-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Khartoum)-Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa Sabtidii isugu soo baxay xarunta madaxtooyada ee Khartoum ayaga oo ku baaqay in Militariga uu awoodda dalka la wareego, xilli ay Sudan wajaheyso qalalaase siyaasadeed ugu weynaa ee labada sano ee ay ku jirtay xaaladda kala guurka. Militariga iyo kooxaha rayidka ayaa awoodda dowladda wadaag ku ahaa tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir 2019-kii. Hase yeeshee kadib isku day afgambi oo fashilmay bishii September, kaasi oo lagu eedeeyey ciidamo daacad u ah Al-Bashiir, hoggaamiyayaasha militariga ayaa dalbanayey isbeddel lagu sameeyo isbaheysiga Xoogagga Isbeddelka Xoriyadda (FFC), iyo in la beddelo qaar ka mid ah wasiirada. Hase yeeshee hoggaamiyayaasha rayidka ayaa ku eedeeyey inay damacsan yihiin awood maroorsi. Dibad-baxii dhacay Sabtida ayaa waxaa ku baaqay garabka militari ee isbaheysiga FFC. Dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey “ha dhacdo dowladda baahan” waxayna dalbadeen in General Abdel Fattah al-Burhan, oo ah madaxa ciidamada dowladda iyo madaxa Golaha Madax-Banaanida ee dalka maamula, inuu billaabo afgambi uu ku ridayo dowladda. Si ka duwan dibad-baxyadii hore, banaan-baxayaasha ayaa awood u yeeshay inay gaaraan albaabada xarunta madaxtooyada, mana jirin boolis badan oo joogay. Kahor dibad-baxa ayaa ciidamo aan la aqoon waxay qaadeen dhagxaan lagu gooyey aagga madaxtooyada, waxayna ka horistaageen booliska iyo ciidamada amniga inay isku diyaariyaan dibad-baxa, sida uu war-saxaafadeed ku sheegay barasaabka Khartoum Ayman Khalid. Khudbad uu jeediyey Jimcihii, ayaa ra’iisul wasaaraha rayidka ah Abdalla Hamdok wuxuu kusoo bandhigay qariidad looga gudbi karo xasaraddan, wuxuuna ka digay in haddii lagu guul-darreysto in xal la helo uu halis geli doono mustaqbalka dalka. REUTERS Source
-
Beirut (Caasimada Online) – Madaxa xisbiga Ciidamada Kirishtanka Lubnaan (LF) ayaa Jimcihii beeniyey in kooxdiisa ay qorsheysay rabshado ka dhacay waddooyinka magaalada caasimada ah ee Beirut oo ay ku dhinteen toddoba qof, wuxuuna sheegay in kulan ay yeesheen maalin kahor uu ahaa mid siyaasadeed oo kaliya. Rabshadaha oo dhacay Khamiistii ayaa billaabmay markii shacabka ay ka qeyb-galeen banaanbax ay ku baaqday kooxda Shiicada ah ee Xizbullah oo looga soo horjeedoay garsoore baaraya qaraxii dekedda Beirut ka dhacay sanadkii tegay. Waxay ahaayeen rabshadihii ugu xumaa ee Lubnaan ka dhacay muddo tobanaan sano ah, waxayna dib usoo nooleeyeen xusuusta dagaal diimeedkii dalkaas ka dhacay 1975 illaa 1990. Samir Geagea ayaa u sheegay raadiyaha Voice of Beirut International in kulan ay Arbacadii yesheen kooxaha ku mideysan xisbiga LF uu ahaa mid ku saabsan waxa la sameyn karo haddii uu guuleysto isku dayga ay Xizbullah ku tuureyso garsooraha. Geagea ayaa sheegay in arrinta la isku raacay ay aheyd in la sameeyo shaqo joojin dadweyne, islamarkaana aysan jirin wax kale. Kooxda Xizbullah ayaa Jimcihii sare u qaaday eedeymaha ay u jeedineyso LF, waxayna sheegtay in dhimashada toddobada qof ee Shiicada ah ay dalka ku jiideyso dagaal sokeeye. Rabshadaha oo ka dillaacay xuduudda xaafadaha Kirishtanka iyo Shiicada ayaa sii kordhiyey wallaaca laga qabo xasilloonida dalka Lubnaan, oo ah dal ay shaca badan hub haystaan, kaasi oo hadda wajahaya xaalad dhaqaale xumo. Mar waxa laga weydiiyey haddii joogitaanka xubno ka mid ah kooxda LF ee xaafadaha Ain al-Remmaneh iyo Teyouneh ee markii toogashada ay dhacaysay, ay la macno tahay in dhacdadan ay qorsheysneyd, Geagea ayaa ku jawaabay in mar walba xaafdahaas joogaan xubno ayaga ka mid ah. “Ciidamada waxay xireen dadka toogashada sameeyey, marka middaas ayaa kala caddeyn doonta inay annaga naga tirsanaayeen iyo in kale,” ayuu yiri. Qiyaastii 19 qof ayaa illaa hadda loo xiray dhacdadan. Geagea, oo xisbigiisa uu xiriir dhow la leeyahay Sacuudi Carabiya, ayaa cambaareeyey madaxweyne Michel Aoun, oo ay taleefon ku wada-hadleen. Aoun, oo xisbigiisa FPM uu yahay midka ugu weyn kirishtanka Lubnaan, ayaa xulufo la ah Xizbullah. “Ma jecleysan taleefonkan, waayo Aoun wuxuu sameeyey eedeymo la mid ah kuwa Xizbullah,” ayuu yiri Samir Geagea. The post Lubnaan oo qarka u saaran dagaal Shiico iyo Kirishtan ah – Maxaa la isku hayaa? appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Ugandan troops feted with medals for contribution to peace and stability in Somalia The soldiers, who deployed to the Mission in September 2020, are due to rotate out having completed their one-year tour of duty MOGADISHU, Somalia, October 17, 2021/ — The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has awarded medals and certificates to Ugandan soldiers for their contribution to the ongoing peace and stabilisation effort in Somalia. The soldiers, from Battle Group 30, were awarded medals at a ceremony in Mogadishu, Somalia, presided over by the AMISOM Force Commander, Lieutenant General Diomede Ndegeya, and attended by senior AMISOM military officers and the commander of Ugandan troops in Somalia, Brigadier General Don William Nabasa. The soldiers, who deployed to the Mission in September 2020 under the command of Colonel Jimmy Nabiyu Musoke, are due to rotate out having completed their one-year tour of duty. They will be replaced by Battle Group 33, commanded by Colonel Ezra Mwinyi Byaruhanga. Lt. Gen. Ndegeya applauded the soldiers, who were tasked with securing the Lower Shabelle and Banadir region, for their courage and steadfastness in the implementation of the Mission’s mandate amidst difficult conditions. “For this, we, as AMISOM, gracefully decorate you with well-deserved AMISOM medals,” said Lt. Gen. Ndegeya at the ceremony on Wednesday. Only a small section of the soldiers rotating out of the Mission attended the symbolic event, as part of the COVID-19 preventive measures. Lt. Gen. Ndegeya noted that the Ugandan army has over the years contributed a great deal towards the stabilisation of Somalia and paid glowing tribute to the soldiers who lost their lives in the line of duty. “Allow me to pay special tribute to our gallant soldiers who lost their lives in their efforts to help restore peace in Somalia. Their lives have not been lost in vain, as remarkable stability has been achieved in this country,” the Force Commander said. Deployed in Forward Operating Bases (FOBs) in the Lower Shabelle and Banadir regions, Battle Group 30 helped secure key government installations including Villa Somalia (State House), Mogadishu seaport, Somalia’s Parliament, the AMISOM main Base Camp, and strategic locations such as Arbiska, Albao, Lantabur, Afgooye and Baledogole. Additionally, the Battle Group facilitated the handover of Afgooye FOB to the Somali National Army (SNA) in line with the Somali Transition Plan (STP), secured main supply routes, conducted joint targeted offensive operations with the SNA and other partners to degrade Al-Shabaab, and implemented a number of Quick Impact Projects (QIPs) to win the ‘hearts and minds’ of the local communities. “The period of one year in the Mission area has been quite a testing and challenging experience in the wake of the COVID-19 pandemic and other operational hazards. However, Battle Group 30 managed to adapt,” said Col. Musoke, the outgoing commander of Battle Group 30. Brig. Gen. Nabasa, praised the soldiers for serving with discipline and valour, and congratulated them for the successful completion of their tour of duty. “Your contribution to peace and stability in Banadir and some parts of Lower Shabelle as well as Somalia at large is unquestionable. Thank you for the discipline and professionalism during your one-year tour of duty,” said Brig. Gen. Nabasa. Brig. Gen. Nabasa later presided over a handover ceremony in which Col. Musoke handed over instruments of power to Col. Byaruhanga. Brig. Gen. Nabasa urged Col. Byaruhanga to take on the responsibility with dynamism while keeping in mind the changing tactics by the extremist group Al-Shabaab. On his part, Col. Byaruhanga thanked Brig. Gen. Nabasa for orienting him to the Mission, saying he is ready for the task ahead. “I take this opportunity and honour to accept to take over Command from Battle Group 30 all responsibilities within the area of operation as the commander of Battle Group 33,” said Col. Byaruhanga. Distributed by APO Group on behalf of African Union Mission in Somalia. SOURCE African Union Mission in Somalia Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Soomaaliya ee deeganadooda ka musaafurineyso, kuwaasi oo u badan dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Muuse Biixi ayaa sheegay arrin yaab leh oo ah sababta dadkaas loo musaafurinayo, taasi oo ah markii xukuumadiisa ay awoodi kari weyday sugida amnigooda, taasi oo ka duwan sababtii ay markii hore sheegeen mas’uuliyiinta kale ee Somaliland oo aheyd in dadkaas ay halis ku yihiin amniga Somaliland. “Anaga waa qaadi kari weynay miisaankooda nabad-galyo ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxaa saarnay in ka badan 30 gawaadhi ah, waxaana gaadhi walba oo la saaray waxaa ka bixinay 1,300 oo dollar waxaana saarnay xataa daawo,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Sidoo kale waxa uu sheegay in gawaadhida ay ku musaafuriyeen dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Laascaanood la socdeen ciidamo suga amnigooda illaa inta ay ka gaarayeen xuduuda maamulka Puntland. “Gobolada kale ee aad u hadlaya ee leh waa soo dhaweynayna (dadkaas) ee ka tirsan Soomaaliya, waxaa leenahay 30 sanno ayey joogeen oo majiro qof reer Baydhaba ah oo lagu dilay Somaliland oo hanti laga dhacay majiro.” “Puntland oo aad durbaan u tuntay, iyadu maalin qudha ayey 17 cunug oo labaatan gaarin intay soo qabteen yiraahdeen dil baa ku xukunay oo iyaga wax dilayey.” Madaxweynaha Somaliland ayaa ku eedeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay dayaceen Shacabkooda oo maalin kasta lagu xasuuqo magaalada Muqdisho. “Xamar ka hadli maayo oo af aan kaga hadlo iima banaano, meel dhiiga bini-aadamka laga baayac-mushtarayo, kuwa ugu dulmiga badan ee lagu laayo waa dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in la buun-buuninayo musaafurinta dadkaas oo uu ku dooday inay si wanaagsan oo bini-aadantimo uga saareen deegaanadooda, islamarkaana ay kharash badan geliyeen daad-gureyntooda. The post Biixi oo markii ugu horeysay ka hadlay dadka laga raafay Somaliland, sheegayna arrin yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP News Desk) — Do-gooders giving with one hand and taking it back with the other hand is a common feature of the corporate philanthropy. Hormuud, a leading conglomerate, and Dahabshiil Group, a financial services behemoth, have made donations to Somalis forcibly displaced from Las Anod by Somaliland authorities. Through its foundation Hormuud contributed $200,000 to efforts to resettle displacement victims in the South West State, matched by $300, 000 by Dahabshiil Group. Both companies said they made donations to people “deported from Las Anod”. Dahabshiil Group and Hormuud are of the opinion that Somalis forcibly displaced from Las Anod are deportees, and inadvertently support Somaliland government’s ‘deportation’ narrative. “It is misleading to describe forced displacement as deportation. Dahabshiil Group and Hormuud communications team should know better. Through this very use of language the two companies are inadvertently legitimizing forced displacement” said Hassan Ali, a radio journalist in Mogadishu. UNHCR’s Protection and Return Monitoring Network (PRMN) reported that “the number of people who have been forcibly displaced from Laas Caanood and surrounding areas has risen to more than 7,250.” Somaliland government claimed it deported foreigners from Somalia despite Somaliland-controlled districts being a part of the Federal Republic of Somalia. “Dahabshiil and Hormuud should not be politicizing their timely and commendable donations” added Hassan. © Puntland Post, 2021 The post Dahabshiil and Hormuud Accused of “Legitimizing Forced Displacement in Somalia” Through Language appeared first on Puntland Post.
-
Amar ku Saabsan Goorta kama Dambaysta ah ee Caasimadda Hargaysa laga Saarayo Dhamaan Xoolaha Kala Duwan ee Lagu dhaqdo Gudaha Caasimadda. Maamulka Caasimadda Hargaysa waxa uu ku wargalinayaa dhamaan muwaadiniinta xoolaha ku dhex dhaqda caasimadda Hargaysa in ay xoolahooda kaga saaraan Caasimadda mudada hoos ku xusan . 1: Geela mudo 15 ( 18 /10/2021) Ilaa 02/11/2021. 2: lo’da 30 cisho oo ka bilaabmaysa 18/10/2021 ilaa 17/11/2021. 3: Adhiga 60 cisho oo ka bilaabmaysa 18/10/2021 ilaa 17/12/2021 Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu xeer ilaalinta qaranka u gudbiyey dacwad ka dhan ah Suldaan Maxamed Jaamac Cumar oo uu u jeediyey eedeymo culus. Maareeye ayaa sheegay in Suldaan Maxamed Jaamac uu mar kasto aflagaadooyin kula kaco dad mas’uuliyiin oo uu isagu ka mid yahay, isla-markaana ay kula xisaabtamayaan. “Maanta halkan xeer ilaalinta qaranka waxaan ku xareynay gal-dacwadeed lambarkiisu yahay G12377 oo ah dacwad lid ku ah ninka aan kor kusoo sheegay,” ayuu yiri Maareeye. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Waxaan rajeyneynaa inaanan wixii hadda ka dambeeya horgeyn doono sharciga, si looga qaado tallaabo sharci ah,”. Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Suldaan Maxamed Jaamac Cumar uu horay uga tirsanaa ciidamada badda Somiland, isla-markaana ay soo adeegsadeen dad kale, sida uu hadalka u dhigay Maareeye. “Koley dadbaa noo soo adeegsaday, laakiin hadda wixii ka dambeeya waa lagula xisaabtamayaa,” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan Suldaan Maxamed Jaamac uu weerar afka ah ku qaaday Boqor Buurmadow iyo siyaasiyiin kale oo uu ujeediyey dhaliilo xoogan. The post Maareeye oo dacwad ka gudbiyey Suldaan Maxamed kadib lacagtii Imaaraadka ee uu shaaca ka qaaday (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Qaahira)-Shirka Baarlamaanka Carabta oo lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan go’aankii maxkamadda ICJ, arrimaha doorashooyinka iyo amniga. Ugu horreyn xubnaha Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo Soomaaliya inta badan loogu xukumay dacwaddii badda ee kala dhexeysay dowladda dalka Kenya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay inay u riyaaqeen guusha ay Soomaaliya ka gaadhay dacwadda badda ee muddada soo jiitameysay. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha Soomaaliya uga qeyb-galay shirkaasi ayaa faah faahin ka bixiyey qoddobada kasoo baxay shirka, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ay u hambalyeeyeen Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddada ay soo socotay dacwaddan ay hiil iyo codba la garab taagnaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Go’aankii ay soo saartay maxkamadda caalamig ah oo ay Soomaaliya ku guuleysatay dacwaddii kala dhexeysay dowladda dariska aan nahay ee muranka gelisay badda Soomaaliya in muddo ahna soo jiitameysay, isaga oo baarlamaanka carabta mar weliba la barbar taagnaa hiil iyo hoo ama cod iyo taageerid ayaa waxa ay uga dhigneyd guusha ay gaartay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba ay baddeedii iyada kusoo ceshatay si sharci ah mid ay aad iyo aad runtii ugu riyaaqeen, ayna soo dhoweeyeen go’aankaasi,” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Dalxa ayaa sidoo kale intaasi ku daray in shirka lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka, gaar ahaan sidii looga gacansiin lahaa dowladda Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Khamiistii maxkamadda ICJ ay shaacisay xukunka biyaha Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya, kaas oo doodiisa ay soo bilaabatay 2014-kii, waxaana ku guuleysatay Soomaaliya oo inta badan loo xukumay biyihii la’isku hayey. Source
-
(SLT-London)- Aabaha ninka lagu tuhunsanyahay dilka Sir David Amess ayaa wargayska THE SUNDAY TIMES ee ka soo baxa dalka Ingiriiska u sheegay inuu aad uga naxay xariga wiilkiisa oo lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay Xildhibaanka. Xarbi Cali Kullane, oo hore u ahaa la -taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya – ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska uu hadda gacanta ugu jiro booliska, Xarbi ayaa sidoo kale sheegay in booliiska la-dagaallanka argagixisada ee Scotland Yard ay soo booqdeen. Isagoo ku sugan guriga walaashiis oo ku yaala waqooyiga London ayaa Kullane wuxuu yiri: “Aad ayaan u dareemayaa naxdin. Ma ahan wax aan filayay ama xitaa ku riyooday. ” Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto xagjirnimada Islaamiyiinta. Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David. Wuxuu ninkani ku xiran yahay imika Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su’aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada. Booliiska ayaa laga yaabaa inay sii hayaan ninkan illaa Talaadada ka hor intaanay ku soo oogin dacwad, ama aysan sii daayaan. Source
-
(SLT-Tehran)-Wasiirka arrimaha Dibedda dalka Iran Hossein Amirabdollahian ayaa wada hadal la yeeshay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi, iyagoona kulankooda uga hadlay heshiiska nukliyeerka Iran. Wadahadal Wasiir Hossein Amirabdollahian iyo Wang Yi ayaa waxaa barbar socday xidhiidhka labada dhinac iyo horumarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Iran. Labada diblomaasi ee ugu sarreeya labada dal waxay ku wada hadleen khadka taleefanka, iyagoo ka wada hadlay xaaladdii ugu dambeysay ee Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabad ee Wadajirka ah (JCPOA), ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan. JCPOA waa magaca rasmiga ah ee heshiiska nukliyeerka. Dhinaca kale Wasaaradda ayaa Bayaanka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo laba geesood ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan “xidhiidhka Iran iyo Midowga Yurub, Afgaanistaan, iyo wada xaajoodyada ku saabsan qaadista cunaqabateynta ka dhanka ah Iran.” Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xorriyadooda u celisay 14 nin oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaas oo muddo u xirnaa inay weeraro ka geysteen maamulkaasi. Guddoomiyaha maxkamadda Gaashaanle Dhexe, Cabdiraxmaan Warsame Jaamac oo ku dhowaaqay go’aanka maxkamadda ee lagu sii daayey raggaasi ayaa sheegay in lagu waayey 14-kaasi nin dambiga lagu soo eedeeyey ee ah inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. “Maxkamaddu waxa ay xorriyadooda siisay afar iyo tobankaas nin taliyaha xabsiga, taliyaha saldhigga cirka waxaa la la farayaa in ay xabsiga ka sii daayaan eedeysanayaashaasi afar iyo tobanka ah. Waa billaahi towfiiq,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Warsame. Ragga lasii daayey ayaa kala ah:-1- Cabdiqaasim Maxamed Cabdulle, 2- Maxamed Careys Faarax, 3- Najiib Xuseen Cali, 40- Maxamed Cusmaan Ibraahim, 5- Ismaaciil Axmed Maxamed, 6- Xuseen Maxamed Xuseen, 7- Aadan Bashiir Cabdi, 8- Jaamac Dayib Xaaji Maxamuud, 9- Deeq Jaamac Xasan, 10- Cismaan Cabdiraxmaan Shaafici., 11-Isaaq Xasan Aadan Shariif, 12- Cabdi Maxamed Isaaq, 13- Cabdulllaahi Muyxadiin Cabdullaahi iyo 14- Mustafe Ismaaciil Aadan. Qaar ka mid ah raggaan oo la hadlay wariyeyaasha, kadib markii ay dib u heleen xorriyadooda ayaa shaaca ka qaaday inay aad ugu faraxsan yihiin go’aanka maxkamadda, waxaana ay u mahadceliyeen dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay sii deyntooda. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in si wanaagsan loola dhaqmay muddadii ay xirnaayeen, gacantana ugu jireen ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland. Puntland ayaa horey xukuno kala duwan ugu ridday shaqsiyaad lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howl-gallo ka dhacay maamulkaasi. The post Puntland oo go’aan kasoo saartay 14 nin oo loo haystay inay yihiin AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-London)-Wararka ka imanaya dalka Britain ayaa sheegaya in lag dhawaaqay Booliska dalka Britain ay ku dhawaaqeen magaca ninka asalkiisu yahay oo haysta dhalashada British ee dilay xildhibaan David Amessan oo ka tirsanaa baarlamaanka Britain. Ninka loo haysto dilka xildhibaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali,oo aan hore loogu tuhunsanayn in uu kamid yahay dadka ay hay’adaha sirdoonka Ingiriiska ku tuhunsanayeen argagaxiso. Cali Xarbi Cali-oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska , balse asal ahaan Soomaali ah ayaa lagu xidhay goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka. Booliiska Britain ayaa ku tilmaamay falka dilka xildhibaanka inuu yahay mid argagaxiso. Wararka ayaa sheegaya in ninkan loo haysto dilka Xildhibaanka la soo taagi doono maxkamad maalinta salaasada iyadoo sidoo kalana haatan su’aalo la weydiinayo. Source
-
London (HOL) - The father of the man suspected of knifing a senior Conservative lawmaker to death on Friday said that the attack has left him "traumatized." UK media has revealed that the suspected killer of Sir David Amess, 69, a senior Conservative Member of Parliament of Southend West, is a British national of Somali origin. Source: Hiiraan Online
-
Qaahira (Caasimada Online) – Shirka Baarlamaanka Carabta oo lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan go’aankii maxkamadda ICJ, arrimaha doorashooyinka iyo amniga. Ugu horreyn xubnaha Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo Soomaaliya inta badan loogu xukumay dacwaddii badda ee kala dhexeysay dowladda dalka Kenya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay inay u riyaaqeen guusha ay Soomaaliya ka gaartay dacwadda badda ee muddada soo jiitameysay. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha Soomaaliya uga qeyb-galay shirkaasi ayaa faah faahin ka bixiyey qodobada kasoo baxay shirka, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ay u hambalyeeyeen Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddada ay soo socotay dacwaddan ay hiil iyo codba la garab taagnaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Go’aankii ay soo saartay maxkamadda caalamig ah oo ay Soomaaliya ku guuleysatay dacwaddii kala dhexeysay dowladda dariska aan nahay ee muranka gelisay badda Soomaaliya in muddo ahna soo jiitameysay, isaga oo baarlamaanka carabta mar weliba la barbar taagnaa hiil iyo hoo ama cod iyo taageerid ayaa waxa ay uga dhigneyd guusha ay gaartay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba ay baddeedii iyada kusoo ceshatay si sharci ah mid ay aad iyo aad runtii ugu riyaaqeen, ayna soo dhoweeyeen go’aankaasi,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Dalxa ayaa sidoo kale intaasi ku daray in shirka lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka, gaar ahaan sidii looga gacansiin lahaa dowladda Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Khamiistii maxkamadda ICJ ay shaacisay xukunka biyaha Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya, kaas oo doodiisa ay soo bilaabatay 2014-kii, waxaana ku guuleysatay Soomaaliya oo inta badan loo xukumay biyihii la’isku hayey. The post Maxay Jaamacada Carabta ka tiri go’aankii ICJ? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa socdaal ku imaanaya qaaradda Afrika, halkaas oo uu dalal dhowr ah isugu mari doono. Erdogan ayaa socdaalkiisa waxa uu salka ku haya sida ay sheegtay Ankara arrimaha ganacsiga iyo siyaadaha uu ka leeyahay qaaradda. Dalalka Angola, Nigeria iyo Togo, oo dhaca bartamaha,koonfurta iyo galbeedka Afrika ayaa lagu wada in uu soo gaaro madaxweynaha halkaas oo uu ku sugnaan doono muddo Afar cisho. Turkiga ayaa iskaashi dhaqaale iyo mid maalgalinba ka fulinaya dalalkaan oo uu rabo in uu xoojiyo xiriirkooda si uu u adkeeyo saameyntiisa qaaradda. Ankara oo isku diyaarineysa in ay xoojiso awoodeda kadib guusha weyn ee ay sugeyso 2023, ayaa xoojinaya dhamaan saaxiibadiisa uu ku leeyahay caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa war ka soo saaray go’anki dhawaan maxkamadda ICJ ay ugu kala xukuntay badda Soomaaliya iyo Kenya. Dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan go’aanka maxkamadda ee Soomaaliya loogu xukumay in ay ku guuleysatay doodeeda ku aaddan in ay biyaha iyada leedahay. War-saaxafadeed ay soo saareen uururka Jaamacadda carabta ayaa lagu sheegay in guusha Soomaaliya ay aheyd guul weyn. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo Soomaaliya Shirka Jaamacadda Carabta oo dhawaan qabsomay uga qeyb galay ayaa sheegay in ururka ay sidoo kale isku raaceen in la xoojiyo taageridda ay siiyaan dowladda iyo dadka Sooamaaliyeed. Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya sidoo kale ugu baaqday in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka 2021 ee dalka ka socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalaka sida Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi ciidan ah ku ridday labo askari oo lagu helay inay dhac baahsan u geysteen Carwada Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Faarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey) iyo Maxamed Abshir Maxamed (Camey) oo maqane ayaa markii ugu horraysay ka soo Muuqday Camerada Carwa Kaah Electronic oo ku taal Taleex ,gaar ahaan 29-kii June Sanadkan iyaga oo dhac u gaysanayo Carwada. Labada eedeysane ayaa Carwada ka qaaday IPHONE, SAMSUNG iyo agab kale oo electronic ah oo qiima ahaan ku kacayo $12945 Dollar. Ciidamada ammaanka ayaa goor dambe ku guuleystay in la soo qabto laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey) oo laga dhex aqoonsaday muuqaalka Camerada, waxaana labadii July lagu wareejiyay kay’adda dambi baarista Boliiska ee CID. Baaris dheer kadib ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay billowgii August sanadkan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo xilligaasi ka codsaday garsoorka in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan. Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa isku howlay sidii ay u samayn lahaayeen baaris kale oo ay ku xaqiijinayaan eedeymaha Boliiska, waxa ayna billowgii Oktoobar bishan codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah. Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga dacwadda 12-kii Bishan. Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo kamid ah Xeer Ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku eedeeyay labada eedeysane ee midi baxsadka yahay in ay magaallada dhac baahsan ka gaysteen balse ay tahay Camerada kaah meesha kaliya ee laga helay cadayntooda, waxa uu sidoo kale soo bandhigay dambiya kale oo uu gaystay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida dhaawac uu hore dhibane ugu gaystay. Maxkamadda ayuu ka codsaday in lagu xukumo ciqaab u dhiganto qodobada ay ku soo eedeeyeen. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kala xaalaan Carwa Kaah magta qaybtooda, sidaas darteed ay Maxkamadda ka ogolaatay in laga qafiifiyo xukunka. Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay hay’adaha amniga 26-kii September sanadkan. Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u siiyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkamadeeda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee ku xusan Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho. The post Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday askar dhac ka geysatay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi ciidan ah ku ridday laba eedeysano oo bila ka hor ka soo muuqday baraha bulshada xilli ay dhac u geysanayeen carwo lagu iibiyo qalabka Elektorinikiska . Eedeysanayaashaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Abshir Maxamed iyo Faarax Cabdullahi Calasoow ayaa ka kala tirsana ciidamada Booliiska iyo Asluubta. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in labada eedeysane ay Carwada ka dhaceen hanti gaareysa illa iyo $ 12,945 dolar. Eedeysanayaasha ayaa ka soo hor muuqday baraha bulshada iyaga oo dhac geysanaya xilligaas oo ay duubtay muuqaal duubaha qarsoon ee loo yaqaano CCTV. Carwada ay dhaca ka geysanayeen raggan oo hubeysana ayaa waxaa ku sugna shaqsiga Carwada gadayay xilligaas oo uu mid ka mid ah eedeysanaha uu ku qabtay Biskoolad halka kan kale uu guda galey hantida in uu u soo dhaco. Labada nin ee maxkamadda ay xukuntay ayaa mid yahay maqane halka kan kale ay ciidamada gacanta ku soo dhigeen. Cadadka hantidi ay dhaceen Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliyam Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad si weyn loogu maamusayey ergada Soomaaliya ee kiiska badda ayaa soo hadal qaaday doorashooyinka. Rooble ayaa shaaca ka qaaday in si deg-deg ah loo guda-galayo doorashada xildhibaanada aqalka hoose, isla-markaana la bilaabayo todobaadka soo socda, sida uu hadalka u dhigay. Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in lagu hormari doono doorashada 46-da kursi ee gobollada ee waqooyi ku metalaya baarlamaanka soo socda, taas oo ka dhaceysa gudaha Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu arrintaasi kala hadlay guddoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ayna ku ballaan in la dadajiyo doorashadaasi. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay ra’iisul wasaaruhu in xukuumaddiisa ay dadaal badan ku bixineyso dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqti kooban ee haray. “Habeen kasta waxaan ku duceystaa in doorashada ay soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimim, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey doorashooyinka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxda maamul goboleedyada qaar ay weli ka caga jiidayaan doorashada golaha shacabka, waxaana xusid mudan in xittaa Jubbaland iyo Galmudug aysan weli dhammeystirin doorashada xubnaha golaha aqalka sare Soomaaliya. The post R/W Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada golaha shacabka Somalia appeared first on Caasimada Online.