Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,377
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (HOL) - Badhan elders in the Sanaag region said they are sorry that the Somaliland government is harassing Somalis in their area. Source: Hiiraan Online
  2. Kismaayo (Caasimada Online)-Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee SEIT Jubbaland ayaa codsi la xariira mid ka mid ah kuraasta berri la dooranayo u gudbiyay madaxwaynaha maamulkaas Axmed Madoobe. Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland ka dalbaday in uu soo gudbiyo badalka mid kamid ah xubnihii kujiray liiska musharaxiintii uu soo gudbiyey, kaas oo sabab la’aan uga baaqday maanta in uu is-diiwaan galiyo, si loo siiyo shahaadada musharraxnimada. “Madaxweyne waxaan ku ogeysiineynaa in Cali Maxamed Cali oo liiska musharaxiinta kula qoraa Musharax Xasan Daahir Yarow uu ka baaqday is diiwaan gelintii maanta ka dhacday xafiiska guddiga SEIT ee Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashada Jubbaland. Sidoo kale guddiga ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo musharax kale oo Xasan Daahir kula tartama kursigaas. “Madaxweyne waxaan si xushmad leh kuugu soo jeedineynaa inaad musharaxaas ku soo bedesho qof kale waqtiga ugu haboon,” ayaa lagu yiri qoraalka. Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada afarta kursi ee ka dhiman xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Jubbaland. Afar Senator ayaa horay loogu doortay Jubbaland, hadii afarta kale berri la doortana dhameystirka doorashada golaha Aqalka Sare waxaa dhimanaaneysa laba Senator, kuwaas oo laga soo doorto deegaanada Galmudug. Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka soo jawaabay codsiga guddiga, isagoo soo gudbiyay magaca musharax cusub, kaas oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen Cali, waxuuna kursiga kula tartami doonaa Xasan Daahir Yarow. Warqadda codsiga guddiga Warqadda jwaabta Madaxweynaha The post Mid ka mid ah murashaxiinta Aqalka Sare ee Jubaland oo la la’yahay kahor doorashada berri appeared first on Caasimada Online.
  3. Muuqaalka Madaxweynaha jubaland Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxmed Islaan Axmed (Madoobe) ayaa amar ku bixiyay in golaha wasiirada aysan shaqo iyo fasax toona u bixi karin, iyagoo aan waraaq ka qaadan madaxtooyada. Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa amar ku bixiyay in agaasimeyaasha guud iyo kuwa waaxyada aysan shaqo iyo fasax toona u bixi karin, haddii aysan waraaq ka qaadan wasaaradooda. Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in amarkan uu dhaqangeli doono maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 21/10/2021. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyay kulan aan caadi ahayn oo maanta la qaatay golihiisa wasiirada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo amar dul-dhigay wasiirada iyo Agaasimeyaasha appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa lagu wadaa in uu billaabi doono doorashada Golaha Shacabka, sida ay sheegen ilo xogagaal ah. Madaxweyne Laftagareen oo shalay gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa kulan saacado badan ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo looga hadlay dar-dar gelinta iyo billaabida doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday. Wararka ayaa intaa kusii daraya in labada magaalo ee Baydhabo iyo Baraawe si hordhac loogu qabto middiiba doorashada Shan Kursi oo Aqalka Hoose ah, inta lagu gudo jiro bishaan October. Sidoo kale, Jubbaland oo aheyd maamulkii u horeeyay ee billaabay doorashada Aqalka Sare iyo gobollada Waqooyiga ayaa ayaguna qeyb ka ah sida la sheegayo maamulada sida hordhac ah u bilaabi doona doorashada Golaha Shacabka. Inkasta oo lacagihii lagu qaban lahaa doorashada Golaha Shacabka aan la wada helin, haddana waxa la xaqiijiyey inay taalo lacag yar oo lagu sii bilaabi karo howshaas, waxaana la filayaa in beesha caalamka ay deg deg u bixin doonaan dhaqaalaha dhiman haddii si hordhac ah loo guda-galo doorashadaas. Billowga doorashada golaha shacabka ayaa hoos u dhigaya culeyska siyaasadeed ee uu wajahayo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo asagu ah mas’uulka u sareeya ee gacanta ku haya arrimaha doorashada iyo amniga dalka. The post Xog: Maamulka ugu horeeya ee billaabaya doorashada golaha shacabka iyo xilliga appeared first on Caasimada Online.
  5. Xisbigii Kulmiye qoloftiisii iyo lafihiisii baa la isku hor dubanayaa. Nin baa soo xaday joog uu moodayey in subag sixin ahi uu ka buuxo, dabadeed nin dukaan Caynaba ku yaala haysta buu u yimi, oo ku yidhi jooggaas subagu ka buuxi meel ii sii dhig, markuu ninkii jooga lahaa dukaankii ka baxay buu ninkii dukaanka lahaa furay jooggii si uu u hubsado waxa joogga ku jira, markiiba waxuu arkay joog ay Muqumadi ka buuxdo. Gelinkii danbe ayuu ninkii joogga dukaanka dhigtay soo noqday oo ninkii dukaanka ku yidhi subagaas joogga ku jira dee iga iibso, ninkii dukaanka lahaa ismaba dhibine waxu ku jawaabey “ Horta adigu iyo jooggu ma is ogtihiin”. Waxaan uga golee yahay, Madaxweyne Muuse iyo Mohamed kaahin tolow ma is ogyihiin. Caqliga ma geli kartaa inuu Muuse ku yidhaahdo Mohamed Kaahin xisbiga ayaan kugu wareejinayaa ee ila shaqee, isla markaasna inuu dhabarka soo taabto labo wasiir oo ay Mohamed isku xaafad yihiin. Wasiirada waxa shaqaaleeyey madaxweynaha oo wasiiro ka dhigtay, meeshuna waa Afrika oo waxa uu Madaxweynuhu ku amro wasiiradiisa, wasiir qudha oo ka hor iman karaa ma jiro, oo waa odhaahdii ahayd “Hadduu Dhahar yidhi Allaa yidhi” oo kale. Waxa hadaba is weydiin mudan, halkee bay salaadu ka xidhmi la’dahay?. Madaxweyne Muuse weli waxuu u ciil qabaa sidii beriga uu shaanida tuurtuuri jirey loo soo balanbaliyey, ee Siilaanyo ku soo ciyaarsiiyey wasiiradii Samaale iyo Mohamed Biixi Yoonis, si uu markaas uga aar goosto xaafadan ilka-yarta, waxuu diyaarsaday shax ama qorshe ah lafo geri iyagaa la isku jebiyaa. Wasiir Cali Mareexaan waxuu u keensaday haddii ex-wasiir Xirsi looga dhigo gudoomiye xisbiga Waddani inuu isaguna ka hor keena Cali Mareexaan, waana sababta nin kale oo Dayo Faarax ah uu wasiir uga dhigay, iyadoo uu Moxamed kaahin hore usii joogey. Wasiir Xasan Gaafadhi oo lagu tuhunsanaa garabka Mohamed kaahina wuxuu Muuse Biixi usoo dhaqdhaqaajiyey in isaga iyo Cali Mreexaanba dhinaca xisbiga kulmiyena ay u noodaan belaayo-xijaab Mohamed Kaahin la iskaga gudbayo, dhinaca xisbiga Waddanina ugu noqdaan raacdo-reeb lagaga hortegayo Ina Xaashi ama Xirsi hadba kii ay qaataan xisbiga Waddani. Arrinka si kasta ha ahaadee, Muuse waxuu doonayaa inuu Mohamed Kaahin shax-guuriyo oo marka ugu danbeysa kula gorgortamo wasiiradan Cali mareexaan iyo Xasan Gaafaadhi anigaa kaa reebayee, adiguna gudoomiyanimada xisbiga kulmiye qaado, anigana musharaxninada iiga hadh. Isku soo wada xooriyoo, maanta Mohamed Kaahin gacanta kuma wada hayo xaafadii midaysnayd ee Siilaanyo is garab taagtey naf iyo maalba. Madaxweyne Muuse Biixina waxuu arkay xaafadii bariga Burco oo iyadoo hal raq ah hor taala. Hadraawi maxuu yidhi “ Hal la qalay raqdeedaa, Lagu soo qamaamoo, Qalalaasihii baa, Nin ba qurub haleeloo, laba waliba qaybteed, Qorraxday ku dubatoo, Qoloftiyo laftiibaa, Lagu liqay qallaylkee”. Mohamed Kaahin maalintii uu wasiirnimada ka ogolaaday Muuse Biixi buu khaladkii ugu weynaa galay, maantana Muuse Biixi baa Mohamed Kaahin xaafadiisii kula dhex jabhadeynaya, sidaas awgeed waxa lagama maarmaan ah inuu Mohamed kaahina la jabhadeeyo oo la qaadwaleeyo Muuse Biixi oo uu markaas uga tago wasiirnimada, haddii kale turubka rankiisii sare waxay gacanta ugu jiraan imminka Muuse Biixi, abtigayna laf buu toobin ku hayaa. Haduu Muuse daacad u yahay Ina Kaahin waxuu ka reebi lahaa wasiiradiisa. Ka joogga ah iyo ka ninka joogga dukaanka dhigtay kii aad kala tihiin, imminka idiin kala garan mayno, laakiin waxa iska cad inaanay Madaxweyne Muuse iyo wasiir Mohamed Kaahin is ogeyn. W/Q Siyaasi Cali Kubad Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag uga hadlay tallaabadii ay maanta dagaalyahanada Al-Shabaab ku gubeen gaari Dameero raashin u waday degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu horeyntii cambaareeyay falkaas oo uu ku tilmaamay mid arxan daro ah, islamarkaana muujinaysa heerka ay naxariis darada iyo turid la’aanta ka gaartay Al-Shabaab. “Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Rooble. “Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale”. Sidoo kale waxa uu bogaadiyey Ra’iisul Wasaaruhu ciidamada xooga dalka oo ayagu saaka ku baxay deegaankaasi ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku gubeen raashinka badan. “Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna.” Si kastaba, Ma ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Waajid iyo deegaanada hoos yimaada oo ka tirsan gobolka Bakool, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah. The post R/W Rooble oo war kasoo saaray tallaabadii ay maanta qaadeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  7. PRESS RELEASE Canada-Africa collaboration: Prime Minister Justin Trudeau to address Africa Accelerating 2021 The Canada-Africa Chamber of Business is pleased to announce Prime Minister Justin Trudeau will address the opening of its 3-day programming from 26 to 28 October 2021 Access Multimedia Content TORONTO, Canada, October 20, 2021/ — During the opening session of the upcoming 3-day summit the Canadian leader will underscore opportunities to deepen Canada-Africa collaboration – during a program open to all for virtual attendance (Click here for Complimentary Registration – https://bit.ly/3vxISpF). The Canada-Africa Chamber of Business is pleased to announce Prime Minister Justin Trudeau will address the opening of its 3-day programming from 26 to 28 October 2021. ‘’The Prime Minister’s message will focus on Canadian efforts at home and on the African continent for the restart of African economies,’’ said Sebastian Spio-Garbrah, Chair of the Board of The Canada-Africa Chamber of Business. He added that ‘’the address will underscore that Canada and Africa have many opportunities to be strong partners, with reference to existing programs, future opportunities and his visit last year to the African Union’’. Last month the Canada-Africa Chamber of Business congratulated Prime Minister Justin Trudeau, acknowledging his policy commitments on Africa which include: a strategy for economic cooperation across Africa, including support for the African Continental Free Trade Agreement, facilitation of increased infrastructure investment, and expanding partnerships in research and innovation. ‘’We were delighted to see that some of the recommendations discussed by the Chair of the Board and the President with the Canada Africa Growth Coalition are reflected in Prime Minister Trudeau’s platform,’’ said Mr. Spio-Garbrah. Prime Minister Trudeau’s address will take place at 09:15 ET (3.45PM CAT) on Tuesday 26 October 2021. Registration is complimentary for all who wish to attend. Click here to register – https://bit.ly/3DVAvr1. About the conference: View the Full Program (https://bit.ly/3C0Tn7l) and see the official event page (https://bit.ly/3E18w9A) for more information. Africa Accelerating brings together leaders from the private and public sectors, policy makers, managers of billions of dollars in investment capital, and showcasing a pipeline of significant projects and opportunities. Ivanhoe Mines Ltd., the Canada-Africa Chamber of Business’s 2021 premier partner and lead sponsor, is working with the Chamber to address challenges and advance opportunities for enhanced Canada-Africa trade and investment that will contribute to shared and sustained economic benefits. High-Level Programming Our program includes financing options for all sizes of projects and business ventures, export support (in both directions) and cutting-edge analysis, including Canada’s latest policy approach to African markets and the African Union Free Trade agenda. The opportunities for business are enormous, as are the support programs and incentives on offer! Other confirmed speakers include: Leaders at Ivanhoe Mines Ltd, including founder H.E. Kgalema Motlanthe, the former President of the Republic of South Africa and Patricia Makhesha, Executive Vice President, Sustainability and Special Projects; the Government of Canada (Tarik Khan, Director General for Sub-Saharan Africa at Global Affairs Canada), the African Union (H.E. Wamkele Mene, Secretary General of the African Continental Free Trade Agreement); Ethiopian Airlines (Mr. Samson Arega, Manager for Canada) the African Development Bank (Solomon Adegbie-Quaynor, Vice President); B2Gold (Neil Reeder, VP, Government Relations), Hatch (Cassandra Lee, Global Director of Pyrometallurgy); The Kingdom of Morocco (Moroccan Agency for Solar Energy); The Republic of Malawi (Trade Minister, Hon. Sosten Gwengwe); The Canada-Africa Chamber of Business (Akinyi J. Eurallyah, Post-Graduate Fellow in Trade) APO Group (Katya Blouin, Chief Business Officer); Export Development Canada; the IFC – International Finance Corporation (Kruskaia Sierra-Escalante, Manager of IFC Blended Climate Finance); Mine Africa Inc; McKinsey & Company (Ken Hoffman, Co-Head, EV Batteries Material Research) and many more. Garreth Boor, President of The Canada-Africa Chamber of Business, commented: “We are looking forward to welcoming many delegates from across Canada and various African markets, virtually, in addition to our in-person VIPs.’’ Qaran News
  8. Al-shabaab ayaa la sheegay in ay gubeen ilaa 7 gaari dameer oo badeecooyin u waday degmada Waajid ee gobolka Bakool. Waxaana halkaas markii dambe dagaalka ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab, kaas oo aan si rasmi loo ogayn khasaaraha ka dhashay. Degmada Waajid oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Al-shabaab ayaa muddo sanado ah go’doomiyey gobolka Bakool, waxayna dhowr jeer oo hore dhacday in gaadiid raashin u waday degmooyinka gobolkaas. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa cambaareeyay dhacdada lagu gubay badeecooyinka ay la haayeen ganacsato Soomaaliyeed, wuxuuna ammaanay ciidammada dowladda ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Ra’iisul Waasre Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool”. “Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale” ayuu qoraalia raaciyay. Rooble ayaa qoraalka ku soo gabagabeeyay “waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna”. PUNTLAND POST The post Gaari dameero badeecad u waday Waajid oo la gubay iyo Rooble oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.
  9. The UK is a major arms supplier to Saudi Arabia and the United Arab Emirates, both of which have been heavily involved in the war in Yemen [File: Ali Owidha/Reuters] Human rights lawyers have filed a complaint to British police accusing senior government figures in Saudi Arabia and the United Arab Emirates of complicity in war crimes in Yemen. The London-based Guernica 37 legal team submitted their dossier to the capital’s Metropolitan Police Service and the Crown Prosecution Service (CPS) on Wednesday. Toby Cadman, the barrister leading the complaint, said 22 high-ranking Saudi and Emirati political and military officials are alleged to have been involved in crimes against humanity. The dossier calls for the individuals to be immediately arrested should they enter the UK, a close political ally of Riyadh and Abu Dhabi. The lawyers have not released the list of names. “We are talking about the most heinous crimes and we don’t believe there is any immunity from them,” Cadman told UK newspaper The Guardian. Universal jurisdiction Guernica 37 is focusing on three events including a 2018 air attack on a school bus in northern Yemen, which killed at least 26 children, and a 2016 aerial bombing of a funeral in the capital, Sanaa, that killed140 people. The other concerns the alleged torture and murder of civilians in Aden, a strategically important port city in southern Yemen, by Colombian mercenaries under the command of a US private military company contracted to the UAE. As evidence, the group cited accounts from survivors of the three incidents and their relatives. Their file also features testimony from the families of those killed in the events. Cadman said the team was relying on universal jurisdiction under UK law to bring forward their case. The principle ensures that individuals who are guilty of certain offences, including war crimes and torture, can be prosecuted in UK courts regardless of where their crimes took place. “Under UK law there is no requirement for the crimes to be committed on UK territory or there to be UK victims or UK defendants,” he said. ‘Relentless suffering and pain’ Yemen has been convulsed by war since 2014, when the Iran-aligned Houthi rebel group seized large swaths of the country, including Sanaa, forcing the internationally recognised government of President Abd-Rabbu Mansour Hadi to flee. Fighting escalated in March 2015, when a military coalition led by Saudi Arabia and featuring the UAE intervened in an attempt to restore Hadi’s administration. In the years since, the conflict has largely ground into deadlock. The fighting has killed tens of thousands of people and spawned what the United Nations has called the world’s worst humanitarian crisis. Both sides have been accused of committing war crimes. Global rights campaigners praised Guernica 37’s move to hold the warring parties accountable for the alleged offences. “Yemen’s battered population has been subjected to more than seven years of relentless suffering and pain,” Oliver Feeley-Sprague, Amnesty UK’s arms programme director, told UK newspaper The i. “Anything which gets us a step closer to holding those responsible for war crimes in Yemen to account is to be strongly welcomed.” Source: Al Jazeera The post Yemen war: Lawyers submit case to UK police accusing UAE, Saudi appeared first on Puntland Post.
  10. ROME (HOL) - He braved the desert and the high seas at the height of turmoil in Mogadishu in 2008 and for seven months, Abdullahi Ahmed Moalim kept the dream alive against the odds of the dangerous journeys taken by many Somalis but survived by a few. Source: Hiiraan Online
  11. Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa waxa uu deegaanadiisa ka bilaabay musaafurinta dadka kasoo jeeda Itoobiya, kuwaasi oo qaarkood muddo badan ku sugnaayeen magaalooyin ka tirsan maamulkaasi. Puntland oo kaashaneysa hay’adda socdaalka adduunka ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM ayaa waxay dalkoodii dib ugu celiyeen illaa 42 qof oo Itoobiyaan ah. Dadka lagu celiyay Itoobiya ayaa waxaa badankooda laga qaaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana lagu soo waramaya inay dadkaas si nabdoon ku gaareen dalka ay kasoo jeedaan. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadkaas Itoobiyaanka ah qaarkood ay muddo bil ah ku xayirnaayeen gudaha maamulkaas, kuwaasi oo si iskood ah u dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo. Ciidamada maamulka Puntland ayaa kal hore qab-qabtay dad u kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaasi oo doonayay inay ka tahriibaan xeebaha gobolka Bari, si ay u gaaraan wadamada Yaman iyo Sacuudiga. Puntland oo ka faa’iideysaneysa Barnaamij ay dadka dib ugu laabanayo dalalkooda ku caawineyso Hay’adda Socdaalka Adduunka Qaramada Midoobay ee IOM, ayaa dalkeeda ka saareysa Itoobiyaan badan. The post Puntland oo deegaanadeeda maanta ka musaafurisay dad badan oo ka soo jeeda… appeared first on Caasimada Online.
  12. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay gurmad deg deg ah oo loo fidinayo shacabka Jubaland ee abaaraha ba’an saameeyeen. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in sida ugu dhaksaha badan Jubaland loo gaarsiinayo gurmad kala duwan si loo caawiyo shacabka ku tabaalaysan halkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay garab istaag iyo gurmad u fidiyaan bulshada Reer Jubaland ee abaaraha ku waxyeelloobay. Sidoo kale wuxu baaq u jeediyay hay’adaha Sama-falka Qaramada Midoobay iyo dhammaan deeq-bixiyaasha Beeesha Caalamka in ay caawiyaan shacabka Jubaland. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhawaaqay gurmad loo fidinayo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  13. Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa shalay u yeertay safiirada 10 dal oo ay ku jiraan Jarmalka iyo Mareykanka, kadib markii ay ku baaqeen in lasii daayo hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka, kaasi oo xarigiisa uu dhaawacay xiriirka Ankara iyo Reer Galbeedka. Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin. Waxa uu wajahayaa eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha. War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiskiisa.” “Dib u dhaca sii socda ee maxkamadeyntiisa…waxay mugdi gelienysaa ixtiraamka demoraadiyadda, sarreynta sharciga iyo hufnaanta nidaamka garsoorka Turkey,” ayey yiraahdeen. Safaaradahan ayaa ugu baaqay Turkey inay raacdo xukunka Golaha Yurub, oo ah urur xuquuqda aadanaha qaabilsan oo ay ku biirtay 1950. Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2. Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha diebdda Turkey ayaa lagu sheegay in safiirada loo yeeray ay shalay subax tageen xarunta wasaaradda. Diblomaasiyiinta waxaa lagu wargeliyey in war-saxaafadeedkooda “uu ka tallaabsaday xuduudaha iskuna dayey inuu siyaasadeeyo hanaan sharci, islamarkaana cadaadiyo garsoorka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda. “Waxaa lagu wargeliyey inay diirad saarista kiisas la xiriira maxkamadaha Turkey, gaar ahaan Kavala ay tahay mid aan daacad aheyn oo laba wejiilenimo ah.” Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sidoo kale cambaareeyey qoraalka 10-ka safaaradood. “Ma ahan wax ka aqbali karo in safiirada ay soo-jeedimo ama tallooyin ka dhiibtaan kiis sharci ah oo socda,” ayuu Soylu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Wasiirka Cadaaladda Turkey Abdulhamit Gul ayaa Isniinii isna yiri “Safiirna ma lahan xaq uu talooyin ama soo jeedimo ugu gudbiyo maxkamadaheena.” AFP + VOA The post Turkey oo u yeertay safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey (Faah-faahin) appeared first on Caasimada Online.
  14. Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo ay weheliyaan Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa maanta kulan la qaatay dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan Caasimadda Garoowe. Kulanka ayaa looga hadlay wada-shaqaynta dhinaca Amniga caasimadda iyo dhawrista xuquuqda dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku nool magaalada Garoowe. Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Jaamac Aadan iyo Guddoomiyaha Gobolka Maxamuud Xasan maxamed (Cawil Mataan) ayaa kulankaas kadib warbaahinta la hadlay. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Gobolka Nugaal oo kulan la yeeshay dadka u dhashay Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  15. Mekele (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya ayaa mar kale weerar dhanka cirka ah ku qaaday Magaalada Mekelle ee caasimadda u ah maamulka Tigrayga ee dagaalka ku jiro ciidamada Dowladda. Diyaaradaha Itoobiya ayaa duqeynta la beegsaday bartamaha magaalada, halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka TPLF iyo dad shacab ah. Muuqaallo lasoo duubay marka ay duqeynta ka dhacday magaalada Mekelle kadib ayaa laga arkayey qiic madow oo cirka isku shareeray, waxaana goobaha ay diyaaradaha duqeeyeen kamid ah goobo ganacsi. Illaa hadda si rasmi ah looma ogo khasaaraha ka dhashay duqeynta maanta dhacday, waxaana la xaqiijiyey inay gubten goobo ganacsi. Baabuurta dambi damiska ee maamulka Tigray-ga oo gurmad ahaan usoo gaaray goobaha la duqeeyey ayaa ku guuleytay inay damiyaan dabka. Waa markii labaad oo isbuucan gudihiisa ay diyaaradaha dowladda Itoobiya duqeymo ka geystaan magaalada Mekelle. Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku eedaynaya dowladda Itoobiya in ay xasuuqayso dad shacab ah, wuxuuna weli Abiy u adkeysanayaa inuu sii wado dagaalka uu kula jiro maamulka Tigreyga oo hadda gacanta ku hayo maamulkooda. The post Sawirro: Ciidanka Itoobiya oo mar kale si xun u duqeeyey caasimadda TIGRAY-ga appeared first on Caasimada Online.
  16. Todobaadkii hore Warbaahinta Shiinaha, ayaa baahisay War ay ku sheegayso in Dawladda Taiwan jid khaldan u marayso inay sii xoojiso xidhiidhka diblumaasiyasadeed ee ay la leedahay Somaliland. Wargeyska Global Times oo Shiinaha laga leeyahay, ayaa sheegay in Taiwan ay lacago laaluush ah siisay Siyaasiyiinta Somaliland, arrintaasi oo meel ka dhac ku ah Sumcadda Taiwan ee dunida Dimuqraadiga ah. Laakiin, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan, ayaa cambaaraysay Wargeyska Global Times ee dalka Shiinaha, kaasi oo faafiyey wararkaasi oo ay ku sheegtay inay been abuur yihiin. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan Joanne Ou oo War-saxaafadeed soo saartay, ayaa sheegtay inaan waxba ka jirin Warka uu baahiyey Global Times ee sheegaya in Taiwan laaluushtay Siyaasiyiinta Somaliland, balse markii ay Taiwan iyo Somaliland is-dhaafsadeen xafiisyadooda dublamaasiyadeed ay labada dawladood bilaabeen mashaariic iskaashi oo daah-furan, sida Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada, Daawooyinka, si kor loogu qaado nolosha dadka Somaliland, sida ay sheegtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan. Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan Joanne Ou, waxay sheegtay in War-bixinta Global Times tahay been-abuur isla-markaana looga gol leeyahay waxay ugu yeedhay ‘in lagu sumeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan..” waxayna ku baaqday in laga fogaado Wararka uu qoray Global Times Hase-yeeshee, War-bixin dabagal ah oo uu warkaa hore ka dib ay qortay Warbaahinta New Bloommag, ayaa lagu sheegay in qorsheyaasha uu Shiinuhu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu intaa ka sii badan karo, suurto-galna tahay inuu Tallaabo muuqata qaado. Warbaahinta Bloommag, ayaa War-bixinta dabagalka ee ay qortay ku tidhi “Waxa kale oo laga yaabaa in dawladda Shiinuhu qaado tallaabooyin kale oo looga golleeyahay in lagu carqaladeeyo xidhiidhka ay Taiwan la leedahay Somaliland, Tallaabooyinkaasi oo ay ka mid tahay in la isku dayo in lagu qasbo Soomaaliya tallaabo ka dhan ah Somaliland..” Warbaahinta Bloommag oo War-bixinteeda ku xustay in qorsheyaasha Shiinaha ee uu ku carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ay badan karaan, ayaa qoray “Tan waa la arki doonaa.” Source
  17. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayo madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya Paul Simkin. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka ee Puntland ka socda , sidii la iskagakaashan lahaa Maamul baahinta guud ee degmooyinka iyo doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Puntland. Gabagabadii Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda ayaa uga mahadceliyey wada-shaqaynta buuxda ee ka dhexeeysa Dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta ku ah mashruucaan waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay Dowlad ahaan joogtaynta iyo sare u qaadista mashruuca. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Madaxa Mashruuca JPLG oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gubeen oo ay dab xoogan qabad-siiyeen gaari Dameero raashin waday, kuna sii jeeday magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen. Wararka ayaa sheegaya in illaa sagaal gaari Dameer ay gubeen xoogaga Al-Shabaab, iyaga oo u galay duleedka degmada Waajid ee gobolkaasi. Gaari Dameerada la gubay ayaa sidday raashin noocyo kala duwan leh, waxayna ku socdeen magaalada Xudur ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inay goobta ka baxsadeen, iyaga oo nabad qaba dadkii waday raashinkaasi, ka hor inta aysan soo gaarin Al-Shabaab. Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa gurmad u tegay halkaasi, iyaga oo dagaal la galay kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay gaaari Dameerada la gubay ayaa sheegay in falkaas kadib ay khasaare gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kadib markii ay kula dagaalameen inta u dhexeysa degmooyinka Waajid iyo Xudur ee Bakool. Ma’ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Xudur iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah. Bakool ayaa ka mid ah gobollada dhaca koonfurta dalka, isla-markaana ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. The post Sawirro: Al-Shabaab oo gubay raashin loo waday shacabka XUDUR appeared first on Caasimada Online.
  19. Torino (Caasimada Online) – Cabdullaahi Axmed Macallim oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa noqday qofki ugu horreeyay oo muhaajir ah oo loo doorto xildhibaan ka tirsan Golayaasha Deegaanka ee dalka Talyaaniga. Cabdullaahi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ku soo baxay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino oo ku taalla Waqooyiga dalka Talyaaniga. Sidoo kale waxa uu noqday musharraxa ugu codka badan Golaha Deegaanka ee la doortay iyo ajnabigii ugu horreeyey muddo 25 sano ah. Mr Cabdullaahi ayaa haatan helay fursad weyn oo uu ku metali doono shacabka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga. Guushiisa ayaa ka dambeysay, kadib markii ay soo sharraxeen xisbiga Dimoqraadiga ee dalkaasi, isaga oo isniintii ku guuleysay ka mid noqoshada Golaha Deegaanka. Waxaa sidoo kale guushiisa soo dhoweeyey Soomaalida oo si aad ah ugu hambalyeeyey, waxaana baraha bulshada ka socda dabaal-deg lagu muujinayo guushiisa. Arrinta xiisaha usii yeeleysa guusha Cabdullaahi Axmed Macallin ayaa ah in doon uu ku galay dalka Talyaaniga, isaga oo tahriib ahaa sanadkii 2008-dii. The post Soomaali Tahriib ku galay Talyaaniga oo xil sare loo doortay appeared first on Caasimada Online.
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo ay ku sugan yihiin ciidamada daraawiishta ee Jubbaland. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, wuxuuna dagaalka socday muddo saacado ah. Ugu yaraan hal askari ayaa ka dhintay weerarkaas, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo ka tirsanaa isla ciidamada daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi, isla-markaana ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland oo howl-gallo wada. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. The post Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.
  21. In Somalia seaport competition is the latest political fad. The fact that predominantly nomadic social groups have laid claim to national infrastructures points to a belated attempt to make up for lost economic opportunities due to the collapse of state in 1991. It is difficult to foresee what economic goals can be attained through the control of key infrastructures such as seaports by subnational entities. From clockwise: Hobyo jetty, Kismayo Port, Bosaso Port and Berbera Port. Economic development takes off in a post-conflict context when the state exerts full authority in its territories. The case of Ethiopia between 1991 and 2014 provides an example about what an institutionally strong national government can implement and how it can liaise with donors and multilateral organisations. “World Bank has invested more than $2 billion since 1991 to help Ethiopia address its infrastructure gap? This investment has helped Ethiopia to improve the quality of its roads and increase the size of the road network from under 20,000 km in 1991 to over 144,000 km in 2020” the World Bank Ethiopia office tweeted in 2020. The 620% increase in Ethiopia’s road network has translated into economic opportunities in the form of direct foreign investment and remarkable growth between 1991 and 2014. The collapse of state deprived Somalia of economic development opportunities. The self-help-based reconstruction that people, who fled to one-time backwater parts of the country, have embarked upon is commendable, but should never be used as a reason to valorise the weak state argument that liken Somalia to a polity of clan mini-states operating without a sovereign authority. For the last five years Somalia has been positioning itself as a potential exporter of fish to Ethiopia — all from Bosaso, Mogadishu, Kismayo and planned Hobyo, Eyl and Heis fishing ports. Additionally, Ethiopia has bought shares of the DP World Berbera Project. There is only so much fish that Ethiopia can buy from Somali authorities. Without a national economic development strategy, Somalia’s seaports will become white elephants consuming resources that could be channelled into other productive sectors. If a subnational entity (Federal Member State) devises economic development plans without harmonising it with other central stakeholders, the outcome will lead to lost economic opportunities and wasted resources. National seaports will lose their economic potential if their ownership structure becomes synonymous with clan ownership. Bosaso Port gives an example about what can happen when questionably communal seaport ownership replaces state ownership. Puntland claims that the Federal Government of Somalia opposes the agreement that the Garowe-based administration signed with DP World in 2017. Only when Somalia ended the transitional period (2004-2012), have Somalia’s seaports paradoxically become vulnerable to take-over by foreign companies without the imprimatur of the Federal Government of Somalia. State control of key infrastructures such as seaports in a country recovering from a civil war is premised on two principles: 1- infrastructures were built in the name of Somalia, and 2- all Somali citizens have equal rights to collective ownership of infrastructures through the state in the absence of credible privatisation programme. Getting all political stakeholders to sign up to these two principles will lay the foundation stone for an accountability-based approach to running national infrastructures. To attain this goal political mistakes made by Somali leaders after the end of the transition must be rectified. In 2012 Somalia formed a fully recognised government with powers to sign agreements with foreign companies without its writ running in all parts of the country. Limiting the powers of the Federal Government until Somalia develops politically accountable institutions would be a first step towards achieving the abovementioned goal. Political authority is inseparable from political accountability. Any Somali government that exercises the privilege to sign an agreement with a foreign company must be accountable to Somali citizens through institutions that enjoy wider political legitimacy domestically, not solely recognition from foreign countries. The state-building model that Somalia adopted after 2011 had yielded unsavoury political outcomes that undermine the sovereignty of Somalia and make the nation state dependent on foreign peacekeepers indefinitely. Does this mismatch between the sovereignty and lack of state control of national infrastructures result from political myopia or donors’ conflicting interests? Whatever the cause of the lop-sided, post-conflict economic development initiatives in Somalia, it is important to figure out whether Somalia needs to put in place measures to prevent post-conflict reconstruction programmes from further deepening anti-state and anti-sovereignty sentiments espoused by some Somali politicians.Somalia needs a state-building model that forges a common stand on collective ownership of national infrastructures in place of the fiefdom-based attitude towards post-war development initiatives. Liban A. Ahmad Libahm@gmail.com The post SEAPORTS CANNOT BECOME A COMPETITIVE ADVANTAGE FOR SOMALIA appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Torino)-Wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Cabdillaahi Axmed Macalin oo ah Soomaali ayaa loo doortay Golaha deegaanka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga. Cabdilllaahi ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1988, waxaana sanadkii 2008-dii uu qaab soo galooti ah ku tagay jaziirada Lampedusa, sanadkii 2016 ayuu qaatay dhalashada dalka Talyaaniga, sidoo kale sannadkii 2014 ayaa loo aqoonsaday Muwaadin sharafeed magaalada uu deganaa. Doorasho ka dhacday magaalada Torino ayuu Cabdillaahi ku guuleystay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino ee Waqooyiga dalka Talyaaniga, isagoo ka mid ahaa xisbiga Dimuqraadiga. Source
  23. Haweenka Puntland oo shir ku yeeshay Caasimadda Garoowe aya si adag uga horyimid Xeerkii lagu mamnuucay Gudniinka Gabdhaha oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland. Xeerkan oo muran iyo dood xooggan ka dhaliyay gudaha Puntland ayaa gebi ahaanba meesha ka saaraya in noocyada kala duwan ee Gudniinka Gabdhaha. Haweenka ku shiray Garoowe ayaa ka dalbaday Madaxweyne Siciid Deni in laga laabto Xeerka oo sida ay sheegeen Diin la’aan horseedaya. Xeerka ayaa haatan sugaya in ay ansixiyaan Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Haweenka Puntland oo ka horyimid Xeerkii lagu mamnuucay Gudniinka Gabdhaha appeared first on Puntland Post.