Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL)- A section of Somali International University was this morning engulfed in fire following a suspected electric fault. Source: Hiiraan Online
  2. Baarlamaanka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta magaalada Jigjiga ku yeeshay kalfadhiga koobaad kulankiisi ugu horeyay kadib doorashadooda. Xildhibaanada ayaa maanta kulankoodu ajandahiisa ahaa doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, doorashada gudoomiye ku-xigeenka baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha. Ayaan Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada sanadkaan ku soo baxay doorashadi ka dhacday dalka Itoobiya ayaa loo doortay in ay noqoto guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad deegaanka Shanta sano ee soo socota. Halka Ibraahim Xasan Cali, loo doortay in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida. Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sidoo kale maanta Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Mustaga Cumar Maxamed Cagjar u doortay in markale uu noqdo Madaxweynaha dowlad deegaanka. Cagjar ayaa DDS hoggaamin doono shanta sano ee soo socota, kadib markii xisbigiisa uu guullo ka soo hooyay doorashadii dhawaan ka dhacday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ogaatay, kadibna ay fashilisay qorshe gaar ah oo uu deegaanada maamulkaas ka lahaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Wararka ayaa sheegaya in Xijaar uu bilaabay in dhalinyaro kasoo jeedo beeshiisa uu ka qorto magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, si loogu tababaro Booliiska Soomaaliya. Dhalinyaradaas oo la sheegay inay kor u dhaafayaan illaa boqol ayaa saraakiil ka tirsan Puntland waxa ay shaaciyeen in lagu diiwaan-gelisay xarun laga sameeyey Buuhoodle. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi qaarkood loo qaaday Kulliyadda ciidanka ee Carmo, halka kuwa kalena Puntland ay ku xirtay magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood, xilli ay halkaasi ku marayeen socdaal dhuumasho ah. Puntland ayaa sidoo kale ku guuleysatay in ay dib u soo celiso ku dhowaad 30 dhalinyaro ah oo la geeyey kuliyadda Carmo, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online ayaa shaki weyn ka muujisay ciidamadaasi iyo sababta keentay in hal beel laga qoro, si ay ugu biiraan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan arrinta dhalinyaradaasi. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay Puntland iyo Somaliland uga qoratay dhalinyaro ka soo jeeda deegaanadaasi, kuna biiray ciidamada Soomaaliyeed. The post PUNTLAND oo fashilisay qorshe uu deegaanadeeda ka waday taliye Xijaar (XOG) appeared first on Caasimada Online.
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaana ee maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gallo qorsheysan ka sameeyey xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi. Howl-galladan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska nabad sugida ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay nabad sugidda Jubbaland ayaa lagu shaaciyey in ciidamada ammaanka ay weli ku raad joogaan xubno kale oo la tuhusan yahay. Hay’adda nabad sugidda Jubbaland ayaa sidoo kale baaq u dirtay shacabka Kismaayo, waxaana ay ka codsatay inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. ”Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay hay’adda NISA ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland. Ugu dambeyn hay’adda qoraalkeeda kusoo gaba-gabeysay inay sii wadi doonto howl-gallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda halkaasi. Kismaayo oo ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka ayaa maalmihii u dambeeyey waxaa ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay inta badan sheegatay kooxda Al-Shabaab. The post Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howl-gal ka dhacay Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  5. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa dhowaan magaalada Buuhoodle ka samaystay xarun laga qoro dadka doonaya in ay ku biiraan Booliiska dowladda Federaalka. Puntland Post ayaa ogaatay, in Xarunta laga diiwaan-geliyay in ka badan 100 dhalinyaro ah oo isaga yimid magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood, si loogu tababaro Booliiska Soomaaliyeed. Dhalinyaradaas oo loo sheegay in tababar loogu qaadayo Kulliyadda Ciidanka ee Carmo, ayaa qaarkood lagu xiray magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood, xilli ay si dhuumasho ah ku marayeen halkaas. Sidoo kale, 27 kamid ah dhalinyaradaas oo gaaray Kulliyadda Carmo ayaa Puntland dib uga soo celisay, waxaana lagu amray in ay guryahooda ku laabtaan. Sida la xaqiijiyay, mas’uuliyiinta Puntland ayaa shaki ka muujiyay sababta hal beel oo keliya looga qortay dhalinyaradaas haddii booliis loo tababarayo. Dowladda Soomaaliya ayaa horay Puntland iyo Somaliland uga qoratay dhalinyaro ka soo jeeda beelo kala duwan, islamarkaana ku biiray ciidamada Gorgor iyo Haramcad. PUNTLAND POST The post XOG: Puntland oo fashilisay barnaamij uu watay Taliye Xijaar appeared first on Puntland Post.
  6. Wararka ka imaanaya xaafadda xamar jadiid ee gobalka banaadir ayaa shegaya in goordhaw dab xooggan uu ka kacay xarun waxbarasho oo ku taalla xaafadda. Xarunta weyn ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliya SIU, ayaa la sheegay in uu dab ka kacay goordhaw kaas oo sababay in ay gubato qeyb ka mid ah jaamacadda. Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay koronto, taas oo sababtay in uu ku sii fido qeyba ka mid ah Jaamacadda. Ardayda Jaamacadda ayaa lagu wargeliyay in jaamacadda la fasaxay, mana jirto khasaaro nafeed oo ka dhashay dabka . Gadiidka dab damiska oo soo gaaray goobta uu dabka ka kacay ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka ka kacay Jaamacadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-London)-Booliska Britain ayaa su’aalo weydiiyay aabbaha ninka tuhunka laga qabo inuu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain Xarbi Cali Kullane, oo 61 jir ah. Xarbi Cali Kulane oo hore u soo noqday afhayeenkii warbaahinta raysal Wasaaraha Soomaaliya, kaasoo degen magaalada London iyo Nairobi. Wuxuu xaqiijiyay in wiilkiisa uu ku jiro gacanta booliiska wuxuuna sheegay inuu ka argagaxay xadhiga wiilkiisa. Xarbi Kulanne ayaa u sheegay The Sunday Times: ‘Aad ayaan u dareemayaa argagax. Ma aha wax aan filayay ama weligay ku riyoon jiray”. Wararka waxa ay sheegayaan in uu hadda u joogay Xarbi Kulane UK arrimo caafimaad awgiis xaalad wadnaha ah oo ku jiro cisbitaalka Bart. Sidoo kale Booliiska Ingiriiska ayaa baadhitaan ku sameeyay gurigii uu ku noolaa carruurnimadiisa ninka lagu tuhunsan yahay inuu dilay Xildhibaan David Amess. Saraakiisha ayaa baadhay guriga oo ku yaalla waddo ku taalla Croydon, koonfurta London. Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baadhaya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xidhiidhto xagjirnimada Islaamiyiinta. Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David. Wuxuu Cali Xarbi ku xidhan yahay imika Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su’aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada Source
  8. 1. Shirwaynaha Dhalinyaradda Beeleha ARABWAYNE Wuxuu Ayidsanyahay In Qaranimadda Iyo Madaxbanaaninadda Somaliland ay Tahay Lama Taabtaan Sidoo Kale Shirkani Wuxuu Dhiiri Galinayaa Nabad Ku Wada Noolaanshaha Iyo Wadajirka Umadda Somaliland 2. Mudadii Shirkani Soo Jiitamayay Wuxuu Soo Maray Maraaxil Kala Duwan waxaana Kahor imanayay Caqabado Farabadan oo Mararka qaar laga dhigayay inuu shirkani yahay mid halis ku ah amniga Iyo Xasiloonida Qaranka taasoo ay faafinayeen dad war xumo tashiila oo doonayay inay isku dhuftaan xukuumadda somaliland iyo dhalinyaradda beelaha ARAB waxaana ilaahay mahadiiya inuu shirkani si nabad galyo ah inoogu qabsoomay islamarkaana ay haayadaha amnigu ku qanceen inaanay waxba ka jirin dacaayadihii laga fidinaayay shirka waxaanu u mahad naqaynaa cidkasta oo door muuqda ku lahayd qabsoomida shirka sida madaxdhaqameedka waxaanu si gaara ugu mahadnaqaynaa guddidii dhexdhexaadinta ee isku soo jiiday xukuumadda, madaxdhaqameedka iyo guddida qabanqaabadda shirwaynaha dhalinyaradda beelaha ARAB islamarkaana mudaysay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee shirkani ku qabsoomay. 3. Shirkan waxa Lagu Doortay Guddi Horumarineed oo ay Yeelan doonto Dhalinyaradda Beelaha ARAB 4. si loo sugo cadaaladda muwaadiniinta somaliland wuxuu shirkani ku baaqayaa in loo sinaado fursadaha maalgalineed, shaqo abuur iyo manaasiibta kala duwan ee qaranka. 5. Shirkani wuxuu xukuumadda somaliland ee uu hogaamiyo madaxwayne biixi ugu baaqayaa in deegaanadda beeshani dagto oo dibu dhacsan la gaadhsiiyo mashaariicda horumrineed ee qaranka sida biyaha, waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka iyo Kaabayaasha kale ee nololeed. 6. Shirwaynaha dhalinyaradda beelaha ARAB wuxuu axsaabta muncaaradka gaar ahaan waddani ugu baaqayaa inuu fulliyo heshiiskii xisbigaasi la galay beesha ee gudoomiyaha xisbiga waxaanay dhalinyaradda beeshu si gaara isha ugu hayn doontaa waxyaabaha kasoo baxa shirwaynaha xisbiga waddani ugu dambayntii wuxuu shirkani umadda somaliland u rajaynayaa inay ku noolaadaan bashbash, barwaaqo iyo horumar taama. 7.Xisbiga kulmiye waxaanu usoo jeedinaynaa in uu ilaaliyo aasaaskii xisbiga iyo kaalintii wada lahaanshiiyeed ee beesha arab ku lahayd xisbiga kulmiye. 8.Beeshu waxay Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ugu baaqaysaa in uu si degdeg ah usoo celiyo saamigii ay beeshu kulahayd xukuumadihii ka horeeyey. Axmed aadan Rooble Afhayeenka Gudiga Shirka dhalinyaradda. Source
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ay toogasho u geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia. Dhacdadan ayaa ka dhacday Raaskaambooni, waxaana dadka ay waxyeelada ay soo gaartay ay ahaayeen xoolaley ku dhaqnaa halkaasi. Toogashadan ayaa waxaa ku dhintay nin lagu magacaabi jirauy Carab Qoriyow oo ka mid ahaa dadka deagaanka, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo rayid ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay laayeen xoolo fara badan oo gaaraya ku dhowaan illaa 50 neef oo Lo’a ah oo ay lahaayeen dadka deegaanka. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa waxa keenay in ciidamada Kenya ay dhibaatadaas u geystaan dadkaasi shacabka ah ee aan waxba galabsanin. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale haatan cabsi ka muujinayo inay sii wadaan ciidamada Kenya Kenya dhibaatada ka wadaan halkaasi, waxayna baay u direen Jubbaland & dowlada. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaas lagu eedeeyey Kenya. Ciidamada Kenya ayaa marar badan lagu eedeeyey inay dhibaatooyin iyo tacadiyo ka dhan ah rayidka ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. The post Ciidamada Kenya oo ‘dad shacab ah iyo xoolo badan ku laayey’ Jubbada Hoose appeared first on Caasimada Online.
  10. Dowladda Shiinaha ayaa sabtidii gargaar banii’aadamnimo u fidisay Soomaaliya iyada oo arrintaas wakiil uga ahaa safiirkeeda Muqdisho. Deeqda ayaa la sheegayaa iney isugu jirtay teendhooyin, maryaha kaneecada iyo agab kale oo caafimaad oo guud ahaan ahaa 28-kunteenar oo u dhiganta in ka badan 40-kun Kg. China on Saturday donated a batch of humanitarian assistance to Somalia amid flourishing bilateral ties. Fei Shengchao, oo ah Ambassador-ka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Diiriye guddoonsiiyey 10,000 teendho, 50,000 oo ah maryaha kaneecada, 20,000 oo isugu jira qalabka gargaarka degdegga iyo agabka cabirka miisaanka caruurta, qalabka cabirka garaaca wadnaha iyo kulka. “Cudurka waxaa uu saameeyey arrimaha banii’aadnimada, qaadista qalabka waxaa uu kor u kacay 15%” sida waxaa yiri Fei Dhankeeda, wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiijo Diiriye ayaa safiirka Shiinaha uga mahadcelisay sida dalkiisa ay mar walba u taageeraan Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay degmada Guraceel ee gobalka Galgaduud oo muddooyinkii la soo dhaafay isku hayeen ciidamada dowladda iyo urur diimeedka Ahlu-sunna. Inta badan xaafadaha magaalada ayeey shacabka ku dhaqan isaga barakaceen iyaga oo ka cabsi qabo in dagaal magaalada uu ku dhex maro Ahlu-sunna oo ku sugan magaalada iyo ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug oo kaa shanaya kuwa DF. Ganacsiyada magaalada ayaa guud ahaan xiran kuwaas oo shacabka ay walaac ka muujinayaan in magaalada ay xaalad kacsanaan ah afka u saaran tahay. Ciidamada Ahlu-sunna ayaa labadi malin ee la soo dhaafay magaalada dhoolatus ku sameynayay magaalada halkaas oo ay ku soo bandhigeen ciidamadooda. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa horay Ahlu-sunna ugu baaqay in ay ciidamadooda magaalada ka saaran. Maamulka galmudug oo horay ugu baaqay in Ahlu-sunna magaalada ay ka saarayaan ayaan dhankooda illa hadda howl gallo qaadin. Ahlu-sunna ayaa muddo sanad kadib ah ku soo noqotay deeganada Galmudug, kadib muddo hogaankooda ay dalka dibadiisa ay ku maqnaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Wararka naga soo gaarayo degmada wadajir ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw dab xooggan uu ka kacay kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla xaafad lagu magacaabo Nasteexo. Dabka ayaa la sheegay in uu ka bilawday kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla xaafadda Nasteexo, dabka ayaana sidoo kale ku fiday dukaamo yar yar oo ka ag dhawaa kaalinta. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay dabka ayaa sababay bur bur hantiyadeed oo kaliya, ma jirto wax dad ah oo waxyeello ay ka soo gaartay. Gadiidka dab damiska oo soo gaaray gobta uu dabka ka kacay ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay damiyaan dabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Jigjiga (Caasimada Online) – Sii-hayaha madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah loogu doortay Mustafe Muxumed Cagjar oo ismaamulka hoggaaminayey saddex sano ee lasoo dhaafay, kadib markii xilka laga qaaday, lana xiray Cabdi Maxamuud Cumar. Cagjar ayaa sharciyan markii hore wuxuu ku magacownaa madaxweyne ku-xigeen, hase yeeshee wuxuu sii hayey xilka madaxweynaha, kadib markii uu sanadii 2018 is-casilay madaxweyne Cabdi Iley. Cagjar ayaa ku soo baxay codad aqlabiyad leh, kadib markii ay cod gacan taag ah ugu codeeyeen xildhibaanada baarlamaanka ee dowlad deegaanka. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ayaa markale hoggaamin doono dowlad deegaanka Soomaalida shanta sano ee soo socota, sida uu shaaciyey baarlamaanka. Sidoo kale waxaa madaxweyne ku xigeenka ismaamulka Soomaalida ee fadhigiisu yahay Jigjiga loo doortay Ibraahim Cusmaan Faarax. Dhinaca kale waxaa haatan socota qaban qaabada xafladda caleema saarka ee madaxda cusub, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulkaasi. Caleema saarka waxaa ka qeyb-galaya oo lagu casuumay mas’uuliyiin kala duwan oo intooda badan ka socda Ismaamulada Itoobiya, sida madaxweynaha dowlad deegaanka Oromiya Shimalis Abdisa, wafdi ka socda Somaliland iyo madaxda federaalka Itoobiya. Si kastaba, Mustafe Cagjar ayaa xafiiska yimid 22-kii August 2018, markaas oo uu isbedal ballaaran ku yimid hoggaankii dowlad Soomaalida ee Itoobiya. The post Mustafe Cagjar oo si rasmi loogu doortay madaxweyne appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa waddanka Imaraatiga Carbeed ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto caasimadda Garoowe. Madaxweyne Deni ayaa 2-dii bishan October safar aan la shaacin ugu baxay dalka Imaaraadka isagoo sii maray magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya. Madaxweynaha oo mudda lix iyo toban cisho ah ku maqnaa Imaaraadka Carabta ayaa sida wararku sheegayaan halkaas u joogay arrima siyaasadeed. Dad lagu kalsoonyahay ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in madaxweyne Deni uu halkaas u tegay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo safar aan la shaacin kadib ku wajahan caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  15. Xubno ka mida Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) iyo Heer Dowlad goboleed Galmudug (SEIT) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta labaad ee loo asteeyay Doorashada dowlad goboleed ka Galmudug. Xubnaha Guddiga Waxa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay maamulka Gobolka iyo kan degmada, Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka. Guddoomiyaha Guddiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Galmudug (SEIT) Mohamed Dahir iyo afhayeenka guddiga Doorashada heer Federaal Amb Ahmed Aadan Dagaal (Safiina) ayaa sheegay inay magaalada Gaalkacyo u yimaadeen dardargelinta Doorashada iyo diyaarinta Goobaha doorashada magaalada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Gudiga Doorashooyinka Federaalka oo gaaray magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  16. Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida DDS ayaa maanta madaxweyne rasmiya u doortay, Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar). Mustafa Cagjar ayaa sannidhii lasoo dhaafay sharci ahaan soo ahaa madaxweyne ku-xigeen. Hase yeeshee xisbiga uu ka tirsan yahay ee Barwaaqo ayaa ku guulaystay doorashadii bishii hore ka dhacday degaanka Soomaalida. Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ayaa sidoo kale maanta afhayeen u doortray Ayaan Cabdi oo noqonaysa gabadhii ugu horraysay ee hoggaamisa baarlamaanka maamulkaas. PUNTLAND POST The post Baarlamanka dowlad degaanka Soomaalida oo madaxweyne rasmiya u doortay Mustafe Cagjar appeared first on Puntland Post.
  17. Jaaliyadda Somaliland ee Toronto oo Si Weyn U Xusay 37-guuradii Kasoo Wareegtay Maalinta Shuhaadada SNM… Hargeysa()-jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Canada, ayaa si weyn u xusay 37-guurada kasoo wareegtay maalinta shuhadada SNM oo ay sannaadkan si mug leh u xustay Jaaliyaddu. Munaasibad Balaadhan oo casho ah, oo ay jaaliyadda caawa u qabatay xuska maalinta shuhaadada SNM, oo ku beegnayd 17-kii October 1984-kii. Xuska 37-guuraada kasoo wareegtay, ayaa waxa kasoo qaybgalay haldoor kala duwan, Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo kamid ah jaaliyadda Somaliland ee Toronto. kulankan cashada ah, waxay jaaliyaddu si gar ah ugu maamuseen Mujaahid Cali Cabdi Dheere oo kamid ahaa Halgamayaashii xaq-u-diriirka ahaa ee SNM, kuwasoo Somaliland ku xoreeyey Dhiig badan iyo Halgan adag. Jaaliyadda Waxay Ilahay uga baryeen intii dhimatay Mujaahidta inuu Jano-fardawsa ka waraabiyo, intaa weli la daranyaysan dhaawacyadii soo gaadhay Allah caafimaad sareecan ah ha siiyo. Qaran News
  18. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta la kulmay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz. War ka soo baxay xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay Labada mas’uul ayaa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriiirka ganacsi iyo maal-gashi ee labada dal. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay Arrimaha Maal-geshiga appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxda ka tirsan dowladda Puntland ayaa Kulan la qaatay ciidamadda ilaaladda Xeebaha puntland ee midowga yurub. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda puntland Senetor Mohamed Abdi Majiino iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Hor-umarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ahna Duqa Degmada Bossaso Abdiqani Ahmed Ismail (Deera-dile) ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Ilaalada badda Puntland ee midowga Yurub, Admiral Alejandro Cuerda. Kulanka oo ka dhacay dusha sare mid ka mida maraakiibta howlgalada Midowga yurub Ayaa looga hadlay xoojinya iskaashiga Amniga xeebaha Puntland Xakamaynta Tahriibka joojinta Kallumaysiga sharci darada ah ilaalinta Hubka kasoo dega eeriyada xeebaha Bossaso iyo arimo kale oo muhiim ah. Duqa degmada Bossaso ayaa ku booriyey ciidamadda ilaaliyaha xeebaha puntland ee midowga yurub shaqada ay ahaan wuxuna sheegay in la xoojiyo lagana wada shaqeeyo ilaalinta iyo la dagaalanka wax walba oo sharcidaro ah una keeni kara Amni xumo Xeebaha Puntland. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo kulan gaar ah la yeeshay Taliska Ciidanka Badda Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  20. MCB updates safety guidance amid reports of threats against some British Somalis since death of Southend MP Source: Hiiraan Online
  21. Turkish Cooperation and Coordination Agency (TİKA) built a modern poultry farm with a total floor space of 198 sq. meters in Mogadishu, the capital of Somalia, as part of the “Project for Developing Layer Poultry Farming in Somalia,” implemented in cooperation with the Ministry of Agriculture and Forestry of the Republic of Turkey, IHH Humanitarian Relief Foundation, and Zamzam University. Source: Hiiraan Online
  22. Police gathered more evidence from homes in London on Sunday as they continued to question 25-year-old suspect Ali Harbi Ali over the murder of Sir David Amess MP. Source: Hiiraan Online
  23. London (Caasimada Online) – Xarbi Cali Kulane ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, isaga oo wargeyska The Sunday Times u xaqiijiyey in loo xiray dilka xildhibaan David Amess. Xildhibaan Sir David Amess ayaa Jimcihii dhintay kadib markii sida la tuhunsan yahay uu Cali ku weeraray mindi, ayada oo la rumeysan yahay inuu ku dhuftay ugu yaraan 12 jeer, xilli uu ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London. “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh,” ayuu Xarbi Cali Kulane, oo mar la taliye u ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, u sheegay wakaaladda wararka Reuters oo uu email ugu jawaabay. “Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times. “Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane, oo sidoo kale mar soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid. Booliska Britain ayaa Axaddii baaritaan ku sameeyey guriga Cali Xarbi Cali ee waqooyiga magaalada London. Dhinaca kale, qoyska Sir David Amess ayaa baaq u diray shacabka Britain. “Dhinac iska dhiga naceybka, kana shaqeeyaa midnimada. Midabka, diinta ama aragti siyaasadeed kasta oo midkiin uu haysto, isku dulqaata,” ayey ku yiraahdeen bayaan ay soo saareen oo ay sii daayeen booliska UK. Cali Xarbi Cali – oo weli aan dacwado lagu oogin – ayaa waxaa su’aalo weydiinaya booliska si loo ogaado haddii uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada caalamiga ah. Ilo-wareedyo amni oo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Daily Mail u sheegay in Cali uusan ka mid aheyn dadka ay isha ku hayeen sirdoonka gudaha UK ee MI5, inkasta oo sanado kahor ay beegsadeen Prevent, oo ah barnaamijka dowladda ay ku beddesho dadka la xagjireeyey. Warbixino horduhac ah ayaa tilmaamaya in Cali uu weerarka kaligiis qaaday, islamarkaana isaga kaligiis uu xagjir noqday kahor weerarka. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha uu ku nool yahay London, islamarkaana uu tareen u raacay magaalada Essex si uu weerarka uga fuliyo. Waxaa la sheegay inuu weerarka qorsheeyey toddobaad ka hor, islamarkaana uu ballan u goostay inuu ka qeyb-galo kulan uu qabanayey xildhibaanka. Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Cali markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen. Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah. Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah. The post Aabaha Soomaaliga lagu tuhmayo dilka xildhibaan Sir DAVID AMESS oo hadlay appeared first on Caasimada Online.
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u billaabmay xiisadii xooganeyd ee u dhaxeysay xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha Qaramada Midoobay, kadib eedeyn culus oo labada dhinac is dhaafsadeen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa hay’adda arrimaha bini-aadantinimada u qaabilsan QM ee OCHA ku sifeeyay “laba wajiilenimo”, markii ay dhawaan ka hadashay musaafurinta ay billowday xukuumada Biixi ee dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya. “Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa qaybta la yidhaahdo OCHA waxaan filayaa wixii ay ku hadleen in aanu dan u ahayn dadka Laascaanood laga raray, waxay yimaadeen iyagoo qaxoonti ah oo caydh ah maalin qudha booyad biyo ah may siin, maalin qudha bac may siin, maalin qudha kiniin kaneecada ay iskaga ilaaliyaan may siin,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay hay’adda OCHA inay dhaqaale ku raadsanayaan dadka laga musaafuriyey magaalada Laascaanood, taasi oo uu sheegay inay ceeb ku tahay QM “Soddonkaas sano maxay ku darsadeen? maxay u qabteen hadday OCHA ka naxayso dad qaxooti ah? maxay meel ugu sameyn waayeen? maxay u gar-gaari waayeen? OCHA maxay maanta u qaylisay? waa laba wajiilenimada jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, dadkayaga aanu Laascaanood ka rarayno in lacag lagu doono waa ku ceeb Qaramada Midoobey” Hay’adda Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku shaacisay in tirada dadka Somaliland kasoo musaafurisay magaalada Laascaanood iyo deegaanada u dhaw-dhaw ay gaareyso 7,250 qof, kuwaas oo badankood ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. OCHA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in 24 qoys oo kale la dejiyay tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle, halka ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2,400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan October. Musaafurinta khasabka ah ee dadkaas ayaa walaac ku abuurtay dadka ku nool deegaanada Somaliland ee kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska OCHA ee Soomaaliya. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur, hantina ay kasoo tageen, taasi oo ay si weyn uga biyo diiday Somaliland. The post Xiisaddii Somaliland iyo QM oo dib u qaraxday iyo Muuse Biixi oo weerar culus qaaday appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax ay la eegatay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo isaga kala gooshayey deegaano dhaca xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay qaraxaas ay jidka u galiyeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya ee ku sugan xadka. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qaraxan miino ay ku dishay ugu yaraan 8 askari oo Kenyaan ahaa, isla-markaana ay ku dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan. Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Kayunga ee Gobolka Lamu & Sangur, sida lagu shaaciyey warka kasoo baxay Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro weli xad hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya, kuna aadan qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ay ka wadaan gobolka ee Laamu. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya iyo kuwa isaga kala goosha xadka Soomaaliya iyo Kenya. The post Al-Shabaab oo shaacisay inay qarax ku dishay askar ka tirsanaa ciidanka Kenya appeared first on Caasimada Online.