-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa habeenimadii arbacada sheegtay in hawgal ay sameeyeen Muqdisho ku dileen ilaa 12 ka tirsan Al-shabaab. Qoraal ay hey’adda soo dhigtay barteeda ayey ku sheegtay sidan “Hawgal gaar ayaa caawa lagu beegsaday 15 sarkaal oo Maafiyada AS u qaabilsanaa khalkhal-gelinta amniga caasimadda Muqdisho. Waxaa ku dhintay 12 ka mid ah argigixisada” NISA ma sheegin deegaannada Muqdisho ay sida gaarka ah uga fuliyeen hawlgalka, laakin arrinkan ayaa kusoo aadeysa iyada oo xilliga doorashada uu amniga faraha ka baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa ku billowday weerar loo adeegsaday madaafiic, kaas oo markii dambe isku beddalay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ay sababeen dhimasho saddex caruur ah oo isku qoys ahaa iyo dhaawac laba kale, kadib markii uu madfac habaaw ah ugu tegay gurigooda oo ku yaalla xaafadda Hanti-Wadaag oo ka tirsan xaafadaha magaalada Beledweyne. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay galbeedka magaalada oo ay inta badan weeraro ku soo qaadaan xoogaga Al-Shabaab. Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay bixiyeen saraakiisha laamaha ammaanka, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada ammaanka. Xaaladda ayaa saaka deggan, balse dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo ka dhalatay weerarkaasi sababay dhimashada iyo dhaawaca caruurta. Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa weli heysata deegaano ku yaalla gobolka Hiiraan, waxaana ugu yaalla xarumo muhiim ah, sida saldhigyo ciidan iyo maxkamaddo. The post Caruur isku qoys ah oo xalay ku geeriyootay hoobiyeyaal lagu weeraray Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay sheegtay in ay hawlgal gaar ah ku dishay 12 sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab. Hay’adda ayaa sheegtay in hawlgalka lagu beegsaday 15 sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay ku dhinteen 12 kamid ah. Saraakiisha la beegsaday ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa khal-khal gelinta Amniga Muqdisho sida lagu xusay war kooban oo ka soo baxay hay’adda NISA. PUNTLAND POST The post Hay’adda NISA oo sheegtay in ay hawlgal gaar ah ku dishay 12 sarkaal oo Shabaab ah appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya Baladweyne ayaa sheegaya in Sadex caruur ah oo ka wada tirsan Hal qoys ay ku dhinteen labo kalena ku dhaawacmeen kadib markii Hoobiye ku dhacey gurigooda. Hoobiyahaas ayaa la rumeysan yahay iney soo tuureen dabley ka tirsan Al shabaab oo Xalay weerar ku soo qaadey xeryo ciidan ee ku yaal Galbeedka magaalada Baladweyne. Al shabaab ayaa werarkaan la beegsatey xeryaha ciidamada AMISOM dagaal socdey muddo kooban kadib markii ciidmaada nabad ilaalinta ay shalay howlgalo ka sameeyeen galbeedka magaaladas. Dhinaca kale NISA ayaa sheegtey in howlgalo ay ka fulisay Muqdisho ku dileen xubno ka tirsan Al Shabab. Qoraal kooban ay soo dhigeen baraha bulshada ayay ku sheegeen iney dileen 12 ka tirsan kooxda Al shabaab dileen kuwaas ay sheegeen iney ka shaqeynayeen khalkhal galinta magaalo madaxda. PUNTLAND POST The post Beledweyne: Caruur ku geeriyootay hoobiye ku dhacay gurigooda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xumaanaya oo haatan heerkii ugu hooseeyey gaaray xiriirka Ra’iisul wasaare Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta mucaaradka, waxaana markii ugu horeysay musharaxiinta ka soo baxay qoraal ay si wadajir ah ugu eedeeyeen, uguna cambaareeyeen doorka doorashada ee Ra’iisul Wasaaraha. Golaha ayaa bayaankoodii ugu dambeeyey ku sheegay in Rooble uu uga baxay balan ay la galeen, kadib markii ay kala shireen boobka doorashada, balantu waxay aheyd in la hakiyo doorashadaan boobka ah oo shir deg deg ah ay isugu yimaadaan Rooble iyo madax goboleedyada, kadibna go’aan cad uu Rooble kula soo laabto musharaxiinta. Bayaankii ay musharaxiinta ku qaadaceen doorashada socota waxay ku xuseen in R/Wasaare Rooble uu ka baxay balantaas, islamarkaana uu bogaadiyey madaxda dowlad goboleedyada loo heysto boobka doorashada baarlamaanka federaalka. Sidoo kale midowga musharaxiintu waxay Rooble ku eedeeyeen inuu amray in doorashadu sii socoto, isagoo ka codsaday, balan qaadna ka helay madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo HirShabeelle inay doorashada golaha shacabka deg deg u bilaabaan Hadda mucaaradku waxay cadeeyeen in doorashadaan ay u aqoonsadeen mid la boobayo, qeybna aysan ka noqon doonin, sidoo kalena ay qaadayaan taallaabooyin ka dhan ah waxa socda. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qaba in lagu laabto doorashada qaar ka mid ah kuraasta dooran ee xildhibaanada golaha shacabka, taas oo ay adagtahay si ay uga suurta gasho nidaamka Villa Samalia, warar hoose waxay sheegayaan in goluhu uusan go’aankaan u dhameyn, lamana oga doodaas halka ku dambeyn doonto, balse waxaa jira beelo weli rajo ka qaba in kuraastooda la boobay dib loogu soo celiyo ka talinta masiirkooda. Doorashada golaha shacabka oo ka bilaabatay Muqdisho, Dhusuamareeb iyo Baydhaba ayaan la mahadin hanaanka loo maamulay, waxaana markii cabashada mucaaradka laga soo tago cirka ku shareeran qeylo dhaanta beelo ay doorashada ugu awood sheegteen madax goboleedyada qaar, kuwaas oo weli doonaya in loo soo celiyo ka talinta masiirka kursigooda xildhibaan. Beelaha qaar, sida Waceysle iyo Mareexaanka dega Galmudug waxay ka gaartay inay ku goodiyaan ‘waxaan ka go’eynaa Galmudug’ waxayna weli rajo uga jirtaa in habraaca doorashada dalka loo maro doorashada kuraastooda, oo sida ay sheegeen hadda loo boobay rag gaar ah. Xiisada ka dhalatay boobka doorashada ayaan la saadaali karin heerka ay gaari doonto, maadaama mucaaradku ka carooday, ra’iisul wasaaruhuna amray in lasii dedejiyo doorashada, taas oo ka dhigan in sidaan lagu sii wado, cabsida ugu weyn waa in gacan ka hadal uu ka dhasho hanaanka ay wax ku socdaan. Midowga murashaxiinta ayaa hadda ka fakara inay si toos ah xiriirka ugu jaraa Rooble lana meel dhigaan Farmaajo. The post Xog: Xiisada Mucaaradka iyo Rooble oo meel sare gaartay iyo tallaabo ay qaadayaan appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa saaka gaaray magaalada Muqdisho. Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid waxa Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta Madaxtinimada Soomaaliya. Cumar Cabdirashiid oo warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa sheegay dhaliilay sida ay ku socoto doorashada dalka. Wuxu sheegay in uu Muqdisho u tegay wada-tashiyo ku saabsan Arrimaha doorashada si loo hagaajiyo nidaamka doorashada oo uu ku tilmaamay mid qaldan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.
-
Somalia President Mohamed Farmaajo has visited strong ally Qatar even as the election programme back home faces another possible stall. Source: Hiiraan Online
-
The anti-terror police unit in Tinderet, Nandi County have arrested a female suspect linked to the Al-Shabaab militant group. Source: Hiiraan Online
-
Tehran (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa ciidmada Taaliban iyo askarta Iran ku dhex-maray meel ku dhow xuduudda Afghanistan iyo Iran, hase yeeshee kama dhalan wax khasaare ah, waxaana goor dambe lagu qeexay “is-faham darro”. Muuqaallo dhowr ah ayaa muujinayey dagaal-yahanada Taaliban oo is-abaabulaya. Waxaa sidoo kale la maqli karay rasaas xooggan, halka muuqaal kale uu muujiyey ciidamada Iran oo ridaya madaafiic ayaga oo ka jawaabaya rasaasta Taalibaan. Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim ayaa xaqiijisay in dagaalka uu ka dhacay xaafadda Shaghalak ee degmada Hirmand. Tasnim, oo xiriir la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa sheegtay in halkaas horey looga dhisay darbi ku yaalla dhinaca Iran, si looga hortago dadka kasoo galaya dhanka Afghanistan. Dagaalka ayaa hadda dhammaaday, waxaana mas’uuliyiinta Iran ay xaaladda kala hadlayaan Taalibaan, sida ay sheegtay Tasnim. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Saeed Khatibzadeh ayaa goor dambe bayaan uu soo saaray ku sheegay in “is-faham waa u dhaxeeyey dadka degan xuduudda” uu horseeday dagaalka, isaga oo aan magacaabin Taalibaan. Muqaallo la baahiyey ayaa muujinayey ciidamada Taalibaan oo ku sugan dhufeyso Iran, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in dhowr dhufeys ay qabsadeen. Tasnim ayaa beenisay in goobo laga qabsaday Iran, hase yeeshee waxay sheegtay “in muuqaallada la baahiyey qaarkood ay yihiin kuwa la qaaday markii dagaalka uu qarxay, islamarkaana ciidamada Iran ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan xuduudaha dalka.” Iran si rasmi ah uma aqoonsan Taalibaan tan iyo markii ay xukunka Afghanistan la wareegeen bishii August kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka iyo NATO. Saraakiisha Iran waxay sheegeen in aqoonsi ay siiyaan Taalibaan ay ku xiran tahay dhisidda dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee waxay Mareykanka ugu baaqeen inay cunaqabateynta ka qaadaan Taalibaan, si looga baaqsado xaalad bani’aadamanimo oo darran. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Dagaal culus oo dhex-maray ciidamada Iran iyo Taalibaan appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Itoobiya oo Falaagada TPLF oo ka qabsaday magaalo taariikhi ah Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigreeda ee TPLF. Qabsashada magaaladaasi ay qabsadeen ciidamada dowladda ayaa noqoneysa guushii ugu dambeysay ee ay dowladdu sheegato tan iyo markii todobaadkii hore uu ra’iisalwasaare Abiy Axmed u baxay furimaha hore ee dagaalka si uu u hoggaamiyo hawlgalka ciidamada. Jabhadda Tigreeda ee TPLF ayaa sheegtay in “xeelad” ahaan ay ka baxeen meelo gaar ah. Magaalada Lalibela oo caan ku ah kaniisadaha dhagxaanta gudahooda laga dhisay, ayaa bishii Ogosto waxaa la wareegtay fallaagada TPLF. Magaaladaasi oo ay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO u aqoonsatay mid taariikhi ah ayaa ku taal gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, waxa ayna ahayd goob loo dalxiis tago ka hor intii aysan qarxin colaadda dalkaasi muddo haatan laga joogo sanad. Colaadda ayaa ka billaabatay waqooyiga gobolka Tigray, waxa ayna markii dambe ku faaftay qeybo kale oo ka tirsan Itoobiya, iyadoo kooxda TPLF ay isku dayday in ay duullaankeeda ku qabsato magaalada Addis Ababa oo koonfurta kaga beegan gobolka Tigreeda iyo xuduudka dalka Jabuuti ee dhanka bari, taasi oo muhiim u ah marinka saadka guud ahaan Itoobiya oo aan lahayn Bad. Cabsi laga qabay in fallaagada TPLF ku ay qabsato magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayaa keentay in bishii hore dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK in ay muwaadiniintooda ku booriyaan in ay ka baxaan gudaha dalka Itoobiya. Warbaahinta dowladda oo soo xiganaysa afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaa shalay sheegtay in militarigoodu uu sidoo kale ku kalsoon yahay in “muddo yar” ay dib ula wareegaan magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie. Fallaagada TPLF ayaa bishii hore qabsatay magaaladaasi Dessie, arrintaasi oo loo arkayay in ay dhibaato wayn ku tahay dawladda, maadaama ay magaaladani isku xirto Addis Ababa iyo xuduudka Itoobiya la leedahay Jabuuti. Sida ay dowladdu sheegtay, magaalooyinka kale ee fallaagada lagala wareegay waxaa ka mid ah Shewa Robit, oo qiyaastii 220km u jirta Addis Ababa. Teleefishin u janjeera dhanka dowlada ayaa talaadadii baahiyay muuqaalka ra’iisalwasaare Abiy Axmad oo xiran tuutaha ciidaamda, isla markaana diirad ku eega dhulka buuraleyda ahi. “Cadowgu waa la jebiyay. Hawsha noo hartay waa in aan cadowgu xididdaha u siibno oo aan baabi’inno,” ayuu ku yiri askar fadhida geed hoostiisa. Usbuucii la soo dhaafay ayuu hoggaamiyaha kooxda TPLF, Debretsion Gebremichael, wuxuu dhambaal u diray Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in uu ka walaacsan yahay duqaymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sida uu sheegay lala beegsanayo dadka rayidka ahi. Debretsion ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka heshay dalka Shiinaha, iyadoo sidoo kale hub ka heshay waddamada Iran, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta. Dowladda Itoobiya iyo waddaamada kale ee uu soo hadal qaaday ayaan dhammaantood ka jawaabin eedeyntaasi. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa hadda booqasho ku jooga dalka Itoobiya, waxaana la filayaa in uu la kulmo ra’iisalwasaare ku xigeenka dalkaasi, Demeke Mekonnen, oo la wareegay shaqada maalinlaha ah ee dowladda Itoobiya maadaama Abiy Axmed uu ku maqan yahay furimaha hore ee dagaalka. Dowladda Shiinaha ayaa ka soo horjeestay “faragelinta” shisheeyaha ku hayo arrimaha Itoobiya, xilli xukuumadda Abiy Axmed ay cadaadis xooggan kala kulmayso Mareykanka iyo qaar ka mid ah waddamada reer Yurub, gaar ahaanna arrimaha la xiriira tacaddiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay in ay dhaceen intii ay colaaddu socotay. Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa shirkadda Twitter ku eedeysay in ay bartilmaameedsanayso bogagga lagu dhaliilo fallaagada TPLF. Haseyeeshee shirkaddaTwitter ayaa sheegtay in ay wali “dhexdhexaad ka tahay afkaarta siyaasadeed iyo tan qowmiyadeed” ee dalkaasi. Shirkadda Facebook ayaa tirtay qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay ra’iisalwasaare Abiy, iyadoo sheegtay in qoraalkaasi uu ku xad gudubtay shuruucdeeda ka dhanka ah hurinta rabshadaha. Qaran News
-
Soomaalida iyo ka ganacsiga dadka+ Addoonsiga & Deegaannadii Soomaalida ee laga dhoofi jiray dadka . Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen dadyowgii ku howlanaa howlihii addoonsiga, ee ka jiri jiray Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta, wixii ka horreeyey dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Is-addoonsiga ayaa isugu jiray laba nooc: ka-ganacsi addoonsi (slave trade) iyo ku-shaqeysi addoonsi (slave labour). Soomaalida ayaa labadaas-ba qeyb weyn ka ahayd. Tusaale, dhanka bariga iyo koonfurta waxaa ka jiray ka-ganacsi addoonsi iyo ku-shaqeysi addoonsi, oo addoomaha loo isticmaali jiray in guryaha iyo beeraha lagula shaqeysto (internal consumption) iyo in dibadda loo dhoofiyo, si loogu shaqeysto (external consumption). Balse, dhanka waqooyi iyo galbeedka Geyiga Soomaalida, kama jirin ku-shaqeysi addoonsi ee gudaha ah, ee waxaa ka jiray oo keliya ka-ganacsi addoonsi, ee dibadda loo sii dhoofiyo. Dhanka waqooyiga iyo galbeedka, waxay lahaayeen meelo transit ah oo la sii marsiiyo dad addoomo ah, oo laga keenay bartamaha Itoobiya, hase yeeshee dhanka bariga iyo koonfurta waxaa dadka addoomaha ah laga keeni jiray koonfurta Itoobiya iyo wadammo kale oo ku yaalla Bariga Afrika, sida Jasiiradda Zanzibar, ee maanta ka tirsan Tanzania. Dhanka koonfurta, waxaa laga dhoofin jiray Muqdisho, Merka iyo Baraawe, halka Awdheegle, Baardheere iyo Luuq ay ahaayeen seylado la soo marsiiyo. Dhanka waqooyiga iyo galbeedkana, waxaa addoomaha laga dhoofin jiray dekedaha Seylac iyo Berbera, halka Harar ay ahayd xarun la soo marsiiyo. Inkasta oo la hayo caddeymo badan in Soomaalidu ay ku lug-lahayd ka-ganacsigii addoonsiga ee ka socday Bariga Afrika iyo wadammada Carabta ee ku xeeran Geyiga Soomaalida, weli lama hayo wax caddeyn ah, oo muujinaysa inay Soomaalidu qeyb ka ahayd ka ganacsigii addoonsiga, ee la isaga gudbay qaaradda Atlantica (transatlantic slave trade). Si taas loo xaqiijiyo, waxaa loo baahan yahay in la fiiriyo aarkiifiyada Senegal iyo Faransiiska iyo guud ahaan addoonsigii ka socday Galbeedka Afrika. Ka-ganacsiga addoonsigu wuxuu ahaa mid keliya gobollada bariga, waqooyiga, galbeedka iyo koonfurta Geyiga Soomaalida la isaga gudbo, kuna xira Geyiga Soomaalida deegaammo kale oo ku yaalla Afrika iyo Carabta. Halka gobollada waqooyiga iyo galbeedka ay sii dhoofin jireen addoomaha laga keenay Itoobiya, gobollada bariga iyo koonfurtu waxay la soo degi jireen addoomo laga keenay Zanzibar. Emily Ruete, oo ah haweeney ka mid ah qoyska boqortooyada Cummaan iyo Zanzibar, waxay ku xustay buugga xusuus-qorkeedka, Memoirs of an Arabian Princess: An Autobiography, ee la daabacay 1888-kii, in addoomaha jooga Zanzibar ay ka badnaayeen kuwa jooga Cummaan. Addoomaha la soo gelin jiray Soomaaliya ayaa isugu jiray (1) dad cawaan ahaa, oo aan diin haysan, (2) dad lagu soo qabtay dagaallo dhex-maray qowmiyadaha Itoobiya dhexdooda iyo (3) dad markoodii horeba lagu soo kala iibsaday seyladaha addoonsiga ee Bariga iyo Geeska Afrika. Dhanka koonfurta Geyiga Soomaalida, addoomaha loogu jecel yahay waxay ahaayeen kuwa laga keeno dhulka Oromada, halka kuwa waqooyiga iyo galbeedka addoomaha la sii safrinayo ay u badnaayeen kuwa laga keeno dhulka Guraagada. Dhanka bariga, waxay addoomuhu ahaayeen Sawaaxili laga soo waariday Jasiiradda Zanzibar. Soomaalida ayaa mararka qaar qabsan jirtay dad u dhashay Yurub oo maraakiib ay kula jabi jirtay xeebaha waqooyi bari iyo bartamaha Geyiga Soomaalida. Markab uu Ingiriisku leeyahay ayaa 1868-kii ku jabay meel u dhow xeebta waqooyi ee Muqdisho, waxaana dadkii Ingiriiska ahaa ee la socday laga xiiray madaxa, waxaana lagu kallifay inay addoomo u noqdaan qabaa’ilkii deegaanka deggenaa, hase ahaatee isla sannadkaas ayaa lagu soo daayey wada-hadallo lala galay. Isaga oo xiganaya Qunsulkii Ingiriiska ee fadhiyey Zanzibar, John Kirk, ayaa Alastair Hazell, buuggiisa, The Last Slave Market, ee soo baxay 2011, wuxuu ku xusay in Soomaalidu mar ay ku beegnayd 1873-kii ay qabsadeen oo addoonsadeen dad u dhashay Ingiriiska. Maraakiibta Yurubta ayaa iyaguna dhankooda mararka qaar qabsan jiray oo addoonsi ahaan u qaadan jiray dad Soomaaliyeed. Wixii ka horreeyey 1884-kii, dooman ganacsi oo ay lahaayeen gumeysigii Ingiriiska ayaa dad Soomaaliyeed oo u badnaa gabdho yar yar waxay dhowr jeer ka afduubteen dekedda Berbera, waxayna ula keceen Ciraaq iyo meelo kale, iyagoo halkaas ka sii iibsaday. Taariikhda laguma hayo gumeysiga Talyaaniga oo dad Soomaaliyeed inta ay afduubteen addoonsi ahaan ula tagay dalkooda ama meel kale. Hase yeeshee, waxaa warbixinnada gumeysiga Talyaaniga ee sannadihii 1901-1904 ku cad in saraakiisha gumeysiga Talyaaniga ay lahaayeen addoomo uga shaqeeya guryahooda billowgii qarnigii labaatanaad, xitaa kaddib markii ay soo saareen sharciyo ka hor-tagaya addoonsiga aakhirkii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Si kastaba, ma jirin is-addoonsi ka dhex jiray dadkii Soomaalida ahaa, ee Muslimka ahaa, ee wada deggenaa Geyiga Soomaalida, oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed, ee loo yaqaanno Bantu/Jareer. Arrintaan ayaa ku taxalluqday diinta Islaamka oo xarrimeysa in dadka Muslimka ah ay dhexdooda is-addoonsan karaan. Sidoo kale, xeerar-dhaqameedkii Soomaalida (Somali customary laws) ayaa ka mamnuucayey qof Soomaali ah inuu lahaado Soomaali kale ama iibiyo ama iibsado. Sidaas awgeed, addoomuhu, qeexitaan ahaan, waxay Geyiga Soomaalida ka ahaayeen dad loo aqoonsan yahay inay ajnabi yihiin. . Mamnuuciddii Is-Addoonsiga Dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad, in loo dhoofiyo addoomo dhanka bariga iyo koonfurta ee Geyiga Soomaalida ayaa dulaalleyda is-addoonsiga ee Bariga Afrika uga macaash badneyd inay addoomo u dhoofiyaan dunida Carabta iyo meelo kale. Sababtu waxay ahayd waxaa soo xirmaayey jidadkii badda, ee la marsiin jiray dadka addoomaha ah, taas oo salka ku haysay ku-dhawaaqiddii ay quwadaha gumeysiga Yurub ku dhawaaqeen inay qarnigii sagaal iyo tobnaad joojiyeen is-addoonsiga. Markaas ka hor, ka-ganacsiga addoomaha wuxuu ahaa mashruuc aad looga macaasho Qaaradda Afrika. Saddexdii qof ee Afrikaan ah, hal ayaa wuxuu ahaa qof la addoonsado, sida ay Catherine Coquery-Vidrovitch ku caddeysay buuggeeda, Africa and the Africans in Nineteenth Century: A Turbulent History, ee la daabacay 2009-kii. Sahmiyihii Faransiiska, Georges Révoil, ee sahanka ku maray gobollada bariga, waqooyiga iyo koonfurta Geyiga Soomaalida, wuxuu ku sheegay maqaalkiisa,’Voyage chez les Bénadirs, les Çomalis et les Bayouns en 1882 et 1883′, in dadkii ku noolaa degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ay saddex dhig laba dhig ahaayeen dad addoomo ah. Toban sano kaddib, sahmiyihii Talyaaniga, Luigi Robecchi-Bricchetti, ayaa buuggiisa xusuus-qorka, Somalia e Benadir: Viaggio di Esplorazione nell’Africa Orientale, ee la daabacay 1899, ku sheegay in saddex dhig ay hal dhig dadkii ku noolaa labadii degmo ee Muqdisho ahaayeen addoomo. Tirooyinkaas ayaa u muuqata mid ka-badbadis ah. Sahmiyaashii gumeysiga ayaad mooddaa inay isaga dayanayeen inay buunbuuniyaan dhaawaca bulshadeed, ee u sahli karaya inay sharciyeeyaan aasaaska xukunkoodii gumeysi. Jan-Georg Deutsch, buuggiisa Emancipation without Abolition in German East Africa, c. 1884-1914, ee la daabacay 2006, ee uu kaga warramayo qaabkii addoonsiga looga joojiyey Bariga Afrika, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in joojinta addoonsiga ay qeyb weyn ku lahaayeen dadkii addoomaha ahaa laftirkooda. Si kasta ha noqotee, soo-gelitaankii gumeysiga ee Afrika ayaa keenay is-beddelka weyn ee ku yimid ka-ganacsiga iyo ku-shaqeysiga addoomaha ee qaaradda gudaheeda iyo dibaddeeda. Iyaga oo meel-marinaya siyaasad liberal ah ayaa gumeystayaashii reer Yurub waxay la yimaaddeen in la mamnuuco addoonsiga, nooc kasta oo uu yahay. Saraakiisha gumeysiga ayaa u isticmaalayey joojinta addoonsiga inay ku meel-mariyaan siyaasaddoodii beenta ahayd, ee ay ku magacaabeen ‘xadaaradeynta Afrika’. Waxay meel mariyeen sharci ka hor-tagaya addoonsiga (anti-slavery law), kaas oo markii dambe loo bixiyey sharciga quruumaha (the Law of the Nations). Sharciga ka hor-tagga addoonsiga ee gumeysiga marnaba ma joojininin ku-shaqeysigii adoonsiga, laakiin waxaa yaraaday ka-ganacsigii addoomaha ee dibadda loo dhoofin jiray Geyiga Soomaalida. Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa xaruumo dadka lagu adddoonsado ku lahaa Afrika Natiijadii Mamnuucidda Addoonsiga Dhanka koonfurta, si kasta ha noqotee, wuxuu gumeysigu joojinta addoonsiga ku wiiqay qabiillo Soomaaliyeed oo isaga dagaal gumeysi-diid ah kala hor-yimid, kuwaas oo addoomahoodu ay u ahaayeen kuwa u soo saara dhaqaalaha beeraha iyo xoolaha, ee ay ku maareynayeen noloshooda. Qabiilladaan ayaa nooca addoonsigoodu ahaa mid aan dibadda waxba loo dhoofin, ee dibadaha lagala yimaaddo addoomo. Gumeysigii Talyaanigu, wuxuu aad u buunbuuniyey in qabiilladii Soomaalida ee koonfurta, ee la xarbinaayey xukunkooda, ay si xun ula macaamilaan dadka ay addoonsadaan. Sidaas awgeed, wuxuu gumeysigu meesha ka saaray inaan la dhoofin karin, lagana ganacsan karin dadka addoomaha ah. Arrintaas waxay toos u saameysay qabiilladii Soomaaliyeed ee ku tiirsanaa addoonsiga iyo tujaar Carbeed oo ku nooleyd magaalooyinka waaweyn ee xeebaha, kuwaas oo ku tiirsanaa dhaqaalaha laga sameeyo ka-ganacsiga iyo ku-shaqeysiga addoonsiga. Waxaa kaloo jiray in dulmiga is-addoonsiga awgeed, ay addoomo fara-badan u baxsadeen meelo ku yaalla jiqda dhanka koonfurta, ayna aasaaseen tuulo weyn oo ay isugu yimaaddaan dadka soo fakaday, tuuladaas oo u dhow duleedka Webiga Jubba. Hal mar ayaa meelo ka mid ah Geyiga Soomaalida, sida magaalada Muqdisho, waxaa sannadkii 1901-kii, buux-dhaafiyey dad addoomo ah oo la xoreeyey, oo ay adkaatay sida ay noloshooda ku maareyn lahaayeen. Addoomihii la xoreeyey waxay ku qasbanaadeen inay u shaqeeyaan dadkii addoonsan jiray, waxaana billaabatay waxa loo yaqaanno servitu domestica (in guryaha la isku shaqeysto) iyo mid ka sii xumeyd oo ahayd lavoro forzato (in xoog la isugu shaqeysto beeraha). Tan dambe ayaa waxay soo gaartay illaa 1941-kii, oo gumeysigii Ingiriiska uu ka sii dhaxlay gumeysigii Talyaaniga, illaa la joojiyey kaddib markii ay dadka Soomaaliyeed, oo gumeysiga Ingiriisku u ballan-qaaday inuu ka xoreynayo gumeysiga Talyaaniga, ay ka dacwoodeen. Waxaa weli taagan oo aan tirtirmi karin tiiraanyadii ka dhalatay taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida. In la qoro taariikhdaas foosha-xun, ee ay qeybta ka ahaayeen dadka Soomaalida ayaa muddo dheer ahayd wax facshar oo kale ah, oo la qariyo, lana tirtiro, qaasatan markii ay dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1960-kii. Maamulkii xukunka rayidka ahaa iyo taliskii xukunka militariga ee ka dambeeyey ayaa labadaba meel iska dhigay faylka ku saabsan in mashruuca addoonsigu – sida dunida inteeda kale – uu ahaa mid ka taaba-qaaday Geyiga Soomaalida. In la duugo taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida ayaa waxaa ugu wacneyd in dersidda taariikhda Soomaalida loo jiheeyey wax kasta oo kaabaya in hoggaamiyeyaashii xukunnadaas ay sii haystaan ama sii xoojiyaan xukunkooda. Sida awoodda lagu haysanayo ama lagu raadinayo ayaa ahayd in taariikhda laga masaxo wax kasta oo keeni kara kacdoon dadweyne, oo ay dadku ku dalbanayaan taariikhda teeda runta ah, si loo abuuro mustaqbal wadajir ah oo la wada leeyahay. Illaa iyo hadda, ma jiro buug cilmi ah, oo si faahfaahsan uga hadlaya taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida. Qoraaga Sheekada: Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu wax ka dhigaa Jaamacadda King’s College London. Qaran News
-
Dagaalka ka dhex qarxay Iran iyo Taliban & Halkay ku dagalameen+Sababta Soohdinta Afghanistan iyo Iran Taliban iyo Iran ayaa xaqiijiyay in dagaal uu ka dhex qarxay ciidamada ilaalada xuduudda ee labada dal, laakin uusan dagaalkaasi geysan wax khasaare ah. Warsaxaafadeed uu habeenkii xalay ahaa baahiyay afhayeenka Taliban Zabiullah Mujahid ayuu ku sheegay in is faham-darro ciidamada ah uu dhaliyay dagaalka ka dhacay gobolka Nimruz ee Afghanistan oo ku yaalla xuduudda. Mujahid ayaa sheegay in xaalku uu hadda deggan yahay ayna hoggaanka Taliban soo saareen tallaabooyin looga hortagayo in isfaham-waa noocaan ah oo markale dhaco. Warbaahinta Iran ayaa ku eedeeyay Taliban in ay dagaalka bilowday ka dib markii ay Arbacadii rasaas ku furtay fariisin ay lahaayeen ciidamada Iran, ka dib jahawareer ku aaddan marinka soohdinta labada dhinac. Wakaaladda wararka Iran ayaa beenisay in askari looga qabsaday dagaalka. Iran ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Pakistan iyo Turkey kuwaasi oo safaaradahooda ay wali ka sii furan yihiin Kabul ka dib markii kooxdan Islaamiga ah ay saddex bilood ka hor la wareegtay gacan ku heynta Afghanistan ka dib markii ay dalkaasi ka bexeen ciidamadii huwanta ee uu Mareykanku hoggaaminayay. Qaran News
-
Diinta maxay ka qabtaa in Dumarka meherkooda ka dhigaan ninka oon xaas kale la guursan? Haddii aad ka mid tahay dadka isticmaala baraha bulshada waxaa laga yaabaa inaad aragtay ama maqashay sheeko la sheegay in ay Hargaysa ka dhacday oo tibaaxaysa in haweenay ay meherkeeda ka dhigtay in ninkeeda cusub uusan xaas kale la guursanin. Inkasta oo markii lammaanahan ay BBC-du la xiriirtay ay gebi ahaanba beeniyeen in ay arrintani jirto, ayaa haddane waxaa ka dhashay su’aallo diini ah oo soo noqnoqday, kuwaas oo ku saabsan sideedaba waxyaabaha ay diinta ka qabto meherka ay gabadha xaqa ugu leedahay ninkeeda. Ragga Muslimiinta ah waxay diintu oggoshahay in ay guursadaan ilaa 4 xaas haddii ay asoo baxaan shuruudaha looga baahan yahay. Horay waxaa Soomaalida isticmaala baraha bulshada hadal heyn baaxad leh uga dhaliyay nin soo bandhigay afar xaas oo uu isla qabo, kuwaasoo uu sheegay in ay dhammaantood isku wada faraxsan yihiin, oo howlaha reerka isku caawiyaan. Maxay diintu ka qabtaa arrintan? Sheekadan cusub ee hadal haynta dhalisay ayay ka dhasheen suaalo ay dadka isweeydiinayaan inay diin ahaan sax tahay iyo in kale. Sheekh Cabdullaahi Muxumad Yarow (Naxoow) oo ka mid ah culimada wax kusoo bartay Jaamacadda Madiina, ayaa BBC-da u sheegay in diin ahaan aysan wax dhib ah lahayn in ninku uu xaaskiisa la galo heshiis noocaasoo kale ah. “Ninku inuu 1 xaas iyo ilaa 4 xaasba isla guursado hal mar, haddii uu shuruudaheeda kasoo baxo, waa xaq uu Alle siiyay, wuu sameyn karaa wuuna iska dhaafi karaa,” ayuu yiri. Dr Cabdullaahi Muxumad Yarow Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Wuu ka tanaasuli karaa xaqiisii ahaa inuu xaas labaad guursado wax dhib ahna ma laha oo waa wax uu iska deyn karo ama sameyn karo. Waxa ay labada qof ku heshiiyeen haddii aysan ahayd arrin ka hor imaaneysa diinta ama cibaadada waxba kuma jabna.” “Waxaan la oggoleyn in qofka lagu xiro shuruudo diintiisa dhaawacaya sida in la dhoho salaadda ha tukanin ama wax kale oo waajib ku ah.” Sheekh ayaa intaas ku daray in dhanka kale loo baahan yahay ballamaha ay dadka Muslimiinta ah galaan in sidooda loo fuliyo. “Fulinta ballanta iyo waxa lagu heshiiyay waa arrin muhiim ah, waa al Muslimuuna calaa shuruudhihim [Muslimiinta waxaa waajib ku ah inay fuliyaan waxa ay ku heshiiyeen].” Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamada darajada 1-aad ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa waxay xukun ku riday ku dhawaad 6 rag ah, kuwaasi oo lagu soo qabtay inay ka ganacsanayaaeen maandooriyaha noociisa Khamriga. Maxkamadeynta raggaan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana lagu soo qabtay howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen xaafado kamid ah magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Xeer ilaaliyaha oo soo eedeyay raggaan ayaa waxaa lagu kala xukumay min 5 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed, sida uu ku dhawaaqay mid kamid ah garsoorayaasha Maxkamada darajada 1-aad ee gobolka Nugaal. Maxkamadeyntan raggaan ayaa waxay imaneysa xili ay ciidamada Puntland dagaal adag kula jiraan ka ganacsiga maandooriyaha, gaar ahaan Khamriga oo si weyn ugu soo bataya deegaanadeeda. Sidoo kale waxay qeyb ka yihiin howl-galo kala duwan oo ciidamada Puntland ka sameeyen magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaasi oo ka dhan ah ka ganacsiga maandooriyaha. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post PUNTLAND oo xukun adag ku riday lix qof + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kooban oo hey’adda NISA ay ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in 12 xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ay caawa Muqdisho ku dileen ciidamada ammaanka. Qoraalka waxaa lagu sheegay in bartilmaameedku ahaa 15 xubnood oo Shabaab ah, balse la dilay 12 ka mid ah ragaas. “Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo Maafiyada AS u qaabilsanaa khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hey’addu qoraalkan kuma cadeyn goobta rasmiga ah ee uu ka dhacay howlgalkaan lagu dilay 12 qof, markii laga reebo in la xusay in howlgalku ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale qoraalka NISA laguma kala cadeyn in la qabtay iyo inay baxsadeen 3-dii xubnood ee kale, maadaama qoraalkaan lagu sheegay in la dilay 12-xubnood oo ka mid ahaa 15 Shabaab ah oo la bartilmaameedsanayey. Ma jirto ilaa hadda cid ka madax-bannaan NISA oo xaqiijisay dilka 12-kaas Shabaabka ah, sidoo kale weli lama ogaan halka uu ka dhacay howlgalkaan ay shaacisay NISA. The post DEG DEG: NISA oo Muqdisho ku dishay 12 xubnood oo ‘Al-Shabaab ah’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa si adag uga hadlay dooda ka taagan doorashada kursigii uu ku soo baxay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, kaas oo tirsigiisu yahay Hop#067, waxuuna ka mid yahay kuraasta golaha shacabka ee doorashadooda lagu qabtay Dhuusamareeb. Imaam Maxamed Yuusuf ayaa caddeeyay in hanaan sax ah aan loo maamulin doorashada kursugaas, iyadoo la garab maray nabaddoon Cali Jeesto oo masuul ka ah saxiixa kursigaas. “Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Cali Jeesto uu odayga Waceysle yahay, dowladda waxaan leeyahay yaan lagu sirmin ninkaas Cali ah, qolada guddiga khilaafaadka waxaan lee yahay war na-warsada aan inla toosinee waxa qaldamay, anaga waxaan rabnaa dowlad ku dhisanta hanaan sax ah,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf. Imaamka ayaa fariin u diray guddiga xalinta khilaafaadka oo haatan ay hor taallo dacwada kursigaas ay beesha Waceysle ku doodeyso in la boobay, waxuuna kula taliyey in xaqa iyo baadilka ay dadka u kala saaraan. “Qoladiina khilaafaadka fartaa inku godneed ayaantaan, waxaa la dinka rabaa inaad wax saxdaan, xalay waxaan maqlaayey Ra’iisul wasaaraha oo idinla dardaarmaaya, waxaa la idinka rabaa wixii qaldamay inaad saxdaan, sidoo kale waxaan cadeynaa in Cali Jeesto yahay duqa Waceysle,” ayuu yiri Imaamka beelaha Mudullood Maxamed Yuusuf. Hoos ka daawo The post Daawo: Imaamka Mudullood oo caddeeyey saxiixaha rasmiga ah ee kursiga ‘uu ku guuleystay’ Yaasiin Farey appeared first on Caasimada Online.
-
CAPE TOWN - Two undocumented men from Somalia have won an appeal against the decision of the Bellville Magistrate court to dismiss their bail application. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa si weyn u diiday hannaanka doorashada ee Golaha Shacabka. Qoraal ay xalay soo saareen ayey ku sheegeen in waxa wadanka ka socdo aysan aheyn doorasho, balse ay yihiin boob iyo ku takrifal, taas oo dalka u horseedi doonto xasilooni darro iyo burbur soo deg dega. Mucaaradka waxay sheegeen in aysan qeyb ka aheyn waxa socda aysana qeyb ka noqon doonin. Waxay sheegeen in aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geliyey, la tababaray oo ay hubiyeen guddiyada doorashooyinka. Waxay kaloo sheegeen inay soo xaqiijiyeen in ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayadka ee Dowladda, Ciidankii iyo dad aan mararka qaar ku heyb aheyn Qabiilkii Kursiga lahaa. Waxay kaloo soo xigteen in dadka qaar loo diiday isdiiwaan gelinta tartanka kuraasta XIldhibaanada. Xildhibaano hore ayaa loo diiday inay is diiwaan geliyaan, kuwa xaq u lahaa ayaa sidoo kale loo diiday, halka mucaaradka ay sidoo kale ku doodeen in la diiwaan geliyey xubno aan soo buuxin shuruudihii isdiiwaan gelinta xildhibaanka. Waxay ku andacoodeyn inay meesha ka baxday madax-banaanadii iyo dhex-dhexaadnimadii guddiyada doorashooyinka. Arrimahaan waa kuwa keenay in mucaaradka diidaan ka qeyb ahaashaha doorshada socoto. Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayey si weyn u eedeeyeen mucaaradku, waxay sheegeen inay Rooble ka dalbadeen inuu doorashada joojiyo, sidaasna la isku ogaa, laakiin taas badalkeeda waxay sheegeen in Ra’isul Wasaaraha uu bogaadiyey madaxda maamul Goboleedyada ee eeda loo heystay, isagoo ka dalbaday inay soo saaraan Kuraas kale, taas oo ka duwan wixii ay macaaradka kula ballameen Rooble. Madaxda mucaaradka waxay sheegeen in wixii dhibaato ah oo ka dhasha doorashada boobka ah inay qaadanayaan madaxda maamulada yo madaxda xukuumadda Federaalka. Waa markii koowaad oo mucaaradku toos u wajahaan madaxda maamulada oo ay eedooda saaraan. Mucaaradka waxaa markii hore lagu eedeyn jiray inay ka war wareegayaan eedeynta madaxda maamulada oo ah cidda marna doorashada daahisa, haddana loo heysto inay boob ku bilaabeen doorashadii. Mudaaradka waxay sheegeen in aysan sidaan ku fiirsan karin xaalka dalka oo ay bilaabayaan wada-tashiyo ay la yeelanayaan qeybaha bulshada si loo helo wax ay ugu yeereen Xal-Qaran oo lagu badbaadin karo dowladimada Soomaaliya. Halkaas waxaa ka cad inay mucaaradka u dhaqaaqeyn jiho ka duwan tii doorashada oo ah inay iyaguna raadiyaan xal jeebkooda ah kaas oo loo badinayo inay rabaan inay ku dhisaan Gole Qaran oo dalka gaarsiiya doorashooyin loo dhan yahay, sida ay aamisan yihiin. Shirarka mucaaradka ayaa weli soo socon doona, iyadoo la filayo inay gogosha ballaariyaan si ay ula hadlaan dadkii ugu diriray wajigii koowaad ee gulufkii lagu fashiliyey muddo kororsiga. Qoraalkii xalay kasoo baxay mucaaradka nuxurkiisa wuxuu ahaa: 1) Inay gebi ahaanba diideen doorashada socota. 2) Inay rabaan inay wax u gooni ah dhisaan, balse nooca ay u dhisayaan ay weli taladeedu socoto. 3) Inay jirin wax jawaab ah oo isugu dhiman iyaga iyo Ra’isul wasaare Rooble oo markii hore la filayey inuu xallin doono tabashadooda. 4) In Muqdisho ay geli karto xaalad cusub oo aan lasii odorosi karin. 5) Inay hoos u dhacday rajadii laga qabay doorasho loo dhan yahay oo ka dhacda Soomaaliya. 6) Iyo inuu soo noqday walaacii ku saabsanaa in uusan dalka si nabad ah kaga gudbi karin xilliga kala guurka ah. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Macnaha weyn ee ku jiray qoraalkii mucaaradka iyo xaalada Muqdisho geli karto appeared first on Caasimada Online.
-
HIV prevalence rate of infection in Somalia has been dropping over the last 14 years, the World Health Organization (WHO) said Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopian troops have recaptured the historic town of Lalibela from Tigrayan rebels, the government has said. Source: Hiiraan Online
