Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigtay xubno ka tirsanaa amniyaatka kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab kadib howlgal laga sameeyey gudaha Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulkaas. Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay hey’adda sirdoonka Jubbaland, xubnaha ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab ee gacanta lagu soo dhigay ayaa ku dhuumaaleysanayey gudaha Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda. “Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Jubbaland (JISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu beegsanayo xubno kamid ah kooxaha argagaixisada ee ku dhuumaaleysanaya magaalada iyo nawaaxigeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hey’adda. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Howlgalladaan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada iyadoo qeybo kalena lagu daba jiro”. Hey’adda JISA ayaa sheegtay inay dhawaan warbaahinta iyo shacabka la wadaagi doonto warbixin dhameystiran oo ku saabsan xubnaha gacanta lagu soo dhigay iyo shaqooyinkii ay qaban jireen oo ay sheegtay inay liddi ku ahaayeen amniga dadka iyo dalkaba. Ugu dambeyntii qoraalka kasoo baxay hey’adda ayey baaq ugu dirtay Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa Jubbaland. “Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraalka. Howlgalada ay hey’adda JISA ka bilowday Magaalada Kismaayo ayaa waxay kusoo aadayaan xilli ay Jubbaland isku diyaarineyso qabashada doorashooyinka Aqalka Hoose oo la filayo in lagu qabto Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey. The post Jubbaland oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Amniyaatka Al-Shabaab oo ku sugnaa Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  2. Nairobi (PP News Desk) — The Kenyan presidential candidate Raila Odinga made resumption of Khat exports to Somalia one of his campaign themes. In a speech to Kenya’s khat farmers Odinga said his administration would put a lot of effort into reviving the khat industry affected by moratorium on khat exports to Somalia. Odinga makes khat exports to Somalia a key election campaign amongst farming constituencies. The Federal Government of Somalia indefinitely suspended khat imports following diplomatic disagreements with Kenya over Jubaland State after Nairobi violated aviation embargo on Kismayo in 2019. Somali traders import khat to the tune of more than $ 100, 000,000. Odinga’s pledge will face hurdles if relations between Somalia and Kenya remains frosty after he realises his dream to be elected President of Kenya. © Puntland Post, 2021 The post Odinga Pledges to Resume Khat Exports to Somalia If Elected President appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku timid Jubaland. Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa er Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka. Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo qaabilay ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  4. Ethiopia has admitted it was behind airstrikes in the capital of the conflict-riven Tigray region - hours after it denied it had carried out what rebels say were deadly raids. Source: Hiiraan Online
  5. Nairobi (HOL) - Orange Democratic Movement (ODM) leader Raila Odinga has promised khat farmers based in Meru that he will ensure he has access to markets for their produce if he is elected Kenyan President in 2022. Source: Hiiraan Online
  6. (SLT-London)- Booliska UK ayaa baadhaya in dilka xildhibaan David Amess uu xidhiidh la leeyahay xidhiidhka xildhibaanka ka dhaxeeyey dowladda Qatar, sida uu qoray wargeyska The Times. Sir David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa lagu dilay mindi Jimcihii, isaga oo ku sugan deegaanka Leigh-on-Sea, waxaana dilka loo qabtay Cali Xabri Cali Kulane. Booliska UK ayaa sheegay in illaa hadda dilka ula macaamilayaan mid argagixiso, balse ay eegayaan suurta-galnimada ah in loo dilay xidhiidhkiisa dowladda Qatar darteed. Ilo-wareedyo amni ayaa The Times u sheegay “Arrinta Qatar waxay aheyd tii ugu dambeysay ee xildhibaanka uu soo tweet gareeyo. Booliska waa ay eegayaan.” Dhinaca kale, wargeyska Daily Mail ayaa qoray in Cali aabbihii oo lagu magacaabo Xarbi Cali Kulane uu aad u dhaliilo dowladda Qatar, oo taageerto dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo. Warbixinta Daily Mail ayaa lagu sheegay in qoraal uu Xarbi Cali Kualne soo dhigay twitter 5-tii October uu faro-gelinta Qatar ee Soomaaliya ugu yeedhay mid aan wanaagsaneyn oo ay tahay in joogitaankooda la baabi’iyo. Tweet-ka ayuu Xarbi Cali Kulane ku yidhi “Tan iyo 7-dii Febraayo, waxaan nasiib darro aragnay ku lug lahaanshaha aan caafimaadka laheyn ee Qatar ee saaxadda siyaasadda Soomaaliya. Waxaa la joogaa waqtigii xidhiidhkan xun ee aan laga fiirsin la baabi’in lahaa, lana yareyn lahaa saameyntiisa.” Ilo-wareedyo amni ayaa u sheegay Daily Mail inaysan wax muujinaya in Xarbi Cali Kulane uu yahay xagjir. Xarbi ayaa aad uga argagaxay dilka. Amess ayaa madax ka ahaa guddi ka tirsan baarlamanka oo lagu magacaabo APPG oo taageera Qatar, kana shaqeeya wanaajinta xidhiidhka ka dhaxeeya dalkan ku yaalla Gacanka iyo UK. Amess ayaa 9-kii illaa 10-kii October booqday, halkaasi oo uu kula kulmay amiir Tamim bin Hamad Al Thani. Source
  7. AFP Waxay sheegtay in Dadka Somaliland boqolkiiba Inta badan Yihiin Dhallinyaro Dhashay wixii ka dambeeyay 1990-kii (SLT-Hargeysa)-Wakaaladda Wararka ee AFP, ayaa war-bixin mug leh ka qortay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca nolosha dadka, dedaallada dhinaca waxbarashada, kobcinta dhaqaalaha, doorashooyinka iyo qadiyadda Ictiraaf-raadinta. AFP, ayaa diiradda saaray Ardayda Reer Somaliland ee Jaamacadaha ka qalin-jebiyey, mooraalkooda dal-jacayl iyo fursadaha shaqo ee aadka u yar. Wakaaladdu waxay sheegtay in Somaliland ay ku faanayso Dawladnimadeeda, inkasta oo aqoonsi la’aantu door weyn ku leedahay saboolnimada ka jirta, haddana taasi aanay ka hor joogsan dedaalkeeda dhinacyada badan leh. AFP oo sawir ka bixinaya Arday ka qalin-jebiyey Jaamacadaha dalka oo Maalinta Farxaddooda Sawirro iska qaadayey ayaa qoray “Ardaydan ayaan dhalan markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, taasi oo aan weli beesha caalamku aqoonsan” ayay qortay AFP, waxaanu intaa sii raaciyey “Somaliland, ictiraaf la’aanta ayaa ka dhigtay dal Sabool ah, ictiraaf la’aantu waxay sii adkeysay nolosha mid ka mid ah gobollada ugu saboolsan adduunka..” Wakaaladda ayaa sheegtay in Masuuliyiinta Somaliland u sheegeen in aqoonsi la’aantu sabab u tahay in Somaliland lacago deyn ah ka hesho Dawladaha Caalamka. AFP wuxuu War-bixinta ku sheegay in “Dadka reer Somaliland ee tiradoodu ka badan tahay 4.5 milyan ma sahlana inay safraan, maadaama baasaboorkooda aan si weyn loo aqbalin. Dhallinyarada oo bulshada ka ah saddex meelood laba shaqooyinku way ku yar yihiin” “Baahida shaqadu way jirtaa, laakiin ma jiraan wax fursado ah,” ayuu yidhi Siciid Salaad Axmed, oo ah 26 jir ka qalin jabiyay Jaamacadda Hargeysa, waxaanu intaa ku daray oo uu muujiyey sida ay shaqo iyo shaqo la’aanba ugu qanacsan yihiin dalkooda Somaliland “Weli waxaanu qabnaa rejo, waxaanu sii wadi doonnaa inaan noqono waddan wanaagsan, xitaa haddii shaqo la’aanta ay dhibaato tahay.” AFP wuxuu sheegay oo kale in “Muddo 30 sano ah, Somaliland waxay isku dayday inay ku guulaysato inay ku qanciso adduunka dacwadeeda dawladnimo, qabashada doorashooyin dimuqraadi ah iyo inay ka fogaato fowdada ku habsatay Dalka Soomaaliya.” War-bixinta waxa kale oo lagu sheegay “Taiwan oo Keliya ayaa u fidisay aqoonsi rasmi ah Somaliland, in kasta oo dhawr dal oo Afrikaan iyo Yurub ahi ay xafiisyo diblomaasiyadeed ka furteen Hargeysa.” AFP waxa kale oo uu war-bixintiisa Sawir kaga bixiyey Taallada Daljirka Dahsoon ama diyaaradda Saaran badhtmaha Hargeysa, waxaanu qoray “Dhallinyarada ayaa Sawirro iskaga qaada Taallada diyaaradda oo markhaati u ah halgankii gobannimada. Xuduudda lagu muransan yahay ee ay la wadaagto Soomaaliya, iyo soohdimaha ay la wadaagto Jabuuti iyo Itoobiya, ciidamada qaranku way ilaaliyaan. Ilaalada xeebaha ayaa gaafwareega biyaha ka baxsan gacanka Cadmeed, iyagoo maraya marinnada maraakiibta ee caalamka oo mashquul ah. Somaliland Waxay doorataa hoggaamiyeyaal u gaar ah, oo ku xukuma dastuur ay maxkamaduhu hubiyaan..” Waxa kale oo uu qoray “Somaliland waxay saxday su’aal kasta oo beesha caalamku ka weydiisay inay noqoto dal la aqoonsan yahay. Laakiin Inta badan dadka reer Somaliland waxay ka yar yihiin 30 jir waligoodna ma ayna aqoon wax aan ahayn Somaliland, taasoo ka dhigaysa fursad kasta oo dib ula midoobidda Soomaaliya mid aan la malayn karin.” Source
  8. Mek’elle (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sii xoojiyey weerarada iyo gulufka ka dhanka ah Tigrayga oo ay ka geysaneyso gudaha gobalka iyo qeybaha ay ku sugan yihiin Jabhadda. Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa weeraar dhanka cirka ah waxay ka fuliyeen magaalada Caasimadda u ah Gobolka Tigrayga ee Mek’elle. Sida ay baahiyeen warbaahinta Afka Tigrayga ku hadasho, weerarada dhanka cirka ah ayaa waxay khasaaro u geysteen dadka shacabka oo ku sugan magaalada duqeynta laga fuliyey. Maleeshiyada TPLF ayaa awoodi waayey inay iska caabiyaan weerarada ay geysanayaan ciidamada Federaalka Itoobiya kadib markii jihooyin kala duwan ay kaga yimaadeen diyaaradaha dagaalka. In ka badan 4 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen weerarada lagu qaaday xaafadaha Mek’elle, waxaana dhaawaca lagu sheegay illaa 10. Dhakhaatiirta Isbitaalka weyn ee Magaalada oo la geeyey dadkii ku dhaawacmay duqeymaha ayaa sheegay in magaalada laga geystay xadgudubyo ka baxsan xuquuqda aadanaha. TPLF ayaa dhankeeda shaacisay in weerarka ciidamada Itoobiya ay soo qaaden in aysan jirin cid ciidamadooda ka tirsan oo waxyeello ay ka soo gaartay. Gobalka ayaa laga soo warinaya in ay ka taagan tahay 24-ki saac ee la soo dhaafay xaalad kacsanaan ah kadib markii ciidamada Itoobiya ay bilaabeen howl gallo ka dhan ah TPLF. Midawga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in dhinacyada dagaalka uu ka dhaxeeyo ay sameeyaan heeshiis xabad joojin ah lana ilaaliyo xuquuqda aadanaha. The post TPLF oo war kasoo saartay duqeynta ay diyaaradaha ciidamada Itoobiya ka fuliyeen Gobolka Tigrayga appeared first on Caasimada Online.
  9. (SLT-Hargeysa)- Dawladda Taiwan, ayaa cambaaraysay Warar ay baahisay Warbaahinta Shiinaha, gaar ahaan Wargeyska Global Times, kaasi oo qoray War-bixin uu ku sheegayo in Taiwan ay laaluushtay Siyaasiyiinta Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan, ayaa cambaaraysay Wargeyska Global Times ee dalka Shiinaha, kaasi oo faafiyey warar sheegtay inay been abuur yihiin oo ku saabsan in Xisbiga Horumarinta Dimuqraadiga (DPP) ee xukuma dalka Taiwan uu laaluush siiyey siyaasiyiinta Somaliland. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan Joanne Ou oo War-saxaafadeed soo saartay, ayaa inaan waxba ka jirin Warka uu baahiyey Global Times ee sheegaya in Taiwan laaluushtay Siyaasiyiinta Somaliland, balse markii ay Taiwan iyo Somaliland is-dhaafsadeen xafiisyadooda dublamaasiyadeed ay labada dawladood bilaabeen mashaariic iskaashi, sida Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada, Daawooyinka, si kor loogu qaado nolosha dadka Somaliland, sida ay sheegtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan. Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan Joanne Ou, waxay sheegtay in War-bixinta Global Times tahay been-abuur isla-markaana looga gol leeyahay waxay ugu yeedhay ‘in lagu sumeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan..” waxayna ku baaqday in laga fogaado Wararka uu qoray Global Times Source
  10. Kismayo (HOL) - Jubaland has released the names of the candidates who will be vying for the remaining four federal senatorial seats. Source: Hiiraan Online
  11. Kismayo (HOL) - Jubaland has released the names of the candidates who will be vying for the remaining four federal senatorial seats. Source: Hiiraan Online
  12. Dunidan in aad Bilyuuneer noqoto waa wax adag, oo ay gaaraan uun dad fara ku tiris ah, waxay ku timaadaa shaqo adag, hawlkarnimo iyo nasiib, waxaana iska caadi ah in waalidiinta ay geerida kadib dhaxalka hantidaas uga tagaan caruutooda, laakin waxaa jiro dadka balaayiin heysto, oo go’aan ku gaaray in caruurtooda aaney dhaxli doonin hanti ka badan baahidooda. 1. Warren Buffett oo hantidiisa ay Forbes ku qiyaastay 2021-ka ilaa 103.1 billion USD waxaa uu sheegay in hantidiisa 85% uu uga tagi doono hey’adaha kheyriga ah ee ka shaqeeya sadaqada, isaga oo ku dhiirigeliyey hantiileyaasha kale iney sidaas sameeyaan. “Aniga ma ahi dadka u xamaasadeysan in qoyska in hanti badan la iska dhaxlo, gaar ahaan marka ay 7 Bilyan kale fuqaro yihiin” ayuu yiri Warren Buffett. 2. Bill Gates: Waa Bilyuuneer kale oo go’aan ku gaaray in caruurtiisa aaney ka dhaxlin wax ka badan baahidooda, isaga oo sheegay in midkiiba uu uga tagi doono $10 million, lacagtaas waa mid kula badan ilaa aad ka ogaato in lacagta Bill Gates ay Forbes ku qiyaastay 2021-ka ilaa 132.7 billion USD. Milkiilaha Microsoft oo arrintan ka hadlay waxaa uu yiri “Fikradda ah in caruurta la dhaxalsiiyo hanti badan ma aha wax fiican”. 3. George Walton Lucas oo ah hindisaha “the Star Wars” , waxaa ay Forbes hantidiisa ku qiyaastay 2021-ka ilaa 7.1 billion USD, waxaa uu wacad ku maray in marka uu geeriyoodo sadaqeynayo kala-u-bar hantidiisa, si wax looga qabto horumarinta waxbarashada. 4. Mark Zuckerberg oo ah milkiilaha Facebook, 37 jirkan waxaa ay Forbes hantidiisa ku sheegtay ilaa 116.2 billion USD, isaga oo sheegay in isaga iyo xaaskiisa Priscilla Chen ay sadaqeyn doonaan 99% hantida si lagu dhiirigeliyo sinnaanta iyo horumarinta caruurta. 5. Gordon Matthew Thomas oo loo yaqaano Sting, ahna fanaan Ingiriis ah, hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa $300 million, waxaa uu sheegay in caruurtiisa aanu uga tagi doonin wax hanti, oo ay waajib tahay iney shaqeystaan, isaga oo intaa raaciyey in haddii ay dhibaato heysto keliya uu caawin doono. 6. Jackie Chan oo ah atoore Shiinees ah, waxaa hantidiisa lagu qiyaasay $350 million, waxaa uu sheegay in hantidiisa kala-ubar uu sadaqeyn doono, waxaase la yaab laheyd markii uu sheegay in aanu shilin siin doonin wiilkiisa Jaycee. “Haddii uu hawlkar yahay waa uu shaqeysan, haddii aanu aheynna lacagteyda ayuu ku fataalayaa” waxaa yiri Jackie Chan. 7. Simon Cowell oo ah maskaxda American Idol, America’s Got Talent iyo barnaamijyo kale oo caalami ah waxaa uu horay u sheegay in aanu dhalin wiilkiisa Eric in hantidiisa uu sadaqeyn doono isaga oo intaa raaciyey “Ma rumeysni in jiilasha ay hantidad isaga tagaan”. 8. Nigella Lawson oo ah boqoradda cunti karinta waxaa ay heysataa ilaa $20 million, waxaa ay sheegtay in labadeeda canug ee Cosima iyo Bruno aaney lacag ka dhaxli doonin, taasi oo keentay in iyada oo seygeeda ay murmaan. 9. Gloria Vanderbilt ah ayaa diiday in canugeeda ay wax lacag ah dhaxalsiiso, waxay ka tagtay $200 million. 10. Andrew Lloyd Webber oo hantidiisa lagu qiyaasat ilaa $1.2 billion, waxaa uu sheegay in xaasaskiisa iyo caruurta aaney lacag ka dhaxli doonin, oo uu hantida uga tagi doono in lagu caawiyo fanaaniinta yaryar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sii xoojiyey weerarada iyo gulufka ka dhanka ah Tigrayga ee ay ka geysanayaan gudaha gobalka iyo qeybaha ay ku sugan yihiin Jabhadda. Magaalada caasimadda u ah gobalka Tigrayga ee Mek’elle, ayaa weerar dhanka cirka ah waxaa ka fuliyay ciidamada dowladda saacadihii la soo dhaafay. Warbaahinta afka Tigrayga ku hadasha ayaa xaqiijisay in dad shacab ah ay waxyeello ka soo gaartay weerarka dhanka cirka ah ee magaalada ka dhacay. Jabhadda ayaa ku guuldareeysatay in ay iska caabiso weerarka, xilli jihooyin kala duwan ay kaga yimaadeen diyaaradaha dagaalka. Inta la xaqiijiyay weerarka oo ka dhacay xaafadaha magaalada waxaa ku geeriyooday in kabadan 4 qof, halka labaatameeyo kalena uu dhaawac ka soo gaaray weerarka ciidamada Itoobiya ay ka fuliyeen caasimadda gobalka Tigrayga. Isbitaalka weyne ee magaalada oo lagu dabiibayo dadka weerarka ay waxyeelada ka soo gaartay ayaa dhaqaatiirtu ay sheegen in magaalada laga geeystay xadgudubyo ka baxsan xuquuqda aadanaha. Jabhadda TPLF ayaa dhankeeda shaacisay in weerarka ciidamada Itoobiya ay soo qaaden in aysan jirin cid ciidamadooda ka tirsan oo waxyeello ay ka soo gaartay. Gobalka ayaa laga soo warinaya in ay ka taagan tahay 24-ki saac ee la soo dhaafay xaalad kacsanaan ah kadib markii ciidamada Itoobiya ay bilaabeen howl gallo ka dhan ah TPLF. Midawga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in dhinacyada dagaalka uu ka dhaxeeyo ay sameeyaan heeshiis xabad joojin ah lana ilaaliyo xuquuqda aadanaha. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price ayaa yiri “Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda iyo in dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF”. Gobalka ayaa tan iyo markii ay ka bilaawdeen dagaalada waxaa hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeyeen in labada dhinacba ay geeysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Kufsi, jirdil iyo dilal aan loo meel dayin ayeey diiwaan geliyeen hay’adaha u dooda bini’aadanimad tan iyo November. Dagaalka Xulafada Abiy iyo Jabhadda TPLF ayaa waxaa haatan u buuxsamaya sanad kadib markii uu November sanadkii hore ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya in dagaal lagu qaado gobalka Tigrayga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-London)-Kamaradaha CCTV ayaa muujinaya ninka la tuhunsan yahay inuu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska Cali Xarbi Cali oo maraya waddo ku taalla Waqooyiga London saacado uun ka hor inta aan la sheegin inuu tooreey ku dilay xildhibaan Sir David Amess kulan ka dhacay deegaanka Essex. Fiidiyowgu wuxuu u muuqdaa inuu muujinayo 25-jirkan, oo ay booliisku u hayaan tuhunka dilka Sir David, isagoo si tartiib ah u socda laamiga subaxnimadii Jimcaha isagoo sita shandada dhabarka iyo jaakadda baarkinka cagaaran iyo muraayadaha indhaha. Waxaa la fahamsan yahay in muuqaalka laga duubay banaanka dukaanka Highgate Road 8.44am. Cali, oo ku noolaa dhowr waddo oo ka durugsan, ayaa loo malaynayaa inuu xilligaas u socday saldhigga tareenka ee Gospel Oak. Booliisku waxay hadda baadhayaan dhaqdhaqaaqyada Ali saacadaha ka horreeya weerarka waxayna eegayaan inuu tareen ka raacay Gospel Oak si uu ugu safro Leigh-on-Sea, halkaas oo Sir David uu ku qabanayay kulan kaniisadda Belfairs Methodist. 69-jirka ruug-caddaaga ah ee Tory, oo ah nin katoolik ah oo si weyn u taageersan Brexit oo markii ugu horreysay loo doortay baarlamaanka 1983, ayaa la sheegay in tooreey lagu dhuftay 17 jeer galabnimadii Jimcaha. Maamulaha dukaanka ayaa Sky News u sheegay in boolisku codsaday in la arko muuqaalka CCTV subaxnimadii Sabtida. Wuxuu sheegay inay si gaar ah u codsadeen in la arko waqti u dhexeeya 8.30am ilaa 9am subaxnimo oo uu ku wareejiyay nuqulka muuqaalka. Saaxiibadii hore ayaa ku andacooday in ninka looga shakisan yahay dilka Sir David uu noqday mid xagjir ah isagoo daawaday YouTube -ka ee wacdiyihii Anjem Choudary oo booliis iyo MI5 ay sidoo kale eegayaan in Sir David loo doortay taageerada uu u hayo Qadar, oo muran ka taagnayd saamaynteeda Soomaaliya, dalkii uu ku dhashay aabihiina xilal ka soo qabtay. Baadhayaasha hadda waxay rumeysan yihiin in ayna jirin ujeedo gaar ah oo loo bartilmaameedsaday Sir David, iyo in 69-jirkan tooreey lagu dilay maxaa yeelay ninka la sheegay inuu dilay wuxuu ku guuleystay inuu ballansado kulan fool-ka-fool ah oo uu kula yeesho kaniisadda Leigh-on-Sea Jimcihii. Waxaa maanta shaaca laga qaaday in aabbaha tuhmanaha dilka xildhibaanka ay hanjabaad dil ah u direen ururka argagaxisada ee Alshabaab xilli uu ku sugnaa dalka Soomaaliya. Xarbi Cali Kullane ayaa mar ahaa dhakhtarka isboortiga ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka hor inta aanu u cararin London wax yar ka hor inta aanu curadkiisa Cali ku dhalan Southwark sannadkii 1996. Waxaa sidoo kale ugu dhalatay saddex carruur ah dalka Ingiriiska. Ilo amni ayaa yidhi: ‘Wuxuu si aad ah ugu lug lahaa ka hortagga farriinta al-Shabaab ee ku aaddan xilka agaasime-ku-xigeenka, wuxuuna ka helay hanjabaad dil ah oo ku aaddan arrintaas, taasoo ah wax iska caadi u ah qof kasta oo ku lug leh jago sare oo ka tirsan Dowladda’ .ayaa lagu daabacay wargeyska DailyMail. Mr Kullane ayaa la sheegay inuu la hadlay booliska la-dagaallanka argagixisada ee Scotland Yard oo ay la socdeen khubaro la shaqeeya MI5 iyo MI6 si ay u falanqeeyaan taleefankiisa si ay u eegaan haddii ay wax sharraxaad ah ka bixinayso ujeedka wiilkiisa ama dhaqdhaqaaqiisa maalmo iyo saacado ka hor inta uusan Xildhibaanka Tory lagu dilay kaniisad Leigh-on-Sea. Ilo ku dhow dhow baadhitaanka ayaa rumeysan in Cali laga yaabo inuu ku fikiray inuu dilo xildhibaanno kale, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta Shaqada iyo Tory, ka hor inta uusan dooran Sir David, sida uu qoray The Telegraph. Mid ka mid ah dadka u dhuun daloola dawladda ayaa u sheegay wargeyska: ‘Nasiib ma lahayn. Lama bartilmaameedsan xisbigiisa siyaasadeed dartiis. David Amess si gaar ah looma bartilmaameedsan. ‘ Xigasho: DailyMail Source
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo maanta gaartay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Axmed Madoobe iyo wafdigan ka socday Qarmada Midoobay ayaa ka wada-hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka guud ee dalka. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Dowlada Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa er Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka 2021-ka” Marwo Anita Kiki Gbeho madasha ka hadashay ayaa ku boggaadisay hoggaanka dowlad goboleedka Jubbaland, sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare, maadaama afarta kursi ee uu liiskooda xalay shaaciyey Axmed Madoobe lagu soo daray dumar. Sidoo kale ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in QM ay tageerayso howlaha doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa. Kulankan ayaa ku soo aadayao, iyada oo haatan Jubbaland ay soo gaba-gabeyneyso doorashada Aqalka Sare, waxaana la dooran afarta senatar ee ku harsan maamulkaasi. Soomaaliya ayaa waxa ay ku jirtaa marxalad kala guur ah iyo xaalad doorasho, waxaana dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada ay wadaan dadaalkooda ugu dambeeyey. Si kastaba, dhowaan ayaa la filayaa in la guda-galo doorashada Golaha Shacabka oo ka xiiso iyo xamaasad badan mida Aqalka Sare e baarlamaanka Soomaaliya. The post Sawirro: QM oo hal arrin ku bogaadisay Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  16. Nairobi (HOL)- Fishermen based in Lamu County have vowed to defy a recent ruling made by the International Court of Justice (ICJ) that saw awarded Somalia a majority portion of a disputed maritime territory. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Washington)-Ergaygii ugu sareeyay Mareykanka ee Afghanistan ayaa xilkiisa iska casilay wax ka yar laba bilood kadib markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen dalkaasi. Zalmay Khalilzad ayaa hoggaaminayay wada hadalladii Mareykanka ee Taliban, laakiin wada -hadallo diblomaasiyadeed oo socday muddo bilooyin ah ayaa ku guul -darreystay in laga hortago in kooxda xagjirka ah ay awoodda qabsato. Kooxda Talibanka ayaa xukunka la wareegtay bishii August kadib markii ay qabsadeen caasimadda Kabul. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in ku xigeenka Mr Khalilzad, Thomas West, uu xilka la wareegi doono. Source
  18. Ergeygii ugu sareyay ee maamulka madaxweyne Biden u qaabilsanaa dalka Afghanistan ayaa iska casilay xilkiisa kadib laba biilood un markii ay ka soo wareegatay kabixitaankii Mareykanka Afghan 21 sano kadib. Zalmay Khalilzad, ayaa xafiiska sheegay in uu baneeyay isagoo warqaddiisa iscasilaadda soo gudbiyay, waxaana si kumeel gaar ah loogu bedalay in howlaha xafiiska sii wadaya ku-xigeenkiisii Tom West. “Maadaama uu Wakiilka Gaarka ah ee Dib -u -heshiisiinta Afganistan Zalmay Khalilzad uu ka degay kaalintiisii, waxaan u mahadcelinayaa tobannaankii sano ee uu u adeegayey dadka Mareykanka,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka Antony Blinken. Khalilzaad ayaa warqaddiisa iscasiladda ku sheegay in qorshaha Taliban iyo Afghanistan uusan sii socon doonin isagoo sheegay in dib uu ka faahfaahin doono. “Qorshaha siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda Afgaanistaan ​​iyo Taalibaan uma sii socon sidii loogu talo galay. Sababaha arrintaani waa kuwo aad u adag waxaanan la wadaagi doonaa fikradayda maalmaha iyo toddobaadyada soo socda, ka dib markaan ka tago adeegga dawladda,” ayuu Khalilzad ku qoray warqaddiisa iscasilaadda. Zalmay Khalilzad, ayaa la shaqeeyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Doland Trump iyo kan hadda ee Joe Biden oo uu labada wakiil uga ahaa Afghanistaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Raila Odinga oo kamid ah musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynimo ee doorashada Kenya ee 2022 ayaa ololihiisa si rasmi ah ugu daray inuu dib usoo celin doono suuqa Qaadka Kenya iyo Soomaaliya ee la joojiyey sanadihii ugu dambeeyey ee dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qaadka ay Kenya usoo dhoofin jirtay Soomaaliya oo muwaadiniinteeda ay ka heli jireen dhaqaale aad u badan ayaa waxaa joojisay dowladda Soomaaliya kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay labada dowladood, wuxuuna Odinga ballan qaaday inuu dib usoo celin doono suuqaas si uu cod uga helo dadka Kenyanka ah ee ku tiirsanaa dhaqaalahaas. Odinga oo khudbad ka jeedinayey Magaalada Mau Ismaamulka Meru ayaa xusay inuu ka war qabo dhibaatada dhaqaale xumo ee heysata dadka deegaanka, taasoo sababta ugu weyn ay tahay xirnaanshaha suuqii qaadka ee dalka Soomaaliya & Jamhuuriyadda Dimuqaarida Congo. Raila ayaa taageerayaashiisa uu la hadlay waxa uu ku dejiyay in uu ka shaqeynayo haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Kenya ee doorashada sanadka 2022-ka in uu u raadinayo suuqa Qaadka ee Soomaaliya. “Waxa aan fahamsanahay dhibaatooyinka heysta Beeraleyda Qaadka, waxaa iga go’an in aan xal u raadiyo sidii ay u heli lahaayeen Suuqa loo iib geeyo Jaadka sida Soomaaliya & Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo” ayuu yiri Raila Odinga oo u muuqday mid fursadaan u arko mid ka saacidi karta ku guuleysiga doorashada. Raila Odinga waxa uu sheegay in ay Somaliland horey ugu heshiiyeen in Qaadka Miirooga loo dhoofiyo, laakiin ay dowladda Soomaaliya ka hor -joogsatay in Kenya halkaas u dirto. Ra’isulwasaarihii hore ee Kenya Odinga haddana ah madaxa Xisbiga ODM ayaa dhanka kale ballan qaaday in uu xal u raadinayo khilaafka Kenya iyo Soomaaliya oo xooggeystay wixii ka dambeeyey markii dacwadda Badda laga gudbiyay Nairobi, wuxuuna xusay inay tahay in labada dal ay diiradda saaraan maslaxadooda. Dowladda Kenya ayaa marar badan awoodi weysay inay dib usoo celiso suuqaas, waxayna dowladda Soomaaliya suuqii Qaadka u wareejisay dalka Itoobiya oo u xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo, waxaana adag in suuqaas dib loo soo celiyo haddii uu mar kale dalka madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qaadka Kenya ayaa hadda lagu iibiyaa qaar kamid ah suuqyada Qaadka ee Soomaaliya, waxaana qaab suuq madow ah usoo geliyo dalka ganacsato, balse uma badno sidii uu ahaan jiray. The post Raila Odinga oo ololihiisa ku daray dib usoo celinta arrin uu Kenyatta ka dhaadhicin waayey Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  20. Wararka naga soo gaarayo gobalka sheebbalaha dhexe ayaa sheegay in qarax miino oo ka dhacay tuullo lagu magacaabo Buulo-quute oo hoostagta degmada Balcad ay ku dhinteen dad shacab ah. Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso waxa uuna haleelay dad shacab ah xilli ay ku socdaalayeen wadada xirirsa balcad iyo tuulada Buulo-quute. Dadka ayaa saarna mootada nooca khudaarta lagu qaado ee seddax lugooleyda ah, waxaana qaraxa ku dhinta dad gaaraya Lix qof. Shan ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa rag, halka qofka kale uu ahaa qof haweeney ah oo la socotay mootada qaraxa uu haleelay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Waxaa saaka markale xaalad cakiran ay ka taagan tahay magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna isku hor fadhiyaan. Kooxda Ahlu-sunna ayaa waxaa ay xalay magaalada ka sameysay dhaqdhaqaaqyo hor leh oo ay ku soo bandhigayeen ciidamadooda. Ahlu-sunna ayaa sidoo kale waxa ay gudaha magaalada ay ka sameysatay fariisimo, waxa ayna bilaabeen in xaafadaha magaalada ay isku fidiyaan. Dhanka kale ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug oo kaashanaya kuwa Dowladda federaalka ayaa kaabiga ku soo haaya magaalada ay ku sugan yihiin kooxda suufiyada. Shacabka ayaa isaga barakacay xaafadaha magaalada iyagoo ka cabsi qabo in dagaal kor kooda uu ka bilaabmo, kaas oo xilli walba la filan karo. Labada ciidan ayaa wado diyaar garow xooggan, xaaladda magaalada ayaan ah mid u muuqato mid colaadeed oo deegaanka ku soo cusboonaatay. Goobaha ganacsiga ayaa muddo afar maalin ka badan xiran iyadoo shacabka ay carruurtooda iyo hantidooda magaalada kala baxayaan. Isku socodka gaadiidka ee magaalada ayaa sidoo kale hakad ku jiro iyadoo Ahlu-sunna ay xalay diideen in magaalada ay soo galaan gadiidka ka yimaada magaalooyinka iyo deeganada guraceel ka agdhaw. Xalay illa saaka ciidamada Suufiyada ayaa baaritaanno ka wada gudaha magaalada, kuwaas oo ay sheegeen in amniga magaalada ay ku suganayaan. Dhanka kale waxaa weli leysku fahmi la’yahay wadahadalo ay wadeen odayaasha dhaqanka Guraceel kuwaas oo labada dhinac ugu baaqayay in xaaladda ay nabad ku soo dabaalaan. Waan waanta ay wadaan Odayaasha dhaqanka ayaa u muuqda kuwa ku soo gaba gaboobaya natiija la’aan xilli la sheegay hogaanka Ahlu-sunna ay ka biya diideen in magaalada isaga baxaan kadib markii loogu baaqay in xaaladda magaalada la dejiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. London (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool UK ayaa sheegay in ay soo gaareen Fariimo hanjabaad ah oo uga imaanaya Dad ka xun dilka loo geystay Xildhibaan David Amess oo dilkiisa loo xiray Wiil Asal ahaan Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha ammaanka Britain. Jaaliyadda Soomaalida ee UK ayaa bilaabay iney Soomaalida u sharaxaan sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda soo cusboonaatay, kadib markii dhawaan ruux Soomaali ah uu diley xildhibaan Ingiriis ah. Jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegtay in tiro kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gaartay hanjabaad qaarkood lagu wargeliyay in loo dili doonno sabab la xiriirta Cali Xarbi Cali oo ku eedeysan dilka Xildhibaan David Amess. Hoggaamiyayaasha jaaliyadda ayaa bilaabay inay ka wacyi galiyaan Soomaalida nidaambkii ay ula dhaqmi lahaayeen, haddii booliisku ay la kulmaan, ama su’aallo in la weydiiyo loo baahdo. Kaahiye Cilmi oo ah Afhayeenka guddiga ay ku mideysan yihiin Jaaliyadda Soomaalida Ingiriiska oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Dowladda ay u gudbiyeen wax ka qabashada Caga-jugleynta lagu hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed. “Warbaahinta ayaa nagu bidhaameysa Dadka Hanjabaya, Dadka waddankaan degen waxa ay fiirinayaan Magaca Soomaaliya oo ma eegayaan kan British, Dadka neceb Ajaanibta gaar ahaan Muslimiinta ayaa bilaabay in ay direen Waraaqo Hanjabaad ah, waxaana la xiray Xafiisyada qaar si looga feejignaado sheekadaan socota” ayuu yiri Kaahiye Cilmi. Waxaa xiran wiil asalkiisu yahay Soomaali, kaasoo lagu magacaabo Ali Harbi Ali, da’diisuna tahay 25 sano jir. Wiilkaan ayaa ku dhashay Ingiriiska, wuxuuna diyaarinayey takhasus dhakhtarnimo. Sidoo kale, waalidka ruuxa xiran ayey dhawaan booliiska Ingiriiska ka qaadeen taleefankiisa gacanta, si baaritaan dheeraad looggu sameeyo. The post Jaaliyadda Soomaalida ee UK oo sheegtay iney soo wajahday halis appeared first on Caasimada Online.
  23. Since moving to Gahanna during the offseason, senior Sharmarke Ali has enjoyed becoming a part of the community and competing for the Gahanna Lincoln boys cross country team this fall. Source: Hiiraan Online
  24. Somaliland and UN locked horns after the two sides traded allegations pertaining to the deportation of nationals hailing from southern Somalia from Lasanod, Sool’s provincial capital. The President of the republic of Somaliland H.E Musa Bihi Abdi yesterday lambasted UNOCHA of showing double face after it released a statement regarding the expulsion drive enforced by Somaliland’s security forces stationed in Lasanod. Bihi said: ” I hoped that what UNOCHA talked about was not the vested interest of families that were deported from Lasanod. They came to the town as underprivileged refugees. OCHA had not supplied water tanker to the refugees for one day. It had not distributed plastic sheets as well as tablets against the prevention of malaria.” Bihi had alleged that OCHA sought financial aid by exploiting the dire situation of the deportees which he said was an act of shame for the UN. Bihi said: “What did OCHA contribute to the refugees for the past 30 years? What had they done for the refugees if they could show a high sense of compassion to the dire situation of the refugees? Why didn’t they send humanitarian aid to them? Why did OCHA express concern over the deportees? UNOCHA is a double-faced. It is a big shame for UN to seek financial aid on behalf of people that were expelled from Lasanod.” The UNOCHA report disclosed that Somaliland deported 7, 250 people from Lasanod and its environs during the implementation of the deportation drive enforced by Somaliland security forces. Qaran News
  25. Conservative MP was chairman of parliamentary group on Qatar and visited Gulf state last week Source: Hiiraan Online