-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Duuliyihii Mareykanka ee 11-ka maalmood u xidhnaa Ceydiid oo xil sare u tartamaya Mike Durant Mike Durant oo horey duuliye uga ahaa mid ka mid ah diyaaradihii Black Hawk ee lagu soo riday magaalada Muqdisho, sannadkii 1993 ayaa shaaciyay in uu u tartamayo doorashada Aqalka Senet-ka ee la filayo in ay Mareykanka ka dhacdo sannadka soo socda, sida ay ku warrantay warbaahinta Alabama. Mike Durant wuxuu ku dhawaaqay in uu ka qeyb qaadan doono doorashada isreeb reebka ee lagu soo baxayo tartanka doorashada Aqalka Senetka ee gobolka Alabama. Ninkan ayaa markii uu ka fariistay shaqada militariga wuxuu u wareegay shirkad qaabilsan adeegyada injineeriyadda. Wuxuu sheegay in noloshiisa uu ku bixiyay u adeegidda dalkiisa, haddana uu doonayo in uu u tartamo xil sare, baddalkii uu howlgab iska ahaan lahaa. Bishii Oktoobar sannadkii 1993, Diyaaraddii Black Hawk ay la socdeen Durant iyo ciidamo kale ayaa lagu soo riday Muqdisho, ka dib dagaalkii 18-ka askeri looga dilay ciidamadii Mareykanka. Durant ayaa muddo 11 maalmood ah, afduub ahaan loogu haystay magaalada Muqdisho, ka dib markii gacanta uu u galay ciidamadii Ceydiid. 28 sano ayaa ka soo wareegtay markii ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ku sugnaa lagu dilay howlgalka oo ay sidoo kale waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay ciidamadii Qaramada Midoobay ee loo diray Soomaaliya. Dhawaan ayay aheyd markii 18 askari oo ka tirsan ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ka soo dagaallamay, loo kordhiyay darajada ciidannimo, taas oo u ah abaalmarin lagu sharfay. Billadaha dallacsiinta askarta oo noocoodu yahay xiddigaha Qalinka ah ayaa la siiyay askartan oo 28 sano ka hor ka tirsanaa militariga Mareykanka qaybta saddexaad, guutada 75-aad, kuwaasoo horay u heystay billadaha xiddigaha maarta ah. Ragga howlgabka ah ee billadaha la siiyay ayaa kala ah: Alan Barton, John C. Belman, Kenneth P. Boorn, James M. Cavarco, John M. Collett, Michael Collins, James C. Joyce, Brad M. Paulsen, Larry D. Perino, Robert R. Phipps II, Dominick M. Pilla, Randall J. Ramaglia Jr, John D. Stanfield, Michael Steele, Richard Storus, Jeffrey D. Struecker, Joseph F. Thomas iyo Sean T. Watson. Dhammaan xubnaha la guddoonsiiyay abaalmarinta ayaa ahaa ciidankii ka baxay Soomaaliya ka dib dagaalkii 18-ka askeri looga dilay ee 1993. Sidey ciidamada Mareykanka ku tageen Soomaaliya – Dagaalkii Ceydiid iyo Mareykanka Sannadkii 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka. Dabyaaqadii sannadkii, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”. Askar ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya oo daawanaya howlgal ay diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ka wadeen Muqdisho 3-dii bishii October, 1993-kii Sanaddii 1993 – Dowladda Maraykanka waxay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey. Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan. Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanka duqeeyeen. Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay. Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay. 3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kula shirayay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag. Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan. Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib. Black Hawk Down waa filin laga sameeyay dagaalkii Maraykanka iyo dabley taabacsanayd Gen Maxamad Faarax Caydiid 50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay. Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo. Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho). Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday. Halkan mid kalena uu gacanta u galay ciidamadii Ceydiid, isagoo nool. Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimana gaabis ayaa ku yimid. Markii dambe dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filim la baxay “Black Hawk Down”. Mareykanka waxay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraaal Maxamed Faarax Ceydiid. Bishii March, 1994 – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya. 1 bishii August , 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato. Qaran News
-
Gabdho Walaalo ah oo Soomaaliya oo Xus u sameeyay Hogaamiyihii Liibiya Qadafi 10 Sanno ka dib dilkiisii+Sababta Maanta waxaa 10 sano laga joogaa dilkii hoggaamiyihii Liibiya Mucamar Al Qadaafi. Waxaa la dilay xilligii dalkaas uu ka socday kacdoonkii xilka looga tuurayay, kaas oo dagaal sokeeye iyo qalalaaso isu bedelay. Haddaba, Farxiyo Qassim Xaaji Xuseen iyo Sucaad Qassim Xaaji Xuseen, oo ah gabdho walaalo ah, ayaa xus 10-guurada ka soo wareegatay dilkii Qadaafi. Waxay maamuuska ku sameeyeen magaalada Galkacyo. Gabdhahani walaalaha ah ayaa sheegay in sannad kasta, 20-ka Oktoobar ay u tahay maalin gaar ah oo ay u duceeyaan madaxweynihii hore ee Libya, Qadaafi. Farxiyo Qassim Xaaji Xuseen oo ku sugan magaalada Galkacyo, ayaa BBC Somali u sheegtay in sababta ay ugu duceeyaan Qadaafi ay tahay in markii uu madaxweynaha ka ahaa Libiya uu si weyn ugu soo dhaweeyay dalkaas. “Way suurowday. Si qurux badan bay ku dhacday in aan u tagno Mucammar Qadaafi. Madaxtooyadii ayaa nala geeyay si fiican buu noo soo dhaweeyay, waana ku faraxsanahay, waana taa sababta aan u xusuusaneyno oo aan ugu duceyneyno saaka ugu dambeysay”. “Waxaan kala hadalnay; maadama inaga dad yaryar aan aheyn, waxaa inoo caddeyd in aan dibadda aadno inkasta uu arrintaas naga waaniyay,” ayey tiri. Waxay sheegtay in uu ku dhahay “dalkiina baad joogtaan, dal Islaam baad joogtaan, gabdho soomaaliyeed oo Muslimaad ah baad tihiin, wax barta waan idiin caawineynaa, dhaqaale ayaan idiin siineynaa, guri baan idiin siineynaa, dega oo jooga,” ayay Farxiyo u sheegtay BBC Somali. Waxay intaas ku dartay in Qadaafi uu kula taliyay in aysan u dhoofin dhinaca Yurub balse ay joogaan Libiya, isagana uu wax kasta ka siiyay. “Aad baan ugu faraxnay, dhaqaale fiicanna waan ka helnay, deegaan fiican waan ka helnay, intii aan joognay wixii aan rabnay waan gaarnay, ma uusan jecleyn waddamada Yurub, wuu inaga waaniyay”. Toban sano kadib, xagey ku dambeeyeen qoyskii Mucammar Qadaafi? Toban sano ka hor, waxaa dalka Liibiya ka bilowday dibadbaxyo ballaaran oo markii dambe horseeday in xukunka laga tuuro hoggaamiyihii dalkaas Mucammar Qadaafi oo muddo 40 sano ah ka talinayay waddankaas. Waxaa kaalin weyn ku lahaa maamulkiisa wiilashiisa iyo qaar kamid ah qaraabadiisa, waxaana xilligaas isku diyaarinayay in talada uu la wareego wiilkiisa Saif Al Islaam. Hadaba xaguu ku dambeeyay qoyskii Qadaafi? Saddex ka mid ah wiilasha Qadaafi ayaa lagu dilay dibadbaxyadii harreeyay dalkaas, waxaana kamid ahaa Muctasim Qadaafi oo ahaa la taliyaha arrimaha amniga ee dowladda, kaas oo ay dileen dabley hubeysan isla maalintii la dilay aabihii Qadaafi. Qadaafi Kornel Qadaafi wuxuu ahaa hoggaamiyihii ugu mudada dheeraa ee ka taliyo dal Carab ama Afrikaan ah tan iyo markii uu xukunka inqilaab milateri kaga qabsaday boqor Idriis Al Senuusi sanadkii 1969. Qadaafi wuxuu xilligaas ahaa 27 jir. Qadaafi wuxuu ku dhashay meel u dhaw magaalada Sirte sanadkii 1942, wuxuu caan ku ahaa dareeskiisa milateriga iyo haweenkii u ahaa ilaalada. Mucammar Qadaafi Bishii Agoosto sanadkii 2011, waxaa dhacay mamuulkiisa kadib markii xooggagii la dagaallamayay ay qabsadeen caasimadda Tripoli. Bishii Oktoobar sanadkii 2011, waxaa si arxan darro ah loogu dilay magaaladii uu ka soo jeeday ee Sirte. Xaskiiisii koowaad Fatxiya Khaalid waa xaaskii koowaad ee Qadaafi, waxay aheyd macalimad, dadka qaar waxay sheegaan in iyada iyo Qadaafi uusan shukaansi dhexmarin kahor guurkooda. Waxay u dhashay hal wiil, Maxamed Qadaafi, lix bilood kaddibna wey kala tageen. Xaaskiisii labaad Safiya Farqash waa xaaskii labaad ee Qadaafi, waxay u dhashay 7 carruur ah. Safiya iyo gabadheeda Caasha, xaaskii koowaad ee Qadaafi iyo wilkeeda Maxamed waxay u qaxeen dhinaca Algeria sanadkii 2011, halkaas oo laga siiyay magangelyo ka hor inta aysan u gudbin Cummaan. Waxaa lagu soo warramay in Safiya qalliin loogu sameeyay cisbtaal ku yaalla Jarmalka sanadkii 2014. Safiya Farqash Maxamed Qadaafi Wuxuu dhashay sanadkii 1970, wuxuuna ahaa madaxweynihii guddiga olimbikada Liibiya. Wuxuu sidoo kale ahaan jiray agaasimaha guud ee guddiga boostada iyo isgaarsiinta, kaas oo maamuli jiray dhammaan isgaarsiinta iyo sattelite-ka Liibiya. Maxamed Qadaafi Wuxuu u wareegay dalka Cummaan kadib markii uu u qaxay Algeria. Maxkamadda dambiyada caalamiga ah wax dacwad ah kuma aysan soo oogin, maadaama la rumeysan yahay in uusan wax lug ku lahaan qalalaasihii harreeyay Liibiya 2011. Saif Al Islaam Qadaafi Saif Al Islaam waa 49 jir, wuxuuna si weyn u yaqaannaa luqadda Ingiriiska, isagoo shahaadada u sareysa ee dhaqaalaha ka qaatay jamaacadda dhaqaalaha ee London. Wuxuu ka tirsanaan jiray urur hadafkiisa ahaa inay xoojiyaan dhaqaalaha Liibiya. Wuxuu hoggaamin jiray ha’yadda lagu magacaabo ha’yadda samafalka iyo horumarinta Qadaafi taas oo wadaxaajood la gashay maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo dad ku qafaashay gudaha Philippines. Waxaa lagu tilmaami jiray in uu yahay ‘wajiga casriga ah ee Liibiya’ balse sanadkii 2008 wuxuu ku dhawaaqay in uusan dooneyn in xukunka uu kala wareego aabihii. Saif Al Islaam Qadaafi Bishii Nofembar ee sanadkii 2011, golihii kumeel gaarka ahaa wuxuu shaaciyay in Saif Al Islaam lagu xiray koonfur galbeed Liibiya. Maxkamad ku taalla dalkaas ayaa sanadkii 2015 ku xukuntay dil isagoo ka maqan dalka. Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa codsatay in loo gacan geliyo Saif Al Islaam, kadib markiii la sheegay in uu galay dambiyo dagaal. Saif Al Islaam ayaa la sii daayay sanadkii 2017 tan iyo wixii ka dambeeyay xilligaas lama sheegin halka uu ku nool yahay. Saacidi Qadaafi Saacidi Qadaafi wuxuu dhashay sanadkii 1973, wuxuu guursaday gabadh uu dhalay mid kamid taliyeyaashii hore ee milateriga Liibiya. Wuxuu ahaa ciyaartooy kubadda cagta ah, wuxuuna muddo kooban u dheelayay naadi Talyaani ah. Wuxuu hoggaamin jiray xiriirka kubadda cagta Liibiya, in muddo ah ayuu kabtan u ahaa xulka qaranka. Wuxuuna markii dambe u wareegay dhinaca aflaamta, wuxuuna ku maalgeliyay 100 milyan oo dollar. Saacidi Qadaafi Markii xukunka laga tuuray aabihii, wuxuu u cararay Niger balse sanadkii 2014 ayaa loo soo tarxiilay Liibiya si loogu maxkamadeeyo. Muctasim Qadaafi Al Muctasim wuxuu dhashay sannadkii 1975-tii, wuxuu ahaa gaashaanle ka tirsan milateriga. Wuxuu u baxsaday Masar kadib markii lagu eedeeyay in uu waday dhaqdhaqaaq xukunka looga tuuri rabay aabihii. Markii dambe ayaa cafis loo fidiyay, waxaana loo ogolaaday in dalka uu dib ugu soo laabto si uu u qabto jagada la taliyaha arrimaha amniga isla markaana uu kamid noqdo taliyeyaasha milateriga. Waxaana la dilay isla maalintii la dilay aabihii. Muctasim Qadaafi Haneybaal Qadaafi Wuxuu u shaqeyn jiray waaxda Liibiya u qaabilsaneyd maraakiibta gaar ahaan dhoofinta shidaalka. Waxaana lala xiriiriyay dhacdooyin dhowr ah, sanadkii 2005 waxaa lagu eedeeyay in huteel ku yaalla Faransiiska uu ku dhex garaacay gabadh ay saaxibo ahaayeen, sidoo kale waxaa lagu xiray magaalada Geneva kadib markii la sheegay in uu si xun ula dhaqmay labo qof oo kalkaaliye u ahaa, Switzerland ayaana lagu xiray. Inkasta oo markii damaanad lagu sii daayay, dowladdii Liibiya waxay qaaday taallaabooyin ay ku qaadaceyso badeecadaha Switzerland, waxay dalka ka saartay shirkadaha laga leeyahay dalkaas, waxayna u yeertay safiirkeedi ka joogay caasimadda. Haneybaal Qadaafi Haatan wuxuu ku nool yahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, wuxuu qabaa gabadh u dhalatay Lubnaan, waxaana soo baxayay warar sheegay in uu baabuur uu watay uu jiirsiiyay dad waddo marayay gudaha Dimishiq oo uu kamid yahay sarkaal boolis ah. Saif Al Carab Qadaafi Wuxuu dhashay sanadkii 1980, wax badana lagama yaqaanno noloshiisa. Wuxuu wax ka dhigan jiray jaamacadda Munich ee dalka Jarmalka. Saif Al Carab iyo labo wiil uu dhalay ayaa waxaa lagu dilay duqeyntii diyaaradaha gaashaanbuurta Nato ay ka geysteen Liibiya. Dadweyne ka careysan dilka Saif Al Carab iyo wiilashiisa ayaa dab qabadsiiyay safaaradda Ingiriiska ee Tripoli iyo dhismayaal kale oo ay lahaayeen Reer Galbeedka. Saif Al Carab Qadaafi Khamiis Qadaafi Waa wilkii ugu da’da yaraa wiilasha Qadaafi, wuxuu dhashay sanadkii 1983, wuxuu ahaa sarkaal boolis ah, wuxuu hoggaamin jiray cutub gaar ah oo ka tirsan booliska, wuxuu tababar milateri kusoo qaatay Ruushka. Waxaana lagu soo warramaya in loo xilsaaray in uu ka hortaggo dibadbaxyadii ka socday magaalada Benghazi. Khamiis Qadaafi waxaa la dilay bishii Agoosto ee sanadkii 2011 isaga iyo qaar kamid ah qaraabadiisa, waxaana kamid ahaa Cabdullaahi Al Senusi madaxii sirdoonka dowladdii Qadaafi. Khamiis Qadaafi Balse ilo wareedyo ka tirsan milateriga iyo shacabka ayaa sheegay Khamiis Qadaafi uu weli nool yahay, walow BBC dad u warramay ay sheegeen in la dilay. Caasha Qadaafi Caasha waa 44 jir, waxayna kamid ahayd qareennadii u doodayay madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddaam Xuseen. Waxaa sanadkii 2006 guursaday nin ay qaraabo ahaayeen abaaheed. Waa gabadha keliya ee uu dhalay Qadaafi. Iyada iyo hooyadeed waxa ay u qaxeen Algeria, inkasta oo markii dambe ay u wareegeen dhinaca Cummaan. Caasha Qadaafi Miilaad Qadaafi Magaca rasmiga ah ee loo bixiyay markii uu dhashay wuxuu ahaa Cabdulsalaam Abu Zentaya, waxaa soo korsaday Mucammar Qadaafi. Waxaana lagu xasuustaa in uu badbaadiyay Qadaafi markii Mareykanka uu bambaanooyin ku weeraray gurigiisa sanadkii 1986. Markii xukunka laga tuuray Qadaafi wuxuu isku dayay in uu galo Tunisia, waxaana lagu xiray xadka, muddo 3 sano iyo 8 bilood ayuu xirnaa, markii dambana waa la sii daayay. Hanaa Qadaafi Qadaafi wuxuu ku anddacooday in gabadhii uu soo korsaday ee Hanaa lagu dilay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday gurigiisa, sannadkii 1986 xilliggaas oo ay jirtay 18 bilood oo keliya ah. Hanaa Qadaafi Balse caddeymo soo baxayay ayaa muujinayay in tan iyo sannadkii 2011 ay nooleyd, waxaana soo baxayay muuqaal muujinayay iyada oo Qadaafi la ciyaareysay kaddib sano badan oo ka soo wareegtay weerarkii lagu qaaday gurigiisa. Sida laga soo xigtay warbaahinta Liibiya, Hanaa waa dhakhtarad sanado badan ka shaqeyneysay xarumo caafimaad oo ku yaalla Liibiya. Qaran News
-
Wasiirada arrimaha debada, Maaliyada iyo qorsheynta iyo Dr. Adna Aadan ayaa gaadhay magaalada Nairobi. Ku-simaha safiirka Somaliland ee Kenya ahna Safiir ku xigeenka Amb. Sharmarke Axmed Muxumed ayaa waftiga ku soo dhaweeyey dalkaasi. Masuuliyiintan ayaa sida uu Amb. Sharmarke sheegay kulan la yeelan doona masuuliyiin ka tirsan dawlada Kenya. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhaceysa doorashada afarta kursi ee ka harsan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Qaban-qaabadii ugu dambeysa ee doorashada ayaa haatan ka socoto magaaladaasi, waxaana tartmaya illaa sideed musharrax oo qaarkood ay dumar yihiin. Waxay kala yihiin:- Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh, Ibrahim Awgaab Cismaan iyo Farxiya Macalim Cabdi, Maryan Faarax Kadiyeiyo Samsam Maxamed Bishaar, Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali. Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka jawaabayey codsiga guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulkaasi ayaa soo magacaabay musharax cusub oo lagu bedalayo Cali Maxamed Cali oo shalay ka baaqsaday diiwaan-gelinta xubnaha u tartamaya afarka kursi ee ka harsan dowlad goboleedka Jubbaland. Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in booska uu banneeyey Cali lagu bedalay musharax Cabdi Xuseen Cali oo isla maanta ka qeyb-galaya doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa magaallo xeebeedka Kismaayo. “Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa musharaxa lagu beddalay Mudane Cali Maxamed Cali oo iskii uga baaqsaday ka qeyb galka u tartanka K8ASBFS doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. K8ASBFS Cabdi Xuseen Cali,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. Si kastaba, haddi ay maanta qabsoonto doorashada afartan xubnood, waxay Jubbaland sidaas ku dhammeystireysaa doorashada maamulkaas ee xubnaha Golaha Aqalka Sare. The post Wararkii u dambeeyey ee doorashada Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo.. appeared first on Caasimada Online.
-
Ninka Adhiga lagala quusto ayay Geela u dirtaan Murti baa ahayd” ninka Adhiga lagala quusto ayay Geela u dirtaan” Waxa ka dhigan xibigaygii WADDANI oo kuwii KULMIYE u diran waayey waxaro & weelo toona kana mid noqon WADDANI hadana ku mash-quuliyey Madaxdii Xizbiga shuruudo ma dhaleysa halkay ahayd inay ku yimadaan DHUKUS & DHUUMASHO, illeen NABARADII BAABA SII QOYANE. Bal yaabkan eega. waxa qoray:- Axmed Yuusuf Ducaale Dhigane Qaran News
-
Wiil Soomaali ah oo tahriib ku galay Talyaaniga oo ku guuleystay doorasho Wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Cabdillaahi Axmed Macalin oo ah Soomaali ayaa loo doortay Golaha deegaanka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga. Cabdilllaahi ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1988, waxaana sanadkii 2008-dii uu qaab soo galooti ah ku tagay jaziirada Lampedusa, sanadkii 2016 ayuu qaatay dhalashada dalka Talyaaniga, sidoo kale sannadkii 2014 ayaa loo aqoonsaday Muwaadin sharafeed magaalada uu deganaa. Doorasho ka dhacday magaalada Torino ayuu Cabdillaahi ku guuleystay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino ee Waqooyiga dalka Talyaaniga, isagoo ka mid ahaa xisbiga Dimuqraadiga. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya xalay ka dhacay kulan u dhaxeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada mas’uul dhex-mara tan iyo markii ay bishii tegtay fashilmeen wada-hadalladii laba dhinac kadib khilaafkii ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo tallaabooyinkii xigay ee ay ka mid ahaayeen xil ka-qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabiistii labada taliye ee ay NISA u kala magacaabeen. Sidan aan xogta ku helnay, waxaa kulanka kasoo shaqeeyey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen oo dadaallo xoogan Muqdisho ka waday labadii maalin ee tegay. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeeen Caasimada Online, kulanka ayaa ahaa mid hordhac oo sallaan, sheekeysi iyo isu niyad fur kaliya ku koobnaa, mana jirin qodobo ka mid ah khilaafka labada mas’uul oo si weyn la isugu soo qaaday. Xogta aan helnay ayaa intaas ku daresa in Farmaajo iyo Rooble ay ku ballameen in habeen dambe kulan kale la isugu yimaado, si looga wada-hadlo arrimaha uu khilaafka ka taagan yahay, la isuguna dayo in xal laga gaaro. Ilo-wareedyo ku dhow kulanka ayaa laga soo xigtay in kulanka caawa intiisa badan ahaa mid la isku laab furay, kana muuqatay is-faham iyo isu soo dhowaansho, ayna rajo ka qabaan in habeen dambe inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro. Heshiis kasta oo ay gaaraan labada mas’uul ayaa ku xirnaan doono in midkood uu ka tanaasulo mowqifkiisa, taasi oo horey loogu guul-darreystay. Wixii xogtan kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah. The post Xog: Farmaajo iyo Rooble oo xalay wada-hadallo ku yeeshay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhimashada COVID-19 ee Soomaaliya ayaa ugu yaraan 32 jeer ka sarreysa tirooyinka ay dowladdu sheegtay bilihii hore ee musiibada, sida lagu sheegay daraasad cusub oo lasoo saaray. Daraasadda oo uu daabacay Joornaalka Caalamiga ah ee Cudurada Faafa, ayaa ku qiyaastay illaa 11,800 oo qof inay u dhinteen saameynta COVID-19 intii u dhexeysay Maarso iyo Sebtember sanadkii 2020 caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Muddadaas lagu sheegay daraasadda, dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in cudurka COVID-19 ay u dhinteen illaa 99 qof oo Soomaali ah halka guud ahaan dalka laga helay illaa 3,864 kiis oo cudurkaas ah. Soomaaliya ayaa soo warisay kiiskeedii ugu horreeyay ee COVID-19 16-ka bishii Maarso sanadkii 2020. Ilaa hadda tirada guud ee dhimashada oo ay shaacisay dowladda Soomaaliya ayaa ah 1,180, tirada dadka cudurka laga helayna waxay ku sheegtay 21,269 . “Lama dhihi karo Soomaaliya waa dal nasiib badan oo dhibaato badan aysan kasoo gaarin cudurka COVID19 sida dad badan qabaan,” ayuu yiri Cabdixamiid Warsame, oo ah cilmi-baare ka tirsan Iskuulka London ee Nadaafadda iyo Daawada xilliyada kuleelka oo ka mid ahaa cilmi-baarayaasha. Cilmi-baarayaashu waxay adeegsadeen sawirro dayax-gacmeedyo oo laga qaaday xabaalo laga soo bilaabo 2016 illaa Sebtember 2020, iyo sidoo kale wareysiyo iyo xog kale oo laga soo aruuriyey dadka si loo helo natiijo wanaagsan. “Markaad fiiriso macluumaadka, waxaa jiray koror aad u weyn kadib markii COVID-19 uu yimid Soomaaliya,” ayuu yiri Warsame oo la hadlay VOA Somali. “Markaan eegnay waxyaabaha kale ee keeni kara dhimashada, tusaale ahaan dilaaca cuduro kale oo faafa ama dhacdooyin kale, ma aanan helin wax kale oo keeni kara kor u kaca ku yimid dhanka dhimashada,” ayuu sii raaciyey. Inta badan dadka ku nool Soomaaliya si buuxda uma taageersana natiijooyinka kasoo baxay cilmi–baarista la sameeyey ee muujineysa in ay badan tahay dhimashada ka dhalatay cudurka COVID-19. Wakiilka dalka Soomaaliya ee Ururka Caafimaadka Adduunka Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa sheegay in daraasaddu aysan lahayn xogo aad loogu kalsoonaan karo. “Waxaan u malaynayaa in tiradani ay fiican tahay, waa hab cilmiyeysan oo wax loo qabto, laakiin waxaa laga yaabaa inaysan si dhab ah u matalin waxa dhintay ama tirada dhimashada ee dhab ahaan dhacday intii lagu jiray aafadan,” ayuu Dr. Mamunur u sheegay VOA Somali. Dr. Mamunur ayaa sheegay in laga yaabo in tirada runta ay u dhaxeyso tirada dhimashada ugu hooseysa oo ay dowladda Soomaaliya soo saartay iyo tirooyinka sare ee ka soo baxay cilmi baarista. Warsame wuxuu sheegay inuusan dood ka qabin in dhammaan aaska cusub ee la sameeyey laga bilaabo Maarso illaa Sebtember 2020 ay yihiin kuwa loo tiirin karo dhimasho cudurka COVID-19, balse wuxuu xusay in saameynta cudurkaan ay siyaabo kale u badisay dhimashada. “Intii lagu gudajiray COVID-19 adeegyadii caafimaad ayaa hoos u dhacay, tallaalku wuu yaraaday, adeegyadii carruurta iyo hooyooyinka ayaa hoos u dhacay, marka dhammaan waxyaabahaan waxay keeni karaan dhimasho, sidaa darteed, COVID-19 wuxuu saameyn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelan karaa dhimashada,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Ugu Dambeyntii Malik ayaa sheegay in tirada ay sheegtay Dowladda Soomaaliya ay kaliya tahay midda loo adeegsan karo tira-koobka dadka u dhintay COVID-19, wuxuuna xusay in Soomaaliya uusan ka jirin nidaamka bulshada dhexdeeda ah ee diiwaangelinta dhimashada. “Dhibaatadu waxay tahay inaysan jirin nidaam diiwaangelin sugan oo ku saabsan dhimashada Soomaaliya, taasina waa xaddidaadda ugu weyn ee aan la tacaaleyno,” ayuu yiri. Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin daraasadda cusub. The post Dhimashada 11,800 oo SOOMAALI ah oo aan horey loo ogeyn oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada Jubbaland ayaa maanta lagu doortay Senataradii ugu dambeeyey ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Xasan Daahir Yarow ayaa 59 cod ugu soo baxay kursigii shanaad oo ay doorashadiisa maanta ka dhacday gudaha Kismaayo, wuxuuna ka guuleystay Cabdi Xuseen Cali. Sidoo kale Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa ku guuleeystay kuriga 6-Aad isaga oo helay 57 cod, wuxuuna ka adkaaday Farxiya Macalim Cabdi. Kursiga kale ee todobaad oo ahaa qoondo haween waxaa sidoo kale kusoo baxday Layla Nuur Maax oo heshay 63, waxayna ka guuleysatay Xareedo Maxamed Sheekh. Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda galayaa kursiga ugu dambeeyey ee sideedaad oo ay ku tartamayaan laba musharax oo kale. Waxaa goob joog ah doorashada xubo ka socda guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, kuwaas oo u tegay inay kor joogto ka noqdaan doorashada Senatarada cusub. Jubbaland ayaa qorshaheeda uu yahay inay maanta soo gaba-gabeyso doorashada xubnaha Aqalka Sare, iyada oo horey u soo dooratay afar xubnood. Ammaanka ayaa dhinaca kale aad loo adkeeyey, iyada oo goobta ay ka socota doorashada la geeyey ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliiska ee Jubbaland. The post Afar Senatar oo cusub oo lagu doortay Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
After fatally shooting Justine Ruszczyk in south Minneapolis, Mohamed Noor recounted in court how he’d arrived in America and his path to becoming a cop. Later, he apologized for his culpability in her death. With Mohamed’s resentencing this week, we took another look at his trial testimony. It’s not what many people in Minnesota remember. Source: Hiiraan Online
-
A Somali community leader who went to care for an "unwell" man was allegedly stabbed to death after trying to calm the knife-wielding man down, a court has been told. Source: Hiiraan Online
-
Cumar X.Maxamuud waxa uu ahaa saaxiibkay dhaba ah (My Soul Mate) Rabbi ha siiyo naxariistiisa balaadhan saaxiibkay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan oo xaqii ku helay 3-dii September ee sanadkan 2021, magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somaliland isagoo ahaa saaxiibkay dhaba oo aanu wadaagaynay waxyaabo badan oo nolosha qaybaheedda kala duwan ah. Waxa aan ku xasili jiray sheekooyinkiisa marka aan ku booqdo guriggiisa oo wax aan badnayd galbeed kaga qumanaa Hotel Maan-Soor iyadoo aan halkaa kula cawayn jiray kuna falanqayn jiray arrimaha adduunka gaar ahaana Somaliland, oo ahaa dalkayaggii hooyo si isku mid ahna aanu u wada jeclayn, kana hadli jirnay had iyo jeer siddii aqoonsi caalamiya loogu heli lahaa si uu uga mid noqdo dalalka Caalamka ee madaxa banaan ee ka tirsan adduunkan aan ku noolahay. Arintaasi ah farqiga u dhexeeya dal madaxbanaan iyo mid aan madax banaanayn oo muwaadiniintiisu tahay (stateless) ama sida carabtu tidhaa ay muwaadiniintiisu yihiin Biduun, waa arin qof aragti dheer mooyee qof kale aanu garan Karin, xattaa kuwo soo maray wasiiro arrimo dibaddeed. Aragti dheeridu waxa ay ahayd hibbo dheeri ah oo uu Alle ku manaystay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud, waxaanan halkan ku soo qaadan doonaa sheeko layaable oo uu Xaaji Cumar X. Maxamuud u sameeyay wiil uu dhalayoo la odhan jiray Almis Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud oo uu xanuun waddnaha ka asiibay. Laakiin Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud waxa uu si aragti dheeri ah oo aan qof kastaa heli heli karin uga soo dawaystay dalka Israel oo aynaan xataa xidhiidh lahayn, taasi oo ku tusaysa aragti dheeridddii Cumar iyo xariifnimaddii dublamaasiyadeed ee Eebbe ku manaystay oo aan ku hubo haddii aanay in yari mar walba maroorsan taladda Somaliland, oo loo wada dhamaan lahaa inuu Cumar ahaan lahaa kuwa guradda ugu jira ee daaha dabadiisa ka hagaya talo qaran oo loo dhan yahay ku habi lahaa dalkiisa hooyo ee Somaliland. Waa sanaddihii 1997 ilaa 2000 waa xilliggii uu wakiilka inooga ahaa Jabuuti, waa markan marka aan ogaanayo xeeldheeridda diblomaasiyadeed (diplomacy expert) ee Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan waana mid ay samayn karaan uun dhif iyo naadir dadka soomaaliyeed guud ahaan marka aad ka tagtaba kuwa somaliland. Haddaba waxaa Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud ka xanuunsaday wiil uu dhalay waa Almise oo uu asiibay xanuun ka soo gaadhay wadnaha, dhakhaatiirta Somaliland waa kabkab xilligga oo ma jiraan dhakhaatiir la isku halayn karaa, hadda oo ay aynu joogno 2021 ayaanay kaba jirin kuwo kuwii xilligga dhaamaaye, si kastaba ha ahaatee Xaaji Cumar oo aan ku aqaanay carruur jacayl xad dhaafa. Caruur jacaylka Cumar waxa uu ahaa mid aad u sareeya oo aan ku arkay uun dad dhif iyo naadir ah oo ay adag tahay in lasoo helo qof sidiisa u caruur jecel, aniga oo aan buunbuunin ku samaynayn laakiin cid kasta oo dhab ahaan u taqaanay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud waa ay dareemi karaysay taasina waa mid aan marar badan ku arkay indhahayga kuna maqlay dhagahayga waayo? waxa uu ahaa saaxiib aad iigu dheer (soul mate). Aan ku soo noqdo Almis iyo xannuunkiisii markuu Xaaji Cumar garwaaqsaday ina xanuunkan inankiisa ka asiibay wadnaha inuu u baahan kharash iyo dhakhtar heerkiisu sareeyo oo ka mida kuwa adduunka ku yaala maanta ee casrigga ah, Somaliland aanay ahayn tii wax ka qaban lahayd, ayaa uu helay fikrad aan aad ula yaabay waana halkaa halka aanu aniga iyo Xaaji Cumar iskaga xidhmaynaa. Dubloomasinimadii iyo xeeldhiiridiisa siyaasaasadeed, carruur jacaylkii iyo inankiisii Almis ayaa tusay inuu helo dariiq iyo wadiiqo uu ugu helo baadhis caafimaad iyo dawayn waxa ay diiradiisu markiiba soo dhufatay dalka Israel inay xuddun u noqon karto dawaynta Almis bal sida uu ku helay adba sheeg! haayoo waaniggii hore u soo sheegay inuu ahaa xeeldheere siyaasadeed, taasi waa ay u shaqaysay oo xidhiidhkii uu sameeyay waxa uu albaabadda u furay in Almis, hooyaddii iyo Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud ka dagaan caasimadda Israel ee Telavive, halkaasna uu Almis yare ka helo dawayn dhinaca wadnaha ah oo heerkeeddu sareeyo. Intaa uun ma’aha ee Xaaji Cumar waxa uu u boqoolay dhinacaa iyo Baytul-maqdis oo uu ku soo tukaday kuna soo sujuuday iyadoo ay tahay bogcadda saddexaad ee Maka iyo Madiina ku soo xigta, taasi oo dhanka kale aanay sahal ahayn in qof muslin ahi tago, waayo? dhanka nabad galyadda oo ay Dawladda Israel ku xidhiidhinayso aad ayay u adag tahay in si fudud loo tagi karo Magaaladda Qudus oo ay kuba murmayaan Yuhuuddu inay tahay Caasimaddooddii. Waa 2011kii waxaan ku tagay fasax Masar iyo Jordan habeen ay tahay goor fiid aha ayaa dadyow kala duduwan oo qaar Spain ka yimaadeen qaar Taliyaanigga qaarna USA, oo aanu joogno Hotelkayaggii ayaa ay qaar dadyowggaa ka midi go’aan ku gaadheen inay barri u baqoolaan magaaladda Qudus, ee barakaysan waxaanay ii soo jeediyeen inaan ku lug daro. Aniga oo aanay marka hore igu jirin Jordan ka baqool oo xagaa iyo Baytal Maqdis oo ay Yuhuuddu xoog ku haysato u socdaal, ayaa u riyaaqay fikirki, waxaanan la guulay fikirkii sidaa ayaanu iskugu lug daray. Waxaanu ka baqoolnay goor arooryo hore ah oo jarmaado ayaanu ku baxnay. Hotelkiina habeenkii ayuu ku sii talo galay inuu quraacdayaddii sii diyaariyo xilli hore, bacdamaa aanu jarmaado ku baxayno barri. Waxaan maqli jiray “ Balaysin Cawaysnimo kaakac aroonimo ayuu leeyahay ” ilaa 7 aroornimo ayaanu bas yar oo caasiya isku gurney, ka dibna waxaanu gaadhnay xuduuddii u dhaxaysay jordan iyo Israel waxaanu sii jibaaxnay daanta wabigga Urdun, oo aan in badan ka maqlay BBC-da qaybteedda Soomaaliga iyo English-ka. Sidaa markii aanu ku soo gaadhnay halkii ay Xuduudda ka wadaagayeen Israel iyo Jordan, gaar ahaanna qaybtii (immigration officers-ka) ama Saraakiishii ee Yuhuudda ayaa nala kala hufay oo dadkii intii badnayd la sii daayay, anigase waa laygu dhagay oo la iga furfuri waayay. Gabadh yahuudiyad ah oo ka mida Saraakiisha Socdaalka ee Yuhuudda ayaa waraysi dheer, goor aroornimo ah ila gashay. Waxaanay I waydiisay su’aalo badan oo qaarkood ay dib ugu noqonayaan 20 sanno iyo ka badan waxaanay ku qoraysay su’aal kasta oo ay igu waydiiso luuqadda Hibrowgga yuhuudda, iyadoo igu waraysanaysa luuqada Englishka. Markii uu dheeraaday waraysiggii ee ay i waraysanaysay saacad in ka badan, ayaan u sheegay in haddii aanay soo gaabin waraysiggan inaan halkaa ku joojinayo dhinacayga oo aan xataa isaga oo kale waligay la iga qaadin. Waa ayse diiday waxaanay i kala dooransiisay inaan ogolaado inaan sii wado waraysigga ilaa inta ay dhamaysanayso haddii kale ay igu celin doonto Jordan oo aan saaka ka soo boqoolay waxaanan u sheegay intaa in ka badan inaanan tamar u hayn, waayo saakana jarmaado ayaan ku imi halkan. Markii aanu is mari waynay waxay ii sheegtay inay igu celin doonto jordan oo aan ka fogayn ahaydna halkii aan saaka ka soo boqoolay waanan ka ogolaaday inay sidaa samayso, waayo wax la xamili karo ma ahayn waraysiggani waana markii ugu horaysay ee yuhuuddi i waraysato sababta ugu wayn ee aan halkaa u tagayna waxa ay ahayd inaan ku soo sujuuddo Baytal Maqdis. Haddaba ka waran haddii saaxiibkay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan halkaa ka soo daweeyay inankiisii Almis? isla markaana ku soo sujuuday Baytal-maqdis iyadoo aan laga carsha carshayn, isagoo waliba u dhashay Somaliland oo aan la aqoonsanayn. Halkaa waxaa ka cad sida uu ugu xeel dheeraa diblomaasiyadda iyo ku shaqaynteedda oo aniga haystay passport uu leeyahy dal wayn oo adduunka ka caana, lehna dhaqaale cuddoon oo reer yurub ahna looga dhaartay inuu fooda galiyo Baytal maqdis, saaxiibkay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan ku soo tukaday kana soo daweeyay inankiisii Almis. Maqaalka aan ku soo afjaro in aan Eebbe u waydiiyo inuu naxariistiisa waasaca ah siiyo oo uu ku manaysto Jannatal Fardowsa saaxiibkay Cumar Xaaji Maxamuud. Madaxdda Somaliland ee wax ma tarayaasha ah ee hadda ka soo diraya dhanbaal tacsiya oo aan sii ridnayna, waxaan ku leeyahay haddii ay dhab idinka tahay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan iyo intii dalkaa tacab galisay, intii ay noolaayeen ayaad u Abaal celin lahaydeen. Dhab ayaanayse idinka ahayn oo halgan dad lahaa ayaydun u hadheen in badan aan waxba ku lahayni Somaliland iyo wixii lala soo maray, waase qadar. Xaaji Cumar iyo inta la midka ah ee gobonimadii luntay wax kasoo dhiciyay ama dalka iyo dib u dhiskiisii qayb kulahaa ee abaalkoodii laga abaalka dhacay, ayaa buuxa. Waate sii soomalidu hore uga maahmaahday ee tidhi “Abaal nin gala badan, nin gudaase yar.” Eebe ayaase ugu badali Janno udug badan Cumar iyo intaa aan la soo dul joogsan loona abaal gudin intii ay noolayeen. Eebbow sii nimcooyinkaaga aan dhamaadka lahayn xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan iyo intii la mid ahayd ee naga horaysay. Aamiin Aamiin Aamiin. Qore: Cabdi Muxumed Cabdimuhumed60@gmail.com Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Four Al-Shabaab militants were killed and wounded several others on Wednesday following a pitched battle with Somalia's 60th division near the town of Wajid in the Bakool region, according to local officials. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia’s military has launched new air raids on Tigray, the second round of bombardments this week against rebel targets in the war-battered region. Source: Hiiraan Online
-
Bossaso (HOL) - The UN's International Organization for Migration (IOM) and Puntland have successfully repatriated 42 Ethiopian refugees living in Bossaso. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddooyinkii dambe wajahayey cadaadis xoogan oo uga imaanayey Beesha Caalamka iyo Musharaxiinta Mucaaridka, kadib dib u dhacyada jadwalka doorashooyinka dalka. Tiro saddex jeer iyo in ka badan ayuu dib u dhac ku yimid jadwalkii u dambeeyay ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiga doorashooyinka, kuwaasi oo dib usii riixay qabsoomida doorashada la isku hayo ee madaxtinimada dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo uu cadaadiska kusii kordhayey ayaa hadda u muuqda in uu qaaday wadadii uu ku bilaabi lahaa doorashada Golaha Shacabka, taasi oo hoos u dhigeysa cadaadiska uga imanaya dhinacyadaas. Wararka ayaa sheegaya in Rooble uu rabo in doorashada Golaha Shacabka ay hore u qabsoomto, una dhacdo si daah-furan, si lamid ah middii Aqalka Sare oo inta badan la doortay. Sidoo kale Rooble ayaa lagu wadaa in 24 saac ee soo socda uu shir khadka telefoonka ah uu la qaato madaxda maamul goboleedyada, isagoo ka doonaya in muddo sax ah loo sameeyo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xilligan shaqadiisa u weyn tahay in dalka ka gudbiyo xilliga adag iyo inuu qabto doorasho cadaalad ah, ayaa waxaa muuqata in dulqaadkiisa uu ka gudbinayo caqabado adag oo ku hor-gudbanaa doorashada. The post R/W Rooble oo labo dhinac kala kulmaya culeys xoogan appeared first on Caasimada Online.
-
Berbera (PP News Desk) — Berbera Port Porters’ Association today accused DP World of breaching a contract with porters. “We lodge a complaint about breach of 2017 contract by DP World. The breach of contract dates back to March 2021 when DP World illegally appropriated porters’ earnings and laid off porters” said a spokesman of Berbera Port Porters’ Association. Fleeced: Berbera Port Porters’ Association members accuse DP World of illegally appropriating porters’ earnings The spokesman criticised Somaliland administration’s Minister for Financial Development Dr Sa’ad Ali Shire for failing to look into the Association’s complaint. “He made promises that he would refer our case to the presidency, but the problem remains unresolved” added the spokesman. Berbera Port Porters’ Association has taken issue with the policy that transferred management of porters’ wages to DP World. “The agreement to run Berbera Port did not involve usurping porters’ payroll management, which is the preserve of Porters’ Association” said the spokesman. © Puntland Post, 2021 The post Berbera Port Porters’ Association Accuses DP World of Contract Breach appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan millateriga Soomaaliya oo horaantii toddobaadkan ka ambabaxay magaalada Beledweyne ayaa gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, xili uu maamulku isku diyaarinayo dagaal ka dhan ah Ahlu-Sunna Waljamaaca. Taliyaha Guutada shanaad Korneyl Maxamuud Xasan Ibrahim ayaa hogaaminaya ciidamada gaaray Matabaan, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya sida la sheegay howl-galada amniga lagu sugayo. Ciidamo ka amar qaata hogaanka Ahlu-Sunna ayaa gebi ahaanba iskaga baxay degmada Matabaan oo ay soo galeen, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Guriceel oo maamulkeeda la wareegen. Degmada Matabaan iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxa labadii maalmood ee u dambeeyay howl-galo ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug, oo la rumeysan yahay inay qorsheynayaan weerar ka dhan ah ururka Ahlu-Sunna. Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ee horey ugu sugnaa deegaanka Gowd Wiil oo waqooyi ka xiga Guriceel ayaa ruqaansaday dhanka magaalada, kuwaas oo haatan saldhig milatari ka sameystay meel qiyaastii 7 KM u jira magaalada Guriceel. Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay dhinaceeda ay guluf ka wado magaalada, iyada oo billowday inay baaris ku sameyso gaadiidka isaga kala goosha halkaasi. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaaladda Guriceel, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo waxbarashada ee magaaladaasi, ayada oo dadka deegaankana ay billaabeen barakicii ugu xooganaa. The post Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Guriceel iyo ciidan kusii jeeda oo maanta gaaray… appeared first on Caasimada Online.
-
Macluumaad ku saabsan doorashada saddexda degmo ee Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay tirada rasmiga ah ee codbixiyaasha doorashada qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Tirada guud ee dadka codkooda ka dhiiban doona doorashada saddexda degmo ayaa ah 37,578 qof (Soddon iyo todoba kun, shan boqol todobaatan iyo sideed). Degmada Qardho waxaa codkooda ka dhiiban doona 20,620 qof (Labaatan kun, lix boqol iyo labaatan). Degmada Eyl waxaa codkooda ka dhiiban doona 8,671 qof (Sideed kun, lix boqol todobaatan iyo kow), halka Ufeyn ay codkooda ka dhiiban doonaan 8,287 qof (Sideed kun, labo boqol sideetan iyo todoba). Doorashadan oo ah mid hordhac ah, waxaa ku tartami doona 9 urur siyaasadeed, waxayna dhici doonta 25-ka bishan Oktoobar. PUNTLAND POST The post Macluumaad ku saabsan doorashada saddexda degmo ee Puntland appeared first on Puntland Post. -
Guddiga doorashada Jubbaland, ayaa Ka dalbay Madaxweynaha Jubbaland in uu soo buuxiyo mid ka mida kuraasta afarta ah ee aqalka sare oo qof ka mida musharixiinta uusan isdiiwaan gelin Maanta. Guddiga ayaa sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe ka Codsaday inuu badalo Musharaxaas aan soobuuxin shuuradaha Musharaxnimo. Hadii Jubalnd ay soo gaban gabayso doorashada Aqalka Sare Galmudug aya noqonaysa Maamulka kali ah ee weli aan Soo dhamaystirin Aqalka sare. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com