi ah ugu dhawaaqa in uu ka qeyb galayo dagaalka Ethiopia, balse ay jiraan Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad degaanka Soomaalida oo ka qyeb galay dagaalka ka socda dalkaas. Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Isniintii wacad ku maray inuu tegi doono furinta dagaalka si uu hogaamiyo ciidanka, isagoona sheegay inay ku jiraan wejigii ugu dambeeyay ee badbaadinta Ehtiopia. Ciidamada Tigray-ga ayaa soo gaaray magaalo 220-km u jirta Addis Ababa, kadib markii ay wax ka yar bil gudaheed kusoo jareen dhul 100-km ka badan. Abiy ayaa ciidamada dowladda u diray gobolka Tigray bishii November ee 2020, kadib markii uu TPLF ku eedeeyey inay weerareen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda. Kadib bilo ay haysteen gobolka, ayaa wax walba waxay isbeddeleen bishii June ee sanadkan kadib markii TPLF ay dib ula wareegtay gobolka, ciidamada dowladdana ay ka baxeen. Wixii markaa ka dambeeyey TPLF ayaa isku ballaarisay gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar. Waxaa sii kordhaya digniinta caalamiga ah ee ku aaddan in laga baxo magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, xilli ay kusoo dhowaanayaan mucaaradka dalkaas. The post Mas’uulkii ugu horeeyay ee SOOMAALI ah oo ku biiraya dagaalka dalka ETHIOPIA appeared first on Caasimada Online.
-
Nin ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne oo dil lagu xukumay Jenaraal Khaliifa Xaftar Maxkamad Milatari oo ku taalla magaalada Misrata ee dalka Liibiya ayaa soo saartay xukun dil ah oo ka dhan ah taliyaha saldhiga bariga dalkaasi ee Jenaraal Khaliifa Xaftar, kaas oo loo haysto duqeyn ka dhacday xaruuntavciidamada cirka ee magaaladaas laba sano ka hor. Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaana ku dhintay duqeyntaasi. Xukunka ayaa lagu riday jenaraal Xaftar isaga oo maqan. Horaantii bishaan Jenaral Xaftar ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa doorashada madaxtinimo ee qabsoomaysa sida qorshu yahay bisha December ee nagu soo aaddan. Balse maxkamada ayaa sheegtay in xukunkaasi uu joojin karo musharaxnimadiisa. Shalay guddiga doorashada Liibiya ayaa diiday musharaxnimada Saif al-Qadaafi, oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii la afgembiyay ee Mucamar Al-Qadaafi, sababtoo ah waxaa doon-doonaysa maxkamadda dambiyada dagaalka adduunka ee ICC oo sheegtay inuu galay dambiyo dagaal. Warbaahinta gudaha dalka Liibiya ayaa baahisay in maxakamaddu booliska ku boorrisay inay fuliyaan xukunka la riday iyadoo la raacayo shuruucda.Faahfaahin intaa dheer lagama bixin warkaan ku saabsan xukunka maxakamddu ku ridday generaalka woodda badan ee saldhigiisu yahay bariga dalka Liibiya. Haddaba waa kuma Xaftar? Janaraal Xaftar Janaraal Khaliifa Xaftar oo qayb ka ahaa siyaasadda Liibiya muddo ka badan afartan sanno ayaa wuxuu noqday nin ay warbaahinta caalamka aad u hadal hayeen bilihii la soo dhaafay.Khaliifa Xaftar Wuxuu ku dhashay bariga magaalada Ajdabiya, sanadkii 1943-kii. Xaftar wuxuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo hogaaminaysay duulaankii Korneyl Mucamar Qadaafi uu awoodda kaga qaaday boqor Idris, bartamihii 1969-kii. Ciidamo ka amar qaata isaga ayaa la wareegay maamulka saldhigyada saliidda ugu waaweyn ee dalkaasi Liibiya, iyadoo ujeedkeedu uu ahaa, in dalalka saaxiibka la ah ay u dhoofiyaan shidaalka uu dalkaasi qaniga ku yahay, waxana ay saldhigteen magaalada dhinaca bari ku taalla ee Tobruk Jabhadnimada Xaftar Hogaamiyihii hore ee dalka Libya, Macamar Al Qadaafi ayaa Xaftar u dallacsiiyay garaadada ciidanka ugu sarreysa, wuxuuna taliye ka ahaa ciidamada Liibiya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dalka Chad ay la galeen sannadkii 1980-kii. Ciidammada Chad oo garab ka helaya Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay Xaftar iyo 300 oo askari oo uu hogaaminayay sanadkii 1987-kii, hasa yeeshee Qadaafi ayaa sheegay in ciidammadiisu aysan ku sugneyn dalka Chad oo waxaa uu inkiray in Xaftar uu yahay sarkaal u dhashay dalkiisa. Arrintan ayaa horseedday in Xaftar uu billaabo dagaal socday 20 sano oo uu ku doonayay inuu Qadaafi xukunka uga tuuro.Wuxuu howlgalkiisa waday isagoo qaab magangalyo siyaasadeed ah ku jooga gobolka Virginia ee dalka Mareykanka. Waxaa lagu tuhmi jiray inuu xiriir dhow la lahaa sirdoonka Mareykanka, ayna marar badan ku caawiyaan in kooxdiisa ay isku dayaan khaarajinka Qadaafi. Dib usoo noqoshada Haftar . Ka dib markii uu billowday kacdoonkii looga soo horjeeday Qadaafi sanadkii 2011-kii, Xaftar wuxuu ku laabtay Liibiya halkaas oo uu noqday taliye muhiim ah oo ka mid ah xoogagga mucaaradka ah ee kacdoonka ka waday dhanka bari ee dalkaasi. Markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, Janaraal Xaftar kama uusan soo muuqan shaashadaha tan iyo bishii Febraayo ee sannadkii 2014-kii, markaas oo uu qorshihiisa ka sheegay warbaahinta, si uu qaranka u badbaadiyo, wuxuuna ugu baaqay dadka Liibiya inay kasoo horjeestaan baarlamaanka la doortay, Congress-ka Guud ee Qaranka (GNC), kaas oo weli aysan muddadu u dhammaan. Hadalkiisa ayaa ku soo aaday xilli markaas magaalada labaad ee ugu weyn Liibiya, ee Benghazi iyo magaalooyin kale oo ku yaalla bariga ay saameeyeen la wareegiddii ay la wareegeen kooxda Al-Qaacidada xiriirka la leh, ee Ansar Al-Sharia. Waxaa soo baxay kooxo kale oo Islaamiyiin ah, kuwaasoo sameeyay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu bartilmaameedsanayo milatariga, booliiska iyo shaqaale kale oo dowladeed. Inkastoo Xaftar uusan xilligaas lahayn awood uu qorshihiisa ku hirgeliyo, hadana hadaladiisa ayaa dhaliyay caro, gaar ahaan magaalada Benghazi oo dadkii ku noolaa ay ka xumaadeen sidii ay GNC iyo dowladeedaba ugu guul darreysteen in ay la dagaallamaan Islaamiyiinta. Wixii hadda ka horeeyay caannimada Janaraal Khaliifa Xaftar ma dhaafsiisaneyn Libya, inkastoo xiriir hore uu la lahaa Qadaafi iyo Mareykanka, balse hadda oo Liibiya doorasho ka dhacayso lama garanayo sida uu uga falcelin doono xukunka maxakamddu soo saartay. Qaran News
-
Jeneral u dhashay Dalka Imaraadka oo loo doortay Hogaamiyaha cusub Booliiska Adduunka”Interpol”+Amnesty oo Sida Fiinta uga qaylisay Jenaraal al-Raisi Jenaraal u dhashay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay inuu dowr ku lahaa jirdil loo geystay dad maxaabiis ah ayaa loo doortay hogaamiyaha hay’adda booliska adduunka ee Interpol. Axmed Naasir al-Raisi oo sarkaal sare ka ah wasaaradda arrimaha gudaha ee Imaaraadka ayaa xilkaas oo aan wax mushaar ah lagu qaadan loo doortay afarta sano ee soo socota. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa dedaal badan u galay in aan loo dooran xilkaas, waxaana ay ku eedeeyeen inuu baari waayay eedeymo loo qaateen ah oo ka dhan ah laamaha ammaanka Imaaraadka oo lagu eedeeyay inay jirdil u geysteen maxaabiis.Jenaraal al-Raisi ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Imaaraadka oo eedeyntaas ka hadashay ayaa sheegay “inay rumaysan tahay in tacaddiyada iyo xadgudubka ay ku kacaan booliska ay yihiin wax xun oo aan loo dulqaadan karin”. Jananka ayaa lagu doortay cod bixin wareegga saddexaad la isla gaaray oo ay xubnaha hay’adda Interpol ku yeesheen kulan guud oo ka dhacay magaalada Istanbul ee Turkiga. Hawlaha uu qabanayo Jenaraal al-Raisi waxaa kamid ah inuu shir gudoomiye kulamada golaha fulinta oo dusha kala socda shaqada xoghayaha guud, Jürgen Stock, ninkaas oo ah sarkaal si joogta ah u maareeya hawl-maalmeedka Interpol. Jenaraal al-Raisi ayaa sheegay inuu ka “maqsuuday” in loo doortay hogaamiyaha Interpol, waxaana uu ballanqaaday inuu “dhisi doono hay’ad u shaqeysa si hufan, isla markaana xaqiijisa badqabka dadka oo dhan”. War kale oo qoraal ah ayuu ku sheegay in Isutagga Imaaraadka Carabta uu “mid kamid ah dalalka ugu ammaanka badan caalamka” isla markaana uu waddankaas hogaaminayo isbedalka wanaagsan ee ka socda gobolkaas ay xasaradaha hareeyeen. Hiba Zayadin oo hay’adda Human Rights Watch u qaabilsan Khaliijka Carabta ayaa sheegtay in “maalin murugo leh ay u tahay caalamka iyo sarreynta sharciga adduunka”. Waxa ay intaa raacisay in jananka uu “wakiil u yahay mid kamid ah dowladaha ugu xukunka adag Khaliijka oo ciddii si nabdoon ku mucaaradda loo aqoonsado argagexiso”. Doorashada Jenaraal al-Raisi ayaa waxaa sidoo kale dhaliilay aqoonyahan Matthew Hedges oo Britain u dhashay, kaasoo maxkamadda sare ee London u gudbiyay dacwad ka dhan ah jananka iyo saddex sarkaal oo kale, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay ku jirdileen Imaaraadka. The inevitable election of Raisi to Interpol presidency is a serious attack on the values it stands for. His complicity in systematic torture and abuse is legitimised through Interpol and gives a green light to other authoritarian states that they can act without impunity https://t.co/bfFHesMTVE — Matthew Hedges (@Mhedgesh) November 25, 2021 Aqoonyahanka ayaa sanadkii 2018 lagu xidhay Dubai xilligaas oo uu ku guda jiray cilmi-baadhis qeyb ka ah waxbarashadiisa sare ee jaamacadda, waxaana dowladda Imaaraadka ay ku eedaysay inuu yahay basaas. Qaran News
-
Tacsi Tiiranyo leh Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun,Geeridu waa xaq!. Maamuulka,Weriyayaasha & Hawl-wadeenada Bahda Warbaahinta Qarannews waxay Tacsis Tiiranyo leh u dirayaan Qoyska,Ehelka & Qaraabada Marxuum Ganacsade Maxamed Yuusf Axmed (Maxamed Aloore) oo ku geeriyooday dalka Turkiga,halkaas oo uu xaalad caafimaad u tegay. Mar labaad waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu Marxuumka janatu fardowsu-aclaa ku Casuumo.Qoyska,xigtada,Xasabada & Ehelkuu ka geeriyoodayna samir & imaan saadiqa ka siiyo Aamiin Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ahna haatan ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee Soomaaliya, Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa soo bandhigay labo arrin oo midkood xal u noqon karto dilalka kusoo badanaya magaalada Muqdisho. Yuusuf Garaad oo ka hadlay dilkii Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika” oo habeenkii Sabtidii weerar ismiidaamin ah lala beegsaday ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay falalkaas u aragto libin. Waxa uu sheegay in xiligeedii la joogo sida uu qabo in lala heshiiyo kooxda Al-Shabaab, si xal loogu helo islamarkaana meesha looga saaro dilka ay fuliso kooxdaas oo inta badan Xamar uun ah. Sidoo kale waxa uu ku taliyay in midda hore haddii ay suurtagali weyso si dhab ah la isaga dhiciyo oo loo wada jeesto dagaalka ka dhan ah, si looga keeno mira-dhal xasilooni amni u horseeda dalka. Yuusuf Garaad ayaa qaba haddii labadaas arrin midkood laga dhabeyn waayo in Al-Shabaab ay sii wadi doonto dilalka qorsheysan iyo qaraxyada oo ay inta badan ku baxaan shaqsiyaad muhiim ah iyo shacab. Dilalka iyo qaraxyada qorsheysan ee Al-Shabaab ay fuliso ayaa markale muddooyinkii dambe kusoo badanayey dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kaasi oo ugu dambeeyay mid saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan, oo ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo u badan shacab xiligaas marayey wadada dhinaceeda. The post Labo arrin midkood ‘oo xal u noqon kara’ dilka ka socda magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku biiray furinta hore ee halka ciidamadiisa ay kula dagaalamayaan mucaaradka kasoo jeeda gobolka Tigray. “Abiy waxa uu hadda hogaaminayaa weerar celiska, wuxuuna hagayey dagaalka shalay,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA. Ma cadda halka uu Abiy, oo horey uga tirsanaa militariga, uu dagaalka kaga jiro. Warbaahinta dowladda sidoo kale sooma bandhigin muuqaallo muujinaya isaga oo jooga aagga dagaalka. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, oo ka jawaabeysa wararka sheegaya in Abiy uu tegay furinta dagaalka, ayaa ka digtay in dagaalka Ethiopia “uusan laheyn xal militari.” “Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan hadallada dagaal iyo dab hurinta ah, oo ay adeegsadaan is-xakameyn, ilaaliyaan xuquuqda aadanaha, shacabkana badbaadiyaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price. Hadalka Abiy uu Isniintii ku sheegay inuu tegi doono furinta dagaalka, ayaa “kuwa badan ku dhiirii-gelisay inay ku biiraan ololaha bad-baadada,” waxaa sidaas sheegtay FANA. Boqolaal ciidamo cusub ah ayaa Arbacadii ka qeyb-galay xaflad lagu soo dhoweynayey oo ka dhacday degmada Kolfe ee magaalada Addis-Ababa. “Marka hoggaamiyaha uu ka tago kursigiisa iyo carshigiisa, waa inuu dalka badbaadiyo,” waxaa sidaas AFP u sheegay Tesfaye Sherefa, oo ah 42 jir darawal ah. Feyisa Lilesa, oo ah orodyahan Ethiopia ah oo bilad qalin ah ku guuleystay cayaaraha olombikada ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in soo siqitaanka mucaaradka “ay tahay fursad weyn” oo dalka lagu difaaco. Dhinaca kale, diblomaasiyiinta caalamiga ah iyo shaqaalaha hay’adaha ayaa kasii baxaya Addis Ababa, ayaga oo ka cabsi qaba inay mucaaradka qabsadaan, kuwaasi oo kusoo dhowaanaya. AFP + VOA The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ethiopia iyo Abiy Ahmed oo gaaray furinta hore appeared first on Caasimada Online.
-
Kabul (Caasimadda Online) – Imaaraadka Carabta ayaa kusoo biirtay loolanka ay Dowladaha Turkiga iyo Qatar ku doonayaan inay saameyn ku yeeshaan Kooxda Taliban ee la wareegtay Afgaanistaan sida laga soo xigtay afar ilo diblomaasiyadeed oo arrintan wax ka og. Imaaraadka ayaa kooxda Taalibaan usoo bandhigtay qorsho ay dooneyso in lagu siiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kabul. Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa wada-hadalo xiriir ah la yeeshay kooxda Taliban todobaadyadii la soo dhaafay si ay uga wada-hadlaan sidii loogu wareejin lahaa garoonka diyaaradaha ee u adeegaya isku xirka hawada ugu muhiimsan ee Afgaanistaan ku leedahay caalamka, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen diblamaasiyiinta shisheeye ee fadhigoodu yahay gobolka khaliijka. Warbixinta la xiriirta qorshaha Imaaraadka waxay ku soo beegantay xilli uu dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ku joogo dalka Turkiga safar uu ujeedkiisu yahay heshiisyo maalgashi. Kulanka uu Sheekh Maxamed kula yeeshay magaalada Ankara Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waa booqashadii ugu horreysay ee labada dhinac ay ku kulmaan muddo sannado ah, wuxuuna kusoo aadayaa xilli uu loolan adagi ka dhex aloosan yahay gobolka. Dowladaha Qatara, Turkiga iyo Imaaraadka ayaa ku loolamayo sidii ay dowlad kasta u muujin laheyd xiriirka dhow oo ay la leedahay Dowladda ay dhisatay Kooxda Taliban oo aan weli helin aqoonsi Caalami ah. Imaaraadka ayaa aad u daneynaya in ay ka hortagaan maqaamka diblumaasiyadeed ee Qatar ay ku leedahay Afgaanistaan, sida laga soo xigtay afartan ilood oo diiday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira xasaasiyadda ay leedahay. Qatariyiinta ayaa gacan ka geysanayay maamulida garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai, iyadoo ay wehliyaan Turkiga, waxayna kaalin weyn ka qaateen dadaalkii daadgureynta ka dib bixitaankii Mareykanka ee bishii August, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la wareegaan howlaha. Si kastaba ha ahaatee, Taliban wali si rasmi ah uma ay samayn heshiis ay la gashay Qatar, ayay yiraahdeen afarta diblamaasi. Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegay in Imaaraadka oo horey u maamuli jiray garoonka diyaaradaha ee Kabul, xilligii jamhuuriyadda Afgaanistaan ee uu Maraykanku taageerayey, “ay ka go’an tahay sii wadida ka caawinta ka shaqaynteeda”, si loo fududeeyo howlaha bini’aadanimo iyo marin ammaan ah. Labo ka mid ah diblamaasiyiinta ayaa sheegay in Taalibaan ay sidoo kale kaalmo dhaqaale ka dalbadeen Imaaraadka, inkastoo ay raaciyeen inaysan caddayn in arrintani ay la xiriirto wada-hadalladii garoonka diyaaradaha. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka oo lagu magacaabo Salem Al Zaabi, oo ah agaasimaha iskaashiga amniga caalamiga ah ayaan ka jawaabin su’aal ahayd in Imaaraadka uu ka fikirayo in uu taageero dhaqaale siiyo Taliban. Qodobka ugu weyn oo illaa hadda aysan ka heshiin Taliban iyo cidda lagu wareejinayo maamulida howlaha Garoonka ayaa ah cidda sugeyso ammaanka Garoonka. Talibanka ayaa sheegtay in aysan dooneyn in dalka ay joogaan ciidamo shisheeye, kadib markii ay dib ugu soo laabteen xukunka kadib labaatan sano oo dagaal ah. Ciidamada gaarka ah ee Qatar ayaa hadda sugaya ammaanka xayndaabka garoonka, iyadoo ciidamada gaarka ah ee Taliban ay gaaf wareegayeen aagaga bannaanka ah. The post Imaaraadka oo wada-hadal la furay Taalibaan iyo qorshaha uu ka damacsan yahay appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU, Nov 25 (Reuters) – An Islamist suicide bombing outside a school in Somalia’s capital killed eight people and wounded 17 including 13 children, the latest in a string of deadly blasts this year in a country beset by political turmoil and drought. The bombing at around 7:30 a.m. was claimed by al Shabaab militants, who said they intended to strike a United Nations security convoy passing near the school. A U.N. spokesperson in Mogadishu declined to comment. A staff member speaking on condition of anonymity said no international personnel from the U.N. were hurt but they had no information on whether Somali employees were hurt. A column of smoke rose over the Mocaasir Primary and Secondary School, where classroom ceilings crashed onto students’ desks, witnesses said. “Schools – and any other place where children congregate – should at all times be safe for children,” Mohamed Malick Fall, regional director for Eastern and Southern Africa for U.N. children’s fund UNICEF, said in a statement. Abdisalan Omar Ibrahim, 13, said the sound of the blast came as he was writing the heading of a history lesson his teacher had begun at the chalkboard. The sound was followed by the screams of his classmates as parts of the building fell on them. “A brick hit me in the head and blood was gushing onto my uniform,” he said. He and the other injured students were taken to hospital and all but one were discharged. “We were shaken by the blast pressure, then deafened by the gunfire that followed,” said Mohamed Hussein, a nurse at the nearby Osman Hospital, who was pulled from the rubble of a collapsed ceiling. Video footage and photographs showed two walls of one classroom in pieces and a chalkboard with a scrawled sentence still intact. School buses and cars were blasted into heaps of metal. Police spokesman Abdifatah Aden Hassan told reporters that a suicide bomber in an SUV full of explosives had targeted the U.N. convoy. The U.N. has many humanitarian and political staff in Mogadishu. The Aamin Ambulance service evacuated at least 23 people injured in the blast, Abdikadir Abdirahman, director of the service, told Reuters. Abdiasis Abu Musab, al Shabaab’s military operations spokesman, confirmed the Islamist group had carried out the attack targeting a U.N. convoy. Al Shabaab has been fighting Somalia’s central government for years, seeking to take power and impose its strict interpretation of Islam’s sharia law. In the past few months, the group has stepped up bomb and gun attacks in Mogadishu and elsewhere in its war against the Somalia military and the African Union-mandated AMISOM force that helps protect the government. A well-known Somali journalist was killed by an al Shabaab suicide bomber in Mogadishu on Saturday. The latest attacks come amid political tensions over a long-delayed elections process and a worsening drought. Aid group Save the Children said on Wednesday that nearly a quarter of Somalia’s population is struggling to feed itself due to the drought. Reporting by Abdi Sheikh; Writing by Elias Biryabarema and Maggie Fick; Editing by Lincoln Feast, Edmund Blair and Giles Elgood, William Maclean. The post Islamist bombing near school in Somalia kills 8, wounds 13 children appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa badbaadiyey mustaqbalka siyaasadeed ee guddoomiyaha baarlamanka waqtigu ka dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Maxamed Mursal, oo tan iyo markii uu qabtay xilka guddoomiyaha baarlamanka ahaa adeege edban oo ka amar qaata Farmaajo, ayaa halis u galay inuu kursigiisa ku waayo xurguf siyaasadeed oo kala dhaxeysa madaxweynaha Koonfur Gableed Cabdicasiis Lafta-gareen. Maxamed Mursal ayaa waxaa sidoo kale diiday odayaasha beeshiisa, oo ka careysnaa inuu kursiga iyo xilka guddoomiyaha baarlamanka ka dhigay mid shaqsi gaar ah loogu adeego, wuxuuna mar ku fakaray inaanu tegin Baydhaba, oo aanu is-sharxin. Hase yeeshee, Farmaajo ayaa cadaadis xooggan saaray Lafta-gareen kuna qanciyey inuu Mursal soo saaro, isaga oo u sheegay in haritaanka Mursal ay astaan u noqon karto in xulafadiisa siyaasadeed ay guul-darro ku dambeeyaan. Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in badbaadinta kursiga Mursal geliyeen dadaal iyo lacag badan oo lagu aamusiyey qaar ka mid ah odayaashii diidanaa. Dadaal dheer kadib Mursal ayaa Talaadii la siiyey shahaadada musharaxnimo ee kursiga HOP56, waxaana la filayaa in dib loo doorto maadaama aysan jirin musharaxiin miisaan culus oo kula tartami doona. Farmaajo ayaa abaal weyn uga haya Mursal sida uu ugu adeegay muddadii uu kursiga ku fadhiyey, isaga oo gacan ka siiyey in si sharci-darro ah xilka looga tuuro ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, sidoo kalena u ansixiyey muddo kororsigii sharci-darrada ahaa ee dagaalka geliyey Muqdisho. The post Xog: Farmaajo oo bad-baadiyey mustaqbalka siyaasadeed ee MURSAL appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Onlie) – Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa noqday musharax kaliya ee hambalyo u diray shantii xubnood ee Golaha Shacabka ee la doortay maalintii Talaadada. Dhammaan xubnaha kale ee mucaaradka ayaa ka aamusay oo diiday inay soo dhaweeyaan kuraasta shalay la doortay ee reer Woqooyiga. Isweydiinta ugu badan ayaa noqotay sababta uu Kheyre u soo dhaweeyey doorasho ay saaxiibadiis ka amuuseen. Midowga musharixiinta dhexdooda laba musharax ayaa gooni ka ah oo kaga aragti duwan xubnaha kale sida loo wajahayo diidmada Doorashada. Mid waa Xasan Cali Kheyre, midna waa Shariif Sheekh Axmed. Labadaas nin waxaa agtaala ayaa la leeyahay rajo meel kale ka muuqata. Inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Sheekh Shariif maalmahaan isbadal ku dhacay oo uu kasoo niyad jabayo habka ay ku socoto doorashada, haddana Xasan Cali Kheyre wuxuu weli u muuqdaa siyaasiga kaliya ee mucaaradka ka tirsan oo ay shaqo fiican u socoto. Afar arrimood ayaa sal looga dhigay qanaacada doorasho ee ka muuqata musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre. 1- Soo saarista Xildhibaanada Marka laga hadlayo musharixiinta mucaaradka, Xasan Cali Kheyre waxaa la sheegay inuu yahay ninka ugu badan ee ka shaqeeya arrimaha soo saarista xildhibaanada. Lacag badan ayaa la sheegay inuu ku bixiyey inuu soo saarto Senatoro iyo xubno golaha Shacabka ah. Walaac badan kama qabo dadka soo baxay oo la fahamsan yahay inuu si weyn ugu dhex jiro 2- Xubnaha reer woqooiga Marka laga tago Farmaajo, Xasan Cali Kheyre waa siyaasiga ugu badan oo ay reer Woqooyiga rabaan ama ay u arkaan inay shirko la noqon karaan, sida ay sheegayaan dadka siyaasadda gudaha xog-ogaalka u ah. Xubnaha soo baxay ee reer woqooyiga qaar ayaa si aan qarsooneyn ugu ololeeya Xasan Cali Kheyre, waxaana la sheegay inay weli shaqo badan ugu dhex socoto xubnaha reer waqooyiga ee u sharaxan Golaha Shacabka, waana sababta uu mar walba ula garab taagan yahay guubaabada iyo dhaqaalaha. 3- Xukuumadiisii hore Xasan Cali Kheyre xubnaha soo baxay illaa iyo hadda ama kuwa heysta fursadda ugu fiican ee Xildhibaanimo waxay u badan yihiin xubnihii xukuumadiisa. Kooxda Farmaajo walaac badan kama qabto xubnahaas oo ay iyaguba u arkaan inay abaal ku leeyihiin . Waxaa la sheegay inuu Kheyre aaminsan yahay inuu dadka oo dhan uga dhow yahay xubnahaas oo ay ka dhaxeyso wanaag hore, maadaama uu madax usoo ahaan jiray 3- Lacagta Kheyre, Farmaajo iyo Deni waxaa loo arkaa seddexda nin ee lacagta ugu badan heli kara ama heysta ee ku jira tartanka doorashada ee sanadkaan. Xubnaha ololaha ee Xasan Cali Kheyre waxay lacag badan ku taageereen sida la sheegay Xildhibaano iyo Senataro, waxayna weli aaminsan yihiin in haddii doorashadaan dhaqaale ku xiran tahay inaan lacag looga adkaan karin. Aftartaas qodob ayaa la sheegay inay Kheyre ku rideen dareen geesinimo ah oo uusan kaga baqeyn sida illaa hadda ay ku socoto doorashada guud ee dalka. Dadka uu soo saartay iyo kuwa uu hadda kaalmada maaliyadeed la garab taagan yahayba inay codka siin doonaan iyo in kale waa dood furan, balse shaqada uu doorashada ka dhex qabanayo Ra’isul wasaarihii hore waa mid xooggan. Inkastoo Xasan Cali Kheyre uu illaa iyo xad ku qanacsan yahay sida ay doorashada ku socoto, haddana xubaha kale ee mucaaradka ma qanacsana. The post Afar arrin oo sabab u ah inuu KHEYRE noqdo musharaxa kaliya ee ku qanacsan sida doorashada ay u socoto appeared first on Caasimada Online.
-
Anniga oo magacaygu yahay Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed ahna guddoomiye ku-xigeenka Kaabsan Group waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ganacsade Maxamed Yuusuf ALLOORE oo ku geeriyooday dalka Turkiga. Mar Kale aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan shirkadda Kaabsan Group waxa tacsi tiiraanyo gaadhsiinayaa qoyska uu ka baxay marxuun Ganacsade Maxamed Yuusuf ALLOORE oo ka mid ahaa aasaasayaashii shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom. Waxaan marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii u horeysay ka hadlay isbaaro siyaasadeed oo loo dhigay, si looga wareejiyo kursigiisa xildhibaanimo. Jawaari oo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed u tagay tartanka doorashada ayaa sheegay in laga hor istaagay musharaxnimadiisa, meeshana ay ka jirin doorasho daah-furan. “Caqabado iyo culeys ayaa naga horyimid, arrimaha meesha ka socda (Baydhabo) aniga shaqsiyan marka qiyaasay meeshan ma fidsana gogol nin gob ah oo wax kasoo doontay oday meeshan ma taallo. Waxaa socda arrimo tagri-fal caadi ah,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in si bareer ah loo sameynayo gabood fal, kaasi oo baalmarsan hanaanka doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka. “Waxaa laga horyimid xaqii siyaasiga ahaa, meeshan wax nidaam dowladeed iyo xaq wax lagu qeybinayo uma jeedo. Waxaa ka baqayaa in faraha ka baxdo dowladnimadii yareyd ee soo kasbanay.” Waxa uu intaas kusii daray in uu ka tagayo magaalada Baydhabo, maadama laga hor istaagay in uu isku soo sharaxo kursiga sumadiisu tahay HOP103 oo uu sheegay inuu yahay musharaxa rasmiga ah ee beesha ay wadato. “Aniga illaa hadda waxa ahay musharax rasmi ah oo u sharaxan kursiga 103 sugayana in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo daah-furan ayaa diyaar u ahay, illaa taas laga gaarayana sidaasa usoo taaganahay.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in wada-hadal uu u socdo beeshiisa oo iska leh kursiga go’aanka laga hor istaagay inuu isku sharaxo iyo madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed. Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aanka Guddoomiyihii hore ee BFS looga hor istaagay musharaxnimada ayaa ka yimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku amray inaan lasoo saarin Jawaari. Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa kursiga HOP103 ee uu ku fadhiyo Jaawaari u diiwaan-geliyey musharax Maxamed Cali, oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed kuna dhow Lafta-gareen. Odayaasha beesha uu kasoo jeedo Jawaari ayaa si buuxda u taageersan guddoomiyihii hore, hase yeeshee waxaa rabitaankooda hor-istaagay Lafta-gareen oo ka amar qaadanaya Villa Somalia. The post Jawaari oo ka hadlay ‘boob lagu hayo’ kursigiisa iyo arrimo uu shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa markale walaac xoogan ka muujiyey hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka. Waxa uu sheegay in dalka ay ka socon doorasho boob keli ah ee ay tahay “sharaf dhac qaran iyo in la is quusiyo oo dadka la kala dooransiiyo idooro ama aan ku dilo”. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in tartanka doorashada loo diido uddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo uu sheegay in la ogyahay waxa uu u soo taray dalka, halka shaqsiyaad tuhmanayaal ah qasab kuraas lagu saaray, sida uu sheegay. “Doorasho tartankeeda loo diiday Prof Jawaari oo dalka wuxuu u soo taray la ogyahay, Yaasiin Fareey oo la tuhunsane ahna xildhibaan looga soo dhigay, ma ah boob doorasho oo keli ee waa sharaf dhac qaran, in la is quusiyo, dadkana la kala dooransiiyo “i dooro ama aan ku dilo”.” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Siyaasiga ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo doorasho, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay iskaga dhici lahaayeen “dulmiga iyo heeryada duliga”. “Waxaan xusuusinayaa kuwa foolxumada iyo fadeexada intaa la eg ku kacaya ama ka marqaati kacaya, iyagoo Farmaajo ugu abaal gudaya in ay dadnimadooda, damiirkooda iyo qarankaba dhaawaceen.” “Waxaana hubaal ah in ay meelmari doonin, dulmiguna uusan waari doonin. Doorasho ma jirtee, shacabka Soomaaliyeed waa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dulmiga iyo heeryada dulliga u diidi lahaayeen,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa. The post “Waxa socda waa ‘i dooro ama aan ku dilo’ ee ma ahan doorasho boob keli ah” appeared first on Caasimada Online.
-
(ERGO) – Somaliland farmer Osman Yussuf Hassan has given up working on his family’s 10-hectare farm in Hareed village because the state of the road prevented him from getting his produce to market whilst still fresh. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qarixii xooganaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim, degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare kala duwan. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka qaraxa uu fuliyey naftii hure ka tirsan dagaalamayaasha xarakada, oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la bartilmaameedsaday kolonya gadiid ah oo galbineysay Saraakiil cadaan ah. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta kooxda waxa uu qaraxu haleelay mid kamid ah gaadiidka galbinayay Saraakiisha cadaanka ah, kuwaasi oo marayey inta u dhaxeysa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin iyo Dugsiga sare ee Banaadir. Waxay sheegen in qaraxaas ku dhinteen qaar kamid ah bartilmaameedkooda oo ay ku sheegen Askar Afrikaan iyo Soomaali iskugu jirto, inkasta oo aysan sheegin tirada rasmiga ah ee ay ku dileen qaraxaas. Marka laga imaado sheegashada Al-Shabaab, Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeeda ayaa waxa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaaso ka yimid dhinaca isgoyska Tarabuunka. Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo u badan shacab xilligaas marayey wadada dhinaceeda. Sidoo kale waxaa qoraalka kooban ee ka soo baxay taliska Booliska lagu sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa kolonyo waardiyeysa UN-ka oo loo yaqaano Duguf Security, kuwaas oo marayey wadada Cabdiqaasim ee isku xirta Tarabuuknka iyo KM4 The post Al-Shabaab oo guul ka sheegatay qaraxii wadada Cabdiqaasim appeared first on Caasimada Online.
-
Waa Maxay Caymiska La Rabo in Lagu Waajibiyo Gaadiidlayda Somaliland? Cabdillahi Xuseen Abhussein1988@gmail.com Waxaa si xowli ah u socda isku day ay kooxo ka ganacsada caymiska (insurance) ugu jiraan inay dadka khasab lagaga dhigo inay adeegooda iibsadaan iyagoo u soo dhex maraya nidaamka dowliga ah. Marka ay dowladu ku waajibinayso muwaadinka inuu adeeg iibsado waa inay jirto dan guud oo khasbaysa arinkaa (compelling public interest). Sida muuqata arinka caymiska waxa jira dan ganacsi oo mucaash doona (compelling business interest), taas oo ay ku doonayaan ganacsadaasi in xukuumadu dadka u khasabto iibsiga caymiska siiba ka gaadiidka. Waxaynu ku eegi doonaa qoraalkan sababaha xeer loo soo saaro, muhiimada ay leedahay in xeerarka la waafajiyo dastuurka iyo shareecada Islamka, cida awooda u leh soo saarida xeerarka waajibinaya culays maaliyadeed, dariiqa ilaa hadda loo maray in waajib lagaga dhigo muwaadinka in uu khasab ku qaato caymis gaadiid iwm. Baahi in Caymis Gaadiid la Helaa Ma Jirtaa Somaliland? Marka xeer ama siyaasad cusub la dhaqan galinayo waa inay jirta dan guud oo la xaqiijinayo (compelling public interest). Aynu is waydiinee maxaynu Somaliland ugu baahan nahay caymis gaadiid? Nidaamkeena dhaqanka ah ee qabiilku wada bixiyo magaha iyo xaqa marka cid dhibaato la gaadhsiiyo ayaa ah mid si fiican u shaqeeya. Tusaale ahaan, haddii qofku gaadiidka uu wato cid dhibaato ku gaadhsiiyo waxa dhacda in lagu xidho xarunta Ciidanka Ilaalinta Wadooyinka (Traffic Police) ilaa inta labada dhinac ee wax kalal gaadheen ay ka soo heshiinayaan qaadida masuuliyada dhibtii dhacday. Odayaasha reeraha ee masuuliyada qaaday iyagaa iska xil saara inay bixiyaan wixii ku waajibay ee magdhow ah. Nidaamkaasi waa mid shaqeeya oo cid wal oo isku qabiil ahiba ay si mutadawacnimo (voluntary) ah u bixiyaan wixii reerkooda lagu yeesho. Waxaa is waydiin leh haddii nidaamkeenaasu shaqaynayo maxaynu ugu baahanahay inaynu u bedelno inagoo u danaynayna kuwa doonaya inay ka ganacsadaan caymiska? Waxaa jirta odhaan Maraykanku isticmaalo oo tidhaa “if it isn’t broken, don’t fix it” oo macnaheedu yahay “haddii arinku si fiican u shaqaynayo, ha isku dayin inaad hagaajiso!” Iska daa inay hagaajiso e’ waxay u badan tahay in caymiskan gaadiidka ee dadka lagu khasbayaa uu khalkhal galiyo nidaamkii reeruhu isaga wada bixin jireen magaha iyo xaqa. Tusaale ahaan, haddii caymiska gaadiidku uu hirgalo oo dadka khasab lagaga dhigo waxaa dhaci doonta in reeruhu diidaan inay qofkooda gaadiid wax ku gaysta ay ka bixiyaan xaqii lagu lahaa oo ay ku andacoodaan “maxaad caymis kaa bixiya u gali wayday?” Marka reerka loo diido inay lala bixiyo qaantii ay gaadiidka ku gaysteen, waxaa dhacaya inay iyaguna diidaan marka qof kale oo qabiilka ka tirsani, tusaale ahaan, qof wax yeelo oo ay yidhaahdaan “idinkuba shalayto nalamaydaan bixin qaanti aanu gaadiidka ku gaysanay!” Caymisku Ma Waafaqsan Yahay Shareecada Islamka? Dhinaca kale, waxaa muhiim ah in lays waydiiyo in caymisku waafaqsan yahay shareecada Islamka. Asalka caymisku waa Baycul-Qarar baycul qarar الغرر بيع oo shareecadu xaaraantimaysay. Dastuurka Somaliland Qodobkiisa 5aad, farqadiisa 2aad ayaa waxay tilmaamaysaa sidan: “Xeerka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda Islaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.” Caymiska ma garanaysid waxa aad iibsanayso mar kastana labada dhinac ee wax kala iibsanaya ee caymiye iyo la caymiye ah (Insurer and insured) mid baa khasaare ku jiraya. Tusaale ahaan, haddii aan caymis gaadiid iibsato (premium) bishiina $50 bixiso muddo toban sanno ah lacagta aad bixisay waxay noqonaysa $6,000 ($50*10*12). Haddii aanad wax dhib ah ku gaysan gaadiidkaaga oo aan caymisku waxba kaa bixin shirkadii caymiskuna way faa’iiday. Dhinaca kale, waxaa suura-gal ah in qof caymis gaadiid ku iibsaday $50 bishii markuu laba bilood ku jiray uu galay shil gaadiid oo lagu xukumo lacag gaadhaysa $200,0000, taasoo shirkadii khasaare wayn ku noqonaysa, qofkiina ay culayskii ka qaaday. Nidaamka Islaamu waxa uu diidaa iibsiga noocan ah ee kolba dhinac khasaarayo xaga dhinaca kalena faa’iidayo. Haddaba waxaa jirta marka dalalka aan Islaamka ahayn qofku ku nool yahay ay culimadu u fadwoodeedn inuu caymis gaadiid (liability insurance) qaadan karo daruuro ahaan maadaama caymis la’aan aanu gaadhi kaxaysan karin. Sidaa darteed waxaa muhiim ah maxaa inaga manta inugu khasbaya ee daruuro inagaga dhigaya caymis xaaraan ah? Dariiqee Loo Maray In Caymiska Khasab Lagaga Dhigay Gaadiidlayda: Dastuurka Somaliland cida kaliya ee uu awooda u siiyey inay muwaadinka ku waajibiso culays maaliyadeed oo waa Golaha Wakiilada. Waxay ahayd in Golayaasha sharci dejinta la keeno “Xeerka Caymiska Qaranka—National Insurance Law) oo ay xildhibaanadu ka doodaan in xiligan loo baahan yahay caymis, haddii loo baahan yahay noocee loo baahan yahay, ma waafaqsan yahay Shareecada Islamka iyo inuu khasab ku noqonayo muwaadinka iyo in kale iwm. Iyadoo xukuumadu og dhibta ay kala kulmi karto inay xeerka caymiska ka ansaxiso goloyaasha sharci dajinta ayaa waxa ay meel marisay Xeerka Hay’ada Caymiska (Xeer Lr. 92/2021) oo ah kii lagu dhisayey Hay’ada Caymis. Xeerkaasu gaadiidlayda kuma waajibinayo inay khasab caymis ku qaataan. Markii Gudoomiyaha Hay’ada Caymisku oo aan ogolaansho ka haysan Gudida Caymiska Qaranka (The National Insurance Board) oo uu Wasiirka Maaliyada, Sacad Cali Shire, gudoomiye u yahay (Chairman of the Board) isku dayey inuu wareegtooyin ku waajibiyo caymiska gaadiidka waxaa uu la kulmay iska caabis badan oo kaga timid gaadiidlayda kuwaas dacwad u gudbiyey Golaha Wakiilada. Isla maalmihii gaadiidlaydu dacwada u gudbisay Golaha Wakiilada ayaa madaxweynuhu qoraal ku soo saaray dhismaha Gudida Caymiska Qaranka (National Insurance Board) oo aan horeba u jirin Maxkamada Sare ayaa hadana soo dhex gashay dacwadii caymiska gaadiidka ee khasabka laga dhigayey iyadoo aan la garanayn cid dacwad u gudbisay. Maxkamadu waxay soo saartay in wareegtadii Gudoomiyaha Hay’ada Caymisku ee sax ahaa. Waxaa is waydiin leh sida wareegtada Gudoomiyaha Hay’ada Caymiska sax ku yahay iyadoo aan go’aanka amarada ku qoran wareegtada aanay waxba ka ogayn Guddida Caymiska Qaranka iyo Gudoomiyahooda oo ah Wasiirka Maaliyada. Iminka Halkee Wax Marayaan? Waxaa iminka yaala Golaha Wakiilada Xeerka Shirkadaha Caymiska. Waxay u eg tahay inay xukuumadu wali ka warwareegayso Xeerka Caymiska Qaranka inay Golaha keento. Waxay ahayd welina tahay in xeerka caymiska horta la keeno golayaasha sharci-dajinta oo laga doodo arimaha ay ka mid yihiin 1) baahi ma u qabnaa caymis gaadiid 2) Caymisku ma waaafaqsan yahay Shareecada Islamka 3) Caymisku khasab ma ku noqonayaa gaadiidlayda mise waa haddii qofku rabo (ikhtiyaari)? Takaaful Muxuu Yahay? Takaafulku waa caymis si mudatawacnimo (voluntary) ah loo galo. Waa sidii magta ee reeruhu sanduuq samaysan jireen si ay isaga bixiyaan hadba wixii lagu yeesho. Tusaale ahaan, shirkadaha dhismaha ayaa sanduuq samaysan kara si kolba shaqaalaha wax noqda ama cidii gaadhiidkoodu wax yeelo macdhow loogu siiyo, haddii wax ugu soo hadhaan sanduuqana ay u qaybsan lahaayeen. Takaafulku ma noqon karo wax khasab ah. Sidaa darteed, khasbka la rabo in laga dhigo caymiska gaadiidka ayaa u diidaya inuu Takaaful yahay caymiskani. Kaalinta aad Ka Qaadan Kartaa Maxay Tahay? Waajibinta caymiska gaadiidku waxay culays maaliyadeed ku noqonaysaa cid kasta oo gaadhi wadata. Waxaa haboon in: Gaadiidlaydu: Iyadoo ay jirto culaysyo badan oo gaadiidlayda saaran sida shiidaalka qaaliga ah, cashuurta wado marida, badalida joogtada ah ee buuga gaadhiga/ruqsada gaadhi wadida, lacagta badqabka gaadiidka iwm haddana dadku ma qaadi karaan lacag caymis oo naas nuujin u ah shirkado gaar loo leeyahay. Sidaa darteed waa in muwaadiniintu ay fikirkooda iyo dareenkooda u gudbiyaan mudanayaasha golayaasha sharci-dejinta. Culimadu: Waa in culimadu fikirkooda ka dhiibtaan waafaqsanaanta caymiska ee Shareecada Islamka. Waxaa haboon in culimadu dadka u cadayso waxa Shareecadu ka qabto caymiska. Saxaafada: Waxaa haboon in saxaafadu ay doodo ka qabato caymiska gaadiidka oo loo yeedho gaadiidlayda, shirkadaha caymiska, madaxday Hay’ada Caymiska, xildhibaanada goloyaasha sharci dajinta iwm. Qaran News
-
Gudoomiye Waddani oo Dul-istaagey kulamo ay Nairobi Kula yeesheen safiirada dalalka taageera doorashooyinka Somaliland. “Maalintii labaad ayay weli noo socdaan kulamadii, waxaannuna kulamo kala duwan la qaadannay safaaradaha Denmark, Xafiiska EU-da ee Nairobi iyo Safaaradda Canada oo iyadu ku cusbayd arrimaha doorashooyinka Somaliland. Dhammaan kulamadaasi waxay noogu dhammaadeen is afgarad iyo guul, berritana waxaan leennahay kulamo kale oo muhiim ah, waxaanan rejaynayaa inay noogu soo idlaadaan guul iyo wanaag.Danta Somaliland ayaa inoo ballan ah Qaran News
-
Fikir sharci “Legal opinion” “Qaraarka Maamul ee ay Maanta soo saartay Maxkamada sare ee JSL sharci ahaan Maxaa ka qaldan ?…….Garyaqaan Mubaarik Cabdi Qaraarka Maamul ee ay Maanta soo saartay Maxkamada sare ee JSL sharci ahaan Maxaa ka qaldan ? Ma ka jawaabtay Cabashadii Xildhibaanadi Degmada Gabiley Racfanalayaal iyo qareenadoodi? Ugu horayn Maxkamadu waxay khilaaftay Hanaanka Garqaadista cadaalada ah ee ku xusan xeerka Habka Madaniga ah Gaar ahaan qaybta Racfaanada khusaysa ,oo waajibinaysa in marka Racfaan Maxakamada imaado uu dhinaca kale ee Racfaansanuhu ka soo jawaabo cabashada Racfaanka , ka dibna loo qabto fadhi lagu dhagaysanayo dacwada iyo dooda u dhaxaysa dhinacyada . Nasiib daro taasi ma dhicin sida ku qoran Go,aanka Maxakamada waxa kaliya ee ay maxakamadu qaraarekeeda ku salaysay waa Go,aanki wasaarada Arrimaha Gudaha oo ah kii isaga laga cabanayay waxay se xeer ahaan ahayd inay wasaaradu ka soo jawaabto cabashada dhinaca diidan sharcinimada go,aankeeda ,Maxakamaduna isla eegto oo daristo dooda dhinacyada iyo qoraaladooda. Sida uu ina farayo xeerka Nidaamka Garsoorka soomaliland Dacwadaha ay Waaxda xukuumadu dhinaca ka tahay waxa matalaya oo ka hor difaacaya maxakamadaha Hortooda xafiiska Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka – JSL oo ah Qareenka Guud ee Dawlada , Qaraarka Maxakamadana kuma xusna Qoraal ama Dood uu leeyahay Garyaqaanka Guudi. 2)Maxakamadu waxay qaraarkeeda ku salaysay inuu Go,aanku wada khuseeyo Dawladaha Hoose oo dalka oo dhan ,Racfaanlayaashuna aanay Wakaalad Matalaad ah ka haysan xubnaha Golayaasha deegaanada ee dalka intiisa kale ? Tani muhiim maaha waana sharci jabin iyo duudsi xuquuqeed Xeerka caalamiga ah iyo kan maxaliga ahiba waxay muwadiniinta u damaanad qaadayaan xaqa dacwada iyo is difaaca. Go,aan kasta oo idaari ah Qof baa ka caban kara ama Ha,yad dawli ah ama qof caadi ah ,cid kasta oo u aragta inuu Go,aankaasi samaynayo way ka caban kartaa ,Maxakamadana waxa waajib ku ah inay ka go,aan gaadho cabashada u timaada uun. 3)Inaga oo eegayna Awoodaha uu dastuurku u xadeeyay Maxakmaduhu waa “U Garnaqa Dadka iyo dawlada ,Laamaha dawlada dhaxdooda iyo dadka dhaxdooda . 4)Go,aan Maamul /Wasiir/ Wasaradeed amaba Go,aan Maxakamadeed ma lagu baabin karaa Xeer dhaqan Gal oo Barlamaanku Ansixiyay jawaabta oo kooban waa Maya , Maadama uu wax ka bedalka xeerka Is maamulka degmooyinka iyo Gobolada xeer L/R 23/2019 uu Golayaasha deegaanka siiyay xaqa ah inay yeeshaan fadhiyo caadi ah iyo kuwa aan caadi ahaynba Xafiis kale kama qaadi karo hadii uu yahay wasaarada ama xukuumada. Ugu dambayntii shaqada Ha,yadaha dawlada ee kala soocani waa sidan fuduud ee hoos ku faahfaasan . A)Waaxda Xeer Dejinta “Shaqadeedu waa soo saarista xeerarka dalku u baahan yahay iyo Qaraaro Gole” B)Waaxda Garsoorka “Shaqadeedu waa Dabaqaada iyo Tafsiirka xeerarka ay soo saaran waaxda Xeer Dejintu”. c)Waaxda Xukuumada “Shaqadeedu waa Fulinta Go,aanada ka soo baxa Maxakamadaha iyo Fulinta xeerarka ay soo saaraan xeer dajiyayaashu”. “Waaxuhu waa inay shaqada isku ixtiramaan oo aanay isku Gacan dhaafin”. Qaran News
-
SONYO iilka yaa dhigay ? …..Mohamed Sidik – Dhamme Dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxay ku jirtaa xaaladdi ugu liidatay taariikhda intay aasaasneyd, dalladdu waxay ka koobantahay 53 urur iyo 3 Jaamacadood, ururada ku jira SONYO jiritaan ahaan iyo shaqo ahaanba way sii baaba’yaan, Miisaaniyadda qaranka waxa ugu jira 300 Milyan SHSL sannadkii, lacagtaasii waata fadhiidka ka dhigtay shaqada dallada iyo masuuliyaddi ahayd isla xisaabtanka (Accountability) Muddo xileedka hoggaanka sare (National Council) waxay xilka hayaan 23 bilood waxa u hadhay 13 bilood xilkooda, muddada waxay heleen 2 mashruuc oo keliya, waxa meesha ka baxday kalsoonidii (Trust) ay ku qabeen haayadihii siin jiray mashaariicda, Haayaddo dhawr ahi waxay geliyeen SONYO liiska madaw ( Black list) oo ay ka mid tahay haayadda (Oxfam) si loo badbaadiyo jiritaa ahaan iyo dallad ahaanba waxay u baahantahay SONYO talo qaran oo lexejeclo madaama ay tahay hanti qaran oo dhallinyarada Somaliland leedahay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka ee Heritage oo si qoto dheer looga hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo waxa xiligan xal u noqon kara, ayaa waxaa walaac xoogan looga muujiyey hanaanka ay ku socdaan. Heritage ayaa ugu horeyntii warbixinteeda ku sheegtay haddii lagu sii socda doorashada musuq-maasuqa iyo wax isdaba marinta inay fashil u horseedi doonto mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya. “Sannadkan 2021-ka waxa doorashadii ku yimid dib-u-dhac iyo xil-fidsasho ka duwan wixii hore. Haykalka siyaasadda qaran ee Soomaaliya waxa boqonteeda heeray cadaawad iyo kala qaybsanaan. Intii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayey (2017 – 2021), isaga iyo hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyadu waxa ay isku noqdeen dab iyo dhagax aan dirirtoodu gamaarin.” Warbixinta ayaa sidoo kale machadka diirada ku saaray sababaha gaabiska tirada badan ku keenay hanaanka doorashada iyo qoddobo dhowr ah oo si gaar ah ugu xaglinaya danaha Golaha Wada-tashiga Qaranka oo ayagu meel marsadeen. Hoos ka aqriso warbixinta oo dhameystiran Hordhac Inkasta oo ay doorashooyinka dadban ee Soomaaliya yihiin kuwo ka fog caddaaladda iyo xornimada, haddana labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxa ka soo baxay natiijooyin ay si weyn ugu qanceen saammilayda siyaasadda iyo shacabka intooda badani. Sannadkan, dibudhaca xeeladaysan ee ay ku kaceen kuwa hoggaaminaya geeddi-socodka doorashooyinka, xildhibaannada aqalka sare ee madax ka taabashada lagu soo xushay, iyo heshiisyada iyaga uun u danaynaya ee ay gaadheen ayaa keenay natiijooyinka lagu muransan yahay iyo xasilooni darrada siyaasadeed ee dalka ka jirta. Si kale haddii aynnu u dhigno, haddii musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta ay siyaasiyiintu ku hayaan doorashada dadbani,ku sii socoto mid aan la hubin, waxa laga yaabaa in uu fashil ku danbeeyo mashruuca dawlad-dhiska Soomaaliya. Gogoldhig Kooban Dhibaatada hadda jirtaa waxa ay ka dhalatay in ay dawladda faderaalka ee Soomaaliya ku guuldarraysatay in ay muddo xileedkeedii oo ahaa 2017-2021 ku qabato doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ahayd in ay ka dhacdo (degmooyinka,gobollada iyo guud ahaan dalka). Sidaa darteed dawladda faderaalka iyo dawlad-goboleedyada waxa lagu qasbay in ay ku wada xaajoodaan heshiisyo siyaasadeed oo taxane ah, kuwaas oo lagu soo afmeeray heshiiskii doorashooyinka dadban ee qabsoomay 17-kii Sebtember 2020, iyada oo raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble loo xilsaaray in uu hoggaamiyo geeddi-socodka doorashada iyo hirgalinta go’aannada la isla qaatay. Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa gaaray heshiiskii labaad ee doorashooyinka dadban bishii May 27-keedii 2021 waa uun bil ka dib markii uu dhammaaday muddo-xileedkii baarlamaanku bishii Desember 2020 iyo sida oo kale markii ay dhammaatay muddo-xileedkii madaxweynuhu 8-dii Feebaraayo 2020. Isku day muddo korodhsi laba sannadood ah oo ay sameeyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaanka baarlamaanka Aqalka Hoose ayaa magaalada Muqdisho ka dhaliyey isku dhacyo rabshado wata bilihii Abril iyo May 2021. Buuq ka aloosmay gudaha dalka iyo culays kaga yimi beesha caalamka ayaa madaxweynaha iyo Aqalka Hoose ba ku qasbay in ay ka laabtaan muddo-korodhsigii ay ku walfeen. Si loo dadajiyo geeddi-socodka doorashada, loona ilaaliyo hufnaantii hore u dhaawacantay, Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay bilaabeen in ay ka shaqeeyaan dhammaystirka nidaamka doorashada dadban. Golahani waxa uu ka kooban yahay shanta madaxweyne ee dawlad-goboleedyada (Galmudug, Koonfurgalbeed, Hirshabeelle, Jubbalan iyo Puntiland) iyo raysalwasaare Rooble oo ah guddoomiyahooda. 2020-kii ilaa 2021-kii hoggaamiyeyaasha dawladda faderaalka iyo kuwa dawladgoboleedyadu waxa ay kulmeen dhawr jeer, kulamadaas oo ay intooda badani qabsoomeen jawi kacsan oo xamaasad leh. Madaxweyne Farmaajo, labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbalan, hoggaanka Aqalka Sare, kooxaha mucaaradka ah ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo musharraxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha ayaa dhammaantood ismaandhaafay oo isku murgay. Ka dib markii uu gorgortanku daba-dheeraaday, ee la dhex-muquuray mawjadaha badweynta kacsan iyo mawqifyo aan tanaasul lahayn, ayey daneeyayaasha siyaasaddu go’aansadeen in khibradihii hore ee doorashada dadban loo noqdo si loogu adeegsado qorshe-hawleedkan, waxa aanay isla qaateen isfahan ku dhisan halbeegyada muhiimka u ah hannaanka doorashada dadban. Intaa ka dib, raysalwasaaraha iyo madaxda shanta dowlad-goboleed ayaa 22-kii Agoosto 2021, soo saaray war-murtiyeed lagu faahfaahiyey qaabka ay u dhacayso doorashada Aqalka Sare iyo ta Aqalka Hoose ee 2021. Dibudhigista Xeeladaysan ee Siyaasiyiinta Madaxweynaha dawladda faderaalka iyo hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyada ayaa markii hore isku raacay in la qabanqaabiyo doorasho dadban 17-kii Semtember 2020. Guddida doorashaduna waxa ay shaqaynayeen in ka badan hal sano. Arrinta xiisaha lihi waxa weeye in geeddi-socodka xulista Aqalka Sare uu Golaha Wadatashiga Qaranka ku qaatay muddo ka badan afar bilood, iyada oo ay hadda bilaabantay doorashadii dadbanayd ee xubnaha golaha shacabku. Saddex arrimood ayaa inta badan loo aaneeyaa in ay gaabis ka dhigeen hannaanka doorashada. Tan kowaad, waa isqabqabsiga awoodeed ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo raysalwasaaraha ee salka ku haya maamulka hay’adda sirdoonka iyo kiiska sarkaaladda la la’yahay ee Ikraan Tahliil. Ta labaad, waa hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka oo aan soo bandhigin rabitaankooda siyaasadeed ee ku aaddan hirgalinta doorashooyinka dadban. Dhab ahaantii, inta badan hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyadu waxa ay dib u dhigaan geeddi-socodka doorashada, sababta oo ah waxa ay doonayaan in wax laga beddelo laba qodob oo ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey 17-kii Semtember, kuwaas oo qaba in goobaha doorashada oo ahaa laba magaalo, laga dhigo hal magaalo iyo in la dhimo ergada codaynaysa oo halkii ay ka ahaayeen 101-da ergay laga dhigo 51 ergay. Dibu-eegis badan oo lagu sameeyo heshiiskii 17-ka Sebtember 2020, ma aha kuwo wax ku ool ah xilligan lagu jiro-waxaanay abuuri doonaan dhibaatooyin ka badan inta ay xallinayaan. Ugu danbayn, hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa qilaafka iyo kala qaybsanaanta u arkay jid ay ku kasban karaan taageerada maaliyadeed ee ay bixiso beesha caalamku. Soo xulista Aqalka Sare Dastuurka ku meelgaarka ahi waxa uu dhigayaa in ay jiraan laba aqal oo baarlamaan, kuwaas oo ka kooban aqalka hoose oo ah 275 xildhibaan (Golaha Shacabka) iyo 54 xildhibaan oo Aqalka Sare ah ( Golaha Guurtida). Qodobka 72-aad ee dastuurka ayaa si cad u qeexaya in “Aqalka sare lagu soo doorto doorasho toos ah, oo qarsoodi ah, taas oo ay shacabka dawlad-goboleedyadu ugu codeynayaan si xor iyo xalaal ah, tiro ahaan waa in aanay ka badan 54 xubnood, waana in lagu saleeyaa 18-kii gobol oo hore uga jirey Soomaaliya ka hor 1991-kii. Dawladda Soomaaliya ayaa ku guuldarraysatay in ay qabato doorasho toos ah sannadkii 2016-kii, sidaas darteed, Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa xilligaas isku raacay nidaam doorasho oo dhigaya in ay baarlamaannada dawlad-goboleedyadu si dadban u soo doortaan 54-ka xildhibaan ee Aqal Sare. Heshiiskii siyaasadeed ee la gaadhay 2016-kii waxa ka soo baxay in kuraasta Aqalka Sare loo qaybiyo dawladgoboleedyada, iyada oo afar dawlad-goboleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland loo qoondeeyay mid iyo siddeed kursi, halka Somaliland (Dir Waqooyi) iyo Puntland midkiiba laga siiyey 11 kursi. Maaddaama ay Soomaaliland goonni isu-taagtay 1991-kii, Madasha Hoggaanka Qaranku waxa ay ku heshiiyeen in ay guurtida matalaysa beelaha Dir-Waqooyi soo doortaan koox adaydhaqameed ah iyo ergo beeleed ku sugan Muqdisho, halka guurtida metalaysa qabiilka Sool clan ee ka tirsan beesha Daarood iyo guurtida Warsangali lagu soo doorto Puntland.4 Xubnaha guurtida ayaa markii ugu horreysay la doortay 2016-kii. Sida ku cad heshiiskii 17-ka Sebtember 2020-kii, oo dhigaya hannaan cusub oo doorashada loo galayo, ayaa isna tirada iyo qaybsiga xubnaha Aqalka Sare ka dhigaya si la mid ah habkii lagu xusay heshiiskii hore ee 2016-kii, iyada oo lagu sheegay in baarlamaannada dawlad-goboleedyadu ay soo dooranayaan xubnaha Aqalka Sare.6 Imminka oo qoraalkan gacanta lagu hayo, waa la doortay xildhibaannadii Aqalka Sare. Intooda badan xubnaha ku fadhiistay kuraasta Aqalka Sare may soo marin wax tartan ah oo lagu kalsoonaan karo, sidaa darteed in wixii dhacay doorasho lagu sheegaa, waxa ay noqon kartaa qalad iyo meel ka dhac. Hoggaamiyeyaasha dawladgoboleedyada ayaa hannaankii doorashada maamulay oo cunaha iskaga duubay, iyaga oo soo xushay xulafadoodii siyaasadda, saaxibbadood, iyo xataa qoysaskooda qaar ka mid ah. Baarlamaannada gobollada ayaa canbaareeyay shaqsiyaadka ay madaxweynayaashoodu si badheedh ah hore ugu sii xusheen. Nasiib darro, marka laga yimaaddo kuraas kooban oo Hirshabeelle iyo Somaliland ah, ma jirin tartan ah oo loogu loollamay kuraasta Aqalka Sare. Heshiisyo Cid Gaar ah u Adeegaya Heshiiskii 22-kii Ogoosto 2021, oo qeexaya hannaanka doorashada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ayaa awood aan hore loo arag siinaya xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka. Heshiiskaas waxa lagu qeexay in 101-da ergay ee ka kala imanaya qabiillada Soomaaliya ay dooranayaan xubnaha baarlamaanka (2017-kii waxa ay ahaayeen 51 ergay). Codbixintu waxa ay ka dhici lahayd laba magaalo oo ka tirsan dawlad-goboleed kasta; halka ay sidii hore oo kale uga dhacday hal magaalo. Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay ansixiyeen kooxo isugu jira heer qaran iyo heer gobol oo maamulaya doorashada, isla markaasna ah guulwadayaal ay soo magacaabeen qoorweynta ugu cadcadi, iyaga oo u qorsheeyay in ay kormeeraan hirgelinta doorashada dadban. Isfahan ayaa laga gaaray qodobbo la isku maandhaafsanaa oo ay ka mid yihiin qaabkii loo maamulay doorashada gobolka Gedo; bal yaa maamuli lahaa soo xulista codbixiyayaasha soo dooranaya xildhibaannada metalaya ‘Somaliland’ (doorashadu waxa ay ka dhici lahayd Muqdisho); yey se noqon lahaayeen codbixiyeyaashaasi. Qabanqaabada amniga doorashada ayaa la sameeyay, waxaana mar kale la isku raacay hab-dhaqankii caadiga ahaa ee loo adeegsaday doorashooyinkii hore. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskii 22-kii Ogoosto waxa ka buuxay qodobbo dhibaato badan oo loogu talagalay in ay u adeegaan danaha Golaha Wadatashiga Qaranka. • Odoyaasha oo kaliya ayaa uu dowlad-goboleed kastaa u aqoonsan yahay in gacan ka geysan karaan soo xulista 101-da oday-beeleed ee u codeynaya kursi kasta oo aqal hoose ah; • Kooxda Hirgelinta Doorashada Dawlad-goboleedyada, oo ay soo xushaan madaxweynayaasha dawlad-goboleedyadu, ayaa go’aan ka gaaraya xubnaha ka imanaya bulshada rayidka ah ee odayaasha ka caawinaya soo xulista 101-ka ergay; • Ma jiraan wax shuruuc ah oo loogu talo galay in lagu hubiyo in kuraasta haweenka la ilaaliyey ama boqolkiiba soddonka kursi ee kootada u ah aan lagu tagrifalin • Musharaxiinta iyo codbixiyeyaashu waa in ay shahaado danbi la’aan ah ka sitaan booliska degmada- arrintan waa la siyaasadayn karaa • Doorkii kooxda hirgelinta doorashada federaalka waxaa lagu soo koobay waxyaabo aan badneyn sida shahaado siinta xildhibaannada cusub ee laga soo doorto heer gobol; sida oo kale guddida xallinta khilaafaadka awood looma siin in ay qaataan doorka hubinta ee kaga aaddan odayaasha ay soo gudbiyaan dawladgoboleedyadu. • Waxa kale oo uu Golaha Wadatashiga Qaranku yareeyay tirada kooramka codbixiyeyaasha, iyaga oo isku raacay haddii 67 codbixiye oo qudhi ka yimaaddaan 101-da ergay in doorashadu hirgalayso. Dowlad-goboleedyadu waxa ay si fudud u diidi karaan ama u eryi karaan codbixiye kasta oo aysan rabin in uu joogo goobta doorashada. Waxa laga yaabaa in qof ku doodi karo in arrinta kor ku xusani tahay qaabkii ugu foosha xumaa, oo aanay hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranku afduubi karin nidaamka doorashada. Waannu kaa diidnay. Waxa jira caddaymo buuxa oo walaac muujinaya. Hogaamiyeyaashani waxa ay hore u marin habaabiyeen nidaamkii doorashada Aqalka Sare. Waxa kale oo ay si badheedh ah u geliyeen qodobbada sare ku xusan heshiiskii 22-kii Ogoosto si ay hawsha u maroorsadaan, ulana soo baxaan natiijooyin qaldan oo hore loo sii qoondaystay. Haddii aan arrintan si degdeg wax looga qaban, wax isdabamarinta badheedhka ahi waxa ay wax u dhimi doontaa hannaanka doorashada oo dhan. Falaqaynta iyo Saamaynta Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ilaa iyo hadda jamhuuriyaddii saddexaad ee Soomaaliya salka u dhigtay waa in afartii sanaba hal mar doorasho la qabto. Waxa jiray heshiisyo badan oo ku salaysan xeerarka doorashooyinka dadban; kuwaas oo la gaadhay sannadihii 2000, 2004, 2009, 2012 iyo 2017-kii. Bilowgii hore muddo-kordhinta lama ogolayn. Maadaama oo uu dalku ka soo doogay xaalado colaadeed, marka ay dhammaato muddo-xileeddu, haddii doorasho toos ah la qaban kari waayo daneeyayaasha siyaasadda ayaa ka wada xaajoon jiray oo ku heshiin jiray nidaam ka duwan kii hore. Marxalad kasta, dadaallo ayaa loo huray sidii loo hagaajin lahaa nidaamka doorashada, tallaabo kastana waxa loo qaaday sidii loo heli lahaa hannaan ay raalli ku yihiin inta ugu badan saammilayda siyaasaddu. Waxaana marxalad kasta oo doorasho ku soo baxayey madaxweyne cusub iyo hoggaan baarlamaan. Qabiilooyinka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray soo xulista cidda metalaysa. Sannadkii 2000, hal hoggaamiye dhaqameed(ugaas/suldaan) ayaa inta uu la tashaday beeshiisa magacaabay 225 xildhibaan.Sannadkii 2012-kii, 135 oday dhaqameed ayaa soo xulay dhammaan 275-ka xildhibaan. Sida oo kale doorashadii dadbanayd ee 2017-kii, 51 ergay beeleed (oo ay soo xuleen oday dhaqameedku) ayaa doortay xildhibaannada. Sannadkan 2021-ka, 101 ergay beeleed ayaa loo xilsaaray in ay doortaan xildhibaan kasta. Madaxda qaranka (xildhibaannada iyo madaxweynaha) ayaa sida oo kale lagu soo xulay/doortay doorashooyin xor ah oo aan rabshad lahayn, waxaana la abuuray hay’ado si weyn loogu heshiiyey, si kastaba ha ahaatee, kuwo itaal daran ayey noqdeen. Machadka Heritage ayaa 2019-kii sii gartay in aanay xukuumadda Farmaajo qaban karin doorasho qof iyo cod ah. Waxa aanu Machadku soo jeediyay afar doorroone, isaga oo qiimayntaas ku jaangooyey todobada halbeeg, ee ay ka midka yihiin; ‘in dhib la’aan la qabto’, in tartiibtartiib loo kobco si loo gaadho doorasho qof iyo cod ah, in la badiyo tirada dadka codaynaya iyo in la isla qaato go’aan ay ku midaysan yihiin saammilayda siyaasaddu. Si kastaba ha ahaatee, sannadkan 2021-ka waxa doorashadii ku yimi dibudhac iyo xil-fidsasho ka duwan wixii hore. Haykalka siyaasadda qaran ee Soomaaliya waxa boqonteeda heeray cadaawad iyo kala qaybsanaan. Intii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayey (2017 – 2021), isaga iyo hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyadu waxa ay isku noqdeen dab iyo dhagax aan dirirtoodu gamaarin. Madaxweyne Farmaajo waxa uu beddelay hoggaamiyeyaasha saddex maamul-goboleed, oo uu u arkay in ay caqabad ku yihiin hiraalka uu ka leeyahay Soomaaliya. Dedaallo badan oo siyaasad iyo dhaqaale ba leh ayaa ku baxay in xilalka laga qaado, oo lagu beddelo xulufo siyaasadeed oo la jaal ah ah xukuummada. Dhaleecaynta ka soo yeedhaysa gobollada loollanka adagi ka dhaxeeyo ee (Jubbaland iyo Puntland) iyo sida oo kale mucaaradkii fadhigoodu ahaa Muqdisho – oo ay ku jiraan labadii madaxweyne ee hore oo u tafoxaydan soo laabasho siyaasadeed – ayaa laga dheefay is-maandhaafka siyaasadeed iyo isku dhac ciidan, oo ay wehelinayeen rabshado marar dhawr ah ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxa nasiib darro ah, in aanay hoggaamiyeyaasha siyaasaddu waxba ka baran taariikhdeenna, taas oo inna baraysa in ku shubashada doorashada iyo xukun jacaylka indho la’aanta ahi horseedi karaan oo kaliya isku dhac iyo rabshado colaadeed. Machadka Heritage waxa uu daraasadihiisii hore ee sannadihii 2019-kii iyo 2020-kii, kaga digay cirib xumada ka dhalan karta muddo kordhinta iyo musuqmaasuqa doorashada.10 Ilaa iyo markii ay xukuumaddu ku guuldarraysatay in ay dhammaystirto hawlaha lagama maarmaanka u ah qabashada doorasho hal qof iyo hal cod ah, Machadka Heritage waxa uu soo bandhigayey qodobbo muhiim ah, waxaana uu ku baaqay in la hagaajiyo nidaamka doorashada dadban, si loo muujiyohorumarka lagu sii tallaabsanayo ee ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.11 Sidii aynnu hore u soo sheegnay, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa magacaabay xildhibaannada Aqalka Sare badankooda, waxaanay isu arkeen in ay leeyihiin awoodda magacaabista 275 xildhibaan, iyaga oo adeegsanaya xubno magac u yaal ah oo isu soo eekaysiiyey odayaal, dad firfircoon oo rayidka ah iyo ergo beeleedyo. Heshiiskii 22-kii Ogoosto ayaa oday beeleedyadii la aqoonsanaa afka ciidda u galiyey. Taa beddelkeeda, kooxda hirgelinta doorashada ee dawlad-goboleedyada (SEIT), oo ah hay’ad ay gacanta ku hayaan Golaha Wadatashiga Qaranku ayaa soo xulan doona koox isugu jira odayaal iyo hoggaamiyeyaal rayid ah. Odayaashan iyo xubnahan rayidka ah ayaa iyaguna soo xuli doona 101-ka ergay ee dooranaya xildhibaan kasta oo baarlamaan ah. Aad ayey Soomaaliya ugu nugushahay damaca siyaasiyiinta ma dhargeyaasha ah. Dhawr jileyaal oo muhiim ah ayaa mar hore ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaranku in ay dibu-eegis ku sameeyaan habraacooda. Ururrada bulshada rayidka ah kuwooda ugu waaweyn iyo oday dhaqameeddada laga haybadaysto iyo waliba qaar badan oo ka mid ah kooxaha siyaasadda ayaa ka soo horjeestay, isla markaana si adag uga hadlay heshiiskii 22-ka Ogoosto. Waqtiyadii hore, beesha caalamka ayaa inta badan madaxda Soomaalida ku cadaadin jirtay, gacanna ka siin jirtay sidii ay laba maamul u kala beddeli lahaayeen. Waxa xiise gaar ah leh, marka laga yimaaddo soo saarista warmurtiyeedyada muddaysan, beesha caalamku waxa ay u muuqataa in ay xaaladdan kaga gaabsatay siyaasad ah “balaayada indho iyo dhego toonna uma lihi”. Sababo aan caddayn ayey beesha caalamku u isticmaali waayeen awoodahooda. Mararka qaar, awood la’aanta sharciga ee ka dhalatay habraacyada xakamaha lahayn iyo hormuudka siyaasadda ee aan lahayn go’aanno lagu kalsoonaan karo oo dhibaatada wax lagaga qabto marka ay doorashadu timaaddo,taas oo niyad-jabisay deeq-bixiyeyaasha, kana dishay xiisihii ay u qabeen mashruucaas oo dhan. Beesha Caalamka, dooddeedu waxa ay daaran tahay, in aan rajo laga qabin sii taageeridda xaaladdan cakiran ee aan lahayn dagaalka,nabadda,horusocodka iyo dibusocodka arrintan oo ay dabaqadda siyaasaddu abuurtay 20-kii sano ee u dambeeyay. Magacaabistii xildhibaannada Aqalka Sare oo aan loo meel dayin, dibudhacyo dabadheeraaday iyo heshiiskii 22-kii Ogoosto, ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku afduubeen gabi ahaanba hannaankii doorashada dadban, taas oo wax u dhimeysa xasiloonida mustaqbalka fog iyo mashruuca dhismaha dowladnimada. Waxa aannu aamminsannahay in natiijada doorashada lagu shubtay ay sii fogeyn doonto uun kala qeybsanaanta bulshada iyo siyaasadda umadda Soomaaliyeed. Tani waxa ay u badan tahay in ay soo celin doonto dhacdooyin yeelan doona afar saameynood: Ta koowaad, ka dib markii ay dhaceen rabshadihii Abriil 2021, Golaha Wadatashiga Qaranka, oo uu hoggaamiyo raysalwasaaruhu, ayaa la filayey in ay kormeeraan hannaan doorasho oo dhammaantood aqbali karaan saammilaydu. Nasiib darro, waxaa caddaatay in raysalwasaaruhu uusan wax awood ah ku lahayn madaxda dawlad-goboleedyada. Habkii uu Golaha Wadatashiga Qaranku u maareeyay kal-fadhigii golaha guurtida iyo doorashadii golaha shacabka ee loo maray heshiiskii22-kii Ogoosto ayaa caqabad ku ah sharcinimada natiijada. Haddi ay hawshani ku sii socoto sidan ay hadda tahay, way adkaan doontaa in Golaha Wadatashiga Qaranku sii ilaaliyaan kalsoonida dhinacyada kala duwan. Arrintanina waxa ay keeni kartaa dhibaato ugub ah. Ta labaad, inkasta oo aanay xubnaha xildhibaannada dawlad-goboleedyada ahayn kuwo ay soo doorteen dadka deegaannadaas deggan, haddana doorashadii Aqalka Sare waxa ay sii kordhisay iskhilaafsanaanta sharciga. Halkii ay hay’adahaas ka tayeyn lahaayeen, madaxda dawlad-goboleedyadu waxa ay soo magacaabeen musharraxiin ay iyagu leeyihiin, waxaanay ku dhuftaan shaanbadda xildhibaannimada. Waxa la lumiyey fursad aad u weyn. Marka loo ogolaado dhammaan musharrixiinta hanka leh in ay u tartamaan aqalka sare, ayey madaxda dawlad-goboleedyadu samatabixin karaan hufnaanta geeddi-socodka doorashada, waxaanay kor u qaadi kartaa sharcinimada baarlamaannada gobollada iyo soo ururinta dhaqaalaha loo baahan yahay in lagu shaqeeyo. Tan saddexaad, hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka oo si xun loo maamulay ayaa keenaysa dhaqanka siyaasiga ah ee burburka iyo curyaaminta ku salaysan, taas oo ah waxa dalka maanta halkaas dhigay. Siyaasadda ay aragtideedu ku dhisan tahay in dagaal cir iyo dhul ah lagu qaado cidkasta oo siyaasaddaada lid ku ah ayaa keentay in ay haldoorka siyaasaddu galaan wareegyo aargoosi oo aan dhammaad lahayn.Haddii uu xaalku sidan iska beddeli waayo doorashooyinka soo socda ka dib, hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyada badankoodu waxa ay ku dhibtoon doonaan sidii ay talada u sii hayn lahaayeen. Sidan si la mid ah ayaa dhacday doorashadii madaxweynaha ee 2017-kii. Sannadkii 2016-kii dhammaan hoggaamiyeyaashii dawlad-goboleedyada ee kormeerayay doorashooyinka baarlamaanka ayaa xilligaas si aan qarsoodi ahayn ugu qasbay musharraxiinta in ay xafiiska ka tagaan, taas oo ay fuliyeen tartamayaashii maxalliga ahaa iyo kuwii qaranku, sababta ugu weynina waxa ay ahayd sida ay u maareeyeen doorashooyinka. Ugu danbayn, muhiimmadda ugu weyni waxa ay tahay, doorashooyinka la musuqmaasuqay ayaa markii hore keenay in laga tanaasulo xalaalnimada natiijada doorashooyinka. Doorashadii baarlamaanka ee dhacday 1969-kii ayaa ahayd meesha ay sartu ka qudhuntay. Waxa dhacday doorasho aad loo musuqmaasuqay, oo caddaaladdu ka fog tahay, taas oo keentay in qaybo bulshada ka mid ahi ku kacaan rabshado iyo qalalaase. Waana arrinta soo dadajisay in uu dumo nidaamkii cusbaa ee dimuqraadiga ahaa, soona baxdo dawladdii militariga ee kalitaliska ahayd, taas oo dalka u horseedday dagaal sokeeyo oo foolxun. Marka loo eego sida ay wax u dhaceen, waxa macquul ah in natiijada sannadkan si weyn loogu murmi doono. Dadku waa ay hubaysan yihiin, waxaana jira cabashooyin beelaysan oo qoto dheer. Haddii aan arrintan si taxadir leh loo xallinin, waxa laga yaabaa in ay doorashada ka dhashaan kacdoonno halis leh iyo rabshado beelaysan, taas oo gabi ahaan ba dhaawacaysa geeddi-socodka dhismaha dawladnimada. Gunaanad Labaatankii sano ee u danbeeyay, Soomaaliya waxa ay ku hawllanayd dhismaha hay,ado curdina, oo dimuqraaddi ah. Laga soo bilaabo 2000 ilaa 2017-kii, waxa la qabanayey doorashooyin dadban, xilwareejjintuna waxa ay ku dhacaysay nabadgalo buuxda. Waana sababta keentay in doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ay noqdaan dimuqraaddi-xigeen si weyn loogu qanco. Wixii ka danbeeyay rabshadahii dhacay bishii Abrill 2021, ee ka dhashay muddo korodhsigii aan muhiimka ahayn ee sharci darrada ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu hoggaamiyo raysalwasaaruhu loogu igmaday in ay kormeeraan habsami-socodka doorasho dadban oo xalaal ah si ay u dhacdo doorasho ay raalli ku yihiin dhammaan saammilayda siyaasaddu. Ayaan darro, qaabkii ay Golaha Wadatashiga Qaranku u maamuleen hawlihii Aqalka Sare iyo qorshihii loo dajiyey in lagu qabanqaabiyo doorashada dadban ee Golaha Shacabka, iyada oo laga duulayo Heshiiskii 22-kii Ogoosto, ayaa dhaawacaya sharcinimada natiijooyinka. Haddii aan la saxin hannaanka doorashooyinka loo qabanayo, waxa hubaal ah in ay doorashada ka dib dhacaan rabshado, waana cabsi jirta. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waa in ay joojiyaan dhagarta iyo danaha gaarka ah ee ay ka leeyihiin arrimaha siyaasadda. Cid kasta dan baa ugu jirta in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi. Talobixin • Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay ku gguuldarraysteen in ay ogolaadaan in si caddaalad ah loogu tartamo kuraasta 54-ka xildhibaan ee Aqalka Sare. Waa in aan laga aqbalin in ay musuqmaasuqaan 275-ka xildhibaan ee Aqalka Hoose, oo ah arrinta muhiimadda ugu weyn leh. Waa in si degdeg ah dibuhabayn loogu sameeyaa heshiiskii 22-ka Agoosto. Arrinta ugu muhiimsan nidaamka doorashada, haddana meesha ka maqani waa caddaalad. Hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay u diideen xuquuqihii aasaasiga ahaa ee ay lahaayeen musharrixiin badan oo u qalma, diyaarna u ah in ay u tartamaan kuraasta Aqalka Sare. Doorashada xildhibaannada Aqalka Hoose ayaa ka xasaasad badan ta Aqalka Sare, sababta oo ah beelaha ayaa isu arka in ay kuraastan iyagu leeyihiin. Golaha Wadatashiga Qaranku waa in ay ogolaadaan sharcinimada odayasha dhaqanka, hoggaamiyeyaasha ganacsatada, bulshada rayidka ah, dhallinyarada iyo haweenka si ay uga mid noqdaan ergada dooranaysa xubin kasta oo ka mid ah 101-da xildhibaan. • Heshiiskii 22-ka Ogoosto waxa uu sheegaya: in kursi kasta, saddex oday iyo laba qof oo rayid ah, oo ka socda jifo-qabiileed kasta ay dooran doonaan 101-da codbixiye- kuwaas oo u codaynaya xildhibaan kasta. Si looga feejignaado, loogana fogaado colaad beeleed, beel kasta, ama qabiil iyo hay’ad madaxbannaan oo lagu heshiis yahay, waana in ay aqoonsato hab-raaca caddaaladda ah si loo go’aamiyo qofka xubinta ka ah bulshada rayidka ah. Waa in ay jiraan shuruudo la isla qaatay oo lagu soo xulanayo xubnaha rayid ka ah, ee caawinaya ama ku lammaan odayaasha beelaha si loo doorto 101-da codbixiye. • Qorshe cad, oo la dhaqangalin karo oo hubinaya in boqolkiiba soddonka ay haweenku kootada u leeyihiin waa in la sameeyaa. Fikradda odhanaysa waa in hoggaamiyeyaasha dawlad-goboleedyada iyo kaaliyeyaashooda loo qoondeeyaa kuraasta haweenka xildhibannada ah, iyada oo looga golleeyahay musuqmaasuq iyo kalitalisnimo cad ayaa abuuri doonta isku dhacyo aan loo baahnayn, waana in laga fogaadaa. • Ururrada bulshada rayidka ah, sida ganacsatada, ururrada haweenka, wadaaddada iyo oday-dhaqameedku waa in ay culays badan saaraan siyaasiyiinta, waana in ay sii wadaan muujinta dareenkooda, iyaga oo hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbanaya hannaan lagu kalsoonaan karo. • Ururrada bulshada rayidka ah ee dalka ugu waaweyni waa in ay sameeyaan guddi talobixineed oo daacad ah, taas oo warbixin soo saarta marka ay doorashadu dhacdo. • Beesha caalamka waxa ka saaran masuuliyad aadamenimo in ay si cad uga soo horjeesato heshiisyada cido gaar ahi ku dangaadhayaan iyo sida oo kale xeeladaha siyaasiyiinta ee dib loogu dhigayo doorashada iyo wax isdaba marinta. Maadaama beesha caalamku ay amniga dammiin ka yihiin (iyaga oo ay wakiil uga tahay AMISOM), sida oo kale na ay yihiin maalgeliyaha dowladda Soomaaliya, waxa habboon in ay isticmaalaan saamaynta ay leeyihiin si ay u caawiso, una ilaaliso caddaaladda iyo daacadnimada habkan mar hore lagu xadgudbay. Siyaasiyiinta muhiimka ah ee gacanta ku haya geeddi-socodka doorashada waa in laga diido in ay xasaanaddooda-awoodeed u adeegsadaan in ay hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya xasaanadda sharciyeed ka xayuubiyaan, sida oo kale na waa in laga diido in ay sidii hore oo kale awood ku muquunin ugu guulaystaan. The post Heritage oo shaacisay halis xooggan oo kasoo socota ku shubashada doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Siibed Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibed) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa ku baaqay in la soo celiyo nabadda iyo xasilloonida magaalada Boosaaso. Xildhibaan Siibed wuxuu tilmaamay in shacabka Puntland aysan qaadanayn in nabadda iyo xasilloonida lagu beddesho dhibca kala qaadasho loolan siyaasadeed. Siibed wuxuu sheegay in horay magaalada Boosaaso arrimo siyaasadeed loogu curyaamiyay, haddana ay ka jirto saan saan colaadeed. Baaq uu soo saaray ayuu ku yiri “Waxaa muuqata in magaalada Boosaaso oo arrimo siyaasadeed awgeed horay loogu curyaamiyay maantayna ay ka jirto saan saan colaadeed. Shacabka Puntland ma qaadanayo in nabada iyo xasilloonida Puntland lagu beddesho dhibca kala qaadasho loolan siyaasadeed”. “Rag gogoshii waa nabad, sidaas darteed, waxaan ku baaqaynaa in la soo celiyo xasilloonida magaalada Boosaaso oo ah isha dakhliga dowladda Puntland” ayuu ku daray xidhibaan Siibed. PUNTLAND POST The post Siibed: Shacabka Puntland ma qaadanayo in xasilloonida lagu beddesho dhibca kala qaadasho siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta taliye iyo taliye ku xigeen cusub u magacaabay qaybta booliiska gobolka Cayn. Madaxweyne Siciid Deni ayaa u magacaabay taliyaha qaybta booliiska gobolka Cayn G/dhexe Fatxi Cabdikariin Ismaaciil, waxaana xilkaas laga qaaday Jaamac Saxardiid Barre oo sanadkii hore uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa Dhamme Cabdi Muuse Guuleed u magacaabay taliye ku xigeenka qaybta Booliiska gobolka Cayn. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay iskugu yimaadeen inta badan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo saluug looga muujiyey hanaanka doorashooyinka dalka ay ku socdaan. Kulanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa diirada lagu saaray doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay dalka. Musharaxiinta ayaa sidoo kale uga wada-hadlay cabashooyinka iyo walaaca laga qabo doorashooyinka socda qaarkood, kuwaasi oo laga qaloociyey hanaankii saxda ahaa ee loogu tala-galay. Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin in sida ay hadda wax ku socdaan uu dalka ka ridayo bur-bur baahsan oo aan la mahdin. “Waxaa rabnaa in bulshada Soomaaliyeed iyo aduunka intiisa kale la wadaagno waxaa si buuxda ugu qanacsanahay sida ay ilaa hadda wax ku socdaan waxa ka dhalan kara ay tahay bur bur baahsan oo dalka Soomaaliya ku habsada, oo aan rabin in uu dhaco anaga oo nool oo wax ka qaban karo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in doorasho boobka ka bilowday dalka uu meel xun gaarsiinayo Soomaaliya, islamarkaana aysan marnaba aqbali doonin oo ay uga gudbi doonaan hanaan midkan ka gedisan, sida uu hadalka u dhigay. “Midowga Musharaxiinta waxa uu sameyn doono kulamo joogto ah oo maalmaha soo socda dhaca, oo uga tashanayno samata-bixinta bulshada Soomaaliya ee hanaanka boobka iyo burburinta looga samatabixinayo.” Waxa uu sheegay in kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha ciidanka, maadama uu Golaha isla qaatay in laga horyimaado hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka. “Sababta aan iskugu imanay waxay tahay sida ay wax u socdaan in ay aad iyo aad u qaldan taahy, waxay tahay in aan samatabixin ka hadalno oo anaga iyo bulshada qeybaheeda kala gedisan uga gudubno hanaanka guracan.” Golaha Midowga Musharaxiinta oo in muddo ah aan si wada-jir ah uga hadlin hanaanka doorashada ayaa xiligan u muuqda inay si mideysan u wajahayaan arrimaha doorashooyinka, oo mad-madow badan ku gadaaman yahay. The post DEG DEG: Midowga Musharaxiinta oo mowqif adag kasoo saaray doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
