-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Musharax xildhibaan Dr.Cumar Aadan Rooble oo kursigiisu yaalo galmudug ayaa ka hadlay xaaladda amni iyo Siyaasadeed ee ka jirta maamulka Galmudig si gaar magaalada Guriceel. Dr cumar oo lahadlay GOOBJOOG ayaa eedeyn culus ujeediyay hogaamiyaha Ahlusuno Sheekh Shaakir oo Ciidamadiisu ay laba todobaad ku suganyihiin Guriceel. “Guriceel waa in ay si deg deg ah ugu soo laabataa gacanta Dowladda Galmudug, hadii shabaab ay la dirarayaan wadaadadu waa in ay umaraaan darooqa saxda ee ma aha in ay dhabar jabiyaan ciidmada dawladda ee shabaab la diriraya” ayuu yiri musharaxu. Waxa uu sidoo kale siyaasigu wax laga xumaado ku tilmaamay in siyaasiyiin ree Galmudug oo qaarkood xilal ka hayeen maamulka ay qeyb ka noqdaan ama tageeraan duminta maamulka. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in caawa uu ka dhacay shil gaari. Shilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay wadada dhanka galbeed looga baxo magaalada halkaas oo ay adeegsanayeen Gawaarida kala duwan. Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku dhintay 5 qof. Macadda sidoo kale khasaaraha kale ee shilka goordhaw dhacay ka dhashay. Inta badan waddooyinka xiriiriya Hargeysa iyo magaaloyinka ku dhaw dhaw ayaa waxaa ku soo noq noqda shilalka noocan oo kale ah . Source: goobjoog.com
-
Inkasta oo lasoo gabagabeeyey kiiska Badda, Soomaaliyana ay ka guuleysatay Kenya hadana 7-badii sano ee dacwadu taallay ICJ, waxaa jiray in dalalka ay caalamka ay la kala safteen Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa xusid mudan in kiiska dartiis u xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan wixii ka dambeeyey shirkii London ee February 2019-kii, laakin ma jirin wax dhedhexaadin ah oo dalalku sameeyeen. Haddaba, Waxaan Halkan Kusoo Koobeynaa Sidad Dalalka ugu Kala Qeybsameen Kiiska badda: Dalalka La Jiray Kenya: Mareykanka: Dalka Mareykanka waxaa uu la jiray Kenya, oo uu in badan soo marsiiyo danahiisa uu ka leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada iyo heshiisyo badan oo labada dal ay galeen. Faransiiska: Dalka Faransiiska waxaa uu la jiray Kenya, waayo shirkadda TotalEnergies SE ayaa ka mid ah shirkadaha maalgeshtay dhulka muranka ka jiray, iyada oo heshiisyo shidaal qodis ah la gashay Kenya. Qatar: Dalka Qatar waxaa uu ka mid ahaa dalalka la safnaa Kenya, waayo shirka Qatar Petroleum ayaa sheegtay 2019-kii in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25% ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo 11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin. Dalalka La Saftay Soomaaliya Imaaraadka: Dalka Imaaraadka waxaa uu ka mid ahaa kuwa taageersan Soomaaliya, waayo waxaa uuba bixiyey lacagta la siiyey qareennada iyo inta badan qarashka kiiska badda, waxaa uu sidoo kale damac ka leeyahay dekada Soomaaliya ee dhaca gacanka Cadan iyo badda Cas. Ingiriiska: Dalka Ingiriiska marka laga soo tago in shirkadihiisa ay lahaayeen sahmin iyo xataa rajada shidaal qodis iyo iibsashada bologyada, haddana sababta Ingiriiska ula safteen Soomaaliya waxaa xoojiyey iyada oo aad u xumaa xiriirka dalkaasi iyo Uhuru Kenyatta, oo lagu eedeeyey falal ka dhan banii’aadnimada. Norway: Dalka Norway waxaa la safatay Soomaaliya, shirarka lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, shirkadaha ugu badan ee dalabaadka soo gudbista waxay ahaayeen Norway, waxaa kale oo intaa dheeraa ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo ahaa Norwegian. Isha: Goobjoog News The post Kiiskii badda: Dalalka la kala saftay Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Las Anod (PP News Desk) — The municipality of Las Anod today issued an order obliging property owners to seal off alleyways between houses. “Assassins use alleyways to escape. Therefore, the municipality of Las Anod orders property owners to seal off alleyways between houses within one week” said Abdirahim Ali Ismsil, the Mayor of the disputed district. Members of Las Anod municipality briefing the media. Mounting insecurity in Las Anod resulted the division of the district into twenty seven neighbourhoods, added the Mayor. Two weeks ago Somaliland government forcibly displaced more than 1,500 Somalis on the pretext that they were behind spate of assassinations against officials working for Somaliland government. Las Anod municipality threatened tough measures against property owners that defy the order to seal off alleyways. © Puntland Post, 2021 The post Las Anod Municipality Orders Residents to Seal Off Alleyways appeared first on Puntland Post.
-
Despite the hostile rhetoric and threats of closure, the presence of refugees in the camps in northern-eastern Kenyan has benefited the host communities. Source: Hiiraan Online
-
In 2019 Somalia became “the 30th African country to sign the Kampala Convention” (African Union Convention for the Protection and Assistance of Internally Displaced Persons in Africa.” The Kampala Accord commits Somalia to protect people against “displacement based on policies of racial discrimination or other similar practices aimed at/or resulting in altering the ethnic, religious or racial composition of the population” and “displacement used as a collective punishment.” Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharixiinta ayaa dib boorka uga jafay walaaca ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka Aqalka Hoose, oo u muuqata mid billowgeeda uusan dhoweyn. Khudbooyinkoodii ugu dambeeyey ee xalaadda dalka ayey ku muujiyeen rajo xumo. Mashruuca doorashada Soomaaliya ayaa si gaabis ah ku socda, waxaana kaloo xooggan walaaca ku saabsan inaysan doorashada golaha Shacabka xilli dhow qabsoomi karin. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu isaga ku mashquulsan yahay doorasho deegaan umana muuqda nin ahmiyad siinaya doorashada heer Federaal, waxayna xogta sheegeysaa inuusan rabin inuu bilaabo doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya illaa ay ka dhammaaneyso doorashada deegaanada hoose ee Puntland oo dhawaan bilaaban doonta sida uu qorshaha yahay. Deni ayaa waxaa hadda ku socda cadaadis caalami ah oo dalbanaya inuu billaabo doorashada Golaha Shacabka, lamana yaqaano waxa iska badali doona. Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariiye Qoor Qoor isaga waxaa lagu imtixaana kooxda Ahlu Sunna oo isku dayeysa inay awood ahaan dib usoo noqoto. Qoor Qoor waxaa weli ku harsan doorashada laba xubnood oo Aqalka Sare ah. Waayahaan wax ku saabsan doorasho Federaal ah kama uusan hadlin. Xubnaha ku dhow dhow waxaa laga soo xigtay inuusan wax doorasho ah ka hadleyn illaa uu kooxda Ahlu Sunna kasoo afjaro xeelad ama xoog middii ay noqotaba, waana loolan furan oo aan la aqoon waqtiga uu dhammaan doono. Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen isaga waxaa weli laga fujin la’yahay laba deegaan doorasho. Waa hoggaamiye goboleedka kaliya ee weli ku dhagan in la isticmaalo laba deegan doorasho. Lafta Gareen waxaa mabda’ u ah inuu ku shaqeeyo wax walba oo uu xal u arko madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dhowr jeer oo la isku dayey in lagu qanciyo in wax laga badalo qodobka deegaan doorashada ee ku jiray heshiiskii 17-kii September waxaa la sheegay inuu aad uga madax adeegay. Hadda koox Farmaajo ku dhow dhow ayaa kula talineysa inuu qabto doorshada Afar illaa Shan Kursi oo Aqalka hoose ah oo uu ku qabto Baraawe iyo Baydhabo si loo soo afjaro damaca ku aadan in loo laabto hal deegaan doorasho, mana cadda inuu sidaas ku dhaqaaqi doono. Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) weli wuxuu raajicinayaa hal deegaan doorasho isagoo rabo in kuraasta taalo Garbahaarey lagu soo celiyo Magaalada Kismaayo oo uu maamulkiisa ku xooggan yahay. Doodiisa ugu badan waa in dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba la qaban karin laba deegaan doorasho. Axmed Madoobe weli waxaa ku harsan doorashada Afar kursi oo Aqalka Sare ah. Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale la sheegay inay isku aragti ka yihiin damaca hal deegaan doorasho. Madaxweyne Farmaajo isaga waqti qabow ayuu ku qaadanayaa Villa Somalia, umana muuqdo in rabo inay deg deg wax kusoo dhammaadaan, wuxuuna fursad weyn u arkaa in aysan jirin cid ku eedeyn karta fashilka doorashada maadaama uu Maalin cad iska wareejiyey mas’uuliyadda doorashada iyo amnigeeda. Mucaaradka waxaa dhiig baxaya jeebkooda, ma ahan sida dowladda oo ma heystaan shidaal badan, waxay jeclaan lahaayeen in doorashada deg deg loo qabto, waxaana aad u badan qeylo dhaantooda. Dhawaan waxay sheegeen in golaha wada-tashiga Qaran uu qaadanayo mas’uuliyadda fashilka doorashada. Mucaaradka waxay ku doodayaan in hubanti la’aanta doorashada ay sababtay inay hoos u dhacdo rajadii shacabka, inuu mugdi hareeyey maal-gashigii, kaalmadii caalamiga, deyn cafintii iyo mataladii Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah. Waxaa muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhacday rajadii laga qabay in doorashada Baarlmaanka ay ku dhammaato inta ka harsan sanadkaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa 8 bilood oo dheeri ah joogo xafiiska, Afar bilood ayuu u baahan yahay si uu u qaato Hal Sano oo muddo kororsi ah, waxaana xataa jirin rajo ah in 8-da February 2022 la qaban karo doorashada madaxweynaha. The post Madax goboleedyada oo si isku mid ah u diidan in doorashada lasii wado + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Dhusamareb (HOL) - Ahlu Sunna Waljama'a (ASWJ) forces held a military parade on Saturday in the town of Guriel in the Galgadud region, where they took control a few weeks ago. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho Mehmet Yilmaz . Rooble ayaa safiirka kala hadlay xiriirka lamada xukuumad iyo taagerada ciidan iyo dhaqaale ee Turkiga uu siiyo Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya & arrimaha doorashooyinka dalka.”. Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE UK provides almost £30 million to humanitarian catastrophe in northern Ethiopia UK Minister for Africa Vicky Ford, announces an additional £29m of humanitarian aid for northern Ethiopia on World Food Day 2021 LONDON, United Kingdom, October 16, 2021/ — The Minister for Africa Vicky Ford has announced an additional £29m of humanitarian aid to people affected by the catastrophic conflict in northern Ethiopia. The announcement marks World Food Day today [16 October] and increases the UK’s commitment to the crisis to more than £75m – making the UK the second largest donor. The Minister is also calling on all parties in Ethiopia to urgently agree a ceasefire to allow humanitarian aid through and for the Ethiopian Government to lift the de facto blockade of humanitarian relief into the Tigray region. The people of Tigray need 500 trucks of critical assistance per week, but less than 10% of this has been met since June. The conflict has caused a humanitarian catastrophe, with the UN estimating that 5.5 million people face acute food insecurity. Over 400,000 people in northern Ethiopia are experiencing famine-like conditions – more than in all of the humanitarian crises in the rest of the world combined. Minister for Africa, Vicky Ford, said: The Ethiopian people are facing a humanitarian catastrophe and are in urgent need of support. This pledge will provide vital food, water and healthcare to the hundreds of thousands of people facing famine in northern Ethiopia. This is a man-made crisis. I urge all parties to urgently agree a ceasefire to allow humanitarian aid to reach starving people. The new funding comes as the UK’s Special Envoy for Famine Prevention and Humanitarian Affairs, Nick Dyer, recently concluded his third visit to Ethiopia since the start of the conflict in November 2020, where he pressed for improved humanitarian access to the areas affected by conflict. Special Envoy Nick Dyer said: On my third visit to Ethiopia since the start of the Tigray conflict, I saw a further deterioration of the crisis and the conditions for humanitarian operations. We are pleased to provide more funding but humanitarian agencies need access into all areas where people are in need now, so that lives can be saved and catastrophic famine avoided. The conflict in northern Ethiopia has spread beyond the borders of Tigray now, so we are expanding UK funding to reach those in urgent need in Afar and Amhara. The funding will be delivered by UN agencies and NGOs, including the WFP, UNICEF, and the Ethiopia Humanitarian Fund. Our partners expect to deliver lifesaving nutrition treatment for more than 100,000 malnourished children, and 27,000 pregnant and new mothers. The pledge will also deliver clean water and sanitation for 26,000 people and provide services to prevent and respond to gender-based violence for almost 3,000 women and children. It will also support people who have been forced to flee their homes by the spread of conflict across northern Ethiopia, providing shelter, healthcare, and support to children who have been separated from their families and to survivors of sexual violence. SOURCE Government of UK Qaran News
-
Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku hayo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta howlgalo militari ka sameeyey gudaha magaalada, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay soo weeraraan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug. Ciidamo tiro badan, islamarkaana ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus iyo gaadiidka dagaalka ayaa maanta lagu arkay gudaha magaalada Guriceel halkaas oo laga cabsi qabo inuu dagaal ku dhex maro ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna. Taliyaha guud ee Ciidamada Ahlu Sunnam Cali Faarax oo saxaafadda kula hadlay gudaha magaalada Guriceel ayaa sheegay in magaalada ay tahay mid dagan. “Magaalada Guriceel annagaa gacanta ku heyna, nabad galyadeedana waxaa ka shaqeenayo ciidamada Ahlu Sunna, ma jirto cid aan magaalada uga heebeysaneyno, waa meeshii laga soo bilaabay jihaadka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaa joogo ilmihii ay dhaleen shuhadadii ku dhintay dagaalkii khawaarijta lala galay,” ayuu yiri Cali Faarax. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay difaacyo adag ka sameysteen gudaha iyo bannaanka magaalada, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Ahlu Sunna isagoo carabka ku adkeeyey inaysan marnaba ka bixi doonin magaalada. “Howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab laba sano ayey gaabsi galeyn, waxaana rabnaa inaan hadda dib u bilowno oo aan dagaalka gaarsiino meelaha ay ku sugan yihiin khawaarijta,” ayuu sii raaciyey taliye Cali Faarax. Taliye Cali Faarax ayaa ayaa wuxuu uga digay dadka barakinayo shacabka inay joojiyaan arrintaan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan wanaagsaneyn oo aysan u baahneyn dadka deegaanka. “Waxaan rabnaa in dadka baraha bulshada dhigaya waxyaabaha qaladka ah ee dadka qaxinaya u sheego, dadkaan uma baahna qax, waxay u baahan yihiin nabad, nabadiina anagaa ka shaqeeneyna dadkana diyaar ay u yihiin inay nagala shaqeeyaan, laakiin dadka waxaa ku jira kuwa laaluush qaatayaal ah oo anaga waxaan diidnay qaatay,” ayuu yiri taliye Cali. Howlgalka ay Maanta Ciidamada Ahlu Sunna ka sameeyeen gudaha Magaalad ayaa kusoo aadayo xilli ay meel sare gaartay xiisadda Ahlu Sunna iyo Galmudug lagana cabsi qabo inay ku dagaalamaan gudaha Magaalada. The post Daawo: Ahlu Sunna oo soo bandhigay awood ciidan kadibna soo saaray war culus appeared first on Caasimada Online.
-
XIGASHADA SAWIRKA,HOUSE OF COMMONS Booliska UK ayaa fal argagixiso ah u aqoonsaday dilka loo geystay xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka oo lagu magacaabi jiray Sir David Amess, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday toori. Sir David ayaa dhowr jeer lagu dhuftay toorrida xilli uu Jimcadii ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea oo ka tirsan gobolka Essex, oo ah halka laga soo doortay. Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in falkan “ay suuragal tahay inuu salka ku hayo argagixisnimo”. Nin 25 jir ah oo British ah ayaa lagu xiray goobta isagoo loo heysto tuhunka ku aaddan falka dilka ah, booliskuna waxa ay sheegeen inaysan cid kale u raadineynin mas’uuliyadda falkaas dhimashada sababay. Booliska ayaa qayb ka mid ah baaritaankooda hadda ku baaraya labo goobood oo ku yaalla magaalada London, sida ay sheegeen saraakiisha. Waxa ay boolisku aaminsan yihiin in ninkaas uu kaligiis ku dhaqaaqay ficilka balse ay wali wadaan baaritaanno la xiriira sababaha keenay dhacdadaas. Ninka la tuhunsan yahay ayaa ku xiran gobolka Essex, sida ay boolisku sheegeen. Xubno ka tirsan dowladda ayaa BBC-da u sheegay in ninka heysta dhalshada Britain ee falkaas u xiran uu u muuqdo inuu asal ahaan yahay Soomaali. XIGASHADA SAWIRKA,ANTHONY FITCH Qoraalka sawirka,Ciidamo hubeysan ayaa isku gadaamay goobta lagu dilay xildhibaanka Sir David, oo 69 jir ahaa, baarlamaankana ku matalayay deegaan baarlamaaneedka Southend West, ayaa kulan la lahaa dadka soo doortay, isagoo kala hadlayay waxyaabaha ay u baahan yihiin. Xildhibaanka iyo dadkiisa ayaa Jimcadii ku shirayay meel kaniisad ah markii la weeraray abaare 12:05 BST. Taliyaha booliska gobolka Essex, BJ Harrington ayaa sheegay in Sir David uu “si sahlan u gudanayay waajibaadkiisa markii uu naftiisa waynayay”. Booliska ka howl gala magaalada ayaa sheegay in ciidankooda la dagaallanka argagixisada ay ku howlan yihiin baaritaanka, iyagoo kaashanaya khubaro ka socda qaybta howlgallada khaaska ah ee magacooda loo soo gaabiyo ERSOU. Saraakiisha ayaa ka codsanaya dadweynaha inay lasoo wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhacdadaas, iyagoo si gaar ahna dalbaday inay lasoo xiriiraan dadka haya muuqaallada CCTV-ga ama noocyada kale ee duubay falka. Markii uu weerarka dhacay kaddib, wasiirka amniga gudaha, Priti Patel, ayaa ka codsatay dhammaan laamaha booliska inay dib u eegis ku sameeyaan xaqiijinta amniga xildhibaannada “tallaabadaasna ay sida ugu dhakhsiyaha badan u qaadaan”. Ms Patel ayaa sheegtay in dilkaas “uu ahaa weerar argax darro ah oo lagu qaaday dimuqraaddiuadda”, iyadoo intaas ku dartay in “su’aalo sax ah la iska weydiiyay amniga dadka shacabka matalaya”. Sir David waxa uu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 1983-kii, waxa uuna ahaa aabe dhalay shan carruur ah. Waa xildhibaankii labaad ee isagoo baarlamaanka ka tirsan la dilo shantii sano ee lasoo dhaafay gudahood. Sanadkii 2016-kii ayaa la dilay Jo Cpx oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha. Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa xildhibaanka la dilay ku tilmaamay in uu ka mid ahaa dadka “ugu naxariista badan, ugu wanaagsan, uguna macquulsan dhinaca siyaasadda”. Afhayeenka Aqalka Baarlamaanka, Sir Lindsay Hoyle, ayaa BBC-da u sheegay in boolisku ay la xiriirayaan dhammaan xildhibaannada si ay u hubiyaan amnigooda, ayna dib ugu xaqiijiyaan nabad galyadooda kaddib dilka loo geystay xildhibaan Sir David. Waxa uu sheegay in isaga qudhiisa si caadi ah u gutay waajibaadkiisii ku aaddanaa la kulanka dadka ku dhaqan deegaan baarlamaaneedka laga soo doortay, isagoo intaas ku daray inay muhiim tahay in xildhibaannada oo dhan ay sii wadaan xiriirka kala dhaxeeya dadkooda. “Waa inaan xaqiijinno in dimuqraaddiyaddu ay sii jirto dhacdadan kaddib,” ayuu yiri. Balse xildhibaanka xisbiga Conservative-ka, Tobias Elwood, ayaa u sheegay BBC-da inuu soo jeedin lahaa in xildhibaannada ay joojiyaan kulamada fool ka foolka ah ee ay la yeelanayaan shacabka ku sugan deegananadooda wixii ka dmabeeyay dilkii toorida loo adeegsaday ee Sir David. “Waxaad kulamo ku qaban kartaa Zoom… waxaad xitaa howlo aad u waaweyn ku fulin kartaa telefoonka,” ayuu yiri. Dhanka kale, Kim Leadbeater, oo ah gabadha la dhalatay xildhibaanaddii hore ee la dilay, Ms Cox, oo qudheedana ah xildhibaan ayaa sheegtay in seygeeda uu ka codsaday inay xilka iska casisho kaddib dilka Sir David. Kumuu ahaa Sir David Amess? XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Ku dhawaad afartan sano ayuu ahaa siyaasi u taagan xisbiga Asalraaca ah ee loo yaqaanno Conservative-ka, waxaana uu baarlamaanka ka tirsanaa tan iyo sanadkii 1983-kii. Baarlamaanka wuxuu kusoo galay inuu noqdo xildhibaanka Basildon. Kursiga waxa uu la wareegay sanadkii 1992-kii, balse waxa uu u wareegay deegaan baarlamaaneedka ku dhow ee Southend West, kaasoo uu kusoo baxay doorashadii dhacday 1997-kii. Ninkan oo kusoo barbaaray diinta Roman Catholic, waxaa lagu yaqaannay inuu ahaa siyaasi u janjeera dhinaca bulshada, waxa uuna caan ku ahaa dadaalka uu ugu jiray taageerada ololaha ka dhanka ah ilmaha la iska soo xaaqo iyo sidoo kale arrimaha la xiriira xoojinta xannaanada xayawaanka. Waxyaabaha kale ee lagu bartay waxaa ka mid ahaa inuu hormuud u noqday Southend, howshiina waxaa qaby ka ahayd inuu u horseeday darajada magaalanimad Dhanka kale, waxaa iska soo daba dhacayay tacsida loo dirayay qoyska Sir David oo ka imaaneysay siyaasiyiinta u badan deegaankiisa. Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa ku ammaanay xildhibaanka la dilay “inuu hindise sharciyeedyo aad u badan u hirgeliyay si loogu caawiyo dadka nugul”, isagoo intaasna ku daray: “Maanta waxaan weynay nin fiican oo u adeegi jiray shacabka iyo saaxiib aan jecleyn oo sidoo kalena shaqo naga dhaxeysay”. Qoraalka Muuqaalka,Boris Johnson ayaa sheegay in Sir David Amess uu ka mid ahaa dadka “ugu naxariista badan, ugu wanaagsan, uguna macquulsan dhinaca siyaasadda” Jeff Woolnough, oo ah baadariga Catholic-ga ee deegaanka lagu dilay xildhibaanka ayaa Sir David ku qeexay “nin aad iyo aad u wanaagsan, ku fiicnaa diintiisa, saaxiibna la ahaa dhammaan dadka”. “Waxa uu dhintay isagoo howshaas lafteeda dhexda uga jira, taasina waa arrin xusid mudan. Waxa uu geeriyooday isagoo u adeegaya shacabka,” ayuu yiri. Baadarigan ayaa galinkii dmabe ee Jimcaha hoggaamiyay dadweyne maamuus u sameynayay Sir David, isagoo ku naaneysay “Mr Southend”. Guddoomiyaha maamulka Southend, John Lamb, ayaa sheegay in Sir David uu ahaa “nin aad u wanaagsan, xildhibaan shaqo badan u hayay deegaankiisa, qof walbana u adeegay”. Sidoo kale hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha, Sir Keir Starmer, ayaa sheegay “in ay u adayd maalin madow oo naxdin leh”, isagoo intaas ku daray in waddanka “uu horay sidan oo kale u dareemay” markii la dilay Jo Cox. Qaran News
-
Situation overview At the launch of the emergency appeal, the following numbers of the affected population were reported nationwide: Out of a population of 12.3 million in Somalia, 5.6 million people were estimated as food insecure and a fifth of the population, 2.8 million people, could not meet their daily food requirements. Several areas across the nation have shifted in the severity of food insecurity levels, either from severe (IPC2) to crisis (IPC3), or from crisis to emergency (IPC4), and the latest assessment carried out by the Food Security and Nutrition Analysis Unit–Somalia (FSNAU) projects that the food insecurity is expected to further deteriorate. This prognosis and the high level of emergency needs highlights the urgent and critical need for further funding to be able to appropriately and timely respond to critical needs and mitigate the impacts of the expected prolonged drought conditions. To date, the Emergency Appeal, which seeks CHF 8.7 million, is only 7% funded. Further funding contributions are very urgently needed to enable the Somalia Red Crescent Society, with the support of the IFRC, to respond quickly to the very large humanitarian needs. Without sustained humanitarian assistance, the number of people classified as Crisis (IPC3) and Emergency (IPC4) nationally is expected to rise from 2.2 million (July-September) to 3.5 million (October-December). An additional 3.7 million people are expected to become Stressed (IPC Phase 2), bringing the total number of people facing acute food insecurity to 7.2 million between October and December . The food insecure population is expected to remain elevated until at least January 2022 , with some projections stating the consequences of food insecurity will carry on through mid-2022 . The Inter-Agency Standing Committee (IASC) is predicting a high likelihood that failure of upcoming rain seasons will lead to an additional 500,000-1,000,000 additional people in Somalia in need of humanitarian assistance. The main drivers of acute food insecurity in Somalia include the compounding effects of poor and erratic rainfall distribution, flooding, desert locust infestation, socio-economic impacts of COVID-19, and conflict. Poor rains and extended drought over multiple seasons have had a major impact on rural livelihoods and food security in Somalia. The Gu’ rain season, April to June, ended early in 2021, with a poor rainfall performance in many parts of Somalia even though there were heavy rains and flooding in parts of the country in late April and early May. On 1 May 2021, the Government of Somalia declared a National Emergency due to the drought situation and called for support in responding to the humanitarian crisis. The start of the June to August hagaa rains, which are localized to southern Bay and southern coastal districts, began with low intensity in late June and have been below average. The latest weather forecasts for the rest of 2021 and early 2022 indicate a greater likelihood of below-average rains in most of Somalia, and average rainfall in Sool, Sanaag, Bari and Nugaal. The deyr rains (late September-early December) are expected to be delayed by 1-3 weeks. Below average hays rains in December to January are considered likely in north-western Somalia, and below-average rainfalls for the 2022 gu season (March-April) are also considered likely. Furthermore, warmer than average temperatures are expected for October through December. These forecasts are consistent with regional forecasts, indicating the increased probability of La Niña and negative Indian Ocean Dipole events, both associated with below-average rains in East Africa. Mild to moderate drought conditions are foreseen to persist across the country in the coming months. Dry conditions will contribute to the likelihood of crop losses and deterioration in pasture and water availability in some areas. The combined impact of drought and floods are likely to exacerbate the already critical food security situation in Somalia. In addition to weather shocks, food availability and access are constrained by conflict in southern and central Somalia, uncertainty over the parliamentary and presidential elections, and rising staple cereal prices linked to low domestic production and high global food prices. Relief web Qaran News
-
PRESS RELEASE U.S. Government Launches New Project to Combat Corruption and Wildlife Trafficking in Madagascar More than 21,000 endemic tortoises were seized in illegal wildlife trafficking attempts in Madagascar between 2018-2021 ANTANANARIVO, Madagascar, October 16, 2021/ — The United States government, through the United States Agency for International Development (USAID) and on behalf of the American people, launched on October 15 a new $3.4 million, three-year project to address the growing problems of illegal wildlife trafficking and related corruption. “Wildlife trafficking is a serious crime that damages economic prosperity, rule-of-law, good governance, conservation efforts, and human health and is often enabled by corruption,” U.S. Ambassador Amy J. Hyatt said. “The United States takes these issues very seriously, therefore we are investing in the fight to end corruption and wildlife trafficking in Madagascar.” The U.S. government’s Countering Corruption and Wildlife Trafficking project, funded by USAID, is led by the World Wildlife Fund (WWF) and brings together a consortium of stakeholders, including TRAFFIC International, Transparency International Initiative Madagascar, and Alliance Voahary Gasy. The project will work closely with Madagascar’s Ministry of Justice and the Ministry of Environment and Sustainable Development. “We believe this project will have a significant impact thanks to the alliance of dedicated partners we are bringing together,” Ambassador Hyatt added. “To achieve these goals, we must secure meaningful buy-in from all levels of government across multiple ministries.” The Minister of Environment, Baomiavotse Vahinala Raharinirina, the Minister of Justice, Herilaza Imbiki, and the President of the Committee to Safeguard Integrity (CSI), Sahondra Rabenarivo, also participated in the launch ceremony. Wildlife trafficking and associated corruption are growing problems in Madagascar. According to TRAFFIC, more than 21,000 endemic tortoises were seized in illegal wildlife trafficking attempts in Madagascar between 2018-2021. The Countering Corruption and Wildlife Trafficking project will address these complex issues in several ways. The project will conduct research to identify the correct approaches and tools needed to strengthen anti-corruption efforts. It will work with law enforcement and customs to strengthen border controls and enhance surveillance by using specialized investigative techniques and targeted training. It will also improve effectiveness of the judicial system and ensure traffickers are prosecuted and sentenced by providing training and other assistance to relevant institutions. The U.S. government is working work side-by-side with the Government of Madagascar and the Malagasy people, like ‘mpirahalahy mianala’, to secure the nation’s natural resources and biodiversity from illegal and unsustainable practices that threaten its environmental heritage and economic future. Since 2013, the U.S. government has invested nearly $60 million in programs that combat wildlife and precious wood trafficking, improve livelihoods, and strengthen natural resource governance. This includes USAID’s two flagship environmental projects, USAID Hay Tao and USAID Mikajy, and two $1 million grants the U.S. Department of State’s Bureau of International Narcotics and Law Enforcement Affairs awarded earlier this year to combat wildlife trafficking and illegal logging in Madagascar. Distributed by APO Group on behalf of U.S. Embassy in Madagascar & Comoros. Access Multimedia Content SOURCE U.S. Embassy in Madagascar & Comoros Qaran News
-
Beledweyn (Caasimada Online) – Qarax ayaa goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan, gaar ahaan maqaayad ku dhagan saldhigga ciidamada booliska ee magaalada. Qaraxa oo ahaa mid xoog leh ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka goboleedka HirShabeelle. Wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ahaa Miino la dhigay saldhigga, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin. Inta la xaqiijiyey laba qof oo kala ah, Duqii degmada Feer-feer Soomaaliya Khaliif Muumin Garaad iyo Haweeney Maqaayad laheyd, ayaa ku dhintay qaraxa. Guddoomiyahii Degmada Feerfeer Soomaaliya Mahad Maxamed Xasan, Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne Laba xidigle Maxamed Maxamuud Qoorshee & Askar kale ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmen qaraxa. Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, baaris ayay ku bilaabeen si ay u ogaadaan sida ay u sahlanaatay in miino la dhigo goobtaas oo ah meel amnigeeda ay ilaaliyaan ciidamada ku sugan Saldhigga Booliiska. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online. The post Qarax ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen mas’uuliyiin oo ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin uu qoray mac-hadka arrimaha siyaasadda ee dalka Maraykanka (International Policy Diges) ayaa lagu sheegay in caalamku iska indho-taray Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo raadinta madaxbannaanideeda, iyada oo ay Somaliland gobolka ka dhigtay mid xasilloon. International Policy Diges ayaa warbixintiisa ku tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dawlad siyaasad ahaan meeqaam weyn ku leh h horumarka gobolka geeska Afrika, sidoo kalena dimquraadiyadda ka hano-qaaday Somaliland iyo doorashooyinkii ugu dasmbeeyay ay muujinayaa ama tilmaamayaan qoto-dheeraanta istiraatijiyadeed iyo bisaylka siyaasadeeda arrimaha dibadda. Warbixintan oo uu diyaariyay (Dave Primov oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha siyaasadda Afrika iyo Bariga-dhexe. Waxay u qornayd iyadoo dhamaystiran sidan “Soddon sannadood ka dib markii ay ku dhawaaqday inay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya, Jamhuuriyadda Somaliland waxay u muuqataa inay istaraatijiyad ahaan isu taagayso sidii ay dadaal xooggan ugu geli lahayd aqoonsi caalami ah. In kasta oo ay dhamaystirtay ku dhawaad qayb kasta oo dawladnimo. Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo raadinta madaxbannaanideeda inta badan waa la iska indho tiray, iyada oo Somaliland ay gobolka ka dhigtay mid xasilloon, laakiin waa mid go’doonsan oo aan cod ku lahayn goleyaasha iyo doodaha caalamiga ah. Dimoqraadiyadda dawladnimada Somaliland iyo siyaasadeeda arrimaha dibada ee xeeladaysan waxay hadda ka faa’iideysanaysaa xafiiltanka juqraafiyeed ee ka socda Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas. Balse in ay ugu dambayn guulaysan doonto weli ma cadda, laakiin kiis adag oo sharciyadeed, saaxiibo cusub oo awood badan, iyo mandaqadda qasan ee ay ku taallo, fursadaha Somaliland waxay u muuqdaan in ay si weyn u guulaysanayso. Somaliland waxay ku dhawaaqday inay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya bishii May sannadkii 1991-kii, haddana waa dawlad madax-bannaan muddo ka badan intii ay la midowday Soomaaliya. Dareenka aqoonsiga qarannimo reer Somaliland waa mid sugan oo qoto dheer ujeedada laga leeyahay xaqiijinta madaxbanaanideeduna waa mid ka xoog badan sidii hore. Xitaa haddii aan la aqoonsanayn madaxbannaanida, suurtogalnimada dib ula midoobidda Soomaaliya aad ayay u yar tahay. Sidaa darteed, xuska 18 May oo ah sannad-guuradii ka soo -wareegtay midowgii Soomaaliya waxay u astaan u tahay daqiiqad muhiim ah oo dib u soo celineysa halgankii gobannimo-doonka Somaliland, iyo ansaxnimada qaddiyadeeda, heer caalami ah. Dadka reer Somaliland waxay kaloo tilmaamayaan diiwaanka horumarka dimuqraadiyadeed oo saldhig u ah kala goynta Soomaaliya oo aan siyaasad ahaan degganayn. Tan iyo markii la ansixiyay dastuurka Somaliland 2001 -dii, waxaa dhacay siddeed doorasho oo guulaystay oo isugu jiray heer dawladaha hoose ilaa heer madaxweyne. Doorashada baarlamaanku waxay ahayd mid dhib badan. Sannadkan, reer Somaliland sidaas ayay sameeyeen, iyagoo soo celiyay kalsoonidii hay’adaha dimoqraadiga ah waxayna keeneen jiil cusub oo hoggaamiyeyaasha Somaliland ah. Muddo aan dheerayn ka dib dabbaaldegyadii maalinta xorriyadda, waxaa la qabtay doorashooyinkii baarlamaanka oo muddo dheer dib u dhacay, oo ah geeddi-socod ay si weyn u ammaaneen goobjoogayaasha Afrika iyo kuwa kale ee caalamiga ah oo ku tilmaamay xor, xalaal, oo lagu kalsoonaan karo. Intaa waxaa dheer, labada xisbi mucaarad, Waddani iyo UCID, ayaa si wada jir ah ugu guulaystay kuraasta ugu badan, taas oo astaan u ah in awooddii laga wareejiyay xisbiga talada haya ee Kulmiye. In kasta oo isbeddelka siyaasadeed ee dabeecaddan laga yaabo inuu colaad ka dhex dhaliyo qaar ka mid ah dalalka la deriska ah Somaliland, haddana horumarkan waxaa astaan u ahaa nabad iyo deggenaansho markii dawladda cusub la wareegtay awoodda. Guusha doorashadii dhowaan waxay si weyn uga duwan tahay Soomaaliya, oo bilihii la soo dhaafay ku dhexjirtay qalalaase doorasho oo aakhirkii sababtay isku dhacyo rabshado wata oo dhex maray maleeshiyo beeleedyo iyo ciidamada ammaanka waddooyinka Muqdisho. Ka sokow horumaradaas siyaasadeed ee gudaha, Somaliland waxay leedashay siyaasad dibadeed oo istiraatiiji ah, iyada oo la dhisaysa isbahaysiyo dhaqaale iyo siyaasadeed oo leh door awood badan kuwaas oo aakhirka taageeri kara qadiyadeeda aqoonsi caalami ah. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Somaliland waxay ku dhex jirtey duufaan dhaqdhaqaaq juquraafiyadeed oo la xidhiidha labada gobol iyo kuwa waaweynba. Deggenaanshaha iyo xuddunta juquraafiyadeed ee ay ku taallo ee fagaaraha weyn ee Badda Cas ayaa ka dhigay hanti. Waxay si istiraatiiji ah u aragtay inay dhexda ka gashay loollanno waaweyn oo caalami ah – sida khilaafka Khaliijka Faaris, loolanka Shiinaha iyo Taiwan, iyo iskahorimaadyada gobolka ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Masar – waxayna u adeegsatay xifaaltankaas sidii ay u sii horumarin lahayd ajandaha siyaasadda dibadda. Somaliland waxay aragtay hawlgal dhaqaale oo aan la qiyaasi karin oo ka socda Imaaraadka, iyada oo shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ay $ 442 milyan gelisay Dekedda Berbera, oo ah xarunta ganacsiga Somaliland ee gacanka Cadmeed. Diblumaasiyad ahaan, Somaliland waxay xidhiidh rasmi ah la yeelatay Taiwan, oo kaliya ku leh Afrika saaxiib (Eswatini), halka ay diiday taageerada Shiinaha, oo ah tallaabo geesinimo leh oo ay u qaadayso hay’ad aan la aqoonsan oo taageero ka raadsanaysa beesha caalamka. Waxa kale oo ay Somaliland xoojisay xidhiidhkii ay la lahayd Kenya, iyada oo ballaadhisay xidhiidhkii ay la lahayd ummadaha kale ee Afrika ee Saxaraha ka hooseeya. Intii ay waxan oo dhan samaynaysay, Somaliland waxay muujisay heer wakaalad oo aan hore loo arag, iyada oo ka faaiidaysanaya awoodda ay leedahay si ay horumar macno leh ugu samayso himiladeeda aqoonsiga iyo madaxbannaanida. Doorashooyinka Somaliland waxay tilmaamayaan qoto-dheeraanta istiraatijiyadeed iyo bisaylka siyaasadda arrimaha dibadda. Siyaasad ahaan maqaamkeeda, Somaliland waxay mid door-weyn ku leh horumarka gobolka. Si kastaba ha ahaatee, guulaha dimuqraadiyadeed ee Somaliland ee dhawaanahan, guulaha muhiimka ah ee madaxbannaanida, iyo si weyn u kordhinta joogitaanka caalamiga ah ayaa calaamad u ah isbeddellada dawladda iyada oo doonaysa inay fiiro gaar ah u yeelato qaddiyadda madax-bannaanideeda adduunka oo dhan. Gobol ay colaado ka aloosan yihiin Itoobiya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, iyo Yemen, Somaliland waxay u taagan tahay inay tahay dal nabdoon oo xasilloon, oo sababtiisa ay adag tahay inaan loo naxariisan. Wadahadallada aan la soo koobi karin ee aan la yeeshay muwaadiniinta iyo saraakiisha reer Somaliland, hawadan rajada wanaagsan ee mustaqbalkoodu waa mid nool oo wanaagsan. Somaliland hadda kama aha raadaarka beesha caalamka oo kaliya, laakiin waa markab juquraafiyadeed, oo xooggeedu korayo, oo mawjadaha ka samaynaya geeska Afrika iyo xeebaha Badda Cas. Isbeddel ayaa ku socda jamhuuriyaddan iskeed isku magacowday; isha ku hay Somaliland.” Qaran News
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xooggan uu ka dhacay saldhiga degmada Balaweyne. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miinaco, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku geeriyooday duqii degmada Feerfeer Khaliif Garaad Rooble, halka dhaawacyo ay soo gaareen Guddoomiyaha degmada Feerfeer Mahad Beyle iyo taliyaha saldhiga magaalada Baladweyne col. Maxamed Qorshel. Wixii faahfaahin ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Ethiopia iyo kuwa Tigray-ga ayaa guulo ka sheegtay dagaalka xooggan ee dib uga qarxay waqooyiga dalka toddobaadkii tegay. Weerarka cusub ee ka dhanka ah Tigray-ga ee dib u billowday toddobaadkii tegay ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed mar kale loo dhaariyey muddo xileed cusub oo shan sano ah. Ciidamada dowladda waxay “iska caabinayaan” weerar ay billaabeen TPLF, waxaa sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed kaasoo baxay Militariga Ethiopia oo lasoo dhigay facebook. TPLF ayaa dhinacooda sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalka. Ciidamada Tigray-ga waxay qabteen “maxaabiis dhowr ah”, waxayna burburiyeen qalab iyo gawaari dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Ethiopia, waxaa sidaas sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda. “Waxaan gebi ahaan burburinay taliska Bari oo dhan, oo ay ku jiraan qeybo badan oo u yimid dib u xoojin,” ayuu Getachew Reda ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray. Dagaalka cusub waxaa ciidamada dowladda ka taageeraya maleeshiyada gobolka Amxara, waxaana Tigray-ga laga soo weeraray dhowr jiho, sida ay TPLF sheegtay toddobaadkii tegay. Dagaalka cusub ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii xumaato xaaladda Ethiopia oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof. Dhinaca kale, shaqaale gargaar oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in dagaal-yahanno Eritrean ah ay weli ku sugan yihiin gudaha Ethiopia, ayna ka qeyb qadaanayaan dagaalka. Ilo-wareedyo gargaar oo kale oo soo xiganaya goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay Tigray-ga kula dagaalamayaan magaalada Berhale ee gobolka Afar. The post Dagaalka cusub ee Tigray-ga iyo ciidamada Ethiopia oo guulo weyn laga sheegtay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC, ayaa shaaciyay in Urur Siyaasadeedka KAAH uu jebiyay Qodoba kamid ah Xeerka Doorashooyinka Puntland. Gudiga ayaa soo bandhigay caddaymo muujinaya in Mas’uuliyiinta Urur Siyaasadeedka KAAH ay olole ka baxsan Jadwalkooda ka sameeyeenTuulada Xasbahalle oo ka tirsan Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, islamarkaana baal-mareen Jadwalka loo dejiyay Ololaha Ururada Siyaasadda. Guddiga oo Maanta kulan gaar ah ka yeeshay Arrintaas, ayaa Urur Siyaasadeedka KAAH ku ganaaxay lacag dhan $1000 Dollar, taas oo lagu amray in ay ku bixiyaan mudda saddex maalmood ah, waxaana meesha laga saaray Isu soo baxii qorshaysnaa in 22-ka bishan KAAH ka sameeyo Tuulada Xasbahalle. Mas’uuliyiinta Ururka KAAH ayaa sidoo kale looga digay in aysan xad-gudub dambe ku samayn Jadwalka Ololaha Ururada Siyaasadda Puntland. Halkaan ka akhriso warqadda Ganaaxa PUNTLAND POST The post Puntland: Urur Siyaasadeedka KAAH oo ganaaxyo lagu soo rogay appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Efforts to ease the suffering of Somalis evicted from Las Anod got a boost Friday with additional donation of $300,000 by the money remittance company Dahabshiil. Source: Hiiraan Online
-
The number of people who have been forcibly displaced from Laas Caanood and surrounding areas has risen to more than 7,250, according to UNHCR’s Protection and Return Monitoring Network (PRMN). Some 24 households (have also reportedly moved to nearby villages in Buhoodle district, according to mapping done by PRMN. In Ceerigaabo town, Sanaag region, 75 people have reportedly left for Gaalkacyo and Baidoa towns after authorities issued a notice asking people from southern areas to leave by 21 October. Over 3,300 displaced people from Laas Caanood have arrived in Gaalkacyo since 2 October when the forced displacements started, of whom 986 have proceeded to South West State, Hirshabelle and Banadir. Another 32 families (75 people) arrived in Margaga settlement in the outskirts of Ba’adweyn town, 50km northeast of Gaalkacyo. On 14 October, they were airlifted to Baidoa. Since 10 October, 561 displaced families (3,366 people) have arrived in Baidoa. Read more Source: OCHA The post Somalia: Flash update on forced displacement from Laas Caanood appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa magacaabay guddi cusub oo uu ka soo xulay golihiisa wasiirada, waxaana horkici doono madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi. Guddigan oo ka kooban illaa 10 xubnood ayaa waxa uu ka shaqeyn doonaa daadajinta adeegga dowladaha hoose, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Qoor Qoor. Sidoo kale waxaa warqadda lagu sheegay in magacaabista guddigan ay ku timid baahi loo qabo in hoos loo daadajiyo adeegga maamulka ee dowladaha hoose. Qoor Qoor ayaa sidoo kale amray hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga cusub ee uu magacaabay. “Waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug in ay la shaqeeyaan guddigan, si ay u gutaan waajibaadkooda shago.,” ayuu yiri Qoor Qoor. Halkan hoose ka aqriso liiska xubnaha guddiga: 1- Axmed Xasan Cali, Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen) 2- Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 3- Maxamed Xaashi Dhoore, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada 4- Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka 5- Cabdinasir Geelle Cilmi, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta 6- Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’, Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta 7- Axmed Casir Dhiblaawe, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska 8- Siciid Siyaad Shirwac, Wasiirka Wasaaradda Bayada 10- Yaxye Xasan Xiish, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha 11- Ubax Xuseen Dhiblaawe, Wasiirka Wasaaradda Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu sheegay in xeerkan uu dhaqan-galayo isla maanta, maadaama uu saxiixay madaxweynuhu. Si kastaba, magacaabista guddigan cusub ayaa ku soo aadeyso, xilli ay haatan Galmudug ka taagan tahay xiisad dagaal oo ka dhalatay dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna. The post Muxuu yahay ujeedka gudiga uu magacaabay Qoor Qoor? appeared first on Caasimada Online.