Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo shi jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii uu dhawaan sheegay ee muranka badan dhaliyey. Boqor Buurmadow ayaa sheegay in fasiraad qaldan laga bixiyey hadalka uu sheegay kaasoo uu ku sheegay inuu ahaa hadal uu ka jeediyey kulan Beeleed isla markaasna wuxuu xusay inuu hadalkaas ahaa mid kaftan ah. ” Hadalkii aan dhawaan ka sheegay shirkii Beeleedka ahaa waxaa loo dhigay meel aan biyo dhiciisa aheyn waana la siyaasadeeyey” ayuu yiri Boqor Buurmadow. Wuxuu sheegay inuusan taageersaneyn cid kasta oo dhiigga dadka Soomaaliyeed daadisay haddii ay ahaan laheyd qaab diimeed iyo qaab kalaba. ” Waxaan joogay oo ka hadlayey waxay aheyd Qado Beeleed, madax dhaqanka marka ay isku yimaadaan way kaftamaan, kasftan Beeleed buu ahaa, wixii ehel ahaa ee dhibaato loogu geystay mid mabda’, mid diimeed, fikir cid aaminsan tahay oo aan aniga aamisaneyn lagu geystay, Qarax loogu sameeyey, la dhibay aad iyo aad ayaan uga xumahay, hadalkeyga ma uusan aheyn dhiiragelin aan ku taageerayo fikirka xagjirka ah mana u aqaan mid saxan” ayuu yiri. Boqorka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatadii hadalkii uu sheegay loogu geystay wasiiro iyo siyaasiyiin kasoo jeedo Beeshiisa ee ka qeybgalay soo dhaweyntiisa. ” Waxaan ka xumahay in dadkii dhibaatada ay u geysteen Al-Shabaab looga dhigay inaan taageersanahay dhibka ku dhacay, waxaan caddeynayaa in aanan raali ka aheyn, aniga Shabaab Dowlad uma aqaano” ayuu raaciyey hadalkiisa. Ugu dambeyntii Boqor Buurmadow ayaa sheegay inuusan is adkeeneyn sida siyaasiyiinta qaar balse uu raali gelin buuxda siinayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibsaday hadalkii dhawaan kasoo yeeray. Raali gelinta Boqo Buurmadow ayaa kusoo aadeyso xilli uu dhaleeceyn badan kala kulmay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka daawo hadalka Boqor Buurmadow. The post Boqor Buurmadow oo raali-gelin iyo fasiraad ka bixiyey hadalkii muranka dhaliyey appeared first on Caasimada Online.
  2. Boosaaso (Caasimada Online) – 48-dii saac ee lasoo dhaafay kooxda Saciid Cabdullaahi Deni waxay si weyn u faafiyeen inay PSF ogolaatay heshiis iyo isbadalka ay dalbadeyn Deni iyo kooxdiisa Aaran Jaan. Warkaan waxaa si weyn u faafiyey jamaahiirta aaminsan Saciid Deni, si aan wax uga ogolaano waxaan la xiriirnay hoggaanka PSF waxayna xaqiijiyeen inaysan jirin wax wada-hadal ah oo dhex maray hoggaanka PSF iyo Saciid Cabdullaahi Deni. Waxay sheegeyn inay joogaan goobihii ay ka joogeyn Magaalada Boosaaso, balse ay dib uga laabteen dufeysyadii ay dhawaan dhigteyn si aysan Magaalada ugu muuqan mid colaadi ka jirto. Deni ayaa isagana dib u celiyey ciidan uu dhawaan dul dhigay goobaha ay PSF ka dagantahay Magaalada Boosaaso. Isimada hoggaamiya dhaqanka Puntland ayaa dhawaan la xiriiray hoggaanka ciidanka PSF iyo Saciid Cabdullaahi Deni labaduba, waxayna u sheegeyn inay masuuliyadda qaadan doonto ciddii gacan ka hadalka bilowda, balse waxaa jira warar sheegaya in kooxda Aaran Jaan ay ka go’an tahay in awood ciidan lagu kala baxo. Waxay magaalada Garoowe ka direyn Nin la yiraahdo General Jimcaale si uu PSF ugu weeraro Magaalada Boosaaso kadib markii ciidankii halkaas u joogay ay diideyn inay weeraraan PSF. General Jimcaale weli ma uusan tagin Boosaaso, deegaanada dhexe ayuu weli diyaar garow ka wadaa, laakiin waxaa la xaqiijiyey inuu xoogaa ka caga jiidayo inuu dagaalkaas hoggaamiyo. Ciidanka uu wato ma tiro badna marka lala barbardhigo PSF. Saciid Deni waxaa la sheegay inuu la xiriiray ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo iyagu bixiya tababarka, saanadda iyo tababarka la siiyo ciidanak PSF oo hadda ka hor yimid hab-dhaqanka Saciid Cabdullaahi Deni, waxaase la sheegay inuu kala kulmay jawaab aan fiicneyn oo ah inuusan weerarin ciidanka PSF. The post Maxaa ka jira inay heshiiyeen Saciid Deni iyo hoggaanka PSF? appeared first on Caasimada Online.
  3. Xukumada S/land oo Amar culus Dul-dhigtay Shirkadaha Isgaadhsiinta Qaran News
  4. Sidee buu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil gogol raadgaadasho u fidin karaa isagoo taageeray barakicinta qasabka lagula kacay dad Soomaaliyeed? Shirka uu ku baaqay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil si ay u wada hadlaan beelaha Jaamac Siyaad iyo Ugaadhyahan Siyaad ma aha mid ku salaysan ujeeddooyin nabadeed; wuxuu ku salaysan yahay ku raadgadasho maaddaama Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil taageeray barakicintii qasabka ahayd oo uu maamulka Somaliland Laascaanood ugu geystay in ka badan 1800 qof oo Soomaaliyeed. Maleeshiyada beesha u hoggaamiyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayuu maamulka Somaliland u adeegsaday barakicinta qasabka ah oo lagu maxkamadayn doono rag dhalasho dalal Yurub ah haysta. Sidee Maleeshiyada Mahad Cambaashe Awood Xad-dhaaf ah u yeelatay? Bishii Oktoobar 2007dii ayuu Axmed Cabdi Xaabsade maleeshiyo beeleed saldhig uga sameeyay duleedka Laascaanood. Muddo yar kaddib waxay sheegteen inay maamulka Somaliland daacad u yihiin. Maamulka Puntland tallaabo adag marnaba kama qaadin kooxdii Xaabsade oo markii dambe si fudud ugu guuleysatay inay gacanta ku dhigto Laascaanood. Koox beeleed maamulka Somaliland ku masruufaysay Yagoori ayaa Laascaanood timid oo Xaabsade kula loollantay kagana awoodbadisay gacan ku haynta magaalada. Xaabsade ma helin ciidan beeleed uu ugu babacdhigo Mahad Cambaashe. Toddoba sano kaddib ayuu Xaabsade dib ugu soo goostay Puntland oo uu maanta deggan yahay ka sokow barakicintii uu geystay, iyo taageeradii uu siin jiray ciidanka maamulka Somaliland markuu socday dagaalkii Kalshaale. Ciidan beeleedka Yagoori waxaa xukuma Mahad Cambaashe oo dejiyay siyaasadda maanta maamulka Somaliland ku joogo Laascaanood: wuxuu ciidanka Somaliland keenay ilaa Gambadhe isagoo ku andacoonaya in maamulka Hargeysa ku sugan yahay dhul beeshiisu degto. Siyaasaddan waxay siisay Mahad Cambaashe awood aad uga weyn tan maamulka Somaliland: ciidan beeleedka Mahad Cambaashe waxay isu xilsaareen ka hortagga kacdoon Laascaanood ka dhaca, halka ciidanka uu geeyay Gambadhe (oo hadda jooga Tukaraq) uu u xilsaaray ka hortagga weerar ka iman kara maamulka Puntland. Waa siyaasad keentay in maamulka Somaliland si aad ugu tiirsanaado ciidan beeleed dadka kale Laascaanood ka sheegta, ku dhibaateeya magaalada. Sanadkii 2013kii wuxuu Saleebaan Yuusuf Cali Koore ku eedeeyay maamulka Somaliland inuu ka dambeeyay dilalka Laascaanood ka dhacay. Eedeynta uu Saleebaan u soo jeediyay maamulka Somaliland waxay ka dhalatay dhaawac uu dabley ka mid ah ciidan beeleedka Mahad Cambaashe u geystay ganacsade Axmed Cabdi Timir. Horjooge Mahad Cambaashe wuxuu doonayaa in ciidan beeleedkiisa uun ay Laascaanood hub ku sidan karaan. Doorashadii dowladaha hoose kaddib waxaa ciidan beeleedka Laascaanood sheegta soo fuulay cadaadis siyaasadeed oo maamulka Somaliland ku yaraynayo ku tiirsanaantiisa horjooge Mahad Cambaashe. Mahad Cambaashe oo uu ka xirmay albaabkii “Laascaanood waxaa dullaan ku soo ah beel Puntland taageersan” ayaa la shiray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil si loo fuliyo qorshe dadka Soomaaliyeed lagaga barakicinayo Laascaanood kaddib iyadoo la adeegsanayo ma xishoodeyaal qaarkood dhalasho dalal Yurub ah degganaansho ku leh laakiin sheegta inay Laascaanood ka soo jeedaan. Waa sababta Beesha Ugaadhyahan aysan marnaba u oggolaan doonin in lagu raadgato oo la isku sawiro iyadoo magaca Maxamuud Garaad la adeegsanayo. Tan kale, marnaba Beesha Ugaadhyahan raalli ka noqon mayso dalabka Mahad Cambaashe oo ah mid ciidan beeleedkiisa oo keliya awood u siinaya inay Laascaanood hub ku haystaan si ay si fudud ugu beegsadaan dadka dulmigooda ka dhiidhiya. Maamulka Somaliland waa awr kiraale Xaabsade uu soo watay kuse dambeeyay gacanta Mahad Cambaashe. Shirka Yagoori waa gogol lagu xalaalaynayo barakicintii qasabka ahayd oo loo geystay Soomaali dhulkooda hooyo joogta. W.Q. Cali Maxamed Ciise, Taleex The post Shirka Yagoori iyo Xalaalaynta Barakicinta Qasabka ah appeared first on Puntland Post.
  5. Cadho ka dhalatay hadalkii Boqor Buurmadow oo Cirka isku shareertay Mas’uul kamid ah maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu gudbiyay dacwad ka dhan Cismaan Aw Maxamuud Maxamed “Boqor Buurmadow si loo soo xidhoo. Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare ) ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inay gudbiyeen dacwad ay ku codsanayaan in lagu soo xidho Buurmadoow. “Gefkii ka soo yeedhay Buurmadow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday “Dowlad” reerkiisu maamulo” ayuu yidhi Cali Yare. ilaa iyo hadda ma kala cadda halka uu dacwadda ka furay Cali Yare. Boqor Buurmadoow oo maalmahan booqasho ku marayay Muqdisho ayaa la arkayay isaga oo jeedinayo hadal uu ku sheegayo in ‘Shababka’ ay madax ka yihiin dowlad aanan lagu tartamin’ Dadka ka hadlay arrintan waxaa kamid ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo ugu baaqay Boqor Buurmadow in uu raaligelin ka bixiyo hadalka. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigisia dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ku jooga dalka Qatar ayaa maanta la kulmay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamim ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia. Madaxtooyada ayaa sheegtay in Farmaajo uga mahadceliyay Qadar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah Dowladda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa. Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey xiriirka labada dowladood, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka, isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sanadihii la soo dhaafay. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalkan Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano. The post Waxyaabihii ay ka wada-hadleen Farmaajo iyo Sheekh Tamim oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  7. DAWLADA ETHIOPIA MIYEY XOOG KU MUQUUNIN KARTAA HUWANTA TIGRAY IYO JABHADA OROMADA ? Xaaladuhu waxa ay marayaan meel adag dawladii Ethiopia waxa jiif iyo joogba u diiday huwanta isu bahaysatay in xukunka laga tuuro Abiy Ahmed Ali oo dhowaan isku caleemo saaray doorasho shan sanadood oo cusub ah. Abiy Ahmed waxa uu sadexdii sanadood ee hore dalka Ethiopia kaga talinayey xukuumad xil gaadhsiin ah ka dib markii uu is casiley Raisal wasaarihii hore kacdoono iyo culeysyo qoomiyada oromada oo ah tan ugu tiro badan dalka Ethiopia . Waxa hada aloosan xaalad dagaal , dawlada Ethiopia shacabkii dalka ayey hubaysay oo ay xoog iyo xoolaba weydiisatay la isaga caabiyo xoogaga huwanta ee Tigray iyo Oromo oo ku soo wajahan Caasimada dalka Addis-Ababa. Xeeladaha dagaalkani waxaa ka mid ah in ciidamada dagaalamaya loo kala bixiyey ENDF ( Ethiopian National Defense Force ) iyo TDF ( Tigray Defense Force ) oo labaduba ay sheegayaan in ay xaqooga iyo xuquuqahooga ku dagaalamayaan. Waan-waan midowga Africa ka galay arinkaasi ayuu ergaygii loo saaray Mr Obosanjo olosango faro madhan kala huleelay markii mawqifyadooda iyo doonista dhinacyadu noqdeen qaar aad u kala fog oo shuruudo adag dhinacwalba ku dhagay. Xaaladahan iyo dagaaladani waxa ay Ethiopia ka socdeen sanadkii ugu dambeeyay oo dhan waxaana ku barakacay malaayiin qof oo qaybo ka mid ahi xuduudaha dalka Ethiopia dhinaca Sudan uga gudboon badhna Ethiopia gudaheega ku barokaceen , waa dhacay gabood falo iyo dhacdooyin ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo badan oo aduunka badankiisu ku dhaliilay dawlada Ethiopia taageerana ay kaga wayday qaybo badan oo caalamka ah. Haddaba su’aashu waxa ay tahay dawlada Ethiopia oo cudud ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka xoogweyn huwanta ka soo horjeedaa ma muquunin kartaa , mase ka adkaan kartaa ? Waxa labada dhinacba la sheegayaa in cidi ka caawinayso khariirada goobaha dagaalka ( war topography map ) saanadaha lagu dagaalamayo ( military equipment) oo ay ka mid yihiin diyaaradaha is wada ee wax lagu duqeeyo ( military drones) arimahani ayaa dagaalka u raraya waxa loo yaqaano dagaal xarbul wakaalah ( proxy war ) oo had iyo goor dabada ku hayo dano siyaasadeed iyo dhaqaale. Laakiin waxa cad cidii u hogaansami wayda waan-waanta iyo dedaalada lagu jiro ee xalka lagu doonayo in caalamku dhinac ka wada maridoono oo la saari doono cunaqabateyn iyo cadaadis caalamiya kaasi oo sababaya in aanay sii dagaalami karin. Waxa werwer weyn caalamku ka qabaa in Ethiopia ay ka bilaabmaan dagaalo ku saleysan qoomiyado oo ay wada gaadhaan sagaalka maamul dawladeed iyo 82 qoomiyadood ee dalkaasi ku nool oo ay noqoto masiibo Geeska Africa, Africa iyo caalamkaba ku habsatay oo la maareyn kari waayo , sidoo kalena laga baqayo in uu dagaalku xuduudaha ka talaabo oo uu gaadho dawladaha Ethiopia la jaarka ah oo dhan.. Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil) dhimbiil@live.com Qaran News
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadal la yeeshay Amiirka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Madaxweynaha oo uga mahad-celiyey Amiirka Qatar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira, Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah Dowladda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa. Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo Shacabka Soomaaliya wadashaqaynta dhow ee ay leeyihiin, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka, isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sanadihii la soo dhaafay. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Danjireheenna dalkan Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay Amiirka Qatar appeared first on Puntland Post.
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa dacwad ka gudbiyey saraakiisha ciidamada kala duwan ee maamulkaas kadib markii ay ku eedeeyeen inay ilaalin waayeen xasaanadooda kadib kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Garoowe. Xildhibaanada dsacwadda gudbiyey oo uu ugu horreeyey Xildhibaan Xaraf ayaa waxay sheegeyn inay xayiraad kala kulmeyn ciidamada Puntland iyagoo ku jira shaqo ay sheegeyn inay u qabanayeen dadka ay ku matalaan Baarlamaanka. Guddooniyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa sheegay in inta lagu guda jiro kal-fadhiga 16-aad ay Golaha Wakiilada horkeeni doonaan dhammaan Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland si wax looga weydiiyo ilaalinta xasaanadda Xildhibaannada. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay soo noq noqatay arrimaha ku saabsan xayiraada ay Ciidamada mararka qaar ku hayaan Xildhibanada Baarlamaanka Puntland. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in qof walba uu xor u yahay fikirkiisa iyo dhaq-dhaqaaqiisa intaba. Cabashadaan kasoo yeertay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka dambeeysay kadib markii dhowr jeer Shaqooyin iyo howlo kale oo u gaar ahaa laga hor-istaagay Xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland. Sidoo kale dacwadda ayaa kusoo aadeyso xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaanka ciidamada PSF. The post Golaha Wakiilada Puntland oo u yeeray dhammaan hoggaanka ciidamada kala duwan ee maamulkaas appeared first on Caasimada Online.
  10. Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka Koonfur galbeed lagu soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#193 oo saaka doorashadiisa loo dareeray. Kursigaan ayaa waxaa baarlamaanki 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamuud Maxamed Bono oo ku matalayay dowlad gobaleedka koonfur galbeed. Waxaa hadda u tartamayay musharixiinta kala ah, Cabdulqaadir Maxamed Cilmi iyo Cabdullaahi Aadan Axmed. Cabdullaahi Aadan Axmed ayaa ku guuleystay kursiga kadib markii uu tartanka kaga adkaaday musharax Cabdulqaadir Maxamed Cilmi . Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#193 oo uu ku guuleystay Cabdullaahi Aadan Axmed . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa si adag uga horyimid warqad ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Maxamuud Xasan Maxamed (Cawil Mataan) oo lagu mamnuucay shirarka iyo isu-imaatinada aysan dowladdu ogayn. Xafiiska ayaa sidoo kale naqdiyay Qodob kamid ah xeerka Tayaynta caasimadda Garoowe, oo qeexaya in Maamullada Hoteellada iyo Goobaha la isu’gu yimaado ay kaydiyaan xogta Macaamiisha, markii laga codsadana la wadaagaan Laamaha Amniga. Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa sheegay in Go’aannadaas ay ka hor-imaanayaan Xorriyadda As’aasiga ah ee Dastuurka Puntland u dammaanad-qaadayo muwaadiniinta. PUNTLAND POST The post Xafiiska Xuquuqda Aadana Puntland oo ka horyimid Go’aanno ka soo baxay dowladda appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay bilaabatay qabashada doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa soo kordhacaya cabashada xoogan ee kasoo yeereysa xubnaha musharixiinta xil doonka ee u tartamaya kuraasta baarlamaanka 11-aad ee dalka Xildhibaan Idirs Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka muddo xileedkiisa uu dhammaaday, isla-markaana haatan isku soo sharaxay kursiga uu ku fadhiyey ayaa shaaca ka qaaday in la boobay kursigiisa oo uu sheegay in qoondo haween la dhigay, kadibna loona diiday inuu tartamo, sida uu hadalka u dhigay. Dhaqtar ayaa sidoo kale tilmaamay in isaga iyo musharixiin kale oo dhowr labaatan ah in laga dhacay lacago fara badan, loona diiday shahadaada, si ay u tartamaan. Guddiyada doorashooyinka ayuu ku eedeeyey inay u shaqeynayaan dad gaar ah oo ku xiran Villa Soomaaliya, isla-markaana cadaalad darro ku sameynayaan doorashooyinka. “Lacago ayaa naga maqan aniga kaligey ma’ahan inta lacagta ay ka maqan tahay waa dhowr iyo labaatan qof oo inta ay lacagtooda shubteen aan haba yaraatee shahaado lasiinin,” ayuu yiri Xildhibaan Idirs Cabdi Dhaqtar oo wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Maray waxaan leeyahay arrintan waxaan u soo bandhigayaa aniga oo dhibaato wadanin wadanka oo hadda xaaladdiisa aad ogtihiin, abaaro ay ka jiraan, xoolihii ay dhammaanayaan, dadkii ay dhammaanayaan ayaa waxaa waaye dadkii awood loo isticmaalooyaa,”. Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, isaga oo ka dalbaday inuu kala diro xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, isaga oo shaaciyey inay gabeen waajibaadkii shaqo ee loo igmaday. “Waxaan u sheegayaa ra’iisul wasaarihii loo igmaday arrintan oo doorashooyinka si cadaalad ah u qabto ay aheyd waa inuu guddiyadan kala diraa,” ayii markale yiri Dhaqtar. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay qaylo dhaan kasoo yeereysay doorashooyinka lagu qabtay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ee maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo la sheegay in kuraas lagu boobay. The post Musharixiintii ugu badnaa oo ‘lacago laga dhacay’ kadibna la boobay kuraastooda appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka billowday qorshe ka dhan ah Boqor Buurmadow oo booqasho ku jooga caasimada dalka, kaasi oo lagu rabo in lagu soo xiro, kadib gef weyn oo uu ku kacay. Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) ayaa markii u horeysay Muqdisho dhexdeeda ka shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu dowlad ku sheegay argagixisada Al-Shabaab, taasi oo ka talisa gudaha Soomaaliya, si lamid ah sida dowladda federaalka, sida uu hadalka u dhigay. Qorshaha lagu soo xirayo Buurmadow ayaa waxaa hormuud ka ah Guddoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo gudbiyey dacwad ka dhan ah Buurmadow, dalbadayna si loo xiro. “Waxaa ayidsanahay Banaanbaxa ay shacabka Gobolka Banaadir qabanqaabadiisa wadaan si ay uga dhiidhiyaan gefkii ka soo yeeray Buurmadoow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday “Dowlad” reerkiisu maamulo,” ayuu yiri Cali Yare Cali. “Hadalkii jeesjeeska ahaa ee Barmadoow ma noqon doono mid sidii sahlaneyd ee uu uyiri looga gudbo ee meel looga qanci karo ayaan uga soo hari doonnaa.” Hadalka kasoo yeeray Boqor Buurmadow ayaa dad badan la yaab ku noqday, wuxuuna gef ku yahay dowladnimada, maadama koox argagixiso ah oo mana-xayaal ah la siiyo xaq “dowladnimo”. The post Qorshe lagu xirayo boqor Buurmadow oo ka socda magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  14. Hay;adda caadimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, ayaa war ka soo saartay nooca cusub ee coronavirus kaas oo ka dilacay dalal ka tirsan qaaradda Afrika iyo qeyba ka mid ah Yurub. Noocan cusub ee xanuunka oo lagu magacaabo OMICRON ayaa la sheegay in uu yahay mid aad uga halis badan nooci hore ee xanuunka. WHO ayaa sheegtay in fayriskan uu yahay mid saameyn xooggan ku reebi karo dalal badan, sidoona kalena ay fududahay in laysku gudbiyo. Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ayaa walaac xoogan ka muujiyay sida uu u fidayo xanuunka, isagoo ku baaqay in si deg deg ah talaalka loo gaarsiiyo dalalka ay baahida ka jirto. “Feyraska Omicron isbaddalo aan horey loo arag ayuu sameeyaa, qaarkood waa kuwa walaac leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay WHO. 24 November ayeey aheyd markii ugu horeysay ee noocan lagu arko dalka koonfur afrika, balse xaaladda ayaa sii cuslaatay kadib markii laga diiwaan geliyay isbitaalada Botswana, Belgium, Hong Kong iyo Israel kuma naan qof oo uu soo ritay. Wadamo badan oo caalamka ah ayaa shaaciyay in ay xirayaan duulimaadyada dibadda si looga hortago fayriskan cusub. Uk ayaa durba amar ku bixisay in aysan dalkeeda soo gali karin dad ka imaaday dalalka Koonfur Afrika, Namibia, Zimbabwe, Botswana, Lesotho iyo Eswatini, haddii aysan aheyn muwaadiniinta boqortooyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Xiddiga xulka Argentina iyo kooxda PSG, Lionel Messi ayaa markii todobaad( 7) ku guuleystay abaalmarinta (Ballon d’Or) ciyaartoyga kubbadda cagta ugu wanaagsan dunida sanadkan. Messi ayaa abaamarintan ku garaacday weeraryahanka Bayern Munich, Robert Lewandowski iyo xiddiga kooxda Chelsea Jorginho, wuxuuna noqday xiddiga ugu guuleysiga badan abaalmarinta Ballon d’Or. Lionel Messi ayaa abaalmarinta ku guuleystay kadib markii uu xulkiisa Argentina sanadkan ku hoggaamiyay Copa America. Messi oo 34 jir ah ayaa abaalmarinta Ballon d’Or ku guuleystay sanadihii 2009, 2010, 2011, 2012, 2015, 2019 iyo sanadkan 2021. PUNTLAND POST The post Waa kuma xiddiga sanadkan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or? appeared first on Puntland Post.
  16. MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble Monday night held talks with Federal Member State presidents amid concerns by the opposition on malpractices in the ongoing Lower House elections. Source: Hiiraan Online
  17. The widow of the late Somali-American businessman Bashir Mohamud Mohamed has alleged foul play in the property left by her late husband. Source: Hiiraan Online