Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Go’aankii maxkamadda ICJ ee kiiska badda waxa uu ahaa xukunkii saddexaad ee ay maxkamad ku dhawaaqday oo niyad jab ku noqday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta, sida uu qoray wargeyska Standard ee ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer dalka Kenya. Hal isbuuc gudihiisa ayay xukuumadda Kenyatta guul darro kala kulantay labo kiis oo waaweyn, kuwaas oo mid uu la xiriiray arrimaha gudah, halka mid ka kalena uu ahaa dibadda. Waxay guul darrooyinkaas ku mid yihiin arrin kale oo dhowr bilood ka hor ahayd: Dacwadda Badda Kiiska ku saabsanaa muranka xadka badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya ayay 12-kii bishan October go’aan kasoo saareen garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, ICJ. Kenya ayaa ku gacan seyrtay xukunka maxkamadda oo aaggii lagu muransanaa badankiis u sharciyeysay dhinaca Soomaaliya. Ka hor inta uusan go’aanka ugu dambeeya soo bixin ayay dowladda Kenyatta shegetay in aysan aqoonsan doonin natiijada, iyadoo dooneysay in kiiska dib loogu dhigo, balse maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa xukunka maxkamadda ku tilmaamay “guul usoo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”. Diiwaangelinta shacabka Kenya Kiiska labaad ee isla toddobaadkan gudihiisa ay dowladda Kenya caqabadda kala kulantay waxa uu ahaa mid maxalli ah oo la xiriira mashruuc weyn oo ay dowladda ku howlaneyd. Mashruucaas oo sannado badan laga war dhowrayay ayaa waxba kama jiraan laga soo qaaday kaddib markii amar ka soo baxay maxkamadda sare lagu diiday in lasii wado. Sida uu tabiyay wargeyska Standard, xukunka maxkamadda sare ee Kenya waxaa lagu sheegay in mashruucaas oo ku aaddanaa diiwaangalinta dadweynaha uu ka hor yimid xeerka keydinta xogta rayidka. Mashruuca ay maxkamaddu sharci darrada ku tilmaantay ayay dowladda ku kharash gareysay lacag gaareysay 10 bilyan oo shilin oo u dhigantay in ka badan $90 milyan oo doolar. Mashruuca BBI Kani waxa uu ahaa mashruuc siyaasadeed oo horseedi karay in isbaddal weyn lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Kenya iyo dastuurka. Maamulka waddanka Kenya ayaa u ololeynayay in wax laga baddalo dastuurkii la ansixiyay 2010-kii, si dowladda loogu yeelo waji kale. Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shacabka gobollada ayaa ka soo horjeestay mashruucan, balse waxa uu u muuqday mid dadaal badan lagu bixinayay. 20-kii bishii August ayay maxkamadda sare ee Kenya ku dhawaaqday xukun gabi ahaanba meesha ka saaraya mashruuca BBI. Waxaa tallaabada garsooreyaasha maxkamadda racfaanka loo arkayay mid dhabarjab ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii hore miiska soo saaray hindise sharciyeedkaas. Sida uu xusay Wargeysku, dowladda Kenya ayaa hadda u baahan inay isbaddal ku sameyso qorsheyaasheeda si ay uga soo kabato culeyska soo wajahay inkastoo dad badan ay lama filaan ku noqotay guul darroonyinka dhinaca sharciga ee is xigay ee ay la kulmeen qareennada firfircoon ee dowladda. ISha: BBC SOMALI The post Dacwadda Badda iyo laba guul-darro oo kale oo ay la kulantay xukuumadda Uhuru appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa shaaciyay liiska kuraasta Aqalka sare ee ka dhinneyd maamulkiisa. Axmed Madoobe ayaa soo saaray musharixiinta ku tartameysa afarta kursi ee qeybta ka ah 8 kursi ee Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare. Hoos ka akhriso liiska Musharixiinta. Source: goobjoog.com
  3. Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyey jadwalka doorashada kuraasta harsan ee aqalka sare kuwaa oo uu soo gudbiyey xalay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Jadwalka ayaa qeexaya waqtiga la diiwaan galin doono musharaxiinta u tartamaya kuraasta harsan ee aqalka sare qaybta Jubbaland iyo xiliga doorashadooda ay dhaceyso. Guddiga ayaa sheegay in maalinimada berri ah oo ay Taariikhdu ku began tahay 20-ka October ay Musharixiintu isdiiwaan galin doonaan,iyadoo sidoo kale musharixiinta loogu baaay in waajibaadka kaga aaddan dhanka xafiiska guddiga ay berry 8:00 saac oo subaxnimo u yimaadaan xarunta Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland. Waxaana doorashada si toos ah ay u billaaban doontaa maalinta khamiista ah oo ay Taariikhdu tahay 21-ka October 2021. PUNTLAND POST The post Jadwalka doorashada ka harsan Aqalka sare ee Jubaland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  4. Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland ayaa sheegtay in ay gudaha magaalada Kismaayo ku qabatay xubno ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab. Hay’adda ayaa sheegtay in ay hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka wado xaafadaha kala duwan ee Kismaayo islamarkaana gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Shabaab. “Howlgalladan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada ayada oo qeybo kalena lagu daba jiro” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda. Nabad-sugidda Jubaland ayaa sidoo kale tilmaantay in ay si dhammaystiran uga warbixin doonto Hawlgalkaas markii uu dhammaado. PUNTLAND POST The post Jubaland oo sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho Mudane Per Lindgärde, Safiirka Boqortooyada Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intii uu kulanka socday, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Sweden , isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo xilsaarray si uu hore ugu dhaqaajiyo xiriirka labo geesoodka ee labada dal si ay u yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan leh. Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa xiriirkaas si loo gaaro himilooyinka guud ee labada dal iyo labada dad ee saaxiibka ah. PUNTLAND POST The post Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada Soomaaliya oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Sweden appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo gudbiyay magacyada musharaxiinta 4-tii kursi ee ku harsanaa Senitorada Aqalka Sare ee laga soo doorto Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo soo gudbisay xubnihii ka harsanaa Senetorada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  7. Xoogagga Ahlusunna iyo Ciidamada Galmudug oo ay weheliyaan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku hor fadhiya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saddex jiho ka fadhiya Guriceel halka xoogagga Ahlusunna weli ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada. Ciidanka Ahlusunna ayaa sida wararku sheegayaan xalay dhaq dhaqaaqyo xooggan ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee Guriceel halkaas oo ay difaacyo adag ka dhigteen. Waxa xusid mudan in maalmihii u dambeeyay dad badan ay ka bara-kaceen Guriceel kadib markii ay korortay xiisadda u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee xiisadda Guriceel appeared first on Puntland Post.
  8. Kuuriyada Waqooyi ayaa ugu yaraan hal gantaal oo nuuca ballistigga ah ku ridday biyaha badda dhanka bari ee gacanka,sida ay ka dhawaajiyeen Kuuriyada Koonfureed iyo Japan. Saraakiil sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed.ayaa sheegay in mid ka mid ah gantaalaha ballistic -ga oo aan la garanayn la soo tuuray abbaare 10:17 subaxnimo manta ooTalaadado ah,wuxuuna tilmaamay in uu ka yimid agagaarka Sinpo. Kuuriyada Woqooyi waxay leedahay saldhig badda hoosteeda ah iyo sidoo kale qalab loogu talagalay tijaabinta gantaalada ballistic-ga ee badda hoosteeda ,iyadoo halkaasi hore uga soo tuurtay noocyo kale oo gantaallo ah. PUNTLAND POST The post Kuuriyada Waqooyi oo mar kale badda ku tijaabisay gantaallo ballistic ah appeared first on Puntland Post.
  9. Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay fatahaado ku dhuftay koonfurta Dalka Hindiya, kadib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen in wabiyadu ay buux -dhaafaan, isla markaana ay kala jaraan isu socodkii magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah. Shan carruur ah ayaa ka mid ah dadka dhintay, waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada dhimashada ay intaas ka sii badato maadaama la’yahay. dad badan. Dad badan ayaa ku xayiran degmooyinka Kottayam iyo Idukki ee gobolka Kerala,waxaana jira Dhowr guri oo ay la tageen daadadka. Ciidamada Mileteriga Hindiya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa wada howlgal lagu daadgureynayo dadka,waxaana la sameeyay boqol xero oo kuwa gargaarka ah,sida uu sheegay madaxa Kerala Pinarayi Vijayan. PUNTLAND POST The post In ka badan 20 qof oo ku dhintay daadad ku dhuftay dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.
  10. In our recent series of articles on Somali past elections, it was explained how the flawed electoral law of 1958 (Legge N. 26, del 12 Dicembre, 1958) had paved the way for the ruling Party (SYL) to claim a landslide victory with 83 of the 90 seats in the Legislative Assembly. As a result of the restrictions imposed on the opposition parties, the political game was left open for the Lega leading the country towards one-party system. But while the Party was excited with the electoral victory, the SYL President, Aden Abdulla, was not in tune with the party’s mood. He preferred, instead, to see strong opposition taking part in the elections without hindrance. Commenting on the election results, he put the following entry in his Diary: ”I am glad of the victory of my Party, but, at the same time, I would have equally been glad had there been strong opposition and had the “Lista Unica” not been a product of fraud” (Diary Marzo 11, 1959) Source: Hiiraan Online
  11. Beledweyne (HOL)- Beledweyne's Ugas Khalif International Airport officially opened -its new terminal on Monday. Source: Hiiraan Online
  12. At least twelve million people in Kenya, Somalia and Ethiopia are in urgent need of food assistance following a prolonged dry spell and the expected short rain season. That’s according to the United Nations Food and Agriculture Organisation’s (FAO) Early Warning systems experts. Source: Hiiraan Online
  13. Garowe (HOL) -Puntland has suspended the training of federal government troops in Sool, Sanaag and Cayn regions at the military training college in Carmo, Bari region. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa maalmo dheeri ah doorasho la’aan sii jooga xukunka dalka, mana muuqato saansaan muujineysa in dhawaan la qaban doono doorasho taasi oo dheereeneysa maalmahaan ugu darsoomay muddo xileedkii loo dhaariyey ee sharciga ahaa. Shacabka waxay tirinayaan maalmaha Farmaajo u raacay afartiisa sano, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa kadib dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre. Tan iyo sanadkii 2000 Soomaaliya waxay yeelatay Shan madaxweyne, mana jiro madaxeyne doorasho ku qabtay muddo xileedkiisa ama mid ku jaangooya maalintii la doortay maalinteeda kale, madaxweyne kastana waxaa u raacay muddo dheeri ah. Hase yeeshee, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu hadda heystaa rikoorka madaxeynihii waqtiga ugu badnaa ee xilka hayey ama ugu xukunka dheeraa wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Shax xisaabeedka iyo maalmihii ay xilka hayeen Shantii madaxweyne ee Siyaad Barre ka dambeeyey 1- Cabdiqaasim Salaad Xasan Waxaa lagu soo doortay magaalada Jabuuti 27-kii Agoosto sanadkii 2000, wuxuuna xilka ka dagay 14-kii October 2004. Waxay ka dhigan tahay inuu madaxweyne ka ahaa dalka 4 Sano, 1 Bil iyo 17 Cisho 2- Cabdullaahi Yuusuf Axmed Waxaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya loo doortay 14-kii Bishii October sanadkii 2004, wuxuuna shaqada ka tagay 29-kii December 2008, taasoo ka dhigan inuu xilka hayey 4 Sano, 2 bilood iyo 15 maalmood. 3- Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh Shariif waxaa la doortay 31-dii January 2009, wuxuuna xilka ka tagay 10-kii September sanadkii 2012, taasoo ka dhigan inuu xilka madaxeynimo hayey 3 Sano, 7 Bilood iyo 10 cisho . Dowladdii uu madaxweyne ka ahaa dalka ma heysan muddo xileed afar sano ah sida dowladaha kale. 4– Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay 10-kii September sanadkii 2012, waxaana tartanka doorashada looga adkaaday 8 February 2017, wuxuuna xilka hayey 4 Sano iyo 5 bilood. 5 – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waxaa xilka madaxeynimo ee Soomaaliya loo doortay 8-dii February sanadkii 2017, welina ma uusan wareejin xilka, wuxuuna xafiiska joogaa 4 sano, 8 bilood iyo 10 Cisho. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidaas ku noqday madaxweynihii ugu xukunka dheeraa Soomaaliya tan iyo markii dib loo bilaabay dowlad-dhiska dalka sanadkii 2000. The post Farmaajo oo taariikh cusub u dhigay madaxdii soo martay xukunka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Wakiillada Beesha Caalamka e Soomaaliya ayaa galabta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxay kula shireen qadka Zoom-ka, iyagoo kala hadlay xaaladaha amni ee ku soo kordhay deegaanada maamulka Galmudug. Xog ay Caasimada Online ka heshay kulankaas dhex-maray Qoor Qoor iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa sheegaysa in arrimaha lagala hadlay Madaxweynaha Galmudug ay ka mid aheyd xaaladda kacsan ee magaalada Gurceel. Si qota dheer ayaa looga hadlay gulufka dagaal ee maamulka Galmudug uu qorsheynayo inuu ku soo ceshado gacan ku heynta magaalada Gurceel oo mudo ku dhaw bil gacanta ugu jirta xoogagga Ahlu-Sunna Waljamaaca. Ilo wareedyo qeyb ka ahaa kulankaas ayaa noo xaqiijiyey in xubnaha Beesha Caalamka ay Qoor Qoor kula taliyeen inuu sameeyo wax kasta oo looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Galmudug, gaar ahaan magaalada Gurceel, iyagoo ka digay in hadii uu dagaal qarxo uu saameyn ku yeelan doono dhinacyo badan oo geedi socoda doorashooyinka dalka ay ugu horeyso. Sidoo kale wakiillada Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha Galmudug ka dalbaday inuu deg deg u soo dhameystiro doorashada xubnaha Aqalka Sare, si loo bilaabo tan Golaha Shacabka, waxaana haatan Galmudug ku dhiman laba Senator. Magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa wajaheysa guluf dagaal oo aad u culus, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan in dhowr jiho ay kasoo kulaalayaan ciidamada Galmudug iyo kuwo dowladda federaalka ee Muqdisho laga soo daabulay. Dadkii ku noolaa magaalada ayaa u cararay dhulka miyiga ah iyo deegaanada fogfog, si ay uga badbaadaan hardanka colaadeed ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo Galmudug, maalmo badan ayaa la isku hor fadhiyey afaafka hore ee magaalada iyo deegaanada ku hareereysan, balse hada waxaa heerkii ugu sareeyey maraya filashada dagaal ka qarxa Gurceel saacadaha soo socda. The post Xog: Beesha caalamka oo soo faro-gelisay xiisadda Galmudug iyo Qoor Qoor oo hal arrin laga dalbaday appeared first on Caasimada Online.
  16. Maxfalka Shibis ee magaalada Muqdisho oo maanta lagu qabtay xuska munaasibadda dhalasha Rasuulka ayaa maanta lagu qabtay nin Soomaali ah oo wata calanka Shiicada. Ninkan la qabtay ayaa ka soo dhax muuqday munaasibad culimada maxfalka ay ugu dabaal dagayeen weyneynta maalinta uu dhashay Nabi Muxamed NNKH. Qofka la qabtay oo sitay calanka Shiicada ayaa sheegay in uu wakiil u yahay dadka shiicada ah ee ku sugan Soomaaliya. Ma ahan markii ugu horeysay oo la arko dad Soomaali ah oo sheganaya in ay yihiin shiico, tira dhowr jeer oo hore ah ayaa loo arkay dad sheegtay in ay ka tirsan yihiin shiicada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta daahfuray ‘kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga xukuumadiisa’ oo lagu dardar galinayo shaqooyinka wasaaradaha maamulkaas ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay. Axmed Madoobe ayaa sheegay in daadejinta adeegyada iyo hey’adaha dowliga ah ee Jubbaland uu dib u dhac weyn ku keenay khilaafka maamulkaas kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Farmaajo hoggaamiyo. “Waxaan u baahanahay inaan helno dowlad ka shaqeysa la noolaashaha wadamada deriska nala ah iyo aduunka intiisa kaleba, oo aan ilaalino sumcadda dowladnimadeena,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda uu diyaar u yahay, una diyaarsan yihiin qorshayaal lagu daadejinayo adeegyada dowliga ah ee deegaanada Jubbaland. “Waxaan diyaar u nahay inaan daadejino dowladnimada Jubaland, waxaan culeyska saareynaa Jubbaland oo sideedii hore ku soo noqota, ganacsiga aan furfurno, maalgashi aan keeno, oo aan dhisno Jubbaland caawi karta Soomaalida kale ee walaalaheeda ah,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Wasaaradaha kala duwan ee xukuumadiisa ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ka dalbaday inay la yimaadaan qorshe ay ku xaqiijinayaan la imaashaha adeegyada ay dadku ka sugayaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Axmed Madoobe oo shaaciyey saameynta uu ku reebay khilaafka Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  18. (SLT-Mekelle)-Shaqaalaha gargaarka iyo diblomaasiyiin, ayaa sheegay in weerar lagu ekeeyey xarunta gobolka Tigreega, ee magaalada Mekelle. Warbaahin ay maamusho jabhadda xoreynta dadweynaha ee Tigray, kuwaasoo dagaal ku jira dowladda federaalka ee Itoobiya, ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah lagu dilay, tobaneeyo kalana lagu dhaawacay laba weerar oo halkaasi lagu qaadey. Midowga Yurub iyo Mareykanka,ayaa ku booriyey dhinacyadda kulugta leh dagaalka iney ilaaliyaan xabad joojinta jirta, si loogga fogaado in gobolka ay ka dhacdo masiibo bani’aadannimo oo qaro weyn. Tani waa markii uggu horeysay ee colaadda kow iyo tobanka bilood socota, oo duqeyn xagga cirka ah laga soo sheego magaalada Mekelle. Dowladda ayaa beenisay iney wax weerar ah qaadey. Ka maqnaanshaha warbaahinta ee gobolka Tigray, ayaa ka dhigeysa wax addag in la xaqiijiyo jiritaanka warka soo baxey. Source
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxfalka Shibis ee magaalada Muqdisho oo ay ka socotay xuska dhalashada Nabigeena Muxammed (NNKH) ayaa maanta lagu qabtay Nin sitay calanka Shiicada, sida uu soo bandhigay maamulka maxfalkaas. Sheekh Cabdifataax oo kamid ah culimada madxafka oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in Ninkaas uu sheegtay inuu yahay Wakiilka Shiicada ee Soomaaliya, islamarkaana aan loo baahneyn in dalkeena Soomaaliya lagu faafiyo fikirka Shiicada. “Ninka aan maanta ku qabanay waan kulanay, waxay soo qaateen Camera iyo calankaas oo ay ku qoran tahay “Yaa Xuseyn”. Waxaa u sheegaya dadka Ahlu-Sunna Waljamaaca in aan raali ka aheyn balaayada kasoo dhex dhalaneysa mowlacyada,” ayuu yiri Sheekh Cabdifataax. “Ninka aan calanka ka qaadnay waxa uu afkiisa ka yiri waxaa ahay Wakiilka Shiicada ee Soomaaliya, Shiico miyaa u rabnaa Soomaaliya? oo umadda gaaleysiinaya, ma waxaasa qaadan karnaa, Culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca nahay ee dadka mowlacyada ku dhex dhuumaya waxaas soo qabta yaa la idinku dhex dhuuman.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Ninka maanta calanka lasoo dhex tagay munaasibada ka socotay Maxfalka uu mar hore dad u direy shirarka ka dhacaya Lubnaan oo u gaar ah Shiicada. “Marka isku imaano wuu na dhex imaanaya sawir ayuu ka qaadaya email ayuu ku diraya Lubnaan iyo Iiran oo uu leeyahay eega meesha ay Shiicada Soomaaliya mareyso, ma anaga nala gadanayaa?.” Sheekh Cabdifataax ayaa si weyn uga digay in mowlacyada Ahlu-Sunna ay ku dhex dhuuntaan dadka faafinaya Shiicada, ayna tahay in la iska dhex qabto, maadama uu sheegay in ay yihiin dad gaaleysiinaya muslimiinta. Ma aha markii u horeysay ee gudaha Soomaaliya lagu sheego dad faafinaya fikiro diimo kale ah, hase yeeshe waa markii u horeysay ee Nin sheeganaya in uu wakiil Soomaaliya ee Shiicada uu calan la dhex tago maxfal kamid ah kuwa dalka. The post Daawo: Caro ka dhalatay markii ‘wakiilka SHIICADA ee SOOMAALIYA’ lagu arkay Maxfal ku yaalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  20. London (Caasimada Online) – Booliska Britain ayaa labo maalin ka hor Nin Soomaali ah u qabtay inuu ka dambeeyey dilkii mindida loo adeegsaday ee xildhibaan David Amess, falkaasi oo hadal hayn badan dhaliyey. Wiilka Soomaaliga ah ee lala xiriirinayo dilka David, Cali Xarbi Cali ma aha Soomaaligii ugu horeeyay ee fal noocaas ah ku lug yeesha, gudaha dalkaas iyo magaalooyin kale oo kamid ah dalalka ree galbeedka. Marka laga soo tago dilka ugu dambeeyay ee dhacay 15-kii bishan October, waxaa jira kuwo kale oo rag Soomaali ah ay ku lug lahaayeen, waxaana warbixintaan ku eegeyna 4 kamid ah dilalkii ugu hadal haynta badnaa ee lugaha la galay dad Soomaali ah. 1. Dilka dhawaan loo geystay Sir David Amess: falkaan waxaa u xiran Cabdi Xarbi Cali oo loo haysto inuu toorey ku dilay xildhibaanka oo ka tirsanaa xisbiga asal raaca, ahaan mudane ka tirsan baarlamaanka Britain. Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii ninka Soomaaliga ee dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London. Falkaas ayay dowladda UK ku tilmaamtay mid argagixisanimo ah. Waxaa xusid mudan in Cali uusan horay ugu jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka gudaha UK ee MI5. 25 jirkan oo heysta dhalashada UK balse kasoo jeeda Soomaaliya ayaa lagu qabtay isla goobta uu dilka ka dhacay. Tan iyo maalintii Sabtida waxaa socda baaritaan ay boolisku ku hayaan kiiskan. 2. Dilkii 25-kii bishii June ka dhacay Würzburg ee dalka Jarmalka: Nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan oo Soomaali ah ayaa saddex ruux ku dilay magaaladaas, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas. Sida ay sheegeen xiligaas laamaha amniga in si rasmi ah loo ogeyn ujeedad ka dambeysa falkaas, waxayna gacanta ku dhigeen ninka la tuhunsan yahay oo 24 jir ah kaddib markii ay lugta ka toogteen. 3. Dilkii bartamihii bishii December ee sanadkii 2020-kii: Booliska Australia ayaa toogasho ku dilay nin asal ahaan Soomaali ah oo lagu tuhmay argagixisanimo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Raage Maxamed Cabdi. Saraakiisha ayaa xiligaas sheegay in Rage Maxamed Cabdi uu sameeyay wax ay ugu yeeren “hanjabaad dhanka afka ah”, inkasta oo qareennadiisa ay sheegeen in uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan. Raage oo 22 jir ahaa ayaa markii la dilayay ku hubeysnaa toori sida uu tabiyay telefishinka ABC ee fadhigiisu yahay Australia. Laamaha amaanka oo ay soo wargaliyeen dad shacab ah ayaa ninkaas kula kulmay waddo mashquul badan. 4. Baxsadihii UK ee 2010-kii: Ilaa hadda waxa ay booliska Britain ku howlan yihiin raadinta nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Cige, kaasi oo loo haysto dilka Aamir Siddiqi oo xiligaas ahaa 17 jir, wuxuuna 11 sano ka hor ka dhacay gudaha UK. Maxamed ayaa la rumeysan yahay in uu jiro 43 ayaa markii hore u cararay dalka Hindiya, isagoo ka baxsanayay booliska Wales oo ku raad joogay, waxaana sanadkii xigay ee 2011-kii lagu xiray gudaha Hindiya, isagoo loo haystay tuhun la xiriira dil. Hase yeeshe Cige ayaa baxsaday sanadkii 2017-kii xilli ay booliska Hindiya isku diyaarinayeen inay u soo gacan galiyaan booliska UK, oo illaa hadda ku howlan soo gacan gelintiisa. Si kastaba, Dilalka ka dhaca dalalka reer galbeedka waxaa sidoo kale dhibanayaal u noqday dhallinyaro badan oo Soomaali ah, taasi oo sababtay in waalidiinta qaarkood ay wiilashooda u diraan Soomaaliya, si ay uga fogeeyaan dambiyada lagu geysto mindiyaha iyo isticmaalka daroogada. The post Afar weeraro dhimasho leh oo rag Soomaali ah ay dalalka reer galbeedka ka geysteen appeared first on Caasimada Online.
  21. 1. Mubashir Dubad raage, xafiiska Nabadgaliyada = Jidwaaq ( Abaskuul) 2. C.raxmaan Axmed Xasan, Xafiiska Maaliyada. = Ogaadeen ( Ree Cabdile ) 3. C.raxmaan iid Dahir, xafiiska hor Mag& dhismaha. Isaaq ( Sacad Muse ) 4. Dr. xuseen Qasim, xafiiska Madaxwaynaha = Ogaadeen ( Ree Isaaq) 5. Maxamed Faatax Maxamed xafiiska Waraabka. = Ogaadeen ( Bah-gari) 6. Xasan Muxumed (daadhi), xafiiska biyaha= Jidwaaq ( Bartire ) 7. C.laahi Adan Laag, Xafiiska waxbarashada = Ogaadeen ( Cabdale ) 8. Subeer xuseen, xafiiska horumarinta xoolaha = Ogaadeen ( Digoodi ) 9. Dayib Axmed Nuur, xafiiska M’linta& warshadaha= Ogaadeen ( Cawlyahan) 10. Maxamed Naaji, xafiiska Dakhliga= Mogadishu Clan 11. Dr C.qaadir iimaan, xafiiska beeraha= Sheekhaas 12. Eng. Sadaam, xafiiska jidadka= Ciise 13. Axmed yaasiin sheekh ibraahin, xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka= Ogaadeen ( Makaahiil) 14. Ibrahin Maxamed Amaan, xafiiska arrimaha bulshada= Ogaadeen ( Ree Cabdile ) 15. C.qaadir rashiid Ducaale, xafiiska warfaafinta= Gure 16. Eng Muxiyadiin Xafiiska ilaalinta deegaanka= Qalaafo. 17. Warsan Cawil Muxumed, xafiiska adeegbixinta= Isaaq ( West Burco Clan ) 18. Faadumo deeqa, xafiiska curinta iyo sayniska= Gari 19. Xuseen gaydh, xafiiska Xirfadaha iyo shaqo abuurka= Awdal Clan 20. Maxamed sheekh aadan, xafiiska qorshaynta= Ogaadeen ( Maalinguur) 21. Maxamed ismaaciil, dhaqanka iyo dalxiiska = Ogaadeen ( Cawlyahan) 22. Malow ibraahin, xafiiska ganacsiga= Gare 23. xaliimo xasan, xafiiska arimaha Haweenka= Yabaree 24. Khadra Maxamed, xafiiska macdanta& shidaalka= Ogaadeen ( Ree amaadin) 25. Axmed xaaji, xafiiska cadaalada= Majeerteen 26. Dr. muuse, xafiiska caafimaadka= Ciise 27. Maxamed Mahdi, xafiiska dhalinyarad iyo ciyaaraha= ? Waxa Diyaariyay Mohamed H Muse Source
  22. EUCAP’s Field Office Hargeisa has recently supported Somaliland Coast Guard (SLCG) training capacities by donating a training facility called a ‘Ship-In-A-Box’ to their base in Berbera. ‘Ship In A Box’ is an on-shore law enforcement training facility. The structure of the facility imitates the bridge of a ship. It allows law enforcement agencies to train on boarding procedures in order to conduct inspections aboard merchant ships. The purpose of this facility is to enable SLCG’s Vessel Boarding Search and Seizure (VBSS) training, which is required for performing Coast Guard tasks and responsibilities at sea. The facility’s similarity to a typical ship, and accessibility, allows the SLCG to enhance its operational capacity to perform merchant ship inspections at sea. Colonel Ali Hassan, representing the Somaliland Coastguard Admiral, was present at the handover event. EUCAP was represented by Mr. Georg Guentelberg, Deputy Head of Operations, and Mr. Kenneth Neijnes, Field Office Hargeisa’s Head of Maritime Security and Coast Guard Unit. “It will allow our officers to develop our training levels so that we can enhance our abilities to operate in our area of responsibility. I would like to thank EUCAP for their consistent support to us and for working with us to improve our effectiveness,” said Colonel Hassan. Georg Guentelberg emphasized EUCAP’s continuous commitment to support SLCG. “The training and development initiatives and associated facilities, such as this Ship-In-A-Box, that EUCAP continues to jointly implement with the SLCG, particularly here at Berbera, ensures continuous development of the SLCG”, said Mr. Guentelberg. Using this training facility, the SLCG will be upskilled in current and best practice VBSS procedures. The training facility is part of EUCAP Field Office Hargeisa’s ongoing training program to strengthen the SLCG’s capabilities. Qaran News
  23. (SLT-Jigjiga)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Somaallida Itoobiya kaga qayb galay munaasibad lagu dhaarinayay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomallida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar oo dib loo doortay. Waxa sidoo kale la dhaariyay Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dawlad Deegaanka oo loo doortay gabadh. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadda ayaa Dawlad Deegaanka iyo shacbigeeda gaadhsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu ugu hanblayeeyay madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka xilka loo dhaariyay. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in markii ay dumeen kelitalisyadii macangaga ahaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee dib loo xorreeyay Somaliland iyo Itoobiyaba, uu wanaagsanaaday xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaana uu xusay in xidhiidh iskaashi oo fiicani uu illaa hadda ka dhexeeyo labada dawladood. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr. Saylici ayaa kula dardaarmay shacabka iyo Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya inay illaashadaan wada jirkooda isla markaana ay garab istaagaan dawladdooda, isagoo Alle uga baryay in qaybaha kale ee waddanka ee dhibtu ay ka taagan tahay nabad lagu soo dabbaalo, waxaaana uu xusay in Itoobiya oo wayxeellawdaa ay tahay Somaliland oo waxyeeloo soo gaadhay. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu baaq u diray Madaxda cusub Ee Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya, baaqaas oo ahaa inay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo horumarka bulshada Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya. Source