Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Tiina Intelmann, oo ay wehelinayeen Mareeyaha Barnaamijyada Midowga Yurub Ms Maria Groeneveld iyo Cadnaan Saleebaan Axmed oo ka socday xafiiska Midowga Yurub ee Somaliland. Kulanka oo ahaa kii u horeeyay ee ay dalka ku timaado safiiradu, ayaa waxa uu ku bilaabmay is-xog waraysi guud, oo la xidhiidha is-kaashiga soo jireenka ah, ee ay wadaagaan dawladda Somaliland iyo Midowga Yurub, waxaanay iska xog waraysteen arrimo la xidhiidha xaalada dalka, gaar ahaan doorka wanaagsan ee garsoorku kaga jiro, sharciga oo la raaco iyo horumarka dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Adam Xaaji Cali ayaa safiirka uga waramay geedi socodka togan ee garsoorka dalku cagta saaray iyo doorka muuqda ee uu kaga jiro nidaamka Axsaabta badan, maamul wanaaga iyo xalinta khilaafaadka. Geesta kale Amb. Tiina Intelmann ayaa ugu mahadnaqday garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland wada shaqaynta fiican ee ay la leeyihiin Midowga Yurub, sidoo kale waxa ay tibaaxday in Midowga Yurub xoojinayo iskaashiga ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka. Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu safiirka uga mahad-celiyay kor-u-qaadida is-kaashiga ay waddaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub gaar ahaan mashaariicda ay ku taageeraan hay’adda garsoorka iyo hay’adaha la hal maala ee la xidhiidha sharciga iyo amniga. Waxaanu u balan-qaaday in Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorku diyaar u tahay xoojinta iyo balaadhinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, Wa bilaahi tawfiiq. Source
  2. Khartuum (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa xilka ka tagi doona haddii la dhaqan-geli waayo heshiiska siyaasadeed oo uu la saxiixday milatariga toddobaadkan. Sida laga soo xigtay illo wareedyo ku dhow Ra’iisul Wasaaraha Hamdok ayaa sidoo kale xilka ka tagi doona haddii uu ku guuldareysto inuu taageero ka helo kooxaha siyaasadda. Hamdok ayaa laga sii daayay xabsi-guri, waxaana dib loogu soo celiyay shaqada Ra’iIsul Wasaare-nimo. Heshiiska Hamdok uu banaanka ku yimid ayaa waxaa wada gaaray xubnaha rayidka ee uu hoggaamiyo iyo militariga Suudaan bishii Noofambar 21-keeda, waxaana Hamdok uu xirna muddo afar todobaad ah. La-wareegista xukunka ee Ra’iisul Wasaare Hamdok oo ku timid heshiiskii awood qeybsig sanadka 2019, kaas oo u dhaxeeyay militariga iyo kooxaha siyaasadeed ee ku lugta lahaa ridistii hoggaamiyihii hore Cumar Al-Bashiir. Kooxahaas ayaa diiday heshiiskan cusub. Sidoo kale waxaa diiday xoogagga iska caabin ah oo abaabulay olole mudaaharaad ah. Mudaaharaadyadii u dambeeyay ayaa labadii berri ee u dambeeyay tobanaan kun oo qof isugu soo baxeen bartamaha Khartoum, iyaga oo ku dhawaaqayay halku-dhigyo ay kamid yihiin “Lama wadaagi karo, gorgortanna iyo tanaasulna ma jiraan”. Afgambiga ayaa soo afjaray laba sano oo xukun rayid oo ku-meel gaar ah, waxaana uu horseeday cambaareyn calami ah, ayada oo beesha caalamka ay dalbatay in lasoo celiyo dowladda rayidka. Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh militariga Sudan ayaa 4-tii November ku biiray Mareykanka iyo Britain ayagoo soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in lasoo celiyo dowladdii rayidka. Mowqifka mideysan ee quwadahan Carbeed ayaa imanaya ayada oo Washington ay rajeyneysay in militariga laga dhaadhicin karo inay aqbalaan xal ay sumcaddooda ku ilaashanayaan. Washington ayaa si deg-deg ah u hakisay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 700 milyan oo dollar oo ay ugu talo-gashay Sudan. Sudan ayaa sidoo kale cadaadis kala kulantay Midowga Afrika oo hakiyey xubnimadeeda “illaa ay dib ugu soo caliso nidaamkii rayidka.” Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Ra’iisul Wasaaraha Sudan oo is-casilaya hal arrin darteed appeared first on Caasimada Online.
  3. Boosaaso (Caasimada Online) – Xiisada maalmihii u dambeysay ka dhex aloosneyd Agaasimaha hay’adda PSF iyo madaxweynaha maamulka Puntlnad ayaa si weyn u qabowday saacadihii u dambeeyay. Sida ay Caasimada Online u sheegen saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda PSF, Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaan oo ah mas’uulka xil ka qaadistiisa ay sababtay xiisada uu qorsheynayo in uu xilka iska wareejiyo. Agaasime Maxamuud Diyaan ayaa tallaabadaas qorsheynaya kadib wada-hadalo illaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn ay dhex-mareen isaga iyo Saraakiisha Mareykanka. Illa hadad ma jiro wada-hadal rasmi ah oo dhex-maray maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Deni iyo Agaasimaha, waxaana xiisada hoos u dhigay Saraakiisha Mareykanka ee wada-hadalka la yeeshay Diyaan. Saraakiisha ayaa ka soo xigtay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano inay dhammaatay arrintii u dhexaysay isaga iyo dowladda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa socda dadaalo lagu dhex-dhexaadinayo dowladda iyo PSF, kuwaasi oo ay wadaan Isimada maamulkaas, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan dhinaca hay’adda PSF. Isimada ayaa shalay kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaasi oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka amniga Puntland oo kal hore hanjabaad culus hawada u mariyay ciidamada PSF. Xiisadii maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosneyd madaxweyne Deni iyo Agaasime Diyaan ayaa waxay si weyn u saameysay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi, inkasta oo hadda ay xaaladu ay degan tahay. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada Deni & PSF iyo dal soo fara-geliyay appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaan qorsheyneyn in la joojiyo doorashooyinka dalka kadib markii ay qaadaceen Midowga Murashaxiinta, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku caddeeyey “inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada.” Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale qoraalkaas ku sheegay in Rooble ay ka dalbadeen in la joojiyo doorashooyinka balse uu ku gacan seeray, taasi oo ku qasabtay inay si shaacsan u dalbadaan in la hakiyo doorashada. Si kastaba, ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Rooble ayaa Caasimada Online u sheegay in qaadacaadda mucaaradka Rooble aysan waxba ka beddeleyn mowqifka Rooble ee ah in doorashooyinka dalka ay sii socdaan, wixii cabashooyin ah ee jirana la xaliyo. Sida aan xogta ku helnay, Rooble ayaa qaba in haddii ay jiraan kuraas si qaldan loo maamulay ama si gaar ah loogu muransan yahay in mid mid loo eego balse aysan sax aheyn in dhammaan doorashada dalka la joojiyo. Afhayeenka Rooble Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu shalay soo dhigay facebook eedda doorashada uga leexiyey ra’iisul wasaaraha, kuna muujiyey inay ka go’an tahay inay sii socdaan. “Doorasho marka la fulinayo waa xaqiiqo in ay cillado la soo baxayaan, balse hadii ay qaladaad dhacaan waa in sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada ee aaney noqon mid caadifad ku dhisan , waxana awoodaas iska leh guddiyada u xilsaaran howshaas ee Ra’iisul Wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo,” ayuu yiri Macallimuu Mowqifka Rooble ayaa astaan u ah sida ay u kala fogaadeen isaga iyo mucaaradka oo mar xulufo ahaa, islamarkaana garab xooggan siiyey markii ay is-hayeen madaxweyne Farmaajo. Isbeddelka ku yimid Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay. The post Xog: Mowqifka R/W Rooble kadib markii mucaaradka ay qaadaceen doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Somaliland ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heestay afar askari oo ka tirsan ciidamada Booliska maamulkaasi, kana howl-galayey magaalada Ceerigaabo oo ka tirsan gobolka Sanaag. Maxkamadda ayaa askartan ku heshay inay fal kufsi ah u geysteen gabar 13 jir ah, kaas oo bartamihii sanadkan ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn ee isla gobolkaasi. Sidoo kale maxkamadeynta askartan ayaa soo martay marxalada kala duwan, waxaana ugu dambeyn ay maxkamaddu soo gabagabeysay kiiska ka dhanka ah 4-taasi askari. Garsooraha maxkamadda ayaa shaaciyey in raggan lagu helay dambiga lagu soo eedeeyey, isla-markaana lagu xukun min 7 sano oo xabsi ciidan ah. Dhanka kale maxkamadda ayaa sii deysay laba eedeysane oo kale, kadib lagu waayey inay ku lug lahaayeen falka kufsiga ah ee loo geystay gabadha yar ee 13-ka jirka aha. Fadhiga maxkamadda waxaa sidoo kale ku sugnaa ehellada gabadha dhibka loo geystay iyo sidoo kale ehellada askarta la xukumay oo goobjoog ahaa go’aanka la ridday. Waalidiinta dhalay gabadha la kufsaday oo muddo sugayey cadaaladda ayaa soo dhoweeyey xukunka adag ee lagu ridday afarta nin ee lagu helay inay geysteen falkaasi. Si kastaba, Somaliland ayaa horay xukuno kala duwan ugu ridday rag lagu soo edeeyey kufsiyo ka dhacay maamulkaasi, kadib markii gacanta ku soo dhigeen ciidanka ammaanka. The post Somaliland oo xukun adag ku ridday afar askari + sababta appeared first on Caasimada Online.
  6. Xildhibaan Ilhan Cumar oo shaacisey inay nafteedu Halis weyn ku jirto Ilhan Cumar Xildhibaanada Aqalka Congresska Maraykanka Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay wajahayso halis weyn oo nafteeda ah, kadib markii sida ay sheegtay ay heshay farriimo cod ah oo hanjabaad ah. Shir jaraaid ayay ka daartay codka loo duubay, kaas oo ay warbaahinta laga sii baahiyay. Iyada oo marti ku ahayd barnaamijka Peacon ee taleefishinka MSNB ee Mahdi Xassan uu daadiyo ayay sheegtay in aysan xitaa aqoonin sida uu hadda xaalkeeda yahay. Farriinta loo duubay waxaa ku jiray erayo hanjabaad ah oo lagu eedeynayo in ay tahay Jihaad doon, lagana taqalusi doono. “Markii ugu horeysay ee xisbiga dhexdiisa la ii xushay in aan ku tartamo kursigan, maalin kadib waxaa isoo gaartay farriintii ugu horeysay oo hanjabaad dil ah “ayay tiri Ilhaan oo muujisay in hanjabaadaha ay muddo soo jiitameen. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan soo cusboonaysiiyay weerarada afka ah ee uu ku qaadayo Ilhaan, wuxuuna markan ku eedeeyay Ilhaan in ay dayacday dalkeedii Soomaaliya. Waxa ay sheegtay in inkasta oo siyaasiyiin kale ay helaan hanjabaado, haddane kuwa iyada loo jeediyo ay sababta tahay diinteeda iyo isirkeeda, waxayna intaas ku dartay in dhamaan hanjabaadaha ay ku jiraan fikrado uu horey uga faafiyay Trump. Ilhaan waxa ay qabtaa in xitaa haddii iyada aanan wax la yeelin, ay waxyeelo gaari karto qof kasta oo iyada u eg. Dhanka kale Ilhaan waxa ay ka hadashay haweenay xildhibaan ah oo Aqalka ay iskula jiraan oo Ilhaan ku tilmaamtay argagixiso. Ilhaan waxa ay ku baaqdey in laga qaado talaabo ku habboon, sidoo kalena lasoo saaro sharciyo hakamaynaya hadalada caynkaas ah. Qaran News
  7. Sida loo xusho,Loona Tababaro Sirdoonka Israa’iil! “Waxa ay doonayaan dad daacad ah. Waxa ay qortaan dadka aniga oo kale ah – dadkaas waa muwaadiniin reer Israa’iil ah oo adeeca dowladooda. Waxa ay ku barayaan sida wax loo xado, oo loo dilo dad badan. Waxa ay ku barayaan waxyaabo uusan samayn karayn qofka caadiga ah.” Ayuu yiri Gaddy Sherman, oo hore ugu tirsanaan jiray hay’adda sirdoonka ee Israa’iil ee Mossad, mar uu BBCda u warramayay 2010-kii Waxaa jira sheekooyin badan oo la xiriira hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Qaar ka mid ah sheekooyinkaas waa wax dhacay halka kuwa kalana ay yihiin wax la iska abuurtay. Hasayeeshee dhabtu waxa ay tahay in dunida oo dhan laga cabsado Mossad. Mossad ayaa luuqadda Hebrew-ga waxa ay ku tahay hay’ad. Mossad waxaa lagu tiriyaa inay tahay mid ka mid ah hay’adaha sirdoonka ee ugu awoodda badan caalamka. Haddaba sidee hay’adda sirdoonka ee dalkan yar sida Israa’iil oo kale ay u noqotay mid xoog badan oo dalalka awoodda badan khalkhalisa? Basaasnimadu malahan wax sharci ah Mayd ayaa waxaa laga helay hoteel ku yaal magaalada Dubai, iyadoo qolkana uu hoos ka xirnaa. Ninka dhintay ayaa la aqoonsaday inuu ahaa Maxamuud Al-Maxbuub, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta. Qofkasta waxa uu u malaynayaa in ninkaas uu caadi isaga dhintay. Qof qolka galay ma jirin, albaabka qolkana hoos ayuu ka xirnaa, siduu marka qofka gudaha ugu dhintay? Waxaa laga shakisan yahay in Mossad ay ku lug laheyd dhacdadii 2010-kii, walow Mossad aanay meel fagaare ah arrintaasi ka qiran. Hasayeeshee kaamerooyinka lagula socdo dhaqdhaqaaqa ayaa waxa ay duubeen howlgalka Mossad. Markii uu Maxbuub ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Dubai ee uu imanayay hoteelka ayaa waxaa daba socday qof. Markii uu galay wiishka hoteelka uu ku dagay dabaqa labaad ee hoteelka ayaa waxaa daba socday laba nin oo xiran dharka lagu ciyaaro teeniska. Xaaska Maxbuub ayaa goor dambe waxa ay soo wacday hoteelka, maadaama uu ninkaasi muddo dheer wax xiriir ah samayn. Muuqaalka kore ee Qudus Dr Saciid Hamiri oo ka tirsan booliska Dubai ayaa BBCda u sheegay “Markii maydka lagu sameeyay baaritaan la xiriira sababta uu u dhintay, boolisku waxa uu ogaaday in Maxbuub uu soo gaaray dhaawac jireed, hasayeeshee ma aanay jirin astaan inuu dhacay dagaal. Halka ay ogaadeen in albaabka qolka uu hoos ka xirnaa.” Waxaa la baaray baasaboorrada labada nin ee daba socday Maxbuub ee xirnaa dharka teeniska lagu dheelo, waxaana la ogaaday inay ka soo jeedaan dalal kale. Dalalka baasaboorradooda la isticmaalay ayaa arrintaas ka cawday. Booliska Dubai aya asheegay in Mossad ay ka dambaysay weerrarka. Sida uu sheegay Dr Saciid Hamiri madaxa Mossad ee London ayaa shaqadii ka eryay mid ka mid ah labada nin oo midkood uu ahaa diblumaasi hore oo Israa’iili ah. Gaddafi, oo ah nin hore uga tirsanaan jiray Mossad, ayaa sheegay in “Waxyaabahaas oo kale marwalba ayey dhacaan. Waxa ay ka dhaceen Ireland, Australia iyo dalal kalaba.” Dunida sirdoonka marwalba shuruucda waa la jabiyaa, hasayeeshee Israa’iil ma ka badbadisaa? Mar uu su’aashaasi ka jawaabayay madaxii hore ee Mossad Ephraim Halevi ayaa sheegay in “Waxyaabo badan oo aan run ahayn ayaa jira, laakiin waxaa la sameeyaa wax badan oo sharciga hareer marsan. Mase ay jirto cid waligay I waydiisatay inaan sharcidarro sameeyo. Dambi ma ahan inaad samaysidse waxa lagu sheego inay tahay inaad samaysid. Xusuusnow, sirdoonku sharci qabto malahan.” Aasaaskii Mossad Dhaqanka Mossad ayaa ah in ay u diyaargaroobaan halisaha waa wayn, dhaqankaas oo ka imanaya xaalado adag oo jiray waqtigaas la aasaasayay hay’addan. Taariikhda Israa’iil, dalkaas ama dagaal ayuu kula jiray dalalka Carabta ama xaalad colaad ah ayuu ku jiray. Maanta, Israa’iil waa quwad wayn, hasayeeshee dhaqanka Mossad waxba iskama badelin. Dagaalkii Israaiil iyo Carabta Mossad ayaa waxaa la aasaasay 1949, sannad kaddib markii la sameeyay Israa’iil. Israa’iil waa dal ay leeyihiin Yuhuudda ku nool bartamaha shan dal oo Carab ah. Caadiyan, waxa ay u baahnaayeen hay’ad sida Mossad oo kale ah oo indhaha ku haysa cadawga xuduudaheeda. Howlgal ay fulisay 1960-kii ayaa Mossad waxa ay ku heshay magac oo caalamka loogaga aqoonsaday kartidooda. Howlgalkaasi ayaa waxaa loogaga gol-lahaa soo qabashada Adolf Eichmann, oo ka tirsanaan jiray Nazi-gii Jarmalka kuwaas oo Argentina ku dilay malaayiin qof oo Yuhuud ah. 1957 Mossad ayaa waxa ay ogaatay in Eichmann uu magaca iska badalay oo uu ku nool yahay waddanka Argentina. Dabayaaqadii bishii Abriil ee 1960-kii ayaa koox ka socota Mossad oo sirdoon ah waxa ay dhinacyo kala duwan ka galeen dalkaasi Argentina. Ninkaas ayaa waxa uu ku noolaa guri uu ka kiraystay magaalada Buenos Aires. Qorshihii bay bilaabeen inay fuliyaan sirdoonkii Argentina loo diray oo waxa ay afduubteen Eichmann maalin uun kaddib markii ay tageen halkaas iyagoo Argentina ku hayay muddo 10 cisho ah. Haddii ay khalad samayn lahaayeen waa la ogaan lahaa oo xiisad ayaa caalamka ka kici laheyd. Maalintii 10-aad diyaarad sidday wasiirro Israa’iiliyiin ah ayaa waxa ay tageen caasimadda Argentina halkaas oo ay barnaamij ka fulinayeen. Isla habeenkii ayey diyaaraddii wasiirrada sidday waxa ay Israa’iil u qaadday Eichmann. Kaasi waxa uu ahaa howlgalkii ugu waynaa ee koobaad ee ay Mossad qaaddo. Wixii markaas ka dambeeyayna Mossad gadaal ma aanay eegin, mana aanay ka shakiyin inay howlgallo adag ka fuliso dalalka shisheeye. Eichmann waxaa markii dame lagu daldalay Israa’iil. 10-kii sanadood ee xigtay, waxaa sare u kacay cabsida Mossad iyagoo howlgallo ku beegsaday fallaagada Falastiiniyiinta. Roman Bergman, oo ah weriye Israa’iili ah qorayna buugga “Taariikhda cusub ee Mossad” ayaa BBCda u sheegay: “Maalintii koobaad ee la aasaasay Mossad, ma aanay ka gabban inay dilaan dadka qaar. Ma jixinjixaan marka ay sharciga jabinayaan. Mararka qaar awood xad dhaaf ah ayey isticmaalaan, naxariis ma lahan, middaas ayeyna ku gaaraan yoolkooda.” Markii ay Mossad ku guulaysatay howlgalkoodii ugu horreeyay ee caalamiga ahaa ayaa waxa ay bilaabeen inay qaadaan howlgallo kale oo ay dhulal shisheeye ka fuliyaan. Mossad ayaa Cali Cohen oo ka mid ah howlwadeennadeeda waxa ay u dirtay caasimadda waddanka Suuriya ee Dimishiq isagoo iska dhigay inuu yahay muwaadin dalkaasi u dhashay. Sarkaalkaas xog muhiim ah ayuu u soo dirayay Mossad, ugu dambayntiise waa la qabtay oo waa la dilay. Koroneel Adolf Eikman 1960-yadii, Mossad ayaa waxa ay afduubteen diyaaraddii cusbayd ee MiG iyagoo ku gooddiyay inay waxyeelaynayaan saynisyahannada Jarmalka ee ka shaqaynayay Masar. Waayadii hore Mossad waxa ay u bareeri jirtay inay madaxa la gasho hay’adaha kale ee sirdoonka, mana aanay kala jeclayn waxa dunida kale ay oran doonto. Yossi Melman waa weriye dhanka gashaandhigga wax ka qora oo ku nool Israa’iil. Waxa uu qoray buugga “Taariikhda Mossad”. Mar uu BBCda la hadlay ayuu sheegay: “Waxa ay leeyihiin dareen sare, si nadiif ah ayeyna u fuliyaan howlgalkooda. Waxa ay galaan dalal shisheeye oo ay dambiyo ka galaan, waxa ay ku xadgudbaan sharciga caalamiga ah, Mossadna qaabkaas ayey daneeyaan inay u shaqeeyaan. “Marka xigta, waxa ay ku qanacsan yihiin inay sameeyaan waxa ay rabaan, oo aanay wajihi doonin cawaaqibka ka dhalan kara. Sanado yar ayaa laga soo wareegay markii Israa’iiliyiinta la laayay, oo dunida naxariis ayey u haysay Israa’iil iyo Yuhuudda. Dalka yar ee markaas uun soo koraya.” Mossad middaas ayey ka faa’iidaysatay”. Mossad ayaa noqotay halis wayn 1970-yadii, Basan Abu Sharif ayaa noqday mid ka mid ah dadka aadka loo yaqaan ee wajiga u ah dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta. Basan ayaa sidoo kale udub dhexaad u ahaa wargeyska Falastiiniyiinta. Waxa uu sidaasi bartilmaameed u noqday weerraradii ugu horreeyay ee Mossad. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Mossad ayaa xoogga saari jirtay hal arrin uun, waana midda ay dunida oo dhan caanka uga noqotay. Waxa ay ku bilowday weerrarkii Basan Abu Sharif. Weerrarada khaarijinta ee Mossad ayaa xooggaystay kaddib dhacdadii Munich 1972-kii. Siyaasadihii Mossad oo la badelay “Arrintu ma ahayn oo kaliya in la dilay 11 muwaadin oo Israa’iiliyiin ah, ee ciidammada ammaanka ee Jarmalka waxba ma aanay samayn, mana aanay ogolaan in ciidammada Israa’iil ay tallaaba qaadan. Israa’iil iyo Mossad ayaa markaa kaddib waxa ay go’aansadeen in aanay reer Yurub ka tuugin ogolaansho,” ayuu yiri Roman. Sanadihii xigay, Mossad ayaa sii wadday baadigoobka iyo dilka dadkii mas’uulka ka ahaa xasuuqaasi. Mossad ayaa sidoo kale Norway ku dishay nin aanan waxba galabsan oo Marookaan. Mossad ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay yihiin kuwo dhiiroon oo adadag oo badanaa dilay dad aanan ku lug lahayn dhacdadii Jarmalka. XIGASHADA SAWIRKA,ALAMY Tababarka Mossad Wadaniyadda ayaa u muuqata inay tahay mid lagu dheehay dhiigga Mossad. “Tallaaba kasta ee uu qaado qof ka tirsan Mossad waxaa sal u ah wadcaniyadda,” ayuu yiri Roman. Hasayeeshee ma fududa in lagu biiro Mossad. “Waa inaad martaa baaritaanno badan, caqliyan iyo jismiyanba. Luuqaddaada ayaa la tijaabinayaa.” Ayuu yiri Mishka Ben David oo Mossad la soo shaqeeyay 1980-yadii. “Muddo sanad ah ayaan tababaranay. Aad ayuuna tababarku u adkaa. Markii aan tababarka dhammaystay, waxaa la iga qaaday tijaabooyin kala duwan waxaana la i amray inaan howl qabto. Howshaasi qaarkeed wax aan layaabo ayey aheyd.” Ayuu yiri David. Sida David uu sheegayo waxaa la eegaa aragtida qofka, taas oo muujinaysa sida qofka uu u fakaro. Mossad waxaa laga qoraa oo kaliya dadka adadag ee la iman kara fikrado culus oo taabbageli kara. Mossad haatan kaalintay kaga jirtaa sirdoonka caalamka Mossad ayaa mararka qaarkooda kaligeed waxa ay fulisaa howlgallada, mararka qaarkoodna waxa ay howlgallada wada fuliyaan dalal ay saaxiibbo yihiin, mararka qaar waxa ay u dhacaan dalal ay saaxiibbo yihiin halka mararka qaarna ay taageeraanba kaligii taliyayaal. Waxa kaliya ee ay eegaan waa inay sameeyaan wax dalkooda u wanaagsan. Hasayeeshee wax badan ayaa isbadalay kaddib weerraradii 11-kii Sibteembar, 2001, lagu qaaday waddanka Mareykanka. Mareykanka ayaa waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada, markaas oo uu dalbaday in dhammaan dalalka ay wada shaqeeyaan, oo aanan loo falgelin dal dal. Kaddib markii falalka argagixisada ay noqdeen dhibaato caalami ah, sirdoonka Mossad ayey ka soo baxeen isqarintii ay Yurub ku joogeen. Hay’adaha sirdoonka ee caalamka ayaa haatan u baahan dad aqoon durugsan u leh dagaalkaasi. Markii la burburiyay daarihii mataanaha ahaa ee New York, Mossad ayaa noqotay hay’addii sirdoon ee ugu horraysay ee uu Mareykanku gacan waydiisto. Qorshooyin badan oo Mareykanka uu ugu talagalay ladagaalanka argagixisada ayaa waxaa la wareegay Mossad. Muuqaalka Mossad ee naxariisdarrada ah, gardarrada iyo khiyaanada ayaa noqday mid caan ka noqday caalamka. Sida uu sheegay taliyihii hore ee Mossad Shabday Shavit, “Sida naloo arko ayaa ah awooddayada”. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku aadan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan cabashooyinka taagan iyo eedeynta ka timid xubaha Golaha Midowga Musharixiinta. Ugu horreyn guddiga ayaa dib u soo bandhigay shuruucda doorashada ee la dajiyey, gaar ahaan cabashooyinka, kuwaas saldhig looga dhigay heshiisyadii hore loo gaaray iyo qodobadii kasoo baxay shirarkii kala duwanaa ee ay yeesheen Golaha wada-tashiga qaran. Guddiga oo u jawaabayey xubnaha mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday inay xaq u leeyihiin fikiradooda, balse loo baahan yahay in dacwadaha la marsiinayo warbaahinta bedalkeed, si rasmi ah loo soo gaarsiiyo guddiga xallinya khilaafaadka doorashooyinka dadban. “Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban asagoo tixgalinaya in muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin inay fikradahooda si xor ugu cabiri karaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, hadana Guddiga uma garawsana cabashooyinka warbaahinta oo kaliya la soo mariyo dacwo rasmi ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale guddiga ayaa shaaciyey in ilaa iyo hadda soo gaareen kaliya laba dacwo oo la xiriirta doorashooyinkii xildhibaanada Golaha Shacabka ee dhowaan la qabtay, isla-markaana uu guddiga u maray halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka. “Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa xaqiijiyay inay si rasmi ah u soo gaartay labo dacwo oo Golaha Shacabka ah intii doorashada socotay, waxaana go’aankooda Guddigu u maray hanaanka dhaqanka iyo halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka, wuxuuna Guddiga uu ku booriyay soo-dacwoodayaasha Doorashada ee buuxiyay shuruudaha dacwo oogashada inay dacwooyinkooda Doorashada ku hagaajiyaan Xafisyada uu guddigu ku leeyahay goobaha deegan doorshooyinka dalka muddada kor ku xusan,” ayaa lagu yiri. Guddiga ayaa sidoo kale ka dalbaday xubnaha Midowga Musharaxiinta inay keenaan caddeymo muujinaya, haddii guddigu is hor-taagay dacwado lasoo gaarsiiyey. Arrintan ayaa daba socota dooda adag ee weli ka taagan sida ay ku billowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu eedeeyey inay boobeyso Villa Soomaaliya The post Guddiga xallinta khilaafaadka oo jawaab ka bixiyey warkii kasoo baxay mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  9. OPINION PIECE How seamless payment experiences make retail brands more valuable and relevant (By Gilbert Lungu) Awareness and adoption of digital-first grocery shopping experiences, particularly from a payment perspective, were steadily growing Access Multimedia Content LUSAKA, Zambia, December 1, 2021/ — By Gilbert Lungu, Country Manager for Zambia at Cellulant (https://cellulant.io/) As established brands in the retail sector aggressively compete to acquire, cultivate, and defend their share of the Zambian consumer’s spend, those that connect, engage, and transact in the most unified and frictionless ways will be best positioned to grow wallet and market share. The grocery store of today, be it a multinational retailer or your neighbourhood corner shop, has morphed into a shopping destination where consumers can buy everything from a fresh cup of coffee to sip on as they walk through the aisles, to flowers and prescription medicine. But far from being places for discretionary spending, COVID-19 made it abundantly clear that these stores, and more broadly this sector, is vital to households across Zambia – a trend that was even more evident in markets that enforced complete and mandatory lockdowns. The pandemic introduced new challenges for the numerous players in Zambia’s retail sector, with everything from day-to-day store operations to supply chain management requiring meticulous planning and implementation to protect suppliers, employees and customers. As this was happening, awareness and adoption of digital-first grocery shopping experiences, particularly from a payment perspective, were steadily growing. Consumer payments and the COVID-19 pandemic According to Business Insider, The Payments Forecast Book 2019: Global Payments, by 2024, global consumers are expected to make 1.1 trillion non-cash payments as they purchase goods and services using a mix of mobile, online, and connected devices. Over the past two years, COVID-19 has not only supercharged payment trends that were already in motion, but also changed major facets of the consumer experience. How customers shop and pay has rapidly changed from pre-2018. Further, their expectations regarding how they should pay has changed. For merchants in the retail space that embrace this change, this shift in consumer expectations is an opportunity to create more valuable and sustainable consumer relationships. Compared to cash, a digital payment handled and managed only by a customer is significantly a more hygienic face-to-face payment method. It goes without saying, the need for hygiene transcends the front-end checkout lanes to floral, pharmacy and customer experience departments. Enabling contactless and digital first payment options throughout these high-touch zones helps to protect employees and customers – over and above giving them a superior checkout experience. Looking across merchants, in 2020 our data reveals an increase in digital payment use as consumers seek to limit cash usage. For example, according to data released by the Bank of Zambia (BoZ) in June 2020, the number of mobile money subscribers grew by 38% from March 2020, and active mobile accounts increased by 30%. The value of mobile money transactions also increased by 16%. This data is indicative of the increase in diversified use of mobile money as a means of payment for goods. As an example, Tingg was created by Cellulant for this very purpose: to provide a single digital payments platform aimed at addressing the complex payment needs of businesses. The solution has already made it easy for businesses such as Ross Breeders, Real Meat, Chicken Inn/Pizza Inn/ Creamy Inn, Lake Harvest, and many other high-volume businesses to accept mobile money payments and create a safe, secure, and seamless experience for their customers. At Cellulant, we strongly believe that retail merchants who that adopt digital payment solutions that enable simple and rewarding customer experiences – from shopping to payment – will realise and sustain a digital competitive advantage. Digital payments provide a convenient and secure way to pay for customers. For small and large businesses alike, they reduce the risk associated with cash handling, manage customer queues, provide an opportunity to grow their customer base and eventually improve revenue and profitability. The provision of digital payment options will serve as a competitive edge for businesses that want to win in this new reality. SOURCE Cellulant Qaran News
  10. As King’s Global Health Partnerships’ five-year project to improve the quality of education for medical, nursing and midwifery students in Somaliland, draws to an end, we are launching a series of reports reviewing the impacts of the project. Working in partnership with three Somaliland universities – Amoud University, University of Hargeisa and Edna Adan University – the Prepared for Practice project aimed to increase the number of well-trained health workers entering the health system by: Strengthening capacity of academic staff and teaching institutions; Supporting undergraduate teaching, examination and clinical supervision; Strengthening national governance and management of education for health professionals. Strengthening capacity of teaching staff and institutions The first impact report in this series, Training Somaliland’s Future Health Workforce: Strengthening the Quality of Teaching shows how the capacity of teaching staff at the three universities has improved thanks to the introduction of a Master’s course in Health Professions Education, aimed at enhancing the teaching practice of health faculty. Over the duration of the project, 90 teaching staff enrolled on the Health Professions Education (HPE) course from three Somaliland universities – 55 teaching staff gained a Certificate level, 28 gained a Diploma level and 16 gained a Master’s level. The course is delivered online and taught by experienced volunteers from the UK health and education sector, who also deliver face to face tutorials during short visits to Somaliland, combined with online follow-up and assessment. It equips teaching staff with an understanding of educational theory and enhances skills in teaching and assessment, creating an effective environment for medical and nursing students to achieve relevant clinical competence. Impacts of the HPE course on teaching staff The report found that teaching staff who took part in the HPE course improved their teaching practice and assessment of medical, nursing and midwifery students. Their classes are now more interactive and practical-based; they listen to student feedback; and with new skills in curriculum development and valid assessment design, teachers now consistently plan and prepare their courses and examinations. [The HPE] changed the way we teach from spoon-feeding to actively making the students […] participate and learn and develop their personal way of learning”– Lecturer at Amoud University A number of professional and personal development outcomes for teaching staff, particularly for women, have arisen from the HPE. Increased confidence, professionalism and opportunities for career development can be seen at all three universities. And the course has had a much wider reach than originally expected, with participants inspiring many of their peers to change their approach to teaching, by sharing their learning and running trainings for their colleagues. HPE gave me brand new speakers to talk [through]. Because now I can confidently talk about how medical or health professionals should be educated and I am not afraid of it. Previously I could say this isn’t maybe my area, maybe I have to research and look into it, but now I am equipped. I can say no this is not how we do it, this is how we are supposed to do it or approach it”.– Senior Clinical Staff at University of Hargeisa Impacts of the HPE course at the institutional level The project set out to embed the HPE course and a culture of continuous professional development at our three partner universities in Somaliland. Hargeisa and Amoud Universities are now independently leading the delivery of the HPE courses to new faculty members, run by previously trained participants of the HPE Master’s degree. They have also set up Education Development Centres to host the HPE courses and active committees for evaluation, assessment and curriculum development ensure HPE lessons are being applied by all faculty. At the University of Hargeisa, the HPE course has even been rolled out across the university, benefiting faculty in other subject areas. As a result of the HPE courses, all three universities have now made changes to their policies and procedures around teaching and examination, that provide a common standard and approach to the assessment of their students, ensuring that only those students that meet an acceptable level of knowledge, skills and competencies graduate and enter the health profession. “[management] are doing improvements to harmonize the examinations. Previously every lecturer used to prepare exams the way they want, now they are trying to unify the process and have one format.”– Lecturer at Edna Adan University Download the full report here Training Somaliland’s Future Health Workforce: Strengthening the Quality of Teaching Impact Report (1.55 MB PDF) Prepared for Practice is a five-year project run in partnership between King’s Global Health Partnerships, Amoud University, University of Hargeisa, Edna Adan University, THET and MedicineAfrica. It is part of the UK aid-funded Strategic Partnerships for Higher Education Innovation and Reform (SPHEIR) programme. Qaran News
  11. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ayaa min 7 sannadood oo xadhig ah ku xukuntay afar Askari oo lagu helay in ay kufsadeen Gabadh yar oo 13 jir ah. Xukunkan ayaa saaka ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Afarta Askari oo ka tirsan Booliska Somaliland ayaa Gabadhan yar ku kufsaday degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Source
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ramiga ah ee ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana uu haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose. Ugu yaraan 4 qof oo dhalinyaro ah, kana mid ahaa dadkii la socday gaariga ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Gabi ahaan baabuurka uu qaraxu qabsaday ayaa ku burburay goobta, waxaana la sheegay in dadka la socday ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo biyo doonayey xilligaasi. Sidoo kale waxaa gurmad u fidiyey dadka ay waxyeelada soo gaartay shacabka deegaanka oo goobta kasoo qaaday meydadka dhalinyarada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin oo ay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka bixiyey qaraxaas ee ay wxyeelada kasoo gaartay dadka shacabka ah. Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, iyada oo saaka aroortii hore ciidamada Danab ay gudaha u galeen Buulo Xaaji oo ay howl-gal ka sameeyeen. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku xoogan halkaasi, waxaana inta badan ay dhabaha u galaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ay ku qaadaan weeraro khasaare geysta. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Gaari ay la socdeen shacab oo lagu qaraxiyey duleedka Kismaayo + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa maanta dib ugu soo laabtay Xamar, kadib sanado uu ka maqnaa dalka, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey xubnaha Midowga Musharixiinta. Cumar Cabdirashiid oo afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Aqalka Sare, balse dibad joog ahaa ayaa sheegay inuu ii yimid sidii uu qeyb uga noqon lahaa doorashada. Sidoo kale wuxuu si xoogan u dhaliilay qaabka ay haatan wax ku socdaan, isaga oo xusay inuu dalka u baahan yahay samata bixin, sida uu hadalka u dhigay. “Dalka xaalad qatar ah ayuu ku sugan yahay awoodii waxaa loo gacan geliyay maamulada iyo dadka doorashada ku howlan samata bixin ayuu u baahan yahay dalka,” ayuu yiri. Dhinaca kale mar wax laga weydiiyey maqnaashihiisa dalka, isaga oo ahaa Senatar aan xaadirin fadhiyadii Aqalka Sare ayaa tilmaamay in golahaas horay loo cuuryaamiyey, isla-markaana imaatinkiisa maanta uu ku soo aaday, xilli ku haboonaa oo misane xasaasi ah. “Aqalka Sare waa tii la dilay sow maaha, Aqalka Sare maba jirin intii muddo ah waxaa laga shaqeeyey in la cuuryaamiyo oo muddo ayuu cuuryaansanaa. Far kaliya fool ma dhaqdo arrintu meeshaas ma taagna imaatinkeygu waa markii ugu haboonaa,” ayuu sii raaciyey. Sharmaa’arke oo si weyn u dhaleeceeyey mar kala duwan dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa la filayaa inuu toos ugu biiro loolanka socda ee doorashooyinka, waxaana imaatinkiisa uu imaanayaa, xilli uu maran xoogan ka taagan yahay Golaha Shacabka. The post CC Sharmaa’arke oo dhaliil jeediyey, soo laabashadiisa kadib – Yaa soo dhoweeyey? appeared first on Caasimada Online.
  14. Saraakiil ka tirsan hay’adda PSF ayaa Puntland Post u sheegay in Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaan uu xilka wareejin doono. Saraakiishu waxay sheegeen, in uusan weli jirin wax wada-hadal ah oo dhexmaray dowladda iyo Agaasimaha, balse ay jiraan xiriiro dhexmaray isaga iyo Saraakiisha Maraykanka. Saraakiisha ayaa ka soo xigtay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano in ay dhammaatay arrintii u dhexaysay isaga iyo dowladda. Dhinaca kale, qaar kamid ah Isimada oo dhex-dhexaadinayay dowladda iyo PSF ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda la kulmaan dhinaca hay’adda PSF. Isimada ayaa shalay Boosaaso kula kulmay mas’uuliyiinta dowladda oo ay ku jiraan wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan Taliyaha Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Mukhtaar Jeyte. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee Is-marin-waaga ka taagan hay’adda PSF appeared first on Puntland Post.
  15. Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddigga amniga Gobolka Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka amniga Gobolka Bari ee Todobaadlaha ah. Shirka ayaa Todobaadkan waxa looga hadlay xaallada guud ee amniga Gobolka Bari iyo amniga magaalada Bosaaso waxaana laga soo saaray qodobo muhiim ah. Guud ahaan ciidamada amaanka ayaa laga bilaabo maanta waxa ay how-gallo ka fulin doonnan guud ahaan xaafaddaha magaalada Bosaaso. 2- Ciidan aan how-gal amni ku jirrin oo hubeeysan inaan lagu arrki karrin magaalada gudaheedda. 3- Guddigga amnigu waxa uu si gaar ah ulla-socddaa dadka caadeystay fallaalka kicinta iyo been-abuurka lagu kicinayo amniga bulshada waxaana lagu qaban doonaa gacan adag. Shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay dhammaan guddiga aminga Gobolka Bari. Guddoomiye Cabdisamad Abwaan, ayaa markii uu soo dhammaaday shirku ka warbixiyey qodobaddii looga hadlay shirka waxa uuna adkeeyey in laga shaqeeyo nabad-galyada iyo xasiloonida Gobolka iyo magaalada Bosaaso qof waliba masuuliyada ka saaran tahay. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Puntland oo go’aano ka soo saaray Amniga Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu Qadar ugu maqnaa maalmihii la soo dhafay. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi la socday ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar kaga qayb galay furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Carabta. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dooxa waxaa uu kulan la qaatay Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, waxaana la sheegay in ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Safarka Qadar waxaa madaxweynaha Soomaaliya ku wehelinayay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ka codsaday Midowga Musharaxiinta in ay keenaan caddeymo muujinaya in Guddigu is hor taagay in uu qabto dacwado iyo go’aano u Guddiga gaaray oo aan loo marin habraacii loo dajiyay. Guddiga Khilaafaadka ayaa u ballan-qaaday Midowga Musharaxiinta iyo dhammaa daneeyayaasha kale ee doorashooyinka in uu si daahfuran u hor keenayo dacwooyinka uu qabtay iyo sida uu ku gaaray go’aamadii uu qaatay. Guddiga ayaa warkan ku sheegay qoraal ay maanta soo saareen oo ay uga jawaabayeen eedeymaha loo jeedinayo doorashooyinka Golaha Shacabka. PUNTLAND POST The post Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka oo codsi u diray Midowga Musharaxiinta appeared first on Puntland Post.
  18. Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the recent arbitrary detentions, threats, intimidation and obstruction of access to information against local journalists in Qardho and Mogadishu by the police. Source: Hiiraan Online
  19. Jowhar (Caasimada Online) – Xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dab qabad siiyey guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla tuulooyin hoostaga degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Tuulooyinka la gubay ayaa waxaa ka mid ah Diinlaawe iyo Mansuur, waxaana halkaas isaga barakacay, ka hor inta aan la gubin qoysaskii ku noolaa oo u badnaa beeraley. Wararka ayaa sheegaya in arrintan ka dambeysan, kadib markii duleedka Mahadaay lagu dilay laba oday dhaqameed oo ka mid ahaa dadka deegaanka, balse fulinayey amar kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ahaa in la baabi’iyo beero la’isku heesto oo ku yaal halkaasi. Dilka odayaasha ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeendad beeraleyd ah oo ka carooday in la burburiyo beerahooda oo ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan, kadibna waxaa la sheegay in gudaha galeen Diinlaawe iyo Mansuur dagaalyahanada Al-Shabaab oo gubay guryo ku yaal deegaanadaas oo hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe. Qoysaska barakacay ayaa haatan gaaray deegaanada oo kale oo ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, balse aysan joojin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Shabeelaha iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan falkaasi. Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli degmooyin iyo deegaano ka heesta Al-Shabaab oo amaro adag dul-dhigta dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi. The post Al-Shabaab oo ‘gubtay’ tuulooyin hoostaga degmada Mahadaay + sababta appeared first on Caasimada Online.
  20. BELEDWEYN (HOL) - At least three siblings were killed and others injured in Beletweyne during fighting between Al-Shabaab and Djibouti forces serving under AMISOM. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay tabashada haatan golaha midowga musharxiinta mucaaradka ee ku aadan qaabka ay ku socota doorashada dalka 2021-ka. Cirro ayaa marka hore shaaca ka qaaday in ka guddi ahaan ay ka shaqeynayaa, sidii ay doorashada ku noqon laheyd mid daah-furan, wuxuuna tilmaamay in haatan waxa uu Koonfur Galbeed u joogo ay tahay xallinta cabashada ka timid kuraast qaar ee la doortay. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu ka horyimid dalabkii kasoo baxay xubnaha musharixiinta mucaaradka ee ku aadanaa in la hakiyo doorashada socota, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan jirin sabab loo joojiyo doorashada oo uu tilmaamay inay marar badan dib u dhacday. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aysan dan ugu jirin dalka iyo dowladnimada in waqti kale laga sii lumiyo dadka Soomaaliyeed. “Anigu ma arko sabab loo hakinayo doorasho in badan baa doorashada dib u dhacday waqtigeedii ayey ka dib dhacday hakin kale oo sii gashana wadanka dan uma ah, dowladnimada dan uma ah. Marka aniga iima muuqato sababo loo hakiyo doorashada,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta illaa iyo hadda ay doorashada Golaha Shacabka u guda-gali la’yihiin maamullada HirShabelle, Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna shaaciyey inay marweliba ku cel-celinayaan inay bilaabayaan qabashada doorashada . “Markasta oo xiriir na dhex-maro waxa ay sheegaan inay bilaabayaan, ayna u diyaarsan yihiin marka intaa wax ka badan ma jiraan,” ayuu sii raaciyey guddoomiyuhu. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay qabashada doorashada Golaha Shacabka oo ay cabasho ka keeneen xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka oo hoggaanka Villa Soomaaliya ku eedeyey inay ku shubaneyso doorashada. The post Guddiga doorashooyinka oo ka horyimid dalabkii midowga musharixiinta appeared first on Caasimada Online.
  22. Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay xilli dambe gudaha magaalada dagaal uu ku dhex maray ciidamada dowladda iyo Ururka Al-shabaab. Weerarka ayaa ka dhacay saldhig ciidamada Jabuuti ku leeyihiin galbeedka magaalada Baladweyne. Xubna ka tirsan ururka Al-shabaab oo hoobiyayaal ku soo tuuray magaalada ayaa lagu soo waramaya in ay ka dhasheen qasaaro Naf iyo maal ah. Inta la xaqiijiyay laba dhalinyaro ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay hoobiye ku soo dhacay guri ay daganaayeen. Ciidamada dowladda ayaa sheegay iska caabiyeen al-shabaabki weerarka soo qaaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com