-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mekele (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya ayaa mar kale weerar dhanka cirka ah ku qaaday Magaalada Mekelle ee caasimadda u ah maamulka Tigrayga ee dagaalka ku jiro ciidamada Dowladda. Diyaaradaha Itoobiya ayaa duqeynta la beegsaday bartamaha magaalada, halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka TPLF iyo dad shacab ah. Muuqaallo lasoo duubay marka ay duqeynta ka dhacday magaalada Mekelle kadib ayaa laga arkayey qiic madow oo cirka isku shareeray, waxaana goobaha ay diyaaradaha duqeeyeen kamid ah goobo ganacsi. Illaa hadda si rasmi ah looma ogo khasaaraha ka dhashay duqeynta maanta dhacday, waxaana la xaqiijiyey inay gubten goobo ganacsi. Baabuurta dambi damiska ee maamulka Tigray-ga oo gurmad ahaan usoo gaaray goobaha la duqeeyey ayaa ku guuleytay inay damiyaan dabka. Waa markii labaad oo isbuucan gudihiisa ay diyaaradaha dowladda Itoobiya duqeymo ka geystaan magaalada Mekelle. Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku eedaynaya dowladda Itoobiya in ay xasuuqayso dad shacab ah, wuxuuna weli Abiy u adkeysanayaa inuu sii wado dagaalka uu kula jiro maamulka Tigreyga oo hadda gacanta ku hayo maamulkooda. The post Sawirro: Ciidanka Itoobiya oo mar kale si xun u duqeeyey caasimadda TIGRAY-ga appeared first on Caasimada Online.
-
Todobaadkii hore Warbaahinta Shiinaha, ayaa baahisay War ay ku sheegayso in Dawladda Taiwan jid khaldan u marayso inay sii xoojiso xidhiidhka diblumaasiyasadeed ee ay la leedahay Somaliland. Wargeyska Global Times oo Shiinaha laga leeyahay, ayaa sheegay in Taiwan ay lacago laaluush ah siisay Siyaasiyiinta Somaliland, arrintaasi oo meel ka dhac ku ah Sumcadda Taiwan ee dunida Dimuqraadiga ah. Laakiin, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan, ayaa cambaaraysay Wargeyska Global Times ee dalka Shiinaha, kaasi oo faafiyey wararkaasi oo ay ku sheegtay inay been abuur yihiin. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan Joanne Ou oo War-saxaafadeed soo saartay, ayaa sheegtay inaan waxba ka jirin Warka uu baahiyey Global Times ee sheegaya in Taiwan laaluushtay Siyaasiyiinta Somaliland, balse markii ay Taiwan iyo Somaliland is-dhaafsadeen xafiisyadooda dublamaasiyadeed ay labada dawladood bilaabeen mashaariic iskaashi oo daah-furan, sida Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada, Daawooyinka, si kor loogu qaado nolosha dadka Somaliland, sida ay sheegtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan. Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan Joanne Ou, waxay sheegtay in War-bixinta Global Times tahay been-abuur isla-markaana looga gol leeyahay waxay ugu yeedhay ‘in lagu sumeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan..” waxayna ku baaqday in laga fogaado Wararka uu qoray Global Times Hase-yeeshee, War-bixin dabagal ah oo uu warkaa hore ka dib ay qortay Warbaahinta New Bloommag, ayaa lagu sheegay in qorsheyaasha uu Shiinuhu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu intaa ka sii badan karo, suurto-galna tahay inuu Tallaabo muuqata qaado. Warbaahinta Bloommag, ayaa War-bixinta dabagalka ee ay qortay ku tidhi “Waxa kale oo laga yaabaa in dawladda Shiinuhu qaado tallaabooyin kale oo looga golleeyahay in lagu carqaladeeyo xidhiidhka ay Taiwan la leedahay Somaliland, Tallaabooyinkaasi oo ay ka mid tahay in la isku dayo in lagu qasbo Soomaaliya tallaabo ka dhan ah Somaliland..” Warbaahinta Bloommag oo War-bixinteeda ku xustay in qorsheyaasha Shiinaha ee uu ku carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ay badan karaan, ayaa qoray “Tan waa la arki doonaa.” Source
-
Puntland iyo Madaxa Mashruuca JPLG oo kulan gaar ah yeeshay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayo madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya Paul Simkin. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka ee Puntland ka socda , sidii la iskagakaashan lahaa Maamul baahinta guud ee degmooyinka iyo doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Puntland. Gabagabadii Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda ayaa uga mahadceliyey wada-shaqaynta buuxda ee ka dhexeeysa Dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta ku ah mashruucaan waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay Dowlad ahaan joogtaynta iyo sare u qaadista mashruuca. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Madaxa Mashruuca JPLG oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post. -
Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gubeen oo ay dab xoogan qabad-siiyeen gaari Dameero raashin waday, kuna sii jeeday magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen. Wararka ayaa sheegaya in illaa sagaal gaari Dameer ay gubeen xoogaga Al-Shabaab, iyaga oo u galay duleedka degmada Waajid ee gobolkaasi. Gaari Dameerada la gubay ayaa sidday raashin noocyo kala duwan leh, waxayna ku socdeen magaalada Xudur ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inay goobta ka baxsadeen, iyaga oo nabad qaba dadkii waday raashinkaasi, ka hor inta aysan soo gaarin Al-Shabaab. Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa gurmad u tegay halkaasi, iyaga oo dagaal la galay kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay gaaari Dameerada la gubay ayaa sheegay in falkaas kadib ay khasaare gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kadib markii ay kula dagaalameen inta u dhexeysa degmooyinka Waajid iyo Xudur ee Bakool. Ma’ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Xudur iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah. Bakool ayaa ka mid ah gobollada dhaca koonfurta dalka, isla-markaana ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. The post Sawirro: Al-Shabaab oo gubay raashin loo waday shacabka XUDUR appeared first on Caasimada Online.
-
Torino (Caasimada Online) – Cabdullaahi Axmed Macallim oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa noqday qofki ugu horreeyay oo muhaajir ah oo loo doorto xildhibaan ka tirsan Golayaasha Deegaanka ee dalka Talyaaniga. Cabdullaahi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ku soo baxay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino oo ku taalla Waqooyiga dalka Talyaaniga. Sidoo kale waxa uu noqday musharraxa ugu codka badan Golaha Deegaanka ee la doortay iyo ajnabigii ugu horreeyey muddo 25 sano ah. Mr Cabdullaahi ayaa haatan helay fursad weyn oo uu ku metali doono shacabka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga. Guushiisa ayaa ka dambeysay, kadib markii ay soo sharraxeen xisbiga Dimoqraadiga ee dalkaasi, isaga oo isniintii ku guuleysay ka mid noqoshada Golaha Deegaanka. Waxaa sidoo kale guushiisa soo dhoweeyey Soomaalida oo si aad ah ugu hambalyeeyey, waxaana baraha bulshada ka socda dabaal-deg lagu muujinayo guushiisa. Arrinta xiisaha usii yeeleysa guusha Cabdullaahi Axmed Macallin ayaa ah in doon uu ku galay dalka Talyaaniga, isaga oo tahriib ahaa sanadkii 2008-dii. The post Soomaali Tahriib ku galay Talyaaniga oo xil sare loo doortay appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo ay ku sugan yihiin ciidamada daraawiishta ee Jubbaland. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, wuxuuna dagaalka socday muddo saacado ah. Ugu yaraan hal askari ayaa ka dhintay weerarkaas, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo ka tirsanaa isla ciidamada daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi, isla-markaana ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland oo howl-gallo wada. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. The post Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.
-
In Somalia seaport competition is the latest political fad. The fact that predominantly nomadic social groups have laid claim to national infrastructures points to a belated attempt to make up for lost economic opportunities due to the collapse of state in 1991. It is difficult to foresee what economic goals can be attained through the control of key infrastructures such as seaports by subnational entities. From clockwise: Hobyo jetty, Kismayo Port, Bosaso Port and Berbera Port. Economic development takes off in a post-conflict context when the state exerts full authority in its territories. The case of Ethiopia between 1991 and 2014 provides an example about what an institutionally strong national government can implement and how it can liaise with donors and multilateral organisations. “World Bank has invested more than $2 billion since 1991 to help Ethiopia address its infrastructure gap? This investment has helped Ethiopia to improve the quality of its roads and increase the size of the road network from under 20,000 km in 1991 to over 144,000 km in 2020” the World Bank Ethiopia office tweeted in 2020. The 620% increase in Ethiopia’s road network has translated into economic opportunities in the form of direct foreign investment and remarkable growth between 1991 and 2014. The collapse of state deprived Somalia of economic development opportunities. The self-help-based reconstruction that people, who fled to one-time backwater parts of the country, have embarked upon is commendable, but should never be used as a reason to valorise the weak state argument that liken Somalia to a polity of clan mini-states operating without a sovereign authority. For the last five years Somalia has been positioning itself as a potential exporter of fish to Ethiopia — all from Bosaso, Mogadishu, Kismayo and planned Hobyo, Eyl and Heis fishing ports. Additionally, Ethiopia has bought shares of the DP World Berbera Project. There is only so much fish that Ethiopia can buy from Somali authorities. Without a national economic development strategy, Somalia’s seaports will become white elephants consuming resources that could be channelled into other productive sectors. If a subnational entity (Federal Member State) devises economic development plans without harmonising it with other central stakeholders, the outcome will lead to lost economic opportunities and wasted resources. National seaports will lose their economic potential if their ownership structure becomes synonymous with clan ownership. Bosaso Port gives an example about what can happen when questionably communal seaport ownership replaces state ownership. Puntland claims that the Federal Government of Somalia opposes the agreement that the Garowe-based administration signed with DP World in 2017. Only when Somalia ended the transitional period (2004-2012), have Somalia’s seaports paradoxically become vulnerable to take-over by foreign companies without the imprimatur of the Federal Government of Somalia. State control of key infrastructures such as seaports in a country recovering from a civil war is premised on two principles: 1- infrastructures were built in the name of Somalia, and 2- all Somali citizens have equal rights to collective ownership of infrastructures through the state in the absence of credible privatisation programme. Getting all political stakeholders to sign up to these two principles will lay the foundation stone for an accountability-based approach to running national infrastructures. To attain this goal political mistakes made by Somali leaders after the end of the transition must be rectified. In 2012 Somalia formed a fully recognised government with powers to sign agreements with foreign companies without its writ running in all parts of the country. Limiting the powers of the Federal Government until Somalia develops politically accountable institutions would be a first step towards achieving the abovementioned goal. Political authority is inseparable from political accountability. Any Somali government that exercises the privilege to sign an agreement with a foreign company must be accountable to Somali citizens through institutions that enjoy wider political legitimacy domestically, not solely recognition from foreign countries. The state-building model that Somalia adopted after 2011 had yielded unsavoury political outcomes that undermine the sovereignty of Somalia and make the nation state dependent on foreign peacekeepers indefinitely. Does this mismatch between the sovereignty and lack of state control of national infrastructures result from political myopia or donors’ conflicting interests? Whatever the cause of the lop-sided, post-conflict economic development initiatives in Somalia, it is important to figure out whether Somalia needs to put in place measures to prevent post-conflict reconstruction programmes from further deepening anti-state and anti-sovereignty sentiments espoused by some Somali politicians.Somalia needs a state-building model that forges a common stand on collective ownership of national infrastructures in place of the fiefdom-based attitude towards post-war development initiatives. Liban A. Ahmad Libahm@gmail.com The post SEAPORTS CANNOT BECOME A COMPETITIVE ADVANTAGE FOR SOMALIA appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Torino)-Wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Cabdillaahi Axmed Macalin oo ah Soomaali ayaa loo doortay Golaha deegaanka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga. Cabdilllaahi ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1988, waxaana sanadkii 2008-dii uu qaab soo galooti ah ku tagay jaziirada Lampedusa, sanadkii 2016 ayuu qaatay dhalashada dalka Talyaaniga, sidoo kale sannadkii 2014 ayaa loo aqoonsaday Muwaadin sharafeed magaalada uu deganaa. Doorasho ka dhacday magaalada Torino ayuu Cabdillaahi ku guuleystay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino ee Waqooyiga dalka Talyaaniga, isagoo ka mid ahaa xisbiga Dimuqraadiga. Source
-
Haweenka Puntland oo shir ku yeeshay Caasimadda Garoowe aya si adag uga horyimid Xeerkii lagu mamnuucay Gudniinka Gabdhaha oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland. Xeerkan oo muran iyo dood xooggan ka dhaliyay gudaha Puntland ayaa gebi ahaanba meesha ka saaraya in noocyada kala duwan ee Gudniinka Gabdhaha. Haweenka ku shiray Garoowe ayaa ka dalbaday Madaxweyne Siciid Deni in laga laabto Xeerka oo sida ay sheegeen Diin la’aan horseedaya. Xeerka ayaa haatan sugaya in ay ansixiyaan Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Haweenka Puntland oo ka horyimid Xeerkii lagu mamnuucay Gudniinka Gabdhaha appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa fashil ku soo dhammaaday waan-waantii laga dhex waday Ahlu Sunna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug, si loo qaboojiyo xiisadda dagaal ee haatan ka taagan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in fashilka uu yimid, kadib markii ay Ahlu Sunna ka laabatay go’aankeedii hore ee ahaa in ciidamadeeda laga saaro magaalada iyo in gaadiidkii ay ka qabsatay Galmudug wareejiso, sida ay ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa ka biyo diiday in Guriceel lagu soo celiyo maamulka magaaladaasi ee dhinaca Galmudug, sida aan xogta ku helnay. Waa-waantan ayaa waxaa waday odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Galmudug, waxaana gabi ahaan hakad galay dadaalladii socday. Arrintani ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee haatan ka taagan gobolka Galgaduud, taas oo u dhexeyso Ahlu Sunna iyo Galmudug. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Guriceel ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo. Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay haatan xirtay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa magaaladaasi. Ciidamada dowladda ayaa dhankooda isku hareereeyey Guriceel, waxayna wadaan guluf dagaal oo ka dhan ah Ahlu Sunna Waljamaaca. The post XOG: Maxaa fashiliyey waa-waantii laga dhex waday Ahlu Sunna iyo Galmudug? appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Djibouti Rolls Out COVID-19 Vaccinations for Migrants Around 70 migrants have received jabs since the vaccination drive began on 12 October and it will continue till at least the end of the year DJIBOUTI CITY, Djibouti, October 19, 2021/ — Migrants in Djibouti are being vaccinated against COVID-19 for the first time, as the International Organization for Migration (IOM) works with the Government to support the national immunization effort. Since the start of the COVID-19 vaccine roll-out globally, IOM has been advocating for the inclusion of migrants and Djibouti is one of the first countries in the region to initiate a campaign for them. Around 70 migrants have received jabs since the vaccination drive began on 12 October and it will continue till at least the end of the year. The move is a crucial step towards protecting and safeguarding migrants across the East and Horn of Africa region, since Djibouti is one of the main transit countries for tens of thousands of migrants who attempt to leave the continent each year to find work, mainly in the Gulf countries. More than 112,000 migrants passed through Djibouti in 2020 according to IOM’s Displacement Tracking Matrix, despite the reduced mobility caused by the pandemic. The country is also a destination for thousands of stranded migrants, and those fleeing the conflict in Yemen. They often travel and live in overcrowded and makeshift settings, which disproportionately exposes them to COVID-19 and other health risks. Migrants also often have little access to COVID-19 prevention tools, such as reliable information, masks, sanitizer, clean water, and access to health services. Migrants in Djibouti are receiving the vaccine at the Migration Response Centre (MRC) in Obock, one of several in the region where those in difficulty are assisted with shelter, food and health care, among other services. Nearly 1,000 migrants have sought and received support at the MRC in Obock, in the first half of this year. “We’ve called on the local population, including migrants, to actively participate in the vaccination drive and reminded them that the vaccine is still the most effective way to protect yourself and those around you,” said the mayor of Obock, Abdoulmalik Mohamed Banoita. IOM is also working to counter hesitancy and misconceptions around immunization, by conducting sensitization sessions in various languages. “The inclusion of migrants in the vaccine roll-out shows the Government of Djibouti’s commitment to include some of the countries’ most vulnerable people in their response to the COVID-19 pandemic,” said Stéphanie Daviot, IOM’s Chief of Mission in the country. “We are grateful to the Government for its commitment and partnership with IOM to provide assistance of this nature to migrants and help reduce the spread and impact of this disease.” Djibouti has had more than 13,100 confirmed cases of COVID-19 and over 170 people have died since the start of the pandemic. Earlier this month IOM, the Ministry of Health, and other technical partners, launched an accelerated vaccination campaign with the objective of vaccinating 25 per cent of Djibouti’s population of about 1 million people. This target includes vulnerable population groups such as migrants and refugees. The hope is that with the inclusion of migrants and communities on the move in the vaccine roll-out, the number of cases and negative impact of COVID-19 will be reduced. IOM is supporting the Ministry of Health in its vaccination roll-out in the different regions of the country within the framework of the East and Horn of Africa COVID-19 Strategic Response and Recovery Plan for 2021 and with funding from the Swiss Agency for Development and Cooperation (SDC) and the Bureau of Population, Refugees and Migration (PRM) of the US Department of State. SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista berri ah ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar halkaas oo uu kaga qayb-galay ololaha u dambeeya ee ururkiisa KAAH ka samaynayo Qardho. Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu maalinta berri ah socdaal ku maro tuulooyin kala duwan oo ka tirsan degmada Qardho islamarkaana ka sameeyo ololaha urur siyaasadeedka xukuumadda ee KAAH. Madaxweyne Deni ayaa sida qorshaysan 25-ka bishaan degmada Qardho ka daah-furi doono doorashada hordhaca ah ee hannaanka xisbiyada badan oo ka dhacaysa saddexda degmo ee Qardho Eyl iyo Ufayn. Puntland oo la as’aasay 1998-dii ayaa doonaysa in ay markii u horraysay u gudubto doorashooyin ku dhisan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo berri ku wajahan magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Dadkii tareenkii la saarnaa gabadh lagu dhex faraxumeeyay gudaha tareenka ee ku guuldareystay inay caawiyaan gabadha ayaa la sheegay inaysan u badnayn inay wajihi doonaan dacwado dambiyeed, sida laga soo xigtay xeer -ilaaliyeyaasha maxalliga ah. Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya in dadkii ka ag dhawaa ee tareenka “aysan waxba sameyn” markii weerarka uu dhacayay, sida ay sheegeen saraakiisha gaadiidka. Booliisku waxay hore u soo jeediyeen in dadka rakaabka ah ee laga yaabo inay duubeen dhacdada in dacwad lagu soo oogi karo. Nin ayaa loo xiray dhacdadaas oo hadda wajahaya dacwado kufsi Kufsiga la sheegay inuu ka dhacay Arbacadii lasoo dhaafay tareen uu leedahay maamulka gaadiidka ee koonfur -bari Pennsylvania (Septa) ee dalka Mareykanka. Bayaan ay soo saartay, Septa waxay ku sheegtay “inay tareenka saarnaayeen dad kale oo arkayay falkan argagaxa leh, waxaana suurogal ahayd in si dhaqso ah loo joojin karay haddii qof tareenka saaran uu waci 911”. Mid ka mid ah shaqaalaha Septa oo tareenka saarnaa ayaa wacay booliiska, kaawaas oo dhibbanaha geeyay isbitaal xabsigana dhigay qof lagu tuhunsan yahay inuu geystay falka foosha xun. Eedeysanaha – oo magaciisa lagu sheegay Fishton Ngoy oo 35 jir ah – ayaa hadda wajahaya dawado la xiriira kufsigaasi iyo dhowr dacwadood oo kale. Jilaa caan ka ah Hindiya oo kufsi loo haysto Kumannaan ruux oo ka mudaaharaaday xukun kufsi Sadex sano jir maxkamad ka hor caddeysay kufsi loo geystay Dhibanaha ayaa la geeyay isbitaalka waxayna hataan booliska kala shaqeynaysaa kiiska. Shir jaraa’id oo ay qabteen Isniintii, ayay boolisku waxay ku sheegeen inaysan rumaysnayn in markhaatiyaashii ay waceen 911 maadaama haweeneyda la dhibaateeynayay muddo ka badan 40 daqiiqo. Ma cadda inta qof ee kale ee saarnaa gaariga tareenka ah markii uu shilku dhacayay. Baarayaasha ayaa sidoo kale eegaya bal in qaar ka mid ah dadkii goobta joogay ay duubeen weerarka iyo sida uu u dhacay. “Waxaan kuu sheegi karaa in dadku taleefankooda kor u hayeen oo ay u weecinayeen dhanka haweeneyda la kufsaday ,” ayuu yiri taliyaha booliska Septa Thomas J Nestel Isniintii. Timothy Bernhardt, oo ah kormeeraha Waaxda Bilayska ee Upper Darby , ayaa laga soo xigtay New York Times isaga oo sheegaya in dadkii ag taaganaa oo caawin waayay gabadha la faraxumeeyaynay ay wajihi karaan dacwado dambiyeed haddii ay duubeen dhacdada. Go’aanka kama -dambaysta ah ee dambiyada suurtagalka ah, ayuu yidhi, waxay ku xirnaan doontaa xafiiska qareenka degmada Delaware marka ay dhammayso baadhitaanka. In kasta oo Mr Bernhardt uusan cayimin dacwadaha ay markhaatiyadu wajahi karaan, haddana wuxuu sheegay inay aad u adkaan doonto in dacwad lagu soo oogo kuwa “arkay weerarka laakiin aan caawin. Isagoo ka jawaabaya su’aalaha BBC -da, afhayeen u hadlay xafiiska xeer ilaaliyaha degmada ayaa sheegay in inta baaritaanku socdo, “waqtigan xaadirka ah aan la fileyn in dacwad lagu soo oogi doono rakaabkaasi.” Kevin McMunigal, oo hore u ahaa xeer -ilaaliye federaal ah, ahna barafisoor sharciga ka dhiga Jaamacadda Case Western Reserve University, ayaa BBC -da u sheegay in inta badan gobollada Mareykanka dadka ka agdhaw aysan wax sharci ah ku lahayn inay farageliyaan ama caawiyaan haddii aysan lahayn “waajibaad gaar ah” oo ah inay sidaas sameeyaan, sida waalidiinta, macalimiinta, daryeelayaasha ama saraakiisha booliiska. Mr McMunigal wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in kiisaska sida kan Philadelphia ay yihiin wax naadir ah. “Inta badan xaaladaha soo ifbaxa ee dareenka dadweynaha, waxaa fiican in qofku uu wax ka qabto, ama ugu yaraan uu waco 911, “ayuu yiri. Tamara Rice, oo ah barafisoor sharciga ka dhiga Jaamacadda Miami, ayaa sheegtay inay macquul tahay – balse aysan dhici karin – in dacwad oogayaasha ay dacwad ku soo oogi karaan dadkii ag taaganaa ee duubayay falka. Qaran News
-
Alle ha u naxariistee, waxa xalay Salaadii Maqrib ku geeriyooday Masaajid ku dhex yaala Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa Marxuum Ibraahim Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam), oo ahaa Agaasimihii Guddida doorashooyinka u qaabilsanaa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha. Komishanka doorashooyin ee uu marxuumku la shaqayn jiray ayaa ka warramay taariikhdii Marxuumka iyo doorkii uu ka soo qaatay geeddi socodkii doorashooyinka dalka, waxaanay qoraal ay soo saareen ku yidhaahdeen sidan. “Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL(Guddomiyaha, Guddomiye ku Xigeenka, Xubnaha Komishaneerada, Agaasimaha Guud, Dhamaan shaqaalaha KDQ iyo Xubnihii Komishanadii kala duwanaa ee soo maray KDQ) waxa ay tacsi tiiraanya leh u dirayaan Qoyskii, Eheladii iyo Qaranka JSL Marxuum Xaji Ibraahim Xaaji Abdilaahi Diiriye (Gamgam) oo ahaa Agaasimaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qaranka JSL oo maanta salaadii makhrib isagoo guddanaaya ku geeriyooday Misaajidka Hotel Maansoor. Marxuum Ibraahim waxa uu ka shaqaynaayey 20kii sano ee u danbeeyey Doorashooyinkii kala dambeeyey ee ka qabsoomay JSL waxaanu ku suntanaa Hanaanka Dimuquraadiyada ee ka hirgelay dalkeena JSL Marxum. Ibrahim waxa uu waxabarashadiisii hoose dhexe ku soo dhamaystay Schoolka Sheekh, Dugsigiisii sarana waxa uu ku qaatay Dugsiga Sare ee Camuud (1960) halka uu Waxbarashadiisii Heer jamacadeed (First Degree iyo Second Degree) waxa uu ku qaatay Manchester University (UK) BA iyo MA(Economy) Waxa uu xilal duplamasiyeed oo kala duwan ka soo qabtay Dowladii Somalia oo uu shaqadiisii u dambaysay ahaa Qunsulka Washiton u fadhiya Somalia(1985) . Intaa waxii ka dambaysa Waxa uu ahaa UN International Staff oo uu 22 Dal oo kala duwan uga soo shaqeeyey isagoo xafiiska UN Economic Commission Marxuumku waxa uu ahaa Aqoonyahankii qurbaha uga yimid Shirkii lagu go’aansanaayey dib ula soo noqoshada JSL 18 May 1991 ee ka qabsoomay Burco Marxuumku waxa uu ka tagay 2 caruura oo uu dhalay, Xaas iyo 7 caruura oo uu awow u yahay. Marxuumku waxa kale oo uu ahaa Ehludiin ku sifoobay sunihii Nabigeena SCW iyo dhaqankeena suuban Illaahayna waxaan uga rajaynaynaa in uu Janada ka waraabiyo su’ashana u dhib yareeyo. Aamin Aamin Source
-
COVID-19 deaths in Somalia were at least 32 times higher than the figures reported by the government during the early months of the pandemic, according to a new study. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii uu la wareegay xilka waxaa uu wajahayey xujooyin dhowr ah, ayada oo middii ugu adkeyd ee doorashada uu qarka u saaran yahay inuu ka gudbo. Waxaa xilligaan muuqata in uu miro-dhalayo dadaalkii Rooble ee doorashada oo bishii May ee sanadkaan uu hogaankeeda kala wareegay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isaga oo la kulmay culeys iyo cago jiid dhinacyo badan ah. Maamulka Jubbaland ayaa shalay soo dhameystiray xubnihii ku harsanaa ee Aqalka Sare, ayaga oo ka jawaabaya baaqa Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena maalmaha soo socda ayaa lagu in Galmudug ay shaaciso liiska labada xubnood ee ka dhiman xubnaha ku meteli doona Aqalka Sare. Beesha Caalamka ayaa garab weyn u noqday dadaalada Rooble, ayaga oo u arka in uu yahay shaqsiga keli ah ee ka go’an tahay hanaanka doorashada iyo inay waqtigeeda ku dhacdo. Rooble ayaa lagu wadaa in 48 saac ee soo socda uu shir khadka telefoonka ah uu la qaato madaxda maamul goboleedyada, isagoo ka doonaya in muddo sax ah loo sameeyo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday. Xogta ayaa intaas kusii dareysa in maamulka Jubbaland uu markale noqon doono maamulkii u horeeyay ee qabta doorashada Golaha Shacabka, ayada oo sidoo kale lagu wada inay ku xigi doonaan HirShabelle iyo gobollada Waqooyiga. Inkasta oo lacagihii lagu qaban lahaa doorashada Golaha Shacabka aan la wada helin, ayaa haddana waxa la xaqiijiyey inay taalo lacag yar oo lagu sii bilaabi karo howshaas, waxaana la filayaa in beesha caalamka ay deg deg u bixin doonaan dhaqaalah dhiman haddii ay arkaan dhaq-dhaqaaq dhab ah oo ku aadan doorashadaas. Rooble ayaa haddii uu ku guuleysto in labo maamul goboleed ka bilaabo doorashada Golaha Shacabka ka hor bisha 12-aad, waxay ka dhigan tahay inuu toos u dhaqaajiyey tareenka doorashada, wuxuuna sidaas kaga gudbi doona xujadii ugu weyneyd ee xiliga kala guurka. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xilligan shaqadiisa u weyn tahay in dalka ka gudbiyo xilliga adag iyo inuu qabto doorasho cadaalad ah, ayaa waxaa muuqata in dulqaadkiisa uu ka gudbinayo xarag-jiidkii maamul goboleedyada ee doorashada Golaha Shacabka iyo hagar-daamooyinka Farmaajo. The post R/W ROOBLE oo u muuqda inuu ka gudbay xujadii ugu adkeyd ee hor-taallay – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah dhegeysanaya khudbadaha xubnaha u tartamaya Aqalka sare ee laga soo doorto maamulkaas. Musharrixiintaas oo gaaraya 8 Xubnood ayaa ku tartami doona Afarta Kursi ee Jubbaland uga harsan 8 kursi uu Maamulka Jubbaland ku leeyahay Aqalka Sare. Musharixiinta Aqalka Sare ee khudbadaha ka hor jeedin doono Baarlamaanka Jubbaland oo 5 kamid ah Dumar yihiin ayaa waxaa magacyadooda ay kala yihiin. 1: Layla Nuux Maax Xareedo Maxamed Sheekh 2:Tbrahim Awgaab Cismaan Farxiya Macalim Cabdi 3: Maryan Faarax Kadiye Samsam Maxamed Bishaar 4: Xasan Daahir Yarow Cali Maxamed Cali Maalinta Berito oo khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 21 Bisha Octoober ayaa la filayaa in ay magaalada Kismaayo ka dhacdo doorashada Afarta Kursi ee Aqalka sare uga harsan Maamulka Jubbaland. PUNTLAND POST The post Hadal-jeedinta Musharrixiinta Aqalka sare oo maanta ka dhacaysa Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Burcad ah hubaysan oo dhowaan waddanka Haiti ku afduubtay wadaaddo masiixiyiin ah oo u dhashay Mareykanka iyo Canada ayaa dalbaday in la siiyo lacag madax-furasho ah oo gaareysa 17 milyan oo dollar. Wasiirka Caddaaladda Haiti, Liszt Quitel ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ay socdaan wadahallo ay saraakiisha dowladda la leeyihiin kooxda burcadda ah ee dhamaadki todobaadki tagay magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince ka afduubatay 17-ka wadaad ee faafinayay diinta masiixiga. Sida uu wasiirkan xaqiijiyay, kooxdan burcadda ah oo isku magacawday 400 Mawozo ayaa dalbatay in qofkiiba laga siiyo lacag madax-furasho ah oo gaareysa hal milyan oo dollar. Wargeyska Wall Street Journal iyo telefishanka CNN ayaa labaduba xaqiijiyay lacagaha ay dalbadeen burcadda. PUNTLAND POST The post Burcad Afduubtay Muwaadiniin Mareykan u badan oo dalbatay $17Milyan appeared first on Puntland Post.
-
Somali Attorney General Suleiman Mohamed Mohamud on Tuesday warned that the Horn of Africa country will no longer tolerate foreign vessels that come to its sea to illegally fish, cautioning that ships would be seized. Source: Hiiraan Online
-
London (Caasimada Online) – Waxaa weli socda baaritaanka lagu hayo dilka xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo Jimcihii lagu dilay mindi, ayada oo dilka loo qabtay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Xarbi Cali. Dambi-baarayaasha ayaa hadda isku dayaya inay ogaadaan qofkii ugu horreeyey ee Cali uu taleefonkiisa ka wacay isla markii uu dilay xildhibaan Amess. Ilo-wareedyo amni ayaa wargeyska The Times u sheegay in Cali uu durbadii uu dilay xildhibaanka lasoo baxay taleefonkiisa kadibna wacay ama fariin qoraal u diray qof hadda la isku dayayo in la aqoonsado. Xitaa iskuma dayin inuu goobta ka baxsado. “Xiriirka uu isku dayey inuu sameeyo daqiiqaddaas waa faah-faahin muhiim ah. Dambi-baarayaasha waxay isku dayayaan inay ogaadaan qofkaas uu la xiriiray,” ayuu yiri il-wareedka. Arrimaha ay suurta-galka tahay ee la eegayo waxaa ka mid ah haddii qofka uu Cali la xiriiray uu wax ka ogaa dilka. Dhinaca kale, Cali ayaa lagu warramay inuu toddobaad kahor dilka sameystay ballan uu uga qeyb-galo kulanka uu xildhibaan David Amess la yeelanayey dadka soo doortay ee deegaanka Leigh-on-Sea, oo ah goobta dilka uu ka dhacay. Xog kale ayaa sheegeysa in sababta fududeysay in la beegsado Amess ay tahay ayada oo kulankaas lagu xayeysiiyey baraha bulshada. Dambi-baarayaasha ayaan weli helin sabab kale oo loo beegsaday David Amess. Cali ayaan isku dayin inuusan wax ballan ah la sameysto xildhibano kale. Wargeyska Telegraph ayaa qoray in inkasta oo kulanka loo ogolaa kaliya dadka degan Leigh-on-Sea, haddana Cali uu shaqaalaha xildhibaanka u sheegay inuu halkaas usoo guuri doono, sidaas darteedna uu doonayey inu xildhibaanka kala hadlo arrimaha ay ka mid yihiin daryeelka caafimaad. The post Yuu ahaa qofkii uu durba wacay Cali Xarbi Cali kadib dilkii xildhibaan David Amess? appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia and the United Nations on Tuesday called for local action to improve the systems that produce and distribute the food in the country. Source: Hiiraan Online
-
Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa si rasmiya u xaqiijisay, in taliska Pyongyang uu tijaabisay gantaal baalistik ah oo laga tuuray gujis. Tijaabadaas ayay khubarradu ku tilmaameen in Kuuriyada Waqooyi ay ka damacsantahay in ay si deg deg ah u howlgeliso gujisyada xambaaro gantaallada. Warka kasoo baxay Warbaahinta Xukuumadda Pyongyan ayaa yimid, maalin kaddib marki ay Kuuriyada Koofureed sheegtay,in ay rumeysantahay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal laga tuuray gujis yaalla xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi. Dowladda Mareykanka ayaa ku boorrisay Kuuriyada Waqooyi in ay joojiso daan-daansiga. Afhayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa Talaadadi shalay sheegtay, in Dowladda Mareykanka ay u furantahay in ay wadahadallo diblamaasiyadeed kala gasho Kuuriyada Waqooyi, barnaamijkeeda Niyukleerka. PUNTLAND POST The post Kuuriyad Waqooyi oo mar kale tijaabisay gantaalo appeared first on Puntland Post.