Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. SIDEE AYEYNU DAWLADNIMADA UGA ILAALIN KARNAA DAD DANO GAAR AH LEH OO KU DHEX SHAQEYSTA ( DEEP STATE ). ( Marka laga hadlayo afkaaro iyo siyaasad waxa laga yaabaa dad badan oo aad taqaanay in aydaan is garan ) Dunida casriga ah nidaamyadii dawladuhu waxa ay u sii guranayaan xaga danaha dad kooban oo nidaamka dawladnimo ugu shaqeysta sida ay rabaan kuna dhex beerta dad uga shaqeeya masaaliixdooda iyo danahooga. Waxaa dhici kara kooxahaasi in ay wataan tusaale fekarada xagjirka ah , si hadaba aan loo dareemin waa in ay bulshada nooc walba dhex galaan , siyaasaduna waa yoolkooga koowaad , waxa suuragal ah in ay dawladnimada si dadban ula wareegaan. Waxaa jira dad leh yool dhaqaale urursi iyo ganacsi oo fursad ka dhex raadinaya nidaamka dawladnimada si ay ugu sahlanaadaan wax badani , shuruucda dalka sida ay rabaan u dhigtaan oo waxii umadu ay wada lahayd looga faaiideysto si gaar ah. Sidoo kale waxaa jiri kara kooxo dano siyaasadeed oo mustaqbal fog ah leh oo iyaguna cid u sahasha yoolashooda mustaqbalka fog ku sii dhex beerta nidaamka dawladnimo, waana wax jira oo inta badan dunida casriga ah ee afkaaraha kala tagsani abuurtay oo aan qariib ku aheyn caalamka. Dawladnimadu waa hab maamul iyo kala dambayn ay umadi sameysato oo leh xeerar iyo shuruuc lagu kala socdo , ujeedada guudna ay tahay in ay ilaaliso masalaxada iyo danaha guud ee dalka iyo dadka , waxii intaasi ka duwan ee loo adeegsadaa waxaa uu noqonayaa nidaam ka dhex dhisan waxii umadu sameysatay ( deep state ) oo leh aragtiyo qorsheysan iyo mabaadii ka duwan kuwa qaranka ( conspiracy theories and ideologies). Kooxaha noocan ah waxa lagu dhex beeraa xisbiyada siyaasada, shaqaalaha dawlada iyo ciidamada, umadii aan soo jeedin ee aan lahayn foojignaan dheeraada waxaa dhacaysa in dawladnimada ay afduubaan kooxo dano gaar ah leh , ama fulinaya dano dawlado kale watana afkaaro ka gedisan kuwa dadka dalku aaminsan yihiin. Haddaba marka laga hadlayo afkaaro iyo siyaasad dad badan oo aad nolosha caadiga ah isku taqaaneen ayaa laga yaabaa in aydaan is garanayn , sababta oo ah aqoonta dhabti ahi muuqaalka maaha ee waa qofku waxa uu aaminsan yahay. Arimahani waxa ay halis ku yihiin ciidamada qaranka ee kala duwan , shaqaalaha iyo dhamaan unugyada bulshada waxaana tusaale wanaagsan inoo ah hadii ay inaga dhex abuurmaan in sida Somalia oo kale dalka cilankiisa la saari waayo , awood iyo xeelad la isaga caabiyo na la waayo. Madaxda qaranka , aqoonyahanaka, iyo waxgaradka bulshada waxa saaran in ay il gaar ah kula socdaan dawladnimada iyo hawlaheega oo ah dhaxalka qudha ee ay dadka dalku wada leeyihiin in si dhab ah loogu ilaaliyo oo loogu hagaajiyaana waa waajib dastuuri ah oo saaran qofwaliba oo xilkas ah. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  2. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo qaabilay madax ka socotay Hay’adda UNSOM. 28/11/2021-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, oo uu wehelinayay lataliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, ayaa Isniinta maanta xafiiskiisa ku qaabilay, masuuliyiin ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlgalada Somaliland iyo Soomaaliya ee (UNSOM) oo ay hoggaaminaysay madaxa ilaalinta xuquuqda Aadamaha ee UNSOM, marwo Kurstan Young oo ay wehelinayeen Sea Mawalla iyo Axmed Cismaan Jaamac oo ah saraakiil dhanka xuquuqda aadamaha ah. Ugu horayn kulanka ayaa ku bilaabmay is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga ka dhexeeya hay’adda UNSOM iyo Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan waaxda garsoorka dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa masuuliyiinta uga waramay sida garsoorka dalku ahmiyad gaar ah u siiyo arrimaha la xidhiidha xuquuqda aadamaha, waxaanu xusay in doorka ugu weyn ee garsoorka dalku bulshada ugu jiraa yahay ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo helida xaqa ay baadi-goobayaan muwaadiniintu. Sidoo kale waxa uu tibaaxay in adeeg garsoor, oo hufan laga hirgaliyay dhammaan deegaanada dalka. Geestooda masuuliyiinta ka socday hay’adda UNSOM ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorka iyo hay’adaha la hal-maala ugu jiraan arrimaha la xidhiidha xuquuqda aadamaha. Marwo Kurstan Young madaxa ilaalinta xuquuqda aadamaha ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlgalada Somaliland iyo Soomaaliya (UNSOM), ayaa Maxkamadda Sare uga mahadcelisay doorka iyo wada shaqaynta fiican ee ay ka qaadato, dacwadaha la xidhiidha arrimaha xuquuqul insaanka iyo dadka nugul, waxaanay tibaaxday in ay geestooda xoojinayaan xidhiidhka ay la leeyihiin hay’adda garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxa Waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare JSL Ibraahin Maxamed Cali Wa bilaahi tawfiiq Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo maanta ay yeeshen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Roobe iyo Xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka, ayaa waxaa laga gaaray is faham hordhac ah. Midowga Musharaxiinta ayaa walaac xoogan ee ay ka qabaan daah-furnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay iminka wax u socdaan la wadaagay ra’iisul wasaare Rooble. Sida uu shaaciyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa la isla qaatay labo qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; 1. In wax laga bedelo hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, shirna iskugu yimaadan Golaha Wada-tashiga Qaranka. 2. Guddiyada doorashada inay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashooyinka. Rooble ayaa la wadaagay Musharaxiinta Mucaaridka warbixin ku aadan dadaalka uu ugu jiro sidii ay dalka uga hirgeli laheyd doorasho daah-furan oo xor iyo xalaal ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u sheegay xubnaha mucaaridka in Guddiyada Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal uu u qabanayo shir foogaan arag ah kaas oo lagaga hadlaayo daah-furnaata doorashada. Waxa uu ballan-qaaday in lala xisabtamaayo cid kasta oo ku xad-gudubta hufnaanta doorashada, xili ay isa-soo tarayaan ku takri-fal awoodeed iyo xadgudbyo baalmarsan heshiisyadii doorashada. Ugu dambeyntiina waxaa la isla qaatay in si wadajir ah looga shaqeyo in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan, islamarkaana loo saxi lahaa qaladaadka jirra. The post DEG DEG: Qodobo kasoo baxay shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  4. The new Somali movie “Ayaanle” follows the story of a young actor in Nairobi with aspirations to reach Hollywood and emulate Denzel Washington. However, destiny has a distinctive path planned for him and he’s only ever cast as a pirate or terrorist. “I only have two lines,” the character – whose name, Ayaanle, is also the film’s title – complains bitterly. “‘I kill you’ and ‘Allahu Akbar’.” The new 90-minute film, due for release in February, follows the success of “The Gravedigger’s Wife.” The newly refurbished National Theater in the Somali capital Mogadishu showed the trailer for “Ayaanle” trailer this week. The story is set in Nairobi’s suburb of Eastleigh, home to many Somali families. Ayaanle is played by Somali-American actor Barkhad Abdirahman, who was in Academy Award-nominated films “Captain Philips” alongside Tom Hanks, and “Watu Wote” made in Kenya. As the story begins, Ayaanle finds the American accent he has cultivated means he’s charged more in the routine shakedowns from cops in his neighborhood – they think he’s been living abroad so he must have money. To recoup the bribe, he impersonates a member of Somalia’s al Qaeda-linked al Shabaab insurgency to scam $500 from a gullible Western journalist. But police recognize his TV interview and he becomes entangled with an elite anti-terrorism unit whose banter is as slick as their suits. Somali-Dutch director Ahmed Farah wrote the movie based on scams he saw while working as a news cameraman for networks like Al Jazeera and Britain’s Channel Four. He says a few Eastleigh residents routinely impersonated pirates for reporters. “I heard a lot of interesting stories – stories that you hear when the camera is off,” said 43-year-old Farah, who used to shoot videos for MTV. Farah said it took him eight years to write, finance and shoot the film, which at times was such a strain that his blood pressure rocketed and he fainted. With funding from Somali businesspeople and other donors, shooting finally began in November 2019 but Farah soon ran out of cash. Work on the film briefly resumed in 2020 until Kenya went into lockdown due to COVID-19. When they could finally restart eight months later, Abdirahman broke his rib in an accident, and other actors showed up looking different after months of lockdown, sporting new hairstyles or having put on weight. But there were upsides too: the Eastleigh community rallied around the film, donating refreshments, or homes to use as sets. The police offered cars, unloaded guns and set security. They let Farah into the local jail so he could build a replica set – memorably portrayed when a community elder gets propositioned by a sequin-clad sex worker when trying to bail out Ayaanle. Most of the crew and actors had experienced the kind of police harassment shown in the film, Abdirahman said, and many were nervous about publicly acting like terrorists – especially when police were around. “They said ‘If those cops have our pictures later when this film is done they will come and interrogate us and put us in jail’ – the same situation the main character Ayaanle went through,” Abdirahman told Reuters. Farah said that’s why he’s so excited by the blossoming of Somali cinema – and the chance to show more than pirates, refugees, militants and war. “We can always complain that the world is not telling the real stories of Somalia, but it’s us who needs to tell the stories,” he said. “We need to tell our stories not just to the world, but to ourselves.” The post ‘Ayaanle’ paves way for real stories of Somalia on screen appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si dadban uga hadlay xiisadda u dhexaysa dowladda uu hoggaamiyo iyo ciidamada PSF. Madaxweyne Deni oo maanta ka hadlay munaasabad ka dhacday Garowe ayaa yiri “markii haddii qofku soo galo gacanta dowladda sulux waa dhammaaday, maxaa yeelay haddaan gorgortan ka galno sharciga, marka dambana waxaan gorgortan ka gelaynaa dowladnimada”. Madaxweyne Deni wuxuu tusaale u soo qaatay dhacdo amniga la xiirtay oo hadda ka hor ka dhacday magaalada Gaalkacyo, taas oo markii dambe laga qaaday tallaabo ciidan. “…..In ay Gaalkacyo maanta ammaan hesho oo is beddel ku dhaco waxaa saldhig u ahaa markii dowladdu tallaabo ka qaaday kuwii sharciga ku xadgudbay” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Muuqaal: Hadalka Madaxweyne Deni Magaalada Boosaaso ayaa maalmahan waxaa ka taagan xiisad u dhaxaysa dowladda Puntland iyo hoggaanka ciidanka PSF, iyadoo magaalada Bosaaso laga dareemayo dhaqdhaqaayo ciidan. Xiisadda ayaa ka dhalatay markii dhawaan uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni xilkii ka qaaday agaasimihii hay’adda PSF, uuna magacaabay agaasime cusub. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si dadban uga hadlay xiisadda dowladda iyo PSF appeared first on Puntland Post.
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay tallaabadii ay maanta ku dhaqaaqeen Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo u goostay dhanka PSF, oo si weyn isku hayaan madaxweynaha. Saciid Deni ayaa ku hanjabay in uusan marnaba cid kala gorgortami doonin ilaalinta sharciga, isagoona sheegay in ciidamadaas ay ka ciqaab weyn yihiin dadka shacabka, haddiii ay jabiyaan sharciga ciidamada. Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in cidkasta ay sharciga ilaaliso, weliba si gaar ah Ciidamada kala duwan ee Puntland oo ka dhawaajiyey in dhismahooda waqti badan ku bixiyay maamulku. “Waxa Puntland ay Ciidamada u dhiseyso oo dhaqaalaha u gelineyso waa in sharciga uu sareeyo, waxaan u dhaartay waa ilaalinta sharciga, midaasna cid aan kala gorgortamayo ma jirto,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Waxaa uu intaas kusii daray in dowladnimadu ay tahay ciidan hadii la waayana ay dhaceyso fowdo ayna meesha ka baxeyso dowladnimada, isla markaana muhiim ay tahay in dal walba uu yeesho Ciidamo sharciga ilaaliya. Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imanaya kadib markii ay maanta Askar ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland ay ka soo baxeen difaacyada aaga Kalabeydh una wareegeen dhinaca ciiidamada PSF oo uu khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa waxay sheegeen inay difaacyada uga soo baxeen duruufo kala duwan iyo in xukuumadda Deni ay dooneyso inay ciidamada iska horkeenaan. Saraakiisha ciidamada PSF ee ciidamadaan soo dhaweeyay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan ciidamada kale ee Puntland oo hal cadaw ay leeyihiin, islamarkaana ay soo dhaweeynayaan ciidamo kasta oo dhankooda soo aadaya. Xiisada ciidamada PSF iyo Saciid Deni ayaa ka bilaabatay xil ka qaadista uu madaxweynaha ku sameeyay Agaasimihii ciidamadaas Maxamuud Cismaan Diyaano, taasi oo ay si adag uga horyimaadeen ciidamada PSF. The post DEG DEG: Deni oo hanjabaad culus kasoo saaray tallaabadii ay qaadeen ciidamada daraawiishta appeared first on Caasimada Online.
  7. Wiil Soomaali ah oo 4-jeer Addoon ahaan loo kala iibsaday+Halka lagu kala iibsaday & Sababta Maxamed Cabdiraxmaan oo Liibiya ka soo laabtay Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay tahriibayaal Soomaalida oo laga soo daayay xabsiyada Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay. Wuxuu BBC-da uga warramay rafaadka iyo dhibaatadii uu ku maray intii uu Liibiya joogay. Maxamed ayaa sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya. “Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsady, mar la iga bixiyay $5,500, mar la iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la iga bixiyay” ayuu yiri Maxamed Tahriibayasha ayaa doonaya in ay Liibiya uga sii gudbaan dalalka Yurub. Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Dalka Liibiya waxaa ku xiran ama tahriib sugayaal ah boqolaal Soomaali ah oo doonaya in ay dalkaasi uga sii gudbaan dhanka Taliyaaniga. Dadkan xiran waxay isugu jiraa kuwa xabsiyada dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan. Doon ay saaran yihiin tahriibayaal Maxamed ayaa xusay in ciaqaab kala duwan la marsiiyo muhaajiriinta la afduubay. “Ciqaantu way kala duwan tahay. Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa,xerooyiin usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa” ayuu intaa ku daray Maxamed. Baxsashadii Maxamed Mohammed Abdirahman Mohamud ayaa sheegay inuu kooxdii u dambeysay ee afduubka u haysatay uu si lama filan ah uga soo baxsaday. “Markii salad subax la tukaday intaan iska dhigay wax suulida aadaya ayaan aayar albaabka iska furay dabeedna gidaar dheer ayaan ka booday” ayuu yiri Maxamed. Maxamed ayaa sheegay in markii uu gidaarka ka booday uu suuxsanaa muddo 20 daqiiqo ah balse waxaasi oo dhan ay uga darnaayeen in dib ugu laabto gacanta kooxdii haysatay. “Markii dambe waxaan is iri xanuunkan lagaaga daran, aniga oo si daciifnimo ah ku kacaya oo gidaarada cuskanaya ayaan is iri sidan haddii laguugu soo gaaro xaaladaada way cuslaanaysaa”ayuu yiri Ka dib markii uu sii lugayanay muddo laba saacadood ah ayuu gaaray magaalo yar halkaa oo uu masaajid ku yaalla ku noolaa muddo lix bari ah. Waxaa dabadeedna u suuragashay inuu Tripoli gaara halkaasi oo uu la xiriiray safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya. Waxa uu sheegay inuusan mar dambe tahriib ku laaban doonin, balse uu rajeynaya inuu fursado shaqo ka hela dalkiisa, dibna ugu laabto waxbarashadii uu markii hore ka tagay. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta qabtay doorashada kursiga uu muranka badan ka taagan yahay ee HOP#103, kaas oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Doorashada kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan oo helay 78, halka musharax Mukhtaar Cali Ibraahim oo la tartamay uu isna helay 18 cod, sidoo kale waxaa halaabay 4 cod, sida uu sheegay guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed. Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida aadka ah ugu dhow Lafta-gareen, oo xulafo siyaasadeed yihiin Farmaajo. Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shalay ku dhawaaqay in la hakiyey doorashada kursigaas, inkasta oo Koonfur Galbeed ay ku gacan seertay go’aankaas, ayna maanta qabatay doorashada, taas oo uga sii dareysa muranka ka taagan kursigaas. Haddaba, Maxay ka dhigan tahay in Jawaari laga reebo tartanka, lagana tuuro kursiga HOP#103? Sida ay qabaan fallan-qeeyayaasha siyaasadda qaarkood arrintan ayaa ah farriin culus oo uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullahai Farmaajo u diray mucaaradka oo ah inuu ka dagaalami doono inay dib u soo laabtan siyaasiyiintii ay is hayeen. Jawaari ayaa xilka laga tuuray 9-kii April 2018, kadib markii ay isku dhaceen Farmaajo. Waxaa xiligaas booskiisa la wareegay Maxamed Mursal oo saaxiib dhow la’ah Farmaajo, haddana dib usoo laabtay. Keliya ma aha Jawaari waxaa sidoo kale ayagana qorshahaan ku bixi doona siyaasiyiin si weyn u mucaarada Farmaajo, haddii aan wax laga bedelin qaabka ay hadda u socoto doorashada Aqalka Hoose. Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadda cadaadis aan caadi aheyn kala kulmaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Lafta-gareen, si ay uga reebaan doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya. Villa Somalia ayaa ka hor istaagtay Shariif inuu difaacdo kursigiisa madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed sanadkii 2018-ka oo lagu qasbay inuu ka haro tartanka, sidoo kalena hadda waxay rabtaan inay ka wareejiso kursiga xildhibaanimo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Midowga Murashaxiinta ayaa horey u sheegay in haddii Farmaajo uu ku guuleystay inuu hor-istaagay murashaxnimada xildhibaanimo ee Jawaari, uu sidoo kale isna u diidi karo inuu madaxweyne isku sharxo. “Haddii Jawaari loo diiday shahaado tartan xildhibaan, sideen aniga mida tartanka madaxweynaha ku helayaa?,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdisakuur. “Haddii Farmaajo horay waxba u xeerin ee uu labo Guddoomiye Baarlamaan midna xilka ka tuuray, kii kalana Villada ka soo cayrsaday, labo Raysalwasaare midna xilka ka tuuray, midna la dagaalay, haddana dib u ceshaday. Haddii uu xildhibaano u diiday in ay Baarlamaanka soo galaan, Mucaaaradkii iyo madaxdii dalka uga horreysay xabbad iyo weerar ku simay.” Doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay dalka ayaa waxaa kusoo baxay saaxiibo si weyn ugu dhow Farmaajo, kuwaasi oo loo doortay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka go’an in sidii ay doonto ha ku dhammaatee uu awood ku maquuniyo doorashada. Si kastaba, Mucaaradka oo fahamsan in sida wax ku socdaan haddii laga bedeli waayo uu sidaas markale kursiga ugu sareeya dalka ugu soo laabanayo Farmaajo, ayaa bilaabay dadaalo culus oo wax looga badalayo hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka. The post FARMAAJO oo farriin culus mucaaradka ugu diray sida loo tuuray Prof. JAWAARI appeared first on Caasimada Online.
  9. Boosaaso (caasimada online) – Askar ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland kuwaas oo sheegay in ay ka soo bexeen difaacyada aaga Kalabeydh una wareegeen dhinaca ciiidamada PSF oo uu khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa waxaa ay sheegeen inay difaacyada uga soo baxeen duruufo kala duwan iyo in xukuumadda Deni ay dooneyso inay ciidamada iska horkeenaan. Saraakiisha ciidamada PSF ee ciidamadaan soo dhaweeyay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan ciidamada kale ee Puntland oo hal cadaw ay leeyihiin, islamarkaana ay soo dhaweeynayaan ciidamo kasta oo dhankooda soo aadaya. Dhanka kale, duqa magaalada Boosaaso Cabdullaahi Deero-dile oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Boosaaso ayaa sheegay iney jiraan ciidamo daacad u ahaa agaaismihii xilka qaadista lagu sameeyay, kuwaasoo haatam u soo goosanaya dhanka Maxamed Amiin, oo ah sarkaalka uu Siciid Deni u magacaabay inuu hoggaamiyo ciidamada PSF. “Ciidamo badan oo PSF ah ayaa ku biiray garabka agasimaha cusub madaxweynaha magacaabay,” ayuu yiri duqa magaalada Boosaaso Cabdullaahi Deero-dile. Xaaladda magaalada Boosaaso ma fadhiso, ciidan badan ayuuna Saciid Deni dhankiisa geeyey. Maalin kahor waxaa halkaas tagay wasiirka amniga ee Puntland Cabdisamad Gallan iyo taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland. Dooda ugu weyn ee hadda taagan ma ahan xil ka qaadista ee waa xilliga ay kusoo aaday. Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo 16 kursi oo taalla magaalada Boosaaso oo golaha shacabka ah, laakiin haddii uusan helin ciidanka PSF waxaa la isku raacsan yahay inuusan boobi karin kuraastaas. Halkaan ka daawo muuqaalka ciidamada soo goostay The post Daawo: Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo u goostay dhanka PSF iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  10. Hay’adda PSF ayaa soo bandhigtay askar ka tirsan Ciidamada difaaca Puntland oo sheegay in ay ka soo goosteen dowladda. Sarkaal ka tirsah Ciidanka ka goostay dowladda oo warbaahinta kula hadlay xarunta hay’adda PSF ayaa sheegay in ay yihiin 86 askari oo kamid ahaa Daraawiishta Puntland. Sarkaalkaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ay PSF ku biireen kadib markii ay garowsadeen in aysan xabbad ku ridin saaxiibadooda. Warkan ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii dowladdu sheegtay in hay’adda PSF garab kamid ah u galay Agaasimaha cusub Amiin Xaaji Khayr. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Hay’adda PSF oo soo bandhigtay ciidamo ka goostay Daraawiishta Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Andy Tsege was freed after pleas from Philip Hammond and Jeremy Corbyn and has recently been urging soldiers to resort to ‘savage cruelties’ A British citizen who was released from death row in Ethiopia after a high-profile government lobbying effort has been accused of telling soldiers to carry out genocide in the East African nation’s bloody civil war. Andargachew Tsege, an Ethiopian-born UK citizenwho was freed after pleas from Philip Hammond and Jeremy Corbyn, urged soldiers to resort to “the most savage of cruelties”, in a speech seen by The Telegraph. “I tell you, you must not hesitate from resorting to the most barbaric of cruelties when you face them,” he said, referring to the ethnically Tigrayan opposition army that is advancing on the capital, Addis Ababa. “You must be merciless, you must act beyond what our [ethnic] Amhara or Ethiopian cultural values permit,” Mr Tsege, a top government advisor dressed in army fatigues, yelled at a cheering crowd which included armed fighters. Mr Tsege’s inflammatory rhetoric comes at a time when ethnic Tigrayans are allegedly being rounded up into concentration camps and murdered. It has been widely interpreted as a call to kill Tigrayan civilians. “It is genocide incitation against Tigrayans. It adds to the list of similar public incitements by public figures of the regime in Addis [Ababa],” said Mehari Taddele Maru, a professor at the European University Institute in Florence. “What is more baffling is the international community’s, including UK’s and US, silence to genocidal incitement and war by their nationals.” Tens of thousands of people have died since the war between Ethiopian federal and allied troops, and fighters from the northern country’s Tigray region broke out late last year. Now the prospect of the ancient nation of 115 million people breaking apart has alarmed observers who fear what would happen to the already fragile Horn of Africa. The British man’s outburst comes after the country’s Nobel Peace Prize-winning Prime Minister Abiy Ahmed was filmed in army gear surrounded by soldiers on what he claimed was the frontline. Andy Tsege is pictured returning to the UK in 2018 In 2015, Mr Tsege, an Ethiopian-born UK citizen was at the heart of a diplomatic feud between Addis Ababa and London. The 66-year-old is an opposition leader who first fled Ethiopia in the 1970s after the country’s old Marxist dictatorship murdered his brother. The UK granted him asylum in 1979 and he went on to study the works of the German philosopher Immanuel Kant at the University of Greenwich. Later he married in the UK, fathered three children and was granted full UK citizenship, voiding his Ethiopian citizenship as the country does not allow dual nationality.In the 1990s, Mr Tsege returned to Ethiopia to work in opposition politics against the new authoritarian government which was dominated by ethnic Tigrayan elites.The Tigrayans are just one of more than 80 ethnic groups in Ethiopia but despite its small size, the group has played a huge role in Ethiopia’s modern history and dominated the country’s politics for almost 30 years up to 2018. Accused of organising a failed coup In 2009, he was accused of organising a failed coup and sentenced to death in absentia. Then five years later he was arrested by airport guards in Yemen and extradited to Ethiopia where he was put in solitary confinement on death row. Mr Tsege was dubbed “Andy Tsege” by parts of the British press. His plight was covered widely and his family appeared on Good Morning Britain and other major news shows, to advocate for his release. Jeremy Corbyn, Mr Tsege’s local MP, tried to lead a delegation to Ethiopia to secure his release in early 2015. Later, Philip Hammond, at the time foreign secretary, warned Ethiopia – one of the top recipients of UK aid – that the country’s relationship with the UK was being threatened by the treatment of Mr Tsege. Amnesty International and Human Rights Watch also campaigned heavily for his release. In 2018, he was pardoned by the newly appointed Prime Minister Abiy. He is believed to be an advisor to the Nobel laureate. According to ABC News in America, at the start of November, the US government is considering designating the Ethiopian federal army atrocities in the northern Tigray region over the last year as a genocide. Source: The Daily Telegraph The post Briton released from death row accused of inciting genocide in Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  12. Ra’iisul Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, kaas oo la sheegay in looga hadlay daahfurnaanta hannaanka doorashada dalka. Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharaxiinta oo ay ka wadahadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka”. Sidoo kale Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo ka qayb galay kulanka ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray ku yiri “Waxaan maanta kulan la yeelanay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo aan ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka ee sida dastuurka iyo habraacyadi lagu heshiiyey baal marsan ku socda”. Midowga Musharaxiinta ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in boob lagu hayo kuraastaa Golaha Shacabka, iyaga oo qaadacay sida ay u socdaan doorashooyinka, isla markaana dalbaday in doorashadu noqoto mid daahfuran oo xor iyo xalaal ah. PUNTLAND POST The post Maxay ka wadahadleen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta? appeared first on Puntland Post.
  13. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa maanta hakisay duuliimaadyada aadaya iyo kuwa ka imanaya dalalka Malawi, Zambia, Madagascar, Angola, Seychelles, Mauritius, iyo Comoros sababo la xiriira dillaaca nooc cusub oo ah fayruska cudurka COVID-19 oo lagu magacaabo Omicron. Warkan ayaa waxaa shaacisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Boqortooyada ayaa sidoo kale hakisay inay dalkeeda soo galaan dadka aan Sacuudiyaanka aheyn ee sida tooska ah ama aan tooska aheyn uga imanaya dalalka kor ku xusan, marka laga reebo kuwa dalal kale soo joogay wax aan ka yareyn 14 maalmood. Kuwaas loo ogol yahay inay soo galaan ayaa marka ay Sacuudiga yimaadaan ku qasbanaan doona inay is-karantiilaan shan maalmood, ayada oo aan loo eegi doonin inay ka tallaalan yihiin cuduka COVID-19 iyo in kale. Waxaa sidoo kale laga rabaa inay haystaan shahaado muujineysa inay iska baareen cudukra COVID-19 oo laga waayey. Go’aanka maanta ayaa yimid ayada oo Sacuudi Carabiya ay horey u joojisay duulimaadyada aadaya iyo kuwa ka imanaya toddoba dal oo Afrikaan ah, sababo la xiriira cabsida faafitaanka nooca cusub ee cudurka COVID-19. Toddobadaas dal ayaa ayaa kala ah; South Africa, Namibia, Botswana, Zimbabwe, Mozambique, Lesotho iyo Eswatini. Tani waxay tirada guud ee dalalka Afrikaanka ah ee ay Sacuudiga mamnuuceen duulimaadyadooda iyo dadka ka imaneya ka dhigeysaa 14. Nooca cusub ee COVID-19 oo Omicron ayaa dhowaan lagu arkay dalka South Africa, waxaana dalalka ay Sacuudiga mamnuuceen badankood ay yihiin kuwa deris la ah ama ku dhow dalkaas. Dalal badan oo caalamka ka mid ah, gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub ayaa sidoo kale joojiyey duulimaadyada South Africa iyo dalal badan oo ku yaalla Koonfur Afrika, sababo la xiriira cabsida laga qabo Omicron. Omicron ayaa lagu warramay inuu yahay nooc halis ah, oo xitaa ay adag tahay in tallaalka COVID-19 uu ka hortago, inkasta oo uu cusub yahay oo weli aan xog badan laga hayn. The post Sacuudi Carabiya oo dalkeeda ka mamnuucday dadka 14 dal oo Afrikaan ah appeared first on Caasimada Online.
  14. Click here to read more about this article Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa haatan kulan gaar ah la leh xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka, kaas oo looga hadlayo arimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Kulankan oo mid xasaasi ah ayaa waxaa Rooble ku wehlinayo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, sida wasiirka amniga, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo xubno kale. Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ah inta badan xubnaha midowga musharixiinta, waxaana horkacaya madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in wada-hadalladan diiradda lagu saarayo xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka bilowday ee dalka, siiba tan xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo Daahfurnaanta hannaanka doorashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble. Sidoo kale waxaa la filayaa in gaba-gabadii kulankan laga soo saaro go’aanno la xiriira doorashada, gaar ahaan cabashada kasoo yeereysay xubnaha musharixiinta mucaaradka. Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ee ka dhalatay doorashooyinka 2021-ka waxaana dood iyo tabasho ay ka taagan tahay qaabka ay ku billowdeen doorashooyinka. The post Wada-hadallo xasaasi ah oo u socda R/W ROOBLE iyo Midowga Murashaxiinta appeared first on Caasimada Online.
  16. Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeyay doorashada kursiga HOP#189. Kursigaan tirsigiisu yahay HOP#189 ay ku tartamayaan Shekh Aadan Mahamed Nuur “Madoobe” iyo Hassan Ali Mahamed. Shekh Aadan Mahamed Nuur “Madoobe” oo ku guuleystay kursigan ayaa helay codad dhan 63 cod, halka musharax Hassan Ali Mahamed uu helay 11 Cod. Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#189 oo uu ku guuleystay Shekh Aadan Mahamed Nuur “Madoobe” . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Puntland ahna duqa degmada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deera-dile) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan dowladda iyo hay’adda PSF. Cabdiqani Deera-dile ayaa sheegay in Ciidanka PSF laba garab u kala jabeen islamarkaana garab kamid ah ku biiray dhinaca Agaasimaha cusub Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr halka garabkii kale weli la joogaan Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano. Hay’adda PSF weli kama jawaabin warka ka soo yeeray duqa Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo ku saabsan in Ciidanku laba garab u kala jabay xilli ay taagantahay xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimaha hay’addaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in hay’adda PSF laba garab u kala jabtay appeared first on Puntland Post.
  18. Midawga musharixiinta xilka madaxweynanimada Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah xafiiskiisa kula qaadanaya ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Kulankan oo ay goobjoog yihiin madaxweynayaashi hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, Sheikh Shariif iyo Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan golaha midawga musharixiinta. Shirka ayaa looga hadlaya arrimo ku saabsan doorashooyinka golaha shacabka ee dalka ka socda, kuwaas oo midawga musharixiinta ay walaac xooggan ka muujinayaan sida uu Rooble u maamulayo doorashooyinka golaha shacabka. Midawga musharixiinta ayaa horay u sheegay in haddii aan wax laga badalin qaabka ay wax ku socdaan ay dhankooda qaban doonan doorasho bar bar socota midda Farmaajo iyo Rooble. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Qaar kamid ah Odayaasha degmada Dangoroyo oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa ka hadlay Xariga Cabdiraxmaan Axmed Siciid oo lagu xiray Garoowe. Cabdiraxmaan oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye ayaa maalin ka hor lagu xiray saldhiga Galbeed ee magaalada Garoowe. Odayaasha ayaa sheegay in Qoyska Cabdiraxmaan loo diiday in ay xabsiga ku booqdaan waxaana ay tilmaameen in aysan ka war-qabin xaaladda uu ku suganyahay. Dowladda ayay sidoo kale ka dalbadeen in ay xorriyaddiisa u celiso muwaaddinkaas ama maxkamad hor-geyso haddii ay jirto eedayn lagu haysto. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Odayaal ka hadlay xubin ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye oo Garoowe ku xiran appeared first on Puntland Post.
  20. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa ka socota doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, iyada oo goor dhow la doortay kursiga afaraad xubnaha baarlamaanka ee kasoo galaya dhanka maamulka Koonfur Galbeed. Kursiga doorashadiisa la qabtay ayaa ah Hop#103, kaas oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Doorashada kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan, wuxuuna helay 78, halka musharrax Mukhtaar Cali Ibraahim oo la tartamay uu isna helay 18 cod, sidoo kale waxaa halaabay 4 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee maamulka K/ Galbeed. Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida aadka ah ugu dhow Lafta Gareen. Qabashada doorashada kursiga iyo guusha Maxamed Cali ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan kursigan iyo cabashada Jawaari, taas oo gaartay guddiga doorashooyinka heer federaal oo shalay ku dhowaaqay in la hakiyey doorashada kursigaas, walow Koonfur Galbeed ay ku gacan seertay, iayna qabatay doorashada, taas oo uga sii dareysa dooda. Dhinaca kale doorashada ayaa haatan soo soconeysa, waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee kala ah HOP189 oo uu horay ugu fadhiyay Sheekh Aadan Madoobe, HOP041 oo uu ku fadhiyey Idiris Cabdi Dhaqtar & kursiga HOP042 oo ay horay ugu fadhisay Hani Maxamed Aadan. Koonfur Galbeed waa maamulkii 2aad ee guda-gala doorashada xubnaha Golaha Shacabka, waxaana ka horeeyey Galmudug oo iyana cabasha ay ka timid kuraasta qaar ee la doortay. The post Koonfur Galbeed oo qabatay doorashada kursiga Prof. JAWAARI- Yaa kusoo baxay? appeared first on Caasimada Online.
  21. Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeyay doorashada kursiga HOP#103 oo horay ugu fadhiyay Maxamed Sheikh Jawaari. Kursigaan oo ay kuwada tartameen musharixiinta kala ah Mohamed Ali Hassan iyo Mukhtar Ali Ibrahim, ayaa waxaa ku soo baxay Maxamed Cali Xasan. Mohamed Ali Hassan ayaa helay 78Cod iyo halka musharax Mukhtar Ali Ibrahim uu helay 18Cod, oo ka mid ah codadki la dhiibtay. Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#103 oo uu ku guuleystay wasiirka howlaha guud ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Cali Xasan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Dalka Shiinaha ayaa la wareegaya garoonka caalamiga ah ee Entebbe kadib markii la wariyey iney bixin weysay deynta ay ku dhisatay. Shiinaha ayaa 2015-kii waxaa uu $207 million amaahiyey Uganda si loogu ballaariyo garoonka diyaaradaha Entebbe oo magisteeda qaadaneysa 20 sano, laakin waxaa muuqata in sidii loo rabay ay ka dib dhacday, Uganda ay faraha ka qaaday ceymiskii ay gelisay, taasi oo keentay in lala wareego. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha dalwad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) Qaran News