Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan xarunta Villa Soomaaliya waxaa weli ka socda wada-hadallo gaar ah oo u dhexeeyo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wararka ayaa sheegaya in maanta dib loo sii ambaqaaday wada-hadalladan oo xalay soo billowday, waxaana ku biiray xubno horleh oo mas’uuliyiin ah iyo sidoo kale saraakiil. Sida ay oggaatay Caasimada Online waxaa kulanka maanta ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya Farmaajo iyo Rooble ku wehlinayey wasiirka amniga gudaha ee uu magacaabay ra’iisul wasaaraha ee Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo agaasimaha KMG ah ee NISA Bashiir Goobe, kuwaasi oo Farmaajo uu horey u diiday. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in wada-hadallada intooda badan diirada lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa arrinta hay’adda NISA iyo dooda ka dhalatay magacaabista wasiirka cusub ee amniga xukuumada federalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in uu jiro tanaasul ay sameeyeen labada dhinac, inkastoo weli qodobada qaar la’isku hayo. Waa markii ugu horreysay oo si foolka fool ah ay isku hor fariistaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & xubnaha magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Si kastaba, wada-hadalladan waxaa garwadeen ka ah madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ku guuleystay in si toos uu isugu keeno labada dhinac oo khilaafkooda uu saameyn xoogan ku yeeshay geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka. The post Wararkii ugu dambeeyey ee Villa Somalia iyo Farmaajo oo maanta la kulmay xubnihii uu diiday magacaabistooda appeared first on Caasimada Online.
  2. Laylo Nuur Maax ayaa loo doortay xubin ka mid ah Aqalka sare ee laga soo doortay Jubbaland, iyadoo heshay 63 cod waxayna kusoo baxday kursiga 7aad ee aqalka sare baarlamanka 11aad ku matalaya Jubaland. Xareedo Maxamed Sheekh oo kula tartantay kursigan ayaa iyana heshay 9 cod. Doorashada Aqalka Sare ee Jubaland ayaa la filayaa in maanta lasoo gaban gabeeyo, waana maamulkii shanaad ee sidaa sameeya marka lagu daro Doorashadii Aqalka Sare ee Goblada Waqooyi. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  3. Soomaalida ku nool Ingiriiska ayaa helay hanjabaadyo dil ah ka- dib markii xildhibaan dhawaan lagu dilay London loo xidhay nin Soomaali ah oo looga shakisan yahay inuu dilkaas ka dambeeyo. Xarumaha jaaliyadaha Soomaalida Ingiriiska ayaa lasoo sheegayaa in lagu qasbay in la xidho, waxayna la kulmeen xadgudubyo nacayb ah, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska The Times. Kaahiye Caalim, oo ah agaasimaha Golaha Ururada Soomaalida, ayaa u sheegay wargeyska The Times in hanjabaada ka dhanka ah Soomaalida ay bilaabmeen isla markii ninka Soomaaliga ah loo xidhay falka dilka ee xildhibaanka. “Waxaan maqalnay warar sheegaya in dadka lagu aflagaadeeyay tareenka London iyo waddooyinka, laguna yidhi ‘ku noqda gurigiinna, argagixiso ayaad tihiin,'” ayuu yidhi Caalim. Golaha Muslimiinta Britain (MCB) ayaa ku dhawaaqay dadaallo lagu caawinayo Soomaalida Ingiriiska iyo guud ahaan bulshada Muslimka ah sidii ay ula tacaali lahaayeen nacaybka iyo xadgudubka ka dhashay dilkii xildhibaan Sir David. Zara Mohammed, xog-hayaha guud ee golaha muslimiinta Britain, ayaa sheegtay in masaajidyada ku yaal Southend, oo uu Sir David ka ahaa xildhibaan, ay dilkiisa aad uga xumaadeen. Booliiska la dagaalanka xagjirnimada ayaa weli ku howlan baadhitaanka kiiskaan, welina macluumaad dhameystiran kama ayna soo saarin. Source
  4. Xildhibaan Barkhad Batuun oo fulinaya balanqaadkiisii ahaa in uu xaafadda Daami ka dhisayo xanaano (MCH) ayaa maanta wareejiyey dhamaan lacagtii iyo dhulkii lagu dhisi lagaa xanaanadaas. Xildhibaanka oo warbaahinta kula hadlay goobta dhagax dhiga ayaa yidhi “Maanta waxa aan dhagax dhignay Xannaanadi xaafadda daami, waxaanan ugu magacdarnay Maamo Xaliimo. Xannaanadu waa Xannaanada Maamo Xaliimo Brtish.” Sidoo kale maayar ku xigeenka caasimada oo isaguna goob joog ka ahaa dhagax dhiga xanaanada ayaa yidhi “Waxa taariikhda Somaliland gashay gobonimaddii Xildhibaan Barkhad iyo Xaliimo ka dawlad hoose ahaana diyaar ayaan u nahay in aanu qeybtayada ka qaadano.” halkan hoose ka DAAWO Source
  5. 4 sano kaddib ballan qaadkii KULMIYE maxaa ka fulay ? Dhisamaha 5 Cusbitaal iyo Daawo bilaasha ! Waxa qoray Maxamed Sidiiq Dhamme, Xoghayaha Arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani. Dhammaan Cusbitaalada dawladda adeega daawadu waa lacag, waxaanay ka qiimo tahay dawada suuqa lagu iibiyo, muddo xileedkaa sii dhammaanaya weli adeegaa dawo ee bilaasha ah ma hir gelin bulashadana sidii ayuu u saaran yahay culayskii dawadu ballanqaadkaasi ma fulin. 5 Cusbitaal ee Xisbiga KULMIYE ballan qaaday 2017 weli lama hirgelin, Cusbitaalada dawladu waa intii jirtay ee uu ugu yimi Madaxweynaha hadda, tayo ahaan waxba laguma kordhin sidii ayaa bulshadu u tagtaa Cusbitaalada gaarka ah iyo kuwa dibadda. Cusbitaalka guud ee Hargeysa wuxuu marayaa maanta meel liidata adeeg ahaan, wuxuu ku jiraa deyn badan, adeegyo cusub laguma soo kordhin, dawada, golfiska, siriijka iyo adeeguba waa lacag, ballanqaadkii KULMIYE ee 2017 in laga dhigo Cusbitaal casriya ma hirgelin ee wuu fashiomay. Xannaanooyinka laga dhisay cashuurta weli maybgaadhin konton, waxay u badan yihiin xannaanoyinka jiraa qaar haayadondhiseen. Xisbiga KULMIYE wuxuu ballan qaaday in gaadiidka gurmadka caafimaadka gaadhsiin doono 200, Tusaale ahaan Cusbitaalka Guud ee Hargaysa waxa yaal 1 Ambalunce oo GT ah iyo 3 haayado keeneen oo aan lahayn calaamada GT gobolada dalkuna way ka liitaan caasimadda. Xisbiga KULMIYE barnaamijkiisa waxa lagu ballan qaaday in la abuurayo waaxda maamulka iyo maaraynta gaadiidka gurmadka caafimaadka lama samayn illaa hadda waaxda la ballan qaaday. Xisbiga KULMIYE barnaamijkiisa waxa kagu ballanqaaday in xukuumaddu bixin doonto tallalada cudurada dilaaga ah, weli hal tallaal oo bilaasha ah lama bixin lamana hirgelin barnaamijkaa. 8.Illaa hadda waxa tallaalka inga caawiya haayadaha ay ka midka tahay UNICEF ma jiro tallaal bilaasha oo xukuumaddu hirgakisay, carruurta Somaliland 67% wax talaala ma qabaan. Source
  6. “Anyone who doesn’t speak English is unable to stay updated on the pandemic," said the director of the New Americans Integration Center. Source: Hiiraan Online
  7. Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo lagu doortay kursiga Lixaad ee kuraasta Aqalka sare Jubbaland ay ku leedahay. Kursigan ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kale ah Ibraahim Aw-gaab Cismaam iyo Farxiyo Macalin cabdi. Ibraahim Aw-gaab Cismaan oo ku guuleystay kursiga ayaa helay codad gaaraya illa 57 cod taas oo uu kaga guuleystay Musharax Farxiyo Maxalin Cabdi oo heshag 14 cod. Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay natiijada Kursiga Lixaad oo uu ku guuleystay Ibraahim Aw-gaab Cismaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Niarobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markale ka hadlay go’aankii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taas oo inta badan biyihii la’isku hayey u xukuntay Soomaaliya oo ku guuleysatay dacwaddii kala dhexeysay Kenya. Uhuru oo ka hadlayey munaasabad loogu dabaal-degayey maalinta halyeeyada Kenya oo shalay ku beegneyd ayaa gabi ahaan ku gacan-seeray xukunka maxkamadda ICJ. “Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda dalka Kenya. Sidoo kale wuxuu soo saaray diginiin culus oo la xiriirta go’aankaasi oo uu shaaciyey inuu dhalin karo cawaaqib xumo ka dhalata, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha dowladda Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xukunka ay gaartay ICJ uu waxyeeleyn karo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo ah laba dal oo daris ah. “Isbaddel wayn ayuu ku keeni doonaa horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeed, ayna halis gelin karto ammaanka gobolka Geeska Afrika,” ayuu sii raaciyey Uhuru Kenyatta. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Kenya looga guuleystay dacwaddii ICJ ee la xariirtay muranka ay gelisay badda Soomaaliya. Si kastaba, Kenya ayaa horey uga hortimid xukunka ay ridday maxkamadda ICJ, halka Soomaaliya ay si weyn ugu dabaal-degtay guusha ay ka gaartay kiiskaasi. The post Uhuru Kenyatta oo war cusub kasoo saaray go’aankii ay gaartay Maxkamadda ICJ appeared first on Caasimada Online.
  9. Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo lagu doortay kursiga shanaad ee kuraasta Aqalka sare Jubbaland ay ku leedahay. Kursigan ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kale ah Cabdi Xuseen Cali iyo Xasan Daahir Yaroow. Xasan Daahir Yaroow ayaa helay codad gaaraya illa 59 cod taas oo uu kaga guuleystay Musharax Cabdi Xuseen cali. Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay natiijada Kursiga shanaad oo uu ku guuleystay Xasana Daahir Yaroow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Nairobi (HOL)- China is becoming increasingly more frustrated with Taiwan's presence in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  11. Qaar kamid ah Odayaasha degmada Godobjiraan oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa cabasho ka muujiyay Qaabka wasaaradda Degaanka Puntland u waddo Mashruuca Bacaad-celinta Godobjiraan. Odayaasha ayaa sheegay in wasaaraddu ay rabto in 8 kun oo geed laga jaro nawaaxiga degmada Godobjiraan si loo sameeyo Bacaad-celinta balse taas aysan aqbali karin dhankooda. Odayaasha ayaa tilmaamay in Bacaad-celinta looga hortagayo xaalufka Degaanka haddiise 8 kun oo geed la jaray uu ka dhalanayo xaaluf ka daran kii hore. Wasaaradda ayay sidoo kale ka codsadeen in la raadiyo qorshe kale oo lagu hirgelin karo Bacaad-celinta iyadoo aan la jarin dhirta Degaanka. Halkaan ka dhegeyso wareysigooda PUNTLAND POST The post Odayaasha Godobjiraan oo ka horyimid Qaabka loo wado Mashruuca Bacaad-celinta appeared first on Puntland Post.
  12. Addis Ababa (Wararka PP) — Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mousa Feki ayaa dowlado Afrikaan ah kala kulmay dhaleeceyn kaddib markuu bishii hore soo saaray warqad uu ku difaacayo go’aanka in Israa’iil goobjooge ka noqoto Midowga Afrika. Mousa Feki oo la rafanaya go’aan uu si degdeg ah u qaatay. Feki ayaa ku sababeeyay kaalinta goobjoogenimo ee Isr’aaiil codsi ka yimid dalal xubno ka ah Midowga Afrika oo xiriir dibloomaasiyadeed la leh Israa’iil. Dalka Koonfur Afrika ayaa wada olole uu ku doonayo in Midowga Afrika uu ka noqdo go’aanka aqoonsiga goobjoogenimo ee Israa’iil ay heshay. Koonfur Afrika waxay si adag uga hortimid go’aanka Guddiga Midowga Afrika uu si wadatashi la’aan ah u siiyay Israa’iil martabad goobjoogenimo. Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa uma dabcin cadaadisyo lagu xalaalaynayo dulmiga Israa’iil ku hayso reer Falastiin. Israa’iil waa dalka keliya oo weli ka jiro gumeysi ku salaysan in Yuhuuddo degto dhul Falastiiniyiinta xoog lagaga raray. Dowlado ka mid ah Jaamacadda Carabta kana tirsan Midowga Afrika ayaa xiriir diblomaasiyadeed la leh Israa’iil. “Go’aankani waa mid naxdin leh sanadkan oo dadka reer Falastiin loo geystay duqeyn iyo barakicin si dhulkooda loogu beddelo deegaanno aan sharci ahayn” ayay tiri Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Koonfur Afrika. © Puntland Post, 2021 The post Midowga Afrika oo Lagu Eedeeyay Siinta Israa’iil Kaalin Goobjoogenimo appeared first on Puntland Post.
  13. Kenya also claimed this area, and had parceled out oil and gas exploration rights Members of the Somali navy patrol near the port in Mogadishu this month. (Farah Abdi Warsameh/AP) On Oct. 12, the International Court of Justice ruled in favor of Somalia’s claim to a large contested maritime area in the Indian Ocean. Approximately the size of South Dakota, the waters serve as a critical transit route and fishing grounds — and the seabed likely contains lucrative oil and natural gas reserves. The dispute between Kenya and Somalia began in the late 2000s when Kenya tried to impose a shared maritime border on Somalia that was similar to its own southern border with Tanzania. Somalia was at war, so could not prevent Kenya from doing so. Since then, Kenya has used the maritime area for its own benefit, but also has helped to monitor and secure the waters. Somalia argued that the maritime boundary should be consistent with standard practice in international law — and follow the direction of the land border, rather than extend out along the line of latitude. The U.N. high court’s ruling now gives Somalia more of this contested maritime zone, including oil blocks that Kenya claims. Aren’t most borders well established? Kenya and Somalia have shared a border for more than 50 years, so this might seem like a strange disagreement. How have the two not yet defined their territorial waters and associated boundaries? In fact, borders are often a challenge throughout the world. According to the African Union Border Program (AUBP), only about one-third of the borders among the continent’s 54 nations had been formally demarcated by 2011. Many countries still have outmoded borders relying on rivers, tree lines or paths that can change over time. And while the AUBP maintains that clear borders reduce conflicts, more porous and informal boundaries have arguably kept the peace in nomadic and migratory areas. Demarcated borders need not be strictly controlled, but often are in practice. The U.N. Convention on the Law of the Sea (UNCLOS), an international law since 1994, provides the authoritative rules on territorial waters, exclusive economic zones (EEZs) and continental shelves beyond EEZs. Countries sometimes do reach agreements on their own, however, departing from the UNCLOS guidance. This was Kenya’s position — claiming that since 1979 Somalia had continuously “acquiesced” to Kenya’s preferred boundary, making this now legally the line. Did Somalia agree to the boundary? During many of those years, Somalia had no consistent decision-making authority. Beginning with the fall of President Mohamed Siad Barre’s military dictatorship in 1991, Somalia was a failed, contested state — only around 2012, arguably, did Somalia have a government capable of making such choices. Somali authorities made this point at the ICJ and appealed along UNCLOS principles to dispute Kenya’s claim of acquiescence. Somali authorities at times formally relaxed sovereignty rules to permit other militaries to pursue pirates and terrorists. But there was no such agreement with Kenya. And Somalis have repeatedly complained about outsiders, including Kenyans, taking advantage of the political disarray to exploit Somalia’s waters by overfishing, dumping waste and stealing resources. Kenya disagreed with the ruling Somalia’s president, Mohamed Abdullahi Mohamed, quickly declared the ICJ decision a victory. The court agreed that most of the area that Kenya claimed — and parceled out for oil and gas exploration — ought to be Somalia’s. The court apportioned a substantially smaller offshore area to Kenya, but did not agree to grant Somalia reparations for sovereignty violations for Kenya’s exploration rights moves. Kenya rejected the decision, retroactively claiming that the ICJ did not have jurisdiction over a bilateral matter. It’s not yet clear what the outcome means for relations between the two countries or their maritime border. The two have cooperated on security matters such as threats from the Islamist terrorist group Al Shabaab, but Somali-Kenyan relations have been poor lately. And research suggests about one-third of international maritime conflicts become militarized at some point. It’s possible Kenya’s rejected claim could result in an escalating conflict — though at least for now, violence seems unlikely. Because the ICJ has ruled, the weight of international public opinion will align with its decision. As a U.N. entity, the ICJ does not have an army to enforce its decision. But the next step on the legal escalatory ladder is more powerful: the U.N. Security Council. The Security Council is empowered to handle any international breach of the peace, up to and including using force, should Kenyan authorities not comply. But with Kenyan President Uhuru Kenyatta serving as the rotating president of the Security Council, it seems unlikely that any breach or U.N. action will occur in the near term. In the best case, time and the international peer pressure that comes along with the ICJ’s recommendations may simply wear down Kenyatta’s resistance. Given the Biden administration’s strong support for the rule of law in domestic and international politics, pressure may have even come from President Biden himself in the Oct. 14 White House meeting between the two. However, Biden also wants Kenya’s support for potentially more pressing issues like sanctions for humanitarian violations in Tigray. The Trump administration, eager to deepen bilateral economic ties, had previously supported Kenya’s maritime claim. This maritime border case took several years — and delay tactics marked the Kenyan authorities’ approach. First, Kenya requested a year-long delay to assemble a legal team. Then another delay was requested for the pandemic. And when that request was denied, Kenya requested a further delay because a “critical map” had gone missing. The “win” for the Somali government is only slightly less consequential than the real resources at stake. Somalia remains a very weak government without full control over its territory, but the outcome gives a boost to the international rule of law in the eyes of Somalis and to Somalia’s domestic institutions. After the ruling, Somalia’s president issued an appeal to his neighbor, urging Kenya to “treat the Court’s decision as an opportunity to strengthen relations between the two countries and enhance cooperation between the two peoples.” A better relationship between two stable, law-abiding neighbors would seem in everyone’s long-term interests. Bridget Coggins is associate professor of political science at the University of California at Santa Barbara. Her current book project examines failed states and international security Source: Washington Post The post Why Somalia won its claim to a disputed maritime zone in the Indian Ocean appeared first on Puntland Post.
  14. Mudanayaasha Baarlamanka Jubaland ayaa maanta dhammaystiray doorashada afar kursi oo ka harsanaa xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Jubaland. Xasan Daahir Yarow ayaa ku guuleystay kursigii shanaad wuxuuna ka adkaaday Cabdi Xuseen Cali, halka Ibraahim Awgaab Cismaan uu Farxiya Macalim Cabdi uga guuleeystay kuriga lixaad. Kursiga toddobaad oo ay ku tartameen laba haween ah ayaa Layla Nuur Maax waxay kaga guuleysatay Xareedo Maxamed Sheekh. Kursigii ugu dambeeyey ee maanta la doortay ayaa waxaa kusoo baxay Maryan Faarax Kadiye oo ka guuleysatay Samsam Maxamed Bishaar. PUNTLAND POST The post Jubaland oo dhammaystirtay doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  15. Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Jowhar ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska ay goorshaw xarig u geeysteen Cabdalla Axmed Muumin oo ah xoghaya Ururka Suxufiyiinta SJS iyo Hanad Cali Guuleed oo ah Tafaftiraha Goobjoog Tv iyo Madaxa Tababarada Ururka SJS. Ciidamada ayaa labada Mas’uul kala baxay Hotel Jaako oo saxifiyiinta Jowhar tababar lagu siinayay. Taliska booliiska Jowhar ayaa xabsiga u taxaabay labada wariye xilli ay ku gudajireen bixinta tababar ku saabsan Saaxafadda. Illa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xiray Hanad Cali Guuleed iyo Cabdalla Axmed Muumin. Shalay ayeey aheyd markii handadaad iyo xarig ciidamada Jowhar u geeysteen Cabdalla Axmed Muumin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Denmar)-Dowladda Denmark ayaa sannadkii hore xabsi daa’in ku xukuntay wiil Soomaali ah oo ah hoggaamiyaha koox budhcad ah oo loo yaqaano Death Squad, oo ka jirta xaafadda Soomaalidu ku badan tahay Rinkeby ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden. Maxamed Cali, oo lagu helay dambiyo kala duwan, ayaa hadda loo masaafurin doonaa Sweden si uu u dhammaysto xukunkiisa. Wargeyska Nyheter Ida ee kasoo baxa dalka Sweden, ayaa qoray in ninkan oo 23 jir ah uu doorbiday in loo masaafuriyo Soomaaliya, wuxuuna codsaday inuu ka tanaasulo dhalashiisa Sweden. Bishii Agoosto ee sannadkii hore, ayay maxkamad ku taalla Denmark ku xukuntay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay inuu laba dil u geystay rag ay iska soo horjeedeen oo ka tirsanaa kooxda kale ee gaangiska ah ee Shottaz ee ka dhisan magaalada Copenhagen, Denmark. Sababta uu u codsaday in loo masaafuriyo Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay la xidhiidho cabsi uu dareemo in ay nolashiisa khatar ku jirto. Source
  17. Warbaahinta kala duwan ee dunidan casriga ah ee aaladda internet-ku isku xidhayxo, isticmaalka baraha bulshada iyo idaacadaha la iska arko ama TV-yada faraha badan iyo hababka dirista lacagaha ee elaktaroonikada ahi waxay u fududeeyaan ama u sahlaan qaarka mid ah tuugta inay uga faa’iidaystaan falal ay ku dhacaan bulshada,iyagoo markay xogtooda waxka ogaadan, waxna isku toos toosiyaan been ah lacago kaga qaata loogu diro adeegyada ZAAD ama E-DAHAB. Waxaa soo baxay niman tuug ah oo marka hore kaa baranaya warbaahinta iyagoo tusaale ahaan dhinaca jaalliyadaha xog ogaal u noqonaya oo warbaahinta kala soconaya hawlqabadyada iyo hadba hawlaha shaqo ama waxqabad uu ururka ama qofku ku foogan yahay ama uu inta badan u dhaqdhaqaaqo ama laga fili karo, dhinaca gudaha dalkana bartilmaameed ka dhigta ururada samafalka waddaniga ah ee iyaguna ku hawlan inay waxka caawiyan qaybaha bulshada ee nugul ama baahan iyo xarumaha adeegyada bulshada, jaamacadaha iyo xarumaha waxbarashada, cisbitaallada, dawladaha hoose iyo masuuliyiinta hay’adaha dawladda iyo dadka ganacsatada yaryar mararka qaar. Tuugtadani waxay sidoo kale jabsan karaan Email-kaaga si ay u ogaadaan dhinacyada aad wada xidhiidhaan iyo hawlaha aad ka wada socotaan. Tuugtani waxay kaala soo hadlayaan telefoonka waxaanay kuu sheegayaan inay qalab waxbarasho ama caafimaad ama noocyo kaleba kaaga sidaan hebel oo qurbajoog ah ama jaalliyad heblaayo. Mararka qaarkood ka hor intaanu tuuggu kula soo hadal waxaa kaaga soo horraynaya tuug kale oo kuu sheegaya inuu jiro qof kaaga sida deeq qalab ah qurbajoogga oo kula raadinaya, waxaanu isku kiin xidhayaa tuugga kale. Wuxuu kuu sheegayaa magaca ururka jaalliyadda ama khayriga ah ama guddoomiyaha jaalliyadda ama qof kale oo laga yaabo inaad taqaan ama aanad aqoon oo ka soo jeeda degmada aad joogto. Tuuggani wuxuu ugu dambayn hadalkiisa kaa codsanayaa inaad usoo dirto kharash kooban oo inta badan $30 illaa $200 ku siman oo uu kuu sheegayo inay wax kaga xidhan yihiin markaas xagga Dekedda ama Madaarka isagana uu kaadhkii ATM-ku u shaqayn waayay ama aanay markaas lacagi ugu jirin isaga sida uu hadalka kuugu dhigayo. Isla lambarkaas uu kula hadlayo ayuu ku odhanayaa ku soo dir ama siday dad badan ku sameeyeen wuxuu ku sheegayaa lambar kale oo sarifle ama meherad kale oo u dhaw. Markay u suurtagasho tuugadani, haddaad ugu dirtay lambarkii uu kaala soo hadlay wuu xidhayaa markaba waanu ka guuraya, haddii uu lambar meheradeed dhexmarsadayna markaad la hadasho qofkii lahaa waxba kuuma qaban karo waayo wuxuu ka mid ahaa uun dadkii waxka sariftay ama ka iibsaday maalintaas. Lama hubo inaad Shirkadda Isgaadhsiintu kula raadin karto ama sida badan qofka la khiyaameeyay wakhtiba uma hayo inuu nidaamka sharciga waafaqsan u maro daba-galka iyo baadhista fal dambiyeedka dhacay ee lacagta lagaga qaaday. Marar kala duwan waxay dad ku dhaceen ama ku sigeen inay ku dhacaan magaca Jaalliyadda Somaliland ee Washington DC https://www.somalilandusa.org/ oo ay astaanteeda ugu direen WhatsApp-ka. Guddida Jaalliyadaas oo ogaatay ayaa marar kala duwan warbaahinta kala hadashay bulshada. Tuuggadani muddo dheer ayay jirtay balse hadda way ku soo badatay dalka. Hadaba Xafiiska Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL oo cabashooyin badan oo tuugada noocan ahi ka soo gaadhayaan dad kala duwan oo ururo khayri ah, dawlado hoose, jaalliyado iyo dad kale oo lagu dhacay ama ku sigtay in qaabkan lagu dhacaaba ka mid yihiin, wuxuu uga digayaa dhammaan bulshada Somaliland inay ka taxadiraan halista tuugta noocan ah ee ku qadhaabta magaca jaalliyadaha. Iska jir oo ka taxadir inaad rumaysato qof aanad garanayn oo telefoon kugula soo hadlay waxkasta uu sheegayaba, ogowna waa tuug kugu socda; Haddii qof aanad garanaynini kula soo xidhiidho kuuna sheego inuu hebel oo qurbajoog ah ama jaalliyad heblaayo waxkaaga sido, ha rumaysan hadalkiisa ee la xidhiidh guddida jaalliyaddaas haddaad garanayso ama haddii kale la soo xidhiidh Xafiiska Qurbajoogga Tell: 063 4826166; Ka taxadir inaad sii gasho farrimaha xayaysiiska iyo beenta ah ee laguugu soo diro WhatsApp-ka taasoo marin habaabin ah iyo tuugo lagaaga jabsan karo lambarkaaga si xogtaada loo helo oo adiga laftaada ama cid kale loogu dhaco; Ka waantow inaad lacag uun isaga dirto qof aanad aqoon u lahayn; Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Warbaahintuba waa inay bulshada uga digaan tuuggadan. Xafiiska Qurbajoogga Somaliland October 16, 2021 Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland Source
  18. Shir ay isu’gu yimaadeen Nabaddoonada Jifida Xuseen Cismaan ee Bahgareen (Cismaan Maxamuud), oo ay kaga hadlayeen xubinka Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay wakaalahooda Idiris Cismaan uga tanaasuleen, kuna wareejiyeen, iyagoo tix-gelinaya Wax qaybsiga Beesha. Haddaba, Jifida Xuseen Cismaan waxay isa sii weydiiyeen cidda horay wax u qaadatay iyo cidda aan weli wax qaadan, waxaana la isla gartay in Guriga Reer Maxamed Samatar, oo uu Nabaddoon u yahay Caaqil Cabdixakiin Xaaji Cismaan ay horay wax u qaateen, sidaas darteed ay u tanaasuleen labada jifiyood ee soo haray oo kala ah: 1. Bahwadaag ( Reer Faahiye Xuseen iyo Reer Cawad) 2. Aaden Cabdalle. Haddaba, Beeshu waxay go’aamisay in Xildhibaanka Golaha Shacabka uu sannadkaan ka yimaado labadaas Jifi oo keliya. Halkaan ka akhriso warka Beesha PUNTLAND POST The post Qardho: Beel ka heshiisay xubinta Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) - The Secretary-General of Somali Journalists Syndicate, Abdalle Ahmed Mumin, said that he was illegally detained by police in Jowhar on Wednesday while conducting a seminar for reporters about enhancing media freedom. Source: Hiiraan Online
  20. Waxaa maanta la dhameystirayaa Senatorada aqalka sare BF ee kasoo galaya maamul goboleedka Jubbaland iyada oo la dooran doono ilaa afar Senator. Jubbaland haddii maanta lasoo gabagabeeyey, waxaa ay guud ahaan Senatorada noqon doonaan inta ilaa hadda dooran 24, waxaana dhimman 2 Senator oo ka harsan Galmudug. Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in la bilaabo doorashada golaha shacabka iyada oo laga bilaabi doono Somaliland iyo Koonfur galbeed. Warar doorashada maanta halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. MOGADISHU (HOL) - Jubbaland parliament is today voting for the last four senators about three months after the exercise started. Source: Hiiraan Online
  22. Wadayaasha baabuurta tagaasida ee ka shaqeeya Boosaso ayaa saaka shaqo joojin sameeyay. Qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka cabanayaan shidaalka oo qaaliyoobay iyo khidmad lacageed oo ay ka qaaddo shirkadda Dhaweeye. Wadayaasha ayaa sheegay in ay shaqa-joojinta sii wadayaan inta laga xallinayo cabashada ay ka qabaan shirkadda Dhaweeye. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Wadayaasha baabuurta Tagaasida oo shaqa-joojin sameeyay appeared first on Puntland Post.
  23. Maanta oo khamiis ah ayaa lagu wada in magaalada Kismaayo ee xarunta KGM ah maamulka Jubbaland lagu doorto Afar kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalla sare Jubbaland ay ku leedahay. Hoolka weyn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa saaka ka soconaya diyaar gawroga doorashada Aqalka Sare Jubbaland. Afarta kursi ee saaka la dooranayo ayaa qeyb ka ah 8 kursi oo Jubbaland Baarlamanka Aqalka sare. Dhamaan musharixiinta u tartameysa kuraastan ayaa is diiwaan geliyay. Maamulka Jubbaland ayaa ah maamulki Afaraad ee dowlad gobaleedyada ka mid ah oo soo dhameyatira kuuraastiisa Aqalka sare kadib maamulada Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Puntland. Source: goobjoog.com
  24. 52 sano ayaa ka soo wareegatay inqilaabkii aan dhiigga ku daadan ee October 21, 1969-kii, waa maalintii uu Barre afduubay masiirkii umadda Soomaaliyeed. Siyaad Barre iyo ciidamo ka amar qaata ayaa dalka xoog ku qabsaday maalmo kadib markii la dilay madaxweynihii dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke, xukunkan oo socday 21 sano, waxaa isna lagu soo afjaray afgambi kale oo ay horkacayeen jabhado xaq u dirir ah. Afgambigaas uu hor kacayey Maxamed Siyaad Barre ee taariikhda galay waxaa ku dhaqaaqay 25 nin oo isku magacaabay Golaha sare ee Kacaanka ama (Supreme Revolutionary Council). Alahu Naxariistee Cali Verdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikho badan ayaa ii sheegay in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka dhacayey, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aan dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada heysay. Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, kacaan diid ayaan ahaa…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”. Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ayey uga faa’ideysteen saraakiishii dalka Inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijka Taariikhda dalkeena u sheegay Axmed Naaji Sacad. Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah. Axmed Naaji, Waxaa uu sheegay in marka hore Kacaanka uu la wareegay Radiyaha ama Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal. Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac ayaa habeenka lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka Idaacadda, inta uu wada sii socday, Saraakiishii wadday iyo kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax iyo erayo kale oo la mid ah. Markii la geeyay Idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in Kacaan dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan. Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii….heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa lasoo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas. Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”. Waxyaabaha la faray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo usoo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin wadada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan, waxaa kaloo heesihii Kacaanka ee laxanka uu lahaa Naaji ka mid ahaa’Waaga Baryay Bilicsan Arooryo baxsan Maalin Boqran”. Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Baree ee Idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in Cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda. Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka kusoo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay Inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda. Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka. Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale. Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay. Culimda diinta, Waxaa ay ku jireen cabsi aad u badan, xitaa Macalimiinta Quraanka, sida aan ku arki doono qeybaha dame ee barnaamijak Taariikhda Dalkeena. Maxaa Lagu Xasuustaa Maxamed Siyaad: Maamulkii Maxamed Siyaad Barre, Waxaa uu ku guuleystay qorista afka Soomaaliga, taas oo in muddo ah lagu taamayey, qorista fata Soomaaliga waxaa ay ka dhigtay dadka kuwoo wax qora halka dalka uu yeeshay far iyo taariikh qoran. Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga ee la dagaalanka Umminimada, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh. September 1970-kii, Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta. 1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika. 1975-tii, Waxaa uu Maxamed Siyaad soo saaray xeerka qoyska kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid. Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga. Bishii July 1977-dii, Waxaa uu dagaal dhex maray dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay. Maxamed iyo Nidaamkiisii dagaalkii 77 kadib, Waxaa xiriir la bilaabeen Mareykanka oo dagaal qabow uu kala dhaxeeyay Ruushka, si dalka uu garab u helo. 1978-dii, Waxaa dalka ka dhacay Inqilaab fashilmay, Inqilaabkaas waxaa fuliyay rag uu jiray Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Cabdulhi Yusuf, markii uu fashilmay Yusuf waxaa uu galay Kenya isagoo aasaasay Xisbi Mucaarid ah. Bishii May 1988, Waxaa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xasuus ka geysteen magaalada Hargeisa, taas oo keentay in dad badan ku dhintaan, ilaa iyo hadda waxaa taagan dhibaatadii maalintaas, dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. 1991: Ugu dambeyn jabhado uu horkacayo Gen. Maxamed Faarax Caydiid ayaa caasimadda ka qabsaday January 26, 1991-dii, Siyaad Barre waxaa uu magan-galyo siyaasadeed ka helay dalka Nigeria halkaas uu ku geeriyooday 1995-tii. Maxamed Siyaad waxaa uu dalka ku qabsaday afgabi isna 21 sano kadib ayaa la afgambiyey, waxaana soo baxday in xoogga dalka laga fogeeyo xukunka, oo ay ku ekaadaan hawlaha loo igmaday. W/Q: Abdi Aziz Gurbiye, Source: goobjoog.com