Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan oo sii xoogeysatay xiisadii ka dhalatay xil ka qaadistii uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku sameeyay Agaasimihii ciidamada difaaca Puntland ee PSF, waxaana illaa hadda lagu guuleysan in xilka lagu wareejiyo agaasimaha cusub. Ciidamada Amaanka Puntland ayaa 24-kii bishaan si adag uga horyimid xil ka-qaadista Maxamuud Cismaan Diyaano, waxayna bilaabeen inay baneeyaan qaar kamid ah Saldhigyadii ay kaga sugnaayeen duleedka magaalada Boosaaso. Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa warbaahinta hanjabaad adag u mariyay hogaankii ciidamada PSF ee ka gadoodsan xil ka qaadista Agaasimaha, isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in colaad laga abuuro magaalada Boosaaso. Gallan oo shirka jaraa’id ay ku wehlinayeen Taliyaha guud ee ciidamada difaaca General Yaasiin Cumar Dheere iyo Saraakiil kale ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay Agaasimihii hore ee PSF inay qaadin dhalinyarnimo, islamarkaana ay suno-dowladeed tahay xil ka qaadista iyo magacaabistaba. “Agaasimaha cusub ee PSF-ta waxaa loo magacaabay in uu buuxiyo dal-daloolada muuqda maadaama dagaallo culus ay galeen waa in derajooyin la siiyaa, Ciidanku waa in aysan kasoo bixin xeryahooda, amarka ka qaataan Taliyaha cusub ee loo magacaabay” ayuu yiri Wasiir Gallan. “Cid kasta oo qal-qal gelineysa amniga Boosaaso ma aqbali doono, Maxamuud waxa aan leeyahay Dhalinyaronimo yaanay ku qaadin oo aqbal xilka in aad wareejisid sidii shalay laguugu wareejiyay oo kale.” Sidoo kale Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Puntland, General Yaasiin Cumar Dheere ayaa ka digay in xil ka qaadista iyo wareejintaba ay sababaan isku dhac dhex mara Ciidamada iyo qalalaase ka dhasha tallaabo labada dhan ay qaadaan, sida uu hadalka u dhigay. Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Saraakiisha Ciidamada PSF ay jawaab ka bixiyaan shirka jaraa’id ee qabteen mas’uuliyiinta maamulka Puntland iyo hanjabaada kasoo yeertay wasiir Gallan iyo Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland. The post Xiisadda ciidamada PSF iyo Deni oo meel sare gaartay appeared first on Caasimada Online.
  2. Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Koonfur Galbeed (GHDDKGS) ayaa shaaciyey saddex kursi oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka oo berri doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaas. Saddexda kursi ee berri oo taariikhdu tahay 27-ka November 2021-ka lagu dooranayo Baydhabo ayaa waxay kala yihiin; HOP#182, HOP#170 iyo HOP#171. Kursiga ugu horreeya ee Doorashada lagu daah-furayo oo ah HOP#182 ayaa waxa hadda ku fadhiya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kursiga labaad ee HOP#170 ayaa waxa asagna ku fadhiya Iimaan Cabdullaahi Cali, halka midka saddexaad ee HOP#171 ay Fowsiya Maxamed Sheekh ku metelaysay maamulka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday. Saddexda kursi ee uu ku dhawaaqay guddiga in doorashadooda ay dhaceyso berri ayaa waxay kamid yihiin 11 kursi oo uu dhawaan shaaciyay Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ayagna maalmaha soo socda la dooranayo, sida uu sheegay guddiga. Tan iyo markii ay dalka ka billaabatay doorashada Golaha Shacabka waxaa la doortay Siddeed Mudane oo Gobollada Waqooyi (Somaliland) ah, Galmudug oo Afar Xildhibaan ah. The post Xogta saddexda kursi ee doorashadooda berri lagu qabanayo Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
  3. Hay’adda PSF ayaa maanta mar kale ku celisay in aysan aqoonsanayn xilka qaadistii Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano. War ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in aysan waxba iska beddelin mowqifkii hay’addu kaga hortimid xilka qaadistii uu sameeyay Madaxweynaha Puntland. Warkan ayaa ku soo beegmay saacado kooban kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ka codsadeen Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano in uu xilka wareejiyo. PUNTLAND POST The post Hay’adda PSF oo ku celisay in aysan aqoonsanayn Xilka qaadistii uu sameeyay Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  4. Xildhibaan Ilhan Cumar ku tilmaantay “argagixiso” Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay hadal ay jeedisay Lauren Boebert oo ay isku gole ka tirsan yihiin lagana soo doorto Colorado. Muuqaal laga duubay Boebert oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa waxa ay si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan. “Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ayaa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si degdeg ah kusoo galay askari walaacsan,” ayay tiri xildhibaankan looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog. “Bidix ayaan eegay, kadibna waxaan arkay Ilhan Cumar. Waxaan tilmaamay in aysan wadan boorso [qarax sida] oo uu xaalku caadi yahay,” ayay u tiri si kaftan balse jees jees ah. Waxa ay intaa raacisay inay la hadashay Ilhan oo ay ku tiri “eega, maanta kooxdii Jihaad-ka ayaa soo shaqa tagtay.” Ilhan Cumar oo barteeda Twitter ugu jawaabtay ayaa sheegtay in sheekada Boebert ay tahay mid khiyaali ah oo aanay jirin meel ay isku arkeen “Xaqiiq, doqontan hoos ayay eegtaa marka ay igu aragto xarunta baarlamaanka, waa sheeko khiyaali ah oo ay samaysay,” ayay tiri Ilhan. Fact, this buffoon looks down when she sees me at the Capitol, this whole story is made up. Sad she thinks bigotry gets her clout. Anti-Muslim bigotry isn’t funny & shouldn’t be normalized. Congress can’t be a place where hateful and dangerous Muslims tropes get no condemnation. https://t.co/S1APT7RbqW — Ilhan Omar (@IlhanMN) November 26, 2021 Xildhibaan Ayanna Pressley oo ay xulafo yihii Ilhan ayaa hadalka Lauren Boebert ku tilmaantay mid ceeb ah, dulmi ku dheehan yahay isla markaana khatartiisa wata. “Waa Islaam-naceyb kale oo si toos ah loola beegsaday Ilhan. Waa hadal wax dhimaya, khatarna ku ah xildhibaan Ilhan iyo bulshada Muslimka. Waa in la cambaareeyo hadallada noocan, laguna xisaabtamo cidda tiraahda,” ayay barteeda Twitter ku qortay Pressley. Boebert ayaa todobaadkii hore dhaleeceyn xooggan la kulantay kadib markii ay Ilhan Cumar ugu yeertay xubin ka tirsan “kooxda Jihaad-ka” xilli ay ka hadlaysay congress-ka. Ilhan oo kamid ah labada gabdhood ee ugu horreeyay ee iyagoo Muslim ah loo doorto Congress-ka ayaa xulafo ka dhigatay dumar xildhibaanno ah oo isku tilmaana inay yihiin hor-u-socod. Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu xusuustaa hadalladii xanafta lahaa ee uu ku beegsan jiray xildhibaan Ilhan Cumar. Qaran News
  5. Abiy Ahmed oo ka soo muuqday jiida hore ee dagaalka, goob aan la shaacin. Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed, oo dhawaan shaaciyay inuu tegaayo jiida hore ee dagaalka ay dawladiisu kula jirto kooxda TPLF ayaa kasoo muuqday warbaahinta deegaanka Oromiya ee OBN isagoo ku labisan dirayska ciidanka ee milatariga itoobiya. Abiy Ahmed ayaa sheegay inay guulo waawayn kasoo hoyeen dagaalada haatan socda. Qaran News
  6. Itoobiya oo ka dalbatey Mareykanka in uu joojiyo faafinta wararka been abuurka ah ee dagaalka Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay Mareykanka in uu joojiyo faafinta waxa ay ugu yeertay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Itoobiya, sida uu sheegay wasiiru dowlaha isgaarsiinta dalkaasi Khamiistii shalay. Itoobiya ayaa warkan soo saartay kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay digniin ku saabsan “weerarro argagixiso”. Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ee EBC, wasiiru dowlaha isgaarsiinta, Kebede Dessisa, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay in ay ka fogaato baahinta “warar been abuur ah oo ceeb iyo sumcad dil ah, oo ku saabsan Itoobiya,” Waxa uu soo hadal qaaday bayaan ka soo baxay safaarada Maraykanka Talaadadii kaas oo ku booriyay muwaadiniinteeda in ay la yimaadaan feejignaan dheeraad ah, sababtuna ay tahay “suurtogalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Itoobiya”. Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika. Toddobaadkan ayay dowladda Ireland sheegtay in Itoobiya ay erisay afar ka mid ah lix dublamaasi oo Irish ah, sababtoo ah mawqifka Ireland ee dagaalka Itoobiya. Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale ka digay hanjabaado dibadda ah oo aan la magacaabin, waxayna dowladaha reer galbeedka ku dhaleeceeyeen ‘wararka aan sax ahayn ee ku saabsan dagaalka. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war-Saxaafadeed ka soo saartay walaaca laga muujinaya hanaanka ay ku billowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, waxayna dalbadeen in la helo doorasho lagu kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhamaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya dalbadeen in 24-ka December lagu dhameystiro doorashada Golaha Shacabka, kadibna si deg-deg ah lagu soo gaba-gabeeyo doorashada madaxweynaha. “Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta,” ayaa lagu qoraalka kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka. “Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta.” Sidoo kale waxay ku adkeeyen howl-wadeenada doorashada inay tix-geliyaan xaqa ay musharaxiinta u leeyihiin inay isu-soo taagan doorashada, iyada oo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah. “Waxaan ku dhiirigelinaynaa ergooyinka iyo musharrixiinta doonaya inay soo gudbiyaan cabashooyinka doorashada inay sidaas ku sameeyaan iyagoo u maraya hababka sharciga ah ee loo sameeyay ujeedkan.” Qoraalka kasoo baxay Beesha caalamka ayaa kusoo aadaya xili ay Musharaxiinta Mucaaridka ay walaac xoogan ka muujiyeen hanaanka doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo dhawaan ka bilaabatay dalka. Waxaa si wada-jir ah qoraalka u soo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha caalamka oo war culus kasoo saartay doorashada iyo musharaxiinta la hor-istaagay appeared first on Caasimada Online.
  8. The European Parliament on Thursday raised the alarm over Somalia’s legal environment for the media, describing it as restrictive and conducive for rogue elements to harass journalists. Source: Hiiraan Online
  9. Islamabad (Caasimada Online) – Safiiradda Soomaaliya ee dalka Pakistan marwo Khadiija Al-makhzoumi ayaa maalintii shalay aheyd la gudoonsiiyey bilad sharafta qaaliga ah ee safiirka ugu wanaagsan ee sanadka 2021. Biladda sharaftaan ayaa ah mid dalka Pakistan uu sanadkiiba mar labixiyo, laguma abaalmariyo safiirada dalalkooda sida wacan ugu adeega ee fadhigoodu yahay magaalada caasimadda ah Islamabad. Safiirad Khadiija waxay abaal marintaan ku kasbatay ayadoo muujisay howl karnimo, firfircooni iyo sida ay u hormarisay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Pakistan mudadii ay halkaasi safiiradda ka aheyd. Waxay muddadii ay xilka haysay ka shaqeysay mashruucyo badan oo faa’iido u leh dadka iyo dowladda Soomaaliya, sidoo kale ay ku jirto danta labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan. Safiirad Khadiija ayaa sidoo kale ka shaqeysya caawinta iyo u adeegidda jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan, oo badankood ah arday dalkaas u tegay waxbarasho. The post Sawirro: Safiirada Somalia ee Pakistan oo ku guuleysatay biladda safiirka sanadka appeared first on Caasimada Online.
  10. Mekelle (Caasimada Online) – Guddiga xaaladda deg-degga ah ayaa kulan ay yeesheen ku qiimeeyay xaaladda guud ee wakhti xaadirkan ka jirta Itoobiya iyo tallaabooyinkii guddigu qaaday, waxaana ay caddeeyeen in xaaladda deg-degga ah loo fulinayo ujeeddadii laga lahaa. Bayaanno cusub ayaa laga soo saaray oo ka kooban afar qodob oo lagu xoojinayo hawlgallada socda ee xaaladda deg-degga ah, si meesha looga saaro caqabadaha jira, waxayna ciidamada Ammaanka bilaabeyn howlgalo ay ku fulinayaan amarka kasoo baxay Dowladda. Amarada cusub ee lasoo saaray ayaa waxaa kamid ah in dadka Shacabka ah looga digay inay xirtaan dareyska ciidamada Dowladda ee Booliska iyo Militariga, waxaana ciidamada ammaanka lagu amray inay tallaabo ka qaadaan ciddii lagu arko. Dhanka kale, Duqayn dhanka cirka ah ayaa dhacday magaalada Mekelle ee gobolka Tigray, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan xoogaga TPLF. Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa la sheegay inay Duqaynta ka fuliyeen dhawr xarunta oo ku yaalo Mekelle. Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqeynta, waxaana xoogaga TPLF ay ku eedeeyeen Ciidamada Federaalka Itoobiya inay duqeynta la beegsadeen dad rayid ah. The post Wararkii ugu dambeeyey xaaladda deg degga ah ee Itoobiya iyo duqeyn ka dhacday Mekelle appeared first on Caasimada Online.
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa wado olole mooshin looga keenayo Heshiiskii Shirkadda DP World iyo Xukuumadda ee ku saabsan Dekadda Boosaaso. Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in ka badan 41 mudane ayaa saxiixay mooshinka la doonayo in lagu baabi’iyo heshiiska Puntland iyo Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World. Maanta ayaa la filayaa in mooshinkaan oo ay saxiixeyn 41 Xildhibaan loo gudbiyo guddoonka Golaha Baarlamaanka Puntland, iyada oo la sheegayo in ka hortegida mooshinkaan aysan waxba ka qaban karin Xukuumadda & Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland intaba. Lama xaqiijin karo haddii uu mooshinkaan wax ka og yahay madaxweynaha Puntland iyo haddii uusan raali ka aheyn, mana muuqato dadaalo uu Deni ku doonayo in looga hortago mooshinka. Sanadkii 2017-kii ayay heshiiska ballaarinta dekadda Magaalada Boosaaso wada saxiixdeyn Xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Cabduweli Maxamed Cali Gaas & Shirkadda DP World. Shirkadda DP Word ayaa lagu eedeeyey inaysan weli wax muuqda kusoo kordhin Dekadda Boosaaso marka laga reebo inay iska qaadato lacagta kasoo xarooto sida uu horey u sheegay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi. Wixii warar ah ee kusoo kordha mooshinka kala soco wararkeena soo socdo Inshaa Allah The post Mooshinka ka dhan ah DP Word oo saacadaha soo socdo loo gudbinayo guddoonka Baarlamaanka Puntland appeared first on Caasimada Online.
  12. In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, ayaa doonaya in mooshin lagu buriyo Heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamanka, oo aan rabin in magacyadooda la xigto, ayaa Puntland Post u sheegay in 41 mudane diyaar u yihiin Mooshinka lagu burinayo Heshiiska DP World. Mooshinkaas ayaa u muuqda mid xooggan oo aysan waxba ka qaban karin Guddoonka Baarlamanka iyo Xukuumadda midna, islamarkaana meesha ka saari doona Heshiiska P&O Port. Shirkadda P&O (DP World) ayaa heshiis kula wareegtay dekedda Boosaaso sannadkii 2017 xilligaas oo ay sheegtay in ay mudda laba sano ah ku dhisi doonto, balse weli wax shaqo ah kama qaban. PUNTLAND POST The post Xog: Baarlamanka Puntland oo mooshin ku burinaya Heshiiska DP World appeared first on Puntland Post.
  13. Beesha Caalamka ayaa maanta oo Jimce ah baaq degdega ka soo saaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Beesha Caalamku ayay ku boorriyeen dhinacyada ay khusayso in ay dhammaystiraan doorashada golaha shacanka oo noqota mid loo dhanyahay lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale waxay ku baaqeen in doorashadaas noqoto mid ay ku qanci karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed. Halkaan ka akhriso warka oo dhan PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo baaq deg deg ah ka soo saartay doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay hadal ay jeedisay Lauren Boebert oo ay isku gole ka tirsan yihiin lagana soo doorto Colorado. Muuqaal laga duubay Boebert oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa waxa ay si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan. “Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ayaa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si degdeg ah kusoo galay askari walaacsan,” ayay tiri xildhibaankan looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog. “Bidix ayaan eegay, kadibna waxaan arkay Ilhan Cumar. Waxaan tilmaamay in aysan wadan boorso [qarax sida] oo uu xaalku caadi yahay,” ayay u tiri si kaftan balse jees jees ah. Waxa ay intaa raacisay inay la hadashay Ilhan oo ay ku tiri “eega, maanta kooxdii Jihaad-ka ayaa soo shaqa tagtay.” Ilhan Cumar oo barteeda Twitter ugu jawaabtay ayaa sheegtay in sheekada Boebert ay tahay mid khiyaali ah oo aanay jirin meel ay isku arkeen “Xaqiiq, doqontan hoos ayay eegtaa marka ay igu aragto xarunta baarlamaanka, waa sheeko khiyaali ah oo ay samaysay,” ayay tiri Ilhan. Xildhibaan Ayanna Pressley oo ay xulafo yihii Ilhan ayaa hadalka Lauren Boebert ku tilmaantay mid ceeb ah, dulmi ku dheehan yahay isla markaana khatartiisa wata. “Waa Islaam-naceyb kale oo si toos ah loola beegsaday Ilhan. Waa hadal wax dhimaya, khatarna ku ah xildhibaan Ilhan iyo bulshada Muslimka. Waa in la cambaareeyo hadallada noocan, laguna xisaabtamo cidda tiraahda,” ayay barteeda Twitter ku qortay Pressley. Boebert ayaa todobaadkii hore dhaleeceyn xooggan la kulantay kadib markii ay Ilhan Cumar ugu yeertay xubin ka tirsan “kooxda Jihaad-ka” xilli ay ka hadlaysay congress-ka. Ilhan oo kamid ah labada gabdhood ee ugu horreeyay ee iyagoo Muslim ah loo doorto Congress-ka ayaa xulafo ka dhigatay dumar xildhibaanno ah oo isku tilmaana inay yihiin hor-u-socod. Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu xusuustaa hadalladii xanafta lahaa ee uu ku beegsan jiray xildhibaan Ilhan Cumar. The post Ilhaan Cumar oo u jawaabtay Boebert “doqontan hoos ayay eegtaa marka ay igu aragto baarlamaanka” appeared first on Caasimada Online.
  15. The East African trade bloc and the European Union on Thursday condemned the suicide car bombing attack happening earlier in the day in Mogadishu, the Somali capital, leaving eight people dead and 17 others injured. Source: Hiiraan Online
  16. Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay qabashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed. Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada saddex kursi lagu qabanayo Magaalada Baydhabo, isla markaana doorashada ay dhaceyso 27-ka bishaan November oo ku beegan maalinta sabtida. Kuraasta doorashada la qabanayo ee la shaaciyay ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP#18 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kursiga tirsigiisu yahay HOP#170 waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali, halka kursiga tirsigiisu yahay HOP#171 ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh. Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb, waxaana la doortay in ka badan 10 Xildhibaan oo kamid noqonaya Golaha Shacabka. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo qabanaysa Kuraastii u horraysay ee Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  17. Somalia's national election implementation committee said it will "diligently look at the controversy” regarding ongoing parliamentary efforts. Source: Hiiraan Online
  18. Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca dowladda Puntland, S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa ka codsaday Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano in uu xilka wareejiyo. Ge. Yaasiin Cumar Dheere, ayaa sheegay in Ciidanka PSF aysan ahayn kuwa qof leeyahay, balse ay yihiin ciidan dowladeed, sidaas darteedna loo baahanyahay in uu xilka wareejiyo. Taliyaha ayaa tilmaamay in aysan Boosaaso u baahnayn colaad iyo xiisad dagaal, islamarkaana aysan dowladdu diyaar u ahayn arrintaas haddii aan laga fursan waayin. Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa isna sheegay in ay Boosaaso u yimaadeen xil wareejinta PSF, taasina aysan weli suurta-gelin. Wasiir Gallan ayaa ku amray ciidanka PSF in aysan ka amar-qaadan Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay, sidoo kalena aysan ka soo bixin xeradooda, inta laga xallinayo muranka taagan. PUNTLAND POST The post Puntland oo amar-duldhigtay Ciidanka PSF appeared first on Puntland Post.
  19. Somalia's national election implementation committee said it will "diligently look at the controversy” regarding ongoing parliamentary efforts. Source: Hiiraan Online
  20. Somalia's national election implementation committee said it will "diligently look at the controversy” regarding ongoing parliamentary efforts. Source: Hiiraan Online
  21. Ethiopia’s government is seemingly exacting revenge on Western countries that ordered its citizens out by demanding that some of their diplomats leave too. Source: Hiiraan Online
  22. Afartii sano ee u dambeysay waxaa na soo maray dhaqan xumo siyaasadeed tii ugu darneed; waxaa la hirgeliyey qorshe ku dhisan it’s our turn to eat-waa markeenii ee aan cuno. Waxaa abuurmay dhaqan ah in qofka looga faa’ideysto duruuftiisa dhaqaale isaga oo lagu soo xiro gelinaya lacag iyo jago. Halkaas waxaa ka dhalanaysa in siyaasadda laga muufeysto! Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa usoo jeediyey golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya inay hor-istaagaan doorasho boobka dalka ka socda. Fiqi ayaa ka fal-celinayey warkii shalay kasoo baxay golaha ee ay ku sheegeen inay ka fakarayaan dowlad cusub oo ay dhisaan haddii ay sidan ku socoto doorashada dalka oo ay hareeyeen musq-maasuq iyo boob cad oo aan horey loo arag. “Midowga musharaxiintu waa ku mahadsan yihiin mawqifkooda adag iyo hadal-cadaantooda waqtigii loo baahnaa ay soo saareen, waana kaalin ay lahaayeen in ay saxaan qaladaadka ay galayaan kooxda Villa Somalia iyo gacan-yarayaashoodu,” ayuu yiri Fiqi. Waxa uu sidoo kale si dadban u weeraray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu ku eedeeyey inuu ka aamusan yahay xadgudubyada socda. “30 sano ka dib, in dal dhib kasta soo maray ay doorashadiisu sidaan u ekaato waa ayaandarro weyn iyo damiinimo kuwa taladiisu ay gacanta ugu jirto, waana mas’uuliyad xumo kuwa doorashada lagu aaminay ee shaqadoodu ay ku soo koobantay hambalyada oo kaliya,” ayuu yiri Fiqi. Fiqi ayaa Midowga Musharaxiinta usoo ujeediyey inay boobka socda hor-istaagaan ayaga oo kaashanaya ciidamada qalabka sida iyo shacabka. “Shalay kali-talisnimadii, dastuur diidkii iyo muddo kororsigii waxaa hor istaagay midowga musharixiinta ayagoo kaashanaya shacabka iyo ciidamada qalabka sida maantana ayagaa laga rabaa in ay hor istaagaan doorasho la dhoodhoobay iyo marin habaabinta mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi. The post FIQI oo soo jeediyey laba awood oo lagu hor-istaagi karo doorasho boobka socda appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa soo saaray habraac cusub oo loo marayo soo gudbinta dacwooyinka ka dhasha Kuraasta Golaha Shacabka oo dhawaan ka bilaabatay dalka. Sida uu maanta baahiyey telefishanka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ka hor inta aan cabashada loo gudbin guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyin waa in uu bixiyo dacwooduhu lacag dhan 3,000 oo dollar. “Waa in uu soo gudbisto codsiga dacwada oo qoraal ah, kuna soo lifaaqo galka cabashadiisa/deeda waraaqda rasiidka bixinta lacagta diiwaan-gelinta dacwada oo dhan $3,000 (sadex kun oo doolar), kuna soo shubaa xisaabta bangiga (Accounta Number) loo asteeyay. Waa in uu soo buuxiyo foomka diiwaan-galinta dacwad dacwada doorashada ee guddiga xallinta khilaafaadka doorashada dadban ee 2020-2021.” Lacagta ayaa marnaba la celinayn haddii dacwada la gudbiyey loo xukmiyo dhanka dacwoodaha uu ka cabanayo iyo haddii la’laalo labadoodaba, sida uu sheegay guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka. Siyaasiga ama Musharaxa ka dacwoonaya boob lagula kacay Kursigiisa iyo hanaanka doorashada loo maamulay waxa uu gudbin kara dacwadiisa labo illaa saddex maalmood gudahood marka la shaaciyo liiska ergada iyo musharaxiinta. Cadadka lacagta iyo waajibnamadeed ka hor inta aan la gudbin dacwada ayaa falan-qeeyayaasha qaarkood ku tilmaamen “mid la yaab leh” oo looga gaashamanayo in la gudbiyo dacwad, maadama ay sheegen in mugdi badan ku gadaaman yahay hufnaanta guddigaas. Sidoo kale Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in illaa muddo 7 cisho ah uu baarayo, marka dacwadda lasoo gaarsiiyo, lana waafajiyo habraaca ay soo saareen, islamarkaana ay ogeysiinayaan guddiyada doorashooyinka. Ugu dambeyntiina guddiga ayaa ku wargeliyey musharixiinta iyo codbixiyeyaasha in la qaataan habraaca ay soo saareen oo ku aadan sida loo wajahayo, haddii ay cabasho timaado. The post Gudiga xallinta khilaafaadka doorashada oo soo kordhiyey shuruud yaab leh oo lacag ah appeared first on Caasimada Online.