-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE WFP welcomes KES 112.2 million support from the Russian Federation towards resilience-building in Kenya’s arid lands This contribution will form part of the in-kind food package that WFP is distributing in this year’s lean season, when farming families typically face hunger NAIROBI, Kenya, November 29, 2021/ — The United Nations World Food Programme (WFP) has welcomed a consignment of fortified vegetable oil worth KES 112.2 million (US$1 million) from the Russian Federation in support of its resilience building activities in the drought-stricken arid counties of Kenya. This contribution will form part of the in-kind food package that WFP is distributing in this year’s lean season, when farming families typically face hunger. WFP distributes cereals, pulses, and fortified vegetable oil to vulnerable Kenyans while at the same time treating malnutrition in mothers by providing nutritious flour for porridge and peanut-based supplement for children under 5. “This contribution is very timely for Kenyan families grappling with acute food shortages in a country facing the prospect of a third successive failed rainy season. This year, because of the drought, we are providing support to families in our resilience programme for 10 months, instead of 8,” said Ms. Lauren Landis, WFP’s Kenya Country Director. “At the same time, we are supporting them to adopt new farming practices, nutritious and drought-resistant crops that help them to achieve a more sustainable future. This contribution from the Russian Federation is an important component of that package.” “Russia is a long-term and strategic partner of WFP and a friend of the Kenyan people,” said the Russian Ambassador to Kenya H.E. Dmitry Maksimychev. “We are pleased that this gift from the Russian people will help contribute to changing the lives of hardworking families by helping them through a difficult time while they work towards lasting solutions to the food security challenges in the arid and semi-arid areas of the country,” he added. Russia has a long history of supporting WFP in east Africa, having donated Kamaz trucks to support WFP’s logistics operations in 2019 and 2014, as well as strategic contributions to WFP’s work in Kenya. Attending the ceremony, Mr Micah Powon, PS State Department for Development of the ASAL, said that the number of people that need immediate food assistance in Kenya has risen to 2.5 million following two consecutive poor rainy seasons – the October to December 2020 rains and the March to May 2021 season. “An estimated 368,000 people in some of the worst affected counties are in the ‘emergency’ phase of food insecurity (IPC 4), which is one step away from a catastrophe or famine-like conditions,” he said. “WFP supports the Government of Kenya in many ways,” said PS Powon. “Their resilience-building work is helping to change the lives of some of Kenya’s most vulnerable families. At this time of drought, we also value their ability to engage international support, such as this valued contribution from the Russian Federation.” “The support from the Russian Federation will help cushion vulnerable families, preventing a further deterioration of their food accessibility and nutritional status,” added Ms. Landis. “This intervention will protect more Kenyans from falling into a food and nutrition crisis in the coming months.” WFP distributes cash and food to 390,000 people across nine arid counties that are also engaged in resilience building activities through livelihood diversification such as beekeeping, sweet potatoes and tomatoes, improved climate adaptation with the construction of water harvesting structures and strengthened financial inclusion through access to micro-insurance and community savings groups. The lean season is one of the most trying periods for farming families especially in the marginal areas. It is when most families run out of crop stockpiles and before the arrival of the next season’s harvest. Families are forced to make difficult choices and often resort to negative coping strategies, such as selling their only assets such as livestock and withdrawing children from school to help fend for the family – further hurting their chances for a food secure future. Distributed by APO Group on behalf of World Food Programme (WFP). SOURCE World Food Programme (WFP) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee waqtigoodu dhamaaday ayaa si adag u naqdiyey hadal uu Boqor Buurmadow ka sheegay munaasibad lagu soo dhaweynayay magaalada Muqdisho. Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) ayaa markii u horeysay Muqdisho dhexdeeda ka shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay. Fiqi oo daba socda hadalka Buurmadow ayaa sheegay in looga fadhiyo inuu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee uu Godane iyo xarakadiisa Shabaab ay laayeen intii ay gumaadka ku hayeen shacabka Soomaaliyeed. “Boqor Buurmadow haddii uu ka samafalay dadkii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen!,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Hadalka uu ka horsheegey dhibanayaashii Godane iyo xarakadiisa argagixisada ah ay ehelkoodii laayeen waxaa loo qaadan karaa ku digasho iyo in aysan boqorka u qiyaasnayn xajmiga kalimadaas ay leedahay iyo saamaynta xun ee ay ku reebeyso dadka ay dhibaataysay argagixisada iyo hogaamiyahooda uu naxariista u muujiyey.” Sidoo kale waxa uu dalbaday in Boqor Buurmadow uu raali-gelin deg deg ah ka bixiyo hadalkaas, kaasi oo dib u damqaya boogaha uur ku taalada ee xarakada Shabaab ku reeben quluubta shacabka Soomaaliyeed. “Boqorku hadalkaas waa inuu cudurdaar ka bixiyaa, iskumana qalanto sida loo maamuusay iyo boogaha uu damqiyey!” The post Xildhibaan FIQI oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii gefka ahaa Boqor Buurmadow appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daah-furnaanta doorashada iyo dardargelinteeda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro inay doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sida uu shaaciyey xafiiska Rooble intii uu socday kulankaas Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo HirShabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo socda bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad. Rooble ayaa shalay qaabilay golaha midowga musharaxiinta oo aad uga walaacsan boobka doorashada ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka, waxayna mucaaradku cadeeyeen in Rooble ay siiyeen fursad uu kula hadlo madax goboleedyada, si wax looga bedelo hanaanka loo maamulayo doorashada, mucaaradku waxay shalay sheegeen in warbixin ay ka sugayaan golaha wadatashiga qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madax goboleedyada. The post Maxaa kasoo baxay kulankii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madax goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
-
Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwadiisa Saynab Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiin ay ka mid yihiin Xamad Al-kawari oo ah Wasiiru Dowle ka tirsan dowladda Qatar iyo Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano. Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar waxaa uu kulan doceedyo la qaadan doonaa hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya munaasabadda furitaanka koobka kubadda cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee dalalka Carabta, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.” Sida ay sheegtay madaxtooyada, safarkan waxa uu qaadan doonaa laba maalmood. Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab. Safarka Farmaajo ee Qatar ayaa imanaya xilli dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed culus oo ka dhalatay boobka doorashada kuraasta golaha shacabka oo lagu eedeeyey inuu qeyb ka yahay. Qatar waa dalka ugu weyn ee taageera Farmaajo, mana cadda haddii booqashada ay sidoo kale qeyb ka tahay arrimo siyaasadeed marka laga reebo ujeedka ay shaacisay Villa Somalia. The post Sawirro: FARMAAJO oo si weyn loogu soo dhoweeyey Qatar + Ujeedka safarkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
For most Somalis, one country, Britain, has set herself apart from the rest of the West for its historical and continuing policies which they consider as inimical to their nation. Somalia’s neighbours, Ethiopia and Kenya, have been the main beneficiaries of Britain’s perceived antipathy towards a united Somali nation and their aspirations for Greater Somalia. Britain is not solely responsible for the curve-up of their homeland. Other European predators took part, each vying for their share of the spoils of the partition of Africa. Where most Somalis feel it wronged them more than the others is what it did with the parts it got, and what it is doing to present day independent Somalia to unravel its unity. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socdo maalintii Afaraad oo xiriir ah shir ay leeyihiin Golaha Midowga Musharaxiinta, kaasi oo looga arrinsanayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Shirka maanta ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saaray sidii looga hortegi lahaa boobka uu Goluhu sheegay in lagu hayo doorasahda Golaha Shacabka oo ka socota guud ahaan dalka. Daahir Maxamuud Geelle, Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in uusan wax isbedel ah ku iman mowqifka Midowga Musharaxiinta, kadib kulankii ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka oo asagu gacanta ku haya maamulka doorashada. “Golaha Midowga Musharaxiinta mowqifkiisi ku aadana arrimaha socda in wax iska bedelay aysan jirin, uuna aaminsan yahay waxa socda inay yihiin doorasho boob qaawan oo aan doorasho lagu sheegi karin,” ayuu yiri Daahir Geelle. Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha Midowga Musharaxiinta uu sii wadi doono kulamada looga arrinsanayo xaalada dalka, kuwaasi oo ay la qaadanayaan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ujeedkooda waxa uu yahay inay saamileyda siyaasadeed saxaan qalalaadka ka jira doorashada, si loogu gudbo hanaan doorashooyin oo la aqbalsan yahay, sida uu sheegay Afhayeenka Golaha. Xubnaha ku bahoobay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay walaac xoogan ka muujinayeen hanaanka ay ku bilaabatay doroashada Golaha Shacabka, ayaga oo la kulmeyna Ra’iisul Wasaaraha, si loo saxo qaladaadka ka jira doorashada. The post Wararkii ugu dambeeyey ee kulamada murashaxiinta u socda iyo mowqifkooda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa markii u horeysay shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay “Waxaa dhacday Allah ha u naxariistee markii uu dhintay Axmed Cabdi Godane hogaamiyihii xarakada Al-Shabaab ayaa Salaadiinteeni u soo dhacday BBC-da. Nin walba in uu ka hadlo way ka carareen, waan u tacsiyadeeyay,” ayuu yiri Boqor Buurmadow oo ka hadlay munaasibad lagu soo dhaweynayay. “Waxaa idhi ninkaas isku caqiido ma aheyn oo isku meel uma aanu wada jeedin, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa. Isaga (Godane) iyo xarakadiisa, iyo reerka uu ka dhintayba qoys ayuu ka tirsanaa oo uu kasoo baxay waa ka tacsiyadeeyay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga yimaado dowladda federaalka ay gudaha Soomaaliya ka taliso dowlad kale oo uu ku sheegay xarakada Al-Shabaab, taasi oo uu madax kasoo noqday Godane. “Waxaa idhaahda labo dowladood ayaa meesha ka dhisan, dowladda Shabaabka Dir ayaa madax ka ah oo weliba laguma tartamo. Waxaa rabaa Dirku inay isku soo dhawaadan.” Boqor Buurmadow ayaa dhawaan soo gaaray caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay, isaga oo markii dambe usoo gudbay xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo oo uu gaarsiiyay raali-gelin uu ka waday qaabkii foosha xuma ee loo musaafuriyay dadka kasoo jeeday maamulkaas. The post Buurmadow oo amaanay Godane, kuna tilmaamay Al-Shabaab ‘dowlad’ + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Tanzania to acquire spray plane to fight locusts’ invasions
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The government of Tanzania has set aside 3 billion Tanzanian shillings (about 1.3 million U.S. dollars) for buying a spray plane to fight invasions of locusts, the Minister for Agriculture, Adolf Mkenda, said on Sunday. Source: Hiiraan Online -
“Anigu shakhsi ahaan maan sharaysan booqashada Boqor Cismaan Buurmadow uu ku tegay Muqdisho iyo Baydhaba. Qofka Hargeysa dhexdeeda ka yidhaa “Goni-isu-taaga Somaliland waa go’aan shacbi warkiisu xiiso ma leh waayo waa caadi oo war la qabaa xiiso ma leh. Balse qof caan ah oo soomaali oo dhami taqaan oo weliba hogaamiye dhaqameed ah marka inta uu Muqdisho tago ka dhex yidhaa dad badan ayay ku noqon kartaa yaab iyo yaabka-yaabkii. Mar Muqdisho ayuu tegay ayaa in badan oo caadifiyiin ah oo weliba ka soo jeeda beeshe dhexe ee Somaliland ku noqonaysa amakaag. Waayo waxay aaminsan yihiin qof caan ah oo ka soo jeeda Somaliland hadii uu Muqdishaba tegay in uu yahay dambiile khayimul waddan ah, sharcigana waxba kama gelin oo isaga ayaa sharci ah. Xagiisa sida loo kala neceb yahay Muqdisho iyo Somalia ayaa loo kala muwaadinsan yahay Somaliland. Kuwo kale oo Reer Muqdisho ama Somaliya ahna waxa yaabka-yaabkiisa ku ah ninka Hargeysa ka yimi ee ku dhici karay inta uu Muqdisho ugu yimaado si cad warbaahinta uga yidhaa “ gooni-isu-taaga Somaliland waa go’aan shacbi waanan taageersanahay”, Somaliland miyuu ka hiiliyay mise wuu u hiiliyay? Anigu waxan qabaa in uu u hiiliyay? Laakiin qofka isaguna si kale u arka waa isaga iyo garashadiisa. Kuma qoonsan karo” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hab fogaan arag ah kula kulmay Guddiyada Doorashooyinka ayaa bogaadiyey wax uu ugu yeeray “habsami u socodka” doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug, Koonfur galbeed iyo Somaliland. Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo HirShabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka, si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay. Rooble ayaa amray guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanida iyo daah-furnaanta doorshada, isaga oo faray in ay u hoggaan samaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021. “Ma aqbalayo Guddiyo isbarbar socdo oo u arka in ay matalaan Dowlad-goboleed. Ogsoonaada waxaad ku magacaaban tihiin waa wareegto Ra’iisul Wasaare sidaas darteed waa in aad dhexdhexaad u noqotaan dhammaan musharaxiinta xaqa u leh in ay u tartamaan kuraasta Xildhibaannimada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Rooble Rooble ayaa dhanka kale ka codsaday Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah in ay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madaxbannaan oo hufan u fuliyaan howlaha doorashada. Kulankan ayaa daba socda kulan Golaha Midowga Musharixiinta ay shalay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo looga hadlay boobka doorasho ee dalka ka socda. Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay midowga musharaxiinta ayaa sheegay kulankii ay la yeesheen Rooble uu qeyb ka ahaa kulamo maalamahaan dambe u socday golaha Midowga Musharixiinta, isla markaana ay Rooble u gudbiyeen dareenkooda ku aadan hanaanka ay u socoto doorashadu. “Waxaan u sheegnay ra’iisul wasaaraha, in boob qaawan uu ku socdo doorashada, markii aan la wadaagnay dareenkaas, waa uu soo dhaweeyey, waxuuna noo sheegay inuu isugu yeeri doono golaha wadatashiga qaran, isla markaana uu la wadaagi doono walaaca ka soo kordhay doorashada, war cadna ay ka soo saari doonaan arrinkaas,” ayuu yiri Daahir Geelle. Daahir Geelle ayaa sheegay in hadda ay go’aansadeen inay fursad siiyaan Ra’iisul wasaaraha, si golaha wadatashiga qaran uu u hor geeyo walaaca boobka doorashada, “Anaguna waxaan sii wadi doonaa dadaaladii aan wax ku saxeynay,” ayuu yiri. The post R/W Rooble oo amar siiyey gudiyada doorashada kadib kulankii Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.
-
Ayanle Nur might have been in his high school Spanish class on December 3, but his mind was elsewhere. The seventeen-year-old DSST Green Valley Ranch senior and son of Somali refugees was awaiting the most important news of his life: whether he had been accepted to his dream school, Yale University. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (PP News Desk) — One day after the first ship docked at the new Garacad Port, Puntland State government has publicised resumption of DP World Bosaaso Port project. DP World had put the port modernisation and expansion project on hold following the assassination of P&O project manager in Bosaso two years ago. Two other developments had had an impact on the delayed project: the Covid-19 pandemic and the delisting of DP World from Nasdaq Dubai. The first ship docked at Garacad Port two days ago. Wadaagsan, an infrastructure investment fund, has overseen the construction of the first privately owned seaport in Somalia. Puntland State government and Wadaagsan have yet to hammer out the taxation policy when importers from Puntland and other nearby Somali regions begin to use the new port. Tax revenues from Bosaso could substantially decline Garacad’s proximity to several business hubs and lower transport costs. The fiscal change will affect centre-periphery relations in Somalia’s first autonomous administration founded in 1998. It will redefine relations between the Federal Government and Federal Member States. Garacad investors are looking into ways to make the Federal Government a key stakeholder in the form of a guarantor, a development that will lead the seaport to acquire a national infrastructure status to reduce the higher insurance premium demanded by shipping companies docking at new, privately owned ports. © Puntland Post, 2021 The post Somalia: Garacad Port Overshadows DP World Project appeared first on Puntland Post.
-
Iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF, ayaa waxaa arrintaasi ka jawaabay Af-hayeenka Tigreyga Gatachu Reda. Afhayeenka tigreega ayaa sheegay in raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhabar jebin uu ku sameeyay Somaliland, taasi oo carrabka ku dhiftay in ayna jirin sabab uu u taageero, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Somaliland Ma Ilowsana dhabar jabintii Abiy ku samaynayay markuu farmaajo heshiiska la saxeexday’’ ayuu yiri Afhayeen TPLF Gatachu Reda, mar uu ka jawaabyay war la faafiyay oo ku aaddana in Muuse Biixi uu taageero la garab taagan yahay Dowladda dhexe ee Itoobiya, sida lagu baahiyay Warbaahinta Fana ee ku hadashada afka dowladda Itoobiya. Afhayeenka TPLF Gatachu Reda ayaa hadalkaa jeediyay, isaga oo la hadlaayay shabakadda Tigree News, ee baahisa wararka jabhadda dagaalka kula jirta Dowladda federaalka Itoobiya Tigreega. Sidoo kale Afhayeenka ayaa inta ku daray in shacabka Somaliland aan la qaldi Karin sidoo kalena, Abiy Ahmed uu wado marin habaabin iyo sidii danihiisa uu uga fiirsan lahaa Gobolka, isagoo ku eedeyay iska horkeenid. hadalka Afhayeenka Tigreega ayaa imaanaya, iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF. “Waxaan garab taagan nahay ololaha badbaadada ah ee ay dowladda Itoobiya ka waddo waqooyiga dalkaas,” Fana ayaa soo xigatay hadalkaas oo ay sheegtay inuu yidhi madaxweyne Biixi. Madaxweynaha Somaliland ayaa sida lagu soo warramay hadalkan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar. Source
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Guddoomiye cusub u magacaabay Hay’adda Waddooyinka Puntland ee (PHA). Madaxweyne Deni ayaa Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Wadooyinka Puntland u magacaabay Cabdifataax Maxamed Sugulle oo Xoghaye u ahaa urur siyaasadeedka Mustaqbal. Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan xilka ka qaaday Guddoomiyihii PHA Cabdulqaadir Cali Xirsi, waxaana xilka KMG u hayay Guddoomiye Ku-xigeenka hay’addaas Cabdirisaaq Maxmed Xayir. Hos ka akhriso wareegtada magacaabista Garoowe: 29 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee November 29, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna Saxiixay. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Hay’adda Waddooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Bosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, ee uu xilka ka qaaday madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo saaka khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan Ciidanka ayaa kala hadlay khilaafka u dhaxeeyo ciidamada PSF iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Taliye Maxamuud ayaa ciidamada ku amray in aysan wax xabbad ah ku ridin magaalada, islamarkaana ay ilaaliyaan deganaanshaha Magaalada Boosaaso. Maxamuud oo ka hadlayey khilaafka kala dhaxeeyo madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu iska soo dhammaan doono, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax xiisad dagaal ah oo ka aloosan Boosaaso Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in Agaasimuhu ku amray in ay ka baxaan difaacyada qodan, islamarkaana si caadiya u wataan shaqadooda ciidanimo. Sida aan xogta ku helnay Agaasimuhu kama hadlin wax ku saabsan xil ka qaadistiistii lagu sameeyay iyo haddii uu xilka wareejinayo midna. Ciidamada PSF ayaa lasoo sheegayaa in ay ka baxeen dhufeysyo u qodnaa, islamarkaana ay hadda si caadi ah ugu laabteen xarumahooda. Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa dagan, inkastoo ay magaalada la ciirciireyso ciidamo tiro badan oo kala taabacsan Agaasimaha PSF iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni. Khilaafka u dhaxeeyo Saciid Deni iyo Agaasimaha hey’adda PSF ayaa bilowday kadib markii uu Deni soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday Agaasime Maxamuud. Saciid Deni ayaa doonayo inuu si buuxda ula wareego ammaanka Magaalada Boosaaso halkaas oo la filayo inay ka dhacdo doorashada 16 Kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka. The post Taliyaha PSF ee gadooday oo amar culus siiyey ciidanka ku sugan gudaha Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Sadaad Maxamed Nuur, oo ka tirsan Xisbiga Wadajir, ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsam,e ayaa maanta ku guuleystay tartankii loo galay kursiga HOP#180 oo doorashadiisa ay ka dhacday Koonfur Galbeed. Xildhibaanka oo khudbad ka jeediyey kadib guushiisa ayaa u mahad-celiyey guddiga doorshada Koonfur Galbeed iyo Beeshiisa oo u ogolaatay inuu ku matalo Afarta Sano ee soo socota, wuxuuna sheegay in doorashada Koonfur Galbeed ay u socoto si cadaalad ah. “Waxaan mahad leh Allah oo noo suurta geliyey inuu si nabad ah noogu soo dhammaado tartanka doorashada kursiga HOP180 ee Beesha Naasiye, intaas kadib waxaan u mahad celinayaa guddiga doorashada iyo maamulka Koofur Galbeed oo suurta geliyey in si cadaalad ah noogu soo dhammaato,” ayuu yiri Xildhibaan Sadaad. Wuxuu sheegay in doorashada ka socoto Koonfur Galbed kaliya lagu weyn karo calaf, isagoo meesha ka saaray inay jiraan caqbado qofka ka hor istaagi karo inuu kusoo baxo kursiga. “Waxaan rabaa inaan ku darsado, doorashada ka socoto Koonfur Galbeed calaf bis ayaa lagu weyn karaa ee cadaalad darro laguma weyn karo, taas waxaa caddeyn u ah in anigoo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadajir aan kusoo baxay kursigaan, markaan dadkeyga usoo doontay kursiga way ii ogolaadeyn.” Hadalka Xildhibaan Sadaad ayaa kusoo aadayo xilli Maamulka Koonfur Galbeed lagu eedeeyey inay musharixiinta qaar u diiday inay u tartamaan kuraasta. Dadka loo diiday inay u tartamaan kuraasta ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sheegay in waxa ka socdo Baydhaba aysan aheyn wax lagu sheegi karo tartan. Dhinaca kale, kursiga HOP213 oo doorashadiisa ay qabsoomtay ayaa waxaa ku guuleysatay Aamina Maxamed Mursal oo heshay codad gaaraya 70 cod, halka Aamina Xuseen oo ah musharaxa la tartameysay ay heshaycodad gaaraya 12 cod, waxaana halaabay 6 cod, sida uu shaaciyey Guddiga doorashada Koonfur Galbeed. Aamina Maxamed Mursal ayaa ah la-taliyaha dhinaca Haweenka ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, oo la rumeysan in uu galaan-gal badan ku leeyahay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooranayo gudaha maamulkiisa. Xildhibaan Aamina Maxamed Mursal ayaa waxay hore u soo qabatay Xilka Wasiirka Wasaaradda haweenka & xuquuqul Insaanka ee xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ee dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Kursiga HOP213 ayaa waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed. The post Siyaasi ka tirsan XISBIGA WADAJIR oo xildhibaan loo doortay kadib doorasho adag appeared first on Caasimada Online.
-
Hooyo Soomaali ah oo wiil ay dhashay gawracday+Sababta Hooyo Soomaali ah oo ku nool dalka Mareykanka ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii “ay gowrcday” wiil yar oo ay dhashay, kaas oo la sheegay in marka ay dishay ku ridday haanta lagu rido qashinka oo taalla gurigeeda. Hooyada oo ay haatan su’aallo weydiinayaan ciidamada Booliska ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Fardowsa Cabdullaahi, waana 26 sano jir, sida laga soo xigtay Booliska. Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday magaaladda St, Cloud ee gobolka Minnesota, waxaana lagu soo warramayaa in gabadha ay qiratay dilka wiilkeeda oo sadex bil jir ahaa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneydan Soomaaliyeed uu ilmaha yar ku inkiray ninkii dhalay kadibna ay ku dhaqaaqday falka ay sameysay oo aad looga argagaxay. Fardowsa Cabdullahi ayaa haatan wajaheyso maxkamad, waxaana lagu soo oogay dil darajada labaad ah, iyada oo sidoo kale maydka wiilka yarna la geeyey xabsiga degmada Stearns oo ku yaalla magaaladda St. Cloud, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah. Falka ay ku dhaqaaqday gabadhan Soomaaliyeed ayaa ah mid aad u xanuun badan, waxaana dhacdadan si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka. Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan waxaana ka dhaca dhibaatooyin kala duwan, hayeeshee dhacdadaan ayaa ah mid ugub ah, taas oo ay si weyn uga argagaxeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi & sidoo kale kuwa isticmaala baraha bulshada. Qaran News
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed waxaa lagu soo gabagabeeyay doorashada seddax kursi oo maanta lagu qabtay magalaada. Kursiga koowaad ee doorashadiisu dhacday ayaa sumaddiisu ay tahay HOP#180 , waxaana kuwada tartamay musharixiinta kala ah Saadad Maxamed Daahir iyo Maxamed Axmed Maxamed. Saadaad oo ku soo baxay kursiga ayaa helay 87 cod, halka uu Maxamed Axmed Maxamed oo laga guuleystay uu helay 9 cod. Waxaana sidaas kursiga tirsigiisu yahay HOP#180 , ugu soo baxay Saadad Maxamed Daahir. Kursiga labaad ee doorashadiisa maanta ay dhacsay ayaa sumaddiisu ay tahay #HOP213 , waxaana kuwada tartamay musharixiinta kala Ah Aamina Maxamed Mursal iyo Aamina Xuseen. Aamina Maxamed Mursal oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#213 , ayaa heshay 79 cod, halka ay Aamina Xuseen ay heshay 12 cod. Waxaa sidaas kursiga sumaddiisu tahay HOP#213 , ugu soo baxay Aamina Maxamed Mursal. Kursiga seddaxaad ee doorashadiisu maanta ay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah dowlad gobaleedka Koonfur galbeed kaas oo ay sumaddiisu tahay HOP#154, ayna kuwada tartamayeen musharixiinta kala ah Sareedo Maxamed Cabdalla iyo Fardowsa Ibraahim Cali. Xildhibaanad Sareedo oo ku guuleystay kursiga sumaddiisu ay tahay #HOP154, ayaa heshay 89 cod, halka ay Fardowsa Ibraahim ay heshay 8 cod. Waana sidaan ugu soo baxday kursiga HOP#154, Sareedo Maxamed Cabdalla. Guud ahaan seddaxda kursi ee maanta la doortay ayaa ku biiri doona 7 kursi oo horay loogu doortay magaalada baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar dibadeed oo aan horey loo shaacin maanta ugu baxay magaalada Doha ee dalka Qatar. Farmaajo ayaa waxaa safarka ku wehliya Marwada Koowaad Saynab Cabdi Macallin, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab. Sida ay sheegtay madaxtooyada, safarkan waxa uu qaadan doonaa laba maalmood. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.” “Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta, iyadoo Madaxweynuhu uu kulan-doceedyo la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda,” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka war-bixiyay safarka Farmaajo. Safarka Farmaajo ee Qatar ayaa imanaya xilli dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed culus oo ka dhalatay boobka doorashada kuraasta golaha shacabka oo lagu eedeeyey inuu qeyb ka yahay. Qatar waa dalka ugu weyn ee taageera Farmaajo, mana cadda haddii booqashada ay sidoo kale qeyb ka tahay arrimo siyaasadeed marka laga reebo ujeedka ay shaacisay Villa Somalia. The post DEG DEG: Farmaajo oo u baxay safar dibadeed oo aan horey loo shaacin + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
