Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “Ilaahay baa Boqor ahe Boqor Cismaan Aw Maxamuud waa laga gardaran yahay, wax yaabaha uu ku hadlay suldaan Sabays-tena qaranka iyo deegaan-kayaga labadaba waa ku meel, kadhac, inta waagu aanu beryin haddii aan garawshiiyo laga bixin berito waxaanu wada noqonaynaa wada Buurmadoow. ku abshira. warkaygaa hala gaadhsiiyo Suldaan Xasan” waxa sidan yidhi maayirkii hore ee Burco Maxamed Muraad. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Wefti Safiiro ah oo ka socda Waddamada Somaliland ka taageera Arrimaha Doorashooyinka ayaa ka soo degay Madaarka Hargeysa Halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Debedda Somaliland. Weftigan ayaa waxaa hoggaaminaysa safiirka Midowga yurub u fadhida Nairobi oo ay weheliso safiir ka socda dalka Sweden iyo dublamaasiyiin kale. Waxaana madaarka cigaal kusoo dhaweeyay wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Ujeedada socdaalkan waftigan oo maalmo joogi doona Somaliland ayaa la sheegay inay tahay arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dhici doonta sannadka 2022-ka. Mudada ay ku sugan yihiin caasimada hargaysa ayaa waxay kulamo layeelan doonaan madaxda ugu sarraysa xukuumada Somaliland iyo Ururada Bulshada rayidka ah, madaxda xisbiyadda mucaaridka ah. Source
  3. Wada-hadal taleefon oo dhex maray Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Lauren Boebert oo Jamhuuri ah ayaa ku dhammaaday buuq kadib markii Boebert ay diiday inay si cad raali-gelin uga bixiso inay Ilhaan ku tilmaamtay halis. Boebert ayaa dirtay taleefonka kadib markii uu soo shaac-baxay muuqaal ay Ilhaan Cumar, oo Muslim ah, ugu yeedhay inay xubin ka tahay “kooxda jihaadka.” Muuqaalka ayaa muujiyey Lauren Boebert oo leh “Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda jihaadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.” “Xubintan ayaa loo ogolaaday inay ka mid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaaneysa argagixisada,” ayey tidhi Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda kahor Ilhaan Cumar ugu yeedhay “xubin sharafeed ka tirsan Xamas.” Boebert ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku raali-gelisay “qof kasta oo ka mid ah bulshada Muslimka ee ay dhaawaceen hadalladeeda.” Hase yeeshee, Boebert ayaan Isniintii muujin wax astaan dib isu qabasho ah, ayada oo soo saartay muuqaal ay ku qeexeyso wada-hadalkii telefoonka ee ay la yeelatay Ilhaan, waxayna laba jibaartay hadalladeedii hore. “Ha qaldamin, waxaan sii wadi doonaa inaan si cabsi la’aan ah uga dhigo America waxa koowaad, marna aan u calool dabcin argagixisada. Nasiib darro, Ilhaan sidaas oo kale ma odhan karto, dalkeenuna taasi waa u daran tahay,” ayey tidhi Boebert. Ilhaan Cumar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fileysay raali-gelin. “Intii ay raali-gelin ka bixin laheyd hadalladeeda Islaam naceybka ah iyo beenta ay abuurtay, Boebert waxay diiday inay si shaacsan u qirato hadalladeeda halista iyo naceybka ah. Waxay taa beddelkeed laba jibaartay hadalladeeda, anigana waxaan go’aansaday inaan dhammeeyo taleefonkii aan midho-dhalka aheyn,” ayey tidhi Ilhaan. Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo kaga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin. Source
  4. Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha caafimaadka WHO ayaa sheegtay in feyraska cusub ee Karoona ee Omicron uu halis ku hayo caalamka xilli ay isa soo tarayaan kiisaska cudurkan. Ha’yadda waxay sheegtay in feyraskan cusub uu dhibaata daran ku reebi kara gobollada qaar. Madaxa WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa soo jeediyay baaq hor leh oo ku aadan in dalalka saboolka ah la gaadhsiiyo tallaalka lagaga hortaggayo cudurka. Wuxuu ka digay in weli aanu dunida ka dhammaanin cudurka Covid-19. Feyraskan cusub ayaa horraantii bishan laga helay dalka Koonfur Afrika, caddeymaha waxay muujinayaan in si xooggan uu faafi karo cudurka. Koonfur Afrika waxaa lagu ammaanay sida deg deg ah ay usoo tebisay kiisaska. “Feyraska Omicron isbaddalo aan hore loo arag ayuu sameeyaa, qaarkood waa kuwa walaac leh” ayay tidhi WHO. Nooca cusub ee cudurka Covid-19 ee laga helay dunida ayaa ah mid isbaddalayo oo xitaa mid kamid ah seynisyahanada wuxuu ku tilmaamay ‘mid argagax leh’ halka khuburrada qaar ay sheegayaan in uu yahay kii ugu xumaa abid ee la arko. Source
  5. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weeraro qorsheysan oo xalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo oo xarun u ah gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka koowaad oo loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin gudaha magaaladaasi, waxaana xigtay madaafiic ay dhankooda ku jawaabeen ciidamad Itoobiya ee la weeraray. Ilo dadka deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa shaaca ka qaaday in weerarka uu ahaa mid culus, isla-markaana inta uu socday ay soo wajahday cabsi aad u xoogan. Sidoo kale weerarka labaad ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig kale oo ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ay ku leeyihin dhanka Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi, waxaana lasoo wariyey inuu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo saacado socday. Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weeraradan ay geysteen khasaare u badan dhaawac, walow illaa iyo aysan faah faahin saraakiisha ammaanka ee Koonfur Galbeed. Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana ciidamada ammaanka ay weeraradaasi, kadib howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo. Inta badan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla gobolladaasi. Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliiya ee ka imaanaya dhanka deegaanada maamulkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
  6. Weeraryahanka kooxda Paris St-Germain iyo xulka qaranka Argentina Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or – oo la guddoonsiiyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa kubbadda cagta sannadka – waana markii toddobaad ee uu ku guuleysto abaalmarintan. Messi oo 34 jir ah ayaa ka caawiyay dalkiisa inay ku guulaystaan ​​Copa America,wuxuuna u dhaliyay 40 gool 2021 – 28 gool Barcelona, ​​afar waxa uu u dhaliyay Paris St-Germain iyo sideed gool oo xulka Argentina uu u dhaliyay. Weeraryahanka Bayern Munich iyo Poland Robert Lewandowski ayaa soo galay kaalinta labaad, waxaana kaalinta seddexaad galay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea iyo Italy Jorginho, waxaana kaalinta afaraad galay weeraryahanka Faransiiska ee Real Madrid Karim Benzema. Abaalmarinta Ballon d’Or waxaa u codeeya 180 saxafi oo ka kala socda daafaha caalamka, in kasta oo ayna jirin wax abaal-marin ah sannadka 2020 sababo la xidhiidha cudurka faafa ee coronavirus. Messi iyo Cristiano Ronaldo midkood ayaa abaal-marintan ururin jiray ku guuleystey sannad walba laga bilaabo 2008 ilaa 2019, marka laga reebo 2018 oo uu ku guulaystay xiddiga khadka dhexe ee Croatia Luka Modric. Messi ayaa hore ugu guuleystay abaalmarintan sannadihii 2009, 2010, 2011, 2012, 2015 iyo 2019. “Waa wax cajiib ah inaan halkan mar kale joogo,” ayuu ka sheegay xafladda, oo lagu qabtay Tiyaatarka Paris du Chatelet. “Laba sanno ka hor waxaan u maleeyay inay ahayd markii ugu dambeysay, dadku waxay bilaabeen inay i weydiiyaan goorta aan shaqada ka fadhiisanayo, laakiin hadda waxaan joogaa Paris, aad ayaana u faraxsanahay. “Waxay ii tahay sannad qaas ah oo aan ku qaaday koobkan Copa America, wax badan ayay iga dhigan tahay inaan [1-0 kaga badiyay Brazil finalkii] garoonka Maracana, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la dabaaldego dadka Argentina. Goolhayaha Paris St-Germain ee Gianluigi Donnarumma, oo Talyaaniga ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​Euro 2020, ayaa ku guuleystay abaalmarinta Yashin Trophy ee goolhayaha ugu fiican, halka kooxda ku guuleysatay Champions League ee Chelsea loo magacaabay kooxda sannadka. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Pedri, oo 19 jir ah, ayaa ku guuleystay abaalmarinta Kopa Trophy ee ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee da’doodu ay ka hooseyso 21 jir, iyadoo ciyaartoyda England ee Jude Bellingham, Mason Greenwood iyo Bukayo Saka ay kala galeen kaalinta labaad, shanaad iyo lixaad. Source
  7. Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu wadaa in saaka oo talaada ah ay ka qabsoonto doorashada hal kursi oo qeyb ka ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay dowlad gobaleedka Koonfur galbeed. Kursiga doorashadiisa la qabanayo maanta ayaa ah kursiga tirsigiisu yahay HOP#193 kaas oo deegaan doorashadiisu ay tahay Baydhabo. Kursigaan ayaa waxaa baarlamaanki 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamuud Maxamed Bono oo ku matalayay dowlad gobaleedka koonfur galbeed. Waxaa hadda la xareeyay ergada dooraneysa kursigaan waxaana u tartamaya musharixiinta kala ah: 1:Cabdulqaadir Maxamed Cilmi 2: Cabdullaahi Aadan Axmed Shalay oo isniin ah ayaa lagu waday in kursigaan lagu doorto Baydhabo balse guddiga ayaa maanta dib ugu dhigay doorashada. Baydhabo ayaa maalintii afaraad ay si toos ah uga soconeysa doorashada golaha shacabka illa iyo hadda waxaa koonfur galbeed lagu doortay 10 kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah la qaatay madaxda dowlad gobaleedyada dalka. Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga Qaranka ayaa kawada hadle sidii dalka looga qaban lahaa doorashooyin daahfuran oo lagu kalsoonaan karo. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur galbeed. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Rooble ayaa sidoo kale madaxda dowlad gobaleedyada ugu baaqay in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Kulankaan ayaa yimid kadib markii maalin ka hor ra’iisul wasaaraha kulan uu la qaatay midawga musharixiinta lagu go’aamiyay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa xor iyo xalaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. The family of Ethiopian businessman Samson Tekklemichael has said they believe he was taken by Kenyan security agencies. Source: Hiiraan Online
  10. Days after firebrand conservative Rep. Lauren Boebert of Colorado was harshly criticized for making anti-Muslim comments about Rep. Ilhan Omar, a Minnesota Democrat whom she likened to a bomb-carrying terrorist, the two spoke by phone Monday. Source: Hiiraan Online
  11. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan. Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka? appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa qorsheyneysa in Muqdisho loo soo wareejiyo doorashada golaha shacabka ee magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarey, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal uu ra’iisul wasaaraha uu madaxweyne Farmaajo ugu gacan gelinayo maamulka kuraas dheeri ah oo ka tirsan baarlamanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa horey si dadban ugu maamulayey kuraasta taalla Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo ay madax ka yihiin laba nin oo ka mid ah xulafadiisa, wuxuuna goor hore xaqiijiyey in kuraas dhowr ah loo boobay xubno uu wato. Magaalada Beldweyne ayaa waxaa la qorsheeyey in lagu doorto 22 kursi oo ka mid ah golaha shacabka, halka Garbahaarey loo qorsheeyey 16 kursi. Hase yeeshee, in doorasho lagu qabto labadan magaalo ayaa waxaa hortaagan caqabad xooggan, maadaama labada madaxweyne ee Jubaland iyo HirShabelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudaalwe ay diidan yihiin qabaa’ilka dega labadaas magaalo. Dadka degan labada magaalo ma diidana in doorasho lagu qabto, hase yeeshee labada madaxweyne goboleed ayaan heli karin awood buuxda oo ay ku maamulaan doorashada halkaas, sidaas darteedna guddiyada doorashada oo ay magacaabeen ayaan diyaar u aheyn inay halkaas tagaan kuna qabtaan doorasho. Ayada oo arrintaas qiil laga dhigayo, ayaa Rooble iyo guddiga doorashada heer federal waxay qorsheynayaan inay ku dhowaaqaan inaan halkaas lagu qabin karin doorasho. Balse arrintan yaabka leh ayaa ah; in intii doorashada loo wareejin lahaa caasimad goboleedyada labada maamul ee Kismaayo iyo Jowhar, in Rooble iyo guddiga doorashada ay qorsheynayaan in la keeno Muqdisho, taasi oo si toos ah maamulka doorashada ugu gacan gelineysa Vill Somalia. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in sababta Rooble uusan u dooneyn in doorashada la geeyo Kismaayo ay tahay in Farmaajo uu weyn doono maamulka 16-ka kursi ee Garbahaarey. Balse ma cadda sababta uu tan Beledweyne u dooneyn in la geeyo Jowhar, maadaama Farmaajo iyo Cali Guudlaawe aysan isku xumeyn. Dhinaca kale, siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Xawaadle ayaa diidan qorshaha Rooble, waxayna ku adkeysanayaan iney doorashadu ka dhacdo magaalada Beledweyne, oo aysan wax dhib ah ka jirin. Waxaa sidaas oo kale qaba siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Mareexaan. Qorshaha Rooble iyo guddiga doorashada ayaa wajahaya hal caqabad oo ah beesha caalamka, maadaama uu ka horimanayo heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 27-ka May 2021 ee doorashada. Waxaa hadda socda qorshe lagu cadaadinayo beesha caalamka inay arrintan aqbasho, balse ma cadda inay ogolaan doonto. Beesha caalamka ayaa horey walaac uga muujisay boobka doorashada ee ka socda qaar ka mid ah caasimad goboleedyada, oo lagu eedeeyey Villa Somalia, waxaana in kuraas kale loo gacan geliyo madaxtooyada ay u muuqataa mid aan la aqbali karin. Rooble ayaa Axaddii kulan la yeeshay xubnaha Midowga Murashaxiinta oo saluugsan qaabka doorashada golaha shacabka ay u socoto iyo boobka lagu hayo kuraasta, balse sida muuqata Rooble wuxuu 100% isku dhiibay Farmaajo, wayna adag tahay in dib loo soo celiyo. The post Xog: Rooble oo wada qorshe doorashada 38 kursi oo dheeri ah lagu keenayo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  13. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Sunday handed over logistical support to the Somali Police Force (SPF), to help reinforce and enhance security at polling stations during the ongoing elections. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta kusii jeeda magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka. Ilo ku dhow madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa innoo xaqiijiyey in madaxweyne Lafta Gareen saacadaha soo socda uu gaari doono Kismaayo, si uu wada-hadallo ula yeesho dhiggiisa dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Qaban qaabada soo dhowenta madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlaya xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha doorashada Golaha Shacabka ee haatan ka socota gudaha dalka, taas oo Koonfur Galbeed ay ku billowday ilaa 11 xildhibaan halka Jubbaland ay haatan guda-geli doonto doorashada. Sidoo kale waxa ay labada hoggaamiye kulankooda diiradda ku saari doonaan ammaanka iyo abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka ay leeyihiin labada mas’uul ayaa kusoo aadayo, iyada oo si aad ah la’isugu hayo doorashada baarlamaanka oo ay cabasho weyn ka keeneen xubnaha mucaaradka. Axmed Madoobe ayaa horay u tegay magaalada Garoowe, isaga oo maalmo badan lasoo qaatay dhiggiisa Puntland, madaxweyne Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo si gaar ah uga arrinsadeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaab doorashada Soomaaliya. Si kastaba, maamul goboleedyada dalka ayaa haatan isha lagu wada hayaa, maadaama ay ka bilaabatay doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha. The post C/casiis Lafta Gareen oo saddex arimood u tegaya magaalada KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada Doha Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani. Tamim ayaa u diri doona wasiirkiisa arrimaha dibadda Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani Beirut si uu ugala hadlo sidii taageero loogu fidin lahaa Beirut, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Lubnaan. “Qatar waxay diyaar u tahay inay Lubnaan ka caawiso dhinac walba si ay uga gudubto xaaladaha adag ee sida xun u saameeyay nolol maalmeedka Lubnaan,” ayuu yiri hogaamiyaha Qatar. Aoun ayaa dhankiisa sheegay in taageerada Qatar ay siiso Lubnaan ay tahay mid ku dayasho mudan, wuxuuna soo dhaweeyay dadaalka Qatar ay ugu jirto maalgelinta mashaariicda horumarineed ee Lubnaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Lubnaan oo wada hadal kula yeeshay magaalada Doha Amiirka dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
  16. Dablay ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaaday Saldhigyada Ciidamada Itoobiya & kuwa Booliska Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo. Weerarka madaafiic ah oo jugtooda ayaa laga maqlay Magaalada Baydhabo waxaana la sheegay in ciidamada Itoobiya dhankooda ay madaafiic kale uga jawaabeen weerarka lagu soo qaaday. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay sidoo kale weerar toos ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ku leeyihiin Suuqa Xoolaha Magaalada Baydhabo. Khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadkaas yaan weli faahfaahin sugan laga helin. PUNTLAND POST The post Weerarka ka dhacay magaalada Baydhaba appeared first on Puntland Post.
  17. Ex-wasiir Yuusuf Garaad oo ka dalbaday Boqor Buur-madow inuu Raaligelin ka bixiyo Hadallo ka soo yeedhay Bani’aadamku wuu khaldamaa, laakiin waa in uu isa saxaa. Wax kaftan gala iyo wax kale ayaa kala jira. Haddii ay xog-ogaalnimo darro u geysay iyo haddii kaleba Boqor Buur – Madow waxaa ku waajibay in uu la noqdo hadalkiisii ahaa in ay Soomaaliya ka jirto laba Dowladood oo midkood ay tahay Shabaab. Waxaa la gudboon in uu raalli-gelin ka bixiyo erayadiisii oo anigu aan u arko in ay qadaf ku yihiin Dowladda Soomaaliya, dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadka faraha badan ee Shabaab dilay, kuwa uu naafeeyay iyo beel-weynta Soomaaliyeed ee sharafta badan ee uu magaceeda ku sidkay arga-gixisnimo. Afkooda kama maqal, laakiin Mas’uuliyiinta garbaha ka taagnaa, oo midkood uu xubin ka yahay labada Gole ee dalka ka arrimiya, anigu ma qabo in ay Boqorka isku fikrad ka yihiin aragtidaas. Wasiirka waxaan u soo jeedin lahaa in uu iska beri yeelo ereyada culus ee aanuu oran laakiin garab istaaggiisa loo macneyn karo ka raalli ahaashada iyo shabbadda Xukuumadda. Waxa Qoray Yuusuf Garaad Cumar Axmed Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli ka socota qeybo kamid ah dalka. Koonfur Galbeed dhowr kursi ayaa la doortay shalay iyo maanta. Kuraasta doodu ka taagan tahay ee sida cad loo boobay waxaa kamid ah kursiga guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuuna kursigiisa ahaa HOP103. Maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa lagu eedeeyey inay Jawaari u diideen inuu is diiwaan geliyo. Eeda kursigaan Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa iska leh, kuwaas oo iyaguna diidanaa inay arkaan Jawaari oo mar kale qaadanaya kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka. Waxaa jira warar sheegaya inuu Laftagareen mar isku dayey inuu arrinta Jawaari si gaar ah u xaliyo oo uu kursiga iyo arrinta guddoonka dood kala furo, balse dhinaca Villa Somalia ayaa la sheegay inay si xoog leh u diideen qorshahaas, waxayna ku cadaadiyeen inuu kursiga dhaafiyo Jawaari, taas oo ugu dambeyn la sheegay inuu aqbalay Laftagareen. Guddiga doorashada heer Federaal ayaa joojiyey doorashada kursigaan, laakiin looma joojin. Waxaana la filayaa in guddiga xallinta khilaafaadka uu soo celin doono natiijada kursigaas. Kursiga labaad ee dooda ugu badan ay ka taagan tahay waa Hop#67, waxaa laga soo doortay Galmudug. Sii-hayaha Agaasimaha Hey’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa kusoo baxay kursigaan. Buuq badan ayaa ka taagan natiijada iyo xulashada qofeed ee kursigaan. Nabadoonkii saxiixi lahaa kursigaan wuxuu joogaa magaalada Muqdisho, wuuna diiday natiijada iyo sida loo maareeyey doorashada kursigaas. Reerka kursigaas iska leh, waxay damacsan yihiin inay doorashada kursigooda ku qabsadaan magaalada Muqdisho. Kuraas kale oo isla degmada Ceeldheer laga leeyahay oo Dhuusamareeb lagu dooran lahaa ayaa laga cabsi qabaa inay reerka iska leh uu Muqdisho ku doortaan, iyagoo ka gadoodsan sida loo wajahay kursigii HOP67. Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa joojiyey natiijadii kursigaan, laakiin uma badna inay ku adkeysan karaan mowqifkooda. Maamulka Galmudug wuxuu aaminsan yahay in aysan arrimahaan waxba u dhibeyn howshooda doorashada, waxayna ku doodeen inay hab-raac saxan u mareen doorshadii kursigaas. Kursiga kale oo ay doodiisu ka taagan tahay Galmudug waa HOP54, waxaaa kursigaan lagu soo doortay Dhuusamareeb, waxaana soo qaatay Cabdishakuur Cali Mire oo isgu horey ugu fadhiyey kursigaas. Ergo aan aheyn reerkii kursiga lahaa ayaa la sheegay inay doorashada ka qeyb galeyn. Musharixiintii diyaarka u ahaa tartanka kursigaas ayaa ku dooday in la diiday in Afartii Jufo ee uu kursiga ka dhaxeeyey ay ka qeyb galeyn doorashada. Waxay ku baaqeyn qaar kamid ah Juffooyinka uu kursigaas ka dhaxeeyey shir deg deg ah oo ka dhacaya Magaalada Caabudwaaq kaasoo looga doodayo natiijada kursigaan oo uu qaatay Cabdishakuur Cali Mire. Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn loogu dhaleeceeyey sidii uu u wajahay xaaladda kursigaan oo juffooyinka qaar sheegeyn inaan loo marin hab sax ah. Kursiga kale oo isna ay doodiisu mucaaradku wadaan waa kursiga HOP233. Kursigaan waxaa kusoo baxay Axmed Cismaan Diiriye oo uu si weyn u caawiyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Waa kursi kamid ah kuwa Reer Woqooyiga, waxaana lagu doortay Magaalada Muqdisho Natiijada kursigaas waxaa dood xoog leh ka keenay laba kamid ah musharixiintii u taagnaa oo howlka ka baxay Maalintii doorashada. Dadkii uu kursigaan ka dhaxeeyey qaarkood waxay sheegeyn in seddex jeer la badalay Ergadii Kursiga, markii u dambeysayna waxay sheegeyn inay doorashada ka qeybgaleyn Dad Reer Muqdisho ah oo aan aheyn Beeshii kursiga laheyd. Afartaas kursi waa kuwa illaa hadda la sheegay in si toos ah loo boobay, waxay ku jiraan cinwaanada ay mucaaradka wataan, waxaaana intaas dheer dad ku andacoonayo in loo diiday isdiiwaan gelinta tartanka iyo warqaddii dambi la’aanta. Kuraasta kale ee aan muranka badan ka taagneyn ee iyaguna soo baxay waxaa ceeb ugu filan inay ahaayeen kuwa dhammaan lasii ogaa natiijadooda, taas oo xiisihii ka qaatay doorashada Golaha Shacabka. Xubnaha Midowga musharixiinta mucaaradka ayaa si weyn u diidan doorashadaan oo dalbanaya in la joojiyo tartanka si loo turxaan bixiyo mushruuca, laakiin Ra’isulwasaare Rooble iyo maamulada qaar uma muuqdaan kuwa taas ogol. The post Tirada kuraasta illaa hadda la boobay, sida loo boobay iyo xaalka doorashada (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  19. Maayarkii hore ee Burco Muraad oo u jawaabay Suldaan Mawliid Sabayse “Berito Waxaanu Wada Noqonaynaa Wada Buurmadaw.” Waxa sidan Yidhi Maayirkii Hore Ee Burco Maxamed muraad. “Ilaahay Baa Boqor Ahe Boqor Cismaan Aw Maxamuud Waa Laga gardaran-yahay, Waxyaabaha Uu Ku Hadlay Suldaan Sabaystan Qaranka iyo Deegaankayga Labadaba Waa ku Meelkadhac, Inta Waagu Aanuu Beryin Hadii Aan Garawshiyo Laga Bixin Berito Waxaanu Wada Noqonaynaa Wada Buurmadaw. Ku Abshira. Warkayga Hala Gaadhsiiyo Suldaan Xasan.” Qaran News
  20. Xoggo Xasaasiya:Shacabka ku Nool Adis-ababa oo ugaadhsanaya Tigrayga ku nool Magaalada Dad isa soo xilqaamay oo howgallo ka fulinaya caasimadda Itoobiya xilli habeen si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Xilli habeen xaafad ku taalla caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaa howlgal ka sameynayay tiro dad ah oo isa soo xilqaamay kuwaas oo joojinayay baabuurta iyaga oo baarayaa isla markaana eegaya dokumentiyada dadka maraya halkaas. “Guddiga xaafadayada waxaa ku jira ilaa 180 qof, dad badan ayaan gacanta ku dhignay, waxaana helnay waxyaabo badan oo laga shakisan yahay oo ay ku jiraan qoryo iyo walxaha qarxa” ayuu yiri nin da’ ah oo u muuqday inuu isku dabaridayay howlgalka ay wadeen dadka isa soo xilqaamay. Dadkan ayaa baadigoobaya fallaagada Tigray, iyo taageerayaashooda, iyadoo la raacayo sharciyo cusub oo deg deg ah oo ay soo rogtay dowladda Itoobiya si ay uga jawaabto duulaanka dagaalyahanada Tigray. Dadka dhaleeceeya arrintan ayaa sheegaya in kumannaan qof si xaq darro ah loo xiray, balse howlgalka ayaa u muuqdaa mid taageero ballaaran ka helayaa shacabka ku nool caasimadda. “Dhakhso, wuxuu isku dayayaa inuu baxsado,” ayuu yiri nin kale, xilli uu ku hadlayay teleefoonkiisa gacanta. Dhowr waddo oo ku yaalla halkan waxaa ka muuqdaa koox u badan dad da’ ah oo isa soo xilqaamay, waxay isugu soo baxeen tababar ciidan, waxay dhageysanayeen talooyinka loo jeedinayo. Jawiga guud ee caasimada ayaa u muuqda mid deggan. In kasta oo Britain iyo waddamo kale ay ka digeen in xaaladda ammaanka ay sii xumaanayso, iyadoo fallaagada Tigray iyo kooxaha kale ay ku warramayaan in ay ku soo wajahan yihiin Addis Ababa, haddana safaaradda Ruushka ayaa farriin aad uga duwan arrintaas soo dhigtay baraha bulshada. Waxay ku dhawaaqday “in dhaqan gelinta xaaladda degdegga ah aysan wax isbeddel ah ku keenin hab-nololeedka caasimadda Itoobiya. Sawir Abiy oo boor lagu dhajiyay xilli uu ku labisnaa dareeska militeriga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa dhawaan sheegay inuu ku wajahan yahay jiidda hore ee dagaalka, si uu u hogaamiyo ciidamadiisa. Muuqaal ay dawladdu soo bandhigtay ayaa muujinaya Abiy Axmed oo ku labisan dareeska militeriga xilli ay ku hareereysnaayeen ciidamada, wuxuu u muuqday in uu ku sugnaa dhulka qallalan ee dhaca gobolka Canfarta. “Waxaan hadda ku guuleysannay inaan si buuxda u nadiifinno goobta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy, sida ku xusan muuqaalka. “Runtii niyadda ciidamada difaaca aad ayey u weyn tahay, waan sii wadi doonnaa inta laga xaqiijinayo xorriyadda dalka Itoobiya,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadiisa ay ku guda jiraan sidii ay magaalooyin badan ugala wareegi lahaayeen kooxda TPLF. Laakiin way adagtahay in la xaqiijiyo sheegashadaas, maadama la xaddiday adeegyada isgaarsiinta meelaha ay dagaallada ka socdaan iyadoo la soo saaray xeerar cusub oo mamnuucaya in la daabaco dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan ama “natiijooyinka kasoo baxa goobaha dagaalka” Nin sitay calanka Tigray oo saaran Faras xilli uu dabbaaldegayay guulaha TPLF bishii June ee sanadkan Saraakiisha TPLF waxay dhawaan baahiyeen muuqaallo lagu soo duubay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka kaas ku saabsan kumanaan maxaabiis ah oo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ay soo qabteen. waxay sheegeen inay si wadaan guulaha ay ka gaarayaan dagaalka isla markaana ay haatan ku wajahn yihiin caasimadda. Laakiin qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa ka digaya in ciidamada Tigrayga laga yaabo in aysan isku toosneyn, una nugul yihiin weerarro roggaal celis ah iyo weerar ay suurtagal tahay in uga yimaado dalka ay deriska yihiin ee Eritrea. Dadka waxay wajahayaan ‘xaalado daran’ Dhinac kasta oo guul ka gaara dagaalka, waxaa cad in colaadda ay sii fidayso xilli Itoobiya ay ka taagan tahay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa hadda ku qiyaastay in 9.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar. “Xilli colaadda ay kusii fideyso waqooyiga Itoobiya, waxaa arkeynaa dad badan oo laa daalaa dhacaya dhibaatooyin dhanka nolosha ah” ayay tiri Claire Neville oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda WFD oo ku sugan Addis Ababa. Waxay sheegtay in arrimaha xaddidaya gargaarka banii’aadanimo ay yihiin amni darrada ka dhalatay dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya. Balse Hay’adda WFP ayaa dhawaan ku guulaysatay in ay kumanaan qof ay gaarsiisay gargaar kuwaas oo ku nool laba magaalo oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay la wareegeen ciidamada Tigray. Dadka isugu soo baxay ololaha taageerada loogu raadinayo dowladda ee ka dhanka ah fallaagada Tigray Dagaalka lagula jiro ‘khaa’imiinta’ Gudaha magaalada Addis Ababa, saraakiisha ka tirsan xisbiga PP ee haya talada Itoobiya ayaa sii wadaa qabanqaabada munaasabadaha loogu mahadcelinayo dadka isa soo xilqaamay ee wado dhaqdhaqaaqayada ka dhanka ah fallaagada Tigray. “Waxaan dagaal kula jirnaa dadka khaa’imiinta ah ee ku nool gudaha dalka, iyo taageerayaashooda ajnabiga ah,” ayay tiri Etisa Deme, oo ah xubin golaha deegaanka ah. “Waxaa la iigu yeeray inaan tago oo aan u dagaallamo sharafta dalkayga, waad ooyi kartaa haddii qoyskaaga la dilo, laakiin halkeed u socotaa haddii aad lumiso waddankaaga, sidaas darteed waxaan diyaar u ahay inaan nafteyda u huro, ma cabsanayo maadama aanan qaadan wax tabbabar ah” ayuu yiri Babush Sitotaw oo ah nin 22 jir ah. Sidoo kale dadka isa soo bixiyay waxaa kamid ah haweeney cirro leh oo lagu magacaabo Dinkinesh Nigatu, waxaana loo soo bandhigay dadkii goobta isugu yimid. “Waan jeclahay dalkayga, waxaan rabay in aan dagaalka aado balse wiilkeyga iyo seygeeyga labaduba waxay ii sheegeen inaan guriga joogo oo ay aniga igu matali doonaan dagaalka ” ayay tiri. “Tabbabar ayaan qaatay haatan, waxaan kamid ah dadka isa soo xilqaamay, waxaana hadda gaaf wareegaya waddooyinka iyadoo wiilashayda iyo seygeeyga ay ku sugan yihiin jiidaha hore ee dagaalka, mar kasta oo aan dadka ku arko waddooyinka, waxaan u sheegaa inay tagaan furriinta hore oo ay dagaalamaan” ayay tiri Dinkinesh Nigatu xilli ay u warrameysay BBC-da. “Iyada waa halyey. Iftiin bay idiin tahay dhammaantiin,” ayay tiri Ayda Awol, oo ah sarkaal ka tirsan xisbiga PP. “Waxaan filaynaa in dad badan oo da’ yar ay ku daydaan tusaalahan, Itoobiya hadda sidii hore wuu ka xoog badan tahay, in ka badan toddoba kun oo qof (oo ka soo jeeda degmada Arada ee caasimadda) ayaa si mutadawacnimo ah isugu xilqaamay inay dalkooda caawiyaan,” ayay hadalkeeda sii raacisay Ayda Awol. Qaar kamid ah shacabka Itoobiya oo ka banaanbaxaya waxa ay ku tilmaameen ‘faragelinta shisheeye ee dagaalka ka socda Itoobiya’ Eedeymaha ah marinhabaabinta ee ‘guumeysiga cusub’ Dowladda Itoobiya ayaa ka cabatay olole ay ku sheegay in si ula kac ah ay u wadaan dowladaha reer galbeedka iyo hay’adaha warbaahineed oo ay ku doonayaan in si khaldan wax looga sheego dagaalka Itoobiya. Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa u muuqdaa inay ku raacsan yihiin dowladda arrintaas iyagoo baraha bulshada ku dhaliilaya isku dayga “gumeysiga” ee uu ku doonayo inuu ku majaxaabiyo qarankooda iyo buunbuuninta guulaha TPLF. “Waxaa nalaga soo weeraray laba waji, oo kala ah olole khaldan oo gumeysi cusub ah iyo olole warar been abuur ah oo ay wadaan warbaahinta guud ee reer galbeedka oo ay ku jirto BBC-da, iyo dagaal xasuuq ah oo ay ku dhawaaqday TPLF,” ayuu yiri Achamyeleh Ewunetu, oo falanqeeya siyaasadda Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa marar badan ka gaabsatay codsiyo ay BBC-da ku weydiisay wareysi, Hase yeeshee, dawladda Itoobiya ayaa si weyn loogu dhaliilay inay caburinayso warbaahinta gudaha iyo dibadda, iyada oo adeegsanaysa hadallo colaadda sii hurin kara, isla markaana xaddidaysa isticmaalka iyo isgaarsiinta. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo horey loogu ammaanay inta aysan dagaallada dhicin kadib markii uusii daayay maxaabiis siyaasadeed iyo suxufiyiin, ayaa dhawaan lagu eedeeyay inuu dib u soo rogay jawi cabsi gelin ah oo ka dhan ah warbaahinta. Dhanka kale, BBC-da waxay inay weli ka go’an tahay inay warbixin madax-bannaan, sax ah oo dhexdhexaad ah ay kasoo tebiso gobolka iyo guud ahaan caalamkaba. Qaran News
  21. WASHINGTON, Nov 29 (Reuters) – A phone call between Republican U.S. Representative Lauren Boebert and Democratic counterpart Ilhan Omar ended in rancor on Monday after Boebert refused to publicly apologize for suggesting she viewed her colleague as a threat, the two said. Boebert, a first-term lawmaker who has courted controversy by vowing to ignore Washington gun laws and criticizing fellow Republicans, placed the call after a video emerged showing her calling Omar, who is Muslim, a member of a “jihad squad.” Boebert in a statement Friday apologized “to anyone in the Muslim community I offended with my comment.” But on Monday, Boebert showed no sign of remorse, posting a video that described her call with Omar and doubled down on her comments. “Make no mistake. I will continue to fearlessly put America first, never sympathizing with terrorists. Unfortunately, Ilhan can’t say the same thing and our country is worse off for it,” Boebert said. In a statement, Omar said she had hoped for an apology. “Instead of apologizing for her Islamophobic comments and fabricated lies, Rep. Boebert refused to publicly acknowledge her hurtful and dangerous comments. She instead doubled down on her rhetoric and I decided to end the unproductive call,” Omar said. The House twice this year has disciplined Republicans in largely party-line votes. This month it censured Representative Paul Gosar for a cartoon video depicting him killing Democratic colleague Alexandria Ocasio-Cortez and in February it stripped first-term lawmaker Marjorie Taylor Greene of committee assignments for past remarks supporting violence against democrats. Top House Republican Kevin McCarthy later said that both Gosar and Greene could be restored to their committee assignments if Republicans recapture a majority in the 2022 midterm elections. Reporting by Moira Warburton; Editing by Scott Malone, Leslie Adler and Sam Holmes The post Call between Republican Boebert, Democrat Omar ends in rancor after anti-Muslim slur appeared first on Caasimada Online.
  22. Wefti Safiiro ah oo soo gaadhay Hargeisa+Ujeedada Safarkooda Wefti Safiiro ah oo ka socda Wadamada Somaliland ka taageera Arimaha Doorashooyinka ayaa ka soo degay Madaarka Hargeysa Halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Masuliyiin ka tirsan Wasaarada Arimaha Debeda Somaliland Weftigan ayaa waxaa hogaaminaysa safiirka Midowga yurub u fadhida Nayroobi oo ay weheliso safiir ka socda dalka Sweden iyo dublamaasiyiin kale. Waxaana madaarka cigaal kusoo dhaweeyay wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada Somaliland. Ujeedada socdaalkan waftigan oo maalmo joogi doona Somaliland ayaa la sheegay inay tahay arimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dhici doonta 2022. Mudada ay ku sugan yihiin caasimada hargaysa ayaa waxay kulamo layeelan doonaan madaxda ugu saraysa xukuumada Somaliland & Ururada Bulshada rayidka ah Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo war ka soo saaray hadalkii Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in Boqorka uu u soo jeedinayo talo walaalnimo, sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa la taliyey wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo garab taagnaa Boqor Buurmadow markii uu ku soo yeeray hadalkii ay dhibsadeen dadka Soomaaliyeed ee reer koonfurka ah. Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ugu horeyn ku sheegay in bani’aadamku uu khaldamo, laakiin ay u furan tahay in uu iska saxo qaladkii ka dhacay. “Wax kaftan gala iyo wax kale ayaa kala jira,” ayuu yiri. “Haddii ay xog-ogaalnimo darro u geysay iyo haddii kaleba Boqor Buur – Madow waxaa ku waajibay in uu la noqdo hadalkiisii ahaa in ay Soomaaliya ka jirto laba Dowladood oo midkood ay tahay Shabaab,” ayuu yiri Yuusuf. Sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa Boqorka u soo jeediyey inay u furan tahay inuu dadka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab naafeeyeen uu hadalkaas ka raali geliyo. “Waxaa la gudboon in uu raalli-gelin ka bixiyo erayadiisii oo anigu aan u arko in ay qadaf ku yihiin Dowladda Soomaaliya, dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadka faraha badan ee Shabaab dilay, kuwa uu naafeeyay iyo beel-weynta Soomaaliyeed ee sharafta badan ee uu magaceeda ku sidkay arga-gixisnimo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf. Dhanka kale Yuusuf Garaad ayaa wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo garab taagnaa Boqor Buurmadow markii uu hadalkaas oranaayey waxuu kula taliyey inuu iska beri yeelo wixii uu ku hadlay Boqorku. “Afkooda kama maqal, laakiin Mas’uuliyiinta garbaha ka taagnaa, oo midkood uu xubin ka yahay labada Gole ee dalka ka arrimiya, anigu ma qabo in ay Boqorka isku fikrad ka yihiin aragtidaas. Wasiirka waxaan u soo jeedin lahaa in uu iska beri yeelo ereyada culus ee aanuu oran laakiin garab istaaggiisa loo macneyn karo ka raalli ahaashada iyo shabbadda Xukuumadda,” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Wasiirka garab taagnaa markii uu Boqor Buurmadow dowladda ku tilmaamay Al-Shabaab! Waa Eng. Cabdullaahi Carab, wasiirka waxbarashada xukuumadda Rooble, sidoo kale wasiir Carab waa saaxiib aad ugu dhow Ra’iisul wasaaraha, halka garabka kale ee Boqor Buurmadow uu ka taagnaa Xeer ilaaliyihii hore ee dowladda Axmed Cali Daahir. Hadalka Boqor Buurmadow ee carada ku abuuray bulshada reer koonfur ayaa ahaa, “Dadku hadalka waa ka gambadaan, laakiin anigu kama gambado, markii uu dhintay Allaha u naxariistee hoggaamiyihii xarakada Al-Shabaab Axmed Godane ayaan u tacsiyeeyey, waxaan ari ninkaas isku caqiido ma aanaan aheyn, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa, isaga iyo xarakadiisa Allaha u naxariisto, mararka qaar reer koonfurku waxay na dhahaan war reer waqooyi miyaadnaan han la heyn, maad doonataan madaxweyne iyo ra’iisul wasaare? Waxaan markaas dhahnaa war koonfur laba dowladood ayaa ka dhisan, dowladda Shabaabka beesha Dir ayaa madax ka ah, oo weliba lalama tartamo.” Hadalkaan ayaa abuuray caro xoog leh, waxaana ka falceliyey siyaasiyiin badan oo reer koonfur ah, kuwaas oo Boqorka u soo jeediyey hadallo kala duwan, sida in uu iska diyaariyo magta dadkii ay koonfurta ku leysay kooxda Al-Shabaab iyo in uu raali gelin ka bixiyo hadalkaas oo gef ku ah dowladnimada Soomaaliya. The post Yuusuf Garaad oo hal arirn soo jeediyey kadib hadalladii gefka ahaa ee Buurmadow appeared first on Caasimada Online.
  24. Washington (Caasimada Online) – Wada-hadal taleefon oo dhex maray Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Lauren Boebert oo Jamhuuri ah ayaa ku dhammaaday buuq kadib markii Boebert ay diiday inay si cad raali-gelin uga bixiso inay Ilhaan ku tilmaamtay halis. Boebert ayaa dirtay taleefonka kadib markii uu soo shaac-baxay muuqaal ay Ilhaan Cumar, oo Muslim ah, ugu yeertay inay xubin ka tahay “kooxda jihaadka.” Muuqaalka ayaa muujiyey Lauren Boebert oo leh “Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda jihaadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.” “Xubintan ayaa loo ogolaaday inay ka mid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaaneysa argagixisada,” ayey tiri Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda kahor Ilhaan Cumar ugu yeertay “xubin sharafeed ka tirsan Xamas.” Boebert ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku raali-gelisay “qof kasta oo ka mid ah bulshada Muslimka ee ay dhaawaceen hadalladeeda.” Hase yeeshee, Boebert ayaan Isniintii muujin wax astaan dib isu qabasho ah, ayada oo soo saartay muuqaal ay ku qeexeyso wada-hadalkii teleen ee ay la yeelatay Ilhaan, waxayna laba jibaartay hadalladeedii hore. “Ha qaldamin, waxaan sii wadi doonaa inaan si cabsi la’aan ah uga dhigo America waxa koowaad, marna aan u calool dabcin argagixisada. Nasiib darro, Ilhaan sidaas oo kale ma dhihi karto, dalkeenuna taasi waa u daran tahay,” ayey tiri Boebert. Ilhaan Cumar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fileysay raali-gelin. “Intii ay raali-gelin ka bixin laheyd hadalladeeda Islaam naceybka ah iyo beenta ay abuurtay, Boebert waxay diiday inay si shaacsan u qirato hadalladeeda halista iyo naceybka ah. Waxay taa beddelkeed laba jibaartay hadalladeeda, anigana waxaan go’aansaday inaan dhammeeyo taleefonkii aan miro-dhalka aheyn,” ayey tiri Ilhaan. Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin. The post Wada-hadal si yaab leh ku dhamaaday oo taleefon ku dhexmaray Ilhaan iyo Boebert appeared first on Caasimada Online.