-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-London)-Warbaahinta UK ayaa markii ugu horreysay baahisay sawirka Cali Xarbi Cali, oo ah wiilka Soomaaliga ah ee loo xidhay dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay mind, maagaalda Essex oo qiyaatsii 65 km u jirta magaalaa London. Sidoo kale, xog cusub oo la helay ayaa sheegeysa in Cali lagu khasbay inuu qaato kooras waxbarasho oo loogu talo-galay in lagu beddelo dadka xagjirka noqda, muddo shan sanno kahor ah, kadib markii macallinkiisa uu ku arkay fikrado xagjir iyo inuu taageero weyn u yahay Anjem Choudary oo ah wadaad baahiya naceybka dadka aan Muslimiinta aheyn. Cali oo 25 jir ah ayaa lagu warramay in dilka xildhibaan David Amess uu isaga doorto si wareegto ah un, oo ayna jirin naceyb gaar ah oo uu u qabay. Dad saaxiibo la ah Cali ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail inuu xagjir noqday kadib markii uu daawaday muuqallo badan oo ah khudbadaha Anjem Choudary oo ku jira YouTube. Anjem Choudary ayaa hore waxaa loogu helay dambi ah inuu naceyb faafiyo Dhinaca kale booliiska iyo sirdoonka MI5 ayaa eegaya suurta-galnimada ah haddii Cali uu David Amess u beegsaday sababo la xidhiidha taageerada xildhibaanka ee Qatar oo ah dal saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya. Cali ayaa markii lagu arkay fikradaha xagjirka isaga oo 19 sanno jir waxaa loo diray barnaamijka Prevent ee loogu talo-galay dadka xagjirka noqda, maadaama loo arkay in xagjirnimadiisa ayna gaadhin heer loo gudbiyo sirdoonka MI5. Waxaa sidoo kale lagu warramay in xilliga lagu arkay fikradaha xagjir ay kusoo aaday xilli aanu wanaagsaneyn xidhiidhka isaga iyo qoyskiisa, ayada oo hooyadiis iyo aabihiis ay kala tageen kadibna aabihiis uu aaday Soomaaliya. Qof ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in riyadiisa aheyd inuu noqdo dhakhtar, islamarkaana uu isku diyaarinayey inuu qaato imtixaanka NHS. Xarbi Cali Kulane oo markii ugu horreysay ka hadlay xadhiga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, ayaa isna yidhi “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh.” “Ma aha waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yidhi wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times. “Sababo la xidhiidha baadhitaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yidhi Xarbi Cali Kulane. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wefti uu hoggaaminaayo ayaa soo kormeeray dawladda hoose ee degmada Xudun ee gobolka Sool iyo goobo kale. Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka dawladda hoose ee degmada Xudun, isagoo wasiirku soo indho indheeyay qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay dawladda hoose ee degmadaasi, waxaana shirar gooni gooni ah uu la yeeshay maamulka degmada, isagoo sidoo kale soo kormeeray saldhigga booliska ee degmada Xudun. Maayarka degmada Xudun Maxamed Jaamac Xirsi iyo ku xigeenkiisa Cabdinaasir Cabdiqaadir ayaa ugu horreyn wasiirka warfaafinta warbixin ka siiyay xaaladda degmada, iyagoo sheegay in saldhigga booliska ee degmada Xudun uu u baahan yahay qalabayn iyo gaadiid, si uu uga shaqeeyo dhulka ballaadhan ee ay xukunto degmadu, waxaana ay intaas ku dareen in dawladda ay ka codsanayaan inay qalabayso xafiisyada saldhigaasi oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabto degmadu. Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa bulshada deegaanka Xudun ku ammaanay nabadgalyada iyo horumarka ka muuqda deegaankooda, waxaana uu sheegay in dawlad ahaan ay kala shaqayn doonaan wixii baahiyo ah ee ay qabaan. Wasiirku waxa uu intaas raaciyay in bulshada deegaanka Xudun ay ka muuqato diyaar garaw weyn oo dhanka horumarka iyo ilbaxnimada ah, sidaas awgeed baahiyaha ay qabaan ay gaadhsiinayaan hay’adaha dawladda iyo mas’uuliyiinta ku xilka leh. Wasiirka warfaafinta Mr. Koorre waxa uu ugu baaqay bulshada Xudun inay illaashadaan wada jirkooda isla markaana ay halkaasi kasii wadaan dedaalka iyo ilbaxnimada ka muuqata degmada. Source
-
Colin Powell, Who Shaped U.S. National Security, Dies at 84
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Colin L. Powell, who in four decades of public life served as the nation’s top soldier, diplomat and national security adviser, and whose speech at the United Nations in 2003 helped pave the way for the United States to go to war in Iraq, died on Monday. He was 84. Source: Hiiraan Online -
Waxaa goordhaw geeriyooday xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Colin Powell ayaa goordhaw u geeriyooday xanuunka corona Virus. Colin Luther Powell , oo ahaa jeneraal afar-xiddigle hawlgab ah ayaa 2001 illaa 2005 , wuxuu ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee 65-aad ee Mareykanka , wuxuu geeriyooday isagoo 84 jir ah. Mr Colin ayaa 1958, ku biiray ciidamada dowladda Mareykanka, isagoo dalal dhowr ah kaga qeyb galay howl gallo fara badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guriceel (Caasimada Online) – Xaaladda Galmudug ayaa sii cakirmeysa kadib markii ay fashilmeen wada-hadallo ay wadeyn odayaasha magaalada Guriceel oo ay ku doonayeen in kooxda Ahlu Sunna ay si nabad ah uga baxdo magaalada oo aan lagu dul dagaalamin dadka maatada ah. Ahlu-Sunna ayaa la sheegay inay ku gacan seyrtay dhowr kulan oo ay odayaasha deegaanka la yeesheen, si gaar ah Sheekh Maxamed Shaakir oo hoggaaminayey gulufkii ay kooxdaan ku qabsatay magaalada Guriceel ayaa la sheegay inuu diiday inuu magaalada ka saaro ciidanka kooxdaan. Sida aan xog ku helnay, dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Galmudug ayaa la xaqiijiyey inay daabushay ciidankii ugu xooganaa iyadoo geysay jihooyinka laga soo galo ama laga soo baxo ee Magaalad Guriceel. Kooxda la baxday Ahlu Sunna hadda ciidan ahaan waa hareereysan tahay, cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa shalay tagay Magaalada Matabaan iyo hareeraheeda, waxaana loogu talagalay inay toos u aadaan Magaalada Guriceel haddii laga fursan waayo dagaal. Ciidan kale oo xoog leh ayaa dhanka Dhuusamareeb xigta ka jooga Magaalada, halka ciidan kale la geeyey tuulo si xagal ah ugu aadan jihada Balanbal. Seddexdaas jiho ayey Galmudug geysay ciidanka loogu talagalay inay dib ula wareegaan Magaalada muhiimka ah ee Guriceel, waxaana la xaqiijiyey inay sugayaan go’aanka ugu dambeeyo ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ku jira wada-tashiyadii ugu dambeeyey. Odayaal deegaanka ah oo is xilqaamay ayaa ku fashilmay inay xal ka keenaan xiisadda ka taagan magaalada Guriceel, waxaana magaalada isaga baxay inta badan Shacabkii ku noolaa. Ahlu Sunna ayaa ku adkeysatay inaysan ka baxeyn magaalada Guriceel sida uu dhawaan saxaafadda u sheegay Taliyaha guud ee ciidanka Ahlu Sunna Cali Faarax. The post Ahlu-Sunna oo saddex jiho laga hareereeyey iyo wararkii ugu dambeeyey Guriceel appeared first on Caasimada Online.
-
If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. Egalement disponible en Français Rugby Africa PRESS RELEASE Tunisia Wins the Africa Cup Tournament Tunisia seemed to have found their feet with the 15s game to win by a mile scoring 61 points to nil Access Multimedia Content CAPE TOWN, South Africa, October 18, 2021/ — Tunisia’s women’s team played Cote d’Ivoire, who had lost to Senegal in the previous match on October 17th at El Menzeh Rugby Ground in Tunisia’s capital. Tunisia seemed to have found their feet with the 15s game to win by a mile scoring 61 points to nil. Tunisia started strong, passing the ball and sprinting out hard and committed early on to moving the up the field and keeping it close to the soaring zone. In the first few runs though Tunisia underestimated the strength of Cote d’Ivoire’s defenders only to run straight into their tackles. Although much slower Cote d’Ivoire surrounded the fleet footed Tunisian players like a pride of lions, swiftly bringing them down. After a few run ins to Cote d’Ivoire’s killer tackles Tunisia quickly adapted and upped their fast passing game sending the ball out wide onto the wing and bringing in their first try in the first eight minutes by No. 14 Ranim Madouri. After that Tunisia hit their stride and became like a well oiled machine, moving the ball forward with a much longer game. The Tunisian team showed greater unity as a team than they had done in their first match against Senegal. Despite being occasionally snarled up in Cote d’Ivoire’s tackles and scrums Tunisia kept up the pressure with a fast paced technical game After Madouri’s try, No. 10 Ameni Ben Salem scored a perfect conversion. For the rest of the match she proved herself to be a precise and effective penalty and conversion kicker. Madouri’s confidence was visibly growing, as she put in some spectacular turns of speed. Realizing that she never had to eat dirt, she dodged and weaved around Cote d’Ivoire’s defenders to score. In her final scoring run of the first half, she sprinted in a perfect arc to score on her feet, leaving Cote d’Ivoire’s defenders lumbering in her wake. At the end of the first half Tunisia had scored 30 points with Cote d’Ivoire having failed to even get the ball far up enough the field to dream of scoring a try. Tunisia’s team manager Abdelaziz Chaouachi Was pleased with Tunisia’s strong showing in the first half, he “the team is now getting used to playing 15s, now the ball is moving as it should, it’s about how the players move, but about how the ball moves,” he said. In the second half, Cote d’Ivoire seemed more assertive trying to the push the push up the field faster but Tunisia quickly took control of the ball to score another try in under four minutes of play. For the early part of the second half it was a try/conversion killer combo by Madouri getting balls over the line and Ben Salem kicking them across the bar. After a series of substitutions it was No. 16 Abire Dhaheri, a late substitution who brought home the next try and No. 11 Rihab Hamouda, but it was the kicking machine Ben Salem who launched the conversions over the bar, to bring the final score to 61-0 to Tunisia. Tunisia’s team coach, Malick Tcha-Tchibara said that Tunisia’s win was down to the new skills they had developed “they improved their communication, it was much clearer, it is easier to play when communication is clear, they decided to work hard and to go deep and move the ball.” A jubilant captain, No. 9 Meriem Mekni could not stop smiling after wining, said “we had a strategy to play long, because we saw that Cote d”Ivoire play a very close short game with tackles, so we went deep and wide.” Abdelaziz Chaouachi said “that after the game against Senegal Tunisia ranked 32 in the world, we are hoping that this tournament win will take us into the top 20.” Distributed by APO Group on behalf of Rugby Africa. For more images: https://bit.ly/3lRHZFg For media enquiries please contact: E: Rugby@apo-opa.com Follow RugbyAfrique: Twitter: bit.ly/3Edkk9n Instagram: bit.ly/3A5rVEy Facebook: bit.ly/391xzf8 Women’s Rugby in Africa: On the African continent, women’s rugby has seen tremendous growth. In the last decade it increased from 50 000 female players in 2012, to over 260 000 in 2018. For this tremendous growth to continue, strong leadership in women’s rugby needs to continue, the Women’s Executive Leadership Scholarship is one of the tools that will enable this. Africa will also be well represented when South Africa participates in the next rugby World Cup women in New Zealand in 2021 and Kenya in the Olympic Games. About Rugby Africa: Created in 1986, Rugby Africa, previously the African Confederation of Rugby (Confédération Africaine de Rugby – CAR), is one of the six regional associations composing World Rugby (www.WorldRugby.org), the international organization responsible for the governing of Rugby Union and Rugby Sevens. Rugby Africa unites all African countries which play rugby union, rugby sevens, and women’s rugby. Rugby Africa organizes the qualifying competition for the Rugby World Cup, and Africa Sevens, a qualifying competition for the Olympic Games. Rugby Africa has 39 members unions. Website: www.RugbyAfrique.com. SOURCE Rugby Africa Qaran News
-
London (Caasimada Online) – Warbaahinta UK ayaa markii ugu horreysay baahisay sawirka Cali Xarbi Cali, oo ah wiilka Soomaaliga ah ee loo xiray dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay mind, maagaalda Essex oo qiyaatsii 65 km u jirta magaalaa London. Sidoo kale, xog cusub oo la helay ayaa sheegeysa in Cali lagu qasbay inuu qaato kooras waxbarasho oo loogu talo-galay in lagu beddelo dadka xagjirka noqda, muddo shan sano kahor ah, kadib markii macallinkiisa uu ku arkay fikrado xagjir iyo inuu taageero weyn u yahay Anjem Choudary oo ah wadaad baahiya naceybka dadka aan Muslimiinta aheyn. Cali oo 25 jir ah ayaa lagu warramay in dilka xildhibaan David Amess uu isaga doorto si wareegto ah un, oo aysan jirin naceyb gaar ah oo uu u qabay. Dad saaxiibo la ah Cali ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail inuu xagjir noqday kadib markii uu daawaday muuqallo badan oo ah khudbadaha Anjem Choudary oo ku jira YouTube. Anjem Choudary ayaa horey waxaa loogu helay dambi ah inuu naceyb faafiyo. Dhinaca kale booliiska iyo sirdoonka MI5 ayaa eegaya suurta-galnimada ah haddii Cali uu David Amess u beegsaday sababo la xiriira taageerada xildhibaanka ee Qatar oo ah dal saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya. Cali ayaa markii lagu arkay fikradaha xagjirka isaga oo 19 sano jir waxaa loo diray barnaamijka Prevent ee loogu talo-galay dadka xagjirka noqda, maadaama loo arkay in xagjirnimadiisa aysan gaarin heer loo gudbiyo sirdoonka MI5. Waxaa sidoo kale lagu warramay in xilliga lagu arkay fikradaha xagjir ay kusoo aaday xilli aanu wanaagsaneyn xiriirka isaga iyo qoyskiisa, ayada oo hooyadiis iyo aabihiis ay kala tageen kadibna aabihiis uu aaday Soomaaliya. Qof ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in riyadiisa aheyd inuu noqdo dhaqtar, islamarkaana uu isku diyaarinayey inuu qaato imtixaanka NHS. Xarbi Cali Kulane oomarkii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, ayaa isna yiri “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh.” “Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times. “Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane. The post Sawirka Cali Xarbi Cali iyo xog ku saabsan cidda xagjir ka dhigtay oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Kalfadhigii 1’aad ee ay maanta yeesheen Golaha xildhibaannada degaanku ayaa Madaxwayne Mustafe cagjar mar kale loogu doortay inuu noqdo Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Soomaalida ee 5ta sano ee soo socota. Sidoo kale Ibraahim Cismaan oo horey u ahaa Madaxwayne ku xigeen ayaa isagana mar kale loogu doortay inuu Madaxwayne ku xigeenkii un ahaado. Kalfadhigan ayaa sidoo kale lagu doortay Afhayeenka baarlamaanka degaanka iyo ku xigeen, iyadoo Afhayeenka loo doortay gabadha lagu magacaabo Ayaan Cabdi, ku xigeena loo magacaabay Ibraahim Xasan Cali. Dadka degaanka ayaa aad u hadal haya arrimahan, iyagoo wali ka dhur sugaya golaha wasiirada uu Madaxwayne Mustafe cagjar soo magacaabayo. Hol Qaran News
-
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa gordhaw shaaciyay golahiisa cusub ee wasiirada. agjar oo saaka loo dhaariyay xilka madaxweynanimada dowlad deegaanka ee shanta sano ee soo socota ayaa soo saaray liiska wasiirada dowlad deegaanka Soomaalida. Hoos ka akhriso Golaha wasiirada Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida. ︎Xafiis=Wasaarad — 1- Xafiiska Madaxweynaha: Dr. Xuseen Qaasim 2- Xafiiska Beeraha: Dr. Cabdiqaadir Iiman 3- Xafiiska Hor. Xoolo dhaqatada: Subeer Xuseen Cumar 4- Xafiiska Hor magaalooyinka: Cabdiraxman Ciid Daahir 5- Xafiiska Waxbarashada: Cabdulaahi Lacag 6- Xafiiska Caafimaadka: Dr. Muuse Axmed Ibraahim 7- Xafiiska Maaliyadda: Cabdiraxmaan Axmed 8- Xafiiska Adeega shacabka: Warsan 9- Xafiiska Jidadka: Eng. Saddaam Xuseen 10- Xafiiska Nabadgalyada: Mubashir Dubad 11- Xafiiska Cadaalada: Axmed Xaaji Samatar 12- Xafiiska Biyaha: Xasan Daadhi 13- Xafiiska Xirfadaha iyo shaqo-abuurka: Xuseen Geydh 14- Xafiiska Arimaha Bulshada: Cabdullaahi Amaan(ONLF). 15- Xafiiska Arrimaha Haweenka: Xaliimo Xasan Maxamuyd 16- Xafiiska Ganacsiga Iyo Gaadiidka: Malaw Maxamed 17- Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha: Dayib Axmed Nuur 18- Xafiiska Ciyaaraha iyo dhalinyarada: Maxamed Mahdi 19- Xafiiska Warfaafinta: Cabdiqaadir Rashid Ducaale 20- Xafiiska Macdanta Iyo shidaalka: Khadra Bashiir 21- Xafiiska Deegaanka iyo Kaymaha: Eng Muxiyadiin Cabdi Xuseen 22- Xafiiska Waraabka iyo dooxooyinka: Maxamed Fatah 23- Xafiiska Curinta iyo sayniska: Faaduma Deeqa 24- Xafiiska Qorshaynta: Maxamed Sheekh Aden 25- Xafiiska Dakhliga: Maxamed Naaji 26- Xafiiska Maaraynta Iyo khataraha: Axmed Yaasiin Sh Ibraahim(ONLF) 27- Xafiiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska: Maxamed ismaaciil. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose, umagacaabay Maxamed Cabdiraxiim Nuur, waxana xilkii uuka qaaday gudoomiyihii gobolka Cabduqaadir Sidii. Laftagareen ayaa sidoo kale waxa uu Axmed Cumar Maxamed umagcaabay gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Shabeelaha hoose, waxana xilka laga qaaday Cabdi Axmed Afar sheegle. Xilka qaadistan ayaa kusoo adaysa iyada oo Gobolka Shabeelaha Hoose ay ka jirto cabasho ay beelaha qaar ka qabaan saami qaybsiga maamulka, waxana dhowaan magaalada Baraawe ee caasimadda koofur Galbed ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo habka loo maray dhismaha Golaha deegaanka Caasimadda. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casii Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilka qaadis ku sameeyay maamulka gobalka Shabeelada Hoose. Laftagareen ayaa xilka ka qaaday Cabdiqaadir Nuur Siidii oo ahaa guddoomiyihii gobalka Shabeelaha Hoose, isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Cabdiraxiim Nuur. Cabdi casii Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa sidoo kale xilka ka qaaday gudoomiye ku-xigeenkii gobalka ee Amniga iyo siyaasadda. Wareegto ka soo baxay xafiiska Lafta gareen ayaan mas’uulkaan xilka loogu magacabaay, iyasoo badalaya Cabdiqaadir Nuur Siidii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wiil soodaani ah ayaa maqaal cinwaankiisu yahay “Anigu ma tuug baan ahay – Hal annaa xaraami?” , asagoo ka sheekaynaya laba dhacdo oo soo martay xilli uu imtixaan dhakhtarnimada ah ka gelayey dalka Aayarlaand, ku qoray jariirad ka soo baxda dal ka mid dalaka carbeed Dhacdada 1aad:- Waxa uu yidhi wiilku, “Imtixaanka aan ku lahaa Aayarlaand fiigiisu waxa uu ahaa £409.00, waxaanse bixiyey sarif la’aan darteed £410,00. Imtixaankii waan galay, markii aan dhammaystayna waxaan ku soo noqday dalkaygii Soodaan. Ayaamo ka dib ayaa warqadi iiga timi dalka Aayarlaand ay ku qoran tahay: Waad khaldantay markaad bixineysey fiigii imtixaanka oo waxad bixisay £410.00 halkaad ka bixin lahayd £409.00 oo qudha. Sidaa la’ajligeed, Jeeg (cheque) ah £1.00 ayaanu kuu soo dirnay; waxaan xaqayaga ahayn ma qaadano. Jeega £1.00 waxaa ka badnayd lacagta boosta iyo lacagta dabacaada Jeega iyo warqada lagu soo ridey.” Dhacdada 2aad:- Waxa uu yidhi wiilku, “Dukaan yar oo gabadhi haysatay oo ku yaal meel u dhaxaysa halkaan u hoyan jirey iyo kuliyadaan imtixaanka ku lahaa ayaan Kaakaw (Cacao) ka iibsan jirey uu midhka sicirkiisu ahaa 18 pence. Maalin maalihii aan imtixaanka lahaa ka mid ahayd ayaa waxan Haye (rack’) Hayayaashii dukaanka ka mid ahaa ku arkay Kaakaw xabadiiba sicirka qorani uu ahaa 20 pence, halka Kaakaw yaaley Hayaha hore (first rack) sicirkiisu ahaa 18 pence. Wiilkii waxa uu yidhi, “intoon yaabay, ayaan Gabadhii ku idhi miyuu kala wacan yahay labadan kaakaw?” Markaasay gabadhi tidhi, “Maya, ee waa isku mid, isku dhadhan, isku tayo.” Wiilkii, “Hadaa maxaa kala sicir ka dhigay?” Gabadhii, “Kaakawgii ayaa Najeeriya ka qaali garoobey beryahan dambe, markaa shixnadii dambe sicirkeedii ayaa sare u kacay.” Wiilkii, “oo dadku markaa kaa iibsan maayaan Kaakaw dambe illaa ka hore dhammaado?” Gabadhii, “‘Haa.” Wiilkii, “oo maad isku wada sicir ka dhigtid Kaakawga illayn dadku waxba kalama socdaan Kaakawgii hore iyo ka dambe midna eh?” Gabadhii baa ku tidhi, “Adigu ma tuug baad tahay, inta ay ku soo dhawaatay wiilkii? Maxaa igu kalifaya in aan dadka khiyaameeyo?” Suaashu waxay tahay: Tijaarteena muslimka ahi allaabada ay debeda ka keenaan sidaas oo kale mow iibin karaan oo laba sicir ma ku kala iibin karaan Biibsiga ay debeda ka keenaan ee kala sicirka noqon kara sida ay gabadhaa kaafirada ahi yeeshay? Wadanka Kuuriya, waxa Kuuriyiiinta caado u ah in ay is weydiiyaan da’dooda markay ay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasada falan qaynayaan inta aanay isu jawaabin ama ra’yigay ka haystaan arrinta ay ka hadlayaan ama ka dooda yaan aanay cabirin. Dalka Masar, dadka u dhashay ayana waxa caado u ah in ay is weydiyaan shaqadooda (their profession), siday isugu yidhaahdaan: “Yaa baasha sheekadu sidaad mooday maaha – alxikaayah mush kida yaa beeh, saye maa ta’uul.” “Nifaaq iyo khiyaamo waa muslin iyo caadadii.” Soomaaliland dhibta ka haysata dhaqaale xumida, siyaasad xumimida iyo arrimahan bulshada ee had iyo jeer ku wajahan reer hebel reer hebel ka horgee sidaad moodeysaan maaha. Bal qab-yaaladan iyo qabiilkan ‘Jookarka noqday” u fiirsada. Bal siyaasiyiin ku-sheegan maalinba xisbi la eefaya lana ooyaya u fiirsada dadyahaw. By: Jamafalaag Hargeisa, Somaliland Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Jeneral Collin Powell oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee madow ah ee noqda Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa u dhintay cudurka COVID-19, isaga oo 84 jir ah. Powell ayaa si buuxda uga tallaalnaa cudurka, sida ay qoyskiisa ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo dhigaeen Facebook. “Waxaan maanta weynay sey, aabe, awoowe iyo American weyn oo aan caadi aheyn,” ayey qoyska ku yiraahdeen qoraalkooda. Powell ayaa ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan dadka madow ee Mareykanka. Waxaa jagooyin sare u magacaabay saddex madaxweyne oo Jamhuuri ah, wuxuuna soo noqday taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka. Powell oo lagu dhaawacay dagaalkii Vietnam, ayaa la-taliyaha amniga qaranka u noqday madaxweyne Ronald Reagan 1987-illaa 1989-kii. Wuxuu taliyaha guud ee ciiidamada Mareykanka noqday intii uu madaxweyne ahaa George H.W. Bush iyo intii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 1991-kii. Madaxweyne George W Bush ayaa Powell u magacaabay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka sanadkii 2000, xilkaas oo uu hayey illaa 2004. Powell ayaa waxaa lagu xusuusan doonaa xog la sheegay inay been aheyd oo uu Golaha Ammaanka QM horgeeyey 5-tii Febraayo 2003, si uu qiil ugu raadiyo dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday Ciraq ee lagu riday Saddam Hussein. Waxa uu mar dambe qirtay in xogtaas ay aheyd mid aan sax aheyn oo ku timid sirdoon been ah oo ay heleen. The post Xoghayihii Arrimaha Dibedda Mareykanka Jeneral Collin Powell oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Urur siyaasadeedka madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta bixiyay lacago ganaax ah oo guddiga doorashooyinka Qof iyo codka ah ee deeganada Puntland. Kaah ayaa guddiga doorashooyinka Puntland waxa ay ku ganaaxeen adduun lacageed gaaraya $1,000 taas oo uu ku muteystay in uu jabiyay xeerka olalaha axsaabta. Qoraal ka soo baxay ururka KAAH ayaa lagu sheegay in ururka maanta uu iska bixiyay lacagti lagu ganaaxay. “Urur siyaasadeedka KAAH ayaa maanta guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ku wareejiyey lacag cadadkeedu dhan yahay $1,000 (kun dollar), oo ahayd ganaaxii uu dhowaan guddiga TPEC ku soo rogey ururka Kaah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ururka KAAH. Deeganada Puntland ayaa waxaa muddooyinkii u dambeyay waxaa ka socda olalaha doorashada qof iyo codka ah ee deeganada Qardho, Ufeyn iyo Eyl looga qabanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa weerar culus oo dhanka afka ah u qaaday Ururka Ahlu Sunna Waljaamaca ee haatan dhaq-dhaqaayada ciidan ka wada degaanada maamulka Galmudug. Sheekh Bashiir oo ka mid ah Jamaacada Al Ictisaam ayaa shaaciyey in hoggaanka Ahlu Sunna ay fikir ahaan la mid ah yihiin Al-Shabaab, ayna isaga mid yihiin in xukunka lagu raado hub iyo awood dagaal, sida uu hadalka u dhigay. “Al Shabaab iyo nimanka la baxay magaca Ahlu Sunna waxa ay ka midaysanyihiin fikar siyaasi ah oo hub lagu hirgalinayo oo awood iyo dagaal loo isticmaalayo,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligii hubka laga qaadanayey ay aheyd markii uu dalka dowlad la’aanta ahaa, isla-markaana laga soo gudbay. Sheekh Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Culimada looga baahan yahay kaliya inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta guud ee bulshada iyo inay faafiyaan Diinta Islaamka. “Qofka Sheekha ah shaqada u feecan ee uu qabo karo waa dacwo, waa wax u sheeg, marka maanta cid kastoo hub wadata, hubkaas is leh diinta ugu adeeg waxaan leenahay waa lagu soo gubtay faa’iido malahan dhiig xaaraan ah ayaad daadinaysaa, dad baad dulminaysaa, wax aan laguu diran oo aan diinta iyo Allah kuu diran ayaad isi saaraysaa, taas oo dulmi noqonaysa, diinta magaceeda aad ku ciyaaraysaa” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wado magaalada Guriceel oo ay dhowaan dib u qabsadeen ciidamadeeda. Si kastaba, dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda guud ee maamulka Galmudug oo markii hore dagaal culus kula jiray kooxda Al-Shabaab. The post Sheekh Bashiir oo weerar culus ku qaaday Ahlu Sunna appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa daahfuray kulanka wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo lagu dardar galinayo shaqooyinka Wasaaradaha Dowlada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqooyinka Wasaaradaha ay yihiin laf dhabarta Shaqooyinka dowlada taas oo hadii si hufan loo qabto wax weyn kusoo kordhinaysa hiigsiga Xukuumada ee fulinta adeegyada bulshada loo hayo. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in loo baahan yahay in xooga la saaro sidii hormuudka Wasaaradaha dowladu ay xooga u saari lahayeen hufnaanta shaqada iyo ka mira dhalinta waxyaabaha hortabinta leh. Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Machadka Juba Valley Institute ee kulankan soo qaban qaabiyay iyo aqoonyahanada intuu socdo casharada ka bixin doona isagoo hoosta ka xariiqay in kulankan uu fure u noqon doono dardar galinta shaqada shacabka loo hayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo daah-furay kulan wadareedka hiigsiga xukuumadda Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Jigjiga)-Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kallfadhigoodii lixaad si buuxa u ansixiyay in madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar uu noqdo shanta sano ee soo socota madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dhanka kale golaha barlamaanka ayaa madaxweyne ayaa ansixiyay in madaxweyne ku xigeenka uu noqdo Ibrahim Cusmaan faarax, sida lagu shaaciyay Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida. Source
-
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka,Markabka diyaaradaha xambaara ee Maraykanka Maraakiibta afka hore u dheer ee ku shaqeeya awoodda nukliyeerka, kuwaas oo xambaara diyaaradaha waxay astaan u yihiin awoodda militariga Mareykanka. Waxay milatariga Mareykanka u suurto geliyaan joogteynta duqeymaha ba’an ee cirka ee ka dhanka ah ciidamada cadowgooda ah. Waxay u babac dhigaan weerarrada looga soo qaado dhulka amaba badda muddo bilooyin ah, gaar ahaanna iyagoo awood u leh boqollaal bartilmaameedyo inay beegsadaan maalin walba. Si ka duwan qaababka kale ee dagaalka, uma baahna inay tagaan saldhigyada ku yaallla xeebaha si ay u gutaan waajibaadkooda. Awoodda laga baqo ee maraakiibta qaada diyaaradaha ee Mareykanka ayaa qalab muhiim ah u ah dagaal yahannada iyagoo aan u baahan ku tiirsanaanta hubka nukliyeerka. Si kastaba, falanqeeyeyaasha militariga wax ay ka gaabsadaan in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay sii nuglaanayaan inta gantaallada riddada dheer ee maraakiibta ka dhanka ah ay ka jiraan dunida. Tusaale ahaan, mid ka mid ah weriyeyaasha aadka loo xushmeeyo ee tebiya wararka ku saabsan arrimaha militariga wuxuu falanqeyn dakhliga ku saabsan oo 12-kii March la sameeyay ku ogaaday in gantaallada Beijing ay u muuqdaan kuwo heli kara oo curyaamin kara markab dheer oo kumannaan qaada. Shaki kuma jiro in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay yihiin kuwo aad u waaweyn. Marka laga tago in ay kun feet fidsanyihiin, dhirir ahaan waxa ay la egyihiin dhisme dheer, oo ka kooban 25 dabaq, iyada oo dabaq kasta uu dhan yahay in ka badan 16,000 oo mitir oo isku wareeg ah. XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Markabka Abraham Lincoln ee diyaaradaha xambaara ee Maraykanka Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha ciidammada badda ayaa rumeysan in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay hadda ka wanaagsan yihiin amni ahaan marka la barbardhigo sidii ay kuwii hore ahaayeen intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, waxayna si joogto ah ugu sii yaraanayaan u nuglaanshaha weerarka. Marka aad tixgeliso dhammaan qaabka loo sameeyay, Mareykanka waxaa uu leeyahay in ka badan tobban markab oo ah nooca waaweyn ee diyaaradaha xambaara. Way fududdahay inay noqon karaan qalabka ugu wanaagsan ee lagu raadsado dagaal weyn. Waa kuwan sababaha muujinaya inay leeyihiin awood xad dhaaf ah. Maraakiibtan ayaa ah kuwa socda oo howlgal ku jira mar walba Maraakiibta xambaara diyaaradaha ayaa ah kuwa xawaare aad u dheereeya ku socda, waxayna ka orod dheer yihiin maraakiibta quusta. Waxay saacadiiba ku socdaan xawaare gaaraya 35 mayl, waxaana lagu tilmaamay in 700 oo mayl ay ku gaari karaan muddo sodon daqiiqo ah halka 90 daqiiqana ay gaari karaan masaafo dhan 6000 oo mayl. Marka in cadowga uu bartilmaamedsado ama ku raad joogo markabka xambaara diyaaadaha ma aha arrin sahlan. Baaxada Maraakibtan ayaa ah kuwo aan xad lahayn Howlagallada maraakiibtan ayaa ah kuwa aan joogsan karin. Tusaale ahaan, xilli dagaal uu jiro xitaa haddii sahayda shidaal ee maraakiibta xambaara diyaaradaha ay go’do ama la qabto shidaalkii loo sii waday taasi saameyn kuma yelanayso waayo waxay ku shaqeyaan awooda tamarta ee nukliyeerka, taas oo u sahlaysa markabka in uu socdo sidoo kalena weerarro baaxad leh geysto. XIGASHADA SAWIRKA,U.S. INDO-PACIFIC COMMAND Qoraalka sawirka,Marakiibta diyaaradaha xambaara ee Maraykanka iyo ilaaladooda Diyaaradaha markabkan saaran waxaa ay ka kooban yihiin F/A-18 iyo F-35 oo ay ku rakiban yihiin dareemayaal casri ah iyo nidaam sax ah oo hagaya hubka. Waxaa kale oo saaran diyaarado soo jiidanaya radar-ka maraakiibta iyo diyaaradaha ka agdhaw markabkan kuwaas oo cadawga uusan fahamsanayn balse ah in dhaqdhaqaaqooda lala socdo, diyaarna loo yahay in laga jawaabo halis walba oo markabkan diyaaradaha xambaara kusoo wajahan. Markabkan kaligiis ma safro oo waa la ilaaliyaa Haddii ay u safrayaan Galbeedka Baasifigga ama Gacanka Faaris ama Badda Waqooyi, maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ma socdaan wehel la’aan ama ilaalo la’an Mar walba oo uu markabkan dhaqaaqo waxaa weheliya Markab loo yaqaano destroyer(cagta mariye) oo shaqadiisu tahay in uu jejbiyo ama baab’iyo doon walba ama markab walbo oo usoo dhawaada diyaarad xambaaraha. Destroyer ama cagta mariye waxaa ku xiran hub difaaca hawada loogu talagalay iyo gantaalada ugu casrisan dunida kuwaas oo xitaa lagu oganayo maraakiibta quusta ee halis ku noqon karya markabka weyn. Waxaa kale oo weheliya Markab nooca lagu magacaabo “frigate”, kaas oo isna ay ku xiran yihiin hub culus sida gantaalada riddada dheer iyo qoryaha sida darandooriga u dhaca. Markabka diyaaradaha xambaarsan waxaa kale oo weheliya gujis, oo shaqadiisu tahay in uu badda hosteeda ka ilaaliyo caqabad walba oo kusoo wajahan. Markabkan waxa uu qaadaa kumannaan qof Markabka diyaaradaha qaada oo 25 dabaq dherirkiisu dhan yahay ayaa waxaa uu qaada 6,000 qof oo ka kooban ciidamada badda iyo kuwa cirka, kuwaas oo si toos ah u wada shaqeynaya. XIGASHADA SAWIRKA,U.S. INDO-PACIFIC COMMAND Qoraalka sawirka,Dhoolatuuska dhamaan diyaaradaha Markabkan qaado Hub caynkee ah ayaa Markabkan saaran? Waxaa saaran ilaa 130 diyaarad oo ah diyaaradaha xawaara ku socda ee dagaalka ah, kuwaas oo kala ah F-A18 iyo F35. Waxaa kale oo saaran ku dhawaad 30 diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee helikobtar loo yaqano. Markabkan waxaa uu sidoo kale wadaa hubka nukliyeerka, kaas oo dunida meeshuu doono kaga weerari karo marka uu amarkaas bixiyo Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka, oo ah madaxweynaha.. Sidoo kale waxaa saaran hubka gantaallada ridada dheer iyo qoryo waaweyn. Meeqa maalmood ayuu badda ku jiri kara? Waxaa uu badda ku jiri karaa inta maalmood ee howlgal ahaan loo igmado inuu shaqadiisa soo guto, balse mararka qaar waxa uu markabkan diyaaradaha xambaara badda ku jiraa in kabadan seddex bilood isagoo gaaf wareegaya dhacalada dunida oo dhan. XIGASHADA SAWIRKA,US NAVY Qoraalka sawirka,Hub caynkee ah ayaa Markabkan saaran? Maraakiibta wax xambaara ayay dhif tahay inay quusaan. Sababo la xiriira dhererkooda, maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka waxay leeyihiin boqollaal qeybood oo biyaha ka hortaga. Waxay sidoo kale leeyihiin kumannaan tan oo qalab difaacid ah, iyo fiilooyinka korontada. Marka hal hub oo ka dusi kara difaaca kama dhigna inay dhaawici karo markabka. Markabku ma quusayo, shaqaaluhuna waxay awoodi doonaan inay ka shaqeeyaan cillad walba oo ku timaadda si ay u sii wataan gudashada waajibaadkooda. Dhererka markabka oo khubarradu qaar ay ka baqayaan inuu u nugleyn karo inuu wax weeraro ayaa dhab ahaantii ka dhigeysa mid ka adag markab walba oo kale oo noocyada dagaalka ah. Qaran News
-
<a href=”https://opportunitiescorners.info/scholarships-in-austria-without-ielts/”>Click here to read Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabtay caasimadda Garoowe. Madaxweyne Deni, waxa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe iyo dadweyne kale. Madaxweyne Deni, oo mudda lix iyo toban cisho ah ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa sida wararku sheegayaan halkaas u joogay hawla siyaasadeed, gaar ahaana arrima la xiriira Doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku sifeeyay mudaharaadkii ka dhacay dugsiga Faarax Oomaar, mid muujinaysa sayaasad xumada lagu haggayo waxbarashada dalka. Guddoomiye Cirro waxa uu sidan ku sheegay war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook. “Dhacdadii ka dhacday dugsiga sare ee Faarax Oomaar, Sabtidii 16-ka October 2021, oo xarunta guud ee wasaaradda waxbarashada iyo madaxtooyadaba u jirta wax ka yar kun tallaabo, waxa ay muujinaysaa siyaasad xummada lagu hagayo waxbarashada dalka. Waa tusaale cad, oo horyaalla bulshada, oo bidhaaminaya karti darrada iyo maarayn xummadda falcelimaha ka yimaadda go’aan cabasho ka timi arday oo ku sinnaa maamule dugsi oo la beddelay, xalka qudha ee lagu furdaamiyeyna uu ahaa xadhig, xabad, jujuub iyo addeegsi ciidan. In arday ka badan boqol la xidho waa ayaan darro weyn oo muujinaysa lexo-jeclo la’aanta jiilashii mustaqbalka. Waxa aan leeyahay Inta xidhan xorriyadooda dhakhso ha loogu soo celiyo.” Ayuu yidhi guddoomiye Cirro. Source