Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka horyimid in dowladdu Awood Ciidan ku muquuniso hay’adda PSF. Boqor Burhaan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in dagaal looga jawaabo xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso. Xiisadda Boosaaso ayaa ka dhalatay kadib markii Madaxweyne Siciid Deni uu xilka qaadis ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano kaas oo ka horyimid Xilka qaadista. Qaar kamid ah Isimada Puntland oo Boqorka weheliyay ayaa dhankooda ku baaqay in Nabadda lagu dadaalo islamarkaan wada-hadal lagu dhammeeyo xiisadda taagan. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Boqorka PUNTLAND POST The post Boqor Burhaan oo ka horyimid in Awood Ciidan lagu muquuniyo PSF appeared first on Puntland Post.
  2. Puntland State President Said Abdullahi Deni faces a formidable challenge to his security reform agenda. Garowe (PP News Desk) — In January 2009, when MPs elected Abdirahman Farole the fourth President of Puntland, he sought to address ungovernability resulted by parallel security forces . The former Puntland Intelligence Service, a security outfit funded by a foreign country, was unaccountable to Garowe Presidency. Nearly thirteen years after Farole’s security reform campaign, a similar problem faces President Said Abdulahi Deni whose decision to sack Puntland Security Forces Commander remains unenforceable. Mohamud Osman Abdullahi, the PSF Commander, claims that Puntland State government had politicised the force that keeps Al-shabaab terrorists at bay. A senior PSF official held a press conference in Bosaso and justified the decision by the senior commanders to vacate Galgala and Sugure frontlines. Major General Yasin Dhere: “PSF violated the law when its forces have vacated the frontlines.” “To intimidate us Puntland government deployed troops to cut links between our forces at the frontlines and in Bosaso. Our base in Bosaso is under siege. For those reasons we have decided to leave the frontlines where we were fighting Al-shabaab” said the PSF officer. The Commander of Puntland Defence Forces Major General Yasin Omar Dhere accused with PSF leadership of destabilising Bosaso. “PSF forces are influencing security forces to mutiny. It is illegal to vacate the frontlines” said General Yasin. PSF is funded by a foreign country, and claims to operate outside Puntland political system. In a statement released by PSF, it criticised Puntland State government for political expediency to undermine a force “that is impartial in Puntland politics”. “PSF has the mandate to fight terrorists. It does not accept the logic of security operation by groups that collaborated with the enemy” reads the statement. Mohamed Ismail Siibad, a Puntland Parliament MP and Chairman of Mustaqbal, a political association, called on Puntland State government to ease the political and security pressures on Bosaso, “a district that has been politically and economically marginalised.” © Puntland Post, 2021 The post Puntland Wakes Up to Futility of Parallel Forces appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha baarlamaanka ee Ururka Midowga Yurub ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan xuquuqda dhanka aadanaha, xorriyadda saxaafadda iyo xaaladda bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya. Baarlamaanka ayaa marka hore si weyn u taageereen go’aanka Midowga Yurub ee uu ku dalbaday in la baabi’iyo xeerka saxaafadda ee Soomaaliya, kaas oo ay tilmaameen inuu xadidayo madax bannaanida wariyeyaasha iyo warbaahinta ka howl-gasha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu baarlamaanka Midowga Yurub shaaca ka qaaday in xeerkan uusan la jaan qaadi karin xeerarka kale ee caalamiga ah ee la xiriira xoriyada hadalka. “Baarlamaanka Yurub wuxuu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay baabi’iyaan qodobbada sharciga saxaafadda ee 2020 wax laga beddelay kaasoo si weyn u xaddidaya xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, oo aan u hoggaansamaynin heerarka caalamiga ah ee xorriyadda hadalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midowga Yurub. Waxa kale oo uu Ururka Midowga Yurub boggaadiyey shaqada warbaahinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay doorashooyinka socda iyo horumarka ka jira dalka. Baaqa Midowga Yurub ee uu mas’uuliyiinta Soomaaliya uga dalbaday baabi’inta xeerka saxaafadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xilli ay horay wariyeyaasha iyo madaxda warbaahinta ay cabasho uga keeneen xeerkan oo ugu dambeyn la meel-mariyey. Soomaaliya ayaa haatan ka mid ah dalalka horumarka ka sameynaya dhanka siyaasadda, dimuquraadiyadda, xoriyadda hadalka, dhaqaalaha iyo ammaanka oo ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee laga fiiriyo dalalka iyo dowladaha caalamka ee is-bedalka sii sameynaya. The post M/Yurub oo dalbaday in la baabi’iyo xeerka saxaafada Soomaaliya + sababta appeared first on Caasimada Online.
  4. Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa baahisay muuqaallo uu ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed isaga oo xiran dharka ciidanka kuna sugan furimaha hore ee dagalka. Abiy oo afar maalmood ku qaadanaya afka hore ee dagaalka ayaa sheegay in jabhadda TPLF ay kala wareegeen deegano fara badan oo ay horay ugu sugnaayeen kuwaas oo ka tirsan gobalka canfarta. Gobalka Tigray ayaa dhamaan laga mamnuucay Warbaahinta madaxa banaan taas oo xukuumadda Abiy ku eedeysay in ay wadaan fidinta warar aan sal iyo raad laheyn, waxaa sidoo kale jaray qadka internet-ka ee Tigray. Gelinkii dambe ee Khamiista, dawladda Itoobiya ayaa soo saartay amar ay ku doonayso in lagu xaddido baahinta wararka dagaalka, iyada oo mamnuucday in la wadaago macluumaadka aan rasmiga ahayn ee dhaqdhaqaaqyada militariga la xiriira. Waxaa weli soconaya Dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadaan Maraykanka iyo Midowga Afrika oo lagu raadinayo xabbad joojin iyo wadahadal ayaa soo baxaya in labada dhinac ay xalka u soo dhawaanayaan. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa labada dhinac horay ugu eedeyay in ay geeysteen falal ka dhan ah bini’aadanimada oo ay ku jiraan Kufsi, jirdil iyo dilal aan loo meel dayin. Tan iyo markii bishaan oo kale sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo. Kooxda TPLF iyo xulafadeeda, ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa guulo kala duwan kasoo hooyay todobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo qabsaday magaalooyin qiyaastii 400km u jira caasimada, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay qorsheynayaan in ay dhawaan la wareegaan magaalada Caasimadda ah ee Addis ababa ee dalka Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay $1 milyan oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray guddiga gurmadka abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaal kasta oo gurmad lagu gaarsiinayo meelaha si daran u saameysay abaartu. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hadalkan ka sheegay shir uu maanta la yeeshay guddiga gurmadka abaaraha. PUNTLAND POST The post DFS oo $1 milyan u qoondeysay gurmadka abaaraha appeared first on Puntland Post.
  6. Hay’adda PSF ayaa shaacisay in aysan awaamiirta dhanka Amniga ka qaadan doonin ciddii shalay la shaqaynaysay Cadowga inkastoo aysan sheegin magaca ciddaas. War qoraal ah oo ka soo baxay PSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha PSF yihiin kuwa tababar fiican leh oo ku filan Amniga Shacabka. Halkaan ka akhriso warka PSF PUNTLAND POST The post Hay’adda PSF oo war ka soo saartay xiisadda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  7. Shir Reer g uu dhintay markay rag muraad lihi reeraha shir u qabtaan. Gari waxay dhimatay markii ‘Illaahayaw eexna ha nagaga tegin, aqoonna ha nagu cadaabin’ afka laga dhawray, uurkana laga waayey. Toliimo waxay baaba’day markay Rife iyo Rife kalkaal tolkii ka soo hadheen ee Nin iyo Nin kalkaal la waayey. Mabda’ waxa diley NIN dhaameel maalinba meel ka gurta sidii gabadh walacday oo maalin walba ciida meel ka gurata. Waxii xummi waxay sii xumaadeen marka dad aan aqoon ula hayn loo xulo in ay xalilaan waxa xun ee jira. Taariikh sugan waxa la waayey markay bulsho aan waxba isu qirin isna qancin karini ay wada yeelatay. Xisbi-furasho waxay macne samayn wedey markii reer reer loo kala baxay. Reer budad meel ka lulay maxuu kordhin? Madaxnimo waxay xummaatay markay madaxdi la meeraystaan shicibkii u egmaday in ay hagaan, sidii waraabahii gaboobay ee Afarta jaho reerahii yaalay qaar raray ka cunay, qaar rimay ka laayey, qaar ka-reeb ka cunay, qaarna aaran, ee ku yidhi caruurtiisii i qaada markay qaadeena haddana ku yidhi dhinacna hayla kicina ee ila wareegeysta, intay naftu iga baxayso. Wada-tashi iyo wax is-weydiini maxay tari haddii aan lays maqalayn oo is-maqalkii meesha ka baxay. Aqoon-yahan waxa uu dhintay markii uu Aqoon-gaab arladii ka taliyey. Talo waxay faro ka haaday markii run laysu sheegi waayey, markii halyeygii hooco laga dhigay, hacoogiina halyey soo baxay. Wada-noolaansho waxa la waayey markii la yidhi laysu joojin maayo. Dumarkii waxay hadal bateen oo makarafoonadii barteen markii ay maqleen dawlad kasta haka muuqdaan. Diimoqraadiyadii waxay dhimatay kolkii la yidhi: “Waa markayagii.” Oday dhaqameed waxay maradi ka dhacday markuu siyaasad ka hadlay. Waar ka joog lahayde ! Siyaasiyiini waxay saqiireen markay sida ‘dhooreyda’ dadka dhaliila u jawaabayaan – kanley keerley, ee ay bujuubajaa ku hadlayaan. Bal maamul wal oo Kulmiye u fiirsada wasiiradu waxay ku hadlaan markay Xisbiyada mucaaradka ah u jawaabayaan. Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye, Mr Buuni sets the example. By:Jamafalaag Hargeisa, Somaliland jamafalaag@gmail.com Qaran News
  8. (SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa markii ugu horreesay kasoo muuqday warbaahinta maxaliga ee dalkaas tan iyo markii uu ku dhawaaqay in furimaha dagaalka ka hogaamin doono ciidankiisa oo guluf kula jira falaagada Tigreega ee TPLF iyo isbahaysigooda. Dowladiisa ayaa shalay shaaca ka qaadday tallaabooyin lagu xaddidaya tebinta wararka colaadda xilli lagu soo waramaya in Tigreega ay ku sii dhaw yihiin magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi Itoobiya. Faahfaahinta wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga TPLF waxaa Jigjiga ka soo diray wariye Ismaaciil Buurgaabo. Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ayaa noqday dalalkii ugu dambeyay ee muwaadiniintooda kula taliya inay isaga baxaan dalka Itoobiya xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacaya. Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna dhawaan soo saaray tallooyin ay u jeedinayaan muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi oo ku aaddan inay dalkaa isaga baxaan. Maraykanka iyo UK ayaa dhawaan soo saaray talooyin kuwaas la mid ah halka Qaramada Midoobayna ay bilowday daadguraynta shaqqalaha caalamiga iyo qoysaskooda. Source
  9. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada saddex kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhinaca maamulka Koonfur Galbeed. Kuraasta la qabanayo doorashadooda ayaa kala ah HOP#182 oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, HOP#170 oo uu isna ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali iyo HOP#171 oo ay horay ugu fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh oo ka tirsaneyd baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya. Mursal ayaa ah shaqsiga ugu cad-cad tartanka, marka loo eego musharixiinta la tartameysa, waxaana loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo doorashada, maadaama ay saaxib dhow yihiin madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen. Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee guda-gala doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey oo kaliya dowlad goboleedka Galmudug. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana haatan qaban-qaabadii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Shacabka laga dareemayaa magaalada Baydhabo. Dhinaca kale waxa ay doorashada kuraastan oo uu ka mid yahay kursiga uu tartamayo Mursal ay ku soo aadeysaa, xilli Koonfur Galbeed lagu eedeeyey inay is hortaag ku sameysay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kusoo laabtay Muqdisho, isaga oo shaaciyey in loo diiday inuu ka qeyb-galo doorashada. Galmudug ayaa dhankeeda maanta qabaneyso kursi ka mid ah doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo ka haray shantii xildhibaan ee uu horey liiskooda u soo gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya. Kursigaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#054 ayaa waxaa u tartamaya xubno uu ka mid yahay xildhibaanka afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey ee Cabdishakuur Cali Mire, kaas oo loo xiray kursiga, una badan tahay inuu ku soo baxo doorashada maanta dhaceysa. Si kastaba, doorashooyinka Soomaaliya oo marxalado kala duwan soo maray ayaa waxaa haatan soo kordhaya cabashooyinka ka imaanaya qaabka ay u socota doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka bilaabatay Muqdisho & xarumaha maamul goboleedyada dalka. The post Wararkii ugu dambeeyey doorashada xubnaha BF ee Koonfur Galbeed Somalia appeared first on Caasimada Online.
  10. Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay In uu Heshiisyo Caalami ah Shirkaddo Dawladda Hoose ka caawi doona Maaraynta qashinka, Dhismaha Wadooyinka, Fayadhawrka iyo Caafimaadka. Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay inuu heshiisyo caalami ah la soo galay Shirkaddo Dawladda hoose ka caawi doona adeegyo kala duwan. Maayarka ayaa sidan ka sheegay kulan toddobaadlaha ah Golaha Deegaanku iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka. “Kulanka Todobaadlaha ah oo Sabti Kasta Ka dhaca Hoolka Shirarka Dawladda Hoose oo ay ku kulmaan,Golaha Fulinta Dawladda Hoose Ee Hargaysa oo uu Hogaaminayo Maayarka Caasimadda Mudane Cabdikariin Ahmed Mooge,Gudoomiyayaasha Degmooyinka,Agaasimayaasha Waaxaha kala Duwan,Maamulka ShirkadahaNadaafadda Waxaa Ka mid ah Qodobadii Ka soo Baxay Kulanka. 1. Maayarka Caasimadda oo warbixin Kooban Ka bixiyay Safaradii shaqo ee uu ugu maqnaa Dalka Dibadiisa,waxaana uu Maayarku sheegay in Heshiisyo Caalami ah uu La soo galay Shirkado Dawladda Hoose ka Caawin Doona Maaraynta qashinka,Dhismaha Wadooyinka,Fayadhawrka Caafimaadka. 2. In Istaanada Basaska ee ku dhex jira gudaha Caasimadda Loo Sameeyo Goob ku Haboon oo ay Dadka Ka qaadan. 3. In Caasimadda Hargaysa laga Bilaabo Dhiraynta Goobaha Muhiimka ah. 4. Dardargalinta Cashuuraha Si Kor loogu Qaado Waxqabadka Caasimadda. 5. Dhiirigalinta iyo Abaal marinta Shaqaalaha Dawladda Hoose gaar ahaan kuwii ugu shaqada badnaa. 6. Dayactirka Iyo Dib u dhiska Xaruumaha ay ku shaqeeyaan Maamulka Degmooyinka Caasimadda Hargaysa.” Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa in uu maanta safar ku yimaado Somaliland. Magaalo xuduuda Degmada Tog.Wajaale ayaa si wayn looga dareemayaa soo dhawanta madaxwaynaha dowlada deegaanka Somalida Itoobiya oo Safar Dhulka Ka Ah Ku Imanya Somaliland. Source
  12. (SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay Mareykanka in uu joojiyo faafinta waxa ay ugu yeedhay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Itoobiya, sida uu sheegay wasiiru dowlaha isgaadhsiinta dalkaasi Khamiistii shalay. Itoobiya ayaa warkan soo saartay kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay digniin ku saabsan “weerarro argagixiso”. Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ee EBC, wasiiru dowlaha isgaadhsiinta, Kebede Dessisa, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay in ay ka fogaato baahinta “warar been abuur ah oo ceeb iyo sumcad dil ah, oo ku saabsan Itoobiya,” Waxa uu soo hadal qaaday bayaan ka soo baxay safaarada Maraykanka salaasadii kaas oo ku booriyay muwaadiniinteeda in ay la yimaadaan feejignaan dheeraad ah, sababtuna ay tahay “suurtogalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Itoobiya”. Xukuumadda Raysal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sanno dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika. Toddobaadkan ayay dowladda Ireland sheegtay in Itoobiya ay eriday afar ka mid ah lix dublamaasi oo Irish ah, sababta oo ah mawqifka Ireland ee dagaalka Itoobiya. Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale ka digay hanjabaado dibadda ah oo aan la magacaabin, waxayna dowladaha reer galbeedka ku dhaleeceeyeen ‘wararka aan sax ahayn ee ku saabsan dagaalka.’ Source
  13. Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah yeelanaya Fadhiga 13-aad ee Kal-fadhigooda 49-aad, kaas oo looga doodayo wax-ka beddelka xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland. Wax-ka beddelka Xeerkan waxa akhriskii labaad ku sameeyay Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiilada. Dhinaca kale, gudaha Baarlamanka waxa ka socda mooshin ka dhan ah Heshiiska Shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso. Mooshinka ayaa lagu wadaa in Guddoonka loo gudbiyo, marka la gaaro Qodobka uu Ajandaha kaga jiro Heshiiska DP World, inkasto ay jiraan Qodoba ka horreeya. Mooshinkaas oo ah mid xooggan waxa sii badanaya Xildhibaannada taageersan in la gudbiyo, si meesha looga saaro Heshiiska P&O ee dekedda Boosaaso. PUNTLAND POST The post Maxa saaka looga hadlaya Fadhiga Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
  14. MOGADISHU (HOL) - The Supreme Court in Somalia has reinstated a sacked employee of Aden Adde Airport and compelled the Turkish multinational Favori LLC which runs the aviation facility to fully pay the employee’s 14 months’ salary for the time he was out of work. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa faah faahin guud ka bixiyey arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Shacabka. Cirro ayaa shaaca ka qaaday in cabashooyin badan la soo gaarsiiyey guddiga doorashada ee heer federaal (FEIT), isla-markaana ay ka howl-geli doonaan ka guddi ahaan. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in cabashooyinka lasoo gaarsiiyey ay isugu jiraan laba qeybood, tan koowaad waxa uu ku sheegay mid la xiriirta musharixiinta xildoonka ah, halka tan labaad ay tahay dhanka ergada beesha kursiga dooraneysa xildhibaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tan ugu horreyso ay guda-geli doonaan ay tahay mida guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuuna xusay inay kulan la leeyihiin, si ay ugu kuur-galaan cabashadiisa la xiriirta doorashooyinka. “Cabashooyinku way kala duwanaayeen Tabashooyin badan ayaa nasoo gaaray, maalmaha ama saacadaha soo socda waxa aan fadhi la leenahay Jawaari” ayuu yiri Cirro. Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in guddigooda ay ergo u joogaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, wuxuuna cabashada ka imaaneysa ergada uu tilmaamay inay tahay eedeyn aad u culus. “Goobaha doorashooyinka waxaa inoo jooga ergooyin, eedeynta ah Dad aan beesha ahayn ayaa Xildhibaanka Doortay waa eedeyn culus, qof weliba oo Ergay ah waxa aan ka buuxinaa xog dhammeystiran oo la xaqiijin karo” ayuu sii raaciyey guddoomiye Cirro. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay cabasho xoogan ka soo yeereysay qaar ka mid ah musharixiinta xildoonka ah ee u tartamaya Golaha Shacabka, waxaana taasi sii dheer walaaca ay doorashada ka muujinayaan Midowga Musharixiinta. The post Guddiga doorashada oo la gaarsiiyey cabashooyinkii ugu badnaa iyo JAWAARI.. appeared first on Caasimada Online.
  16. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa maanta shir deg deg ah oo ku saabsan Amniga Boosaaso isu’gu yeeray Hoggaanka Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Bari. Sidoo kale Shirka waxa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland. Shirka ayaa ku soo beegmay xilli ay taagantahay xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano kaas oo ka horyimid Arrintaas. PUNTLAND POST The post Beeldaaje Ismaaciil oo shir deg deg ah isu’gu yeeray Hogaanka Dhaqanka Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  17. Waxaa saaka oo sabti ah lagu wadaa in maamulada Galmudug iyo Koonfur galbeed lagu qabto afar ka mid ah kuraasta golaha shacabka maamuladaasi ay ku leeyihiin. Kuraastan oo lagu kala dooran doono magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb ayaa seddax kamid ah doorashooda ka dhaceysa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka Koonfur galbeed halka kursiga kale lagu dooranayo magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug. Seddaxada kursi ee uu tirsigoodu yahay HOP#182, HOP#170 iyo HOP#171, ayaa lagu qabanaya Baydhabo iyadoo kursiga sumaddiisu tahay HOP#054 doorashadiisu ay ka dhici doonto magaalada Dhuusa-mareeb. Kuraastan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay baarlamaanki 10-aad xildhibaanada kala ah: HOP#182: waxaa ku fadhiyay Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraaxman oo ahaa guddoomiyihii golaha shacabka baarlamaanka 10-aad . HOP#170: kursigaan waxaa ku fadhiya Iimaan Cabdullaahi Cali, kaas oo markale doonaya in uu u tartamo kursigaan. HOP#171: Kursigaan ayaa waxaa baarlamaanki 10-aad koonfur galbeed ku mataleysay xildhibaanad Fowsiya Maxamed Sheekh. Kursiga kale ee doorashadiisu tahay magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda galmudug ayaa waxa afarti sano ee la soo dhaafay galmudug ku matalayay xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire. Xildhibaanada golaha shacabka oo gaaray 275 mudane ayaa waxaa illa hadda laga doortay 12 xildhibaan kuwaas oo 8 ka mid ah ay yihiin kuwa ka soo jeeda Gobalada waqooyi halka afarta kale laga soo doortay Galmudug. Waxaana jira weli muran iyo dooda hareeyay doorashooyinka golaha shacabka ee hadda ka soconaya guud ahaan dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Hay’adda caafimaddka adduunka ee WHO ayaa shaacisay nooc cusub oo corovirus ah kaas oo loogu magac daray Omicron WHO ayaa walaac ka muujisay noocan cusub ee xanuunka kaas oo la sheegay in uu ka khatar badan yahay noocyadi hore. 24 November ayeey aheyd markii ugu horeysay ee noocan lagu arko dalka koonfur afrika, balse xaaladda ayaa sii cuslaatay kadib markii laga diiwaan geliyay isbitaalada Botswana, Belgium, Hong Kong iyo Israel kuma naan qof oo uu soo ritay. Wadamo badan oo caalamka ah ayaa shaaciyay in ay xirayaan duulimaadyada dibadda si looga hortago fayriskan cusub. Uk ayaa durba amar ku bixisay in aysan dalkeeda soo gali karin dad ka imaaday dalalka Koonfur Afrika, Namibia, Zimbabwe, Botswana, Lesotho iyo Eswatini, haddii aysan aheyn muwaadiniinta boqortooyada. WHO waxay sheegtay inay qaadan doonto dhowr toddobaad si loo fahmo saameynta kala duwanaanshahan cusub, maadaama saynisyahannadu ay ka shaqeeyeen inay go’aamiyaan sida la isugu gudbin karo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Waxaan halkan ka qirayaa inuu Cabdiraxmaan Cirro badelay siyaasaddii Somaliland Maahmaah ay leeyahiin dadka ku nool waddanka Trinidad and Tobago ee ku yaala Jasiiradaha Carribeanka ayaa tidhaahda: ” Eat little, and you will live long” taasoo micnaheedu yahay ” In yar cun aad in badan noolaatide”. Taasoo ka dhigan hadaad dadka wax uga tagto sumcadaadu Waxay noqonaysaa mid weyn oo in badan jirta oo waarta. Qofku hadduu la yimaado siyaasad cusub waa loo haneeya Oo lagu hanbalyeeya. Siyaasaddii Somaliland ee khiyaamadda iyo anaaniyadda ahayd wuu ka leexday Cabdiraxmaan Cirro. Maanta isagoo aan kursigii Madaxweynaha fuulin ayuu fuliyey balantii uu la galay laba siyaasi Oo hore Ugu soo biiray xisbiggii uu aasaasay ee Waddani. Midi waa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Oo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siduu Ugu dedaali lahaa inuu Cabdirisaaq Khaliif ku guuleysto jaggadaasi. Mar labaadkii Wuxuu dhawaan ciyaaray shax siyaasadeed Oo wuxuu gudoomiyihii xisbigga ku wareejiyey Xirsi Xaaji Xasan. Labaddaba waxaan Ugu hanbalyeeynayaa jagooyinkaa loo doortay iyo inay la shuraakoobeen hogaamiye Ilaahay ka baqanaya Oo balantii uu la galay sideeddii uga soo baxay isagoon fuulinba kursigii Madaxweynaha. Somaliland siyaasiyiin badan ayaa u haysta in ay siyaasaddu tahay khiyaamo iyo balan ka bax, laakiin kolka danbe Waxay ku danbeeyaan in ay cidla soo istaagaan Oo aanay cidiba dib u aaminin oo aanay ka biyeysan. Kuwaasina waynu soo aragnay Oo if iyo aakhiraba waxba may dhigan. Murashaxa madaxweynaha ee xisbigga Wadani mudane Cabdiraxmaan waan hanbalyeeynayaa waxaanan leeyahay kursiga Ilaahay baa hayee kolay nin if iyo aakhriba u diyaar garoobay baa tahay, balantii aad ka soo baxdayna kolay bulshadda in badan ayaa qiimeysa qofka kelmadiisa iyo qawlkiisa ilaaliya. Shacabku waa in qofka balanta ka baxa ee beenalaha ah aanu yeelan waji danbe ee uu ummadda la soo hor istaago. Indhaha waa in la furo, siyaasadana la furfuro Oo sharciyadda dalka la dhowro Oo xisbiyadda xilligooda la doortay ee 10 ka sanadood aanay dhaafin. Haddii kale dimuqraadiyadda aynu ku faanayna Waxay noqonaysaa hal bacaad lagu lisay. Kolay markaan dalka dib Ugu soo noqdo ayaan waxyaabo badan si qoto dheer uga hadli doonaa maadama aan in badan ka aamusnaa arrimaha siyaasadda. Kheyr Baan u rajaynayaa shacabka. Qore: Jamaal Cali Xuseen Source
  20. Cabdisamad Maxamed Gallan wasiirka amniga dowlad gobaleedka Puntland oo ay wehlinayaan saraakiisha sar sare ee ciidamada dowlad gobaleedka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimihii ciidmaada PSF-ta Puntland. Wasiir gallan ayaa ugu horeyn ugu baaqay in agaasimaha xilka laga qaaday uu wareejiyo xilka, kaas oo ay ka horyimideen ciidamada PSF. “Cid kasta oo qalqal gelineysa amniga Boosaaso ma aqbali doono, Maxamuud waxa aan leeyahay Dhalinyaronimo yaanay ku qaadin oo aqbal xilka in aad wareejisid sidii shalay laguugu wareejiyay oo kale”ayuu yiri wasiirka Amniga dowlad gobaleedka Puntland. Wasiirka ayaa sidoo kale ciidamada faray in ay xeryahooda ku sugnaadan taliyaha cusubna uu bilaabo shaqadii loo igmaday. “Agaasimaha cusub ee PSF-ta waxaa loo magacaabay in uu buuxiyo daldaloolada muuqda maadaama dagaallo culus ay galeen waa in derajooyin la siiyaa, Ciidanku waa in aysan kasoo bixin xeryahooda, amarka ka qaataan Taliyaha cusub ee loo magacaabay” Ayuu yiri Cabdisamad Maxamed Gallan Wasiirka Amniga. Xilka qaadista madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ku sameeyay Agaasimaha ciidamada PSF, ayaa waxaa si adag uga soo horjeeystay agaasimaha xilka laga qaaday iyo ciidamada PSF kuwaas oo sheegay in aysan sharci aheyn xilka qaadista agaasimaha. Ciidama ka tirsan kuwa PSF ayaa isaga soo baxay goobahii ay ku sugnaayeen iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay la arkayay ciidamada iyo gaadiidkooda dagaal oo dhex maraya waddooyinka magaalada Boosaaso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cali Xasan Cali Jeesto oo ah Nabadoonka iska leh saxiixa kuriga golaha shacabka ee beesha Waceysle oo lagu soo saaray Yaasiin Farey ayaa ku hanjabay in beeshu ay isaga bixi doonto awood qeybsiga maamulka Galmudug, hadii aan boobka laga deyn xaqeeda. Nabadoonka oo hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka beesha Waceysle ayaa ugu laab qaboojiyey beesha in saxiixii ay u dhiibteen uu u hayo, isla markaana aysan socon doonin wax aysan raali ka aheyn. Sidoo kale Nabadoon Jeesto ayaa madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ku eedeeyey inuu in kiray oo xaqiray, iskuna deyey inuu xaqiro xaqa beesha Waceysle. “Madaxweyne Qoor Qoor waxaan u sheegaa kursigaas waxaa iska leh beel weyn, beeshaas weyn hadaa xaqeeda boobto oo hal wiil ka doorato oo aad ka tashato, ayaguna waa kaa tashadeen, waxaana moodeynay in Galmudug aan wada leenahay ay meesha ka jirtee, koraad u heysanee waxaad keligaa isku koobtay,” ayuu yiri Nabadoon Jeesto. Nabadoonka ayaa dowladda federaalka u sheegay in kursiga loo boobay Yaasiin Farey uusan aheyn mid la boobi karo, “Waad ku qaldanteen, dad adag ayaa iska leh kursigaan, hadii sharci shaqeyn waayo sharci darro cid nooga adag ma jirto, waxaan nahaydadka laga baqo inay waxboobaan ee anaga nalama boobi karo,” ayuu yiri Nabadoon Jeesto. Nabadoonka ayaa sheegay in waxa dalka ka socda aysan doorasho aheyn, “Si qaas ah waxaan ula hadlayaa Waceysle, waad u jeediin sida Galmudug noola dhaqmeyso, maamulkaan ku biiri laheyn aan ka tashano, Galmudug, wiil ayey naga doorataye ha heysato, anagana dhulkeena ayaan xoreysaneynaa waana degeynaa,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii Nabadoonka oo fariin u diray Yaasiin Farey ayaa u sheegay inuu istaahilo inuu metelo beesha Waceysle, laakiin aysan ka yeeli doonin inuu boobo. Hoos ka daawo The post Daawo: Beesha WACEYSLE oo ka baxeysa GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
  22. Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed has pledged victory, in what state-affiliated media said was his first message after heading to the front line this week to lead government troops in the year-long war against forces from the northern Tigray region. Source: Hiiraan Online
  23. Bahrain condemned the heinous terrorist bombing that targeted a United Nations patrol vehicle in Mogadishu, Federal Republic of Somalia, which resulted in the death of a number of people and the injury of others. Source: Hiiraan Online
  24. he International Organization for Migration (IOM), through its Voluntary Humanitarian Return (VHR) programme, facilitated the safe return of 32 Somali migrants in November 2021. Source: Hiiraan Online
  25. The International Organization for Migration (IOM), through its Voluntary Humanitarian Return (VHR) programme, facilitated the safe return of 32 Somali migrants in November 2021. Source: Hiiraan Online